Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Sacuudi Carabiya : Oo Xidhxidhay ama Qabqabtay...

0
0

Mas'uuliyiinta Sucuudiga ayaa ku dhawaaqay in ay xidheen 994 kun oo qof oo ku xad gudubay xuduudaha, Deganaashaha, shaqada iyo Amniga xuduudaha shantii bilood ee la Soo Dhaafay.
Wargeyska maalinlaha ah ee Sucuudiga Cukaad ayaa sheegay in hay'adaha ammaanku ay ka qayb qaataan ololayaasha si ay ula socdaan oo ay u xidhaan kuwa jabiya sharciga deganaashaha, shaqada iyo ammaanka xudduudaha dhammaan degaamada
Waxa la qabtay 14467 isku-day soo galida gudaha xuduudka boqortooyada, 58% waa Yamaniyiin, 39% Itoobiyaan, iyo 3% jinsiyado kale.
Sidoo kale Ciidamada ammaanka Sacuudi Carabiya waxay qabteen 640 qof oo isku dayay inay ka baxaan boqortooyada.
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 


Pakistan : Waxay diiday inay guursato Ka dibna uu...

0
0

Bilayska ayaa xidhay qof lagu eedeeyay inuu gubay haweeney ka dib markii ay diiday inuu guursado, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Pakistan.
Sarkaal ka tirsan bilayska, Ijaz Shahid gobolka bariga ee Punjab, ayaa sheegay in tuhmanaha, la aqoonsaday magaciisuna yahay Radwan Gujjar, Eedeysanaha ayaa ku Tuuray Baansiin Asma Yaqub iyada oo joogta gurigeeda hortiisa oo ku yaala Magaalada Sialkot, ka hor intii aanu ka cararin.
Sarkaalka ayaa intaa ku daray in Asma Yaqub loo qaaday Isbitaalka Lahore halkaasoo ay ku dhimatay Axaddii. Wuxuu sheegay in Gujardu uu qirtay weerarka waxaana loo diray xabsiga ka dib markii maxkamadi amartay.
Weerarrada dumarka loo geysto ayaa ah qaar ay sababto diidmada guurka oo xagooda ka ah "ceeb" qoyska Pakistaniga ah, weerarrada waxaa mararka qaarkood la fuliyaa iyagoo oo u isticmaala Bambada laga Sameeyo Baatroolka ee Quraarada ah iyada oo la rabo in lagu naafeeyo ama la dilo ruuxa.
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Dawlada Somaliland oo dhul-beereed u qoondaysay Wax...

0
0

Wajaale(Waaheen):- Dawladda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay Taariikhda Casriga ah Dhul-beereedka Banka Tog-wajaale ee Gobolka Gabiley ku Daah-furtay 1500 Higtar oo Qodaal ah, halkaasi oo laga Qodayo Midho kala duwan, si kor loogu qaado wax soo-saarka Qaranka isla-markaana Mustaqbalka Somaliland isku filaansho uga gaadho dhinaca Cuntada, loogana Maarmo cuntooyinka Dalka dibeddiisa laga soo dhoofiyo.
Qodaalka 1500 higtar oo bilow u ah Saddex Goobood oo ay ka mid yihiin Deegaanka Beer ee Gobolka Togdheer iyo deegaanka Xaaxi ee Gobolka Daad-madheedh oo laga qodayo min 1500 higtar, ayaa waxa Saaka waxa Daah-furay Madaxweyne ku-xigeenka JSL Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici)) oo ay wehelinayeen Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Md. Axmed
Muumin Seed oo Wasaaraddiisu Mashruucan hormood u tahay.
Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka waramay muhiimada wax soo saarku leeyahay, waxaanu yidhi "Waxay muujinaysaa in wixii aynu qabsan karno aynu dadka tusno, tana maanta waxa ay kaw ka tahay hawshaasi mashruuca weyn ee Wajaale aynu ka qabanayno ee ay Ciidamadu mudada Nusqanirga ah Gacanta ku soo hayeen ee dhana ay Wax soo saarka uga faa'iidaynayeen dhana ay dadka iyo dalka u ilaalinayeen".
Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed oo madashaasi ka hadlay ayaa ka warbxiyey dedaalkooda sidii ay bulshada ugu jihayn lahaayeen dhanka wax soo saarka, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya "Halkan aynu maanta taaganahay ee Wajaale, waxa ay kaw ka tahay wax soo saarkii dhanka beeraha ee ay balan qaaday xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ee aad Madaxweyne ku xigeenka ka tahay (Saylici), maanta talaabada aynu qaadaynaa waxa weeyi in wax soo saarkii la kordhiyo, maantana waxa aynu bilaabaynaa mashruucii Miisaaniyada noogu jirtay ee beerista Wajaale, waana markii u horeysay ee Miisaaniyada loogu daro wax soo saar, dhulkan lanagu wareejinayaana waa laba qaybood oo Qodaal barigii hore la qodi jiray ah iyo qayb Qardo ah oo aanu imika qodayno".
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa isna doorka boolisku ku leeyihiin wax soo saarka ka hadlay waxaanu yidhi "Ciidamadu mar waxa ay ilaalinayaan Nabadgalyada qaranka iyo shacabka Somaliland, hadana waxa aad halkan indhahaaga ku aragtaa wax soo saarkood iyo tacabka ay ku jiraan ilaa halkii aynu ka soo leexanay Mudane madaxweyne ku xigeen waad arkaysay dhamaanteena halka ujeedo ee aynu leenahay ee madaxweynuhu inagu hoggaaminayaa waxa ay ahayd in wax soo saarka la badiyo".
Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeya Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa waxa insa madasha qodaalka beeraha Wajaale laga bilaabayey khudbad ka jeediyey waxaanu yidhi "Maanta waxa aan halkan aynu taaganahay oo ah halkii Ciidanka Qaranka ku wareejinayaa si ku meel gaadh ah Wasaaradda beeraha".
Wasiirka horumarinta Waxbarashada Yaasiin Faratoon oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi "Halkan waxaanu ka aragnay dhul baaxad leh oo ku haboon wax soo saarka, waxaanan filyaa in maalgalin badan inoo soo jiidi doono"
Guddoomiyaha Gobolka Gabiley oo isna madashaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi "Farxad gaar ah ayey noo tahay mar hadaanu nahay gobolkii laga filayey in wax soo saarka wadanka 80% soo saarno in halkan laga bineeyo mashruucii adiga (Madaxweyne ku xigeenka) iyo Madaxweynuhu aad balan qaadeen ee ahaa in wax soo saarka la kobciyo ee qorshihiisu Miisaaniyada inoogu jiray, maantana waa la bud dhigay".
Guddoomiyaha Degmada Wajaale"Wax soo saarkan roobka mooyaane dhulka waxa ku jira biyahaasi sidii ceelel loogu samayn lahaa lagu waraabiyo oo goor walba la tabco in lagu dedaalo weeyaan".
Wasiirka Horumarinta Beeraha, Taliyeyaasha Ciidammada Milletariga, Booliiska, Maamulka Gobolka Gabiley iyo Hawl-wadeennada kale ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL ayaa si rasmi ah u Shiniyeeyay Dhul-beereedka Banka Tog-wajaale oo 21 Cagaf bilaabeen inay qodaan 1500 higtar oo ka mid ah Dhulkaasi.
storvideo: 

Halyey qaran oo Pakistan u dhashay oo wadne ka codsaday dowladda Hindiya

0
0

Inkasta oo xiriirka labada dal ee Pakistan iyo Hindiya uu aad u xunyahay, haddane shacabka labada dal waa ay codsan karaan fiiso ay ku galaan hadba dalka kale.

Halyey qaran oo Pakistan u dhashay oo wadne ka...

0
0

Inkasta oo xiriirka labada dal ee Pakistan iyo Hindiya uu aad u xunyahay, haddane shacabka labada dal waa ay codsan karaan fiiso ay ku galaan hadba dalka kale.
Nin horey uga mid ahaan jirey ciyaaraha Hocky-ga ama xiyaaraha barafka ee kushineetooyinka lagu ciyaaro ee Pakistan oo lagu magacaabo Mansoor Axmed oo 49 jir ah ayaa dowladda Hindiya ka codsaday in gurmad caafimaad loo fidiyo, isaga oo xanuunsanaya wadnaha.
Waxa uu doonayaa in wadne cusub loo galiyo, wuxuuna yiri ,,Waan ogahay in aan qalbi jabiyay dad badan oo Hunuud ah, balse dowladda Hindiya waxaan ka codsanayaa wadne cusub".
Fariin uu soo dhigay barta Yotube-ka ayuu Mansoor codsiga ku jeediyay, wuxuuna si gaar ah ugu diray wasiirka arrimaha dibeda dalkaas Sushma Swaraj in ay siiso fiiso sida ugu dhaqsiyaha badan.
Ninkan ayaa Pakistan looga aqoonsanyahay halyeey qaran, wuxuuna ahaa gool haye, isaga oo ku guuleystay abaalmarinta qalinka ah ciyaarihii olimbikada adduunka ee 1992-dii, isaga oo qeyb ka ahaa kooxdii qaaday koobka adduunka sanadkii 1994-tii.
storvideo: 

Daawo waraysi: Wixi Kala Qabsaday Xoghayihii Guud ee...

0
0

Daawo waraysi: Wixi Kala Qabsaday Xoghayihii Guud ee hore ee Wadani iyo Wariye Fadhfadhle Universal Oo Aad u adkaa Gacan Ka hadalna isu badali gaadhay
[embedded content]
storvideo: 

Nin markii u horreysay loo tallaalay xubinka taranka iyo dahaadhka xiniinyaha

0
0

Dhakhaatiir Maraykan ah ayaa markii ugu horraysay si buuxda ugu guulaystay in ay nin ku tallaalaan xubinka taranka iyo dahaadhka xiniinyaha oo uu ku tabarucay qof dhintay.

Daawo: Maareeyihii hore ee Haamaha Shidaalka Oo Siro...

0
0

Daawo: Maareeyihii hore ee Haamaha Shidaalka Oo Siro badan Kashifay Kana Waramayaa Sababta keenta Shidaalka wasakhaysan
[embedded content]
storvideo: 


Nin markii u horreysay loo tallaalay xubinka taranka...

0
0

Dhakhaatiir Maraykan ah ayaa markii ugu horraysay si buuxda ugu guulaystay in ay nin ku tallaalaan xubinka taranka iyo dahaadhka xiniinyaha oo uu ku tabarucay qof dhintay.
Dhakhaatiir ka socota jaamacadda Hopkins University ee ku taalla magaalada Baltimore ee dalka Maraykanka ayaa fuliyay qaliinka lagu sameeyay askariga Maraykanka ah oo ku dhaawacmay bam ku qarxay isaga oo Afghanistan ku sugan.
Waxay isticmaaleen xubinta taranka iyo dahaadhka xiniinyaha iyo qaybo uurkujirta ka mid ah oo uu ku deeqay qof dhintay.
Waxay sheegeen in ay askariga u suuragali doonto in uu dareenkiisii soo noqdo oo galmo sameeyo, horay macquul uma ahayn in xubin taran oo la tallaalay galmo lagu sameeyo.
Kooxdan oo 11 dhakhtar ka kooban ayaa xubinka taranka tallaalay 26 bishii Maarso waxayna ku qaadatay 14 saacadood.
Waa markii koobaad ee qaliin noocan ah lagu sameeyo askari dagaal ku dhaawacmay, waana markii koobaad ee la tallaalo xubnaha taranka iyo kuwa kale ee ku xeeran ee uurkujirta oo wada socda.
Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in aysan isticmaalin xiniinyihii qofka dhintay ee xubnihiisa ku deeqay iyaga oo xeerinaya dhanka anshaxa.
"Inkastoo ay muuqdaan dhaawacyada waawayn ee jirka kala gooya maadaama ay curyaanimo keenaan, haddana dhaawacyada dagaallada ka dhasha qaarkood way qarsoon yihiin saamayn wayn ayayna leeyihiin, balse dad badan kama garaabaan," ayuu yiri Dr WP Andrew Lee oo madax ka ah qaybta qalliinnada noocan ah.
Dr Lee ayaa intaas ku daray in dhaawacyad xubnaha taranka soo gaara "xilliyada dagaalka ay yihiin kuwo aan laga hadlin".
Dr Rick Redett ayaa isna sheegay in bukaanku uu hadda soo kabanayo isbitaalkana laga saari doono toddobaadkan.
Askariga oo doonaya in aan magaciisa la shaacinin ayaa sheegay "in markii u horraysay ee uu toosay uu dareemay in uu caadi yahay, hadda caadi ayaan ahay."
"Rajadanadu waa in tallaalkan uu sare u qaadi doono in uu si caadi ah u kaajo, dareenkii shahwadana uu u soo laabto, ayuu yiri Dr Redett, waxayna rajaynayaan in ay dadkale oo ay ku haboon tahay u sameeyaan.
Kooxda qalliinkan samaysay ayaa sheegtay in jaamacaddu ay meelmarisay in ay samayso 60 qalliin oo noocan oo kale ah oo barnaamijkan qayb ka ah.
Dhakhaatiir reer Koonfur Afrika ah ayaa 2014kii markii ugu horraysay ku guulaystay in ay tallaalaan xubinka taranka ee ragga.
storvideo: 

Somali Parliament registers candidates for the speaker election

0
0

The interim parliamentary electoral committee is registering for the second consecutive day the candidates vying for the seat of the house’s speaker.
Five candidates, including former speaker Sheikh Aden Madobe and the minister of water and Energy Salim Aliyow Ibrow, were registered on Monday ahead of the election on 30th April.
The organizing committee of the election said in a statement on Sunday that any candidate from the cabinet who is standing for the speaker should resign before his registration day.
The vote came after the former speaker of Somalia’s parliament Mohamed Sheikh Osman Jawaari has resigned warly this month after few weeks of political standoff among the MPs.

The post Somali Parliament registers candidates for the speaker election appeared first on Shabelle.

Shirkii Sannadlaha ahaa ee Mashruuca tayaynta...

0
0

Shirkii sannadlaha ahaa mashruuca tayaynta iyo shaqo qorista ee uu baanka adduunku ka caawinayo dawladda Puntland ee Capacity Injection Project (CIP) ayaa maanta ka furmay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.
Shirka ayaa waxaa shir guddoominayey Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Cabdinaasir Biixi Soof, waxaana goob joog ka ahaa Mr Alex oo ah Madaxa Mashruuca CIP ee Soomaaliya iyo dhammaan Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha iyo hay'adaha ka faa'iideysanaya Mashruuca.
Shirka waxaa looga hadlayey waxyaabihii u qabsoomay Mashruuca sannadkii tegey ee 2017-ka, waxyaabihii aan qabsoomin iyo sababta ay u qabsoomi waayeen, sidoo kale waxaa shirka looga hadlay qorsheyaasha sannadkaan 2018-ka u qorshaysan in la fuliyo.
Waxyaabaha la taaban karo ee ka mid ah guulaha la gaarey sannadkii 2017-ka ayaa waxaa kamid ah Hirgelinta Mac-hadka dawliga ah ee maamulka iyo maaraynta ee IPAM oo markii ugu horreysey taariikhda laga hirgeliyey Puntland, Tababaradii kala duwanaa ee loo qabtay shaqaalaha dawladda, Heshiisyo uu mashruucu fududeeyey oo dawladdu la gashay Kenya, Tanzania iyo Itoobiya kuwaas oo la xiriira tayaynta shaqaalah, Higelinta tobaneeyo siyaasadood oo loo dejiyey hay'adaha kala duwan ee dawladda, Tirokoobka shaqaalaha dawladdaiyo Gaadiid la gudoonsiiyey xarumaha dawladda si loo dardargeliyo shaqada xarumaha dawladda.
Mashruuca tayaynta oo saddex sano ka shaqaynayey Puntland ayaa laga gaarey guulo la taaban karo oo gundhig u noqday tayaynta hay'adaha dawladda taas oo ah iyo kor u qaadista tayada shaqaalaha dawladda taas oo qayb ka ahayd ballaan qaadkii Madaxweynaha dawladda Puntland ee ahaa Tayaynta iyo tiro koobka shaqaalaha dawladda.
The post Shirkii Sannadlaha ahaa ee Mashruuca tayaynta shaqaalaha Puntland oo Garoowe Ka furmay appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Somali Parliament registers candidates for the...

0
0

The interim parliamentary electoral committee is registering for the second consecutive day the candidates vying for the seat of the house's speaker.
Five candidates, including former speaker Sheikh Aden Madobe and the minister of water and Energy Salim Aliyow Ibrow, were registered on Monday ahead of the election on 30th April.
The organizing committee of the election said in a statement on Sunday that any candidate from the cabinet who is standing for the speaker should resign before his registration day.
The vote came after the former speaker of Somalia's parliament Mohamed Sheikh Osman Jawaari has resigned warly this month after few weeks of political standoff among the MPs.
storvideo: 

Roob ka Da'ay Kenya oo Sababay Geerida Dad Badan

0
0

Roob ma hiigaan ah oo ka da'ayay toddobaadyaddii la soo dhaafay dalka Kenya, ayaa lagu soo waramayaa inay meelo kala duwan ay ugu dhinteen illaa dad ku dhow boqol qof. Roobka oo daadad soo rogay ayaa kumannaan qof oo kale ay ku barakaceen.
Meelaha uu roobku saameeyay waxaa ka mid ah gobolka Woqooyi Bari Kenya, oo la sheegay inuu ka go'doomay Kenya inteeda kale.
Wariyaha VOA, Maxamed Faarax Shire, ayaa warbixintan soo diray.
storvideo: 

Hargeysa: Imtixaanaadka Dugsiyada iyo Dadka Aan...

0
0

Somaliland waxa ka socda diyaarinta imtixaannaadka dugsiyada waxbarashada. Dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee laxaadkoodu uu dhiman yahay, waxay ka mid yihiin ardayda u fadhiisanaya imtixaanaadkan, waana sannadkii ugu horraysay ee ay si rasmi ah u helaan imtixaan u gaar ah iyaga.
Weriyaha VOA, Barkhad Maxamuud Kaariye, ayaa arrimahaas iyo xaaladahooda waxbarashoba ka waraystay, Cabdishakuur Maxamed Cabdi, oo ah agaasimaha waaxda dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee wasaaradda waxbarashada, waxaanu ugu horrayn waydiiyay halka diyaargarowga imtixaannadu marayaan.
storvideo: 

Galka Baarista: Heshiiska W.Gaashandhigga iyo...

0
0

[unable to retrieve full-text content]Ku soo dhawaada barnaamijkii Galka Baarista oo ku saabsan heshiis ay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya la gashay shirkad gaar ah oo fadhigeedu yahay dalka Imaaraadka Carabta.
storvideo: 


C/raxmaan C/shakuur ” Aniga iyo Farmaajo Waxaan...

0
0

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa faahfaahin ka bixiyay kulan uu maanta ka qeyb gali lahaa Magaalada Nairobi oo ay joojisay dowladda Kenya.
Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa ah guddoomiyaha Xisbiga Wadajir, waxaana lagu waday in Xafladda la qabto 1: 00 Duhurnimo ee maanta kana dhici laheyd Fagaaraha Sir Cali Muslim Club oo ku yaalla Magalada Nairobi ee dalka Kenya.
Waxaa uu sheegay in dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay ka dambeysay in kulankaasi oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed in la joojiyo.
"Waxaan uga tacsiyeynayaa jaaliyada Soomaaliyeed ee Kenya iyo taageerayashayda baaqashada ku timid kulankii soo dhowaynta ahaa ee maanta Nairobi ka dhici laaha" ayuu yiri Siyaasiga
Waxaa uu intaa ku daray hadalkiisa" Waxaa wax laga xumaado ah in maamulka Madaxweyne Farmaajo uu shaqo ka dhigtay bartilmaamsiga dadka ka aragtida duwan, gaar ahaan Xisbiga Wadajir. Waxaa xusuus mudan in aniga iyo Farmaajo sanad ka hor aan Nairobi ku qaban jirnay kulamo iyo olole siyaasadeed oo ka dhan ah maamulkii Madaxweyne Xasan Sheekh"
storvideo: 

Kenya oo Joojisay Xaflad lagu Taageerayay C/raxmaan...

0
0

Nairobi (PP) - Dowladda Kenya ayaa maanta joojisay xaflad lagu soo dhaweyn lahaa C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta kasoo horjeeda Dowladda Somalia, joojinta xafladda kaddib ayuu isagana ka hadlay.
Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in sababta loo joojiyay xafladdan ay ahayd inaanay ogoleyn in Dowladda Somalia laga mucaarado gudaha dalka Kenya.
"Innagu ma doonayno in Dowladda Somalia laga mucaarado gudaha dalkan; mana jiro codsi nooga yimid dowladda Somalia ee sharcigeenna ayaan taas ogoleyn," ayuu yiri Aadan Barre oo ah ninka Soomaaliga ah ee ugu awoodda badan dalka Kenya.
Intaas kaddib, ayaa isagana hadlay C/raxmaan C/shakuur Warsame, isagoo sheegay inuu aad uga xun yahay hab-dhaqanka Dowladda Farmaajo ee ah in ay bartimaameedsato siyaasiyiinta ka aragtida duwan, wuxuuna rally-gelin u diray Jaaliyadda Soomaaliyeed ee xafladda kasoo qayb-geli lahaa.
"Waxaan ka raalli-gelinayaa shacabka Soomaaliyeed ee Kenya ku nool iyo taageerayashayda baaqashada kulankii soo dhowaynta ahaa ee Nairobi ka dhici lahaa maanta. Waxaa wax laga xumaado ah in maamulka Madaxweyne Farmaajo uu shaqo ka dhigtay bar-tilmaameedsiga siyaasiyiinta ka aragtida duwan, gaar ahaan Xisbiga Wadajir," ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.
Dhanka kale, wuxuu sheegay in isaga iyo Farmaajo ay sannad ka hor xaflad ay ku mucaaradayaan Dowladdii Xasan Sheekh ay ku qabteen Nairobi oo loo diiday maanta inuu xaflad taageero ah ku qabsado.
"Waxaa xusuus mudan in aniga iyo madaxweyne Farmaajo sanad ka hor aan magaalada Nairobi ku qaban jirnay kulamo iyo olole siyaasadeed oo ka dhan ah maamulkii Madaxweyne Xasan Sheekh," ayuu si kooban u yiri Warsame.
Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysaa iyadoo dhawaan laga qaaday siyaasigan xayiraad dhanka duullimaadka ah oo lagu soo rogay, taas oo ka dhalatay weerarkii lagu qaaday gurigiisa.PUNTLAND POST
The post Kenya oo Joojisay Xaflad lagu Taageerayay C/raxmaan C/shakuur iyo isagoo ka Hadlay appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Dowladda oo soo bandhigtay xubin ka tirsan Daacish 

0
0


Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta Magaalada Muqdisho kusoo bandhigay xubin la sheegay in uu ka tirsanaan jiray Al-Shabaab haddana uu ka mid yahay Kooxda Daacish.
Ciidamada Booliska ay waxa ay sheegeen in gacanta lagu soo dhigay Jaamac Xuseen Xasan oo lagu eedeynayo in uu horay uga tirsanaa Al-Shabaab.
Waxa ay sidoo kale sheegeen in gacanta lagu soo dhigay xilli uu ku howlanaa aaska Miino dhulka la galiyo.
Eedeysanaha oo Warbaahinta la hadlay sheegay in uu ka tirsan yahay Kooxda Daacish horayna uu uga tirsanaa Al-Shabaab.
storvideo: 

Dhul gariir xoogan oo ka dhacay dalka Turkiga

0
0


39 Qof ayaa ku dhaawacantay Dhul gariir cabbirkiisu ahaa 5.1 magnitude (qiyaasta dhul gariirrada) oo ka dhacay Dalka Turkiga.
Dhul gariirkan oo ka dhacay Degmada Samsat, Gobolka Adiyaman ee dhacda Koofur Bari Waddanka Turkiga ayaa ku dhuftay halkaasi Saacaddu markay ahayd 3.34 a.m, xilliga Dalkaasi, isagoo ruxay masaafo gaaraysa 7 KM ( 4 Mile ), sida laga soo xigtay hay'adda Maareynta Musiibooyinka iyo Gurmadka deg-degga ah ee Turkiga oo loo yaqaan AFAD .
Wasiirka Caafimaadka Dalka Turkiga , Ahmet Demircan ayaa sheegay in guud ahaan 39 qof ay ku dhaawacmeen dhulgariirka, wuxuuna intaa raaciyay in 4 Qof oo kaliya haatan laga saaray, halka 35- ka kalana weli la baxnaaninayo xaaladdooda Caafimaad.
storvideo: 

Ciidammo la Wareegay Xeradii Imaaraadku uu ciidamada...

0
0

Muqdisho (PP) - Xerada Jen. Gordan ee Muqdisho oo shalay ciidammo ka ka tirsan Dowladda Somalia ay ku dagaalameen ayaa maanta lagu arkayay ciidammo kumaandoos ah xeradaas ku sugan.
Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamada xoogga dalka lagu wareejiyay Xerada Jen. Gordan ee Dowladda Imaaraadka ay ku tababbari jireen Ciidamada Somalia.
"Ciidamada Danab oo laga keenay gobolka Shabeellada Hoose ayaa xerada lagu wareejiyay, wixii hadda ka dambeeyanaiyaga ayaa maamuli doona," ayuu yiri sarkaalka la hadlay Warbaahinta Muqdisho.
Sidoo kale, Arrintan ayaa waxay ka dambeysay markii shalay iska-hor-imaad uu ka dhacay Xeradaas, iyadoo Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay sheegeen in iska hor-imaadkaasi ay ka dambeeyeen askar rabtay inay qaataan saanad ciidan.
Fiidnimadii xalay ayaa lagu wareejiyay ciidamada Danab Xeradaas, Waxaana halkaasi lagu arkaayay gaadiidka Gaashaaman ee ciidankan ay wataan, taas oo cabsi gelisay shacabka ku nool hareeraha xeradaas.
Dhanka kale, Ciidamadii uu tababaray Imaaraadka ee xeradan joogay, ayaa noqday kuwo la xiray iyo kuwa kala cararay, kaddib dagaalkii shalay xeradaa ku dhexmaray iyaga iyo ciidammo ka tirsan kuwa millateriga Soomaaliya.
Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka, Jen. C/weli Jaamac Gorod ayaa sheegay in lasoo xiray tiro askar ah oo isku dayday inay saanad millateri kala baxaan xeradaas.
Ugu dmabeyn, Madaxda ugu sareysa dalka ayaa si weyn uga carooday falkii shalay ka dhacay xerada Jen. Gordan oo maalmo ka hor saraakiisha dowlada imaaraadka carabta ay ku wareejiyeen taliska Ciidamada Xoogga Somalia.PUNTLAND POST
The post Ciidammo la Wareegay Xeradii Imaaraadku uu ciidamada ku tababari jiray ee Jen. Gordan appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live