Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

OWN: Halkan Ka Dhegaysta Waraysi Aanu Ka Qaadnay Guddoomiyaha Cusub Ee Gobolka Daad-madheedh

0
0

Hargeysa (OWN)- Waxa aanu halkan idiinku soo gudbinay waraysi aanu khadka telfoonka kaaqdnay guddoomiyaha cusub ee gobolka Daadmadheedh [Oodweyne] Md. Yuusuf Ibraahim [Yamaarug] oo aanu ka waraysannay arrimo kala duwan oo la xidhiidha xaalada gobolka iyo ilaa hadda intii uu xilka la wareegay tallaabooyinka uu qaaday.
 
 
Oodweynenews.com, Hargeysa Office


Milatariga Kenya oo digniin bixiyay

0
0

Afhayeenka milatariga Kenya ayaa u digay dadka degan sagaal magaallo in weerar lagu soo qaadi doono isagoo fariin ku soo diray Twitter.

Milatariga Kenya oo digniin bixiyay

0
0

Afhayeenka milatariga Kenya ayaa u digay dadka degan sagaal magaallo in weerar lagu soo qaadi doono isagoo fariin ku soo diray Twitter.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo aadaaya xajka

0
0

Muqdisho(pi) Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane proff. Cabdiwali M.A. Gaas ayaa bari u kici timi doona Wadanka Sacuudiga si uu usoo guto Xajka, Ra’iisal wasaaraha oo maanta kasoo laabtey safar shaqo oo ugu maqnaa wadanka Kenya ayaa bari hor kacaya xujeey aadeysa Xajka.
Ra’iisal wasaaruhu marka uu soo guto Xajka wuxuu kusoo laabanayaa Dalka.
Dhinaca kale Madaxweyne Shariif Shiekh Axmed ayaa safar shaqo maanta u adey Dalka Ugandha, waxaana la filayaa inuu bari Dalka kusoo laabto.
puntlandi.com
Xarunta Wararka Deg dega ah
123@puntlandi.com

Gabaygii Haku daaalin iyo (Abwaan yaxye Xaashi)

0
0

Gabaygan magaciisa waxa layiraahdaa ha kudaali hanadow kuwaan haanka loo qabaye
waxaan ilifay 1.11 .2011.wuxuu daba joogaa amaba aan ku hal qabsaday gabay uu tiriyay
abawaan cadi raxiin hilowle galayr gabaygaas oo soo baxay 23:10.2011 oo la yidhaahdo Hadafsame ayuu abwaanku soomalida aad oo kaga hadlayey marxalada umada soomaaliyeed iyo dalkeedu marayo waxaa erayadiisa ka mid ahaayeen hadaan iri hayaan iyo midnimo iyo horseed fiican,hadaan iri hanaan iyo wanaag qaada hadafkiisa,hadaan iri hilmaamay wixii hore inoo reebay
ayaan anigoo saluusan somalida sida loo lahadalyo iyo sida aanay waxaba u maqlayn ayan tixdan sameeyay anigoo abwaakii samirsiinaya una sheegaya in anay dadkani waxab maqlaynin ayaan ku iri. haku daalin hanadow kuwaan haanka loo qabaye,gabaygiina waa Kan ee Bogasho wacan
howraarta gabay waayadaan hoore malahayne
hal abuur ismaan layn intuu heerku saan yahaye
hayeeshee hawaawi baxiyo hiihdan dami wayday iyo
hadal abwaan sheegay baan uga hijroon waayay
ha da gabay halyaayow adaa hooriyoon dhigiine
adigay hidaha kuu tihiyo heerka dhaqameede
adigaa hal sheeg wacan leh iyo hogo tusaalayne
adigaa u halabsada sidii horinti maan deeqe
hirka baxaya adigaa ku lara hadal iyo suugaane
adigaa huq iyo ciil kajira haybadii qarane
halistiyo adaa garan halkay hodado taalaaye
hayeeshee huq iyo ciil anaa caawa haybsadaye
waana heerka ey marahayaan hoohay dadkaygiiyee
huud iyo ancaam iyo hadii diinta lagu hoorsho
hadii hadalkii nabigeena iyo hirasho loo baaqo
hadii haawiyada naarta iyo hadimo loosheego
hedooday ka tahay in ay maqlaan hadal wanaagiiye
hadal khayr leh meeshuu kajiro dheg uma hoorshaane
hardankaa baxaayowga wacan heerka dirireeede
hiloshiyo jacayl iyo ka tage heEdhe seetahaye
hurgumada nacybkaa uga wacan huq iyo ciilkiiye
hida raaca sharaftii ka tage heer lasoo maraye
hayrnaanta ceebtawga wacan heerka ay tahaye
labadii isla hadashaa ka tage hayda maqalkiiye
hugunka iyo qayladawga wacan haada oo kala è
intaas oo hal iyo kuwa kaloon horay usoo sheegnay
ayaa heerka noloshoodu tahay waana lahubaaye
ka haraay hadii lagu yiraa oo hadal san loo sheego
halis bay naftaadii galshaan ooy ku hodayaane
haku daalin hanadoow kuwaan haanka loo qabaye
hogaankoodibaa lumay hadana haybsha may lahane
midba heerka uu joogo yuu hanad is moodaaye
ruuxuu hogaankiisa helo horor iblays waalan
habataqa ayuu kala dhacaa hog iyo booraane
dabadeed halaag iyo badaa hirasho naareede
halkaasuu hoyaadkii noqdaa kuna hagaagaaye
Heerkaa dadkeenaa la mida ina hilowloowe
iyagaan halaba doorin oo taagan hilinkaase
dadkaan aad la hadashee ku tiri hayaay kasoo jooga
misna aan halkaa marina hayn kuna hagaagaynin
oo hororka xoolaha cuniyo hagagaf aan dhaamin
isaguba halkuu neef ku cuno kuma hadaaqeene
habeenimo ayuu gali lahaa hawdka geedahaye
halyaaygii dilana wuu yaqaan wuuna hodayaaye
hareertuu ka eegaa markuu hawdka soo galo è
horay wuxuu ugaystoo ogyahay iyo hadimadiisiiye
sidaas yuu naftiisii marnaba ugu halaynayne
waxse aan hawaawiga qalbiga hadal is waydiiyay
hadii habar dugaag uu naftii hadimada u diiday
halaagaa maxaa baday dadkaan aan is hura haynin?
ma hanaanka garashaa la mid ah ama ka hooseeya?
mase heerka noloshaa sidaa ula haboonaaday?
ma hedii baxaysaan marnaba hule ka daawoobin?
mase hubuqda maashan laqubin walina hoos jiifta?
horinyaal su aalod kabadan oon helin jawaabtooda
ayaa madaxa kaygaa ku haray walina haystaaye
hayaankii la raro waa in uu sahan horeeyaaye
hirashadu halkay noqon dadyohow waa hal kuu dhigane?
Waa erayadii hal- abuurKII
yaxye xaashi maxamad
asad75love@hotmail.com
sharaxa erayada>ina hilowloowe = Cabdiraxiin hilolwle galayr waa abwaanka aan ku halqabsaday
Fiiro Gaaraa:- sida aan kor ku xusay oo gabaygii Hadafsame ayuu daba socdaa gabaygan Haku daalin hanadoow, waxii su,aal ah ama turxaanbin waxaan u ahay diyaar mahadsanidiin dhamaan.
Hadaad doonayso inaad hesho Gabaygii hore waxaad ka heli karta linkiskisyadan hoos ku qoran:-
http://somalitalk.com/2011/10/28/gabaygii-hadafsame-waa-gabay-ka-hadlaya...

Qeybtii u horeeyay 1,000 askari lagu soo tababaray Uganda oo galabta Muqdisho ka soo degay+Sawirro

0
0

Waxaa garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho galabta ka sood egtay diyaarad siday boqolaal ka tirsan Ciidamada xooga dalka, kuwaasoo dhowaan tababar ku soo qaatay dalka Uganda, iyadoo Ciidamadan ay qeyb ka noqon doonaan Ciidamada Dowladda ee howl galada ka wada Magaalada Muqdisho. Ciidamadan oo ah qeybtii u horeysay ilaa 1000-askari oo tababar muddo bilo soconayay [...]

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

0
0

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay Barnaamijyada Maalinlaha ah ee ka baxa Idaacadda waxaana dhageystayaasha Radio Muqdisho ay dhageystaan habeen walba 09:30 fiidnimo marka laga reebo habeennimada Jimcaha.
Barnaamijka waxaa diirada lagu saaraa raad raaca ama falanqeynta dhacdooyinka maalintaas taagan kuwa ugu muhiimsan waxaana uu xambaarsan yahay macluumaad u badan Wareysiyo.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qaybta Koobaad Ee Bandhiga Wareysiyada 01-November
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qaybta Labaad Ee Bandhiga Wareysiyada 01-November
 

Kenya: Waxaan Duqeyn doonaa 10 Magaallo

0
0

Dowladda Kenya ayaa soo saartay digniin ku aadan weerarro ay ku qaadi doonto saldhigyo kooxda Al-Shabaab ay ku leedahay 10 magaallo oo ku yaalla gudaha dalka Somalia.

Afhayeenka ciidamada Kenya Emmanuel Chirchir ayaa fariin uu ku qoray bogga Twitter wuxuu u digay dadka degan tobankaasi magaallo oo uu sheegay inay macquul tahay in ciidamada cirka ee Kenya ay la beegsadaan weerarro socon doona.

Magaallooyinka uu afhayeenku sheegay waxaa ku jira; Baardheere, Baydhabo, Afgooye, Buaale, Baraawe, Jilib, Kismaayo, Afmadow iyo Diinsoor.

Lama oga wakhtiga rasmiga ah ee weerarradan dhici doonaan, balse Afhayeenka ayaa dadka degan magaalooyinkan uga digay inay ka foggaadaan xarumaha iyo saldhigyada ay kooxda Al-Shabaab leedahay.

Diyaaradaha dagaalka ee Kenya ayaa Axaddii weerar duqeyn ah u geystay magaalada Jilib, waxaana weerarkaasi hay'adda MSF ay sheegtay inay ku dhinteen 5 qof oo rayid ah oo ku jiray xero barakacayaal ah oo ku taalla Jilib.


Dardaaran ku gaar ah Dul-Xaj Q 3aad Sabtiga Sagaalka Carafo Waa la Soomi karaa!!

0
0

Waxaa horay u jiray welina taagan khilaaf ku saabsan Soonka Sunada Aadag ah haduu ku aado Maalin Sabti ah, sida hada taagan oo Soonka Carafo uu ku began yahay Maalin sabti ah, waxaanan weliba arkay Maqaal uu qoray Nin walaal ah [Mala Soomi karaa carafada sanadkan ..] , kuna soo gababaeeyay Qoraalkiisa inaan la Soomi Karin Sabtiga Carafo ahaan, asaga oo daliishanaya Xadiiskii daciifka ahaa iyo Nuqul oo Sh Albaani kasoo guuriyay!
Hadaba waxaan leeyahay arinta intaas waa ka gun weyn tahay warkuna sidaas mawada ah waxaanan ogahay inuu Sheekh Albaani Allaha u Naxariistee Mas’aladaas ku qancay wax badana ka yiri laakiin taas Macnaheedu ma aha inuu ku Raajix yahay, maxaa yeelay waxaaba marka koowaad Doodu ka taagan tahay xadiiska Mas’alada Sabtiga inaan la Soomin Asalka u ah, waayo Xadiiskaas waa Xadiis Daciif ah waxa uuna ku Qoran yahay Kitaabka Buluuqa ee uu qoray Xaafid Ibnu-xajar, waxaana uuna Xadiiska ka hor yimaadaa Axaadiis ka Saxiixsan taasna waa Cilad labaad, Sh Albaanina asagaaban ka baranay inaan Axaadiista dafiicka ah Xujo laga dhigan karin…
Sh Cabdi Caziiz Ibnu Baaz Allaha u Naxariistee oo la weydiiyay in la Soomi karo Carafo hadii ay kusoo aado Maalin Sabti ah waxa uu ku Jawaabay: {waxa uu yiri Xadiiska Diidaya in la soomo sabtiga wax aan Waajib aheyn waa Macruuf, waxaa uuna ku qoran yahay Buluuqul Maraamka Kitaabka Soonka, waana xadiis daciif ah Shaadna ah (khilaafaya Axaadiis saxiix ah) waxaana ka mid ah Axaadiistaas: [ha Soomina Maalin Jimca ah ilaa ianaad Soontaan ma ahane Maalin ka horeeya ama Maalin ka Dambeeya] waxaana la ogyahay Maalinta ka Dambeysa Jimcaha waa Maalin Sabti ah, xadiiska arintan ka hadlayna waxa uu ku Qoran yahay Saxiixeynka, Fiiri Saxiixa Bukhaari 1985 kana Fiiri Saxiixa Muslim 1144, waxaa uuna ahaa Nabiga Suuban inuu Soomi jiray Maalinta sabtiga ah iyo Maalinta Axada ah waxaa uuna dhihi jiray: [Labadan maalin –Sabtiga iyo Axada- waa Laba Maalin oo Mushrikiinta Ciid u ah waxaanan jeclahay inaan khilaafo] ka fiiri Musnadka Axmad 26750 iyo saxiixa IBnu Xibaan 3616, Axaadiista muujisa macnahan ah in la Soomi karo Sabti Soon Suna ah waa Badan tahay, Dhamaantoodna waxa ay Tusayaan in ay Banaan tahay Soonka Sunaha ah Maalinta Sabtiga, dhamaanteen kheyrka Allaha na Waafajiyo} .
Kalimadaha aan kor kusoo sheegay waxaa Fatwooday Sheekh C/Caziiz Ibnu Baaz waxaana sidaas oo kale Fatwooday Lajnada Daaimka ee Culimada Sacuudiga oo uu Sh Ibnu Baaz Xubinta ka ahaa….
Marka waxaan leeyahay waxaa banana in la Soomo Sabtiga Suna ahaan waayo Xadiiska sheegay inaan sabti la Soomi Karin waa Daciid marka koowaad, marka labaadna waxa uu khilaafsan yahay Axaadiis Saxiix ah, Xadiiska khilaafa Xadiis Saxiix ahana waxaa loo yaqaan Shaad mana la daliishan karo, sidaa darteed ayaan walaalka iyo walaal walba oo qaba inaan la Soomi Karin leeyahay inta aadan Usuul Fiqiga aadin Xadiiska sugnaatiisa aad, hadii uusan sugneyn Sixadiisa ma jirto Sabab looga hor mariyo Axaadiista ka Saxiixsan Sanad ahaan.
Gabobago: si uusan Maqaakla u dheeraan ayaan intaas kusoo koobayaa Dulucda qoraalkeyga oo ah Beri waa Maalin Sagaalaad waxaana loo Soomayaa inay Maalin Carafo tahay ee loo Soomayo inay sabti tahay ahaan, dadka qaba inaan Sabti Carfo la Soomin Xadiiska ay Daliishtaan waa Daciif aan xujo noqon Karin lagana hor marin Karin Axaadiista Saxiixa ah ee aan kor kusoo sheegnay.
W/Q: calinuur Xoogsade
asadxg@hotmail.com

Sabtiga sagaalaadka Carafo waa la Soomi karaa !

0
0

Culimada Muslimiinta waa ay isku wada raacsan yhiin Asal ahaan inaysan banaaneyn in Maalinta sabtiga Soon gaar ah lala beegsado ayadoo uusan Qofka uga soo aadin Caado uu lahaan jiray ama Maalin sida carafada oo kala ah oo Soonkeedu Suno daliil gaar ah leh yahay.
Marka hadii la yiraahdo side la yeelayaa Xadiiska ay wariyeen Tirmidi 744, Abuu Daauud 2421, Ibnu Maajah 1726 ee uu Albaani ku Saxiixiyay kitabkiisa Al-Irwaa 960, Xadiiskaas oo macna u xambaarsan yahay uu yahay: inaan la soomin Maalin sabti ah ilaa inuu Soon farad ah yahay maahane?
Imaamu Tirmidi waxaa uu yiri marka uu Sharaxayay xadiiskaas: [xadiiska waa xasan darajo ahaan macnaha Karaahida Soonka sabtiga ahna waa inuu Ruuxa ku gaar yeelo Soon maalinta Sabtiga; maxaa yeelay Yuhuda ayaa weyneyn jirtay Maalinta sabtiga]
Ibnu Qudaamana waxaa uu ku yiri Kitaabkiisa Muqgniga 3/52: [Asxaabteena waxa ay yiraahdeen – waa xanbaliyadee- waa karaahiyo in Maalinta sabtiga ah Soon lagu gaar yeelo, wax Karaahida ah waa gaar yeelida Soonka Sabtiga, haduuse la Soomo sabtiga Maalin kale lama karaahsado sida uu tusayo Xadiiska Abuu Hureyrah iyo xadiiska Juweyriyah – hoos ka eeg- haduu waafaqo Soomid Ruux lahaan jiray lama Karaahsado]
Xadiiska Abuu Hureyrah waa kan ay wada wariyeen Bukhaari 1985 iyo Muslim 1144 oo uu Nabiga ku yiri: {yuusan Soomin midkiin Maalin Jimca ah ilaa Maalin ka horeeya iyo Maalin ka dambeeya maahane}.
Xadiiska Juweyriyana waa xadiiska Bukhaari 1986 kaasoo ay Juweyriyah ku sheegtay inyy Nabiga yiri markii uu Juweyriyah usoo galay ayadoo Sooman maalin Jimco ah: {Ma Soontay Shalay? Waxa ay ku Jawaabtay Juweyriyah: maya, waxa uu weydiiyay Nabiga ma dooneysaa inaad Berito Soonto? Waxa ay ku jawaabtay: maya, waxa uu ku yiri: fur Soonka hadaba}.
Shiikh Saalax AlMunajjid waxa uu labadan xadiith ka ku Tacliiqiyay: [Xadiiskan Juweyriyah iyo kii ka horeeyay waxay si Cad u tusayaan inuu banana yahay Soonka Maalinta Sabtiga ah ayadoo ramadaan aheyn, waa haduu Qofka Soomo Maalin ka horeysa].
In la soomi karo Maalin Sabti ah Soon Suna ah waxaa kaloo tusiya Axaadiista ka hadashga Soonka nabi Daa’uud ee ahaa maalin Dhaafka waayo waxaa Hubaal ah inuu Soonkaas kusoo aadayo Maalmaha qaar sabti, xadiiska Sheegaya Soonka nabi Daa’uudna waxaa uu ku qoran yahay Bukhaariga inuu nabiga yiri: {Soon waxa uu Illaah u jecel yahay Soonkii Nabi Daa’uud, waxa uu ahaa Daa’uud maalina inuu Soomo Maalina Afro}.
Xaafid Ibnu Xajarna waxaa uu yiri mar uu Jimcaha Soonka Sunaha ah ee la reebay ka hadlayay: [Reebitaanka Soonka Jimcaha waxaan ku jirin nahyigaas oo banana in la soomo Ruuxii lahaan jiray Caado Soon Suna gaar ah sida Carafa oo kale, hadii ay Jimco kusoo aado, waxaan la mid ah Sabtiga]
Arintan Ibnu Xajar ka hadlayaa waa in la Soomi karo Maalin Jimce ah am sabti ah hadii ruuxa ay kaga soo beegmaan Soon DSuno gaar ah oo uu Soomi jiray sida carafe ama Caashuuraa ama Soon la mid ah kii Nabi Daauud Ruuxii leh, sababtana waa in Sababta Soonka ay tahay sabab gaar ah oo waxaa la yiraahdaa Soonka Carafo ama Soonka Caashuuraa ama Soonkii Sunada ahaa ee Nabi Daa’uud oo kale mana uga tagayo Nahyiga Mudhlaqa ah dartiis, waayo Axaadis fara badan ayaa Fartay Soonka Carafo iyo Caashuuraa Fadli badana ku sheegtay Cilada Soonkana waa Suno
Sh Cabdi Caziiz Ibnu Baaz waxa uu yiri:{xadiiska diidaya in la Soomo sabtiga wax aan aheyn Soon waajib ah, waa Macruuf xadiiskaas waxa uu ku qoran yahay Buluuqul-Maraamka waana xadiis Daciif ah, Shaadna [khilaafaya Axaadiis ka Saxiixsan] waxaana ka mid ah Axaadiistaas [yuusan Soomin midkiin Maalin Jimca ah ilaa Maalin ka horeeya iyo Maalin ka dambeeya maahane] waxaa la ogyahay Maalinta Jimcaha ka dambeysa waa Maalinta Sabtiga ah, xadiiska arintan ka hadlaya waxa uu ku qoran yahay Bukhaari 1985iyo Muslim1144, waxaa uuna Nabiga Suuban Nabad iyo Naxariis alaha yeelee Soomi jiray Maalmaha Sabtiga iyo Axada waxa uuna dhihi jiray: [Labadan Maalin-sabtiga iyo Axada- waa Laba maalin oo Mushrikiinta Ciid u ah waxaanan jeclahay inaan khilaafo] Imaamu Axmad ayaa ku Wariyay 26750, Ibnu Xibaana saxiixiisa 3616, Axaadiista Muujisa Macnaha a in la Soomi karo Soon Sunno ah waa badan tahay, dhamaantoodna waxa ay muujiyaan inuu banaan yahay in la Soomi karo Suno Maalinta Sabtiga,..} Sh Ibvnu baaz waxaa kaloo kula mid ah inuu Baan yahay Soonka Sunaha ah Maalinta Sabtiga ah Lujnada Daaimka ah ee uu ka mid ahaan jiray Sheekha..
Xaaladaha Soonka sabtiga
Si arintaas usii cadaato ayuu Sh Ibnu Cutheymiin Faahfaahiyay Soonka Maalinta sabtiga inta Xaaladood uu yeelan karo si uusan Ruuxna ugu dagmin muranka ka yimid Culimada qaar ee ku Saabsan Soonka sabtiga ah haduu ku aado Maalin carafp ama Maalin kale oo Soonkeedu Suno ahaa waxa uuna Sheegay inuu Shax Xaaladood leeyahay Soonka Maalinta Sabtiga la Soomo.
Xaalada Koowaad ee Soonka Sabtiga: Soonka sabtiga Maalin farad ah sida Ramadaanka, ama Qadeyn ah, ama kafaaro ah, ama Soonkii ka badalka ahaa hadiyga kii Tamatucau Xajkiisa, Soonka sabtiga saas haduu yahay wax dhib ah malaha waala Soomi karaa, haduusan Qofka Soomayaa Ictiqaadin inuu sabtiga fadiilo gaar ah leeyahay.
Xaalada labaad ee Soonka Sabtiga: Inuu Ruuxa la Soomo Jimcaha ka horeeya dhib malaha, maxaa yeelay Nabiga waxaa uu ku yiri Hooyooyinkii Mu’miniinta mid ka mid ah oo Soontay Maalin Jimca ah: {Ma Soontay Shalay? Waxa ay ku Jawaabtay Juweyriyah: maya, waxa uu weydiiyay Nabiga ma dooneysaa inaad Berito Soonto? Waxa ay ku jawaabtay: maya, waxa uu ku yiri: fur Soonka hadaba} arintaasna waxa ay Tuseysaa Sabtiga Soonkiisa inuu banaan yahay hadii Jimcaha lala Soomo.
Xaalada Sadaxaad ee Soonka Sabtiga: inuu Soonka sabtiga kusoo beegmo Maalmo soonkoodu Mashruuc yahay sida: Maalmaha sadaxda ee Bilsha Bartankeeda [ayaamul-Biid] iyo Soonka Carafo iyo Soonka Caaashuuraa, iyo Soonka lixda Maalmood ee Shawaalka Ruuxii Soomay Ramadaanka, iyo sagaalka Dil-Xij, Soonkaas dhib malaha; maxaa yeelay uma Soomin Ruuxa Sabti darteed ee wuxuu u Soomay inay tahay Maalmo Soonkoodu Sharci yahay ahaan.
Xaalada Aafaraad ee Soonka Sabtiga: inuu Soonka sabtiga ku beegmo Caado Soon uu qog lahaan jiray, sida Ruuxii Soomi jiray Maalin Maalina Afuri jiray, hadii uu Sabti kusoo Beegmo Soonkiisina dhib malaha, sida uu cadeeyay nabiga Suuban nabad iyo Naxariis korkiisa Allaha yeelee markii uu reebay in la Soomo Maalin ama laba Maalin ka hor Ramadaanka: {marka laga reebo Ruux Soomi jiray Soon caado u ahaa ha Soomo} kana waxaa la mid ah Soonka sabtiga.
Waxaan leeyahay hadalkaas macnihiisu waa [Soonka Sabtiga waa fasax Ruuxii Caado Soon lahaa wuu soomi karaa sida Soonka Carafo haduu Sabti kaga beegmo].
Xaalada Shanaad ee Soonka Sabtiga: inuu Ruux sabtiga Soon suno ah ku gaar yeelo, waa kaas kan la diiday, waa hadii uu saxiixoobo Xadiiska ka hadla Soonka Sabtiga. Majmuuco fataawa 20/57.
Marka waxaan kusoo gabagabeynaa Muslimiinta Caadada u lahaa inay Soomaan Maalinta Carafo waxaa banaan inay Soomaan Sabti xataa hadey kaga soo aado, hadalka SH Ibnu Cutheymiin ee ah [waa hadii uu saxiixiibo Xadiiska ka hadla Soonka Sabtiga] waxa uu muujinayaa inuusan Musalam aheyn saxiixinta Sh Albaani ee Xadiiska reebaya Soonka Maalinta Sabtiga, waxaa kaloo hadalka Sh Ibnu Cutheymiin Muujinayaa xataa haduu saxiix ahaan lahaa Xadiiskaas inuusan Reebeyn Soon uu Ruux caado u lahaan jiray sida Soonka Maalinta sagaalaad ee carafe oo kale.
Dhinaca ku Saabsan saxiixnimada Xadiiska reeba Soomitaanka Maalinta Sabtiga waxaa kaloon qabin Ibnu Baaz kasii horna waxaan qabin Ibnu-xajar Al-casqalaani waxa uuna ku yiri I Buluuqa: Rijaalsha Xadiiskan waa sugan yihiin, hase yeeshee waa Mud-darib [] waxaana Inkiray Maalik, Abuu Daa’uudna waxa uu yiri: waa mid la Nasaqay.
W/Q: Calinuur Xoogsade
asadxg@hotmail.com

Beel kamida beelaha Soomaaliyeed oo been abuur ku tilmaantay warar ay shalay faafiyeen kooxda Alshabaab oo sheegayey in heshiis dhex maray.

0
0

Waxgaradka Beesha Cayr oo kamid ah beelweynta Habargidir ayaa maanta magaalada Muqdisho ka beeniyey in ay heshiis la saxiixdeen xarakada Al shabaab.
Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho qaar kamid ah waxgaradka beesha Cayr ayaa waxaa lagu beeniyey in heshiis lagu gaaray kulan shalay ka dhacay deegaanada duleedka Muqdisho.
Caaqil Cali Xassan Cilmi oo kamid ah waxgaradka beesha Cayr ayaa sheegay in kulankii shalay uu ahaa mid ay shabaabku ugu yeereen qaar kamdi ah, kaasna la isku afgaran waayey kadib markii ay shabaabku dheheen kusoo biira Al shabaab.
Caaqilka ayaa been abuur ku tilmaamay in la gaaray heshiis buuxa oo ay wada saxiixdeen labada dhinac, waxaana uu tilmaamay in ay waxgaradkii shalay la kulmay shabaabka ay ka dalbadeen in ay bixiyaan duugtii dad badan oo shabaabku ka laayeen beesha Cayr.
Kulankii shalay ka dhacay deegaanada loo barakacay ee duleedka Muqdisho ayaa dadkii ka qayb galay waxaa kamid ahaa Sheekh Xassan Daahir oo kasoo jeeda beesha kana tirsan saraakiisha sar sare ee Al shabaab.
Xassan Daahir Aways ayaa ugu baaqay dhamaan dhalinta kasoo jeeda Beesha Cayr in ay shabaab kusoo biiraan oo ay ka qayb qaataan waxa uu ugu yeeray jihaadka ka socda dalka.
Qaar kamid ah cuqaasha ku xusnaa magacyada ay shabaabku soo bandhigeen oo ay sheegeen in heshiiska saxiixeen ayaa saaka warbaahinta la hadlay waxayna sheegeen in laga been abuurtay oo aanay heshiiskaasi waxba kala socon.
Dhanka kale waxgarad ka socda Beesha Cayr ayaa maanta la kulmay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya waxayna isku afgarteen in ay beesha Cayr taageero ballaaran u fidiso Dawladda KMG ah taasi oo ay qayb ka tahay dagaalka lagula jiro Al shabaab.
Warar hoose oo ku aadan kulankii shalay ayaa sheegaaya in kulankii shalay lagu kala kacay kadib markii ay beesha hor dhigtay shabaabka in ay bixyaan diyada 44-nin oo siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Muqdisho.
Saraakiisha Al shabaab ayaa kulankii shalay ka qirtay in ay ka dambeeyeen qaar yar oo kamid raggaasim taasina ayaa dhalisay in kulanka lagu kala kaco, waxgaradkii kulanka ka qayb galay ayaa DHM Radio u sheegay in uusan jirin wax heshiis ah oo la galay, hase yeeshee la iswaydaarsaday hadallo la isku afgaran waayey.
Sikastaba xarakada Al shabaab ayaa baahisay in ay heshiis buuxa la gashay beesha Cayr taasi oo ay maanta siweyn u beeniyeen qaar kamid ah waxgaradka beesha oo Muqdisho ku kulmay.

Madaxka tirsan Dowladda oo sanadkan Gudanaya waajibaadka Xajka

0
0

Muqdisho,November 2, 2011——–Mas’uuliyiin sare sare oo ka tirsan dowladda ayaa galabtaka dhoofay garoonka diyaaraddaha ee Aadancadde International iyaga oo ku siijeeda Magaalada Barakeysan ee Makkah ee dalka Sucuudiga halkaasoo ay ku soogudan doonaan waajibaadka Xajka sanadkan..
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMGah ee Soomaaliyeed Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xubno ka tirsangolihiisa Wasiirada iyo sidoo kale, wefdi kale oo uu hogaaminayo GuddoomiyahaGolaha Baarlamaanka Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay ku jiraanxildhibaano ayaa galabta ka ambabaxay magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiintan ayaa gudanaya Xajka sanadkan,maadaama Xajku uu yahay mid ka mid ah Tiirarka Diinta Islaamka, oo qof kasta ooMuslim ah looga baahan yahay inuu Xajiyo marka uu awoodo.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweliayaa warbaahinta u sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu sanadkan soo Xajiyoisagoo xusay inuu Alle uga baryi doono shacabka Soomaaliyeed inuu dhibaatadaabaarta iyo dagaalada ka dul qaado, sanadkan sanadkiisana ku gaarsiiyo, Nabad,Horumar iyo Barwaaqo.
Madaxdan ayaa la filayaa in marka aydhameystaan gudashada Xajka ay u tacsiyeyn doonaan dowladda Sucuudiga oo uudhowaantan ka geeriyooday dhaxal sugihii boqortooyada, Boqor Sultan bin Abdulaziz Al Saud, waxaynahalkaasi kulamo kula qaadan doonaan madaxda dalka Sucuudiga.
dalkaonline@gmail.com

Digniin: Dadka Koonfurta Dalka Deggan

0
0

Wasiirka Gaashaandhigga Somalia, Xuseen Carab Ciise oo ku sugan gobolada Jubbooyinka ayaa sheegay dadka shicibka ahi ay ka fogaadaan xeryaha ciidamada ururka Al-Shabab, isaga oo sheegay in ciidanka Kenya iyo kuwa Somalia ay diyaar u yihiin weerarka magaalooyin dhowr ah oo hadda ururka Al-shabab uu gacanta ku hayo.

Wareysiyo arrintaas la xiriira qeybta hoose ka dhageyso.

Xaaladda Gargaarka ee Jubbooyinka

0
0

Maxamuud Cali Shire, Isuduwaha Arrimaha bani'aadanimada ee Wasaarada Arimaha Gudah DKMG ayaa booqday xeryaha barakayaasha ee goboladaas.

Isuduwaha Idaacadda VOA u sheegay meelaha uu soo maray iyo waxa uu kala soo kulmay

Wareysiga oo dhameystiran qeybta hoose ka dhageyso.

Wasaaradda gaashaandhiga Jabuuti oo shaacisay in bishan gudaheeda ay 850 askeri Soomaaliya u soo direyso

0
0

Wasaaradda gaashaandhiga dowladda Jabuuti ayaa daboolka ka qaaday in qorshihii ciidamo u soo dirada Soomaaliya ay haatan dhameystiray.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhiga Jabuuti ayaa warbaahinta u sheegay in 850 askeri oo ka qeybqaadanaya nabad soo celinta Soomaaliya ay dhowaan Soomaaliya u diri doonaan, ciidamadaas oo sida uu sheegay afhayeenku wata qalab ciidan wixii ay u baahnaayeen.

Jabuuti ayaa in mudo ah laga dhowarayay soo dirista ciidamo ka qeybqaata hawlgalka AMISOM laakiin waxaa hadda muuqata inay soo dirayaan ciidamadii ay horay u yabooheen.

halgankanet@gmail.com


War deg deg ah: Duqeyn culus oo haatan ku socota qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo dhiilo colaadeed oo goobahaas ka jirta

0
0

War deg deg ah: War hadda naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in duqeyn aan kala go' laheyn ay ku socoto qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Goobaha ay mdaafiicdu sida daran ugu dhaceyso ayaa waxaa ka mid ah sida la soo sheegayo degmada Dayniile iyo qeybo ka mid ah degmada Huriwaa.

Dhanka kale waxaa goobahaas laga soo sheegayaa dhaqdhaqaaq ciidan oo iyo saansaan colaadeed.

Warkan wixii ku soo kordha dib ayaan idiinkaga soo sheegi doonaa haddii Alle idmo.

halgankanet@gmail.com

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay ka warhayaan duqeynta magaalooyinka Kismaayo, Afmadow, Bu'aale, Jamaame, Baydhabo, Baraawe, Diinsoor iyo Afgooye

0
0

Kadib markii ay dowladda Kenya shaaca ka qaaday qorshaha weerarka dhinaca cirka ah ee ay ka fulin doono magaalooyin ku yaal koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa arrintaas ka hadlay dowladda Soomaaliya.

Wasaaradaha arrimaha iyo gudaha iyo gaashaandhiga ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay inay ka warhayaan weerarka ay Kenyaatigu ka fulin magaalooyinka ku yaal Koonfurta Soomaaliya ee ay al Shabaabku taliyaan.

Magaalooyinkaas oo tira ahaan toban gaaraya ayaa waxaa ka mid ah Kismaayo, Afmadow, Bu'aale, Jamaame, Baydhabo, Baraawe, Diinsoor iyo Afgooye, waxaana dadka ku dhaqan loogu baaqay inay ka cararaan goobahaas si ay uga baxsadaan waxyeelada weerarada.

Dowladda Soomaaliya ayaa weeraradan ku sifeeyay kuwa lagu wiiqayo awooda al Shabaab islamarkaasna lagu bartilmaameedsanayo saldhigyada ay kooxdani Koonfurta Soomaaliya ku leedahay, saldhigyadaas oo sida ay sheegtay xukuumadda Soomaaliya laga soo abaabulo weerarada argagixiso ee ay caanka ku yihiin argagixiyayaashu.

halgankanet@gmai.com

Diyaaradaha aan duuliyuhu wadin oo Xuduuda Itoobiya iyo Soomaaliya Arbacadii shalay aheyd ku dilay dad ka badan 38 qofood

0
0

Sida lagu qoray bogga internetka ee PressTV diyaaradaha aan duuliyuhu wadin ayaa ku dilay dad ka badan 38 qofood deegaanada Maroodile iyo Qeydar, deegaanadaas oo ku yaal xuduuda Itoobiya iyo Soomaaliya.

Warku wuxuu intaas ku sii darayaa in diyaaradaas ay ka soo duushay saldhig ay dhowaan Mareykanku ka sameysteen dalka Itoobiya, saldhigaas oo ay u isticmaali doonaan sida la sheegay hawlagallada ka dhanka ah al Shabaab.

Warkan oo faahfaahsan waxaad ka aqrisan kartaa cinwaaka hoose.

http://www.presstv.ir/detail/208142.html

 

Madaxweyne Shariif oo tacsi u diray qoyskii uu ka geeriyooday Ugaaskii Beesha Gaaljecel

0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa tacsi u diray Eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Ugaaskii Beesha Gaaljecel oo habeen hore ku geeriyooday Tuulada Buq-Aqable oo ka tirsan Gobolka Hiiraan. Qoraal Saxafadeed Tacsi ahaa oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Mudane Sharif Sh. Axmed ayaa Tacsi tiiraanyo leh u [...]

OGAYSIIS waxaa la ogaysiinaya dhamaan dadweeynaha degaan london iyo nawaxiigeeda in la dhigayo ruwaayad aad iyo aad loga soo shaqeeyay oo uu dhigayo majajilaystaha weyn ee caanka ah marna heesaga ah waa CABDI HAYBE LAMBAD

0
0

  OGAYSIIS waxaa la ogaysiinaya dhamaan dadweeynaha degaan london iyo nawaxiigeeda
       
      in la dhigayo ruwaayad aad iyo aad loga soo shaqeeyay oo uu dhigayo majajilaystaha weeyn
       ee canka ah marna heesaga ah waa CABDI HAYBE LAMBAD iyo fanaanin aad iyo aad uu badan
      oo ay ka mid yihiin fuad omar,sahra axmed,maryaan mursal,nimco yasiin,nimco deegan
       king khaliid yuusuf dheere,xassan bayle iyo qaar kalo badan
                 
            GOOBTUUNA WAA
             COPLAND COMMUNITY SCHOOL
               WEMBLEY MIDDX
                HA9 7DX
   waa 6.pm to 12pm   haa moogaanina hana ka maqnaanina
 qiimuhuuna waa only £20 pound
kala soo xidhiidha wixii fahfahiin ah kala xidhiidha 07904299240 mr hussein
                waad mahadsantihiin
 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live