Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Biriq Dad ku Dishay Caabud-waaq

$
0
0

Warar naga soo gaaraya bartahama Soomaaliya ayaa sheegaya in roobabka Gu’aga ee ka daya qaybo kamid ah gobollada dalka ayaa sababeen dhimashada laba ruuux kadib markii ay ku dhacday biriq xilli ay kusugnaayeen hoygooda, sida ay VOA usheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.


Biriq Dad ku Dishay Caabud-waaq

$
0
0

Warar naga soo gaaraya bartahama Soomaaliya ayaa sheegaya in roobabka Gu'aga ee ka daya qaybo kamid ah gobollada dalka ayaa sababeen dhimashada laba ruuux kadib markii ay ku dhacday biriq xilli ay kusugnaayeen hoygooda, sida ay VOA usheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.
Zubayr Cabdi Cabdulle oo sheegay inuu yahay aabaha dhalay gabadha ayaa VOA u sheegay in dadka dhintay ay ahaayeen qoys aroos ah oo dagaanaa deegaanka Ari Caddays oo 30km dhanka koonfur galbeed ka xiga degmada Cabuudwaaq ee gobalka Galgaduud
Roobabaka oo mahiigaan ah ayaa muddooyinkaan ka da'ayay gobollada dhexe waxaana meelaha qaar laga helayaa warar sheegay in biriq dhacday ay sababtay dhimashada xoolo farabadan.
Dhanka kale, wararka ka imaanaya degmada Cabuudwaaq ayaa sheegaya in hal ruux uu dhintay kadib markii ay qabatay koranto, waxaana maamulka degmada oo VOA ay lahadashay ay sheegeen in ay wadaan dadaal looga hortagayo sidii loo yarayn lahaa qasaaraha ka dhalan kara biyaha roobka
storvideo: 

Madaxa Xukuumadda Galmudug Oo La Kulmay Wafdi Ka...

$
0
0

Wafdi ka socda hey'adda Cunada Aduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee marka magaceeda la soo agabiyo loo yaqaano WFB ayaa Maanta gaaray Magaalada dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.
Wafdiga waxaa hoggaaminayey Lorenza Beka oo ah madaxa WFB ee Soomaliya waxaana garoonka Diyaaradaha dhuusamareeb ku soo dhoweeyey Madaxa hey'addaha gargaarka Galmudug Maxamed Axmad Warsame (Koofi) iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowlad goboleedka Galmudug.
Wafdiga ayaa soo dhaweyn kadib waxa ay kormeer ku tageen Bakhaaro waaweyn oo keydka Raashinka ee WFB loo dhisayo oo ku yaala duleedka dhuusamareeb iyo Xafiisyo WFB ay gudaha dhuusamareeb ka furatay.
Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug iyo Wafdiga ka socday WFP aya kulan gaar ah wax ay ku yeesheen Xarunta Madaxtooyada ayaa waxa ay uga wada hadleen qorshaha DFP iyo Maamulka Galmudug ay ku wada Shaqeyn karaan
Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin sida ay Shacabka Galmudug u gacan siinayaan,isla markaana wax allaala iyo waxa ay Hay;addu u baahan tahay ay diyaar la'yihiin.
storvideo: 

VIDEO Xildhibaan Cabdicasiis Xasan Maxamed lafta...

$
0
0

[embedded content]
Xildhibaan Cabdicasiis Xassan Maaxamed lafta Gareen
Waxaa maantay si rasmi ah u shaaciyay in uu xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka u tartamayo Xildhibaan Cabdicasiis Xassan Maxamed (Lafta Gareen) oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaan Lafta-gareen ayaa Musharaxnimadiisa ku shaaciyay shirjaraa'id oo uu maantay ku qabtay magaalada Muqdisho.
Musharaxa ayaa hadalkiisa ku bilaabay "Ugu horreyn, waxaan halkaan uga mahadcelinayaa Xidhibaannadii igula taliyay fikir ah inaan isu soo sharaxo Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS iyo Mudanayaashayda kale, Iyo saaxiibadayda xildhibaannada ah ee igula taliyay, iguna dhiirigaliyay qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka"
Musharax Guddoomiye Lafta Gareen ayaa sheegay in Guddoonka Goluhu shaqadiisu ay tahay in uu guddoomiyo wax-kasta oo guluhu isku raaco, kuna shaqeeyo kalsoonidooda, rabitaankooda, Dastuurka dalka iyo xeer-hoosaadka baarlamaanka.
Xildhibaan Lafta Gareen isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri "Waxaan ahay mideeye aan kala qaybin-doonin xildhibaannada Golaha Shacabka iyo ilaalinta Midnimada Golaha guud ahaan, waxaan ahay garaad shir-guddoomiye kaliya ah, balse aan xilka ku gor-gortamaynin, waxaan ahay shaqsi ku fiican latashiga, sidaas aw-geed-na Xildhibaannadu haddii ay codkooda isiiyaan ma noqonayo nin u taliya, ee waan la tashan-doonaa mar-waliba, waxaan ahay nin difaaci doona go'aannada Xildhibaannada Golaha Shacabka ay gaaraan mar-waliba, waana soodhawaynaya go'aannadooda, anigoo aanan ku dhibaynin mas'uuliyadda marka ay ii dhiibtaan oo ay iga aqbalaan codsiga aan la hortagi doono Haddii Alle idmo"
Musharaxa ayaa u mahadceliyay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka JFS Mudane Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, isagoo ku ammaanay in uu baarlamaanka soo gaarsiiyay meel aad u wanaagsan mudadii uu hayay xilka Guddoonka.
Dhinaca kale Xildhibaan Lafta Gareen ayaa isla shirkiisa ku sheegay in uu iska casilay Xilkii Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Soomaaliya, waxaana uu is-calisilaadiisa sabab uga dhigay isagoo tixgalinaya sharuudaha Guddiga Doorashadu ay ku dhawaaqeen shalay ee la xiriirtay in Xildhibaan Wasiir ah haddii uu tartamayo ay waajib ku tahay in uu xilka baneeyo.
Musharax Lafta Gareen ayaa u mahad-celiyay Shaqaalaha Wasaaradda Ganacsiga, Golaha Wasiirada Soomaaliya, R/wasaare Xassan Cali Kheyre, Iyo Madaxwaynaha Federaalka ee Soomaaliya, isagoo aad ugu ammaanay in ay muddo ka badan halsano ay kusoo wadashaqeeyeen isfaham, xurmo, wadatashi, iyo iskaashi.
Share this:
Related
storvideo: 

Golaha Wakiiladda oo ay soo wajahday caqabadihii dib...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter

Guddoomiyihii guddida Arrimaha Gudaha iyo Difaaca oo isku casilay khilaaf ka dhex qarxay shirguddoonka
Hargeysa(Waaheen) Guddoomiyihii guddi hoosaadka Arrimaha gudha, Difaaca iyo Nabadgelyadda Ibraahim Jaamac Cali (Rayte), ayaa shalay iska casilay xilkii uu ka hayey guddidaasi kadib markii uu culays kaga yimi shirguddoonka Golaha Wakiiladda oo guddidooda ku khasbay inay Golaha horkeenaan xeerarkii ay ku qabsoomi lahaayeen Doorashooyinka Wakiiladda iyo Golayaasha Deegaanka Somaliland oo u qorshaysan 2019 ka inay dalka ka dhacaan.
Xildhibaan Rayte oo saxaafadda la hadlay shalay ayaa sheegay in uu shirguddoonka iyo guddida ka dhex jiro Tafaraaruq, isagoo u foodsaaray keenida afar xeer oo uu sheegay inay gacanta ku hayeen oo lagu khasbayo inay golaha horkeenaan, kuwaas oo uu sheegay inaanay suurtogal ahayn muddada loo qabtay.
Xildhibaan Rayte waxa uu sheegay xeerarka ay gacanta ku hayaan inay kala yihiin Xeerka Doorashada Golaha Wakiiladda, Xeerka Doorashada Golaha Deegaanka, Wax ka bedelka iyo kaabista xeerka Diiwaangalinta iyo Xeerka kala xadaynta Goboladda iyo Degmooyinka oo dhamaan ah kuwa ay ku qabsoomayaan labada Doorasho ee Golaha Wakiiladda iyo Deegaanku.
Xildhibaan Rayte waxa uu sheegay sababta uu isku casilayaa inay tahay xil gudasho la'aan iyo xeerarkaas oo aan illaa hada waxba laga qaban lana doonayo wakhti aan munaasib ahayn in Golaha lagu horkeeno si loom eel mariyo.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleXisbiga Wadani Oo Guddi Xaqiiqo raadis ah u Magacaabay Arinta Imaaraada

storvideo: 

Dhageyso: Lamaane u geeriyooday biriq ku dhacday...

$
0
0

Lamaanahan oo ku noolaa Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa u dhintay biriq ku dhacday Hooygooda ay deganaayeen, iyadoo dadka deegaanka ay arrintaasi ka warheleen saaka oo kaliya. Aabe Subeyr oo ah aabaha dhalay Faadumo Subeer Cabdi geerida iyada iyo seeygeeda oo la oran jiray Raage Maxamed Aadan ayuu ku sheegay in loo maleynayo in [...]
storvideo: 

VIDEO Maamul Goboleyada oo fashil ku tilmaamay...

$
0
0

[embedded content]
Share this:
Related
storvideo: 

Dowlada Emaaradka oo markab weyn ku rartay Gaadiid...

$
0
0

Markab laga leeyahay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa dekeda Muqdisho ka shiraacday maanta kadib markii la saaray qalab milatari oo ay leeyihiin ciidamada Imaaraadka ee tababarada siin jiray ciidamada dowlada.
Qalabka markabkan lagu raray ayaa waxaa ka mid ahaa, gaadiid dagaal iyo kuwo caadi ah, kontaynaro iyo agab kale oo laga soo qaaday xerada Jen. Gordon.
Xeradii lagu tababari jirey ciidamada dowlada ee Imaaraadku ka baxeen ayaa waxaa ka bilowday dagaal u dhexeeya ciidamadii joogay iyo ciidamo kale oo ka tirsan dowlada wax yar ka dib markii uu Markabkan ka furtay dekeda Muqdisho.
Lama oga waxa isku soo beegay labadan arimood balse taliyaha ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay iney ka hortageen ciidamo ka mid ahaa kuwii xeradaas ku jiray oo damcay iney halkaas ka qaataan qalab milateri.
Share this:
Related
storvideo: 


Dhageyso: In ka badan afar kun qof oo ka barakacday...

$
0
0

Guddoomiyaha degmada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan Mudane Maxamed Cismaan Cabdi (Macalin Qalaafow) ayaa sheegay in dad badan ay ka barakaceen magaalada Beladweye oo ay sabab u tahay roobab xoogleh oo ka da'ay magaalada iyo biyaha Webiga oo isbiirsaday, taasi oo keentay inay ka dhashaan biyo baxo xoog leh oo uu webigu fatahaad sameeyo. Guddoomiyaha [...]
storvideo: 

Dhamaan xildhibaanada ganacsatafa siyaasiyiinta...

$
0
0

Ina lilaahi wa ina ileyhi raajicuun.
Inaa lilaahi waa inaa ilayhi raajicuun walaalkayni qaali ahaa Maxamed Ali qanyare Allaha unaxariisto
Allah ha u naxariisto waxaa galabta Nairobi ku geeriyooday walaal iyo waalidba ahaa Maxamed Cali Qanyare oo ahaa nabadoon soomaaliyeed kana mid ahaa ganacsatada waa weyn ee dalka Kenya.
Waa geeri naxdin leh ee Allah dambigiisa ha dhaafo oo janno ha ugu bishaareeyo, dhamaanteena samir Allah naga siiyo.
Share this:
Related
storvideo: 

Dhageyso: Wasaaradda Dastuurka oo bilowday wajiga...

$
0
0

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaradda Arrimaha Dastuurka ahna Ku-simaha Wasiirka Mudane Xuseen Cabdi Cilmi ayaa shaaca ka qaaday in Wasaaraddu ay bilowday wajiga labaad ee howlaha dib loogu eegayo qabo qoraalka Dastuurka, kaasi oo lagu tababarayo macalimiintii gaarsiin lahayd dastuurka bulshada Soomaaliyeed. Wasiir Ku-Xigeenka Wasaradda Arrimaha Dastuurka Mudane Xuseen Cabdi Cilmi oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa [...]
storvideo: 

23rd April

$
0
0

23rd April 2018 admin Category :

  • Uncategorized

Xarago maa Xasan Xaadka Gobolka Bari baa?
Haddii maamulka Gobolka Bari ama ama degmada Boosaaso shir ka dhan ah lagu qabto degmada Boosaaso waxa soo abaabulay waa Xarago.
Hadii maamulka Puntland shir looga sooo hor jeedo lagu qabto degmada Boosaaso, waxa soo abaabulay waa Xarago/
Haddii Alshabaab la soo qabtay lagu booqdo Xabsiga waxa soo booqday waa Xarago iyo koox uu hogaaminayo
Hadddii Gacan ku dhiigle dilay Sarkaal ka mid ah dawladda Puntland sida taliye ku xigeenkii hore ee Boliiska Puntland la soo xiro ninka u doodaya oo u dagaalamaya in la sii daayo waa Xarago.
Post navigation
- Driver in custody after Toronto pedestrians hit by white van that fled scene
storvideo: 

Ninkii looga shakisnaa in uu Maraykanka dadka ku...

$
0
0

Booliiska dalka Maraykanka ayaa qabtay nin looga shakisan yahay in uu afar ruux ku dilay gobolka Tennessee.
Travis Reinking oo 29 jir ah ayaa la sheegay in gacanta lagu dhigay isaga oo ku gabanaya meel dhir badan. Wuxuuna ku eedaysan yahay in uu rasaas ku furay dad Axaddii ku sugnaa makhaayad, kadibna intuu dharka iska bixiyay ayuu cararay isaga oo qaawan.
James Shaw Jr oo macaamiisha ka mid ahaa ayaa ka hortagay in uu dhiig badan sii daato isaga oo qorigii la qabsaday kana qaaday ninkan laga shakisan yahay.
Sawir ay booliisku shaaciyeen ayaa lagu arki karaa Reinking oo qaba maro jeexjeexan iyo xaktimo jirkiisa ka muuqda.
Marka la qabtay waxaa laga helay biskoolad iyo rasaas, sida ay booliisku sheegeen. Wuxuu codsaday in qareen loo qabro, wuxuuna diiday in uu ka jawaabo su'aalihii la waydiiyay.
Baareyaashu wali ma aysan ogaanin sababta ku qaaday toogashada "ma garanayso sababta uu u bartilmaameedsaday Waffle House" ayuu saxafiyiinta ku yiri Don Aaron oo u hadlay baareyaasha.
Askar lagu qiyaasay 160 ayaa ka qaybqaadatay baadigoobka Reinking kaas oo lagu daray liiska tobanka ruux ee loogu dayday badan yahay gobolkaas.
storvideo: 

Mareykanka oo Hubinaya Ballanqaadki K.Waqooyi

$
0
0

Aqalka Cad ayaa Isniintii shaaca ka qaaday in yoolka ugu danbeeya ee wadahadallada madaxweyne Trump la yeelan doono hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un uu yahay buburinta hubka niyukleerka.

Mareykanka oo Hubinaya Ballanqaadki K.Waqooyi

$
0
0

WASHINGTON. D.C --
Aqalka Cad ayaa Isniintii shaaca ka qaaday in yoolka ugu danbeeya ee wadahadallada madaxweyne Trump la yeelan doono hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un uu yahay buburinta hubka niyukleerka.
Xoghayaha Warfaafinta Aqalka Cad, Sarah Huckabee Sanders ayaa Isniintii sheegtay in Mareykanka uu sii wadi doono caddiidiska uu saarayo Kuuriyada Waqooyi sidoo kalana aysan marnaba ka qaadi doonin cunaqabateynta, illaa inta ay ka arkayaan talaabooyin sax ah oo uu maamulka Kim Jon-un ku u qaado burburinta gabi ahaanba barnaamijkiisa niyukleerka .
Kim ayaa dhawaan iclaamiyay inuu joojinayo tijaabooyinka hubka niyukleerka iyo gantaallada riddada dheer ee isaga kala gooshi kara qaaradaha.
Madaxweynaha Trump ayaa go,aankaasi aad u ammaanay.
storvideo: 


Guddiga Senate-ka Mareykanka ee Xiriirka Dibadda oo meelmariyay Pompeo

$
0
0

Ninka uu Madaxweyne Trump u soo xushay inuu noqdo Xoghayihiisa Cusub ee Arrimaha Dibadda, waa Agaasimaha hay'adda CIA-da, Mike Pompeo, ayaa waxaa meelmariyay Guddiga Senate-ka Mareykanka ee Xiriirka Dibadda.

Madaxweynayaasha Fransiiska iyo Mareykanka oo ku kulmay aqalka cad

$
0
0

Madaxweynaha dalka Fransiiska, Emmanuel Macron ayaa gaaray aqalka cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka, halkaasi oo ay uga bilaabmeyso booqasho saddex maalmood ah oo uu ku joogayo dalka Mareykanka.

Guddiga Senate-ka Mareykanka ee Xiriirka Dibadda oo...

$
0
0

Ninka uu Madaxweyne Trump u soo xushay inuu noqdo Xoghayihiisa Cusub ee Arrimaha Dibadda, waa Agaasimaha hay'adda CIA-da, Mike Pompeo, ayaa waxaa meelmariyay Guddiga Senate-ka Mareykanka ee Xiriirka Dibadda.
Codbixinta ayaa waxa ay u muuqatay inay dhinac u ridday go'aanka uu Mr Pompeo ku taageeray Senator-ka Jamhuuriga ee Rand Paul, walow ninkaasi uu horay uga soo horjeestay magacaabista ninkaasi.
Mar uu ka hadlayay Aqalka Senate-ka ka hor inta aanan ninkaasi loo codeyn ayuu Mr Paul waxa uu sheegay inuu go'aansaday inuu ra'yigiisa wax ka badelo sababo uu ku sheegay inuu helay ballanqaad ah in Mr Pompeo haatan uu rumaysan yahay in hadalkii uu ka sheegay dagaalkii Ciraaq uu ahaa mid khalad ah.
Go'aanka uu guddiga ku ansixiyay Pompeo ayaa wajigabax ka badbaadiyay maamulka madaxweyne Trump.
Magacaabista Pompeo ayaa la filayaa in horraanta todobaadka dambe ay si buuxda u ansixiyaan xubnaha Aqalka Senate-ka, waxaana uu xilka kala wareegi doonaa Rex Tillerson oo xilka laga qaaday bishii hore.
storvideo: 

Madaxweynayaasha Fransiiska iyo Mareykanka oo ku...

$
0
0

Madaxweynaha dalka Fransiiska, Emmanuel Macron ayaa gaaray aqalka cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka, halkaasi oo ay uga bilaabmeyso booqasho saddex maalmood ah oo uu ku joogayo dalka Mareykanka.
Madaxweyne Macron ayaa halkaasi kula kulmay dhigiisa Mareykanka, Donald Trump , waxaana la filayaa in kullanka labada madaxweyne looga wada hadli doono arrimo ay kamid yihiin ganacsiga, heshiiskii Iran lala galay sannadkii 2015-ka ee dhanka Niyukleyrka, kaasi oo uu ka soo horjeestay madaxweyne Trump.
Macroon oo ka hadlay kullanka uu la yeeshay madaxweynaha Mareykanka ayaa waxaa uu sheegay inuu ka dhowrsugayo in safarkiisa uu noqdo mid mira dhal ah.
Dalalka Mareykanka, Fransiiska iyo Britain ayaa dhawaan iska kaashaday duqeymo ka dhan ah dowladda Suuriya oo lagu edeeyay inay hub kiimika ah u adeegsatay mucaaradka ka soo horjeeda.
storvideo: 

Bush Oo Loola Cararay cusbitaalka maalin kadib...

$
0
0

Madaxwaynihii hore ee Mareykanka George HW Bush ayaa loola cararay isbitaal ku yaal Houston kadib markii uu cudurku ku fiday dhiigiisa.
Afhayeenka Qoyska reer Bush, Jim McGrath, ayaa ku sheegay war saxaafadeed uu soo saaray, madaxweynihii hore ee 93 Sanno jirka ah la dhigay Isbitaalka Houston Axaddii, maalin kadib markii xaaskiisa Barbara la aasay.
"Bush waxa u socota daaweynta sida muuqatana waa soo wanaagsanaanaya caafimaadkiisu," McGrath ayaa ku daray warsaxaafadeedkiisa.
Bush ayaa saarnaa kursi curyaan Sabtidii oo uu ku sugnaa Aaska xaaskiisiioo dhimatay Salaasadii hore, Waxayna Wada Joogeen 73 Sanno.
Bush-ka weyn ayaa ah ka ugu da'da weyn Madaxweynaasha Maraykanka ee Nool waxaanu Xilka hayay hal xilli u dhaxaysa 1989 ilaa 1993.
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live