Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Mas'uul ka socday dowladda Ingiriiska oo la kulmay Madaxweynaha curdinka ah ee Somaliland, Siilaanyo

$
0
0

Waxaa magaalada Hargeysa gaar ahaan madaxtooyada Somaliland ku kulmay Safiirka Ingiriiska ee Addis Ababa iyo Mudane Siilaanyo, Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaalida iteeda kale dhinaca uga beyrtay ee Somaliland.

Labadan mas'uul oo sida wararka lagu helayo mudo wadahadlayay ayaa diirada isla saaray sidii Somaliland gacan looga siin lahaa horumarinta Bulshada iyo sii hagaajinta Maamul wannaaga iyo Dimuquraadiyada deegaankaas ka tisqaaday.

Dhamaadkii kulankan ayaa waxaa Xafiiska Siilaanyo war laga soo saaray lagu sheegay in Dowladda Ingiriisku aqbashay bari taageerida Dowladda Somaliland dhammaan waxyaabihii laga wadahadlayna ay noqdeen kuwo la isku raacay.

Ingiriiska ayaa aqoonsi waa halkeesii aad u soo dhoweeyay Doorashadii ka dhacay Somaliland waxayna sidoo kale tilmaameen in Somaliland mudan tahay ku dayasho gaar ahaan dhinaca Doorashooyinkii Dimuquraadiyada ku dhisan.

halgankanet@gmauil.com


Axmed Cabdisalaan, wasiirka Ammaanka Qaranka oo ka hadlay Socdaalkii Addis Ababa iyo natiijadii ka soo baxday Kulankii Suufiyiinta iyo Dowladda

$
0
0

Wasiirka Ammaanka Qaranka Soomaaliyeed mudane Axmed Cabdisalaam oo dib uga soo laabtay safarkii uu ku tegay magaalada Addis Ababa ayaa ka xog hadlay waxyaabahii ka soo baxay Kulankii halkaas ku dhexmaray Dowladda iyo Ahlu Sunna waljamaaca.

Wasiir Axmed wuxuu ugu horeyntii daboolka ka qaaday in kulankii loogu magac daray dhameystirka heshiiskii dolwadda iyo Ahlu Sunna uu ku soo dhamaaday jawi is-afgarad laba dhinac ah.

Dhanka kale wasiirku wuxuu ku celceliyay in dhamaan heshiiskii Dowladda iyo Ahlu sunna horay u dhexmaray waxyaabihii uu xeerayay dhameystirkooda la isku afgartay qaabka loo wajahayo.

Hadalkan ka soo yeeray Axmed Cabdisalaan ayaa ka dambeeyay ka gadaal markii Shirkaas Addis Ababa xubno ka tirsan Ahlu Sunna ay ka soo horjeesteen iyagoo sidoo kale Axmed Cabdisalaam ku tilmaamay nin aan xubin ka aheyn Ururka Ahlu Sunna balse gol-ka-feyte ah.

halgankanet@gmail.com

Dowladda Soomaaliya; "Alshabaab iyo Xisbul islaam kuma ciidi doonaan Gobolada Koofureed ee dalka"

$
0
0

Xukuumada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay qorshe sida ay sheegeyso ay ku xidida siibeyso xoogaga dagaalka kula jira ee inta badan Koofurta Soomaaliya ka arimiya.

Wasiiru-dowlaha wasaarada arrimaha gudaha Mudane Xidig ayaa sheegay in Ciida Alshabaab iyo Xisbul islaam laga weyn doono Koofurta Soomaaliya waa siduu hadalka u dhigaye.

Wasiir Xidig in kastoo hadalkiisa laga dhadhansan karo ku tiirsanaan xoog kale waaba haddii uu jiree ayaa ku celceliyay in dowladu dhameystirtay qorshe ay Koofurta Soomaaliya uga qabsaneyso xoogaga Alshabaab iyo Xisbul islaam.

"Booliska iyo Milateriga Dowladda qalabkii ciidan ee ay ku hawlgeli lahaayeen waa la dhameystiray waxaana la arki doonaa sida ay cagta u mariyaan cadowgan dalka iyo dadka duleystay" Wasiiru-dowle Xidig.

Dhanka kale xoogaga ka soo horjeeda dowladda ayaa dhankooda ku dhaaranaya in ay dowladda iyo AMISOM guud ahaanba Ramadaanka gudihiisa ka saari doonaan magaalada Muqdisho.

halgankanet@gmail.com

Xaaladda cunto yarida Soomaaliya

$
0
0

Warbixin cusub oo ay maanta ka soo saartay Nairobi, waaxda hey'adda FAO u qaabilsan qiimeynta xaaladda cuntada iyo nafaqada Soomaaliya ee FSNAU ayaa lagu sheegay in tirada dadka u baahan gargaarka bini'aadanimo ay yaraatay 25 boqolkiiba.

 

Taasi oo hoos u dhigeysa qatarta xaaladda bini'aadanimo ee Soomaaliya oo ah midda ugu xun adduunka.

Warbixintu waxay sheegtay in xaaladda haatan ay
ka soo reyneyso, laakiin laga cabsi qabo in mar kale ay sii xumaato
haddii xilli roobaadka soo socda uu noqdo mid yar.

Xaaladda cunto ee Soomaaliya ayaa waxa ka sii
daray abaar daba dheeraatay, oo hoos u dhigtay wax soosaarkii miraha
beeraha iyo xoolihii oo baaba'ay, qiimaha cuntada oo kor u kacay iyo
ammaan darida.

Warbixintu waxa ayka hadashay dhibaadata dadka
ku barakacay dalka gudhihiisa oo ay sheegtay in 1.4 milyan qof ay ku
qasbeen dagaalladii sanadihii danbe dhacay inay guryahooda ka qaxaan.

Weriyaha BBC ee Nairobi Maxamuud Cali ayaa
arrinta ka waraystay Cabdirisaaq Maxamed Nuur oo ah sarkaalka FAO u
qaabilsan dhinaca reer guuraaga.

Dagaal ka socda Muqdisho

$
0
0

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal culus oo ka dhacaya magaalada Muqdisho. Dagaalka ayaa waxa uu u dhexeeyaa ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kooxaha mucaaradka ee ka soo horjeeda.

Dagaakanl xooga badan oo la isku adeegsanayo noocyada kala duwan ee hubka ayaa galabta dib uga qarxaya magaalada Muqdisho kadib dagaalyahanno ka tirsan Alshabaab laba jaho weerar uga qaadeen ciidamada Dowlada KMG ah iyo kuwa AMISOM.

Dagaalkan ayaa xoogiisa waxa uu ka soconaaya gudaha degmada Hodan, waxaana la isku adeegsanaaya hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo ay dagaalada barbar-socdaan madaafiic xoogan.
Dagaalka ayaa wuxuu iminka xoogiisu ka soconaaya wadada dheer Dabka, isla-markaana waxaa jira madaafiic xoogan oo si saf balaaran leh ugu soo hoobanaaya gudaha degmada Hodan,
Waxaa jira qasaaro soo gaaray rayid ah, hase ahaatee lama oga halka uu gaarsiisan yahay.
Sidoo kale waxaa xirmay wadada kaliya ee isku xirta gudaha suuqa Bakaaraha iyo qeybaha kale ee magaaladda Muqdisho, iyadoo ay iminka suuqa Bakaaraha ay ku xaniban yihiin ganacsato fara-badan oo guryahooda u afur doonan lahaa.

Dagaal kaasi la mid ah ayaa ka soconaya Degmada Boondheere, kaasi oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda KMG ee Somalia iyo xoogaga Al-Shabaab.
Lama oga ilaa iyo iminka khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalada galabta dib uga qarxay caasimadda.

Muxaadaro Cusub Aduunyo Jaceel Dr Cali Maxmed Saalax Qeebta 6

Muxaadaro Cusub Aduunyo Jaceel Dr Cali Maxmed Saalax Qeebta 8

Al-shabaab iyo dowladda KMG oo guulo ka kala sheegtay dagaal ka dhacay Muqdisho

$
0
0

Dowladda KMG Soomaliya iyo xarakada Shabaab ayaa guulo
ka kala sheegtay dagal maanta galinkii dambe ka dhacay magaalada
Muqdisho

Xarakada Shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaalka iyagoo
sheegay in ay gacanta ku dhigeen fariisimo ay horey u joogeen ciidamada
dowladda KMG Soomaaliya sida fariisin ku taalay dhabarka dambe ee Hotel
Whliye halkaasi oo ay jidgooyo u taalay ciidamo ka tirsan dowladda KMG
Soomaaliya.

Sidoo kale Al-shabaab waxa ay sheegeen in ay aagag cusub ka qabsadeen
xaafadaha Taleex iyo dhinaca waqooyi ee magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale afhayeenka wasaaradda war faafinta dowladda KMG Soomaliya
Sheekh C/risaaq Qeyloow ayaa sheegay in ay iska difaceen ciidamadii soo
weeraray dhibatooyinna ay gaarsiiyeen ciidamadii weerarka kusoo qaaday.

Marka laga soot ago sheegashada labada dhinac majiraan warar madax
banaan oo xaqiijinaya sheegashada Shabaabul-mujaahidiin iyo dowladda KMG
Soomaaliya


Ciyaartoy Soomaali ah oo lagu tababarayo Doha

$
0
0

Kooxda U17 SoomaaliyaKooxda kubadda cagta ee qaramada Soomaaliya ee da'doodu ka hoosayso 17 sano, ayaa tababar ku qaadanaya magaalada Dooxa ee dalka Qadar.

Kooxda U17 Soomaaliya

Kooxda kubadda cagta ee qaramada
Soomaaliya ee da'doodu ka hoosayso 17 sano, ayaa tababar ku qaadanaya
magaalada Dooxa ee dalka Qadar.

Kooxda ayaa u gudubtay wareegga labaad ee
isreereebka loogu soo baxayo ciyaaraha adduunka ee kubadda cagta
ciyaartoyda ka yar 17 sano kadib markii ay horay dalka Djibouti
gudihiisa ay kaga badiyeen kooxda Kenya, markii Kenya la galayna ay ku
kala baxeen 0-0.

Waxay ciyaartooda soo socota ku aadan yihiin
kooxda dalka Masar oo ay kula ciyaari doonaan 2-da kulan ee martigalinta
iyo martida isla gudaha Masar.

Kulanka koowaad ayaa magaalada Qaahira ka dhacaya
6-da
September, iyadoo 10-ka september ciyaarta labaad ee martida ay kooxda
Soomaalidu tahay ay ka dhacayso magaalada Alexandria ee Ila dalka Masar.

 

Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iiraan oo soo saartay Diyaarad dagaal oo loogu magac daray "Safiirka dhimashada cadawaga Iiraan"

$
0
0

Madaxweynaha dalka Iiraan Mohamud Ahmedinejad ayaa maalintii shalay aheyd xarigga ka jaray Diyaaradii ugu horeysay ee abid lagu farsameyo gudaha dalka Iiraan taas oo aan u baahan in shukaanta duuliye u qabto.

Diyaaradan oo ka mid ah diyaaradaha wax burburiya ayaa loogu magac daray "Safiirka Dhimashada Cadawga Iiraan" waxaana  sidoo kale diyaardan oo Afar Mitir ah lagu qalabeeyay Gantaalo gaari kara masaafo dhan qiyastii 1000KM.

"Diyaaradani inkastoo ay tahay Safaarada Dhimashada Cadawga Iiraan waxay sidoo kale xambaarsan tahay Dhambaal Nabadeed iyo mid saaxiibtinimo" Sidaas waxaa saxaafada u sheegay Madaxweynaha Reer Galbeedka ka maanka duwan Ahmedinejad.

Si kastaba arintu ha ahaatee waxaa horumarkan Iiraan ka niyad xun Reer Galbeedka iyo Yuhuuda waloow dalalka Islaamku aad ugu farxeen talaabadan loo baahnaa.

Linkigan ka aqriso aqbaarta oo Ingiriisi ah:

http://news.yahoo.com/s/ap/20100822/ap_on_re_mi_ea/ml_iran_unmanned_bomber

Dowladda Soomaalíya oo tacsi u dirtay Dadkii ku dhintay qaraxyadii Yugaandha balse aan waxba ka soo qaadin kuwa maanta ku dhimanaya Muqdisho

$
0
0

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Yugaandha Sayid Axmed Shiikh Daahir oo munaasab Askar Soomaaliyeed tababar loogu soo gebagebeeyay ka hadlayay ayaa muujiyay sida ay ka dowlad ahaan uga xun yihiin qasaarihii nafeed ee ka dhashay qaraxyadii magaalada Kampala.

Safiirku wuxuu tacsi qalbiga ka soo go'day u diray guud ahaan Reer Yigaandha gaar ahaan Eheladi ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay qaraxyadii mataanaha ahaa ee ka dhacay Kampala kuwaas oo ku dhowaad boqol qofood noloshooda galaaftay.

Dowladda Yugaandha ayuu sidoo kale safiirku uga mahadceliyay kaalmada ciidan ee ay u fidisay Dowladda Soomaaliya waloow uusan soo hadal qaadin xasuuqa ay ku hayaan ciidamada Yugaandheesku Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Si kastaba arintu ha ahaatee waxay hadalka safiirku dad badani ku tilmaameen mid ay ka muuqato naxariis la'aan maadaama hadda oo aan hadleyno madaafiic ka soo dhacday Qoryaha Ciidamada Yugaandha ay ku dhinteen shacab fara badan oo aan wax shuqul ah ku laheyn dagaalada Dowladda looga soo horjeedo.

hagankanet@gmail.com

Djibouti Muxaadaro 1 (shekh Abdirahman) Quwada iyo dhalinyaradda 1.flv

Djibouti Muxaadaro 2 (shekh Abdirahman) Quwada iyo dhalinyaradda 2.flv

Djibouti Muxaadaro 3 (Shekh Abdirahman) Quwada iyo dhalinyaradda 3.flv

Djibouti Muxaadaro 4 (Shekh Abdirahman) Quwada iyo dhalinyaradda 4.flv


Djibouti Muxaadaro 5 (Shekh Abdirahman) Quwada iyo dhalinyaradda 5.flv

WAR DEG DEG AH: XILDHIBAANO IYO SHACAB LAGU LAAYAY HOTEL MUNA EE DEGMADA XAMAR WEYNE

$
0
0

WAR DEG DEG AH: War deg deg ah oo hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in kooxo hubeysan oo ku labisan dareeska ciidamada  ay weerar ku qaadeen Hotel Muna oo inta badan ay degan yihiin Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in tira aan la hubin balse aan ka yareyn tobaneeye Xildhibaan iyo Wasiiro ay gudaha Hotel ku jireen markii kooxahani ay rasaas aan loo kala aabayeelin ku fureen Gudaha Hotelka xili dadku isu diyaarinayeen hawlmaalmeedkooda caadiga ah.

Shacab fara badan iyo shaqaalihii Hotelka ayaa sidoo kale la rumeysan yahay in ay ku dhinteen weerarkan waloow aan weli wax war ah laga heyn sida wax u dhaceen.

Kooxahan ayaa ugu dambeyntii la sheegayaa in ay isqarxiyeen markii ay laayeen dadkii Hoteelka gudihiisa ku jiray Xildhibaano iyo Wasiiro haba u badnaadeen.

Wixii war ah ee soo kordha kala soco qeybaha dambe ee wararkeena haddii Alle Idmo.

halgankanet@gmail.com 

Dagaal culus oo degmada Boondheere, agagaarka Hotel Weheliye iyo qeybo ka mid ah wadada Maka-Almukarama ku dhex maraya Dowladda iyo Xoogaga ka soo horjeeda

$
0
0

Dagaal aad u culus ayaa waxaa hadda si xawli ah uga socda deegaanada ay ka midka yihiin Boondheere, Hotel Weheliye iyo weliba qeybo ka mid ah Wadada Halbawlaha u ah dhaqdhaqaaqa Dowladda ee Maka Almukarama.

Dagaalkan oo aan waxba la isu reeban ayaa waxaa ka qeybqaadanaya ciidamo dowladda ka tirsan oo ay ka barbar dagaalayaan kuwa Ahlu Sunna iyo Xoogaga Alshabaab iyo Xisbul islaam oo dhinaca kale ka soo jeeda, waxaana afarta dhinac ee magaalada Muqdisho ku dhacaya madaafiicda goobta ee ka soo dhaceysa saldhigyada Ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdisho.

Waxaa gebi ahaanba qalqal ku habsaday shacabka marrasta ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho iyadoo dhanka kale qasaaraha ka dhashay dagaalkan hadda socda aan la ogeyn marka laga soo tago Duqeyntii ilaa xalay socotay ee galaafatay nolosha shacab aad u fara badan.

Dagaalkan ayaa soconaya xili Hotel ay deganaayeen Xildhibaano iyo wasiiro ay saakay weerar culus oo ismiidaamin lagu sheegay ku qaadeen kooxo hubeysan oo ku lebisan Dareeska Ciidamada Dowladda waxaana hadda la daabulayaan dhaawaca iyo meydadka dadkii Xildhibaanada u badnaa ee Hotelkaas ku waxyeeloobay.

Wixii war ah ee soo kordha dib uga bogo haddii alle Idmo.

halgankanet@gmail.com 

 

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalada Muqdisho, AMISOM Taangiyadeeda bannaanka u soo bixisay iyo ciidamada Dowladda oo u muuqda kuwa laga awood roonaaday

$
0
0

Waxaa weli si xawli ah u socda dagaalkii qaraaraa ee u dhexeeyay dowladda iyo xoogaga ka soo horjeeda, sida wararka ugu dambeeya ee dagaaladuna ay sheegayaan ciidamada Dowladda waxaa laga soo saaray qaar ka mid ah dhufeysyadii ay ku jireen.

Ciidamada AMISOM ayaa bilaabay in ay afarta dhinac ee magaalada Madaafiicda u qeybiyaan iyagoo dibadda u soo saaray Taangiyadooda si ay u difaacaan goobaha cayiman ee horayba gacanta Dowladda ugu jiry balse haatan Qilqiisha ku jira.

Dhanka kale waxay rasaasta iyo Madaafiic la is weydaarsanayo ku dhacayaan deegaano aad uga fog goobaha dagaalku ka socda waloow ay weli adag tahay in la ogaado qasaaraha ka dhashay dagaalkan ku dhowaad shan iyo tobanka saacadood sida xiriirka ah uga socda qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Saraakiisha Caafimaadka iyo hawlwadeena Gaadiidka dhaawaca daabula ayaa laga soo weriyay in ay u tabar la'yihiin dhaawacyadii daadsan meelaha dagaaladu ka socdaan iyo weliba meelo ka sii fogfog.

Ma jiraan wax dadaalo ah oo socda si loo baajiyo dhiiga daadanaya ee Soomaaliyeed laakiin taas bedelkeeda waxay dhinacyadu sii dhiirigeliyaan sii wadista dagaalkan umula dooxa lagu micneeyay.

halgankanet@gmail.com 

Guurka waa muxadaro aad u muhiim ah by Sh Muhomed Ahmed (Boqolsoon) part ...

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live