Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Meel-mariyay Sharciga...

$
0
0

https://i2.wp.com/puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/05/Shirkii_GW... 600w" sizes=" 810px) 100vw, 810px" data-recalc-dims="1" />Muqdisho (PP) ─ Shirka Khamiislaha ah ee golaha Wasiirada Xukuumadda Somalia oo uu shir gudoomiyay Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre ayaa lagu ansixiyay sharciga Duulista iyo Hawada, iyadoo golaha la hor-geeyay Hindise sharciyeedka dambiyada kufsiga iyo sharciga Nakhshadeynta magaalooyinka, waxaana golaha warbixinno siiyay qaar ka mid ah wasiirada ka qeyb galay kulanka maanta.
“Shirka Golaha wasiirada waxaa lagu ansixiyay sharciga Duulista iyo Hawada, waxaana sidoo kale la hor geeyay Hindise sharciyeedka denbiyada kufsiga iyo Sharciga Nakhshadeynta magaalooyinka” ayuu yiri Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta iyo Dalxiiska XFS, C/Raxmaan Iidaan Yoonis oo ka war bixiyay Shirka golaha Wasiira.
Wasiir Iidaan ayaa sheegay in shirka warbixinno looga dhageestay Wasiirada Maaliyadda, Amniga, Ganacsiga, Shaqaalaha, Tamarta, Dhalinyarada iyo ciyaaraha.
Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Somalia, C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa waxa uu sheegay in qorshihii deyn cafinta uu marayo meel wanaagsan guulna uu kusoo dhamaaday SMP2 laguna amaanay dawladda Federaalka Soomaaliya meesha ay soo gaartay isaga oo xusay in loo gudbay SMP3, shuruudaha la doonayo in lasoo buuxiyana ay kamid yihiin kor u qaadidda dakhliga dawladda, in deyma kale aysan gelin Dawladdu iyo in bixininta Mushaaraadka Ciidanka loo isticmaalo Biometric system.
Wasiirka Shaqaala iyo Arrimaha Bulshada, Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac oo golaha warbixin siiyay ayaa sheegay in tirakoobka shaqaalaha uu marayo heer gebageba ah.
Dhanka kale, Wasiirka amiga gudaha, Maxamed Abuukar Islow Ducaale, oo ka war bixiyay amniga ayaa sheegay in amnigu aad u wanaagsanyahay, waxaana intii shirku socday leesla gartay si amaanka loo sii adkeeyo in qoryaha waaweyn aan lagu wada karin magaalada caasimadda, iyada oo sidoo kale “qorshihii Xasilinta Caasimadda” loo bedelay “Sugidda Amniga Caasimadda”
Ugu dambeyn, Shirka intii uu socday waxaa kale oo warbixinno laga dhageestay wasiirka ganacsiga iyo Warshadaha, ku-simaha wasiirka Tamarta iyo Biyaha, iyo wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada.https://i2.wp.com/puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/05/Shirkii_GW... 600w" sizes=" 810px) 100vw, 810px" data-recalc-dims="1" />https://i0.wp.com/puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/05/Shirkii_GW... 600w" sizes=" 810px) 100vw, 810px" data-recalc-dims="1" />PUNTLAND POST
The post Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Meel-mariyay Sharciga Duulista iyo Hawada appeared first on Puntland Post.


Madaxweyne Gaas:- “Shacabka Puntland waa in ay u...

$
0
0

https://i1.wp.com/puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/05/gaas.jpg?r... 900w, https://i1.wp.com/puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/05/gaas.jpg?w... 960w" sizes=" 600px) 100vw, 600px" data-recalc-dims="1" />Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa ka hadlay arimo ay ka mid yihiin dagaalka Puntland iyo Somaliland, shirkii Baydhabo iyo arimo kale.
Madaxweyne Gaas oo warbaahinta kula hadlay aqalka madaxtooyada Puntland ee Garowe ayaa ugu horeyn ka hadlay shirkii Baydhabo ugu soo gabagaboobay madaxda dowlad goboleedyada dalka, kaas oo uu sheegay in uu ku soo dhamaaday guul, loogana hadlay arimo ay kamid ahaayeen siyaasada, amniga iyo arimaha bani’aadantinimada ee dalka.
Sidoo kale Madaxweyne Gaas oo ka hadlay colaada Tukoraq ayaa sheegay in Somaliland ay rabto in ay dhul aysan lahayn xoog ku qabsato suurtagal aysan ahayn, Puntlandna ay diyaar u tahay in ay difaacdo dhulkeeda.
Shacabka Puntland ayuu Madaxweyne Gaas ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan difaaca dalkooda, ayna u diyaar garoobaan dagaal dheeraanaya.Hoos ka dhageyso codka Madaxweyne Gaas
http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/05/Madaxweyne-Gaas.mp3PUNTLAND POSTGarowe
The post Madaxweyne Gaas:- “Shacabka Puntland waa in ay u diyaar garoobaan dagaal dheeraanaya” appeared first on Puntland Post.

Cudurka halista ah ee EBOLA oo laga helay Dal...

$
0
0

https://i1.wp.com/puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/05/Ebola-in-C... 600w" sizes=" 818px) 100vw, 818px" data-recalc-dims="1" />Kinshasa (PP) ─ Dalka Congo oo ay colaado ka taagan yihiin ayaa waxaa la sheegayaa inuu ka dillaacay cudurka halista ah ee EBOLA, kaasoo dad aad u badan ku dilay galbeedka Afrika sannado ka hor.
Wasiirka Caafimaadka DR Congo, Oly Ilunga Kalenga – ayaa xaqiijiyay in kiis oo cudurka EBOLA ah lagu arkay magaalada Mbandaka ee Waqooyi-galbeed, halkaasoo ay ku nool yihiin hal milyan oo qof.
Heer cusub ayay arrintaasi galinaysaa cudurka Ebola ee haatan ka dilaacay magaalooyinka, taasoo ah xaalad ay durbaba walaac ka muujisay hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO.
Sidoo kale, Ka hor inta Wasiirka Caafimaadka DR Congo uusan xaqiijin kiiska cusub ee xanuunka EBOLA, ayaa waxaa jiray warar sheegaya in nin kasoo laabtay aas ka dhacay miyiga oo u kusoo laabanayay magaalada ku taalla Waqooyi-galbeed ee Mbandaka, laga helay xanuunka.
Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegay inay ka cabsi-qabaan xaalado xun oo kiisaska xanuunka halista ah ee EBOLA.
Maalintii Arbacada ee shalay in ka badan afar kun oo dawooyinka talaalka tijaabada ah ee xanuunka Ebola, ayaa hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO waxa ay gaarsiisay dalka Congo, taasi oo ah qeybtii ugu horeysay sideed kun oo dawooyin ah oo ay hay’addu horey u balan qaaday.
Wasiirka Caafimaadka DR Congo ayaa sheegay in barnaamij nidaamsan oo wax looga qabanayo Xanuunka EBOLA uu billaaban doono maalmaha fooda nagu soo haya.
Dhanka kale, Dawooyinka ay hay’adda WHO balan-qaaday ayaa qayb weyn ka ahaa tijaabooyiin isku day oo soconayay xiligii uu xanuunka EBOLA uu ku faafayay dalal badan oo galbeedka Afrika ah dhowr sanno ka hor.
Ugu dambeyn, Shacabka Congo iyo saraakiisha caafimaadka ee WHO ayaa doonaya in la talaallo bukaanka uu soo ritay xanuunkan Ebola iyo tiro badan oo ah dadka ay la sameeyeen xiriir sida ugu dhaqsiyaha badan.PUNTLAND POST
The post Cudurka halista ah ee EBOLA oo laga helay Dal Afrikaan ah oo ay Colaado halakeeyeen appeared first on Puntland Post.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo meel mariyay...

$
0
0

http://hobyonet.com/wp-content/uploads/was-300x200.jpg 300w, http://hobyonet.com/wp-content/uploads/was-342x228.jpg 342w" sizes=" 660px) 100vw, 660px" />
Shirka Khamiislaha ah ee golaha Wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir gudoomiyay Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre ayaa lagu ansixiyay sharciga Duulista iyo Hawada, iyada oogolaha la hor geeyay Hindise sharciyeedka denbiyada kufsiga iyo harciga Nakhshadeynta magaalooyinka, waxaana golaha warbixinno siiyay qaar kamid ah wasiirada ka qeyb galay kulanka maanta.
“Shirka Golaha wasiirada waxaa lagu ansixiyay sharciga Duulista iyo Hawada, waxaana sidoo kale la hor geeyay Hindise sharciyeedka denbiyada kufsiga iyo Sharciga Nakhshadeynta magaalooyinka” ayuu yiri Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta iyo Dalxiiska XFS, Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis oo ka war bixiyay Shirka golaha Wasiira.
Wasiir Iidaan ayaa sheegay in shirka warbixinno looga dhageestay Wasiirada Maaliyadda, Amniga, Ganacsiga, Shaqaalaha, Tamarta, Dhalinyarada iyo ciyaaraha.
Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa waxa uu sheegay in qorshihii deyn cafinta uu marayo meel wanaagsan guulna uu kusoo dhamaaday SMP2 laguna amaanay dawladda Federaalka Soomaaliya meesha ay soo gaartay isaga oo xusay in loo gudbay SMP3, shuruudaha la doonayo in lasoo buuxiyana ay kamid yihiin kor u qaadidda dakhliga dawladda, in deyma kale aysan gelin Dawladdu iyo in bixininta Mushaaraadka Ciidanka loo isticmaalo Biometric system.
Wasiirka Shaqaala iyo Arrimaha Bulshada, Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac oo golaha warbixin siiyay ayaa sheegay in tirakoobka shaqaalaha uu marayo heer gebageba ah.
Wasiirka amiga gudaha, Xildhiban Maxamed Abuukar Islow Ducaale, oo ka war bixiyay amniga ayaa sheegay in amnigu aad u wanaagsanyahay, waxaana intii shirku socday leesla gartay si amaanka loo sii adkeeyo in qoryaha waaweyn aan lagu wada karin magaalada caasimadda, iyada oo sidoo kale “qorshihii Xasilinta Caasimadda” loo bedelay “Sugidda Amniga Caasimadda”
Shirka intii uu socday waxaa kale oo warbixinno laga dhageestay wasiirka ganacsiga iyo Warshadaha, ku-simaha wasiirka Tamarta iyo Biyaha, iyo wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada

Tacsi, Marxuub, Maxamed Sheekh Xasan Cusmaan

$
0
0

Muqdisho, May 18, 2018 – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Issa Awad, Wasiiru dowlaha H.E. Mr. Abdulkadir Ahmed-Kheir Abdi, Wasiir kuxigeenka H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud, Xoghayaha joogtada Wasaaradda, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirrada, Qunsulada guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Danjire Mohamed Sheikh Hassan Osman “Tunni” oo xalay oo taariikhdu ku beegnayd May 17, 2018 ku geeriyooday Magaalada Ajman ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta.
Ambassador Mohamed Sheikh Hassan Osman ayaa kahor gobonnimada Soomaaliya, waxa uu ahaa Xoghayaha gaarka ah ee Wasiirkii Talyaaniga uga wakiilka ahaa Soomaaliya, isagoo heerkiisa aqooneed iyo xirfadeed si aad ah uga bartay gumeystihii xilligaasi dalka gacanta ku hayay.
Marxuum Maxamed Sheekh Xasan Cusmaan waxa uu ka mid ahaa lixdii safiir ee ugu horreysay ee gobollada Waqooyi iyo Koonfur laga kala xulay oo  Soomaaliya u matalay dal dibadeed.
Intii u dhexeysay 1960-1965, waxa uu ahaa Danjirihii Soomaaliya ee dalka Talyaaniga, isagoo noqday Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo dalkaasi loo wakiisho.
Sidoo kale waxa uu ahaa Danjire aan deganayn ee Ururka Midowga Yurub.
Intii u dhexeysay 1965-1967, waxa uu ahaa Danjirihii Soomaaliya ee dalka Jarmalka.
Intii u dhexeysay 1967-1969, Waxa uu ahaa Danjirihii Soomaaliya ee dalka Masar.
Intii u dhexeysay 1969-1970, Waxa uu ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada.
Danjire Maxamed Sheekh Xasan Cusmaan, waxa uu ka mid ahaa dad xirfadlayaal sare ah oo Soomaali ah oo la howl bilaabay aas’aasidda Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta, isagoo ahaa intii u dhexeysay 1977-1997 lataliyaha Madaxweyinihii ugu horreeyay dowladdaasi H.H. Sheikh Zayed bin Sultan Al Nahyan ee arrimaha sharciga iyo mashaariicda Aasiya iyo Afrika.
Marxuum Maxamed Sheekh Xasan Cusmaan oo da’diisu ahayd 89 sano-jir, ayaa ku dhashay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose sanadkii 1929.
Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka, ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows , qoyskiisa, ehelladiisa, asxaabtiisa iyo Ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin.INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN
Share on Facebook Share
Share on TwitterTweet
Share on Google Plus Share
Share on Pinterest Share
Share on LinkedIn Share
Share on Digg Share

Madaxweyne Farrmaajo oo ka tacsiyeeyay geeridii ku...

$
0
0

SHARE
Facebook
Twitter

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Mudane, Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Qoyskii Eheladii,Asxaabtii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allah u naxariistee Danjire, Mohamed Sheikh Hassan Osman “Tunni” oo Xalay oo taariikhdu ku beegnayd May 17, 2018 ku geeriyooday Magaalada Cajmaan ee Dalka Isutagga Imaaraatka Carabta.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Alle uga baryey Marxuumka inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, wuxuuna  Eheladiiii, Asxaabti iyo qaraabadii uu ka tagayna Rabbi ugu baryay inuu samir iyo iimaan ballaaran ka siiyo.Aamiin, Aamiin, (Innaa Lilaah Wa Innaa Ileyhi raajicuun)
Share on Facebook Share
Share on TwitterTweet
Share on Google Plus Share
Share on Pinterest Share
Share on LinkedIn Share
Share on Digg Share
SHARE
Facebook
Twitter
Previous articleDuufaanta Sagar oo Dad ku dishay Gobolka Bari
Next articleTacsi, Marxuub, Maxamed Sheekh Xasan Cusmaan

Duufaan iyo roobab mahiigaan ah oo Khasaare ka gaystay Puntland iyo Somaliland

$
0
0

Roobab mahiigaanno ah ayaa khasaare ka gaystay deegaanno ka tirsan maamul goboleedka Puntland iyo Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland 12 kii saac ee la soo dhaafay, sida ay shaacisay Qaramada Midoobay.

Dad badan oo ku dhintay toogasho ka dhacday Texas

$
0
0

Ugu yaraan sideed ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen kadib marki uu qof hubeysani rasaas ku furay Jimcihi maanta dusgi sare oo ku yaalla gobolka Texas ee dalkaan Mareykanka.


Soomaali loo doortay duqa magaalada Sheffield, UK

$
0
0

Duqa magaalada Sheffield ee dalka Britain, ayaa waxaa loo doortay Majid Majid, oo ka soo jeeda Soomaaliya. Sidoo kale, Kaltum Osman oo iyana ah gabar Soomaali ah ayaa loo doortay xubin ka tirsan golaha deegaanka magaaladaas.

Booqashada Farmaajo ee Qatar ma dhaawacaysaa moowqifkii dhexdhexaadnimada?

$
0
0

Madaxtooyada waxa ay isweeydiinaysaa sababta dhexdhexaadnimada dalalka Suudaan iyo Moroco iyo kuwa kale aysan shaki ugu jirin, balse tan Soomaaliya tuhun loo galinayo.

Somali parliament calls for ceasefire in Tukaraq amid brewing tension

$
0
0

The speaker of the Lower House chamber of Somalia’s Federal Parliament, Mohamed Mursal has called for an end to fighting in Tukaraq town in the disputed Sool region.

The hostilities between the breakaway Somaliland and Puntland state renewed on 15th May after a heavy fighting broke out outside the town, leading to heavy casualties.

More than 45 soldiers from both sides were killed and dozens wounded during Tuesday’s clashes, according to the local residents and medics.

Somaliland and Puntland traded blames of each other for the start of the battle for control of the town which lies 90Km north of Garowe, the administrative capital of Puntland state.

The speaker’s call came after the Parliamentary Standing Committees’ meeting in Mogadishu. He urged the sides to opt for dialogue to resolve their dispute.

Somaliland and Puntland both claim the ownership of the two disputed regions of Sool and Sanag situated in northern Somalia and fought sporadic battles since 2002.

Somaliland declared independence from Somalia on 18th May 1991, but has not yet achieved any formal international recognition as a sovereign state.
The post Somali parliament calls for ceasefire in Tukaraq amid brewing tension appeared first on Shabelle.

Dalalka Muslimka: Waa in la dhisaa ciidammo ilaaliya Falastiiniyiinta

$
0
0

Hogaamiyayaasha dalalka Muslimka oo ku shirayay dalka Turkiga ayaa ku baaqay in la sameeyo ciidammo caalami ah oo ilaaliya Falastiiniyiinta.

Afganistan: Dad badan oo ku dhintay qarax ka dhacay garoon kubadda cagta ah

$
0
0

Saraakiisha dowladda bariga dowladda Afganistan ayaa sheegaya in weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday garoon lagu dheelo kubadda cagta ay ku dhinteen 8 qof ayna ku dhaawacmeen 50 qof oo kale.

Oday 83 jir ah oo nooga warramay isbeddelka dhaqan ee ku yimid Soomaalida

$
0
0

Mursal Faarax Aaden, waa 83 jir wax badan u soo joogay, waxa uu isbarbardhig ku samaynayaa dhaqanka maanta iyo kii hore ee xiligii reer guuraaga la ahaa.

Madaxweynihi hore ee Soomaaliya oo ka qeyb galay madasha hoggaamiyeyaasha Afrika

$
0
0

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweynayaal hore oo Afrikaan ah, kuwaasi horay uga soo taliyay qaar ka mid ah dalalka qaaradda.


Golaha Wasiirada Puntland Oo war ka soo saaray xiisada Tukaraq

$
0
0

Garoowe ( Sh. M. Network )-Golaha Wasiirada Puntland oo maanta shir degdeg ah ku yeeshay magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulkaasi ayaa kaga hadlay xiisada deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.
Kulanka uu shir guddoomiyay Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa laga soo saaray War-Murtiyeen lagu sheegay in Puntland ay u diyaar garoobeyso dagaal ka dhan ah Soomaaliland.
Halkan hoose ka Akhriso:-
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/WWWWWWWW-232x300.jpg 232w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/WWWWWWWW-768x994.jpg 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/WWWWWWWW-791x1024.jpg 791w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/WWWWWWWW-696x901.jpg 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/WWWWWWWW-1068x1382.jpg 1068w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/WWWWWWWW-325x420.jpg 325w" sizes="(max-width: 553px) 100vw, 553px" />
The post Golaha Wasiirada Puntland Oo war ka soo saaray xiisada Tukaraq appeared first on Shabelle.

Emotional sendoff for KDF officer killed in Somalia

$
0
0

A sombre mood engulfed Waunifor village in Ainabkoi Constituency as another Kenya Defence Forces officer who died in Somalia was laid to rest on Saturday.
Duncan Kibet Mutai died on 6th of May 2018 alongside his colleagues when they encountered an improvised explosive device (IED) in the general area of Degelema 8km from Dhobley.
The 35-year-old, father of one, had just been married for only 28 days when he met his death. Mutai was remembered as a dedicated and disciplined officer.
“I was very shocked and his death touched my heart. On that fateful day, I was supposed to go with them but plans changed and I had to come back to Kenya for a few things. He used to work with me in my department and I have lost a great man,” said Sergeant Alex Maina.
He added they would continue protecting the country to keep the legacy of their fallen soldiers. “The mission will not stop. We will continue working and fighting for what they believed in. We will fight until when we win over the terrorists,” said the sergeant.
“We are mourning our brother as KDF. He was dedicated and had self-sacrifice. He paid the ultimate price defending this nation for us to enjoy the peace we are enjoying today. We will not let him down by giving up,” condoled a senior officer.
Ainabkoi MP William Chepkut condoled the family and called on President Uhuru Kenyatta as the Commander in chief of the armed forces to employ new tactics in combating terrorists.
“I am appealing to the President to change tact on how to handle terrorists who continue to take lives of our soldiers. The terrorists are now using land mines and IEDs. We should consider new technologies for surveillance like drones and satellites. We have lost about three in this region and that is sad,” said Chepkut.
The legislator added that in June he will move a motion of compensation on officers who lose their lives in their libe of duty.
As Mutai was given the 21- gun salute, tears streamed down the cheeks of the thousands of mourners who had arrived to bid him farewell. When he was lowered to his final resting place his colleagues realized the void he had left was too wide to be filled.
Mutai joined the Kenya Army in 2007 and served as senior private for 10 years before joining Amison in July 2017. He joined Recruits Training School (RTS) in 2007 and was later posted to 12 engineers Thika.
The post Emotional sendoff for KDF officer killed in Somalia appeared first on Shabelle.

Barn. Hambalyada iyo Heesaha

$
0
0

Barnaamijka Hambalyada iyo Heesaha waxaa toddobaadkan inoo haya Ibraahim Xasan Maxamuud (Daanduray) iyo Caasha Ibraahim Aada (Cuud)

Barn. Dhacdooyinka Toddobaadka

$
0
0

Barnaamijka Dhacdooyinka Toddobaadkan waxaad ku maqli doontaan qoddobo dhowr ah oo ku saabsan siyaasadda Somalia, waxaana inoo soo diyaariyey, soona jeedinaya Jamaal Axmed Cusmaan

Amiir Harry iyo Meghan Markle oo Is-guursaday

$
0
0

Wiilka ay ayeeyada u tahay boqoradda Ingiriiska, Queen Elizebath, Prince Harry ayaa guursaday, Meghan Markle oo u dhalatay Mareykanka.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live