Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Xiisad dagaal Oo ka taagan Duleedka magaalada Jowhar

$
0
0

Jowhar ( Sh. M. Network )-Waxaa maanta xiisad dagaal iyo saan saan colaadeeed ay ka taagan tahay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.
Xiisadan oo u dhexeysa malaashiyo Beeleed walaalo ah ayaa waxa laga dareemayaa tuulooyinka Dheyman-Same iyo Maandheere oo hoos yimaada magaalada Jowhar ee xarunta gobolkaasi.
Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in dhaq dhaqaaqyo iska hor jeeda laga dareemayo halkaasi, iyadoona laga cabsi qabo in dagaal markale uu ka dhaco deegaanadaasi.
Xiisadan ka taagan duleedka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/ Dhexe ayaa salka ku heyso arrimo la xariira dhul Beeereed ku yaalla halkaasi, iyadoona shalay maleeshiyaadka labada dhinac ay ku dagaalameen deegaanadaasi.
The post Xiisad dagaal Oo ka taagan Duleedka magaalada Jowhar appeared first on Shabelle.


UAE issues updated travel advisory for Emiratis

$
0
0

Wednesday June 20, 2018A travel advisory to 13 countries has been issued by authorities in the UAE, while warning Emiratis against travelling to three countries including Qatar, Lebanon and the mountainous area of Karabakh.The UAE Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation made the announcement in line with the start of summer holidays, warning travellers to steer clear of some countries due to reasons ranging from politics to security and health concerns.insidenewsRegional destinations include war-torn Yemen and Syria, which authorities have warned against travelling to since 2013 due to security situations, alongside Afghanistan, Pakistan, Ukraine, Somalia, Nigeria and the Republic of South Sudan.Caution for travel to Libya and Iraq was released in 2012 and 2013 respectively.The travel advisory for the Democratic Republic of Congo, released in 2016, is among the latest, followed by Madagascar in 2017 due to the plague.Brazil is the newest country to be on the list, having been added in February this year due to security concerns.
advertisements

 

  • Kenya: North East Counties on high alert as Rift Valley Fever kills 13 - Standard Digital
  • Wanted Terrorist Mokhtar Belmokhtar Said to Still Be Alive - VOA
  • Mauritius to sell citizenship and passport - BBC
  • Oprah in Obama’s delegation to Kenya - The Star

Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle

Madaxweyne Farmaajo Oo ka hadlay arrimo ku aadan Heshiiskii Itoobiya

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wareysi gaar ah siiyey Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha horumarineed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tallaabsatay muddadii la soo dhaafay, caqabadaha jira, xiriirka laamaha dowladda iyo arrimaha ay muhiimka tahay in loo iftiimiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan heshiiskii dalka Itoobiya.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in uu waxqabadkiisa ku saleeyey dhaqan siyaasadeed oo mideynaya shacabka Soomaaliyeed kaas oo ka madax bannaan dano shakhsiyadeed, eex iyo qabyaaladda oo uu sheegay in ay yihiin cudurrada wiiqay dowladnimada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo wax laga weydiiyey xiriirka Dowlad Goboleedyada dalka ayaa sheegay in mira dhalkii shirkii Baydhabo ee sanadkan uu soo jitay indhaha caalamka iyo wadammada dariska ah, maadama ay ka soo baxeen qodobbo iyo heshiis taariikhi ah oo ku saabsan qeybsashada khayraadka dalka.
Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu ka warbixiyey guulihii dhaqaale ee la gaaray oo horseeday in daymaha laga cafiyo Soomaaliya, loo ogaalado dib u habaynta lacagta dalka iyo deeqo kala duwan oo ay ku yabooheen beesha caalamku, kaddib markii ay ku qanceen hannaanka hufnaanta ku saleysan ee lagu maamulay dhaqaalaha dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu adkeeyey Madaxbannaanida iyo ilaalinta qarannimada Soomaaliya, isagoona sheegay in xiriir iyo heshiis kasta ay la galeen caalamka uu ku salaysnaa soo celinta magaca Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo sare u qaadista maqaamka ay ku leedahay dunida.
Madaxweynaha oo wax laga weydiiyey heshiiskii dhawaanay ay kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ayaa yiri”Inta badan Madaxda Adduunka markii aan hor fariisanno waxaan kala hadli jirnay Amni oo kaliya, balse booqashadaan uu Soomaaliya noogu yimid Dr.Abiya  waxa uu ahaa mid ku saabsan kor u qaadista xiriirka labada dal, iyadoona lagu saleynayo iskaashi, wax wada qabsi iyo isixtiraam. Dalkastana uu ixtiraamayo madaxbannaanida, jiritaanka iyo qarannimada dalka kale.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in heshiiskan mira dhalkiisu uu muhiim u yahay shacabka Soomaaliyeed maadamaada dalkaasi uu suuq weyn u noqon karo ganacsatada Soomaaliyeed, isagoona meesha ka saaray cabsida laga muujiyey heshiiskan, maadama arrimahan ay asaas u ahaayeen safarrada Gobolka uu ku maray Dr.Abiye oo heshiisyo ku saabsan dekadaha iyo ganacsiga uu la soo galay dalalka Suudaan iyo Jabuuti.
“Waxaan aaminsanahay in aan soo gaarnay heer aan kala hadli karno dalalka kale, gaar ahaan kuwa dariska ah isu socodka xorta ah ee dhaqaalaha iyo bulshada. Waxaan aaminsannahay in ay guul tahay in nala kala xaajoodo arrimahan iyadoona dowladuhu ay aaminsanyihiin in Soomaaliya soo kabsatay, lagu kalsoonaan karo lagalana xaajoon karo horumarka.”
The post Madaxweyne Farmaajo Oo ka hadlay arrimo ku aadan Heshiiskii Itoobiya appeared first on Shabelle.

War deg deg ah:-Qarax gaari Oo goor dhow ka dhacay M/ Muqdisho

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa uu ka dhacay dhabarka dambe ee Waddada Xaaji Baasto, gaar ahaan dhinaca degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Waxaana la sheegay in qaraxa uu ka dhashay gaari nuuca raaxada ah oo la sheegay in lagu soo xiray qaraxaasi.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in gaariga qarxay ay la socdeen wiil iyo gabar, islamarkaana dhaawac culus qaraxaasi uu ka soo gaaray wiilka, halka gabadhana dhaawac fudud uu ka soo gaaray dhanka garabka.
Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in wiilka watay gaariga uu ahaa arday wax ka barta mid ka mid ah Jaamacadaha ku yaalla gudaha magaalada Muqdisho.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, kuwaas haataan baaritaano ka wada halkaasi.
Welina ma jiro wax faah faahin oo ay saraakiisha laamaha ammaanku ka bixiyeen qaraxaasi.
Radioshabelle.com, kala soco wixii soo kordha.
The post War deg deg ah:-Qarax gaari Oo goor dhow ka dhacay M/ Muqdisho appeared first on Shabelle.

R/wasaaare Kheyre Oo la kulmay Xoghayaha guud Ee QM

$
0
0

Oslo ( Sh. M. Network )-Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Oslo ee dalka Norway kulan kula yeeshay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres oo ay ka wada hadleen arrima badan oo khuseeya Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa António Guterres uga warbixiyay guulihii ay Dawladda Soomaaliya gaartay, waxuuna sidoo kale kala hadlay arrimo la xiriira nabad gelyada iyo siyaasadda qaranka, Dhaqaalaha iyo sidii loo sii joogteyn lahaa taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Oslo ( Sh. M. Network )-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka codsaday  Qaramada Midoobay in  taageero buuxda la siiyo Dawladda Federaalka Soomaaliya si ay ugu guuleysato  Qorshaha Horumarinta ee  dalka.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterre ayaa bogaadiyey guulaha la taaban karo oo ay gaartay Dawladda Soomaaliya, waxuuna sheegay in Qaramada Midoobey ay mar walba diyaar u tahay iney taageerto Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sidoo kale kulan la qaatay agaasimaha Xarunta Wadatashiga arrimaha Aadamiga David Harland, waxa ayna ka wada hadleen arrimo badan oo ay kamid tahay xaaladda Bini’aadaninimo ee Soomaaliya
Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa la filayaa in sidoo kale uu kulamo gaar gaar ah la yeesho madaxda kale ee u yimid Norway ka qeyb galka Madasha Oslo.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/06/35644859_16948555639... 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/06/35644859_16948555639... 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/06/35644859_16948555639... 1024w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/06/35644859_16948555639... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/06/35644859_16948555639... 1068w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/06/35644859_16948555639... 631w" sizes="(max-width: 647px) 100vw, 647px" /> http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/06/1-12-640x426-300x200... 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/06/1-12-640x426-631x420... 631w" sizes="(max-width: 645px) 100vw, 645px" /> http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/06/3-6-300x200.jpg 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/06/3-6-768x512.jpg 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/06/3-6-1024x682.jpg 1024w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/06/3-6-696x464.jpg 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/06/3-6-1068x711.jpg 1068w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/06/3-6-631x420.jpg 631w" sizes="(max-width: 642px) 100vw, 642px" /> http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/06/35628292_16948555706... 300w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/06/35628292_16948555706... 768w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/06/35628292_16948555706... 1024w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/06/35628292_16948555706... 696w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/06/35628292_16948555706... 1068w, http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/06/35628292_16948555706... 631w" sizes="(max-width: 641px) 100vw, 641px" />
The post R/wasaaare Kheyre Oo la kulmay Xoghayaha guud Ee QM appeared first on Shabelle.

Golaha Shacabka Oo eedeyn u jeediyay Ciidamada AMISOM

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo la hadlay Warbaahinta ayaa eedeyn kulul u jeediyay Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa ka howlgala garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Mahad Cabdalla Cawad gudoomiye ku xigeenka labaad ee BFS ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM aysan ilaalin sharciga u yaalla dalka, islamarkaana ay ku xad gudbaan mas’uuliyiinta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Guddoomiye Cawad ayaa tilmaamay haddii aan AMISOM lala xisaabtamin laga dhaxli karo arrimahan cawaaqib xumo, sida uu hadalka u dhigay.
Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli shalay Ciidamada AMISOM ay is hor istaag ku sameeyeen guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashiu C/laahi oo ku sii jeeday dalka Kenya.
Halkan hoose ka dhageyso Codka.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/06/cod-2-ismaacil-1.mp3
The post Golaha Shacabka Oo eedeyn u jeediyay Ciidamada AMISOM appeared first on Shabelle.

Guddoomiyaha Camaara Oo beeniyay in xiisad ay ka jirto gudaha deegaankaasi

$
0
0

Camaara  ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha deegaanka Camaara ee gobolka Mudug Yuusuf Salaad Maxamuud oo la hadlay Shabelle ayaa beeniyay in xiisad u dhexeysa maleeshiyaad deegaanka ah iyo Al Shabaab ay ka taagan gudaha deegaankaasi.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwa been abuur ah, islamarkaana haatan xaaladdu ay tahay mid dagan.
Waxaana uu xusay in amniga deegaanku uu yahay mid dagan, islamarkaana la’isku haleyn karo.
Ugu dambeyn Yuusuf Salaad Maxamuud guddoomiyaha Camaara ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaankaasi in ay la shaqeeyaan maamulkooda.
Halkan hoose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/06/cod-mutawakil.mp3
The post Guddoomiyaha Camaara Oo beeniyay in xiisad ay ka jirto gudaha deegaankaasi appeared first on Shabelle.


Faah faahinno ka soo baxaya qarax ka dhacay Muqdisho

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo saakay ka dhacay gudaha degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa uu ka dhashay gaari nuuca raaxada ah oo la sheegay in lagu soo xiray, kaas oo qarxay, xilli uu marayay nawaaxiga Waddada Xaaji Baasto ee magaalada Muqdisho.
Sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay illaa 2 Qof oo uu mid ka mid ah ahaa darawalkii watay gaarigaasi, halka ruuxa kale ay aheyd gabar la socotay Mooto Bajaaj mareysay Waddadaasi, taas oo lagu magacaabo Faadumo Maxamed Cali.
Gaariga qarxay ayaa la sheegay in uu watay mid ka mid ah Ardayda wax ka barata Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeeed, kaas oo magaciisa lagu sheegay Rooble C/laahi Xasan.
Illaa iyo hadda lama oga sababaha rasmiga ee ka dambeeya in ardaygaasi qarax loogu xiro gaarigiisa, mana jirto cid sheegatay masuuliyaddiisa.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, kuwaas oo baaritaano ka sameeyay halkaasi.
Welina ma jiro wax faah faahin oo ay saraakiisha laamaha ammaanku ka bixiyeen qaraxaasi.
Balse waxa uu qeyb ka noqonayaa qaraxan falal amaan dari oo u badnaa dilal qorsheysan oo maalmihii dambe siyaabo kala duwan uga dhacayay gudaha magaalada Muqdisho.
The post Faah faahinno ka soo baxaya qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle.

Jiir lacago ka cunay bangi

$
0
0

Booliska Hindiya waxay sheegeen in Jiirka uu samaystay duleel yar, si uu gudaha ugu galo mashiinka bangiga ee lacagta lagu kaydiyo. Waxayna sheegeen inay amakaageen markii ay fureen alaadda oo ay ugu tageen Jiir dhintay oo cunay lacagta.

Maxay qaxootigu xeryaha ugu laabtaan, xataa haddii dalkooda ay ku noqdaan?

$
0
0

Madiina ayaa sannadkii 2016 waxaa ay go'aansatay inay dib ugu laabato Soomaaliya, balse go'aankaas ayaa waxaa uu horseeday in qaar ka mid ah caruurtii ay dhashay ay ku weydo qaraxii Soobe ee 14-kii bishii Oktoobar ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kenya repatriated thousands of Somali refugees since 2013.

$
0
0

According to a report released by the United Nations High Commission on Refugees (UNHCR) to mark World Refugee Day, the repatriation was done mainly through airlifting owing to poor roads and insecurity posed by the Al-Shabaab militia.
As Kenyans join the rest of the world in marking world refugee day, calls for tolerance, support and humanitarian assistance to families who have fled their countries resonated in Garissa County.
According to the report released, the population of asylum seekers in Kenya declined from 553,900 to 451,100 in 2016, accounting for nearly 20 per cent.

Speaking during Refugee market day in Dadaab town, head of operations in the UNHCR Dadaab Sub-office Jean Bosco Rushatsi noted that 4,949 non-Somali refugees have been relocated to Kalobeyei in Kakuma camp.

The repatriation exercise has however faced a number of challenges.
However, refugees interviewed said they are reluctant to return back to their countries citing lack of crucial amenities such as proper health care and education in addition to insecurity.
Similar sentiments were shared by Mohammed Abdi an officer working with Refugees Education Trust.
Over 50% of the current populations of 208,616 in Dadaab refugee complex have some small businesses to supplement rations from the UNHCR.

The post Kenya repatriated thousands of Somali refugees since 2013. appeared first on Shabelle.

Xubno ka tirsanaa Al Shabaab Oo isku dhiibay Kenya

$
0
0

Nairobi ( Sh. M. Network )-Dowladda Kenya ayaa sheegtay in isku soo dhiibeen shaqsiyaad ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab ee ka dagaalanbta Soomaaliya.
Xubnahan ayaa la sheegay in ay ku lug lahaayeen weerar lagu qaaday 3 macalimiin Kenyaan ah oo ka dhacay magaalada Wajeer ee gobolka waqooyi Bari.
Muumnino Erobo iyo Wiil ay dhashay oo lagu magacabo Cabdiwahaab Cusman Axmed ayaa saraakiisha Kenya ay sheegeen in ay isku dhiibeen Booliska dalkaasi, kadib markii bishii May ee sanadkani la dul dhigay madaxooda lacag gaareysa 1 milyan oo shillinka Kenya ah .
Sidoo kale saraakiisha Booliska Kenya ayaa sheegay in Cabdiwahaab Cusman Axmed uu ka soo dagaalamay gudaha Soomaaliya, islamarkaana uu dib ugu soo laabtay dalkaasi, si ay weeraro uga fuliyo
Haweeneydani iyo Wiilkeeda ayaa la sheegay in haatan lagu hayo saldhigga Booliska Wajeer, halkaas oo su’aalo dheeraad ah lagu weydiinayo.
Ma’ahan markii ugu horreysay oo Kenya ay sheegtay in ay isku soo dhiibeen xubno ka tirsanaa dhaq dhaqaaqa Al Shabaab.
The post Xubno ka tirsanaa Al Shabaab Oo isku dhiibay Kenya appeared first on Shabelle.

Wiil tareen ku dhex dhashay oo safarro bilaash ah loo ballan qaaday

$
0
0

Wiil ku dhex dhashay gudaha tareen magaalada Paris ayaa la sheegay in si bilaash ah uu ku raaci doono gaadidka dadweynaha ee caasimadda ilaa uu ka gaarayo da'da 25 sanno.

Soomaaliland Oo sii deysay Boqor Buur-Madow

$
0
0

Hargeysa ( Sh. M. Network )-Soomaaliland ayaa maanta xabsiga ka sii deysay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-Madow oo muddooyinkii dambe u xirnaa maamulkaasi.
Boqor Madow oo 60 maalmood ku xirnaa xabsi ku yaalla Hargeysa ayaa goor dhaweyd la sii daayay, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo.
Soomaaliland ayaa horay Boqorka ugu eedeysay in uu waday arrimo ka dhan ah jiritaanka maamulkaasi, iyadoona lagu xukumay 3-sano oo xarig ah.
Lama oga sababaha soo dadajiyay sii deynta Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur- Madow oo horay loo cambaareeyay xarigiisa.
Inta badan S/land ayaa xarig kula dhaqaaqda dadka ka soo jeeda deegaanadeeda ee shirarka siyaasadeed ama xafladaha u yimaada dhanka Koonfurta Soomaaliya.
The post Soomaaliland Oo sii deysay Boqor Buur-Madow appeared first on Shabelle.


Nin loo malaynayay inuu dhintay oo dib loo arkay

$
0
0

Nin ka soo jeeda tuulo ku taalla dalka Paraguay ayaa dib ugu soo laabtay gurigooda, ka dib markii la waayay muddo saddex maalmood ah oo ay qoyskiisa u maleeyeen inuu dhintay.

Howlgallo ballaaran Oo laga sameeyay Kismaayo

$
0
0

Kismaayo ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee maamulka Jubbaland ayaa maanta howlgallo ka sameeyuay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay Ciidamadu ka sameeyeen xaafadda Calanley ee magaaladaasi.
Saraakii ka tirsan kuwa Jubbaland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalladaasi lagu soo qab-qabateen illaa 5 ruux oo looga shakisan yahay weerar lagu qaaday Ciidamo ka tirsan kuwa maamulkaasi.
Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in howlgalladu ay sii socon doonaan, iyagoona shacabka ka dalbday in ay la shaqeeyaan.
Howlgalladan ayaa ku soo aaday, xilli mararka qaar falal amaan dari ay ka dhacaan gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulka Jubbaland.
The post Howlgallo ballaaran Oo laga sameeyay Kismaayo appeared first on Shabelle.

Imaaraadka Oo muwaadiniintiisa uga digay in ay u safraan Somalia

$
0
0

Dubia ( Sh. M. Network )-Dowadda isu taga Imaaraadka Carabta ayaa muwaadiniinteeda uga digtay in ay u safraan dalal ay ku jirto Soomaaliya.
War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka ayaa looga digay in muwaadiniinta dalkaasi ay u socdlaan 13 dal oo ay ka mid tahay Soomaaliya.
Waxaana ka mid ah dalalkaasi Afghanistan, Pakistan, Ukraine, Somalia, Nigeria, Koofurta Suudaan,Syria,Ciraaq,Brazil,Congo, Liibiya iyo Yemen.
Digniintan ayaa loo sababeeyay arrimo dhanka amniga ah iyo Qatar soo wajihi karta muwaadiniinta Imaaraadka Carabta, haddii ay tagaan dalalkaasi.
Tallaabadani ayaa imaaneysa, xilli dowladaha Imaaraadka iyo Soomaaliya ay isku khilaafeen go’aankaii dhex dhexaadnimada ahaa oo ay dowladdu ka qaatay khilaafka wadamada Khaliijka.
The post Imaaraadka Oo muwaadiniintiisa uga digay in ay u safraan Somalia appeared first on Shabelle.

'Awoodda Al-Shabaab ma sii kordheyso'

$
0
0

Qiimeyn la sameeyey ayaa sheegeysa in kooxda Al-Shabaab aysan sii xoogeysan, inkasta oo ay dhowaanahan fulisay weeraro dhimasho badan, oo uu ku jiro mid lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada gaarka ah ee Mareykanka.

King Burmadow released from prison after presidential pardon

$
0
0

Somaliland says it has released King Osman Aw Mohamud, known as “Burmadow” from a jail in Hargeisa city on Wednesday.
The release of the elder which was welcomed by locals came following a pardon by Somaliland president Muse Bihi Abdi, according to the sources.
In April, a court in Somaliland sentenced the well-known elder to five years in jail, but, reduced to 3 years after appeals court decision.
King Burmadow has been in jail for three years after he was arrested by Somaliland forces upon returning from Puntland where he attended the coronation of an elder in Armo town.
The court has convicted the elder of making a statement against the “Independence and existence” of Somaliland, a region in northern Somalia.
The post King Burmadow released from prison after presidential pardon appeared first on Shabelle.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live