Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Sheikh xuseen cali - Muxaadaro Part.5


Weerarro ka dhacay Nigeria

$
0
0

Wararka ka imaanaya Nigeria ayaa sheegaya in weerarro is xigay oo ay rag hubeysan ku qaadeen magaalada Damaturu ay ku dhinteen ugu yaraan soddon qof, qaar kale oo badanna ay ku dhaawacmeen.

Dowladda Kenya; "Waxaan xayirnay hawada magaalada Baydhbao, waana weerari doonaa diyaaradii halkaas dul marta"

$
0
0

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in xayiraad dhinaca cirka ah ay saartay magaalada al Shabaabku ku xooga badan yahay ee Baydhabo.

Taliyaha ciidamada qalabka sida ee Kenya oo saxaafadda la hadlay ayaa ku hanjabay inay weerari doonaan diyaaradii ka soo agdhowaata magaalada Baydhabo,  xarunta maamulka gobolka Bay.

Kenyaatigu waxay sheegayaan in xayiraadan ay uga dan leeyihiin sidii ay u joojin lahaayeen hubka ku soo qulqulaya magaalooyinka ay gacanta ku hayaan al Shabaabku gaar ahaan Kismaayo iyo Baydhabo.

Xayiraadan ayaa ka dambeysay kadib markii labo diyaaradood oo hub u siday al Shabaab ay ka soo degeen sida la sheegay magaalada Baydhabo, diyaaradahaas oo ka soo kicitimay dalka Eritrea.

Dhanka kale waxaa weli halkeedi taagan dhiilada colaadeed ee ka dhalatay faragelinta tooska ah ee dowladda Kenya ay ku heyso Soomaaliya, faragelintaas oo si dadban iyo si toos ah intaba ay Soomaali badan uga soo horjeesteen.

halgankanet@gmail.com

Al Shabaab oo meydad aad u isu bedelay iyo filimaad dagaal ah ku soo bandhigay magaalada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose

$
0
0

Al Shabaab ayaa magaalada Marka, xarunta gobolka Shabeellada Hoose dadka ku dhaqan u soo bandhigay meydad aad isu bedelay oo ka tirsanaa ciidamadii Burundi ee ku dhintay dagaalkii maalmo ka hor ka dhacay degmada Dayniile, magaalada Muqdisho.

Meydadkaas oo ay ku daadiyeen al Shabaabku wado dhexmarta magaalada Marko ayeey ugu talagaleen inay dadka halkaas ku dhaqan gaar ahaan dhalinyarada ku dhiirigeliyeen dagaalada ay ka wadaan Koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale al Shabaabku waxay reer Marka u soo bandhigeen filimaan ka hadlaya dagaalka iyo qaababka la isu qarxiyo, waxaana dadka la hadlay mas'uuliyiinta al Shabaab u qaabilsan dacwada iyo dagaal ku qalqaalinta.

Dhanka kale magaalada Marka waxay al Shabaabku ka fureen xafiiska ay ku diiwaangelinayaan dhalinyarada degmadaas ku dhaqan si ay uga qeybgeliyaan dagaalka ay ka wadaan Soomaaliya.

Reer Marka ayaa markii ugu horeysay oo ay arkeen meydadka AMISOM ku tilmaamay bandhig meydeedka ay al Shabaabku magaaladaas ka sameeyeen.

halgankanet@gmail.com

Fu'aad Shangole; "Kuwaas jooga Puntland waxay leeyihiin AMISOM ha naloo keeno aan gaaloownee"

$
0
0

Fu'aad Shangole, madaxa dacwada iyo dagaal ku qalqaalinya al Shabaab oo la hadlayay koox ka tirsan taageerayaashooda ayaa sheegay in uu la yaaban yahay hadalkii ka soo yeeray maamulka Puntland ee ku saabsan ciidamada AMISOM.

Shangole wuxuu sheegay in Odayaal ku sheegga iyo Asha-haado la dirirka Puntland ay dalbanayaan ciidamada AMISOM waxaana uu arintaas ka yiri; " Kuwa odayaal ah ayaa waxay leeyihiin aan gaaloownee AMISOM hanaloo keeno, annaguna halkan ayaan gaalo kula dirirneynaa".

Waa markii ugu horeysay ee Fu'aad Shangole sida dad badani qabaan si toos ah weerar afka ah ugu qaado dhulka uu ka soo jeedo ee Puntland.

halgankanet@gmail.com

 

Waa barnaamijka Gurmad ee 66aad

$
0
0

Barnaamijka Gurmad ee maanta waxaa uu ka hadlayaa mucaawinooyin dadka barakacay la siiyay munaasabadda ciidda iyo saameynta roobka ee socodka gargaarka.

Dagaal Dhexmaray Ciidamo kawada Tirsan DKMG

$
0
0

Is-rasaaseynta ayaa bilaabatay kaddib markii ciidamo dowladda KMG ka tirsan oo howlgal wada ay isku dhaceen ciidamo kale oo meel u taallay is-baaro kuwaasoo lacago ka qaada gaadiidka dadweynaha.

Isku-dhacan oo ka dhacay degmada Xamar weyne ayaa dhaliyay dhimasho laba qof oo rayid ah.

Ma aha markii ugu horreysay ee ciidamo ka wada tirsan dowladdu isku dhacaan.

Ciidamada Dowladda oo galabta qabtay Gaari Bisado ay ka buuxeen+Sawirro

$
0
0

Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa galabta ku qabtay nawaaxiga Saldhiga Kaaraan Gaari nuuca Soomaalida u taqaano Homey oo ay Bisado fara badan ka buuxeen, iyadoo lala qabtay ilaa shan ruux oo Ragg ahaa. Gaarigan oo dhanka duleedka bari ee degmada Kaaraan ka yimid ayaa Ciidamada ay ku istaajiyeen goob ay Gaadiidka ku baareen, [...]


Madaxweynihii Hore iyo Fanaaniin Caan Ah Oo Ka Qeybgalay Barnaamijka Salaamaha Qurba Joogta(Dhageyso)

$
0
0

Inaga oo isku dayeyna inaan daboolno baahida Shacbiga Soomaaliyeed ee ku nool caalamka oo la xiriirta dhanka warbaahinta islamarkaana fulineyna ballan qaadkeenii ku aadanaa u sahlida inay dadka Qurbaha ku nool eheladooda Salaamaan ama Ciida ugu hambalyeeyaan ayaa hadaba waxaa Barnaamijka Salaamaha Ciida iyo Soomaalida Caalamka ka qeybgalay Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed.
Barnaamijka ayaa waxaa sidoo kale aynu ku marti qaadnay fanaanada caanka ah ee Saado Cali Warsame ayadoo inta ugu badanna ay dadka Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool Hambalyadooda iyo Salaamahooda dirsanayeen.
Barnaamijka ayaa ka kooban Laba qeybood oo kala ah:-
Qeybta Koobaad Nambarada aad inoosoo gudbiseen oo aan wacnay ayadoo dhageystayaasha ay codkooda eheladooda iyo asxaabtooda ugu hambalyeeyeen kuna salaameen.
Qeybta Labaad waxa aynu ku aqrinay Magacyo aad email noogu soo gudbiseen sida ballantu aheyd.
FG:-Waxaan ka cudur daaraneynaa inaanan dadka emaillada noosoo wada diray wada wicin ama qoraaladooda u aqrin waqtiga aan heysanay aawgeed intii aan karnay aan si cadaalad ah Barnaamijka uga qeyb gelinay waloow ay xusid mudan tahay in dadka qaar ee magacyadooda soo gudbiyey marka aan wacnay aysan Taleefoonada ka jawaabin.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qaybta Koobaad Ee Barnaamijka Hambalyada Ciida iyo Soomaalida Caalamka
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qaybta Labaad Ee Barnaamijka Hambalyada Ciida iyo Soomaalida Caalamka

Joe Biden:Talaabo waa in la qaataa si loo kobciyo Dhaqaalaha

$
0
0

Madaxweyne ku xigeenka Mareeykanka Joe Biden ayaa sheegay in Aqalka Cad uu talaabo qaadan doono hadii buu yiri ,Xubnaha Republicanka ee congresska  ay ku guul dareeystaan ineey gudbiyaan sharciga shaqooyinka ee uu soo gudbiyay maamulka ay gacanta ku hayaan demuquraadiyiinta

Isagoo buuxinayay booskii madaxweeynaha ee qudbadiisii saxaafadda ee todobaadlaha aheeyd ayuu madaxweeyne ku xigeenka Mareykanka Joe Biden sheegay in waqtiyada adag loo baahanyahay in talaabooyin deg deg ah la qaato

Madaxweyne ku xigeenka Mareeykanka ayaa sheegay in Madaxweeyne Obama uu mar hore isticmaalay awoodiisa fulinta si uu u yareeyo bixinta deymaha ardayda oo uu ka caawiyo rug cadaageena sidii ay shaqo ku heli lahaayeen oo markaasina dadka guryaha leh ay dib ugu eegi lahaayeen qiimaha lacagaha ay isaga bixinayaan guryahooda

Waxa uu sidoo kale sheegay in madaxweynaha uu waqti ku bixiyay shir weeynihii dhowaa ee dalalka warshadaha horu maray ee la isku yiraa G 20  ee ka dhacay dalka Faransiiska. Madaxdaasoo isku dayayay ineey xaglo daacin ka badbaadiyaan qorshaha soo kabashada dhaqaalaha, iyadoo dhinaca kale dalalka ugu tunka roon dhaqaalaha ee Yurub ay sidoo kale ku howlanyihiin wax ka qabashada deeymaha sii kordhaya

Daadad sababay in ay dayuuradahii ay ka kici waayaan kana soo degi waayaan Dalka Thailand

$
0
0

Dalka Thailand oo ka mid ah wadamada ku yaal qaarada Asia ayaa todobaadkii la soo dhaafay waxaa ka da’ayay roobab waaweyn oo ay ka dhasheen daadad ku fatahay caasimada dalkaas ee Bangkok. Daadadkan ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwii ugu darnaa ee soo mara dalka Thailand muddo nus qarni ah. Biyo badan oo ku rogmaday [...]

Soomaalida Xajka Gudatay

$
0
0

Tiradii ugu badneyd ee Soomaali ah ayaa la sheegay inay sanadkan guteen rukunka Xajka, iyada oo tiro kale oo badanina ay meelo dalka Somalia ka baxaysan ay ka tageen.
Wareysi arrintaas la xiriirta qeybta hoose ka dhageyso.

Ciidul-adxaa farxad weyn …dhar cusub…farxad weyn , laakiin Soomaaliya!

$
0
0

Maqaal: Ciidul-adxaa farxad weyn …dhar cusub…farxad weyn ,  laakiin Soomaaliya!
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan.
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Waa maalin weyn,  Ciid-weyn iyo Ciid yareey, waxaan u malayniyaa magacyadaas hadda ilmaha Soomaaliyeed maba yaqaanaanba,  run ahaan maba yaqaanaan, waxaan xasuusnahay ciyaal koox-koox u socda oo dhar cusub qaba oo xaafadaha magaalada oo dhan buuxiya, odayaal sida badan qaba dhar cad-cad cimmaamado, dhalin yaro rag iyo haweenba leh oo siyaabo kala duwan u soo labista oo salaam iyo dhoolo cadayn isku qaabilaya, deriska oo isu wareega oo shaaha, qaxwaha, buskudka, iyo macmacaanka kalaba lala sugayo martida ciidda la filayo.
Habeenka ciidda ah waxaa magaalada lagu qurxin jiray nalal midibo kala duwan oo dheeh aad u quruxsan magaalada u yeela  laakiin magaalooyinkeenii maanta waa  mugdi, waa madow, waa dhufaysyo, nalalkii midbbada lahaa waxaa bedelay ololka habeenkii ka baxaya afka madfaca.
Ciiddaan waxay dadka hantida leh qaybin jireen hilbaha udxiyada ay gowracaan si ay u weneeyaan maalintaas Ilaahay weyneeyay, hadda waxaaba adag in wax la gowraco,  kii haystay iyo kaan haysanba, dadku waxay dareemayaan cabsi, cabsi ay ka cibaadaysan la’yihiin, neef xoola ah qofkii rabaa inuu soo gataa waa inuu waardiye la socdaa magaalada Muqdisho, ilmihii waxay dareemayaan faraxd la’aan, laakiin hadana waa CIID, meel kasta takbiirtii baa yaraysa, salaadii baa la soo tukaday, laakiin naf kasta oo Soomaaliyeed waxay tabaysaa in wax ka maqanyihiin farxaddii ciidda.
Dadka waaweyn ee soo arkay Soomaaliya oo dowlad ah, kuna soo ciiday calanka hoostiisa, cududdi xooggii dalka ee Soomaaliya, xooggii la yaqaanay, Xooggii wali raadkiisu ka muuqdo xudduudaha Itoobiya iyo Soomaaliya, xudduudaha Kenya iyo Soomaaliya, dadkaas waxay tebiyaan in faraxdda ciidda ay wax ka maqanyihiin… wax maxay ah?!…
“DANAB, DANAB, CIR,DHUL, BAD…DANAAAAB..HIH…”codkii halyeeyadii ciidankii qalabka siday ee Soomaaliya, codkii uu saska ka qaaday boqorkii Itoobiya ee Haile Selassie (Xayle Salaase) markii uu 1974kii shirkii midowga Afrika kaga qayb galay magaalada Muqdisho, codkii uu nacabka kasta oo Soomaaliyeed uu ka argagixi  jiray , mar hadii ay cududdaas garabkaaga ka maqantahay farxadda ciidda ma dhamays tirna….
Mar haddii la leeyahay toban magaalo ayaan duqaynaynaa ee dadka deggan ha ka baxaan, yaa, oo xaggee bay aadayaan? Mise xeryaa Kenya loogu diyaariyay, Xeryo cusub, guryaha ay baneeyeenna yaa degiya?! DHuudhi, Kaneeco, dar-yeel xumo..bal adigu ka waran caruurta Soomaaliyeed ee maanta ku ciidaysa xeryaha qaxootiga Kenya…waxay tebiyaan wax weyn oo ka maqan! Bal hadda Nairobi ka waran?!….askariga dariiqa maray markuu arko  qof kasta oo Soomaali ah wuxuu ka cabsanayaa inuu weydiiyo aqoonsi iyo sharci ama inuu ku tilmaamo inuu yahay Al-shabaab..ARGAGIXISO!… dharka quruxsan ee soo xirtay waaba astaan ama magac lala dagaalsanyahay, waxaa intaas ka daran walaaca marka uu gabbalku dhaco ku seexanayo armaa caawa askar albaabka kugu soo jebisaa?…waana dabeecad ka mid ah xaaladaha kala duwan ee maanta dadka Soomaaliyeed ku ciidayaan.
Ciiddul-adxaa…Ciiddul-mubaarak, magaalooyin badan oo dalka Soomaalliya ka mid ah waa hubanti in la samaynayo udxiyo, in Takbiirta iyo salaadda la aadayo laakiin ma u malaynaysaa in cabsida iyo tuhunka walaaca laga qabo xudduudaha gobollada qaarkood ay ka weyntahay farxadda ay dadku ku ciidayaan, goboladda Hiiraan, Gedo, iyo Galgaduud, waxaa wadnihii ka qabtay caga juglayn aan dhammaad lahayn oo waliba joogta ah, ciidmmo Itoobiyaan ah baa soo galay, ciidamo Itoobiyaan ahbaa odayaasha deegaanka la shiray…oo maxay u sheegayaan waa handadaad keliya wax kale  ma aha….Guumeysigu waligii kama il-baxo inuu odayaal la shiro, odayaal aan waxba ka fahmayn ujeeddada uu leeyahay…..
Xeryaha qaxootiga Yemen caruurta Soomaaliyeed ee ku ciidaysa maxaad u malynaysaa, xerada Al-jaxiim hooyooyinka aabayaasha jooga iyo qoysaska dagaagga ku tegay….Ninba Gurigii Gaado Ku Leh!…xataa cuntada la cunayo kuma farxad gelinayso haddaan guri Soomaaliyeed lagu soo samayn, hadaysan ahayn oodkacii iyo buskadkii shiil-shiilka ahaa, xalwadii, qaxwo xaraartii Soomaalida, shaaheenii macaanaa, marar soda-dii …. Hilibkii la kariyay iyo beerkii ku dhafnaa….
Ma laga yaaba inay madaxda Soomaaliyeed SHeekh SHariif, Cabdi-Raxmaan Faroole iyo Axmed Siilaanyo ciidda isugu hambalyeeyaan, aad bay u sahlantahay laakiin waxaa taas ka fudud Augstino Mahiga inuu ayagoo dhan u soo diro hambalyada ciidda.
Qaxootiga DHadhaab iyo Ifo, muxuu ku ciidayaa baad filaysaa?…haween baa la kufsaday, dad baa la af-duubay, niman hubaysan soo galay, wixii soo gaaraa cidna xil kama saarna,.. way jeclaan lahaayeen inay guryahoodii ku ciidaan maanta laakiin waxaysan qabin isku halayn si ay dib ugu soo laabtaan dalkooda, ma Al-shabaab baa..mise Kenyan… maxay ku ciidayaan, waxay ka soo carareen dadkoodii waxayna la joogaan dad aysan waxba wadaagin…dhaqankoodana uu ku dhumayo…
Ciid al-mubaarak, waxaan is weydiinayaa SHiikh SHariif waxa uu manta dadka u sheegi doono, keliya ma wuxuu dhihi doonaa ciidamo badan oo AMISOM ah baa laynoo balan qaaday, mise qorsho cusub oo manta lagu wada ciidi karo buu ummadda u sheegi doonaa, sida; waxaan dalbanay ciidamo ka yimmaada dalalka Islaamka ah oo lagu dhafo kuwa hadda jooga ee AMISOM, waxaan ka gudubnay inaan is qabqabsano annaga gudaheenna waxaana inoo muuqda inay taas tahay rajada ugu dhow ee soo noqoshada Soomaaliya, waxaan ka fekeraynaa inaa ka gudubno waxyaabaha yaryarka ah ee aan isku haysano annaga iyo Puntland waxaana aan doonaynaa inaan horay u socono isla markaasna Puntland aan u isticmaalno bar aan mar labaad ka soo unkano Soomaaliya annagoo ka faa’idaysanayna…..
Somaliland  wali waan u gacan haadinaynaa, shacabkana waxaan ugu baaqaynaa inay xaqiiqda jiorta walaalhood wax kula qaybsadaan, meesha fog ee ay joogsadeenna ma aha mid ka turjumaysa danaha guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo midka reer Woqooyi galbeed midna, waxayna horseedaysaa aayaha durugsan jabhadayn iyo gobanimo doon cusub, mana jirto sabab gaar ah iyo dhibaato ku gooni ah oo aan Soomaalida soo gaarin oo heerkaas geysiin karta oo iyaga soo gaartay.
Waxaa iyadana guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee ciidaya iyo kuwa xajinaya iyo guud ahaan culumada Soomaaliyeed looga baahanayahay inay soo duceeyaan oo gacmaha kor u taagaan ayagoo Alle ka baryaya badbaadinta dalka iyo ummaddan lagu soo duulay.
Waxaa kaloo xusid mudan in dhalin yarada dalka iyo dibadiisa ku nool ay maanka ku hayaan inuu xil ka saaranyahay soo celinta qaranimadeennii, ilaalinta nafta iyo sharafta qofka Soomaaliga ah, iyo inuu si sugan oo taxaddar leh ula socdo siyaasadaha ku hardamay dalkeena.. iyadoo uu waalid kasta ku dadaalayo siduu ilmihiisa iyo isagaba ay dib intay ugu noqdaan dalkii ugu Ciidi lahaayeen… Ciidul-mubaarak.
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan.
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY FIKIRKAAN AMABA MAQAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Sida Looga Ciiday Nairobi

$
0
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa iyadana dad badan oo Soomaali ahi maanta u dabaaldageen munaasabadda ciidda Adxaha.

Culumada diinta ee dadka tujiyey ayaa ka digay dhiigga magaca diinta lagu daadinayo ee hadda Somalia ka dhacaya.

Warbixin arrintaas ku saabsan qeybta hoose ka dhageyso.

Sida Looga Ciiday Nairobi

$
0
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa iyadana dad badan oo Soomaali ahi maanta u dabaaldageen munaasabadda ciidda Adxaha.
Culumada diinta ee dadka tujiyey ayaa ka digay dhiigga magaca diinta lagu daadinayo ee hadda Somalia ka dhacaya.
Warbixin arrintaas ku saabsan qeybta hoose ka dhageyso.


Sida Looga Ciiday Somalia

$
0
0

Magaalooyinka waaweyn ee Somalia ayaa si balaaran looga ciiday, iyada oo madaxda maamulada kala duwanina ay nabadda dadka ku adkeeyeen.

Dhageyso sida looga ciiday Muqdisho, Garoowe, iyo magaalooyin ka tirsan Somaliland.

Barnaamijka Ciidda (Q. 2aad)

$
0
0

Qeybta labaad ee barnaamijka Ciidda waxa inoo soo diyaariyey Sahra Ciidle Nuur iyo Cabdicasiis Xuseen Cusmaan. Waxa qeybtan marti inoogu ah fanaankii weynaa ee Xasan Aadam Samatar iyo fanaaniin kale.

Barnaamijka oo dhameystiran qeybta hoose ka dhageyso.

Barnaamijka Ciidda (Q. 2aad)

$
0
0

Qeybta labaad ee barnaamijka Ciidda waxa inoo soo diyaariyey Sahra Ciidle Nuur iyo Cabdicasiis Xuseen Cusmaan. Waxa qeybtan marti inoogu ah fanaankii weynaa ee Xasan Aadam Samatar iyo fanaaniin kale.
Barnaamijka oo dhameystiran qeybta hoose ka dhageyso.

Barnaamijka Ciidda (Q 1aad)

$
0
0

Barnaamijka Ciidda ee maanta qeybtiisa hore waxa inoo soo diyaariyey Caasha Ibraahim (Cuud) iyo Ibraahiim Xasan (Daanduray), waxana marti ku ah fanaaniin waaweyn oo ah kuwa caanka ka ah fanka Somalida.

Barnaamijka oo dhameystiran qeybta hoose ka dhageyso.

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live