Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Farmaajo oo ka hadlay in Jawaari shuruud ku xiray is...

$
0
0

Muqdisho (- Online) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa uga mahadceliyey guddoomiyahii golaha shacabka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari sida uu isku casilay.
Farmaajo ayaa sheegay in Jawaari aanu wax shuruud ah ku xirin is casilistiisa, uuna yahay qabiir dhanka sharciga ah.
"Waxaan u mahadcelinayaa mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo runtii dalka usoo shaqeeyay in ka badan muddo 50 sano ah, xilal kala duwanna usoo qabtay, mudane Jawaari waa oday Soomaaliyeed, waa qabiir dhanka sharciga ah, in badanna dowladnimada Soomaaliyeed waqti aad u badan geliyey, go'aanka uu qaatay waa mid taariikhi ah, wax shuruud ah oo uu ku xirayna malahan, waxaan ku dhiirogelinayaa mudane Jawaari in uu halkaasi kasii wado dedaalladii uu ku bixiyey dowladnimada Soomaaliyeed, gaar ahaanna qabyo tirka dastuurka, waxaan ka fileynaa inuu sii wado talobixintiisii iyo talo soo jeedintiisa, waxaa waajib nagu wada ah inaan usoo wada jeedsanno xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed oo ah dowlad wanaag, adeegyada asaasiga ah inaan gaarsiinno, inaan si wadajir ah ugu istaagno arrimaha masiiriga ah"
Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa dhanka kale waxa xukuumadda faray iney Labo jibaarto dedaalkeeda, maadaama ay horyaalaan howl oculus.
"Xukuumadda waxaan farayaa iney dedaalka Laba jibaarto maadaama ay horyaallaan howlo culus oo ay ka mid yihiin sugista amniga iyo horumarinta dhaqaalaha dalka"
Ugu dambeyn, Madaxweyne Farmaajo ayaa usoo jeediyey baarlamaanka federaalka in ay dardargeliyaan meelmarinta hindise sharciyeedka, sidoo kalena ugu baaqay iney kormeer joogto ah ku sameeyaan howlaha xukuumadda.
"Baarlamaankana waxaan usoo jeedinayaa iney dardargeliyaan hindise sharciyeedyada ay xukuumadda usoo gudbisay oo ahmiyad weyn u leh dalka, waxaan kaloo aan halkaan ugu baaqayaa baarlamaanka in kormeer joogta ah ku sameeyaan xukuumadda iyo laamaha kala duwan ee dowladda, waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa iney garab istaagaan dowladda, ayna la shaqeeyaan hay'adaha amniga ah si loo xaqiijiyo nabadgalyada dalka, dowlad aysan shacabka garab taagneyn ma shaqeyn karto" ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay madaxweynaha.
storvideo: 


Sawirro:-Madaxweyne Farmaajo “Waxaan ku dhiirri gelinayaa Mudane Jawaari in uu halkiisa ka sii wado dadaallada uu ku bixinayo dowlad dhisidda Soomaaliya”

$
0
0

Muqdisho, 10ka Abriil, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Guddoomiye Jawaari, tanaasulka uu sameeyey iyo go’aanka shuruud la’aanta ah ee uu u qaatay danta dalka.
Madaxweynaha oo shir jaraa’id ay si wada jir ah u qabteen Guddoomiyaha xilka iska casilay ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa kula dar daarmay in uu sii wado dadaallada uu ku bixinayo dowlad dhisidda Soomaaliya.
“Waxaan ku dhiirrigelinayaa Mudane Jawaari inuu halkiisa kasii wado dadaallada uu ku bixinayo dowlad dhisidda Soomaaliya, gaar ahaan qabyo tirka Dastuurka, waxaana dowladda iyo shacabkaba ka filayaan talo bixin iyo toosin joogta ah.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, muddadii dheerayd ee uu u soo shaqeeyay dalka iyo waqtiga uu ku bixiyey dowladnimada.
Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda in ay sii labo laabto dadaalkeeda, maadaama ay horyaallaan hawlo culus oo ay kamid yihiin sugidda amniga iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.
Sidoo kale, Baarlmaanka waxa uu u jeediyey in ay dardar geliyaan meel marinta hindise sharciyeedyada ay xukuumadda u soo gudbisay ee ahmiyadda u leh howlaha dowladda iyo in ay kor joogteeyaan Hay’adaha kala duwan ee Dowladda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan dowladdooda, ayna la shaqeeyaan hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgalyada.

DHAMMAAD
Wixii faah faahin ah, fadlan kala xiriir
Cabdinuur Maxamed Axmed 
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, 
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 
E-mail:media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/ 
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/ 
Twitter: @TheVillaSomalia
        http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/unnamed-5-300x200.jpg 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/unnamed-5-768x512.jpg 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/unnamed-5-1024x683.jpg 1024w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/unnamed-5-696x464.jpg 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/unnamed-5-1068x712.jpg 1068w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/unnamed-5-630x420.jpg 630w" sizes="(max-width: 1180px) 100vw, 1180px" />http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/unnamed-7-300x200.jpg 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/unnamed-7-768x512.jpg 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/unnamed-7-1024x683.jpg 1024w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/unnamed-7-696x464.jpg 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/unnamed-7-1068x712.jpg 1068w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/unnamed-7-630x420.jpg 630w" sizes="(max-width: 1180px) 100vw, 1180px" />http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/unnamed-300x200.jpg 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/unnamed-768x512.jpg 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/unnamed-1024x683.jpg 1024w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/unnamed-696x464.jpg 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/unnamed-1068x712.jpg 1068w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/unnamed-630x420.jpg 630w" sizes="(max-width: 1180px) 100vw, 1180px" />       http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/unnamed-1-300x200.jpg 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/unnamed-1-768x512.jpg 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/unnamed-1-1024x683.jpg 1024w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/unnamed-1-696x464.jpg 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/unnamed-1-1068x712.jpg 1068w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/unnamed-1-630x420.jpg 630w" sizes="(max-width: 1180px) 100vw, 1180px" />
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/unnamed-3-1-300x200.jpg 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/unnamed-3-1-768x512.jpg 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/unnamed-3-1-1024x683... 1024w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/unnamed-3-1-696x464.jpg 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/unnamed-3-1-1068x712... 1068w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/unnamed-3-1-630x420.jpg 630w" sizes="(max-width: 1180px) 100vw, 1180px" />

The post Sawirro:-Madaxweyne Farmaajo “Waxaan ku dhiirri gelinayaa Mudane Jawaari in uu halkiisa ka sii wado dadaallada uu ku bixinayo dowlad dhisidda Soomaaliya” appeared first on Shabelle.

Daawo: Siyaasi Xisbiga Wadani ka mid ah oo Reer...

$
0
0

Daawo: Siyaasi Xisbiga Wadani ka mid ah oo Reer Boorama Ka qayliyey Xil ka qaadista Gudoomiye Kuxigeenka Wadani Soona Tiriyey Xilalka Isaaq Haysto ee Xisbiga Gudihiisa
[embedded content]
storvideo: 

Daawo: Shir Balaadhan oo Maanta Gullu-jeed uga...

$
0
0

Daawo: Shir Balaadhan oo Maanta Gullu-jeed uga Qabsoomay Beesha Dudub Cisaam Ee Samaroon Kuwaas oo ay ka soo qayb Galeen Qabaha Bulshadaasi
[embedded content]
storvideo: 

Sawirro:-Madaxweyne Farmaajo “Waxaan ku dhiirri...

$
0
0

Muqdisho, 10ka Abriil, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Guddoomiye Jawaari, tanaasulka uu sameeyey iyo go'aanka shuruud la'aanta ah ee uu u qaatay danta dalka.
Madaxweynaha oo shir jaraa'id ay si wada jir ah u qabteen Guddoomiyaha xilka iska casilay ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa kula dar daarmay in uu sii wado dadaallada uu ku bixinayo dowlad dhisidda Soomaaliya.
"Waxaan ku dhiirrigelinayaa Mudane Jawaari inuu halkiisa kasii wado dadaallada uu ku bixinayo dowlad dhisidda Soomaaliya, gaar ahaan qabyo tirka Dastuurka, waxaana dowladda iyo shacabkaba ka filayaan talo bixin iyo toosin joogta ah."
Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, muddadii dheerayd ee uu u soo shaqeeyay dalka iyo waqtiga uu ku bixiyey dowladnimada.
Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda in ay sii labo laabto dadaalkeeda, maadaama ay horyaallaan hawlo culus oo ay kamid yihiin sugidda amniga iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.
Sidoo kale, Baarlmaanka waxa uu u jeediyey in ay dardar geliyaan meel marinta hindise sharciyeedyada ay xukuumadda u soo gudbisay ee ahmiyadda u leh howlaha dowladda iyo in ay kor joogteeyaan Hay'adaha kala duwan ee Dowladda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan dowladdooda, ayna la shaqeeyaan hay'adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgalyada.
storvideo: 

Daawo: Haweenka Beelaha Cidagale iyo Habaryoonis Oo...

$
0
0

Daawo: Haweenka Beelaha Cidagale iyo Habaryoonis Oo Canbaareeyey Dambiilana ku tilmaamay Wasiirka Warfaafinta Guribarwaaqo Oo Cawrada dumarka ku qoray Buugiisa .. Sidoo kale Taageero Mugg leh u muujiyey Shirka Beelahaas ee Gacanlibaax

[embedded content]
storvideo: 

Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu...

$
0
0

Garoowe (SONNA), Wafdigaan, ayaa waxaa qeyb ka ahaa Xildhibaano ,Bahda warfaafinta Soomaaliyeed sida wasaaradaha warfaafinta Maamul Gobaleedyada dalka ,Madaxda warbaahinta dowlada iyo ururada saxaafadda ee Madaxa Banaan, uuna Horkacayay siihayaha wasiirka warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane C/raxmaan Iidaan Yoonis, waxaana ku soo Dhoweeyayay Garoonka diyaaradaha ee Kanoco Madaxda wasaaradda warfaafinta Puntland ,wasiiro iyo xunba Kala duwan, waxayna Garoowe kaga qayb gali Doona shirkii labaad ee bahda warfaafinat Soomaaliyeed oo Garoowe ka furmi Doona .
Mudane C/Xirsi Cali Qarjab wasiirka warfaafinta is gaarsiinta Hidaha iyo dhaqanka Dowlad goboleedka Puntland, ayaa ku soo dhoweeyay Madaxdaani kala duwan Puntland, xusayna in uu Garoowe ka furmi doono shir u Muhiim ah bahda warfaafinta iyo Bulshada Soomaaliyeed.
Sii hayaha wasiirka warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowlada Federalka ah ee Soomaaliya ahna wasiir ku xigeenka wasaraadaasi Mudane C/rixmmaan Iidaan Yoonis, ayaa ka Mahad celiyay Soo dhowaynta Garoowe loogu sameeyey, siina raaciyay in uu Garoowe ka furmi Doono shirkii Labaad ee ay yeelan Doonaan Bahda Warfaafinta Soomaaliyeed, kaasi oo daba socda shir sanad ka hor la qabtay.
Shirkaan ayaa lagu wadaa in uu socdo Muddo afar barri ah, kaasi oo ay yeelan doonaan Madaxda ka qayb galaysa shirkaani Doodo ,wada tashiyo iyo kulama gaar gaar ah oo loogaga arinsanayo Horumarinta iyo iskaashiga wasaarada warfaafinta Dowlada Federalka ah ee Soomaaliya iyo wasaaradaha warfaafinta ee Maamul gobaleedyada dalka iyo horumarinta warbaahinta dalka.

storvideo: 

Somalia oo Iska-fogeysay Cambaareynta Imaaraadka...

$
0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network):-Dawladda Soomaaliya ayaa ku gacan sayrtay cambaarayn uga timid dhinaca dalka Imaaraadka Carabta oo la xiriritay lacagtii ciidamada amnigu ay ku qabteen garoonka diyaaradaha ee Muqdishu maalintii Axaddii.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa war saxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay in ciidamada amnigu ee Soomaalidu ay qoryo ku qabteen dadkii diyaaradda saarnaa isla markaana ay kala wareegeen $9 milyan iyo 600 kun oo dollar, waxayna ku tilmaantay tallaabadaasi mid sharci-darro ah oo xadgudub ku ah shuruucda caalamka. Imaaraadka ayaa sheegay inay arrintaasi jebinaysay is-afgarad ay horey u gaareen Soomaaliya iyo Imaaraadka sannadkii 2014-ka.
Hase yeeshee dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay difaacday tallaabada ay qaadday waxayna sheegtay in safiirka imaaraadka ee Muqdishu uu diiday in boorsooyinkaas la mariyo qalabka baadhitaanka iyaga oo aan la furin.
Sarkaal u hadlay Soomaaliya waxa uu sheegay in in boorsooyin aan ahayn kuwo diplomaasiyeed in loo adeegsado ujeedooyin diblomaasiyadeed waxay laalaysaa xasaanaddii ay cahdiga Vienna ee xiriirka diplomaasiyadeed. Waxaa kale oo uu sarkaalkaasi uu sheegay in is-agaradka ay gaadheen Soomaaliya iyo imaaraadka uu waaqtigiisii dhammaaday sannadkii 2016-ka.Xigasho:- VOA
storvideo: 


Guddida Qaban-qaabada Munaasibadda 18-ka May oo...

$
0
0

Guddida qaban-qaabada xuska munaasibadda qaran ee 18-ka May, ayaa maanta gelinkii danbe ku yeeshay kulankoodii ugu horreeyey ee la xidhiidha dardargelinta hawlaha hor yaalla.
Guddidan oo uu dhawaan magacaabay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa kulankoodii ugu horreeyey ku yeeshay xarunta qasriga madaxtooyada, waxaana shir-guddoominayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaiil (Saylici), kulankaasina waxa diiradda lagu saaray sdii ay guddi ahaan u dardargelin lahaayeen hawsha qaban-qaabada munaasibadda qaran ee 18-ka May.
Xubnaha guddida, ayaa kulankooda ku faaqiday sidii ay u diyaarin lahaayeen munaasibadda qaran ee 18-ka May, isla markaana dalka looga qaban lahaa munaasibado si heersare ah u abaabulan oo lagu weynaynayo goonni isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana ay si waafi ah uga doodeen waxyaabaha ay guddi ahaan door bidayaan in lagu weynayn karo munaasibaddan.
Gebogebadii guddidu waxa ay isla qaateen inay fadhiyo dambe isugu yimaadaan, si ay u hirgeliyaan munaasibad heerkeedu sarreeyo, isla markaana shacabka reer Somaliland ka dhaadhiciyaan inay ka qayb-qaataan xuska maalinta qaran ee 18-ka May ee foodda inagu soo haysa.
storvideo: 

Duqa Muqdisho oo la kulmay Duqa Ankara

$
0
0

Ankara, 10 April, 2018: Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa kala hadlay Mayorka magaalada Ankara Prof Dr. Mustafa Tuna sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dib u habeynta shaqooyinka Dawladda Hoose ee degmooyinka Gobolka Benaadir.Guddoomiyaha oo dalka Turkiga kulamo kula qaadanaya qaar ka mid ah Maamullada Degmooyinka iyo Gobollada dalkaas ayaa sheegay in qorshuhu uu yahay sidii Degmooyinka Gobolka Benaadir ay uga faaiideysan lahaayeen khibradaha shaqo ee dhiggooda dalka Turkiga iyo sidii loo soo gaarsiin lahaa aaladaha casriga ah ee ay adeegsadaan Dawladaha Hoose ee dalkan.
"Duqa magaalada Ankara, waxaan u bandhignay qorsheyaasha aan doonayno in ay si dhow noogala shaqeeyaan oo ay ka mid tahay casriyeynta shaqada iyo adeegyada Dawladaha Hoose, annaggoo xoogga saareyna hannaanka baahinta adeegyada asaasiga ah iyo qorshayaasha la xiriira faya dhowrka."
Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolku ayaa uga warbixiyey dhiggiisa magaalada Istanbuul oo ay wehlinayaan qaar ka mid ah ganacsatada dalkaas, fursadaha maal gashi ee ka jira Gobolka Benaadir iyo sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu kalsoonyihiin hannaanka maal gashi ee shirkadaha iyo ganacsatada dalka Turkiga.
Kulankan waxaa ku weheliyey Guddoomiye Yarisow, Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Mudane Jaamac Cabdullaahi Caydiid Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Benaadir Marwo Basmo Caamir Axmed Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed iyo xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Benaadir.
storvideo: 

Dowladda Imaaraatka Oo Cambaaraysay Dowladda...

$
0
0

War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Imaaraatka Carabta ayaa lagu cambaareeyay tallaabadii ciidamada dowladda Federaalka ay ku xanibeen diyaarad ka diiwaan gashaneed Abu Dubai taas oo 8-dii bishaan kasoo degtay garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaarrada arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga UAE ayaa lagu sheegay in ciidamada DF-ka ay ku kaceen fal ka baxsan wax ay ugu yeedhay acraafta iyo qawaaniinta caalamiga ah ee dilumaasiyadda.
"Dowladda Imaaraatka Carabtay waxay si kulul u cambaaraynaysaa falkii maamulayaasha amniga Soomaaliya ay u qafaasheen diyaarad gaar ah oo ka diiwaangashaneed UAE, diyaaraddaasi oo sideedkii bishaan April ku degtay garoonka caalamiga Muqdisho waxaana la socday 47 kamid ah ciidamadeenna qalabka sida ee imaaraatka ,laamaha amniga soomaaliya waxay la wareegeen lacago loogu talagalay maalgelinta dhismaha ciidamada ammaanka waxayna hub ku handadeen ciidamadii la socday diyaaradda "ayaa lagu yidhi warka kasoo baxay dowladda Imaaraatka.
Xukuumadda Dubai ayaa dowladda Federaalka ku eedeysay in muddo saacada ah ay diyaaradeedda gaarka ah ku heysatay garoonka diyaaradaha caalamiga Muqdisho islamarkaana ay la wareegtay lacago malaayiin dollar ah.
"Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah waxay cambaareynaysaa falkaas oo khilaafsan dhammaan qawaaniinta diblumaasiyadda wuxuuna dhaawacayaa heshiisyadii dhanka amniga iyo iskaashiga ahaa ee Soomaaliya nagala dhaxeeyay" ayaa markale lagu yidh warka kasoo baxay dowladda Imaaraatka.
Warkan ayaa banaanka soo dhigaya sida khilaafka u dhaxeeya dowladdaha Khaliijka uu saameyn ugu yeeshay maamulka Farmaajo madaxda ka yahay.
storvideo: 

Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle.

Fariimo iska Soo Horjeedo oo Loo Diray Xildhibaanada...

$
0
0

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa loo kala diray Warqado is qilaafsan oo iska soo horjeedo.
Laba Fariimo oo kala duwan ayeey Gudoomiye Muudeey iyo Gudoomiyihii iscasilay ee Jawaari u kala direen Xildhibaanada Baarlamaanka.
Warqada hore ayaa Gudoomiyaha iscasilay ee Jawaari u diray Xildhibaanada isaga oo u sheegaya in Bari Kulanka uu jiro islamarkaasina hadal jeedinta uu isaga leeyahay.
isla durbadiiba warqad arintaasi looga soo horjeedo ayuu Gudoomiye Muudeey Xildhibaanada u diray isaga oo sheegay in bari kulan aanu jirin ilaa amar dambena iyaga ay soo sheegi doonaan.
Arintaan ayaa u muuqata Jahwareer hor leh mar haddi uu is casilay Gudoomiye Jawaari.
Maanta ayuu Jawaari madaxweyne Farmaajo hortiisa ka sheegay in bari oo Arbaco ah uu kulanka Baarlamaanka hadal Jeedin ka jeedin doono isaga oo faah faahin doono is casilaadiisa.Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho
The post Fariimo iska Soo Horjeedo oo Loo Diray Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

May iyo Trump oo ku heshiiyay ka jawaabidda weerarkii Duuma

$
0
0

Madaxweyne Trump iyo ra'iisalwasaaraha Britain Theresa May ayaa ku heshiiyay in laga jawaabo weerar ka dhacay magaalada Duuma ee dalka Suuriya oo sida la sheegay loo adeegsaday hubka kiimikada.

May iyo Trump oo ku heshiiyay ka jawaabidda...

$
0
0

Madaxweyne Trump iyo ra'iisalwasaaraha Britain Theresa May ayaa ku heshiiyay in laga jawaabo weerar ka dhacay magaalada Duuma ee dalka Suuriya oo sida la sheegay loo adeegsaday hubka kiimikada.
Labadan hoggaamiye iyo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ka baaraan degaya suurtagalnimada in tallaabo milatari laga qaado dowladda Suuriya.
Madaxweyne Trump iyo xoghayihiisa gaashaan-dhigga James Mattis ayaa arrinta Suuriya awgeed uga baaqday safar u qorsheysnaa dhammaadka toddobaadkan.
Xarunta Qaramada Midoobeyna waxaa ka soconaya dedaallo diblomaasiyadeed oo iska soo horjeeda oo ay kala wadaan waddamada Ruushka iyo Mareykanka, kuwaas oo looga gol-leeyahay sidii loo baari lahaa dhacdadaasi.
Baarayaal caalami ah ayaa sheegaya in ay aadayaan dhanka magaalada Duuma ee dalka Suuriya si ay u soo ogaadaan xaqiiqda jirta.
storvideo: 


Somali parliament’s session postponed over confusion

$
0
0

The Lower House chamber of Somalia's Federal parliament has postponed its scheduled Wednesday session after confusion over text messages sent to the lawmakers from two opposing sides in the house.
The outgoing Speaker of the Lower House Mohamed Osman Jawari who resigned Monday was expected to deliver his resignation speech to the House on Wednesday morning, April 11.
The deputy and acting speaker of the house, Abdiweli Ibrahim Mudey has sent last night messages to the MPs, informing them that the planned session was canceled until further notice.
Similar messages have been dispatched to the parliamentarians by the office of Jawari, calling on the lawmakers to attend the sitting on Wednesday morning at 9:00 a.m. local time.
The conflicting messages led to the postponement of today's parliament session, becoming the 12th sitting to be rescinded since March due to the political standoff besetting the country's national assembly.
storvideo: 

Indonesia, Somalia agree to enhance trade ties

$
0
0

Indonesia and Somalia have agreed to intensify trade ties during a bilateral meeting between Indonesian Foreign Minister Retno Marsudi and Somalian Vice Foreign Minister Mukhtar Mahat Da`ud here on Wednesday.
"I have just held bilateral talks with the Somalian vice foreign minister. We spoke about trade ties," Marsudi remarked following the meeting held on the sidelines of the second day of the Indonesia-Africa Forum (IAF).
Marsudi noted that trade between the two countries, which has grown on an average of 30 percent per year, can still be increased.
In 2017, bilateral trade jumped by 80 percent as compared to the previous year, she stated.
"Hence, at the meeting, we agreed to encourage the private sectors of the two countries to forge more contacts," she remarked.
At the meeting, the two sides also explored possibilities for cooperation in infrastructure development.
"We are pursuing the development of infrastructure, including roads and ports, as one of the priorities. Right now, we are in the process of developing ports, but we are focusing our expertise on designing the ports," she explained.
"Hence, this is a joint effort of several countries to cooperate with Somalia in developing its ports," she noted.
Meanwhile, Da`ud expressed hope that Indonesian investors would invest in the fisheries and agriculture sectors in Somalia.
Indonesia has vowed to enhance relations with African countries, particularly in the economic field, by holding the IAF from April 10 to 11.
storvideo: 

Xiisad dagaal Oo ka taagan Xaafadda Siliga Ee...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xiisad u dhexeysa Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Saakay ka taagan Xaafadda Siliga degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Xiisadan ayaa ka dhalatay burburin Ciidamo ka tirsan kuwa dowladdu ay ka bilaabeen Xaafaddaasi, taas oo la sheegay in ay ka hor yimaadeen Askar kale oo deegaan ahaan u dagan halkaasi.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan in markale dagaal uu ka dhaco halkaasi, maadaamo dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda ay ka socdaan Xaafadaasi.
Dagaal xoogan oo shalay ka dhacay Xaafadda Siliga ee degmada Wadajir ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 10 Qof, halka ay ku dhaawacmeen tri intaasi ka badan.
Welina ma jiro wax hadal ah oo ay dowladda Soomaaliya ka soo saartay dagaalkaasi, iyo xiisada maanta ka taagan halkaasi.
storvideo: 

Dowladnimada Maxaa loo Samaystaa? Abdirashid Hussein

$
0
0

#Dowladnimada Maxaa loo #Samaystaa ?.
-----------------------------------------------
Dhamaan bulshadayda qaaliga ah ,Asxaabtayda ila wadaaga Afkaarta ,inta igu soo celisa coments kooda dhiirigalinta ah waad salaamantihiin.
---------.
Hadba waxaan diirada saaraa meelaha aynu ka liicsanahay ,ee aan u arko inay muhiim tahay ,rajaynaynona inaynu mar uun fahmi doono ,kana dhismi doono ,dowlad ahaan iyo shacab ahaanba.
Aan kula wadaago mowduucan kor ku xusan:
Qeexid :-Markaynu eegno ama qeexno dowlad ama dowladnimo ama iswaydiino macnaha dowlad waxa ay tahay , dowladdu waxa weeye habdhis (system)ka kooban unugyo habaysan , oo xukuma , ilaaliya , xadeeya , xaliya , dabra dhamaan habdhaqanka bulsho meel kuwada nool una yeela bulshadaas calaamad ay kaga duwantahay bulshooyinka kale ee la dariska ah ama dunida kula nool.
1. Sheikh inbu khaldun oo ka mid ahaa culimada waawayn ee islaamka ,waliba raga loo daba fadhiisto Cilmga bulshada (SOCIOLOGY), Ilaahay how naxariisto, waxa uu sheegay (BUUGIISA AL MUQADDAMA ),dowladnimada waxa loo samaystaa ama baahida keentay in dowlad la sameeyo ,waxa weeye laba shay /arimood:
* In bulshadu hesho wada noolaansho (Coexistence), wax kastay ku kala duwantahay , afkaarta , dhaqanka , diimaha, xadaaradaha , afka,hadana inay dowladnimadu abuurto in la wada noolaan karo, si kale hadaan u dhigo,si loo helo wada noolaansho ,waa in la helo dowladnimo umada ka dhaxaysa. Markaas waxa khasab noqotay in la helo dowladnimo keenta wada noolaansho.
* In la helo ilaalin, xafidaad ,amni ,gudaha iyo debedaba ( Protection , both Internally & Externally). Inay ku difaacdo oo ay kaa difaacdo cadowga gudaha iyo debedaba.
2. Abu Yacrab al Marzouqi; oo ka mid ah mufakiriinta casrigan ee caalamka islamka ,isaguna waxa uu tilmaamay in dowladnimadu ay qabato laba shaqo oo waaweyn ,sidan hoose:
* Waa ilaalinta , kobcinta , maamulka iyo maaraynta dhamaan arimaha bulshada , adeega sida caafimaadka , waxbarashada , wadooyinka, dhaqaalaha , garsoorka iyo cadaalada, iwm,( Caring and Providing Essentials to the Public ),
* Ilaalin, xafidaad ama difaacid bulshada laga difaaco cadowga , iyo khataraha bulshada uga iman kara gudaha iyo dibedaba ,(Securing & Ensuring the people's Sovereignty from foreign threat).
Caalimkaasina waxa uu ku tilmaamay inay dowladnimadu tahay shaqo la qabto , ee aanay ahayn hadal meel lala fadhiyo , ama muran bulsho oo taagan had iyo jeer.
Labadaas Ayaan ka soo qaatay mufakiriinta muslimka ah ee wax ka qoray arimaha dowlada ama dowladnimo iyo waxa laga rabo dowladnimada .
Khubarada ku xeeldheer arimaha dowladnimada , aqoonta la xidhiidha dowlada/dowladnimada ee reer galbeedka ama dunida aan muslimka ahayn (Western Political Science Experts) dhamaan saynisyahanada ku xeesha dheer maamulka iyo maaraynta arimaha bulshada,waxay isku waafaqsanyihiin ama sharaxaadahooda aad ka dhex helaysaa oo ay ka simanyihiin , kuna soo ururiyey sidan;
(The purpose of a Government/state, is to "establish Justice, insure domestic Tranquility, provide for the common defense, promote the general Welfare, and secure the Blessings of Liberty to the people and posterity).
(Ujeeda loo abuuro dowlad /dowladnimo waa in la abuuro cadaalad , la sugo degenaanshaha bulshada , la difaaco , la horumariyo daryeelkooda,xoriyadooda iyo mustaqbalkoodadaba). Waa in laga shaqeeyo nolosha bulshada .
Waxa kusoo baxaysa fahamka dowladnimada iyo sababta loogu baahday in la dhiso dowlad iyo miisaanka dowladnimadu ku leedahay aduunka.
Aniga markaan eegay Tacriifka ama sharaxaada kala duwan ama hababka kala gadisan ee loo qeexay dowladnimada iyo waxa loo samaystay , waxaan ku cabirayaa kusoo koobayaa macno guud oo koobaaya dhamaan ,sharaxaadaha kala duwan ee loo sameeyey oo ah sidan:
( Dowladnimo waa masuuliyad ,masuuliyaduna waa ilaalin, ilaalintuna waa u adeegida shacabka ,nolol ahaan iyo amni ahaanba ).
(Government is a "Responsibility", Responsibility is a "Protection"; and protection is the process of providing social needs to the public in terms of security and service).
Khubarada islamku waxay ay ku tilmaamaan dowladnimadu inay tahay shayga ugu miisaanka weeyn ee bani'adam abuuray ama dunida kusoo kordhiyey miisaan ahaan, oo ay wax walba ka weyntahay , kana horayso . sabab:
*Dowladnimada ayaa keentay in dayaxa la tago ama dayax gacmeedyo la diro ,
*In la abuuro warshado waawayn oo hubka , gawaadhida , diyaaradaha , maraakiibta sameeya,
*Dowladnimada ayaa fududaysay in la gaadho hanaanka casriga ah ee ku dhisan teknolojiyada , iyo isku xidhka aduunta , computers , softwares , internet iwm .
Wax kasta oo Bani'adamku aduunka kusoo kordhiyey, waxa asal u ah dowladnimo shaqaysay oo shaqadeedii qabsatay, kuna talaabsatay horumar.
* Waxaa is waydiin leh shaqadaas laysku waafaqsanyahay dhamaan aqoonyahanada muslimka ah & kuwa aan muslimka ahayniba isla qireen, dadka shaqadaas dowliga ah qabanayaa waa dad noocee ah ?,
* Hadii shaqadaas la sheegay ama waxii dowladnimada loo samaystay la waayo , maxaa waxa jira lagu tilmaamayaa ?.
* Yay tahay inay ka hadlaan arimaha bulshada?, Waa dad noocee ah ?.
* Goorma ayay dowladnimadu burburtaa ? Qaranku burburaa ? Bulshadu burburtaa ?.
Waa suaalo u baahan sharaxaad farabadan , laakiin sii dhexgalimaayee ,aan bixiyo jawaabo koo kooban oo qofka akhriya , ee fahmaa sii balbalaadhin karo,bulshadiisana la sii wadaagi karo.
Dowladnimada dadka ka shaqaynayaa ee umada u adeegayaa marka hore waa dad la wakiishay , loona wakiishay inay shaqadaas dowladnimo umada u qabtaan, haday barlamaan tahay , haday madaxweyne tahay , haday golayaal deegaan tahay waa wakiilka bulshada .
Dadka shaqadaas qabanaaya waxa looga baahanyahay inay yeeshaan shuruudahan,laguna xulo:
a). Qofka shaqadan qabanayaa wa inuu noqdaa qof aamin ah , awood u leh waxii loo dhiibo inuu hayo, oo xafidaya ,(truthworthy),
b). Qofka howsha dowladnimo qabanaya waa inuu noqdo qof runsheeg ah (Runlow ah ), (Honest),
c). Qofka qabanaya shaqada dowladnimo waa inuu noqdo qof caalim ah ,aqoon u leh shaqada la qabanayo. Sadexdaas shardi hadii laga helo waa ku haboonyahay. (Qualified).
* Hadii la waayo waxii dowladnimada loo samaystay , oo intaa aan soo sheegay la waayo , shaqo ahaan iyo shaqaale ahaanba , waxa loo tixgalinayaa dowladaas ,dowlad fashilantay , waxay ku fashilantay adeegii bulshadeeda iyo horumarkeedii , macno ahaan ,ku fashilantayshaqadii loo dirtay ,kuna fashilantay howlgalinta shaqaalihii ku haboonaa.
* Dadka ay tahay inay ka hadlaan, daraaseeyaan arimaha bulshada,waa dadka aqoonta u leh Arimaha bulshada , arimaha dowladnimada Iyo siyaasada dalka , arimaha gobolka iyo saamayntiisa , culimada dalka , jaamacadaha iyo macaahida dalka , guud ahaan ururada bulshadaee sharciga ah iwm.
* Hadii arimaha bulshada ay had iyo jeer ka hadlaan dadka loo yaqaano luqada carbeed (alruwaibidah ), beenaalayaasha, tuugta , dadka aan aqoonta lahayn, dadka aan xikmada lahayn , dilaaliinta , guulwadayaasha danaystayaasha ah , dalkaasi waa dal burbur qarka u saran .
* Marka dadka shaqada dowladnimo loo dhiibayaa ahayn dad u qalma, ee laga leexiyo cidii ehelka u ahayd , ee dadkii bulshada metelaayey ee arimahooda ka hadlaayeyna noqdan RUWAIBIDAH, ama beenaalayaal ,tuug, danaystayaal,dilaaliin ee ay jaanta isla helaan , dadkii awooda dowladnimo hayey iyo ruwaibidadaasi ,bulshadaasi way burburtaa , qarankaasna dhuuxiisu wuu shubmayaa, aakhirkana hadaan ilaahay cid usoo dirin ,hawada ayuu ka baxaa, dalka iyo dadkuba.
Abdirashid Hussein Yusuf,Email.Gahaydhle@live.com,
Doha ,Qatar .
storvideo: 

Digniin hordhac ah oo loo diray iyo Alarmi dhamaan...

$
0
0

Digniin hordhac ah oo loo diray iyo Alarmi dhamaan Diyuuradaha ku safra biyaha Maritareeniyaanka 72
Apr 11, 2018 -
Digniin hordhac ah ayoo loo diray iyo Alarmi dhamaan Diyuuradaha ku safra biyaha Maritareeniyaanka 72-da saac ee soo socota iney ka fee jignadaan Gantaalada ka dhaca Kuruuska iyo kuwa diyuuradaha laga ganna ee macquulka ah in lagu weeraro Siiriya saacadaha soo socda .
Mareykanka ayaa ku goodiyay inuu u aargudi doono shacabka Siiriya ee dhawaan lagu buufiyay sunta Gaaska ee Kiimikaalka iyadoo shirkii Gollaha amaanka ee saacado badan socday uu kusoo idlaaday hanjabaad kagadaal markii Raashiya ay isticmaashay codka diidmada qayaxan ee VITO tasoo ka dhiggan | lama weerari karo Dimishiq |, lakiin Washington ayaa ka gadooday is hortaaga Ruushka ee duqeynta Siiriya tiro dhan markii lixaad .
Nikki Haley , gabadha u fadhida Washington Quruumaha Midoowe, ayaa fadhiga Gollaha ka tiri" Waxba ma difaaci dontaan Assad , gabaad uma noqon dontaan tallaabo ayaan ka qaadi donaa adinkoo arkaya.
Madaxweyne Trump ayaa baajiyay safarkii uu kaga dhoofi lahaa Mareykanka isagoo shir deg dega isugu yeeray Saraakiisha Ciidanka iney u diyaar garoobaan weerar jawaab ah oo Asad lagu qaado.
Saacad kahor ayaa waxaa Jasiirada Qubrus ka dhaqaaqay Markab sida sawaariiq difaac oo ka hor tagta gantaalada Raashka iyo Siiriya cabsi laga qabo in jawaab ay la kulmaan mareykanka .
Siiriya ayaa heegan galisay Ciidamadeeda iyadoo shiday qalab Digniin ah .
Xigasho Anteeno
English News
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live