Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Dagaal khasaaro geystay Oo ka dhacay gobolka Baay

0
0

Baydhabo ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal Duhurnimadii maanta ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu u dhexeeyay Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa milatariga Soomaaliya.
Waxaana Ilo deegaanka ah ay sheegeen in dagaalka uu yimid, kadib markii ay kala shakiyeen Ciidamadaasi.
Inta la xaqiijiyay waxaa iska hor imaadkaasi ku dhintay illaa 2 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale oo ka tirsan Ciidamada milatariga Soomaaliya.
Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka KGS iyo Saraakiisha Ciidamada dowladda ee gobolka Baay oo ku aadan dagaalkaasi.
Balse Xaaladda ayaa hadda dagan, iyadoona halkaasi ay gaareen mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan maamulkaasi.
The post Dagaal khasaaro geystay Oo ka dhacay gobolka Baay appeared first on Shabelle.


Ingiriiska ma sii ahaan karaa luuqadda loogu jecelyahay adduunka?

0
0

Luqadda Ingiriiska waxaa ku hadla malaayin qof dunida oo idil, balse waxaa horumarkeeda loolan ku haya teknooloojiyadda iyo aaladaha wax turjumo

Muqdisho: Ciidamada ammaanka oo laba qof toogtay

0
0

Laba qof oo looga shakisan yahay inay yihiin mintidiin doonayey inay dilal gaystaan ayaa ciidamada amniga ee Muqdisho ay ku toogteen suuqa Bakaaraha.

Soomaaliya: Wada-hadal kulama jirno Kenya

0
0

Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay hadal kasoo yeeray wasiirka arrimaha dibedda Kenya, oo ahaa in labada dal uu u socdo wada-hadal la xiriira kiiska muranka badda.

Mareykanka: Shaqaalaheena ku sugan Shiinaha haiska ilaaliyaan qaylada

0
0

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa ugu baaqday shaqaalaha Mareykanka ee ku sugan dalka Shiinaha inay ka feejignoodaan qaylada iyo sawaxanka aan caadiga ahayn kaddib markii mid kamid ah muwaadhiniinta Mareykanka lagu arkay calaamado aan horay loo arag.

Sawirrada diyaarad laba qalbac u kala jabtay

0
0

Dhammaan dadkii saarnaa diyaaradan isaga kala gooshaysay Texas oo Mareykanka ah iyo Hondura ayaa ka badbaaday burburkeeda.

Ma isbadal siyaasadeed baa ka soo fool leh deegaanka Soomaalida Itoobiya?

0
0

Toddobaadyadii u dambeeyay Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa ka dhacay arrimo naadir ah.

Xildhibaan Lagu Toogtay Gaalkacayo

0
0

Xildhibaan ka tirsan maamul goboleedka Puntland ayaa goor dhowayd lagu dilay magaalada Gaalkacayo. Weerarka dadka gaystay ayaa la sheegay inay goobta ka baxsadeen.


Qubanaha VOA, May 24, 2018

Maxkamadda Ciidamada Oo dhageysatay dacwadda Raggii weeraray Hotelka Naaso Hablood Labo

0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa qaaday kiiskan loo heysto eedeysanayaasha kala ah:-  Farxaan Maxammed Samatar, C/naasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Maxa’d Xaaji Buule, waxaana dhammaantood xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ku soo eedeyeen in ay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday Hotel Naasa Hablood labo 2 kadib 14 October weerarkii ugu dhimashada badnaa ee abid ka dhacay Soomaaliya.
XafiiSska xeer ilaalinta ayaa u sheegay garsoorayaasha iyo dhinacyada kale ee ka qeyb galayay dhageysiga dacwadda in raggan la soo qabtay xilli ay ku guda jireen fulinta weerarkaasi.
Su’aallo la weydiiyay eedeysanayaasha ayay ku qirteen in ay ka dhammaatay rasaasta ay u isticmaalayeen weerarkaasi, waxa ayna dalbadeen in la cafiyo.
Qareenada difaacayay ayaa ku dooday in la marin habaabiyay oo aysan iyaga doorashadooda kaga mid noqon Xarakada Al Shabaab hasa ahaate ay jeclaan lahaayeen in loo naxariisto kol hadii ay qirsan yihiin in ay geysteen weerarkaasi oo dad badan ay ku dhinteen.
Intii ay socotay Maxkamadeynta ayaa sidoo kale waxaa la dhageystay markhaatiyaal ay ka mid yihiin saraakiisha ciidamada amniga ee soo qabtay eedeysanayaasha  iyo shacab kale.
Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u sheegtay dhammaan dhinacyada ka qeyb galayay dhageysiga eedda  in ay go’aanka Maxkamadda  dib ka soo saari doonaan.
28 October sanadkii hore weerarkii lagu qaaday Naasa Hablood Labo ayaa waxaa ku dhintay 17 qof oo isugu jiro Siyaasiin xilal soo qabtay iyo kuwa kale, xildhibaan hore, Saraakiil ciidan, Haween iyo Caruur, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay inta la xaqiijiyay 40-qof.
The post Maxkamadda Ciidamada Oo dhageysatay dacwadda Raggii weeraray Hotelka Naaso Hablood Labo appeared first on Shabelle.

Madaxweyne ku yaboohay kala bar mushahaarkiisa

0
0

Madaxweyne Afrikaan ah ayaa go'aansaday in uu ku tabaruco kala bar mushahaarkiisa.

Kheyre “Waa in 90 Cisho wax looga qabto Amniga magaalada Muqdisho”

0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xasan Cali Kheyre Ra’iisul wasaaraha XFS oo ka hadlayay arrimaha ammaanka ee M/ Muqdisho ayaa sheegay in xilligan aan loo dul qaadan karin dhibaatooyinka amni ee ka dhacaya gudaha Caasimadda.
Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa amray Laamaha Ammaanka ee dowladda in muddo 90 cisho gudahooda ay wax uga qabtaan amniga magaalada Muqdisho.
Waxaana uu tilmaamay in haatan wixi ka dambeeya uu jiri isla xisaabtan dhab ah oo ku aadan amniga guud ahaan gobolka Banaadir.
Halkan hoose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/05/h.mp3
 
The post Kheyre “Waa in 90 Cisho wax looga qabto Amniga magaalada Muqdisho” appeared first on Shabelle.

Falastiiniyiinta oo ku wareersan ciddii baddali lahayd Cabbaas

0
0

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa xaaladdiisa caafimaad laga dayrinaya, dadweynaha reer Falastiin siyaasabo kala duwan ayay uga hadlayaan ciddii hoggaanka qaban lahayd haddii uu meesha ka baxa madaxweynaha.

Kuuriyada Koonfureed Oo Lacag ugu deeqday dalal ay ku jirto Soomaaliya

0
0

Suoel (Sh. M. Network )-Kuuriyada Koonfureed ayaa ku dhawaaqday Lacag gaareysa $5 Billion oo lagu talagalay in lagu kobciyo dhaqaalaha Qaaradda Africa.
Kadib shirka Sanadlaha ah ee Kuuriyada Koonfureed iyo madax ka socotay Bankiga Horumarinta Africa, oo lagu soo gabagabeeyayay dalkaasi ayaa lagu shaaciyay in Lacagtani la marsiin doono Bankiga Horumarinta Africa, si mashaariic looga hirgaliyo Qaaradda Africa.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka K/ Koonfureed Dong Yeon Kim ayaa saxiixay Lacagtan, waxaana la sheegay in la ballaarin doono Mashaariicda dalkaasi uu ka fuliyo Africa.
Soomaaliya oo qeyb ka Ururka Midowga Africa ayaa la filayaa in ay qeyb ka noqoto dalalka Mashaaricdaasi ka faa’iideysanaya, maadaama ay qeyb ka tahay dalalka dhaqaalahooda soo koraya ee Qaaradda Africa.
The post Kuuriyada Koonfureed Oo Lacag ugu deeqday dalal ay ku jirto Soomaaliya appeared first on Shabelle.

Shangaani iyo Dharkenley Oo Caawa ku loo lamaya Tartan Aqooneedka Shabelle

0
0

Muqdisho ( Sh. M. Netwok )-Waxaa Caawa Tartan Aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle ku madalsan degmooyinka Shangaani iyo Dharkenley ee gobolka Banaadir.
Labada degmo ayaa ku wada jira Group-ka D ee Tartan Aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan.
Tartamayaasha labada dhinaca ayaa u diyaar garoobaya kulankan oo gabagaba u ah wareega koowaad ee Tartan Aqooneedka Idaacadda Shabelle.
Marka la fiiriyo Wareergan dhamaadka ah ayaa waxaa ay degmooyinku muujiyeen dadaal badan, iyaga oo inta badan galay barbar dhac.
Taaba gelinta Sanadkan Tartan Aqooneedka Shabelle waa Jaamacadda Jobkey, halka Su’aal diyaarintuna uu yahay Adult Commercial Secondary School.
The post Shangaani iyo Dharkenley Oo Caawa ku loo lamaya Tartan Aqooneedka Shabelle appeared first on Shabelle.


Howlgallo ballaaran Oo laga sameeyay M/ Gaalkacyo

0
0

Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa maanta howlgallo ka sameeyay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa ay Ciidamadu ka sameeyeen Xaafadaha Israac iyo Garsoor ee magaaladaasi.
Illaa iyo 5 Qof oo looga shakisanyahay falalka amaan dari ee Gaalkacyo ayaa lagu soo qabtay howlgalladaasi, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidamada maamulkaasi.
Saraakiisha ayaana intaasi ku daray in Raggaasi haatan ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah.
Xalay ayey aheyd markii Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland lagu dilay Hotel ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
The post Howlgallo ballaaran Oo laga sameeyay M/ Gaalkacyo appeared first on Shabelle.

Prof. Samatar oo ka hadlay dagaalka Tukaraq

0
0

Dagaal culus ayaa maanta mar kale ka qarxay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, halkaasi oo ay ku dagaalameen ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.

Dhinaca kale, waxaa soo kordhaya baaqyada nabadeed ee ay dirayaan aqoonyahanka, odayaasha iyo waxgarad Soomaaliyeed oo ka xun dagaallada dhex maraya labada dhinac, xilli lagu jiro bisha Ramadaan, saameynta duufaan, roobabka iyo daadadka.

Aqoonyahanka ayaa qaba in dagaaladan ay dhinacyadu guulaha ka sheeganayaan aaney soo kordhineyn waxaan...

Dagaal maanta dib uga billowday Tukaraq

0
0

Dagaal culus ayaa maanta mar kale ka qarxay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, halkaasi oo ay ku dagaalameen ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.

Kuuriyada Waqooyi oo burburisay goobahii ay ku tijaabin jirtay Nukliyeerka

0
0

Saddex xarumood ayaa lagu hor burburiyay 20 saxafi oo caalamka laga soo xulay.

Trump oo joojiyey kulankii Kim Jong Un

0
0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa joojiyey kulan la qorsheeyey inuu 12-ka bisha June dalka Singapore kula yeesho madaxweynaha Korea-da Waqooyi Kim Jong Un.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live