Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Madaxweynaha Puntland oo Bosaso dib ugu soo laabtay

$
0
0

Bosaso[Puntland Post]-Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dib ugu laabtay mandiqada Puntland, ka dib markii uu maalmo safar ah ku joogay dalkan Imaaraatka Carabta oo ay ka wada hadleen arrimo kala duwan oo ku aadan mashaariicda horumarineed ee Imaaraatka Carabtu kahayaan Puntland.
Madaxweyne Gaas waxa garoonka diyaaradaha Bosaso ku soo dhaweyey Maamulka Gobalka Bari, kan Degmada Bosaso iyo bulshada Bosaso.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in safarkaas uu ahaa mid guul wanaagsan laga gaaray, wuxuuna sheegay in dhinacyada ay is arkeen oo dhan laga wada hadlay arrimaha ku saabsan mashaariicda horumarineed oo ay xooga saareen sidii meelmar looga dhigi lahaa iskaashiga labada dhinac.la soco warbixin dhamaystiran goor dhow Puntland Post insh allah Cabdiqani BoosPuntland Post- Bosaso
The post Madaxweynaha Puntland oo Bosaso dib ugu soo laabtay appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Laba Musharax oo ka tanaasulay doorashada iyo...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Musharaxiinta wareega koowaad galay kaalmaha 3aad iyo 4aad ayaa ka tanaasulay tartankii wareega labaad, iyagoo fududeeyay, waqtigana eegay, si aanu tartanka u dheeraan.
Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla ayaa sheegay inuu tixgelinayo Xildhibaanada qaar oo ka codsaday inuu tanaasulo, sidaas uu ku go'aansaday inuu fududeeyo, waxaana uu ku taliyay in la doorto shaqsi ka bixi kara mas'uuliyadda uu leeyahay xilka Guddoomiyaha Golaha shacabka.
Sidoo kale C/casiis Lafta Gareen oo ah Musharaxii kaalinta 3aad galay ayaa isna ka mahad celiyay Xildhibaanadii siiyay cododka, isla markaana ka tanaasulay inuu u sii tartamo wareega labaad.
Haatan waxaa la guda galayaa wareega labaad oo ay ku tartami doonaan Maxamed Mursal sheikh Cabdiraxmaan iyo Ibraahim Isaaq Yaroow.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Deg deg : Guddoomiyihii badali lahaa Jawaari oo la...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa guddomiyaha cusub ee baarlamaanka u doortay Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan oo ahaa musharax ay wadatay dowladda Soomaaliya.
Musharaxaan ayaa ka guuleystay Ibraahim Isaaq Yarow oo ay isugu soo hareen wareegga labaad ee tartankaas kadib markii ay xildhibaanada kale is casileen.
Sida aan wararka hordhaca ah ku heleyno Maxamed Mursal ayaa helay codad ku dhow ilaa 147 cod .
halka Ibraahim Isaaq Yarow uu helay 118 cod.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ahna sii hayaha xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Muudey ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay natiijada.
Wuxuu sheegay inuu Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya loo doortay Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan.
dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa khudbadaha musharixiinta.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Hal arrin oo laga bartay doorashadii Guddoomiyaha...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa guddomiyaha cusub ee baarlamaanka u doortay Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan oo ahaa musharax ay wadatay dowladda Soomaaliya.
Musharaxaan ayaa ka guuleystay Ibraahim Isaaq Yarow oo ay isugu soo hareen wareegga labaad ee tartankaas kadib markii ay xildhibaanada kale is casileen.
Sida aan wararka hordhaca ah ku heleyno Maxamed Mursal ayaa helay codad ku dhow ilaa 147 cod .
halka Ibraahim Isaaq Yarow uu helay 118 cod.
Haddaba waxaa jirto hal arrin oo ay doorashadaan ka barteen xukuumadda Soomaaliya iyo xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ee mucaaradka ku ah.
Waxaa maalmihii dambe socday loolan adag oo u dhaxeeyey dowladda Soomaaliya iyo xildhibaano mucaarad ku ah, waxayna doorashadaan banaanka soo dhigtay isla markaasna ay is bartay mucaaradka iyo Xukuumadda.
Maadaama sida ay rabtay xukuumadda Soomaaliya ay ka hor imaadeen illaa 118 xildhibaan, waxaa meeshaas ka cad inay dowladda Somaaliya gacanta ku heysan qeyb badan oo ka tirsan Xildhibaanadada Baarlamaanka waxayna midaan u tahay cashir ah inay ogaatay tirada Xildhibaanada ay heli karto.
Dhank kale xildhibaanada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa maanta soo bandhigay inay heystaan tiro badan oo xildhibaano ah inkastoo siyaasadda ay marba is badasho haddana waxaa muuqato inay jiraan xildhibaano badan oo ka hor imaan karo rabitaanka xukuumadda.
118 Xildhibaan maahan wax la yareysan karo, sidoo kale waxaa dhici karto inay kusoo biiraan XIldhibaano kale oo laga yaabo inay xukuumadda ka waayaan ballan qaadyo loo fidiyey ka hor doorashada Guddoomiyaha oo u dhacday sidii ay Xukuumadda rabtay.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Akhriso taariikh Nololeedka Guddoomiyaha cusub ee...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu yahay guddoomiyaha cusub ee golaha kadib markii uu helay 147 cod halka Xildhibaankii la tartamaayey ee Ibrahim Isaaq Yarow 118 cod.Haddaba, Halkan Ka Akhriso, Taariikh Nololeedka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan
Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaa uu ku dhashay Baydhabo 1957Waxbarasho:
Cilmiga bulshada, jaamacadda Culuumta iyo Tecknoljiyadda, Sanca, 2014
Dugsi sare Sheekh Aweys, baydhabo, 1983-84Khibrad Shaqo:December 2017- April 2018: Wasiirka Gashaandhigga:2016: Xubin Baarlamaanka 10aad
Wasiirka Tamarta iyo KheyraadkaJune 2012-July 2015: Safiirka Turkiga:Feb 2009- Oct 2011: Wasiirka Hantida qaranka iyo qalabeynta:2009-2011: Xildhibaan Baarlamaanka 8aad1993-1995: Guddoomiyaha ku-xigeenka degmada Baydhabo.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Shariif Maxamed Abdalla iyo C/casiis Laftagareen oo...

$
0
0

Muqdisho(SONNA); Musharaxiinta kala ah Shariif Maxamed Abdalla iyo Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka tanaasulay u gudbida wareega Labaad ee doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka socota xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.
Waxaa hadda loo gudbay wareega saddexaad ee doorashada oo ay isugu soo hareen Labada Musharax ee kala ah Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan iyo Ibraahim Isaaq Yarow.
Musharax Shariif Maxamed Abdalla ayaa u mahad celiyay Xildhibaanada u codeysay iyo kuwa aan u codeyn intaba,isagoona kula dardaarmay in si mas'uuliyad iyo Xilkasnimo ku jirto u doortaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Sidoo kale,Musharax C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa u sababeeyay tanaasulkiisa mid uu ugu turayo Xildhibaanada una fududeeyo doorashada.
Wuxuuna cadeeyay inuu ku faraxsan yahay inuu tartamo,Xildhibaanadana codkooda ay siiyaan,waxaa hadda socota codeynta doorashada wareega saddexaad.
storvideo: 

Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray Guddoomiyaha...

$
0
0

Muqdisho, 30ka Abriil 2018; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha la doortay ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.
Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Guddoonkii KMG ahaa ee Golaha Shacabka, Guddigii Doorashada iyo Xildhibaannada Baarlamaanka sida ay u guteen waajibkooda dastuuriga ah, waxa uuna Madaxweynuhu tilmaamay in dhacdadani ay calaamad u tahay dimuqraadiyadda xoogeysaneysa ee ka jirta dalka.
"Hamabalyo ayaan leeyahay Guddoomiyaha cusub ee maanta la doortay, sidoo kale waxaan u hambalyeynaa Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka sharafta leh, iyo Shacabka Soomaaliyeed. Guddoomiyaha la doortay waxaan Alle uga rajeyn in uu u fududeeyo shaqada culus ee loo igmaday" ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale bogaadiyey musharixiinta kale ee u tartamay xilka Guddoomiyaha, waxa uuna sheegay in sida ay u tartameen ay muujineyso in dalkeennu la jaan-qaaday hannaanka hufan ee ku saleysan dimuqraadiyadda, iyo hufnaanta, taas oo dalka horumar gaarsiineysa.
storvideo: 

Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray Guddoomiyaha la doortay ee Golaha Shacabka

$
0
0

Muqdisho, 30ka Abriil 2018; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha la doortay ee Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.
Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Guddoonkii KMG ahaa ee Golaha Shacabka, Guddigii Doorashada iyo Xildhibaannada Baarlamaanka sida ay u guteen waajibkooda dastuuriga ah, waxa uuna Madaxweynuhu tilmaamay in dhacdadani ay calaamad u tahay dimuqraadiyadda xoogeysaneysa ee ka jirta dalka.
“Hamabalyo ayaan leeyahay Guddoomiyaha cusub ee maanta la doortay, sidoo kale waxaan u hambalyeynaa Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka sharafta leh, iyo Shacabka Soomaaliyeed. Guddoomiyaha la doortay waxaan Alle uga rajeyn in uu u fududeeyo shaqada culus ee loo igmaday” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale bogaadiyey musharixiinta kale ee u tartamay xilka Guddoomiyaha, waxa uuna sheegay in sida ay u tartameen ay muujineyso in dalkeennu la jaan-qaaday hannaanka hufan ee ku saleysan dimuqraadiyadda, iyo hufnaanta, taas oo dalka horumar gaarsiineysa.

DHAMMAAD
Cabdinuur Maxamed Axmed 
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, 
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 
E-mail:media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/ 
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/ 
Twitter: @TheVillaSomalia

The post Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray Guddoomiyaha la doortay ee Golaha Shacabka appeared first on Shabelle.


Madaxweynaha Somaliland Oo Shaqaale-weynaha Qaranka...

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu munaasibadda 1-da May awgeed, hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan Shaqaale-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, meel ay ku sugan yihiinba.
Madaxweynuhu wuxuu shaqaalaha Somaliland, uga mahadnaqay gudashada xilalka iyo masuuliyadaha kala duwan ee ay Qaranka u hayaan iyo sida hagar la'aanta ah ee ay uga dhabar adayga duruufaha nololeed ee kala duwan.
Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu Shaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland, ALLE uga baryey inuu ku asturo shaqooyinka kala duwan ee ay Qarankooda u hayaan, isagoo kula dardaarmay inay xoojiyaan saacadaha shaqada oo ay xil gaara iska saaran sidii ay u muujin lahaayeen waddaniyad una gudan lahaayeen waajibaadka ka saaran hawlaha muhiimka ah ee qaranka.
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.
storvideo: 

Daawo: Sida ay u dhacday Khudbada Gudoomiye Mursal...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Xildhibaan Maxamed Sheekh Mursal C/raxmaan ayaa noqday Gudoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Somaliya, kadib markii uu ka guulaystay Musharaxii la tartamaayay.
Wareegii ugu dambeeyay ee doorashadda ayaa waxaa ku tartamaayay musharaxiinta kala ah Ibraahim Isaaq Yarow iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Xildhibaan Maxamed Mursal ayaa ku guuleystay codad gaaraya 147 cod.
Xildhibaan Ibraahin Isaaq Yarow ayaa helay codad gaaraya 118 cod.
Kulanka baarlamaanka ayaa waxaa soo xaadiray 265 xildhibaan.
Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo khudbad kooban jeediyay ka dib markii uu xilkan ku guuleystay ayaa u mahad celiyay guud ahaan Xildhibaanada Golaha Shacabka intii codkooda siisay iyo kuwa aan siin, isagoo balanqaaday inuu fulin doono Barnaamij siyaasadeedkiisa ka koobnaa 10-qodob.
Guddoomiyaha cusub ayaa sidoo kale balan qaaday inuu la tashiyo la sameyn doono Xildhibaanada Golaha Shacabka, isla markaana uu dhageysan doono aragtidooda si Golaha Shacabka uu wax badan u qabto.
"Aniga waxaan mar kasta diyaar u ahay inaan dhageysto soona dhaweeyo aragtidiina, waxaan hortiina ka balan qaadayaa inaan shacabka Soomaaliyeed ugu adeego si Danta, Dalka iyo Dadka ay ku jirto". ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
[embedded content]
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Abdishakur Cali Mire oo weerar culus ku qaaday C....

$
0
0

Muqdisho (Caasimadda Online) - Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire oo kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa weerar culus ku qaaday Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur kadib markii uu Maanta ka hor doorashada uu bartiisa Facebook soo dhigay qoraalo uu Xildhibaanada uga dalbanay inaan la dooran musharaxa ay dowladda Soomaaliya wadatay.
Xildhibaan Cabdishakuur oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa si dad badan weerar culus ugu qaaday Cabdiraxmaan Cabdishakuur isagoo sheegay inuu Maanta waqti badan geliyey inuu farriin Facebook ugu soo qoro Xildhibaanada balse aysan Maanta Xildhibaanada Facebook waqti u heynin .Haddaba halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu xildhibaanka soo dhigay bartiisa Facebook.
Waxaa marka hore u hambalyeynayaa gudoomiyaha cusub mudane Maxamed Mursal Sh Cabdiraxman waxaana illaahay uga baryayaa inuu fududeeye xilka culuska ee loo doortay.
Waxaa sidoo kale u hambalyeynayaa saaxiibkay Ibrahim Isaaq Yarow oo kaalinta labaad galay codad badana kasbadey, waxaana amaan mudan sida biseylka laheyd ee uu ugu hambalyeey walaalkiisa ay tartameen.
Mudane Ibrahim mudo dheer baa aqaan wuxuuna ka mid yahay xildhibaanda mudada dheer baarlamaanka kusoo jirey kana soo qeyb qaatay in dalku soo gaaro meesha wanaagsan ee maanta aan joogno waana shaqsi aan ku aqaan dowlad jaceyl.
Waxaa aaminsanahay in xildhibaanada kala codeeyey iyo musharaxiinta tartamayba ay gudanayeen xuquuqdooda dastuuriga ah, mana jiro mid adkaadey iyo mid laga adkaadey dhamaanteen waxaa nasugeyso waajib qaran iyo inaan kawada shaqeyno inuu Baarlamaanku si muuqata u guto waajibaadka hor-yaal mudada ka dhiman mudada jiritaanka Baarlamaa ka.
Waxaa wax laga xumaado ah in wali dad siyaasiin sheeganaya u ololeynayeen in baarlamaanka iyo xildhibaanadu kala qeybsanaadaan oo waliba markii tartankii dhamaadey ay xildhibaanada ku tilmaamay kuwa ku ceebeysan inay labo xildhibaan kala doorteen, taasoo kasoo horjeeda dimuquraadiyada iyo dabeecada doorashooyinka.
Musharax kasta oo guuleysta waxaa uu ahaan lahaa gudoomiyaha baarlamaanka waxaana waajib ku ahaan laheyd xildhibaanada musharax kastoo kusoo baxa doorashada inay la shaqeeyaan.
Siyaasiyiinta qaarkood waxay maanta in badan waqtigooda galiyeen inay xildhibaanada fariin usoo dhigaan FB, laakiin xildhibaanadu maanta FB waqti uma heyn waxay gudanayeen waajibkooda.
Ugu dambeyntii waxaan dhamaan xildhibaanada u rajeynayaa guul iyo in laga gudbo doodiihii ka dhashay ololaha doorashada oo ah shey dabiici ah oo mar walba dbaca.
Mahadsanidiin.
storvideo: 

Sawirro: Farmaajo oo baaq deg deg ah kasoo saaray...

$
0
0

Baladweyne (Caasimadda Online)- Madaxweyn, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqday goobo ka mid ah meelihii fatahaada webiga Shabeelle saameynta xooggan ku yeeshay ee Baladweyne, wuxuuna warbixino ka dhageystay dad shacab ah iyo mas'uuliyiin.
Farmaajo oo booqashadiisa Baladweyne ugu guur galayay xaalada murugsan ee halkaasi ka jirta ayaa ku dhawaaqay xaalad bini'aadanimo, isagoo ugu baaqay qeybaha bulshada in ay kala shaqeeyaan Guddiga Gurmadka Qaran ee ay Dowladda Federaalku u xilsaartay sidii gurmad ballaaran loogu fidin lahaa dadka ku barakacay fatahaadaha Wabiga Shabelle.
"Maanta waxaan halkan (Beledweyne) u imid inaan idinla qeybsado xanuunka iyo dhibka aad ku jirtaan. Waxaan ognahay in 100 kun oo qof dad kor u dhaafaya ay bannaanka magaalada ku suganyihiin, walina ay jiraan dad ku go'doonsan gudaha magaalada." ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyay ciidamada AMISOM iyo Xoogga Dalka Soomaaliyeed kaalintii ay ka qaateen samatabixinta shacabkii go'doonka ku ahaa qeybo kamid ah magaalada Beledweyn iyo tuulooyinka ku hareeraysan.
Waxaa saaka la gaarsiiyey magaalada Beledweyn gargaar isugu jiray raashin iyo daawooyin, iyada oo ay wali socdaan hawlaha loogu gurmanayo shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne iyo deegaannada ku hareereysan.
storvideo: 

Daawo: Wardegdeg ah : Madaxweyne Muuse Biixi Oo...

$
0
0

Daawo: Wardegdeg ah : Madaxweyne Muuse Biixi Oo Hadeer Gaadhay Reer Daad Qaaday ... Gabadhii Koomay gashay Caruurtii Mid mayd ah la helay kii kalena la yahay

[embedded content]
storvideo: 

Farmaajo “Waxaan Beledweyne u imid in aan idin la...

$
0
0

Madaxweyne Farmaajo "Waxaan Beledweyne u imid in aan idin la qeybsado xanuunka iyo dhibka aad ku jirtaan"
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta booqday magaalada Beledweyne ayaa sheegay in xaalad bini-aadamnimo oo aad u daran ay ka jirto qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kormeeray goobaha ay saameynta xooggan ku yeesheen fatahaadaha Wabiga Shabelle iyo xarumaha ay shacabka ku barakaceen, isaga oo ka xog-wareystay sidii dadaallada haatan socda loo xoojin lahaa masuuliyiinta Dowlad Goboleedka Hirshabelle, maamulka Gobolka Hiiraan iyo qaar ka mid ah duubabka dhaqanka oo uu hoggaaminayo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.
Madaxweynaha ayaa yiri "Maanta waxaan halkan (Beledweyne) u imid inaan idinla qeybsado xanuunka iyo dhibka aad ku jirtaan. Waxaan ognahay in 100 kun oo qof dad kor u dhaafaya ay bannaanka magaalada ku suganyihiin, walina ay jiraan dad ku go'doonsan gudaha magaalada."
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhammaan qeybaha bulshada in ay kala shaqeeyaan Guddiga Gurmadka Qaran ee ay Dowladda Federaalku u xilsaartay sidii gurmad ballaaran loogu fidin lahaa dadka ku barakacay fatahaadaha Wabiga Shabelle.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyay ciidamada AMISOM iyo Xoogga Dalka Soomaaliyeed kaalintii ay ka qaateen samatabixinta shacabkii go'doonka ku ahaa qeybo kamid ah magaalada Beledweyn iyo tuulooyinka ku hareeraysan.
Waxaa saaka la gaarsiiyey magaalada Beledweyn gargaar isugu jiray raashin iyo daawooyin, iyada oo ay wali socdaan hawlaha loogu gurmanayo shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne iyo deegaannada ku hareereysan.

Madaxweynaha
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kormeeray goobaha ay saameynta xooggan ku yeesheen fatahaadaha Webiga Shabeelle iyo xarumaha ay shacabka ku barakaceen, isaga oo ka xog-wareystay sidii dadaallada haatan socda loo xoojin lahaa.
Slaet op af Villa Somalia i 30. april 2018

storvideo: 

Benjamin Netanyahu: Iiraan Niyukleer qarsoodi ah ayay samaysanaysaa

$
0
0

Rai'sul wasaaraha Israa'iil , Benjamin Netanyahu, ayaa ku eedeeyay Iiraan "in ay ka been sheegayso barnaamijkeeda Niyukleerka


Benjamin Netanyahu: Iiraan Niyukleer qarsoodi ah...

$
0
0

Rai'sul wasaaraha Israa'iil , Benjamin Netanyahu, ayaa ku eedeeyay Iiraan "in ay ka been sheegayso barnaamijkeeda Niyukleerka.
Waxa uu Netanyahu sheegay in cadeyn ay u hayaan in Iiraan ay ku howlan tahay samaysashada hub Niyukleer ah.
Mr Netanyahu oo ka hadlayay telefishinka dalkaasi ayaa sheegay in dalkiisa ay haleen kumannan fayl oo ku saabsan in Iiraan ay si qarsoodi ah u waddo barnaamjkeeda Niyukleerka.
Isaga oo soo bandhigay qaar ka mid ah waxyaabahani , waxa uu sheegay in dikumiintiyadani ay daaha ka rogayaan faahfaahin ku saabsan barnaamijkaa Niyukleerka Iiraan.
Rai'sul wasaaraha Israa'iil ,Benjamin Netanyahu, ayaa xusay in iyada oo ay jirto in Iiraan ay beesh caalamka kula heshiisay 2015 in ay joojinayso barnaamijkeeda Niyukleerka balse hadana ay sii wado hormarinta barnmijkeeda Niyukleerka.
Wasiirka arrimaaha dibadda ee Iiraan, Javad Zarif, ayaa ku tilmaamay eedeynta cusub ee Israa'iil in ay tahay middii hore oo dib loo soo cusboonaysiiyay.
Iiraan iyo wadamada quwadaha waawayn ayaa 2015 wada saxiixday heshiis ay Iiraan ku joojinayso barnaamijkeeda Niyukleerka taa badalkeedana cunaqabataynta dhaqaale looga khafiifinayo.
storvideo: 

Gaas oo ka hadlay doorashada guddoomiyaha...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Boosaaso (Caasimadda Online)- Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Cali Gaas oo safar uu ugu maqnaa Isu-taga Imaaraadka Carabta kasoo laabtay gelinkii danbe ayaa ka hadlay doorashada guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka federaalka Somalia.
Mr. Gaas ayaa marka hore hambalyo iyo bogaadin u diray guddoomiyaha cusub ee la doortay Maxamed Mursal isagoo u rajeeyay in xilkiisa uu u guto sidii loogu doortay.
Wuxuu sheegay C/weli Gaas in gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka laga rajaynayo in uu noqdo mid mideeya Baarlamaanka Somalia, kana shaqeeya danta iyo maslaxada umada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan.
Mudanayaasha baarlamaanka federaalka SOmalia ayaa ku kala qeybsan siyaasadda dalka iyo go'aankii dhaliyay iscasilaadii guddoomiyihii hore Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Jabhad SNM ah oo caraysan

$
0
0

30th April 2018 admin Category :
Maxay siyaasiyiinta Beesha Isaaq kaga jawaabeen Askartii ka goostaty maamulkooda
Wasiirka Maaliyada maamulka beelaha Isaaq Yusuf Maxamed Cabdi Raage, oo ka soo jeeda beesha Faysal Cali Waraabe ee Garxejis oo si dhaqan xumo u hadlaya waa kan :

110 Askari oo ka soo Goostay maleeshiyaadka beelaha Isaaq.

storvideo: 

Farmajo congratulates Somalia’s new parliament speaker

$
0
0

Somali president Mohamed Abdullahi Farmajo has congratulated Mohamed Mursal on his election as Speaker of the House of the People of Somalia’s 10th Federal Parliament on Monday.
In a statement, Farmajo lauded the Interim parliamentary electoral commision for fulfilling its constitutional responsibility, saying the election was symbolic of the nation’s democracy.
“I say congratulations to the new parliament speaker elected today and wish him success,” said the president the statement.
Mohamed Mursal, a former ambassador to Turkey won 147 votes against his close contender’s 118 votes during the second round of the voting on Monday in Mogadishu.
The election saw tight race by ten candidates, among them nearly five ministers and deputies who all men hailing from the country’s regional state of Southwest.
Mursal succeeds Mohamed Osman Jawari who resigned early this month following weeks of political deadlock that led to his resignation.
The post Farmajo congratulates Somalia’s new parliament speaker appeared first on Shabelle.

Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in loo soo gurmado Shacabka ay saameeyeen Fatahaadaha.

$
0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Saacadihii la soo dhaafay booqday Dadkii ka barakacay Magaalada Baladweyne oo Webiga Shabelle uu ku soo fatahay ayaa ku baaqay in loo gurmado dadkaasi.
Mudane Madaxweyne Farmaajo ayaa booqday goobaha dadkaasi ay haatan deegaansanayaan sida deegaanka Ceeljaalle ee duledka magaalada Baladweyne halkaas oo uu ku xog wareystay shacabka ay fatahaaduhu soo barakiciyeen.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa qiray in muddo 7 Cisho ah dadkaasi ay la daala dhacayeen dhibaatada Fatahaadahaasi.
Waxaana uu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya aysan wax dadaal ah u reeban doonin gurmadka dadkaasi tabaaleysan ayna ka qaadan doonaan inta Karaankooda ah.
 
The post Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in loo soo gurmado Shacabka ay saameeyeen Fatahaadaha. appeared first on Shabelle.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live