Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Somali President Held Talks with his Turkish counterpart

$
0
0

The President of the Republic of Somalia H.E Sharif Sh. Ahmed met his Turkish counterpart H.E Abdullah Gul in Istanbul today. The two leaders discussed many issues ranging from security, developments and greater social and political co-operations between the two countries. Turkish President H.E Abdullah Gull articulated his government’s commitment to help the government and [...]


Wararkii ugu dambeeyay dagaaladii maanta ka dhacay Dayniile & qasaare ka dhashay

$
0
0

Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalo mar kale maanta ka dhacay degmada Dayniile, halkaasoo wali ay ku dagaalamayaan Ciidamada Dowladda KMG oo kaashanaya kuwa Midowga Afrika, iyo Al-Shabaab oo ku fara adeegaya degmada. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalka oo badankiis ahaa duqeymo xoog leh oo Ciidamada AMISOM ku garaacayeen inta [...]

Click

Lacagta $.728 milyanka ah ee Hargeysi ugu yaboohday Xamar kama duwana Qaranimady 60 ay ugu yaboohday Xamar,By: Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yusuf

$
0
0

 
Aniga oo ah Xildhibaan Xussen Ismaaciil Yusuf , kana tirsan gudida daryeelka hantida
Qaran ayaan socdaal xogwaraysi, xaaladda ay ku suganyihiin dadki iyo doonyo, ku maray dhul balaadhan oo ka mid ah Gobolka Odweyne oo aan ku maray beelaha xuduudka ka tallowsan.
none"> 
Warbixintani waxy ku soo beegantay markii wafdigii Xamar ka soo nooqday warbixin   siiyay labada gole ee brlamaanka maalintii 19/10/2011.
Waxaan soo arkay:
1.   Dad iyo doonyo aan haysan , haba yaraatee, daryeel caafimaad , mid daaq iyo mid biyood toona.
Caafimaad darraada dadka:
·       waxaan la kulmay 11 qoys oo TB lawada qufacaya. Waxaa ku jiray carrur yaryar.
EN-US">
·       Waxaa dadka waaweyne ka cabanayaan “babaasiir”
EN-US">
·       Waxaan soo arkay qoysas badan oo kaneeco u jiifa
EN-US">
·       Waxaan soo arkay caruur/ dad waaweyn  oo jedeeco iyo hablo baas u jiifa.
EN-US">
·       Waxaan soo arkay inaan dadka badankiisu ( aan ku qiyaasay 2/3) aany raashinka iibsankarin markii sicirbararki circa isku shareeray doolarkiina dhulka galay
EN-US">
none"> 
font-style:normal;mso-bidi-font-style:italic">
          Qoyswalba waxaa xirda ugu jira 60neef( Isku 
italic">
          celcelin) oo odhi ah iyo 6-8 caruur ah iyo  
italic">
          aabahood iyo hooyadood.    
italic">
         
Xaaladda Xoolaha: ( Biyo iyo Baad la’aan)
EN-US">
·       Waxaan soo arkay xoolo daalay oo abaartii dheerayd diifteedii aan ka soo kaban
EN-US">
·       Cudurada geela waxaa ka mid: Kud,ruquus,guudaan, shimbir, shilin, caal , qanjo buur, furuq, xadhaadh iyo raybiska dugaag waashay xoolaha qaadsiiyaan.  Intaas oo cudur oo aan abidkii midna laga daweeyn. Dadka maalaya ee kii kudku dilay cunayaa maxay ku noolyihiin? Yaa ilaahay ku ogyahay ee ka masuul ah?
EN-US">
·       Geeli aad buu u lumay oo xiro aan baadi ka maqnayni waa yartahay.
EN-US">
·       Waxaa ugu wacan geela aan istaagayn:
EN-US">
Sed yari,Dhirtii qoyanayd oo dhuxul lagu madhiyay iyo dhulkii daaqa  ahaa oo la ootay.
Waxaa ka daran kii raacayay oo qaad u fadhiya.
·       Ceelal La’aan iyo Dhaamam waaweyn oo aan jirin
EN-US">
none"> 
Arrimaha aan kor ku sheegay waxay sababeen:
italic">
·       In lo’di 90% baxday.
italic">
·       Geeli 60% baxday
italic">
·       Laxdii 60% baxday
italic">
·       Ridii   40% baxday
italic">
Qoyswalba waxaa xerada ugu jira 60neef (average) oo odhi ah iyo 6-8 caruur ah iyo labadii waalid oo intaa duljooga.
italic">
Qiyaastan sare ee boqolayda ah waxaa ku kala baydhi waayay odayaasha 80-90 jirka  ah  oo ka tilmaan qaadanaya xoolaha iyo soo jireenkoodi.  Waxay intaas ku dareen in wixii duunyada ka hadhay 10-20 sano  ay ku idlaandoonaan haddii aan ilaahay si kale wax u bedelin. Waxay hadaladoodi ku gebagabeeyeen haddii “ Duunyo la waayo dadkana la waa”
italic">
Xildhibaanno aan waraystay oo ayana u kala baxay Gobolada oo dhan waxay ii sheegeen in dhibaatadu meelwalba isku mid tahay.
font-style:normal;mso-bidi-font-style:italic">
none"> 
font-style:normal;mso-bidi-font-style:italic">
Xoolaha nooli JSL waa u badrool oo waa u macdan oo u beero.
font-style:normal;mso-bidi-font-style:italic">
Arrinta oo sidaas ah ayaa xukuumadda JSL qabanqaabisay in $.728 milyan
font-style:normal;mso-bidi-font-style:italic">
Loo qaado dadka Xamar ku tabaaloobay. Ilaahayooy ayagana dhibaatada ka dul qaad annagana hannagu keenin.Waxaan intaas ahayn oo JSL laga sugayay mi jirin.
font-style:normal;mso-bidi-font-style:italic">
Talaabada Xukuumaddu qaaday ayada oo dadkeedii iyo duunyadii macaluul u idlaanayaan waa badheedh iyo dembi qaranimada JSL laga galay.
font-style:normal;mso-bidi-font-style:italic">
Ma qabo in wadaadadu ku murmaan Dad qaylinaya oo leh waar anngaa u baahan oo xaq u lehe hanna dhaafinnina oo xoolahoodi inta la xantoobiyay meel aan laga sugayn ku saydhiyay
font-style:normal;mso-bidi-font-style:italic">
Hadday sadaqo tahay oo la iska ilaabo baahida Bulshada miyiga: Xukuumaddu ma ogtahay Baaahida ka jirta:Cusbataalka TB, Baahida dadka waalan, Naafada iyo curyaamiinta iyo ubadka derbijiifka ah iyo shaqo laanta 90% ku habsatay.
font-style:normal;mso-bidi-font-style:italic">
Waxaan filayaa kaalmaha adduun weynuhu u fidiyay dadka ku tabaaloobay Somaliya in qofkiiba heli lahaa $5000 ilaa $10000.Waayo waan loo kala hadhin. Waxa kale oo jirta in dhamaan wixii mucaawanooyin ahaa ee dadka Somali sheegta loogu talogalay ay xamar galeen.
font-style:normal;mso-bidi-font-style:italic">
Dhawaaqii ku saabsanaa abaarihii JSL ka dhacay ee ku dheeraaday ee xukuumaduhu u jeediyeen adduun weynaha cidi dheg jalaq uma siin XMARNA hadalkeeda daa.
font-style:normal;mso-bidi-font-style:italic">
none"> 
font-style:normal;mso-bidi-font-style:italic">
Lacagtan dhan $.728 ee Hargeysi Xamar ugu yaboohday  kama duwana qaranimadii ay Hargeysi Xamar ugu yaboohday 60kii.
font-style:normal;mso-bidi-font-style:italic">
Markii wafdigu ka degay Xamar waa aynnu ka dheragsannahay in dareenka TFG-ga siday ugu qushuuceen markii ay arkeen wafdigan Hadraawi ( oo aan qarsan inuu Somaliweyn yahy) ka mid yahay ee deeqda u keeny, waxaanay u arkeen in walaaladood reer Somaliland oo soo noqondoonaan mar aan sidaa usii fugayn.
font-style:normal;mso-bidi-font-style:italic">
 
font-style:normal;mso-bidi-font-style:italic">
Warbixintii wasiirka waxaa ka muuqday in sadaqadii uu siday  guul siyaasadeed soo hooysay waayo wuxuu la kulmay madaxda kiiniya oo sheegtay in JSL u qalanto Ictiraaf. Rayle Odinga iyo Farah Macalin waligood waa la haayeen arrinta, ha yeeshee nin aan dan kaa lahayni dantaada waxba kama gelin .  Reer Xamarna yar iyo weyn dhimashuu ka xigaa somalilaand ictiraafa.
font-style:normal;mso-bidi-font-style:italic">
Gunaanad:
font-style:normal;mso-bidi-font-style:italic;text-decoration:none;text-underline:
none">
*Markaynu oganahay in xukuumadani si aan taxafudaad  
font-style:normal;mso-bidi-font-style:italic;text-decoration:none;text-underline:
none">
  lahayn uga qaybgasho shirarka Somaliland la doonayo inay   
font-style:normal;mso-bidi-font-style:italic;text-decoration:none;text-underline:
none">
  ku soo noqoto Somliya. Kii Nairoobi,Kii Lonon iyo kan hadda  lagu marti qaaday ee ka socda London,oo ay marakanka iyo  ingiriisku qabanqaabiyeen iyo qaar kale oo aan laga warqabin.
font-style:normal;mso-bidi-font-style:italic;text-decoration:none;text-underline:
none">
 
font-style:normal;mso-bidi-font-style:italic;text-decoration:none;text-underline:
none">
*Markaan arkay lacagtan faraha badan ee aan cidina JSL ka
font-style:normal;mso-bidi-font-style:italic;text-decoration:none;text-underline:
none">
  filayn iyo habka loo doortay wafdiga Somaliland-derska ee   
font-style:normal;mso-bidi-font-style:italic;text-decoration:none;text-underline:
none">
  agelbinayay $.728.
font-style:normal;mso-bidi-font-style:italic;text-decoration:none;text-underline:
none">
*Markaan filaayo habab diblomaasiyadeed oo kalena in wax  
font-style:normal;mso-bidi-font-style:italic;text-decoration:none;text-underline:
none">
  u soconkaraan.
font-style:normal;mso-bidi-font-style:italic;text-decoration:none;text-underline:
none">
Waxay iila muuqatay in xukuumaddu ka baydhay dariiqii jexnaana ee qaranimada iyo ictiraafkeedaba loo marayay ee dadku fahmayay. Maalintii la qaaday $.728 millyan aad baa dadweynuhu uga dooday, dabeed waxaa helis galay nin yidhi “Somaliland sankaa u daloola in Xamar raacdo”, Ninkaas booliiskaa fakiyay waxaan isleeyahay wuu dhimanlahaa.
font-style:normal;mso-bidi-font-style:italic;text-decoration:none;text-underline:
none">
Dadku qaranimadooda naftoodaa u hurayaan.  Shaki weyn baana ku jira. Xukuumaddu ha is caddayso. Sameeyoow Samo ka weel.
font-style:normal;mso-bidi-font-style:italic;text-decoration:none;text-underline:
none">
 
font-style:normal;mso-bidi-font-style:italic;text-decoration:none;text-underline:
none">
Xildhibaan
font-style:normal;mso-bidi-font-style:italic;text-decoration:none;text-underline:
none">
Xuseen Ismaaciil Yusuf
husseiniy.ismail@gmail.com

tab-stops:36.0pt">
font-style:normal;mso-bidi-font-style:italic;text-decoration:none;text-underline:
none">

WAA IN MADAXWEYNAHA LALA SHAQEEYAA OO LAGADAAYAA HAGARDAAMADA IYO HADALKA KULUL ,By: cabdi xarago

$
0
0

marka  hore  waxan    halkan  kasalamayaa  dhamaan    shacabka   somaliland    oo  dhan   meelkasta  oo  ay kala  jogaan.
  intaas    kadib   waxan   doonayaa   inaan  wax  yar  ka  idhaahdo    shirkii    jara iid     ee   uu    qabtay     madaxweynaha  jamhuuraiyada  somaliland   axmed  maxamed  siilaanyo.
 
  runtii     waxan    dhankaraa  madaxweynuhu  waxa    uu shirka  jara,id   u qabtay     waxay  ahayd   bal  in  uu   umada   u   iftiimiyo   waxa     uu    shacabka   somaliland   uu   qabtay  mudadii  uu     sanadka  badhka ahay  ee    uu   xilka    hayo.  iyo   hadalo  kasoo yeedhay    xisbiyada  mucaaridka  ah    sida      UCID.  IYO    UDUB.
 
        iyada  oo ay  mucaaridku   ku dhaliileen       madaxweynaha   inanu   wax badan   wadanka     u qaban ama   dawladiisu   aanay wax qabadan    samayniin  oo  horumar  leh;
 
 
      marka    runtii    loo  noqdo   oo aan  indhaha  layska tuuray     madaxweyana  jamhuuriyada  somaliland   axmed  maxamed  siilaanyo  wax   badan     ayuu    qabatay      intii yarayd   ee   xilka   haysay dawladiisu.
 
  waad  aragtaan  hurumarka  wadanka  uu gaadhay    haday noqan lahayd    xaga    waxbarashada.     caafimadka .     dhaqaalaha.
   dawladu waxa  kale  oo ay  samaysay  in  ay  burco  lacagtii hore    kabedsho  taasi     oo  ay  ka  badili kariweeyeen   dawladii hore   sida    alah  ha  u naxriistee  madaxweynihii  hore   ee somaliland   maxamed  xaaji   ibraahim cigaal.  duruufo  nololeed   awgeed.   iyo  madax weynhii   daahir    riyaale   kaahin.
 
 
    madaarka   berbera    qofkii  kasoo  dhuufay  ayuu   garanayee  sida    hada    yahay iyo    horumarka  ka muuqda  . taasina   waxa   suurta  galiyey   wasiirka   duulista iyo hawada   mudane  maxamuud  xaashi.   oo   ay   isagana    shacabku  ogyihiin  wax  uu qabtay.
 
 aniga   oo   aan  runtii  amaanay   dawlada  hada jira      laakiinse  waxaan   is  idhi      bal wax kasheeg  waxa  umada   looqabtay   . taasi    oo qafkastaba  ariki karo   faraqa  u dhaxeeya   tii  riyaale  iyo   tan  maanta  joogta.
 
 dhinaca   xisbiyada    mucaaridka  waxan  leeyahay    ilmaadeerayaal  kadaaya  dawlada    hagardaamada iyo  hadalada   kulul.
  laakiinse  wax  waad  u sheegi kartaan  dawlada. madaxweyanah   kolba waxii  jira  .    run  ahaan  wax  wanaagasn mucaafid  iyo mucaaridba  in     meel  looga soowada  jeesto   danta   shacabka   somaliland.
 
  madaxweyanaha    waa  in la  ixtiraama   oo   laga  ilaaliyaa  hadalada  dhibaaya ama   dhiga   kiciya.     waxana qurax badan oo  haboon in sidegan  sheego ama logu   bayaamiyo.    loogu sheego marka   shir jara.id  aad  qabanaysaa.
 
 
 madaxweynaha  waxaan  leeyahay   madaxweyne   iskaga  dulqaado waxkasta  dhaliilkasta ama  hadalkasta  oo  kasoo yeedha xisbiyada mucaaridka  oo  kaaga  yimaada    xisbiyada  mucaaridka. waayo  iyaganu  mawadan   wax kalee .   ee wax  wadaan   danta  shacabka  oo kaliya  waana  rag  udamqanaaya   qaranimada    somaliland.
 
 
 
  ugu  dambayn tii     xisbiyada  mucaaridka  iyo  shacab  iyo  dawladba waa   inaynu  ilaalinaa      qarnimada  somaliland  oo    loo   wayey  naf iyo  maalba.     guul   ayaan   u  rajaynayaa   somaliland  iyo  barwaaqo.
 
 
 
                         cabdi   xarago     bristol    uk.
cabdixarago@hotmail.co.uk
 
—————————————————————
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

Bahda Oodweynenews Oo HAMBALYO Diraya Mustafe Shiine Oo Gabadh Ugu Dhalatay Magaalada london

$
0
0

 
Guud ahaan madaxda iyo qoraayaasha shabakada caalamiga ah ee Oodweynenews.com, waxa ay hambalyo dhalasho  u dirayaan Mudane Mustafe Cabdi Ciise (Shiine)  oo shalay  oo taariikhdu tahay 20/10/11 Gabadh  ugu dhalatay magaalada London ,  Waxaana leenahay illaahay ha ka dhigo tii dadeeda & diineedaba  anfacda.     
AMIIIN     AMIIIIIN

Urur Siyaasadeedada Cusub oo Cagta Saaray Dhabihii kuwii ka horeeyay. Adeer dadka waxaad u qabanaysaan u sheega, hebel waa sidan iyo faqash buu ahaa, iyo wax buu cunay looma baahna.By: Maxamed-Nasir M Dhoore

$
0
0

Marka hore waxaan halkan ka salaamay dhamaan dadwayanaha reer Somaliland meel kasta oo ay Joogaanba. Salaam ka bacdi, waan rabaa in aan wax yar ka idhaahdo urur siyaasdeedada cusub oo aad moodo in aanay haba yaraatee waji cusub ku soo kordhin saaxada siyaasada ee Somaliland.
Waxaan urur Siyaasadeedada Cusub iyo kuwii hore ee jirayba u sheegaynaa in ay dadku khaatiyaan ka taagan yihiin hadalada bilaa naxwaha ah ee ay meel kasta la taagan yihiin. Waxaan wada ognahay in ay wadanka ka jireen sadex xisbi ka hor intaan lagu dhawaaqin furtintaanka xisbiyada Cusub. Hadaba, waxaa caado u ahayd xisbiyadaa iyaga ah in ay had iyo jeer xasaasiyad, iska horkeen, sumacad dilis, iyo isku dhufasho uu ahaa hadafkooda ugu horeeyaa. Waxay dhamaantood ka sinaayeen kala qaybinta bulshada iyagoo kaadhka qabiilka isticmaalaya haba sii kala darnaadaane. Xisbi kaliyah oo kambaynkiisa wuxuu dadka u qabanayo hadii la doorto sheegay ma jirin. Mid kastaaba wuxuu lahaa hebel waa tuug, hebel faqash buu ahaa, hebel hebel ayuu dilay, hebel beri ayuu sidaa yidh. Taasi oo ahayd oo kaliya in ay is sharaf dilaan. Hadaba, waxaad moodaa in xisbiyadan cusub ay iyaguna wadaan dhabihii ay kuwii iyaga ka horeeyay mareen. Hadii aanu nahay shacbiga reer Somaliland waxaanu u sheegaynaa ama kula talinaynaa in ay ka waan toobaan wax yaabahaa, shacabkuna uu dantiisa gartay, nin kastana deegaankiisa qofkii ama xisbigii faaiido u keenaya ay dooran doonaan. Waxaan kula talin lahaa xisbiyada cusub in ay awooda saaraan sidii ay baahiyaha jira wax uga qaban lahaayeen hadii ay tahay, iskuulo, dhakhaatiir, goobo caafimaad, shaqooyin, iyo dhamaan baahiyaha ka jira adeega bulshada.
 
Allaa Mahad Leh.
 
Maxamed-Nasir M Dhoore
Xidhiidhiyaha Jaaliyadaha Somaliland ee Gobolada Northwest, USA.
Main Office: Seattle, Washington.
Email: dhoore@live.com
—————————————————————
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

“Our children could face the risk of dying from starvation” says one father of the illegal Ethiopians’ stranded in front of IOM office in Hargeisa‏,By: Mohamed Sa’ed Abdillaahi

$
0
0

 
Throughout the world today there are at least 50,000 NGOs in the Third
World receiving over $10 billion in funding from international financial
institutions, Euro-US-Japanese governmental agencies and local governments.
The managers of the biggest NGOs manage million dollar budgets with salaries
and perks that are comparable to CEOs. They jet to international
conferences, confer with top corporate and financial directors and make
policy decisions that affect – in the great majority of cases adversely -
millions of people … especially the poor, women and informal sector
working people.

 
The International Organization for Migration-popularly known as IOM established in 1951 and currently operating in Somaliland, a self-declared sovereign state that is internationally recognised as an autonomous of Somalia has failed to deliver the assistance of a more than 120 Ethiopians stranded in Somaliland.
 
On Sept/2011 the government of Somaliland announced that all illegal immigrants, mostly Ethiopians, must return. Lack of means to travel to Ethiopia, and hence falling under the mandate of the IOM took over the operation of their safe return.
 
In anticipation of receiving support as promised by the IOM, the more than 120 illegal Ethiopians went to one of the currently functioning IOM offices in Hargeisa, the capital.
 
After sleeping outside in front the IOM office for more than 12 consecutive days and eating whatever they can find, as well as their freedom of movement became virtually impossible and have not received the humane treatment they fully deserve, Mr. Girayse an organiser of the deportation and one of the stranded speaking to a reporter of  berberanews.com online webite, said “We’ve been stuck here (in front of IOM office) for past 12 days with no food and water”. He continued on by saying “We are following the orders of Somaliland government and IOM has promised to take us to Ethiopia, disappointingly, they have yet to do so and what’s more alarming is that some of the children became severely ill after eating biscuits given by IOM thus if not aided immediately, our children could face the risk of dying from starvation”.
 
Another man sitting calmly beside Mr. Girayse during the interview said, “Whatever he (Mr. Girayse) is saying is the absolute truth and will not add anything, however, I would like to convey to the  Somaliland government and international organizations to take action of our appalling situation mainly caused by the empty promises of the IOM”.
 
The IOM which is said by a reliable source to have received around 50 million US dollars for this project declined a Berbera News reporter for an interview via telephone to get some answers from their side.
 
The Somaliland government is said to be enormously concerned about the safety and well being of the illegal Ethiopians awaiting to be deported  as well as the actions of the IOM.
 
Mohamed Sa'ed Abdillaahi
Chief-in0editor of berberanews
Email, info@berberanews.com


waqtiga iyo Nolasha Bani Adamka, By: Hassan Cabdi Shire

$
0
0

 
Nolosha bani'aadmiga haddaan u garwaaqsanno inay kacaa-kuf tahay.. haleel iyo hungow tahay.. guul iyo guul-darro tahay.. tisqaad iyo tawaawac tahay.. Intuba way soo mari karaan taariikhdeenna shalay, maanta iyo berriba. Aayaha mar walba lagala kulmo weeyaan kan xilli walba qiimaha gaarka ah u yeelaa."
Dadka adduunka maanta ku nool lama arko laba isku diiddan qiimuhuu waqtigu leeyahay. Qofka dhalashadiisa, korriinkiisa, waxbarashadiisa, shaqadiisa, guurkiisa, taranka qoyskiisa iyo dhimashadiisa waqtiga ayaa lagu xisaabaa. Qorshe kasta oo loogu tala-gelayo bulsho horumarkeeda, iyadana xisaab waqti ayaa lagu dejiyaa. Waqtiga marka lagu fasiro inuu xilliga keliya tilmaan u yahay sida saacado..maalmo..bilo..sannado xiriirsan oo iska daba tegaya, waa mid si fudud loo wada garan karo. Waqtigu wuxuu la jaanqaadaa garaaca wadnaha. Socodkiisa lama baacin karo. Lama hakin karo Dib in loo ceshaana waa ruux damcay qorrax duhur joogta in uu iftiinkeeda baabaco ku daboolo.
Waqtiga raadkiisu nolosha korkeeda ayuu ka muuqdaa. Wuxuu ku qormaa qofka foolkiisa, geedka jirriddiisa, dhismaha derbiyadiisa, haadka baalashiisa. Da’da cid walba soo marta, meelahaas ayaa laga cabbir qaataa, lagu gartaa facooda. Guud ahaan dhinacaas waa laysku wada raacsan yahay- mutacallin iyo ma-gudbe, dal sabool ah iyo mid hodon ah, dawlad soo koraysa iyo tan ugu awood iyo aqoon weyn dunida. Misna waqtigoo keligi iska daba rogmayaa micne ma yeesheen ee waxa micne iyo qiime u yeelaa waa dadka waxqabadkooda, himiladooda iyo had walba guusha iyo guuldarrada ay geeddigooda kala kulmaan.
Taas ayaa keentay in dadku taariikhda saddex xilli u kala saaraan:
Xilli lasoo gudbey (SHALAY)
Xilli lagu jiro (MAANTA)
Xilli soo Socda ( BERITO)
L jan qaad waqtiga oo haka murugoon
 
Aragtiyo kala duwan ayaa dadku xilliyadaas ku fasiraan. Mawqifyo kala fogna way ka kala taagan yihiin. Aragtiyadaas oo aad u badan, bal aan halkan saddex keliya kusoo qaadanno:
Aragtida Kowaad
Waa midda taageersan xilligii la soo gudbay. Waxay qabtaa in habkii iyo dhaqankii hore lagu dhaqmi jirey wax innaba u dhigmi karaa aysan jirin.. jirina doonin. Aragtidaasi dooddeeda iyo dadaalkeeda waxay saartaa in loo noqdo casrigaas ay ku tilmaanto in uu mid dahab ah ahaa.
Aragtida Labaad
Si buuxda oo mutuxan ayey tan hore uga soo horjeeddaa. In loo muraaqoodo xilli lasoo gudbey waxay u aragtaa in ay tahay maqaar duugoobey oo lays daba jiidayo. Xilliba xilliguu ka dambeeyo in uu ka wacan yahay ayey ku nuux-nuuxstaa. Aragtidani waxay xigmaddeeda ku ururisaa ‘ Xilli tegey waxba yaan loo hanqal taagin, ee casriga lagu jiro cajabtiisa lagu ashqaraarayaa Yaanay ku seegin.
Aragtida Saddexaad
Labada horeba way diiddan tahay sida ay xilli goonni ah isugu dhejinayaan. Kala-googoynta iyo kala-qoqobka xilliyada gef weyn bay u aragtaa. Waxay aragtidani la soo taagan tahay in uu xilligu isku-sii-deys taxane ah oo aan kala qaybsamayn yahay. Shalay, maanta, iyo berrito ayaa is wada weydaaran kara, oo midiba tan meesha kale geli kartaa, ilbaxnimada ama dib-u-dhaca ku duugan awgeed.
Nolosha baniaadmiga haddaan u garwaaqsanno inay kacaa-kuf tahay.. haleel iyo hungow tahay.. guul iyo guul-darro tahay.. horumar iyo dib-u-gurasho tahay.. tanaad iyo dabar-go’ tahay.. tisqaad iyo tawaawac tahay.. Waaya-aragguna casharka laga kororsado yahay, Intuba way soo mari karaan taariikhdeenna shalay, maanta iyo berriba. Aayaha mar walba lagala kulmo weeyaan kan xilli walba qiimaha gaarka ah u yeelaa.
Tilmaan gaaban haddaan soo qaadanno:
Shalay, konton sano ka hor siday Soomaalidu isugu duubnayd.. ummadnimo ku walaalaysnayd.. gumeysi shisheeye meel uga soo wada jeeddey.. midnimadeeda ku dhaadanaysey.. dunidan jaqaafisay u higsanaysey.
Maanta siday isu cayrsatay..isu cuntay.. u marin habawday.. qarannimadii u loogtay oo u lumisay. Ma laba isu dhigmaa? Maanta iyo shalay waa iyama? 
Haddii si kale loo dhigo:
Xornimadii, dawladnimadii, midnimadii iyo qarannimadii dadka Soomaaliyeed nafta u hurayeen, ma ahayn arrin shalay ku ekayd keliya ee maantana way taagan tahay. Sidoo kale Shalay, toddobaatan sano ka hor, Xaaraama-cune ayaa inna soo maray oo lagu hoobtay.
Maantana isagoo ka sii daran ayuu innagu habsaday..dad iyo duunyoba ku riiqmeen. Berritona laga yaabee, haddaan laga sii tabaabushaysan, in lala kulmo isagoo oodihiisa watta.
Iyadoo kooban, Xilli waliba wuxuu wataa in soo-qaadasho leh, iyo in xoorid leh si kasta ha u kala badnaadeene. Hana illaawin weligaa intaad qof ahaan xooridda ku xisaabaysid, cid kalay soo-qaadashada ugu jirtaa e !
Sidaas ayaa saddexda xilli ee xayndaabka adag loo kala samaynayaa ay taariikh ahaan u wada socdaan.. isugu dhafan yihiin.. isu dhafan-dhaafayaan. Mar walba sareedada laga dheefo ama saxariirka laga la kulmaa astaan u ah. Dhugmadaasi waxay inna baraysaa in saddexda xilli qof walba, meel walba, had walba ku wada kulansan yihiin, iyadoo qof kastaaba casharka uu door bido ka xulanayo, una hawlgelayo hirgelintiisa, una hanqal taagayo ka-lib-keenidda himiladiisa .
Nolosha baniaadmigu way ka murugsan tahay sida la moodaayo. Si aan marna la malayn karayn ayey isugu moordhaysan tahay. Waqtiguna waa sidoo kale
 
Hassan Cabdi Shire
Hargeysa Somaliland
shire571@hotmail.com
—————————————————————
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
 

Dayniile oo wali Dagaal ka socdo

$
0
0

Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa maalinti labaad kula dagaalamayo degmada Daayniile ee Magaalada Muqdisho Xarakada Al Shabab.
Kadib marki shalay ilaa xalay fiidkii ay ku dagaalamayeen gudaha iyo hareeraha degmada ayuu saakay mar kale ka qarxay dagaal culus.
Daryanka madaafiicda iyo hubka fudud ayaa laga maqlayaa halka uu dagaalku ka socdo oo ah xaafada Tiida iyo Dibileey oo ay isku hor fadhiyeen xalay labada dhinac.
Gaadiid badan oo gurmad ah oo ay leeyihiin ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa galay goobta, dhanka Al Shabab ayaa la sheeg in ay ku jiraan xarunta degmada iyo saldhiga iyo xaafadaha la siman.
Qasaaraha dagaalka ayaanan wali la helin maadaama uu dagaalka goor dhaweyd bilowday, laakin waxaa la xaqiijiyey in ay xaafada Dibiley ay ku dhinteen laba dumar ah xalay kuwaasi oo u geeriyooday dhiig bax marki ay awoodi waayeen in ay ka baxaan xaafada.
Waxaanan la qiyaasi karin sida ay xaaladu noqon doonto, iyadoo ciidamada AMISOM ay geeyeen degmada Taangiyo fara badan.
Al Shabab oo shalay kusoo bandhigay deegaanka Calamada ee duleedka Muqdisho meydad gaarayey 76 oo ay ku sheegeen in ay ka mid ahaayeen ciidamo ka tirsan AMISOM oo ay ku dileen dagaaladi shalay ayaa wali xoog ku leh degmada Daayniile.
Taliska ciidanka dowlada ayaa wacad ku maray in ay soo gaba gabeyn doonaan howlgalka ay ku sheegeen kii ugu danbeeyey ee ay ku qabsanayaan guud ahaan Magaalada Muqdisho.
 
Cumar Caana Nuug
GalGalanews/Muqdisho

WACDARAHA ABWAANKA IYO MAHADHOOYINKII ABWAAN MAXAMED YUUSUF CABDI RAXMAAN (KEYSE) IYO MAANSADII “DHIBAAD” (Boog baa ninkii dhigay, Ka sugaysa dhaymoo, Bulshadeena dhoylaan, Dhiidhaa u dirayaa)

$
0
0

 
Holland:(OWN) Barnaamijkeena Wacdaraha Abwaanka oo yaalaaba maalinta sabtida aanu ka baahino degelka Oodweynenews waxaynu maanta ku soo qaadan doonaa maanso ka mid ah maansooyinka Abwaan Wadaniga ah ee Maxamed Yuusuf Cabdi Raxmaan (Keyse) oo aanu hore idiinku soo gudbinay suugaantiisa qaybo ka mid ah. Hal-abuurka Maxamed Yuusuf X. Cabdiraxmaan ( Kayse), wuxuu suugaantiisa si mugleh ugu iftiimiyaa sida ay lagama maarmaanka u tahay ilaalinta danta-guud, tusaale ahaan waa Abwaankii ugu horeeyay inta aan ogahay ee suugaantiisa si damqasho leh ugu dooda dadka maanka ka jirin, waana soo saarihii barnaamijka Qareenka  Codka Aamusan oo dabcan aan inooga baahnay faahfaahin dheeraad ah.
 
Waxaan halkan idiinka balan qaadaynaa in toddobaadyada soo socda aanu idiin soo gudbin doona qaybo ka mid ah suugaanta Abwaan Keyse hadii Eebe idmo. 
 
Maxamed-Kayse wuxuu ku dhashay Tuulada Dabagorayaale oo dhinaca koonfureed kaga aaddan Hargeysa, qiyaastii 1965 kii. Wuxuu tacliinta Hoose/Dhexe ku qaatay magaalada Burco. Wuxuu ka mid ahaa ardaydii dugsiyada sare ka baxday 1985kii, waxaanu nasiib wanaag ka mid noqday ardaydii nasiibka u heshay waxbarsho ay iska kaashadeen jaamacad talyaani ah iyo Akadeemiyadii Cilmiga Iyo Fanka. Markii waxbarashadu u dhammaatayna wuxuu hawl-wadeen ka noqday Akademiyadii Cilmiga iyo Fanka ee Soomaaliyeed. Ka dibna wuxuu u tallaabay dhinaca Itoobiya halkaas oo uu kaga mid noqday Ururkii SNM. Laga bilaabo 1991kii dhinaca saxaafadda ayuu u badnaa, waxaanu tafatire ka noqday wargeyskii Ileys oo ahaa kii ugu horeeyey ee Somaliland ka soo baxa dhicistii maamulkii kacaanka 21ka Oktoobar ka dib, ooy soo saari jirtay Qaybtii qoraaladda ee Waaaxdii Warfaafinta oo uu maamule ka ahaa. Ka dib 1992kii wuu ka tegay Wasaaraddii Warfaafinta waxaanu u weecday dhinaca saxaafadda madaxbanaan. Geesta kale Maxamed Keyse waa qoraa wax ka qora arimaha dhaqanka, waxaanu wakhtigan xaadirka ka mid yahay qurba jooga reer Somaliland ee ku sugan wadanka Holland.
Ugu danbayntii iga gudoomo Maansadii “Dhibaad”
 
 
Haddaba maansadan Dhibaad  oo soo baxday 25/12/2003 qaybteeda hore waxay ka sheekaynaysaa dood dhexmartay shinbirta la yidhaa Huryo iyo niman geel-jire ah, waxaanay u dhacday sidan:
 
Abwaan Maxamed-Keyse:  

  • Axmedow nin dhuuntoo
  • Beri hore dhuyaalaan
  • Xaajada dhabteediyo
  • Haynin dhabannadeedee
  • Warka aan u dhiibnee
  • Bal dhegayso sheekadan.

 

  • Dhagarleyda Huuryadu
  • Waa dhuuryo yaab lehe
  • Raggay dheemmantiisii
  • Geeliisa dhiinka ah
  • Afkeedii dharraan jiray
  • Kaga dhaabtay adhaxdee
  • Dheecaan ka madhisaa
  • Dhiidhiga xanaaqa ah
  • Markay dhagax la tuuriyo
  • Dhug la gaadhi waayeen
  • Dharaskooda caalwaa
  • Huryo dhagas ku yidhi beri:
  • “Naayaahe Dhuuryooy
  • Geelayagaad ku dheeshaa
  • Ma kuu dhaxal awaw baa?
  • Qaalmahiisa dhaashtiyo
  • Baarqabkiisa dhibida leh
  • Dhuuni ay cunaan iyo
  • Dheeftii u diiddoo
  • Dhaar baad ka marisoo
  • Adigaa dharqanayoo
  • Ka mudaaya dhuuntoo
  • Garbahaad ka dhuuqdiyo
  • Miskahaad ka dhilataa
  • Waagii dhalaaliyo
  • Cadceeddii dhacaysiyo
  • Dharaartii timaaddaba
  • Dhaymo nooga baahane
  • Ma nin nala dhaqdaad tahay?
  • Shinbirtaadan dhiciskii
  • Dhirbaaxaad ku filantee
  • Maxaad noo dhibaysaa?”
  • Huryo-dhagas han dheerida
  • Inay dooddo ugu dhane
  • Waxay tidhi dhankeedii:
  • “Hadal kama dhirfaayoo
  • Ka dhaqaaqimaayee
  • Dhammidaaba geel-jire
  • Anigaaba dhawroo
  • Dhaqaaleeya geelee
  • Dheel-dheelku waa maxay?
  • Markaan guudka dheeriyo
  • Dhabarkiisa fuuluu
  • Dhacadiidsi doonaa
  • Manaa geela dhaawaca?
  • Dhogortaan u feedhaa
  • Farta aan dhaqajaa
  • Waxay uga dhigan tahay
  • Isagoo dhinbiil iyo
  • Dhuub dooga cunayee
  • Waar maanaa dhibkiisa ah?
  • Ma anigaa ka quba dhiig?
  • Maxaa ii dhakraysaan?

 

  • Wiilal dhoohan baa tiin
  • Alla muu dhawaaqoo
  • Inna kala dhex joogoo
  • Garta aan u dhiibnoo
  • Dhabta sheego geeluba
  • Keenna ceebta dhaansada!”

 

  • Dhoobbi geel-jir weynoo
  • Dhegaysanayey hadalkoo
  • Dhuuxaayey dooddii
  • U dhexaysay huuryiyo
  • Dhibbanaha muduciga ah
  • Ayaa dhiirranaantiyo
  • Siday dhagaraheedii
  • Uga dhuumanaysiyo
  • Huryo-dhagas ka yaaboo
  • Wuxuu dhoobbigii yidhi:
  • “Dhumucda iyo xooggaba
  • Dhuuggoo ka taag daran
  • Dhacdadiisa ficilka ah
  • Lama dhaadi waayee
  • Huuryadan dhiblowga ah
  • Dhidibkeedu adagaa!
  • Xoodaamo dhimashiyo
  • Inay xeel wax dheer tahay
  • Qalbigii ka dheregsani
  • Erayada dhab diidka ah
  • Ka dhegaysan maayee
  • Dhallinyarooy nin geelliyo
  • Huuryo-dhagas sidoodaba
  • Dagaal baa dhex yaallee
  • U dhug yeesha xaajada.”
  • Maanta iyo dharaartaa
  • Dhagas iyo nin geel wada
  • Dhagar baa u tiil meel.

 
 
Maansada ‘Dhibaad’ qaybteedan kale waxay leedahay “ Beri baa dhurwaa (waraabe) u yimid xoolo oo ku oo yidhi “xoolow maanta laga bilaabo waan ka toobad keenay dhiiggiina iyo hilibkiina inaan quuto, waxaanan dhaar idiinku marayaa inaan arrintaa dib la iigu arkayn.”
Maansadu waxay muujinaysaa in xoolaha dhurwaagu la kulmay ahaayeen adhi (riyo iyo ido). Dhibaadi waxay inooga sheekayn doontaa sidii qisadaasi ku bilaabantay iyo siday ku dhammaatayba.
 

  • Qiso kaloo ku dhaw taas
  • Aynu yara dhudhuminnee
  • Beri baa dhurwaa yidhi:
  • “Duunyooy dhammaantiin
  • Dhaar waxaan ku marayaa
  • Inaan dhuunyadkiinii
  • Dib la iigu dhuganayn
  • Hilibkiyo dhiggiisiyo
  • Beri dhiiggu iga yahay.”

 

  • Dhawaaqaasi dabadii
  • Duunyadii badh dhaantiyo
  • Dheel iyo ciyaar tume
  • Badhna dhagi hurdo ah gale
  • Badhna dhawr su’aalood
  • Dhurwaaga toobbadiisii
  • Dhuuxeeda shawr gale
  • Badhna intay dheg taageen
  • Dhuuxiyo dirkeedii
  • Iyagoo ku jira dhirif
  • Xag u yara dhanbuuqsade.

 
“Weger! Sidee loo rumaysan karaa dhagar qabahan aan wax lagu aamino lahayn,” ayaa Riyihii is weydiiyeen. Riyaha waxa lagu tiriyaa xoolaha kuwa ugu feejig, halka idahana lagu tilmaamo demmanaan iyo dhegweyni.
 

  • Goor ay duhur dhankiisii
  • Cadceeddii u dhurataa
  • Dhagdhagtiyo farxaankii
  • Wan yar oo ku kala dhacay
  • Geed dhaloola hoostii
  • Intuu helay dhurwaagii
  • Hamuuntii is dhiganwaa
  • Muudsay dhayladiisii
  • Isagoo af dharan oo
  • Dhuuxaaya lafihii
  • Dhugte xoolihii qaar
  • Dhug intay yidhaahdeen
  • Warka iyo shilkaa dhacay
  • Durba la isu dhiib dhiib
  • Dhuxdhux iyo faq lagu tebi.

 

  • Dhuruq goobta ceebeed
  • Isagoo is dhuub loo
  • Xaqiiqada ka dhuumo leh
  • U jees-jeesay dhinacyada
  • Dhaqaaq joogsi coogcoog
  • Misna dhiirrayoo socoy
  • Waa doqon dhurwaaguye
  • Dhoollihiisa hilibka leh
  • Meeshaba isagoon dhigan
  • Weli laguma dhaadine
  • Qosol dheellalaabo ah
  • Ku dhabbaco naftii yidhi
  • Kala waax af laba dhan
  • Dhuruq foolashiisii
  • Sida dhiriqda oo kale
  • Xinjirii ku dhoobnaa
  • Sida dhayda loo arag
  • Hal mar dheygag lagu eeg
  • Dhega-dhega! la wada yidhi.
  • Qisadaana laga dhaxal
  • In dhurwaaga weligii
  • Dhaqan doorsan laga filin.

 
Maansada Dhibaadi iyadoo inoo qeexaysa waxa ku kelifay inay inooga sheekayso  maaweelooyin murtiyeysan  iyo dulucda ujeedadeeda waxay tidhi:
 

  • Maansada dha’leyda ah
  • Dhammoow sheeko-baraley
  • Waxaan ugu dhigdhigayaa
  • Ama ugu dhejinayaa
  • Wax sidaa ka dhigan baan
  • Fan ku soo bandhigayaa.

 

  • Dhabta iyo xaqiiqadu
  • Inaanay dheg-xumadiyo
  • Dhagartiyo ableydiyo
  • Dhiillada la hoyan karin
  • Yaan nin aan dhugweynayn
  • Dha’da ugu gudbinayaa.

 

  • Nin dhardhaari karayaa
  • Xaajada ka dhaliyee
  • Nin xilkiisii dhagar iyo
  • Dheryo jebis u qaatoo
  • Dhaqaalee ha joogtee
  • Dhiifay maatadiisaan
  • Waanada u dhurayaa
  • Samirkiyo dhursugadaan
  • Dhood-dhoodi leeyoo
  • Dhanna baho dugaag baan
  • Dhoobdhoobi maayee
  • Dhengedaha u lulayaa.

 

  • Wuxuu dhimay wuxu dhigay
  • Nimaan lagula dhici karin
  • Lagu dhiirranaan karin
  • Isna aan wax dhaafayn
  • Dhegna aan u tudhanayn
  • Dhiigna aan ka tudhanayn
  • Ayaan dhuuxa sheekada
  • Nimaan dhaadin barayaa.

 

  • Xeelado is dhababoo
  • Dhacamaha adkaystoo
  • Dhaqaalihii  wareemoo
  • Dhaqankii burburiyoo
  • Bulshadeenii dhumiyoo
  • Dhabqiyoo wareershaan
  • Dhumucdooda dayayaa
  • Hadba dhinac u rogayaa
  • Dhaqtar ugu wacwacayaa!

 

  • Boog baa ninkii dhigay
  • Ka sugaysa dhaymoo
  • Bulshadeena dhoylaan
  • Dhiidhaa  u dirayaa.

 

  • Gabaygiyo dhawaaqiyo
  • Dawaaddiyo dhigaalkiyo
  • Dhumucdiyo odhaahdiyo
  • Dhexdaan qalinka haystaa!
  • Dhambaallada ku qorayaa!
  • Cashar dhaxal ka dhaxaloo
  • Ruuxa nooli dheehdoo
  • Ka aan dhalanin sugayaan
  • Waxaan lumin ka dhigayaa.
  • Dhegooliyo caniid iyo
  • Qaar dhagax-dixeedaan
  • Dhawdhawda erayada
  • Ka dhacsiinayaayoo
  • Dheel-dheeli maayee
  • Axmedow dhegeysoo
  • Maansadu dhar weeyee
  • Waa dhibaade muunee.
  • Maansadu dhadhamo iyo
  • Dheef raadis ma ahoo
  • Tuman maayo dhaantoo
  • Magac kuma dhadhabayee
  • Ammaan uma dhutinayoo
  • Maamuusku dhalad iyo
  • Dhadhan malaha waaree
  • Waxa aniga igu dheer
  • Dhawritaanka samahoo
  • Dhammee waxaan is leeyahay
  • Hadba xaajo dhimman oo
  • Murti baan u dhigayaa
  • Ninka dhaadi karayoo
  • Waxaan dhiibayaa sahay
  • Suugaantu dhidibtee
  • Ku dhabcaali maayee
  • Dhito weeyee ii qabo
  • Inta dhugata mooyee
  • Intay dhaafto garansii.
  • Axmedow dha’ iyo wow
  • Ku dhammeey heestee
  • Dhammoow nooli kulantee.

 
 
 
Sharax Ereyadan:
Dhiidhi:
Dhaabid:
Dhug:
Caalwaa:
Dharqasho:
Dhirfid:
Dhuuni:
Dheef:
Dhoobi:
Dhuug:
Xoodaamo:
Dhalool:
Dhursug:
Coogcoog:
Dhabacasho:
Dheellalaabo:
Dhiriq:
Dhardhaar:
Dhibaad:
Dhabcaal:
Dhadhabid:
Dawaad:
 
 
Dhamaad
 

 
Xigasho: Buuga Karaan ee uu qoray Xasan Cabdi Madar
Tebintii: Muraad Mooge Cabdi/Netherland
Oodweynenews.com

“Our children could face the risk of dying from starvation” says illegal Ethiopian father stranded in front of IOM office in Hargeisa

$
0
0

HARGEISA(SomalilandPress)-Throughout the world today there are at least 50,000 NGOs in the Third World receiving over $10 billion in funding from international financial institutions, Euro-US-Japanese governmental agencies and local governments.The managers of the biggest NGOs manage million dollar budgets with salaries and perks that are comparable to CEOs. They jet to international conferences, confer with top corporate and financial directors and make policy decisions that affect – in the great majority of cases adversely - millions of people … especially the poor, women and informal sector working people.The International Organization for Migration-popularly known as IOM established in 1951 and currently operating in Somaliland, a self-declared sovereign state that is internationally recognised as an autonomous of Somalia has failed to deliver the assistance of a more than 120 Ethiopians stranded in Somaliland.On Sept/2011 the government of Somaliland announced that all illegal immigrants, mostly Ethiopians, must return. Lack of means to travel to Ethiopia, and hence falling under the mandate of the IOM took over the operation of their safe return.In anticipation of receiving support as promised by the IOM, the more than 120 illegal Ethiopians went to one of the currently functioning IOM offices in Hargeisa, the capital.After sleeping outside in front the IOM office for more than 12 consecutive days and eating whatever they can find, as well as their freedom of movement became virtually impossible and have not received the humane treatment they fully deserve, Mr. Girayse an organiser of the deportation and one of the stranded speaking to a reporter of berberanews.com online webite, said “We’ve been stuck here (in front of IOM office) for past 12 days with no food and water”. He continued on by saying “We are following the orders of Somaliland government and IOM has promised to take us to Ethiopia, disappointingly, they have yet to do so and what’s more alarming is that some of the children became severely ill after eating biscuits given by IOM thus if not aided immediately, our children could face the risk of dying from starvation”.Another man sitting calmly beside Mr. Girayse during the interview said, “Whatever he (Mr. Girayse) is saying is the absolute truth and will not add anything, however, I would like to convey to the Somaliland government and international organizations to take action of our appalling situation mainly caused by the empty promises of the IOM”.The IOM which is said by a reliable source to have received around 50 million US dollars for this project declined a Berbera News reporter for an interview via telephone to get some answers from their side.The Somaliland government is said to be enormously concerned about the safety and well being of the illegal Ethiopians awaiting to be deported as well as the actions of the IOM.Mohamed Sa’ed Abdillaahi Chief Editor,Berberanews.com Email: info@berberanews.com

Nin Shiine Ah oo Sameystay Shaqo layaab Leh oo uu Ku Kalla Dirayo Dadka Is Jecel Hadii Mid Doonayo Inuu Ka Hadho Ka Kalle Isagoo fariinta Ka Gaadhsiinaya. Akhriso Warkan Xiisaha Leh: Hadii uu Jiro Qof Aad Dooneysid Inaad Xadhiga U Jartid

$
0
0

 
CHINA(OWN)- Aduunyada waxyaabaha kasoo baxaya oo maalin walba kuwii hore kasii yaab badan ayaa rag nooc badane nin u dhashay dalka Shiinaha oo lagu magacaabo Tu Liming,  uu sameystay shaqo aan iyadoo kalle hore loo arag kadib markii uu sheegay inuu ka shaqeynayo inuu kalla diro ama kalla kaxeeyo laba qof oo is jeclaa oo doonaya inay kalla tagaan ama uu mid doonayo inuu ka hadho ka kalle, Ninkan ayaa sheegay inuu isagu warqad ka qaadayo qofka doonaya inuu soo afjaro jacylkiisa isala markaana uu warqadaa u geyn doono kii laga baxayey,
 
Mr: Tu ayaa u sheegay wakaalada wararka ee dalka Shiinaha ee Xinhua  inuu ka qaadayo qofk raba inuu jacaylkiisa xadhiga u jaro lacag dhan 30 doller isagoo intaa ku daray inuu ka qaadayo dadka magaalooyinka kalle uga yimaada ee aan degeneyn magaladiisa 80 doller, Ninkan oo ka waramayey waxa ku kalifay shaqadan ayaa sheegay inuu daawaday filim korean ah oo matalayey qof doonaya inuu ka hadho jacaylkiisii laakiin ka baqayey sdii uu ugu sheegi lahaa iyadoo markaa ay ku dhalatay isagu inuu shaqadaa qabto oo uu u fududeeyo labada doonaya inay kalla hadhaan, 
Ninkan oo kormeere ka ah shirkada Adidas isla markaana degen magaalada lagu magacaabo Zhaoxing ee  waqooyi galbeed ee dalka Shiinaha ayaa sheegay in aanuu isagu qaadaneyn lacagta 30 ama 80 doller ah ee uu siinayo qofkii jacaylka lagag baxay, Mr: Tu ayaa intaa kusii daray inuu illaa iminka kalla diray dad badan oo doonayey inay ka hadhaan jacaylkoodii isla markaana ay dadkaasi lasoo xidhiidheen kadib markii uu ogeysiis ku qoray aallada internetka,
Tu oo ka sheekeynayey dhibaatooyinka ay shaqadan leedahay ayaa sheegay in maalin maalmaha kamida uu u yimi nin dhalinyaro ah isla markaana uu ka dalbaday inuu warqad ka gaadhsiiyo gabadh ay is doonayeen oo uu rabo inuu isaga hadho isla markaana uu u dhiibay 80 kii doller ee laga doonayey. Ninkaa aya u sheegay Tu inay gabadhaa is jecel yihiin laakiin uu ka baqayo inuu u sheego inuu ka hadhayo, Mr: Tu ayaa sheegay in markii uu gabadhaa u tagay ee uu u dhiibay warqadii & 80 kii doller inay aad u xanaaqday isla markaana ay wajiga kaga dhufatay warqadii & 80 kii doller iyadoo  si cadho leh ugu tidhi u sheeg ninka warqadan kuusoo dhiibay inay aniga tahay ta dooneysa inay ka hadho jacaylkiisa,
Ninkan ayaa waxaa ku dayday shirkado & wakaalado kalle oo dalka Shiinaha ku yaalla iyagoo sameeyey xafiisyo kalla diraya hadii ay jiraan laba qof oo is jecel oo doonaya inay xadhiga isu jaraan,  
Sida caadiga ah waxaa jirta in dadka ay sheekadu ka dhaxayso in midkood damco inuu ka kalle xadhiga u jaro laakiin ay ku adkaato inuu hortiisa ka sheego inuu ka hadhayo laakiin farsamada uu ninkan keenay waxaa laga yaabaa inay wax badan ka tarto qofka doonaya inuu soo afjaro xidhiidh uu qof kalle la-lahaa laakiin sababo jira awgood aanuu hortiisa ka sheegi karin inuu ka tagayo, Shaqadan ayaa dhinaca kalle dhibaatadeeda leh iyadoo laga yaabo in nin aad u cadheysan oo jacaylkiisii ka hadhay uu u keeno warqad noocaa oo kalle ah isla markaana uu isga ku cadho burburo ama uu waxyeelllo u geysto,
Hadaba Akhriste maxay adiga kulla tahay shaqada noocan oo kalle ah & faa,iidada ku jirta ama khasaaraha ku jira. Ninkan se mala odhan karaa wuxuu bedeley dadkii isku diri jirey labada qof ee is jecel madaama uu isagu fududeynayo inay kall tagaan,
Barkhad Cabdillaahi Maxamed
Oodweynenews.com / SWEDEN
Barkhad11@live.com
Facebook:- Barkhad Abdillahi Oodweynenews

MR. Samaale, Sacaba Tummidiisu Sow Saayidd Maaha‏,By: Maxamed-Amiin Dahir Caynaanshe

$
0
0

 
Mr. Samaale, In kastoo shakhsiggu uu xorr u yahay afkaarta iyo shakhsiga uu taageerradiisa shakhsi uu u hibaynayo ee uu isla barbar taaggayo hadanna waxa jirra Islamnimo, dhaqqan iyo xeer ibna-aadamku wadaago oo kaa reebaya in shakhsiga aad ku taageerto qallad iyo caddaalad darro, weliba marka shakhsiga aad taageeraysaa yahay hogaammiye ummadi doorratay arrintu way ka sii xagg jirtaa tii shakhsiga qudha, oo waxa ay saamayn ku leedday ummad tirro baddan.
 
 
Madaxweyneha taageerradiisu ceeb maaha marka uu si saxa oo ummada iyo diinteenna suubban ba dan u ah marka uu ku talaabsanayo waanna shaqadii loo doortay, in uu ku guulaystana ummada oo dhanbaa niyadda ka jecel Allena u baryeysa in uu ku guuleeyo kunna garrab gallo. Waxa aan dadka qaar aminsan yiin in aanu jirin hogaammiye Somalilander ah oo ay niyad xumo ka tahay in uu wax xumeeyo oo uu ku tunto ummad dhan rajadeeda ee waa ka farsamo xumo dhammaantood iyo ku-xisaabtan la'aanta mushkiladaha daadsan iyo dhaqankan duugga ah ( Qabiilka ) ee laga korri la'yahay oo ah maaddad jirta oo ina hor taal islamarkaasna aan la dafiri karin sida aynu jecelnahay iyada oo wax lagu hagaajinayo.
 
Run ahaantii Samaalow, shakhsi ummadi dooratay in aad nacamleyn iyo mashxarad aad la daba fadhiisato marr walba qalad iyo saxba waxa ka roon adoo tallo iyo tilmaan ummada iyo isaggaba wax u tarraysa in aad ku kordhiso kuna  guubaabiso, hadii aad sidaa yeesho oo sida fiican aad u fikirto waa kuu sharaf iyo xasanaad akhiro oo aad ku hesho sammo falista iyo ku dhaqanka sida Alleh inna farrayo ee uu yidhi ku dhaqma, hadii se aad gardaro garab siiso halkeed ku socotaa? meeday se diintii iyo kutubtii aad xanbarsanayd ma xilka ayuunbaad ku xasilinaysay.
 
Addigu Samale, ahaan shaqada aad ku suntann tahay ee aad qaranka u haysaa waa gollaha sharci dejinta oo shaqadoodu tahay inn ay isu dheeli tirto sharciyadda lanna xisaabtammaan xukuumada,Qaladaadkaa hogaamiyayaashena sixidooda waxa loo doortay waa gollaha xildhibaanada oo ah sharci dejinta waa golahan aad guddomiye xigeenka ka tahaye, shaqadiinu waxa weeye dheeli tirida sharciga iyo xakamaynta dawlada oo aad ka ilaalisan ku takrifalka awooda ummadu u dooratay taas oo laydinka rabbo in aad marwalba sugtaan habsami u sucodka xukuumada, idinku kama tirsanidin xukuumada madaxweyne Siilaanyo, inn aad ku dhex milantaana waa guuldaro u soo hoyetey qarranka jsl, idinku waxa aad wakiillo u tiin ummada iyagga ayaanad matashaan oo idin soo dooratay ee maaha in aad ka soo jeedsato halkii ummadu ku tidhi nagga illaali in ay na dulmiyaan dhawacna u geystaan jiritaanka qarranka Jsl.
 
Ummad baddan ayaa is weydiinaysa waxa ka qaldan gollaheena xildhibaanadda oo sidii loo doortayba ahaa mid aad is odhanayso xilkii loo doortay ma hayaan manay guddan xilkii ummadu u diratay waayo? Markii dawladdii madaxweyne Riyaale, waxa ay u janjeedheen oo ay ka tirsanayeen xusbigga mucaaradka ee Kulmiye, ficiladii iyo dhacdooyinkii wakhtigaa ay sameeyeen ee dhacayna waynu wadda ogeyn inn ay xataa mucaaraddi jirreen wixii saxda ahaa ee xukuumadaasi horre qabanayso iyo mooshin kasta oo ay xukuumadu wadatay, maantanna waxa innoo wadda muuqda inn ay xukummada Siilaanyo ay sax iyo qalad ku barbar taaganyiin, ummadii dooratayna ay daadifeeyeen shaqadii ay u dirteen.
 
Haddaba waxa aan ku boorinayaa mr.Samaale, iyo gollaha wakiladdu inn ay xilka sidda uu yahay ugu dhaqmaan oo ay sharciga horyaala ay sidiisa ugu ixtiramaan, waxa looga baahan yahay in ay misaanka dib u sarraan dawladan Siilaanyo ee goldalooloyinka tiradda badan leh kalanna sarraan saaxiib-tinimada iyo arrimaha qarranka ee ummadu ay waddaagto. Garran mayo annigu sabab ku kallifta qof wax isku falaya oo weliba ummadi doorratay in uu midiidin u ahaado maamul qalad ku socda oo qaladkaa mushkilada ka dhalan kartaa ay ummada dhex u tahay oo kaaga darrane xumaan wax ku maamulaya oo ku doonaya in loogu hogaansamo indho adeyg iyo is maqiiqna caado ka dhigtay.
 
Gebogebbo: Marnaba ma jirto cid wax qabadka madaxweynaha sacabbo yaryar ku qarrin karta oo ummada iskagga gudbi karta wannaga uu sameeyo iyo dedaalkiisa uu muujiyo ee uu la yimaaddo. Mucaarradada la mucaradayo xukuumadu waxa ay inta badan salka ku haysaa dhaliilo iyo qaladdaad ay leeddey dawladdu waanna daw inn la tilmaama ileyn qarranku waa shacbi weynaha manna aha inta markaa xilka haysa oo qudha iyo xusbi toona.
 
Maxamed-Amiin Dahir Caynaanshe
Columbus Oh, Usa
amiincaynaashe@yahoo.com
 
—————————————————————
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
 

Xaflad Qado Sharaf ah oo M/xigeenku ku marti qaaday Ugaaska Gadabuursi Ugaas C/rashiid Ugaas Rooble iyo Madaxda dhaqanka ee kale Salaadiin, Cuqaal iyo Weftigii wasiirada ee la socday oo ka dhacday Rays


Muqdisho: Dagaal Mar kale ka dhacay Deyniile

$
0
0

Wararka naga soo gaaraya degmada Deyniile ee Magaalada Muqdisho ayaa ku soo waramaya in xalay halkaasi uu dagaal xoogan mar kale ka dhacay, ka dib markii Kooxda Al-Shabab ay weeraro xooggan ku soo qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee kaabaya.

Qasaaraha dagaalka xalay weli lama oga, hase yeeshee qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa VOAda u xaqiijiyay in dagaalka oo cuslaa ay ka qeeyb qaadanayeen Ciidamo gurmad ah oo ay kooxda Al-Shabab shaley soo geliyeen degaanka.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa midoowga Africa ayaad moodaa in iska caabin ay weli kala kulmayaan Minitidiinta kooxda Alshabaab.

Degmada Deyniile ayaa weli laba u kala qeeybsan, ciidamada dowladda ku meel gaarka ah ayaa weli ku sugan, isgooyska deyniile, xaafadaha Tiida, Qeeyb ka mid ah Gubta iyo Xaafadda Raadeerka.

A-l-Shabab ayaa weli gacanta ku haya meelo uu ka midyahay Cusbitalka Deyniile iyo halka loo yaqaan Galka Deyniile.

Maxamuud Sayid “Kenya ha kala saarto la dagaalanka Shabaab iyo Siyaasada dalka uu leeyahay”

$
0
0

Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ee ka soo jeeda Gobolka Gedo ayaa sheegay inay wal wal iyo shaki ka qabaan fara gelinta siyaasadeed ee Dowladda Kenya ee ku wajahan Gobolada Koofureed. Maxamuud Sayid ayaa sheegay in shir ay ku yeesheen Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gedo Saraakiisha Dowladda ee Gobolada Koofureed, [...]

Dagaalo faraha looga gubtay oo xalay mar kale ka dhacay degmada Dayniile

$
0
0

Dagaal culus oo bar bar socday duqeyn madaafiic ah ayaa xalay ku dhex maray Xaafadaha la isku hor fadhiyo ee degmada Dayniile, Ciidamada Dowladda KMG kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Al-Shabaab. Sida ay sheegayaan wararka dagaalka xalay ayaa waxaa soo qaaday Xarakada Al-Shabaab, kuwaasoo soo weeraray fariisimo ay Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda ka [...]

Shirkii Wadatashiga Soomaalida ee Lagu Qaban Lahaa Garowe oo Loo Wareejiyey Nairobi (Warbixin)

$
0
0

Nairobi (RBC) Waxaa saaka oo Sabti ah [22.10.2011] hotel ku yaalla magaalada Nairobi ka furmaya wareegii labaad ee shirkii wadatashiga ee bishii September lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Shirkan oo ay qabanqaabisay hay’adda UNPOS ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa ka qeybgalaya DKMG Soomaaliya, Puntland, Galmudug iyo Ahlusuna.  Waxaana shirkan uu noqonayaa kii labaad oo ku xiriirsan shirkii bishii September 9-keedii lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Wareegan labaad ayaa lagu waday inuuka dhaco magaalada Garowe ee caasimada maamul goboleedka Puntland iyadoo sida qorshuhu ahaa, la filayey in shirka uu dhaco bishan October bartankeeda.  Waxaana sidaasi horey u shaaciyey DKMG iyo Puntland.
Hase yeeshee waxaa ergadii shirka ka qeybgaleysay ay shalay soo gaareen magaalada Nairobi oo uu ku sugan yahay wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan SoomaaliyaAugostine Mahiga oo shirka horboodaya.  Mana cadda sababta shirka looga sooweeciyey Garowe ee loo keenay Nairobi.
Warar hore u soo baxay ayaa sheegaya in bishan horaanteedii Puntland ay dalbatay in lagu soo wareejiyo dhaqaalaha shirka lagu qabanayo oodhan $200,000 (labo boqol kun doolar), taasoo aan la ogeyn in masuuliyiinta Qaramada Midoobay ay lacagtaasi siiyeen Puntland iyo in kale.
Wafdiga DKIMG ee shirka uga qeybgalaya Nairobi ayaa waxaa hogaaminaya wasiirka arimaha gudaha C/samad Macalin Maxamud.
Xafiiska Shabakadda Raxanreeb ee Nairobi ayaaxalay la xiriiray Xafiiska UNPOS iyo wafdiga Puntland ee ku sugan Nairobi bal si aan wax uga weydiino sababtashirka looga sooweeciyey Garowe ayaan suurtagalin sababolaxiriira mashquulka wufuuda awgeed. Hase yeeshee ilo wareedyo ku dhow wufuuda ayaa laga sooxigtay inay u badantahay in sababtu ay tahay kadib markii xildhibaano ka tirrsan barlamaanka DKMG oo shirka ka qeygalilahaa ay ka biyo diideen tegitaanka Garowe iyagoo maamulka Puntland ku eedeeyey inay si xun ula dhaqmeen dad ka soojeeda koonfurta Soomaaliya ee ku  noolaa gobolada Puntland taasina ay keentay in cabasho loo gudbiyo xafiiska UNPOS si shirka loogu wareejiyo Nairobi.
Sidoo kale ilo wareedyo kale ayaasheegaya in arimaha amaanka Puntland ay ka welweleen saraakiisha UN-ka, Mareykanka  iyo kuwa Midowga Europe oo la rabay inay shirka wareegiisa labaad goobjoog ka noqdaan.
RBC Radio
Xafiiska wararka Raxanreeb, Nairobi

Yuusuf Indha Cadde oo lagala wareegay Hubkii iyo Ciidamadii ka amar qaadanayay.

$
0
0

Xukuumadda Soomaaliya ayaa hubkii kala wareegtay Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo ka mid ah saraakiisha ciidamada DKMG ah, wuxuuna ugu baaqay madaxda DKMG ah inay sidoo kale hubka ka dhigaan hoggaamiye kooxeedyada kale.
Goobta xil wareejintu ka dhacday oo ahayd isbartiibada weyn ee Muqdisho ayaa waxaa ku sugnaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali iyo taliye sare oo ka tirsan ciidamada AMISOM.
“Waxaan ka dalbanayaan madaxda DKMG ah inay hubka ka dhigaan hoggaamiye kooxdeedyada kale” ayuu yiri Sheekh Yuusuf Indhacadde, isagoo sheegay in halka ay marsiisay dowladda la isugu imaan doono ama lagu kala maqnaan doono, taasoo uu ula jeeday in sidan oo kale hubka looga dhigi doono hoggaamiyeyaasha kale ama looga dhigi waayo.
Sheekh Yusuuf Indhacadde ayaa sheegay in dhibaatada haysata Soomaaliya ay ugu weyn tahay qabiilka, isagoo sheegay in hoggaamiye kasta oo xukunka dalka qabta uu hoosta gasho dadka ay xigtada yihiin, taasna looga baahan yahay madaxda DKMG ah inay meesha ka saaraan.
“Hub iyo ciidamada laga wareejiyay Sheekh Yuusuf Indhacadde waxay qayb ka tahay dib u habeynta lagu sameynayo ciidamada dowladda KMG ah” ayuu ra’iisul wasaare C/weli Gaas ku sheegay khudbad kooban oo uu goobta ka jeediyay.
 
 
 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live