Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Maxay tahay sababta geedkan faleebooyinka loogu suray?

0
0

Geed weyn oo la sheegay in uu jiro 700 sano oo ku yaala gobolka Telengana ee dalka Hindiya ayaa lagu suray faleebooyin, si looga hortago in ay geedka waxyeelo soo gaarto.
Faleebooyinka ayaa waxaa ku jira maado cayayaanka looga leylayo geedka oo uu aboor galay, kaas oo sababi kara in uu dhinto.
Geedka ayaa ku fadhiya dhul balaaran, iyada oo laamihiisa ay gaareen meelo fog, waxaana la sheegay in uu yahay kan labaad ee adduunka ugu weyn inta la ogyahay.
Geedka ayaa waxaa sanad kasta booqda dalxiisayaal badan.
Tuubooyin ka baxa faleebada ayaa la gaarsiiyay illaa xididka si looga hortago in aboorta uu sii faafo.
"Waxaan fulinay tallaaboyin kala duwan sida in aan shamiindo ku dhakabino laamaha qaarkood si aan uga hortagno in geedka jabo" ayuu BBC-da u sheegay Panduranga Rao oo ka tirsan dowladda.
Saraakiisha dowladda ayaa dareemay bishii disembar ee sanadkii hore in geedka ay waxyeelo soo gaarayso, kadibna waxa ay qaateen go'aan ah in ay wax ka qabtaan.
Aboorka oo kaliya ma ahan dhibka heysta geedka, ee sidoo kale dadka dalxiisayaasha ah ayaa wiifoow ku ciyaara geedka.
Geedka oo loo yaqaano Banyan ayaa caan ku ah dalka Hindiya.
storvideo: 


Dalka Cuba oo Madaxweyne cusub yeeshay

0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Havana-(SONNA)-Madaxweynaha cusub ee Dalka Cuba ayaa loo dhaariyay Miguel Diaz-Canel, isagoo Shantii Sano ee ugu dambaysay ku xigeen u ahaa hoggaamiyhii isaga ka horreeyay ee Raul Castro.
Mr; Diaz-Canel oo 57 jir ah ayaa beddelaya Raul Castro oo 86 jir ah, kaasoo muddo 12 Sano ah soo maamulayay Dalkaasi, ka dib markuu isna Kursiga kala wareegay Walaalkii Fedel Castro oo ahaa Aabbihii Kacaanka Cuba.
Dalka Cuba oo ka tirsan Waddamada laysku yiraahdo Laatiin America ayaa waxaa 60-kii Sano ee lasoo dhaafay soo xukumayay Qoyska Reer Castro, waloow uu haatanba talada Xisbiga Shuuciga weli sii hayo Raul Castro.
Miguel Diaz-Canel oo dhashay wixii ka dambeeyay curashadii Kacaanka Cuba, ayaa la sheegaa inuu saaxiib dhow la yahay Raul Castro, wuxuuna sheegay inuusan wax is beddel ah ku samayn doonin siyaasaddii uu ku shaqaynayay Xisbiga Shuuciga.
Madaxweyne Diaz-Canel oo ka hadlayay xafladdii caleema saarka ee lagu dhaarinayay isaga ayaa sheegay inuu Kacaanku horay u sii socon doono, wuxuuna farriin quus ah u diray kuwa ku taamaya is beddel ballaaran iyo furfurnaan.
Jamhuuriyadda Kacaanka ee Cuba ayaa markii ugu horreysay yeelatay hoggaamiye aan kasoo jeedin Qoyska Reer Castro oo illaa 1959-kii soo kala dhaxlayay xukunka Dalkaasi.
Isha/ The Guardian
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleWasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo Tababar Heer Sare ah ku soo xiray Muqdisho

storvideo: 

Weerar loo adeegsaday Bam Gacmeed Oo ka dhacay Baraawe

0
0

Baraawe ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo aadeegsaday Bam Gacmbeed oo xalay lagu qaaday Maqaaxi ku taalla degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Maqaaxida la weeraray ayaa la sheegay in ay ku sugnaayeen xilligaasi Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo dad shacab ah.
Ugu yaraan illaa 4 Qof ioo Rayid ah ayaa ku dhaawacmay weerarkaasi, sida uu Shabelle xaqiijiyay Guddomiyayaha degmada Baraawe Xuseen Barre Jeex.
Waxaana uu sheegay guddoomiyuhu in ay ku raad joogaan kooxihii ka dambeeyay weerarkaasi.
Halkan hoose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/cod-baraawe.mp3
The post Weerar loo adeegsaday Bam Gacmeed Oo ka dhacay Baraawe appeared first on Shabelle.

Mareykanka: Dacwad ka dhan ah Ruushka oo maxkmad loo...

0
0

Waraaqaha loo gudbiyay maxkamdda ayaa lagu eedeeyay in kooxdii ololaha ee Trump " ay si farxadi ku dheehan tahay u qaabishay caawimaadii Ruushka " si ay ugu guuleysato doorashada.
Xisbiga Jamhuuriga ee Mareykanka ayaa ku sheegay inay tahay wax ciyaar ah dacwada ka dhanka ah Ruushka, kooxdii ololahii doorashadi Trump iyo Wikileaks, oo ay Dimoqaraadiyiintu ay ka gudbiyeen.
Balse madaxweyne Donald Trump ayaa si joogta ah u beeniyay wax faragalin ah inay dhacday, sidoo kalena Ruushka ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay.
Kooxdii ololaha ee Trump ayaa waxa ay sheegeen in dacwadan laga gudbiyay aysan sax ahayn daaqadana laga tuuri doono.
"Dacwadan been abuurka ah waa isku daygii ugu dambeeyay ee lagu doonayo in lagu meel mariyo eedeymaha aan runta ku saleysneyn ee ah in Ruushku faragaliyay doorashadi 2016 taas oo ay soo gudbiyeen xisbiga Dimoqaraadiga oo wali isku dayaya inay ka hortagaan rabitaanka dadka ee doorashadii 2016 qabsoontay," ayaa lagu sheegay warbixin kasoo baxday kooxdii ololaha ee madaxweyne Trump.
Hay'adaha sirdoonka ee Mareykanka ayaa warbixino ay horey u soo saareen waxa ay ku sheegeen in gebagebadii Moscow ay isku dayday inay fargaliso doorashadaasi si ay ugu xagliso madaxweyne Trump.
Walina waxaa socdo baaritaano lagu ogaanayo faragalinta Ruushka ee doorashadii 2016 ka dhacday Mareykanka iyo saameynta uu ku lahaa guusha madaxweyne Trump.
storvideo: 

Woqooyiga Kuuriyada oo hakisay tijaabada hubka...

0
0

Dowladda Kuuriyada waqooyi ayaa ku dhawaaqday inay si dhaqso ah u hakineyso tijaabaada nukleyrka iyo gantaalada, isla markaana ay albaabada isugu dhufaneyso xarunta tijaabada ee Nukleyrka.Hogaamiye Kim Jong-Un ayaa waxaa kale oo uu xusay in aysan muhiim aheyn tijaabo kale oo dheeraad ah,waxaana hadaladaasi imaanayaan xilli ay socdaan dadaal ku aadan kulan dhexmara madaxweynayaasha dalalka Kuuriyada Koonfureed ,Mareykanka iyo hogaamiyahaasi.Afhayeen u hadlay madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed ayaa tallaabadani ay qaaday xukuumadda Pyongyang ku tilmaamay tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday, loogana dan leeyahay baabi'inta hubka Nukleyrka ee gacanka Kuuriya.Xukuumadda Seoul ayaa waxaa kale oo ay sheegtay in arrintani ay jawi wanaaagsan u horseedi doonto wadahadalada labada dal dhexmari doona, hasayeeshe dowladda Japan ayaa sheegtay in iyadoo tani ay jirto, hadana cadaadiska marnaba aan laga dabcin dalkaasi.
Sidoo kale madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa soo dhaweeyay tallaabadan ay qaaday xukuumadda Pyongyang.
storvideo: 

Weerar loo adeegsaday Bam Gacmeed Oo ka dhacay Baraawe

0
0

Baraawe ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo aadeegsaday Bam Gacmbeed oo xalay lagu qaaday Maqaaxi ku taalla degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Maqaaxida la weeraray ayaa la sheegay in ay ku sugnaayeen xilligaasi Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo dad shacab ah.
Ugu yaraan illaa 4 Qof ioo Rayid ah ayaa ku dhaawacmay weerarkaasi, sida uu Shabelle xaqiijiyay Guddomiyayaha degmada Baraawe Xuseen Barre Jeex.
Waxaana uu sheegay guddoomiyuhu in ay ku raad joogaan kooxihii ka dambeeyay weerarkaasi.Halkan hoose ka dhageyso Codka.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/04/cod-baraawe.mp3
storvideo: 

Kuuriyada Waqooyi oo hakineysa tijaabooyinka gantaallada iyo nukliyeerka

0
0

Dowladda Kuuriyada waqooyi ayaa ku dhawaaqday inay si dhaqsi ah u hakineyso tijaabaada Nukleyrka iyo mida gantaalada, sidoo kalena ay albaabada isugu dhufaneyso xarunta tijaabada ee Nukleyrka.

Dhageyso Cabdiwali Muudey ” Waa la xaday dastuurkii...

0
0

Cabdiweli Ibraahim Muudey oo ah Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha shacabka ee baarlamaanka soomaliya islamarkaana ah kusimaha gudoomiyaha golaha shacabka ayaa sheegay in dastuurka dalka ee hadda lagu dhaqo uusan ahayn midkii ay ansixiyeen odayaasha dhaqanka soomaliyeed.
Distuurkii saxda ahaa ee Soomaaliya waa la dhumiyay oo meyl malgu sheego ayuu yiri mr Muudey.
Kusimaha Gudoomiyaha Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh ibraahim Muudey ayaa waxa uu sheegay in hadda dowladda Soomaaliya aysan ku shaqeyn dastuurkii ay meelmariyeen Odayaasha dhaqanka ee loogu tala galay in dalka lagu maamulo.
Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka waxaa uu sidoo kale tilmaamay in dastuurka hadda ay ku shaqeyso Dowladda Soomaaliya uusan ahayn dastuurkii ay ansixiyeen Ergada Soomaaliyeed, islamarkaana Midkii Saxda ahaa la xaday.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in dastuurkii hore uu ahaa mid ay maalgaliyeen dalalka Shisheeye, islamarkaana ay hadda ay muhiim tahay in la helo dastuur ay yeelato dowladda Soomaaliya.
Gudoomiyaha Guddiga dastuurka labada aqal Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayuu ugu baaqay in uu ka shaqeeyo sidii loo heli lahaa dastuur Saxan.
Muudey ayaa sheegay in hadda dowladda Soomaaliya ay dhaqaale iyo maskax ahaan awooddo in ay sameyso dastuur Soomaaliyeed.
http://somalisan.net/wp-content/uploads/2018/04/Cabdiwali-Muudey-"Dastuurkii-waa-la-xaday.mp3
Share this:
Related
storvideo: 


Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen ayaa...

0
0

Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen ayaa waxa ka hadashay Khilaafka soo gala dhexgalay dalalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.
Kooxdaasi oo si weyn uga soo horjeedda dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa Ammaan u soo jeedisay dowladda Soomaaliya waxaana ay dowladda Imaaraadka Carabta uga digtay Faragelinta Soomaaliya.
Maxamed Cali Xuuti Madaxa guddiga kacdoonka ee ka tirsan Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in kooxdan ay taageersantahay Soomaaliya, go'aanka ay qaadatay dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay qirsan yihiin Imaaraadka Carabta ay ku xadgudbeen Qaranimadda Soomaaliya.
"Waxaanu taageereynaa walaalaheen Soomaaliya, waxaan cambaareyneynaa faragelinta Imaaraadka ee arrimaha Soomaaliya, waxaan kaloo Imaaraadka u sheegeynaa inay qashinkooda kala fogaadaan dadkaasi xorta ah" ayuu yiri Maxamed Cali Xuuti
Hadalka kasoo baxay Kooxda Xuutiyiinta Yemen waxaa uu ku aaday xilli uu xumaaday xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.
Share this:
Related
storvideo: 

Dhageyso Sanator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo...

0
0

Kulan lagu sagootinayay gudoomiyayaahsa baarlamaanada ee maamul gobalaeedyada dalka ka jira iyo gudiyada madaxa banaan iyo midka baarlamaanka soomaaliya u qaabilsan dastuurka qabyo tirkiisa ayaa xalay ka dhacay aqalka dowladda hoose ee xamar.
Kukankaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Reysal wasaare ku xigeenka dalka, gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha shacabka ee baarlamaanka soomaliya, wasiiro katirsan xukuumadda Soomaliya, xildhibaanada labbada aqal ee baarlamaanka Soomaliya iyo marti sharaf kale.
Gudoomiyaha gudiga lasocodka qabyo tirka dastuurka dalka u qaabilsan baarlamaanka soomaliya sanator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay mar hadii aan maqaamka muqsisho uyeelanyo aanan lagu cadeynin dastuurka dalka islamarkaana aanan lasiinin muqdisho xaqeeda aysan dalkaan ka dhacayn midnimo iyo wada jir maadamaa dad dhan xaqoodii ladifirayo.
Gudoomiyaha gobalka banaadir ahna duqa magaalada muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa hoosta ka xariiqay mar uu hadlay in gobalka Banaadir u baahan yahay xaqa uuleeyahay.
http://somalisan.net/wp-content/uploads/2018/04/Qeybdiid-dastuurka-.mp3
Share this:
Related
storvideo: 

Dhowr dowlad oo wado dhex dhexaadinta Soomaliya iyo...

0
0

Dhowr dowlad oo wado dhex dhexaadinta Soomaliya iyo Emaraadka Carabta
Apr 21, 2018 -
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay Khilaafka siyaasadeed ee hada u dhaxeeya Dowladaha Imaraadka Carabta iyo Soomaaliya iyo waxyaabaha dhaliyay.
Waxa uu sheegay Wasiirka in khilaafka labada dal uu ka dhashay xadgudub lagu sameeyay Midnimada iyo Qaranimada Soomaaliya, waxa uuna intaa raaciyay in arinta lacagta uusan ka dhalan khilaafka balse ay ka horeesay.
"Khilaafkan hada ka dhax jira labada wadan kama bilaaban lacagtii lagu qabtay Muqdisho, khilaafkan waxa uu ka dhashay xadgudub lagu sameeyay Midnimada iyo Qaranimada Soomaaliya" Ayuu yiri Wasiirka Arimaha Dibadda Somalia.
Wasiir Cawad ayaa sidoo kale ka hadlay lacagtii Imaaraadka laga lahaa ee lagu qabtay garoonka Muqdisho, waxa uuna xusay in lacagtaasi aan lagu soo wargelin dowlada lana ogaan waayay ujeedada lacagtaasi loo isticmaalayay.
Waxa uu meesha ka saaray Wasiir Cawad in wax raali galin ah ka bixinayaan lacagtaas lagu qabtay garoonka Aadan Cadde oo Dowlada Imaaraadka dooneyso in dowlada Federaalka dhacdadaasi raali galin ka bixiso.
Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dhoor wadan ay ku jiraan Itoobiya, Masar iyo Sacuudiga hada dhax dhaxaadin ka wadaan khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka.
Waxa uu rajo ka muujiay Wasiirka in xal laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee hada ka dhax aloosan labada wadan ayna dhameynta arintaasi gacan ka geestaan dowladaha dhax dhaxaadinta ka dhax wada.
Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaradaka ayaa waxaa ka dhax aloosan khilaaf siyaasadeed oo sababay in dowlada Imaaraadka joojiso taageeradii iyo tababaradii ciidanka dowlada Soomaaliya siineysay mudo sanado ah.
English News
storvideo: 

Bayle”Waxaa jira Lacago Loogu Talagalay Soomaaliya...

0
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in ay ogaadeen in lacagaha loogu deeqo Soomaaliya ay gacanta u galaan shaqsiyaad gaar ah.
Wasiir bayle ayaa waxa uu tilmaamay in lacagaha soo galaya ama loogu deeqo dawladda Federaalka Soomaliya ay ogaan doonaan.
Waxa uu sidoo kale sheegay wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya in wax kasta oo dalkaan soo galaya ay masuul ka ahaan doonto Wasaraddda Maaliyadda Soomaaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa inta badan waxaa lagu eedeeyaa In lacagaha ay ka hesho wadamadda caalamka ay gacanta u galaan shaqsiyaad gaar ah.
storvideo: 

Khubarada hubka kiimikada oo walxa ay u adeegsan...

0
0

Laba toddobaad kadib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in dowladda Suuriya ay adeegsatay hubka kiimikada ayaa khubarada caalamiga ee ku takhasuusay baaritaanada hubka kiimikada waxaa ay gaareen magaaladii ay heysteen mucaaradka ee Douma.
Hey'adda OPCW waxaa ay sheegtay in khubaradooda ay soo uruuriyeen walxa ay ku baari doonaan sheybaaradooda. Madaxda hey'addaasi ayaa waxaa kale oo ay shegeen in laga yaabo inay dib ogu laabtaan goobaha la sheegay in loo adeegsaday hubka kiimikada.
Khubaradan ayaa dhowr jeer oo hore laga baajiyay inay tagaan halka uu weerarka ka dhacay sababa la xiriira amnigooda.
Saraakiisha reer galbeedka ayaa iyaguna ka cabsi qaba in caddaymaha muujinaya hubka kiimikaad ee la tuhunsanyahay in halkaa lagu garaacay la baabiiyey kahor inta aanay baarayaasha gaarin halkaasi.
Dowladda Suuriya iyo Ruushka oo taageero ayaa horay u beeniyay inay qaadeen weerar kiimika ah, taasi oo sababtay in Mareykanka, Fransiiska iyo Britain ay duqeeyaan goobo la sheegay in lagu keydiyo hubka kiimikada ee gudaha wadanka Suuriya.
storvideo: 

Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay...

0
0

Madaxweyne Farmaajo iyo safiirka Qatar
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Dowladda Qatar ay u soo magacowday Soomaaliya
Slaet op af Villa Somalia i 21. april 2018
storvideo: 

Magistrate orders arrest of two ATPU officers for frustrating court

0
0

A court has issued a warrant of arrest against two anti-terror police officers for failing to appear to testify in a case where four women are accused of being members of Al-Shabaab militia.
Mombasa Chief Magistrate Evans Makori while issuing the warrants warned that investigating officers have crippled the prosecution’s efforts to try cases in court.
“Investigating officers in Mombasa are failing Kenyans, these characters need to be punished,” he said.
FRUSTRATIONS
Mr Makori noted that there are many instances where cases have been dismissed due to failure by investigators to produce exhibits or even appear to give testimony.
He termed failure by investigators to produce exhibits as a behaviour meant frustrating lawyers, suspects and the courts.
“I direct officer in charge of Anti-Terror Police Unit (ATPU) in Coast Charles Ogeto to arrest and present Corporal Samuel Ouma and Fogat Abdi before this court to give their testimony,” the magistrate said.
Mr Makori further directed Officer Commanding Police Divisions in the respective areas to spearhead the arrest of the two officers.
“These people need to be punished so that they can know the pain the suspects in custody are going through,” he said, adding that police in Mombasa were frustrating court’s attempt to expedite trial and determination of cases, especially terror-related cases
The magistrate issued the warrants after prosecution counsel Eugene Wangila said he could not locate the officers.
“Ms Abdi has switched off her phone. I have been unable to reach her on phone. I, therefore, apply for a warrant of arrest to force her to come to court as required by law,” he said
He told the court that Mr Ouma had ditched National Police Service for Kenya Revenue Authority in Nairobi while Ms Abdi has been moved to Moi International Airport.
The officers failed to appear and testify in a case where four women Ms Ummulkheir Sadri Abdalla, Ms Khadija Abubakar Abdulkadir, Ms Maryam Said Aboud and Ms Halima Adan are accused of being members of Al-Shabaab.
CONSPIRACY
The suspects are accused that on March 26, 2015, they organised a meeting in Nairobi County to plan on how to cross into Somalia to support Al-Shabaab.
Another charge states that they conspired with another woman, Ms Ummulkheir Sadri, and others abroad to carry out terrorist acts in Kenya.
The women were arrested at El Wak border point in Mandera County on March 27 while allegedly trying to sneak into Somalia.
The suspects also face other terror-related charges, including being members of Al-Shabaab and conspiracy to commit terrorism in Kenya.
During the hearing of the matter on Friday, Nairobi’s ATPU cybercrime officer Joseph Kolum said some of the items recovered from the accused mobile phones indicated they had pledged allegiance to the terror group.
“Some items including videos and photos found in the suspects’ phones had some symbols that are used by terrorists to communicate so that they cannot be noticed by a second party,” he said.
Mr Kolum produced forensic report indicating that some of the materials contained in the suspect’s devices are used for radicalization.
The case will be heard on April 22.
The post Magistrate orders arrest of two ATPU officers for frustrating court appeared first on Shabelle.


Magistrate orders arrest of two ATPU officers for...

0
0

A court has issued a warrant of arrest against two anti-terror police officers for failing to appear to testify in a case where four women are accused of being members of Al-Shabaab militia.
Mombasa Chief Magistrate Evans Makori while issuing the warrants warned that investigating officers have crippled the prosecution's efforts to try cases in court.
"Investigating officers in Mombasa are failing Kenyans, these characters need to be punished," he said.FRUSTRATIONS
Mr Makori noted that there are many instances where cases have been dismissed due to failure by investigators to produce exhibits or even appear to give testimony.
He termed failure by investigators to produce exhibits as a behaviour meant frustrating lawyers, suspects and the courts.
"I direct officer in charge of Anti-Terror Police Unit (ATPU) in Coast Charles Ogeto to arrest and present Corporal Samuel Ouma and Fogat Abdi before this court to give their testimony," the magistrate said.
Mr Makori further directed Officer Commanding Police Divisions in the respective areas to spearhead the arrest of the two officers.
"These people need to be punished so that they can know the pain the suspects in custody are going through," he said, adding that police in Mombasa were frustrating court's attempt to expedite trial and determination of cases, especially terror-related cases
The magistrate issued the warrants after prosecution counsel Eugene Wangila said he could not locate the officers.
"Ms Abdi has switched off her phone. I have been unable to reach her on phone. I, therefore, apply for a warrant of arrest to force her to come to court as required by law," he said
He told the court that Mr Ouma had ditched National Police Service for Kenya Revenue Authority in Nairobi while Ms Abdi has been moved to Moi International Airport.
The officers failed to appear and testify in a case where four women Ms Ummulkheir Sadri Abdalla, Ms Khadija Abubakar Abdulkadir, Ms Maryam Said Aboud and Ms Halima Adan are accused of being members of Al-Shabaab.CONSPIRACY
The suspects are accused that on March 26, 2015, they organised a meeting in Nairobi County to plan on how to cross into Somalia to support Al-Shabaab.
Another charge states that they conspired with another woman, Ms Ummulkheir Sadri, and others abroad to carry out terrorist acts in Kenya.
The women were arrested at El Wak border point in Mandera County on March 27 while allegedly trying to sneak into Somalia.
The suspects also face other terror-related charges, including being members of Al-Shabaab and conspiracy to commit terrorism in Kenya.
During the hearing of the matter on Friday, Nairobi's ATPU cybercrime officer Joseph Kolum said some of the items recovered from the accused mobile phones indicated they had pledged allegiance to the terror group.
"Some items including videos and photos found in the suspects' phones had some symbols that are used by terrorists to communicate so that they cannot be noticed by a second party," he said.
Mr Kolum produced forensic report indicating that some of the materials contained in the suspect's devices are used for radicalization.
The case will be heard on April 22.
storvideo: 

DHAGEYSO:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle

Rasaas xoogan oo caawa laga maqlayo madaxtooyada...

0
0

Rasaas xoogan oo caawa laga maqlayo madaxtooyada dalka Sacuudiga
Apr 21, 2018 -
Rasaas xoogan ayaa laga maqlay caawa meel ku dhow aqalka boqortooyada ee magaalada Riyadh ee dalka Sacuudi Carabiya.
Afhayeenka rasmiga ah ee booliska degmada Riyadh ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay la socdeen dhaqdhaqaaqa aalad aan la ogeyn waxa ay tahay oo u eg diyaaradaha aan duuliyaha laheyn
Ciidamada ayaa rasaas ku furay aaladaas xili ay ku sugnaayeen xaafadda Al-Khuzami, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dalkaasi.
Wakaalada wararka ee Reuters ayaa iyana baahisay in sarkaal sare oo u dhashay dalka Sacuudi Carabiya uu ku geeriyooday shil diyaaradeed oo ka dhacay caasimadda Riyadh, waxayna wakaaladu sheegtay iney warkan ka soo xigatay saraakiil sar sare oo ka tirsan xukuumada Sacuudiga .
Masuuliyiinta sacuudiga ayaa sheegay iney socdaan baaritaan ku saabsan rasaasta la maqlay iyo sida wax u dhaceen.
English News
storvideo: 

Dowlada Soomaliya oo wafdi caalami ah u direysa...

0
0

Dowlada Soomaliya oo wafdi caalami ah u direysa dalka Iran
Apr 21, 2018 -
Wasiirka arrimaha dibbedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlay mid ka mid ah telefishinada Soomaalida ayaa sheegay in dhawaan dawlada Soomaaliya wafdi u dirayso dalka Iran si ay wada xaajood uga galaan Maxaabiis Soomaali ah oo dalkaasi ku xiran.
Wasiirku waxaa uu sheegay inay dhawaan dalka Iran loo dirayo wakiilo danjirayaal ah oo Soomaaliya ka socda kuwaasoo qorshuhu yahay inay xukuumadda Tehran kala hadlaan sidii loo sii deyn lahaa maxaabiis Soomaali ah oo ku jira xabsiyadda dalkaas.
Maxaabiistaas waxaa loo haystaa dambiyo ay ka mid yihiin burcad badeednimo sida wasiirku sheegay.
Mar wasiirka arrimaha dibbadda Soomaaliya wax laga weydiiyay xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Iran in la soo celinayo iyo in kale ayuu sheegay Wasiir Cawad inaysan jirin wax qorshe ah oo hadda dib loogu soo celinayo xiriirkii diblomaasiyadeed oo horey u go'ay.
Dawladii uu Madaxweynaha ka ahaa Xasan Shiikh Max'ud ayaa xiriirka u jartay dawlada Iran waxaana la xiray safaaraddii Iran ku lahayd Muqdisho ka dib markii la safatay dowlada Sacuudiga oo xiligaas xiriirka ka goosatay Iran taasoo ka dambeysay xurguf siyaasadeed oo labada dal soo kala dhex gashay.
Iran ayaa dhowaan soo deysay maxaabiis Soomaali ah oo dalkeeda ku xirxirnaa ka dib markii arintaas ka shaqeysay dowlada Somalia oo u soo martay dowlada Turkiga, maadaama labada dale e Somalia iyo Iran uusan ka dhexeynin xiriir diblomaasiyadeed.
English News
storvideo: 

Weerar loo adeegsaday Qaraxyo & Mid toosa oo caawa...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-War goordhow naga soo gaaray Degmada Wardhiigley ayaa sheegaya in caawa halkaa uu ka dhacay weerar isugu jiray Qaraxyo iyo mid toos ah.
Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Somaliya.
Weerarka oo ku bilowday Qaraxyo ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Xamar Jadiid, gaar ahaan halka loo yaqaano Suuqa Sar Guduuda.
Wararku waxa ay sheegayaan in goobta caawa la weeraray ay ciidamada degan yihiin saacado kooban, waxa ayna ka tirsan yihiin ciidamada la weeraray kuwa NISA oo ujeedkooda uu ahaa si ay kaalin uga qaataan sugida amniga Degmada.
Weerarka oo marka hore ku bilowday bambaano ayaa waxaa xigay rasaas mudo daqiiqado ah socotay oo udhexeysay Kooxdii weerarka qaaday iyo Ciidankii ku sugnaa halka la weeraray.
Waxaa ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana lasoo sheegayaa in laba qof ay goobta ku geeriyootay, halka hal ruuxna uu ku dhaawacmay.
Sidoo kale, Ciidamada amniga ayaa meesha ka sameeyay howlgal balaaran oo ay ka sameeyeen nawaaxiga Suuqa Bamka lagu tuuray.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Degmada Wardhiigley, waxaana iminka socda baaritaan lagu hayo xaafadaha.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live