Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Madaxweyne Shariif oo la sheegay in uu raali ka ahaa faragelinta milateri ee Kenya iyo warar ku saabsan khilaafka isaga Ra'iisal wasaaraha u dhexeeya

$
0
0

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliyeed Cabdisamad Macalin oo ka mid ahaa ergadii Nayroobi la tagay Ra'iisal wasaare Gaas ayaa sheegay in madaxweynuhu uu ergadan safarka ay Nayroobi ku soo aadeen ka dambeeyay.

Cabdisamad wuxuu dhanka kale sheegay in madaxweynaha iyo ra'iisal wasaaraha uusan u dhexeyn wax khilaaf ah oo ku saabsan safarka Nayroobi, waxaana uu ku dooday in Kenya ay xaq u leedahay dagaalka ay dalkeeda ku difaaceyso.

Lama oga waxa uu madaxweynuhu ka sameyn doono ama sameyn karo heshiiskii shalay ay magaalada Nayroobi ku kala saxiixdeen Ra'iisal wasaare Gaas iyo Ra'iisal wasaare Raila Odinga, heshiiskaas oo dhigayay in wadajir loola dagaalamo al Shabaab.

Kal hore ayeey aheyd markii uu madaxweyne Shariif shacabka u sheegay in uusan raali ka aheyn faragelinta Kenyaatigu ay ku sameynayaan Soomaaliya.

halgankanet@gmail.com


Heshiiska 11-ka qodob ka kooban ee ay dowladaha Kenya iyo Soomaaliya kala saxiixdeen hoos ka aqriso (Qoraalka Heshiiska)

$
0
0

Nairobi Isniin 31 October 2011 (SONNA) Waxaa maanta kulan xaasaasi ah ku yeeshay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya Wafuud ay kala hogaaminayeen R/wasaaraha Soomaaliya Dr C/weli Max’ed Cali Gaas iyo R/wasaaraha Kenya Railla Oding  kaa oo ay kaga hadlayeen iskaashiga labada dowladood ee ku saabsan la dagaalanka kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab.

R/wasaare C/weli ayaa waxaa kulankaasi ku wehliyey R/wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Xuseen Carab Ciise, R/wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif, Wasiirka Arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Mudane C/samad Macalin Max’uud, Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo Safiirka Soomaaliya ee Kenya Danjire Max’ed Cali Ameeriko.

Sidoo kale R/wasaaraha Kenya waxaa kulankaasi ku wehliyey Wasiirka Gaashaandhigga ee Kenya Max’ed Yuusuf Xaaji, kaaliyaha Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Kenya Richard Onyonka, Madaxa ciidamada difaaca ee Kenya Jenaraal Julius karangi, Xoghayaha joogtada ee Xafiiska R.wasaaraha Kenya Dr Max’ed Isahakia, Danjire Nancy Kiriu oo ah xoghayaha gaarka ah Wasaaradda Difaaca ee Kenya iyo xubno kale oo uu ka mid ahaa safiirka dowladda Kenya u qaabilsan Soomaaliya James Mulinge.

Kulankan ayaa waxa uu dabo socdaa heshiiskii 18-ka October ay Muqdisho ku yeesheen wafuud ka socday dowladda kenya iyo madaxda dowladda Soomaaliya oo ku saabsanaa iskaashiga labada dowladood ee dhanka sugidda amniga koonfurta Soomaaliya, iyadoo 21-kii bishaan magaalada Adis ababa lagu soo gabo gabeeyey kulankii 41-aad ee ay isugu yimaadeen madaxda ururr goboleedka IGAD kaa oo lagu taageeray in dowladda Kenya ay ka qayb qaadato howgalka koonfurta Soomaaliya looga sifeynayo Al-shabaab oo dhibaato ka wada Gobolka oo dhan.

Kulanka maanta ay Madaxda labada dowladood ay ku yeesheen magaalad Nairobi ayaa lagu kala saxiixday 11- qodob oo kala ah.


1. Howlgallada ciidamada Kenya ee Gudaha Soomaaliya waxa uu u jeedkiisu yahay ka hortagga hanjabaadaha kooxda Al-shabaab, ee ah in ay qal qalgelineyso  amniga iyo dhaqaalaha dalkaasi, iyadoo dowladda Kenya ay xaq u leedahay in ay isdifaacdo sida uu dhigayo qodobka 51-aad ee xeerka Qaramada Midoobay.


2. Al-shabaab waa codowga, labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya, waxa ayna Qatar ku tahay gobolka iyo caalamka intiise kale, waana in si  isku mid ah labada dowladood ay uga hortaggaan dhibaatada kooxdaasi, iyagoo la kaashanaya beesha caalamka.


3. Howlgalkaan waxaa hogaaminayo ciidamada qalabka-sida ee Soomaaliya, iyagoo taageero ka helaya ciidamada Kenya, si ay bartilmaameedsadaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayan Al-shabaab.


4. Dowladda Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa howlgallada ciidamada Kenya ee ay ku taageerayaan ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo si daris wanaag ah iyo ka mid ahaanshiyaha Midowga Afrika uga qayb qaadanaya howgalkaasi.


5. Labada dowladood waxa ay isweydaarsan doonaan warbixinada ku saabsan dhaq dhaqaaqyada Al-shaabab, iyadoo la dhisi doono guddi wada jir ah kuwaasi oo si gaar ah uwada shaqeyn doono, islamarkaana kulamo gaar gaar ah ku wada qaadan doono magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.


6. Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya waxa ay sameyn donaan dib-lomaasiyiin labada dhinac ah kuwaasi oo u ololeynaya taageerada howlgalada bilowga ah, islamarkaana xubno ka tirsan kooxdaasi dib-lomaasiyiinta ah waxa ay kulan 1-da bisha November ku yeelan doonaan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxa ayna safaro ku kala bixin doonaan caasimadaha labada dal.


7. Ciidamo dheeraad ah oo ka socda Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la geyn doonaa goobaha laga sifeeyo maleeshiyada Al-shaabab ee koonfurta Soomaaliya, si ay u xaqiijiyaan amniga iyo nabadgelyada deegaannadaasi,  ayna u caawiyaan maamulada ay dowladda Soomaaliya ka hirgelin doonto Gobolladaasi.


8. Beesha caalamku waxa ay kaalmo beni’aadanimo oo deg deg ah gaarsiin doontaa goobihii dhawaan laga saaray Al-shabaab, iyadoo sidoo kale deegannadaasi ka hirgelin doonto xarumo caafimaad iyo goobo waxbarasho.


9. Maxkamadda dambiyada dagaalka ee ICC waxa ay dowladda Soomaaliya ka caawin doontaa baaritaannada shaqsiyaadka dambiyada dagaal geystay ee Al-shabaab ka tirsan, sidii maxkamad loo  soo taagi lahaa.


10. Beesha caalamku waxa ay keeneysaa taageero dhinaca farsamada iyo maaliyadda ee ku aadan xanibaadda isticmaalka dekadda Kismaayo, ilaa iyo inta Al-shabaab laga saarayo dekadda Kismaayo.


11. Dowladda Kenya marnaba wada xaajood la gelimeyso Al-shabaab, balse dowladda KMG ee Soomaaliya waxa ay u madax banaan tahay in ay wada hadalo la yeelato Al-shabaab, iyadoo laga tixraacayo heshiisyadii Jabuuti iyo kii Kampala oo ay taageereen Urur gobolleedka IGAD iyo Midowga Afrika

Source: SONNA

Qatarta Hubka Libya

$
0
0

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey waxaa uu walaac xoog leh ka muujiyey waxa uu ku danbayn doono hub aad u fara badan oo ay Libya haysatay markii uu xukunka hayey Col Qaddaafi

Barakac baahsan oo Kismaayo ka jira iyo maraakiibta dagaalka Kenya oo saacadaha soo socda ku soo wajahan dekadda Kismaayo

$
0
0

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa maanta ka jira barakac baahsan oo ay shacabka halkaas ku dhaqan ka barakacayaan diyaaradaha dagaal ee halkaas habeen iyo maalin dul heehaabaya iyo weliba warar sheegaya in maraakiib dagaal ay Kismaayo ku soo fool leeyihiin.

Dhanka kale waxay warar laga soo xigtay ilo wareedyo ku sugan magaalada Mombasa sheegayaan in halkaas ay ka dhaqaaqeen qaar ka tirsan maraakiibta dagaalka ee Kenya, maraakiibtaas oo weerar ku ah magaalada Kismaayo xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Kenyaatiga oo kaashanaya saaxiibadooda reer Galbeedka ayaa doonaya in weerar cirka, dhulka iyo badda ah ay ku qaadeen al Shabaabka ku sugan magaalada Kismaayo iyo deegaanada kale ee dhaca Jubbooyinka.

Dowladda Kenya war rasmi ah ku saabsan maraakiibtan dagaal ee Kismaayo ku soo wajahan lagama hayo laakiin waxaa la saadaalinayaan inay arrinta uga aamuseen xeelado milateri dartood.

Wixii war ah ee soo kordha dib ayaan idiinkaga soo sheegi doonaa haddii Alle idmo.

halgankanet@gmail.com

 

War deg deg ah: Xabsiga magaalada gaalkacyo oo xoog looga baxsaday eedeysanayaan halkaas ku xirnaa

$
0
0

War deg deg ah oo hadda Gaalkacyo naga soo gaaray ayaa sheegaya in dhanka Koonfureed ee magaaladaas xabsi ku yaal xoog looga baxsaday laba nin oo ku eedeysnaa afduub loo geystay dad ajaaniib ah.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay inay arkeen rag hubeysan oo xoog ku gelaya xabsiga Koonfurta Gaalkacyo, xabsigaas oo ay gacanta ku hayaan ciidamada maamulka Galmudug State.

Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in kooxaha hubeysan ee eedeysanayaashan xabsiga xoogga uga baxsaday ay ku jireen ilaalada madaxda maamulka Galmudug qaarkood.

Waxaa weli kacsan xiisad ka dhalatay eedeysanayaashan xoogga lagu baxsaday wixii war ah ee soo kordhana dib ayaan idiinkaga soo gudbin doonaa haddii Alle idmo.

 

halgankanet@gmail.com

Qaraxyo culus oo ka dhacay Gobolka Sool iyo Maamulka Sool oo si weyn uga hadlay

$
0
0

Laba qaraxyo oo culus ayaa waxay ka dhaceen Gobolka Sool, iyadoo dhinaca kalana uu maanta ka hadlay Maamulka Gobolka Sool, kuwaa oo sheegay inay ammaanka adkeyn doonaan.
Laba qaraxyo oo bam gacmeyd loo-adeegsaday ayaa waxaa xalay lala beegsaday Saldhig ciidan oo ku yaalla Koonfurta magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool, iyadoo ay geysteen khasaarooyin kala duwan.
Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxyadaan ayaa waxay sheegayaan in qaraxyada ay ku dhaawacmeyn laba askari, halka mid kalana uu geeriyooday, iyadoo laga cabsi qabo inay khasaaraha intaasi ka sii bataan.
Gudoomiyaha Magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool ee Xukuumadda Somaliland Mudane Keyse Maxamed Xaaji Xuseen, ayaa wuxuu sheegay in qaraxyadaan ay u soo qabteen 20 ruux.
Dadka ay qaraxyadaan u soo qabteen, ayaa wuxuu sheegay inay ku tuhmayaan inay ka dambeeyeen qaraxyadii xalay lala beegsaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Koonfurta Magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool, isla-markaana dadka aan dambiyada laheyn ayaa wuxuu sheegay inay sii deen doonaan.
Somaliland ayaa waxay sheegtay inay kahor taggi doonto qaraxyada culus lala beegsanaayo magaaladda Laascaanood ee Gobolka Sool, isla-markaana waxay sheegtay inay kahor taggi doonaan kooxaha nabadiid ah.

Safaradii Dalka turkiga oo manta laga furay Magalada Muqdisho ee caasimada Dalka Soomalya

$
0
0

Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Dr: Koni iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray islamarkaana kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Aden Ade international Airport ayaa waxa uu Sheegay in Soomaaliya ay ka caawin doonaan arimo farabadan oo ay kamid tahay dhinaca amaanka
Isagoona Sheegay in hada waxii ka dambeeya uu Soomaaliya si toos ah ugu Shaqayn doono.
Wasiiro dowlaha wasaarada arimaha dibadda Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya Xaamud Cali ayaa maanta waxa uu kamid ah Mas’uuliyiintii soo dhaweeyay safiirkaasi waxa uuna Sheegay in Safiirku uu haatan u yimid sidii uu ugu howlgali lahaa Xafiiskiisa Muqdisho.taa oo uu ku tilmaamay in safaaradii turkiga ee Soomaaliya ay hada howsheedii dib u bilaabayso.
Dowladda Turkiga ayaa Muujinaysa saxiibtinimadeedii Soomaaliya iyadoona Meelo badan ay caawisay Soomaaliya oo laga Xusi karo Caafimaadka iyo waxbarashada

Puntland oo Xayiraad ku soo Rogtay Telefishanada Universal iyo Somali Channel (Daawo)

$
0
0

Garowe (RBC) Wareegto maanta ka soo baxday wasaaradda warfaafinta maamulka Puntland ayaa shaqada looga joojiyay xafiisyada ay deegaanada Puntland ku leeyihiin labada telefishan ee kala ah Universal iyo Somali Channel.
Wareegtadan oo uu ku saxiixnaa wasiir ku xigeenka warfaafinta Puntland C/laahi Maxamed Faarax (Aswad) ayaa lagula socodsiiyey gudoomiyaasha gobolada, taliyaasha ciidamada iyo maamulada degmooyinka inay fuliyaan amarkan.
Ma cadda sababta rasmiga ee Puntland ay shaqada uga joojisay labadan telefishan hase yeeshee waxaa uu amarkan ku soo beegmay maalmo ka dib markii madaxweyne C/raxmaan Faroole uu si weyn u aflagaadeeyey saxaafada xorta ee Soomaaliya oo uu ku sheegay inay yihiin ‘fidno wadayaal’.
Tan iyo wixii ka dambeeyey markii maamulka C/raxmaan Farole uu talada qabtay sanadkii 2009 waxaa sii kordhayey cadaadiska maamulku ku hayo saxaafadda xorta ee ka hawlgasha deegaanada Puntland. Wuxuuna maamulku xiray idaacado fara badan halka suxufiyiin badana ay ka carareen cadaadiska joogta ee maamulku ku hayo.


Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo U dhoofay Jarmalka

$
0
0

Waxaa goor dhow ka duulay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde wafdi uu hogaaminayay R/wasare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahin.
Wafdigan ka dhoofay garoonka Aadan Cadde  ayaa waxa ay ku sii jeedeen wadanka Jarmalka kadib markii  wasirka arrimaha dibada uu casuumaad ka helay dhigiisa jarmalka.
Wasiirka arrimaha dibadda ayaa waxaa sarafkiisa ku wehlinayay wasiir ku xigeenka maaliyadda iyo lacagta Cali Dirir faarax.
Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahin wasiirka arrrimaha dibadda oo la hadlayay warbaahinta  Qaranka ayaa sheegay in safarkiisa uu qaadan doono mudo afar malmood ah si uu kulamo ula qaato madaxda dalkaasi  isagoo xusay in mas’uuliyiinta Jarmalka uu kala hadli doono  xiriirka labada dal iyo soo celinta hantada dowladda ee taal dalkaasi.
waa markii ugu horeysay ee uu wasiirka arrimaha dibada booqasho ku tago dalka Jarmalka taniyo markii loo magacaabay xilkiiisa.
 
 
 

Al-Fanaan Axmed Biif Oo Lagu Soo Dhaweeyey Johannesburg + Sawiro

$
0
0

Johannesburg – GMN - Fanaanka Caan ka Ah Axmed C/kariin (Biif)Ayaa Ka Soo Dagay Garoon Caalamiga ah ee Magaalada Johannesburg Dalka Koofur Afrika oo Qiyaastii 40 kiiloo Mitir u jirta Xaafada Soomaalida ay Ku badatahay ee La yiraahdo Mayfair.
Boqolaal Soomaali Ah isugu Jira Ganacsato Iyo Dhalinyaro ayaa fanaanka waxa ay ugu hortageen garoonka diyaaraha ee magaalada Johanseburge kuwaasi oo wajiyadooda ka muuqatay farxad iyo reynreyn iyadoo fanaanka Axmed Biif ugu mahadceliyay sida weyn ee loogu soo dhaweeyay South Afrika safarkiisa kowaad ee uu ku yimaado,
Kadib imaatanka fanaanka ayaa waxaa loo soo galbiyay Hotel NURA INTERNATIONAL Hotel oo ka mid Hotelada ugu bilicda wanaagsan magaalada Johanseburge isagoo casho sharaf kula qaatey Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee dalka K/Afrika ee (SOJSA)
Fanaanka Ayaa Waxaa Si gaara U casuumay Suura galshayna inuu Imaado Dalka K/afrika Ganacsade Axmed Maxamed Cabdi (Axmed Yare) oo ka Mid h Ganacsatada ugu Cad cad Waqti Dheer Haminayay In uu Shacabka Soomaaliyeed Baahidooda Daboolo,

Hadaba Fanaanka ayaa la rajeenayaa inuu dhawaan la ciidi doono Ummada Soomaaliyeed ee ku nool Dalka K/arika.
Waa markii ugu horeeyey oo uu fanaanka Axmed Biif soo gaaro Dalka South Africa waxa uuna noqonayaa Fanaankii Sedexaad ee imaada gudaha dalka Koonfur Afrika , Fanaanka oo la rajeynayo inuu Maalmaha soo socda Bandhig faneedyo waaweeyn ku qaban doono Magaalooyinka Ugu waaweeyn dalka South Africa.
Bandhig Faneedyada uu fanaanku ku qaban doono Magaalooyinka Johannesburg, Cape Town, Port-Elizperth, Hebeenka Ciida Carafo ayaa waxa la rajeynayaa inuu Fanaanku Laciidi Doono Soomaalida ku dhaqan Johannesburg halkaasna Bandhig weyn lagu qaban doono isagoo Garbihiisa soo istaagi Doonaan Fanaaniinta Ku dhaqan Gabi ahaanba Magaalooyinka Dalka.
Daawo Sawirada:

Abdulfatah Sablale
Johannesburg, South Africa
sablale@hotmail.com

Ra’isal Wasaaraha oo dib Muqdisho ugu soo laabtay (Sawirro)

$
0
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay kadib socdaal labo cisho qaatay oo ay ku tageen magaaladal Nairobi ee dalka Kenya halkaasoo ay kula soo kulmeen heshiisna kula saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha dalka Kenya Raila Odinga.
Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisa ayaa waxaa si diiran loogu soo dhoweeyey garoonka caalamiga ah ee Aadancadde International waxaana soo dhoweeyey Wasiiro, Xildhibaano, saraakiil, iyo bulshada rayidka ah iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu uu saxaafada uga warbixiyay natiijada kulankii Nairobi.
“Natiijo wanaagsan ayaa ka soo baxday kulankii Nairobi aan kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Kenya waxaana kala saxiixay heshiis iskaashi dhinacyo badan oo labada dowladood ay ku xoojinayaan xiriirkooda dhanka ammaanka iyo siyaasada, wuxuuna ku soo idlaaday kulankeenu is afgarad” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo iska fogeeyey inuu jiro wax kala aragti duwanaanshiyo ah oo u dhaxeeya isaga iyo madaxweynaha dowladda Mudane Sheekh Shariif Sh. Axmed.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xusay in kulamo kale oo gooni gooni ah uu la qaatay madaxda Kenya iyo kuwa beesha caalamka kaasoo lagu xoojinayo taageerada heshiiska labada dowladood, “Qodobka ugu muhiimsan ee heshiiskan waa in si isku mid ah hal meel looga soo wada jeestaa caddowga labada dowladood, gacan bir ahna lagu qabto” ayuu mar kale yiri.
-DHAMAAD -
 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Barakac xoogan oo ka soconaaya magaaladda Kismaayo iyo Xarakada Al Shabaab oo aan ka hadlin

$
0
0

Barakac xoogan ayaa wuxuu ka bilowday magaaladda Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, ilaa iyo hadase kama aysan hadlin Xarakada Al Shabaab, oo iyadu gacanta ku heysa magaaladda.
Shacabka ku dhaqan magaaladda Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa waxay baqdin xoogan ka qaadeen diyaaradaha Dowladda Kenya oo duqeymo qorsheysan ka geysanaaya qeybaha kala duwan ee Gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.
Shacabka ayaa waxay u barakacayaan meel walba oo ay islee-yihiin waad ku bad-baadi kartaan, laakiin waxay intoodu badan ay u barakacayaan xerooyinka qaxootiga ah ee ku yaalla dalka Kenya.
Boqolaal ka mid ah qoysaska ku dhaqan magaaladda Ksmaayo, ayaa waxay si toos ah uga wada baxeyn qeybaha kala duwan ee magaaladda Kismaayo, iyagoo u barakacaaya goob walba oo ay islee-yihiin, waad uga bad-baadi kartaan duqeymaha.
Boosteejada baabuurta laga gaaco ee magaaladda Kismaayo, ayaa waxay tahay mid aad u mashquul badan, waxaana ku sugan boqolaal ruux oo iyagu iskaga baxaaya qeybaha kala duwan ee magaaladda.
Majirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Xarakada Al Shabaab ee Magaaladda Kismaayo, oo ku aadan dadka reer Kismaayo oo bilaabay inay faarujiyaan magaaladda Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

DEG DEG: Dagaal Xoogan oo Ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab ku Dhexmaray Gobalka Jubada Hoose

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Dagaal xoogan ayaa goor dhow wuxuu ka dhacay deegaanka Hawuuna ee gobalka Jubada hoose kaasi oo u dhaxeeya ciidamada dowlada KMG iyo kuwa Kenya oo isku dhinac ah iyo dagaalyahanada Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa wuxuu ka danbeeyay ka dib markii ciidamada Al-Shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen ciidamada Kenya oo marayay meel ku dhow deegaanka Hawuuna oo ku dhow deegaanka Qooqaani.
Waxaana la sheegayaa in weerarkaasi ka dib uu halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada Kenya iyo kuwa dowlada Soomaaliya iyo waliba dagaalyahanada Al-Shabaab.
Afahayeen u hadlay dowlada KMG oo lagu magacaabo Maxamuud faarax ayaa u sheegay warbaahinta in weerarkaasi uu ahaa mid gaadmo ah isla markaana ay Al-Shabaab ku qaadeen ciidamada Kenya.
Afhayeenka ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in ay halkaasi ku ay ku dileen ilaa iyo sadax dagaal yahan oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab isla markaana ay halkaasi ka baxsadeen ciidamada Al-Shabaab.
Ilaa iyo iminka ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaan ka dhacay deegaanka Hawuna ee gobalka Jubada Hoose
Wixii war ah oo ku soo kordhaa kala soco RBC Radio

Shirkada Isgaarsiinta Hormuud oo maanta soo bandhigtay adeeg cusub oo lagu magacaabo Dalmar International Roaming

$
0
0

Shirkada Isgaarsiinta Hormuud oo ah shirkada ugu weyn dhinaca Isgaarsiinta ee ka howlagasha koonfurta iyo bartamaha Somalia ayaa maanta soo bandhigtay adeeg la magac baxay Dalmar International Roaming, kaasoo ay sheegtay in macaamiisheeda ay ka heli doonaan faa’iidooyin badan. Gudoomiyaha shirkada Isgaarsiinta Hormuud Telecom Somalia Axmed Maxamuud Yuusuf ooo manta shir jaraa’id ku qabtay xarunta [...]

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigii uu hogaaminayay oo dib dalka ugu soo laabtay

$
0
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay kadib socdaal labo cisho qaatay oo ay ku tageen magaaladal Nairobi ee dalka Kenya halkaasoo ay kula soo kulmeen heshiisna kula saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha dalka Kenya Raila Odinga. Ra’iisul [...]


Open Letter Puntland President

$
0
0

To Puntland President
Cc Puntland Parliament Chairman
Cc TFG President
Cc TFG Prime Minister
 
Sub: AMISOM Galkayo/Puntland                              November, 1st. 2011, Galkayo.   
“In the name of God most merciful, most gracious”
Dear Mr President of Puntland your announcement of AMISOM troops in Galkayo has raised eyebrows as well as, serious questions within the Puntlanders both Diaspora and local. One viable testimony is the havoc it has created during your address of the Puntland Diaspora in London.
It has also deeply touched the Rer Mudug Communities as the need for answers has reached a point whereby demonstrations were organized by the Galkayans To put matters in the right track a meeting was organized by Puntland Intellectuals Forum, Galkayo branch to ‘legitimize’ the public opinion in a an open discussion.
On the 1st, November, 2011 the meeting was held in the Centre for Peace And Development (CPD ) environs having invited a good seventy members of the various social circles to give room to an intelligent debate that can represent Galkayo Community stand-point. It is usually and preferably these forums that produce a representative view.
Mr. President, as you might know from your Presidential Information Desk the meeting was successful in producing a unanimous decision and a Platform for ‘No Unilateral AMISOM presence in Galkayo’.
The meeting has also produced a document with solid reasons for taking such a position.

  1. There are no any logical reasons for this unilateral undertaking. There were no clarifications on your part or the Cabinet for that matter.
  2.  The AMOISOM force presence in Somalia/ Mogadishou has a job to finish in South-Central Somalia before the required conditions (God forbid) are born in other areas of Puntland or Somalia.
  3. Their presence can (and will attract) full Al Shabab commitment in Galkayo as they vowed to fight any foreign presence in the Somali soil. This is not the case now as far as we can agree.
  4. Finally, but not the least or the last, this move can give rise to inter-IGAD conflict, and a deterioration of the current Somalia scene. We should not forget that Galkayo is the gateway for the security cooperation between Puntland and Ethiopia.

The Meeting has put emphasis on the proper use of Puntland Forces which can tackle with the Security issue if properly funded, trained and taken advantage of. It is this view that explained the foundations for security and counter terrorism.
As this document represents the view of the Galkayo Community, we would like to see your good offices, revise its position and give due consideration to the opinion of its people. This does not mean that we are confronting our Governments legal status or its deliberations, but we are rather skeptical of the grave consequences that can result from this step both in the short and long terms. The decision was also criticized as lacking legal maturity.
Mr President, We cannot call your position uncalculated, but have the right to have our opinion in search of ways to have a contribution in our affairs. The lack of a gradually formed government position that considers its public opinion and has also sought the backing of the Parliament in these sensitive matters has triggered this popular uprising.
It is the underlying concept of this paper that the President is expected to highlight the weight of this document and have the courage to listen to his people.
His Excellency, Mr. President as the meeting has proposed we would like to see a different approach that can soothe the wounds of this community as well as the Puntlanders in general.
We also urge the TFG Presidium and Prime Minister not to transfer conflict to                                   Mudug/Puntland in its bid or mission to create ‘normal relations’ with Puntland President.
In the wider context the Transitional Federal Government should be very cautious not to destabilize stable areas by creating ‘Monsters’ to fight, when in fact AMISOM cannot extend its Military presence in the Southern Regions. The Kenyan Army intervention is a live testimony of the limited resources of AMISOM?
We would like to see that Puntland Parliament, in its October Session, will not miss the importance of this affair by not putting it in its agenda.
We would also like to see the opinion and contributions of the wider Puntland Community in this matter as it will not be an isolated case for Galkayo, but a launch pad for an affair that might bring new disasters. Welcome to your destiny.
It would be more opportune to create a website for a mature discussion. Do not hate someone for his view, worse do not insult your people; try to correct if you are a concerned Puntlander.
 
Zakaria A Nur
Zakaria.nur@diplomats.com
PIF, Galkayo
(Organizers)
 
 

Dollarka Hoos U Dhacay Iyo Maciishadan Sare U Kacday Yaa Ka Dambeeya?

$
0
0

Waa arrin la wada ogayhay, waa dhibaato siririsay nolosha qof kasta yar iyo weyn, iyo qoys walba. Doolarka biligiisu dhacay oo uu tageerayo sare u kaca iibka cunta iyo waxayaalaha lagama maarmaaanka nolosha dadka ayaa si aad ah u saranseeriyey dhaqaalihii dadka.
Arramidan xannuunka leh ee burburiya dhaqaaliiha dadweynaha guud ahaan ee qof walba durtay yaa ka dambeeya.
Waxa is weydiin leh, aamusnanta xukummadu maxay daarrantahay, ma danbaanay ka lahayn mise dambigay qayb tahay.
Hadda Halka Doolar wuxuu joogaa So.sh. 5200/=, maciishaduna 20% ayay sare u kacday,. Boqolkii dolarna ( $100) qiimihiisu20 dollar ayuu hoos u dhacay marka loo eego halkuu joogay 2010 kii horrantiisi ee Xukuumadii hore oo markaa joogay So.Sh. 6200. Kolka la kala gooyo qiimihii:
2010 iyo 2011 = 6200- 5200 = 100 dhexyaalka qiimaha 2da sano ee boqolka  $100 waa 620000- 520000= 100,000 oo dhiganta $19.230.
Qofka kasta 100 kiisii dollar sarrifka waxaa isku dhimay = $ 20
Maciishada sare u kacadayna waxay dhintay = $ 20
Qofkasta 100 ka doollar waxa sadhada sicir bararka
+ bili dhaca dollarku la kacay $40 .
Waxaa la yidhi Mulaca dilistiisu asana waa ku nafgooyo carruutana ku dheeldheel.
Haddaa waxaa haboon in farta lagu fiiqo cidda eedaa iska leh ee ku dheelaysa maciishada iyo qiimaha sarrifka lacagta adag.
1- Waxaa Hormood ka ah Xawaaladaha waawayn oo ka tallaabsady xawaaladnimadii oo lacacgtii lagu soo xawishay iyo lacagihii lagu kaydsaday kaga shaqaysta suuqa sarrifka. Siddi suuqii Wall street ee New York ayay boob la galeen suuqa sarrifka .
Qofka loo soo xawilay Boqol Dollar ($100 ) wuxuu qaataa $100 Doolar oo la  qiimo ah $80 (Sideetan Dollar) waayo markuu xawaalada uu ka qaatay lafteeda ka sarifto waxaa la siinaya So. sh. 520000 oo lla qiimo ah $ 80 Dollar kolka la barbar dhigo Sh. so. 620000 oo ahaa qiimihii $100 Dollar ee hoorantii sannadkii 2010 ilaa
badhtamihiisii iyo ka horba. Suuq sarrifka haduu is yidhaa la tagna waxaa ka horreya sarriflihii wakiilka xawaalada . Xaggu gebi xagu gebi , guntu walac!
2. Ganacsatata waawayn oo iyana sarrifka lacagta ku jra oo heehaabiya Doolarka oo si jaban u gurta. Waxay ganacsatu furteen xawaalado iyo sariflayaal. Shillinka mar xaryasta , marna doolarka jabsada i mar kalena qiimaha lagama maarmaanka
nolosha oo sare uu kiciyaan .. Tusaale ahaan kolka laga yimaado bili dhaca doolar oo ganacsatu shirqoolka ku jiraan waxay sare u qaadaan qiimaha raashinka si ay laba eef uga macaashaan hanta dadka.
Ganacsatdu waxay sare u qaadeen qiimahii raashinka iyo badeecadaha kale ee lagama maarmaanka ahaa 20% ama ka badansida bariiska, caanaha (cartoonka) Baastada ,
saliida . Sariifkiina $100 wuxuu goostay 20% Wadar $ 100 waxaa qofka la goostaa 40% waxaan u soo hadaha $ 60/=.
3- Bangiga dhexe toos ayuu faraha ugu la jira . Maamulka lacagta, baaxda lacagta shilinka Somaliland ee suuqa gelaysa iyo jaangoynta qiimaha doolarka
waa masuuliyadda Bangiga dhexe. Aamusnaantu waa oggolaansho fal, talo ama farogelin marna kamaanu maqal .
Mar haddii ay sidaa tahay bangiga dhexe shirqoolk uu qayb ka yahay oo weliba gacan saar la leeyhay xawaaldaha iyo wada qaybsi macaashka .
4- Wasaardadda Maaliyadda Xilkeedii way gabtay , ayagoo aan xeerakii lagu qarqarsiyay  lahaa sarrifka aan adeegsan ama samynin. Talaw ma dayn xawaaladuhu ku lahaayeen xukuumaddu ayaa loo oggoolaaday ina ka soo urursadaan suuqa sarrifka iyo lacagta dadka.
Wasaarrdda Maaliyaddu milgaheedu may marin oo ahaa inay :
b) Inay meel ku xidho qiimaha sarrifka oo ah inta u dhaxaysa So.sh.6000-6300 halkii doolar, si dhadhaqaaa sarrifku ugu leexaysto inta u dhaxaysa So.Sh.100 ilaa 300 dhexdood ( Boqolkii Dollar ugu badnaa 5 Dollar) macaash.
c) Dabgal iyo ganax iyo weliba ciqaab ku rido xawaalada , sariflayaasha iyo ganacstada u hogaansami waaya qiimaha sarrifka loo jaangoyey oo ah Sh.so. 6000 – 6300 .
5) Wasaaradda Ganacsiga shaqadeedii way ka soo bixiweyday. Inna kamay damqan dhibaatada sicir bararka. Qorshe lagu ilaaliyo sicirka waxyaalaha lagama maarmaanka nolosha may samayn talaabo iyo tub toona.
Ganacsatda Waawayn ee liisanka weyn leh wasaaraddda ganacgsigu awoodii ay kula xisaabtami lahayd may adeegsan oo ah:
a) In ganacsade kasta loo qoondeeyo baaxad go'an oo alaabo ah inuu keeno, bariiis Tonnage go'an, sonkor baaxd go'an ama saliid go'an iwm sanadkii.
Haddi uu keeni waayo yoolka loo qoondeeyay uu keeniwaayo waa in ganaax la saaro ama laga xayiro ganacsiga ama laga qaado liisanka.
b) In qiime loo sargooyo waxyaalaha lagama maarmaanka ah aygoo la socoda qiimaha aduunka uu ka jooogo.
c) In qiimaha cashuurta laga dhimo raashinka, daawada ,qalabka waxbarasha dharka qalabka dhismaha cashuurtii laga dhimayna la saaro waxyaalaha aan lagama maarmaankka ahayn ee Koka kolaha, qaadka sigaarka Elektroniska iwm
Doolarka soo batay oo xilligan xoolaha aadka loo iibsanayo ayaa bili dhaca doolark. ama shilinka yaraaday ayaa keenay,s heeko la inagu suuriyo la inooga dhigaa. Waxba kama jiraan . Waxaa jirtay oo ina soo maray sannadkan horrantiisii oo xoolo soconin in Doolarka bili dhiciisu gaadhay So. So. 5200/= waxaanay dadka loo sheegi jiray in shilinku yaraaday. Lix bilood ka dib markii la guranayay doolarka la jabsaday ,moo cidhhdhi la galay ayaa la yidhi hal kontaynar oo shilin somaliland ah ayaa imanay . Isagoo aan weli ina soo gaadhin ayaa doolarka biligiisi sare loo qaaday oo lagu sarrifay 5900/= halki doolar. Lacagtaasi ayaa kaydsanayay oo bakhaarada ku haystay.Tani Waxay markhaati ka tahay inay cidi ku ciyaarayso dhaqaalha dadka
Xukuuumada hadda joogtaa way ogtahay waxa jira ee nolosha iyo dhaqaalaha qof iyo qoysba naafeeyay. Haddaba waxaa la yidhi:
Aamusnaani waa oggolaansho, oo aynu odhan karno xukummaddu lug bay ku leedahay. Kolkaa ma dayn ay ganacstada iyo xawaaladuhu xukuumada ku lahayeen ayaa lagu yidhi ka garoocda doolar dadka iyo maciishadda qoysaska. Ma lacagtii 40ka malyuun  doolar ee Ilma Riyaale dhaceen ee laga saamaxay ayaa nalga goynayaa mise lacagti doorashada mid lagu galay ayaa cidi sii bixisay lagu yidhi dadweynaha ka soo ururso.
Waa yaab, ma tii horay tanina noo raacday.
Gabagabo waa in si dedeg ah loo farogeliyo. Xilku waa kii xukuumadda ee yaanay iska indha tirin, dadweynahana ha laga ilaaliyo boobka iyo dhaca lagu hayo.
 
Ahmed Mohamed Essa (axmed aw-salawaad)
ahmed_mohamedessa@yahoo.com
4149995

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Muxaadaro Ku Saabasan Dhibaatoyinka Haysta Qoysaska Somalida

Gaalkacayo:- Shir Xasaasi ah ayaa ka Furmay Maanta

$
0
0

Gaalkacayo:-Kulan xasaasi ah oo looga hadlaayay keenista Ciidamada shisheeye ee AMISOM ayaa maanta ka dhacay Gobolka Mudug – Gaalkacyo, ayaa waxaa kasoo qeyb galay mudanayaal ka socday Xukuumada Puntlnd iyo masuliyiin ka kala soctay Hay’addaha xarumaha ku leh Gobolka Mudug, waxaa goobta Kulanka ka hadlay mudanayaal dhowr ah oo iyagu Ra’yi aruurin iyo diidmo ku sameynaayay Odayaasha iyo masuuliyiinta ka kala socday qeybaha kala duwan ee kulanka soo camiray
Maalmo ka hor ayee ahayd markii Madaxweynaha Puntland Faroole uu carabaabay in Gobolka Mudug uu saldhigyo uga sameyn doono ciidamo AMISOM ee uu faroole ku sheegay in ay sugi doonaan amaanka Gobolka mudug islamar ahaantana kahor tagi doonaan dhacdooyinka qatarta ah ee maalmihii ugu danbeeyay ka socda gobolkaasi mudug taasoo uu ku sheegay Faroole in ay fuliyaan Shaqsiyaad ka tirsan Alshabaab taasina ay soo dadajisay in ay xukuumadiisu go’aan ku gaarto in ay AMISOM saldhigyo uga sameeyan gobolka mudug
Si kastaba ha ahaatee Odayaasha iyo masuuliyiinta kasoo qeyb-galay Kulankaasi ayaa qaadacay “Diiday” in Ciidamo ka socda AMISOM la geeyo Gobolka Mudug iyaga oo odayaasha sheegay hadii AMISOM la geeyo Mudug ay sabab u noqon doonaan in Puntland saldhigyo cusub ay ka sameystaan Alshabaab islamar ahaantana shacbiga reer Puntland ay fursad u noqon doonto in bur-bur ay sameeyan
Maxamed Cali Yuusuf Gaa Gaab oo ahaa Madaxwayni ku Xigeenkii Hore ee PL isla markaana in badan ahaa Wasiirka Maaliyada Puntland  ayaa Kulankaasi Aad uga hadlay In Keenitaanka Ciidamo Shi Sheeye ee PL aanay Raali ka ahayn Shacabku isla markaana Mudug ama Gaalkacayo aanay ka duwanayn Gobolada kale ee PL.
Gaa Gaab” Ayaa Yiri aniga Mucaarada ma ahi Dowladana kama Soo Horjeedo laakiin wixii Jira in la sheego waa Muqadas Foodada iyo Qaska ayaa soo badanaya hadii Ciidamo Meelo Fog Fog Laga Keeno.
Dr Bashiir Cali Biixi oo ahaa Wasiirkii Caafimaadka PL dhawaana xilka iska Casilay ayaa Madashaasi ka hadlay isaga oo Reer Mudug ugu Baaqay inay ka Mudaharaadaan Masiibada ah in Ciidamo AMisom ah Gaalkacayo la Keenayo.
Wuxuu Yiri Dr Biixi” Beesha Caalamka iyo dhamaan Wadamada Daneeya Somaliya Madaxwaynaha PL wuxuu u sheegaa in Mudug ay tahay Xero colaadeed hadeer waad Maqasheen Shirkii dhawaan Kampala ka dhacay Khudbadihii Madaxwaynaha PL Waxa ku Jirtay in Ciidamo Gaalkacayo la Geeyo.
Ahmed Maxamed
GalGalanews.com
 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live