Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Maxay tahay sababta Kim Jong-Un uu ugu qanacsanyahay Singapore?

$
0
0

Dalka Singapore ayaa marti gelinaya kulan taariikhi ah oo uu hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi halkaasi kula yeelan doono madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.


XFS Oo shaacisay Ardayda u fariisaneysa Imtixaanaadka Dugsiyada sare Ee dalka

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-C/raxmaan Daahir Cismaan Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS oo maanta Warbaahinta kula hadlay M/ Muqdisho ayaa shaaciyay tirada guud ee Ardayda ka qeyb galeysa Imtixaanaadka Qaran ee Dugsiyada sare oo ay Sanadkan qaadeyso Dowladda Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in ay gaarayaan Ardayda Sanadkan u fariisanaya Imtixaanaadkaasi 27, 600 oo Arday, kuwaas oo Imtixaanaadka ku gali doona in ka badan 120 Xarumood oo ku yaalla gudaha dalka.
Ardayda ku sugan deegaanada Maamulka Puntland ayaa la sheegay in aysan qeyb ka aheyn Imtixaanaadkaasi.
Sidoo kale Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cismaan ayaa  tilmaamay in 1400 oo Arday oo ku sugan Baladweyne aysan qeyb ka aheyn Imtixaanaadkaasi, sababo la xariira arrimaha Fatahaadaha ee ka jira magaaladaasi.
Halkan hoose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/sh.mp3
The post XFS Oo shaacisay Ardayda u fariisaneysa Imtixaanaadka Dugsiyada sare Ee dalka appeared first on Shabelle.

Nin kasoo goostay Al-Shabaab oo dilay askari

$
0
0

Nin horey uga soo goostay ururka Al-Shabab horraantii sannadkan, iskuna soo dhiibay ciidanka dawladda, ayaa la sheegay inuu xalay askari ka mid ah ciidamada dawladda ku dilay magaalada Beled Xaawo.

Qalbac dheeman ah oo la kala siistay $6.7 milyan doolar

$
0
0

Kadib muddo qarniyo ah ayuu dheemankan u kala gooshay dalalka Spain, France, Talyaaniga illaa Australia.

Yaa libinta helaya haddii uu dagaal ganacsi dhexmaro Shiinaha iyo Mareykanka?

$
0
0

Dowladda Shiinaha ayaa Liu He oo ah sarkaal sare oo u qaabilsan arrimaha dhaqaalaha waxa ay u dirtay dalka Mareykanka, halkaa oo muddo shan maalmood ah uu wadahadal dhanka ganacsiga ah la yeelan doono wasiirka maaliyadda Mareykanka Steven Mnuchin.

Qodobo laga soo saaray shirkii Baydhaba

$
0
0

Hoggaamiyayaasha mamaul goboleedyada Soomaaliya oo muddo saddex malamood ah ku shirayey magaalada Baydhaba ayaa sheegay inay ka walaacsna yihiin xiririka sii xumaanaya ee dawlada federaalka iyo dawladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga.

Shirka Madaxda M/ Goboleedyada Oo lagu soo gabagabeeyay Baydhabo

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Waxaa goor dhow M/ Baydhabo ee xarunta gobolka Baay lagu soo gabagabeeyay shirka Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada dalka.
Shirkan oo socday 13-16-ka bishan ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay xaaladda guud ee dalka.
Halkan hoose ka Akhriso War-Murtiyeedka.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/10-1-215x300.png 215w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/10-1-300x420.png 300w" sizes="(max-width: 589px) 100vw, 589px" />http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/11-1-216x300.png 216w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/11-1-768x1067.png 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/11-1-737x1024.png 737w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/11-1-696x967.png 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/11-1-1068x1483.png 1068w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/11-1-302x420.png 302w" sizes="(max-width: 590px) 100vw, 590px" />http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/12-215x300.png 215w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/12-768x1070.png 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/12-735x1024.png 735w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/12-696x969.png 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/12-1068x1487.png 1068w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/12-302x420.png 302w" sizes="(max-width: 591px) 100vw, 591px" />
 
The post Shirka Madaxda M/ Goboleedyada Oo lagu soo gabagabeeyay Baydhabo appeared first on Shabelle.

Dableey hubeysan oo weeraray saldhig Boolis oo ku yaala Induniisiya

$
0
0

Afar nin oo hubeysan oo weerar ku qaaday saldhig boolis oo ku yaallo Samurai oo seddex ka mid ah toogasho lagu dilay.


Waa sidee xaaladaha nolosha dadka reer Qaza?

$
0
0

Qaza waxay hoy u tahay 1.9 milyan oo qof, dheerarka dhulkana waa 41 kilomitar, waxaana ku hareeraysan badda Mideterranean-ka, waxayna xad la wadaagta Masar iyo Israa'iil.

Malaayiin Muslimiin ah oo Maanta Oogay Maalinta 1-aad ee Ramadan

$
0
0

Malaayiin Muslimiin ah ayay maanta u tahay maalinta koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadan. Dalalka Turkiga, Albania, Bosnia , Kosovo, Macedonia iyo kuwo kale ayaa Arbacadi maanta ah laga soomanyahay.

Wasiirka arimaha dibadda Qatar oo u digay dalal wada...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Doxa (- Online) - Wasiirka arimaha dibada Qatar Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-thani, ayaa ka digay in faragalin Siyaasadeed iyo mid Amni lagu sameeyo Somalia.
Wasiirka oo magaalada Dooxa kula hadlay saxaafada maxaliga xili uu dhaweynaayay wafdiga Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in Qadar aysan ka waaban doonin isgarabtaga Somalia.
Waxa uu sheegay Wasiirka in Qadar ay diyaar u tahay ilaalinta Madax-banaanida Somalia, sidoo kalane ay difaaceyso Qaranimada Somalia, sida uu hadalka u dhigay.
''Qadar kama raali noqon doonto faragalin lagu sameeyo Somalia waana ka digeynaa in lagu xadgudbo amuuraheeda gaarka ah''
Wasiir Maxamed Bin Cabdiraxmaan, waxa uu sheegay inay jiraan wadamo badan oo aan ku raali aheyn horumarada ay tiigsaneyso Somalia, hase ahaatee arrinka noocaasi ah aan la aqbali Karin.
Qadar ayuu sheegay inay isgarabtaagi doonto Somalia inta ay ka hiigsato mustaqbalkeeda waxa uuna si gaara mahadcelin ugu jeediyay Dowlada Somalia.
Sidoo kale, Maxamed Bin Cabdiraxmaan ayaa carab dhabay in Somalia ay ka gudbi doonto xiliga qaraaran oo ay ku jirto, waxa uuna cod dheer ku sheegay inay ka saacidi doonaan Amniga, Dhaqaalaha iyo Horumarka.
Haddalka Wasiir Maxamed Bin Cabdiraxmaan, ayaa kusoo beegmaaya xili Dowlada Qadar ay qaab Siyaasadeeysan Somalia ugu adeegsaneyso Imaaraadka oo uu Khilaaf kala dhexeeyo.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Xog: Dowladda oo billowday qorshe xal loogu...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Xukuumada Somalia ay bilowday wada-xaajood ay xal ugu raadineyso Khilaaf Siyaasadeedka kala dhexeeya Dowlada Imaaraadka Carabta.
Wararku waxa ay sheegayaan in wada-hadalka ay bilowday Wasarada Arrimaha Dibadda Xukuumada Somalia oo iyadu ku shaqo leh howlaha dibadda ee khuseeya Somalia.
Xiriirka lagu doonaayo in lagu xaliyo Khilaaf Siyaasadeedka oo markiisa hore ka imaaday dhanka Dowlada Imaaraadka ayaa waxaa la xaqiijiyay in iminka uu maraayo bilow.
Wada-hadalka ayaa si toosa ugu dhexeeya Wasaaradaha arrimaha Dibadda Somalia iyo Imaaraadka, waxaana jira warar hordhac ah oo sheegaya in leysku fahmi la'yahay qodobo dhowr ah oo ku-xeeran madax-banaanida Somalia.
Qodobada ay difaacaneyso Wasaarada Arrimaha Dibadda ayaa waxaa kamid ah in Somalia looga danbeeyo wixii khuseeya masiirka dalkeeda iyo in la kala qaado caawinaada iyo faragalinta joogtada ah.
Qodobada ay difaacaneyso Somalia ayaa waxaa sidoo kale kamid ah inaanu Imaaraadka gali Karin Heshiis aan soo marin Dowlada Somalia iyo in Dowlada dib loo hoos keeno dhammaan Heshiisyadii uu Imaaraadka la galay Maamul Goboleedyada ka jira dalka.
Wasiirka Arimaha Dibada Dowladda Soomaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa dhawaan sheegay in Dowlada Somalia ay xal u raadineyso Khilaafka kala dhexeeya Imaaraadka, waxa uuna cod dheer ku sheegay inaanu xirneyn Heshiis.
Docda kale, waxa uu sheegay in Imaaraadka laga doonaayo keliya inay u hogaansamaan wixii ku aadan Maslaxada Qaranka Somalia.- OnlineXafiiska Muqdisho-@live.com
SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Qodob ku jiray go’aanadii maamul goboleedyada oo la...

$
0
0

Share on Facebook
Tweet on Twitter
Muqdisho (- Online) - Xubno ka tirsan baarlamaanka 10aad ee federaalka ah, gaar ahaan Gudiga Baarlamaanka ee la socodka iyo korjoogteynta dib u eegista dastuurka, ayaa xaqiijiyay in guddigooda ay la shaqeeyaan xubnaha 6da ahaa ee matalayey dowlad goboleedyada.
Hadalkan waxaa uu meesha ka saarayaa, qoraal shalay ka soo baxay golaha dowlad goboleedyada oo shirkoodii Baydhabo ku sheegay in aanay shaqeyn xubnihii dowlad goboleedyadu u soo kala magacaabeen Gudiga Madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka iyo Gudiga Baarlamaanka ee la socodka iyo korjoogteynta dib u eegista dastuurka.
Qoraalka ayaa u qornaa sidan "2.9 Waxaa jira in aan wali la hawl galinin xubnihii dowlad goboleedyadu u soo kala magacaabeen Gudiga Madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka iyo Gudiga Baarlamaanka ee la socodka iyo korjoogteynta dib u eegista dastuurka. Sidaas darteed Goluhu waxuu si adag ugu wargalinyaa Wasaarada Dastuurka ee Dowlada federalka in aysan Gudiyada dastuurku bilaabin wax shaqo ah oo aysan kamid ahayn Xubnaha Dowlad Goboleedyadu.
Hadadaba waa kuwan liiska iyo magacyada dowlad goboleedyada ugu jira Gudiga Baarlamaanka ee la socodka iyo korjoogteynta dib u eegista dastuurka.

SHARE
Facebook
Twitter
storvideo: 

Fadeexad: A/Madoobe iyo dilkii gabadha Qabri Dahar ...

$
0
0

Kismaayo (- Online) - Laamaha amaanka Jubbaland ee Axmed Madoobe, ayaa Xabsiga u taxaabey Sarkaal ka tirsanaa ciidanka Daraawiishta maamulkaasi, kadib markii uu si kulul uga hadlay dil loo geystay Gabar Soomaaliyeed.
Dilkan loo geystay gabadhan, oo lagu magacaabi jiray Taysiir Food Maxamed Salaad ayaa ka dhacay todobaadkan magaalada Qabri-Dahar ee Ismaamul-goboleedka Soomaalida Itoobiya, kaasoo ay geysteen Ciidamada maamulka.
Caro badan ayuu dilka Taysiir ka dhex-abuur bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna ka dambeeyay kadib markii ay Hoygeeda kala baxeen ciidanka Liyuu Boolis, kuwaasoo dilay, islamarkaana inkiray inay khaarijiyeen.
Laakiin, baaritaano dheer kadib waxaa lasoo ogaaday kuna cadaatay in iyaga ay dileen Gabadha, inkastoo ay ku doodeen inay iyada ay is-dishay, hasa-yeeshee waxaa ugu dambeyn ku cadaatay inay si bareer ah u dileen.
Sarkaalka lagu xiray Kismaayo ayaa waxaa lagu maagcabaa Mukhtaar Bedal Goobse, iyadoona xarigiisa uu ka dambeeyay kadib markii uu Muuqaal uu iska soo duubay ku cambeereeyay falka dilka ah ee Taysiir loogu geystay Qabri-Dahar.
Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Sarkaalka ay u xireen inuu gudaha Kismaayo ku cambaareeyay, islamarkaana wax uu ka sheegay Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, oo Axmed Madoobe xiriir fiican kala dhaxeeya.
Mukhtaar ayaa lagu xiray mid kamid ah Xabsiyadda Ciidamada Nabad Sugida Jubbaland, mana la oga waxa ay ka yeeli doonaan, iyadoo dadka ehelkiisa ah ay walaac ka muujiyeen xarigiisa.
Maamulka Jubbaland ee uu majaraha u hayo Axmed Madoobe ayaa lagu eedeeyay inuu cuburiyo dadka dhaliila, gaar ahaan Odayaasha dhaqanka, Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta madaxa-banaan.
Isha: Radio Garowe
storvideo: 

Kiisas cusub oo xanuunka Ebola ah oo laga helay...

$
0
0

Wasiirka caafimaadka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo ayaa xaqiijiyay in kiis caabuqa Ebola ah lagu arkay magaalada Mbandaka ee Waqooyi Galbeed, halkaas oo ay ku nool yihiin hal milyan oo qof.
Heer cusub ayey arrintaasi galinaysaa cudurka Ebola ee haatan ka dilaacay magaalooyinka, taas oo ah xaalad ay durbaba walaac ka muujisay Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.
Ka hor xitaa inta uusan xaqiijinin wasiirka caafimaadka ee Congo kiiskaan cusub ee xanuunka Ebola, ayaa waxaa jiray warar sheegaya in nin kasoo laabtay aas ka dhacay baadiyaha oo u kusoo laabanayay magaalada ku taalla waqooyi galbeed ee Mbandaka, laga helay xanuunka.
Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan xaaladdo xun oo kiisaska xanuunka Ebola ah.
Maalintii Arbacada ee shalay in ka badan afar kun oo dawooyinka talaalka tijaabada ah ee xanuunka Ebola, ayaa hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO waxa ay gaarsiisay dalka Congo, taasi oo ah qeybtii ugu horeysay sideed kun oo dawooyin ah oo ay hay'addu horey u balan qaaday.
Wasiirka caafimaadka ee Congo, Oly Ilunga Kalenga, ayaa sheegay in barnaamij nidaamsan oo wax looga qabanayo xanuunka Ebola uu bilaaban doono maalmaha fooda inagu so ohayo.
Dawooyinka ay hay'adda WHO balan qaaday ayaa qeyb ka ahaa tijaabooyiin isku day oo soconayay xiligii uu xanuunka Ebola uu ku faafayay dalal badan oo galbeedka Afrika ah dhowr sanno ka hor.
Dadka dalka Congo iyo saraakiisha caafimaadka ee WHO ayaa doonaya in la talaallo bukaanka uu soo ritay xanuunkan Ebola iyo tiro badan oo ah dadka ay la sameeyeen xiriir sida ugu dhaqsiyaha badan.
storvideo: 


Askari "halyay ah" oo badbaadiyay nolol badan

$
0
0

Askari Maraykan ah ayaa badbaadiyay arday badan oo ku sugnayd iskuul ku yaalla gobolka Illinois ee dalka Maraykanka ka dib markii uu arday horay u dhigan jiray uu rasaas ku furay iskuulka, sida ay masuuliyiintu sheegeen.
Saraakiishu waxay sheegeen in Mark Dallas oo ka tirsan booliiska magaalada Dixon in ay iswaydaarsadeen rasaas wiil 19 jir ah oo aan wali magaciisa la shaacinin oo horay looga eryay iskuulka.
Askariga iyo ardayda midkoodna waxba kama soo gaarin israsaasaynta ka dhacday iskuulka Dixon High School.
Wiilka laga shakisan yahay ayaa loo sii qaaday isbitaal isaga oo xaaladdiisu aysan aad u liidanin.
Arrintan ayaa ka dhacday 08:00 markii ay ahayd saacadda deegaanka uu iskuulkaasi ku yaallo oo 160 kiiloo mitir ka xiga galbeedka Chicago, ardayda ayaana isu diyaarinayay xalfadda qallin jabintooda.

  • Maraykanka oo laga yaabo in uu shirkaddaha u ogolaado maalgashiga Kuuriyada Waqooyo
  • Kuuriyada Waqooyi oo siidaysay muwaadhiniin Maraykan ah

Ka dib markii wiilka laga shakisan yahay uu dhawr rasaas ka riday hoolka iskuulka ayuu u orday bannaanka dhismaha halkaas oo ay isakaga horyimaadeen askariga.
Rasaas ayay is waydaarsadeen ardayga ayaa sidaas lagu dhaawacay ka dibna la xiray.
Masuuliyiintu wali ma aysan shaacinin ujeedada iyo waxa ardayga ku qaaday ficilkan.
storvideo: 

Ra’iisul Wasaare Khayre oo xalay kormeerey uu ugu...

$
0
0

Muqdisho(SONNA) Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kahyre oo ay wehliyeen Wasiirka Amniga,guddoomiye kuxigeenka dhanka amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir,saraakiisha Booliska iyo Asluubta ayaa xalay kormeeray qaar ka mid ah saldhigyada Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo kantarooladda maagaaladda,iyagoo u kuurgalayay xaaladda guud ee amniga caasimadda.
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa warbixino ka dhageystay saraakiisha laamaha ammaanka,iyadoo la soo bandhigay Baco lagu soo xirey Baaruud loo ekeysiyay waxyaabo qarxa,kuwaasi oo xalay ka dhacay Muqdisho,si dhagarqabayaashu ay shacabka u qal qalgeliyaan.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janaraal Bashiir Cabi Maxamed ayaa Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya warbixin ka siiyay amniga iyo wixii xalay dhacay ee Baaruudda ahaa.
"Abaaro halsaac iyo bar laga bilaabo waxaa la soo tuuray waxyaabo ku jira baco oo baaruud ah 5 Xamarweyne ayaa lagu soo ridey,2 Waaberi,2 degmada Wadajir,majiraan wax khasaare ah oo ka dhashey,waxaa ladoonayay oo kaliya in lagu qal qalgeliyo shacabka".Ayuu yiri Taliye Bashiir.
Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa faah faahin guud ka bixiyay ujeedka kormeerkan oo uu hoggaaminayay Ra'iiul Wasaare Xasan Cali Khayre.
"Caawa waxaa kormeer shaqo aan ku tagnay Saldhigyada waxaana hoggaaminayay Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya,waxaan ka soo bilownay Kaaraan,ilaa Galgalata,Suuqa Xoolaha,waxaan ku soo geba gebeynay ilaa magaalada Daafaheeda,si aan u ogaanno sida ay ciidamadu ay u sugayaan amniga Muqdisho,shacabka waxaan doonaynaa in ay ku kalsoonaadaan dowladooda,waxaana ka codsanaynaa in shacabku ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka". Ayuu yiri Wasiir Islow.
Dowladda Soomaaliya ayaa sameysay ciidamo isku dhaf ah oo loo diyaariyay in ay sugaan amniga caasimadda,kuwaasi oo howlgalo ballaaran ka wada gudaha iyo daafaha magaalada Muqdisho.
Share on Facebook Share
Share on TwitterTweet
Share on Google Plus Share
Share on Pinterest Share
Share on LinkedIn Share
Share on Digg Share
storvideo: 

Wasiir ku xigeenka Maaliyadda XFS oo xarigga ka...

$
0
0

Kismaayo(SONNA) Wafdi uu hoggaaminay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya oo shalay gaaray Magaaladda Kismaayo ayaa xariga ka jaray xarumaha Maxkamadaha iyo Xeer ilaalinta Jubbaland oo ka kooban Maxkamada sare,Tan Gobalka.Racfaanka,Xafiiska Xeer ilaalinta waxaana hergaliyay Mashuurca gaarka ee Horumarinta Gobaladda Sff ee hoos yimaada Wasaaradda Maaliyaadda Dowladda Soomaaliya.
Cali Xaaji Aadan oo ah maaareyaha Mashuuca SFF ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa tilmaamo ka baxinayo qaabka uu ku guuleystay mashruucan iyo qeybaha uu ka kooban yahay
"Waxaa Mashruucan wax weyn u yahay Maamulka Jubbland,sida uu sheegay Walalkeey Cabdishakuur Wuxuu ka kooban Maxakamada Gobalka, Racfaanka Xeer ilaalinta, iyo Mida sare,qoalal gaaraya afar oo loogu talagay shirarka iyo dadka dacwooyinka lagu soo oogay, waxaan sidoo kale dhisnay goobaha ay ku shaqeyn lahaayeen Shaqaalaha maxkamaddaha, waxaan u mahadcelinayaa Qaramadda Midowbay oo dhismahan hirgalintiisa qeybtan iyo dowladda Soomaaliya oo iskaashanaya ayuu yari Cali Xaaji".
Wasiir Ku_xigeenka Wasaaradda Cadaaladda Dowladd Gobaleedka jubbaland ayaa sheegay in Bahda Garsoorka ahmiyad weyn uga fadhiso hirgelinta xaruntani,isagoo ku booriayay in ay bulshada ugu faa'ideeyaan xarumaha ayna ku qabtaan adeegyada muhiimka ah.
Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Prof Cabdullaahi sheekh Cali(Qaloocow) oo xarigga ka jaray dhismahan oo ku baxaday qaraashad aad u fara badan ayaa sheegay in ahmiyad gaar ah ay u leeyihiin hirgelinta xarumaha garsoorka shacabka reer Jubbaland.
"Aniga ahmiyad weyn ayey u leedahay maamulka Jubballand maanta waxaad haystaan dhismahan quruxda badan,waxaan idinka rajeynayaa in aad xafidataan,waxaa tahiin dad dhalinyaro ah,waan dareemi karaa in masulayadda weyn ay idin sarantahay,aniga waxaan idinku dhiira galinyaa shaqdiina,si jiilka soo koraya ay fursado u helaan". Ayuu yiri Wasiir Qaloocow.
Bishii July ee Sandkii hore ayaa la dhagax dhigay Xarunta maanta daahay duray waxaana ayna qeyb ka qaadanayso horumarinta adeegyada Bulshadda ee Dowlad wanaaga,Wasaaradda Maaliyaadda gaar ahaan ayaa Qaar ka mid ah Gobalada dalka ka wado mashaariic horumarineed oo muhiim u ah bulshada.Abdirashiid Nuur ibraahiim
Share on Facebook Share
Share on TwitterTweet
Share on Google Plus Share
Share on Pinterest Share
Share on LinkedIn Share
Share on Digg Share
storvideo: 

Wareysi: Xaaladda Dhalinyarada Soomaalida Maraykanka

$
0
0

Caqabado xoogan, oo midkood uu yahay amniga, ayaa haysta dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku kora ama ku dhasha gobolada ay Soomaalidu ku badan yihiin dalkan Mareykanka.
Todobaadkan waxaa soo booqdey magaalada Washington, D.C. mid ka mid ah hoggaamiyaasha ardeyda Soomaaliyeed ee Jaamacadda Ohio State University. Hamza Cabdisalaan Ahmed Shabeel oo ugu warmay Sahra Cabdi Axmed Studio VOA ayaa sheegay in dhalinyaro uu horay u yaqaaney lagu diley Ohio, caqabadaasina ay tahay wax ay haatan doonayaan in xal loo helo.
storvideo: 

Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacadda Shabelle

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live