Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Guddiga Maaliyadda Baarlamanka Oo Ka Hadlay Hoos U dhaca Sarifka Doollarka

$
0
0

Guddiga maaliyadda iyo ilaalinta hantida qaranka baarlamanka ayaa ugu baaqay xukuumadda in ay wax ka qabato dhibaatada ka dhalatay hoos u dhaca doollarka iyo qiimaha maciishada oo halkiisii jooga.
Sicirka sarifka suuqyada oo todobaadkii tegay  marba marka ka dambeeysa hoos u sii dhacayay islamarkaana saameeyn xooggan ku yeeshay bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa guddiga Maaliyadda  iyo ilaalinta hantida qaranka oo kulan ku yeeshay Muqdisho waxa ay ka hadleen dhibaatada ku dhaceysa shacabka iyo waxyaaba keenay  hoos u dhaca doolarka iyo qaabka wax looga qaban karo.
Ku simaha guddoomiyaha guddiga maaliyadda barlamanka xildhibaan C/llaahi Maxamed Aadan Farey oo Saxaafadda la hadlay gebagabadii kulankooda ayaa sheegay in xukuumadda looga baahanyahay in ay go’aan deg deg ah ka soo saarto arintan si aanay u fidin dhibaatada ay geeysaneyso hoos u dhaca doolarka iyo qiimaha maciishadii oo aan hoos u dhicin
Sidoo kale Prof. C/llaahi Axmed Afrax  afhayeenka guddigaasi ayaa ka digay dhibaatada ka dhalan karta hoos u dhaca doollarka iyadoo aanay w ax isbedel ah ku dhicin qiimaha ascaarta noocydeda kala duwan
Maalmihii u danbeeyay ayaa waxaa qiimihiisu dhulka ku sii dhacayay sarifka lacagta doollarka taas oo lagu macneeyay sababo kala duwan iyadoo aanay wax isbedel ah ku imaan qiimaha badeecada noocyadeeda kala duwan waxaana arintani ay saameeyn adag xooggan ku yeelatay qeybaha kala duwan ee bulshada.
 


Kenya iyo Erataria oo ka hadlay taageerada Shabaab

$
0
0

Nairobi(GMN)-Dowlada Kenya ayaa u wacday Safiirka Kenya u jooga Dalka Erataria si ay su’aalo ugu weydiiso arimo la xiriira diyaarado hub u siday Ururka Shabaab oo ka degay Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Wasiirka Arimaha Dibada Mosas watangula ayaa la kulmay Salim Omar Abdo oo ay ka wada hadleen xaalada dalka soomaaliya iyo tageerada la sheegay in Wadankiisa uu siiyey Ururka Shabaab.
Labada dhinac ayaa si ad ah waxa ay iskula jeexjeexaan arimaha la xiriira tageerada Erataria ay siiso Ururka Shabaab oo ka dagaalanta soomaaliaya.
Salim ayaa meesha ka saaray inaysan jirin taageero dowladiisa ay siisay shabaab isla markaana waxba kama jiraan ay tahay wararka ay baahisay warbaahinta qaar.
Bilowga todobaadkani ayaa la filyaa in Dalka Kenya uu gaaro wasiirka Arimaha dibada Dalka Erataria si uu kulamo ula qaato dowlada Kenya isla markaana ugu hadlo khilaafka soo dhexgalay labada dowladooda.
Erataria ayaa lagu eedeyey in sadax diyaaradood oo hub u siday shabaab  maalmihii la soo dhafay ay dejisay magaalada Baydhabo oo ay maamulaan Ururka Shabaab.
Dowlada Erataria ayaa dhamaan eedeymahaasi ganafka ku dhufatay isla markaana tilmaantay in marnaba aysan taageerin Ururka Shabaab ee dagaalada ka wada soomaaliya.
Gedo Online News
Gedoonlinenews@gmail.com

Dhibaatada Dhaqaale ee Giriig

$
0
0

Waddanka Giriig waxaa weli ka socda dhoolatus u dhexeeya dowladda, oo qaar ka mid ah mucaaradka sidiii ay wax uga qaban lahaayeen dhibaatada dhaqaale.

Salaamaha

Madaxweyne Shariif Oo Ka Hadlay Mowduuc Ku Saabsan Fadaa’isha Xajka’Dhageeyso’

$
0
0

Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo  ka hadlay Masjidka madaxtooyada qaranka ayaa ku boorriyay dadka Soomaaliyeed ee aysan u suuragalin gudashada waajibaadka xajka ee sanadkan in ay la yimaadaan  fadaa’isha kale ee bishan ku jirta.
Madaxweyne Sheekh Shariif oo ku dheeraaday ka hadalka waajibaadka xajka iyo fadaa’isha uu helayo qofka aysan u suurta gelin gudashada xajka hadii uu Soomo Sagaalaadka Carafa oo maanta ku beeegan, isagoo soo qaadatay Aayado iyo Axaadiis Qur’aan oo ka tarjumaya fadaa’isha uu leeyahay Soonka maalinta Carafo iyo acmaasha kale ee ka ratimaysa Xajka.
Halkan hoose ka dhageeyso Khudbadda Madaxweynaha
Dhageyso Khudbadda Madaxweynaha

Xajka 2011: Xujayda oo Barito Istaagi Doona Carafa iyo Soomaali Badan oo Sanadkaan Xajinaysa.

$
0
0

 In ka badan 2.5 milyan oo Muslimiin ah ayaa lagu wadaa in maalinta berito ee Sabtida ay guda galaan gudasha waajibaadka Xajka iyadoo berito ay ku beegan tahay sagaalaadka Carafo.
Muslimiin ka kala timid adduunyada oo dhan ayaa berito si rasmi ah u bilaabaya acmaasha Xajka ee sanadkan 1432 Hijriga (2011).  Waxaana dawlada Sacuudigu sheegtay in tirada dadka ay ka badan tahay tii sanadklii hore oo ahayd 2 milyan oo ruux.
Isbedel lagu sameeyey adeegyada Xajka
Sida ay noo sheegeen Xujeyda sanadkan ka qeybgaleysa gudasha waajibaadka Xajka waxaa sanadkan si weyn loo casriyeeyey adeegyada loogu talagalay Xujeyda imaaneysa Beytka Alle iyadoo goobaha la maro, guryaha iyo gaadiidkana la ballaariyey.
Meelaha sida weyn isbedelka looga dareemayo waxaa ka mid ah “Tuurista Sheydaanka” oo dhismihii aad loo waasiciyey si dad badan ay ugu suurtagasho inay hal marwada tuurtaan.  Sidoo kale adeega xagga caafimaadka,korontada, biyaha iyo cuntada ayeydawlada Sacuudigu sanadkan maalgelin aad u weynku bixiday iyadoo la diyaariyey gawaarida gurmadka deg dega ee Ambulance oo loogu talagalay inay qaadaan haddii dadku ay la kulmaan wax shil ah ama xannuuno ku soo boodaan.
Adeegyada dhanka teknolojiyada
Shirkada dhanka teknolojiyada ee caalamka ayaa sidoo kale qeyb ka qaadanaya fududeynta adeegyada Xajka ee sanadkan. Shirkadda YOUTUBE.COM ayaa bilawday inay si toos ah (live) u soo baahiso Xajka ka dib heshiis ayla gashay wasaaradda diinta ee Sacuudiga. Waxaana dadka oo dhan ay ay si toos ah ula socon karaan acmaasha Xajka iyagoo galaya www.youtube.com/hajjlive .
Dhanka kale shirkadda GOOGLE.COM ayaa iyana sheegtay inay toos u soo baahineyso salaadaha waqtiga Xajka.
Soomaalida iyo sanadkan
Inkastoo weli uusan jirin tirakoob rasmi ah oo laga sameeyey tirada Soomaalida ee dal iyo dibadka imaanaya, ayaa hada waxaa la qiyaasayaa in 150,000 Xaaji ay ka qeybgalaan Xajka Sanadkan.
 
Isha Wararka  Xaqiiqda.
HeeganTV  Muqdisho

Dagaal Khasaaro Geestay oo ka Dhacay Gobalka Hiiraan

$
0
0

Dagaalkaan ayaa goor dhow wuxuu ka dhacay deegaanka Diracle oo ku dhow deegaanka Beergadiid  ka tirsan gobalka Hiiraan ee bartaha dhulka Soomaaliya.
Dagaalkaan ayaa wuxuu u dhaxeeyay ciidamada maamulka Dooxada Shabeelle iyo dagaalyahana Ururka Al-Shabaab ee maamula inta badan gobalkaasi Hiiraan.
Wararku waxey sheegayaan in dagaalkaan uu ka danbeeyay ka dib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan Dooxada Shabeele kuwaasi oo marayay deegaanka Diracle.
Inta la ogyahay Afar ruux ayaa ku geeriyootay oo labada dhinac ah Labo kalana wey ku dhaawacmeen sida ay ku waramayaan dad ku sugan Kala Bayrka oo aan la hadalnay.
Wararka ayaa sheegaya in xaaladu ay xiligaan tahay mid degan isla markaana aysan wax dagaalo ah aysan ka jirin deegaanada gobalka Hiiraan.
Inta badan gobalkaasi ayaa waxaa maamulka ururka Al-Shabaab iayadoona deegaano ka tirsan gobalkaasi ay ku suganyihiin ciidamada maamulka Dooxada Shabeelle iyo waliba ciidamo Itoobiyaan ah.
 
Isha Wararka  Xaqiiqda.
HeeganTV    Cadaado

Hey”ada Musiibooyinka Oo ka digtay duqeynta Kenya ee Somalia.

$
0
0

C/laahi Maxamed Shirwac Guddoomiyaha hay’ada maaraynta musiibooyinka ayaa ka digey duqaynta ay dowlada Kenya ay sheegtay in diyaaradaheeda ay ka gaysan doonaan 10 magaalo oo ka tirsan dalka Soomaaliya isagoo sheegay in duqeyntaas ay ka dhalan karto xaalad bani’aadan oo mar kale ka dilaacda goboladaas.
Sidoo kale waxa uu sheegay Gudoomiyaha in dadkii ka soo barakacay gobolada dalka ee soo gaaray magaalada Muqdisho markii ay heleen gargaar ay qaarkood bilaabeen inay dib ugu laabtaan goboladii ay ka soo barakaceen, waxana uu xusay in roobabkii deyrta oo si wanaagsan uga da’ay gobolada dalka ay dadka ku dhiirigelisey in ay dib ugu laabtaan deeganadoodii.
Mr. Shirwac ayaa ka digey in haddii la duqeeyo deeganada ay dadka dib ugu laabanayaan ay taasi sababi karto xaalad dhinaca nolosha ah dadkana ay ka rajo beelaan deeganadii ay ku noolaan jireen.
C/hi Maxamed Shirwac ayaa ugu baaqay dowlada Soomaliya iyo beesha caalamka in la joojiyo weerarada la qorsheynayo ee la sheegay in lagu qaadayo qaar kamid ah gobolada dalka, Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay laba jibaaraan gargaarka la siinayo dadka barakacayaasha ee ku nool magaalada Muqdisho.
Sarkaal u hadlay ciidamada Kenya ayaa sheegay in ay weerar cirka ah ku qaadi doonaan deegaano kamid ah dalka soomaaliya oo ay gacanta ku hayso ururka Al-Shabaab waxana uu sarkaalkan uga digey dadka rayidka ah inay ka fogaadeen illaa toban magaalo oo uu carabaabay in ay weerarayaan.
 
Isha Wararka  Xaqiiqda.
HeeganTV Muqdisho


Xarakada Al Shabaab oo beelaha Somaliyeed ugu wada yeertay inay ka qeyb qaataan dagaalada Kenya

$
0
0

Xoogaga Al Shabaab ayaa waxay maanta shacabka Soomaaliyeed oo dhan ay ugu yeereyn inay ka wada qeyb qaataan dagaalada ay Dowladda Kenya ku soo qaaday gudaha dalka Soomaaliya.
Madaxa Siyaadda iyo Xiriirka Gobolada ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Xuseen Cali Fiidow, oo la-hadlay Idaacada Andulus oo ku hadasha afka Xoogaga Shabaab, ayaa wuxuu sheegay in Kenya ay ku soo duushay dalka iyo dadka.
Sheekh Xuseen Cali Fiidow ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Xarakada Al Shabaab ay shacabka Somaliyeed ugu yeereyso inay ka qeyb qaataan dagaalada lagula jiro Ciidamadda Dowladda Kenya ee gudaha u soo gallay wadanka Soomaaliya.
Sheekh Fiidow ayaa wuxuu sheegay in shacabka Somaliyeed ay weligood la-dagaalami jireyn gumeystaha, ayna ka soo horjeedaan dulmi iyo daan-daansi, isla-markaana wuxuu ku booriyay inay hubka qaataan, ayna la-wada dagaalamaan Ciidamadda Dowladda Kenya.
Ugu dambeen Madaxa Siyaadda iyo Xiriirka Gobolada ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Xuseen Cali Fiidow, ayaa wuxuu sheegay in Ciidamadda Dowladda Kenya ay gaarsiin doonaan jab aad u xoogan.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukunno Ku Ridday 2 Guddoomiye Degmo ‘Dhageeyso’

$
0
0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukunno kala duwan ku ridday qaar ka mid ah guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka banaadir kadib markii ay ku caddaadeen danbiyada lagu soo oogay.
Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida G/sare Xasan Maxamed Xuseen “Muunagaab” oo maanta ka qeybgalay barnaamijka kulanka jimcaha ee ka baxa Radio Muqdisho ayaa sharaxay guddoomiyayaasha ay maxkamaddu Xukuntay iyo kuwa ay baaristu ku socoto.
G/sare Xasan Maxamed “Muungaab” guddoomiyaha maxkamadda ciidamada sida ayaa sheegay in maxkamaddu 10 sano oo xabsi ah ku xukuntay guddoomiyihii hore ee degmada Kaaraan C/llaahi Maxamed Rooble sidoo kale maxkamdu waxa 15 sano oo xarig ah ku xukuntay guddoomiyihii hore ee degmada Xamar jajab Bashiir Cabdi Nuur kadib markii sida uu sheegay guddoomiyaha maxkamaddu uu ku caddaaday danbiga lagu soo oogay oo ahaa xatooyo xoolo dadweyne ku takrifal mas’uuliyadeed haatanna ay xabsiga ku jiraan iyadoo xilslkii laga qaaday ka hor inta aan la xukumin.
Sidoo kale guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa tilmaamay in ay ku raadjoogaan Sadex guddoomiye degmo oo kale kuwaas oo lagu tuhmayo in ay xadaan gargaarka bani’aadanimo ee loogu talagalay dadka tabaaleeysan ee ku nool degmooyinka ay mas’uulka ka yihiin.
Guddoomiyaha ayaa ka digay in guddoomiyihii lagu qabto isagoo xadaya raashinka gargaarka ah ee loogu talagalay dadweynaha in maxkamadu ay ku ridi doonto xukun la mid ah kii lagu riday gudoomiyayaashii hore ee degmooyinka Kaaraan iyo Xamar jajab.
Halkan hoose ka dhageeyso hadalka Muungaab
Dhageeyso codka Guddoomiye Muungaab

Kenya oo eedeysay Eritaria

$
0
0

Kenya waxay ka dalbatay xukuumada Eritrea in ay jawaab ka bixiso eedeynta la xiriirta in ay Eritrea u gaysay hub Al Shabaab

Click

Barnaamijka Gurmad ee 65aad

$
0
0

Barnaamijkani waxaa uu maanta ka hadlayaa xaaladda xeryaha qaxootiga Soomaalida ee Itoobiya iyo dad barakacay oo dib loo celinayo.

MADAXWAYNE SIILAANYO MAXAY KA QORTAY TAARIIKHDU MUDADII UU TALADA DALKA HAYAY ????,By: CABDIKARIIM MUXUMED CADDE

$
0
0

Sidaan wada ogsoonahay MADAXWAYNE SIILAANYO  waxay shacabka reer Somaliland talada dalka u doorteen muddo dhan 1825 maalmood, haatana waxuu talada dalka hayay 462 maalmood waxaana u hadhay 1363 maalmood,hadaba qormadan oo noqon doonta mid taxane ah waxaynu ku daalacan doonaa  bogogii taariikhdu daabacday mudadii 462 cisho ahayd ee MADAXWAYNE SIILAANYO uu talada dalka hayay, markaa intaas ayaynu ku eekaan doonaa oo waxii Mudadii 462 maalmood ka horeysay ka hadli mayno oo iyada hore ayay taariikhdu u qortay mudada madaxwaynenimada uga hadhayna waxba ka odhan mayno waayo lamaba gaadhin.
Intaa kadib hadaan hoos u soo gondadago anigoo ka arooraya ilimaha dulucdayda,horta akhristow  maadaama aynu ka hadlayno  maalmo ka mid ah  taariikhda madaxwayne qaran waa mid inoo dhex ah ka  hadalkeedu .sidaa awgeed aniguna kali iskumaan koobin ee hawsha waan inoo kala qawaybiyay.
Anigu waxaan idiin soo minguuriyay nuqul kamida safxadaha taariikhdu  ku dhigtay saxeexa iyo suulka madaxwayne siilaanyo ee sooyaalka galay 462 maalmood ee uu talada dalka hayay,anigoon kala soocin dhaliil iyo amaan iyo guul iyo guuldaro toona ,oo akhristayaasha ayaan u dhaafay inay dhacdooyinka baandheeyaan oo ay kala hormeeyaan oo qiimaynta idinkaa iska leh.
Haatana waa tan ee bal ila dheehda waxuu madaxwayne SIILAANYO ku dhiteeyay  taariikhda dhigaalka ah iyadoo qodobaysan:
MADAXWAYNE AXMED MAXAMED MAXAMUUD(SIILAANYO) WAA:
-MADAXWAYNIHII UGU HOREEYAY SOMALILAND : EE  doorasho ku yimaad isla markaana ku guulaystay tirade codadkii ugu  badnaa abid.
MADAXWAYNIHII UGU HOREEYAY SOMALILAND : EE  madashii uu xilka kula wareegayay  aan khudbad u soo diyaarsan,iyadoo ay madasha fadhiyeen marti sharaftii ugu miisaanka cuslayd ee ka soo qayb gasha xaflad qaranoo  soomaaliland ah.
MADAXWAYNIHII UGU HOREEYAY SOMALILAND :  ugu magaca adkaa ee dad badan ayna kari jirin magaciisa
MADAXWAYNIHII LABAADEE SOMALILAND : EE  naanaysta lahaaa 1.TUUR. 2.SIILAANYO
MADAXWAYNIHII LABAADEE SOMALILAND : EE  magaalo madaxda  labaad  ee burco u dhashay
MADAXWAYNIHII UGU HOREEYAY SOMALILAND :  EE  ugu dada waynaa
MADAXWAYNIHII UGU HOREEYAY SOMALILAND : EE qabay marwadii  ugu dada waynayd marwooyinkii koowaad ee hore u soo maray Somaliland
MADAXWAYNIHII UGU HOREEYAY SOMALILAND : EE ugu dhiiri galinta badnaa tahriibka  ee shuruudaha (qualifications) jagada wasiirnimo looga baahanyahay ku daray qodobka ah.WAA INUU WASIIRKU QURBE JOOG AHAADAA ee xukuumadiisa  ka wada dhigay QURBE JOOG.
MADAXWAYNIHII UGU HOREEYAY SOMALILAND : EE ku baaqay ISBEDEL ee hadana sameeyay ISKUBEDELKA
MADAXWAYNIHII UGU HOREEYAY SOMALILAND : EE yidhi  waxaan soo dhisayaa xukuumad  tirada wasaaradaheedu yartahay ee  soo  kordhiya  hayado  madaxnaan oon hore u jirin.
MADAXWAYNIHII UGU HOREEYAY SOMALILAND : EE la wareegay nidaam dawladeed oo dhisan hadana xukuumadiisu ugu  habacsanayd  ee ugu is barbar yaaca badnayd.
MADAXWAYNIHII UGU HOREEYAY SOMALILAND : EE madaxwaynihii  sida milgaha lahayd talada dalka ugu wareejiyay aan u maamuusin   siduu mudnaa
MADAXWAYNIHII UGU HOREEYAY SOMALILAND : EE saamigii ugu badnaa xukuumadiisa siiyay beeshiisa{waa markii ugu horeysay ee somliland abid ay dhacdo  wasiirka duulista iyo hawada iyo 7xubnood ee gudida u ah madaarka hargaysa ay noqdaan beel kaliya}
MADAXWAYNIHII UGU HOREEYAY SOMALILAND : EE  shaqaalaha dawlada  mushaharkooda 100% u kordhiyay.
MADAXWAYNIHII UGU HOREEYAY SOMALILAND:- EE dugsiyada  dawladee hoose/dhexe bilaash ka dhigay.
MADAXWAYNIHII UGU HOREEYAY SOMALILAND : EE  isagoo ah dhaqaaloyahan,cirka ay isku shareeraan qiimaha ascaarta iyo shidaalku,oo qiimaha sarifka dolarka oo inbadan ay xakamaysay dawladii ka horeysay  uu isbedeloo hoos u dhacay iyadoo maceeshaduna halkii ay ka jabi lahayd kor u kacday,qiimaha shidaalkuna  gaadhay qiimihii ugu sareeyay ee abid uu gaadho shidaalku.
MADAXWAYNIHII UGU HOREEYAY SOMALILAND:- EE  wareejiya  hogaamintii xisbigii uu ku soo baxay ee soo dhisay xukuumad uu ka fara madhanyahay xisbul xaakimkii.
MADAXWAYNIHII UGU HOREEYAY SOMALILAND : EE ugu ka fiirsashada darnaa ee xil u magacaabbay xubin budhcad badeeda
MADAXWAYNIHII UGU HOREEYAY SOMALILAND : EE markii hare intuu casilay hadana ka maarmi waayay ee SAQADHI dib u magacaabay
MADAXWAYNIHII UGU HOREEYAY SOMALILAND:- EE KABO LAGU SALAAMO
MADAXWAYNIHII UGU HOREEYAY SOMALILAND:- EE  wakhtigiisii xeebaha wadanka ay ka soo dageen  jabhada ONLF
MADAXWAYNIHII UGU HOREEYAY SOMALILAND : EE  dal aan dalkiisa ahayn loogu dhigay rooga cas ee madaxwaynayaasha loo dhigo.
MADAXWAYNIHII UGU HOREEYAY SOMALILAND:- EE lagu martiqaado xaflad wadan cusub loogu wanqalayo(SOUTH-SUDAN)
MADAXWAYNIHII UGU HOREEYAY SOMALILAND :  EE  ugu la taliyayaasha badnaa ee soo kordhiyay  LA TALIYAHA BEELAHA LA HAYB SOOCO IYO LA TALIYAHA GOBOLADA BARRI.
MADAXWAYNIHII UGU HOREEYAY SOMALILAND:-EE wasaarada diinta iyo awqaafta ka wareejiyay qaadiriyada
MADAXWAYNIHII UGU HOREEYAY SOMALILAND:-  EE ugu guddi magacaabista badnaa
MADAXWAYNIHII UGU HOREEYAY SOMALILAND : EE wasaarada madaxtooyada u magacaabay wasiir ay isku reer yihiin
MADAXWAYNIHII UGU HOREEYAY SOMALILAND:- EE  ugu agaasinka xumaa safaradiisa dibada ee socdaalkii uu china ku tagay ku dhaxay habeen aan qorshaysnayn diridhaba
MADAXWAYNIHII UGU HOREEYAY SOMALILAND:-EE  wareegto ku soo saaray ololaha nadaafada 45cisho ee sanadkii ugu horeeyayba uu soconwaayay
MADAXWAYNIHII UGU HOREEYAY SOMALILAND:- EE  soo kordhiyay CHEIF OF CABINET KA  ee uu ka socon waayay
MADAXWAYNIHII UGU HOREEYAY SOMALILAND:-EE  lacagta giinbaarta  ah ka badelay togdheer.
MADAXWAYNIHII UGU HOREEYAY SOMALILAND:- EE  dib u fura ururada siyaasada
 MADAXWAYNIHII UGU HOREEYAY SOMALILAND:- EE gaajo loogu dhinto  caasimada hargaysa intuu talada  hayay.
MADAXWAYNIHII UGU HOREEYAY SOMALILAND : EE  deeq  caawimo ah u geeya soomaaliya 
MADAXWAYNIHII UGU HOREEYAY SOMALILAND:- EE xukuumadiisu shir  lagaga hadlayo arimaha soomaaliya kala qayb gasho kooxaha soomaaliya
MADAXWAYNIHII UGU HOREEYAY SOMALILAND:- EE  jeelasha Somaliland ka sii daaya maxaabiis xukuman oo  argagixiso iyo budhcad badeed ah
MADAXWAYNIHII UGU HOREEYAY SOMALILAND:- EE  ugu dulqaadka yaraa ee intuu waaga sugi kari waayay  saqdii dhexe shir jaraaid qabtay eeu hadlay hanaankii ugu  haybada darnaa  ee yidhi  (WAA TII UMADU KU NACDAY ,UF LAGU YIDHI ,SANKA LAGAA QABSADAY)
MADAXWAYNIHII UGU HOREEYAYAY SOMALILAND : EE habrashada muujiyay isagoo  talada dalka haya (waa hadalkii habeenkii madaxwaynuhu ku yidhi faysal cali waraabe ee ahaa faysal waxuu ku cel celiyaa inuu hargaysa leeyahay ee cidna waxba kaga qaadi maysid hargaysa  )hadalkaa markaad dhuuxdo waxuu m/waynuhu qirsanyahay inuu faysal hargaysa wax kaga qaadi karo waayo mabuu yidhaahdeen hadaanu qirsanayn cidna waxba kaga qaadi maysid hargaysa
MADAXWAYNIHII UGU HOREEYAY SOMALILAND : EE ugu dhegaha nuglaa reer galbeedka  ee  siyaasada xukuumadiisa ay  ugu saamaynta  badnaayeen  dawladaha shisheeye   
La  soco qaybaha danbe waa qorme taxane ah oo aan ku koobnaan doonin MADAXWAYNE SIILAANYO balse aynu kolba ku iftiimin doono kolba masuul qaran iyo mahadhadiisa
CABDIKARIIM MUXUMED CADDE(4464472 or yaabarag80@hotmail.com)
                               HARGAYSA
                                  SOMALILAND
 
————————————————————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla,

ururka dhalin yarada reer S/land ee Northern Ireland hadii aanu nahay waxa aanu soo dhawayney naa ururka Wada-jir iyo gudoomiyi hisa Aden Dhoolayare wanuna garab taganahay walcome‏

$
0
0

 
waxaanu salamaynaa dhamaan shacabka reer  S/land
waxa kale oonu salamaynaa saxafada madaxa banaan ee markasta
u heelan in ay ka xaqab tirto hadba wixii ku soo kordha ama ka
dhaca wadan kii hooyo:
 
hadiiba aanu u soo laabano waxa uu daran yahay qoraal kani
hadii anu nahay dhalin yarada reer somaliland ee ku dhaqan
wadan ka northern Ireland gaar ahaan casimadiisa Belfast
waxa aanu si mugleh ama kash iyo laab ah u soo dhawayneynaa
urur siyaasadeedka lagaga dhawaaqey caasimada S/land ee hargeysa
Magaciisuna yahay Wada-jir
iyo gudoomiyahiisa  aden Ahmed Cilmi (Dhoolayare) waxaanu leenahay
in sha alahu bi idmilaa waxaad ka mid noqon doontaa kii u soo
gudba 3 sadexda urur qaran ee hogaamin doona saaxada siyasada
S/land waxanu leenahay soo bar baar hobo oo kac daadaha dibada
baro welcome gacmo furan ayanu kugu soo dhawneynaa
alla haydin la qabto hamigiina fiican noqdana kuwii ka bari noqda
kali talis nimo ama koteysi ok allamahadle
 
urur ka dhalin yara Northern Ireland
Ibraahim Hasan Alin
Ibraahim30@gmail.com


HALYEEYO ISBOORTI OO AXMED CABAAS BOOQDAY. (Warbixin + Sawirro).

$
0
0


5 Nov 2011: Waxa dhawaan Magaaladda ANN ARBOR ee ka tirsan Gobolka MICHIGAN hareeyey Jawi Islaanimo,Soomaalinimo iyo Isboortinimo ka dib markii ay Halyeeyo Isboortiga Soomaaliyeed u soo kifaaxay Magac iyo Maamusna ku lahaa ay Boqosho sharaf ugu tageen Ciyaaryahankii Caanka ahaa ee Axmed Cabaas Busuri oo ka tirsanaa Xulka Qaranka Kubadda Cagta iyo Naadigii Muqdishu madaama aysan arkin muddo aad iyo aad u fog,
waxa kaloo boqoshadoodu ku taxaluqday in ay soo arkaan halka uu marayo Caafimaadkiisa isla markaana ay u duceeyaan in uu Ilaah ka qaado dhibka Caafimaad oo waayahan la soo deristay.



Halyeeyadda Isboortiga ee halkaa tegay waxay kala ahaayeen,Maxamed Faarax Damdamis,Mukhtaar Cuti,Bashi Cali Baashi iyo Busuri Tafatiraha Xiddigaha.Com.,Dr.Cali Cusmaan Cali iyo Caydiid Jeenyo oo ka socday Atlanta,waxa Magaaladda Virginia ka yimid Khaliif Riiko iyo faysal Qaldaan,Gobolka OHIO waxa boqoshadda uga qeyb galay Bashiir Geele iyo Mahad Yare,Waxa odayaal shirkaa ka ahaa Axmed Carab oo Taarikh fog ku leh Isboortiga Soomaaliyeed gaar ahaan Kubadda Koleyga isagoo ka mid ahaa Xulkii Qaranka Kubadda Koleyga ee 1970kii.

isla markaana soo noqday tababaraha Xulka Qaran Soomaaliyeed muddo dhaa 10sano,waxa kaloo halkaa Joogay Mudane Yuusuf Kolumbos oo mar soo noqday Wasiir ka tirsan qaranka Soomaaliyeed iyo Inj. Cumar oo PHD ku haysta Cilmiga Injineeriyadda,waxaana shirkaasi qadka Teleefoonka uga qeyb galay Mudane xasan Jilicow Maslax oo mar soo ahaa Kuxigaha Duqa Magaaladda ee qeybta Maaliyadda,Axmed nuur Maxamed xaashi(Seyga Ruushka) Gudoomiyaha Mideybta Isboortiga Qaranka Soomaaliyeed,Xaaji Macow Sid Barakow oo ahaa Ciyaaryahankii ugu wanagsanaa ee ka Ciyaara Lambarka 11aad ee soo mara Qaranka Soomaaliyeed iyo Cabdisamada qaasim oo ka tirsanaa Naadigii Muqdishu.



Waxa ugu horeyntii halkaa ka hadlay Maxamed faarax Dabdamis…waxaana uu marka hore u mahadceliyey Jaaliyadda magaaladda ANN ARBOR sida ay iskugu duubantahay taa oo runti ah mid mudan in lagu daydo,waxaana uu cadeeyey in ay maanta Farxad u tahay dhamaan Bahweynta Isboortiga ee halkaan timid si ay u soo booqdaan Walaalkooda Axmed cabaas,taa waxay caddeyneysaa in Bahda Isboortiga ay weli isku duubanyihiin,

isagoo ka ofday ahaan ballanqaaday in ay sii adkeyn doonaan iskuduubnaantaasi,waxaana uu Ilaah uga baryey Halyey Axmed cabaas in uu siiyo Caafimaad taam ah,isagoo ka soo qeyb galayaashii ka codsaday in ay Faataxadda u akhriyaan mar kastoo ay oogaan Salaadda.

Waxa kaloo halkaa ka hadlay Mudane Yusuf Kolombos,Axmed Carab iyo Inj.Cumar Maxamed Axmed oo dhamaanttood ka tirsan Jaaliyadda ANN ARBOR iyagoo ku tilmaamy bulshadda Isboortiga mid caafimaad qabta,waxay kaloo qireen in aysan jirin bulsho saa iskuugu duuban isla markaana sida iskaaga warqabta…..waxayna mudanyihiin in lagu da’ydo waayo waxa Bulshadani ay sameysay waa arrin geli doontaa taarikhda…..waxayna ballan ku qaadeen in ay xiriir la yeelan doono bulshadaan caafimaadka qabta,iyagoo akhiritaankii u duceeyey Halyeey Axmed Cabaas oo taarkh dheer ku leh Isboortiga Soomaaliyeed isagoo Naadi iyo Qaranba u Ciyaarya,waxaana Jaaliyadda Reer ANN ARBOR halkaa ku kasbadeen sacab badan.



waxa ugu dambeyntii khudbadii qaatay Dr. Cali Cusmaan Cali oo marka hore mahad aan la koobi karin u jeediyey Jaaliayadda ANN ARBOR sida qiimaha leh oo ay u soo dhaweeyeen Halyeeyadaan Isboortiga oo maanta soo booqday Saaxiibkood Axmed cabas Busuri,waxaa kaloo Dr. Cali Cusmaan uu ka warbixiyey Doorarkii uu ka soo qaatay Isboortiga Soomaaliyeed gaar ahaan Kubadda Koleyga oo uu ka mid noqday Ciyaartoydii Xulka Qaranka isla markaana uu tababare u soo noqday Xulka Qaranka,


waxaana uu Dr. Cali Cusmaan isagoo qiireysaan uu cadeeyey in Axmed carab uu soo kifaaxay Horumarinta Isboortiga Soomaaliyeed gaar ahaan Kubadda Koleyga isla markaana uu yahay tababarihii ugu fiicnaa ee soo mara JKubadda Koleyga Soomaaliyeed.waxaana uu Dr. Cali Cusmaan uu u sheegay Tababare Axmed carab in aysan Ummadda Soomaaliyeed iloobi doonin waxa aad u soo qabatay gaar ahaan Kubadda Koleyga,waxaana halaak Axmed carab loogu tumay Sacab aan kala go laheyn,sidoo kale Dr. Cali Cusmaan waxa uu ka sheekeeyey doorkii uu Axmed cabaasa soo qaatay Kubadda Cagta Naadiga Muqdishuu iyo Xulka Qaranka,waxaana uu ahaa Ciyaaryahan ay u dhameystirantahay hab ciyaareedka oo dhan waliba leh,waxaana taa u dheereed in uu ahaa Ciyaaryahan edeb iyo akhlaaq ku caan baxay taa waxay u keentay in uu lka mid noqdo dhalinyaradda caanka ku ah Kubadda Cagta,waxaana dadkayaga isboortiga waayaha badan ku soo jiray aan caan ku nahay in aan mar kastaba booqano Ciyaaryahankii ay dhibaato la soo deristo waa taa maanta midda aan halkaan u joogno oo ah in aan Halyey Axmed cabaas  dareensiino in aan meelna uga hareynin inta aan nooolnahay….waxaana kaloo aanu u sheegnay in aanu la daba taaganahy Duco inta aan noolnahay…arrinta waxay qof kastaba gelisay khushuuc aan caadi aheyn….waxana halkaa mahad aan la koobi karin ka soo jeediyey Axmed cabaas oo runtii wajigiiisa ay ka muuqatay farxad aan la qiyaasi kari…waxaana ugu dambeyntii Ilaah uga baryeynaa in uu siiyo caafimaad taam ah…..ayuu hadalkii ku soo gabagaboobay.

HALYEEYO ISBOORTI OO AXMED CABAAS BOOQDAY. (Warbixin + Sawirro).

$
0
0


5 Nov 2011: Waxa dhawaan Magaaladda ANN ARBOR ee ka tirsan Gobolka MICHIGAN hareeyey Jawi Islaanimo,Soomaalinimo iyo Isboortinimo ka dib markii ay Halyeeyo Isboortiga Soomaaliyeed u soo kifaaxay Magac iyo Maamusna ku lahaa ay Boqosho sharaf ugu tageen Ciyaaryahankii Caanka ahaa ee Axmed Cabaas Busuri oo ka tirsanaa Xulka Qaranka Kubadda Cagta iyo Naadigii Muqdishu madaama aysan arkin muddo aad iyo aad u fog,
waxa kaloo boqoshadoodu ku taxaluqday in ay soo arkaan halka uu marayo Caafimaadkiisa isla markaana ay u duceeyaan in uu Ilaah ka qaado dhibka Caafimaad oo waayahan la soo deristay.



Halyeeyadda Isboortiga ee halkaa tegay waxay kala ahaayeen,Maxamed Faarax Damdamis,Mukhtaar Cuti,Bashi Cali Baashi iyo Busuri Tafatiraha Xiddigaha.Com.,Dr.Cali Cusmaan Cali iyo Caydiid Jeenyo oo ka socday Atlanta,waxa Magaaladda Virginia ka yimid Khaliif Riiko iyo faysal Qaldaan,Gobolka OHIO waxa boqoshadda uga qeyb galay Bashiir Geele iyo Mahad Yare,Waxa odayaal shirkaa ka ahaa Axmed Carab oo Taarikh fog ku leh Isboortiga Soomaaliyeed gaar ahaan Kubadda Koleyga isagoo ka mid ahaa Xulkii Qaranka Kubadda Koleyga ee 1970kii.

isla markaana soo noqday tababaraha Xulka Qaran Soomaaliyeed muddo dhaa 10sano,waxa kaloo halkaa Joogay Mudane Yuusuf Kolumbos oo mar soo noqday Wasiir ka tirsan qaranka Soomaaliyeed iyo Inj. Cumar oo PHD ku haysta Cilmiga Injineeriyadda,waxaana shirkaasi qadka Teleefoonka uga qeyb galay Mudane xasan Jilicow Maslax oo mar soo ahaa Kuxigaha Duqa Magaaladda ee qeybta Maaliyadda,Axmed nuur Maxamed xaashi(Seyga Ruushka) Gudoomiyaha Mideybta Isboortiga Qaranka Soomaaliyeed,Xaaji Macow Sid Barakow oo ahaa Ciyaaryahankii ugu wanagsanaa ee ka Ciyaara Lambarka 11aad ee soo mara Qaranka Soomaaliyeed iyo Cabdisamada qaasim oo ka tirsanaa Naadigii Muqdishu.



Waxa ugu horeyntii halkaa ka hadlay Maxamed faarax Dabdamis…waxaana uu marka hore u mahadceliyey Jaaliyadda magaaladda ANN ARBOR sida ay iskugu duubantahay taa oo runti ah mid mudan in lagu daydo,waxaana uu cadeeyey in ay maanta Farxad u tahay dhamaan Bahweynta Isboortiga ee halkaan timid si ay u soo booqdaan Walaalkooda Axmed cabaas,taa waxay caddeyneysaa in Bahda Isboortiga ay weli isku duubanyihiin,

isagoo ka ofday ahaan ballanqaaday in ay sii adkeyn doonaan iskuduubnaantaasi,waxaana uu Ilaah uga baryey Halyey Axmed cabaas in uu siiyo Caafimaad taam ah,isagoo ka soo qeyb galayaashii ka codsaday in ay Faataxadda u akhriyaan mar kastoo ay oogaan Salaadda.

Waxa kaloo halkaa ka hadlay Mudane Yusuf Kolombos,Axmed Carab iyo Inj.Cumar Maxamed Axmed oo dhamaanttood ka tirsan Jaaliyadda ANN ARBOR iyagoo ku tilmaamy bulshadda Isboortiga mid caafimaad qabta,waxay kaloo qireen in aysan jirin bulsho saa iskuugu duuban isla markaana sida iskaaga warqabta…..waxayna mudanyihiin in lagu da’ydo waayo waxa Bulshadani ay sameysay waa arrin geli doontaa taarikhda…..waxayna ballan ku qaadeen in ay xiriir la yeelan doono bulshadaan caafimaadka qabta,iyagoo akhiritaankii u duceeyey Halyeey Axmed Cabaas oo taarkh dheer ku leh Isboortiga Soomaaliyeed isagoo Naadi iyo Qaranba u Ciyaarya,waxaana Jaaliyadda Reer ANN ARBOR halkaa ku kasbadeen sacab badan.



waxa ugu dambeyntii khudbadii qaatay Dr. Cali Cusmaan Cali oo marka hore mahad aan la koobi karin u jeediyey Jaaliayadda ANN ARBOR sida qiimaha leh oo ay u soo dhaweeyeen Halyeeyadaan Isboortiga oo maanta soo booqday Saaxiibkood Axmed cabas Busuri,waxaa kaloo Dr. Cali Cusmaan uu ka warbixiyey Doorarkii uu ka soo qaatay Isboortiga Soomaaliyeed gaar ahaan Kubadda Koleyga oo uu ka mid noqday Ciyaartoydii Xulka Qaranka isla markaana uu tababare u soo noqday Xulka Qaranka,


waxaana uu Dr. Cali Cusmaan isagoo qiireysaan uu cadeeyey in Axmed carab uu soo kifaaxay Horumarinta Isboortiga Soomaaliyeed gaar ahaan Kubadda Koleyga isla markaana uu yahay tababarihii ugu fiicnaa ee soo mara JKubadda Koleyga Soomaaliyeed.waxaana uu Dr. Cali Cusmaan uu u sheegay Tababare Axmed carab in aysan Ummadda Soomaaliyeed iloobi doonin waxa aad u soo qabatay gaar ahaan Kubadda Koleyga,waxaana halaak Axmed carab loogu tumay Sacab aan kala go laheyn,sidoo kale Dr. Cali Cusmaan waxa uu ka sheekeeyey doorkii uu Axmed cabaasa soo qaatay Kubadda Cagta Naadiga Muqdishuu iyo Xulka Qaranka,waxaana uu ahaa Ciyaaryahan ay u dhameystirantahay hab ciyaareedka oo dhan waliba leh,waxaana taa u dheereed in uu ahaa Ciyaaryahan edeb iyo akhlaaq ku caan baxay taa waxay u keentay in uu lka mid noqdo dhalinyaradda caanka ku ah Kubadda Cagta,waxaana dadkayaga isboortiga waayaha badan ku soo jiray aan caan ku nahay in aan mar kastaba booqano Ciyaaryahankii ay dhibaato la soo deristo waa taa maanta midda aan halkaan u joogno oo ah in aan Halyey Axmed cabaas  dareensiino in aan meelna uga hareynin inta aan nooolnahay….waxaana kaloo aanu u sheegnay in aanu la daba taaganahy Duco inta aan noolnahay…arrinta waxay qof kastaba gelisay khushuuc aan caadi aheyn….waxana halkaa mahad aan la koobi karin ka soo jeediyey Axmed cabaas oo runtii wajigiiisa ay ka muuqatay farxad aan la qiyaasi kari…waxaana ugu dambeyntii Ilaah uga baryeynaa in uu siiyo caafimaad taam ah…..ayuu hadalkii ku soo gabagaboobay.

Ethiopia:President of the Somali regional set to be impeached

$
0
0

Addis Ababa (Somalilandpress)-According to reports received from top officials in Ethiopia’s Somali Zone,President Abdi Iley has been removed from office and relieved from all duties. It is expected that the official removal of the president from office will be announced early next week. Confidential sources close to Somali Zone say that the president will come before the regional parliament within the coming week in order for his removal from office to be announced officially. The regional Somali central government and the people accuse the president of widespread mismanagement and corruption.There are reports saying that the president is accused of rampant corruption and that he cannot differentiate his personal, state and people’s wealth.The president is also accused of dictatorship and that he does not know the smooth running of government.According to reports from Regional Somali Zone 5 Central government say that the president had fallout with many officials in the central government and Regional Somali Zone 5 government. Other reports indicate that the president is accused of backwardness of the region and the government does not function quite smoothly. Much harassment against the people of the region and gridlock policies are one of the impeachment that the president is facing. It is not known what the president is about to do after he leaves office. There are reports saying that Regional Somali Central government is seeking the president employment in ministries. It is not also clear who will replace President Abdi Iley. Also Mr.Abdirahman Sheekh Mohamed ‘Gurey’ who is commerce minister on federal level was dismissed from office after he was accused of lack of accomplishment. Many accusations against president Abdi Iley concerning his management style were submitted to the central government for the past couple months. In recent days the goverment of JigJiga and the president has sided with their tribes men after a tribal conflict between two tribes that live together. The goverment sided with their Ogaden tribes men against the Isaaq tribe as they improsen 37 Isaaq nomads.Somalilandpress | 04 November 2011

Dalka Faransiiska oo Ugu Hanjabay Wadanka Giriiga Inuu Ka Saari Doono Ururka Midowga Yurub Hadii Giriigu Ogolaan Waayo Qorshe Lagu Badbaadinayo EURO-da

$
0
0

 
PARIS(OWN)- Wasiirka arimaha Yurub u qaabilsan dalka Faransiiska Mr: Jean Unity ayaa ugu hanjabay in dalka Giriigu uu ka bixi doono midowga Yurub hadii uu ogolaan waayo qorshaha ay reer yurub doonayaan inay ku badbaadiyaan dhaqaalaha wadamada EU da, Wasiirka ayaa sheegay in hadii uu giriigu ogolaan waayo qorshahaa in Athins ay ka bixi doonto lacagata ay Yrurb la wadaagto isla markaana laga saari doono ururka Midowga Yurub,
Wasiirka Unity oo u waramayey Idaacada Europa 1 ayaa sheegay macnaha inay diidaan giriigu Qorshahan inuu la mid yahay inay si toosa uga baxeen midowga Yurub. isagoo xusy inuu rajeynayo in dalka Giriigu uu fahmo ujeedada isla markaana arintaasi aanay gaadhin heerkaa giriiga lagaga saarayo ururka midowga Yurub,
Hadalka wasiirka ayaa yimi maalin kadib markii Reysal wasaaraha dalka Giriiga Mr: George Papandreou uu sheegay inuu ka noqoday qorshe lagu badbaadinayey lacagta & dhaqaalaha wadmada ururka midowga Yurub, Qorshahan oo muran badan dhaliyey ayaa lagu waday in afti loo qaado iyadoo inta badan madaxda dowladaha midowga Yurub ay ogolaadeen,
Qorshahan aftida loo qaadayo ayaa baqdin badan geliyey qaar kamida wadamada Yurub iyadoo si,aada loogaga wada hadlay shirka dhaqaalaha ee kooxda lagu magacabo (kooxda 20 ka ) uga socda maalintii labaad dalka Faransiiska,
Barkhad Cabdillaahi Maxamed
Oodweynenews.com / SWEDEN
Barkhad11@live.com
Facebook:- Barkhad Abdillahi Oodweynenews 

Xukunno lagu Ridday Mas'uuliyiin Gargaar Leexsaday

$
0
0

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida, G/sare Xasan Maxed Xuseen Muungaab ayaa VOA u sheegay in maxkamadda ciidamadu ay maanta markii ugu horeysay xukunno kala duwan ku riday labo guddoomiye degmo kaddib markii lagu helay inay xadeen sahayda gargaarka ee Loogu talagay dadka abaaraha.
Maxkamadda ayaa xukun xarig ah oo 15 sanno ah ku xukuntay Bashiir Cabdi Nuur oo ahaa guddoomiyihii degmada Xamar Jajab, halka 10 sanno oo xarig ahna lagu xukumay C/laahi Max'ed Rooble oo ahaa guddoomiyihii degmada Kaaraan.
Labadan guddoomiye degmo ayaa xilka laga qaaday ka hor intii aan xukunka lagu xukumin.
Xasan Maxed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay inay baarayaan saddex guddoomiyayaal degmo oo la tuhunsanyahay in iyaguna ay ku lugleeyihiin musuqmaaasuqa raashiinka gar gaarka dadka tabaaleysan loogu talagay, wuxuuna sheegay in haddii lagu helo ay muteysan doonaan xukunno kuwan la mid ah.
Waa markii ugu horeysay oo xubno dowllada ka tirsan loo xukumo dhac ay u gasyteen raashiinka gargaarka tan iyo intii ay soo baxeen eedeymaha lixiriira in dad gaar ah ay leexsadaan gargaarka dadka macluulsan loogu talagay.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live