Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Galmudug oo ku baaqday in loo gurmado Shacabka...

0
0

Dhuuamareeb ( Sh.M.Network):-Kadib Shir Jara'id oo uu ku qabtay Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa looga hadlay Fatahaada uu ka sameeyay Webiga Shabelle Magaalada Baladweyne.
Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa ku baaqay in loo gar gaaro Shacabka ku nool Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan kuwaas oo uu xusay in iminka ay la daalaa dhacayaan xaalado adag oo Dhanka nolosha ah.
Waxaana uu ugu baaqay dowladda Federaalka , Maamul Goboleedyada iyo Beesha Caalamka in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu gurmado dadkaasi ku tabaaloobay Fatahaada Webiga Shabelle.
Hadalka Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa ku soo beegmaya xilli Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan uu ku soo fatahay Webiga Shabelle.
storvideo: 


Guddigii loo igmaday gurmadka Dadka ay saameeyeen Fatahaadaha oo maanta ku wajahan Baladweyne

0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network):-Kadib markii Shalay lagu dhawaaqay guddi ka kooban 12 Xubnood oo u kuur galaya xaaladda Fatahaadaha ay sameeyen Webiyada Shabelle iyo Jubba ayaa maanta lagu wadaa in guddigaasi ay booqdaan Magaalada Baladweyne.
Xubanahaan oo matalaya dowladda Federaalka Soomaaliya ayna ku jiraan  Bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa u kuur gali doona xaaladda adag ee ka taagan Gobolka Hiiraan iyo weliba sida ugu sahlan ee loogu gurman karo Shacabka ku dhibaateysan Magaalada Baladweyne.
Guddigaan ayaa waxaa shalay Magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyadoo loo igmaday in sida ugu dhaqsiyaha badan ugu gurmadaan shacabka ku dhibaateysan deegaanada ay Wabiyadaasi Fatahaaduhu ka sameeyeen.
Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka hadlayay dhibaatooyinka ay geysanayaan fatahaadaha Webiyada Shabelle iyo Jubba ayaa hoosta ka xariiqay in Shacabka Soomaaliyeed looga bartay in iyagu isku gurmadaan islamarkaana aan lagu tashan gacmo Shisheeye.
The post Guddigii loo igmaday gurmadka Dadka ay saameeyeen Fatahaadaha oo maanta ku wajahan Baladweyne appeared first on Shabelle.

Guddigii loo igmaday gurmadka Dadka ay saameeyeen...

0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network):-Kadib markii Shalay lagu dhawaaqay guddi ka kooban 12 Xubnood oo u kuur galaya xaaladda Fatahaadaha ay sameeyen Webiyada Shabelle iyo Jubba ayaa maanta lagu wadaa in guddigaasi ay booqdaan Magaalada Baladweyne.
Xubanahaan oo matalaya dowladda Federaalka Soomaaliya ayna ku jiraan Bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa u kuur gali doona xaaladda adag ee ka taagan Gobolka Hiiraan iyo weliba sida ugu sahlan ee loogu gurman karo Shacabka ku dhibaateysan Magaalada Baladweyne.
Guddigaan ayaa waxaa shalay Magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyadoo loo igmaday in sida ugu dhaqsiyaha badan ugu gurmadaan shacabka ku dhibaateysan deegaanada ay Wabiyadaasi Fatahaaduhu ka sameeyeen.
Dhinaca kale Ra'iisul Wasaare Kheyre oo ka hadlayay dhibaatooyinka ay geysanayaan fatahaadaha Webiyada Shabelle iyo Jubba ayaa hoosta ka xariiqay in Shacabka Soomaaliyeed looga bartay in iyagu isku gurmadaan islamarkaana aan lagu tashan gacmo Shisheeye.
storvideo: 

Guddiga doorashada Guddoonka Baarlamaanka oo beeniyay in Beesha Caalamka u diideen doorashadaasi.

0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network):-Iyadoo maalinta berri ah lagu wado in la qabto doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Guddiga doorashadaasi waxa ay beeniyeen warar la isla dhexmarayay oo ku aadan in Xubno beesha Caalamka ka socda oo codsaday in Kor joogto ka noqdaan doorashadaasi u diideen.
Guddoomiyaha Guddiga doorashada Guddoonka Baarlamaanka Xildhibaan Nuur Iidow Beyle oo u warramayay Idaacadda Shabelle ayaa gaashaanka u daruuray warkaasi.
Waxaana uu hoosta ka xariiqay in aanu jirin xubno ka socda beesha Caalamka oo dalabkaas u soo gudbistay ee iyaguna ay ku gacanseereen.
Maalinta berri ah oo ku asteysan 30 Bisha April 2018 ayaa lagu wadaa in Xarunta Golaha Shacabka lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
The post Guddiga doorashada Guddoonka Baarlamaanka oo beeniyay in Beesha Caalamka u diideen doorashadaasi. appeared first on Shabelle.

Guddiga doorashada Guddoonka Baarlamaanka oo...

0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network):-Iyadoo maalinta berri ah lagu wado in la qabto doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Guddiga doorashadaasi waxa ay beeniyeen warar la isla dhexmarayay oo ku aadan in Xubno beesha Caalamka ka socda oo codsaday in Kor joogto ka noqdaan doorashadaasi u diideen.
Guddoomiyaha Guddiga doorashada Guddoonka Baarlamaanka Xildhibaan Nuur Iidow Beyle oo u warramayay Idaacadda Shabelle ayaa gaashaanka u daruuray warkaasi.
Waxaana uu hoosta ka xariiqay in aanu jirin xubno ka socda beesha Caalamka oo dalabkaas u soo gudbistay ee iyaguna ay ku gacanseereen.
Maalinta berri ah oo ku asteysan 30 Bisha April 2018 ayaa lagu wadaa in Xarunta Golaha Shacabka lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
storvideo: 

Wufuud Bujumbura u Tagay ka Qayb-galka Cayaarta...

0
0

Muqdisho (PP) - Wafdi ka socda Dowladda Somalia ayaa gaaray xarunta dalka Burundi ee Bujumbura, si ay uga qayb-galaan daawashada cayaarta kama-dambeysta ah [FINAL] ee maanta ku dhex-mari doonta Bujumbura xulka Qaranka 17-jirrada Somalia iyo dhiggooda Tanzania.
Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo wafdi uu horkacayo ayaa saaka u dhoofay Bujumbura, si ay cayaartoyda Qaranka Soomaaliya gu dhiiri-geliyaan inay guulo kasoo hoyaan tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika.
Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo lagu waday inuu u ambabaxo Bujumbura ayaa ka baaqday, sida ay sheegayaan ilo ku dhaw-dhaw madaxtooyada, Waxaana Xukuumaddu ay dirtay wafdi uu hoggaaminayo Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka.
Dadweyne Soomaaliyeed oo ka kala yimid dalka dibadiisa ayaa ku qulqulaya magaalada Bujumbura, si ay taageero ugu muujiyaan ciyaartoyda 17-jirrada ee cayaarta kama-dambeysta ah kula ballansan xulka Tanzania.
Wufuudda gaartay Magaalada Bujumbura waxaa ka mid ah Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Taabit Cabdi Maxamed oo iskiis isku xil-qaamay si uu u taageero xulka 17-jirrada Somalia.
Ugu dambeyn, Shacabka Soomaaliyeed ayaa rajeynaya in cayaartoyda 17-jirada ee xulka Qaranka Somalia ay ku guuleystaan koobkan, isla markaana ay Muqdisho keenaan iyagoo wada koobka.PUNTLAND POST
The post Wufuud Bujumbura u Tagay ka Qayb-galka Cayaarta Finalka ee Soomaaliya iyo Tanzania appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Kumannaan qof oo ka qaxay colaad ka soo cusboonaatay dalka Myanmar

0
0

Kumannaan qof ayaa waxa ay isaga carareen dagaalo soo cusboonaaday oo u dhaxeeya milateriga Myanmar iyo fallaagada qowmiyadda Kachin, kuwaas oo ay dirir ku dhexmarayso gobolka waqooyiga ee dalkaasi.

Qarax Gaari oo Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0
0

Inta la xaqiijiyay Taliye ku-xigeenka degmada Waaberi C/qaadir Maxamed Cali iyo Askari ilaaladiisa ah ayaa ku dhaawacmay kadib qarax gaari lagu xirey oo ka dhacay Degmadda Waabari.
Qaraxaan ayaa ka dhacay Waaxda October ee degmada Waaberi gaar ahaan aagga Xarunta UNICEF,waxaana lagu xirey gaari noociisa uu ahaa PREMIO oo la sheegay in uu lahaa mid ah shaqaalaha Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda.
Inta uusan qaraxa dhicin waxaa xirey aaga uu yaalay gaariga Ciidamada Booliska Degmadda Waabari, waxaana la sheegay in gaariga uu kaligiisa qarxay.
Mudooyinkii dambe waxaa magaalada muqdisho kusoo badanayay qaraxyadda lagu xiro gawaarida ay wateen mas'uuliyiinta dowladda Soomaliya.
storvideo: 


Kumannaan qof oo ka qaxay colaad ka soo cusboonaatay...

0
0

Kumannaan qof ayaa waxa ay isaga carareen dagaalo soo cusboonaaday oo u dhaxeeya milateriga Myanmar iyo fallaagada qowmiyadda Kachin, kuwaas oo ay dirir ku dhexmarayso gobolka waqooyiga ee dalkaasi.
Qiyaastii 4,000 oo qof ayaa tan iyo bilowgii bishan Abriil waxaa ay ka qaxeen guryahooda, sida ay Qaramada Midoobay sheegayso.
Arrintan ayaa imanaysa kaddib markii ay cirka isku shareertay colaad muddo dheer soo jirtay oo u dhaxeysay Ururka Xornima-doonka Kachin (KIO) iyo ciidammada dowladda.
Milateriga Myanmar ayaa la sheegayaa inuu fallaagada ku baacsanayo duqeymo dhanka cirka ah iyo madaafiicda dhulka.
Xilli kumannaan qof ay halkaasi ku barakaceen, ayaa waxaa laga cabsi qabaa in badan ay ku go'doonsan yihiin goobaha ay qulqulatada ka taagan tahay, ee u dhaw xadka Shiinaha.
Hay'adaha gargaarka ayaa waxa ay ugu baaqeen dowladda inay u ogolaato inay halkaasi galaangal u yeeshaan.
"Walaaca ugu weyn ee aannu qabnaa ayaa ah badqabka dadka rayidka ah - oo ay ka midka yihiin haweenka xaamilka ah, kuwa da'da ah, carruurta yaryar iyo dadka qaba baahiyaha gaarka ah. Ayuu Mark Cutts, Madaxa xafiiska Qaramada Midoobay ee UNOCHA, u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.
"Waa inaannu xaqiijinnaa in dadkaasi ammaankooda la dhowrnaa." Ayuu Catts sii raaciyay.
storvideo: 

Sawirro: Taabit Cabdi oo 5 kun oo dollar ugu deeqay...

0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana duqii Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa xulka qaranka ee 17 jirada ugu deeqay lacag.
Thaabit Cabdi Maxamed ayaa xulka Qaranka ee 17 jirada ee Maanta ciyaarayo Finaalka Koobka Bariga iyo bartaha Africa ugu deeqay ilaa 5 Kun oo Dollar.
Guddoomiyihii hore ayaa lacagtaas ku wareejiyey guddiga Caawin Qaran oo ay ku dhawaaqeen Wariyayaasha Magaalada Muqdisho si loo garab istaago xulkeena Qaranka Soomaaliya ee soo hooyey guushaan weyn.
Taabit ayaa lacagtaas usoo wakiishay Cabdulaahi Cismaan Faarax oo ka tirsan guddiga #CaawinQaran, waxaana lacagtaas lagu wareejiyay guddiga.
Sidoo kale Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana duqii Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed oo ku sugan dalka Burundi ayaa Maanta waxa uu qado Sharaf u sameeyey Ciyaartoyda xulka 17-jirada dalkeena Soomaaliya.
Taabit oo goobjoog ka ah Ciyaarta xulka Qaranka Soomaliya ay la leeyihiin dhigooda dalka Tanzania,isaga oo horay u sheegay in dadka Soomaaliyeed laga doonayo in ay taageeraan Ciyaartoyda Soomaaliyeed e tartanka uga qeyb galaya Wadanka Burundi.
Haddaba halkaan hoose ka daawo sawirada Thaabit oo Maanta qado sharaf u sameeyey xiddigaha xulka Qaranka:
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Masar oo ka walaacsan joogitaanka Turkiga iyo Qatar...

0
0

Muqdisho (Caasimadda Online) - Xisbiyada siyaasadeed ee dalka Masar ayaa waalac xoogan ka muujiyay xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Imaaradka Carabta waxaana xukuumadda Qaahira ay ka dalbadeen in ay dadaal ku bixiso sidii looga gudbi lahaa khatar dhanka amaanka ah oo gobalka soo food saarta.
Xeer dheerayaal Masaari ah ayaa sidoo kale sheegay in ay ka warqabaan xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya waxaana ay carabka ku dhufteen in Qatar iyo Turkiga ay ay lug ku leeyihiin, iyagoo sheegay in Masar aysan xuduud la wadaagin Soomaaliya, laakiin ay ku dherirsantahay Marinka Muhiimka ah ee gacanka Carbeed oo sii maraya Badda cas oo dhanka Yeman looga sii gudbi karo.
" Soomaaliya waxeey muhiim u tahay amaanka dalka Masar iyo wadamada Carabta gaar ahaan Gacanka Carabta" sidaasi waxaa yiri Gudoomiyaha Xisbiga Liberka ee dalka Masar Nagui al-Shehabi, waxa uuna intaasi ku daray in Masar aysan ka aamusnaan Karin awoodaha gobalka isku haya si xaaladda loo dejiyo.
Qatar Iyo Turkiga ayeey ku eedeeyeen Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka Masar in ay huriyeen khilaafka siyaasadeed ee ka dhex taagan Muqdisho iyo Abu Dhabi, waxaana ay sheegeen xasilooni darrada Soomaaliya in khatar gelin karto gacanka Baab Al-manda, kanaalka Suweys ee dalka Masar iyo Badda Cas.
" Amaanka Soomaaliya wuxuu saameyn toos ah ku leeyahay nabadgalyada Masar, waqooyiga Africa iyo gacanka carbeed" sida uu Nagui al-Shehabi u sheegay Wargeyska Arab Weekly isagoo intaas ku daray in dalkiisu uusa ka baaqsan doonin inuu qeyb ka qaato nabadgalyada ugu jirta gacmaha dalalka kale.
"Masar waxeysan ugu maarmi Karin in ay khifaaka Soomaaliya soo farageliso waa ururka Ikhwaanul Muslimiin oo laga mamnuucay Masar waxaana Qaahira ay ka soo horjeedaa in dal kale uu ka dhismo waana danaha ay leedahay dowladda Masar, sidaasi waxaa yiri Masaari falanqeeye siyaasadda.
Masar ayaa sidoo kale dareen feejignaan ah kaga jirta Howlgalada Qatar Iyo Turkiga ee geeska Qaaradda Africa iyo koofurta badda cas waxaana ay sheegtay in saameyn ku yeelan karto dhaqdhaqaaqa argagaixsada Gobalka ee Masar wado.
Bartamihii bishan April Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo kan Masar Cabdifitax Al-Ssisi ayaa ku wada hadlay Khadka Telefoonka waxaana ay ka wada hadleen xeriirka labada dal iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixsada.
" Faragelinta Soomaaliya lagu hayo waa mid lagu wiiqayo dalka, ugu dambeyna waxeey saameyn amaan ku yeelan doontaa dalalka Carbeed" Tarek Fahmi oo ah Professor wax ka dhigo Jaamacada Qaahira ayaa sidan u sheegay Wargeyska Arab Weekly isagoo ugu baaqay dalalka Masar, Baxreyn, Sacuudiga iyo Imaaradka in ay arintan farageliyaan si ay u ilaashadaan Amaankooda.W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)Abdiazizh99@gmail.comXigasho: The Arab Weekly
storvideo: 

Kim Jong Un: Waa la Xirayaa Xarumaha Nukliyeerka

0
0

Hoggaamiyaha Kuuriyda Woqooyi Kim Jon Un ayaa wacad ku maray inuu xirayo xarunta hubka nukliyerka ee dalkiisa bisha May oo uuna hanaankaasi u furan yahay khubarada iyo wariyayaasha kuuriyda Koofureed iyo Maraykanka, sidaasna waxaa lagu sheegay hadal ka soo baxay xafiiska madaxtooyada ee kuuriyada koofureed.Kim ayaa hadalkan sheegay intii uu socday kulan isaga iyo hoggaamiyaha kuuriyda koofureed Moon Joe maalintii Jimcaha ku dhex maray magaalada Seol, halkaas oo uu kaga hadlay rajada wanaagsan ee uu ka qabo kulanka la filayo in dhowaan uu dhex mar Kim Jon Un iyo madaxweynaha maraykanka Donald Trump. Isagoo sheegay in madaxweynaha Maraykanka uu baran doono "inuusan ahayn nin" gantaalo ku ridaya maraykan.Moon iyo Kim ayaa intii uu socday kulankooda waxa ay ballan qaadeen in ay si wada jir ah uga wada shaqeyn doonaan dhameystirka in gacanka Kuuriya laga dhigo mid militariga ka caaggan
storvideo: 

Xulkeenna Soomaaliya oo soo bandhigay Ciyaar aad u...

0
0

Ciyaarta oo ahayd mid aad u xiisa badneyd una dhaxeysay Xulalka 17-jirada ee Soomaaliya iyo Tanzaaniya ayaa goordhow ku soo idlaatay magaalada Bujunbura ee dalka Burundi,waxaana 2-0 guusha ay ku raacday Xulka dalka Tanzaania. Ciyaarta waxa ay qeybtii hore ku bilaabatay weerar iyo weerar celis oo ay Soomaaliya ku gacan sarreysay,Daqiiqadihii hore waxaa da'ay Roob [...]
storvideo: 

Xulka Somalia ee 17-jirka ka yar oo Galabta looga...

0
0

Muqdisho (PP) - Xulka Somalia ee da'adoodu ka yar tahay 17-jirka ayaa galabta looga badiyay cayaartii kama dambeysta ahayd ee ay la yeesheen dhiggooda dalka Tanzania.
Cayaartan oo ka dhacaysay caasimadda dalka Burundi ee Bujumbuara ayaa looga adkaaday Somalia 2-0, inkastoo cayaartoyada Somalia ay sameeyeen isku dayo badan oo gool loo filan karay.
Goolka koowaad ayaa waxaa laga dhaliyay xulka Somalia qaybtii hore ee cayaarta, halka goolka labaadna laga dhaliyay qaybtii dambe ee cayaarta, taasoo si weyn uga careysiisay taageerayaasha xulka Soomaaliya.
Wafdi ka socday Dowladda Somalia ayaa cayaartan ka qayb-galay, kuwaas oo uu hoggaaminayay Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Somalia, Mahdi Guuleed, iyadoo sidoo kalena uu goobjoog ahaa Duqii Hore ee Muqdisho Thabid Cabdi Maxamed.
Xulka Somalia oo dadaal badan iyo cayaar wanaag muujiyay ayaa waxaa ka hiilyay waqtiga, inkastoo ay dhawr jeer isku dayeen inay shabaqa kooxda ay la cayaarayeen kubadda taabsiiyaan, balse uma suuro-gelin.
Dhanka kale, Waxaa jiray gool uu xulka kubadda cagta Somalia dhaliyay, kaasoo la sheegay inuu ahaa mid khalad ah, isla waxaana taasi ay si weyn uga careysiisay xulka Somalia oo ku dooday in goolku sax ahaa.
Ugu dambeyn, Xulka Somalia ayaa wuxuu galayaa kaalinta labaad ee cayaarihii Koobka bariga iyo bartamaha Afrika, waana markii ugu horreysay oo uu heerkaan yimaado xulka kubadda cagta Somalia ee da'doodu ka yar tahay 17-jirka.PUNTLAND POST
The post Xulka Somalia ee 17-jirka ka yar oo Galabta looga adkaaday Cayaartii Fiinaal-ka ahayd appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Dugsiyada Turkiga ee qeybta ka ah isdhexgalka qaxootiga Suuriya iyo Turkida

0
0

Xili malaayin qof oo ka soo barakacay colaadda dalka Suuriya ay soo gaarayaan dalka Turkiga ayaa dugsiyada waxbarashada ee dalka Turkiga waxaa ay qeyb lixaad leh ka qaadanayaan sidii shacabka reer Suuriya ee qaxootiga ku ah Turkiga ay uga mid noqon lahaayeen bulshooyinka Turkiga.


 Soomaaliya oo Ku Guuldareysatay Finalka Tartanka BBA

0
0

Xulka Qaranka Soomaaliya ee da,doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa ku guuldarreystay inuu qaado koobka ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Africa ee loo soo gaabiyo CECAFA, kadib marki ciyaarti kama danbeysta aheyd ay 2-0 ku khasaareen dhigooda Tanzania.

Dugsiyada Turkiga ee qeybta ka ah isdhexgalka...

0
0

Xili malaayin qof oo ka soo barakacay colaadda dalka Suuriya ay soo gaarayaan dalka Turkiga ayaa dugsiyada waxbarashada ee dalka Turkiga waxaa ay qeyb lixaad leh ka qaadanayaan sidii shacabka reer Suuriya ee qaxootiga ku ah Turkiga ay uga mid noqon lahaayeen bulshooyinka Turkiga.
Kala bar ardayda wax ka barata iskool ku yaala Magaalada Gaziantep ee ku taala koonfurta bari ee dalkaasi ayaa ah kuwa ka soo jeeda dalka Suuriya, balse iyaga iyo Turkida midabkooda lama kala garto oo ardayda dhamaan waxaa ay ku hadlaan luuqada Turkish-ka.
" Aad ayaa u jeclahay iskoolkani, waxbaan bartaa, waxaana sidoo kale aan leeyahay saaxiibo Turki ah" waxaa sidaasi yiri gabar kamid ah ardayda reer Suuriya ee wax ka barta iskolkaasi.
Qaxooti gaaraya saddex milyan iyo bar oo ka soo qaxay collaada dalka Suuriya ayaa sanadihii dambe soo gaaray dalka Turkiga.
Qaar badan oo kamid ah qaxootigaasi ayaa waxaa ay doorbideen inay caruurtooda wax ka bartaan iskoola Suuriyaan ah oo wax lagu baro luuqadda carabiga, balse dowladda Turkiga ayaa waxaa ay hadda ahmiyadda siineysaa sidii qaxootiga Suuriya ay u dhex geli lahaayeen oo ay wax uga baran lahaayeen dugsiyada Turkiga.
Dedaaladan ayaa waxaa ay qeyb ka yihiin mashaariic dhowr ah oo dowladda Turkiga ay ku dooneyso in ku xoojiso isdhexgalka qaxootiga iyo shacabka dalka Turikiga.
Mashaaricdan oo ay maalgelinayaan midowga Yurub ayaa waxaa ku kacaya lacag dhan 365 milyan oo doolar.
Nidaamkan cusub ayaa waxaa sidoo kale ardayda qaxootiga lagu baraa luuqadda af Turkish-ka, si ay duruusta kale ula qataan ardada kale ee Turkida.
Iyadoo caruur badan ay waxyeelo dhanka maskaxda ah ka soo gaartay dagaalka Suuriya, ayaa hadana dhanka kale waxaa jira khubaro dhanka caafimaadka qaabilsan oo caruurta waxyeelada kasoo gaartay dagaalada ka caawinaya sidii maskaxdooda looga sifeyn lahaa dhibaatooyinkii ay ka dhaxleen collaada.
Mid kamid ah macallimiinta wax bara ardydaasi ayaa waxaa uu BBC-da u sheegay in qaar kamid ah caruurta reer Suuriya ee jooga Turkiga ay ooyaan marka ay maqlaan dhawaqa albaabka, waxaana uu intaa ku daray in sidookale marka caruurtaasi ay arkaan qiiqa diyaaradaha hawada maraya ay yirahdaan qarax baa dhacay ama duqeyn ayaa halkaasi ak dhacday.
Tan iyo intii ay dagaaladu ka bilowdeen dalka Suuriya, waxaa dalka Turkiga ku dhashay caruur reer Suuriya oo gaaraya saddex boqol oo kun, kuwaasi oo la rumeesanyahay in waalidkoodu ay doonayaan inay sii joogaan dalkaasi.
Waxaa sidoo kale sare u kacay caruurta qaxootiga ee wax ka barta dugsiyada Turkiga tan iyo intii la bilaabay mashruucani, waxaana ahmiyadda ugu weyn ee mashruucan la sheegay inay tahay sidii ardyada qaxootiga ay ugu biiri lahaayeen iskoolada.
Wasiirka waxbarashada ee dalka Turkiga oo ka hadlay mashruucani ayaa waxaa uu sheegay in muddo dhan saddex ilaa iyo afar sano ay qaadan karto in caruurta reer Suuriya oo dhan ay ku biiraan iskoolada.
storvideo: 

Puntland oo shacabkeeda ku amartay in aysan Xajka u...

0
0

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda,Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta dowladda Puntland,Saalax Xabiib Jaamac oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan Soonka iyo Xajka.
Mudane.Saalax Xabiib ayaa sheegay, in Wasaaraddiisu ay diyaar garow fiican ka samaysay, sidii shacab weynaha reer Puntland looga ilaalin lahaa, khilaaf ku salaysan dhalashada bisha barakaysan ee Ramadaan oo haatan maalmo kooban ka harsan yihiin. Wasiirka ayaa tilmaamay in ay dadaal ballaaran ugu jiraan in umadda reer Puntland ay si midaysan hal mar u soomaan,islamarkaana hal mar wada afuraan.
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda,Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta dowladda Puntland,Saalax Xabiib Jaamac ayaa sidoo kale sheegay, in dadaalkii Wasaaraddiisu gelisay arrimaha Soonka uu mira-dhal noqday,kadib markii inta badan guul laga gaaray khilaafaadka yimaada bilowga iyo dhammaadka bisha barakaysan ee Ramadaan oo awal la kala soomi jiray.
Dhinaca kale Wasiirka ayaa xukuumadihii Federaalka soo maray ku eedeeyay in ay musuq maasuq baahsan ka sameeyeen arrimaha Xajka, oo uu sheegay in ay laaluush ka qaadan jireen shirkadaha duullimaadyada ee lacagaha badan ku soo rogay Xujeyda Soomaaliyeed,isagoo Xukuumadda haatan ka jirta Muqdisho ugu baaqay in ay dhibatadaas wax ka qabato,maadaama ay horay u ballan qaadday la-dagaallanka musuq maasuqa dalka ragaadiyay.
"Waxaan leenahay,toban kun oo Soomaaliyeed ayaa xajka aadda oo ducaynaysa,dee maanta ducadaa qaata baan leenahay. Dowladdaan ha noqoto mid lagu baraaro. Umadda Soomaaliyeed waxay sugayaan in qiima u qalma loo keeno,adeeg u qalma loo keeno,loo dhimriyo loo dadaalo,si ka turjumaysa wakiillo u shaqeeya umadda Soomaaliyeed",ayuu yiri Wasir saalax Xabiib.
Wasiirka ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in dhammaan shirkadaha ka shaqeeya arrimaha Xajka ay iska soo diiwaan-geliyaan, Wasaaradda Caddaaladda,Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta dowladda Puntland,isagoo caddeeyay in Puntland aysan ka hawl-geli doonin shirkad aan ka diiwaan-geshaneyn wasaaradda.
Isagoo shirkiisa jaraa'id sii wata ayuu sidoo kale dadweynaha reer Puntland amar ku siiyay in aysan xajka u raaci Karin, shirkad aanay u fasixin Wasaaradda Caddaaladda dowladda Puntland"umadda reer Puntland waxaan leeyahay Wasaaraddu ciddii ay idiin soo fasaxdo inaad raacdaan baad raacaysaan",ayuu yiri Wasiir Saalax Xabiib Jaamac.
PUNTLAND POSTCabdiraxmaan Ciise
The post Puntland oo shacabkeeda ku amartay in aysan Xajka u raacin diyaarad aan dowladdu u fasixin. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

 Soomaaliya oo Ku Guuldareysatay Finalka Tartanka BBA

0
0

WASHINGTON. D.C --
Xulka Qaranka Soomaaliya ee da,doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa ku guuldarreystay inuu qaado koobka ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Africa ee loo soo gaabiyo CECAFA, kadib marki ciyaarti kama danbeysta aheyd ay 2-0 ku khasaareen dhigooda Tanzania.
Ciyaarta oo ka dhacday garoonka Gitega ee dalka Burundi ayay ciyaartooyda Tanzania goolasha kala dhaliyeen labada gelin ee ciyaarta.Dhalinyarada Soomaalida ay keenay laba gool hase yeeshee garsoorihi ciyaarta dhex dhexaadinayay ayaa ogolaan waayay sababo la xiriira qaar ka mid ah ah ciyaartooyda oo ku jiray offside.
Qeybtyi hore ee ciyaarta ayaa waxaa carqaladeeyay roob xoog leh oo sababay in ciyaarta la hakiyo marki ay mareysay daqiiqadi 10-aad. Qaddar daqiiqado ah kadib ayay ciyaartu halkeedii kasii socotay.Dadki daawanayay ayaa waxaa ka mid ahaa, Gudoomiyaha xiriirka kubadda cakta Africa, Ahmed Ahmed, Ra'isulwasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahadi Maxamed Guuleed, Gudoomiyihi hore ee Gobolka Banadir Taabit Cabdi Maxamed, Guudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cakta iyo taageerayaal Soomaaliyeed.
Waxay aheyd marki ugu horreysay oo uu xul Soomaaliyeed oo dhinaca kubadda cakta ah gaaro finalka ciyaar ka tirsan tartannada kubadda cakta Qaarada Africa.Xulka Soomaaliya ayaa tartankani intii uu socday waxaa ay kasoo badiyeen dalalka Ethiopia, Kenya iyo Uganda halka ay bar barro la galeen xulka Burundi.
storvideo: 

Daawo: ” Ina Muuse Abeesna Waa la wadaa Hadii...

0
0

Daawo:" Ina Muuse Abeesna Waa la wadaa Hadii walaahi laga dayn waayo Waxaas in Mawqif Ay ku Jabaan Ayaan ku talaabsan oo Waan badheedhi" Cabdilaahi Jawaan oo Jawaab Degdeg ah ka bixiyey hadalkii Kominshanka
[embedded content]
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live