Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Dawlada Kenya oo sheegtay in qaar ka mid ah wadamada reer galbeedka ku taageereen hawl galka ay Soomaaliya ka wadaan.

$
0
0

Afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaandhiga dalka Kenya Maj. Emmanuel Chirchir ayaa u sheegay wargeyska New York Times in ciidamo reer galbeed ah ku gacan siinayaan hawlgalka ka dhanka ah Xarakadda Al-Shabab ee ay Soomaaliya ka wadaan
Afhayeenku waxaa uu xusay wadamo ay ka mid yihiin Faransiiska iyo Maraykanka ay ku taageerayaan ciidamadooda hawl galada ka wada gobolada Jubbooyinka ee koofrta Soomaaliya diyaaradaha dagaalka waxaana uu intaa ku daray in ay ka rajaynayaan inay taageero buuxda ka helaan wadamo kale oo reer Yurub ah sida uu yiri.
Maj. Emmanuel Chirchir waxaa uu waraysigiisa ku sheegay in diyaaradaha Faransiiska iyo kuwa Maraykanka ay dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay duqeeyeen deegaano ku yaala gobolada Jubbooyinka oo ay fariisimo ciidan ku lahaayeen dagaalyahanada Al-Shabab waxaana uu sidoo kale xusay inay garab military ka helayaan ciidamada badda Faransiiska eek u sugan xeebaha Soomaaliya.
“Hawlgalka aanu Soomaaliya ka wadno kuma keli nihi oo waxaa nagu taageeraya qaar ka mid ah wadamada aanu saaxiibna ka nahay” ayuu yiri afhayeen wasaaradda gaashaandhiga Kenya Maj. Emmanuel Chirchir
Afhayeenkaan waxaa uu sidoo kale shaaciyay in duqeymihii ay diyaaradaha caawinaya ka geysteen gobolada Jubbhooyinka lagu dilay tiro badan oo Al-Shabab ka tirsanaa inkasoo uusan cadad cayiman
Wargeysyada dalka Faransiiska ayaa sidoo kele saakay qoray warar ku saabsan in diyaaradaha dagaalka ee Faransiisku ay maalmihii la soo dhaafay duqeymo ka geysteen koofurta Soomaaliya
Hadalkaan ka soo baxay dawlada Kenya ayaa imaanaya xilli ay willi gobolada jubooyinka ku sii qul qulayaan ciidamo Kenyati ah oo ay la socdaan kuwa dawlada iyo kuwa jabhadda Raas Kambooni
Diyaarado la aaminsan yahay inay dawlada Kenya leedahay ayaa shalay galinkii dambe gantaalo ku dhuftay meelo u dhaw dekeda magaalada Kismayo.
Xafiiska Muqdisho


Xiisad ka taagan Kismaayo iyo Saraakiisha al Shabaab ee Kismaayo saakay halkaas ku kala cararay

$
0
0

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in halkaas ay saakay ka jirto xaalad cakiran iyo dhiilo colaadeed.

Shacabka magaalada ku dhaqan ayaa waxaa la soo deristay cabsi ka dhalay duqeyntii cirka ee shalay iyo diyaarado haatan dul heehaabaya jawiga sare ee magaalada, diyaaradahaas oo joog hoose ku duulaya.

Dhanka kale waxaa saakay magaalada ka baxay sida la soo sheegayo saraakiishii al Shabaab ee Kismaayo, waxaana loo maleynayaa in dhanka magaalada Muqdisho ay u soo dhaqaaqeen, cabsi dhinaca duqeynta cirka ah darteed.

Xaaladda guud ee magaalada ayaa ah mid kacsan waxaana la isla dhexmarayaa in al Shabaab ay magaalada ka baxayaan, maleeshiyaad beeleedyo si hoose isu abaabulayana waxaa laga soo sheegayaa qeybo ka mid ah magaalada Kismaayo.

Wararka ka imaanaya Kismaayo ayaa ah kuwa marmarba marka ka dambeysa isbedbedalaya balse wixii war ah ee soo kordha waxaad kaga bogan doontaan wararkeena dambe ee soo socda.

halgankanet@gmail.com

Gattuso Oo Garoomada Ka Maqnaanaya Lix Bilood Jiro Isha uga dhacdat Darteed.

$
0
0

Gennaro Gattuso Ciyaariyahanka Xulka Talyaaniga iyo kooxad AC Milan ayaa ladhibaatoonaya Dhaawac isha kasoo gaaray, isagoo sheegay inuusan kafariisan doonin Ciyaaraha.
Ciyaariyahanka Kooxda AC Milan ayaa Kooxiisa ka maqnaa tan iyo Kulankii azio 9kii bishii September markaasi oo iasoo badal ku yimid ay isku dhaceen Daafaca Kooxiisa AC Milan Alessandro Nesta islamarkaasina kooxdiisa ka maqnaan doona Mudo Lix bilood ah.
Gennaro Gattuso oo usoo ciyaari jiray Xulkiisa talyaaniga ayaa laga daweenayaa iminka Cudur ku dhaca isha, iyadoo uu hada caafimaadkiisu aad uliito.
33 jirkaan Reer Italy ayaa shaaca ka qaaday in usku dhicii Nesta ayasan kadanbeen dhibaatada hada heesata balse uu intaa ku daray in isku dhucii uu soo shaacbixiyay Dhibaatada hada isha kaheesata.
Gattuso ayaa sidoo kale sheegay in daqiiqadii yaraa uu ciyaaray Kulankii Kooxdiisu ay laciyaaraysay Kooxda ay isku Wadanka yihiin ee Lazio uu ka xumaaday, waxuuna intaa inuu arkayay Ibrahimovic oo Cayaaraya Boosas badan Sitaxdar lah.
Kama fariisan doono Cayaaraha lkn waan nasan doona 4bbbil Kadibna wxaan maridoonaa Qaliin inkastoo ay Dhaqaatiirtu ii sheegeen inaan mardanbe Ciyaari karin kubada kagta hadana arintu siadaa wey kaduwantahay oo waxay iisheegeen inaan ciyaari karo Kubada ayaa yiri Gennaro Gattuso.
Kooxad AC Milan ayaa waxay leedahay 11dhibcood iyadoo kujirta kaalinta 7aad ee Serie A,  Gennaro Gattuso hada wuu kaqeeb qaadan karaa Tababarka Jirka Laakiin maciyaari karo Maxaayeelay sifiican wax uma arko ayuu yiri Gudoomiyaha Kooxda AC Milan.
Barnaamijka Ciyaaraha
Heegantv.com
Jiilaani2011@gmail.com

Xaflad balaadhan oo loo samaynayo furitaanka Xarunta Telefiishanka Qaranka (SLNTV) ee London

$
0
0

Dhamaan waxa la ogeysiinayaa dadweynaha reer Somaliland ee ku  nool dalkan Ingiriiska in xaflad balaadhan oo lagu maamuusayo furitaanka Xarunta Telefishanka Qaranka ee Yurub lagu qaban doono magaalada London maalinta Sabtida ee taariikhdu tahay 29.10.11, saacadu markay tahay 16:30-22:30. Haddaba waxa munaasabadan inoogu marti ah masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, jaalliyada iyo fanaaniinta qaranka oo halkaasi heeso iyo madadaalo ku deeqda ku soo bandhigi doona.
Goobta: Beacon Community Centre, Scott Crescent
Rayners lane South Harrow HA2 0TY
Maalinta: Sabti
Wakhtiga: 16:30: 22:30
Taariikhda: 29.10.2011
Wixii faahfaahin ah kale soo xidhiidh telefoonada hoos ku xusan.
Mobile: 07931821364 ama 07539900226

Dawlada Kenya oo si Kulul uga Jawaabtay Hadal Shalay ka soo Yeeray Madaxweyne Shariif

$
0
0

Nairobi (RBC) Wasiirka difaaca Kenya MaxamedYuusufXaaji ayaa waxla yaableh ku tilmaamay hadal uu shalay sheegay madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.
Maalintii shalay ayaa madaxweyne Shariif oo booqanayey degmadaDayniil;e oodhow3aan dagaaloku dhexmareen ciidamada DKMG iyokuwa Amisom oo wadajira iyo ururka Al-Shabaab ayuu ku sheegay inuusan waxba kala socon faragelinta ciidamada Kenya ay ka wadaan gobolada koonfureed ee dalka.
Balse wasiirka difaaca Kenya YuusufXaaji ayaa laanta Sawaaxiliga ee BBC u sheegay inuuaad ula yaabay sida uu u hadlay madaxweyne Shariif, isagoo sheegay in hadalkaasi uusan ahaynmid nin siyaasi ah ku hadlo.
“Waa wax lala yaabo, aniga iyo wasiirka arimaha dibada Kenya waxaan 18-kii bishan booqasho ku tagnay Muqdisho, waxaana la joognay madaxweynaha iyo raysul wasaraha waxaana uu madaxweynuhu taageeray in Kenya ay caawiso DKMG,Wuxuuna arintanu xilsaaray raysulwasaaraha oo saxiixay”ayuu yiri wasiirka difaaca Kenya.
Wasiirka ayaasi caroleh u sheegay in hadda arintu ay caddahay loogana baahan yahay DKMG inay soo cadeyso inay la safan tahay ururka Al-Shabaab iyo inkale.
“Beesha caalamka iyoadduunka oodhan waxay lasafan yihiin DKMG ooay taagerayaan, marka madaxweynuhu waa inoosheegaa haddiiuu raacsanyahay Al-Shabaab” ayuu hadalkiisasii raaciyey wasiirka.
 Hadalka wasiirka ayaa noqonaya jawaabtii ugukululeyd ee ay isweydaarsadaan DKMG Soomaaliya iyo Kenya oo ka mid ah xulufada taageerta DKMG oo dagaal kula jirta kooxda Al-Shabaab. Waxayna arintan ku soo beegmeysaa iyadoo si weyn loo hadalhayo hadalada kala duwan ee ka soo baxay Madaxweyne Shariif iyo wasiiradiisa qaarkood.
RBC Radio

Ururka Nabada iyo hormarinta ee Dalsan oo xafiis ka furtay Burco

$
0
0

BURCO(OWN)- Wafti Balaadhan oo uu hogaaminaayo Xoghaya Ku meel gaadhka ee urur siyaasadeedka Nabada iyo horumarinta ee Dalsan, Maxamed Axmed Culujoog ayaa  xadhiga ka jaray xarunta Ururkaasi ku yeelan doono, Magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Munaasibad balaadhan oo loogu talagalay furitaanka xaruntaasi oo ay ka soo qayb galeen marti sharaf badan oo isugu jirta Cuqaal , Waxgarad, dhalinyaradda iyo haweenka ayaa maanta lagu qabtay huteel Cigaal ee Burco.
 
Xoghayaha  ku meel gaadhka ee ururka Dalsan, Maxamed Axmed Culujoog oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in safarkoodu la xidhiidho sidii xafiisyadii ururka uga soo furi lahaayen goboladda Bariga Soomaaliland, wuxuu xusay Xoghayuhu in Ururka Dalsan yahay mid ummaddu wadda leedahay oo shandad lagu sidan
“Ururkani ma aha kuwii shandada lagu qaadan jiray ee sida NGO-da oo kale loo isticmaali jiray ee waa Urur Bulshadu wada leedahay oo ka dhaxeeya, kuna dhisnaan doona mabaadida Islaamka , hadafkayagana waxa ka mida in aanu wax ka bedelno nidaamka siyaasadeed ee labaatankii sanno ee u danbeeyey ka jiray Soomaaliland oo aan si weyn u dhaliilsanahay.”
 
Jaamac Barre Cilmi, oo ka mid ah guddiga Sare  ee ururkaasi ayaa tilmaamay in ururkaani ahayn kuwii iyaga oo dhisan la isugu yeedhi jiray ee uu yahay mid hadda la wada dhisanayo oo bulshadda u dhaxeeya, sidaas awgeed reer Togdheer waa in ay taageeradooda la garab istaagaan Ururkan.
 
Waxa kale oo isna munaasibadaasi  ka hadlay Maxamed Faarax Canbe  oo isna ka mid ah masuuliyiinta Ururkaasi ee ku meel gaadhka ayaa waxa uu u soo jeediyey dadweynaha reer Burco in looga baahan yahay inay kaalintooda ka qaataan dhismaha ururkan maal iyo Muruqba kuna biiriyaan.
 
Maxamed Cumar oo isna ka mida ah masuulyiinta ku meel gaadhka ee ururka Dalsan aya a carabka ku dhuftay in aan ururkani ahayn mid qabiil ku dhisan ee uu yahay mid ummadu wadda leedahay oo u furan cidkasta oo ka soo qayb galaysa.
 
Marwo Saynab Jiinjiye iyo Marwo Ayaan Maxamed Jaamac oo iyaguna halkaasi ka hadlay aya sheegay inay gacmo furan iyo niyad san ku soo dhaweynayaan ururkan Dalsan , isla markaana hiil iyo hooba la garab taagan yihiin, waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Cabdi Cali Bille oo ka mida dhalinyaradda gobolka Togdheer, kaaso xusay in ay si weyn ugu soo dhaweynayaan ururka Dalsan gobolka Togdheer, lana shaqayn doonaan.
 
Munaasibadan oo ahayd mid si wayn loo soo agaasimay ayaa waxa kale oo ka hadlay Cabdi Casiis Ducaale Qanbi iyo Cabdi Raxmaan Hadhuudho oo ka mida masuulyiinta ku meel gaadhka ee ururkaasi.
 
Ururka Dalsan ayaa noqonaaya ururkii ugu horeeyey ee xafiis ka furta magaaladda ee xarunta gobolka Togdheer tan iyo intii lagu dhawaaqay furitaanka ururadda  siyaasadeed.



Oodweynenews.com/ Burco

Daawo sawirrada Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya oo booqasho ku tegay Gobbolada Dhaxe

$
0
0

waxaan halkaan idinkuugu soo gudbineeynaa Sawrrada taliyaha Xooga dalka Soomaaliya Jeneraal C/qaadir Sh Cali Diini iyo wafdi uu hagaaniyay oo Safar dhawaanahan ah ku tegay Gobbolada dhaxe Soomaaliya.
Halkaan ka daawoo sawirrada

maamulka Galmudug iyo Wafdiga taliyaha XDS oo wada fadhiya







Wararkii ugu dambeeyay qarax xoogan oo khasaaro geystay oo xalay ka dhacay magaaladda Nairobi

$
0
0

Qarax xoogan ayaa wuxuu xalay ka dhacay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, wuxuuna qaraxa uu wax-yeelo ka soo gaaray in ka badan 18 ruux oo dhamaantood dad shacab ah.
Qaraxa xalay ka dhacay magaaladda Nairobi ayaa wuxuu ka dhacay goob basaska laga raaco oo ku taalla magaaladda Nairobi, waxaana qaraxa la-sheegay inuu ahaa bam gacmeyd, taasoo aan la-ogeyn cidda dhabta ah ee ka dambeysay.
Qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay in ka badan 18 ruux oo rayid ah, kuwaa oo xilligii uu qaraxu dhacaayay ka soo baxay shaqo, waxaana qaarkood soo gaaray dhaawacyo aad u daran.
Dadkaan dhaawacmay ayaa waxaa 15 ka mid ah dhaawacyadoodu la-dhigay Cisbitaalka Kenya ee Magaaladda Nairobi, laakiin dhakhaatiirta caafimaadka ee cisbitaalkaasi ayaa waxay sheegeen in laba ka mid ah xaaladoodu laga deyrinaayo.
Dadkaan dhaawacmay oo dad shacab ah, ayaan wax shaqo ah ku laheyn siyaasadda Dowladda Kenya, laakiin dhaawacyada loo-geystay ayaa waxaa lagu muujinaayaa Ciidamadda Dowladda Kenya ee gudaha u soo gallay dalka Soomaaliya.
Majirto cid sheegatay inay ka dambeysay qaraxaan, laakiin Xarakada Al Shabaab ayaa waxay ku hanjabtay inay qaraxyo waaweyn ka geysan doonto gudaha dalka Kenya, haddii aysan Kenya ciidamadeeda kala bixin dalka Soomaaliya.


Sheekh Axmed Madoobe oo si weyn uga hor yimid tallaabada uu Madaxweyne Shariif uga hor yimid Ciidamadda Kenya

$
0
0

Sheekh Axmed Madoobe ayaa wuxuu si weyn uu uga hor yimid hadalkii shalay ka soo yeeray Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed, kaasoo uu ku diiday Ciidamadda Dowladda Kenya ee gudaha u soo gallay dalka Soomaaliya.
Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe, oo ah Gudoomiyaha Jabhadda Raaskambooni, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay si weyn uga soo horjeedaan hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya.
Sababaha ay uga soo horjeesteen hadalka Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa wuxuu ku sheegay in Ciidamadda Dowladda Kenya aysan waxba dhaamin Ciidamadda Dowladaha Burundi iyo Uganda ee ku sugan magaaladda Muqdisho.
Wuxuu sheegay in Ciidamadda Dowladda Kenya si weyn looga soo dhaweeyay Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, isagoo intaasi ku daray in shacabka Somaliyeed ay raali ka yihiin Ciidamadda Dowladda Kenya, inay la-dagaalamaan Xarakada Al Shabaab.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Xarakada Al Shabaab ay tahay koox cadow ah, isla-markaana wuxuu sheegay inay awood walba u adeegsan doonaan Xarakada Al Shabaab, si buu yiri aanu uga hortagno khatarta ka imaan kareysa.
Iskusoo wada-duuboo Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, ayaa waxaa lagu eedeeyay inuusan cidna kala tashan hadalka shalay ka soo yeeray, isla-markaana uu killigiisa soo gaaray go’aankaasi.

Xukuumadda Soomaaliya oo tacsi u dirtay Turkiga “Inaa Lilaah Wa Inaa Ilaahi Raajicuun”

$
0
0

War Saxaafadeed 58/2011
Xukuumadda Soomaaliya oo tacsi u dirtay Turkiga
(Muqdisho, Oktoobar 24, 2011) Xukuumadda Federaalka KMG ah ayaa u dirtay tacsi Xukuumadda iyo Shacabka Turkiga kaddib markii dhul-gariir xooggani uu ku dhuftay koonfur-bari dalkaas shalay oo Axad ahayd.
“Xukuumadda Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa Xukuumadda iyo Shacabka Turkiga, gaar ahaan qoysaskii ay dhibaatadu ka soo gaartay, waxaana xaqiijineynaa inaan garab taagannahay waqtigan murugada badan,” ayuu yiri Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali.
“Dhammaan shacabka Soomaaliyeed waxay la murugoonayaan, oo garab-taagan yihiin shacabka Turkiga, iyagoo isla markaana u duceynaya,” ayuu intaasi ku daray Dr. Cabdiweli.
Ra’iisul-wasaare Cabdiweli ayaa dhambaal tacsi ah oo deg deg u diray habeenkii Axadda dhiggiisa Rajab Dayib Erdogan, isagoo dhambaalkaas ku muujiyay sida uu uga xun yahay dhacdada naxdinta leh ee ku dhacday dalka Turkiga.
Jamhuuiryadda Turkiga waa saaxiib iyo taageere weyn oo uu leeyahay dalka Soomaaliya xilligan adag oo uu dalku la tacaalayo abaartii ugu ba’neyd muddo 60 sano ah.
Ra’iisul-wasaare Dr. Cabdiweli wuxuu ugu dambeyntii sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay la garab-taagan tahay Turkiga wixii taageero ah ee awooddeeda ah.
DHAMMAAD

Hadalheynta Qaranka: Dhageyso Codad Isburinaya oo ay Jeediyeen Madaxda DKMG Soomaaliya

$
0
0

Madaxweyne Shariif iyo Abaanduulaha ciidamada Gen Dhagabadan
Muqdisho (RBC) Tan iyo markii maalintii shalay [24.10.2011] uu madaxweyne Shariif shaaca ka qaaday in DKMG aysan raali ka ahayn in ciidamada wadanka Kenya ay soo galaan gudaha Soomaaliya ayaa waxaa si weyn loo hadalhayaa hadalada isburinaya ee ka soobaxaya masuuliyiinta DKMG Soomaaliya dhexdooda.
18-kii Bishan Oktoobar, waxaa Muqdisho booqasho ku yimid wafdika kooban labo wasiir oo ka socda dawlada Kenya. Wasiiradaasi waxay kala ahaayeen wasiirka gaashaandhiga Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji iyo wasiirka arimaha dibadda Kenya Moses Wetangula, waxayna labaduba kulamo la qaateen madaxweynaha DKMG Sheekh Shariif, raysul wasaare C/weli Gaas iyo wasiirka difaaca Xuseen Carab Ciise.
Kulankaasi ka dib waxaa labada dhinac ay wada saxiixdeen heshiis iskaashi militari ah kaasoo qeexaya in labada dawladood ay iska kaashadaan la dagaalanka Al-Shabaab.
Dhageyso wasiirka gaashaandhiga DKMG Xuseen Carab oo ka hadlaya heshiiskaasi
Xuseen Carab Ciise
Sida ka cad hadalka wasiirka, DKMG way ku qanacsaneyd heshiiskaasi iskaashiga ah, Waxaana sida wasiirku sheegayo si buuxda u taageeray madaxweyne Shariif iyo raysul wasaare C/weli Gaas.
Dawlada Kenya waxay iyana dhankeeda sheegtay in ciidamadeeda ay gudaha Soomaaliya galeen si ay ula dagaalamaan kooxda Al-Shabaab oo ay ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen afduubyo isku xigay oo laga geystay gudaha wadankaasi.
24-kii Oktoobar, ayaa madaxweynaha DKMG Sheekh Shariif wuxuu shaaca ka qaaday hadal dad badan ka yaabiyey kadib markii uu sheegay in Dawladu aysan la socon soo gelida ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya isla markaana dawlada iyo shacabka aysan raali ka ahayn.
Dhageyso hadalka Sheekh Shariif
 
Haddaba su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay, ma DKMG Soomaaliya ayaan fahmin sheekada mise madaxweyne Shariif iyo xukuumadu iskama warqabaan oo nin kasta wuxuu rabo ayuuku hadlaa?.
RBC Radio
Xafiiska wararka Raxanreeb, Muqdisho

2011 10 24 Suugaan-Hadraawi.

Bannaanbax ka Dhan ah Sheekh Shariif oo Maanta ka Dhacay Dhoobley (Sawirka Sheekh Shariif oo la Gubay)

$
0
0

Dhoobley (RBC) Bannaanbax ballaaran oo ka dhan ah hadalkii madaxweynaha DKMG Soomaaliya Sheekh Shariif uu ku sheegay in dawladu aysan raali ka ahayn soo gelitaanka ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.
Bannaanbaxan oo ay ka soo qeybgaleen dadweyne fara badan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil ka tirsan ururka Raskambooni iyadoo saraakiishaasi ay si kulul u dhaleeceeyeen hadalka madaxweynaha uu ku weeraray faragelinta ciidamada Kenya.
Haween iyo dhalinyaro ayaa markii dambe socod ku maray magaalada Dhoobley dhexdeeda iyagoo ku dhawaaqaya ereyo ay ka mid yihiin “dooni meyno Shariif, dooni meyno Shabaab”.  Waxayna dadku sheegayeen in hadalka Sheekh Shariif u la mid yahay sidii inuu taageero u yahay kooxda Al-Shabaab oo dadka deegaanka hore dhibaatooyin fara badan ugu geystay.
Dadkaasi oo ay ka muuqatay caro ayaa gubay sawirka madaxweyne Shariif waxayna gacmaha ku siteen calamada Soomaaliya iyo Kenya.
Odayaasha Jubbooyinka oo shir jaraa’id qabtay
Dhanka kale odayaal ka soo jeeda gobolada Jubbooyinka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaarisa ayaa si kulul u dhaleeceeyey madaxweynaha DKMG Soomaaliya, waxayna odayaashaasi madaxweynaha ku tilmaameen nin aan kala garan xaalada dalka ka jirta iyo inuusan rabin in Al-Shabaab laga guuleysto.
Waxay odayaashu ugu baaqeen in masuuliyiinta ka soo jeeda Jubbooyinka ee ku jira xukuumadda ay iscasilaan.
Arimahan ayaa ku soo beegmay maalin ka dib markii uu madaxweyne Shariif  hadal uu ka jeediyey Muqdisho ku sheegay in dawladu aysan raali ka ahayn soo gelitaanka ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya.
RBC Radio

War Deg Deg ah: Nin Danish ah iyo Gabar Mareykan ah oo lagu afduubey Koonfurta Gaalkacyo

$
0
0

Gaalkacyo(Puntlandi.com) Labo qof oo ajnabi ah una shaqeynayey Hay’ada baarta Miinada ee lagu magacaabo Danish Demining Group ayaa lagu afduubey Xaafada Baraxley ee Koonfurta Gaalkacyo, Labadaan qof ayaa kala ah Nin Daanisha ah oo 60 jir ah iyo haweeney 35 jir ah una dhalatey Mareykanka.
Afduubkaan ayaa loo geystey labadaan qof ka dib markii ay soo weerareen niman hubeysan, meesha ay la aadeen ilaa hada lama xaqiijin, warar aan sugneyn ayaa sheegaya in loo kaxeystey dhinaca Hobyo.
Dhinaca Dowlada Mareykanka ilaa hada wax wara kama soo bixin oo kusaabsan Haweyneyda Mareykanka ah ee la afduubey, balse Wasaarada Arimaha Dibada Denmark ayaa xaqiijisey in la afduubey labadaan qof.
Waxaa kaloo weheliya Nin Soomaali ah oo turjubaan u ahaa.
kala soco Puntlandi.com wixii soo kordha warkaan.
Puntlandi.com
Xarunta Wararka Deg dega ah
123@puntlandi.com

Col. Gaddafi yo wiilkiisii oo meel qarsoodi ah lagu aasay.

$
0
0

Maydadka hogaamiyihii hore ee Libiya Mucamar Al qaddafi iyo wiilkiisii Muatassim ayaa lagu aasay meel qarsoodi ah oo ah lamadegaanka Libya. Madax u hadashay Maamulka Kumeelgaarka ah dalka Libya(NTC) ayaa waxa ay saxaafada u sheegeen in maydadkaa la aasay saaka waabarigii laguna aasay meel qarsoodi ah. Waxa laga yeelayo maydadka Qaddafi iyo wiilkiisa ayaa dhowrkii [...]


Banaan bax looga soo horjeedo hadalkii Madaxweyne Shariif oo ka dhacay Dhoobley

$
0
0

Banaan bax looga soo horjeedo hadalkii shalay ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya ee uu ku diiday soo gelitaanka Ciidamada Kenya ayaa maanta ka dhacay degmada Dhoobley, iyo deegaano ka tirsan Jubooyinka. Banaan baxan oo ay soo qaban qaabiyeen qeybaha bulshada, salaadiin iyo nabadoono ayaa waxay ku cambaareeyeen hadalka Madaxweynaha. Banaan baxyada ayaa waxay ka dhaceen [...]

Ciidamo ku labisan Dareyska Milateriga oo dhac ka bilaabay degmooyinka dib loogu laabtay

$
0
0

Iyadoo mudooyinkan ay isa soo tarayay qul qulka dadka faraha badan ee dib ugu laabanayay degmooyinkii horay looga qaxay ayaa hada waxaa ka bilowday Xaafadaha dib loogu laabtay dhac ay geysanayaan Ciidamo ku labisan dareyska Milateriga Dowladda. Degmada Yaaqshiid oo ka mid ah degmooyinka ay dadku blaabeen inay dib ugu noqdaan ayaa ka cabanaya amaan [...]

WAR DEG DEG: Laba nin oo u kala dhashay Denmark iyo Maraykanka oo goor dhaw laga afduubtay magaalada Galkacyo

$
0
0

Waxaa goor dhaw magaaladda Galkacyo laga afduubtay laba nin oo u kala dhashay Maraykanka iyo Denmark, waxaana la-ogeyn kooxda dhabta ah ee afduubatay.
Kooxo hubeysan ayaa waxay afduubteen labadaan nin oo u kala dhashay wadamada Maraykanka iyo Denmark, waxayna ka shaqeyn jireyn shirkad miino baaris ah oo ku taalla magaaladda Galkacyo ee Gobolka Mudug.
Afduubkaan ayaa wuxuu goor dhaw uu ka dhacay Koonfurta Magaaladda Galkacyo, lamana garanaayo halka loola dhaqaaqay iyo kooxda ka dambeysay afduubka labadaan nin, oo galabta walaac xoogan laga muujiyay.
Maamul Gobolka Galmudug oo isagu ka taliya Koonfurta magaaladda Galkacyo ee Gobolka Mudug, ayaanan weli ka hadlin afduubka loo-geystay labadaan nin, oo aan la-aqoonsan cidda afduubatay.
Waxay xaalad kacsan ka jirtaa magaaladda Galkacyo oo la-xiriirto labada sarkaal ee galabta laga qafaashay magaaladda Galkacyo ee Gobolka Mudug, hase ahaatee wixii kusoo kordha kala soco wararkayna dambe.

Shaqaale Ajnabi ah oo Gaalkacyo lagu afduubtay.

$
0
0

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa galabta afduub loogu gaystay shaqaale isugu jira Ajnabi iyo Soomaali kuwaasoo ka shaqaynayay mid ka mid ah NGO-yada caalamiga ah ee gobolka.
Shaqaalahan oo ka tirsanaa hay`ada Danish Demaning Group (DDG) ayaa waxaa ay hawlo shaqo a hayeen mid ka mid ah xaafadaha magaalada Gaalkacyo waxaana kooxo dablay ah u suurto gashay in ay afduubaas u gaystaan iyaga oo aan si rasmi ah loo garanayn halka ay la aadeen.
Saddexdan shaqalahaa ayaa waxa ay u kala dhasheen wadamada Maraykan, Denmark iyo Soomaaliya, waxaana afduubkan uu dhacay galabta xilli ay hawlahooda ku guda jireen.
Mas`uuliyiin ka tirsan maamulka Gal-Mudug ayaa sheegay in ay a shaqaynayaan sidii dib xoriyadooda u heli lahaayeen saddexdaasi shaqaale.
Hay`adda DDG ayaa muddo a shaqaynaysay magaalada Gaalkacyo iyada oo si isku mid ah hawlaha uga qabata dhinacyda gobolka ee Koonfurta iyo Wuqooyiga.
Mahad Jama Koronto
Gaalkacyo

Xaggee Ku Dambeeyeen Gaadiidkii Booliska Gobolka Mudug?.(Sawiro)

$
0
0

Galkacyo(Puntlandi.com);- Gaadiidkii uu lahaa Ciidanka Booliska Gobolka Mudug ayaa waxaa soo wajahay dayac baahsan oo sababay in ay dhex yaalaan qaar ka mid ah geerashyada baabuurta ee magaalada Gaalkacyo.Ilaa iyo afar ka mid ah baabuurtii ugu dambeysay ee loo keenay in ay ku shaqeeyaan Ciidanka Booliska Gobolka Mudug ayaa dayactir la’aan u fariistay iyagoo uu ka muuqdo burbur loo geystay. 
Gaarigani waa kii ugu dambeeyay ee loo keeno Ciidanka Booliska Gobolka Mudug, waa gaari nooca ay Soomaalidu u taqaan xaajiyada ama istooda oo nooceedu yahay (Hilux) gaarigani isaga oo shaqeynaya ayaa waxaa xabad matoorka uga dhuftay askari ka tirsan Booliska, xabaddaasi oo sabab u noqotay in uu gaarigaasi fariisto kaddib markii ay xabadu kaga dhacday matoorka.
Waxaa isaguna jira gaari noocan oo kale ah kaasi oo shil ku galay inta u dhaxeysa degmooyinka Gaalkacyo iyo Galdogob kaddib markii ay isku dhaceen gaari kale oo wadada marayay, waxaana gaarigaasi soo wajahay burbur kasoo gaaray oogada sare ee gaariga iyo qeybaha matoorka qaarkood oo uu soo gaaray dhaawacyo muuqda hase yeeshe wax laga qaban karo gebi ahaanba dhibaatada soo gaartay gaarigaasi loo keenay in ciidamadu ugu shaqeeyaan shacabka Gobolka Mudug.
Sidoo kale gaarigani xaajiyada ah waa mid kale oo ka mid ahaa gaadiidka Booliska Gobolka Mudug wuxuu ka mid ahaa gaadiidka lagu soo qaado      dambiilayaasha la soo eedeeyo ee jooga xaafadaha magaalada Gaalkacyo, waxaa gaarigani ay dhibaato ka heysataa dhinaca lugaha hore kaddib markii lagu dhuftay darbi, waxaa sidoo kale jabtay muraayada hore ee gaariga.Cilladaha gaadiidkani burburiyay ayaa intooda badan loo sababaynayaa in ay ka dambeysay kaddib markii gaadiidkani wadayaal ama darawallo looga dhigay dad aan aqoon durugsan u lahayn wadista gaadiidka iyadoo qaar ka mid ah wadayaashaasi lagu soo eedeeyay in ay gawaarida ciidanka u wadaan si kheyru mas’uulnimo ah oo burbur iyo cimri deg deg ku ridaya gaariga, maadaama loogu talo galay hantida dowladda in shacabka loogu shaqeeyo haddana Booliska Gobolka Mudug ma aysan suurta gelin arintaasi.
Kani waa mid kaloo ka mid ah gaadiidka Booliska Gobolka Mudug ee ay  muddooyinkii dambe ciidanku isticmaalayeen, waxaa gaarigani laga keenay Xerada Tababarka Booliska Puntland ee Carmo, wuxuu shaqeynayay muddo kooban, wuxuuna haatan ku jiraa geerash iyadoo aysan jirin cid wax ka qabatay wuxuuna u fadhiyaa qalab la awoodi karo in loo gado.
Illo xog ogaal ah ayaa RAADRAAC u sheegay in gaadiidkani mid kasta uu u fadhiyo dhaqaale aan ka badneyn $900 doolar.
Taliska Booliska Gobolka Mudug wuxuu qaataa dhaqaale mushaar ciidan, dhaqaale xafiiseed iyo mid gaadiidka loogu talo galay in lagu dayactiro, dhaqaalahaasi oo aan ilaa iyo iminka wax looga qaban gaadiidka dayacan ee dhexyaala geerashyada magaalada qaarkood.
Booliska ayaa haatan aan ka jawaabi karin dhacdo kasta oo si deg deg ah magaalada uga dhacda maadaama aysan heysan wax gaadiid ah, sidoo kalena ay ka gaabiyeen in ay dayactirtan gaadiidka ka fadhiya oo ay wax walba ku qabsan karaan haddii ay hagaagsadaan.
Qoraalkan waxaa daabacay Wargayska RAADRAAC oo ah Todobaadle ka soo Baxa Magalada Galkacyo.
Wargeyska RAADRAAC@gmail.com.




Viewing all 54547 articles
Browse latest View live