Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Madaxweynaha iyo Amiirka Dowladda Qatar oo ka wada...

$
0
0

Madaxweynaha iyo Amiirka Dowladda Qatar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal
May 14, 2018 -
Dooxa, 14ka May, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga Dooxa ayaa maanta wada hadallo la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani.
Madaxweyne Farmaajo iyo Sheekh Tamiim ayaa si wadajir ah salaan sharaf uga qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada baambeyda Dowladda Qatar.
Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maalgashiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo ka warbixiyay kulan gaar ah oo ay yeesheen Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa sheegay in madaxda ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada caafimaadka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, waxbarashada, ganacsiga iyo maalgashiga.
"Waxyaabihii ay ka wada hadleen labada dowladood dhammaantood waa la isku afgartay, haddii Alle idmana fulintooda ayaa bilaabaneysa dhawaan. Sanadkii hore heshiisyo ayaan galnay sida jidad, mashaariic waxbarasho iyo kuwa shaqo abuur ah. Intiiba way socdaan. Waxaan rajeynaynaa Insha Allaah shaqooyinka noo yaalla in sida ugu dhakhsiyaha badan iyo waqtiga loogu talagalay aan ku fulinno." Ayuu yiri Wasiir Jamaal Maxamed Xasan.
Dhanka kale, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Drs. Fowziya Abiikar Nuur ayaa heshiis isfaham ah la saxiixatay dhiggeeda Dowladda Qatar Marwo Drs. Xannaan Muxamed Al Kuwaari. Heshiiskaas ayaa waxaa ku cad in labada dowladood ay ka wada shaqeeynayaan horumarinta caafimaadka, cilmi baarista iyo tabobarrada shaqaalaha caafimaadka.
Dhammaan Wasiirrada booqashada ku wehlinaya Madaxweynaha ayaa dhankooda kulamo gaar gaar ah la qaatay Wasiirrada dhiggooda ah, iyaga oo ka wada hadlay sidii ay wada shaqeyn iyo aqoon isweydaarsi joogta u yeelan lahaayeen.
Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Mudane Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Marwo Drs. Fowziya Abiikar Nuur, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys Jaamac, La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibadda Mudane Balal Cusmaan iyo Sii hayaha Safiirka Soomaaliya ee Qatar Mudane Mukhtaar Cali Yuusuf.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir
Cabdinuur Maxamed AxmedAgaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,Xafiiska Madaxweynaha JFS
E-mail: media@presidency.gov.soFlicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/Twitter: @TheVillaSomalia
English News
storvideo: 


Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Qatar oo ka wada...

$
0
0

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga Dooxa ayaa maanta wada hadallo la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani.
Madaxweyne Farmaajo iyo Sheekh Tamiim ayaa si wadajir ah salaan sharaf uga qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada baambeyda Dowladda Qatar.
Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maalgashiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo ka warbixiyay kulan gaar ah oo ay yeesheen Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa sheegay in madaxda ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada caafimaadka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, waxbarashada, ganacsiga iyo maalgashiga.
"Waxyaabihii ay ka wada hadleen labada dowladood dhammaantood waa la isku afgartay, haddii Alle idmana fulintooda ayaa bilaabaneysa dhawaan. Sanadkii hore heshiisyo ayaan galnay sida jidad, mashaariic waxbarasho iyo kuwa shaqo abuur ah. Intiiba way socdaan. Waxaan rajeynaynaa Insha Allaah shaqooyinka noo yaalla in sida ugu dhakhsiyaha badan iyo waqtiga loogu talagalay aan ku fulinno." Ayuu yiri Wasiir Jamaal Maxamed Xasan.
Dhanka kale, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Drs. Fowziya Abiikar Nuur ayaa heshiis isfaham ah la saxiixatay dhiggeeda Dowladda Qatar Marwo Drs. Xannaan Muxamed Al Kuwaari. Heshiiskaas ayaa waxaa ku cad in labada dowladood ay ka wada shaqeeynayaan horumarinta caafimaadka, cilmi baarista iyo tabobarrada shaqaalaha caafimaadka.
Dhammaan Wasiirrada booqashada ku wehlinaya Madaxweynaha ayaa dhankooda kulamo gaar gaar ah la qaatay Wasiirrada dhiggooda ah, iyaga oo ka wada hadlay sidii ay wada shaqeyn iyo aqoon isweydaarsi joogta u yeelan lahaayeen.
Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Mudane Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Marwo Drs. Fowziya Abiikar Nuur, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys Jaamac, La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibadda Mudane Balal Cusmaan iyo Sii hayaha Safiirka Soomaaliya ee Qatar Mudane Mukhtaar Cali Yuusuf.
storvideo: 

Mudaharaadyo waa weyn oo gil gilay magaalada Ceerigaabo

$
0
0

Mudaharaadyo waa weyn oo gil gilay magaalada Ceerigaabo
May 14, 2018 -
Waxaa marba marka sii danbeysa sii xoigeysanaayo Banaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeeda maamulka uu hogaamiyo Muuse Biixi
Banaanbaxayada raga dhigaayo ayaa gu bayo taayeero iyagoona ku dhawaaqayo erayo lid ku ah dowlada Soomaliland hogaankeeda
Bananbaxa ayaa ku soo aadayo xili ay soo 4 cisha uun ka hartay maalinta 18 may oo maalintay Soomaliland ku dhawaaqday gooni istaag ay uga goday Soomaliya inteeda kale
Magaalada Ceerigaabo ayaa dhamaan la gubay Calanka Soomaliland iyadoona la soo sheegay da shacab ah oo wax ku no1day rasaata ay ridayaan ciidamada Dowlada Soomaliland
English News
storvideo: 

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Tacsi u Diray Ehelidii uu...

$
0
0

Muqdisho, May 14, 2018-- Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa Tacsi u diraya eheladii, qoysaskii iyo umadda Soomaaliyeed oo uu ka geeriyooday Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhin jiray Qaramadda Midoobay Marxuum Cabdiraxiin Caabi Faarax oo ku geeriyooday magaalada New York ee dalka Maraynkanka. "Ilaahay ha u naxariisto marxuumka, ehelkii iyo qaraabadii uu [...]
storvideo: 

Dowladda Qatar oo Taageero u balan-qaaday Somalia...

$
0
0

Doxa (PP) - Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga Dooxa ayaa maanta wada hadallo la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani. Madaxweyne Farmaajo iyo Sheekh Tamiim ayaa si wadajir ah salaan sharaf uga qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada baambeyda Dowladda Qatar.
Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maalgashiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo ka warbixiyay kulan gaar ah oo ay yeesheen Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa sheegay in madaxda ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada caafimaadka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, waxbarashada, ganacsiga iyo maalgashiga.
"Waxyaabihii ay ka wada hadleen labada dowladood dhammaantood waa la isku afgartay, haddii Alle idmana fulintooda ayaa bilaabaneysa dhawaan. Sanadkii hore heshiisyo ayaan galnay sida jidad, mashaariic waxbarasho iyo kuwa shaqo abuur ah. Intiiba way socdaan. Waxaan rajeynaynaa Insha Allaah shaqooyinka noo yaalla in sida ugu dhakhsiyaha badan iyo waqtiga loogu talagalay aan ku fulinno," ayuu yiri Wasiir Jamaal Maxamed Xasan.
Dhanka kale, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Drs. Fowziya Abiikar Nuur ayaa heshiis isfaham ah la saxiixatay dhiggeeda Dowladda Qatar Marwo Drs. Xannaan Muxamed Al Kuwaari. Heshiiskaas ayaa waxaa ku cad in labada dowladood ay ka wada shaqeeynayaan horumarinta caafimaadka, cilmi baarista iyo tabobarrada shaqaalaha caafimaadka.
Dhammaan Wasiirrada booqashada ku wehlinaya Madaxweynaha ayaa dhankooda kulamo gaar gaar ah la qaatay Wasiirrada dhiggooda ah, iyaga oo ka wada hadlay sidii ay wada shaqeyn iyo aqoon isweydaarsi joogta u yeelan lahaayeen.
Ugu dambeyn, Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Mudane Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Marwo Drs. Fowziya Abiikar Nuur, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys Jaamac, La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibadda Mudane Balal Cusmaan iyo Sii hayaha Safiirka Soomaaliya ee Qatar Mudane Mukhtaar Cali Yuusuf.PUNTLAND POST
The post Dowladda Qatar oo Taageero u balan-qaaday Somalia kaddib kulankii Madaxda Labada Dal appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Ururka Africa Development Organization Oo 16 Neef ku...

$
0
0

Bosaso[Puntland Post]-Ururka dhallinyarada ee Africa Development Organization oo xaruntiisu tahay magaalada Bosaaso ee gobalka Bari ayaa 16 neef oo deeq ah ku wareejiyey howl wadeenada ka shaqaya mashruuca dhismaha wadada isku xirta Ceeldaahir-Ceergaabo oo hada uu dhismeheedu marayo meel gabo gabo ah.
Dhalinyaradan ku midayasn Ururka ayaa Mihiimadoodu waxa ay ahad sidii ay waxa ugu darsan lahayeen dhismaha wadada Ceeldaahir iyo Ceergaabo .
Wareejinta deeqdan ayaa waxa ay ka dhacday xafiiska shaqaalaha wadada ee magaalada Midigale gobalka Sanaag.
Gudoomiyaha Ururka Cabdirisaq Aadan Shir iyo Ciise Maxamed Cali Xoghayaha Arimhaa Dibada Ee Ururka ayaa waxa ay sheegen in ay ku faraxsan yihiin in ay ka qeyb qatan dhismaha wadada Ceeldaahir iyo Ceergaabo waxana ay tilmaamen in deeqdan ayasna noqon doonini tii ugu danbeyesay oo ay Ururku aya ku taageeran shaqalaha gacanta ku haya wadada lakiin ay sii wadi doonan taageeradan.
Maxamed Axmed kulan Madax fulinta mashruuca wadada Ceeldaahir iyo Ceergaabo ayaa uga mahad celiyeye Ururka dhalinyarada ee Afrika Development Organization sida wanagsan ay u garab tagan yihiin dhameystirka wadada kana gudoomay deeqadan.
The post Ururka Africa Development Organization Oo 16 Neef ku wareejiyay Gudiga wadada Ceeldaahir-Ceergaabo appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo qabatay...

$
0
0

Shirkan oo ay qabatay Safaaradda Soomaaliyeed ayaa kasoo qeyb galay Wasiiru Dowlaha Arimaha Dibadda Soomaaliya, Xildhibaano, Madaxda Safaaradda, marti sharaf isugu jiray Macalimiin ka socotay Jaamacado ay ka mid iyo Iskuullo iyo waalidiin, waxaana loogu hadlayay sidii looga gudbi lahaa Ardayda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Koonfur Afrika caqabadaha kasoo wajaha Waxbarashada. Macallimiintii iyo waalidiintii ka [...]
storvideo: 

Maxay ka wada hadleen Farmaajo iyo Amiirka dalka...

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga Dooxa ayaa maanta wada hadallo la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani.
Madaxweyne Farmaajo iyo Sheekh Tamiim ayaa si wadajir ah salaan sharaf uga qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada baambeyda Dowladda Qatar.
Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maalgashiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo ka warbixiyay kulan gaar ah oo ay yeesheen Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa sheegay in madaxda ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada caafimaadka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, waxbarashada, ganacsiga iyo maalgashiga.
"Waxyaabihii ay ka wada hadleen labada dowladood dhammaantood waa la isku afgartay, haddii Alle idmana fulintooda ayaa bilaabaneysa dhawaan. Sanadkii hore heshiisyo ayaan galnay sida jidad, mashaariic waxbarasho iyo kuwa shaqo abuur ah. Intiiba way socdaan. Waxaan rajeynaynaa Insha Allaah shaqooyinka noo yaalla in sida ugu dhakhsiyaha badan iyo waqtiga loogu talagalay aan ku fulinno." Ayuu yiri Wasiir Jamaal Maxamed Xasan.
Dhanka kale, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Drs. Fowziya Abiikar Nuur ayaa heshiis isfaham ah la saxiixatay dhiggeeda Dowladda Qatar Marwo Drs. Xannaan Muxamed Al Kuwaari. Heshiiskaas ayaa waxaa ku cad in labada dowladood ay ka wada shaqeeynayaan horumarinta caafimaadka, cilmi baarista iyo tabobarrada shaqaalaha caafimaadka.
Dhammaan Wasiirrada booqashada ku wehlinaya Madaxweynaha ayaa dhankooda kulamo gaar gaar ah la qaatay Wasiirrada dhiggooda ah, iyaga oo ka wada hadlay sidii ay wada shaqeyn iyo aqoon isweydaarsi joogta u yeelan lahaayeen.
Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Mudane Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Marwo Drs. Fowziya Abiikar Nuur, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys Jaamac, La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibadda Mudane Balal Cusmaan iyo Sii hayaha Safiirka Soomaaliya ee Qatar Mudane Mukhtaar Cali Yuusuf.DHAMMAAD
storvideo: 


Wararkii ugu dambeeyey 37 qof oo Falastiiniyiin ah...

$
0
0

37 qof oo Falatiiniyiin ah ayay ciidammada Israa'iil ku toogteen marinka Qaza taaso noqotay toddobaadkii ugu dhiigga badnaa, sida ay sheegeen saraakiisha Falastiiniyiinta.
Rabshadahani ayaa imaanaya xilli magaalada Qudus maanta uu Mareykanka safaarad ka furanaya taaso ka caraysiiyay shacabka Falastiiniyiinta.
Ururka Xamaas ee ka talliya marinka Qaza ayaa waday dibadbaxyo ay ugu magac dareen 'dibadbaxyadii soo celinta' kaaso socday muddo lix toddobaad ah.
Israa'iil waxay sheegtay in dibadbaxyaashu ay burburinayaan xayndaabka xadka.
Ciidammada Israa'iil waxa ay sheegeen in illaa 35,000 oo falastiiniyiin ah ay ka qaadanayaan isu soo baxyada rabshadaha wata.
"Maanta waa maalin weyn, waxaanan doonaynaa in aan xeendaabka gudubna, Israa'iil iyo adduunkaba u sheegno in aanan ogolaan doonin in waligeen nala heysto" ayuu yiri Cali oo macalin ka ah magaalada Qasa.
Dadka maanta lagu dilay dibadbaxyada waxaa kamid ah carruur halka in ka badan 1000 qof ay ku dhawaacmeen.sida ay sheegtay laan arrimaha caafimadka ka shaqayso oo taabacsan kooxda Xamaas.
Heshiis dhexmaray Israa'iil iyo Falastiiniyiinta sanadkii 1993-dii ayaa waxa uu dhigayaa in meeqaamka Qudus laga wada xaajoodo mararkale.
Rarista safaarada ayaa ah guul weyn oo usoo hoyatay Ra'isulwasaare Netanyahu.
Dadka Yuhuuda ee ku dhaqan magaalada Tel Aviv ayaa ammaanay madaxweyne Trump, iyada oo la taagay tabeelooyin lagu bogaadinayo.
Furitaanka safaaradda ayaa horey loosoo dhigay si loo waafajiyo maalinta loo dabaaldagayo sanad guurada 70-aad ee kasoo wareegtay markii la asaasay Israa'iil.
Hoggaamiyaha reer Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa go'aanka Trump ku tilmaamay "Dharbaaxadii Qarniga", isaga oo intaas ku daray in wixii hadda ka dambeeya uusan Maraykanka ahaan karin dhexdhexaad arrimaha Bariga Dhexe.
storvideo: 

Shirkadda Korontada ee BECO oo mar kale qiimo...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (Caasimadda Online) - Iyadoo aad uga Barteen Shirkadda BECO Korontada Qiimo Dhimis ayaa Shir Jaraaid oo ku saabsan Qiimo Dhimis Hor leh Shirkada ay ku sameysey Adeegeedii Korantada ee Bulshada Soomaaliyeed ku qabatey Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunteeda weyn, waxaana Shirkaan jaraaid ku sugnaa Madaxda Shirkada BECO.
Shirkaas Jaraaid waxaa ka Hadley Madaxa Howlgelinta Shirkada BECO Mudane Cabdirisaaq Maxamed Xalane waxaa uu ku dheeraadey Heerarkii Qiimo Dhimis ee ay Shirkada Soo Martey tan iyo Markii Shirkada ay Midowdey si ay Macaameesheeda u dareemaan adeega ay bixiso Shirkada BECO.
" Wixii Maanta ka dambeeya Shirkada waxay Qiimo Dhimis ku sameysey Adeegii Koronta oo ay gaarsiisey 48% kaasoo markii hore uu ahaa 55% , ujeedkuna waa sidii Macaamiisha Shirkada ee isticmaala Koronto Badan loogu Daneyn lahaa" sidaa Waxaa yiri Madaxa Howlgelinta ee Shirkada BECO oo sheegey in Qiimahaas uusan noqon doonin mid halkaas Taagnaada waxaa uu sii raaciyey.
" Qiimo Dhimista waxaa loo sameeyey sidii ay Fursad ku heli lahaayeen Warshada yar yar si loo dhiirageliyo in dalka la maalgashado " Waxaa uu sheegey Mudane Cabdirisaaq in Qiima Dhimsta Shirkada ay ka soo bilaabantey meel aad u Foq taasoo aan dooneyno in Shacabka Soomaaliyeed helaan Koronta Raqiis ah oo la jaan qaadi karta Caalamka.
Ugu Dambeyn Mudane Cabdirisaaq waxaa uu Carabka ku dhuftey in Qiima Dhimistaas ay bilaabanayeso Bisha lagu Jiro sidoo kale waxaa uu sheegey in Qiima Dhimistaan ay ku soo beegantey Xili loo diyaargaroobayo Bisha Barakeysan ee Ramadaan si Bulshada u helaan Koronto raqiisa maadaama Bishan la isticmaalayo Xadi koronto badan
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Duqa Muqdisho iyo Madaxa Bangiga Adduunka ee Bariga...

$
0
0

Home WARARKA GUDAHA Duqa Muqdisho iyo Madaxa Bangiga Adduunka ee Bariga Afrika oo ka wada...
SHARE
Facebook
Twitter
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleMadaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal+Sawirro

storvideo: 

Wadaad caan ah oo caawa lagu dilay magaalada Muqdisho

$
0
0

Wadaad caan ah oo caawa lagu dilay magaalada Muqdisho
May 14, 2018 -
Kooxo hubeysan ayaa caawa Xaafada Sanca ee Magaalada Muqdisho waxay ku dileen Shiikh Xuseen Xaaji Max'ed Tuuryare oo ka tirsanaa culimada dariiqada Suufiyada.
Shiikhan ayaa waxaa la sheegay iney kooxo hubeysan oo bastoolado watay ku toogteen meel ku dhow hoygiisa oo ku yaalla degaanka Sanca sida ay ku waramayaan dad goob joogayaal ah.
Ninkan ayaa caanka ahaa degaanka Sanca oo uu ku lahaa Mowlac, wuxuuna ka mid ahaa wadaadada dadka quraanka saara ama u akhriya marka ay qabaan ducooyinka ama ALLE bariga.
Laam oga illaa hadda sababta loo dilay wadaadkan iyo cida ka dambeysay, balse dilkan ayaa noqonaya kii labaad ee saacado gudahood ka dhaca Muqdisho galabta ayeyna aheyd markii Suuqa Bakaaraha ay kooxo hubeysan ku dileen nin dhalinyaro ah, iyagoo ka dibna meydkiisa filim ka duubtay.
English News
storvideo: 

Gudaha ka akhri: Gudoomiyaha Baanka Dhexe Ee...

$
0
0

Gudaha ka akhri: Gudoomiyaha Baanka Dhexe Ee Hargaysa oo Awaamiir Adag Ku soo Rogay Xawaalaha Ka Hawl Gala Dalka Somaliland
Wareegtadan Oo uu Gudoomiyaha Baanka Dhexe uu ku xaseesan yahay ayaa Nuxurkeedu ahaa afar Qodob oo uu Ku soo rogay Dhamaan Xawaaladaha ka jir dalka Kuwaas oo kala ahaa:
1- In aanay qaban karin lacag dhigaal ah habayaraatee oo Cusub laga bilaabo wareegtadan
2- In dhamaan wixii dhigaa ah ay ku wareejiyaan Baanka Dhexe Ama Bagiyada laga aqoonsan yahay Dalka Sida Dahabshiil Bank, Dara-Salaama Baank iyo Primier bank
3- In Dhamaan Xawaaladaha ay ka dhacday Rukhsadu ay Soo Cusboonaysiistaan
4- In dhamaan Xawaaladaha Aan hore uga qaadan Ogolaanshaha ay ka soo codsadaan Baanka Dhexe
storvideo: 

Laascaano:-Somaliland oo xabsi dhigtey barre...

$
0
0

Macalin Aadan Xabeeb
Ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Aadan Jaamac Oogle oo loo yaqaano Aadan Xabeeb oo ka mid ah bahda waxbarashada Gobolka Sool islamarkaana barre macalin ka ah jaamacad ku taala magaalada Laascaano.
Wariyaal ku sugan Laascaano ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta PUNTLAND POST xariga Aadan Xabeeb oo ah sidoo kale saxafi madax banaan oo muddo dheer kasoo shaqeeyay Warbaahinta gudaha dalka, balse xilliyaddii u dambeeyay macalin ka ahaa Jaamacaddaha Laascaano.
Ma jidho cid ka tirsan maamulka Somaliland oo ka hadashay xariga Aadan Jaamac, wallow ay ku sifeeyeen qaar ka mid ah qoyska Aadan Xabeeb mab,da ahaan nin rumaysan Soomaalinimada oo taas bedelkeeda aan raali ka ahayn gooni isu taaga ay iskeed ugu dhawaaqday Somaliland.Abshir DhiiranePUNTLAND POST
The post Laascaano:-Somaliland oo xabsi dhigtey barre jaamacad ahna suxufi madax banaan. appeared first on Puntland Post.
storvideo: 

Duqa Muqdisho iyo Madaxa Bangiga Adduunka ee Afrika...

$
0
0

Muqdisho, 14 Maajo 2018 - Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha G/Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Bankiga Adduunka oo ay Hoggaamineysey Madaxa Bariga Afrika. Kulanka ayaana diiradda lagu saaray mashaariic horumarineed oo Bangigu ka fuliyo Caasimadda. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay iyadoo laga [...]
storvideo: 


Shirkii Awbare uga socday Madaxda DDSI iyo...

$
0
0

Shirkii Awbare uga socday Madaxda DDSI iyo ergooyinka degmooyinka degaanka Somalida Ethopia oo maanta la soo gaba gabeeyey.
Waxa Daabacay staff-reporter on May 15th, 2018 and filed under Daily Somali News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.
Awdalpress - London - 14 May 2018 - Shirweynihii 12aad ee qowmiyadda Somalida Ethopia oo baryahanba ka socday magaalada Awbare ayaa maanta la soo gaba gabeeyey. Shirkan oo ay isugu yimaaddeen 3000 oo ergo, kana kala socday degmooyinka iyo gobollada degaanka Somalida ayaa, si milga leh oo agaasimay.

Muddadii saddexda casho ahayd ee uu shirku socdayna, waxa madashii shirka la isku weydaarsaday warbixinno, talooyin iyo ballan qaadyo la kala galay oo intuba isugu soo biyo shubatay sidii loo horumarin lahaa bulsha weynta degaanka Somalida Ethopia, isla markaana midnimada loo xoojin lahaa.
Madaxweynaha degaanka Somalida Mudane Abdi Mahamoud Omer ayaa si aan nasasha lahayn u guddoominayey shirkaasi, sida uu weriyaha shabakadda awdalpress.com noogu soo warramayo, waxa shirkaasi ahaa mid baal dahab ah ka galay taariikhda degaannada Somalida gaar ahaan degmada Awbare iyo nawaaxigeeda.

Shacabka magaalooyinka Lafa-Ciise, Sheed-dheer iyo inta u dhaxaysa ayaa qayb libaax ka qaatay soo dhaweynta ergooyinka iyo hab maamuuska shirkaasi.
Gaba gabadii waxa la guddoonsaday in mashaariicda horumarinta iyo adeegga aasaasiga xoogga la saaro, degmooyinka Awbare iyo Dharwanaajana la siiyo wixii ay xaqa u lahaayeen haddii ay noqon lahayd maamul daadajinta iyo mashaariicda horumarinta.
Xasuusin: La socda warbixin dheer oo aan ku soo bandhigi doonno shirka iyo sidii uu u dhacay.
AwdalpressThis post has been viewed 235 times.
storvideo: 

DHAGEYSO:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle

Axmed Ciise ma Jidkii Juxuu mari doonaa

$
0
0

15th May 2018 admin Category :
Websityada Muqdisho fariintan ay baahinayaan lacag ayeey kaga soo qaateen madaxda Sare ee Soomaaliya ee ha ka fiirsadeen websityada Puntland waxay qorayaan.
Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad , waxay is hayaan waa nimankii duhurka cad xilka uga qaaday qabyaaladda foosha xun wasiirkii hore ee arimaha gudha Soomaaliya Cabdi Faarax Sacid Juxa.
Golaha wasiiradu awood uma laha inay wasiir kale safarkiisa ka reebaan, cidda qura uu awoodaa lehi waa madaxweynaha Soomaaliya Farmaaji iyo Raisul wasaare Kheyre.
RW Kheyre, safarkii uu dhowaan ku tagay Yurub ma sii kaxaysan wasiirkiisa arimaha dibadda, laakiinse wuxuu Ingiriiska uga yeertay koox aysku hayb yihiin oo ay hogaaminayso Nadiifo Cali Faarax
Madaxweyne Farmaajo shalay markii uu la kulmay wasiirka arimaha dibadda dalka Qatar waxa dhinac fadhiyey Wiil uu adeer u yahay , wasiirkiisii arimaha dibadana wuxuu uga yimid Muqdisho.
Ugu danbayntii si umadda reer Puntland laysaga hor keeno madaxdii Soomaaliyeed waxay lacag ku bixiyeen in websityada Mooryaantu ay sheekadan beenta ah qoraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo si lama filaan looga reebay safarkii Farmaajo ee Qatar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo si lama filaan looga reebay safarkii Madaxweynaha ee Doxa

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo si lama filaan looga reebay safarkii Madaxweynaha ee Doxa

storvideo: 

Gudaha Ka Eeg Taariikhda Dayax Madoobaadkii Ugu...

$
0
0

Kawnka ama Dhulka waxa ka dhici doona dhammaadka Bisha July Dayax Madoobaadkii ugu mudada dheeraa oo soconaya mudo dheer waxaana laga yaabaa in aanu soo noqon tobanka sanno ee soo socda sida la sheegay Se Alle ayaa inaga og.
Wargeyska "The Independent" ayaa qoray in mudada Dayax Madoobaadku noqonayso wakhti dheer socona doono saacad iyo 43 daqiiqo Sida la rajaynayana ama la filaayo Waa 8:22 am GMT July 27.
Meelaha ugu badan ee ay ka dhacayso dhacdadani waxay noqon doontaa Bariga Dhexe, Afrika, India, Australia iyo Bariga Yurub, halka inta kale ee adduunka la arki doono laakiin ay ka yar tahay.
Sababta ah wakhtiga dheer keenaysa ayaa lagu sheegay in ay tahay in dayaxu uu dhex mari doono badhtamaha dhulka, oo wuxuu noqon doonaa hal xariiq oo ka danbeeya Dhulka iyo qorraxda.
Warqabadka ToggaHerer
storvideo: 

Muqdisho oo mashaariic cusub laga hirgelinayo

$
0
0

15th May 2018 admin Category :

  • WARAR: AF SOOMAALI

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha G/Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Bankiga Adduunka oo ay Hoggaamineysey Madaxa Bariga Afrika. Kulanka ayaana diiradda lagu saaray mashaariic horumarineed oo Bangigu ka fuliyo magaalada Muqdisho .
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay iyadoo laga faa'iideysanayo horumarrada laga sameeyay dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha ee Muqdisho ay lagama maarmaan tahay sameynta mashaariic waxtar leh, si bulshada Reer Banaadir ay uga faa'iideystaan ugana helaan fursado shaqo.
Dhinaca kale Madaxa Bangiga Adduunka u qaabilsan Bariga Afrika Marwo Bella Bird ayaa uga mahadcelisay maamulka gobolka Benaadir soo dhaweynta loogu sameeyey Caasimadda dalka, waxayna sheegtay in Bangiga Adduunku sii xoojin doono taageerada dhinacyada kala duwan ee Soomaaliya si loo xaqiijiyo horumarka la higsanayo.
storvideo: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live