Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Bill Gates Oo Diiday In uu Noqdo Lataliyaha Sayniska...

0
0

Bill Gates, oo ah aasaasihii Microsoft ayaa diidey dalabkii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee lataliyaha sayniska Aqalka Cad.
Wareysi uu la yeeshay Statnews, Gates wuxuu sheegay in isaga iyo Donald Trump ay ka wada hadleen horumarinta iyo soo saarista tallaal dhamaystiran oo ka dhan ah hargabka iyo qorshayaasha oo ugu deeqaya $ 12 milyan mashruuca.
Gates wuxuu sheegay in madaxweynuhu muujiyay xiisaha weyn ee fikradda waxana uu ugu yeedhay madaxa Madaxa-bannaan ee Maareeynta Cunnada iyo Daawooyinka, Scott Gottlieb, wuxuuna waydiiyay suurtagalnimada in uu soo saaro tallaal noocan oo kale ah.
Waxaanu Sheegay in Trump u soo jeediyey La Taliyihiisa Dinaca Sayniska Waxanu yidhi "Ma doonaysa in aad buuxiso booskan," Gates ayaa u jawaabay, "Taasi ma ahan sida ugu fiican waqtigeyga."
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 


Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in loo soo gurmado...

0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Saacadihii la soo dhaafay booqday Dadkii ka barakacay Magaalada Baladweyne oo Webiga Shabelle uu ku soo fatahay ayaa ku baaqay in loo gurmado dadkaasi.
Mudane Madaxweyne Farmaajo ayaa booqday goobaha dadkaasi ay haatan deegaansanayaan sida deegaanka Ceeljaalle ee duledka magaalada Baladweyne halkaas oo uu ku xog wareystay shacabka ay fatahaaduhu soo barakiciyeen.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa qiray in muddo 7 Cisho ah dadkaasi ay la daala dhacayeen dhibaatada Fatahaadahaasi.
Waxaana uu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya aysan wax dadaal ah u reeban doonin gurmadka dadkaasi tabaaleysan ayna ka qaadan doonaan inta Karaankooda ah.
storvideo: 

Guddigii DF u igmatay u kuur galka Fatahaadaha oo ku wajahan Magaalada Baladweyne.

0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network):-Guddi ka kooban 22 Xubnood oo isugu jira Xildhibaanno iyo Wasiirro ka tirsan dowladda Soomaaliya oo loo xil saaray qiimeynta dhinaca Gargaarka ee ku aadan Fatahaadihii ka dhashay Webiga Shabelle ayaa lagu wadaa in ay u ambabaxaan Magaaladaasi dhawaan.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Guddigaasi loo igmaday Fatahaadaha ku dhuftay Webiga Shabelle ee saameeyay Magaalada Baladweyne ayaa xusay In ay wadaan dadaallo xoogan oo gargaarka lagu gaarsiinayo dadka ay Fatahaadaha saameeyeen.
Mudane Daahir Amiin Jeesow ayaa hoosta ka xariiqay in maalmihii la soo dhaafay ay kulamo ku yeesheen Magaalada Muqdisho islamarkaana ay safar qiimeyn ah ku tagi doonaan Magaalada Baladweyne.
Guddigaan ayaa waxaa Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.
The post Guddigii DF u igmatay u kuur galka Fatahaadaha oo ku wajahan Magaalada Baladweyne. appeared first on Shabelle.

R/wasaare Kheyre oo Garoonka Aadan Cadde kusoo...

0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Muqdisho (SONNA) Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Ciyaartoyda 17-jirada Dalkeena Soomaaliya oo Guul Taariikhi ah kasoo hoyay Tartankii Cecafa ee lagu qabtay Dalka Burundi.
Mudane Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyaan Wasiiro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale ayaa si wanaagsan usoo dhaweeyay Da'yarta Qaranka Soomaaliya, iyadoo Ra'iisul wasaare Kheyre uu ugu hambalyeeyay Ciyaartoydeena guusha ay soo gaareen.
Tartanka Cecafa waxaa ka qeyb galay Siddeed wadan oo kala ah Burundi, Uganda, Kenya, Tanzania, Zanzibar, Ethiopia, Sudan iyo Soomaaliya, waxaana koobka ku guuleystay Dalka Tanzania oo Xulka Qarankeena Ciyaartii Finalka kaga adkaaday 2-0 inkastoo bandhiga iyo awooda ciyaarta ay gacanta ku hayeen Da'yarta dalkeena, waxaana Soomaaliya ay sidaas ku gashay Kaalinta Labaad.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleMicheal Keating oo hambalyo iyo bogaadin u diray guddoomiye Maxamed Mursal

storvideo: 

Galmudug oo u gurmaneysa Shacabka Magaalada Baladweyne.

0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network):-Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiisa uu gurmad la gaari doono Magaalada Baladweyne.
Mudane Xaaf ayaa hoosta ka xariiqay in Magaalada Gaalkacyo ay uga soo socdaan raashiin , islamarkaana Dhuusamareeb ay ka daabuli doonaan Agab Xoolo iyo raashiin intaba kuwaas oo ay ugu tala galeen shacabka ay saameeyeen Fatahaadaha ku dhuftay Webiga Shabelle dadka ay saameeyeen ee ku nool Magaalada Baladweyne.
Waxaana Madaxweynaha Galmudug uu alle uga rajeeyay shacabka Gobolka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Baladweyne in uu ka samata bixiyo dhibaatooyinka ay ku reebeen fatahaadahaasi.
Waxaa isi soo tarayay Saacadihii u dambeeyay Gurmad ballaaran oo loo fidanayo dadka ay saameyeen fatahaadaha ee iyagu isaga barakacay Magaalada Baladweyne , halkaas oo uu ku sugan yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudan Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.
 
The post Galmudug oo u gurmaneysa Shacabka Magaalada Baladweyne. appeared first on Shabelle.

Real iyo Bayern oo u loolamaya fiinaalka Champions League-ga

0
0

Real Madrid ayaa caawa garoonkeeda Santiago Bernabéu ku martigelin doonta Bayern Munich, ciyaartaasi oo ah lugta labaad ee rubuc dhammaadka Horyaallada Yurub.

Guddigii DF u igmatay u kuur galka Fatahaadaha oo ku...

0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network):-Guddi ka kooban 22 Xubnood oo isugu jira Xildhibaanno iyo Wasiirro ka tirsan dowladda Soomaaliya oo loo xil saaray qiimeynta dhinaca Gargaarka ee ku aadan Fatahaadihii ka dhashay Webiga Shabelle ayaa lagu wadaa in ay u ambabaxaan Magaaladaasi dhawaan.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Guddigaasi loo igmaday Fatahaadaha ku dhuftay Webiga Shabelle ee saameeyay Magaalada Baladweyne ayaa xusay In ay wadaan dadaallo xoogan oo gargaarka lagu gaarsiinayo dadka ay Fatahaadaha saameeyeen.
Mudane Daahir Amiin Jeesow ayaa hoosta ka xariiqay in maalmihii la soo dhaafay ay kulamo ku yeesheen Magaalada Muqdisho islamarkaana ay safar qiimeyn ah ku tagi doonaan Magaalada Baladweyne.
Guddigaan ayaa waxaa Magacaabay Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.
storvideo: 

Galmudug oo u gurmaneysa Shacabka Magaalada Baladweyne.

0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network):-Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiisa uu gurmad la gaari doono Magaalada Baladweyne.
Mudane Xaaf ayaa hoosta ka xariiqay in Magaalada Gaalkacyo ay uga soo socdaan raashiin , islamarkaana Dhuusamareeb ay ka daabuli doonaan Agab Xoolo iyo raashiin intaba kuwaas oo ay ugu tala galeen shacabka ay saameeyeen Fatahaadaha ku dhuftay Webiga Shabelle dadka ay saameeyeen ee ku nool Magaalada Baladweyne.
Waxaana Madaxweynaha Galmudug uu alle uga rajeeyay shacabka Gobolka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Baladweyne in uu ka samata bixiyo dhibaatooyinka ay ku reebeen fatahaadahaasi.
Waxaa isi soo tarayay Saacadihii u dambeeyay Gurmad ballaaran oo loo fidanayo dadka ay saameyeen fatahaadaha ee iyagu isaga barakacay Magaalada Baladweyne , halkaas oo uu ku sugan yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudan Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.
storvideo: 


MD Farmaajo oo carab dhabay cida sii kordhineysa...

0
0

Muqdisho (- Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay socdaal uu ku gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Madaxweyne Farmaajo, ayaa booqday goobo muhiim ah oo ay saameyeen fatahaada Wabiga iyo roobab la sheegay inay ka da'een magaaladaasi.
Madaxweyne Farmaajo oo kormeeray goobaha ay saameynta xooggan ku yeesheen fatahaadaha Wabiga Shabelle iyo xarumaha ay shacabka ku barakaceen, ayaa sheegay inay muhiim tahay in gurmad degdeg ah la gaarsiiyo shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in indhihiisa uu ku arkay dad shacaba oo ku nool xaalad adag, sidaa aawgeed la doonaayo in lala gaaro gurmad degdeg ah.
''Umadda Soomaaliyeed waxaan farayaa inay dhabarka u xirtaan sida ay ugu gurman lahaayen shacabka ku dhibaateysan dhulka uu ku fatahay Wabiga''
''Waxaa lagu jiraa xiligii ay is garabqaban laheyd Soomaalida waxa ay dowladu qaadan doontaa kaalinteeda, shacabkuna waxaa laga doonayaa inay qaatan kaalintooda''
''Ciidamadu waxaan farayaa inay cayaaran kaalintooda ku aadan samatabixinta shacabkii go'doonka ku ah qeybo kamid ah magaalada Beledweyn iyo tuulooyinka ku hareeraysan''
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in maleeshiyaadka al-Shabaab ay qeyb ka yihiin sababaha Fatahaadda wabiga, waxa uuna ku baaqay in si wada jira leysaga difaaco.
Sababaha ay ugu qeybta yihiin waxa uu ku tilmaamay in aanan safar dhulka ah Hiiraan lagu tagi karin maadaama ay ku sugan yihiin deegaanada qaar.
''Waa xaqiiq al-shabaab ayaa kaalin weyn ka qaadaneysa dhibta ka taagan magaalada Beledweyne, waxaan ugu baaqayaa inay u danqadaan shacabka''
Farmaajo ayaa yiri ''Al-shabab ayaa gurmadka u diidan Beledweyne, shacabku ha ogaadan cida sii kordhineysa rafaadka ka taagan Beledweyne"
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay tagay Magaalada Baladweyne isagoo saaran Diyaaradaha Qaramada Midoobe.
Waxa uuna soo indha indheeyay Xeryo KMG ah oo la dajiyay qoysaskii ka barakacay Fatahaadda Wabiga iyo daadadka ka dhashay Roobabkii ugu dambeeyay ee Magaalada ka da'ay.
Magaalada Baladweyne waxa ay sidaa ku noqotay mid go'doon ah, dadka Magaaladana ay wajahaan Xaalado nololeed.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Dhageyso Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle

Trump oo Weeraray Mueller

0
0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadi shalay mar kale weerar afka ah ku qaaday Guddiga Gaarka ah ee baaraya suurtagalnimada in Ruushka uu faragelin ku sameeyay doroashadi madaxtinimo ee Mareykanka ka dhacday sannadki 2016-di.

Shir ammaanka Soomaaliya looga hadlayo oo ka furmaya Brussels

0
0

Madax ka socota dowladda Fedraalka ee Soomaaliyaa iyo wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa maanta waxa uu shir uga furmayaa caasimada dalka Beljim ee Brussels.

"Trump oo gacantiisa ku qortay waraaq caafimaadkiisa ka hadlaysa"

0
0

Dakhtarkii hore ee madaxweyne Trump ayaa sheegay in uusan qorin warqad tilmaamaysay in xaaladda caafimaad ee Trump ay aad u wanaagsan tahay.

Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacadda Shabelle

Dhaq Dhaqaaqyo ka socda duleedka M/ Dhoobley

0
0

Dhoobley ( Sh. M. Network )-Ciidamada Jubbalanad iyo kuwa Kenya ayaa lagu soo warramayaa in Saakay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay ka wadaan nawaaxiga magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.
Dhaq dhaqaaqyada ah oo kuwa xoogaan ayaa waxaa laga dareemaya deegaano duleedka ka ah magaaladaasi.
Sidoo kale Waxaa saacadihii la soo la soo dhaafay Jubbada Hoose lagu arkay diyaarado Jawi hoose ku socda oo dul heehaabaya deegaano ka tirsan gobolkaasi, kuwaas oo la sheegay in ay leeyihiin Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.
Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Ciidamada maamulka Jubbaland oo ku aadan dhaq dhaqaaqyadaasi.
Dhawaan Jubbaland ayaa shaacisay in howgallo ka dhan ah Al Shabaab ay ka bilaaban doonaan gobollada Jubbooyinka oo ay weli ku xoogan yihiin Al Shabaab.
The post Dhaq Dhaqaaqyo ka socda duleedka M/ Dhoobley appeared first on Shabelle.


Sawirro:-R/wasaare Khayre oo shir guddoomin doona Shirka arrimaha Soomaaliya ee Brussels

0
0

Brussels ( Sh. M. Network )-Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka,halkaas oo uu ka furmayo shir caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya,gaar ahaan dhismaha ciidamada.
Shirkaas oo wadamada Yurub iyo kuwa daneeya arrimaha Soomaaliya ay isugu imaanayaan ayaa dawladda Soomaaliya waxa ay la tagaysaa qorshe ay doonayso in laguhorumariyo ciidamada qalabka sida, si loogu diyaariyo inay ammaanka dalka ku filnaadaan,si loo soo gabangabeeyo hawlgalka AMISOM.
Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisal wasaaraha dalka ayaa shir guddoomindoona shirkaas oo la doonayo in lagu yabooho dhaqaale dawladda u fududeeynayo dhismaha ciidanka, sida uu sheegay Cali Siciid Fiqi Safiirka Soomaaliya ee Midawga Yurub.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/vlcsnap-2018-05-02-0... 300w" sizes="(max-width: 599px) 100vw, 599px" /> http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/vlcsnap-2018-05-02-0... 300w" sizes="(max-width: 640px) 100vw, 640px" /> http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/vlcsnap-2018-05-02-0... 300w" sizes="(max-width: 640px) 100vw, 640px" /> http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/vlcsnap-2018-05-02-0... 300w" sizes="(max-width: 640px) 100vw, 640px" /> http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/vlcsnap-2018-05-02-0... 300w" sizes="(max-width: 640px) 100vw, 640px" /> http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/vlcsnap-2018-05-02-0... 300w" sizes="(max-width: 640px) 100vw, 640px" /> http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/vlcsnap-2018-05-02-0... 300w" sizes="(max-width: 640px) 100vw, 640px" />
The post Sawirro:-R/wasaare Khayre oo shir guddoomin doona Shirka arrimaha Soomaaliya ee Brussels appeared first on Shabelle.

QM iyo AMISOM Oo ka wada hadlay arrimaha Bani’aadanimada Soomaaliya

0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wafdi ka socda QM iyo hoggaanka howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa ka wada hadlay arrimo quseeya ilaalinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, kadib kulan ay ku yeesheen M/ Muqdisho.
Wafdigani oo qeyb ka ah golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa AMISOM ku booriyay in ay xoojiyaan ilaalinta sharciyada caalamiga ah ee Bani’aadanimada iyo ka hortaga xad gudubyada Xuquuqul Insaanka ee howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.
Sidoo kale AMISOM ayaa ka dalbatay Qarmada Midoobay in ay sii wadaan taageerada ay ka siiyaan ilaalinta arrimaha Bani’aadanimada, islamarkana ay dardar galiyaan tababarada ku aadan ilaalinta Xuquuqul Insaanka oo ay siiyaan Saraakiisha Ciidamada AMISOM.
Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM ayaa inta badan ku kaca falal xad gudub ah, xilliyada ay qaadayaan howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab, sida lagu sheegay in warbixinta Sanadlaha ah ee Qaramada Midoobay.
The post QM iyo AMISOM Oo ka wada hadlay arrimaha Bani’aadanimada Soomaaliya appeared first on Shabelle.

Xildhibaanada HirShabelle oo ku baaqay in loo gurmado dadka ku dhibaateysan Baladweyne

0
0

Jowhar ( Sh. M. Network )-Xildhibaan C/weli Sheekh Cali oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka HirShabelle oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay dhibaatooyin adag oo dhinaca nolosha ah ay ka taagan tahay deegaanada maamulkaasi.
Waxa uu tilmaamay in hadda xaaladaha ugu daran ay ka jiraan gobolka Hiiraan, gaar ahaan M/ Baladweyne oo uu Fatahaad xoogan ka sameeyay Wabiga Shabelle.
Xildhibaan C/weli Sheekh Cali ayaa ugu baaqay Ganacsatada Soomaaliyeed, cidkasta oo wax heysata iyo dowladda dhexe in si deg deg ah ay ugu soo gurmnadaan dadkaasi.
Sidoo kale Xildhibaan C/weli Sheekh Cali ayaa xusay in HirShabelle ay u baahan tahay xilligani hay’ad ka gacan siisa Maareynta arrimaha Fataahadda Wabiga Shabelle iyo sida looga faa’iideysan karo Wabigaasi.
Weli magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ka taagan xaalad adag oo dhinaca nolosha ah, waxaana Xaafado ka mid ah magaaladaasi isaga barakacay Qoysas badan, kadib markii uu sameeyay Fatahaada Wabihg Shabelle.
The post Xildhibaanada HirShabelle oo ku baaqay in loo gurmado dadka ku dhibaateysan Baladweyne appeared first on Shabelle.

DFS oo $1 Million ugu deeqday dadka fatahaaduhu ay saameeyeen

0
0

Muqdisho ( Sh. M. Netwotk )-Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna kusimaha Ra’iisal Wasaaraha, Mudane Mahdi Mohamed Gulleid (Khadar) ayaa shaaciyay in Xukuumaddu ay taakulaynta iyo Gurmadka Qaran ee dadka ay saameeyeen fatahaaduhu ugu deqday lacag dhan Hal-Milyan oo dollar($1,000,000).
Mudane Mahdi Mohamed Gulleid Ra’iisal wasaare ku xigeenka ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in shacab iyo dawladba gacmaha laysu qabsado sidii samato bixin iyo gargaar degdeg ah loola gaadhi lahaa dadka ay saameeyeen fatahaadaha webiyada iyo roobabku.
“Si aan ugu dhiirigelino shacabkeena  Soomaaliyeed inay ka qayb qaataan taakulaynta dadkooda dhibaataysan, Waxaanu ka xukuumad ahaan kaga qayb qaadanaynaa Hal-Milyan oo dollar($1,000,000) oo aanu ku taageerayno dadka ay saameeyeen fatahaaduhu.” Ayuu yiri ku simaha Ra’iisalwasaaraha ahna R/W ku xigeenka dalku”.
Dhowaan ayay ahayd markii Raiisul Wasare Khayre uu Gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaaduhu u magacaabay Guddi Qaran oo ka shaqaya sidii loo samato bixin lahaa dadka ay saameeyeen fatahaaduhu,guddidaas oo uu gudoomiye u yahay R/w ku xigeenka Dalka.
The post DFS oo $1 Million ugu deeqday dadka fatahaaduhu ay saameeyeen appeared first on Shabelle.

Sawirro:-R/wasaare Kheyre oo magaalada Brussels ka furay Shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya

0
0

Brussels ( Sh. M. Network )-Ra’iisul wasaare Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa furay Shir looga hadlayo arrimaha Soomaliya gaar ahaan amniga kaasoo ka dhacaya Magaalada Brussels ee Dalka Belgium-ka.
Shirkan oo socon doona Labo Maalmood waxaa ka qeyb galaya Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya, Dowlad Gobaleedyada iyo Maamul Gobalka Benaadir, Micheal Keating, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Xubno ka socda qaar ka mid ah Dalalka Yurub iyo Mareykanaka iyo Wadamo kale oo daneeya arimaha Soomaaliya.
Mudane Xasan Cali Kheyre oo shir guddoominaya ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay diyaar garow xoogan ugu jirto sidii ay Ciidamada Qaranka ula wareegi lahaayeen guud ahaan amniga dalka marka uu waqtigooda dhamaado ciidamada AMISOM, isagoona xusay in si tartiib tartiib ah ay AMISOM uga baxayaan Soomaaliya.
Shirkan ayaa daba socda shir dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho oo looga hadlay arrimo ku saabsan Amniga guud ahaan dalka iyo qorshaha dowalda Soomaaliya ay ku dooneyso in ay ku hormariso ciidamada Qaranka.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG_79751-300x200.jpg 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG_79751-768x512.jpg 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG_79751-1024x683.jpg 1024w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG_79751-696x464.jpg 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG_79751-1068x712.jpg 1068w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG_79751-630x420.jpg 630w" sizes="(max-width: 597px) 100vw, 597px" /> http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/1-1-300x200.jpg 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/1-1-768x512.jpg 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/1-1-696x464.jpg 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/1-1-630x420.jpg 630w" sizes="(max-width: 596px) 100vw, 596px" /> http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG_7975-300x200.jpg 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG_7975-768x512.jpg 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG_7975-1024x683.jpg 1024w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG_7975-696x464.jpg 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG_7975-1068x712.jpg 1068w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG_7975-630x420.jpg 630w" sizes="(max-width: 594px) 100vw, 594px" /> http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG_7977-300x200.jpg 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG_7977-768x512.jpg 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG_7977-1024x683.jpg 1024w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG_7977-696x464.jpg 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG_7977-1068x712.jpg 1068w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG_7977-630x420.jpg 630w" sizes="(max-width: 593px) 100vw, 593px" /> http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG_7996-300x200.jpg 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG_7996-768x512.jpg 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG_7996-1024x683.jpg 1024w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG_7996-696x464.jpg 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG_7996-1068x712.jpg 1068w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/IMG_7996-630x420.jpg 630w" sizes="(max-width: 593px) 100vw, 593px" />
The post Sawirro:-R/wasaare Kheyre oo magaalada Brussels ka furay Shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya appeared first on Shabelle.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live