Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Toddobo arrimood ka ogow dalalka Barwaaqo Sooranka

0
0

Hoggaamiyeyaasha dalalka ka tirsan ururka Barwaaqo-Sooranka ayaa ku shiraya magaalada London. Halkan ka ogow toddobo arrimood oo ku saabsan ururkan ay ku midoobeen dalalkii Ingiriiska uu gumaysan jiray:
1. Wuxuu mideeyaa saddex meelood hal meel dunida dadka ku dhaqan
2.4 bilyan oo qof ayaa ku nool dalalka Barwaaqo-Sooranka oo ah 53 dal. Intooda badan dadkaasi waxay da'doodu ka hoosaysa 30 sano.
Waddanka ugu dadka badan dalalkani waa Hindiya oo ay ku nool yihiin in ka abdan 1.3 bilyan oo qof.
Balse 31 ka mid ah dalalka ka tirsan ururka Barwaaqo-Sooranka ayaa waxaa ku nool dad gaarayo 1.5 milyan oo kali ah.
2. Dalalka qaar waligood kama tirsanayn boqortooyada Ingiriiska
Dalalkaaa Rwanda Iyo Mozambique waxay kusoo biireen ururkani 2009-kii iyo 1995-kii i kuma jiraan dalalka uu Ingriiska gumeystay.
Sannadkii 2003 ,Madaxweyne Robert Mugabe waxaa dalkiisa Zimbabwe laga hakiyay xubinnimada ururka Barwaaqo-sooranka kaddib markii ay soo ifbaxeen warbixinno sheegayay in doorashada lagu shuubtay.
Dalka Pakistan ayaa laga joojiyay xubinnimada ururka sannadkii 1999 ka dib inqilaab millatari oo dalkaasi ka dhacay, balse afar sano iyo bar kaddib dib ayaa loogu soo celiyay.
Dalka koonfur Afrika ayaa sannadkii 1961 ka baxay kamid ahaanshaha ururka Barwaaqo Sooranka kaddib markii uu ku eedeeyay dalalka ka tirsan ururka inay tageerayeen nidaamkii midabtakoorka balse sannadkii 1994 ayay Koonfur Afrika dib ugu soo laabatay ururka.
Dalkii ugu dambeeyay ee ka baxo xubinnimada ururka Barwaaqo-Sooranka ayaa ahaa dalka Maldives sannadkii 2016.
3. Boqoradda ayaa madax u ah 16 dal oo kaliya ah
Inta badan dalalka ka tirsan Barwaaqo Sooranka ayaa ah jamhuuri halka lix oo kali ah ay leh boqortooyo u gaar ah, waxaana ka mid ah; Lesotho, Swaziland, Brunei Darussalam, Malaysia, Samoa iyo Tonga.
4. waxaa isugu yimid dal waawayn
Dalalka ka tirsan uruurka waxay ku fadhiyaan afar meelood hal meel baaxadda dhulka dunida.
Waddanka ugu wayn waa dalka Canada,oo ah dalka labaad ee dunida ugu wayn.
Hindiya Iyo Australia ayaa iyagana ah dalal waawayn.
Dalalka yar ee ka tirsan Barwaaqo-sooranka waxaa ka mid ah dalalka dhaco jasiiradaha badda Pacific sida Nauru, Samoa, Tuvalu, Vanuatu, iyo dalalka kale oo ku yaalla badda Caribbean-ka sida Dominica, Antigua iyo Barbuda.
5. Magaca Ururka ayaa la beddalay
Magaca hadda jira ayaa waxaa la casriyeeyay sannadkii 1949 waxaana laga saaray ''Britian'' iyo qodob dhigayay in daacad loo noqdo boqoradda.
Labo qof oo kaliya ah ayaa madax ka soo noqday ururka waxyna kala yihiin King George VI iyo Queen Elizabeth II.
Waddamadii sameeyay ururka Barwaaqo-Sooranka waxay kala yihiin Australia, Canada, India, New Zealand, Pakistan, South Africa, Sri Lanka iyo boqortooyada Ingriiska oo sameeyay ururka ay ku buhoobeen dalalka0 ''madaxa bannaan''
Ururka Barwaaqo-Sooranka ma lahayn wax dastuur ah illaa laga sameeyo sannadkii 2012 taaso dalalka ay isku raaceen samaynta 16 mabaadi'i oo kala ah dimuqraadiyadda, Sinnaanta jinsiyadaha, ka shaqaynta horumaro joogta ah, ammaanka iyo xasilloonida caalamka.
Ururka Barwaaqo sooranka ayaa lagu xantaa inuusan saameyn lahayn, sidaas darteed ayuu dalka Gambia sheegay 2013 inuu ka baxay oo ku tilmmaamay urur taabacsan fikradaha guumaysiga.
Dadka taageersan urukani waxay sheegeen in dalalka xubnaha ka ah ay tiigsanayaan inay gaaraan horumar iyo iskaashi caalami ah.
Xoghayaha ururka waxaa uu sheegay in dalalka ka tirsan ururka ay dadaal ugu jiraan horumarinta iyo difaacidda dimuqraadiyadda sii loo qaddariyo kala duwanaanshaha dadka iyo shacabka.
6. Dalka UK ayaa ah xubinta ugu dhaqaal weyn
Dalka Hindiya waxay u badan tahay inuu galo kaalinta koobaad ee dalalka ugu dhaqaalaha wanaagsan ururkan, sanadka soo socdo horraantiisa.
Dalka UK ayaa alaabaha u dhoofiyay dalalka xubnaha ka ah ururka barwaaqo-sooranka 2016, waxay u dhigmaan qiyaas ahaan kuwii uu u dhoofiyay dalka Jarmalka isla wakhtigaas.
7. Barwaaqo sooran kale ayaa jira
Waxaa jira urur kale oo ay ku bahoobeen dalalka uu gumaystay Faransiiska. waxaa sidoo kale jira urur kale oo ay ku midoobeen dalal kale oo madax bannaan balse horay uga tirsanaa Midowgii Soviet.
storvideo: 


Sawirro: Maamulka Galmudug oo dib u furay waddo...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Dhuusa-mareeb (- Online) - Wadadaan oo xiriirisa magaalooyinka Dhuusamareb ee - maamul goboleedka Galmudug degmada Ceel-Buur, Ceel Dheer ilaa xeebta dheer ee Muqdisho oo mudo kabadan toban sano u xirneed sababa amni ayaa maanta waxaa si wada jira xariga uga jaray madaxa xukuumada Galmudug Shiiq Maxamed Shaakir Cali Xasan Iyo Wasiiru-Doowlaha Wadaaradda Arrimaha Gudaha Doowladda Federaalka Somalia Cabdulaahi Faarax Weheliye.
Xafladda furitaanka wadadaan, ayaa waxaa goob jog ka ahaa Odayaal Dhaqameed kasoo jeeda Deegaanadaas iyo Mauuliyiin katirsan Golyaasha Galmudug.
Ugaas Siciid Ugaas Maxamed oo ka mida nabadoonnada deegaanadda Galmudug ayaa ku tilmaamay Guul usoo hoyatay dadka deeganadaas maadaama Toban sano ka dib ay isku furmayaan isagoona rajo ka muujiyay in dib u dhis lagu sameeyo wadadaan.
Wasiiru-doowlaha Wasaarada Arimaha Gudaha Somalia Cabdulaahi Faarax Weheliye oo isaga 15 bishaan xilka xildhibaanimo loo doortay kadib Doorasho ka dhacday Magalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in dib u dhis lagu sameyn doono wadadaas isla markaasna uu doowlada kala hadli doono sidii dhaqsi loogu dhisi lahaa wadadaan.
Madaxa Xukuumada Galmudug Shiiq Maxamed Shaakir Cali Xasan oo Gabagabadii hadlay ayaa sheegay inay xooga saarayaan amniga wadadaan maadama deeganada intooda badan ay gacanta ku hayaan Ururka Al-Shabaab.
Dhanka kale, waxa uu ugu baaqay ganacsatada iyo qurba joogta Galmudug inay maal gashadaan degaannadooda.- OnlineXafiiska Dhuusa-mareeb-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Imaaraadka iyo Sacuudiga oo kumanaan calooshood u...

0
0

Televison-ka Press TV ee laga leeyahay dalka Iran ayaa shaaca ka qaaday qorshaha imaaraka carabta iyo Sacuudiga waxaana uu sheegay in dalalkan ay qorsheynayaan tababarista kumaan African calooshood u shaqeysta yaal ah si ay heer uga gaaraan howlahooda Military.
Jariirada Al-Qududs Al-Arabia ayaa faafisay in Boqortooyada Sacuudiga ay qorsheysay tababarista kumanaan African calooshood u shaqeystayaal ah kuwaa oo dalalkooda lagu tababarayo.
Askarta dalalka Qaaradda Africa ee tababarada ka helaya dowladaha Imaaradka Carabta iyo Sacuudiga ayaa lagu bilaabay dalka Soomaaliya waxaana xigay dalka Uganda iyadoo Madaxweynaha Dalka Chad Idriss Deby uu heshiis lagalay boqorka sacuudiga xili uu booqasho ku tagay Magaalada Jiddah kaa oo ku aadan in la tababro ciidamadooda.
Televisonka Al Masariya ee yeman laga leeyahay ayaa baahiyay in Ciidamada calooshood u shaqeestayaasha ah laga howlgalin doono wadamada Soomaaliya iyo Yeman.
Mohammed bin Zayed Al Nahyan oo dhaxal sugaha Imaaradka Carabta ayaa ku wajahan dalka Uganda si uu heshiis ula galo Yuweri Musaveni oo ah Madaxweynaha dalkaasi iyadoo loo tababari doono in kabadan 10,000 oo askar.
Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in 8,000 oo askar laga howlgalin doono wadamada Soomaaliya iyo Yeman iyadoo Ciidamada Soomaaliya loo soo dirayo xarun u noqon doonto Saldhigga Militry ee Somaliland ka dhistay Imaaradka.
Boqolaal qof ayaa ku dhinatay dagaalada ka soconaya dalka Yeman waxaana u horseeday dagaalkaasi wadamada Sacuudiga Iyo Yeman oo taageera siinaya Cabdi Rabu Mansuur Haadi, waxaana xogtan Televisonka lagu sheegay in sidan oo kale lala damacsanyahay Soomaaliya.
Heshiisyadan cusub ee Imaaradka ayaa ah kuwa ay wada galeen Maamulka Yahuuda si kor loogu qaado xeriirka ka dhaxeeya iyaga iyo yahuuda.
Amir Khalid bin Farhan Al Saud oo 5-tii April la hadlayay Televionka al-Hewar ayaa sheegay in dhowr shuruud lagu xiray dhaxal sugaha Sacuudiga waxaana lagu amray in uu fuliyo si wada shaqeynta kala dhaxeyso Mareykanka kor loogu qaado.
Shuruudahaasna waxaa kamid ah in Maamulka Riyadh uu xiriir dhaw la yeesho Taliska yahuuda ee Talaabiib kuwaa oo ka dambeeya dhaqdhaqaayada ay wadaan dalalkan oo sanadan dambe kor isku qaadaya.
W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim Loyal Abdiazizh99@gmail.comXigasho: Press Tv
storvideo: 

Madaxweyne Farmaajo oo ku laabtay xafiiskii...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dib ugu laabtay Xafiiskii Wasaaradda Gaashaandhigga ee uu ku shaqeynayay muddadii ugu dambeeysay.
Madaxweynaha oo horay loo shaaciyey in uu shaqadiisa u wareejiyey Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa todobaadyadii ugu danbeeyey dib ugu soo laabtay Xarunta Madaxtooyada, si uu u soo afjaro khilaafkii ka taagnaa Golaha Shacabka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale maalinta shalay ahayd ka soo laabtay dalka Boqortooyada oo uu kaga qeyb galayey shirka Jaamacadda Carabta, tallaabada uu isla maanta ugu laabtay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa muujineyso culeyska uu saarayo howlaha dib u habeynta Ciidanka Xoogga Dalka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale maalinta shalay ahayd ka soo laabtay Dalka Boqortooyada oo uu kaga qeyb galayey shirka Jaamacadda Carabta, tallaabada uu isla maanta ugu laabtay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa muujineyso culeyska uu saarayo howlaha dib u habeynta Ciidanka Xoogga Dalka.
Madaxweynaha ayaa horey muddo bil ah ku shaqeynayay Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoona lagu guuleystay inla sii amba-qaado qorsheyaasha isku dhafka ciidanka iyo dib u diiwaan gelintooda.
Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheeynaysa in dagaal saf ballaar ah lagaga xoreeyo dalka mileeyshiyaadka argagixisada ah ee Alshabaab.
Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheeynaysa in dagaal saf ballaar ah lagaga saaro dalka ee Alshabaab.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Sweden oo taageeraysa ganacsatada Somaliland

0
0

Wakaaladda caalamiga ah ee horumarinta u qaabilsan Sweden - SIDA, iyo qaar ka mid ah hay'adaha iyo bankiyada gaarka loo leeyahay ee lacagta ee dalka ayaa kaga dhawaaqay magaalada Hargaysa barnaamij ay wadajir u fulinayaan oo ku saabsan sidii dayn iyo gacan qabasho loogu fidin lahaa ganacsatada yaryar, siiba haweenka.

Daawo Muuqaalka Wareysiga uu Sheekh Shariif uga...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay khilaafka ka dhex aloosan dowladaha Somalia iyo Imaaraadka carabta.
Sheekh Shariif oo wareysi gaara siinaayay Telefashinka Al-Carabiya, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay xiriirka sii xumaanaya ee ka dhextaagan labada dowladood.
Wuxuu sheegay in xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood uu yahay mid soo jireen ah, isla markaana loo baahan yahay in la xaliyo khilaafka taagan.
Shariif Sheekh Axmed, ayaa wuxuu cadeeyay in madaxda dowladda, Golaha Shacabka iyo Xukuumadda laga rabo inay u istaagaan sidii meesha looga saari lahaa dhibaatada taagan.
HOOS KA DAAWO WAREYSIGA UU BIXIYAY SHEEKH SHARIIF
[embedded content]
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Maxaa ka jira in gudaha safaaradda Bakistaan ee...

0
0

Islaamabad (Caasimadda Online) - Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Islaamabad ee Caasimadda Bakistaan ayaa waxaa ka dhex abuurmay suuq lagu gado Khamriga oo ay sameeyeen Safiirka iyo kuxigeenada Safaaradda.
Khamrigan waxaa lagu keydiyaa laguna iibiyaa meel ka baxsan dhismaha Safaadda, waana guri ay kireeyeen Madaxda Safaradda uguna talagaleen in Khaamrigan lagu iibiyo, waxaana ku xiran macaamiil badan oo ay ka mid yihiin diblomaasiyiin Bakistaan ku matala waddamo caan ah, waxaana howshan fududeeyey Khadiija Almakhsuumi Safiirka Soomaaliya ee Bakistaan oo ah Xaaska Madaxweynihii Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.Dhisman aad sawirkiisa u jeedaan waa guriga lagu iibiyo Qamriga
Safarkasta oo Soomaalida, gaar ahaan madaxda Safaaraddu Qamri geeyaan Bakistaan waxa ay ka faa'iidaan lacag gaareysa seddax boqon oo kun oo doolar ($300,000) lacagtaasna waxaa qaata Danjire Khadiija Almakhsuumi iyo Kuxigeenadeeda sida ay ku helnay xog buuxda oo la aamino karo.
haddaba waxa ay dad badani isweydiin karaan sida Safaaradda Soomaaliya ay Qamriga ku geyso dalkaas, cidda ay ka iibiso ee rasmiga ah iyo ogalaanshaha ay u heysato inta uu gaarayo?
Dalka Bakistaan oo dadkiisu muslimiin yihiin sidoo kale ay leeyihiin dhaqan adag oo ah in aysan korkortan ka galeyn waxyaabaha ka reeban ayaa si caadiga ah waxaa mamnuuc ka ah Qamriga, laakiin dowladda Bakistaan ayaa wadamada Safaaradaha ku leh Bakistaan oo ay ku jiraan kuwa Islaamka ah u ogolaatay in ay Qamriga lasoo dagi karaan haddii ay u baahan yihiin ayna Safaaradooda ku dhex isticmaali karaan.
Hadda dowladdii dhexe ee Soomaaliya ee uu Madaxweynaha ka ahaa Marxuum Maxamed Siyaad Barre ayaa dowladda Bakistaan ka codsatay in ay qamri loo ogolaado Safaaradda Soomaalida, Bakistaana waa ay aqbashay, wixii intaas ka dambeeyana ma jirin dowlad amar kasoo saartay oo joojisay ama burisay codsigii dowladdii Milatariga ahayd, sidaas darteed ayaa Safaaradda Soomaalida ee Bakistaan waxa ay ka mid tahay Safaaradaha Qamriga keensan kara.
Qamrigaan waxaa uu ku tagaa Bakistaan in Shaqaalaha iyo madaxda Safaaraddu ay isticmaalayaan ama cabbayaan laakiin taasi ma dhacdo oo Ganacsi ayaa loo adeegsadaa iyada oo lacago badan laga sameeyo.
Waxyaabaha Caasimadda Online ogaatay waxaa ka mid ah in Danjire Khadiija Makhsuumi ay qandaraas la gashay Safaarado islaam ah oo aan iyagu Khamriga keensan sabab la xiriirta dowladahooda oo aan u ogolayn oo ay sidaas uga iibiso, Safaaradahaasna waxaa ka mid ah Safaaradda Imaaraadka ee Bakistaan.
Khamrigii ugu dambeeyey waxaa la geeyey 12 March 2018 waxaana uuna ahaa ilaa sided nooc oo laga kala keenay dalal kala duwan waxaa ka mid ah.

  1. wine Bordeaux whiskey oo ah khamri laga soo iibiyey Faransa.
  2. wine Bordeaux Vodka oo laga soo iibiyey Spain.
  3. wine Bordeaux Brandy oo laga soo iibiyey Koofur afrika
  4. wine Bordeaux Sherry oo laga soo iibiyey Irland
  5. wine assorted Bordeaux oo laga soo iibiyey Faransa.
  6. Beer oo laga soo iibiyey Denmark
  7. Champagne moet and chandon oo laga soo iibiyey Faransa iyo
  8. Liqour oo laga soo iibiyay Talyaaniga

Fahfaahin dhameystiran ka aqriso warqadda hoose oo macluumaad badan ku qoran yahay, Fiiro gaar ah meesha aan saarnay calaamadda guduudan waxaa ku qoran Magaca Safiirka Khadiijo Almakhsuumi iyo kuxigeenadeeda.
Dowladda Bakistaan ayaan xog badan ka heynin sida Khamriga Magaca Soomaalida ku gala dalkooda loo maareeyo laakiin waxaa laga yaabaa haddii ay ogaadaan in Suuq Qamri oo ay hormuud u tahay Safiirka Soomaaliya uu ka furmay dalkooda in cawaaqib xun iyo in xiriirka labada dal in uu xumaado ay ka dhalato.
Khadiija Makhsuum oo horey usoo noqotay Safiirka Soomaaliya ee Ciraaq ayaa u dhaxda Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, Madaxweyne Guuleed ayaana ka dambeeyay in ay Safiir ka noqoto Bakistaan isaga oo Madaxweynihii hore ee Xasan Sheikh isku afgarteen in Baskstaan loo magacaabo.
Wixii xog ah oo soo kordha nala soco Caasimadda Online
storvideo: 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee...

0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabdillaahi Cali Caanood, Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guud. Bashiir Maxamed Jaamac (B.Goobe) iyo saraakiil kale ayaa maanta kormeer ku tagay kuliyadda Jaalle Siyaad oo ay xarun u tahay ciidanka Burundi ee qaybta ka ah howl-galka Nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya. [...]
storvideo: 


Kaftanka Siyaasadda iyo isku tashiga Soomaalida...

0
0

17th April 2018 admin Category :
Ali Xaraare iyo Yaasiin Ducaale oo Maraykanka ka bilaabay barnaamijka "Isku tashiga oo u gurmaday Soomaali badan oo Gawaaridii ay wateen ay ka galeen Baraf Duufaan ah oo ka da'ay magaaladooda.
Barnaamijkan Isku tashiga Soomaali dhexdeeda ah ayaa ka bilowday degaano ka mid ah Soomaaliya, guulna laga gaaray.
[embedded content]
storvideo: 

DHAGEYSO:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle

Farmaajo oo Booqday Kulliyadii Jaale Siyaad

0
0

17th April 2018 admin Category :
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kormeeray dhismaha Kulliyaddii Jaalle Siyaad, isaga oo halkaas kula kulmay cutubyo ka tirsan ciidamada AMISOM.
storvideo: 

Goormay Soomaliya Muqdisho noqotay

0
0

17th April 2018 admin Category :
Basaskii dawlada Qadar ay ugu deeqday Soomaalida oo dhan, saacado gudohood ayeey ku qaybsadeen madaxda Xaafadaha Muqdisho ee gobolka Banaadir . Gelinkii danbe ee maantana waxay qaadayeen Soomaaliyeey toosoow iyo Imaaraadku ha ka baxo Soomaaliya . Siyaasiyiinta Muqdisho Soomaalinimada ay doonayaan waa in deeq kasta oo Soomaali loogu deeqo inaanay Muqdisho soo dhaafin

Muqdisho
Dowladda Qadar ayaa 30 bas ku wareejisay maamulka gobolka Banaadir.Maxamed Cabdinaasir Ayaanle ayaa ka waramaya.
Slaet op af Universal Somali TV i 17. april 2018

storvideo: 

Khubarada hubka Kimikada oo loo ogolaaday in ay booqdaan Douma

0
0

Xukuumadda Suuriya ayaa sheegtay in kooxdii ka socotay hay'ada caalamiga ah ee ka hortaga hubka Kimikada ah ay howshooda ka bilaabeen magaalada Douma -oo ah goob la sheegay in weerar Kimiko ah uu ka dhacay.

Khubarada hubka Kimikada oo loo ogolaaday in ay...

0
0

Xukuumadda Suuriya ayaa sheegtay in kooxdii ka socotay hay'ada caalamiga ah ee ka hortaga hubka Kimikada ah ay howshooda ka bilaabeen magaalada Douma -oo ah goob la sheegay in weerar Kimiko ah uu ka dhacay.
Baarayaashani ayaa Sabtidii gaaray meel u dhaw - Suuriya ee Dimishiq.
Balse si dhaqso ah looguma ogolaan in ay howshooda bilaabaan taasi oo keentay shaki ah in la doonayo in caddeymaha la qariyo.
Weerarkani looga shakisan yahay in loo adeegsaday hub Kimiko ah ayaa sababay in dowladaha Britain, Faransiiska iyo Mareykanka ay duqeeyaan bartilmaameedyo Suuriya ku yaalla.
Dowladaha Suuriya iyo Ruushka ayaa ku adkaysanaya in aysan jirin weerar Kimiko ah oo dhacay, ayna wararkaasi yihiin kuwa been abuur ah.
Hasa yeeshee Saxafi u dhashay dalka Mareykanka oo booqday goobta uu weerarka ka dhacay ayaa soo uruuriyay caddeymo ku saabsan in dadka deegaanka ay u sheegeen in weerar Kimiko ah halkaasi ka dhacay.
storvideo: 

Daawo Video:-Madaxweyne Farmaajo oo ku laabtay...

0
0

Wararka maanta
English news


LATEST ARTICLES
This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish.AcceptRead More
error: Content is protected !!
storvideo: 


Qubanaha VOA, April 19, 2018

Dowladda Mareykanka oo eedeeyn u soo jeedisay...

0
0

Wasiirka gaashaandhiga Mareykanka,Jim Mattis, ayaa ku eedeeyay dowlada Suuriya in ay dib u dhigayso in baarayaasha hubka Kimikada ay booqdaan goobtii la sheegay in uu ka dhacay weerarka Kimikada ee magalada Douma.
Waxa uu intaa ku daray in dowladda Suuriya ay horey u isticmaashay howlsha dib u dhigida si ay meesha uga qaado caddeymaha ka hor inta aysan baarayaasha soo gaarin.
Baarayaashani oo ka socda ururka caalamiga ah ee ka hortaga hubka Kimikada ah ayaa waxa ay sheegeen in aysan ogayn goorta ay u suuragalayso in goobtaasi ay gaaraan.
Koox dhanka ammaanka ah oo baarayaasha la socday ayaa goobtaasi dib looga soo daagureeyay ka dib markii rasaas lagu furay.
Weerarkani looga shakisan yahay in loo adeegsaday hub Kimiko ah ayaa sababay in dowladaha Britain, Faransiiska iyo Mareykanka ay duqeeyaan bartilmaameedyo Suuriya ku yaalla.
Dowladaha Suuriya iyo Ruushka ayaa ku adkaysanaya in aysan jirin weerar Kimiko ah oo dhacay, ayna wararkaasi yihiin kuwa been abuur ah.
Baarayaashan ayaa markii ugu horreysay Suuriya gaaray Sabtidii aanu soo dhaafnay.
storvideo: 

Qubanaha VOA, April 19, 2018

0
0

[unable to retrieve full-text content]
storvideo: 

Morgan oo ku dhwaaqay in uu yahay Musharax u taagan...

0
0

18th April 2018 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Sareeye Guuto Maxamed Siciid Xirsi Morgan oo ku dhwaaqay in uu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Puntland
Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi Morgan oo soo noqday wasiirka difaaca ee Jamhuuriyadii Dimoqraadiga ee Soomaaliya, ayaa kaga dhawaaqay magaalada Bosaso in uu yahay musharax u taagan xiilka Madaxweynaha Puntland doorashada nagu soo aadan ee dhici doonta bilowga sannadka 2019-ka.
Jeneraal Morgan ayaa sheegay in ay isku sharaxay sidii uu Puntland uga bedeli lahaa marxalado badan oo ay maanta ku sugan tahay, gaar ahaana wuxuu si gaar ah uga hadlay ammaanka oo uu sheegay in ay saldhig u yihiin kabaayasha iyo horumarinta ilaha dhaqaale ee dal kasta leeyahay.
Musharaxu waxa sidoo kale uu ka hadlay shaqo abuur uu sheegay in uu u sameyn doono dhalinyarad reer Puntland oo ka cabanaya shaqo la'aan baahsan.
Morgan wuxuu sheegay in uu aqbalay dalab uga yimid Shacab badan oo ku nool mandiqadda Puntland, ayna ka codsadeen in uu noqdo musharax Madaxweyne, si loogu doorto xilka Madaxtinimada waqtigan oo ay mandiqadu ku jirto marxalad xasaasi ah.
[embedded content]

Post navigation
- Markab laga leeyahay Imaaraadka Carabta oo ku xirtay Dekeda Muqdisho
storvideo: 

Daawo Video:-Dawlada Emaratka Carabta Oo Khashiftay...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Iimaaraadka carabta oo cilaaqaadka kala dhaxeeya dawladda Soomaaliya uu sii darsanayey ayaa markii ugu horreeyey ka hadlay halka uu ka taagan yahay xiriirkaas, tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu joojiyay barnaamijyadii uu ka waday Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in heshiiska Berbera uu kala hadlay dawladdii ka horraysay tan hadda ka jirta Soomaaliya.
Wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda ee isu tagga Iimaaraadka carabta, anwar Maxamed Qarqaash, oo u warramay laanta afka carabiga ee BBC ayaa sheegay inay aqoonsan yihiin midnimada Soomaaliya.
"Arrinta dekedda Berbera waxay ku dhacday isfahan cad oo aan la yeelannay dawladihii hore ee Soomaaliya, waxayna ahaayeen kuwo cadcad. Innaga qunsuliyad kuma lihin Somaliland, safaaradna kuma lihin Somaliland, xiriirna lama lihin. Waxaan kaalin fududayn ah ku lahayn in aan kulamo u qabanno madaxda Soomaalida. Waxay ku kulmeen Dubai iyo Abu Dhabi. Kaalinteennu waxay ku koobnayd fududayn. Is fahannadu waxay ku qotomeen haddii aan aqoonsannahay siyaasadda Soomaali mid ah inaysan anaga reebaynin dhinacyada horumarinta, gargaarka iyo kaalmada in aan Somaliland ka samayno". ayuu yiri.
[embedded content]
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleDaawo Video:-Haayada Culimada Soomaaliyeed Oo Ka Digay Bandhig Faneed Lagu Qabandoono Magaalada Muqdisho
Next articleDeg Deg:-Madaxweyne Erdogan Oo Ku Dhawaaqay Doorasho Xilligeeda Laga Soo Hormariyey

storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live