Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Taliyaha cusub ee loo magacaabay Ciidamada...

$
0
0

8th April 2018 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Taliyaha cusub ee ciidamada Madaxtooyadda Soomaaliya dhowaan loo magacaabay Gaashaanle Odowaa Yuusuf Raagge ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay.
Munaasabad ka dhacday Taliska ciidamada Madaxtooyada ee loo yaqaan Koofi Gaduud, xarunta Madaxtooyadda ayaa xilkan si rasmi ah loogu wareejiyay Gaashaanle Odawaa Yuusuf Raagge oo ah nin dhalinyaro ah, iyadoo uu xilka banneeyay Taliyihii hore ee Madaxtooyadda Axmed Maxamed Cali (Afcaddeey).
Munaasbadda waxaa goobjoog ka ahaa Taliska ciidamada iyo Saraakiisha ciidamad Madaxtooyadda ee Villa Somaliya. Odawaa Yuusuf Raagge ayaa ah nin dhalinyaro ah oo ka mida saraakiisha dhiigga cusub ee ciidamada xoogga dalka, wuxuuna maanta si rasmi ah ula wareegay ammaanka Madaxtooyadda Somaliya oo ah fadhiga madaxda dalka.
Isbedelkaagu sameeyay Taliyihii ciidanka Madaxtooyadda Villa Somaliya ayaa yimid kadib dhacdadii xarunta Baarlamaanka ay ku galeen ciidamo ka tirsan ururka 60-aad ee ilaalada Madaxtooyada oo ka amar qaadaneyey guddoomiyaha Baarlamanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).
Post navigation
- Diyaarad Doolar u sida Safaaradda Imaaraadka Carabta oo lagu qabtay garoonka Muqdisho
storvideo: 


Wasaaradda Amniga XFS oo beenisay iney Muqdisho kala...

$
0
0

Muqdisho(SONNA);- War ay soo saartay Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu bogaadiyay Ciidamada qeybahooda kala duwan oo muujiyey dadaalka weyn iyo nafhurnimo ay ku badbaadiyeen nolosha dadweynaha kagana hortagay falalkii argagixiso ay kooxaha nabad diidka ah ay isku dayeen iney fuliyaan.
Sidoo kale,wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa Shacabka Muqdisho la wadaagtay ineysan jirin Ciidamo laga qaaday Isgoysyada magaalada Muqdisho,waxaana Warsaxaafadeedka lagu sheegay in Wasaaradda Amniga Gudaha ay wado qorshe dib u habeyn oo Ciidamada ay ku sii xoojinayaan Amniga iyo ilaalinta bedqabka muwaadinka.
Wasaaradda Amniga Gudaha waxay beenisay in magaalada Muqdisho ay kala xiran tahay,waxayna ku tilmaantay wararkaasi mid dacaayad been abuur ah. Halkaan Hoose ka Akhriso Warsaxaafadeedka Wasaaradda Amniga Gudaha:-
Wasaaradda Amniga Gudaha waxay bogaadineysaa Ciidamada Amniga qeybahooda kala duwan oo muujiyey dadaal weyn iyo naf-hurnimo ay ku badbaadiyeen Nolosha Dadweynaha, kana hortegay falalkii argagixiso ee kooxaha Nabad-diidka ah lsku dayeen inay fuliyaan.
Wasaaradda waxay shacabka Muqdisho la wadaageysaa inaysan jirin Ciidamo laga qaaday Isgoysyada Muqdisho, balse Wasaaradda Amniga Gudaha waxay wadaa qorshe dib u habeyn ah oo Ciidamada Amniga ay ku sii xoojinayaan Amniga iyo ilaalinta bedqabka Muwaadiniinta, kuna fududeynayaan isu socodka Bulshada iyo Gaadiidka Caasimadda.
Sidoo kale waa waxba kama jiraan in Magaalada Muqdisho kala xiran tahay, taasoo ah dacaayad been abuur ah. Ujeedka Wasaaiadda Amniga iyo qorshaha xukuumadda Soomaaliya waa in Muqdisho ay noqoto Magaalo nabdoon, iyadoo Ciidamada Booliska iyo Ciidamada Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda u taagan yihiin xoojinta nabadgelyada iyo ka hortagga falalka amni darro.
Waxaan shacabka ka codsaneynaynaa inay Ciidamada la shaqeeyaan, kana qeyb qaataan sugidda ammaankooda, iyagoo xusuusan in Ciidamada Qalabka Sida ay Har iyo Habeen u taagan yihiin wadooyinka in Muwaadinku helo Nabadgelyo.
Ugu dambeeyn, Waxaa la farayaa Ciidamada inay muwaadiniinta ula dhaqmaan si ay ku jirto xaqdhowrid, ixtiraam iyo u dhimrin
Mahadsanidiin.
storvideo: 

VIDEO Xubnaha Aqalka Sare Oo Muqdisho Kulan Ay Su...

$
0
0

[embedded content]
kulan ay Muqdisho ku yeesheen Xubnaha gudiga Joogtada ah ee Aqalka sare ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirka dastuurka iyo Arimaha fadaraaliisimka ee Xukuumada somaliya
kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa dardar galinta howlaha horyaal wasaarada dasturka iyo qorsho maamelkka aqalka sare waxaana intii ay ku gudajireen kulankooda ay ansixiyeen Qodobo dhowr ah ,
xubanaha aqalka sare ayaa ku balansanaayeen in gudiga joogtada ee Xildhibaanada Aqalka Sare su'aalo weeydiiyan Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan xoosh Jibriil hase yeeshee uu baaqday kulankaas.
sababta kulanku ku baaqday iyo ujeedka ajandaha waxaa saxaafada u faahfaahiyery gudoomiye ku xigeenka gudiga arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee xubnaha golaha aqalka sare Maxamed Cusman dhagajuun
maalin ka hor ayaa xubnaha aqlaka sare loo qeybiyey qoraalo ay ku cadyihiin sidii looga gudbi lahaa dastuurka dalka oo haatan ah mid qabyo ah dalkuna uu u yeelan lahaa dastuur dhameystiran
Share this:
Related
storvideo: 

Wasiirada Arrimaha Dibadda,Maaliyadda iyo Ganacsiga...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Muqdisho(SONNA);- Kulan miro dhal ah oo maanta ka dhacay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo uu shir guddoominayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Ahmed Issa Awad, ayna ka qeybgaleen Wasiirka Maaliyadda H.E. Dr.. Abdirahman Dualeh Beileh, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha H.E. Mr. Mohamed Abdi Hayir Mareye, Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya H.E. Mr. Michael Keating.
Kulankan ayaa looga doodday dhowr arrimood oo ay ku jirto siyaasadda, ammaanka iyo iskaashiga.
Labada dhinac ayaa waxa ay ku heshiiyeen in la sameeyo guddiga xiriirka ee dalka martida loo yahay, xoojinta iyo horumarinta wax wadaagid qotodheer oo istiraatiijiyad leh oo u dhexeysa Qaramada Midoobey iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo dhinacyo badan leh.
Kulan kale oo gaar ah, ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad waxa uu kala hadlay Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr. Michael Keating taabagelinta iyo horumarinta istiraatiijiyadaha wadaagga ah ee u dhexeeya hey'adaha Dowladda Soomaaliya iyo hey'adaha Qaramada Midoobey ee ka howlgala dalka si loo xoojiyo iskaashi wax ku ool ah si uu qeyb uga noqdo dadaalka Soomaaliya ay ugu jirto xaqiijinta horumarka iyadoo la tixraacayo istiraatiijiyadda Qaranka iyo hiigsiga wadaagga ah.
Kulankan miradhalka ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi, Agaasimaha Xafiiska Wasiirka Mr. Abdullahi Dool Mohamed, Agaasimaha taageerada Ergada UNSOM ahna Agaasimaha UNSOS Mr. Amadu Kamara iyo Madaxa Shaqaallaha ee UNSOM Ms. Hedwig Maex.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleS/guud Bashiir "marnaba raali kama noqon doonno in lagu xadgudbo Maxbuus"

storvideo: 

Sacuudiga: dad magac ku dhex leh bulshada Sacuudiga oo la maxkamadeynayo

$
0
0

Wararka ka imanaya Sacuudi Carabiya ayaa sheegaya in ay weli ku socdaan baaritaano tobanaan saraakiil sar sare ah kuwaasi oo weli xiran

Xildhibaanada Taageersan Jawaaro oo deero taagan

$
0
0

Xildhibaanada Taageersan Jawaaro oo deero taagan
Apr 8, 2018 -
Xildhibaanada taageersan Gudoomiye Jawaari ee la baxay Badbaadada Baarlamaanka oo shir jaraa'id caawa ku qabtay Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa digniin ka soo qorshayaal ay sheegeen in la doonayo si aan dastuurkana waafsaqsaneyn in loo fuliyo taasoo ay ka digeen cawaqibka dhalan kara.
Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare) oo ka mid ah xubaha ka hadlay shirka Jaraaid ayaa sheegay iney Madaxweynaha hordhigeen labo qodob oo kala ah in lagu dhaqmo dastuurka, isla markaana sanduuq lagu kala baxo, iyadoo goob joogayaal ay joogaan iyo in wada hadal siyasadeed lagu dhameeyo khilaafka taagan balse sida uu sheegay la diiday labadaba, lana doonayo in dastuurka la jebiyo.
"Waxyaabaha yaabka leh waxaa ka mid ah in la leeyahay Baarlamaanka hala jabsado oo gacmaha hala taago, waxaa nagu maqaalo ah in 200 oo ciidan lagu daad gureynayo Xarunta Baarlamaanka, Madaxweynaha shalay markii ay waan waanta socotay wuxuu codsaday in aan saxaafada laga hadlin, inta wada hadalka la wado, maantana isagoo Guddoomiyaha la joogo ayaa farriin soo dhacday, taasna waa ayaan darro" ayuu yiri Xildhibaan Xasan Yare.
"Waxaa u sheegeynaa Umadda Soomaaliyeed in la diiday sanduuq in lagu kala baxo iyo in wada hadal siyaasadeed la galo, waxaa la raadinayaa in dastuurka lagu tunto oo fowdo la sameeyo" ayuu intaas ku daray xildhibaankan.
Xildhibaanad Fowziyo Maxamed Sheekh oo ka mid aheyd Guddigii ka socday Guddoomiye Jawaari ee la kulmay Madaxweynaha ayaa sheegtay in maalinta berri la balamiyay kulanka baarlamanka, lana doonayo in sharciga lagu tunto.
"Guddoomiye is casil sheekada waa ka weyn tahay, in dalkan dib loo celiyo ayaa la rabaa, berri ayayna ku egtahay, waxaa berri la isku balamiyay in sharciga la burburiyo oo gacan taag laga dhigo" ayey tiri Fowziyo.
Hadalka xildhibaanadan ayaa yimid ka dib markii uu fashil ku dhamaaday kulan galabta illaa caawa uga socday xarunta Madaxtooyada madaxweyne Farmaajo iyo Gudoomiye Jawaari kaasoo looga hadlayey xal u helida khilaafka baarlamanka, iyadoo dhinaca kale gudoomiye ku xigeenka baarlamanka C/wali Muudey uu ku wargeliyey xildhibanada inuu beri jiro kulankii baarlamanka oo ajendihiisu yahay mooshinka Jawaari.
Inkastoo wadahadalo badan la galay haddana Khilaafka labada dhinac ayaa u muuqda inuu weli ka taagan yahay halkii uu joogay todobaad ka hor hor, lamana oga waxa beri dhici doona iyo sida xaal noqon doono.
English News
storvideo: 

WAR-SAXAAFADEED: BOORSOOYIN LACAG LAGA SOO BUUXIYAY...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Muqdisho(SONNA):- Waxaa Garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho soo caga dhigatay saacdu marka aheyd 11:40am diyaarad nooceedu yahay Boeing 737, taasoo sidday 3 boorso aan calaamadeysnayn. Hawl wadeennada garoonka ayaa sida caadada ahaydba waxa ay marsiiyeen baaritaan.
Shaqaalaha garoonka oo ka shakiyay boorsooyinka ayaa waxa ay xiriir la sameeyeen qeybta la dagaallanka argagixisada ee Hay'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
Waxaa la ogaaday in boorsooyinkan laga soo buuxiyay lacag Doollar ah, waxa ayna haatan ku jiraan gacanta dowladda si baaritaan dhameystiran loogu sameeyo.
Lacagta la qabtay waxa ay dhantahay 9.6 milyan (Sagaal milyan iyo lix boqol oo kun oo Doollarka Mareykanka ah).
Hay'adaha amniga waxa ay haatan ku hawlanyihiin baaritaan ku saabsan halka ay lacagtu ka timid, meesha ay u socotay, dadkii ku lug lahaa iyo dantii laga lahaa in lacag intan la'eg lasoo geliyo dalka.
Wasaraadda Amniga Gudaha waxa ay caddeynaysaa in aysan jirin wax xadgudub ah oo ka dhacay garoonka intii lagu guda jiray baaritaanka iyo lasoo wareegidda boorsooyinka.
Waxaa jira waddamo aan xiriir la leenahay oo taakuleeya Dowladda Federaalka iyo laamaheeda kala duwan, balse taakuleynta dhaqaale waxaa Dowladda loo soo marsiiyaa habraac waafaqsan shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah ee la xiriira isu-gudbinta lacagaha.
DHAMMAAD
War Saxaafadeed Lacago la qabtay-2
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleWasiirada Arrimaha Dibadda,Maaliyadda iyo Ganacsiga XFS oo kullan la qaatay Michael Keatin+Sawirro

storvideo: 

Beeso Imaaraadku Baco ku keenay oo Garoonka ku...

$
0
0

Kn: Diblumaasiyiin ka socda Imaaraadka Carabta ayay laamaha amniga ee garoonka diyaaradaha Aadan Cabdille Cismaayo ku fashiliyeen ayagoo dalka soo galinaaya malaayiin doolarka Maraykanka ah.
Lacagta oo ku cabbaysnayd jawaano ayay diblumaasiyiinta Imaaraadku damceen inay qaybaha baarista dhaafsiiyaana ayagoo ku andacoonaya inay haystaan xasanad u ogolaanaysa inaan la baari karin waxa ay sitaan, laakiin arintaasi waxaa dhag jalaq u siinwaayay dhalinta qaabilsan baarista.
Waxaa lala dhakafaaray kadib markii loo tagay malaayiin doolar oo ku cayuuqan boorsooyin jawaano ka samaysan jawaano dhag la qabsado loo yeelay.
Lacagta ayaa loo dhaadhiciyay bangiga dhexe ee Soomaaliya, waxaana soo baxaya warar aan la hubin inay xaqiiqada ku fadhiyaan oo loogu qiil bixinaayo lacagta caddad kaasi leh ee dalka Imaaraadku soo galiyay ayadoo wali ay taagantahay xiisadda ka aloosan labada dal, waxayna warar kaasi sheegayaan in lacagta loo waday askar ay Imaaraadku tabo bareen oo ku kala sugan Banaadir iyo Puntland.
Dadka qaar ayaa sidoo kale farta ku fiiqaya in Imaaraadku uga danlahaa lacagtan inay u isticmaalaan sii hurinta xiisadda siyaasadeed ee ka dhex aloosan laamaha dawliga ee dawladda federaalka Soomaaliyeed.
storvideo: 


Wasaaradda Amniga oo ka warbixisay Lacag ay ku qabatay Garoonka Adan Cade.

$
0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network):-Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa war saxaafadeed ka soo saartay boorsooyin lacag laga soo buuxiyay oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Wasaaradda ayaa sheegtay in lacagta la qabtay cadadkeeda uu yahay 9.6 milyan, lana baarayo halka ay ka timid iyo meesha ay u socotay.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/30121109_20093865457... 244w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/30121109_20093865457... 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/30121109_20093865457... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/30121109_20093865457... 342w" sizes="(max-width: 782px) 100vw, 782px" />
The post Wasaaradda Amniga oo ka warbixisay Lacag ay ku qabatay Garoonka Adan Cade. appeared first on Shabelle.

Murankii Baarlamaanka oo soo labo kacleeyay

$
0
0

Kn: Ayadoo shalay uu bilaabmay waanwaan nabaddeed oo madaxweyne Farmaajo ka dhex bilaabay garabyada isku mari la' muranka ka dhxe aloosan golaha sharci dajinta ayaa waxaa markale soo ifbaxaya in khilaafkii uu soo labo kacleeyay.
Gudoomiye ku xigeenka koobaad ee Baarlamaanka, mudane Muudeey ayaa fariimo ugu diray xildhibaanada qaranka taleefanadooda inay soo xaadiraan kulan berritoole codka loogu qaadayo gudoomiyaha baarlamaanka Prof. Jawaari. Falka uu Muudeey ku kacay ayaa daaqadda ka saaraya rajadii laga qabay in si nabad ah lagu dhameeyo muranka ka aloosan mooshinka ku saabsan kalsooni kala noqoshada gudoomiye Jawaari.
Xildhibaanada Jawaari taageersan oo caawa saxaafadda la hadlay ayaa xildhibaan Xasan Yare oo magacooda ku hadlay wuxuu sheegay in fariimaha Muudeey uu diray ay u soo dheceen xili Jawaari uu la joogay Madaxweynaha taasi oo daba socotay kulan ay ayagoo ah gudiga khilaafaadka la sheeyeen maalintii shalay ahayd Farmaajo.
Xasan Yare ayaa eedeeyay Madaxweynaha iyo garabka kale ee mudiciga ku ah Jawaari, wuxuuna sheegay in Madaxweynuhu ku balanfuray, wixii dhib ee dhacana ay masuuliyaddeeda qaadayaan. Xildhibaan Xasan ayaa ku dooday in dhinaca ka soo horjeeda ay doonayaan inay aqalka baarlamaanka jabsadaan oo si sharci daro ah u shaaciyaan inay xilka ka qaadeen Jawaari, wuxuuna ka digay haday taasi dhacdo in qofka gacmaha iyo laguha loo taagi doono een ka danbaynaynin uu yahay Farmaajo.
Isku soo duuboo, waxaa muuqda in khilaafku uu sii fananaayo meel sare.
storvideo: 

Wasaaradda Amniga oo ka warbixisay Lacag ay ku...

$
0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network):-Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa war saxaafadeed ka soo saartay boorsooyin lacag laga soo buuxiyay oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Wasaaradda ayaa sheegtay in lacagta la qabtay cadadkeeda uu yahay 9.6 milyan, lana baarayo halka ay ka timid iyo meesha ay u socotay.

storvideo: 

Dowladda Soomaaliya oo War ka soo saartay Lacagtii...

$
0
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay Lacag diyaaradi siday oo maanta lagu qabtay Garoonka diyaaraha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in maanta barqadii abaaro 11:40am ay Garoonka Aadan Cade soo caga dhigatay diyaarad nooceedu yahay Boeing 737 oo siday Boorsooyin laga soo buuxiyay lacago doolar ah.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Lacagta la qabtay dhantahay 9.6 milyan (Sagaal milyan iyo lix boqol oo kun oo doollarka Mareykanka ah), hay'adaha amniguna haatan ay ku hawlanyihiin baaritaan ku saabsan halka ay lacagtu ka timid, meesha ay u socotay, dadkii ku lug lahaa iyo dantii laga lahaa.
Sidoo kale War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ay jiraan waddamo ay Dowlaadu xiriir la leedahay oo taakuleeya Dowladda Federaalka iyo laamaheeda kala duwan, balse taakuleynta dhaqaale loo soo marsiiyaa habraac waafaqsan shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah ee la xiriira isu-gudbinta lacagaha.
Dhanka kale Warar soo baxaya ayaa sheegaya in lacagtaas qaar loo waday ciidanka Badda Puntland ee PMPF, halka qaarka kalena loo siday ciidanka Imaaraadku taba-baro ee ku sugan magaalada Muqdisho, balse ma jirto cid warkaas xaqiijinjisay.PUNTLAND POST
The post Dowladda Soomaaliya oo War ka soo saartay Lacagtii lagu qabtay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Daawo Video:- Lacagtii Xamar lagu qabtay ee Emirate...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Warar ay heshaywarkii.com ee magaalada Muqdisho ayaa xaqiijinaya in Boorsooyin lacag ah lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Aadan cadde.
Saraakiisha amaanka ee garoonka Muqdisho ayaa warkii.com u sheegay in ay qabtayn ilaa 3 Boorso oo ay ku jireen Malaayiin lacag doolar ah, waxaana laga dejiyay diyaarad ku sii jeeday magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.
Wararka la helay ayaa sheegaya in lacagtaan loo waday magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Baay waxaana sidoo kale la sheegayaa in Imaaraadka laga keenay lacagtaasi.

SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleWasaaradda Amniga Oo War Ka Soo Saartay Ammaanka Muqdisho Iyo Qorshaha Ciidamada Xasilinta

storvideo: 

Amiir Maxamed Bin Salmaan oo booqasho ku jooga Faransiiska

$
0
0

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa ku qaabilay dhaxal sugaha taajka boqortooyada Sucuudiga, Amiir Maxamed Bin Salmaan, casho sharaf lagu qabtay matxafka Louvre ee ku yaal magaalada Paris.

Amiir Maxamed Bin Salmaan oo booqasho ku jooga...

$
0
0

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa ku qaabilay dhaxal sugaha taajka boqortooyada Sucuudiga, Amiir Maxamed Bin Salmaan, casho sharaf lagu qabtay matxafka Louvre ee ku yaal magaalada Paris.
Amiir Maxamed ayaa waxa Faransiiska uga bilaabmaysa booqasho rasmi ah oo saddex maalood qaadanaysa, taas oo la filayo in labada dal inta uu halkaa joogo kala saxeexan doonaan heshiisyo dhawr ah oo dhinacyada tamarta, beeraha, dalxiisa iyo dhaqanka ah.
Faransiiska ayaa la filayaa in Amiirku ka codsado in uu wax ka dhiso magaalada Al-Culaa loo bixyey ee uu Sucuudigu doonayo inuu ka dhiso goob aasaar taariikhi ahi ku yaalaan oo ku taal badhtamaha saxaraha.
Hase yeeshee, booqashadani waxay sidoo kale dhalisay muran, oo waxa jira dad badan oo Faransiis ah oo ka cadhaysan in Faransiisku hub ka iibiyo Sucuudiga, sababta oo ah dagaalka Yemen ka socda ee uu ku lugta leeyahay.
storvideo: 


Daawo: ” Labada Xisbi Mucaaradba Wadahadalbaa noo...

$
0
0

Daawo:" Labada Xisbi Mucaaradba Wadahadalbaa noo socda Torxaan bixin ah ... Sidoo kalen Musharaxiinta Xisbiga Kulmiye Xaqbay u leeyihiin in ay isa soo sharaxaan se ilaa hadeer Waxaa musharax ah Muuse .. Media hana la iskama sharaxee xisbiga Gudihiisa ayaa " Gudoomiye kuxigeenka Kulmiye
[embedded content]
storvideo: 

Qof dambi dil ah oo uusan geysanin loogu xukumay 65 sano oo xarig ah

$
0
0

Dalka Maraykanka qasab ma ahan in aad disho qof si laguugu xukumo dambi ah in aad dil geysatay, waxaa jira sifooyin kale oo qofka ka dhigi kara dilaa isaga oo aanan cidna dilin.

Daawo: Garyaqaan Cali Siciid Arimaha Sharciga Is...

$
0
0

Daawo: Garyaqaan Cali Siciid Arimaha Sharciga Is barbar dhigna ku sameeyey Tayada Garsoorka ee Xiligii Ina Cigaal iyo Hadeer oo Muuse Joogo .. Kana waramay Kiisaskii u adkaa ee soo Maray
[embedded content]
storvideo: 

Qof dambi dil ah oo uusan geysanin loogu xukumay 65...

$
0
0

Dalka Maraykanka qasab ma ahan in aad disho qof si laguugu xukumo dambi ah in aad dil geysatay, waxaa jira sifooyin kale oo qofka ka dhigi kara dilaa isaga oo aanan cidna dilin. Haddaba sidee ayay suurtogal ku tahay taas?
Wiil lagu magacaabo Lakeith Smith ayaa lagu xukumay 65 sano oo xarig ah garsoor kadib markii uu dhintay wiil saaxiibkiis ahaa oo lagu magacaabo A'Donte Washinton, kaas oo uu toogasho ku diley askari booliiska ka tirsan.
Lakeith iyo saddex kale oo saaxiibadiis ah ayaa sanado ka hor fal tuugonimo ah ugu dhacay guryo dariskooda ah, kadibna dadkii guryaha lahaa ayaa booliiska u yeeray.
Markii ay booliiska yimaadeen ayay illinka isku qabteen wiilashii dhaca geysanayay oo baxsad ah iyo booliiskii oo gurmad ah, kadibna wiilashii waxa ay u baxsadeen gadaal si ay darbiga uga boodaan, waxaase dhacday in ay booliiska rasaas huwiyaan tuugada, rasaastaas oo uu ku dhintay A'Donte Washington oo ka mid ahaa kooxda tuugada ahayd.
Wax muran ah kama jirin in rasaasta wiilka dishay uu riday askari ka tirsan booliiska Millbrook ee gobolka Alabama, sababtoo ah kaamaradii jirkiisa ku xirnayd ayaaba duubtay waxa dhacay oo dhan.
Xeerbeegti dacwada dhagaysatay ayaa diiday in askariga uu geystay wax qalad ah, iyaga oo xukumay in rasaasta uu riday uu ku riday sifo sharci ah.
Askariga badalkiisa , dambiga dilka waxaa qoorta loo suray Smith, waxaana lagu heley in uu dilay wiilka marka la tixraaco sharciga ka jira Alamaba iyo gobolo kale oo badan oo Maraykanka ku yaala, kaas oo dhigaya in qofka uu qaadanayo sifada dilaanimada haddii uu si uun sabab uga ahaa dilka ama qeyb ka ahaa dambi dhacay dambiga ka hor.
Tusaale haddii tuug isaga oo wax ka dhacaya qof, qofkii uu wadne xanuun kusoo boodo oo uu dhinto, tuugaas waxaa loo aqoonsanayaa dilaa.
Nin waxaa jiray lagu heley dil maadaamaa uu baabuurkiisa siiyay nin kale oo dil ku geystay.
Arrinta Smith waxa ay kuwa kale kaga duwantahay ayaa ah in uu diiday in uu qirto dambiga, markaas oo lagu xukumi lahaa ugu badnaan 25 sano oo xarig ah, taas badalkeeda waxa uu codsaday in dhagaysi dacwadeed oo dheer la galo, taas oo muddo kadib lagu heley in uu dambiga geystay, laguna xukumay 65 sano oo xarig ah.
Wiilashii kale ee falka la geystay ayaa iyagu qirtay dambiga, waxayna sugayaan in la xukumo.
Andre Washintong oo ah aabaha dhalay wiilka la dilay ee A'donte ayaa ka qaybgalay dhagaysiga, balse waxa uu fariistay safka Smith, isaga oo sheegay in uu taageersanyahay Smith, wuxuuna intaas ku daray in wiilkiisa ay booliiska dileen.
storvideo: 

Daawo: Gudoomiyaha gobolka Togdheer Md Xamse oo ka...

$
0
0

Daawo: Gudoomiyaha gobolka Togdheer Md Xamse oo ka waramay Kulan uu la yeeshay Dhamaan Isuduwayaasha Ka hawl gala Gobolka Togdheer
[embedded content]
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live