Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Sanaag iyo Soolna yaa la siiyey?

$
0
0

19th April 2018 admin Category :
Haddii dawladdii hore ee Xasan Culusoow uu madaxweynaha ka ahaa ay saxiixeen in Imaaraadku qaato dekedda Berbera. Waa in dawlladda hadda joogtaa oo uu madaxweynha ka yahay Farmaajo ay iyaguna guddi xaqiiqa raadis ah u saaraan wada hadaladii u dhaxayn jiray dawladdi Xasan Culusoow iyo kooxdii Siilaanyo oo ka soo wada jeeday beesha Isaaq ee lagu sheegi jiray wada hadal u dhaxeeya beelaha waqooyiga Soomaaliya iyo dawladda federaalka. Wada hadalkan ayaa waxa shuruud u ahayd in labada dhinac ayna ku jirin siyaasiyiin ka soo jeeda beesha Daarood
[embedded content]
storvideo: 


War aan idiinka hayno khilaafkii Somalia iyo...

$
0
0

War aan idiinka hayno khilaafkii Somalia iyo dawladda Emirates ka oo aan ka soo xigannay BBC da.
Waxa Daabacay staff-reporter on Apr 19th, 2018 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - War aan ka soo xigannay BBC-da laanteeda afka-Somaliga, ayaa maanta faafisay in dawladda Abu Dhabi ay caddaysay mawqifkeeda ah midnimada Somaliyeed. Warkan oo aanay reer Somaliland ku farxin ayaan sidan u dhignaa.
[embedded content]
Awdalpress
This post has been viewed 140 times.
storvideo: 

Somaliland poet jailed for three years in crackdown...

$
0
0

Warkan ka hadlaya gabadha Naciima Qorane, ee ku qoran luqadda English-ku waa mid lagu qoray wargeyska ugu caansan dalka Ingiriiska iyo caalamkaba ee lagu magacaabo The Gaurdian. Aalaaba waxa wargeyskan lagu soo qoraa mawaadiicda xasaasiga ah ee ka dhaca dunida.
Qoraalkan oo dhaawac weyn ku ah sumcadda xukuumadda Somaliland, ayaa waxa mas'uuliyaddeeda iska leh xeer ilaalinta iyo maxkamaddii xukunka ku ridday gabadhaa Naciima. In ay arrintani iman doontana waxa aan sheegnay laba casho horteed.
----------------------------------------------------------------------------------------------------

Naima Abwaan Qorane's lawyer said she had been threatened with rape and murder during her interrogation. Photograph: Handout
A poet has been sentenced to three years in prison in Somaliland as part of a wide-ranging crackdown against activists and writers.
Naima Abwaan Qorane, 27, was jailed on Sunday for "anti-national activity of a citizen and bringing the nation or state in contempt".
Prosecutors said she had expressed opinions on social media that undermined the semi-autonomous state's claim to full independence.
In a second case on Monday, the same court sentenced Mohamed Kayse Mohamoud, a 31-year-old author, to 18 months in prison on charges of "offending the honour of the president."
The case against Mohamoud was based on a Facebook post saying the "president is a local", according to the charge sheet seen by activists.
It was offensive to the president because the president was "a national president" and not a local official, the presiding judge said.
Somaliland, a former British protectorate, declared unilateral independence from Somalia in 1991 as the regime of Mohamed Siad Barre collapsed, but has not been recognised as a fully autonomous state by the international community.
It is effectively self-governing with its own elections, constitution, courts and currency. President Muse Bihi Abdi was elected last year.
Since December there has been a series of arrests and detentions of activists, bloggers and writers. Local human rights workers say at least 12 journalists have been detained, some for up to three weeks.
"The detention of my client was illegal, the charges made against her are politically motivated and the sentence is unfair," Qorane's lawyer, Mubarik Abdi Ismail, said. "The the judge was not independent and therefore he could not deliver a free trial."
He said the poet had been threatened during her interrogation. "On one night while Naima Qorane was in [police] detention in Hargeisa, two hooded men entered her cell and threatened that they will rape her if she would not provide passwords of her mobile phone and her social media pages particularly her Facebook. They took all passwords," he said.
"In March, two [police] and intelligence officers came to Qorane's cell and demanded her to tell everything and confess her crimes ... they threatened that they will bring very strong men who would rape her, and then that they would kill her and dump her body into unknown place. They returned the second night and put a loaded pistol of her forehead and threatened that was her last minute in life."
Qorane was also denied visits from her family for a number of weeks after her father spoke to the media and, though held for political offences, she was not separated from other detainees. She is now being held in Gabiley women's prison.
Ahmed Hussein Qorane, Naima's father, said he was given only limited access to visit his daughter and was not surprised by the sentence. "My daughter is innocent ... She has nothing to do with what they alleged. She must be released without condition. They did not allow her to see a doctor. She has bad toothache. They beat her in the detention and her left knee is swollen while she has an injury on her thumb," he said.
Much of Qorane's poetry evokes the lost unity of Somalia, but does not explicitly mention Somaliland or its future, supporters say. She read her works at a TEDx conference in the Somali capital, Mogadishu, last year.
Guleid Ahmed Jama, the chair of the Human Rights Centre-Hargeisa Somaliland, said the imprisonment of Qorane and Mahamoud were contrary to the constitution.
"This shows that the judiciary is being used to suppress critical voices. We are very concerned about the judiciary's acts that are putting people behind bars for expressing their opinion. Somaliland is a democracy. We have a very good constitution. The government needs to respect that constitution," he said.
Qorane said in 2016 that she had received death threats and been warned to leave Somaliland. "If it happens - though I am not expecting it - jail was built for people not for animals ... I will be released one day and the prison experience is not going to change my views," she said in a local media interview.
There has been no official statement from the Somaliland authorities.
The US mission in Somalia condemned the detention of Qorane and Mohamoud, and called on officials to safeguard freedom of expression.
Said Abdi Hassan, an activist in Somaliland, said Qorane's sentence was unfair. "She was detained because of her views which everybody has the right to express without fear," he said. "How can a country claim to be seeking recognition while they disregard rights of the people.
"But we want to tell Naima that even if she is jailed forever, her views will be active. She is a role model for many of our youth by calling for unity and against tribalism."
Officials contacted in Somaliland said they were unable to comment on the case.Additional reporting by Abdalle Ahmed Mumin
storvideo: 

Saacado yar horteed iyo Al Jazeera oo hurgufaysa...

$
0
0

Saacado yar horteed iyo Al Jazeera oo hurgufaysa khilaafka sii xumaanaya ee u dhexeeya Somalia iyo Emirates. ( Halkan ka daawo )
Waxa Daabacay staff-reporter on Apr 19th, 2018 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - Television ka laga leeyahay dalka Qatar ee xurgufta weyni u dhaxayso Emirates ka iyo Saudi Arabia, ayaa si weyn u qaadaa dhigaysa khilaafka ka dhex aloosan Somalia iyo Emirates. Inkasta oo ay buun buunin badani ka muuqato warka iyo faallada ay kaga warramayaan khilaafkaasi.
Xaqiiqada immiga jirta ayaa dadka arrintan u dhuun daloolaa ay sheegayaan in labada dhinacba xal raadinayaan. Laakiin uu jiri doono isbeddel aad u weyn oo ku iman doona qaabkii iyo hannaankii ay Emirates ku ula macaamili jireen Somalia.
Waxa laga wada dharagsan yahay in ay Dubai saldhig u tahay dhaqaalaha Somalida, gaar ahaan xawaaladaha. Sida la sheegayna ay lacagaha la kala xawilayo amma ganacsiga lagula kala wareegayo ay dawladda Emirates ku u fududayso.
[embedded content]
Awdalpress
This post has been viewed 91 times.
storvideo: 

VIDEO Morgan Oo Iska Soo Sharaxaya Doorashooyinka...

$
0
0

Wararki hore
Wararki hore
storvideo: 

OPCW “Kooxda xaqiiqo-raadinta oo wali dibadda ka...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Muqdisho(SONNA);- Kormeerayaasha caalamiga ee hubka kiimikada adduunka ayaa awoodi kari waayay iney gudaha u galaan magaalada Douma si ay u baaraan goobta looga shakisan yahay in lagu weeraray Hubka Kiimikada ah ee "Gaaska'',Kooxda ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in laga eryay goobta ay doonayeen iney gaaraan.
Hay'adda mamnuucista hubka kiimikada Aduunka (OPCW) ayaa Arbacadii sheegtay in saraakiisha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay magaalada galeen Talaadadii si ay u baaraan goobaha ay xaqiiqo-raadinta xaqiiqsadeen in ay baarayaan eedeymaha ah hubka kiimikada ee ay fuliyeen ciidamada dawladda April 7.
War qoraal ah oo ka soo baxay Hay'adda OPCW, ayaa lagu sheegay in Kooxda Qaramada Midoobay ka socotay ee baaritaanka u tagay magaalada Douma lagu soo riday rasaas iyo Aaladaha Qarxa,kuwaasi oo ku qarxay goob ay ku sugnaayeen oo ay booqdeen,taasina ay sababtay in durba kooxda baaritaanka si deg deg ah uga soo baxaan magaalada Douma ee dalka Suuriya,waxayna dib ugu soo laabteen magaalada - ah ee Dimishiq.
"UNDSS waxa ay sii wadi doontaa inay la shaqeyso Hay'addaha Qaranka Suuriya, Golayaasha Deegaanka ee Douma, iyo Ciidanka Booliska ee Ruushka si ay u eegaan xaaladda nabadgelyada"ayaa lagu yiri warka.
Ciidamada Dowladda Suuriya oo kaashanaya kuwa Ruushka ayaa lagu eedeeyay iney Hubka Kiimikada ah u adeegsadeen dagaal ka dhacay magaaada Douma,kuwaasi oo waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleKenya oo baadi goobaysa Rag lagu tuhmay Al-Shabaab
Next articleFAALLO:- Dhirtu waa Nolole waa in la dhowraa

storvideo: 

FAALLO:- Dhirtu waa Nolole waa in la dhowraa

$
0
0

Dhir (Af-Ingiriis: plant; Af-Carabi: nbt) sidoo kale loo yaqaano Dhirta Cagaaran waa noole ka samaysan unugyo badan oo isku xidhan taasi oo dulsaaran oogada sare ee dhulka. Dhirtu waa kalmada jamcisa dhamaan geedaha noocaydooda kala duwan ee laga helo carada dusheeda, biyaha dhexdooda, buuraha iyo meelo badan oo kala duwan. Waxa jira noocyo badan oo dhirta ah kuwaasi oo lagu qiyaaso in ay ka kooban yihiin ilaa 375,000 oo nooc. Guud ahaan dhirtu waxa ay ka kooban tahay qaar iniinyo leh (Seed plants) iyo qaar aan lahayn, Waxa kale oo ay ka kooban tahay qaar qodax leh iyo qayb aan qodax lahayn haba yaraatee.
Qeybaha rasmiga ah ee dhirtu waa dhirta ubaxa leh (flowering plant), caleen-yare (carnifers), feerno, Lycopodiopsida, jirid-yare, algiya, caleenley iyo shurub. Dhirtu waxay ka mid tahay Nooleha. Sidoo kale, dhirtu waxay leedahay unugyo-dahaadhan (cellwalls) kuwaasi oo u suurta geliya ineey sameeysato cunto ayadoo isticmaaleysa ileyska qoraxda, biyo iyo kaarboon-labo-ogsajiin. Dhirtu waxay manaafacaad iyo faa'iido badan u leedahay dunidanaan ku noolnahay; waxay suurto-gelisaa in hawada ka soo saart kaarboonka isla markaana ku sii deeyso hawada Ogsajiin oo ah mida teegeerta nolosha xayawaanka iyo dadka.
Intaais waxaa dheer in dhirtu soo saarto miro, caleemo, jirid iyo xidido kal duwan taasi oo ay quud iyo cunto ka dhigtaan dhamaan noolaha intiisa kale ee xayawaanka iyo dadku ka midka yihiin. Guud ahaan waxaa jira noocyo badan oo dhir ah; kuwaasi waxaa ka mid ah: beeraha, keymaha, iyo dhuldaaqsiimeedka. Maadaama juqraafiga dhulku kala duwan yahay, meelaha dhirtu ka baxdo aduunyada weey kala duwan tahay. Meelaha qaar waxaa ka baxa kumanaan nooc oo dhir ah, halka deegaanada qaar (sida saxareha ama lamadegaanka) ay ku yar tahay dhirtu. Maadaama noloshu ku tiirsan tahay dhirta waxaa waajib ah in la ilaaliyo jiritaanka, koritaanka iyo caafimaadka dhirta.
Geedku wuxuu u baahan yahay ileys, biyo iyo hawo si uu u samaysto cunto asagoo isticmaalaya Habka Samayska Cuntada.Dhirtu waa noolaha kali ah ee cuntadiisa diyaarsada iyagoo isticmaalaya nidaam loo yaqaano Habka Samayska Cuntada (photosynthesis). Geeduhu waxay u baahan yihiin ileys(inta badan ileyska dabiiciga ah ee qoraxda), biyo ay xididadu ka soo nuugaan dhulka iyo hawo - gaar ahaan kaarboon-labo-ogsaydh (C2O) si uu u samaysto cunto asagoo isticmaalaya Habka Samayska Cuntada. Inta u badan dhirta, habka samayska cuntada ee geedku wuxuu ka dhex dhacaa caleemaha iyo laamaha dhirta, halkaas oo biyaha, awooda ileyska iyo [[kaarboon|kaarboon-labo-ogsaydh]ku ku falgalaan. Isku dhiska halkaas ka dhaca waxaa ka soo baxa Ogsajiin hawo ah oo caleemuhu cirka ku sii daayaan. Taasi oo ah faa'iidada koowaad ee dhirtu u leedahay deegaanka dhulka.
Haddaba maadaama ay Dhirtu ay faaiido badan u leedahay Bini'aadamka, Xoolaha iyo Dhulkaba waxaa loo baahan yahay in la dhowro jiritaankooda, si taasi la isugu baraarujiyo ayaa sanad walba bisha Apriil 17-keeda loo aqonsaday Maalinta dhirta, gaar ahaan Qaranka Soomaaliya waxa uu Maalintaasi u asteeyay maalinta dhir beerista Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo munaasbad lagu weyneynayo maalintaasi ayaana lagu qabtay Muqdisho, iyadoo ay soo agaasintay Wasaaradda Xananada Xoolaha dhirta iyo daaqa Xukuumadda Soomaaliya.
Agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha iyo agaasimaha guud wasaarada Xanaanada xoolaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay Munaasabadaasi, ayaa sheegay in ay dhiiri galinayaan, islamarkaana ay xoogga saari doonaan beerista dhirta.
Masuuliyiintii goobtaasi ka hadashay waxaa kaloo ka mid ahaa Xil C/fitaax Qaasim oo ka tirsan Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ilaaliyaan dhirta, isaggoo xusay in diinta Islaamka ay ka hadashay dhowrista dhirta, iyadoo Dadkii ka soo qeyb galay Munaasabadda, ayaa ku baaqeen in la joojiyo xaalufinta dhirta, taasi oo keeni harta nabaadguur.
Dhirtu waxay ka mid tahay Khayraadka rabbi uu ku maneystay dadka iyo noolaha kale waxayna u leeyihiin manaafacaad kala duwan oo lawada garanayo balse marka laga yimaado manaafacaadkaasi waxaa jira faa'iidooyin muhiim ah oo ay dhirtu leedahay, kuwaasi oo nolosha u bahantahay, sidaasi awgeed waxaa loo baahan yahay in loo guntado dhowristeeda, waxaana dhihi karaa Dhirtu waa Nolole waa in la dhowraa.W.D. C/laahi Ruush
storvideo: 

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhan ah...

$
0
0

Muqdisho(SONNA); Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgal ka dhan ah Maleeshiyada Al-Shabaab waxay ka wadaan deegaanada Cammaaro,Bacaad weyn iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Mudug,kuwaasi oo la doonayo in guud ahaan Al-Shabaab lagu ciribtiro.
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Qeybta 21-aad, Generaal,C/llaahi Aadan Xuseen oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in hadda howlgalada ay ka socda aagaga Cammaara,Bacaad weyn iyo deegaanada kale ee hoos yimaada,isagoona dhanka kale tilmaamay in xaaladda ay tahay mid degan.
" Waa howlaheenii caadigaa,waxay hadda howlgalo ka socdaan deegaanada aagaga Cammaaro,Bacaad weyn ilaa iyo lagu dhawaado deegaanada kale ee hoos yimaada,xaaladuna wey degan tahay hadda," ayuu yiri Taliyaha 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka C/llaahi Aadan Xuseen.
Wuxuu sheegay Taliyaha in Maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan deegaanadda haatan howlgalada ay ka wadaan iney yihiin burcad lacageed,islamarkaana dadka deegaanka ay carruurta ka afduubaan,xoolahana ka dhacaan loona baahan yahay in si wadajir ah Shacab iyo ciidanba loola dagaalamo.
"Nimankaan Nabad diidka ah waa Burcad lacageed,carruurtey Afduubanayaan oo dadka ay kala dhex baxayaan,Xoollaha ayay ka dhacayaan,lacag baad ah ayay weydiinayaan dhibaatooyinkaasi ayaanu ka hortageynaa Haddii Illaahey yiraahdo," ayuu yiri Generaal C/llaahi Aadan Xuseen.
Dad badan oo ka soo cararay deegaanada Maleeshiyada Al-Shabaab kaga sugan yihiin Galmudug ayaa hadda maciinsanaya magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado,kuwaasi oo Xoolihii ay lahaayeen ay ka dhaceen Kooxda Nabad diidka ah.
Ciidanka Xoogga dalka ayaa dadaal ugu jira sidii Maleeshiyada Al-Shabaab looga xoreyn lahaa deegaanada fara ku tiriska ee kaga sugan yihiin dalka si Shacabka Soomaaliyeed ugu noolaadaan nabad iyo nolol una heli lahaayeen adeegyada asaasiga ah ay u baahan yihiin.
storvideo: 


Jubbaland oo sheegtay in dhamestirka Dastuurka laga...

$
0
0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Jubbaland Sheeh Cabdi Maxamed ayaa sheegay in dhameystirka Dastuurka loo weecinayo ama laga doorbidayo in dhaqaale lagu raadiyo.
Wuxuu sheegay dhawr jeer inuu arkay in laab laabyo badan ay jiraan, midaasina ay tahay wax aan wanaagsaneyn, muhiimna ay tahay in wax ka bedel lagu sameeyo.
Wuxuu tilmaamay in ay masuul ka yihiin shacabka, loona baahan yahay howsha in loo qabti si ay ku jirto masuuliyad loo dhan yahay.
Sidoo kale wuxuu sheegay ka maamul ahaan in hada ay saluugsan yihiin qaabka loo wado dhameystirka arrimaha Dastuurka, wuxuuuna ku taliyay in Dowladda dhexe arrintan ay wax ka qabato.
Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa shalay waxaa ka furmay shir looga hadlayo arrimaha Dastuurka, kaasi oo ay ka qeyb galayaan Guddiga Baarlamaanka ee arrimaha Dastuurka, Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Maamul Goboleedyada iyo xubno kale.
storvideo: 

Ku-simaha Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray xarunta...

$
0
0

Home WARARKA GUDAHA Ku-simaha Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray xarunta Degmada Heliwaa oo dib...
SHARE
Facebook
Twitter
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleCiidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhan ah Maleeshiyada Al-Shabaab ka wada deegaanada Gobolka Mudug

storvideo: 

AMISOM Oo dalbatay Ciidamo dheeraad ah

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Taliska AMISOM ayaa ka dalbay dalalka qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya in ay ugu deeqaan Ciidamo Boolis ah oo dheeraad ah, si ay u ballaariyaan howlgalkooda.
Ku Simaha Taliyaha Booliska AMISOM Christine Alalo oo ka hadleysay munaasabad ay kula wareegeysa Ciidamo Boolis ah oo ka socda dalka Sierre Leone ayaa ka codsatay dalalka qeybta howlgalka AMISOM in looga fadhiyo in ku daydaan Sierra Leone oo ay Ciidamo Boolis horleh ku soo kordhiyaan howlgalkooda, si ay uga dhaqaaqaan Muqdisho , una gaaraan deegaanada kale ee dalka.
Dalalka Ciidamad Booliska ugu deeqay Soomaaliya aya waxa ka mid ah Uganda, Kenya, Nigeria, Zambia Ghana iyo Sierre Leone, kuwasi oo haatan gaaraya 1400 oo Askari.
AMISOM ayaa dhawaan sheegtay in kun Askari oo ka tirsan Ciidamadooda ay ka bixi doonan Soomaaliya Bisha October ee Sanadkani, basle lama oga sida ay isku qabsan doonaan qorshaha AMISOM oo u muuqda qaarna keen, qaarna saar
The post AMISOM Oo dalbatay Ciidamo dheeraad ah appeared first on Shabelle.

AMISOM Oo dalbatay Ciidamo dheeraad ah

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Taliska AMISOM ayaa ka dalbay dalalka qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya in ay ugu deeqaan Ciidamo Boolis ah oo dheeraad ah, si ay u ballaariyaan howlgalkooda.
Ku Simaha Taliyaha Booliska AMISOM Christine Alalo oo ka hadleysay munaasabad ay kula wareegeysa Ciidamo Boolis ah oo ka socda dalka Sierre Leone ayaa ka codsatay dalalka qeybta howlgalka AMISOM in looga fadhiyo in ku daydaan Sierra Leone oo ay Ciidamo Boolis horleh ku soo kordhiyaan howlgalkooda, si ay uga dhaqaaqaan Muqdisho , una gaaraan deegaanada kale ee dalka.
Dalalka Ciidamad Booliska ugu deeqay Soomaaliya aya waxa ka mid ah Uganda, Kenya, Nigeria, Zambia Ghana iyo Sierre Leone, kuwasi oo haatan gaaraya 1400 oo Askari.
AMISOM ayaa dhawaan sheegtay in kun Askari oo ka tirsan Ciidamadooda ay ka bixi doonan Soomaaliya Bisha October ee Sanadkani, basle lama oga sida ay isku qabsan doonaan qorshaha AMISOM oo u muuqda qaarna keen, qaarna saar
storvideo: 

Australia oo lagu kala qeybsanyahay leynta daa’uuska

$
0
0

Sida uu qorey wargeyska Camberra Times, waxa qorshuhu uu yahay in sanad kasta la laayo tiro cayiman oo daa'uuska ah si loo dhimo tirada.

Australia oo lagu kala qeybsanyahay leynta daa’uuska

$
0
0

Dowladda hoose ee caasimadda dalka Australia ayaa soo jeedisay sharci cusub oo lagu dhimayo tirada xayawaanka daa'uuska oo la sheegay in tiradiisa ay faraha kasii baxayso, balse qorshahaasi ayaa lagu kala qeybsamay.
Sida uu qorey wargeyska Camberra Times, waxa qorshuhu uu yahay in sanad kasta la laayo tiro cayiman oo daa'uuska ah si loo dhimo tirada.
Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in daa'uuska uu ciriiri galiyay shimbirihii kale, islamarkaasna kula tartamayo quudka, isaga oo sidoo kale xaaluf ku haya dhirta, sida la sheegay.
Waxa kale oo la sheegay in ay sabab u noqdeen shilal badan oo dhacay kadib markii ay si lama filaan ah waddooyinka usoo galeen.
Wargeyska ayaa waxa uu sheegay in Daa'uuska uu noqday xayawaan maalin kasta la arko, isaga oo xitaa qof uu ku arkay isaga oo suuli dhex taagan, muraayadana iska dhex eegaya.
Daa'uuska tirada badan ee dalkaas ku nool waa mid ay warbaahinta dalkaas si baahsan uga faalootay, caana ku yahay.
Magaalo kale oo Australia ku taala, Brisbane ayaa iyaduna horey u meelmarisay sharci ay ku xakamaynayso taranka daa'uuska, waxaana dadka laga mamnuuco in ay sidii rabbaayad u heystaan noolahan, qofkii jabiya sharcigaasna uu muteysanayo ganaax lacageed oo dhan $4894 doolar.
Cabashooyinka laga qabo xayawaanka ayaan waxaa ka mid ah ciydiisa oo qeylo ah iyo waxyeelo uu u geysto hanti ay dadka leeyihiin.
Balse dadka deegaanka ayaa badankood dhaleeceeyay sharciga cusub ee lasoo jeediyay, waxayna sheegeen in daa'uuska uu yahay wax loo baahanyahay.
Daa'uuska oo asal ahaan ku tarmi jirey qaarada Aasiya ayaa waxaa Australia geeyay gumeystihii ingiriiska.
storvideo: 

Shir amniga ku saabsan oo lagu soo gaba gabeeyay...

$
0
0


Magaalada Baydhabo ayaa waxaa laba cisho ka socday shir arrimaha amniga Koonfur Galbeed looga hadlayay, iyadoona uu shir guddoominayay Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ahna Wasiirka Amniga, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay).
Waxaa ka qayb galay shirkan, Saraakiil ka socday Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya, UNSOM, AMISOM, Booliska Qaramada Midoobey iyo hay'ado kale oo arrimaha amniga daneeya.
Shirkan ayaa si gaar ah looga hadlay amniga magaalooyinka Koonfur Galbeed, sidii lagu xoojin lahaa iyo sidii lagu furi lahaa degaanada ay go'doomiyeen Al Shabaab.
Sidoo kale shirkan ayaa lagu lafa guray muhiimadda ay leedahay in la furo wadooyinka ay Shabaabku jareen, isla-markaana ay muhiim u tahay maamulka iyo bulshada Koonfur Galbeed, intaba.
Shirkan oo Talaadadii ka furmay Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa waxaa soo xiray Xasan Xuseen Maxamed, Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ahna Wasiirka Amniga.
storvideo: 


RW Itoobiya oo Gole Wasiiro Soo Dhisay

$
0
0

Golaha wasiirada cusub oo ka kooban 16 wasiir ayaa waxaa ku jira wasiiro hore oo xilal kale loo magacaabay, waxana ka mid ah wasiirkii hore ee macdanta, oo hadda laga dhigay wasiirka gaashaandhigga iyo wasiiro kale.

Midowga Yurub oo Abaal Marin Siiyay Ismaacil C. Geelle

$
0
0

Golaha Midowga Yurub ee dalxiiska iyo ganacsiga ayaa maanta u aqoonsaday Madaxweynaha Jabuuti Ismaacil Cumar Geelleh, hoggaamiyaha sanadkan ee dalxiiska, iyadoo lagu maamuusay doorka uu dalkiisa ka jiro dalxiiska caalamiga ah.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar oo xafladdii abaal marinta lagu gudoonsiinayay ka hadlayay ayaa ku tilmaamay abaal marinta mid taariikhi ah.
Wariyaha VOA, Ramadan Muuse ayaa warbixintan soo diray.
storvideo: 

RW Itoobiya oo Gole Wasiiro Soo Dhisay

$
0
0

Ra'isul wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahme, ayaa maanta magacaabay golihiisa wasiirada.
Golaha wasiirada cusub oo ka kooban 16 wasiir ayaa waxaa ku jira wasiiro hore oo xilal kale loo magacaabay, waxana ka mid ah wasiirkii hore ee macdanta, oo hadda laga dhigay wasiirka gaashaandhigga iyo wasiiro kale.
2dii Bishan ayaa Abiy loo dhaariyay Ra'isul Wasaranimada Itoobiya.
Cabdixakiim Maxamud Shirwac ayaa arrintan ka wareystay Buux Xuseen Cumar, guddoomiyaha xoogagga isbaheysiga dimoqraadiga Soomaalida oo ku sugan magaalada Addis Ababa.
storvideo: 

Muuse Biixi waa madaxweyne la doortay Abdi...

$
0
0

MUUSE BIIXI WAA MADAXWEYNE
SHACABKU DOORTEEN
Asalaamu calaykum waraxmatulLahi wabarakaatu, Maanta waxaan qalinka u qaatay inaan idin la qeybsado dhawr arimood oo baraha bulshada lagu falanqeynayey,
1- Mid shaki iyo madmadow yeysan naga galin, Muuse biixi doorasho xaq iyo xalaal ah ayuu madaxweyne ku noqday ee inqilaab kuma qabsan, Xaqna wuxuu u leeyahay inuu dhameysto mudadaa loo dhaariyey, Hadii uu dambi kagalana dalka waxaa jira gole shacabka doortay oo xaq u leh inay ka xayuubiyaan ama ka qaadaan amaanada, Waxaan madaxweynaha kula talin lahaa inuu shacabka soo jiito oo waxtar la taaban karo sameeyo si uu marlabaad loogu igmado kursiga.
2- Xaga dekeda, Waxaa jira dhawr war aysi oo badidood iswaafaqaya mid mooyee, Hadii aad dib u dhageysato wareysigii madaxweynihii hore ee somaliya xasan sheekh, Wuxuu cadeeyey inuusan haba yaraatee Emaratku aysan wax ka weydiin dekeda Berbera, Waxaa kaloo isna xusuus mudan in markii heshiiska sadex geesoodka ahaa lagu kala saxiixanayey Dubai uu ra'iisal wasaaraha somaliya joogay Abu dabi, waxna la weydiin, Waa isagii markii uu ka soo degay gegada dayuuradaha xamar uu ku calaacalayey sidii xasan sheekh waxba laygama weydiin. Hadaba iyadoo halkaa marayso ayuu wasiirkan Emaratku yidhi xasan sheekh ayaanu ka saxiixanay, Isku soo wada duuboo, Hadii sida wasiirka yidhi sax tahay markii ay diideen heshiiskan dawlada xamar maxay u hakin waayeen ? Tan kalena dagaalkii ay gashay dawlada xamar ilaa UN ayey u dacwodeen oo ay ku fashilmeen, Sababtuna waa heshiiskii ay labada dawladood somaliya iyo Somaliland ku galeen UK ayaa dhigayey in aan la iska carqaladeyn heshiisyada horumarineed iyo in ay laba dawladood kala yihiin.
Sidaa awadeed waxaan dawlada u soo jeedinayaa ;inay sharci loo siman yahay oo qeexaya muwaadinka markuu ka horyimaado madaxbanaanida iyo qaranimada Somaliland la sameeyaa oo dib dambe waraaq cafis ah iyo wixii la mid ah la joojiyaa, Si loogu cibra qaato.
Iyo in dawladu heshiisyadii ay la gashay Emaratka si joogta ah qodob qodob ula socotaa si aysan qarashka dekeda isaga gudhan uun, Waana inay dawladu ka faa'iidaysataa fursadan aysana u debcin Emaratka, Ugu danbeyntiina waa in dawladu xuduuda dalka soo xidhaa waxwalba oo dhacaaba, Sababtoo ah inta ay aduunka na ictiraafin waa fursad oo waxaynu nahay dal gudihiisa dagaalamaya, Taana waxay keeni doonta in aduunku si nabad loo sameeyo oo xal waara loo gaadho ayey ugu dhiiran doonaan inay na ictiraafaan, Ileyn waatanoo 28 sanadood difaac ayaanu ku jirnaa somaliyana waa weerar, Si jawigaa loo bedelo waa inaysnu weerar noqonaa oo iyagu difaac noqdaan
Sharma'arke Maxamed Cumarsheeq@hotmail,com
storvideo: 

Daawo: Gudida Daba galka Hantida Dawlada Oo Ka...

$
0
0

Daawo: Gudida Daba galka Hantida Dawlada Oo Ka waramay Dhul boob lagu sameeyey Dhulkii Berbera iyagoo Sheegay in Dekadii Berbera La hareereeyey iyo Noobiyadoo Hagijirtay Maraakiibta
[embedded content]
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live