Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Ciidamo Boolis ah Oo la wareegay fariisimihii Ciidanka Xasilinta

0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamada Xasilinta ee bilihii ugu dambeeyay ku sugnaa Isgoysyada M/ Muqdisho ayaa laga saaray qeybo ka mid ah Caasimadda.
Koontaroolada ay ku sugnaayeen Ciidamadaasi ayaa lagu wareejiyay Ciidamo Boolis ah oo ka howlgali doono fariisimahaasi.
Illaa iyo hadda lama shaacin sababaha Ciidamada Xasilinta looga raray goobahaasi, balse waxaa loo badalay meelo oo ay ka mid tahay Waddada Warshadaha ee M/ Muqdisho.
Tallabadan ayaa ku soo aadeysa, xilli Jimcihii la soo dhaafay laba qarax oo loo adeegasay lagu weeraray fariisimo Ciidamadaasi ay ku lahaayeen gudaha magaalada Muqdisho.
The post Ciidamo Boolis ah Oo la wareegay fariisimihii Ciidanka Xasilinta appeared first on Shabelle.


Guulaha iyo in uu noqdo raiisal wasaaraha ugu...

0
0

XASAN CALI KHEYRE RAISAL WASAARIHII UGU WAQTIGA DHEERAA WAXA UU XILKA HAYAA SANAD IYO WAX LA JIRO , RAGII ISAGA KA HOREEYAY EE XILKAN SOO MARAY MA DHAAFI JIRIN LIXDA BILOOD EE UGU HOREYSA SANADKA KOOWAAD OO XILKA LOO MAGACAABO .GUDOOMIYAHA BARLAMANKA IYO MADAXWEYNAHA AYAA INTA BADAN LOO SABABEEYAA IN UU SHAQADIISA GUDAN WAAYO ASAGOO LAGU QASBO IN UU IS CASILO.
XASAN CALI KHEYRE WUXUU KA FOGAADAY QILAAF SOO KALA DHEX GALA ASAGA IYO MADAXWEYNAHA.
TAA BADALKEEDA WAXA UU KA SHAQEYN WAAYEY GUDOOMIYAHA BARLAMANKA IYO TIRO YAR OO XILDHIBAANO AH OO MAR WALBA KU GOODIYA IN MOOSHIN KA KEENAYAAN.
ISKU SOO WADA DUUBBIYO INTEYSAN KU SOO GAARIN AYAA LAYSKA MOOSAA.
XASAN CALI KHEYRE WUXUU KU GUULEYSTAY IN MOOSHINKA UU UGA HORMARO GUDOOMIYAHA BARLAMANKA
TAASINA WAA DHACDAY SI EY KU DHACDABA
XASAN CALI KHEYRE WAXA UU ISKA DIFAACAY WEERARO BADAN OO BARLAMANKA UGA YIMID
Share this:
Related
storvideo: 

Kacdoon ka bilowday magaalada Laascaanood ee gobolka...

0
0

Wararka ka imaanaya magaaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in saaka halkaas uu ka bilowday kacdoon looga horjeedo maamulka Somaliland,kadib markii malayshiyaad hubaysan ay xalay bartamaha degmadaasi ku dileen ganacsade caan ah oo gobolka u dhashay.
Ganacsadaha la dilay oo si weyn u aaminsanaa midnimada Soomaaliya ayaa lagu magacabi jiray,Maxammed cabdi Timir,waxaana bartamaha Laascaanood ku dilay rag hubaysan oo aan weli haybtooda la garan ,laakiin shacabka ayaa dilka ganacsadahan ku tuhunsan maamulka Somaliland ee haysta magaalada.
Qaar kamid ah xaafadaha degmada Laascaanood ayaa lagu arkayaa malayshiyaad hubaysan oo diiddan maamulka Somaliland,waxaana maamulku degmadaas ku daabulaya ciidamo militari ah,si ay uga hortagaan kacdoonka halkaasi ka socda.
Dhinaca kale Somaliland ayaa gobolka Sool ku soo daad-guraynaysa ciidamo marya-calas oo hab beeleed u abaabulan,kadib markii ay u baqday ciidankeeda ku sugan jiidda hore ee Tukaraq oo ay is-horfadhiyaan ciidamada difaaca dowladda Puntland.
Wararka ayaa sheegaya in khilaaf hoose ka dhexeeyo saraakiisha u dhashay gobolka Sool ee ka tirsan militariga Somaliland iyo hoggaanka ciidanka,islamarkaana kala shaki xooggan soo dhexgalay.
Xaaladda gobolka Sool ayaa qarka u saaran dagaal sal-ballaaran oo ka dhex qarxa Puntland iyo Somaliland,xilli inta badan waxaradkii,ganacsatadii,culimadii iyo garaadadii Sool ay ka soo guureen degaannada Somaliland kaga sugantahay gobolka.
PUNTLAND POST
The post Kacdoon ka bilowday magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

QM oo sheegtay in Muslimiinta Rohingya aanay...

0
0

Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa BBC-da u sheegtay in xaaladda ka taagan galbeedka Myanmar ay weli tahay mid aanan ku haboonayn inay si nabad ah ugu laabtaan boqollaalka kun ee qof ee Muslimiinta Rohingya ah, kuwaas oo lagu qasbay inay u qaxaan waddanka dariska ah ee Bangladesh.
Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ursula Mueller, ayaa waxa ay hadlaysay kaddib safar ay ku tagtay gobolka Rakhine, halkaas oo ay ku soo aragtay tuulooyin la gubay oo uu milateriga Burma-na uu cagacagaf mariyay.
Iyadoo xilliga roobka uu soo dhaw yahay ayaa in ka badan todoba boqol oo kun oo qof oo ah Muslimiinta Rohingya waxa ay weli ku xayiran yihiin xeryo ku yaal waddanka Bangladesh.
Labada dal ee Myanmar iyo Bangladesh ayaa waxa ay sanadkii la soo dhaafay isla meeldhigeen heshiis dadkaasi dib loogu celinayo hasayeeshee ilaa iyo haatan ma uu jiro hal qof oo dib loo celiyay.
Ms Mueller ayaa sheegtay in wax saameyn ah aanay yeelan dhaleecayntii baahsaneyd ee hogaamiyaha Myanmar, Aung San Suu Kyi, uga imanaysay bulshada caalamka, ee aheyd inay ku guuldarreysatay inay cambaarayso dhibaatada dadka Rohingya lagula kacay.
storvideo: 

QM oo sheegtay in Muslimiinta Rohingya aanay xilligan Myanmar ku laaban karin

0
0

Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa BBC-da u sheegtay in xaaladda ka taagan galbeedka Myanmar ay weli tahay mid aanan ku haboonayn inay si nabad ah ugu laabtaan boqollaalka kun ee qof ee Muslimiinta Rohingya ah, kuwaas oo lagu qasbay inay u qaxaan waddanka dariska ah ee Bangladesh.

Wasiirka Howlaha Guud ee Soomaaliya oo gaaray...

0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Dhuusamareeb (SONNA) Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Soomaaliya Eng: Saadaq C/laahi Cabdi ayaa Maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, waxaana Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhoweeyey masuuliin katirsan Dawlad Goboleedka Galmudug, Waxaana halkaasi ku soo dhoweeyey guddoomiyaha degmada Dhuusamareeb iyo Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud.
Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee Galmudug Daahir Xasan Xuseen oo halkaasi kahadlay ayaa sheegay iney soo dhaweynayaan wasiirka, islamarkaana inta uu joogo Dhuusamareeb waxyaabo badan ay kawada hadli doonaan.
Eng: Saadaq C/lahi Cabdi Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Soomaaliya oo kawarbixiyey Socdaalkiisa ayaa xusay in qiimeyn lagu sameyn doono hanaanka dhismo ee magaalada Dhuusamareeb oo ay ku yaalaan xarumo badan oo ay laheyd dowladii dhexe ee dalka, sidoo kalena uu xoojin doono xiriirka wasaaradda howlaha guud iyo Galmudug.
Wasiirka ayaa inta uu joogo Dhuusamareeb kulamo la qaadan doona madaxda dowlad goboleedka Galmudug oo ay ka wada hadli doonaan arrimo muhiim ah.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleGuddiga Joogtada ee Golaha Aqalka sare oo meel mariyay jadwalka maalmaha shaqo ee Golaha Aqalka sare+Sawirro

storvideo: 

Roobab hakad galiyay Duulimaadyadii Garoonka Baladweyne

0
0

Baladweyne ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta hakad uu ku jiro dhaq dhaqaaqii Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaaladaasi.
Waxaana la sheegay in duulimaadii maalin kasta tagi jiray Baladweyne uu saameyn ku yeeshay Roobay Biyo dhigay Garoonkaasi.
Maamulka Garoonka ayaa lagu oo warramayaa in gabi ahaan uu baajiyay diyaadihii maanta tagi lahaa halkaasi.
Garoonka Ugaas khaliif ee magaalada Baladweyne ayaa xilligan waxaa ka muuqda burbur xoogan, iyadoona aysan jirin wax dayactir ah oo ay Garoonkaasi ku sameeyeen mas’uuliyiinta maamulka HirShabelle.
The post Roobab hakad galiyay Duulimaadyadii Garoonka Baladweyne appeared first on Shabelle.

Maxay tahay Sababta ay Ciidamada Itoobiya isaga...

0
0

Masuuliyinta ayaa waxa ay sheegeen in wax saameyn ah ku yeelan doonin ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee dhuusamareeb,isla markaana ay ku filan yihiin ammaanka.
Ciidamada Itoobiya ayaa mudo ka badan 7 Sano waxa ay ku sugnaayeen Dhuusamareeb,iyaga oo Ciidamada Ahlusunna ee la midoobay Galmudug kala qeyb qaatay dagaal ay la galeen Al-Shabaab.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 


Roobab hakad galiyay Duulimaadyadii Garoonka Baladweyne

0
0

Baladweyne ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta hakad uu ku jiro dhaq dhaqaaqii Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaaladaasi.
Waxaana la sheegay in duulimaadii maalin kasta tagi jiray Baladweyne uu saameyn ku yeeshay Roobay Biyo dhigay Garoonkaasi.
Maamulka Garoonka ayaa lagu oo warramayaa in gabi ahaan uu baajiyay diyaadihii maanta tagi lahaa halkaasi.
Garoonka Ugaas khaliif ee magaalada Baladweyne ayaa xilligan waxaa ka muuqda burbur xoogan, iyadoona aysan jirin wax dayactir ah oo ay Garoonkaasi ku sameeyeen mas'uuliyiinta maamulka HirShabelle.
storvideo: 

Daawo: Dad Sheegay in Mayor Soltelco Oo awood u...

0
0

Daawo: Dad Sheegay in Mayor Soltelco Oo awood u Adeegsaday Joojinta Guri Dabaq ah oo Dhismihiisu Socday Waraaqihii iyo Sharcigiina ay u hayaan.
[embedded content]
storvideo: 

Shariif Xasan oo musuq maasuqay shaqaaleysiinta 16...

0
0

Baydhabo (Caasimadda Online) - Bangigga adduunka ayaa horaantii sanadkaan waxa uu maamulka Koonfur Galbeed ku wargeliyey in la shaqaaleysiin doono 16 Agaasime guud oo kamid ah Agaasimayaasha Wasaaradaha Maamulka KGS, wargelintaas kadib waxaa bilowday olale ballaaran kaas oo loogu diyaar garoowayo sidii loo kala qeybsan lahaa Agaasimayaasha guud ee KGS.
Madaxweynaha KGS Shariif Xasan Shekh Aadan oo ah shaqsi aan baahin awoodaha maamulka ayaa waxaa uu durba faragelin weyn ku sameeyey qaadashada agaasimayaasha kuwaas oo website yada laga shaaciyey si imtixaan furan loogu guuleysto boosaska banaanaa, arrintaas oo ah sharci u yaala Bangiga Adduunka.
Madaxweyne Sharif ayaa si cad waxa uu ku wargeliyey guddiga shaqaalaha rayidka KGS taas oo uu u sheegay in aan la qori karin qof aan ahayn Beelaha waaweyn ee dega KGS sida Hadame, Leysaan, Asharaaf iyo Hariin.
Qaar kamid ah dadka sida aadka loogu dulmiyey tartankii shaqaaleysiinta wasaaradaha KGS ayaa waxay kala soo kala jeedaan Beelaha Heladi, Haraw iyo Beesha yantaar.
Shakhsiyaad beelahaas kasoo jeedo ayaa waxa ay shaqada ay dalbadeen ku waayeen qabiilkooda oo ah qabiilada yar yar kuwaas oo uu shariifku sheegay in aan la shaqaaleysiin karin ,
Dadkaas ayaa xitaa waxaa lagu casuumi waayey short list-ga taas oo ay guddiga shaqaalaha KGS ka baqeen in ay kusoo baxaan, maadaama ay aqoontooda aad u sareyso madaxweynaha KGS uusan ku amrin in la qaato amaba lagu casuumo short list ga.
Xubno katirsan Bangigga Adduunka ee KGS ka howlgala ayaa shaki weyn ka muujiyey nidaamkii loo shaqaaleysiiyey 16 ka Agaasime guud ee KGS kuwaas oo booska laga reebay dad badan oo qabiil ahaan loo liiday, taas oo sabab u aheyd madaxweyne Shariif Xasan oo gudiga shaqaalaha KGS ku wargeliyey in aan la qaadan karin cid aan ka soo jeedin 4 qabiil aan kor kusoo xusnay.
Wasiirada KGS xitaa awood uma aysan la hayn in ay qaataan Agaasime guud oo aqoon buuxda u leh booska wasaaradooda iyagoo arrintaas ku waayey dhanka madaxweynaha KGS oo aad u cunsuriyeeya beelaha yar yar kana baqa beelaha waaweyn.
Haddaba dad badan ayaa arrintaan musuqmaasuqa ah ee uu hormuudka ka yahay madaxweynaha KGS ku micneeyey in ay suurto gelinkarto 16 ka agaasime ee loo qeybiyey 4 beel ay dhici karto in aysan kasoo bixi karin shaqadaas adag.
Xog aan helnay ayaa sheegeysa in 16 agaasime guud ee KGS ay dhammaantood yihiin kuwo aan ka bixin jaamacad islamarkaasna qabtay xil ka weyn kaas oo loogu talagalay dadka heerka jaamacadeed ah.
Aadan Zeytuuni.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Kulankii Baarlamaanka ee Mooshinka Jawaari oo lagu...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Ibraahim Muudey ayaa ku dhawaaqay in maalinta Berri ee Isniinta ah uu jiro kulan ay yeelanayaan xildhibaannada Baarlmaanka.
Farriin uu u kala diray goor dhoweyd xildhibaannada ayuu ku sheegay in Ajendaha fadhiga uu yahay mooshinkii Guddoomiyaha Golaha Shacabka laga keenay, waxaana farriintan ay soo baxeysaa iyadoo 48-kii saac ee uu danbeeyay ay socdeen waanwaan lagu doonayey in mooshinka xal loogu helo.
Ilo ku dhow dhow Xarunta Villa Hargeysa ayaa sheegaya in xaalada shalay illaa xalay u muuqatay mid degan, isla markaana ay yaraatay xiisadihii maalmihii la soo dhaafay jiray, hase ahaatee farriintan ka timid dhanka Guddoomiye kuxigeenka 1aad ay sii xoojin karto karto is-maandhaafka u dhaxeeya Golaha Shacabka.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la sheegay in habeen hore uu baajiyay kulankii shalay oo sabti ahaa ay qaban qaabinayeen dhanka Guddoomiye C/wali Muudey oo qorshahooda ahaa inay qabtaan kulanka Baarlamaanka.
Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in Guddoomiye kuxigeenka koowaad C/weli Muudey uu ka biyo diidan yahay dadaallada waanwaanta ah ee socda iyo waqtiga lagu luminayo qancinta guddoomiye Jawaari.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Sawirro:-Guddiga Joogtada Aqalka sare oo meel mariyay jadwalka maalmaha shaqo ee Golahaasi

0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa maanta oo Axad ah ka dooday soo jeedinta Guddoonka ee Jadwalka maalmaha shaqo ee Golaha Aqalka sare,waxayna meelmariyeen jadwalka maalinlaha ee Guddoonka uu ku shaqeynayo.
Senator Maxamed Cusmaan oo ka mid ah Xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Aqalka sare  ayaa kullanka ka dib warbaahinta u faah faahiyay waxyaabaha ka soo baxay kullanka Guddiga joogta ee Golaha Aqalka sare ay maanta isugu yimaadeen.
“Mida ah jadwalka lagu shaqeynayo Golahu ku shaqeynayo waxaa Go’aan lagu gaaray in maalinta sabtida ay noqoto maalin ay Guddiga joogtada ah ay shiraan,maalinta Axada iyo isniintana ay noqoto kalafadhiga guud,talaado iyo arbacana kalafadhiyada marka kalafadhi Guud aanu jirin macnaheedu ma ahin inaanu aqalka shaqeyneynin,waxaa jira Guddiyo kale oo hoosa oo shaqeeya in maalmahaasi Guddiyada ay isugu yimaadaan ay kala warqaataan,maalinta Khamiistana kalafadhiga Guud inuu jiro,” ayuu yiri Senator Maxamed Cusmaan.
Sidoo kale,Senator Maxamed Cusmaan ayaa sheegay in dib loo dhigay kullan ay Guddiga joogtada ah kula balansanaayeen Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil,kaasi oo looga hadli lahaa halka uu marayo hanaanka dib u eegista dastuurka,isagoona carabka ku dhuftay in taasi ay ka wada tashan doonaan Wasaaradda Dastuurka iyo Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka sare.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/DSC_8996_preview-300... 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/DSC_8996_preview-768... 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/DSC_8996_preview-102... 1024w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/DSC_8996_preview-696... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/DSC_8996_preview-106... 1068w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/DSC_8996_preview-630... 630w" sizes="(max-width: 584px) 100vw, 584px" />http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/DSC_9005_preview-300... 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/DSC_9005_preview-768... 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/DSC_9005_preview-102... 1024w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/DSC_9005_preview-696... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/DSC_9005_preview-106... 1068w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/DSC_9005_preview-630... 630w" sizes="(max-width: 581px) 100vw, 581px" />http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/DSC_8998_preview-300... 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/DSC_8998_preview-768... 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/DSC_8998_preview-102... 1024w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/DSC_8998_preview-696... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/DSC_8998_preview-106... 1068w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/DSC_8998_preview-630... 630w" sizes="(max-width: 580px) 100vw, 580px" />http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/DSC_9013_preview-300... 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/DSC_9013_preview-768... 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/DSC_9013_preview-102... 1024w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/DSC_9013_preview-696... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/DSC_9013_preview-106... 1068w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/DSC_9013_preview-630... 630w" sizes="(max-width: 577px) 100vw, 577px" />http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/DSC_9006_preview-300... 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/DSC_9006_preview-768... 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/DSC_9006_preview-102... 1024w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/DSC_9006_preview-696... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/DSC_9006_preview-106... 1068w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/DSC_9006_preview-630... 630w" sizes="(max-width: 572px) 100vw, 572px" />http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/Xaashi-300x200.jpeg 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/Xaashi-768x512.jpeg 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/Xaashi-1024x683.jpeg 1024w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/Xaashi-696x464.jpeg 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/Xaashi-1068x713.jpeg 1068w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/Xaashi-630x420.jpeg 630w" sizes="(max-width: 572px) 100vw, 572px" />http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/DSC_8994_preview-300... 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/DSC_8994_preview-768... 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/DSC_8994_preview-102... 1024w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/DSC_8994_preview-696... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/DSC_8994_preview-106... 1068w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/DSC_8994_preview-630... 630w" sizes="(max-width: 570px) 100vw, 570px" />
The post Sawirro:-Guddiga Joogtada Aqalka sare oo meel mariyay jadwalka maalmaha shaqo ee Golahaasi appeared first on Shabelle.

Afghanistan: Maraykanka oo Kordhiyey Weerarka ISIS iyo Taliban

0
0

Saraakiil Milatari ayaa xaqiijiyay in Qaari Xikmatullaah oo ahaa hogaamiyaha Daacish ee gobolka Kharasaan, lagu dilay weerar laga fuliyay aagga Darzaab ee hoos taga gobolka Jowzjan, halkaa oo ay maleeshiyada ISIS gacanta ku hayso.

Sawirro:-Guddiga Joogtada Aqalka sare oo meel...

0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa maanta oo Axad ah ka dooday soo jeedinta Guddoonka ee Jadwalka maalmaha shaqo ee Golaha Aqalka sare,waxayna meelmariyeen jadwalka maalinlaha ee Guddoonka uu ku shaqeynayo.
Senator Maxamed Cusmaan oo ka mid ah Xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Aqalka sare ayaa kullanka ka dib warbaahinta u faah faahiyay waxyaabaha ka soo baxay kullanka Guddiga joogta ee Golaha Aqalka sare ay maanta isugu yimaadeen.
"Mida ah jadwalka lagu shaqeynayo Golahu ku shaqeynayo waxaa Go'aan lagu gaaray in maalinta sabtida ay noqoto maalin ay Guddiga joogtada ah ay shiraan,maalinta Axada iyo isniintana ay noqoto kalafadhiga guud,talaado iyo arbacana kalafadhiyada marka kalafadhi Guud aanu jirin macnaheedu ma ahin inaanu aqalka shaqeyneynin,waxaa jira Guddiyo kale oo hoosa oo shaqeeya in maalmahaasi Guddiyada ay isugu yimaadaan ay kala warqaataan,maalinta Khamiistana kalafadhiga Guud inuu jiro," ayuu yiri Senator Maxamed Cusmaan.
Sidoo kale,Senator Maxamed Cusmaan ayaa sheegay in dib loo dhigay kullan ay Guddiga joogtada ah kula balansanaayeen Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil,kaasi oo looga hadli lahaa halka uu marayo hanaanka dib u eegista dastuurka,isagoona carabka ku dhuftay in taasi ay ka wada tashan doonaan Wasaaradda Dastuurka iyo Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka sare.Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

storvideo: 


Trump oo cambaareyay weerarka loo adeegsaday...

0
0

Madaxweyne Trump ayaa hormuud ka noqday Cambaarayn caalmi ah oo loo jeediyey weerarka looga shakisan yahay in loo adeegsaday hubka kiimikada ah ee ka dhacay dalka Suuriya.
Weerarkaasi ayaa waxaa ku dhimatay tobonaan rayid ah kaas oo ka dhacay deegaanka ay fallaagadu gacanta ku hayaan ee bariga Chouta.
Mr Trump qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ayaa weerarkan ku eedeeyay dowladda Suuriya, isagoo sidoo kale ku dhaliilay Ruushka iyo Iiraan in ay taageerayaan Madaxweyne Assad.
Pop Francis ayaa sidoo kale cambaareeyey weerarka. Waxuuna sheegay in ay tahay wax aan la aqbali Karin in la adeegsado hubka wax gumaada. Dawladda Suuriya iyo Ruushka oo taageera ayaa labaduba beeniyey eedaymahaan.
Dankalana Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee waddanka Mareykanka ayaa waxa ay sheegtay inay si dhaw ula socoto waxa ay ku tilmaantay "warar murugo leh", iyadoo sheegtay in Ruushka oo ka garab dagaalamaya ciidammada dowladda Suuriya, uu qaadi doono mas'uuliyadda haddii weerrarkaasi lagu adeegsaday hubka kiimikada ah ee sida daran wax u laaya.
Weerrarka ayaa inay gaysteen waxaa lagu eedeeyay diyaarado nooca qummaatiga u kaca ah oo la sheegay in magaalada ku duqeeyeen barmiillo ay ku jiraan sunta sarin.
storvideo: 

Faah Faahin:- Laamaha Ammaanka oo ku dhawaad 10 Million Dollar ku qabatay Garoonka Adan Cadde ee Muqdisho

0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network):-Ciidamada Booliska ee ka howlgala Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa  gacanta ku dhigay Boorsooyin la sheegay in ay soo dirtay dowladda Isu Taga Imaaraadka Carabta.
Boorsooyinkan ayaa la sheegay in ay wadeen shaqaale ka tirsan Safaaradda Imaaraadka Carabta ee magaalada Muqdisho.
Sida ay Xaqiijiyeen Ilo Lagu Kalsoonaan karo Boorsooyinka ayaa markii hore waxaa diiday in la furo si loo baaro Saraakiisha Imaaraatka ee Safaaradooda Muqdisho kuwaas oo u soo diyaarsaday Gaadiid ay ku daabulaan Boorsooyinkaasi.
Waxaana goobta gaaray Masuuliyiin ka tirsan Laamaha Ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay u suura gashay in Boorsooyinkaasi gacanta ku dhigaan islamarkaana ay ogaadaan waxa ku jiro.
Ilo lagu Kalsoonaan karo ayaa Shabelle u xaqiijiyay in markii la baaray Boorsooyinkaasi laga helay Lacag dhan Sagaal Million  iyo Lix Boqol Kun oo dollar sida ay tilmaameen.
Waxaana Gabi ahaan haatan la wareegay Lacagtaasi Laamaha Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya walow aan weli loo soo bandhigin Warbaahinta ama aysan faah faahin rasmi ah ka bixin Masuuliyiinta iyo Saraakiisha Laamaha Ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya.
Imaaraadka ayaa galangal xoogan ku leh Siyaasada Soomaaliya, waxaana sii xoogeysanayay muddooyinkii u dambeeyay khilaafka kala dhaxeeya madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.
Lacagta la sheegay in maanta lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa kiu soo beegmeysa xilli Xasrad Siyaasadeed oo aad u xoogan ay ka taagan tahay dalka gaar ahaan Magaalada  Muqdisho taas oo timid kadib Mooshin laga gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Maalinta Berri ah ayaana la filayaa in Xildhibaanada Baarlamaanka ay ku kulmaan Xaruntooda Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho kaas oo Ajandahiisa lagu sheegay Mooshinka ka dhanka ah Afhayeenka Baarlamaanka oo Codka Kalsoonida loo qaadi doono.
The post Faah Faahin:- Laamaha Ammaanka oo ku dhawaad 10 Million Dollar ku qabatay Garoonka Adan Cadde ee Muqdisho appeared first on Shabelle.

Faah Faahin:- Laamaha Ammaanka oo ku dhawaad 10...

0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network):-Ciidamada Booliska ee ka howlgala Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay Boorsooyin la sheegay in ay soo dirtay dowladda Isu Taga Imaaraadka Carabta.
Boorsooyinkan ayaa la sheegay in ay wadeen shaqaale ka tirsan Safaaradda Imaaraadka Carabta ee magaalada Muqdisho.
Sida ay Xaqiijiyeen Ilo Lagu Kalsoonaan karo Boorsooyinka ayaa markii hore waxaa diiday in la furo si loo baaro Saraakiisha Imaaraatka ee Safaaradooda Muqdisho kuwaas oo u soo diyaarsaday Gaadiid ay ku daabulaan Boorsooyinkaasi.
Waxaana goobta gaaray Masuuliyiin ka tirsan Laamaha Ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay u suura gashay in Boorsooyinkaasi gacanta ku dhigaan islamarkaana ay ogaadaan waxa ku jiro.
Ilo lagu Kalsoonaan karo ayaa Shabelle u xaqiijiyay in markii la baaray Boorsooyinkaasi laga helay Lacag dhan Sagaal Million iyo Lix Boqol Kun oo dollar sida ay tilmaameen.
Waxaana Gabi ahaan haatan la wareegay Lacagtaasi Laamaha Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya walow aan weli loo soo bandhigin Warbaahinta ama aysan faah faahin rasmi ah ka bixin Masuuliyiinta iyo Saraakiisha Laamaha Ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya.
Imaaraadka ayaa galangal xoogan ku leh Siyaasada Soomaaliya, waxaana sii xoogeysanayay muddooyinkii u dambeeyay khilaafka kala dhaxeeya madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.
Lacagta la sheegay in maanta lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa kiu soo beegmeysa xilli Xasrad Siyaasadeed oo aad u xoogan ay ka taagan tahay dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho taas oo timid kadib Mooshin laga gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Maalinta Berri ah ayaana la filayaa in Xildhibaanada Baarlamaanka ay ku kulmaan Xaruntooda Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho kaas oo Ajandahiisa lagu sheegay Mooshinka ka dhanka ah Afhayeenka Baarlamaanka oo Codka Kalsoonida loo qaadi doono.
storvideo: 

Wasiirada Arrimaha Dibadda,Maaliyada iyo Ganacsiga...

0
0

Kulan miro dhal ah oo maanta ka dhacay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo uu shir guddoominayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Ahmed Issa Awad, ayna ka qeybgaleen Wasiirka Maaliyadda H.E. Dr.. Abdirahman Dualeh Beileh, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha H.E. Mr. Mohamed Abdi Hayir Mareye, Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya H.E. Mr. Michael Keating.
Kulankan ayaa looga doodday dhowr arrimood oo ay ku jirto siyaasadda, ammaanka iyo iskaashiga.
Labada dhinac ayaa waxa ay ku heshiiyeen in la sameeyo guddiga xiriirka ee dalka martida loo yahay, xoojinta iyo horumarinta wax wadaagid qotodheer oo istiraatiijiyad leh oo u dhexeysa Qaramada Midoobey iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo dhinacyo badan leh.
Kulan kale oo gaar ah, ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad waxa uu kala hadlay Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr. Michael Keating taabagelinta iyo horumarinta istiraatiijiyadaha wadaagga ah ee u dhexeeya hey'adaha Dowladda Soomaaliya iyo hey'adaha Qaramada Midoobey ee ka howlgala dalka si loo xoojiyo iskaashi wax ku ool ah si uu qeyb uga noqdo dadaalka Soomaaliya ay ugu jirto xaqiijinta horumarka iyadoo la tixraacayo istiraatiijiyadda Qaranka iyo hiigsiga wadaagga ah.
Kulankan miradhalka ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi, Agaasimaha Xafiiska Wasiirka Mr. Abdullahi Dool Mohamed, Agaasimaha taageerada Ergada UNSOM ahna Agaasimaha UNSOS Mr. Amadu Kamara iyo Madaxa Shaqaallaha ee UNSOM Ms. Hedwig Maex.
___DHAMMAAD___
The post Wasiirada Arrimaha Dibadda,Maaliyada iyo Ganacsiga XFS oo kullan la qaatay Michael Keating appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Faahfaahinta: diyaarad lacag sidday oo Muqdisho lagu...

0
0

Ciidamada Amniga Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku qabtay diyaarad sidday boorsooyin lacag ah oo laga keenay dalka Imaaraadka Carabta.
Mas'uuliyiinta garoonka ayaa laga soo xigtay in diyaaraddan lacagta sidday laga shakiyay,kadibna laga dalbaday in la baaro,balse ay diideen saraakiisha Safaaradda Imaaraadka Carabta ee magaalada Muqdisho.
Lacagtaan oo lagu qiyaasay in ka badan $9 malyan Dollar ayaa la sheegay in qeyb kamid ah mushahar ahaan loogu waday ciidanka badda dowladda Puntland ee PMPF,halka qaarka kalena loo siday ciidanka Imaaraadku taba-baro ee ku sugan magaalada Xamar.
Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa haatan wararku sheegayaan in ay la wareegtay boorsooyinkii lacagt ahaa,islamarkaana la fasaxay diyaaraddii sidday oo in mudda ah lagu hakiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.Wixii ka soo kordha kala soco:Puntlandpost.net
The post Faahfaahinta: diyaarad lacag sidday oo Muqdisho lagu qabtay. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live