Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

RW Kheyre Oo digniin u diray Saraakiisha Ciidanka Booliska

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xasan Cali Kheyre Ra’iisul wasaaraha XFS ayaa digniin culus u diray saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, taas oo ku aadan howlahooda shaqo.
Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la badbaadiyo nolosha shacabka Soomaaliyeed, loona baahan yahay in Boolisku uu wada shaqeyn la yeesho.
Waxaana uu faray dhammaan saraakiisha Ciidanka dowladda in aysan ku xadgudbin shacabka, islamarkaana marka hore ay hubiyaan goobaha ay tagayaan.
Halkan hoose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/kheyre-.mp3
The post RW Kheyre Oo digniin u diray Saraakiisha Ciidanka Booliska appeared first on Shabelle.


RW Kheyre Oo digniin u diray Saraakiisha Ciidanka...

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xasan Cali Kheyre Ra'iisul wasaaraha XFS ayaa digniin culus u diray saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, taas oo ku aadan howlahooda shaqo.
Ra'iisul wasaare Kheyre ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la badbaadiyo nolosha shacabka Soomaaliyeed, loona baahan yahay in Boolisku uu wada shaqeyn la yeesho.
Waxaana uu faray dhammaan saraakiisha Ciidanka dowladda in aysan ku xadgudbin shacabka, islamarkaana marka hore ay hubiyaan goobaha ay tagayaan.Halkan hoose ka dhageyso Codka.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/kheyre-.mp3
storvideo: 

Naciima Qorane oo 3 Sano oo Xabsi ah Lagu Xukumay

$
0
0

Abwaan Naciimo Qorane ayaa maanta maxkamad ku taalla magaalada Hargeysa waxay ku xukuntay 3 sano oo xadhig ah, kadib markii maxkamaddu ay sheegtay in lagu helay danbi ah hadallo cay ah oo ka dhan ah Somaliland.
Naciima ayaa xabsiga la dhigay dhammaadkii bishii Janaayo iyadoo markaasi laga qabtay garoonka diyaaradaha Hargeysa.
Xarunta xuquuqul-insaanka Somaliland ayaa canbaareysay xukuna Naciima lagu ridday oo ay ku tilmaantay mid ka hor imanaya dastuurka Somaliland oo ilaaliya xorriyaddu ay dadku u leeyihiin inay ku cabiraan aragtidooda.
Xarunta ayaa Somaliland ugu baaqday in Naciima xorriyadeedii dib loogu soo celiyo.
storvideo: 

R/ W Khayre “Mas’uuliyaddu maahan oo kaliya...

$
0
0

Muqdisho, April,i5,2018--- Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo xalay ka qayb galay shir looga hadlayay amniga dalka gaar ahaan caasimadda Muqdisho, ayaa si wayn ula dar-daarmay Saraakiisha ciidanka Booliska iyo dhammaan hay'adaha amniga. Wuxuuna tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan ciidanka iyo dawladoodda, taasina ay tahay fursad muhiim uh wadashaqaynta shacabka iyo dawladoonimadda.
Ra'iisul Wasaare Khayre oo sheegay in loo baahan yahay isbadel dhan walba ah ayaa yiri " Waa muhiin in aan sameeno isbadel siyaasadeed iyo mid amniba si looga gudbo caqabadaha naga hortaagan dawladnimadda oo ay ka mid yihiin sugida amniga, bixinta casnshuuraha, shaqo abuurka, la dagaalanka argagixisada iyo ilaalinta nidaamka dawladnimo oo dhammaantood xal u ah dawladnimadeena.
"Ciidankeenu waxay hayaan shaqo muhiim ah, lkn waa in la isku soo dhaweeyaa shacabka iyo ciidanka si kalsooni buuxda loo helo, waa in ay jirtaa masuuliyad ah hadii degmo hebel amni darro ka dhacdo waa in hebel iyo hebel loo soo xiraa, si loo helo cida qaadanaysa mas'uuliyadda dambiga.
"Waa in la isku qiyaasaa qof waliba waxa uu galay, Taliyaha Booliisku waa in uu abaal mariyaa Taliyayaashiisa sdioo kalena waa in uu sharciga marsiiyaa hadii ay shacabka awood u sheegtaan. Guddoomiyaha Gobalka Banaadir waa in uu abaal mariyaa guddoomiyayaashiisa si shaqo wanaagsan loo qabto.
"Amniga inta aadan sugin waa in aad is waydiisaan khatar miyaan keeni karnaa, sababtoo ah shacabka Soomaaliyeed waa dad qiimo badan oo la shaqeeya dawladoodda, dhiigoodana macana wayn ayuu noogu fadhiyaa. Sidaa darteed ma doonayno in dhib loo gaysto." Ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Khayre.
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay isla xisaabtan dhab ah, sidoo kalena waa in loo shaqeeyaa sidii hore hab ka duwan, taas oo looga fogaanayo musuq maasuqa iyo ilaalinta ammaanada aan hayno oo ah mas'uuliyadda, waana sida kaliya ee shacabka Soomaaliyeed nagu aamini karaan.
Ugu dambayntii Ra'iisul Wasaarha Soomaaliya Mudane Khayre ayaa Saraakiisha iyo madaxda gobolka Benaadir kula dar-daaray in dhaqankii wanaagsanaa ee dawladnimadeenu lahaan jirtay la soo celiyo, isagoona tilmaamay sida kaliya ee lagu dhisi karo in ay tahay shaqada dawladnimo oo laga sii bilaabo hoos.
storvideo: 

R/ W Khayre “Mas’uuliyaddu maahan oo kaliya...

$
0
0

Muqdisho, April,i5,2018---Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo xalay ka qayb galay shir looga hadlayay amniga dalka gaar ahaan caasimadda Muqdisho, ayaa si wayn ula dar-daarmay Saraakiisha ciidanka Booliska iyo dhammaan hay'adaha amniga. Wuxuuna tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan ciidanka iyo dawladoodda, taasina ay tahay fursad muhiim uh wadashaqaynta shacabka iyo dawladoonimadda.
Ra'iisul Wasaare Khayre oo sheegay in loo baahan yahay isbadel dhan walba ah ayaa yiri " Waa muhiin in aan sameeno isbadel siyaasadeed iyo mid amniba si looga gudbo caqabadaha naga hortaagan dawladnimadda oo ay ka mid yihiin sugida amniga, bixinta casnshuuraha, shaqo abuurka, la dagaalanka argagixisada iyo ilaalinta nidaamka dawladnimo oo dhammaantood xal u ah dawladnimadeena.
"Ciidankeenu waxay hayaan shaqo muhiim ah, lkn waa in la isku soo dhaweeyaa shacabka iyo ciidanka si kalsooni buuxda loo helo, waa in ay jirtaa masuuliyad ah hadii degmo hebel amni darro ka dhacdo waa in hebel iyo hebel loo soo xiraa, si loo helo cida qaadanaysa mas'uuliyadda dambiga.
"Waa in la isku qiyaasaa qof waliba waxa uu galay, Taliyaha Booliisku waa in uu abaal mariyaa Taliyayaashiisa sdioo kalena waa in uu sharciga marsiiyaa hadii ay shacabka awood u sheegtaan. Guddoomiyaha Gobalka Banaadir waa in uu abaal mariyaa guddoomiyayaashiisa si shaqo wanaagsan loo qabto.
"Amniga inta aadan sugin waa in aad is waydiisaan khatar miyaan keeni karnaa, sababtoo ah shacabka Soomaaliyeed waa dad qiimo badan oo la shaqeeya dawladoodda, dhiigoodana macana wayn ayuu noogu fadhiyaa. Sidaa darteed ma doonayno in dhib loo gaysto." Ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Khayre.
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay isla xisaabtan dhab ah, sidoo kalena waa in loo shaqeeyaa sidii hore hab ka duwan, taas oo looga fogaanayo musuq maasuqa iyo ilaalinta ammaanada aan hayno oo ah mas'uuliyadda, waana sida kaliya ee shacabka Soomaaliyeed nagu aamini karaan.
Ugu dambayntii Ra'iisul Wasaarha Soomaaliya Mudane Khayre ayaa Saraakiisha iyo madaxda gobolka Benaadir kula dar-daaray in dhaqankii wanaagsanaa ee dawladnimadeenu lahaan jirtay la soo celiyo, isagoona tilmaamay sida kaliya ee lagu dhisi karo in ay tahay shaqada dawladnimo oo laga sii bilaabo hoos.
storvideo: 

Daawo: Xoghayaha Warfaafinta Ucid Kayse Oo Eedii ugu...

$
0
0

Daawo: Xoghayaha Warfaafinta Ucid Kayse Oo Eedii ugu Cuslayd u soo jeediyey Gudida Sixirbararka oo uu ku Tilmaamay ay Ay la ambadeen Xilkii loo Igmaday uguna Baaqay in ay iska Casilaan
[embedded content]
storvideo: 

Daawo: Abwaan Axmed Qorane Aabaha Abwaan Naciima Oo...

$
0
0

Daawo: Abwaan Axmed Qorane Aabaha Abwaan Naciima Oo Maanta Lagu Xukumay 3 sano Oo ka waramaaya Sida uu u arko Xukunkan Iyo Dareenkiisa Hadeer
[embedded content]
storvideo: 

Daawo: Boqor Buur-Mdaw iyo Madaxwayne Cabdi-Wali...

$
0
0

Daawo: Boqor Buur-Mdaw iyo Madaxwayne Cabdi-Wali Gaas Oo Weedho Is Waydaar Saday Goob Caleemo Saar
[embedded content]
storvideo: 


Daawo: Sarkaal Mujaahid SNM Ahaa Oo Borama Kasoo...

$
0
0

Daawo: Sarkaal Mujaahid SNM Ahaa Oo Borama Kasoo Dhex Muuqday,Fariina U Diray Mujaahidiinta Snm Ee Hargeysa
[embedded content]
storvideo: 

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan oo si rasmi ah...

$
0
0

Munaasabad xilka loogu wareejinayo Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan C/llaahi Axmed Maalin Sufurow ayaa maanta waxay ka dhacday magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan. Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro,Xildhibaano ka tirsan Maamulka Hirshabelle iyo Bulshada qeybaheeda kala duwaan, kuwaasi oo Guddoomiyaha cusub ku booriyay inuu la yimaado aragti lagu horumarin karo Bulshada [...]
storvideo: 

Taliyaha Ciidanka Booliska oo kormeeray Taliska...

$
0
0

Home WARARKA GUDAHA Taliyaha Ciidanka Booliska oo kormeeray Taliska qeybta guud ee Booliska G/banaadir oo...
SHARE
Facebook
Twitter
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleGuddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan oo si rasmi ah maanta xilka ula wareegay

storvideo: 

Xayiraaddii socdaalka ee Trump oo qoysas badan saameysay

$
0
0

Intii uu Trump hayay xilka madaxtinimada ee Mareykanka waxaa hoos u dhacay qaxootiga laga diwaan galaiyo dalka, balse maxaa ku ku dhacay qoysaska xayirmay iyaga oo uu dhexda u maraya barnaamijka dib u dejinta.

Xayiraaddii socdaalka ee Trump oo qoysas badan...

$
0
0

Intii uu Trump hayay xilka madaxtinimada ee Mareykanka waxaa hoos u dhacay qaxootiga laga diwaan galaiyo dalka, balse maxaa ku ku dhacay qoysaska xayirmay iyaga oo uu dhexda u maraya barnaamijka dib u dejinta.
Maxamed Chaghlil oo 35 jir ah oo ku sugan magaalada New Haven ayaa maalonkasta waca hoyadii oo waayel ah.
Waxa ay weydiisaa in uu u dadaalo naftiisa iyo qoyskiisa, isagana waxa uu weydiyaa in ay qaadatay dawadeeda waxa uuna ka ballan qaadaa in ay mardhow isku meel ku noolaan doonaan.
Maxamed iyo qoyskiisa ayaa bishii Diseembar ee 2012 ka soo carayay dagaalka sokeeye ee Suuriya. Waxaa qaxooti ahaan loo geeyay Jordan waxa ayna codsadeen in mareykanka dib u dejin laga siiyo. Sanaddi 2016 waxaa geeriyooday maxamed aabihii. Wax yar un ka dib geerida aabihii, Maxamed waxaa loo ogolaaday in uu u socdaalo Mareykanka.
Go'aan adag ayuu ahaa, balse maxamed iyo hooyadii ayaa aaminsanaa in waqti dhow ay hal meel kuwada noolaan doonaaan. sidaa darteed Maxamed waa uu safray, waxa uuna Mareykanka tagay dhowr toddobaad ka hor inta aan la dhaarin madaxweyne Trump.
Hasseyeeshee Maxamed hooyadii hadda waa garoob ninkeedii dhintay, taasi oo micneheedu yahay in marlabaad codsi cusub loo sameeyo. Kadib waxaa dhacay mamnuuciddi Trump ee qaxootiga oo waxaa la joojiyay gabi ahaanba qaxootiga suuriya. Haatan sanad iyo ka badan ayay weli maxamed hooyadii sugeysaa in mar ay tagto Mareykanka oo ay wiilkeeda la noolaato.
Maamulka Trump ayaa joojiyay barnaamijkii qaxootiga si Mareykanka looga helo amni la isku haleyn karo.
Balse iyadoo haatan la qaaday xannibaadihii socdaalka ayaa weli qoysas badan sugayaan in ay hal meel ku noolaadaan.
"Waxa ay qaadneysaa 2 sano ka badan marka ma u maleynayo in baarintaankan cusub uu wax saameyn ah ku yeelan doono aminga mareykanka. Waa waddo loogu tala galay in lagu daahiyo qaxootiga," ayay tiri Mary Giovagnoli oo ah sarkaalka Qaramada Midobay u qaalbilsan qaxootiga mareykanka.
storvideo: 

Daawo: Badhasabkii Hore ee Gobolka Saaxil Oo ka...

$
0
0

Daawo: Badhasabkii Hore ee Gobolka Saaxil Oo ka Jawaab Celiyey Hadalkii Wasiirka Biyaha Sheegayna in Uu ka soo jeedo Gobolkii Aqoonta Hanjabaadna Hawada u mariyey Hadii Xidhihiisu wax ka qaban waayaan in Talaabo uu qaadi doono
[embedded content]
storvideo: 

Xaflad Heer sare loo agaasimay oo lagu caleema...

$
0
0

Waxaa maanta xaflad aan horay loo arag lagu qabtay magaalada Carmo ee gobolka Bari taas oo lagu caleema saarayey Beeldaajaha Beelaha Cali Saleebaan Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil taas oo ay ka soo qayb galeen dad kor u dhaafaya 2000 oo qof oo ka kala yimi daafaha Soomaaliya iyo caalamka kaleba.
Waxaa madasha ka soo qayb galay dhamaan madax dhaqameedyada dalka Soomaaliya iyo geeska Afrika ee ku abtirsada Afka Soomaaliga iyo madax kala duwan oo ka kala yimi qaybaha Soomaaliya sida dawladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, Waxaa xafladda ka qayb galay dhamaan madaxda sare ee Puntland oo uu hogaaminayey madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweyne ku xigeenka mudane Cabdi xakiim Cbadulaahi Camey.
Madaxdii ka socotay Dawladda Federaalka waxaa hogaaminayey Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Abuukar Islow Ducaale waxayna ka koobnaayeen in ka badan Lixdan xubnood oo isugu jira Wasiiro iyoXxildhibaano labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ka socda.
Xafladda oo ahayd mid lagu qabtay goob loo diyaariyey si qurux badana loo sharaxay, laga buuxshay dhamaan Aaladaha dhaqanka Soomaaliga, lehna mugweyn oo balaaran si xarago ahna ay madaxda kala duwan iyo marti sharaftu u fadhiyeen.
Waxaa goobta caleema saarka ka hadlay madax dhaqameed fara badan oo ka kala socday qabaa'ilka Soomaalida meel kasta oo ay joogaan sida Koonfurta Soomaaliya, Waqooyiga Soomaaliya, Dhulka Soomaalida ee Itoobiya, Jabuuti, dhulka Soomaalida ee Kenya iyo kuwa kale oo ka yimi wadamada dibada.
Ducooyin iyo dardaarano kala duwan ayey madax dhaqameedku u soo jeediyeen Beeldaajaha cusub ee dhalinta yar iyaga oo Eebe uga baryey inuu u fududeeyo hawsha culus ee dusha laga saaray. Waxay kaloo madaxda dhaqanku sheegeen in beesha masuuliyada weyn saartay Beeldaajaha ay ka soo baxaan waajibaadkooda kaga aadan taageerida iyo maqlida Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil.
Xafladan waxaa laga daawanayey iyada oo toos ah dhamaan TVda dalka Soomaaliya iyo caalamka sida TVga weyn ee Aljazeera qabytiisa carabiga oo si toos ah xafladda u tebinaysay, dhamaan Warbaahinta Puntland iyo Soomaaliya ayaa iyaguna si toos ah xaflada looga socday.
Waxaa laysku raacay in xafladdu ay ahayd mid aan horay uga dhacin deegaanada Soomaalida, si weyna loo soo agaasimay.

PUNTLAND POST
The post Xaflad Heer sare loo agaasimay oo lagu caleema saaray Beeldaajaha Beelaha Cali Saleebaan oo ka dhacday Carmo appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Caruurta Assad waxay Galeen xerada “Artek” ee...

$
0
0

Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad ayaa sheegay in intii lagu guda jiray kulan ay la yeesheen koox ka mid ah baarlamaanka Ruushka dhowaanahan in carruurtiisii ay ku nasteen sannadkii hore xerada Ciidanka carruurta ee 'Artek' ee Crimea Ruushka.
Xubnaha wafdiga ayuu u sheegay Assad in caruurtiisa ay si fiican u fahmeen Ruushka ayna ugu mahad celinayaan safarkoodii Crimean.
Artek, oo ah xerada carruurta ee Duwaliga ah ayaa la aasaasay sanadkii 1925, waxay ku taal tuulada Grozov oo ku taal xeebta koonfureed ee Crimea Ruushka.
Xerada ayaa si weyn loo aqoonsaday xilligii Soofiyeetka waxaana loo tixgeliyey Taajka dahabka ee nidaamka hore ee carruurta Soofiyeetka , kaas oo martigeliyey dhaqdhaqaaqyada carruurta iyo qaababka waxbarashada Milatariga, Wakhtiga xagaaga .
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Diyaarad Shiinees ah oo Khadkeedii Duulimaadka...

$
0
0

Duulimaad diyaarad Shiineys ah oo u gooshaysay Beijing ayaa isbedeshay, waxaana loo wareejiyay magaalada badhatamaha Dalka Zhengzhou Axaddii kadib markii qof rakaab ahi uu ugu hanjabay mid ka mid ah shaqaaliha Diyaarada Qalin Biiroo, sida ay sheegtay Hay'adda duulista hawada ee China.
Hay`adda ayaa ku sheegtay bayaan kooban oo ay ku soo qortay website-keeda in Duulimaad diyaaradeed flight keedu yahay 1350 in ruux rakaabi ahi isku dayay Isticmaalka qalin isaga oo u adeegsaday xubin ka mid ah shaqaalaha martida.
Rakaabka iyo shaqaalahaba wax Dhibaato ama Dhaawac ahi ma soo gaadhin bayaanka ayaa intaa ku daray.
Diyaaradan ayaa ka kacay magaalada Changsha, caasimadda gobolka Hunan ee koonfurta dalka, saacadu markay tahay 8:40 subaxnimadii Wakhtiga maxaliga ah, waxaanay diyaaradu ujeeday garoonka diyaaradaha caalamiga ee magaalada Beijing ayna ahayd inay ka degto saacadu markay tahay 11-ka, sida warbaahinta maxaliga ah iyo goobaha la socodka duulimaadka ay weriyeen.
Laakiin diyaaraddu waxay ku soo degtay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Zhengzhou ee gobolka Henan 9:58 am, sida ay sheegayso barta Internet ka ee Shirkadda diyaarada.
Diyaaradda ayaa sheegtay in duulimaadku uu ka soo degay qorshe aan ku talgal ahayn se "sababo amniga Rakaabka" ay u degtay bilayska iyo hay'adaha duullimaadka ayaa wali xalinaya xaaladda.
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

UAE: Waan Joojinay Tababarkii Ciidamada Somalia

$
0
0

Dalka Imaaraadka Carabta ayaa war qoraal ah oo uu shalay soo saaray ku sheegay inuu kala diray barnaamijkii tababarka milatari ee uu u fidin jiray ciidamada Somaliya.

Daawo Video:-Ra’iisul Wasaare Kheyre”Guddoomiyihii...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shaaciyey in uu jiri doono laxisaabtan dhab ah oo lala sameeyo guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir si amniga loo xaqiijiyo.
Waxa uu sheegay in Guddoomiyaasha ay horay ula kulmeen Madaxweyne Faramajo,isla markaana uu u sheegay in uusan ku qanacsaneyn Shaqadooda loona baahan yahay in ay waxka bedelaan."Runtii maalin dhaweyd madaxweynaha waad la kulanteyn wuxuuna idiin sheegay in uusan ku qanacsaneyn Shaqadiina,waxana la idinka rabaa in aad dardargelisaaan,runtii Guddoomiye yariisow waxaa laga rabaa in Shaqada uu ka ceyriyo guddoomiyihii Shaqaysan waayo iyo Askarigii qalad gala ama anaga ay noo soo sheegaan ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Kheyre"
Hadalka Ra'iisul Wasaare Kheyre ayaa imaanaya xili tiro dhowr jeer Ra'iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ay la shireyn guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir,isla markaana ay ka codsadeen in la dardar geliyo Amniga Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
[embedded content]

SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleDaawo Video:- Qodobada Lagu Eedeeyey Naciimo Abwaan Qorane Ee Maanta Xukunka Lagu Ridday

storvideo: 

Assad oo u Hadiyeey Ubax Waqooyiga Kuuriya inkastoo...

$
0
0

Waqooyiga Kuuriya ayaa u dabaal degaysa dhalashada Kim Il-sung oo ah hoggaamiyaha haatan ee dalka, Kim Jong-un.Maalintan ayaa ah xusuusta "Maalinta Cadceeda" waa maalmaha ugu muhiimsan ee Ciidaha dalkaasi.
Kamaradaha sawir qaadayaasha ayaa Qabtay xabaashii Kim Il Sung oo la Dhigay Caleemo Ubax ah si ay u xusaan isaga, Ubaxan ayaa waxa ku qornaa magaca Madaxweyne Bashar al-Assad munaasabada Ciidan.
Waxa cajiib ah in madaxweynaha Suuriya uu u Diray Ubaxan Pyongyang, Waxaana yimid weerarkii galbeedka ee ka dhanka ahaa Suuriya, kaas oo Pyongyang aan wax cambaarayn ah jeedin xitaa kamay hadlin kelmado ka mid ah taageerada Suuriya, sida caadada u ahayd ee xidhiidhka labada dal.
Si kastaba ha ahaatee Dadka Isha ku haya aamusnaanta waqooyiga Waxay Aaminsan yihiin Inay tahay Xaalada Degan ee hadda u dhaxeysa Pyongyang iyo Washington.
Waxyaabaha cusub ee sanadkan "Maalinta Cadceeda" ayaa ah in aysan jirin calaamado ama Boodhadh Lagu Dhejiyey Wadooyinka Waqooyiga Kuuriya, Boodhadhkaas oo lagu Muujin jiray awal Hore diidmada Galbeedka.
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live