Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Dagaal xalay iyo saakay ka soconaya buuraleyda Galgala iyo dad wax ku noqday

$
0
0

Inta la ogyahay lix qof ayaa ku dhimatay ku dhawaad 10-kalana waa ay ku dhaawacmeen, dagaalo kulul oo xalay ilaa saakay ka soconaya Buuraleyda loo yaqaano Galgala, oo qiyaastii 30km u jirta Magaalo-xeebeedka Boosaaso ee Gobalka Bari.

Dagaalkan oo daryankiisa Madaafiicda si weyn loo maqlayo, ayaa u dhaxeeya u dhaxeeya ciidamada Maamulka Puntland iyo kuwa uu hogaamiyo Max’d Saciid Atam, waxaana lagusoo waramayaa in markii hore uu xalay dagaalku ku bilowday weerar culus oo ay soo qaadeen dagaalyahanada, markii uu waagu baryeyna saakay uu sii xoogaystay.
Warar dheeraad ah ayaa xaqiijinaya in dagaalkaasi lagu dubay gaari Cabdi bile ah oo aan lagaraneyn dhinaca iska leh Ciidamada Puntland ama kuwa Atam.

Xaaladda deegaanka Galgala, ayaa u muuqata mid sii xumaanaysa, ka dib markii maalmihii lasoo dhaafay ay noqotay aag dagaal oo dhiig badani ku baxay.


Qarax nooca remoteka ah oo qof rayid ah ku dilay degmada Xamar Jajab

$
0
0

Qaraxan oo ahaa nooca loo Isticmaalo Rimoot Kontorolka ayaa waxaa uu ka
dhacay mid ka mid ah Buundooyinka kala qaybiya Degmooyinka Waaberi iyo
Xamar Jab Jab.


Qaraxaas oo ahaa mid loogu tala galay ciidamada Dawladda ayaa waxaa ku
dhintay hal ruux oo rayid ah oo ka ag dhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay
mana jiraan cid kale oo ay khasaare ka soo gaartay sida ay noogu soo
warameen dad goob joogayaal ahaa.
Qaraxan oo ahaa mid aad u culus ayaa gil gilay dhamaan degmooyinka
waaberi iyo Xamar Jab jab iyadoo xiliguna uu ahaa xilli haben ah
jawiguna uu degganaa kaasoo cabsi iyo khal khal ku dhaliyay Dadkii
degganaa Xaafadahaas.
Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray ciidamo aad u fara
badan oo ka tirsan Ciidamada dawladda kuwaasoo isku gadaamay goobtii uu
qaraxu ka dhacay.


Ciidamada ayaa rasaas xoog badan dhinacyada u ridey iyagoona isla
markiiba goobta ka bilaabay Baaritaano ay ku ogaanayaan cidda ku lug
lahayd qaraxaas.
Ma jirin cid loo soo qabtay qaraxaas iyadoo muddo kaddibn ay ciidamadii isaga tageen goobihii ay baaritaanada ka sameynayeen.


Dadka ku dhaqan degmooyinka waaberi iyo Xamar Jab Jab ayaa soo buux
dhaafiyay saakay goobtii uu qaraxu ka dhacay iyadoo goor danbana ay
halkaa yimaadeen ciidamada dawladda kuwaasoo dadkii goobta ku soo xoomay
rasaas ku kala eryay.
Ma aha markii u horreeyey ee degoomiyaha xamar jab jab iyo waaberi uu ka
dhaco qarax kanoo kale ah horey bayna qaraxyo badan oo geystey
khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay uga dhaceen halkaas.
Qaraxii xalay ayaa waxa uu imaanaya xilli maalmihii u danbeeyey
Ciidamada dawladdu ay hawlo baaritaano ah ka wadeen degmooyinka xamar
jab jab waaberi iyo Xamar weeyne halkaasoo lagu sugayo ammaanka
degaanadaas.
Si kasta ha ahaatee qaraxii xalay ayaa noqonaya kii u danbeeyey ee ka
dhacay degmooyinkaas oo ka mid ah degmooyinka ay maamusho dawladda ku
meel gaarka Soomaaliya.

Afhayeenka ciidamada AMISOM oo faahfaahin ka bixiyey soo kordhinta ciidamada AMISOM

$
0
0

Afhayeenka ciidamada AMISOM Barijiye Bahuko ayaa faah faahin waxa uu ka bixiyey qorshe ay ku doonayaan in lagu soo kordhiyo ciidamadooda AMISOM ee jooga Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Bariijiye Bahuko ayaa waxa uu sheegay in dhowaan la an saxiyay in ciidamo dheeraad ah la keeno soomaaliya kuwaasi oo gaaraya ilaa iyo 2000 oo askari siloo soo celiyo nabada soomaaliya.
Afhayeenka ayaa waxa uu sheegay in qorshahaasi mid ka duwan uu qabo taliya guud ee ciidamada AMISOM kaas oo ah in ciidamada AMISOM laga dhigo ilaa iyo 40,000 oo askari.

Mr Bahuuko ayaa sidoo kale ugu baaqay xoogaga sida aadka ah uga soo horjeedo in ay dagaalada joojiyaan inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan si dadka ay uga nastaan dagaalka.
Afhayeenka AMISOM ayaa difaacay in ay duqeeyaan goobaha ay daganyihiin dadka shacabkaa xili ay shacabka Muqdisho ay dhibaato baraalan ay ku qabaan madaafiicda inta badan ku dhacda goobah ay daganyihiin.

Qarax aad u xoog badan oo ka dhacay guri ku dhow suuqa bakaaraha iyo warar kala duwan oo ka soo baxaya

$
0
0

Qarax aad u xoog badan ayaa xalay laga maqlay guri ku yaala agagaarka masaajidka Nasru-diin ee magaalada Muqdisho iyadoo warar kala duwan ka soo baxayaan waxa uu ahaa qaraxu.

Qaraxan oo ahaa miino ayaa waxa wararku ay sheegayaan in uu ka dhacay guri u dhaw Masaajida Nasru Diin.

Warar ka qaara ayaa sheegaya in qaraxu ka dhashay gaari la doonayey in lagu rakibo walxaha qarxa iyadoo aan arintaasi la hubin.
 

Qaar kamid websiteyad Muqdisho ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay walxo kiimiko ah oo lagu sameynayey guriga uu ka dhacay kaasoo xiligaasi ay ku sugnaayeen rag ka tirsan AL Shabaab.

Ma cada tirada dhabta ah ee ku dhimatay qaraxan, laakin waxaa la xaqiijiyey in uu aad u gubtay guriga ay walxuhu ka qarxeen.

Hadda ka hor ayaa gaari sidan oo kale loogu rakibiyeye qaraxaha qarxa la sheegay inuu ku gubtay xaafada Gubta ee magaalada Muqdisho walow ey beeniyeen ururka Alshabaab oo aalaaba sheegtay qaraxyada baabuurta lagu rakibo.

Dagaal culus oo weli ka sii holhacaya Buuraleyda Galgala iyo qasaara xoogan oo dagaaladaas ka dhacay

$
0
0

Wararkii u dambeeyay ee naga soo gaaray deegaanada buuraleyda Galgala ku hareereysan ayaa sheegaya in halkaas uu weli ka socdo dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo xoogaga Shiikh Atam.

Dagaaladan oo inta la ogyahay galaaftay nolosha Toban Qofood ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay Shan iyo Toban kale oo dhamaantood ka kala tirsan dhinacyada dagaalku u dhexeeyo.

Wararku waxay intaas ku sii darayaan in guud ahaanba talada Buuraleyda Galgala ay gacanta u gashay Xoogaga dagaalyahaniinta ah ee Shiikh Atam oo kal hore Buurahaas xoog looga saaray.

Buuraleyda Galgala ayaa waxaa ka dhacay dagaalo soo noqnoqday oo u dhexeeyay Maleeshiyaad ka amarqaata Shiikh Atam iyo Ciidamada Puntland waxayna dagaaladaas sababeen ka sokoow barakac bulshadeed dhimasho iyo dhaawac aad u fara badan.

Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Shiikh Atam in uu ka shidaal qaado Alshabaabka Soomaaliyeed ee la sheego in ay ka farcameen Alqaacidada Caalamka.

halgankanet@gmail.com

Ciidamada Xisbul Islaam oo Odayaasha dhaqanka ee deegaanka Fururlqey xabsiga u taxaabay

$
0
0

Ciidamada Xisbul Islaam ee ka taliya degmada Afgooye iyo tuulooyinka ku hareereysan ayaa xabsiga u taxaabay odayaal dhaqameed ka soo jeeda Tuulada Furuqley.

Odayaashan  oo haatan dhex jiifa Xabsi uu Xisbigu ku leeyahay Tuulada Furuqley ayaan xarigooda sabab looga dhigay eedeyn la soo eedeeyay odayaasha  waloow aan la shaacin eedeyntaas nooca ay tahay iyo weliba dadka soo eedeeyay.

Dadaalo dib loogu soo celinayo xornimada Odayaashan ayaa haatan socda waxaana la filayaa in dhowaan odayaashan arintooda loo soo wareejiyo magaalada Afgooye.

halgankanet@gmail.com    

Dowladda Soomaaliya iyo Ahlu Sunna oo mar kale gogol lagu dhameystirayo Heshiiskoodi hore loogu fidiyay magaalada Addis Ababa

$
0
0

Magaalada Addis Ababa, xarunta dalka Itoobiya waxaa markale ogol iyo diidanba dib la isugu geeyay Ahlu Sunna Waljamaaca iyo Dowladda uu hogaamiyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed xubno ka kala socda.

Shirkan Addis Ababa mar kale dib loogu qabtay Suufiyiinta iyo Dowladda ayaa waxaa looga golleeyah sida la sheegayo in dib  loogu dhameystiro saxarkana looga qaado Heshiiskii kale hore labadan dhinac ay ku gaareen isla magaaladaas Addis Ababa.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya Mardaadi ayaa sheegay mar uu u waramayay idaacada Maxaliga ah ee Shabelle Radio in Heshiiskii Dowladda iyo Ahlu Sunna si loo dhameytiro waxyaabaha ka dhiman Shirkan Addis Ababa loo yabyabay.

Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay in heshiiskaas qeybo ka mid ah horay loo fuliyay inta dhiman dhowaan la sii dhameystiri doono waa siduu hadalka u digaye.

Shirkan Addis Ababa ayaa waxaa ka soo horjeestay mas'uuliyiin ka tirsan Suufiyiinta xulufada la ah Dowladda Soomaaliya waxaana mas'uuliyiintaas laga magacdhabi karaa Shiikh Cumar Shiikh Maxamad Faarax.

halgankanet@gmail.com

Qarax weyn oo ka dhacay goob ay Alshabaabku ku diyaariyaan Waxyaabaha Qarxa

$
0
0

Waxaa qarax weyn laga maqlay Goob ay waxybaaha Qarxa ku sameeyaan Alshabaabka dagaalka kula jira Dowladda iyo ciidamada AMISOM.

Goobtan oo ka mid ah goobaha sida weyn ay u ilaaliyaan Alshabaabku ayaa waxaan la ogeyn qasaaraha ka dhashay waxaana qaraxan ka dib goobta la soo dhoobay ciidamo aad u fara badan oo diiday in halkaas laga soo agdhowaado.

Sidoo kale waxaa la soo sheegayaa in goobta iyo deegaanada ku xeeran ay degan yihiin saraakiil aad u fara badan oo ururka Alshabab ka tirsan.

Qaraxan iyo faahfaahinta ka soo baxda dib ayaan idiinkga asoo sheegi doonaa haddii Alle Idmo.

halgankanet@gmail.com   


Melles Zenawi; Waan difaaceyna Ciidanka AMISOM hadii ay Qatar galaan, waana tixgelineynaa codsigooda hadii ay ciidamo inaga soo dalbadaan, kama leexleexaneyno wan u direynaa markaas ciidankeena Soomaaliya”

$
0
0

Ra'iisal wasaaraha Xukuumada Itoobiya, Meles Zenawi oo warbaahinta qaarkood kula hadlay dalka DRC (Democratic Republic of Congo) ayaa ka hadlay islamarkaana ku celiyay mowqifka ay Xukuumadiisu ka taagan tahay Soomaaliya.

Meles wuxuu ugu horeyntii meesha ka saaray in hadda ay dowladiisu ciidamo u direyso Soomaaliya laakiin mustaqbalka haddii loo baahdo ay diyaar u yihiin in ay xoojiyaan ciidamada AMISOM waa siduu hadalka u dhigaye.

Dowladda Soomaaliya ayuu dhanka kale ku baaqay in la taageero si markaas ay uga hortagto xoogaga islaamiyiinta ah ee dagaalka kula jira, xoogagaas oo sida Meles ay la tahay ku fidi doona guud ahaan dalalka Bariga Afrika haddii aan laga hortegin.

Hadalkan ka soo yeeray Ra'iisal wasaaraha Itoobiya ayaa ku soo aadaya xili ay socdaan hadalo la isla dhexmarayo oo ku saabsan in Itoobiyaanku Ciidamo si cad ugu soo dirayaan Soomaaliya.

halgankanet@gmail.com

Ahlu Sunna; "Aflaanta yaan la shidin Bisha Ramadaan, Haweenku ha xirtaan Xijaab baabuurta Muraayadaha Madowna ma arki karno habeenkii"

$
0
0

Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa markii ugu horeysa amar la mid ah kuwii ay horay caanka ugu ahaayeen Xoogaga Alshabaab iyo Xisbul islaam ku soo rogay deegaanada ay ka taliyaan.

Shiikh Cabdiweli Xaaji Diiriye, Madaxa dacwada Ahlu Sunna Waljamaaca oo la hadlayay dadka ku dhaqan gobolka Galgaduud ayaa sheegay in kulamo iyo wadatashiyo ka dib ay soo saareen go'aanadan soo socda.

 

  1. Laga bilaabo maanta Haweenka ku dhaqanka islamar ahaantaana ku ganacsada caasimada gobolka Galgaduud waxaan u sheegeynaa in aysan gudaha magaalada dhex marin iyagoon xirneyn Xijaab.
  2. Gadiidka ay muraayadahoodu madow yihiin ee aan dadka ku dhexjira la arki karin waxaan ku amreynaa dadka wata in aysan magaalada ku dhex wadan habeenkii.
  3. Ugu dambeyntii waxaan mamnuucay gebi ahaan in meelaha Shaleemooyinka ah aflaanta lagu daawo bishan barakeysan ee Ramadaan dhexdeeda.

Amaradan ka soo baxay Ahlu Sunna Waljaamaca ayaa haddii dhinac laga eego ka yara qafiifsan amaradii ka soo bixi jiray Xoogaga Alshabaab iyo Xisbul islaam waloo amaradan dadka deegaanku aad u soo dhoweeyeen sida la soo werinayo.

halgankanet@gmail.com  

Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye oo ka hadlaya dagaalada dhiigu ku daatay ee ka socda Puntland

$
0
0

Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa ka hadlaya sida ay u arkaan dagaalada ka socda Puntland gaar ahaan Buuraleyda Galgala ee u dhexeeya maamulka Puntland iyo Ciidamo deegaaneedka uu hogaamiyo Shiikh Atam.

Caaqil Axmed Diiriye, afhayeenka Golaha Dhaqanka Hawiye oo ku hadlayay codka Golaha ayaa daboolka ka qaaday sida ay uga xun yihiin dagaalada ka socda Galgala ee dhiigu ku daadanayo.

"Waxaan ku baaqeynaa in wadahadal lagu dhameeyo mashaakilka ka jira Galgala si loo baajiyo dhiig kale oo daata waxaana si gaar ah madaxda maamulkaas iyo wadaadkaba ugu baaqeynaa in ay wadahadal aqbalaan" Sidaas waxaa laga soo weriyay Caaqil Axmed Diiriye.

Hadalkan nasteexeynta ah ee ka soo yeeray Caaqil Diiriye ayaa ka dambeeyay ka dib markii dagaalo hor leh ay dib uga qarxeen Buuraleyda Galgala, dagaaladaas oo u dhexeeya Wadaadka caanka noqday ee sida uu sheegto u dagaalamaya kor u qaadida Kitaabka Alle iyo ciidamada maamulka Puntlland.

halgankanet@gmail.com

Afhayeenka ciidamada Amisom oo ka hadlay Qarixii ka dhacay Guri Alshabaabku waxyaabaha qarxa ku diyaarinayeen

$
0
0

Ahayeenka Ciidamada Amisom Barigiye Bahuko oo warbaahinta gudaha iyo dibadda qaarkood kula hadlay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay qarixii weynaa ee xalay ka dhacay Guri ay deganayeen saraakiil ka tirsan Alshabaab.

Afhayeenku wuxuu ugu horeyntii sheegay in qaraxaas ay ku dhinteen Rag isugu jira Ajnabi iyo Soomaali oo ku hawlanaa diyaarinta qarax ismaadaamin oo ay la damacsanaayeen in laga fuliyo goobaha ay shacabka ku badan yihiin.

"Qaraxaas waxaa ku dhintay ka sokoow Soomaalida ajaanib dhalasha ahaan ka soo jeeda Bakistaan, Afghaanistaan, Aljeeriya iyo Hindiya waxaana ragaas ka mid ah ninkii ugu weynaa ee qaraxan diyaarinayay kaas oo lagu magacaabo Sheekh Aweys Abuu Yuusuf" Waxaa sidaas ku dooday Afhayeenka ciidamada AMISOM.

Ugu dambeyntii waxaa hadalkan uu sii daayay Afhayeenka AMISOM uu ku soo aadayaa xili xalay qarax aad u xoog badnaa uu ka dhacay Guri ay ku sugnaayeen sida la sheegay Rag Alshabaab ka tirsan oo waqtigaas ku hawlanaa diyaarinta aalado qarxo waloow aysan Alshabaabku weli wax war ah ka soo saarin sida wax u dhaceen.

halgankanet@gmail.com

Indians with Somali Taliban killed - Hindustan Times

$
0
0

An explosion overnight at a house used by insurgents in the Somali capital killed at least 10 al-Shabab militants, including seven foreign fighters, the Somali Information Ministry said. Two of the fighters were Indians, the first clear proof that Islamicist militants in Somalia are recruiting
Indians.

The statement said the blast, in a southern Mogadishu neighbourhood, may have been caused by a premature car bomb explosion. Three Pakistanis, two Indians, an Afghan and an Algerian were among the dead, the statement said. The government cited ‘’security sources’’ as the basis for its information.

Apart from the government statement there was no other verification of the casualties or circumstances. Al-Shabab is Somalia’s most dangerous militant group, and officials say foreign  fighters with experience in the Afghanistan and Iraq conflicts help train its  troops. Al Shabab leaders, in their speeches, are known to have called on their  fighters to “liberate” Afghanistan and Kashmir.

The US military has no presence in Somalia but US surveillance aircraft are  known to patrol Somali skies.

‘’We heard explosions within minutes of each other ... but in the morning when we woke up no one could figure out the details because the whole neighbourhood was cordoned off by dozens of heavily armed al-Shabab militants,’’ Abdulahi  Ibrahim, a Mogadishu resident, said of the latest explosion.

In a separate incident on Friday night a suspected insurgent died when a bomb he was trying to plant detonated, said a police spokesman.

Like Taliban

Men are forced to grow beards. Women can’t leave home without a male relative. Music, movies and watching sports on TV are banned.

Somalia is looking more like Afghanistan under the Taliban  with a hard-line Islamist militia that cows the public into submission.

Al-Shabab in Somalia and the Taliban in Afghanistan — their tactics increasingly mirror each other. Al-Shabab has gained control over large swaths of this arid Horn of Africa country.

In the latest adoption of tactics long used by the Afghan militants, al-Shabab is ordering households in southern Somalia to contribute a boy to the militants' ranks. Childless families have to pay al-Shabab $50 a month.

An al-Shabab commander attributed the shared tactics and ideology to the fact that both groups follow a strict form of Islam. ''One more thing we deeply share is the hatred of infidels,'' the commander, Abu Dayib, told AP.

Maxaad Ku Garan Kartaa Doqonka?

$
0
0

W/Q: Abdirizak Musanaf: musanaf@hotmail.com

Waligaa ma kala hubsatey inaad doqon tahay iyo inkale? Ma xanaaqdaa
marka qof si ulakasa kuugula dhiirrado doqonyohow amase doqonyahay?
Doqonnimadu waa erey caan ah hasayeeshee waligaa ma iswaydiisey maxay
yihiin astaamaha aad ku garan karto qofka doqoka ah?
Qoraalkaan oo kooban waxaad kaga bogan doontaa su’aalo badan oo in badan naftaadu hore isu waydiisey.
Hadaba intaanan bilaabin waxaan kasii afeenayaa labo arrimood
1: In ujeedadu aysan ahayn in lagu maadsado oo kaliya
2: In daraasadani ay tahay calaamado la arkey in doqomadu u badan yihiin
sidaa darteed aan qofkastoo lagu arko lagu tilaami Karin inuu doqon
yahay.
Qeexidda doqonnimada.
Afka soomaaliga ereygaani wuxuu ku yahay dhimanaansho, siloonaan, amase
qof ka hooseeya heerkii garaadka qofka caadiga laga malayn karey.
Inkastoo uusan jirin miisaan qofwalba lasaaro si loo ogaado heerka
garaadkiisa hadana waxaa la wada ogsoon yahay in dadku ugu kala sareeyo
xaga garaadka iyo caqliga sida xidigaha iyo dhulku u kala sareeyaan.
Dadku marka dhankaan laga eego wuxuu u qayb samaa sadex qaybood
i. Qayb markii la arkey dhaqankooda iyo sida ay arimaha u maamulaan
amase wax soojeedintooda la gartey inay yihiin dad heerka garaadkoodu
sareeyo waxaa loo aqoonsadey diricyo
ii. Qayb markii la arkey ayagana dhaqankooda ayagana loo aqoonsadey inay
yihiin dadka caadiga ah waana sida dadku u badan yahay amase la
yiraahdo qofkani dadkiisuu ku jiraa.
iii. Qayb markii la arkey muuqaalkooda amase sida ay fikradooda u
cabiraan amase astaamahooda kale la arkey in heerkoodu ka hooseeyo dadka
caadiga ah isla markaana loo aqoonsadey doqomo.
Hadaba qaybtan ugu dambeysaa waa mida loo yaqaan doqomada inkastoo
hadaba cadadkoodu yar yahay hadana waxaa jira in badan oo astoomahooda
kamida inay ka muuqdaan dadka caadiga ah waxaa dhici karta in qofku
leeyahay hal sifo doqonnimo amase wax ka badan qof walibana inta ay
sifaadkaasi ku badan yihiin ayuu doqonnimada u dhow yahay.
Doqonnimada laf ahaanteeda waxaa loo kala saaraa qaybo badan oo waa
heerar badan oo sii kala liita waxaa jira tan soomaalidu u taqaan duufleey
oo doqonnimadeedu iska muuqato iyo kuwo dadka aan aqoon ka qarsoomi
kara laakiin qofkii bartaa uu garan karo sidoo kale waxaa jira dareen leey oo laga wado qof cidkasta moodaaya inay isaga xamanayaan ama isaga u danleeyihiin sidaa darteed dadkoo dhan waa lacol iyo daableey oo laga wado in doqonku dagaal badan yahay.
Sidaa darteed inta badan waxaan xooga saarayaa calaamadaha aad ku garan
karto doqonta qarsoon astaamahaas intooda badan si guud ayaan u
taabanayaa insha allaahu.
Astaamaha Doqonnimada
Calaamadahan lama oran karo qofka tilmaamaya wuxuu fara galinayaa
abuuristii alle labo sababood awgood tan koowaad qoraalkani kaliya waa
kawaramid tilmaamahan sida loo arkey tankale anigu kuma doodayo qofwalba
oo laga helo inuu doqon yahay laakiin waa sida ay u badan yihiin hadaba
calaamadihii waa kuwan.
Astaamaha doqonku waxay u qayb samaan labo qaybood qayb muuqaalka laga
garan karo iyo qayb dhaqanka iyo ficilladiisa laga garan karo marka
labadan qaybood sida ay u kala horeeyaan ayaan wax uga tilmaameynaa.
Astaamaha xaga muuqaalka.
Calaamadaha muuqaalka oo badan waxaa ugu wayn isu miisaanaan la’aan ama
isu dheellitiraan la’aan xaga jirka ah waxaa laga wadaa in sidii
abuurista alle looga bartey ee ahayd isu dheelli tiraan uu ka duwan
yahay.
Tusaalayaal.
Qof dheer ama baaxad wayn oo aad u madax yar sidoo kale madaxoo si xad-dhaaf ah u wayn amase daamankaa aad u balbalaaran amase.
In qofka dhaguhu aad u yaryar yihiin sidoo kale in labada dhagood ama
midood aad u wayn tahay amase aad uu u fara gaagaaban yahay amase faraha
suulasha cagaha aad u dheerdheer yihiin heer aan caadi ahayn.
Xaga socodka wuxuu caan ku yahay inuu hamagsado hamagsigu waa qof marka uu soconayo laga garanayo maahsanaan.
In qofku uusan qoor lahayn sur lahayn oo surku garbaha ku malaasan yahay
amase wajigu si xad-dhaaf ah u wareegsan yahay (sida qaraha) amase in
timaha ilaa garbaha uu ku leeyahay timaha madaxu meel kuma joogaan ilaa
garabka waa iska taxan yihiin.
In qofku uu caydhareer badan yahay amase si aad ah u kala daadsan yahay.
In indhaha jeexooda xaga dhafoorka aad ugu jeexan yahay dilaaca indhaha aad ayuu usii jeexan yahay xaga dhafoorka.
Qofka doqonka ah waxaadan kaloo ku garan waayn waligiis waxaa ka muuqda
daryeel la’aan sida inuusan nadiif ahayn xaga dharka waa wasakh waxaa ku
baxa cidiyaha ama timaha ama macaday sado.
Astaamaha xaga hadalka iyo dhaqanka
Astaamahaan oo badan waxaad ku garan kartaa tusaalayaashaan.
Doqomada iska muuqda waxaa kamida hadal loo yaqaan afqabaluus waa hadal
hooseeya sida inuu aad u isticmaalo bax ama qof wayn ayuu ku oranayaa
futada day.
In qofku socod badan yahay yacni meel kuma hansan karo intaad halkaan
fadhido sodon jeer ayuu xagiyo xaga kuu dhaafayaa oo kusoo galayaa sidoo
kale markuu soconayo aad ayuu u milicsi badan yahay xaguu fiirinayaa oo
xaga fiirinayaa mararka qaarkood intuu istaago ayuu gadaal fiirinayaa
aad u jaleecid badan yahay.
Xaga cagaha rays-magaadho malaha cagta qaybta dhulka ladhigo oo siman malaha qaybta godan oo aan dhulka taaban.
Waxaa ka mida inuusan wax raxmad ah lahayn wax uu jecel yahay majiraan
ilmaha caruurta ah hadii uu arko waa kala jabinayaa waxaan macno lahayn
dartood ama cidkasta oo uu ka awood roon yahay.
Waxaa kamida layaab badnaan waxaan macno lahayn hadaad u sheegto waa
dhanqaxayaa oo afkaa yaab dartii lakala tagaya hadaad rabto inaad qof
doqonnimo ka tijaabiso sheeko been ah oo aan jirin ama aan macno lahayn
uga sheekee haduu aqbalo oo ladhoco oo aad ugu qoslo waa calaamad doqon
haduu danayn waayo sheekadana waa qof fiican sidoo kale haduusan wax
muhiim ah markaad u sheegayso danayn waa calaamad doqon.
Waxaa kamida hadal badnaan gaar ahaan waxaan dani ugu jirin
Sidoo kale inuu cidwalba ku kalsoon yahay qof uusan aqoon waa isaga
kalsoon yahay sidoo kale kama fiirsado natiijada shay walba waxa uu
samaynayo waxa ka dhalan kara kafakari mayo.
Sidoo kale inuusan wax aqoon ah lahayn amase inuu aad u jawaab ku dhaqso badan yahay.
Waxaa kamida sida uu ugu farxo amaanta beenta ah hadaan wax been ah ku
amaanto aad ayuu ugu farxayaa oo islawaynaanayaa oo u qaadan waayayaa
halka qofka fiican markaad wax beena ku amaanto uu ku oranayo war waxaas
iga jooji run maahee.
Waxaa kamida qosolka oo si xad-dhaaf ah uu ula dhoco sida dameeraha ayuu
ugu dhufanayaa sidoo kale doqomada waxaa kamida kuwo aan sifiican u
qoslin wuxuu oranayaa ixxi oo kaliya, inuu iska caroodo isagoon waxba
cidi u gaysan sirta oo uu faafiyo wararka oo si waalan ugu dhexdhoco
dadka xun xun oo waligiiis ku dhexjiro inuusan kala aqoon cadowgiisa iyo
saaxiibkiis inuu wax ku bixiyo waxaan macna ku jirin inuu marwalba isu
haysto inuu dadka ugu caqli badan yahay inuusan wax walba oo maskaxdiisa
ku soo dhaca ceshan Karin waa ku hadlayaa.
Waxaa kamida xishood la’aan iyo inuusan ka gabban wax fuulxun inuu
ummadda horteeda ku sameeyo isagoon ka xishoonayn doqonka hadaad
kafogaato oo goyso waa murugoonayaa hadaad usoo dhawaato oo xariiriso
wuxuu ku moodayaa inaad daba ordayso oo waa ku yasayaa waa kugu
kadsoomayaa hadaad u dulqaadato dushuu kaaga baxayaa hadaad wax foolxun
ku samaysana waa kuu dulqaadanayaa oo malahan dareenkii xanaaqa sidoo
kale hadaad wanaag u samayso wuxuu moodayaa inuu xaq kuugu leehayay oo
waa ku xumaynayaa waxaa kaloo kamida inuu dadka ku ceebeeyo waxa uu
isaguba sameeyo.
Calaamaad guud oo doqonnimo
Calaamadahaan waa calaamado doqon laakiin dadka caadiga ahna ku badan
Waxaa kamida dagdagga, fudaydka, qallafsanaanta, islawaynida,
faajirnimada, dhoohnaanta, khayaanada, gardarada dayaca maahsanaanta
istusnimada kibirka markuu hanti helo kibirka markuu faqriyana
quusashada markuu wax waydiisto ku ilxaaxinta dareen la’aanta
dhiiranaanta hororsiga gadaalka-garashada iyo fahan la’aanta.
Hadaad calaamadahaan hal iyo waxka badan isku aragto waxaan kugula
talinayaa inaadan markiiba doqon ismoodin sababtoo ah waxaan sheegey in
dadka caadiga ahba laga heli karo calaamadahaan amase in qof fiican uu
yeelan karo qaar kamida calaamadahaan.
Waxaa la isku raacsan yahay in fulaynimadu aysan kamid ahayn calaamadaha
doqonka sidoo kale ishii-qaate nimada sidoo kale bakhayl nimada
calaamadahaan ma fiicna laakiin astaamo doqon laguma tilmaami karo.
Waligaa Halla saaxiibin doqon
Waligaa hala saaxiibin doqon sababtoo ah waxaad ogaataa inuu yahay qofka
ugu horeeya oo ku waxyeellayn doona waa cadow aadan ogayn ama
cadowgaaga ayuu kuu shirqoolayaa mararka qaarkood asagoo raba inuu wax
kutaro ayuu ku waxyeellaynayaa.waxaa lagu maahmaahaa saaxiibkii aan
caqli lahayn waa cadow xattaa hala fariisan waligaa waxaad kaloo ogaataa
inaadan waligaa doqon ka aargoosan Karin sababtoo ah adugu kuma
dhiirran kartid waxa uu ku dhiirran karo sidaa darteed waligaa ha u
caroon waa qof dhiman.

W/Q: Abdirizak Musanaf: musanaf@hotmail.com


Afeef: Aragtida qoraalkan iyo qoraalada kaleba waxay u gaar tahay qorayaasha ku saxiixan.


Source: SomaliTalk

Djibouti Muxaadaro 1 (Shekh Abdirahman) Maxaa uu didaan diinta1.flv


Djibouti Muxaadaro 2 (Shekh Abdirahman) Maxaa uu didaan diinta2.flv

Djibouti Muxaadaro 3 (Shekh Abdirahman) Maxaa uu didaan diinta3.flv

Djibouti Muxaadaro 4 ( Shekh Abdirahman )Maxaa uu didaan diinta4.flv

Djibouti Muxaadaro 5 ( Shekh Abdirahman )Maxaa uu didaan diinta5.flv

Djibouti Muxaadaro 6 ( Shekh Abdirahman ) Maxaa uu didaan diinta6.flv

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live