Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Waziir Ka tirsan Maamulka Axmed Madoobe oo Amar adga...

$
0
0

Waziir Ka tirsan Maamulka Axmed Madoobe oo Amar adga duldhigay Oday dhaqmeedyada Jublaand
May 13, 2018 -
Sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee - KMG ah ee maamulka Jubbaland Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland ayaa Amar kusoo rogtay Odayaasha dhaqanka ee degaanada Jubbaland.
Kulan ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa Odayaasha dhaqanka waxaa lagu Amray in ay xilliyadda ay doonayaan in ay shiraan in ay warqad Fasax ah ay kasoo qaataan Wasaaradda Gudaha Jubbaland.
Jubbaland waxa ay sheegtay in Odayaasha Dhaqanka ay ka tirsanyihiin oo ay hoostagaan Wasaaradda arrimaha gudaha Jubaland sidaas darteedna aysan qaban karin shir aysan wasaaraddu la socon.
Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa Risaala u sheegay in Madaxweynaha Jubbaland uu Amar ku bixiyay in si deg deg ah loo dhaqan geliyo Amarkaasi.
Amarkaan ayaa imaanaya xili khilaaf xoogan soo kala dhaxgalay dowlada dhexe iyo maamulka jubalaand oo ku faraq xirtay dhikiisa maamulka puntulaand oo si wada jir ah xiriirka ay la leeyihin Dowlada Emaraadka aan qarsooneyn.
English News
storvideo: 


Madaxweynaha Puntland oo Agaasime guud u magaacabay...

$
0
0

Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) ayaa Agaasime guud u magacaabay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyrdaadka Badda Puntland.
Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha oo ku taariikhaysan 13 May ee ku beegan maanta ayaa Agaasimaha guud ee wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland loogu magacaabay,Farxaan Cali Xirsi,kadib markii todobaad ka hor xilkii laga qaaday Agaasimihii hore ee Wasaaraddaas,Cali Xirsi Faarax Maxamuud.
Digreeto uu madaxweyne Gaas soo saaray oo ku taariikhaysan 2-dii bishaan May ayaa xilka looga qaaday Agaasimihii guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda dowladda Puntland iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsanaa wasaaraddiisa,waxaana dhammaantood lagu eedeeyay musuq maasuq iyo maamul-xumo,sida digreetada ku xusan.
PUNTLAND POSTCabdiraxmaan Ciise Cumar
The post Madaxweynaha Puntland oo Agaasime guud u magaacabay wasaaradda kalluumeysiga appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

War deg deg ah shirka maamul goboleyada uga furmi...

$
0
0

War deg deg ah shirka maamul goboleyada uga furmi lahaa maanta magaalada Baydhabo oo fashil ku dhow
May 13, 2018 -
Waxaa inasoo gaaraya warar ka imaanaya magalaada baydhabo ee lagu qaban lagaa maanta shirka maamul gobeeladyada
hase ahaate waxaa hada la soo sheegayaa inuu Fashil ku dhow-yahay shirkii ay maamul goboleedyadu ku shiri lahaayeen maanta magaalada baydhabo .
Hase ahaate waxaa iska cad in shirkaas u baaqday maamulada qaar oo ka maqan shirka waxaana durbabdiiba ka biya diiday Maamulada Hirshabeele iyo Galmudug kuwaa oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magalaada muqadishu.
Sidda la ogyahay waxaan kasoo qaybgilin doonin Madaxwayne Xaaf iyo dhikiisa Waare halka warar kale naga soo gaarayaan Abdiwali Gaas iyo Axmed Madoobe in aysan wali soo gaarin magaalada baydhabo.
Sharkani hadii uu baaqdo waxay cadeen dhab ah u tahay maamul gobaleedyada in ay ukla jabeyn laba dhinac oo kala dowlada dhexe iyo dalka emaraadka carabta waxayna keeni kartaa xiisad siyaasad oo ka dhashta soomaalida dhaxdeyda.
Waxaa shaashadaha kasoo muuqday Sharif xasan oo dhexfadhiya Meel cidlaa !
Hadaba waxaa iswaydiin mudan ilaa intee ayay shaqayn kartaa Lacag Imaratka lagaso qaaday ?
English News
storvideo: 

Madaxweyne Farmaajo oo u ambaxay Dalka Qatar.

$
0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network):-Madaxweynaha JFS iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor-dhow u ambabaxay Magaalada Doha ee Qatar halkaas oo booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah uga bilaabaneyso.
Inta Madaxweyne Farmaajo uu ku sugan yahay Dalka Qatar ayaa la filayaa in uu la kulmo Amiirka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamda Althani.
Waxaana ay ka wada hadli doonaan arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay sida warar horu dhac ah lagu helayo in Qatar buuxiso doorkii Imaaraatka ee Soomaaliya.
Imaaraatka Carabta ayaa  joojiyay Mashaariicdii ay ka wadeen waddanka Soomaaliya.
The post Madaxweyne Farmaajo oo u ambaxay Dalka Qatar. appeared first on Shabelle.

Madaxweyne Farmaajo oo u ambaxay Dalka Qatar.

$
0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network):-Madaxweynaha JFS iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor-dhow u ambabaxay Magaalada Doha ee Qatar halkaas oo booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah uga bilaabaneyso.
Inta Madaxweyne Farmaajo uu ku sugan yahay Dalka Qatar ayaa la filayaa in uu la kulmo Amiirka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamda Althani.
Waxaana ay ka wada hadli doonaan arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay sida warar horu dhac ah lagu helayo in Qatar buuxiso doorkii Imaaraatka ee Soomaaliya.
Imaaraatka Carabta ayaa joojiyay Mashaariicdii ay ka wadeen waddanka Soomaaliya.
storvideo: 

Madaxweyne Farmaajo oo wax yar ka hor ka duulay...

$
0
0

Madaxweyne Farmaajo oo wax yar ka hor ka duulay magaalada Muqdiaho
May 13, 2018 -
Waxaa wax yar ka hor ka duulay magaalada Muqdisho madaxweynaha Soomaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminaayo oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano
Wafdiga Madaxweynaha ayaa ku sii jeedo dalka Qadar oo xiir wanaagsan Soomaliya kala dhaxeeyo waxaana madaxweynaha Soomaliya casuumad rasmi ah ka helay masuulka ugu sareeyo dalkaasi
Safarka madaxweynaha ayaa dhabar jab ku ah dalka Emaraadka oo colaad xun kala dhaxeyso dalka Qadar
Safarka Madaxweynaha Soomaliya ee dalka Qadar kadib ayaa ila muhiim ah sheegayaan in uu u sii gudbaayo dalka Ruushka halkaa uu kula kulmayo.madaxweynaha dalka Ruusha iyo Madaxweynaha Turkiga waxaana la sheegayaa in kulankaas uu yahay 3 geesood looga haaayo 44rimaha geeska Afrika iyo qilaafka Khaliijka hareeyry
English News
storvideo: 

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu...

$
0
0

Madaxweynaha Jamhooriyadda Federaalka Soomaalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor-dhow u ambabaxay Magaalada Dooxa ee Dalka Qadar.Mudane Maxamed C/llaali Farmaajo oo magaalada Dooxa uga bilabaneyso Booqasho rasmi ah oo qaadaneyso labo maalmood ayaa la kulmi doono Amiirka Dalka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani. Cabdinuur Maxamed Axmed Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo lahadlay Wakaaladda SONNA ayaa yiri" Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u ambabaxay Magaalada Dooxa ee Dalka Qadar , waxaana uga bilaabaneysa booqasho rasmi ah oo laba maalin ah, isagoo la kulmi doono Amiirka Dalka Qatar. waxaana Socdaalkiisa ku wehliya Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada oo iyagana kulan la qaadan doona dhiggooda Qadar"
Xubnaha Golaha Wasiirada ee la socda Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kala ah Wasiirka Dakadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya ,Wasiirka Caafimaadka iyo Wasiirka Qorsheynta oo wafdiga Madaxweynaha uga sii horeeyay Dalka Qadar
Share this:
Related
storvideo: 

Dhageyso Hanjabaada Alshabaab ee ku aadan ciidanmada...

$
0
0

Afhayeenka Ciidamada Al Shabaabul Abuu Muscab oo shir jaraa'id u qabtay Warbaahinta ayaa ka hadlay howlgalo saacadihii lasoo dhaafay ka kala dhacay gudaha,duleedka Muqdisho,gobalada Shabeelada hoose iyo Shabeelada dhexe.
Sheekh Abuu Muscab ayaa ugu horeyntii ka hadlay weerar madaafiic ah oo saaka aroortii ciidamada Alshabaab ay ku garaaceen saldhiga dowlada Turkiga ay ka sameysatay magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa xusay ineysan waxba is dhaamin ciidamada Kufaarta Uganda,Burundi,Kenya,Etopiya,Jabuuti iyo kuwa Turkiga,isagoona ku hanjabay iney sii kordhinayaan wweerarada ka dhanka dowlada Cadowga ah ee Turkiga.Halkan Ka Dhageyso Shirka Jaraa'id Ee Sheekh Abuu Muscab.
http://somalisan.net/wp-content/uploads/2018/05/Abuu-Muscab-Hanjabaada-T...
Share this:
Related
storvideo: 


Shirka Daahfurka Dastuurka oo wax yar ka hor ka...

$
0
0

Shirka Daahfurka Dastuurka oo wax yar ka hor ka furmay magaalada Muqdisho iyo wasiirka Dastuurka Puntland oo ka hadlay
May 13, 2018 -
Waxaa wax yar ka hor ka furmay magaalada Muqdisho shirka daah furka Dasuurka kaa oo ay ka qeyb galeen madax iyo masuuliyiin ka kala socda dalka dibadiisa iyo gudaha
Shirka daah furka Dasuurka ayaa muhiim u ah shacabka Soomaliyeed si looga baxo Dastuurka qabyada ah ee hareeyay qilaafka
Shirka ayaa waxaa qudbada ka jeediyey wasiirka Dastuurka Soomaliya iyo wasiirka Dastuurka Puntland kuwaa oo goobta ka jeediyey hadalo qiira xanbaarsan
Shirkaan ayaan waxaan ka soo qeyb galin maamulka Jubbaland oo isaga ka carooday gurmad loo fidiyey gobolka Gaddo oo hareyeen fatahaada wabiga
English News
storvideo: 

Ku simaha Madaxweynaha Ahna guddoomiyaha Golaha...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter
Muqdisho (SONNA) Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaiya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta daah furay Shirweynaha Qaran ee geeddi socodka Dib U eegista Dastuurka, oo socon doona ilaa 15-ka Bishaan.
Shirweynahaan oo ay soo agaasintay wasaaradda Arrimaha Dastuurka Soomaaliya iyo Guddiyada Dastuurka ee labada Aqal ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra"iisu Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, xubno matalaya Baarlamaanada Dowlad-goboleedyada dalka iyo inkabadan 300-boqol oo qof oo isaga kala yimid gudaha daka iyo dibadiisa.
Shirkaan oo si gaar ah dhinacyada ka qeyb galaya ay diirada saari doonaan dib u eegista iyo turxaan bixinta Dastuurka KMG ah ayaa sida qorshuhu uu yahay socon doona 13-ka ilaa 15-ka bishaan May.
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleMadaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay Qadar.

storvideo: 

Khaatumo oo ku eedeysay Madaxweynaha Somaliland hurunta Dagaal Beeleed ka soconaya Gobolka Sanaag

$
0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network):-Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Khaatumo Cabdalle Cali Heybe Cagalule oo u warramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi in dagaal uu ka hurinayo Degmada Ceel Afweyne ee Gobolka Sanaag.
Mudane Cagalule ayaa tilmaamay in dagaal Beeleed maalmihii dambe ka socday degmadaasi Ceel Afweyne uu Masuul ka yahay Mudane Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland.
Dagaalka ka soconaya Ceel Afweyn ayaa gallaaftay Nolosha illaa 14 qof halka ay ku dhaawacmeen 40 kale sida uu ka dhawaajiyay Madaxweynaha Maamulka Khaatumo.
Somaliland ayaa horay heshiis ula gaartay Madaxweynihii hore ee Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galleyr kaas oo ku aadan in uu ku soo biiro Maamulkooda.
Hayeeshee Bulshada Khaatumo ayaa weli ku adkeysanaya in ay sii ahaadaan Maamulkooda Khaatumo oo aqoonsan dowladda dhexe ee Soomaaliya.
 
The post Khaatumo oo ku eedeysay Madaxweynaha Somaliland hurunta Dagaal Beeleed ka soconaya Gobolka Sanaag appeared first on Shabelle.

Khaatumo oo ku eedeysay Madaxweynaha Somaliland...

$
0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network):-Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Khaatumo Cabdalle Cali Heybe Cagalule oo u warramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi in dagaal uu ka hurinayo Degmada Ceel Afweyne ee Gobolka Sanaag.
Mudane Cagalule ayaa tilmaamay in dagaal Beeleed maalmihii dambe ka socday degmadaasi Ceel Afweyne uu Masuul ka yahay Mudane Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland.
Dagaalka ka soconaya Ceel Afweyn ayaa gallaaftay Nolosha illaa 14 qof halka ay ku dhaawacmeen 40 kale sida uu ka dhawaajiyay Madaxweynaha Maamulka Khaatumo.
Somaliland ayaa horay heshiis ula gaartay Madaxweynihii hore ee Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galleyr kaas oo ku aadan in uu ku soo biiro Maamulkooda.
Hayeeshee Bulshada Khaatumo ayaa weli ku adkeysanaya in ay sii ahaadaan Maamulkooda Khaatumo oo aqoonsan dowladda dhexe ee Soomaaliya.
storvideo: 

Webiga Shabelle oo ku Fatahay magaalada Jalalaqsi

$
0
0

Fatahaado cusub ayaa la sheegay inuu Webiga Shabelle ka sameeyay qeybo ka mid ah magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Qarax Khasaaro Sababay oo Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

$
0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network):-Ugu Yaraan 4 qof ayaa ku dhaawacmay oo 2 Askar tahay 2  Kalana Shacab yihiin ayaa ku dhaawacmay Kadib Qarax bambaano oo Caawo ka dhacay Kaamka Barakacayaasha ee Badbaado oo ku yaalla degmada Dharkeynleey ee Gobolka Banaadir.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa mid Bambaano oo lala eegtay Guri ku yaalla Kaamkaas oo ay ku sugnaayeen  Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ma  Jirto Cid sheegatay Masuuliyadda Qaraxaasi Walow Al Shabaab horay dusha u riteen Qaraxyo lagu weeraray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya,.
Sidoo kale ma jiro wax war ah oo Qaraxaasi ay ka soo saareen Saraakiisha iyo Masuuliyiinta Maamulka degmada Dharkeynleey ee Gobolka  Banaadir.
The post Qarax Khasaaro Sababay oo Caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho appeared first on Shabelle.

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay shir looga hadlay...

$
0
0

Wasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir guddoomiyay kulan ay ka qeyb galeen wakiillo ka kala socday caalamka, kaasoo looga hadlayay dib u habeynta ciidanka Booliiska. Kulankan oo looga hadlayay qorshaha dib u habeynta ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayna ka qeybgaleen wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, danjirayaasha wadamada safaaradaha ku leh dalka, [...]
storvideo: 


Qarax Khasaaro Sababay oo Caawa ka dhacay Magaalada...

$
0
0

Muqdisho ( Sh.M.Network):-Ugu Yaraan 4 qof ayaa ku dhaawacmay oo 2 Askar tahay 2 Kalana Shacab yihiin ayaa ku dhaawacmay Kadib Qarax bambaano oo Caawo ka dhacay Kaamka Barakacayaasha ee Badbaado oo ku yaalla degmada Dharkeynleey ee Gobolka Banaadir.
Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa mid Bambaano oo lala eegtay Guri ku yaalla Kaamkaas oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ma Jirto Cid sheegatay Masuuliyadda Qaraxaasi Walow Al Shabaab horay dusha u riteen Qaraxyo lagu weeraray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya,.
Sidoo kale ma jiro wax war ah oo Qaraxaasi ay ka soo saareen Saraakiisha iyo Masuuliyiinta Maamulka degmada Dharkeynleey ee Gobolka Banaadir.
storvideo: 

Webiga Shabelle oo ku Fatahay magaalada Jalalaqsi

$
0
0

WASHINGTON. D.C --
Fatahaado cusub ayaa la sheegay inuu Webiga Shabelle ka sameeyay qeybo ka mid ah magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.Fatahaaddani ayaa khasaaro u geystay dhul beereed ay ku yaalleen dalagyo kala duwan.Faahfaahinta arrintan ayaa Nur Bukhaari uu ka wareystay Axmed Cabdi Xassan oo ka mid ah ganacsatada magaaladaJalalaqsi.
storvideo: 

Daawo: Siyaasiyiin iyo odayaal Reer UK ah Ku...

$
0
0

Daawo: Siyaasiyiin iyo odayaal Reer UK ah Ku eedeeyay Muuse Biixi in taladii uu ka maroorsaday Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin

[embedded content]
storvideo: 

Daawo: “Maxamed Kaahinow Xildambena Lagu Dhiibi...

$
0
0

Daawo:"Maxamed Kaahinow Xildambena Lagu Dhiibi Maayo Cidina Ku Iman Mayso Hadii Dhiig Dambe Ku Daato":Siyaasi Cali Qoryooley
[embedded content]
storvideo: 

Daawo: Gudida Maamul wanaaga iyo La dagaalanka...

$
0
0

Daawo: Gudida Maamul wanaaga iyo La dagaalanka Musuqmaasuqa Oo Maanta Galay Wasaarada Deegaanka iyo Gudoomiyaha Gudidaas iyo Wasiirada oo wada jir uga hadlay kulankaasi
[embedded content]
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live