Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Madaxweyne Farmaajo Oo bilaabay dadaallo lagu xalinayo khilaafka Galmudug

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhex dhexaadin ka dhex bilaabay Madaxda ugu sareysa Galmudug oo mar kale uu soo kala dhex galay khilaaf siyaasadeed oo salka ku haya awoodda iyo heshiiskii Jabuuti ee Ahlusuna iyo Galmudug.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweyne kuxigeenka Maxamed Xaashi Carabey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa maalmo ka hor soo gaaray Muqdisho, kaddib markii dowladda Federaalka ay marti-qaad u dirtay, si khilaafka ka dhex taagan loo xaliyo.
Wararka laga helayo Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu shalay la kulmay labada dhinac ee khilaafka u dhaxeeya, iyadoo kulanka ahaa kuwo albaabada u xirnaa.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa la sheegay in Madaxweyne Farmaajo u gudbiyay dacwad ah inuu tuhunsan yahay in khilaafka ka jira Galmudug ay ku lug leedahay Xukuumadda, isla markaana Madaxda sare ee dowladda looga baahan yahay inat faragelinta ka daayaan Galmudug.
Sidoo kale Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa waxay meesha ka saareen in Xukuumadda Soomaaliya ay faragelin ku heyso Galmudug, laakiin ay sheegeen in ay iyagu ay diidan yihiin isbedel lagu sameeyay qodobada qaar ee Dastuurka iyo in la hareer maray heshiiskii Jabuuti ee Ahlusuna iyo Galmudug.
Dhinaca kale Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa la filayaa inuu soo gaaro Muqdisho, si uu qeyb uga noqdo wada hadalada lagu heshiisiinayo.
Madaxda Galmudug ee khilaafka u dhaxeeyo ayaa todobaadyadii u dambeeyay ku kala sugnaa magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb, waxaana labada dhinac ay hawada isu mariyeen eedeymo kala duwan.
The post Madaxweyne Farmaajo Oo bilaabay dadaallo lagu xalinayo khilaafka Galmudug appeared first on Shabelle.


Dagaal khasaaro geystay Oo ka dhacay degmada Qoryooley

$
0
0

Qoryooley ( Sh. M/ Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo barqanimadii maanta ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolka Sh/ Hoose.
Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa uu yimid kadib markii Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin Ciidamada milatariga dowladda ay ku leeyihiin Buundada degmadaasi.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalkan, iyadoona labada dhinac guulo ay ka sheegteen dagaalkaasi.
Al Shabaab oo ka hadlay weerarkan ayaa sheegay in illaa 2 askari oo ka tirsanaa Ciidamada dowladda ay ku dileen weerarkaasi iyo dagaalka xigay.
Sidoo kalena tiro intaasi ka badan ay ku dhaawaceen halkaasi, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka.
Dhinaca kale saraakiil ka tirsan kuwa dowladda oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerarkaasi, kuna dhaawaceen laba ka tirsanaa Al Shabaab, sida ay hadalka u dhigeen.
Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona weli dhawaqa rasaasta laga maqalyo qeybo ka mid ah degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Laba maalin ka hor ayey aheyd markii Al Shabaab weerar culus ay ku qaadeen isla degmadaasi, kuna dileen Askar ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya.
The post Dagaal khasaaro geystay Oo ka dhacay degmada Qoryooley appeared first on Shabelle.

Rag hubeysan Oo Qof shacab ahaa ku dilay Siinaay

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kooxo hubeysan ayaa barqanimadii maanta Qof shacab ahaa ku dilay gudaha Suuqa Siinaay ee magaalada Muqdisho.
Marxuumka la dilay ayaa la sheegay in markii hore dhaawac uu ka soo gaaray weerarkan, balse markii dambe uu ku geeriyooday Isbitaalka.
Sida ay Shabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah kooxihii ka dambeeyay dilkaasi ayaa goobta isaga baxsaday.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Marxuumka la dilay uu ahaa Ganacsade Harqaan ku lahaa Suuqa Siinaay ee magaalada Muqdisho.
Illaa iyo hadda lama oga u jeedada rasmiga ah ee ka dambeysay dilka loo geystay Marxuumkaasi.
Welina ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka dowladda oo ku aadan dilkaasi.
Waa dilkii labaad oo muddo 24 saac gudahood ka dhaca Isgoyska Siinaay, iyadoona shalay lagu dilay Askari ka tirsanaaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
The post Rag hubeysan Oo Qof shacab ahaa ku dilay Siinaay appeared first on Shabelle.

Itoobiya oo ka digtay qaraxyo mar kale ka dhaca dalkeeda

$
0
0

Addis Ababa ( Sh. M. Network )-Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay dhici karaan qaraxyo hor leh oo ka dhaca gudaha dalkaasi, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara xaaladda ammaanka ee dalkaasi.
Wasiirka Isgaarsiinta dalka Itoobiya Axmed Shide ayaa xusay in qarax la mid midkii magaalada Addis Ababa ka dhacay todobaadkii la soo dhaafay uu dhici karo.
Wuxuuna intaasi ku daray in ciidamada ammaanka ee dalkaasi ay wadaan sidii ay uga hortagi lahaayeen weerar midkaasi la mid ah.
Axmed Shide wasiirka Isgaarsiinta ee dalka Itoobiya ayaa shacabka dalkaasi ugu baaqay in ay ka feejignaadaan dhibaatooyin ka dhaca gudaha dalkaasi.
Todobaadkii hore  ayaa waxaa fagaare ku yaalla M/ Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya oo ay isugu yimaadeen kumanaan ruux oo ahaa taageerayaasha ra’,iisul wasaaraha dalkaasi waxaa ka dhacay qarax khasaare geystay.
The post Itoobiya oo ka digtay qaraxyo mar kale ka dhaca dalkeeda appeared first on Shabelle.

Gaas Oo isku shaandheyn ku sameeyay Agaasimeyaasha Wasaaradaha Puntland

$
0
0

Garoowe ( Sh. M. Network )-Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas madaxweynaha Puntland ayaa maanta isku shaandheyn ku sameeyay qaar ka mid ah Agaasimayaasha Guud iyo Agaasime waaxeedyo ka tirsan wasaaradaha maamulkaasi.
Halkan hoose ka Akhriso:-Wareegtada.
Xeer Madaxweyne Lr.74 ee June 27 2018 kuna saabsan isku shaandhayn Agaasimayaal Guud iyo Agaasime waaxeedyo.
Madaxweynaha Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Puntland.
Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waaya aragnimadooda shaqo
Markuu latashaday: Madaxweyne kuxigeenka Puntland
Markuu Tixgeliyey: baahida loo qabo habsami usocodka hawlaha
wasaaraddaha
Wuxuu Xeeriyey:
Waxaa Axmed Cali Shire (Kayse) oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo waraabka.
Waxaa Ibraahim Xareed Cali oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo waraabka loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.
Waxaa Aadan Caabi Samatar oo ahaa Agaasimaha waaxda Hotumarinta Xoolaha loo magacaabay Agaasimaha waaxda caafimaadka xoolaha.
Waxaa Cabdirxmaan Maxamed Jaamac oo ahaa Agaasimaha waaxda caafimaadka xoolaha loo magacaabay Agaasimaha waaxda Horumarinta Xoolaha.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.
=DHAMMAAD=
The post Gaas Oo isku shaandheyn ku sameeyay Agaasimeyaasha Wasaaradaha Puntland appeared first on Shabelle.

QM Oo sheegtay in kumanaan caruur ah tacdiyo loogu geystay dalal ay ku jirto Soomaaliya

$
0
0

New York ( Sh. M. Network )-Warbixin ay dhawaan soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in sanadkii la soo dhaafay ilLaa 10,000 oo caruur ah tacadiyo kala duwan loogu gEystay caalamka.
Qaar ka mid ah caruurtaasi ayaa la askarayey, halka kuwa kalena la wareeray dugsiyadoodii waxbarasho sidaasi waxaa sheegay sarkaal ka tirsan QM.
Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa xustay in dalalka ay ka dhaceen dhibaatooyinkaasi ay ka mid yihiin Iraq, Burma, Central African Republic, the Democratic Republic of the Congo, South Sudan, Syria,Nigeria,Yemen iyo Somalia.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in 21,000 oo xadgudubyo loo geystay caruurtaasi oo ku nool dalal dhowr ah oo ay weli ka taagan yihiin colaado iyo dagaallo sokeeye.
Qaramada Midoobay ayaa Xarakada Al Shabaab ku eedeeysay in ay afduubeen illaa iyo  1,600 caruur ah, kuwaas oo ay qaarkood askareeyeen, sida lagu sheegay warbixinta.
Ugu dmabeyn wakiilka gaarka ah ee xogyaha guud ee QM u qaabilsan dhinaca caruurta iyo colaadaha hubeysan Virginia Gamba ayaa sheegtay in wadamada qaarkood ay caruur badan ka horjoogsadeen taageero gargaar oo ay ka heli lahaayeen hay’adaha gargaarka.
The post QM Oo sheegtay in kumanaan caruur ah tacdiyo loogu geystay dalal ay ku jirto Soomaaliya appeared first on Shabelle.

Haweeney isku dishay Wabiga Shabelle Ee degmada Balcad

$
0
0

Balcad ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in haweeney ka mid aheyd dadka deegaanka ay maanta isku tuurtay Wabiga Shabelle, xilli ay saarneyd Buundada degmada Balcad ee gobolkaasi.
Haweeyneydan ayaa lagu magacaabi jiray Maryan Xaaji Abuukar Sheekh Axmed, waxaana la sheegay in madaxa looga jiray.
Si aan wax badan uga ogaano dhacdadaasi ayaan la xariirnay Ugaas Maxamed Weli oo ka mid ah dadka deegaanka, kaas oo Idaacadda Shabelle uga warbixiyay falkaasi.
Halkan hoose ka dhageyso Codka.
http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/06/Cod-Turki-.mp3
The post Haweeney isku dishay Wabiga Shabelle Ee degmada Balcad appeared first on Shabelle.

Gabar Wariye ah Oo lagu dhaawacay M/ Muqdisho

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Nin hubeysan ayaa maanta agagaarka Isgoyska Dabka ee M/ Muqdisho ku dhaawacay Farxiyo Mire oo ah Wariye ka tirsan Warbaahinta dowladda.
Illaa laba xabadood ayaa la sheegay in uu kaga dhuftay Caloosha iyo Lugta, waxaana loola cararay mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho.
Ciidamada ammaanka ee DFS oo goobta ka agdhowaa ayaa lagu soo warramayaa in ugu dambeyn ay gacanta ku dhigeen ninkaasi.
Dhinaca kale warar kala duwan ayaa ka soo baxaya falka lagu dhaawacay gabadhaasi, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in la shirqoolay.
Faadumo Sheekh C/laahi oo ka mid ah Wariyeyaasha ka howlgala Muqdisho, islamarkaana hal guri ay ku wada noolaayeen Farxiyo Mire ayaa Shabelle uga warbixisay, sida ay wax u dhaceen.
Halkan hoose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/06/Faadumo-cabulaahi-sheikh.mp3
The post Gabar Wariye ah Oo lagu dhaawacay M/ Muqdisho appeared first on Shabelle.


Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo dib ugu soo laabtay dalka

$
0
0

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo saddaxdii maalin ee lasoo dhaafay booqasho rasmi ah ku joogay dalka Jamhuuriyadda jabuuti ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ,waxaana garoonka diyaaradaha ee dalka magaaladda muqdisho kusoo dhoweeyay Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka.
Cabdi kariin Xaaji Cabdi Buux oo ah Xoghhayaha Guud ee Golaha Shacabka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in mudada uu ku sugnaa Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka dalkaasi Jabuuti uu kullamo la qaatay madaxda dalkaasi.
Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya iyo wafdi xildhibaano ah oo u hogaaminayo ayaa intii ay ku sugnaayeen dalka jamhuuriyada jabuuti waxa ay kulamo halkaasi kula soo qaateen madaxda wadankaasi oo uu ugu horeeyo madaxweynaha jamhuuriyada jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geeele iyagoo sidoo kale ka qeyb galay 27-ka june oo ah sanad guuradii 41-aad ee kasoo wareegatay markii ay jabuuti xornimada qaadatay.
The post Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo dib ugu soo laabtay dalka appeared first on Shabelle.

Maxay yihiin kooxaha qalalaasaha ka wada Mozambique?

$
0
0

Waxaa dhowaanahan sii kordhayayey qalalaasaha ka dhacay gobolka Cabo Delgado ee dalka Mozambique.

Kulanka Trump iyo Putin oo ka dhacaya Helsinki

$
0
0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin, ayaa kulankoodii ugu horreeyey oo rasmi ah waxa ay 16-ka July ku yeelan doonan magaalada Helsinki ee dalka Finland.

UN, AU envoys conduct security assessment on transition plan in Somalia

$
0
0

Thursday June 28, 2018A team from the UN and African Union missions in Somalia ended a three-day visit to southern Somalia on Thursday to assess ongoing preparations for transfer of security responsibilities to the government.Francisco Madeira, Special Representative of the Chairperson of the AU Commission, and Lisa Filipetto, head of the UN Support Office in Somalia, visited Kismayo and Baidoa to gain a better understanding of challenges facing AMISOM's activities in the various sectors."For us, the more immediate concern is to see how our forces are operating, are faring, how our police forces are doing and also what challenges they are facing and how we can address them together," Madeira said in a statement issued in Mogadishu.He said preparations are part of a multifaceted plan to increase the involvement of federal and state governments in the affairs of the country as part of the UN Security Council which authorized condition-based transfer of security responsibilities to Somali national security forces.The AU envoy said the trip was aimed at preparing staff in Mogadishu and in the sectors for the transition which commenced in December 2017 with the reduction of 1,000 AMISOM soldiers."We are in transition, we have to prepare ourselves for the transition and I came here to see what we already have in place for the process, the needs, the possible challenges we might face and the priorities that we need to put in place in preparation for the transition," Madeira said.Both Madeira and Filipetto assessed various AMISOM activities in the field to get firsthand information on the challenges faced by the staff.Ads By Google AMISOM has developed a conditions-based transition plan to transfer the national security responsibility from the AU troops to the Somali security forces guided by the rule of law and respect for human rights."We can hear a lot when we are in the headquarters but it is important that we come on the ground and see the challenges faced," Filipetto said.She said the two missions will work closely with AMISOM to improve coordination and service delivery to enable the former deliver its mandate as per the UN requirements.The visit comes at a time when the peacekeeping force is expected to further reduce its forces in the country in accordance with the United Nations Security Council Resolution.The AU mission, Somalia AMISOM and development partners have agreed on a transition plan, which was the topic of discussion at a high-level meeting in Brussels in May.In 2017, the UN Security Council authorized a gradual troop reduction amid transition of security responsibility to Somali National Security Forces.
advertisements

 

  • 15 dead, 70 injured as fire razes Gikomba market in Nairobi - Daily Nation
  • US Muslim leaders happy with Turkish election results - Anadolu Agency
  • Experts say women in US face more sexual violence than women in Somalia and Afghanistan - The Daily Caller

Maxay Soomaalida Itoobiya uga dhigan tahay ceelasha shidaalka ee deegaankooda?

$
0
0

Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horreysay waxa ay maanta xariga ka jartay wax soo saarka ceelal laga qodo Shidaalka ceyriin oo ku yaalla deegaanka Soomaalida.

Cabdikariin Qalbi-Dhagax oo lasii daayey

$
0
0

Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax oo ahaa sarkaal ka tirsan ururka ONLF oo ay bishii August ee sannadkii hore dawladda Soomaaliya u gacan gelisay dawladda Itoobiya ayaa maanta laga sii daayey xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa.

Senegal oo ka hartay koobka adduunka

$
0
0

Xulka kubadda cagta Senegal ayaa ka haray koobka adduunka, kadib markii laga adkaaya cayaartii ugu dambeysay ee ay caawa dheeleen

Colombia ayaa 1-0 kaga adkaatay Senegal, waxaana dalkan uu noqday kii ugu dambeeyey ee Afrikan ah oo ka hara koobka adduunka, mana jiro dal qaaradda Africa matalaya oo ku haray koobka

Group-ka H oo ay labadan dal ku wada jiraan ayaa waxaa 6 dhibcood kaalinta koowaad ku galay Colombia, halka Japan ay 4 dhibcood kaalinta labaad ku xaqiiqsatay.

Japan iyo...


Midowga Yurub oo ku kala qaybsan arrinta muhaajiriinta

$
0
0

Shir madaxeedka Midowga Yurub ee ballaaran ayaa dhammaan kara ayadoo aan wax natiijo ah laga gaarin sidii xal loogu heli lahaa khilaafka la xiriira sidii laga yeeli lahaa soogalootiga sharci darrada ah.

Nigeria: Gaari shidaal ah oo uu dab qabsaday ayaa lagu dhamaaday

$
0
0

Gaari shidaal waday ayaa caasimada dalka Nigeria ee Lagos waxaa lagu soo waramayaa inuu dab qabsaday. Saraakiisha gurmadka ayaa sheegaya inay dhinteen sagaal qof.

20 sano kadib Itoobiya iyo Eretria oo soo afjaraya loollan uu dhiig badan ku daatay

$
0
0

Saddex bilood kahor xisbiga talada dalka Itoobiya haya ayaa soo magacaabay Raisul Wasaare cusub, kadib iscasilaaddii kadiska ahayd ee hoggaamiyihii hore.

Britain oo Midawgya Yurub ugu baaqday in ahmiyad la siiyo ammaanka shacabka

$
0
0

Hoos u dhac ayaa ku iman doona ammaanka muwaadiniinta, hadii UK ay ka baxdo heshiisyada dhanka ammaanka ee ay ku jirto marka ay ka baxdo Midawga Yurub.

Australia oo lagu taageeray xardhid la'aanta sigaarka

$
0
0

Dalka Australia ayaa ku guulaystay muran wayn oo dhanka ganacsiga ah, kaas oo ku saabsanaa in aan waxba lagu xardhin baakadaha sigaarka, arrintaasna waxaa ku taageertay Hay'adda Ganacsiga Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WTO.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live