Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Puntland Government Supports Kenya Intervention in Southern Somalia

$
0
0

Puntland State of Somalia
Garowe
PRESS RELEASE
27 October 2011
 
Puntland Government Supports Kenya Intervention in Southern Somalia
 Following the Puntland President’s remarks on 19 October in London and again on 26 October in Garowe, the Government of Puntland State of Somalia supports the Kenyan military intervention in parts of southern Somalia to bolster the ongoing Somali-led military campaign aimed at dislodging Al Shabaab terrorists from Jubba Valley regions.
 It is not surprising to recall that the Kenyan Government trained forces of the Transitional Federal Government (TFG) inside Kenya, aiming to liberate the Jubba Valley regions and to ensure the security of Somali regions bordering Kenya. This initiative has produced tangible results in Gedo region and parts of Lower Jubba region.
Puntland Government does not see the Kenyan military intervention as a violation of Somali sovereignty, as the security interest of the whole IGAD region is inter-connected.
In line with the IGAD Communiqué of June 2010, Kenya has a legitimate right to defend its own security and to provide assistance to Somalis already engaged to liberate their home regions from terrorist groups, including many foreign fighters.
As terrorist groups pose a great threat to the peace, security and stability of Somalia and the wider region, it remains vitally important to implement a holistic common strategy to neutralize the terrorist threat in the whole region.


Uma arko xuquuq ay heleen, sidaa daraadeed uma hambalyeynayo. Waanse u duceynayaa in Alle tuso, kuna toosiyo waajibkaa la saaray ee muddan in siduu yahay loo xambaaro.By: Axmed-Keyse Cali Rooble

$
0
0

 
Mudo dheer ayey dhalinayradu qaylinaysay, ayna quud dareynayeen in
qaybtooda laga siiyo xilalka qaranka. Waayo, way qaadi karaan. Meelaha
qaarkoodna, waxayba u eegtahay in iyaga cid uga qumani aanay
jirin.Wakhti ayey qaadatay sidii loola qaadan lahaa fikirkan. Waayo,
waxay bulshadu ku dhisantahay fikir gaboobay oo ah ”qof yar tallo ha
weydiin”.
 
Dhanka kale marka laga eegana, xilalka qaranka ayaaba iska noqday
meelo laysaga shaqo tago, meherad ahaana loo isticmaalo. Laysna
aaminsiiyey, in qofka weyni uga baahi badan yahay ka yar. Waayo,
masruuf badan ayaa laga rabaa, ka yar’se waxaaba la arkaa in cid wax
ka sugeysa aanay jirin! Waana meelaha musiibaddu inaga haysato. Waana
arin keentay in aan noqono bulsho fadhiid ah.
Si kasta oo ay tahay, dhalinyaraddu ma quusan, wakhti dheer ayeyna ka
dhursugeyeen bal in fikir kan dhaama uu mar uun ku dhalan doono da’
weynta; ayna dadka iyo dalka u daneyn doonaan. Waayo, waxay
dhalinyaradu dareensanyihiin, in dal lagu dhisi karo caqli cusub.
Wakhtigan maanta la joogana ayba tahay waajib, in caqli cusub la
helaa. Waayo, dunidda maanta lagu nool yahay ayaa ah mid deg deg isu
bedelaysa, kuna shaqeynaysa hab iyo hanaan casri ah.
Waase Alle mahaddii, haddii maanta la gartay arintan oo ay
amaanteedana leeyihiin dhalinyaradii isku hawshay, iyo wakiiladii
hagar la’aanta u meel mariyey.
Waxaase layaab igu noqday dareenadda dadka qaar ka bixiyeen wax ka
bedelka xeerkan lagu sameeyey. Kuwaas oo muujiyey dareen werwer, iyo
kalsooni laa’aan ay ka qabaan dhalinyarada; iyagoo ku doodaya in
da’dan 25 jirku tahay mid aan masuuliyad qaadin karin.
Ma garan karo meel aan ka keenay fikirka odhanaya 25 jir waa qof yar
oo aan masuuliyad qaadi karin. Dhaqankeena miyi waa mid laga
dheregsanyahay wakhtiga uu qofku gaashaan qaadka ku noqdo.
Ninkii gabyey waa kii lahaa:
Wiil laba iyo tobban jiray, hadduu lali ahaan waayo,
Marti laylka timi, haddu luun ka roggi waayo,
Ragganimo ludeed kuma mudnee, liilye hala ogaado!
Dhanka kale, dhaqanka magaalo ee bulshooyinka dunidda ku dhaqanina,
wuxuu dhigay in 18 jir loo doodrto baarlamaan.
Hadal iyo gun, waxay ila tahay in aan dhalinyaradda la shaqeyno,
dhisno wacyigeeda, tusnana waajibka ummaddeed ee laga rabo. Haddii aan
intan ku guuleysano, waxaa hubaal ah in mustqabal fiican aan gaadhi
karno.
Axmed-Keyse Cali Rooble
Ahmed.roble@gmail.com 
 
—————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.

Daah Furka Beybalada Ahlu-Kitaabka Qeybtii 5aad‏, W/Q: Calinuur Xoogsade

$
0
0

 
Hadaba aqristow si aan wax badan ugu ogaano xaqiiqda Beybalka loo yaqaan Cahdigii Hore waxaan qormadana kusoo gudbin doonaa Qoraalada Cahdigii Hore ku qoran ee muujinaya iskhilaafka ka dhexeeya qormooyinkiisa, taasoo cadeyneysa inuusan aheyn Waxyi Saafi ah oo xaga Rabiga ka yimid, waxaan horey usoo qaadanay laba Tusaale markana Tusaalihii sadaxaad.
 
Tusaalaha Sadaxaad ee muujinaya Qoraalada iskhilaafsan ee ku Qoran Beybalada Yuhuuda ama Cahdigii Hore waxaa ka mid ah.
Rabi inaan la arki Suuradiisa iyo in la arki karo karo, weliba Nabiyaal iyo Dad kalaba in ay arkeen.
Kitaabka loo yaqaan Ishacyaah Qeybta 45aad Nambarka 15aad waxaa ku qoran sidan soo socota.
Ishacyaah/45:15- Illaaha oo ah Badbaadiyow sida runta ah waxaad tahay Illaah is qariya.
Waxaana la macna ah Qoraalka Ishacyaah Qoraal kale oo ku yaala Baxniintii Qeybta 33aad Nambarka 20aad kaasoo sheegaya inuu Illaah Nabi Muuse ku yiri: Wejigeyga ma arki kartid, taasoo ah inaan Illaah cidna arki Karin.
Baxniintii.33:20- Oo wuxuu yidhi, Adigu Wejigeyga arki kari meysid, waayo Dad i arkaa noolaan maayo.
Qoraalada ay Sheegeen Ishacyaah 45:15 iyo Baxniintii 33:20 waxaa beeninaya oo khilaafsan Qoraalada kale ee ku yaala Beybalada Yuhuuda kuwaasoo oo sheegaya in Rabi ay arkeen Dad badan oo Nabiyaal ku jiraan, weliba qoraalda qaar ayaa sheegaya in Rabi si toos ah u wada lagdameen Nabi Yacquub habeen ilaa waaga ka dilaaco.
Baxniintii;24:9/10/11- Kolkaasaa waxaa kor u fuulay Muuse iyo Haaruun iyo Nadaab iyo Aabihii iyo Todobaatan oday oo reer banu Israa’iil ah.
10- Markaasaa waxay arkeen Illaahii reer banu Israa’iil, oo waxaa cagihiisa ka hooseeyay salax dhagax safeyr ah oo sida Samada u daahirsan.
11- Oo odayaashii reer Banu Israa’iil far muusan saarin, oo Illaah bay arkeen, waxna wey Cuneen oo cabeen.
Hadaba hadii Beybalka marna leeyahay lama arki kari Illaah oo waa [mid is qariya] weliba waxaa intaas dheer [Dad i arkaa noolaan maayo] markalana waxaa ku qoran in dad gaaraya 74 ruux la yiri [waxay arkeen Illaahii] waxaana weliba la yiri [far muusan saarin] taasaoo loola jeedo inaysan dhibaato gaarin oo aysan dhiman, hadlakaasoo lid ku ah kan aan kor kusoo sheegnay, marka sideen ugu kalsoonaan karnaa Qoraalo ayagaba isburinaya inta aanan u ban dhigin Caqli ama Diinta Islaamkaba!
Waxaan weliba intaas ka sii yaab badan in Qoraalda Beybalada Yuhuuda qaar Rabi ka bixiyaan tilmaamo dad ay Shabiyaan amaba ay wax Argagax leh ku sheegaan, si aan usoo koobo arimahaas faraha badan waxaan kasoo qaadanayaa Qisadan ku qoran kitaabka loo Yaqaan Bilowgii taasoo kaaga filan kuwa kale.
Biloowgii;32:22 ilaa 32aad Lagdentii Yacquub
22- Kolkaasuu kacay Habeenkaas oo wuxuu kaxeystay labadiisii naagood iyo labadiisii adoomood, iyo koob iyo tobankiisii Caruurta aheyd, oo wuxuu ka gudbiyay Tog Yabboq marinkiisii.
23- Wuuna kaxeeyay iyagii oo wuxuu u diray Durdurka shishadiisa, wixii uu heystayna wuu gudbiyay.
24- Markaasuu Yacquub kaligiis hadhay, nin baana la legdamay isaga ilaa waagu beryayay.
25- Oo markuu arkay inuusan ka adkaaneyn ayuu taabtay godkii bowdadiisa, bowdadii Yacquubna way Murgacatay intuu la lagdamayay Isagii.
26- Markaasuu yidhi isii daa, maxaa yeelay waagii waa beryayaa, Isna wuxuu yidhi kusii deyn maayo, inaad I barakeysid mooyee.
27- Markaasuu ku yidhi: magacaa? Isna wuxuu yidhi: Yacquub.
28- Markaasuu ku yidhi: magacaaga had aka dib lama oran doono yacquub, waase Israa’iil, waayo Illaah iyo Dadba waa la dagaallantay, wanad ka adkaatay.
29- Yacquubna wuu weydiiyay oo wuxuu ku yidhi: Waan ku baryaaye iisheeg magacaaga? Oo wuxuu yidhi: bal maxaad u heybsaneysaa magaceyga?  Halkaasuuna ku Barakeeyay.
30- yacquubna meeshaas magaceedii wuxuu u bixiyay Fenii’iil, waayo wuxuu yidhi: Illaah foolka fool baan u arkay, nafteyduna wey nabad gashay.
31- Qoraxdiina waxay soo baxday markuu Fanuu’iil dhaaftay, Isna bowdadiisii buu ka dhutinayay.
32- Sidaa daraaddeed ilaa Maantadan reer binu Israa’iil seedda Misigta oo ku dul taal Godka bowdada; maxaa yeelay, wuxuu taabtay Godkii bowdadii Yacquub xagga seeda misigta.
Hadaba aqristow si aad u fahamto hadii aan si kooban u qoro Sheekadan cajiibka badan ee Beybalka Yuhuuda ee Cahdigii Hore ku qoran waxay leedahay sidatan:
Habeen buu Nabi Yacquub u baxay safar asagoo ay wehliyaan Laba xaas oo uu qabay iyo Caruurtiisii 11ka aheyd iyo Laba qof oo Adoomihiisa ahaa.
Mar ayuu uga hary Yacquub Qoyskii meel Tog ah ayuu waxaa uu la kulamay Illaah waana wada lagdameen Yacquub iyo Illaah, laga bilaabo habeen ilaa laga gaaro waa berigii, [Markaasuu (Illaah) arkay inuusan ka adkaaneyn (Yacquub)] [markaasuu (Illaah) yidhi isii daa (Yacquubow)] maxaa yeelay [waagii baa baryaya] laakiin yacquub oo sheekadan tilmaameyso inuu ka awood roonaa Illaah ayaa yiri [kusii deyn maayo inaad I barakeysid mooyee] Rabina si loosii daayo oouu u barakeeyo ayuu yiri [magacaa] Yacquubna waxaa uu ku jawaabay Yacquub!
Intaas ka dib Rabi ayaa yiri: [Magacaaga hada ka dib lama odhan doono Yacquub, waase Israa’iil] , sheekadan waxay leedahay Rabi ayaana yiri sababta aan magacaas kuugu bixinaya waa inaad [Illaah iyo Dadba waad la dagaalantay waanad ka adkaatay] .. gabagabada qisadan yaabka badana waxa ay leedahay inuu Yacquub yiri: meesha aan Illaah kula lagdamay waxaa la yiraahdaa [Fenii’eel] waxaanan ula lagdamay fool ka fool oo waxa uu yiri: [Illaah fool ka fool baan u arkay nafteyduna waa nabad gashay] arintaas oo meesha ka sareysa Qoraaldii Beybalka ku qornaa ee sheegayay inaanan Illaah la arki Karin, Ruuxii arkaana uusan noolaaneyn!
Hadaba aqristow si aad uga sii bogato Qoraalada isburinaya ee iskhilaafsan ee Beybalada ka buuxa la soco Qormooyinta taxanaha daahfurka Beybalada, waxaanan idin xasuusinayaa Qoraalada Beybalka inaan aniga Turjumin oo aan kasoo guuriyay Beybalo af soomali loo Turjumay si aanan u noqon ruux siduu doono u fasirtay Qoraalada oo ku tunmanaya Caqiido Dad kale iyo Xormada Kitaabadooda ay u hayaan..!
W/Q: Calinuur Xoogsade
         asadxg@hotmail.com
—————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
 

OGEYSIIS

$
0
0

 
Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan Beesha Habaryoonis ee deggan magaalada Helsinki iyo nawaaxigeeda ee Waddanka Finland, inay ka soo qayb galaan Shir Muhiim ah oo lagaga hadli doono arrimo la xidhiidha Dana ha iyo horumarinta Beesha.
 
 
Waxaa la idiinka codsanayaa in laga soo qaybgalo, waqtigana la ilaaliyo, goobta lagu qabanayo shirka waa Töölöntorinkatu 2 A 00260, Helsinki Waqtiga : 16:00 – 21:00 galabnimo ee Maalinta Axada 30.10.2011
 
Wixii macluumad ee dheeraada kala-soo xidhiidh
Farax-jees
 
Allaa-Mahad Leh
 
Helsinki, Finland

Dad ku Dhintay Weerar ka Dhacay Mandheera

$
0
0

Ugu yaraan 4 qof ayaa dhintay kaddib markii niman hubeysan ay weerar ku qaadeen gaari marayay meel u dhow degmada Mandheere ee gobolka woqooyiga bari ee Kenya. Afartan qof ee dhintay ayaa waxay ka tirsanayeen wasaaradda waxbarashada ee dowladda Kenya.
Weerarkan ayaa kii ugu dambeeyay ee weerarro is xig xiga oo ka dhacayay  gudaha waddanka, taasoo daba socota howlgallada military ee ay Kenya ku gashay Soomaaliya iyadoo baacsanaysa xoogagga al-Shabab,
Dowladda Kenya ayaa Al-Shabaab ku eedeysay afduubyo dhowr ah oo waddankeeda loogu geystay dad shisheeye ah oo lagala tallaabay xuduudda.

Dad ku Dhintay Weerar ka Dhacay Mandheera

$
0
0

Ugu yaraan 4 qof ayaa dhintay kaddib markii niman hubeysan ay weerar ku qaadeen gaari marayay meel u dhow degmada Mandheere ee gobolka woqooyiga bari ee Kenya.

Afartan qof ee dhintay ayaa waxay ka tirsanayeen wasaaradda waxbarashada ee dowladda Kenya.

Weerarkan ayaa kii ugu dambeeyay ee weerarro is xig xiga oo ka dhacayay  gudaha waddanka, taasoo daba socota howlgallada military ee ay Kenya ku gashay Soomaaliya iyadoo baacsanaysa xoogagga al-Shabab,

Dowladda Kenya ayaa Al-Shabaab ku eedeysay afduubyo dhowr ah oo waddankeeda loogu geystay dad shisheeye ah oo lagala tallaabay xuduudda.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya oo baaq udiraya Soomaalida kunool dalka Kenya

$
0
0

 
line-height:normal;mso-outline-level:2">
font-family:"Arial Unicode MS","sans-serif";color:#222222;background:white">Nairobi(OWN)- Danjiraha Dowlada KMG ee Soomaaliya  ufadhiya  dalka Kenya Maxamed Cali  Nuur  ayaa ugu baaqay shacabiga soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya in ay   is dejiyaan oo aasan muujin wax  cabsi ah xiliga ay  laamaha amaanka dalka Kenya wadaan baadhitaano  lagu raadsanayo kooxda  al shabaab dadka la shaqeeya.
line-height:normal;mso-outline-level:2">
font-family:"Arial Unicode MS","sans-serif";color:#222222;background:white"> 
line-height:normal;mso-outline-level:2">
font-family:"Arial Unicode MS","sans-serif";color:#222222;background:white"> Maxamed Cali  America ayaa sidoo kale jaaliyada soomaaliyeed ugu baaqay  in aasan sharci la’aan  magaalada u bixin oo sharciyadooda qaataan halka kuwa aan sharciga lahayna uu ugu baaqay in ay iska diiwaan geliyaan Hay’ada Qaxootiga Aduunka ee UNHCR.
line-height:normal;mso-outline-level:2">
font-family:"Arial Unicode MS","sans-serif";color:#222222;background:white">  Alshabaab ayaa dalka Kenya ka sameeyay afuubyo dhowr  ah oo is xig xiga    waxaana ka mid ahaa afduubyadii ugu foosha xumaa  laba gabdhood oo u shaqaynayay  ururka dhakhaatiirta aan soohdinta lahayn ee Spain  kuwaasoo adeegyo caafimaad u samaynayay somalida ku soo qaxday xeryahay dalka Kenya. 

line-height:normal;mso-outline-level:2">
font-family:"Arial Unicode MS","sans-serif";color:black">Cabdi Xasan Cilmi
line-height:normal;mso-outline-level:2">
font-family:"Arial Unicode MS","sans-serif";color:black">Oodweynenews.com/Muqdisho
line-height:normal;mso-outline-level:2">
font-family:"Arial Unicode MS","sans-serif"">cxcilmi@gmail.com

Shabaab Oo Gaadiid Ku Xanibay Beledweyne Kadib Markii Ay Cabsi Xoog Leh Soo Wajahday

$
0
0

Maleeshiyada Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku xanibay gaadiid u badan kuwa xamuulka oo kusii jeeday gobollada waqooyi ee Soomaaliya kadib markii ay soo wajahday cabsi xoogan.
Cabsidan soo wajahday Maleeshiyada Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayaa timid markii ay Ciidammada Dowladda ee ku sugan gobolka Hiiraan ka bilaabeen halkaasi dhaqdhaqaaqyo ay gobolka guud ahaanba kaga xoreeynayaan Maleeshiyada Shabaab oo iyagu dhibaatooyin kala duwan ku haya dadka reer Hiiraan.
Wararka aynu ka heleyno magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in Shabaabku ay gaadiidkooda dagaal kasaareen magaalada ayaga oo ulasoo baxsaday dhanka magaalada Buulo Burde ee isla gobolkaasi waxaana taasi ay timid sida ay dad deegaanka ah u xaqiijiyeen Radio Muqdisho markii ay Ciidammada Dowladdu kusoo dhowaadeen magaalada Beledweyne ayaga oo fariisin ka sameystay halka loo yaqaano buurta qowleed oo magaalada ku dhow.
Gaadiidka Xamuulka ah ee ay Maleeshiyaadka Shabaab ku xanibeen magaalada Beledweyne ayaa waxa ay wadayaashooda ku amreen inaysan safri karin ilaa amar dambe ayadoo dadkana lagu wargeliyey inay dhaqdhaqaaqooda xadidaan taasi oo muujineysa in wel welka Hiiraan kooxda gabalkeedu sii dhacayo kasoo food saaray uusan yareyn.
Dhaqdhaqaaqyada ka soconaya gobolka Hiiraan oo ay Ciidammada Dowladdu wadaan ayaa qeyb ka ah qorshaha dalka guud ahaanba looga xureynayo Maleeshiyada kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.


Safaaradda Soomaaliya Oo Kenya Kala Hadashay Inaan Soomaalida La Bartilmaameedsan..WARSAXAAFADEED

$
0
0

Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Nairobi ayaa Dowladda Kenya kala hadashay inaan bartilmaameed laga dhigan Soomaalida ku nool dalkaasi xiliyada ay Ciidammada dalkaasi fulinayaan Howlgallada Ammaanka lagu sugayo kadib Warsaxaafadeed caawa Dowladda kasoo baxay.
War-saxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Soomaaliya ee Kenya
 
(Nairobi, 27 October 2011) Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya ayaa Dowladda Kenya kala hadashay in dadka Soomaaliyeed ee ku nool waddanka  aan si gaar ah loo bartilmaameedsan xilliyada ay ciidamadu fulinayaan  howl gallada ammaanka lagu sugayo.
 
“Waxaan u sheegay Dowladda Kenya in dadka iyo dowadda Soomaaliyeed ay u mahad celinayaan dowladda Kenya sida ay ugu ogaladeen dalkooda in in kabadan 600 oo kun oo qaxooti Soomaaliyeed ah ay si ku meel gaar ah u joogaan xeryaha qaxotiga Dhadhaab iyo Kakuma, iyo inaanan raalli ka ahayn in si gaar ah loo takooro dadka Somaliyeed, waana aqbashay arrintaasi wasaaradda arrimaha dibadda ee Dalkan Kenya oo ay ii sheegtay in baaritanka ama howl galku uu yahay in la baarayo dadka ajnabiga ah ee ku nool Kenya, waxan kaloo u sheegay in ganacsatada Somalida ah ee  Kenya ay yihiin  dad dhowra sharciyada u yaala dalka Kenya, bixiyana canshur, ayna mudan yihiin in la ixtraamo” ayuu yiri Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko).
 
Danjiruhu wuxuu sheegay in dhawaan ay safaaraddu diiwaan gelineyso dadka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya si looga warqabo xaaladdooda, Taas oo sahli karta in safaaraddu ay durbadiiba la xiriirto dowladda haddii muwaadin ay wax qabsadaan ama ay xaqiijiso haddii loo baahdo.
 
“Waxaan diiwaan gelineynaa dhawaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaan ku sugan si aan ula soconno tiradooda, qof kasta oo dalka imaanayana wuxuu iska diiwaaan gelin doonaa safaaradda sida ay sameeyaan dalalka kaleba” ayuu yiri danjiraha oo dalkiisa sii raaciyay.
 
“Arrintaasi waxay sahleysaa in aan ogaano dadkeena haddii ay dhibaato soo wajahdo sidoo kale haddii nala soo wediiyo qof Soomaali ah waan xaqiijineynaa waayo waxaan heynaa Liiska muwaadiniinta dalka joogta.
 
Tallaabooyinkaan ayay safaaraddu uga gol leedahay in ay ku badbaadiso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee waddanka Kenya ku nool, wax ka barta, ka ganacsada ama qaxooti ahaan ku jooga,  waxayna Soomaalida ka socsaneysaa in ay la soo xiriiraan haddii ay la kulmaan dhibaato.
Dhamaad
 

Fanaanka Codka Macaan Karaar Xareed Oo Soo Saaray Hees Cusub (IDIL)

$
0
0

 
WAAH-WAAH.Waxaad ku soo dhawaataan oo aan idiin haynaa hees cusub uu soo saaray  Fannaanka da'da yar ee codka macaan ee Karaar Xareed, Heestan  macaan waxa magaceeda la yidhaahdaa IDIL, heestan oo ah heestii ugu danbaysay ee uu soo saaro Fannaanku,waa Erayadii  Abwaan CabdiSitiin Beergeel,, Laxankii Cabdinaasir Macalin Caydiid,  Muusigii Axmed Saalax Qaasim, ee dhageysi haboon:– 

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

$
0
0

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay Barnaamijyada Maalinlaha ah ee ka baxa Idaacadda waxaana dhageystayaasha Radio Muqdisho ay dhageystaan habeen walba 09:30 fiidnimo marka laga reebo habeennimada Jimcaha.
Barnaamijka waxaa diirada lagu saaraa raad raaca ama falanqeynta dhacdooyinka maalintaas taagan kuwa ugu muhiimsan waxaana uu xambaarsan yahay macluumaad u badan Wareysiyo.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qaybta Koobaad Ee Bandhiga Wareysiyada 27-Octobar
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qaybta Labaad Ee Bandhiga Wareysiyada 27-Octobar
 

RW Gaas: Kenya Waa ay Joogi Kartaa Gudaha Somalia Dhegayso

$
0
0

Maalin kadib marki isaga iyo madaxweynaha ay si isku mid ah Muqdisho uga sheegeen in ay kasoo horjeedaan in Kenya ay fara gelin ku sameyso soo galitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya ayuu ka laabtay go,aankaasi ra’isulwasaare C/wali Maxamed Cali.
Wareysiyo isu ekaa oo uu kala siiyey idaacadaha BBC-da iyo VOA qeybahooda afka Soomaaliga ku hadla ayuu ku sheegay go,aankiisa ugu danbeeyo ee ku wajahan arrinta maalmahan xasaasiyada ka kicisay dalalka Kenya iyo Somalia ee ah in ciidamada Kenya ay soo galaan carada Soomaaliya.
Ra’iulwasaaraha wuxuu si cad u sheegay in ay qalad tahay in la yiraahdo ciidamada Kenya masoo gali karaan Soomaaliya ama in la yiraahdo Kenya ayaa kusoo duushay Soomaaliya, isaga oo taasi badalkeedana tilmaamay in ay ku joogaan ciidamada Kenya rabitaanka Dowlada KMG Soomaliya.
Waxa uu sheegay in iyada oo laga amba qaadayo shirki dalalka IGAD ee ay Soomaaliyana qeyb ka aheyd ee sanadki 2010 ka dhacay Itoobiya ay kasoo baxeen in Soomaaliya laga taageero dhinaca milatariga si AL Shabab loo wiiqo awoodeeda.
Mr Abdiwali ayaa ku cel celiyey in dowlada KMG Soomaaliya ay ralai ka tahay in ay ciidamada Kenya soo galaan Soomaaliya, isaga oo ujeedkana ku tilmaamay in ay la dagaalamaan Al Shabab.
Ugu danbeynti waxa uu sheegay in dalalka Kenya iyo Soomaaliya ay ku heshiiyeen in ay iska kaashadaan la dagaalanka burcad badeedka iyo Al Shabab, sidoo kalana ay is dhaafsadaan arrimaha la xiriiro xogta iyo warbixinada.
Hadalkaan ayaa waxaa aad ula yaabay dadka Soomaaliyeed, oo shalay dhageystay warki ay sida wada jirka ahaa uga soo saareen isaga iyo madaxweynaha Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku diideen fara gelinta ciidamada Kenya.
Riix Halkan Waraysi uu Laanta Af Somaliga ee VOA-da Siiyay Dhegayso  
 
Jawaabtii Madaxwayne Shariif
Khilaaf xoogan ayaa soo kala dhex galay Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmad iyo Ra’iisul wasaare C/weli Maxamad Cali (Gaas) kaasoo sababay in farfar ku fiiq uu ka dhex dilaaco labada masuul ee dowladda soomaaliya
Raisul wasaaraha ayaa bedelay mowqifkiisa ku aadanaa ciidamada dowladda Kenya ee fara gelinta ku haaya gobolada soomaaliya isaga oo Gaas hadalo kala duwan uu ka shaaciyay qeybaha kala duwan ee warbaahinta soomaaliya
Madaxweynaha Somaliya Shariif Axmed ayaa Beesha Caalamku aad ula Yaabtay sida uu ugu Deg Degay Hadalkii uu dhawaan warbaahinta ka sheegay ee ahaa in Kenya ay ku Xad Gudubtay Xuduudaha Somaliya, taasi oo Gabi ahaanba meesha ka saaraysa Hashiiskii dhowrka qodob ahaa ee ay wada Gaadheen Wasiiradii ka socda Dowlada Kenya iyo Somaliya.
Wasiirka Gaashaandhiga Dalka Kenya  General Yuusuf Xaaji ayaa Laanta Sawaaxiliga ee BBC-da Waraysi uu siiyay ku sheegay in Madaxwayne Shariif uu Yahay in xidhiidh dhow laleh Kooxaha Canaasiirta ah ee Al-Shabaab isla markaana aanu Dib u Fiirin Hashiiskii ay Dowlada Kenya iyo Somaliya ku wada Gaadheen Dalka Somaliya Gaar ahaan Muqdisho.
Si kastaba ha ahaatee khilaafka soo kala dhex galay labada Masuul ayaa Durbadiiba gaaray Qaramada Midoobay iyo dowladaha taageersan in Ciidamada Kenya gobolada soomaaliya la geeyo hayeeshee ay Qaramada Midoobay baaq deg deg ah usoo dirtay Sheikh Shariif iyo Ra’iisul wasaaraha in ay joojiyaan guuxa hoose
Ugu danbeyntii ismaan-dhaafka u dhexeeyo Labada Masuul ayaa laga yaaba in uu sababo in dowladda soomaaliya laga jaro xiriirka dowladda Kenya maadaama la fashiliyay sirtii ka dhexeysay madaxda Kenya iyo Soomaaliya oo iyadu lagu ansaxiyay magaalada muqdisho dhowrkii cisho ee lasoo dhaafay
GalGalanews.com

Caawimadii Turkigu ugu deeqay Somaliland oo agaasimaha samafalka madaxtooyada maanta ukala dirtay gobolada dalka

$
0
0

Berbera(OWN)- Agaasimaha xafiiska samafalka Madaxtooyada Somaliland ayaa manta gobolada dalka ugu qeybisay dekeda magaalada berbera.Caawimadan oo uu siday Markab laga leeyahay Wadanka Turkiga, oo Maalintii Shalay ku soo xidhay Marsada Caalamiga ah Berbera, Caawimada uu siday markabkani ayaa noqonaysaa tii ugu horeysay ee dalka Turkigu ugu deeqo xukumada Somaliland waxa kaloo Markabkani caawimo tan lamida uu usiday maamul goboleedyo kamida kuwa Somaliya oo ay kamid yihiin Putland, Galmudug iyo Somaliya oo iyana marka ay rogida qeybaha laga rogayaa dhamaadaan uu ku sii jeedo markabkani.

Dejinta iyo kala dirida Deeqdan, oo ilaa shalay ay ku mashquulsanaayeen, Maamulka Gobolka Saaxil, gaar ahaan ka Dekadda Berbera, iyo Agaasimaha Xafiiska Samafalka Madaxtooyada Somaliland, ayaa Maanta ka waray halka ay marayso dejintii iyo qaybintii Deeqdaas Wadanka Turkigu ugu Deeqay Somaliland iyo Somali, iyaga oo ku sugun gudaha Dekadda Berbera, waxaana Gobolada loo diray deeqdaas ka mida Gobolka Saaxil, Togdheer, Sool iyo Sanaag,  Gobol adaas oo  loo diray saami isleeg oo ah  min laba gaadhi, oo u dhigma  isleeg, sida ay Sheegtay, Agaasimaha Xafiiska Samalka,  Amina Maxamuud Diiriye oo Warbaahinta kula hadashay, Gudaha Dekadda waxaana ka mid ahaa Hadaladeedii “  Waxaan Maanta halkan ku wareejinaynaa Maamulka Gobolka Saaxil Deeqdii naga soo gaadhay wadanka Turkiga, Deeqdaas oo ah laba Gaadhi oo uu midkiiba sido(21) Tan oo isigu jira, dhar iyo Raashin, waxaa kale oo aanu Laba Gaadhi oo iyana sida 21Tan Badhasaabka Gobolka Togdheer, waxaa kaloo iyana aanu min laba Baabuur u diraynaa Gobolada Sool iyo Sanaag, waxaan aad ugu mahad naqayaa Wadanka Turkiga ee Deeqdan ina soo gaadhsiisay, iyo Maamulka Gobolka Saaxil”.

Waxaa isna halkaa ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Saaxil Khadar Cali Cilmi, oo isna aad ugu Mahadnaqay Wadanka Turkiga iyo Agaasimaha Samafalka Madaxtooyada oo iyadu si cadaali ah u qaybisa Deeqaha soo gaadha, markaa waxaan isla garanaya aniga iyo Maayarku in labada Gaadhi ee Gobolka Saaxil, aanu ku wareejino Dawlada Hoose, si ay u gaadhsiiso Dadka Jilicsan”
Badhasaabka Gobolka Togdheer, Yaasin Muxumed Bade oo isnaa halkaa ka hadlay ayaa aad ugu mahadnaqay Agaasimaha Samafalka Madaxtooyada, isaga oo xusay in aanay ahayn markii u horaysay, ee ay Deeq soo gaadhsiiso, isaga oo isna dhinaciisa baln qaaday inuu gaadhsiin doono Dadka jilicsan ee ku dhaqan Gobolkiisa.
Duqa Magaalada Berbera Cabdale Maxamed Carab, oo isna halkaa ka hadlay ayaa waxaa uu yidhi “  marka hore waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa Agaasimaha Xafiiska Samafalka Madaxtooyada Somaliland, waxa kale oo aan u mahad celinayaa Wadanka Turkiga ee Deeqdan ina soo Gaadhsiiyay, waxa kaliya ee aan ku darayaa waxaa weeye, Deeqdu way koobantahay markaa ma wada gaadhi karto Dadka, markaa qof waliba wuu jecelyahay in wax soo gaadhan, dee waxuna inama wada gaadhayaan, markaa waa in aynu sidaa u ogaanaa” ayuu yidhi Mayar Cabdale.

 Markabkan sida Deeqda Wadanka Turkigu  u soo diray Somaliland , ayaa marka qaybtan rogitaankeedu dhamaado waxaa uu u sii gudbayaa dhinaca dekeda magaalada mMuqdisho oo uu iyana usido caawimo tan lamida waxa kale oo uu markabkani iyna deeq caawimo ah oo tan lamida uu usidaa maamul goboleedyada Somaliya ee kala ah Putland iyo Galmudug waxase labadaa maamul qeybahoodii lagu rogay dekeda magaalada berbera oo laga sii daabuli doono iyada oo uu diiday markabkani in uu labadaa maamul tago dekedahooda sababa la xidhiidha amniga oo aaan wanaagsanay kooxo budhcad badeedina maraakiibta ka ugaadhsadaan waxaa la filayaa in dhawaan daabulida raashimadaasi ka bilaamaan dekeda magaalada berbera .


Reporter by Mohamed Abdillahi Farah 
Berbera/Somaliland
Soofadhiiste@hotmail.com

Op-Ed:Somaliland A Task For A Leader

$
0
0

The Economist Magazine, in its October 1st, 2011 issue (Democracy in sub-Saharan Africa; It is progress, even if it is patchy), lauded the spread of democracy in Africa in the last decade. In the same article the Economist also listed the peaceful and democratic ousting of several ruling parties by the opposition parties. In the same the article it also mentioned President Ahmed Mohamoud Silanyo and Somaliland 4th in a list of 34 heads of states and countries that underwent peaceful and democratic change of guard. This is an honour for President Ahmed Mohamoud Silanyo; a statesman who many expect to change the politics of the region. It also included Somaliland; a country which rose like a phoenix, from the ashes of a destructive civil and became a beacon of hope for a region mired in tragedy.In another development worth mentioning, President Silanyo’s recent visit to the eastern regions of the republic was another commendable and successful step. He extended a peaceful political hand to both the traditional and political representatives of the Sool and Sanaag regions. This step is expected to be the foundation for the success of the Taleex meeting scheduled to take place around the end of this year. The initial signs coming out from the community show that the majority of the region’s leadership is willing to establish peaceful co-existence within the sovereign boundaries of Somaliland.The resulting outburst from an official from Puntland who opposed the Taleex meeting further attests to those regions resolute decision to take their future in their hands, sideline many self-serving detractors especially from Puntland and discount many eastern region politicians who manipulated the regions politics to their own interest. The presidents’ visit also discredited the opposition’s recent unfound claims of the governments’ collusion with Mogadishu and the UN envoy to Somalia.But, despite these successful measures by President Ahmed Mohamoud Silanyo and his government, we must not overlook the recent blunders of his administration. How it managed both the relief aid to Somalia and the scholarships from Turkey was a political fiasco. Both incidents created a public relations nightmare for the president which forced him to further blunder (the UF word fiasco) in defence of his government’s actions.The government either lacked political foresight or delegated the task of managing the aid to Somalia to inept officials who bungled it. By also appointing the well-known and respected Somali poet, Hadrawi, the administration was either naïve about clan-oriented implications or decided to disregard the sensibilities of the populace. Despite his fame as a literary icon among all Somalilanders, Mr, Hadrawi, is also known for his pro-unionist political views and is a staunch support the Pan-Somali irredentist ideology of the past; a view which sadly contradicts the aspirations of his country and the inviolability of its’ sovereignty.In a similar disregard, the government showed lack of political prudence by how it handled the Turkish scholarship. It showed a lack of public relations foresight by allowing the Somaliland students nominated for the Turkish scholarship program to depart from Mogadishu, a public relations blunder which translated to a propaganda boon for the TFG in Mogadishu. The government could have opted to pay the groups’ airfare direct to Ankara to sidestep the political minefields of Mogadishu. The scandal was further exacerbated by President Silanyo’s radio interview in response to the opposition’s claim that his government is in cahoots with the United Nations Somalia Representative, Ambassador Augustine Mahiga who recently visited Hargeisa. It is not a secret that Ambassador Mahiga’s mandate is to re-establish a unified Somalia, an agenda he never deviated from in all his political briefings, community meetings and press releases since his appointment in June 2011 by the UN Secretary General Ban Ki-Moon as his Special representative for Somalia.Therefore, to overcome the population’s pesky mistrust of the issue which is often misused by the opposition, the government must adopt and publicise a transparent and coherent foreign policy towards Mogadishu. In addition to its often stated mantra “The Holiness of Sovereignty”, the administration must also publicly state all the issues which need cooperation with Mogadishu as required by the UN in its Somaliland/Somalia mandate. Then only it will gain the unequivocal support of the people.The administrations shortcomings and public relations disappointments are further aggravated by the continuous stream of public misgivings. The emergence of powerful financial and political cabal form within the Presidents inner circle and family is a continuous debate among Somalilanders. Many claim that President Ahmed Mohamoud Silanyo is not living up to his election promise of curbing nepotism in the political and financial matters of the government.While in the opposition, the president often accused the last government of Dahir Riyale of corruption and blatant nepotism. Kulmiye often pointed to Dahir Riyale’s close family members who wielded a powerful influence over the treasury, the administration of high level appointments, and local and foreign investors. As a result, the majority of the public who voted for President Silanyo in the last presidential election were expecting the end of this practise and many are now disheartened by the current allegations favouritism which created a noxious atmosphere that is over shadowing the many other progressive measures implemented by the president.This is more crucial now more than ever due to the recent political and economic developments in the region. The Saudi and other Middle Eastern governments are now willing to reopen the import of Somali livestock to their markets. According to the United Nations Food and Agricultural Organization, Saudi Arabia imports $250 million worth of Somali livestock for the Hajj period, the lion’s share from Somaliland. This number is expected to rise to $500 million a year by 2013 when the Saudi market is opened throughout the year for Somali imports. Lebanon, India and other Middle Eastern countries who already ordered initial shipments are also expected to increase its livestock imports from Somaliland.Ethiopia is also expected to join the energy-producing countries soon. Its gas production which is expected to go online soon is expected to be shipped through the Berbera corridor in Somaliland. Many in Somaliland expect that President Mohamoud Ahmed Silanyo negotiated a profitable deal in his last trip to China where the Ethiopians were finalizing the project’s requirements. But how it will be managed is another issue.Both developments, if properly managed, are expected to drastically increase Somaliland’s revenues; a shift that could potentially play a major role in the economic development of many sectors in Somaliland. But the current claims that allege the spread of favouritism among the President’s inner circle and family could be a detrimental factor that could potentially derail the expected benefits of both enterprises. The exclusion of local businessmen and merchants from these and other profitable government contracts is also a guaranteed precursor to social unrest that could derail the country’s peace and security.The President, at the beginning of his term, showed the will to curb corruption by appointing Engineer, Mohamed Hashi to the Ministry of Finance. The president was lauded for this since Mr. Hashi is known for his financial integrity and no-nonsense approach in stamping out corruption from the public sector.But now, that the stakes are higher, many hope the President would show his grit and integrity, clear allegations of nepotism from his doorstep and silence many discredited politicians who failed at the ballot box.Muse Democracy Action Group-SL October 20th, 2011(Democracy Action Group-Somaliland is non-governmental non-profit organization dedicated to the promotion and upholding of democracy in Somaliland. The group will soon publish quarterly reports on the situation in Somaliland).

Somaliland: President Welcomes Italian Deputy Foreign Affairs Minister

$
0
0

HARGEISA(SomalilandPress)–Somaliland president Mr. Ahmed Mohamoud Siilaanyo meets high level delegation from Italy compromising of seven members. According to press release issued from the presidential spokesman Mr. Abdilahi Mohamed Daahir ‘Cukuse,’ Somaliland president Mr. Siilaanyo held a high level meeting with Italian delegation. The meeting was held at the office of the president today as the press release states.The Italian Deputy Foreign Affairs Minister Mr. Senatore Alfredo Mantina is heading the delegate. Somaliland president and the Italian delegation discussed in lengthy the bilateral relation between Somaliland and Italy. The delegation told that the main reason behind coming to the country is to know the real situation on the ground. Italian deputy foreign affairs minister Mr. Senatore Alfredo Mantica congratulated on Somaliland president when it comes to the good governance and that Somaliland government managed to sustained law and order.Italian deputy foreign affairs minister further added that the y came to country in order to inform Somaliland government that the Italian government will work closely with Somaliland. Somaliland president briefed the delegation on Somaliland history and he added that Somaliland people and its government is awaiting the international community to recognize and extend a helping hand when it comes to the efforts that it made.The president of Somaliland was accompanied by the vice president Mr. Abdirahman Abdilahi Ismail Saylici, Foreign affairs minister Dr. Mohamed Abdilahi Omar, planning and development minister Dr. Sacad Ali Shire, health minister Dr. Husein Mohumed Mohamed and minister for the presidential office Mr. Hirsi Ali Haji Hasan. The Italian Deputy Foreign Affairs Minister Mr. Senatore Alfredo Mantica was accompanied by Elisabetta Bolloni, General Director for cooperation and development for the Italian planning ministry, Rosa Anna Coniglio who is the General Director for the Italian planning ministry which is special to the cooperation of Africa and Sub-Sahara and the Italian ambassador to Kenya and four other senior officials.


Muxaadaro Walaaltinimada dhabta ah

Amm. Islaamka: Miraha Kacdoonka Carabta

$
0
0

Barnaamijka maanta waxan ku eegaynaa furasadaha iyo loolanka horyaalla kacdoonada dalka Tunisa iyo Masar oo qaarkood miro-dhal noqdeen.

Barnaamijka oo dhameystiran qeybta hoose ka dhageyso.

muxaadaro geerida rasuulka - sheekh maxamed idiris

Hadalka RW ee ku saabsan in ciidamada Kenya ey joogi karaan dalka SOmalia oo amagaag iyo la yaab ku abuuray shacabka Soomaalyeed.

$
0
0

Shacabka Soomaaliyeed ayaa amakaag iyo la yaaab ka muujiyey hadal ka soo hojeeda kii madaxweyne Shariif ee ku aadan qabsashada ciidamada Kenya ee degmooyin ka tirsan dhulka Somalia ee muqadaska ah.

R/Wasaaraha oo wareysi siiyey idaacada VOA-da ayaa sheegay wax u eg inuu u ogol yahay ciidamada Kenya iney soo geli karaan dalka Somalia isagoo burinaya hadal ey si wadajir ah u soo saareen isaga iyo madaxweynuhu maalin uun ka hor.

Ra’iulwasaaraha wuxuu si cad u sheegay in ay qalad tahay in la yiraahdo ciidamada Kenya masoo gali karaan Soomaaliya ama in la yiraahdo Kenya ayaa kusoo duushay Soomaaliya, isaga oo taasi badalkeedana tilmaamay in ay ku joogaan ciidamada Kenya rabitaanka Dowlada KMG Soomaliya.
Waxa uu sheegay in iyada oo laga amba qaadayo shirki dalalka IGAD ee ay Soomaaliyana qeyb ka aheyd ee sanadki 2010 ka dhacay Itoobiya ay kasoo baxeen in Soomaaliya laga taageero dhinaca milatariga si AL Shabab loo wiiqo awoodeeda.

Mr Abdiwali ayaa ku cel celiyey in dowlada KMG Soomaaliya ay ralai ka tahay in ay ciidamada Kenya soo galaan Soomaaliya, isaga oo ujeedkana ku tilmaamay in ay la dagaalamaan Al Shabab.

Su'aashu waxey tahay IGAD ma ogolaan karaan Kenya iney soo gasho Somalia?

Su'aasha jawaabteedu was mid cad iyadoo IGAD eysan  u ogolaan karin Kenya iney soo galaan dalka Somalia. Sidoo kale waxaan Kenya u ogolaan karin iney Somalia soo galaan R/Wasaaraha xattaa haddii uu doonayo. Cidda kaliya ee ogolaan kara iney ciidamada Kenya dalka soo galaan waa Barlamanka Somalia oo ka ambaqaadaya rabitaanka shacabka Somaaliyeed.

Haddii dowladda KMG ah khaasatan dowladda Dr. Gaas oo ku adkeystaan in ciidamada Kenya soo galaan degaana dalka SOmalia dadka shacabka soomaaliyeed waxey geli doonan liiska kuwa gatay dalka SOmalia iyada oo aan la isaga hari doonin. Horey ayaa qolooyin hore uga iibiyeen dowladda Kenya qaar kamid ah badda Somaliya qoladana waxey lagu eedeyn doonaa iney iibsadeen bariga Somalia iyadoo ciidamada Kenya haatan ugu jiraan bariga iyo badda Somalia illaa iyo 90 Kilomitir iyadoo lagu arkay doomaha ciidamada Badda ee Kenya meel aan sidaasi ugu fogeyn Baraawe.

Ciidamada Kenya ayaaa haatan gudaha jira dalka SOmalia muddo 10 maalmood ah qormadan iyagoo argagax ku abuuray shucuubtii soomaaliyeed ee deganaa degaanada ey qabsadeen iyadoo dadkii xoolo raacada ahaa ka la carareen xooladooda iyagoo ka baqaya dagaalo laga hortago ciidamada sawaaxiliga Kenya ee ku soo duuulay dalka Somalia.

Odayaasha dhaqanka Somaliyeed ayaa ugu baaqay dowladaha mareykanka iyo faransiiska iney u gacan gelin SOmalia ciidamada dalka Kenaya iyagoo u taliyey in haddii ey cid ka caawinayaan dhanka hawada ey caawiyaan ciidamada dowladda KMG ah ee SOmalia ee ku sugan degaanka sida loo caawiyey kacdoonkii Liibiya ee la wareegay dalkooda iyada oo aan ciidamo shisheeye soo galin dalkooda.

Halgankanet@gmail.com

Doqon ila dhashaa iiga Roon Diracyo Kenyaan ah

$
0
0

Xeererka caalamiga meelna kagama taal in Qaran xubin ka ah Un ka iyo AU iyo ururada carabta iyo midka Islaamka si cadaan ah loogu soo xadgudbo xuduuda uu dalkaasi la leeyahay dalka Kenya, waxaad mooda in leeysku qaldayo joogitaanka dalka Somalia ciidama Amisom oo xiligaan ku jooga rabitaanka waajibaadka ( mandate ) Un ka iyo midka AU ka halka ciidamada Kenya aayan kala tashan soo gelitaanka ururda caalamka sida midka Un ka,r/wasaaraha Cabdiweli waxaa uu ku aragti noqday wasiirka gaashaandhiga ee dowladda Kenya Yuusuf Xaaji iyo Faarax Macalin oo ah gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka wadanka Kenya xaqiqdii waa qaainu-wadan qayaamay qarankii uu r/waasaraha ka ahaa akhritow sow lama soo gaarin in gumeeysiga aay u adeegayaan kuwa xilka u dhaartay, dhamaan inta xildhibaanada aragtida gumeeysi doonka ah muujiyay iyo r/wasaaraha waxaa quman in maxkamad la soo taago sabbabta oo ah waxaa aay ka been sheegeen dhaartii aheed in aay dalka Somalia ka difaacayaan cadow walba ee dibada iyo gudaha ka soo hajuumo,waxaa quman in qofwalba o Somali ah aamino halkudhig dhahaya,doqon ila dhashaa iiga roon diracyo Kenyaan ah.Al shabab oo la ogyahay in aay yihiin urur isku baheeyst aragti guracan ayaa hadana la dhihi karaa waa Somali dalka,dadka iyo diinta ayeey wax ku leeyihiin halka Kenya aayan dalka,dadka iyo diinta waxba ku laheeyn,riyadii C/aahi Yusuf ee shaqeeyn weeyday ayaa xaqiiqdii dib loo soo nooleeyay meeshii uu marayne waa la ogaa,Kenya iyo Ethiopia oo lagu aragti noqdaa waxaa aay abuureeysaa in shacabka Somalia aay dib ugu noqdaan taageerada Al shabab sabbabta oo ah hadafka iyo ujeedada Kenya iyo Ethiopia oo gumeeysi cusub ayaanan marna shacabka aqbali Karin,Al shabab waa doqono Somali ah garan waayay xalka iyo badbaada Somalia macnaheeda maaha cidwalba ayaa ka fadli badan balse dalka,dadka iyo diinta ayeey wax ku leeyihiin,Faroole iyo Cabdiweli iyo C/aahi Yusuf weli kama aayan rajo dhigin gumeeysi u adeega,shacabka Somalia waxaa quman in umada Somali aay ka hortagaan gumeeysi walba oo dalka ku soo xadgudba.

Dhacdadaan xanuunka badan ee gumeeysi doonka ah waxaa sabbab u ah heshiiskii Garowe ee Sh.Shariif kula galay jufada Faroole iyada oo la ogyahay in doofaar uu xalaal noqon Karin abid,waxaa aay mareeysaa in R/waasahii uu doortay noqday nin weli ku taagan hadafkii iyo ujeedadii guracneeyd ee C/aahi Yusuf ku gumaaday shacabka Muqdisho iyo midka Kismaayo,waxaa uu dhahay Cabdiweli maxaa diiday Kenya in aay la dagaalanto halka Uganda iyo Burundi Muqdisho aay kula dagaalayaan? weli waxaa uu dafirayaa in Uganda iyo Bureundi aay dalka Somalia ku joogaan awood iyo waajibaad ( mandate ) u idmaday Un ka iyo AU xagee Kenya ka heshay awooda in aay ku xadgudubto xuduuda dalka Somalia ?? IGAD ayuu ku rafanayaa Cabdiweli xagee jiraa baarlamaankii dalka lahaa,sow ma qumana in baarlamaanka ansixiyo haddii aay Kenya xuduuda soo dhaafeeyso,
Yuusuf Xaaji iyo Faarax Macalin waa Kenyaan magica Somali wata u adeega danaha Kenya Somalida inta ugu badan lama yaabana balse waxaa ceeb ah in Ciidamo beeleed muddo lagu soo tababarayey wadanka Kenya , markii ciidamadaas laga adkaadey ayey dowladda Kenya ay bilowdey in aay soo gasho gudaha Soomaaliya si ay beel gacanta ugu geliso Gobolada Jubbooyina, bal fiiri maanta waxaa lagu dagaalamayaa waa magacyada Raaskambooni , Azaaniaya sow double moral maaha in marna ciidamada dowlada lagu sheego marna magic beeleed Mohamed Abdi Gandhi iyo Axmed Madoobe & Faarax Macalin reerka aay yihiin cidna ma mooga balse waxa mideeyay ayaa ah danaha reerka in laga hormariyo wax walba.
Sh.Shariif haddii aadan cadeeyn xiliga aay ka baxeeyso Kenya xuduudada carada Somalia waxaad la mid noqoneeysaa kuwa gumeeysiga u adeega,inta goori-goor tahay waa in xildhibaanada iyo R/waaraha gumeeysi doonka ah talaabo laga qaadaa,baarlamaanka ku meelgaarka ahi waa in uu u istaagaa diidmada gumeeysiga cusub ,haddii kale rule of law sharci ama qaanuun iyo kala damnbeeyni ma jirto,sharfti iyo cisiga Qaranimada Somali cidna kuma tuman karto hore ayaan C/aahi Yusuf ( Maquuste ) ugu diidnay lamina ogolaankro gumeeysi cusub.
Dr.Ali.A.Hirabe Hirabe_a@hotmail.com

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live