Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Caro ka dhalatay kufsi iyo dil la isugu daray gabadh 8 jir ah

$
0
0

Kufsi arxan darro ah iyo dil la isugu daray gabadh sideed jir ah ayaa dhalisay caro ballaaran oo Hindiya oo dhan ku faaftay.


Caro ka dhalatay kufsi iyo dil la isugu daray gabadh...

$
0
0

Kufsi arxan darro ah iyo dil la isugu daray gabadh sideed jir ah ayaa dhalisay caro ballaaran oo Hindiya oo dhan ku faaftay.
Maydka Asifa Bano oo ka mid ah qabiil heer baadiye ah oo Muslimiin ah ayaa laga helay kayn u dhaw magaalada Kathua oo daris la ah qaybta ay Hindiya maamusho ee Kashmiir, arrintaasi waxay dhacday 17kii bishii Janaayo.
Sheekadaas ayaa ciwaannada caalamka qabsatay toddobaadkan ka dib markii kooxaha garabka midig ee Hinduuga ay ka mudaaharaadeen xiritaanka dadkii arrintaas lagu eedeeyay oo diinta Hinduuga aaminsan.
Dadka ayaa ka caraysan in dambiyada foosha xun ay noqdeen meel laga billaabo isku dhacyada diimaha.
Booliiska ayaa xiray siddeed nin oo ay ka mid yihiin masuuliyiin dawladeed oo shaqada ka fariistay, afar askari iyo mid yar oo lala xiriiriyay dilka Asifa.
Si kastaba ha ahaatee xiritaankaas ayaa horseeday dibad bax ay sameeyeen dadka diinta Hinduuga aaminsan ee aqlabiyadda ka ah gobolka Jammu - qareenno ayaana isku dayay in ay booliiska ka hor istaagaan in ay warqadda dacwada geeyaan maxkamadda, waxaa sidoo kale mudaaharaadkaas ka qaybqaatay labo wasiir oo ka tirsan xisbiga BJP ee waddaniyadda ku kalax tagay.
Carada ka dhalatay taageerada loo muujiyay eedaysaneyaasha ayaa keentay in ay dadka Twitterka isticmaala aad u adeegsadaan hal qabsi ah caddaalad ha loo helo Asifa #justiceforAsifa iyo #Kathua.
storvideo: 

Hay’adda SOSCENSA oo soo dhaweysay habkii lagu...

$
0
0


Muqdisho (PP) -
Dallada Bulshada Rayidka ah ee SOSCENSA oo ay ku mideysan yihiin inta badan Ururada Bulshada rayidka ah ee Koonfurta iyo Bartamaha Somalia, ayaa waxa ay u taagan yihiin u qareemida danta guud ee shacabka Soomaaliyeed iyo talasiinta dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad gobboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka.
Dallada SOCENSA oo dadaal u gashay sidii loo xallin lahaa khilaafka ka dhex aloosnaa golaha shacabka, horayna uga soo saartay baaqyo ku aadan in la damiyo xaaladaasi, iyadoo kulamo kala yeelatay dhinacyada khilaafka ka dhex jiray ayaa waxa ay boogaadineysaa Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Ra'isul Wasaaraha iyo Guddoomiyahii hore ee Baarlamaanka dadaalada ay xalliyeen khilaafka siyaasadeed ee taagnaa taasi oo qeyb ka ahayd tallooyinka bulshada rayidka ee ahaa in khilaafka lagu dhammeeyo wada-hadal ama si waafaqsan sharciga.
Sidoo kale, Dallada SOSCENSA ah waxay usoo jeedineysaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed inay soo doortaan shaqsi karti iyo aqoon u leh arimaha sharci dejinta islamarkaana ay ku soo doortaan mudo 15 maalmood ah.
Ugu dambeyn, DalladU, waxay ku baaqeysaa in laga fogaado wax weliba oo keeni Kara khilaaf siyaasadeed taasi oo dib u dhac ku keeni karta geedigga dowladnimo ee Soomaaliya.PUNTLAND POST
The post Hay'adda SOSCENSA oo soo dhaweysay habkii lagu xalliyay Khilaafkii Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo...

$
0
0

Muqdisho (PP) - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kormeer booqsho ah ku tagay Wasaaradda Caafimaadka, Waxaan xarunta Wadaaradda ku soo dhaweeyay Wasiir Caafimaadka Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur iyo qaar Ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda.
Ra'iisul Wasaaraha ayaa u kuur galay howlaha shaqo ee wasaaradda iyo adeegyada caafimaad ee ay siiso shacabka, isagoona madaxda wasaarada ka dhagaystay warbixino ku saabsan sida ay wasaaradu u shaqayso. Sidoo kalena wuxuu booqday dhammaan xafiisyada Wasaaradda.
Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa boggaadiyay sida ay shaqada u wadaan howl-wadeenada Wasaaradda Caafimaadka taas oo ah, shaqo muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed. Waxuuna kula dardaarmay in ay balaariyaan howlahooda shaqo.
Sidoo kale, Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa sheegay ahmiyada ay Wasaaradani u leedahay shacabka Soomaaliyeed, maadaama ay ka mid tahay Wasaaradaha loogu baahi qab badan yahay, mar-walbana ay muhiim tahay in lagu dadaalo sidii shacabka loo gaarsiin ahaa adeegyada caafimaad.PUNTLAND POST
The post Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo booqday Wasaarada Caafimaadka appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo shaacisay waqtiga uu...

$
0
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta sare Dr. C/raxmaan Daahir Cusmaan oo shalay shir jiraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashada ay qabaneyso Imtixaanka Shaadiga ee Dugsiga sare ee sanad Dugsiyeedka 2017 iyo 2018-ka. Wasiirka Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Daahir Cusmaan ayaa sheegay in imtixaanka sanadkan ay ka [...]
storvideo: 

Gabadh jaad gadida u deysay qisooyin soo maray

$
0
0

[unable to retrieve full-text content]Istar mahamad wayrax waxa ay iska dhaaftay ganacsiga qaadka,kadib sheeko yaab leh oo ka soo martay ,Qaar kamida raga cuna Qaadka ayaa xeelad ku qaata iyo arimo farsmaysan.
storvideo: 

Sawirro: Koonfur Galbeed oo $15,000 gudoonsiisay...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Baydhaba (- Online) - Maamulka Koonfur Galbeed ayaa lacag dhan shan iyo toban kun oo lacagta Mareykanka ($15,000) guddoonsiiyay Sarkaal dhawaan ka soo goystay Ururka Al Shabaab, ka dib markii uu wada hadal la bilaabay Maamulka.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Aadan (Sandheere) ayaa bishii January iska soo dhiibay Magaalada Baydhabo, sababo ku aadan markii uu garowsaday in Shabaabku baneysteen dhiigga umadda Soomaaliyeed, Sida uu Munaasabada uga dhawaaqay.
Xaflad Xalay lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo ayaa lacagtan lagu guddoonsiiyay Sarkaalka ka soo goystay Al Shabaab, waxaana guddoonsiiyay Wasiirka Amniga, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay).
Maxamed Sandheere oo ka tirsanaa Saraakiisha Hoggaanka Gaadiidka ee Al Shabaab ayaa Maamulka Koonfur Galbeed isu soo dhiibay, xilli uu watay gaari nooca dagaalka, isla-markaana uu ku xiran yahay qoriga dhashiikaha.
Sandheere ayaa sheegay in muddo dheer uu ka tirsanaa Ururka Al Shabaab, markii ugu dambeysayna uu ka yimid dhinaca Gobolada Jubbooyinka.
Waa markii ugu horeysay lacag cadadkeedu yahay lagu wareejiyo Sarkaal Shabaab ka soo goystay.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Xog: Muxuu salka ku hayey kulanka dhexmaray Keating...

$
0
0

Muqdisho (- Online) - Danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Somalia ayaa kulan khaasa magaalada Muqdisho kula yeeshay Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM, Micheal Keating.
Kulanka Danjire Maxamed Axmed Al-Othmaani iyo Micheal Keating, ayaa salka ku hayay Siyaasada Imaaraadka kala dhexeysa Somalia, Khilaafyada isa soo taraaya ee labada dal, Amniga iyo Dhaqaalaha ay DFS ku qabatay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Danjire Al-Othmaani, ayaa Mr Micheal Keating uga faalooday sida uu ku socdo xiriirka labada dal, waxa uuna u carab dhabay inay jiraan Siyaasado isku khaldan oo u baahan in lagu xaliyo jawi degan.
Al-Othmaani waxa uu Micheal Keating u cadeeyay in dowlada Somalia ay mugdi sii galineyso xiriirka kala dhexeeya, waxa uuna carab dhabay inuu burburay Heshiisyo dhowr ah oo ay wada galeen.
Al-Othmaani, waxa uu sidoo kale Micheal Keating warbixino kooban kasiiyay lacagaha asbuucii tagay lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, taa oo dowlada Imaaraadka ay dooneysay inay u adeegsato Mooshinka laga waday Jawaari.
Waxa uu sidoo kale Al-Othmaani u sheegay Mr Micheal Keating cawaaqibta Siyaasadeed ee iminka ka dhex aloosan Somalia iyo Imaaraadka Carabta, waxa uuna Ergayga gaarka ah ee QM Micheal Keating ballanqaaday inuu waxbadan ka bedeli doono dhammaan cawaaqibaha jira.
Micheal Keating, ayaa ka codsaday Dowladda Imaaraadka inay sii wadaan taageerada kala duwan oo ay siiyaan Dowlada Federaalka ah ee Somalia, waxaana soo dhaweeyay Al-Othmaani.
Sidoo kale, Al-Othmaani iyo Micheal Keating, ayaa isla fahmay inay muhiim tahay in xiisada hadda ka dhex jirta Somalia iyo Imaaraadka lagu xaliyo jawi degan oo aan abuureynin mushkilado kale oo hor leh.
Dhinaca kale, is araga Micheal Keating iyo Al-Othmaani ayaa kusoo beegmaaya iyadoo dowlada Imaaraadka Carabta ay Dacwado ka dhan ah Somalia u gudbisay Jaamacada Carabta iyo Sacuudiga.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 


Guddoomiyihii gobolka Hiiraan oo xilka laga qaaday...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Digreeto kasoo baxday Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka looga qaaday Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, halka Gudoomiyaha Cusub loo Magacaabay Cabdullaahi Axmed Maalin.
Khilaaf soo kala dhex galay Madaxweyne Waare iyo Gudoomiyaha Xil ka qaadista lagu sameeyay oo Soo jiitamayay Muddooyinkaan ayaa ugu dambeyn sababay in Xilka laga qaado.
Cabdullaahi Axmed Maalin oo ah Ninka loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa dhowr jeer isku dayay in uu qabto Xilkaan, waxaana kaga guuleystay Cali Jeyte Cismaan iyo Cabdifitaax Xasan Afrax.
Gudoomiye Maalin ayaa kulamo gaar gaar ah la qaadanayay Madax katirsan Maamulka Hir-Shabeelle tan iyo markii uu soo baxay Khilaafka sababay xil ka qaadista Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Jeyte si uu markaan ugu guuleysto qabashada Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.
Cali Jeyte ayaa xilkaan markale dib loogu soo Magacaabay 20-kii September sanadkii tagay 2017-kii kadib markii Madaxweyne Waare uu xilka ka qaaday Cumar Aadan Deeqow.Halkaaan ka Aqriso Warqadda Digreetada:-
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Wasiir Ducaale oo ka hadlay isbedelka amniga &...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Somalia Maxamed Abuukar Islow ''Ducaalle'', ayaa ka hadlay amniga guud ee magaalada Muqdisho.
Wasiir Ducaalle, ayaa sheegay in xiligaan uu aad u wanaagsan yahay amniga, waxa uuna tilmaamay in qorshaha hadda socdaa uu yahay mid lagu ballaarinaayo amniga Muqdisho.
Waxa uu sheegay Ducaalle in qeybo kamid ah magaalada hadda lagu sameeyay isbedel bilow ah, halka qeybaha harsan lagu sameyn doono isbedel muuqda.
Waxa uu tilmaamay in isbedelada socda uu yahay in la furay wadooyinkii xirnaa qaar ee caasimadda, Ciidanka Xasilintana ay hada ku sugan yihiin wadada Warshadaha ee Magaalada.
Ciidanka ammaanka ayuu faray in shacabka Soomaaliyeed ay si wanaagsan ula dhaqmaan, maadaama ay u adeegaan shacabka, taas bedelkeeda ayuu shacaba ka dalbaday in ay si dhaw ula shaqeeyaan Ciidanka ammaanka.
Wasiir Ducaalle ayaa yiri "Waxaan furnay dhammaan Jidadkii xirnaa sida jidka Wadnaha, ilaa jidka Warshadaha ayaan geynay, ciidamada waxaan fariisimo uga sameynay goobaha aan is leenahay amni darro ayaa ka jirta''
''Dadka shacabka ah waxaan uga mahadcelineynaa dulqaadka ay inoo muujiyeen, shacabka waxaan ka dalbanayaa in ay si dhaw ula shaqeeyaan Ciidanka ammaanka, sidoo kale Ciidamada waxaan farayaa in ay u dhimriyaan shacabka."
Haddalka Wasiir Ducaalle ayaa kusoo beegmaaya xili ciidamada Xasilinta - 10-kii bishan la geeyay wadada Warshadaha halkaa oo loo dhigay dhagxaan waaweyn.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Mas’uul ka tirsanaa maamulka Puntland oo lagu dilay...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Gaalkacyo (- Online)-Maleeshiyada al-Shabaab ayaa toogasho ku dishay mas'uul ka tirsan maamulka Puntland, xili uu ku sugnaa Waqooyiga Magalada Gaalkacyo ee Puntland.
Mas'uulkan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Deeq Cali Hayaan oo maamulka ugu magacawnaa Xisaabiyihii Dowladda Hoose ee Gaalkacyo.
Axmed Deeq, ayaa markii hore dhaawac ahaan loogu qaaday isbiatalka Magaalada Gaalakcyo balse markii dambe uu dhaawicii u geeriyooday.
Axmed Deeq, ayaa lagu dhuftay ku dhawaad Shan xabadood oo gabi ahaan ka haleeshay qeybaha sare ee jirka, iyadoo dilka kadib ay goobta ka baxsadeen maleeshiyaadka.
Dilka kadib ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, waxa ayna halkaa ka qaaden Axmed Deeq oo xiligaa ahaa dhaawac.
Si kastaba ha ahaatee, deegaanada Puntland ayaa waxaa kusii kordhaaya dilalka iyo Qaraxyada ay geystaan maleeshiyaadka al-Shabaab.- OnlineXafiiska Gaalkacyo-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Farmaajo oo si caro leh uga hadlay Qaraxii ay...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay la hadlayay Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka ayaa muujiyay sida uu uga xunyahay qarixii argagixisada Al-shabaab ay ku dileen dhallinyaro kubbad ku ciyaareeysay garoon ku yaala degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in cadawga kaliya ee maanta dalka dhibaatada ku haya uu yahay Alshabaab, loona baahan yahay in dowlad iyo shacab laga wada qeyb qaato sidii loo wiiqi lahaa.
Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa "Sida aad ogtihiin maanta Baraawe waxa ay ku qarxiyeen dhallinyaro aan waxba galabsan oo kubad iska ciyaaraya. Cadawga kaliya ee aan leenahay waa iyaga, waxaana u baahannahay wax ka yar labo sano oo aan isku duubni ula dagaalanno Alshabaab"
Madaxweynaha ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyooday falkii bahalnimada ahaa ee ka dhacay Degmada Garoowe, isaga oo Alle uga baryaya dhaawacana inuu caafimaad degdeg ah siiyo.
- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Sawirro: Sidee ayey u dhacday booqashada RW Kheyre...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Ra'isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Khayre ayaa kormeer ku tagay xarunta Wasaaradda Caafimaadka, Waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Wasiirka Caafimaadka Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda.
Booqashada Ra'isul wasaaraha ayaa aheyd u kuur galida howlaha shaqo ee Wasaaradda iyo adeegyada Caafimaad oo ay siiso dadka shacabka.
Ra'isul wasaare Kheyre ayaa madaxda wasaaradda ka dhagaystay warbixinno ku saabsan sida ay wasaaradu u shaqayso, sidoo kalena wuxuu booqday dhammaan xafiisyada Wasaaradda.
Ra'isul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa inta uu ku guda jiray booqashada bogaadiyay sida ay shaqada u wadaan howl-wadeennada Wasaaradda Caafimaadka taas oo ah, shaqo muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed.
Ra'isul wasaare Kheyre, waxa uu kula dardaarmay maamulka iyo howlwadeenada Wasarada in ay balaariyaan howlahooda shaqo, si loo haqabtiro baahiya shacabka.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Isku aadka horyaallada Yurub oo la shaaciyay

$
0
0

Kooxda Liverpool ayaa la dheeli doonta Roma ciyaar ka tirsan koobka Horyaallada Yurub ee Champions League.

FARMAAJO: Jawaariyoow Anigoo dadku i jecel yihiin...

$
0
0

Muqdisho (PP) - Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulan sagootin ahaa Muqdisho ugu sameeyay, Guddoomiyihii Baarlamaanka, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari ayaa ka hadlay is-casilaadiisii sanadkii 2011-kii, markaasoo uu dalka ka ahaa Ra'iisul Wasaare.
Farmaajo oo xafladda ka hadlayay ayaa yiri. "Jawaariyoow annigaa horay u soo tanaasulay iyadoo dadku ay i jecel yihiin oo la i leeyahay ha tanaasulin, wuxuu Alle iigu beddelayna waad aragtaa."
Hadalka madaxweynaha oo u muuqday mid uu niyada ugu dajinayay Jawaari oo todobaadkan xilkii guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iska casilay, kaddib markii uu cadaadis badan kala kulmay xukuumadda uu hoggaamiyo Xasan Cali Khayre iyo Madaxtooyada.
Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddoomiye Jawaari ku ammaanay waxqabad iyo khibrad, wuxuuna ka codsaday inuu Baarlamaanka Federaalka iyo guddiyadiisa kala duwan uu lasii shaqeeyo, maadaama aan laga maarmin khibradiisa.
Dowladda uu Hoggaamiyaan Farmaajo iyo Kheyre ayaa ku caan baxday in xilalka laga qaado mas'uuliyiinta ugu waxqabadka badan Dowladda, kadibna lagu amaano shaqadii ay hayeen.
Ugu dabmeyn, Guddoomiye Jawaari ayaa ka sheegay khudbaddii uu isku-casilay ee uu ka jeediyay baarlamaanka in wax u muuqda awood sheegad siyaasadeed darted uu xilka isaga casilay, balse aanay jirin wax dhaqaale ah oo uu ku qaatay inuu xilka banneeyo.DAAWO; Muuqaalka hadalkii uu Madaxweynuhu ka jeediyay Xafladda;
Khudbad
Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa casho sharaf u sameeyay guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sh Cismaan Jawaari.Waxaa, sidoo kale, kasoo qeybgalay Ra'iisul Wasaaraha, Ku Simaha Guddoomiyaha, ahna Guddoomiye K/Xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, Guddoomiyaha K/Xigeenka 2aad, Xildhibaannada labada Aqal iyo Wasiirro ka tirsan Xukuumadda.
Posted by Villa Somalia on Thursday, April 12, 2018
PUNTLAND POST
The post FARMAAJO: Jawaariyoow Anigoo dadku i jecel yihiin ayaan xilka iska-casilay wuxuu Alle... appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


MD Farmaajo “Ciidamo gaar ah ayaan u diyaarineynaa dagaalka Al Shabaab”

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo Madaxweynaha JFS ayaa sheegay in waji cusub ay u badalayaan dagaalka lagula jiro Xarakada Al Shabaab.
Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in Ciidanka Xoogga dalka ay u tababaran yihiin dagaallada tooska ah iyo difaacida Xuduuhdah dalka .
Waxaana uu intaasi ku daray in ay dhisayaan Ciidamo Kumaandoos ah, kuwaasi oo si gaar ah ula dagaalamaya Al Shabaab.
Halkan hoose ka dhageyso Codka.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/fr.mp3
The post MD Farmaajo “Ciidamo gaar ah ayaan u diyaarineynaa dagaalka Al Shabaab” appeared first on Shabelle.

XOGO QARSOON: Madaxweyne Muse Bixi oo dhawaan u bixi...

$
0
0

XOGO QARSOON: Madaxweyne Muse Bixi oo dhawaan u bixi doona Yurub iyo arrimo kale.
Waxa Daabacay staff-reporter on Apr 13th, 2018 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Bisha soo socota waxa la sheegayaa in Muse Bixi socdaal ku tegi doono dalalka UK iyo Germany. Ujeedka socdaalkaasi oo isugu jira martiqaad uu dalalkaasi ka helay iyo socdaal shaqo. Warar kale ayaa iyaguna sheegaya in wafdi Ingiriis ahi uu dhawaan booqan doono Somaliland kaasi oo u kuur geli doona siyaasadda dibadda ee Somaliland kuna wajahan caalamka.
Dhinaca kale waxa iyana la billaabi doonaa wada hadalladii Somalia iyo Somaliland oo ka dhici doona dalka Switzerland, laakiin aan weli la shaacin wakhtiga iyo magaalada uu ka qabsoomi doono. Sidoo kale lama sheegin sababta looga soo wareejinayo Djabouti.
Waxa iyana joornaallo ka soo baxa dalka Ingiriiska lagu soo daabacay war cusub oo sheegaya in ay dalal badani diyaar u yihiin in ay Ictiraafaan Somaliland. Maaddaama mandiqadda ay ku taallaa tahay mid Strategic ah, isla markaana ay qiimo badan u samayso caalamka bariga dhexe iyo caalamkaba.
Xogaha kale ee aan maanta idiin soo gudbinayno waxa ka mid ah dawladda Saudi Arabia oo dhex dhexaadin ka wadda khilaafka soo kala dhex galay Dubai iyo Somalia. Khilaafkaasi oo aa weli gaadhin in safaaradaha la kala qaato. Balse taag taag badani ka dhex jiro.
Isku soo wada duuboo, waxa iyana meesha taalla in Ethopia, Djabouti iyo Somalia ay wadaan wada xaajood ku wajahan sidii dib looga fakari lahaa siyaasadda mandiqadda ee qaybo badan uu ka jiro jahawareer heer caalami ah.
Awdalpress
This post has been viewed 150 times.
storvideo: 

Dowladda Uganda Oo Baaq u dirtay howlgalka AMISOM Ee Soomaaliya

$
0
0

Kampala ( Sh. M. Network )-Taliyaha Ciidamada milateriga ee dalka Uganda General David Muhoozi ayaa soo jeediyay in howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ay si wadajir ah ugu qeyb qaataan tababarada la siiyo Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Isagoo ka jawaabayay su’aalo lagu weydiiyay magaalada Kambala ee xarunta dalka Uganda ayuu sheegay in isku xirnaan la’aanta howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ay keentay in aysan tababaro wanaagsan helin Ciidamada Soomaaliya.
Taliyaha ayaa soo jeediyay in la dardargeliyo tababarada Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, si ay ula wareegaan mas’uuliyada ammaanka dalka.
Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee howlgalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay dalka ka baxaan sanadka 2020-ka, sida uu hore u sheegay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Ciidamada AMISOM ayaa hore u sheegay in Cidamada dowladda Soomaaliya ay ka caawiyaan tababarada, iyagoo howlgallo wadajir ah ka sameeya deegaano ku yaalla koonfurta Soomaaliya.
The post Dowladda Uganda Oo Baaq u dirtay howlgalka AMISOM Ee Soomaaliya appeared first on Shabelle.

MD Farmaajo “Ciidamo gaar ah ayaan u diyaarineynaa...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo Madaxweynaha JFS ayaa sheegay in waji cusub ay u badalayaan dagaalka lagula jiro Xarakada Al Shabaab.
Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in Ciidanka Xoogga dalka ay u tababaran yihiin dagaallada tooska ah iyo difaacida Xuduuhdah dalka .
Waxaana uu intaasi ku daray in ay dhisayaan Ciidamo Kumaandoos ah, kuwaasi oo si gaar ah ula dagaalamaya Al Shabaab.Halkan hoose ka dhageyso Codka.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/fr.mp3
storvideo: 

Dowladda Uganda Oo Baaq u dirtay howlgalka AMISOM Ee...

$
0
0

Kampala ( Sh. M. Network )-Taliyaha Ciidamada milateriga ee dalka Uganda General David Muhoozi ayaa soo jeediyay in howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ay si wadajir ah ugu qeyb qaataan tababarada la siiyo Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Isagoo ka jawaabayay su'aalo lagu weydiiyay magaalada Kambala ee xarunta dalka Uganda ayuu sheegay in isku xirnaan la'aanta howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ay keentay in aysan tababaro wanaagsan helin Ciidamada Soomaaliya.
Taliyaha ayaa soo jeediyay in la dardargeliyo tababarada Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, si ay ula wareegaan mas'uuliyada ammaanka dalka.
Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee howlgalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay dalka ka baxaan sanadka 2020-ka, sida uu hore u sheegay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Ciidamada AMISOM ayaa hore u sheegay in Cidamada dowladda Soomaaliya ay ka caawiyaan tababarada, iyagoo howlgallo wadajir ah ka sameeya deegaano ku yaalla koonfurta Soomaaliya.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live