Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Saudi forces reach Yemeni island of Socotra

$
0
0

RIYADH: Saudi Arabian troops have been deployed to the Yemeni island of Socotra, the Saudi-led coalition fighting rebels in Yemen said Sunday.
"Saudi forces have arrived on the island of Socotra... to train and support Yemeni forces," the coalition announced through Al-Ekhbariya channel.The deployment was said to have been coordinated with the Yemeni government.Socotra has been spared involvement in the Yemeni conflict, which has claimed nearly 10,000 lives since March 2015 and triggered what the United Nations has called the world's worst humanitarian crisis.
The move comes after Yemeni President Abed Rabbo Mansour Hadi praised the Arab coalition's constant support for the legitimacy in Yemen and for the Yemeni people.He also commended the coalition's successes in fighting off the Iran-backed Houthi militia.
storvideo: 


Daawo Video:-Sida quruxda badan ee Madaxweyne...

$
0
0


Wararka maanta
English news


LATEST ARTICLES
This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish.AcceptRead More
error: Content is protected !!
storvideo: 

Gudaha Ka Akhri Itoobiya oo ay ka soo Gashay $ 2.8...

$
0
0

Addis Ababa, May 14, 2018 (ToggaHerer) -Ethiopia ayaa ka heshay lacag gaadhaysa 2.8 bilyan oo doollar maraykanka sagaalkii bilood ee la soo dhaafay dalxiiska, iyada oo la gaadhey 75% bartilmaameedkii la higsanayay.
Sida laga soo xigtay Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska, 756,758 Dalxiisayaal ayaa booqday waddanka muddadii la soo dhaafay, inkastoo qorshuhu ahaa in la soo jiito 1.2 milyan oo dalxiise.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gezahna Abate, ayaa u sheegay ENA in "gaadhitaankii iyo Yoolki aanu wanaagsaneyn."Wuxuu sheegay in dhibaatooyinka dhinaca ammaanka ay ka dhaceen qaybo ka mid ah waddanka ay saameysay dalxiisayaasha dalxiiska u iman lahaa Dalka .
Wadanku wuxuu qorsheeyey in uu soo jiito 1 milyan oo dalxiisayaal ah saddexdii sano ee la soo dhaafay, laakiin wuxuu ku guuldareysatay in uu gaadho bartilmaameedkaa dhibaatooyin kala duwan, oo ay ka mid tahay tiro yaraanta dadka u raaca Goobaha Dalxiiska Dalxiisayaasha.
Itoobiya ayaa lahayd qorshe ay doonaysay in ay dalxiiska ka hesho lacag 4.5 bilyan oo doollar sanad maaliyadeed-kan taas oo dhamaanaysa July 7, 2018.
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Sudan oo sii deysay 1,400 maxaabiis Itoobiyaan ah

$
0
0

Addis Ababa (ToggaHerer) -Suudaan ayaa sii daysay 1,400 maxaabiis Itoobiyaan ah Maalintii shalay.
Dr Abi Axmed Ra`isal Wasaaraha Itoobiya safarkii uu ku tagay Khartoum ayaa uu kaga codsaday madaxweynaha Cumar Al-bashiir inuu sii daayo Itoobiyaanka ku jira xabsiyada ama jeelasha Suudaan.
Geesta Kale Itoobiya iyo Kenya ayaa sidoo kale isku waafaqay toddobaadkii hore in ay is dhaafsadaan maxaabiista.
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Gudaha Ka Akhri Itoobiya Oo ay ka Soo Gashay Adduun...

$
0
0

Addis Ababa, May 14, 2018 (ToggaHerer) Itoobiya ayaa xaqiijisay in ay ka heshay adduun gaadhaya 2.1 bilyan oo doollar Wax soosaar kala duwan oo ay dhoofisay sagaal-kii bilood ee la soo dhaafay iyada oo Qorshuhu ahaa inuu soo galo lacag gaadhaysa 3.66 bilyan oo doolar.
Dakhliga saddexda bilood ee ugu horreeya ee sannad maaliyadeed-ka Itoobiya ee sanadkan ayaa muujiyay in ay hoos u dhacday 1.58 bilyan oo doolar, sida uu war saxaafadeedka ku sheegay madaxa Wondimu Flate ee Wasaarada Dakhliga una sheegay Media Today.
Wuxuu sheegay in Saliidda, Shaaha, Qaadka iyo korontada ay muujiyeen waxqabad wanaagsan - in ka badan 75 boqolkiiba qorshaha loo dejiyey badeecad kasta marka la eego dakhliga soo gala.
Taas bedelkeeda, daawooyinka qalabka dhismaha, daawada xoolaha, dharka, xawaashka, dahabka, xoolaha nool, kabaha iyo wax soo saarka malab-ka ayaa ka hooseeya 50 boqolkiiba.
Shiinaha, Soomaaliya, USA, Sacuudi Carabiya iyo Nederland waxay ahaayeen waddamada ugu muhiimsan ee dhoofinta Itoobiya intii lagu jiray muddada warbixintan.
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Maraykanka oo laga yaabo in uu shirkaddaha u ogolaado maalgashiga Kuuriyada Waqooyo

$
0
0

Dalka Maraykanka ayaa laga yaabaa in uu shirkadaha gaarka loo leeyahay u ogolaado in ay maalgashadaan Kuuriyada Waqooyi, sida uu Axaddii sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaas Mike Pompeo.

Maraykanka oo laga yaabo in uu shirkaddaha u...

$
0
0

Dalka Maraykanka ayaa laga yaabaa in uu shirkadaha gaarka loo leeyahay u ogolaado in ay maalgashadaan Kuuriyada Waqooyi, sida uu Axaddii sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaas Mike Pompeo.
Waraysi uu siiyay telefeshinka Fox News ayuu arrintaas sharaxaad kaga sii bixiyay wuxuuna sheegay in ay ku xirnaan doonto in dalkaasi uu ka tanaasulo gabi ahaanba barnaamijkiisa nukliyeerka.
Wuxuu sheegay in maalgashedeyaashu laga yaabo in ay gacan ka siiyaan dhismaha waaxda tamarta.
Arrintan ayaa timid ka dib markii uu booqsho ku tagay Pyongyang toddobaadkii hore, ka hor kulanka madaxweyne Donald Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Koonfureed Kim Jong-un ee ka dhici doona Singapore.
Maraykanka ayaa Jamcihii ku dhawaaqay in uu Kuuriyada Waqooyi ka caawin doono dhismaha dhaqaalahooda, laakiin Pompeo ayaa hadda faahfaahin ka bixiyay qorshahaas.
Meelaha uu carrabka ku dhuftay ee uu sheegay in shirkadaha gaarka loo leeyahay ay maalgashi ku samayn karaanna waxaa ka mid ah dhanka korontada isaga oo sheegay in baahi koronto oo wayn ay jirto.
Waxaa kale oo uu tilmaamay maalgashi dhanka beeraha ah, si buu yiri dadka Kuuriyada Waqooyi "ay ugu suuragasho in ay hilib cunaan, nolol caafimaad lehna ugu noolaadaan".
Pompeo ayaa sidoo kale Chris Wallace oo waraysanayay u sheegay in Kim uu sidoo kale niyad u hayo warbaahinta reer Galbeedka.
Markii Pompeo uu booqasho layaableh ku tagay Kuuriyada Waqooyi, Pyongyang ayaa ciwaannada caalamka qabsatay ka dib markii ay sii daysay saddex muwaadin oo Maraykan ah.
Mike Pompeo oo horray u soo noqday hay'adda sirdoonka Maraykanka ee CIA ayaa dublamaasiyadda Maraykanka la wareegay ka dib markii bishii Maarso la eryay Rex Tillerson.
Trump iyo Kim ayaa lagu wadaa in ay markii koobaad waji ka waji isu horfariistaan 12 Juunyo.
storvideo: 

Maxaa laga filan karaaa shirka maamul goboledyada ee...

$
0
0

Baydhabo (Caasimadda Online) - Waxaa Maanta Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed si rasmi ah uga furmi doono shir ay isugu imaanayaan Madaxda maamul Goboleedada dalka.
Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabelle ayaa Shalay gaaray Magaalada Baydhabo si ay uga qeyb qaataan kulanka Maanta ka furmayo madaxtooyada cusub ee maamulka Koonfur Galbeed.
Shirkaan ayaa imaaday kadib markii uu sii xoogeystay khilaafka Madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe, gaar ahaan arrinta Khaliijka.
Madaxweynayaashaa Jubbalanad iyo Puntland oo dhawaan tagay dalka Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqay inay heshiis la geli karaan Imaaraadka isla markaasna aysan ku qanacsaneyn go'aanka dowladda Dhexe.
Haddaba Shirkaan ayaa diirada lagu saari doono khilaafkaan cusub, sidoo kalana waxaa la filayaa inay qodobo kasoo baxaan sida midkii Kismaayo ka dhacay oo kale.
Dadka Falanqeeyo siyaasadda Soomaaliya ayaa aaminsan inuusan shirkaan wax isbadal ah ku sameyn karin go'aanka dowladda dhexe.
Qodobadii kasoo baxay shirkii hore ee Kismaayo ka dhacay ayaa meel cidlaa ku haray kadib markii madaxda Maamul Goboleedyada ay imaadeen Muqdisho isla markaasna la siiyey mid kasta Hal Malyan oo Dollar.
Shirkii Kismaayo kadib waxaa la ogaa inay Muqdisho ku kulmeen madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe, waxaana la waayey hal Madaxweyne maamul Goboleedyada oo shaaciyo go'aanka rasmiga ah ee laga gaaray waxyaabihii la isku hayey oo ay ugu horeysay Khilaafka Dowladaha Khaliijka iyo cidda leh awoodda Arrimaha Debadda.
Falanqeeyaasha siyaasadeed ayaa shirkaan kaliya ku tilmaamay in lagu doonayo in lagu yareeyo culeysyada soo wajahay madaxweynaha Jubblanad Axmed Madoobe oo la kulmayo cadaadis aad u weyn.
Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa horey ugu heshiiyey in la garab istaago madaxweynihii culeys kala kulmo dowladda dhexe, waxaana muuqato inuu shirkaan ka jawaabayo heshiisyadii Kismaayo lagu galay ee waqtigaas lagu garab istaagayey madaxweynaha Galmudug oo qaar ka tirsan xildhibaanadiisa ay xilka ka qaadeen iyo madaxweyne Shariif Xasan oo culeys weyn la kulmayey waqtigaas.
Haddaba waxaa la sugayaa go'aanada kasoo baxo shirkaas, sida loo fullin karo iyo jawaabta ay arrintaas ka bixiso dowladda dhexe ee uu hoggaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 


Madeira oo isbarbar dhigay guulaha ay DF ka gaartay...

$
0
0

Muqdisho (- Online) - Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia Mr Francisco Madeira ayaa shaaca ka qaaday in Midowga Africa ay dib u eegayaan isbedelada Siyaasadeed iyo mida Amni ee ka jirta Somalia.
Francisco Madeira, ayaa sheegay inay dareemayaan isbedel weyn oo ka jira Somalia, dhinacyada Amniga iyo Siyaasada, waxa uuna carab dhabay in isbedelkaasi uu yahay mid muuqda.
''Waxaanu dooneynaa inaanu dib u daraaseyno Amniga iyo Siyaasada Somalia, waxaanu dareemeynaa isbedel ka jira Somalia''
Francisco Madeira, waxa uu sheegay in isbedelka ugu weyn uu yahay mid ka jira dhanka amniga, waxa uuna carab dhabay in taa ay tahay mid ka turjumeysa guulaha ay ciidamada Midowga Africa usoo hoyiyeen Somalia.
Ciidamada Dowlada Somalia ayuu sheegay inay kasoo kabsanayaan halkii ay dhowr sano ka hortaagnaayen, isagoo taa ku sheegay iskutashiga Somalia.
Saraakiisha iyo Ciidamada Midowga Africa ayuu sheegay inay isgarbtaagayaan ciidamada Somalia, inta ay Somalia kusii sugan yihiin maleeshiyaadka al-Shabaab ee aadka uga soo horjeeda Nabadda Somalia.
''Waxaa inoo harsan inaan awooda ugu badan siino ciidamada Somalia, qeybahooda kala duwan, waayo waxaa lagu jiraa xiliga ay dowlada Somalia la wareegi laheyd amniga guud ee Somalia''
''Waa xaqiiq Somalia wey heysataa ciidamo ku filan oo hanakara amniga Somalia oo idil, keliya waxaan u baahanahay inaanu tixraacno Jadwalka aan kusoo afmeeri laheyn ka bixitaankeena Somalia''
Midowga Africa, ayaa dowlada Somalia ugu baaqay inay la imaado dadaal dheeri ah oo dhabaha u xaari kara Somalia oo gabi ahaan ku jirta gacanta Dowlada.
Sidoo kale, magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka furmay shir looga hadlaayay qorshaha dib u habeynta Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ay ka qeybgaleen wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, danjirayaasha wadamada safaaradaha ku leh dalka, wakiil ka socday UNDP, Wasiirrada amniga maamulgoboleedyada hoosyimaada dowladda iyo Saraakiil ka socotay ciidamada AMISOM.
Haddalka Francisco Madeira, ayaa kusoo beegmay xili Midowga Africa uu ka shaqeynaayo sida Somalia looga dulqaadi lahaa ciidamada AMISOM isla markaana amniga loogu wareejin lahaa ciidamada dowlada.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
storvideo: 

Magaalada Muqdisho oo lagu arkaayo ciidamo iyo...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho ee - Somalia ayaa waxaa lagu arkayaa Ciidamo iyo Gaadiid dagaal oo kala midab ah.
Ciidamada iyo Gaadiidka ayaa waxaa lagu arkayaa Isgoosyada waaweyn ee magaalada Muqdisho, kuwaa oo qeyb ka ah ciidamada Xasilinta -.
Ciidamada oo Shan shan u taagan Isgoosyada magaalada ayaa baaraya dhammaan gaadiidka raaxada, BL-ka iyo Gaadiidka kale ee isticmaala waddooyinka mashquulka badan.
Waxa ay sidoo kale Hubka ka xisaabinayaan Gaadiidka ay la socdaan mas'uuliyiinta iyo Saraakiisha ciidan kuwaa oo maalmo un ka hor la faray inaanu qaadan Karin 4 qori kabadan.
Xukuumada Somalia, gaar ahaan Wasaarada amniga ayaa Seddex maalin un ka hor sheegtay inaanu mas'uul ka noqon doonin cawaaqibta uu la kulmo mas'uulkii ama Sarkaalkii Muqdisho ku dhexqaata Afar qori iyo wixii kabadan.
Si kastaba ha ahaatee, ciidamadaani ayaa loogu tallo galay inay xaqiijiyaan amniga magaalada Muqdisho inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo ka war...

$
0
0

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo ka war bixiyay macalimiin ay wasaaraddu u qaadaneyso dugsiyada dhexe iyo sare dalka
May 14, 2018 -
Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan, ayaa ka war bixiyay macalimiin ay wasaaraddu u qaadaneyso dugsiyada dhexe iyo sare dalka si sare loogu qaado heerka waxbarashada dalka.
Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in miisaaniyadda waxbarashada dalka sare loo qaaday sidaas darteed ay wasaraddu go'aansatay in macalimiin ay mushaarkooda bixineyso dowladdu loo shaqaaleysiiyo iskuulaadka dalka.
Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa waxa uu sheegay in wasaaradiisu ay diyaarisay shuruucdii lagu qaadan lahaa macalimiintaas kadibna la xayeysiiyay si loogu tartamo hab cadaalad ah, isaga oo intaa raaciyay in ay soo codsadeen 761 macalim hase yeeshee 325 kamid ah ay buuxiyeen shuruudihii imtixaanka looga qeyb gali lahaa.
Macalimiintaan oo laga qaadayo imtixaan si loo hubiyo aqoontooda ayaa waxa la doonayaa in ay kasoo baxaan 300 oo macalim kuwaas oo ka shaqeyn doona iskuulaadsa dhexe iyo sare ee Gobalka Banaadir, Hir-shabeelle, Jubbaland, Gal-mudug iyo Koofur Galbeed.
Afarta maamul gobaleed ee kala ah Hir-shabeelle, Jubbaland, Gal-mudug iyo Koofur Galbeed ayaa midkiiba waxaa macalimiinta uga soo aadaya 50, halka gobalka Banaadir uu yeelanayo 100 macallim
English News
storvideo: 

Sawirro Qurxoon: Farmaajo oo booqasho rasmi ah ay...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa magaalada Qatar uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah, waxa uuna mudada uu halkaa joogo la kulmi doonaa Madaxda dalkaasi.
Madaxda uu kulanka ugu badan la qaadan doono ayaa waxaa kamid ah Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani oo isagu casuumay iyaga oo ka wada hadli doona xiriirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa.
Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Hamad ayaa waxaa Madaxweynaha ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta Dowladda Qatar Jassim Sayf Axmed Al Sulayti, Ku-simaha Safiirka Soomaaliya ee Qatar Mukhtaar Cali Yuusuf iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala Safaaradda.
Wafdiga la socda Madaxweynaha oo u badan Wasiiro ayaa iyaguna la kulmi doona Wasiirrada dhiggooda ah, waxaana lagu wadaa in Heshiis ay kala saxiixdaan labada dal.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Saraakiisha Jubbaland ee u goosaneysa Shabaab oo sii...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Maleeshiyada al-Shabaab ayaa soo bandhigtay Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada maamulka Jubbaland kaa oo u goostay al-Shabaab.
Maleeshiyada ayaa Sarkaalkan iyo Hubkiisa kusoo bandhigay degmada jilib ee Gobolka Jubbada Hoose.
Sarkaalkan ay soo bandhigeen maleeshiyaadka ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Xasan Khayre Xuseen, waxayna Shabaabka tilmaameen in sarkaalkan uu Jubbaland ka tirsanaa muddo sanad ah, kana mid ahaa ciidanka ku soo tababartay dalka dibaddiisa.
Maleeshiyada ayaa sheegtay in sarkaalkan xilliga uu isa soo dhiibayay inuu watay Qorigiisa, kaasi oo uu ugu shaqeynayay maamulka Jubbaland, balse wixii hada ka dambeeya uu isku dhiibay Shabaab.
Sidoo kale, al-Shabaab masheegin halka sida rasmiga ah ee uu uga howlgalaayay Sarkaal, balse waxa ay sheegeen in haatan uu isaga soo baxay ciidamada Dowlad Goboledka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.
Si kastaba ha ahaatee, soo bandhigida Sarkaalkan ayaa kusoo beegmeysa Xili ay maleeshiyaadka horey ugu soo bandhigeen deegaanada ay ka taliyaan rag ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen Ciidanka Jubbaland, oo isku dhiibay dhankooda.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo si lama filaan looga...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Wararka ay heleyso Shabakadda Caasimadda Online ayaa xaqiijinayo in si lama filaan ah safarka Madaxweyne Farmaajo ee dalka Qatar looga reebay Wasiirka Arrimaha Debadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.
Wasiirka Arrimaha Debadda Soomaaliya ayaa si kadis ah waxaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde loogu sheegay in laga reebay safarka uu madaxweynaha ku aaday dalka Qatar, waxaana booskiisa la geliyey Wasiirka Qorsheynta Qaranka Jamaal Maxamed Xasan kaasoo hore usii aaday dalkaas.
Wasiirka Qorsheynta Qaranka Jamaal Maxamed Xasan ayaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kasii raacay Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin iyo La Taliyaha Madaxweynaha Balal Cusmaan kuwaas oo si hordhac ah usii gaaray dalka Qatar.
Waxaa muuqato inuu jiro loolan adag oo u dhaxeeyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Wasiirka Qorsheynta Qaranka, iyadoo la ogyahay in shirar badan oo sharci ahaan ay aheyd inuu wasiirka Arrimaha Dibadda ka qeybgalo uu ka qeybgalay Wasiirka Qorsheynta.
Lama ogo sababta rasmiga ah ee keentay in Wasiirka Arrimaha Dibadda laga reebo safarka Madaxweynaha isagoo isku diyaariyey inuu ka safro garoonka Aadan Cadde, balse waxay xogta hoose sheegeysaa inuu Cawad olole xooggan u waday sidii loola heshiin lahaa Imaaraadka Carabta ayna dhici karto in sababataas looga doorbiday Wasiirka Qorsheynta Jamaal.
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Weerar kale oo ismiidaamin ah oo lagu qaaday dalka...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Surabaya (Caasimadda Online) - Laba qof oo saarnaa mooto ayaa weerar ismiidaamin ah ku qaaday xarun booliis oo ku taal magaalada Surabaya, maalin uun kadib markii ay mawjado qaraxyo ah oo dhimasho badan gaystay ay ka dheceen magaalo kutaal dalka Indonesia.
Saraakiil booliis ah ayaa lagu dhaawacay qaraxa, kaas oo dhacay 8:50 saacadda dalkaas, balse ma cadda tirada saxda ah ee dadka ku waxyeeloobay qaraxa.
Kooxda iskumagacawda Dawladda Islaamiga ah ayaa shegatay in ay ka dambaysay weeraradaas.
Madaxweynaha Indonesia Joko Widodo ayaa ku tilmaamay weerardaas kuwo fulaynimo ah oo biniaadanimada ka baxsan.
" Majiri doono wax gorgortan ah oo aan ka galayno ina aan tallaabo ka qaadno oo aan ka hortagno argagixisada" ayuu yiri madaxweyne Joko Widodo.
Wali lama hubo in weeraradani ay yihiin kuwo la xiriira qaraxyadii dadka badani ay ku dhinteen ee axaddii dhacay.
Afhayeen u hadlay booliiska bariga Java oo lagu magacaabo Frans Barung Mangera ayaa sheegay in aan wali lasoo saarin faahfaahin dhammaystiran oo la xiriirta dhacdadaan, asagoo sababta ku sheegay in ay wali baarayaan dadka halkaas ay waxyeelladu kasoooo gaartay.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 


Waxyaabaha uu Madaxweyne Farmaajo kala hadli doono...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Doha (Caasimadda Online) - Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo gaaray dalka Qatar ayaa maanta waxa uu kulamo la leeyahay madaxda dalkaasi oo ay ka wada hadli doonaan arrimo Labada dal ku saabsan.
Madaxweynaha ayaa la kulmi doona amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, iyaga oo si aad ah u lafa guri doona xiriirka dowladaha Qatar iyo Soomaaliya.
Waxaa jiri doona heshiisyo ay gaari doonaan Labada dowladood kuwaasi oo u badan dhanka horumarinta iyo ganacsiga.
Madaxweyne Farmaajo wafdigiisa waxaa ka mid ah wasiirada Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maryam Aweys Jaamac, Wasiirka Caafimaadka Drs Fowsiyo Abiikar Nuur, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Jamaal Maxamed Xasan, oo iyaguna la kulmi doona wasiirada dhiggooda ah ee dalka Qatar.
Safarka uu madaxweyne Farmaajo ku aaday dalka Qatar ayaa kusoo beegmaya xilli uu mugdi sii galayo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay iney dhex dhexaad ka tahay khilaafka wadamada kahliijka, taasi oo ay aad usoo dhoweeyeen dowlado badan.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Xog: RW Kheyre oo ku dhagan Wasiir Beyle & Tuhun...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online)-Ra'isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre, ayaa la xaqiijiyay inuu baaritaan ku hayo ku dhawaad laba bil oo aan xuquuq lasiin Hay'adaha amaanka iyo Shaqaalaha rayidka dowlada.Ra'isul wasaare Kheyre ayaa baaritaan ku haya halka laga bixiyay dhaqaalahaasi iyo sababta aysan u bixin Wasaarada Maaliyada, xili uu jiro isla xisaabtan.Kheyre ayaa arrinta xuquuqda aan lasiin shaqaalaha kala xisaabtamaaya Wasiirka maaliyada xukuumada SoomaaliyaCabdiraxmaan Ducaale Beyle.
Wasiir Beyle ayaa isaguna ku doodaya inuu bixiyay dhaqaalahaasi balse uusan ogeyn qaabka ay ugu tagri faleen Madaxda Hay'adaha dowlada.
Waxa uu Beyle meesha ka saaray in Wasaaradiisa ay dhigaalsato mushaar lagu amray bixinteeda, waxa uuna cadeymo u sameynayaa sida uu ku qancin lahaa Ra'isul wasaare Kheyre.
Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'isul wasaare Kheyre ayaa horay u sheegay inaanu dhici doonin misna laga aamusi doonin xuquuq shaqaale ka tirsan Dowlada oo aan la bixin.
Arrintaan ayaa imaaneysa xili Xarumaha dowlada ay weli ku dhex jiraan shaqsiyaad caadeystay ku tagrifalka Hantida Qarnka iyo Mushaaraadka shaqaalaha dowlada.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

SOMALIA TRADE MARK – CAUTIONARY NOTICE ABSOLUT

$
0
0

SOMALIA TRADE MARK - CAUTIONARY NOTICE_______________________ABSOLUTNOTICE IS HEREBY GIVEN that the above trade mark is the trade mark of:The Absolut Company Aktiebolag, a private limited liability company organized and existing under the laws of Sweden of 117 97, Stockholm, Swedenand is used in connection with:Beverages of all kinds.NOTICE IS ALSO GIVEN that legal proceedings will be taken against any person or company who uses the said trade mark or any imitations thereof or who otherwise infringes the rights of the said company.
Share this:
Related
storvideo: 

Dib_u_eegista_dastuurka_DFS

$
0
0

Dib_u_eegista_dastuurka_DFS
May 14, 2018 -
Gudiga dib u eegista dastuurka DFS, talo ahaan waxaan usoo jeedinaynaa. in la bedelo qodobka oranaaya maamul gobeleed waxaa noqon kara labo gobol iyo waxii kabadan, laguna bedelo "maamul goboleedyada xubnaha ka ah DFS waa inay ku salaysanyihiin midkiiba hal gobol, maamulkii ka badan hal gobol waa in dib loo dhisaa laguna saleeyo qodobka kor ku xusun.Ujeedada qodobkaan waa sidii loo heli lahaa dowlad dhexe oo xoog leh iyo laga takhaluso maamul goboleedyada cudud u sheegta dowlada dhexe
Tusaaale ahaaan maamulka #p/land waxa uu sheegtaa 5 gobol si awood buuxda ku jirtona waxa uu ka taliyaa 3 gobol. Maamulka noocan oo kale ah oo ku salaysan qabiil inta badana u adeega danaha shisheeya hadaan dib u dhis dastuuri ah lagu sameeyn dawlad walba laf dhuun gashay buuu ku noqon dooonaa.Gobolada waqooyi bari kajira mid waliba goonidiisa ayuu maamul goboleed u noqon karaa. Wiil dhuuso mareeb ku dhashay inuu ka taliyo bosaso waaa qalad. Bari Mudug ma hooos tagi karto garooowe na boosaaso laga ma xakumi karo.
Talada dalka iyo dadku waxay ku jirtaaa gobol walba in maamul gaar ah loo sameeyo.
Cabdiraxmaan catuwa
English News
storvideo: 

NOTICE IS HEREBY GIVEN that the above trade marks...

$
0
0

TRADE MARKS CAUTIONARY NOTICENOTICE IS HEREBY GIVEN that the above trade marks (PIONEER logo and PIONEER device) are the property of PIONEER KABUSHIKI KAISHA (also trading as PIONEER CORPORATION), a Japanese company of 28-8, Honkomagome 2-chome, Bunkyo-ku, Tokyo, Japan and that the same trade marks are used for the following products:
Scientific, electronically operated nautical, surveying, electric, photographic, cinematographic, optical, weighing, measuring, signalling, checking (supervision), teaching apparatus and instruments; Apparatus for recording, transmission, processing and reproduction of sound, images or data; Video disc players and video disc recorders; tape players and tape recorders; record players; radio and tuners; audio receivers and video receivers; television apparatus; loudspeakers; speaker systems; microphones and microphone mixers; earphones; cleaning apparatus for sound recording discs; aerials; telephone apparatus; smartphones; jukeboxes; video discs; compact discs; audio tapes and video tapes; magnetic tapes; sound recording discs; video cameras; computers; computer keyboards; computer memories; printers for use with computers; tablet PCs; CD-ROM disc drives and CD-ROM disc auto changers; optical disc drives and optical disc auto changers; computer software; computer operating programs; computer game programs; CD-ROM discs; optical discs and magnetic discs; floppy discs; integrated circuits; semi-conductors; remote controllers; cable television converters; bar code readers; audio visual teaching apparatus; navigation equipments; connectors; batteries; electric cables; cabinets for loudspeakers; audio timers; audio racks; acoustic diaphragms; binoculars; DVD recorders; hard disc drive recorders; optical disc players and recorders for audio, video and computer data; organic electro luminescence displays; home theatre systems; computer software for retrieving audio and video data stored on server machines on home network; portable audio players; portable media players; digital audio players; digital media players; electronic docking stations; stands specially designed for holding mobile phones and portable and handheld digital electronic devices; electric and/or electronic equipment for use in disc jockey performance; DVD players; CD players; mixers; audio speakers; phonograph record turntables; amplifiers; sound and/or video effectors; headphones; computer software for playing virtual disc jockey on PCs; computer software used for generating, reproducing, effecting, modifying, transmitting and/or processingsound, music or video data; computer peripheral devices; electronic switchers for audio and video signals; car audio systems; car video systems; digital cameras; speakers for mobile phones; electronic displays on which letters or drawings written up for education or meeting; video conference systems; software for providing digital maps; optical disc error checkers; parts and fittings for all of the aforementioned goods.- class 09;NOTICE IS ALSO GIVEN that PIONEER KABUSHIKI KAISHA (also trading as PIONEER CORPORATION) claims all rights in respect of the aforesaid trade marks in Somalia and will initiate appropriate legal action against any person or persons found to be using the aforesaid trade marks or any other trade mark deceptively or confusingly similar, or otherwise infringes on its rights.
Share this:
Related
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live