Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Unicef: macaluul ayaa haysata boqolaal kun oo caruurta Koongo ah

$
0
0

Hay'adda qaramada midoobay u qaabilsan caruurta ee Unicef ayaa ka digtay in caruur gaaraysa 400,000 oo qof oo ku sugan gobolka kasai ee jamhuuriyadda dimuquraadiga ah ee Congo in ay haysato macaluul ayna baahan yihiin daawo iyo badbaadin nafeed oo dagdag ah.


Daawo: Shil Baabuur Oo ay ku naf waayeen laba ruux...

$
0
0

Daawo: Shil Baabuur Oo ay ku naf waayeen laba ruux oo isku qoys ah sidoo kale dad kale ku dhaawac meen oo ka dhacay Jidka Adhicadeeye
[embedded content]
storvideo: 

Daawo: Suldaan Maxamed Sul Axmed Oo Baaq Nabadeed u...

$
0
0

Daawo: Suldaan Maxamed Sul Axmed Oo Baaq Nabadeed u diray Dhinacyada ku dagaalamaaya Ceel-Afweyn Xukuumadana ka codsaday In Ay talaabo adag ka qaado cidii dagaalka dib u bilawday
[embedded content]
storvideo: 

Unicef: macaluul ayaa haysata boqolaal kun oo...

$
0
0

Hay'adda qaramada midoobay u qaabilsan caruurta ee Unicef ayaa ka digaysa in caruur gaaraysa 400,000 oo qof oo ku sugan gobolka kasai ee jamhuuriyadda dimuquraadiga ah ee Congo ay haysato macaluul ayna u baahan yihiin daawo iyo badbaadin nafeed oo dagdag ah.
Gobolka Kasai, oo kamid ahaa gobollada ugu hodansan uguna nabadgalyada badan jamhuuriyadda dimuquraadiga ah ee Congo, ayaa waxaa ka dilaacay rabshado sanadkii 2016, rabshadaas oo sababay in boqolaal kun oo dad ah ay isaga cararaan guryahooda.
Si ay rabshadaha uga baxsadaan, kumanaan qoys oo ku sugan gobolka Kasai ayaa waxay u carareen baaddiyaha, halkaas oo ay ku sugnaayeen dhowr bilood. Qaar badan oo dadkaas kamid ah ayaa u dhintay biyo iyo cunto la'aan.
Qaar dadkaas kamid ah ayaa iminka dib ugu soo laabanaya tuulooyin ay dagaallo daashadeen, halkaas oo aan lagu beerin wax dalag ah.
Unicef ayaa ku qiyaastay in 4 milyan oo qof oo ku sugan gobolka Kasai ay u baahan yihiin gargaar.
Caruurta ay hayso nafaqo darradu ayaa ah kuwa ugu liita. Haddiise aanay helin kaalmo dagdag ah, Unicef ayaa sheegaysa, in qaar badan oo caruurtaasi kamid ah ay dhiman doonaan. Hay'adda ayaa ku baaqday lacag gaaraysa 88 million oo dollar si loogu maalgeliyo hawlaheeda gargaarka: waxa ay hay'addu doonaysaa in ay balaariso xarumaha dadka lagu quudiyo, in la tababaaro shaqaalaha caafimaadka, iyo in la taageero caruurta ay kooxaha hubaysani sida khasabka ah ugu qortaan ciidan ahaan.
storvideo: 

Daawo: Ex-Wasiirkii Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Oo...

$
0
0

Daawo: Ex-Wasiirkii Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Oo ka hadlay Colaada Ceel-Afweyn Sidoo kalena Fariin u diray Xukuumada Muuse Biixi
[embedded content]
storvideo: 

Daawo: “Dawladu Gacan Adag ha ku qabato Arinta Ceel...

$
0
0

Daawo:"Dawladu Gacan Adag ha ku qabato Arinta Ceel-Afweyn waayo iyagaa dalka Ka masuul ah oo looga daba fadhiisanayaa" Sul Daahir Oo ka hadlay arinta Ceel-Afweyn
[embedded content]
storvideo: 

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Oo qarax lagula...

$
0
0

Wanla-weyn ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Duhurnimadii maanta qarax xoogan Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda lagula beegsaday duleedka degmada Wanla-weyn ee gobolkaasi.
Qaraxa oo ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday Gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen Ciidamadaasi.
Ugu yaraan illaa 5 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa ku dhintay qaraxaasi, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.
Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo ku aadan qaraxaasi, mana jirto weli cid sheegatay masuuliyaddiisa.
Shalay ayey aheyd, markii qarax Ismiidaamin ahaa uu ka dhacay Suuq ku yaalla gudaha degmada Wanla-weyn ee gobolkaasi, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 15 Qof.
storvideo: 

Madaxweynaha oo ka qeybgalay munaasabadda lagu...

$
0
0

Madaxweynaha oo ka qeybgalay munaasabadda lagu xalaaleenayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta ka qayb galay xafladda lagu xalaaleenayey Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Goleyaasha dowladda looga baahan yahay in ay yeeshaan wadashaqeyn buuxda si loo adkeeyo dowladnimadeenna.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dadaalka loogu jiro dowlad-dhisidda Soomaaliya ay ka dhalan karto kala aragti duwanaansho, balse loo baahan yahay in taasi lagaga gudbo isfaham, is-qancin iyo tanaasul maadaama dan guud laga wada shaqeynayo.
Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey xildhibaannada inay gutaan waajibkooda dastuuriga ah si loo dardargeliyo anisixinta shuruucda horyaalla Baarlamaanka ee mudnaanta u leh howlaha ay dowladdan ku taamayso inay ku guulaysato muddo xileedkeeda.
Mar uu ka hadlayay siyaasadda dowladda ee ku wajahan arrimaha dibadda ayuu Madaxweynuha yiri "waxaan rabnaa inaan xiriir la yeelanno dawlad walba oo danta Soomaaliyeed ka shaqeynaysa, xiriirkaas oo ku dhisan wada shaqeyn, iskaashi iyo isxurmayn."
Madaxweynaha ayaa xildhibaannada uga mahadceliyey biseylka siyaasadeed iyo hufnaanta ay ku doorteen Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyay xildhibaannada Golaha Shacabka hannaankii dimuqraadiyadda iyo hufnaanta ku salaysnaa ee ay u guteen waajibaadkooda dastuuriga ah.
Waxaa kale oo ammaanay xildhibaannadii u istaagay qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka , aqbalayna natiijadii codbixinta.

Khudbada Madaxweynaha
Khudbaddii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka jeediyay munaasabaddii lagu caleema-saaray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Slaet op af Villa Somalia i 10. maj 2018

storvideo: 


Afar askari oo uu ku jiro sarkaal sare oo caawa lagu...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil caawa askar ka tirsan ciidamada dowladda Somalia loogu geystay magaalada Muqdisho.
Dilka oo ka dhacay xaafadda Seybiyano ayaa waxaa loo geystay 4 ka tirsan ciidamada dowladda Somalia oo kusugnaa qeybo kamid ah xaafadaas.
Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in askarta la dilay uu ahaa mid sarkaal halka sadexda asakri ee kale la sheegay inay ilaalo u ahaayeen sarkaalka sida ay ku warameen dadka xaafadaasi ku nool.
Maleeshiyaad bistoolado ku hubeysnaa ayaa dilka fuliyay kuwaas oo tiradooda lagu sheegay ilaa 3 dhallinyaro ahaa.
Gacan ku dhiiglayaasha ayaa dilka kadib goobta ka baxsaday waxana halka uu dilka ka dhacay gaaray ciidamada ammaanka oo baaritaano ka sameeyay inkastoo lagu soo warramayo inaysan jirin cid ay usoo qabteen dilka askartaasi.
Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda dilka caawa loo geystay sarkaalka iyo ilaaladiisa waxayna sheegeen in sarkaalka uu ka tirsanaa ciidamada Alfa Group ee sida gaarka ah u tababaran.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusii kordhaya dilalka qorsheysan ee ay geysanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

DHAGEYSO:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle

Maamulka Jubbaland oo qaadacay Shirka Arrimaha...

$
0
0

11th May 2018 admin Category :

  • SOMALI NEWS IN ENGLISH
  • WARAR: AF SOOMAALI

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ku dhowaaqday inaysan ka qeybgalaynin shirka loogaga hadlayo arrimaha dastuurka oo la qorsheynayo in toddobaadka soo socda ka furmo magaalada Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka, Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Jubbaland Dr.Aadan Ibraahim Aw Xirsi ayaa sheegay in aanan ka qeyb gali doonin shirka looga hadlayo Arrimaha Dastuurka oo Todobaadka Soo socda ka furmaya Magaalada Muqdisho.
Hase yeeshee, wasiirka ayaan sheegin Sababaha rasmi ah ee uu maamulka Jubba ku diidan yahay shirka oo ay u qaadaceen.
Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya kama aysan hadlin go'aanka Wasaaradda Dastuurka Maamulka Jubbalnad ay ku sheegtay in aanan ka qeyb galeen shirka loogaga hadlayo arrimaha Dastuurka.
Toddobaadka soo socda ayaa lagu wadaa in uu ka furmo shirka arrimaha dastuurka iyadoo lagu casuumay Wasaaradaha Dastuurka Dowlad Goboleedyada, Qubaro iyo marti sharaf kale.
Post navigation
- DAWLADDA ISAQLAND Awoodii madaxweyne Farmaajo oo la wiiqay -
storvideo: 

Dagaal udhaxeeya Ururka Alshabaab iyo Ciidamda...

$
0
0

Dagaal udhaxeeya Ururka Alshabaab iyo Ciidamda Dowlada ayaa goor dhaw ka dhacay Qoryooleey
May 11, 2018 -
Waxaa goor dhaw dagaal udhaxeeya Ururka Alshabab iyo Ciidama Katirsan dowlada wuxu ku dhaxmaray Qoryooleey sidoo kale Wararka ka imanaya degmada Qoryooley ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegay in dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda federaalka iyo ururka Al-shabaab uu ka dhacay meel ku dhow degmada Qoryooley.
Sida la ogyahay Dagaalkan ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii rag hubeysan oo ka tirsan ururka Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidanka dowladda ay lahaayeen, hase yeeshee halkaas u ka dhacay dagaal ka dhashay qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac walina faahfaahin buuxa lagama haayo.
Ururka Al Shabaabka ay waxay warkaan ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay sheegteen in ay dagaal kula wareegeen degmada Qoryooley, kadib markii ay laba jiho ka weerareen degmada, hase yeeshee maamulka degmada Qoryooley ayaa beeniyay sheegashada Al-Shabaab.
Weerarka ay imaanaya xili dhawaan Dowlada Somaaliya iyo Ciidamo ka tirasan Mareekanka dagaal iyo duqeyman u ku qaadeen deegaan hoostaga Bariire hase ahaate dagaalkaan ayaa lafilayaa inuu jawaab u yahay dagaalki iyo duqeynta dhawaan lala beegsaday ururka alshabaab.
English News
storvideo: 

Israa’iil iyo Iiraan oo mindiyaha isku soofeysanaaya...

$
0
0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa cambaaraysay "meelkadhaca aan geedka loogu soogabanin ee lagu sameeyay madaxbannaanida dalka Suuriya.
Hadalkaas ayaa noqonaya midkii koobaad ee ka soo baxa Iiraan tan markii ay dhaceen weerradii tirade badnaa ee Khamiistii lagu bartilmaameedsaday.
Iiraan ayaa ku taageertay Suuriya "Xaqa ay u leedahay inay is difaacdo" kaddib markii Isra'iil ay duqeymo cirka ah ku qaaday wax ay ku sheegtay inay ahaayeen dhismo milatariga Iiran ay ku leeyihiin gudaha Suuriya.
Arrintan wxay suuragalin karta dagaal dhexmara Israa'iil iyo Iiraan, kaasi oo horeseedaya burbur cabsi leh marka loo eego.
Dagaalka ayaa laga yaabaa inuu ku baaho dalalka Suuriya iyo Lubnaan. Magaalooyinka Israa'iil ayaa laga cabsi qabaa in la duqeeyo, maadaama ay bartilmaameed istaraatiiji ah u yihiin Iiraan.
Bilowga horeba, Ciidammada cirka ee Israa'iil ayay u badan tahay inay isku dhacaaan xoogaga Iran iyo xulafadeeda ee Xisbullah.
Waa colaad u baahan in laga hortago, waqtiga ku haboona uu haatan yahay. Si kastaba Israa'iill iyo Iran ayaa ah kuwa wali uu hardan ka dhaxeeyo.Walaaca Israa'iil ay ka qabto Iiran
Israa'iil ayaa muddo dheer ka walaacsaneyd saameynta Iran ay ku leedahay gobolka ee sii kordheysa.
Loolanka oo si tartiib ah ku bilowday ayaa sannado badan soo socday waxa ayna Israa'iil ku dooneysa inay uga hortagto damaca Iran ay ku hormarineyso hubkeeda nuklerka, sida gantaalada ridada dheer iyo maraakiibta qaada lidka diyaaradaha oo Iran ay u dirto kooxda Xizbollah ee ku sugan Lubnaan.
Kolonyo gawaari ah ayaa la hakiyay waxaana la duqeeyay goobo ay ku keydsanaayeen hub badan oo ay Iran ay leedahay.
Balse dagaalka ka soconaya Suuriya ayaa waxaa sii huriyay ciidamada ay taageerto Iran ee joogo xuduudaha waqooyi ee ku dhaw Israa'iil, iyo kooxda xulafada la ah ee Xisbullah.Taageeradda Iiraan ay siiso dowladda Suuriya
Iran oo si xooggan u taageerta xukuumadda madaxweyne Bashar al Asa dee Suuriya iyo Ruushka oo dhanka duqeymaha ka kaalmeeya, ayaa u suuragaliyay madaxweyne Bashar inuu sii joogo waddanka, haatanna Tehran waxa ay dooneyso inay ka faa'iideysato taageeradeeda Suuriya.
Iran ayaa si weyn uga soo horjeedo dowladda Yahuuda ee Israa'iil waxa ayna muddo dheer taageereysay kooxo xagjir ah oo loogu talgalay in lagu burburiyo.
Bilihii lasoo dhaafay, Israa'iil ayaa sheegtay in laga sameeyay Suuriya kooxo kala duwan o taabacsan Iran, goobo hubka lagu keydiyo, barkoontaroolo, iyo saldhigyo cirka ah.
Xiisadahan cusub ayaa waxaa sababay duqeyn ay Israa'iil u geysatay 9 bishi April diyaarad nooca duuliyaha aan lahayn ah, oo laga leeyahay Iran, taasi oo ku sugneyd saldhiga T-4, ee Palmyra, halkaasi oo la sheegay inay ku dhinteen dhowr lataliyeyaal milatari ah oo Iran u dhashay.
Iran ayaa balan qaaday inay ka jawaabi doonto weerarkaasi tan iyo xiligaasina waxaa dhacay falal kala duwan oo u muuqday dadaallo Israa'iil ay ku fashilineyso falcelinta dalka Iran.
Waxaa dhacay weerarro cirka ah oo ciidammada Israa'iil ay ku qaadeen goobo dhulka hoostiisa ah oo ay ku keydsanaayeen gantaallo, halkaasi oo ay ka dhaceen qaraxyo culus oo kormeerayaasha caalamiga ah ay u diiwaangaliyeen sida dhulgariir oo kale.
Maalmo yar uun ka hor, Israa'iil ayaa sheegtay inay duqeysay goobo ay yaaleen gantaallo loo diyaariyay in lagu garaaco.Duqeymaha cirka ay Israa'iil ku qaaday saldhigyada Iiraan
Balse habeen hore Iran ayaa 20 gantaal la gaftay saldhigyo milatari oo Israa'iil ay ku leedahay buuraha Golen.
Israa'iilna waxa ay sheegtay inay burburisay goobihii laga soo tuuray gantaladaasi.
Bartilmaameedka ayaa ahaa saldhigyo milatri oo Israa'iil ay leedahay balse aysan ahayn goobaha ay ku nool yihiin dadka shacabka.
Labo afhayeen oo u kala hadlay labada dhinac ayaa ku adkeysanaya in aysan dooneyn colaad sal balaaran.
Wasiirka Israa'iil ee gaashaandhiga Avigdor Lieberman, ayaa xusay in: "Cidina aysan dooneyn in colaadu baahdo- xaqiiqdii cidna ma dooneyso dagaal."
Sikastaba , Mr Lieberman ayaa cadeeyay in Israa'iil aysan marnaba ogolaan doonin inay aqbasho in Iran ay dhigato difaaca gantaalada lidka diyaaradaha oo casri ah gudaha Suuriya, kuwaasi oo gaaraya hawada Israa'iil suuragalin kara inay hakad galiyaan duulimaadyada hawada ee Israa'iil.

Wararka qaar ayaa sheegaya in duqeymo ay qaaday Israa'iil kolsii horeysay ay burburiyeen gantalada difaaca hawada Iran ee gudaha Suuriya.
Israa'iil ayaa xiratay khadka cagaaran, waxaana iska cad inaysan ka laaban doonin go'aankeedaasi ay ku difaaceyso hawadeeda.
Dalalka ugu quwada badan caalamka ayaanan wali soo faragalinin labada dhinac ee Israa'iil iyo Iran.
Ruushka iyo Iran ayaa waxaa ka dhaxeeyo xiriir, labada dhinacna waxa ay taageeraan xukuumadda Bashar al Asad- balse sidoo kale waxa uu isfaham ka dhaxeeya ra'iisal wasaaraha Israa'iil iyo madaxweynaha Ruushka.
Illaa iyo haatan Ruushka waxba kama uusan qabanin inuu xaddido dhaqdhaqaaqa xuriyada ciidammada cirka ee Israa'iil ee hawada dalalka Lubnaan iyo Suuriya.
Saameynta Washington ay ku leedahay gobolka Bariga Dhexe ayaa hoos usii dhaceysa.
Ka bixitaanka maamulka madaxweyne Trump ee heshiiska nuklerka Iran ayaa waxa ay u arki doontaa Iran calaamad muujineysa in dagaal uu yahay lama huraan.
Inta ay arrintu sidaan tahay, ayaana Iran waxa ay u arki doontaa ficilada Israa'iil ifafaalo dheeraad ah oo muujinaya waxa uu damacsan yahay Mareykanka.
Waa xaalad sawir aan fiicneyn ka bixineysa mustaqbalka dhaw ee Bariga Dhexe, oo waxaa suuragal ah inay sii socdaan duqeymaha cirka iyo falcelinta ka dhasha lidka diyaaradaha ee Iran.Iiraan oo aargoosi ka sameyn doonto dalalka dibedda
Halista keliya ee muuqata ayaa ah in Iran ay suuragal tahay inay dooneyso in ay aargoosi ka sameyso meel ka baxsan Bariga Dhexe.
Kooxaha taabacsan Iran ayaa horey u weeraray dalxiisayaal u dhashay Israa'iil oo ku sugnaa dibedda iyo ururada yahuuda eek a howlgala Latin America.
Weerar argagixiso oo guuleysta oo noocaan ah ayaa xaalada beddeli kara, waxa uuna ku qasbayaa Israa'iil iyo Iran inay qarka u fuulaan dagaal buuxa oo ka dhex qarxa.ISHA BBC
storvideo: 

WASIIR DUCAALE: Xaq uma lahan Muqdisho in maalin...

$
0
0

Muqdisho (PP) - Wasiirka Amniga Qaranka Dowladda Somalia Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) ayaa ciidanka ammaanka faray inay shacabka u dhimriyaan marka ay sameynayaan hawl-gallada ammaanka lagu sugayo.
Wasiir Ducaale ayaa sheegay in shacabka dhankooda looga baahan yahay la shaqeynta ciidamada, wuxuuna tilmaamay inaan loo dul-qaadan doonin in qof muwaadin ah lagu xad-gudbo maalin walba.
"Muqdisho xaq uma lahan in maalin walba lagu dilo qof muwaadin ah oo aan waxba galabsan, horayna waan u sheegnay hadana waanan ku celinaynaa, waxaan u dhaaranay inaan shacabka har iyo habeen u shaqeynno," ayuu yiri Wasiirka Amniga Qaranka.
Sidoo kale, Wasiirka Amniga ayaa ciidanka Dowladda ku dhiirri-geliyay inay kordhiyaan dagaalka lagula jiro Al-shabaab, wuxuuna xusay in dowladda ay juhdi ku bixinayso sidii Al-shabaab looga adkaan lahaa.
Hadalka Wasiirka Amniga Somalia ayaa imaanaya iyadoo ciidammo gaar ah oo loo tababaray sugidda amniga Muqdisho ay billaabeen hawl-galladii ugu horreeyay ee ay amniga wax uga qabanayaan.
Dhanka kale, Wasiirka ayaa hadlkiisa kusoo beegmay iyadoo xalay Muqdisho lagu dilay afar askari oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka, kuwaasoo kooxo hubeysna ay ku toogteen xaafadda Say-biyaano ee Degmada Hodan.
Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa ciidammo gaar ah u diyaarisay inay wax ka qabtaan xaaladaha amni ee caasimadda Somalia inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan oo Al-shabaab ay kordhiso weerarradooda.PUNTLAND POST
The post WASIIR DUCAALE: Xaq uma lahan Muqdisho in maalin kasta lagu Dilo Ruux Muwaadin ah appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Maamulka Jubbaland oo Qaadacay ka Qayb-galka Shirka...

$
0
0


Kismaayo (PP) -
Iyadoo lagu wado in shirweyne looga hadlayo Arrimaha dalkstuuka dalka ayaa waxaa shirkaas ka qayb-galkiisa qaadacay maamulka Jubbaland oo qayb ka ah maamullada dalka ka jira.
Shirkan oo Muqdisho ka furmaya 13-ka bishan May ee lagu jiro oo ku beegan Axadda ayaa tallaabada maamulka Jubbaland uu ka qaatay waxay noqonaysaa middii ugu horreysay oo maamul ka jira dalka uu qaato.
Wasiirka Cadaaladda, Dastuurka iyo Arrimaha Diinta ee Jubbaland, Aadan Ibraahim Aw-Xirsi oo Warbaahinta kula hadlay Kismaayo ayaa xusay in shirkaas aysan maamul ahaan ka qayb-geli doonin, laakiinse kama uusan hadlin sababta ay u diideen ka qayb-galka shirkaas.
"Jubbaland kama qayb-galayso shirka looga hadlayo dastuurka dalka oo ka furmi doono toddobaadka soo socda magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya," ayuu yiri wasiirka cadaaladda Jubbaland, Aadan Aw-Xirsi.
Go'aanka maamulka Jubbaland ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Wasaarada Dastuurka xukuumadda federaalka Somalia ay sheegtay inay shir looga hadli doono arrimaha dastuurka dalka uu ka qabsoomi doono Muqdisho.
Sidoo kale, Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo uu dhawaanahna soo if-baxayay muran siyaasadeed u dhexeeya maamulka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Somalia, kaasoo ka dhashay khilaafka Khaliijka oo ay si aad ah ugu kala aragti duwanaadeen.
Dhanka kale, Muqdisho ayaa dhawaan looga dhawaaqay xisbi mucaarad ah oo kasoo hor-jeeda maamulka Jubbaland, kaasoo la sheegay inay dabada ka riixayso Dowladda Federaalka, iyadoo loo maleynayo in diidmada maamulka Jubbaland ee ka qayb-galka shirka dastuurka ay ka dhalatay arrintaas.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhawaan ka sheegay Kismaayo in Dowladda dhexe ee Sommalia aysan wax ixtiraam ah u hayn maamul-goboleedyada dalka ka jira.PUNTLAND POST
The post Maamulka Jubbaland oo Qaadacay ka Qayb-galka Shirka looga hadli doono Dastuurka appeared first on Puntland Post.
storvideo: 


Awoodii madaxweyne Farmaajo oo la wiiqay

$
0
0

11th May 2018 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Siyaasiyiinta beelaha Hawiye ayaa magaalada Muqsisho madaxweyne Farmaajo waxay ugu dhigayaan riwaayad ah Il buono, il brutto, il cattivo, lit. "The good, the ugly, the bad" Siyaasiyiin fiican, siyaasiyiin khariban, siyaasiyiin xun. jyd , syy' , syy' , mD.
Raisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Kheyre, Sheekh Bashiir, Fahad Yaasiin iyo Ururada magaalada Muqdisho, iyagu riwaayadda Farmaajo Muqdisho loogu dhigayo waxay ku dhigayaan inay yihiin dad fiican oo ka shaqaynaya danta Soomaaliyeed.
Yuusuf Garaad , Yabaroow, Yariisoow, Yalaxoow iyaguna waa kooxda labaad.
Kooxda Sadexaad oo ay kooxda kowaad wada shaqaynta fiicani ka dhaxayso oo ruwaayadda ku dhigaya inay yihiin habaar qavbayaal aan jixin jixin oo haddaan waxay doonayaan loo samayn ama loo yeelin in aan Muqdisho la wada joogi doonin waa Cabdi Shakuur, Fiqi, Mahad Salaad, Jeesoow iyo Guutaale
Riwaayadan markuu daawaday Farmaajo, oo aan horay u lahayn khibrad siyaasadeed, la taliayaashiisina intooda badan ayna daacad u ahayn inay talo fiican siiyaan ama qaarkood xafiiska lagu naas nuujinayo, wuxuu maanta sida muuqata uu aqbalay in awoodiisii tahay. Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya is the head of state of Somalia and the commander-in-chief of the Somalia Armed Force. Waa sababta uu uga dhamaan la'yahay xarunta maleeshiyo beeleedka Muqdisho oo loogu sheegay inay yihiin ciidan Qaran
Hadaba yaa qaatay awoodii madaxweynaha la doortay Maxaxmed Cabdulaahi Farmaajo oo ka dhigay magac u yaal ay caruurta iyo haweenka Muqdisho ugu heesaan.
Awoodii madaxweynaha waxa qaatay oo si xun u isticmaalaya isaga oo shilimo ku bixinaya Ra'isulwasaaraha Soomaaliya Xasan cali kheyre, Waxaan tusaale u soo qaadanaynaa labo arimood:
Tusaalaha kowaad, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa, markii uu xilkiisa u gudan waayey ka qaaday Xoghayihii Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Yaxye Cali Ibraahim oo ka soo jeeday beesha Hilibi, Murusade ee Hawiye. Arintaasi waxay keentay in wasiirkii shaqada laga qaado halka yaxye uu maanta ku mushahaar qaato la taliyaha arimaha gudaha. Wasiirkiina uu ku shaqo la'yahay inuu Agaasime Murursade ah uu xilkii ka qaaday
Tusaalaha labaad, dhowaan markuu Raisulwasaaruha Soomaaliya yimid qaaradda Yurub sida aad la wada socotaan lama ayna socon wasiirkiisii arimaha dibadda iyo qorshaynta, hase ahaatee waxa ku weheliyey safarkiisa dhalinyaro ka socota maamulka gobolka Banaadir oo ay qabybsadaan beelaha Habar gidir, Murursade iyo Abgaal. Dalka dibadiisana ama Yurub inteeda kalae waxa uga yimid wafti ay hogaaminaysay Nadiifo Cali Faarax oo ka soo jeeda beesha Murursade ee uu Raisulwasaaruhu yahayUgu danbayntii kooxdan Il buono, il brutto, il cattivo, lit. waxa ka wada dhaxeeya oo ay isku ogyihiin waa Federaal diidnimo , Dastuur diidnimo, qabyaalad iyo in Soomaali deeqda caalamku ugu talo galay aanay Muqdisho soo dhaafin, Ma is waydiisay sababta Kheyre intii uu xilka hayey uuna u soo booqan degaanada kale ee Soomaaliyeed , Mase is waydiisay sababta Kheyre uga hadli la'yahay dagaalka ka socda gobolka Sanaag ee dhiigu ku daadanayo.
storvideo: 

Arooska boqortooyada : Calmashada Harry iyo Meghan

$
0
0

Amiir ayaa guursanaya atariisho American ah. Halkan waxaa ku xusan su'aalaha dadka adduunka ay iska weeydiinayaan.

Dowlad Gobaleydka Jubalaand oo diidan ka qayb galka...

$
0
0

Dowlad Gobaleydka Jubalaand oo diidan ka qayb galka shirka looga arinsanayo Dustuurka KMG
May 11, 2018 -
Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ku dhowaaqdayinaysan ka qeybgalaynin shirka loogaga hadlayoarrimaha dastuurka oo la qorsheynayo in toddobaadkasoo socda ka furmo magaalada Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka, Cadaaladda iyoArrimaha Diinta Jubbaland Dr.Aadan Ibraahim Aw Xirsiayaa sheegay in aanan ka qeyb gali doonin shirkalooga hadlayo Arrimaha Dastuurka oo TodobaadkaSoo socda ka furmaya Magaalada Muqdisho.
Hase yeeshee, wasiirka ayaan sheegin Sababaha rasmiah ee uu maamulka Jubba ku diidan yahay shirka ooay u qaadaceen.
Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda FederaalkaSoomaaliya kama aysan hadlin go'aanka WasaaraddaDastuurka Maamulka Jubbalnad ay ku sheegtay inaanan ka qeyb galeen shirka loogaga hadlayoarrimaha Dastuurka.
Toddobaadka soo socda ayaa lagu wadaa in uu kafurmo shirka arrimaha dastuurka iyadoo lagucasuumay Wasaaradaha Dastuurka DowladGoboleedyada, Qubaro iyo marti sharaf kale.
English News
storvideo: 

Waziir katirsan Jubalaand oo qaadacay shirka looga...

$
0
0

Waziir katirsan Jubalaand oo qaadacay shirka looga hadlaayo Dastuurka KMG
May 11, 2018 -
Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ku dhowaaqdayinaysan ka qeybgalaynin shirka loogaga hadlayoarrimaha dastuurka oo la qorsheynayo in toddobaadkasoo socda ka furmo magaalada Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka, Cadaaladda iyoArrimaha Diinta Jubbaland Dr.Aadan Ibraahim Aw Xirsiayaa sheegay in aanan ka qeyb gali doonin shirkalooga hadlayo Arrimaha Dastuurka oo TodobaadkaSoo socda ka furmaya Magaalada Muqdisho.
Hase yeeshee, wasiirka ayaan sheegin Sababaha rasmiah ee uu maamulka Jubba ku diidan yahay shirka ooay u qaadaceen.
Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda FederaalkaSoomaaliya kama aysan hadlin go'aanka WasaaraddaDastuurka Maamulka Jubbalnad ay ku sheegtay inaanan ka qeyb galeen shirka loogaga hadlayoarrimaha Dastuurka.
Toddobaadka soo socda ayaa lagu wadaa in uu kafurmo shirka arrimaha dastuurka iyadoo lagucasuumay Wasaaradaha Dastuurka DowladGoboleedyada, Qubaro iyo marti sharaf kale.
English News
storvideo: 

Arooska boqortooyada : Calmashada Harry iyo Meghan

$
0
0

Indhaha oo dhan waxa ay wada eegi doonaan dalka UK halkaas oo 19-ka bishan uu ka dhacayo arooska boqortooyada. Qisadan oo ah mid aad ugu eg kuwa buugaagta iyo aflaamta lagu jillo ayaa waxa ay soo jiidatay dareenka dadka u dhego duleela arrimaha boqortooyada.
Halkan waxaa ah weeydiimaha dadka adduunka qaarkood ee aanan fikir ka haysanin arooskan iyo qoyskan ay isweeydiinayaa.
Horta yaa is aroosaya?
Amiir Harry oo ay ayeeyo u tahay boqorada Ingiriiska, ayna iska dhaleen wiilka boqorada iyo Amiirad Diana ayaa guursanaya gabadh aflaamta jisha oo u dhalatay dalka Maraykanka.
Dhaxalka saldanada Ingiriiska waxa uu kaga jiraa kaalinta lixaad.
Lammaanahan waxa ay kulmeen sanadkii 2016-kii, halkaas oo qof kale uu is baray, halkaas oo uu ka dhashay dalab ah in ay habeen digaag isla dubtaan.
Hagaag, maxaa iiga gidhiisha ah marka?
Haddii aad tahay dadka jacaylka qiimeeya, ee sidoo kale tixraaca nolosha dadka caanka ah, ama taajirka ah, waxay u badantahay in aad daawato arooskan.
Xitaa haddii dalkaaga aysan ka jirin nidaam boqortooyo, waa kee qofka aanan doonaynin in uu daawdo ama dareemo caashaqa iyo billicda halkaas lagu soo bandhigayo.
Maxaa dhacaya maalinta arooska?
Arooska waxa uu ka dhacayaa qasriga Windsor oo 34 km u jira galbeedka London, wuxuuna dhacayaa xilli casar ah, sidaasi darteed waa in ay jaangoysaa xilliga ay ku beehantahay saacadda dalka aad joogto, adiga oo ka qiyaas qaadanaya sida ay u kala horeeyaan saacadaha UK iyo kuwa adduunka kale.
Kadib marka uu xarigga dhoco, lammaanaha waxa ay wada raacayaan gaari-faraska , waxaana la dhexmarsiinayaa magaalada Windsor, halkaas oo ka mid ah hoyga ay leedahay boqorada.
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Illaa 600 oo marti ah ayaa ka qeybgalaysa arooska, iyaga oo ku casuumad qado sharaf ay samaynayso boqoradda.
Maqribkii kadib, lammaanaha ayaa guriga Frogmore ku qaabilaya 200 oo saaxiibadood dhow ah.
Britain ma kala joogsan doontaa?
Maya, balse ha isku aadin Windsor haddii aadan ahayn qof jecel isu imaatinada dadka tirada badan.
Dalka UK waxa ay u tahay meel dadka aad dhallooyinka u daawan doonaan, balse sidoo kale waa maalin sabti ah oo dadka waxa ay sii wadan doonaan jadwalkooda maalmeed.
Dadka kubbadda cagta aad u jecel waxa ay tahay maalinta kama dambeyska ah ee horyaalka FA-, sidaas darteed garoomada ayay aadi doonaan.
Sanadkii 2011-kii, wax ka badan 24 milyan oo qof oo Britain u dhashay ayaa dhallooyinka ka daawaday arooskii Amiir William iyo Kate, waxayna noqotay arrin taariikhda ku gashay oo ah dhacdooyinka loogu daawasho badnaa. Sanadkii 1966-dii 32.3 milyan qof ayaa daawatay koobkii adduunka, halka sanadkii 1997-dii ay duugtii Diana ay daawdeen 32.1 milyan oo qof.
Balse maadaamaa hadda la joogo casrigii tiknoolajiyadda, dadka siyaabo badan oo kala duwan ayay u daawan karaan.
Sidee noqon doontaa xafladda?
Boqorada waa madaxa kaniisadaha Britain, sidaas darteed xubnaha qoyska boqortooyada waxaa ay tahay in ay kaalin mug leh ka qaataan marka ay kaniisada ka dhacayso hawsha arooska.
Waxaa la akhrinayaa meerisyo laga soo xiganayo kitaabka masiixiyiinta iyo heeso.
Ms Markle ma noqon doontaa amiiirad?
Darajadaas "Amiirad" waa arrin lagu wareero fahamkeeda dalka Britain, kaliya waxa ay noqon doontaa xaaska Henry oo loogu yeero magacyo maamuuseed, balse sida uu sharciga qabo waxaa amiirad noqon kara qofka dhiig ahaan ka dhashay qoyska boqortooyada.
Xitaa Diana, waligeed loogu yeerin Amiirad, markii ay Charles kala tageen, waxaa kaliya la oran jiray Diana oo kaliya.
Ma xiran doontaa dharka boqortooyada?
Haa, markii ay dhimatay Diana, waxa ay wiilasheeda uga tagtey dharkeedii boqortooyada iyo dahabkeedii si ay u siiyaan xaasaska ay guursan doonaan.
Yaa ka mid ah marti-sharafta?
Dad dhawr ah ayaa shaaciyay in ay ka qeybgalayaan, balse waxaa jira kuwa la'iska sii mala awaali kara ka qeybgalkooda, waxaana ka mid ah Sir Elton John oo sheegay in uu hakiyay bandhigyo uu qaban lahaa.
Saaxiibada Markle ee kale ah gabadha kubbada miiska caanka ku ah ee Serena Williams iyo atariishada Hindiya Priyanka Chopra ayaa iyaguna ka mid ah kuwa ka qeybgalaya.
Markle aabaheed, Thomas Markle ayaa la filayaa in uu gabadhiisa gacanta kasoo qabto oo uu gacanta ka galiyo Harry, seygeeda cusub sida dhaqanku yahay. Hooyadeed Doria Radlan ayaa sidoo kale arooska kasoo qeybgalaysa.
1,200 oo shacabka ka tirsan ayaa iyaguna lagu casuumay in ay xaflada dhallooyin ka daawadayaan iyaga oo tagaya bedka ama barxadda qasriga uu arooska ka dhacayo.
Madaxweyne Trump oo marar badan ku hadaaqay in uu jeclaan in uu shukaansado Diana, Harry hooyadiis ayaa la sheegay in uusan kasoo qeybgalaynin, balse Barack Obama oo Harry saaxiibkiis ah ayaa la filayaa in uu ka qeybgalo.
Waxaa arooska minxiis ka noqonaya Harry walaalkiisa William, maadaamaa Harry uu minxiis u noqday markii uu William aroosayay sanadkii 2011-kii.
Halka Markle minxiisadeeda ay noqon doonaan carruur lasoo xulay, maadaamaa ay leedahay saaxiibo dhow oo aysan doonaynin in ay kala xulato.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live