Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Stop wasting lives, money in Somalia, US report urges

$
0
0

Sii Akhri Twenty Years of Collapse and Counting (The Cost of Failure in Somalia) 


Dahabshiil oo Bangi Cusub Bosaaso ka Furtay +Sawiro

$
0
0

Shirkada Dahabshiil Puntland ayaa Baanki Caalmiya waxay ka Furtay
Maanta Magaalada Bosaso ,Waxaana Xafladii Furitaana Baankaas ay ka
dhacday Maanta duhurkii Huteel Juba ee Magaalada Bosaso gaar ahaan
Qaybta Under Grounka ee Dhulka Hoostiisa ah ,Waxaana ka soo qaybgalay
Xafladaasi oo ahayd Mid si heer sare ah loo soo Agaasimey Maamulka
Puntland madaxdiixsa kala duwan oo ilaa heer Wasiir ah Isimada ugu
Misaanka Culus Puntalnd qaarkood sida Beeldaaje Calbari iyo Ugaas
Yasiin iyo Maamulka Rugta Ganacsiga iyo Wershedaha ,Mulkiilayaasha
iyo Wakiilada shirkadaha kala duwan ee Ganacsiga Bosaso ,Madaxda
Gobolka Bari iyo Marti sharaf kale.
Xafladaasi Qadasharafta ahayd ayaa ugu Horayn waxaa Warbixin dheer iyo
Qaabka uu u shaqaynayo Baanka Dahabshiil ku soo bandhigay Gudoomiyaha
Guud Ee Dahabshiil Internotional Banki Of Somaliya Mudane Faarax
Beeldaaje waxaana uu sheegay Gudoomiyuhu in Baankani Dahabshiil oo
dunidoo dhan laga yaqaan uu yahay Mid Wax wayn ku soo biiriyey
Ganacsatada Somaliyeed ee Puntland.
Gudoomiyaha ayaa ku dheeraday Habka u ugu Adeegi doono Bulshada
Somaliyeed Baankan oo ah Mid Caalamiya Waxaana uu xusay In ay dadku
lacagohooda dhigan karaan isla markaasina uu yahay Baankani mid ku
caanbaxay Amaano iyo Adeeg Hufan oo u Adeegida baahiyaha bulshada si
dhab ah ugu turjumaya ,Waxaad dhigankartaa ,Lacagtaada ,Ducmentskaaga
Mihiimka ah,Waxaadna ka qaadankartaa lacag dayn ah Ama tan kuu taal
Acounkaaga oo aad marwalba si Hufan u helikartid iyadoo Nidaamka
caalamiga ah ee Baankani uu yahay Mid ku salaysan Qaab islaami ah.
Gudoomiye ku-Xigeenka Rugata Ganacsiga iyo Wershadaha Puntland Mudane
Maxamed Caydiid ayaa sidoo kale isana soo dhowayey Adeegan Casriga ah
ee Baankaasi Dahabshiil ,Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ee dhinaca
Ganacsiga Maxamuud Faarax Beeldaaje ayaa isna Madashii Qadasharata
Maanta ka soo jeediyey Qudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu uga
Hadlayo Doorka Ganacsiga Puntland iyo Baankan oo uu sheegay inuu yahay
Mid islaami ah oo Nidaamka uu shaqaynayo ay reer Puntland aad ugu
riyaqeen.
Gudoomiyaha Gobolka Bari ayaa sidoo kale Hadal dheer ka soo jeediyey
Madasha Mudane C/samed Maxamed Gallan waxaana uu sheegay Gudoomiyaha
Gobolka Bari in loo baahanayahay In Baankani uu si dhab ah u Muujiyo
Shaqadiisa isgoo ugu baaqay inaysan ilaawin kaalinta ay maalqabeenada
iyo Madaxda Gudoonka Shirkaduhu ku leeyihiin Degaan kasta oo ay ka
howlgalaan iyadoo Maamulkuna uu balanqaadanayo inuu si wanaagsan ula
shaqaynayo Horumarka Wanaagsan ee ay Mujiyeen.
Sidoo kale Isimada Puntland ayaa madasha fadhiyey inkastoo aysan
Migirifoonka ka hadlin ,Waxaana ka muuqata dareenka guud ee Ganacstada
iyo Dowlada Puntland midnimo qaran ay ku soo dhowaynayaan Herarka kala
duwan ee Ganacsiga dowlada Puntland ee Xarunta Dhaqaalaha Bosaso
herarka kala duwan ee uu marayo.
GalGalanews.com/Bosaaso
 










Libya, Qaddafi ka Dib

$
0
0

Mustaqbalka Dalka Libya ayaa la isweydiinayaa sida uu u ekaan karo waxa ka dambeeya hogaamiye Mucammar Al-Qaddaafi oo shalay la dilay.

Dalka Libya ayaa ka kooban qabiilo kala duwan, oo hogaamiyihii la dilay, intii uu noolaa, uu aad u kala saar-saari jiray si uu awoodiisa usii xoojiyo. Waxa kale oo iyaguna jira kooxo diini ah oo doonaya in ay doorkooda qaataan. Intaas waxa dheer in qorshaha Golaha KMG ahi uu doonayo in siddeed bilood ka dib ay qabteen doorasho xor ah.

Waxa haddaba isweydiin leh, sida loo maareynayo waxyaabahaas kala duwanaanshuhu ka muuqdo oo dhan.

Falanqeyn arrintaas ku saabsan qeybta hoose ka dhageyso.

Taariikhdii Qadaafi

C.Ronaldo “Real ayaa ah naadiga Aduunka Haatan”

$
0
0

21 Oct 2011-   26jirgaan reer Portugal ee dhanka weerarka uga ciyaara Kooxda Real Madrid ayaa sheegay in kooxda Real ay tahay naadiga ugu awooda badan xilikan, ayna haysato ciyaaryahanada ugu fican aduunka,
isagoo u muuqda inuu si sarbeeb ah ula hadlaayo wiilasha kubada qurxoon ee kooxda Barcelona ayuu Ronaldo shaaciyay inay yihiin naadiga ugu fiican caalamka kooxda real.
“waxaan haysanaa tayada ugu fiican aduunka,ciyaaryahanada ugu wanaagsan caalamka,waxaana nahay kooxda aduunka e haatan”
“waxaan iminka leenahay hanaanka ugu adag safashada kooxaha,waana taas mida marwalbaa iga farxisa,waa taas mida aan marwalbaa u ahay laacib fiican,waxaan filayaa in laacib kastaa ooa wood leh uu dadaalay hadaadan dadaalin waxba ma noqonaysid,waa taas mida aan anigu marwalbaa usoo bandhigo dadaalka wacan,”
Ronaldo oo ka mid ah laacibiinta caalamka haatan loogu jecelyahay uguna qaalisan ayaa isagoo hadalkiisa sii wada waxa uu intaasi raaciyay “mahaysan wax qibrad ah oo aan ku taamo markaan yaraa,haatan wax walbaa way isbedeleen oo waxaan ahay laacib wanaagsan,waa in aan dadaalaa,waxaana diyaar u ahay marwlabaa inaan wax bartaa aadna u dadaalo”
laacibkaan ayaa sanadii 2009 kooxda Real Madrid kaga soo biiray dhanka Kooxda Manchester Untd waxa uuna ahatan kooxdiisa u saftay in kabadan 100 Kulan.
Mohamud hassan idaajaa
idaajaa4@gmail.com
idaajaa_11@hotmail.com

C.Ronaldo “Real ayaa ah naadiga Aduunka Haatan”

$
0
0

21 Oct 2011-   26jirgaan reer Portugal ee dhanka weerarka uga ciyaara Kooxda Real Madrid ayaa sheegay in kooxda Real ay tahay naadiga ugu awooda badan xilikan, ayna haysato ciyaaryahanada ugu fican aduunka,
isagoo u muuqda inuu si sarbeeb ah ula hadlaayo wiilasha kubada qurxoon ee kooxda Barcelona ayuu Ronaldo shaaciyay inay yihiin naadiga ugu fiican caalamka kooxda real.
“waxaan haysanaa tayada ugu fiican aduunka,ciyaaryahanada ugu wanaagsan caalamka,waxaana nahay kooxda aduunka e haatan”
“waxaan iminka leenahay hanaanka ugu adag safashada kooxaha,waana taas mida marwalbaa iga farxisa,waa taas mida aan marwalbaa u ahay laacib fiican,waxaan filayaa in laacib kastaa ooa wood leh uu dadaalay hadaadan dadaalin waxba ma noqonaysid,waa taas mida aan anigu marwalbaa usoo bandhigo dadaalka wacan,”
Ronaldo oo ka mid ah laacibiinta caalamka haatan loogu jecelyahay uguna qaalisan ayaa isagoo hadalkiisa sii wada waxa uu intaasi raaciyay “mahaysan wax qibrad ah oo aan ku taamo markaan yaraa,haatan wax walbaa way isbedeleen oo waxaan ahay laacib wanaagsan,waa in aan dadaalaa,waxaana diyaar u ahay marwlabaa inaan wax bartaa aadna u dadaalo”
laacibkaan ayaa sanadii 2009 kooxda Real Madrid kaga soo biiray dhanka Kooxda Manchester Untd waxa uuna ahatan kooxdiisa u saftay in kabadan 100 Kulan.
Mohamud hassan idaajaa
idaajaa4@gmail.com
idaajaa_11@hotmail.com

Madaxweyne Faroole oo xaflad kala qeyb galay jaaliyada Puntland ee UK (Sawiro)

$
0
0

Wafti  sare oo ka socda dowlada puntland  oo uu hogaaminayo madaxweynaha Puntland oo maalmahan ku sugnaa magaalada london ee dalka britain ayaa hameenimadii xalay xaflad ay jaaliayudu u samaysay kaga qeyb galay bartamaha London.
Xafladaan loo sameyey waftiga dowlada puntland ayaa waxaa kasoo qeyb galay madaxweyanaha Puntland Cabdiraxman Maxamed Maxamuud faroole iyo qaar ka  mid ah golihiisa wasiirada waxaana ka mid ahaa wasiiradii kasoo qeyb galay Wasiirka Warfaafinta Puntland Axmed Cali Askar Wasiirka Dekadaha Siciid Maxamed Raage Wasiiru Dowlada Xirirka  Caalamiga Cabdulqaadir Cabdi Xaashi iyo Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Puntland Maxamed Xassan Barre.

Waftigaan oo laga sugayey in ay jaaliyada uga war bixiyaan xaalada gobbolada puntland ay hadda ku sugan yihiin ayaa waxaa goobtas khudbad aad iyo aad u dheereyd ka soo jeedieyey madaxweynaha dowlada puntland dr.abdiraxmaan maxamed khudbada maaxweyanaha ayaa waxaa ay tabanaysay meelllo badan asagoo ka hadlay dhanka amaanka  hormarka xirirka federalka iyo puntland dib u hishiinta colaadaha puntland iyo dilallka ka dhaca gobbollada puntland.

Madaxweyanha oo dhanka amaanka ka hadlaya wuxuu yiri.
Waxaan hormar ka samaynay dhanka amaanka laakiin wali sidan rabnay ma aysan noqon dilal ayaa puntland ka dhaca waxaana dilalka geysta al_shabab waxay dagaal la maagan yihiin dhamaan deeganada puntland waxay doonayaan dad  ay barakiciyaan waxay doonayaan  in ay amaanka puntland wax yeeleeyaan  anagu waxaan ku dadaalayna in aanu ka hortagno waxaanu isku dayeynaa in aanu baabi,ino waxaa hadda naloo soo tobababaryaa ciidamo waxaa ku hanweynay in ciidamada amisom la geyo qaarkood puntland sida magaalada galkacyo oo furin ah.
Xirirka federalka iyo puntland ayuu ka hadlay faroole waxaana uu yiri.
Sida aad wada ogeydeen iyima hore waxaa jirey fara fara ku taag noo dhexeeyey anaga iyo dowlada dhexe laakiin nasiib wanaag hadda waan ka gudubnay marxaladaas oo waxaa naga dhexeeya wada shaqeyn wanaagsan waxaanu ku dadaalaynaa sidii aanu soomaaliya dowlad ugu sameyn laheyn  si kastaba ha ahaatee madaxweyne faroole ayaa waxaa muuqatay in ay dadka qaar aysan u bogin war bixinta uu dalkii kasiiyey asaga oo aan khubadiisa kaga hadlin beelaha puntland ku dagaalamayey dhawaan  sidoo kalana aan ka hadlin dagaaladii galkacyo.
Maa markii labaad ee madaxweyne abdiraxmaan faroole uu safar ku yimaado magaalada london tan iyo intii uu hayey xilka madaxweynaha.

Akhristayaal waxaan ini ka balan qaadaynaa in anu saacadaha soo socda aanu inii soo gudbino hadalkii madaxweynaha oo maqal iyo muuqaal  ah
Abdiraxmaan guushaa abdi
RBC Radio London uk

Yuusuf Kaba-kudukade oo loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe

$
0
0

Munaasabad maanta ka dhacay Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa halkaas waxaa lagaga dhawaaqay Maamul cusub oo uu yeesho Gobolka, iyadoo la bedelay Maamulkii hore ee muddo halkaas ka talinayay. Sida ay sheegayaan wararka Munaasabada oo ay ka qeyb galeen Saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab, waxgarad, Culumaa’udiin iyo dadweyne kale oo reer Jowhar [...]


Golaha Sare Culumaa’udiinka Ahlusuna oo ugu baaqay Dowladda KMG inay shacabka badbaadiso

$
0
0

Golaha Sare Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca ayaa bayaan maanta oo jimco ah soo saareen kaga hadlay xaalada ammaan ee Muqdisho, iyagoo ugu baaqay dowladda Soomaaliyed inay ammaanka sugaan. Bayaanka Culimada ayaa si gaar ah looga hadlay dhibaatooyinka shacabka heysta ee isugu jira qaraxyada maalmahan ku soo badanaya Shacabka, kaasoo bayaanka lagu sheegay in shacabka lagu bartilmaameedsanayo. [...]

Universal, Somalichanel & Royal Tv oo loo diiday in uu Madaxweyne Faroole wax hadal ah siiyo

$
0
0

Illaa seddex tv oo ku hadla afka Soomaaliga ayaa loo diiday in ay galaan qol uu Madaxweynu hadal kooban ku siinaayey bahda saxaafada Tv yada universal somalichanel iyo rayal tv ayaa gabi ahaanba loo diiday in ay galaan goobta madaxweynahu uu saxaafada kula hadlaayey.
Tvyadaan oo markii hore aan la war galin in uu madaxweynu diiday ayaa waxaa ay imaadeen halkii ay xafladu ka socotay intii uusan madaxweynu soo gaarin goobta ayaa waxaa lagu war galiyey in aysan waxba duubin oo ay joojiyaan sababtana waxaa lagu tilmaamay in uu madaxweynu diiday.
Qaar ka mid ah tvyadaan ayaa waxaa lagu eedeeyey in ay faafiyeen warar uusan jeclaysan maamaulka Puntland sida Universaltv oo lagu eedeyey in uu soo daayey dood laga hadlaayey barakacayaasha taas oo la sheegey in puntland aysan u bogin sida doodu u dhacday oo ay uaragtay in doodaasi ay aheyd mid Puntland lagu aflagadeynaayo sidoo kale Soomaalichanel ayaa asna lagu eedeyey in uu soo daayey muuqaal burcad badeeda ka hadlaaya oo ay sidoo kale ayada puntland ula muuqatay gaf lama sheegin illaa iyo hadda waxa lagu ceyriyey Royal balse waxaa la sheegey in asna ay diideen qaar ka mid ah dadka xaflada qaban qaabinaayey.
Si kastaba ahaatee maahan markii ugu horeysay oo qaar ka mid madaxda puntland ay ku xad gudbaan qaar ka mid saxaafada balse waxaa tani ay kaga badalantahay ayada oo daqiiqadihii ugu danbeeyey lagu diiday ama lagu mamnuucay kanaaladan Soomaaliyeed mana jirto wax la dhihi karo waa xumaan oo ay siidayeen tvyadaan.
Abdiraxmaan guushaa abdi
RBC RADIO London uk

Faroole oo Taageeray Farogelinta Kenya ee Somalia

$
0
0

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa teegeeray faragelinta Kenya iyo Howlgalka ciidamada Kenya ay ka wadaan Koonfurta Somalia. Waxaana uu sheegay in ay xaq u leeyihiin in ay la dagaalamaan Al-shabaab.
Faroole oo hadda ku sugan Magaaladda London, halkaasoo uu kaga qaybgalayo shir la xiriira Burcad-badeeda ayaa hadalkan ka sheegay,mar uu waraysi siiyay Laa’nta Afka Somalia ee BBC-da
“ aanigu waxaan u arkaa inay caawinayaa wallaalahood Goboladaas degan oo qaxootiga ku jooga dalkooda, oo alshabaab ka soo saareen Dhulkoodii oo ku dhibaataysnaa, oo ay al-shabaabkaas ay ka mid yihiin Kenyan iyo kuwo wadamo shisheeyo ka yimid sida Baakistaan, Afganisatan, iyo Afrika ka yimid” ayuu yiri
“Waxaan kaloo u arkaa , mar haddii iyaga gudahoodii loo soo galay, oo lagu sameeyay rabsho dhaqaalahoodii iyo Dalxiiskoodii, in ay wax iska dhiciyaan. Awal baan hore uga malaynaynay in ay caawiyaan, oo ka caawiyaan (Dowladda Somalia) in magaalooyinka Waaweyn ee Jubbooyinka ku yaala in la qabto” ayuu sii raaciyay
“ Annigu ma arko, cabsina kama qabo, intay Kenaya Somalia Qabsato ay haysato” ayuu sii raaciyay
Mar la waydiiyay Madaxwaxweyn Faroole, inay dhici karto, sidii dhacday xiligii Ethiopian soo galeen Somalia, In uruka Al-shabaab Taageero ka helo shacabka, wuxuuna yiri
“Taas ma filayo, waayo Alshabab waa ururkii ugu xumaa ee soo mara Soomaaliya, dhibaata badan ayayna shacabka u geysteen.”

Afhayeenka AMISOM oo sheegay in labo askari nolol ku weysan yihiin, qaar kalena looga dilay

$
0
0

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Captain Paddy Ankuna ayaa sheegay in qasaare ka soo gaaray dagaaladii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, isagoo been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in todobaatameeyo looga dilay dagaalada. Captain Paddy Ankunda oo ku sugan Magaalada Nairobi ayaa warbaahinta u sheegay in 10-askari ay uga dhinteen dagaalka, halka labo ay nolosha ku la’yihiin. [...]

Qarax Miino oo maanta ka dhacay degmada Wada Jir & labo ruux oo ku dhaawacmay

$
0
0

Qarax miino ayaa maanta ka dhacay degmada Wada Jir, kaasoo labo ruux ay ku dhaawacmeen, iyadoo qaraxa ka dhacay meel aad u saxmad badan oo goobo ganacsi ay ku yaalaan. Sida ay sheegayaan wararka qaraxa ayaa la sheegay inuu ku aasnaa meel ku dhow Kabar Qaadka lagu iibiyo, isla markaana ay u dhoweyd Biibito lagu [...]

Muuqaalkii ugu dambeeyay ee Degmada Dayniile, & Ciidamada Dowlada oo ku damaashaada. “Sawiro”

$
0
0

Halkaan waxaan idinkugu soo gudbineynaa Sawirro aan idiinkaga soo qaadnay goobihii  laga saaray Maleeshiyada Kooxda  ah ee Al-Shabaab gaar ahaan xaafado ka tirsan degmada Dayniile halkaasi oo ah barta kaliya ee ay ku harsanaayeen maleeshiyada Shabaab waxaana howlgalka wadajir u fuliyey Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo Kuwa Midowga Afrika ee Amisom.





Ceelka Filibiin ee degmada Dayniile





Ciidammada Oo Caawinaya Shacabka

Xaafada Dibileey ee Degmada Dayniile




Muuqaal kale oo Xaafada Dibileey Ah

Haween Markii Shabaab Laga Xoreeyey Dayniile kadib Ciidammada U Hambalyeynaya




Askar Ka Tirsan Ciidammada Burundi oo Qeyb ka ahaa Howlgalka Saakay

Wadada Aada Tiida

Agaasimaha Radio Muqdisho oo Hogaaminaya Wariyeyaal ka socota Warbaahinta Qaranka oo soo tabinayey howlgalka saakay

Askari Ka Tirsan Ciidanka Xoogga gaar ahaan Kooxda Taangiyada

Cutubyo ka tirsan Ciidammada Dowladda iyo Kuwa Amisom Oo Wadajir u howlgalaya

Ciidammo Horleh oo gelaya Furumaha hore ee dagaalka(Gurmad)

Ciidammo Howdka ku baacsanaya Shabaab haraadigooda

Muuqaalka Kore ee Xaafada Tiida

Gudaha Xaafada Tiida


Wadada Weyn ee Dhexmarta Xaafada Tiida ee degmada Dayniile


Meydka Horjooge ka tirsan Shabaab oo howlgalkii manta lagu dilay kaasi oo Maleeshiyadii uu hogaaminayey ay ka carareen

Wajiga Horjoogaha ay Ciidammadu Dileen oo dhow



General Gacmadule oo Ka mid ah Saraakiisha Hogaamineysay Howgalka Maanta


Warsame Joodax Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca Ammaanka maamulka gobolka Banaadir

Wariyeyaal Goobaha la xoreeyey Warar ka tebinayey
Photo By:-Abdifitah Dahir Jeite

Shabaab oo Lafoole ku soo bandhigtay hub ay sheegtay in ay ka qabsatay Amisom.+Sawiro

$
0
0

Ururka Al Shabaab ayaa ku soo bandhigay Deegaanka Calamada ee Lafoole hub ay sheegeen in ay kaga qabsadeen dagaaladi shalay iyo maanta degaanka dayniile ku dhex maray Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhinaca ah iyo maleeshiyada shabaab.

Al Shabaab ayaa ku faantay in ay qabsadeen hub fara badan oo AMISOM lahayd iyagoo soo bandhigay qaar ka mid ah muuqaalka hubkaas oo qoriyaha qaar lagu xiray calaamada AU da ee Midowga Africa.

Hubka culus sida qoriga B10, Qoriga Katoosha loo yaqaan ee PM-ka, Hoobiye, PKM, AK47, qoryaha diiradda leh ee oo yaqaan Shaamshuutarka, Banbaanooyinka gacanta laga tuuro, rasaas noocyo badan iyo qalab kale oo Millitari ayay sheegeen al shabaab in ay ka qabsadeen ama ay ka furteen ciidamada AMISOM.

Afhayeenka Alshabaab Cali Maxamuud Raage Sh (Cali Dheere ) ayaa warbaahinta tusay hubkaas isagoo cadeeyay in dagaaladii shalay ilaa iyo maanta askar fara badan oo AMISOM ah ku dileen.

AMISOM ayaa ilaa iyo hadda ka hadlin hubka la soo bandhigay maanta laakiin waxay horey u beenisay in askar fara badan looga dilay dagaalkii shalay.
 
 
 
Isha Wararka Xaqiiqda.
HeeganTV  Muqdisho


Maxaad Ka Taqaan Deegaanka Hadhwanaag ?

$
0
0

 
Sidii aan horeba idiinku balanqaadney hadaad tihiin akhristayaashada sharafta leh, inaan idiin soo gudbino horumarada ka socda dalkeena hooyo anagoo isku dayeyna inaan deegaan walba iftiimino meelaha la dareemi karo ee talaabo horumar laga qaadey hadey tahey waxbarsho, Caafimaad, Biyo amaba arimaha kale ee bulshada. Waxaan hadaba isku daynay inaan u kuur galo horumarka ah ku socda ee ay beryahan dambe ku talaabsanaysey magaalada Hadhwanaag ee gobolka Sool, Hadhwanaag waxay 32 km ka xigtaa koonfur magaalo madaxda Labaad ee gobolka Saraar ee Oog  waxaan warbixintan ugu horaysa ku eegi doonaa dhinaca waxbarashada magaalada Hadhwanaag waxaad kala socon kartaa  maqaalada danbe ee aanu soo diyaarindoono.Waxa Maanta Deegaanka Hadhwanaag  oo kamid ah Magaalooyinka Cusub ee haatan ku soo Biiray Deegaanka Gobolka Saraar  Booqday Wariyey Samater Biixi  oo kamid ah saxafiyiinta ka Hawl gala Degaanada Briga Somaliland gaarahaan Sool, Saraar, Sanaag  Waxa uu Warbixinta ku eegayaa Xaalada Guud ee Deegaanka Hadhwanaag  oo u dhaxaysa Magaalooyinka Yeyle  iyo Oog, dhinaca Koonfor bari  ka Xigto Magaala madaxda gobolka Saraar ee caynaba kuna taala Runtii Goob aad u istaraaji ah Dhinaca Deegaan ahaan Warbixintaasi. Dhismaha Misaajidka Hadhwanaag oo haatan Guud ahaanba Bulshada Deegaanku u Qabaan Baahi Wayn ayaa Jaaliyada Dibada Waxa loogu baaqay inay si deg deg ah u dhamaystiraan Dhismaha Misaajidkaasi  kana Qayb Qaataan Hurumarka Dhinacyada Caafimaadka Waxbarashada iyo Guud ahaanba Hurumarka Deegaanka Oog gaar ahaan magaalada Cusub ee Hadhwanaag..
Waxa Maanta Deegaanka Goljano oo kamid ah Magaalooyinka Cusub ee haatan ku soo Biiray Deegaan weynaha Beelweynta Oog iyo Caynaba Oog Booqday Wariyey Geedi Samateroo kamid ah saxafiyiinta ka Hawl gala Degaan weynha Oog Waxa uu Warbixinta ku eegayaa Xaalada Guud ee Deegaanka Hadhwanaag oo u dhaxaysa Magaalooyinka Oog  iyo Yeyle, dhinaca Konfureed na ka Xigta Magaalada Caynaba kuna taala Runtii Goob aad u istaraaji ah Dhinaca Deegaan ahaan.
Ku qor Google Map Hadhwanaag si aad u aragno halkay map-ka kaga jirto. 
Fadlan kala Xiriir Dhismaha Misaajidka Hadhwanaag  Abdi Axmed  Jamac E-mailsoolqorijab@hotmail.co.uk   Fadlan ka Qayb Qaado Misaajidkaasi oo ah Guriga ilaahay Xiligana ah Qabyo.   Geedi samater Biixi Xafiiska wararka ee degmada Oog.
Degmada Oog Somaliland

Dekada Muqdisho oo ku soo xiray doon gar-gaar sida oo ay Kuwait soo dirtay

$
0
0

Hay’adda Bisha cas ee Kuwait ayaa maanta sheegtay in dekedda magaalada Muqdisho uu ku soo xirtay Doon sida gar gaar dhan 650-tan cunto ah oo ay dawladda Kuwait u soo dhiibtay dadka tabaalaysan ee abaartu ka soo barakicisay qaar ka mid ah gobollada Soomaaliya.
Barjas Xamuud Al-Barjasoo ah madaxa arrimaha maamulka bisha cas ee Kuwait oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in tani ay tahay mid ka tarjumaysa sida ay Kuwait ugu heelantahay badbaadinta nolasha malaayiinka qof oo ay abaartu ku saameysay gudaha Soomaaliya , wuxuuna intaa raaciyay in doontan ay sido 28-kun Kartuun oo cunto kala duwan ku jira.
Mr Barjas Xamuud waxaa kaloo uu sheegay in Dawladda Kuwait ay hore Soomaaliya u soo gaarsiisay gargaar cunto iyo qalab kale oo lagu keenay 9-duulimaad hawada ah, taasi oo uu ku tilmaamay in si habsami ah loogu qeybiyay barakacyaasha Muqdisho.
Gar gaarkan dowladda Kuwait u soo dhiibtay shacabka Soomaaliyeed ayaa qayb ka ah dadaallada ay wadamada Caalamku ugu jiraan kaalmo soo gaarsiinta dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool gudaha dalka.
 
 

Gaas oo Indha ka qarsaday Kenyanka Gudaha Soomaliya kusugan.

$
0
0

Ra’isul Wasaaraha Dowlada KMG Dr C/Wali Maxamed Gaas ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada Kenya aysan Gudaha usoo gelin Dalka Soomaaliya.
Isagoo lahadlayay Raadiyaha Dowlada ayaa Dr Gaas Waxaa uu sheegay in aysan ogayn meel ay Militeriga Kenya kaga sugan yihiin Soomaaliya marka laga tago in ay xaduudooda ilaashanayaan.
“Kenya iyo annagu waxaan leenahay hal cadow oo ah shabaab waxaanna ku heshiinnay inaan iska kaashanno sidii aynu ula dagaalami laheyn, ciidamada Kenyana waxay ku suganyihiin xadka, Ciidamadeenna ayaa howlgallada ka wada gudaha dalka”ayuu yiri R/wasaare C/weli “Gaas”.
Dhanka kale Ra’isul Wasaaraha Soomaalliya ayaa sheegay in Dagaaladii ugu danbeeyay ee Magaalaad Muqdisho ay dhankooda guulo ka gaareen.
“Kooxaha Cadowga ah waa ay ku jabeen Dagaalka, Dayniile waa laga qabsaday, Meydadkoodiina goobaha ayay yaalaan”ayuu sheegay Dr Gaas.
 
 
Isha Wararka   Xaqiiqda.
HeeganTV   Muqdisho.

Xukuumada Somaliland Oo Soo Dhaweysay Dilkii Mucaamar Al-Qadaafi, Sheegtayna In Ay Cilaaqaad La Samaynayso Golaha KMG Ah Ee Xukuma Libya.

$
0
0

 
Hargeysa(OWN)- Xukuumada Somaliland ayaa maanta markii ugu horeysay shaaca ka qaaday mawqifkeeda la xidhiidha dilkii maalintii shalay lagu khaarajiyay hogaamiyihii hore ee dalka Libya Mucaamar Al-Qadaafi, iyada oo sheegtay in ay soo dhaweynayso dilkaas.
 Wasiiru dawlaha arrimaha dibeda Somaliland Dr Maxamed –Rashiid Sheekh Xasan oo maanta u waramay Telefiishanka caalamiga ah ee HORN CABLE TV, ayaa sheegay in Qadaafi uu ahaa nin keligii taliye ah, isla markaana macangaga cadow ku ahaa qadiyada madaxbanaanida Somaliland oo dhawr Midowga Afrika ku qanciyay in aan laga hadal arrintaas.
“ Qadaafi waa loo baahnaa dilkiisa, waxa uu ahaa  keligii taliye gumaaday dadkiisa, waxa uu ahaa nin qadiyada Somaliland ka soo horjeeda oo Madaxweyne Cigaal ku yidhi midooba Soomaaliyada kale aan idin taageere’e, Cigaal waxa uu ahaa nin  uu ixtiraamayay oo waxba walba kulama dhacayn, waan soo dhaweynaynaa dilkiisa Qadaafi” ayuu yidhi wasiiru dawlaha arrimaha dibeda Somaliland Dr Maxamed –Rashiid.
 Waxa uu kale  oo uu sheegay in xukuumada uu ka tirsan yahay ay diyaar u tahay in ay xidhiidh dhaw la yeelato maamulka ku meel gaadhka ah ee ka taliya dalka Libya, iyada oo la doonayo in cilaaqaadka cusubi uu noqdo shaqayna .

Ramaasnews

AMISOM oo sheegtay in waxyeelo ay ka soo gaartay dagaalo ay la galeen xarakada Al Shabaab.

$
0
0

Afhayeenka ciidamada AMISOM Col. Paddy Ankunda  oo sugan magaalada Nairobi ee caasimadda u ah dalka kenya ayaa ka hadalay dagaaladii ugu dambeeyay oo ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG Somalia oo iskaashanay ay ku qaadeen deeegaankii ugu danbeeyay oo ay kaga sugnaayeen xarakada  Al shabab ee mgaalada Muqdisho.
Col. Paddy Ankunda  ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku dhinteen ilaa iyo 10 askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM, labo kalana nolosha lagu la’yahay, isaga oo  ka dhawaajiyay in lagaga gubay gaari taangi ah oo ay isticmaalayeen ciidamada AMISOM.
Afayeenka ciidamada AMISOM ayaa sidoo kale sheegay in guullo ay ka gaareen dagaaladii u dambeeyay ee muqdisho ka dhacay,sida uu sheegayna ay ku dileen dagaalyahanno fara badan oo al shabab ka tirsan.
Afhayeenka ciidamada AMISOM ayaa ku soo aadaya xilli afayeenka xarakada al shabab Cali Maxamuud Raage (cali dheere) oo meel fagaaro ah oo ay ku soo bandhigayeen maydad AMISOM ah kula hadlay saxaafadda uu sheegay inay jab xoogan ay gaarsiiyeen, islamarkaana ay ku dileen askar gaaraysa 70 oo dhamaantoodba ahaa ciidamada AMISOM waa sida uu hadalka u dhigaye.
Cali Dheere ayaa ugu baaqay dowladaha Burundi iyo Uganda inay ciidamadoodu Somalia ay kala baxaan hadii ay kala bixi waayaana ay jab mid kan la mid ah gaarsiin doonaan.
 
 
Isha Wararka Xaqiiqda.
HeeganTV  Muqdisho

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live