Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Halkan Ka Daawo:Sixir Barar Baahsan oo Hadheeyay Maciishada La Quuto ee Burco iyo Hoos U Dhac Ku Yimi Lacagta Dollarka Si Ba’ana U Sameeyay Dadka Danyarta ah


Dowlada Kenya oo u digtey dadka gaari-dameerada isticmaala ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

$
0
0

Ciidamada Kenya ayaa waxa ay sheegeen in ururka Alshabaab uu u isticmaalayo dameero sidii uu hubka ugu qaadi lahaa. Ciidamada Kenya waxa ay ka digeen in gaari dameero badan oo isdaba socda ay u qaadan doonaan in uu yahay mid ay isticmaalayaan ururka Alshabaab ee xiriirka la leh Alqaacida. Sida lagu soo daabacay jariirada Daily [...]

Kenyan army warns of Al-Shabaab donkey threat

$
0
0

The Kenyan army said Thursday that Somali Islamist rebels were using donkeys to transport weapons, and warned any large herd would be considered a sign of the Al-Qaeda linked Shabaab. “Information reaching us confirms that Al-Shabaab has resorted to using donkeys to transport their weapons,” Kenyan army spokesman Major Emmanuel Chirchir said in a statement. [...]

Dardaarano ku Gaar ah Bisha Dul-xaj Q 4aad Fadliga Maalinta Carafo

$
0
0

Dardaaranka Todobaad ee Bishaan Dul-xaj waxaa uu yahay ianana ka faaiideysano Maalinta Carafada, Maalinta Carafo waa maalin aad u Fadli Badan waana Maalin maamuus Gaar ah ku leh Diinta Islaamka ah iyo Dadka Muslimiinta, waxaana tusaya Fadliga Maalinta Carafo arimahaan soo socda:
1- Maalinka Carafo waa maalintii la dhamestiray Diinka iyo Nicmadauu Allaah ku Maneestay Muslimiinta, waxaaana soo dagay ayadoo carafo la taagan yahay aayado Muslimiinta ugu Bishareynaya in Diinkoodii loo Kaamilay, Allaahna uu Diinkaas raali uga yahay inuu Diin u ahaado.
Bukhaari iyo Muslimba waxaa ku Qoran inuu nin Yuhuud ah Cumar ku yiri: Amiirkii Mu’miniintow Aayad Kitaabkiina ku qoral oo aad aqrisaan hadii ay Aanaga Yuhuuda nagu soo dagan laheyd waxaan Beshaaradaas ka dhigan laheyd Ciid, markaasuu Cumar ninkii Weydiiyay: Waa tee Aayadu? Yuhuudii wuxuu yiri: Aayada ku jirta Suurada Maaidah {اليوم أكملت} Cumar ayaa markaa Yuhuudii ugu Jawaabay: Waa naqaan Malinka ay soo dagatay, iyo Meesha ay Rasuulka akulasoo dagatay, asaga oo taagnaa Carafo maalin Jimca ah.
Xadiiskaas waxaa uu nagu baraarujinayaa in Aayadan Bishaarada ah ay Muslimiinta kusoo dagatay Maalin Jimca ah ayadoo Nabiga Suuban Nabad iyo Naxariis Allaha yeelee iyo saxaabadiisuba carafo taagnaayeen, Maalintaas oo dhan kasta ka aheyd Maalin aad u weyn hadii Jimcaha la yiraahdo iyo Hadii Maalin Carafo la yiraahdo iyo Aayada Bishaarada ah ee kusoo dagatay la yiraahdaba, taasna xataa waxaa dareemay inay tahay Bishaaro qiima gal nin Yuhuudii Reer Madiinah ka tirsanaa arintasnaa ilaa u ka weydiiyay Cumar Qiimaha ay Muslimiinta ku dhex ledahay, Jawaabta Cumarna waxay noqotay inay Maalinta Aayadaas soo tagatay aheyd Maalin carafo Maalin aad u weyn.
2- Waa maalin Ciid u ah Muslimiinta Sida ku cad Xadiiska Nabiga uu ku Sheegay:Maalinta Carafo Maalinta goeraca Bilaawdo ee Tobonaadka iyo Maalmaha loo yaqaan Maamaha Hilbo warashada oo sadaxda Maalin ee ka Dambeysa Maalinta Tobanaadka in ay Muslimiinta u yihiin Ciidsida ku cad Xadiiskan Ay wariyaan Ahlu-Sunanka:
Nabiga Suuban waxa uu yiri:{Maalinta Carafa Maa;linta (9aadka) Gowraca (10aadka) iyo Maalmaha Hilba warashada (11.12,13aadka) waa Ciidaana dadkeena Muslimiinta ah, ..}
[رواه أهل السنن]
3- Maalinta Carafo waa Maalin uu Illaah [Cw] ku Dhaartay weynideeda Daaraadeed, illaaha weyna kuma Dhaarto ilaa wax Qiimo weyn leh maahane, sidaa darteed ayaa waxaa laga fahmayaa Maalinta Carafo inay tahay Malin aad u weyn una Qiimo badan sida ku Cad Xadiiska uu Abuu Hureyrah wariyay inuu Nabiga yiri: {Maalinta Mowcuudka ah [Maalinta la isu yaboohay] waa Maalinta Qiyaamaha, Maalinta Mash-Huudka ahna waa Maalinta Carafo} Xadiiskan Tirmidi ayaa wariyay Albaanina Xasan ayuu ku tilmaamay.
Suurada AlBuruuj Aayada 1,2, 3aad: {Eebe wuxuu uu ku dhaartay Samada Xidigaha leh. iyo Maalinta la isu yaboobahay (Maalinta Qiyaamaha iyo dadka joogsan Maalintaas iyoi waxyaalaha imaad Maalintaas)}Sidoo kalan Ibn u Cabaas waxa uu ku macneeyay Aayada 3aad ee ku jira Suurada Alfajr in loola jeedo qeyb ka mid ah Maalinta Carafo: {1-Eebe waxa uu ku dhaartay waa Bariga. 2- iyo Habeenada Tobanka ah (ee Dul-Xaj u horeeya) iyo Tirada Siman [Maalinta Ciida 10aadka] iyo Tan isdheer [Carafo 9aadka]}
4- Soonka maalinka Carafo waxaa lagu Dhaafaa Dambiyada Laba Sano, midkii tagay iyo kan soo socda sidaa waxaa sheegay Nabiga suuban markii laga su’aalay Maalinta Carafo sida ku Sugan xadiiska uu Muslim ku wariyay saxiixiisa: {Waxaa lagu Dhaafaa Dembiyada Sanadkii tagay iyo Sanadka soo socda}.
Yaboohan Nabiga Suuban sheegay inuu helayo Ruuxii soomaa waxaa uu nagu baraarujinayaa inaan ku dadaalno Soonka Carafo, Fadliga uu leeyhay Maalinka Carafo, islamarkaana waa inaan Soonka Maalintaas uga tagain dooda Culimada qaar ka qabaan hadii uu Maalinka Cafaro Sabti kusoo aado, maxaa yeelay Ula jeedada Soonka waa carafo iyo fadliga Maalintaas ku jira in la helo ee ma aha in sabtiga dartiis loo Soomayo, waxaan intaas dheer Xadiiska ay daliishanaayn rag badan ayaa muran badan ayaa ka taagan saxiixnimadiisa, haduu saxiixoobana waxa uuu Noqonayaa Shaad waayo waxa uu khilaafsan yahay Axaadiis Bukhaari iyo Muslim ku qoran oo ka saxiixsan, waxaana Intaas sii dheer Abuu Daauud Alaha u raxmadee waxa uu ku Tilmaamay inuu yahay xadiis la Nasaqay.
5-Waa Maalintii uu Illaah Balanka ka qaaday ilma Aadam ee uu ku yir:{ألست بربكم} Soow Rabigiina Maahi? oo ay ku jawaabeen Waad Tahay wanan Marqaati kaceynaa, sida ku Cad Aayadaha 172.173aad ee Suurada Al-Acraaf: {172- [Xusuuso] markuuu Eebaha ka qabtay Dadka Dhabarkoodii Faracoodii uuna marag uga yeelay Naftooda, kuna yiri: miyaanan Eebihiin aheyn oy dhaheenna inaad Eebehenna tahay yaan Marag kacnay, inaydaan dhihin Maalinta Qiyaame anaga waan halmaansaneen kan. 173-Ama aydaan dhihin waxaa wax la wadaajiyay (Eebe) Aabayaalkeenii mar hore anaguna waxaan anahy Farac ka dambeeyay, oo miyaad noo Halaagi waxay faleen Xumo falayaal}
arintaas oo muujineysa in Maalinkan carafo yahay Maalin Qiimo iyo darajo weyn ku leh Illaah agtiisa, anagana ay wanaagsan tahay inaan weyneyno sidaasna waxaa cadeeyay xadiiska uu wariyay Imaamu Axmad ee uu Albaanina Saxiixiyay.
6-Maalinka Carafo waa Maalinka ugu badan ee uu illaah Naarta Dadka ka Xoreeyo, Rabina Aadoomihiisa ugu dhaw yahay, Maaligtiisana waxaa uu ugu Faanaa Cibaada badnida ilmo Aaadam Sida ku Cad Axadiistan Soo socota:
Bukhaari iyo Muslim ay wariyeen inuu Nabiga Suuban yiri: {Ma jirto Maalin ka badan inuu Allaah adoomaha ka xoreeyo Naarta Maalinta Carafo}
Imaamu Axmadna waxa uu wariyay Albaanina uu saxiixiyay Inuu nabiga yiri: {Illaah malaaigta ayuu ugu faanaa Maalinta Carafa dadka carafo taagan, waxa uu yiraahadaa fiiriya Adoomaheyga waxay ii yamaadeen ayagoo Timo Basaasaan Boorna korkoodu leeyahay}.
Marka Walaalah Muslimiinta waxaan leeyahay ku Dadaala inaad Soontaan Maalinta sabtiga si aad fadiilada faraha badan ee ku jira Soonka Maalinta carafo iyo Maalintaba fadligeeda u heshaan.
W/Q: Calinuur Xoogsade
asadxg@hotmail.com

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

$
0
0

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay Barnaamijyada Maalinlaha ah ee ka baxa Idaacadda waxaana dhageystayaasha Radio Muqdisho ay dhageystaan habeen walba 09:30 fiidnimo marka laga reebo habeennimada Jimcaha.
Barnaamijka waxaa diirada lagu saaraa raad raaca ama falanqeynta dhacdooyinka maalintaas taagan kuwa ugu muhiimsan waxaana uu xambaarsan yahay macluumaad u badan Wareysiyo.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qaybta Koobaad Ee Bandhiga Wareysiyada 03-November
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qaybta Labaad Ee Bandhiga Wareysiyada 03-November
 

Wasiirka Arimaha Debadda Somaliland Oo Ku Eedeeyey Tifaftiraha Qarannews Fal Argagixiso. (Qoraalo Sir Ah)

$
0
0

London(OWN)  – Tacadiga Masuuliyiinta xukuumadu ku hayaan hawl-wadeenada warbaahinta ayaa halkii ugu sareeyey maraya, waxaana tacadiyadaa kiisa ugu cawaaqibka xun ku talaabsaday wasiirka arimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, kadib markii uu tifaftiraha shabakada Qarannews Maxamed Jaamac ku eedayey fal argagixiso.
 
 
 
Wasiirku waxa uu u gudbiyey safiir ku xigeenka dawlada Ingiriiska ee magaalada Addis ababa, dacwad ka dhan ah masuulkaas, taas oo uu ka codsaday safiir xigeenka in sirdoonka dalka Ingiriisku ka qaado talaabo sharci oo ku aadan dacwadaa argagixiso ee uu ku soo oogay.
 
Dulucda dacwada wasiirka arimaha dibedda ee somaliland waxay ku qotontaa in tifaftiruhu jabsaday e-mailkiisa gaarka ah, baahiyeyna qoraalo xasaasi ah oo halkaa ugu kaydsanaa, markaa maaadaama muwaadinkaasi degan yahay dalka Ingiriiska in sirdoonka xukuumadiisu talaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan.
Arintan oo ah fadeexad qaawan oo uu wasiirku ku cabudhinayo guud ahaan xoriyada warbaahinta, gaar ahaana ay gef dastuuriya ku tahay tifaftiraha shabakada Qarannews oo uu ku tilmaamay argagixiso. Haddaba waxa aanu akhristeyaasha halkan ugu soo gudbinaynaa e-mailadii ay isweydaarsadeen wasiirka iyo masuulkaa uu dacwada u gudbiyey, waxa kale oo e-mailada la socda kuwo kale oo iyana ka waramaya dacwad kale oo dalka ingiriiska lagaga furay.
 
 
Dear Chris,
 
No other accounts including this one that I am writing from have been affected. We have also been able to identify the hacking at an early stage and to take the necessary steps to limit the damage. No, we have not yet received any advice on IT security.
 
 
Mohamed A Omar
Minister of Foreign Affairs & International Cooperation
Republic of Somaliland
Email: momar@somalilandforeign.net
Web: www.somalilandforeign.net
Te. +252 2 4240032
 
 
From: chris.allan@fco.gov.uk
To: momar@somalilandforeign.net
Date: Tue, 13 Sep 2011 07:54:49 +0300
Subject: RE: Security sensitive information
 
 
Dear Mohamed,
 
I am very sorry indeed to hear that you have been a victim of this sort of hacking. You must be very concerned about the consequent possible leaks. Many thanks for letting us know.
 
I’ll pass your email on to the relevant authorities. I am sure they will look into the matter. As you doubtless realise, and as Wikileaks demonstrated, it is likely to be the hacking itself that is illegal – not the publishing of the material.
 
Two brief questions if I may: (i) are any other accounts affected (including the one from which you are writing)?; (ii) has the Somaliland government yet received any advice from anyone on IT security?
 
Best wishes, and my sympathies for the invasion of your privacy,
 
Chris
 
From: Mohamed Omar [mailto:momar@somalilandforeign.net]
Sent: 13 September 2011 05:35
To: Chris Allan (Restricted)
Subject: Security sensitive information
 
 
Dear Chris,
 
I would like to draw the attention of the British Intelligence service to the following matter.
 
My personal email had been hacked recently and information taken out of it has been published on a popular News-website called QARANNEWS.COM. The owner and the editor of this Website, Mr. Mohamed Jama , who resides on 5 Swindale Close, Liverpool L8 0YG, stated in writing on his website that he had a lot of confidential information hacked from email (momar@hotmail.co.uk), and that he intended to publish it on his website. Mr. Jama started publishing some of these materials on his website already and he said he would continue publishing more.
 
The emails contained security sensitive materials which are of a confidential nature. As a Foreign Minister, I share a lot of sensitive and confidential information with governments including Britain. Therefore, it is very important that Mr. Jama is prevented from continuing publishing these information as quickly as possible.
 
For this purpose, I would like to request the British intelligence agencies to contact him in order to stop him from publishing this material and to investigate into his involvement in the offenses of hacking, publishing hacked information etc. Mr. Jama may in a contact with terrorists or people who have similar motives.
 
Mr. Jama is also wanted for other matters by the Manchester police. Case No. 593080911.
Phone. 0161-872 5050.
 
 
Best regards,
 
 
Dr. Mohamed A Omar
Minister of Foreign Affairs
Republic of Somaliland
Email: momar@somalilandforeign.net,
Email: momar@hotmail.co.uk,
Web: www.somalilandforeign.net
Te. +252 2 4240032
 
here it is. nnj172f62
 
 
Mohamed A Omar
Minister of Foreign Affairs & International Cooperation
Republic of Somaliland
Email: momar@somalilandforeign.net
Web: www.somalilandforeign.net
Te. +252 2 4240032
 
 
Date: Tue, 6 Sep 2011 23:55:07 -0700
From: basheomar@yahoo.com
Subject: RE: New Enquiry
To: momar@somalilandforeign.net
 
 
 
What is your passport number ?
RegardsBashe
— On Tue, 6/9/11, Mohamed Omar wrote:
From: Mohamed Omar
Subject: RE: New Enquiry
To: "Bashe"
Date: Tuesday, 6 September, 2011, 21:44
fyi
 
 
Mohamed A Omar
Minister of Foreign Affairs & International Cooperation
Republic of Somaliland
Email: momar@somalilandforeign.net
Web: www.somalilandforeign.net
Te. +252 2 4240032
 
 
Date: Tue, 6 Sep 2011 12:25:31 -0700
From: basheomar@yahoo.com
Subject: New Enquiry
To: momar@somalilandforeign.net
 
Mohamed can you fill in this form and send it back to me ASAP. I wan to file case against Qarannews about the article that they recently published. You need to mention that your e-mail was hacked and the e-mails Qudhun news published were obtained illegally. I am going to file a separate form.
Bashe
 
— On Mon, 6/6/11, Jonathan Preston wrote:
 
From: Jonathan Preston
Subject: FW: New Enquiry
To: basheomar@yahoo.com
Date: Monday, 6 June, 2011, 16:15
 
Dear Mr OmarThank you for your query.In order to see how we may be able to assist you, we will need to discuss the situation with you on the telephone.On your email I see that you state that your phone number is 2522-417-17-16. Do you know what number should I dial (from the UK) to speak with you and is there a time of day that is more convenient than others (I am not sure of the time difference between here and where you are)? RegardsJonathan Preston
Associate Solicitor
Business Legal Services
For and on behalf of
Irwin Mitchell LLP
Tel: 0114 274 4661 Fax: 0870 238 8190
Riverside East, 2 Millsands, Sheffield S3 8DT
DX 10513 Sheffield
 
Source: Ramaasnews 

Halkan Ka Daawo Wararkii Ugu Danbeeyay ee Xalaada Magaalada Ceerigaabo iyo Bandawgii Maanta Lagu Soo Rogay

Somaliland: Vice President Officially Opened an Orphanage Center for needy children

$
0
0

HARGEISA (Somalilandpress)–Somaliland Vice President Mr. Abdirahman Abdilahi Ismail ‘Saylici’ cut the ribbon off at newly established orphanage center that will house street and orphaned children in the capital Hargeisa. This new location is located in the Mohamed Mooge district of Hargeisa. The project was reported to have price tag of $97000.00 dollars where majority of funds was contributed by Dahabshiil Group. Well organized ceremony was attended by Somaliland Vice President, members of Somaliland cabinet ministers including interior, labor and social affairs, and top officials from the business community. The new facility consists of several buildings that will accommodate orphaned and street children who are vulnerable in Hargeisa streets. The housing units are furnished with beds and decors and will house separate dorms for girls and boys. Speaking at the ceremony first was the head of public relations for Dahabshiil Group Mr. Hassan Mohamed Jama ‘Hasan Hiis’ who acknowledged the contribution that Dahabshiil Group made to the creation of this orphanage facility. Mr. Jama added that Dahabshiil Group is known for its charity work in the country and that it is the responsibility of all Muslims to give back to those that are in need. Mr. Hassan Jama concluded his speech by saying their company has pledged to support the future needs of the facility.Followed Mr. Hassan Hiis was Mr. Abdiwahab Maax who spoke on behalf of Telesom Company which also contributed to the building of the orphanage center; Mr. Abdiwahab said “it is very important that we safe guard the welfare of our orphanage because they are part of Somaliland and the future of Somaliland”.Minister of Labor and Social affairs Ms. Ilhan Mohamed Jama also spoke at the ceremony as she thanked all the attendees of the opening ceremony. Ms. Ilhan Jama especially thanked all those that took part in the achievement of building this need facility. Minister Ilhan Jama thanked the business community and Somaliland women living in Briminham, UK for their kind donation. The minister told that the audience the center can accommodate up to 300 children but future plan is that 300 children mainly of girls and boys will live in the center.Somaliland Vice President Abdirahman Ismail closed the ceremony as he thanked the private sector and the community for the vital role that they played in accomplishing the creation of this orphanage center. He said, “I am indebted to big companies which contributed to this center and praised their unwavering commitment in improving social needs.”Somalilandpress | 03 November 2011


Halkan Ka Daawo: Deegaanada Degmada Baki Oo Si Xowli Ah Ugu Socdaal Jarista Dhirta & Shidista Dhuxusha.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Oo Soo Gaadhay London (Daawo Sawiro)

$
0
0

 
 
London(OWN)- Waxa caawa (xalay) kasoo degay garoonka caalamiga ah ee Heathrow International Airport Madaxweyanaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wafti uu hogaaminaayo oo ka kooban sadex xunbood oo ay ka mid yihiin marwadiisa Amina Waris iyo Wasiirka Arimaha Dibada  Dr Maxamed Cabdilaahi, Waxa madaxweyanaha  garoonka ugu diyaar ahaa dadweyne reer Somaliland ah aad u farabadan oo isaga kala yimid daafaha dalkan Ingiriiska waxa iyaguna madasha aad ugu badnaa warbaahinta kala du-duwan oo ay ugu horeyso TVga qaranka Somaliland.

Waxa ay dadku safaf dhaadheer u galeen sidii ay usoo dhaweyn-lahaayeen madaxweynaha iyo waftigiisa isagoo markii uu madasha soo gaadhay madaxweynahu uu salaan ku wada maray dadweynahii soo dhaweeyey oo aad u fara badnaa,kana tirsanaa qaybaha bulshada oo ay ka mid ahaayeen haween ku labisan calanka Somaliland, caruur si quruxbadan loogu soo labisay iyo qaar ka mid ah madaxda xukumadiisa, "Intaas kadib waxa uu hadal kooban siiyey warbaahinta isagoo madaxweyanahu aad ugu mahadceliyey dadweynaha aadka u quruxda badan una soo dhaweeyey sida quruxda badan waxaanu kalee sheegay in dalkii aad loogu nabad qabay xaaladuna ay aad u wacan tahay ", intaas kadib waxa la geeyey madashii loogu talo galay madaxweynahay iyo waftigiisa.

Mar aan la kulmay Wakiilka Somaliland ee dalkan Ingiriiska Axmed Cumar Sangoore waxa uu ii sheegay in madaxweynahu uu u yimid baadhitaan xaga caafimaadka ah iyo nasasho oo uuna dalkan joogi doono mudo 3 todobaad ah hadii Ilahay yidhahdo,Waxa uu ka gaabsaday inuu madaxweynahu la kulmi doono bulsha weynata reer Somaliland ee dalkan degan iyo inkale.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Sillaanyo waxa losoo dhaweeyey si aad u qurux badan oo dadkii soo dhaweeyey ay ka mid ahaayeen madax ka tirsan Wasaarada Arimaha Dibada ee dalkan Ingiriiska lana dejiyey meelaha lagu qaabilo badaxda dawladaha caalamka, waxa amaankiisa sugaayey qaar ka mid ah dadka sida khaaska ah u tababaran,

Waxa kale oo madasha kusoo dhaweeyey qaar ka mid ah xukumadiisa oo isugu jirey Wasiiro kuxigeeno,Agaasimayaal iyo Ururka Somaliland Women Association SLWA iyo SSUK waxaana ka mid ahaa.

Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland Xasan Axmed Adan, Qunsulka Daahir Tukaale, Wakiilka Somaliland ee UK Axmed Cumar Sangoore, La taliyaha madaxweynaha xaga dhaqaalaha Axmed Carwo, Agaasimaha Wasaarada Warfaafinta Faysal Cali Sheekh, Wasiir kuxigeenka Arimaha Dibada Maxamed Yoonis, Siciid Xasan Shekeeye, SSUK iyo Ururka Haweenka Somaliland SLWA.














Wixii kasoo kordha safarka  Madaxweynaha dib ayaan idiinka soo sheegi.
 
Xamse Axmed Salaan
London
hamse100@gmail.com

Amm. Islaamka: Miraha Kacdoonka Carabta (2)

$
0
0

Barnaamijka Ammuuraha Islaamka ee toddobaadkana waxan ku eegaynaa guulaha uu gaaray kacdoonkii ka bilowday dalka Libya.

Toddobaadyada xigana waxan kaga hadli doonaa mid ama labo dal oo kale oo ka mid ah kuwa uu kacdoonku ka bilowday bilowda sanadkan.

Barnaamijka oo dhameystiran qeybta hoose ka dhageyso.

Amm. Islaamka: Miraha Kacdoonka Carabta (2)

$
0
0

Barnaamijka Ammuuraha Islaamka ee toddobaadkana waxan ku eegaynaa guulaha uu gaaray kacdoonkii ka bilowday dalka Libya.
Toddobaadyada xigana waxan kaga hadli doonaa mid ama labo dal oo kale oo ka mid ah kuwa uu kacdoonku ka bilowday bilowda sanadkan.
Barnaamijka oo dhameystiran qeybta hoose ka dhageyso.

Furista Urarada siyaasadeed waxay horseeday dhaqdhaqaaq siyasadeed iyo mid dhaqaale .

$
0
0

 
Maah maah baa waxay ahayd (kulu xaraka lahaa Baraka ). Waa loo baahnaa dhaqdhaaq siyasadeed oo dadweynahu ay kaga qayb galaan siyaasada . kadib markii sadexda xisbi ay ku guulaysan wayeen inay dadka u furan  saaxada siyaasada si qof waliba uga qayb galo .oo ay noqotay anigaa halkan iska lehe meel kale ka  doono .
Waxaa kaloo hubaal in lacag badan iyo dhaqdhaqaaq  dhaqaale uu iman doono kaas oo dalka u horseedi kara inay yareyso busaardaha caalamka ragadiyay oo Somalilandna qayb kamida ah soo gaadhay.waxaana ka mida shuruudaha  laga rabo ururada cusub . lacag deebaaji ah oo lagu xidhay inay bixiyaan ururada siyaasada ee dalka ka furmaya oo qadarkeedu yahay 20 kun oo dollar oo u dhiganta 150 Milyan oo shilinka Somaliland ah.
Dhanka siyaasada waxay uraradu horseedi karaan :
1- Ka mid noqoshada Somaliland ee Bulshada Caalamka
2- Kobcinta hanaanka Demcracy-ga
3-Xuquuqda Aasaasiga ee Muwaadiniinta
4- Fidinta Maamulka
5- Abuurista saaxad siyaasadeed oo loo simanyahay
6-Dhiirigalinta Dhalinyarada iyo Haweenka ee ka qaybgalka hogaanka dalka
Arrimahani waxay horseedi karaan dhaqdhaqaaq siyadeed iyo mid dhaqaale oo ay bulshada Somaliland u baahney waana guulaha ay dawlada cusubi u horseeday dalka iyo dadkaba.
 
Cabdiraxmaan Bidhaan radio Bristol UK
——————————————————————————————–
 
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla,
 

Dardaarano ku Gaar ah Bisha Dul-xaj Q 4aad Fadliga Maalinta Carafo

$
0
0

 
Dardaaranka Todobaad ee Bishaan Dul-xaj waxaa uu yahay ianana ka faaiideysano Maalinta Carafada, Maalinta Carafo waa maalin aad u Fadli Badan waana Maalin maamuus Gaar ah ku leh Diinta Islaamka ah iyo Dadka Muslimiinta, waxaana tusaya Fadliga Maalinta Carafo arimahaan soo socda:
 
1- Maalinka Carafo waa maalintii la dhamestiray Diinka iyo Nicmadauu  Allaah ku Maneestay Muslimiinta, waxaaana soo dagay ayadoo carafo la taagan yahay aayado Muslimiinta ugu Bishareynaya in Diinkoodii loo Kaamilay, Allaahna uu Diinkaas raali uga yahay inuu Diin u ahaado.
Bukhaari iyo Muslimba waxaa ku Qoran inuu nin Yuhuud ah Cumar ku yiri: Amiirkii Mu'miniintow Aayad Kitaabkiina ku qoral oo aad aqrisaan hadii ay Aanaga Yuhuuda nagu soo dagan laheyd waxaan Beshaaradaas ka dhigan laheyd Ciid, markaasuu Cumar ninkii Weydiiyay: Waa tee Aayadu? Yuhuudii wuxuu yiri:  Aayada ku jirta Suurada Maaidah {اليوم أكملت} Cumar ayaa markaa Yuhuudii ugu Jawaabay: Waa naqaan Malinka ay soo dagatay, iyo Meesha ay Rasuulka akulasoo dagatay, asaga oo taagnaa Carafo maalin Jimca ah.
 
Xadiiskaas waxaa uu nagu baraarujinayaa in Aayadan Bishaarada ah ay Muslimiinta kusoo dagatay Maalin Jimca ah ayadoo Nabiga Suuban Nabad iyo Naxariis Allaha yeel ee iyo saxaabadiisuba carafo taagnaayeen, Maalintaas oo dhan kasta ka aheyd Maalin aad u weyn hadii Jimcaha la yiraahdo iyo Hadii Maalin Carafo la yiraahdo iyo Aayada Bishaarada ah ee kusoo dagatay la yiraahdaba, taasna xataa waxaa dareemay inay tahay Bishaaro qiima gal nin Yuhuudii Reer Madiinah ka tirsanaa arintasnaa ilaa u ka weydiiyay Cumar Qiimaha ay Muslimiinta ku dhex ledahay, Jawaabta Cumarna waxay noqotay inay Maalinta Aayadaas soo tagatay aheyd Maalin carafo Maalin aad u weyn.
2- Waa maalin Ciid u ah Muslimiinta Sida ku cad Xadiiska Nabiga uu ku Sheegay:Maalinta Carafo Maalinta goeraca Bilaawdo ee Tobonaadka iyo Maalmaha loo yaqaan Maamaha Hilbo warashada oo sadaxda Maalin ee ka Dambeysa Maalinta Tobanaadka in ay Muslimiinta u yihiin Ciidsida ku cad Xadiiskan Ay wariyaan Ahlu-Sunanka:
Nabiga Suuban waxa uu yiri:{Maalinta Carafa Maa;linta (9aadka) Gowraca (10aadka) iyo Maalmaha Hilba warashada (11.12,13aadka) waa Ciidaana dadkeena Muslimiinta ah, ..} 
[رواه أهل السنن]
 
3- Maalinta Carafo waa Maalin uu Illaah [Cw] ku Dhaartay weynideeda Daaraadeed, illaaha weyna kuma Dhaarto ilaa wax Qiimo weyn leh maahane, sidaa darteed ayaa waxaa laga fahmayaa Maalinta Carafo inay tahay Malin aad u weyn una Qiimo badan sida ku Cad Xadiiska uu Abuu Hureyrah wariyay inuu Nabiga yiri: {Maalinta Mowcuudka ah [Maalinta la isu yaboohay] waa Maalinta Qiyaamaha, Maalinta Mash-Huudka ahna waa Maalinta Carafo} Xadiiskan Tirmidi ayaa wariyay Albaanina Xasan ayuu ku tilmaamay.
Suurada AlBuruuj Aayada 1,2, 3aad: {Eebe wuxuu uu ku dhaartay Samada Xidigaha leh. iyo Maalinta la isu yaboobahay (Maalinta Qiyaamaha iyo dadka joogsan Maalintaas iyoi waxyaalaha imaad Maalintaas)}Sidoo kalan Ibn u Cabaas waxa uu ku macneeyay Aayada 3aad  ee ku jira Suurada Alfajr in loola jeedo qeyb ka mid ah Maalinta Carafo: {1-Eebe waxa uu ku dhaartay waa Bariga. 2- iyo Habeenada Tobanka ah (ee Dul-Xaj u horeeya) iyo Tirada Siman [Maalinta Ciida 10aadka] i yo Tan isdheer [Carafo 9aadka]}
4- Soonka maalinka Carafo waxaa lagu Dhaafaa Dambiyada Laba Sano, midkii tagay iyo kan soo socda sidaa waxaa sheegay Nabiga suuban markii laga su'aalay Maalinta Carafo sida ku Sugan xadiiska uu Muslim ku wariyay saxiixiisa: {Waxaa lagu Dhaafaa Dembiyada Sanadkii tagay iyo Sanadka soo socda}.
 
Yaboohan Nabiga Suuban sheegay inuu helayo Ruuxii soomaa waxaa uu nagu baraarujinayaa inaan ku dadaalno Soonka Carafo, Fadliga uu leeyhay Maalinka Carafo, islamarkaana waa inaan Soonka Maalintaas uga tagain dooda Culimada qaar ka qabaan hadii uu Maalinka Cafaro Sabti kusoo aado, maxaa yeelay Ula jeedada Soonka waa carafo iyo fadliga Maalintaas ku jira in la helo ee ma aha in sabtiga dartiis loo Soomayo, waxaan intaas dheer Xadiiska ay daliishanaayn rag badan ayaa muran badan ayaa ka taagan saxiixnimadiisa, haduu saxiixoobana waxa uuu Noqonayaa Shaad waayo waxa uu khilaafsan yahay Axaadiis Bukhaari iyo Muslim ku qoran oo ka saxiixsan, waxaana Intaas sii dheer Abuu Daauud Alaha u raxmadee waxa uu ku Tilmaamay inuu yahay xadiis la Nasaqay.
5-Waa Maalintii uu Illaah Balanka ka qaaday ilma Aadam ee uu ku yir:{ألست بربكم} Soow Rabigiina Maahi? oo ay ku jawaabeen Waad Tahay wanan Marqaati kaceynaa, sida ku Cad Aayadaha 172.173aad ee Suurada Al-Acraaf: {172- [Xusuuso] markuuu Eebaha ka qabtay Dadka Dhabarkoodii Faracoodii uuna marag uga yeelay Naftooda, kuna yiri: miyaanan Eebihiin aheyn oy dhaheenna inaad Eebehenna tahay yaan Marag kacnay, inaydaan dhihin Maalinta Qiyaame anaga waan halmaansaneen kan. 173-Ama aydaan dhihin waxaa wax la wadaajiyay (Eebe) Aabayaalkeenii mar hore anaguna waxaan anahy Farac ka dambeeyay, oo miyaad noo Halaagi waxay faleen Xumo falayaal}
arintaas oo muujineysa in Maalinkan carafo yahay Maalin Qiimo iyo darajo weyn ku leh Illaah agtiisa, anagana ay wanaagsan tahay inaan weyneyno sidaasna waxaa cadeeyay xadiiska uu wariyay Imaamu Axmad ee uu Albaanina Saxiixiyay.
6-Maalinka Carafo waa Maalinka ugu badan ee uu illaah Naarta Dadka ka Xoreeyo, Rabina Aadoomihiisa ugu dhaw yahay, Maaligtiisana waxaa uu ugu Faanaa Cibaada badnida ilmo Aaadam Sida ku Cad Axadiistan Soo socota:
Bukhaari iyo Muslim ay wariyeen inuu Nabiga Suuban yiri: {Ma jirto Maalin ka badan inuu Allaah adoomaha ka xoreeyo Naarta Maalinta Carafo}
Imaamu Axmadna waxa uu wariyay Albaanina uu saxiixiyay Inuu nabiga yiri: {Illaah malaaigta ayuu ugu faanaa Maalinta Carafa dadka carafo taagan, waxa uu yiraahadaa fiiriya Adoomaheyga waxay ii yamaadeen ayagoo Timo Basaasaan Boorna korkoodu leeyahay}. 
 
Marka Walaalah Muslimiinta waxaan leeyahay ku Dadaala inaad Soontaan Maalinta sabtiga si aad fadiilada faraha badan ee ku jira Soonka Maalinta carafo iyo Maalintaba fadligeeda u heshaan.
 
W/Q: Calinuur Xoogsade
asadxg@hotmail.com

Habkuu ula haasawi jirey nebi Mu’ed (nnkh)haweenka markuu doonayo guur?

$
0
0

 
Waxay Diinteenu jidaysay in labada qof ee doonaya in ay is guursadaan ay mudo wada sheekaystaan oo ay mudo wada socdaan. Hadaba habkay u wada soconayaan mudo guurka hortii.
Hadaynu tusaale kasoo qaadano Nebigeeni (nnkh) marka uu doonayo in uu guurso gabadh waxa uu u diri jirey gabadh kale oo uga xog waranta oo xita xubnaheeda inta muuqata usharaxda &midabkeeda.
Waxa ugu badan ee Nebigu ka wareysanjirey gabadhaa waxa ka mid ahaa akhlaaqdee & ku dhaqankeeda shareecada Diinta islaamka waana labda uu yidhi nabigu (scw) haduu idiin yimaado nin ay idin raali gelisay akhlaaqdiisa iyo diintiisu isagoo idinka doonaya guur ha u diidina, hadaad u diidaan waxaa dhici doono fasaad wayn.
Waxyaabaha casriga ah ee Diintu ogashahay in lagu wada xidhiidho  wakhtiga haasawaha& waxyaabahay diidanytahay waxyaabaha ay ogasha waxa kamida:
websaydada,mobile ka, maasayjyada ,ilacadaha,iyo dhamaan adeegyda casriga ee qalabka warbaahinta.
Waxyaabaha ay diidantahay waxa kamida khalwada oo ah in qol inankii & inantii is doonayey ay kali wada fadhiistaan taas oo uu nebigeenu {csw}ku tilmaamey xadiiskan (لا يخلون رجل بامرأة إلا ذو محرم)) oo macnihiisuna yahay in aanay kali isla noqon karin haweenay iyo nin ajahanabi kala ahi ( aan meher isu hayn , isna gaya ) sababta uu ku diiday Nebigu {nnkh} waa ka hortagid laga hortagayo in shaydaan ka adeego oo dhexdooda sino ka dhacdo waana arin taxadira,weligaana ka dhawrso inaad kali kula noqoto qol gaara gabadh aad geydo oo meher shar ci ahi kuu haynin.
Hadaba waayahay ee hadii Diintu tidhi hala gaar noqonin ma dadka  dhexdiisaan kula sheekaystaa ta calaf kaygu uu galo ama sidaan ku ogaan kara quruxdeeda?
waxaad ka eegi kartaa quruxda haweenayda laba xubnood:wajiga& labada kaf (labada baabaco)sida uu EEBBE ayadan ku tilmaamey:{وَقُل لِّلْمُؤْمِنَاتِ يَغْضُضْنَ مِنْ أَبْصَارِهِنَّ وَيَحْفَظْنَ فُرُوجَهُنَّ وَلاَ يُبْدِينَ زِينَتَهُنَّ إِلاَّ مَا ظَهَرَ مِنْهَاوَقُل {لِّلْمُؤْمِنَاتِ يَغْضُضْنَ مِنْ أَبْصَارِهِنَّ وَيَحْفَظْنَ فُرُوجَهُنَّ وَلاَ يُبْدِينَ زِينَتَهُنَّ إِلاَّ مَا ظَهَرَ مِنْهَا
Waxa uu ku tafsiiray cabdilaahi binu cabaas oo ahaa ninkii ugu aqoonta badnaa umada islaamka in looga jeedo   إِلاَّ مَا ظَهَرَ مِنْهَا  wajiga iyo labada kaf, 4 ta mad hab ee islaam kuna waxa ay sheegeen in aanay cawro ahayn labadaa xubnood, marka loo eego jidhka haweenayda intiisa kale.
wejigu waxa uu ka kafaynayaa quruxdeeda, kafafkuna hilib keeda
labada midna uma baahna khalwo.
Lasoco qaybta 8aad ee barmaamijkan.In sha Allah
Diyaariye: SH. Qoobshunux


TALLO KU SOCOTA DOWLADA FEDERALKA ITOOBIYA, IYO ATO MELES ZANAWI.

$
0
0

 
Ugu  horeyn  waxaan  salaamayaaa dhamaanba  saxaafada  xorta ah, ascw. Kadib waxaan  beryahan  maqleynaa qeylo iyo buuq ka taagan deegaanka somalida itoobiya, gaar ahaan ismaamulka somalida ee uu gudoomiyaha  ka yahey, cabdi cumar illey.Hadaba  tan iyo  intii  uu  ninkaasi qabtey  hogaanka deegaankaasi  waxaa  soo baxaaya in ay dhawaan laba  beelood oo wada dega deegaankaasi ,ay  dagaal  dhex marey, waana  wax waligeed  jirtey, in hogaamiyaasha qaar ay xaga qabiilka uga faaiideystaan awooda  maamulka  ooy markaasi  hayaan hase  yeeshee waxaa ka danbeysa ceeb iyo dhaban heys danbe, waxanan  xasuustaa sheeko bari  hore ka dhacdey deegaanka galbeedka , magaalda la yidhaahdo xarshin waqtigaasi oo ku  beegneyd ayaan filayaa, 1980, in  uu nin la odhan  jirey (ina cagoole ) oo  ahaa qabiilka absguul, gudoomiye ka ahaa gobolka  jigjiga  reero dhulkaasi deganaa ciidan xabashiya  galiyey  oo uu ku yidhi waa (sargagobe,) macnaheeduna ahaa waa falaagadii itoobiya, maantana sheekada uu wado cabdi  cumar  iley waxey  u eegtahey  sheekadii  ina cagoole  ee barigaasi .
 
 
Hadaba  dhulka somalida itoobiya  cidkasta  ha ahaadeene waxey ahaayeen dad  ay  masuul ka tahey dowlada dhexe ee itoobiyaa  ilaa iyo inta aan garanyo, maney  jirin degmo degmo  kale u gudbtaa aan  aheyn ciidamda dowlada  dhex degmo kastana iyaadaa ismaamul  hoose  laheyd, hadaba  maanta waxaan maqleynaa wax  la yidhaahdo  newpolice  oo la socdey cabdi  illey, malaha wax uu  isu qaatey in uu yahey  madxweyne  waxa uu doono  yeeli  kara! cabdi  iley waa nin gudoomiye ah balse aan waxayaalaha qaar haduu galo  ku waayi doona shaqdiis, balse ilaa hada  u socda  durba bilaabey, eex, qabiileysi, dhulkii  oo uu degmooyin aan sharci aheyn ku bixiyey nidaam qabiil, cadaalad daro, beelahii dagaalmey oo qaarna  la soo xidh xidhey, qaaran la daayey, arimahaasi waxey  wax yeeli doonaa deganaanshaha degaanka  iyo  is dhexmarka dadka, wada shaqeynta dowlada itoobiya iyo shacabka, dhulkaasi degan.
 
Hadaba waxaan dawolada federaalka  itoobiya  iyo ato, meles zanawi ka codsaneynaa in wax  laga qabto fal danbiyeedka uu ninkaasi  meesha ka wado  hadii kale waa in ay dowlada itoobiya  meesha faraha ka qaadaa dadku  heys difaacaane.
 
 
Arinta  dadweynaha  laga soo xidh xidh  deegaanka dagaaladu  ka dhaceen ee la yidhaahdo  dacawley, waa xad gudb, ay ku  jirto, cunsuriyada iyo qabyaalda, taasi raali kama nahin, waxaan ugu baaqayaa shacabka, degan  dhulkaasi  in dadkaasi la taageero si ay xaquudooda  u helaan waxa  kale oon dowlada  somaliland  ka codsanyaa  in ay dacwada gaadhsiiso wasarada arimaha gudaha oo ah  in dad  loo adeegsadey  maamulkii dowlada itoobiya taasi   oo si cad loo bar tilmaasadey , dad gaar ah iyo qabiiladey  ka soo jeedaan, waxanu dowlada dhex ee itobiya ka codsaneynaa in ay gabi ahaanba baabiiso, policeka aan sharciga aheyn ee qabiileysan, iyo  in aaney degmo degmo fara galin maamulkeeda ee wadanka loodaayo ceynkuu ahaa wayo somalidu waa qabiil qabiilna qabiil  ma aaminsana.
 
Waad mahadsantahiin.
By  Tahir  Hussein. fsm.
——————————————
 
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla,

Baaq nabadeed iyo tacsi ka timid Garaad C/casiis Garaad Afqarshe

$
0
0

 
Inaa lillaahi wa inaa ileyhi raajicuun!
Anigoo aad iyo aad uga xun ugana tiiraanyeysan waxaan halkan uga tacsideynayaa dhamaan Eheladii, qaraabadii, ciidamadda Booliiska ee Somaliland iyo xukuumada Somaliland heer gobol iyo heer qaranba, geeridii naxdinta ee ku timid taliyihii ciidamadda Booliiska ee degmadda Fiqifuliye marxuum Shiine Yaasiin Xiin Faniin oo xalay koox dabley ihi ku dishay magaaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.
Marxuumka waxaan illaah uga beryayaa inuu janadiisa firdowsa geeyo inagana idilkeen uu samir iyo iimaan inaga wada siiyo. Aamiin
 
Waxaan tacsi taa la mid ah halkan uga dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo shacabka reer Somaliland geeridii ku timid marxuumkii kale ee saaka ku geeriyooday magaalada Ceerigaabo, kaasoo isna xalay lagu dhaawacay iska hor imaadkii dhexmaray beelaha walaalaha ee wada dega magaaladda Ceerigaabo, dilka talihii Booliiska ee Fiqifuliye kadib. Waxaan labada marxuumba illaah uga baryayaa inuu illaah janadiisii firdowsa geeyo oo uu u naxariisto maadaama ay gacan ka xaqadarani dishay. Aamiin
 
Tacsidaas kadib waxaan halkan baaq uga soo jeedinayaa beelaha walaalaha ah ee dhibtu kala gaadhay, waxaan ugu baaqayaa labada ardaaba inay xabadda dhigaan oo nabadda qaataan. Waayo waa dad walaala ah oo wada dhashay illaahna meel kuwada beeray oo hadana isu ah xigto, xigaal iyo xididba. 
 
Waxaa laga maarmaan ah inaynu samirno oo xal u helno masiibadan ina haleeshay ee sababtay dhimashada ilaa iyo iminka laba taliye iyo ninkaa dhalinyarada ah oo gidigood waxba aan galabsan. Waxaan soo jeedinayaa in uu caqligu shaqeeyo caadifaddana aynu iska fogeyno hadii kale shaqaaqadu istaagi mayso maalin walbana nin aynu jecelnahay oo aan waxba galabsan ayay salfan doontaa.
 
Waxaan ka codsanayaa Gudoomiyaha Gobolka Sanaag, Gudoomiye kuxigeenka iyo Duqa Magaaladda Ceerigaabo inay qaataan mas'uuliyadda kaga beegan daminta iyo xal u helida masiibadan. Waxaan kaloo kula talin lahaa inay kasoo tarxiilaan Gobolka Sanaag nimankan qoriga dabka leh la dhex jooga beelaha dhibta kala gaadhay oo aan ognahay sida ay illaa iyo iminka u kala fogeeyeen beelaha walaalaha isla markaana aysan doonayn in xal lagaa gaadho arrintan soo noq noqotay, kuwasoo ay kamid yihiin Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Talyanle, Siciid Maxamed Cilmi iyo Siyaasi Cabdi Musbaar.
 
Nimankaas aan kor kusoo xusay waxay qatar ku yihiin nabadda gobolka Sanaag iyo tan Somalilandba iyagoo dano siyaasadeed oo ugaar ah awgeed mashruuc ka dhigtay xal u helida masiibadan oo bilaabatay kadib dilkii Taliyihii hore ee ciidamadda Booliiska ee Saldhiga Daallo alle haw naxariistee Marxuum Jaamac Garmaqaate. Waxay ku sinayd xalinta masiibadan iyadoo lasoo qabto gacan ku dhiiglihgii dilay taliyaha loona dhiibo ardaaga uu ka dhashay taliyihii la dilay, mase noqon oo waxay wajina tusayaan saxaafadda iyo bulshadda reer Somaliland xagan kalena waxay iskudir iyo isku lisid ka dhex wadaan beelaha reer Ceerigaabo.
 
Waxaan si xushmad leh uga codsanayaa dhamaan isimadda iyo madaxdhaqameedka reer Somaliland inay u gurmadaan gobolka sanaag iyo beelaha walaalaha ah iyo sidii nabad waarta loo kala dhex dhigi beelahaa walaalaha ee qoyska qura kasoo wada jeeda oo aan fara looga qaadin afminshaaradaas illaah iyo rasuulkiisaba ka furtay ee raba inay ku naaxaan dhibka walaalahaa.
 
Ilaah waxaan ka baryayaa inuu masiibadaas deg deg inooga qaboojiyo walaalaha dhibku kala gaadhayna uu samir iyo iimaan siiyo oo xaqa tuso.
 
Allaa Mahad leh,
 
Garaad C/casiis Garaad Saleebaan Afqarshe
 
 
 
 
 
GARAAD C/CASIIS GARAAD SALEEBAAN AFQARSHE
 

Arinta dilalka argoosiga ah By: Ahmed Cabdi

$
0
0

marka hore salaan dhaamaan dadka reer somaliland meelkasta oo aad joogtanba dunid 
hadan maqalkiiga gudogalo arinta dilalka argoosiga ah ee taxan ah hadaba waxan aad iyo aad uga xumahay inaa arint dilalk noocasi ah dilalkani waxa uu dhexyaan labada beelood oo wada degan gobolka sanaag waxan dilkii ugu horeya aha mid la xaliyay waayo beesha muuse ismaail ee habar yoonis markii ninka waxa dilay oo ah nin beeshooda ah ayaa si fiican ka yeelay arinta dilkii markas dhacay balse beesha  naleey axmed ee dhulbahante arinta tii ku xagitay ninkii dilka giistay waxa uu dhaqameen mid tii ka bedelan taasin waxay keentay tan imika dhacay hadaba waxa halka ka cad meesha ayaa jiirto sheeko cusub oo an ahan tii ka dhexisay labda beelod balse ayaa ka denbeeyan ururka ssc iyo puntland laakinse beesha muuse ismaaciil ee habar yoonis taasi dan kama laha waayo waxay joogan gobolkoodi ciidna waxab miyi yeelin 
 
waxan ku soo xidhiya ceeri nin lehi uu jooga
 
ahmed cabdi 
ahmedsabdi12@hotmail.co.uk
england
uk
——————————————————————
 
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla,

Kenya oo Duqaynaysa Dameeraha ku sugan Soomaaliya

$
0
0

Maxaase ka jira In Diyaarad Sida Hub oo ay leedhay Ereteriya ay ka Degtey Magaalada Baydhaba…. iyo Ereteriya oo warkaas ku Tilmaantey kuwa la Doonayo in lagu Qariyo Fashilka ku yimid Ciidmada Shisheeye ee ku Duuley Soomaaliya

Sii Akhri

Shabaab oo Afgooye ka bilaway dhaqdhaaq ciidan.

$
0
0

Afgooye(GMN)-Kooxda Shabaab ayaa dhaqdhaaq ciidan waxa ay ka bileen degmada Afgooye ee gobolka Sh.Hoose halkaasi oo ka mid ah magaalooyin kenya ay sheegtay inay duqeymo ka fulinayso.
Goob Joogiyaal ku sugan degmada Afgooye ayaa Gedo Online u sheegay in ciidamada Shabaab oo wata gadiidka dagaalka ay gaafwareegayaan wadooyinka Degmada Afgooye e gobolka Sh,Hoose.
Dhaqdhaaqan ciidan ee shabaab ay wadaan ayaa cabsi galisay dadka degmada ku nool kuwaas oo sheegaya in wali aanay arkin dhaqdhaaqyadani ay wadaan shabaabka degmada Afgooye ee gobolka Sh.Hoose
Ciidamo la sheegay inay ka yimaadeen deegaanada kale ee shabaabku gacanta ku hayaan ayaa la shegay inay gaareen degmada Afgooye.
Gaadiid ku xiran hubka culus ayaa lagu soo waramayaa in lagu arkayo gudaha degmada Afgooye ee gobolka Sh.Hoose waxaana mararka qaar gawaaridaasi ay socdaal ku marayaan gudaha wadooyinlka Degmadaasi
Dhinaca kale cabsi ayaa laga dareemayaa magaalooyinka qaar ee koonfurta soomaaliya oo keny ay sheegtay in duqeymo ay ka fulin doonto meelaha qaarna waxaa lagu soo waramayaa in  barakac uu ka bilowday.
Wixii ka danbeyey markii dowlada Kenya ay shaacisay inay duqeymo ay ka fulinayso tobon magaalo oo soomaaliya ka mid ah oo shabaab ay gacantooda ku jirta waxaa soo baxayey dhadhaaqyo ciidan oo ay wadaan shabaab,
Gedo Online News
Gedoonlinenews@gmail.com

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live