Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Sawiro iyo warbixin dheeraad ah oo ku saabsan dadkii lagu xasuuqay Hotel Muna( Iska jir sawirada qaar)

$
0
0

DKMG Somalia oo faahfaahin ka soo saatay Qarax Ismiidaamin ee ka dhacay Muqdisho.
R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka kaluumeysiga iyo kheraadka badda dowladda KMG C/raxmaan Maxamed Adan Ibbi ayaa ka waramay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maanta lagu qaaday hotalka Muno ee magaalada Muqdisho halkaa oo ay ku sugnaayeen dad badan oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaano, iyo Saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan DKMG Somalia.

Prof. C/raxmaan Ibbi ayaa in ilaa haatan dadka halkaasi ku waxyeeloobay ay gaarayaan ilaa 33-ruux oo dhamaan isugu jiro Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan DKMG Somalia tiro kalana ay halkaasi ku dhaawacmeyn waxaa ku geeriyooday 6-Xildhibaan, 5-saraakiil iyo ciidamo ka tirsan dowladda KMG iyo 1-qof ka tirsan shaqaalaha dowladda iyo dad kale oo aad u fara badan halka iyana ay 2-ka tirsanaa ragii halkaasi isku qarxiyay ay halkaasi ku geeriyootay

Dadkii ku dhintay qaraxaasi ayaa la sheegay inay gaarayaan ilaa 33-qof oo ay ku jiraan kooxdii weerarka fulisay oo ka koobnaa laba qofood, iyadoo tirade Xildhibaanada ee falkaasi ku geeriyootay tiradooda lagu sheegay ilaa 6-Xildhibaan oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Buulle Xasan Macalin, Xildhibaan Sheekh Axmed Buraalle, Xildhibaan Max’uud Gacameey iyo xildhibaano kale.

Sidoo kale, Ibbi wuxuu sheegay weerarka in ay geesteen labo nin, kuwaasi oo xoog ku galay hotelka Muno ayadoona halkaasi ay rasaas xoogan isweedaarsadeen ciidamada dowladda ka dibna ay isku qarxiyeen hotelka gudahiisa oo halkaasi maanta ay ka dhacday mashaqada.

Dhanka kale, guud ahaan dhinacyadii 24-saac ee la soo dhaafay ku dagaalamay ayaa midba midka kale waxa uu sheegayanaa in uu kaga xoog roonaadaayay dagaalkaasi ayadoona dagaalka uu ilaa haatan wali ka sii dhacayo qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho.


 


M

uuse Maxamuud Jiisow


Trial delayed for two women charged with supporting terror - Post-Bulletin

$
0
0

MINNEAPOLIS — A federal judge has designated the case involving two
Rochester women accused of providing support to a Somali terrorist group
as "complex," and granted motions to continue preliminary hearing and
trial dates.

Amina Farah Ali, 33, and Hawo Mohamed Hassan, 63,
were to be back in federal court Wednesday for a motion hearing in
advance of trials set for October.

However, attorneys on both
sides moved to have the case designated as unusual and complex and in
need of more time for preparation. U.S.Magistrate Judge Susan Richard
Nelson granted that motion, canceling a hearing set for Wednesday and
the October trial date. She has ordered the two sides to confer by Nov. 8
to propose new dates for the motions hearing and the trial.

Ali
and Hassan were among 14 people indicted by a federal grand jury,
accused of providing support to the Somali terrorist group al-Shabab,
which has ties to al-Qaida. The indictments were unsealed earlier this
month.

According to the indictments, Ali and Hassan are both
Somali nationals who have become U.S. citizens and live in Rochester.
al-Shabab is described as a terrorist organization in Somalia whose
primary objective is the violent overthrow of the Somali Transitional
Federal government. The women are accused of raising money for
al-Shabab. They allegedly sent more than $8,500 in 2008 and 2009.

In
granting the joint motion for continuance and to classify the case as
complex, the judge pointed to the substantial volume of evidence to be
reviewed by the parties, the anticipated use of the Classified
Information Procedures Act to address classified information in this
case, the defendant's need to investigate and analyze the evidence and
the need to get security clearances for defense counsel and court
personnel.

In a separate order, the judge granted a motion by
prosecutors for a protective order to prevent certain sensitive but
unclassified discovery materials from being disclosed to anyone not a
party to the court proceedings, including information relevant to
ongoing national security investigations and prosecutions and
investigations conducted by foreign law enforcement.

Shiikh Xasan Daahir Aweys muxuu ka yiri Qaraxyadii maanta lagu laayay Xildhibaanadii Baarlamaanka iyo Shacab kale?

$
0
0

Shiikh Xasan Daahir, Hogaamiyaha Xisbul islaam oo si weyn uga soo horjeeda Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlaya sida uu arko Qarixii iyo weerarkii ismiidaamineed ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Shiikhu isagoon geed ku soo gamban hadalkiisa aan la leexleexan ayuu si cad u sheegay in falkii maanta dhacay uu ahaa mid ka mid ah qaababka cadawga Alle loo naafeeyo.

Cadawga Alle oo sida hadalkiisa ka muuqata uu ula jeeday Dowladda/ Amisom iyo dadka la shaqeeya ayuu ku tilmaamay kuwo dhiigoodu bannaan yahay kooxaha ka soo horjeedana ay u bannaan tahay in ay wax kasta sameeyaan si ay cuuryaamiyeen cadawgaas.

"Qaraxyadan noocaan oo kale ah waa sii soconayaan ilaa cadawga laga ciribtirayo dalka" Sidaas waxaa ku dooday Shiikh Xasan Daahir Aweys, hogaamiyaha Xisbul islaam.

Shiikh Aweys ayaa hadalkan sii daayay ka dib markii maanta weerar qaraxyo ismiidaamineed lagu soo qatimay ay Xoogaga Alshabaab ku qaadeen Hotel ay degan yihiin Xildhibaano, Shacab iyo Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya waxaana la rumeysan yahay in weerarkan ay ku naf waayeen dad aad u fara badan.

halgankanet@gmail.com

Xasan Dahir oo Soo Dhaweeyay Falkii Maanta Lagu Qarxiyay Hotelka Muna.

$
0
0

Sheikh
Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Ragga sida aadka ah uga soo hor jeeda
Daw;adda ku meel gaarka Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM ayaa markii u
horeeyay ka hadlay qaraxii manta lala beegsaday Hotelka Muna oo ay ku
dhinteen Dadka Tiradoodu ay gaarayso (33ka Ruux).
Hoggaamiyaha Ururka Xisbul Islaam Shiikh Xasan Daahir oo galabtay la
hadlayay Idaacadda VOAda ayaa sheegey inuu si weyn ugu faraxsan yahay
weerarkaas lagu qaaday Hoteelkii ay degganaayeenXildhibaanada Barlamanka
Soomaaliya.
Xasan Daahir ayaa sheegay in weerarkaasi uu ka mid yahay weerada ay
qaadayaan Kooxaha ka soo hor jeeda Jiritaanka Xukuumadda ku meel gaarka
Soomaaliya lana sii wadi doono waa siduu hadalka u yiriye.
Hoggaamiyaha ayaa sheegey in weeraradaas Ujeedada ka danbaysa ay tahay
sidii dalka looga saari lahaa kooxaha ku soo duuleey isagoona hoosta ka
xarriiqay in si walboo ay awoodaan ay kula dagaalami doonaan Cadowga waa
siduu hadalka u yiriye.
Shiikh Xasan daahir ayaa sheegey in tani ay ahayd mid ka mid ah qaabka
ay kula dagaalamoi karaan Ciidamada Gabbaadka u ah kuwa Dalka ku soo
duulay maadama aynan haysan ayuu yiri Hub u qalma kauy nagula
dagaalamayaan.
Sheikh Xasan daahir ayaa sidoo kale ku macneeyay dagaaladaas inay yihiin
kuwo Jihaad ah isla markaana ay sii wadi doonaan inta ay dalka ka
xoreynayaan kooxaha ku soo duulay.
Qaraxyada iyo wax walboo aan awoodno ayaan dagaalkeena ku wadeynaa ayuu
yirei hoggaamiyaha Xisbul islaam oo sheegey in ay tahay waajib si kasta
in lagula dagaalamo Ciidamada dawladda iyo iyo kuwa AMISOM.
Hoggaamiyaha Ururka Xisbul Islaam oo waayadan aan laga maqal Saaxa
Saxaafadeed ayaa manta mar keliya Saxaafadda la hadlay sheegeyna inuu si
weyn u soo dhaweynayo Qaraxa ay ku dhinteen Xildhibaanada iyo
Saraakiisha ka tirsan Ciidamada dawladda oo manta Kooxo ka socday
xarakada Shabaabul Mujaahiddiin ay iskula qarxiyeen Hoteelka Muna.
Si kasta ha ahaatee hadaladan Hoggaamiyaha Ururka Xisbul islaam ayaa
waxa ay imaanaysaa xilli dhawaan Xarakada Shabaabul Mijaahiddiin ay
Iclaaniyeen Dagaal ka dhan ah Ciidamada dawladda iyo Kuwa AMISOM oo ay
ugu magac dareen  dabar goynta Kooxaha soo Xad gudbay kaasoo
maalinimadii shalay magaalada Muqdisho ka bilowdey maalintiisii labaadna
ay manta ahayd kaasoo geystay Khasaare aad u fara badan oo dhimasho iyo
dhaawcba leh.

Shariif Oo Canbaareeyay Falkii Maanta Lagu Weeraray Hotelka Muna Sheegeyna Inay Xirmeen Wada Hadaladii Nabadda

$
0
0

Madaxweynaha dawladda Ku meel gaarka Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo
manta Shir jaraa’id ku qabtay gudaha Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay
weerarkii lagu qaaday Hoteelka Muna.
Madaxweynaha ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegey in Kooxaha ka soo hor
jeeda ay caddeysteen inay Shacabka Soomaaliyeed dhiggiisa Daadiyaan
iyadoo waliba lagu jiro Bisha barakaysan ee ramadaan.
Madaxweynaha ayaa mar kale ku celiyay in Ujeedada kooxaha ka soo hor
jeeda aanay ahayn inay Diin iyo Islaanimo ay ku dagaalayaan balse waxaa
uu sheegey inay yihiin kuwo ka soo hor jeeda dawladnimada iyo jiritaanka
shacabka Soomaaliyeed waa siduu hadalka u dhigaye,.
Sheikh Shariif ayaa canbaareyn dusha uga tuuray kooxohii ka danbeeyay
falkii manta lagu weeraray Hotelka Muna oo uu sheegey inay joogeen Dad
Sooman oo halkaas iska jiifa iyadoona ayan jirin cid ay wax u geysteen.
Madaxweyne Shariif ayaa sheegey in shilkaasi waxshinimada ah ay ku
dhinteen Xildhibaano, Saraakiil iyo askar ka tirsan Dawladda ku meel
gaarka isagoona tacsi u direy qoysaskii ay ka baxween iyo dhamaan
Ummadda Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa intaa ku daray inay dhamaatay Nabaddii ay ugu
yeerayaan Kooxaha ka soo hor jeeda sida xarkada shabaabul Mujaahddiin
iyo Xisbul Islaam isagoona Ciidamada Qalabka Sida ku amray inay galaan
Xaalad Heegan ah isla markaana ay samata bixiyaan Shacabka Soomaaliyeed
oo uu sheegey iny ku soo duuleen Kooxo Cadow ah.
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in hadda wixii ka danbeeya ay
dhamaatay rajadii ay ka qabeen wada hadalo nabadeed oo ay la yeeshaan
kooxaha ka soo hor jeeda isagoona sheegey in hadda iyo wixii ka danbeeya
ay wadi doonaan dagaalada ay dalka kaga saarayaan kooxaha ku soo duuley
waa siduu hadalka u dhigaye.
Hadaladan Madaxweynaha ayaa waxa ay imanayaan xilli labadii Maalmood ee
aynu soo dhaafanay magaalada Muqdisho ay ka jireen dagaalo u dhaxeeyay
Ciidamada dawladda ahlu Suuna iyo Amisom oo isku dhinac ah iyuo xarakada
Shabaabul Mujaahiddiin iyo Xisbul Islaam oo iyaguna dhinac ah.
Si kasta ha ahaatee Falkii manta ka dhacay Hoteelka Muna ee magaalada
Muqdisho ayaa waxaa ka hadlay Mas’uuliyiin ka tirsan dawladda ku meel
gaarka kuwaasoo ku tilmaamay inuu ahaa mid ka baxsan aadanimada.

Madaxweyne Shariif; "Ciidamada Dowladda waxaan farayaa dagaal iyo in ay ku dileen meeshii ay ku arkaan Alshabaab iyo Xisbul Islaam"

$
0
0

Shiikh Shariif wuxuu maanta ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah xoogaga ka soo horjeeda dowladdisa isagoo ku celceliyay in Wadiiqadii nabadda iyo wadahadalku soo xirantay. 

Madaxweyne Shariif oo ka hadlay qaraxyadii Alshabaabku sheegteen ee maanta lagu xasuuqay qaar badan oo ka mid ah Xildhibaanada Soomaalida iyo shacab kale ayaa sheegay in hadda uu xirmay "albaabkii wadahadalka" ee ay dowladiisu ugu baaqday Xoogaga Alshabaab iyo Xisbul islaam.

Tacsi ka dib Madaxweynuhu wuxuu ku dheeraaday ka hadlida diinta islaamku waxa ay ka qabto qarixii maanta ka dhacay iyo kuwii ka horeeyay ee ay fuliyeen xoogaga Alshabaabku ugu tunka weyn yahay.

"Diin islaam raad kuma leh waxa ay sameeynayaan ee waxaan soo jeedinaa in meeshii lagu arko Alshabaab iyo Xisbul islaam lagu dilo" Waa hadalkii Madaxweyne Shariif oo dheygag ka qaaday qarixii loo geystay Xildhibaanadii Baarlamaanka iyo shacabkii la joogay.

halgankanet@gmail.com

War deg deg ah: dagaal aad u qaraar oo ka socda meelo aad ugu dhow madaxtooyada iyo madaafiic lagu asqeeyey magaalada Muqdisho

$
0
0

War hada na soo gaaray ayaa sheegay xoogag alshabaab in ay qabsadeen isgooska dabka oo ay ku sugnayeen ciidamada dowlada iyagoona halkaasi ku dulay taliyihii Saldhigga waabari ee Ciidamada dowladda kmg ah waxeyna qabsadeen isgoyska halka dagaalku ka dhacay

Shaqsiga la dilay oo ahaa taliyaha saldhiga Waabari ayaa lagu magacabaa C/laahi yare sida aan warka ku heleyno.
Waxaa ilaa iyo hada cadeeyn halkii ay adeen ciidamada dowlada iyadoo la sheegayo in Alshabaab si fudud ku qabsadeen aaga ey weerareen.


Dagaalka ayaa caawa magaalada muqdisho kabilaawday saqdii dhexe ee xilliga Muqdisho  waxaana dagaalku ka bilawday deegaano kamid ah degmooyinka Hodon iyo Hawlwadaag kaasi oo ku sii durkayay dhinaca shanta geed halka looyaqaano.

Goobjoogayaal ku sugan halka dagaaladu ka dhacayaan ayaa u sheegay warbaahinta dhacdooyinka in ay maqlayeen hugunka rasaasta ay labada dhinac isweydaarsanayeen oo ahayd mid aad u kulul oo magaalada oo dhan saamaysay.
Inkasta oo aan la ogayn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka xilliga oo habeen ah hadana Madaafiic aad u tiro badan oo raxan raxan u dhacaysa ayaa ku soo dhacaysay Goobo ay kamid tahay degmda wardhiigleey iyo Dayniile.

Xarakada shabaabul Mujaahidiin ayaa ciidamadooda waxaa ay fooda galinayaan goobo horleh iyo saldhigyo ay dawladu ka dagan tahay qaybaha ay dawladu ka taliso waloow aanay inta badan ku nagaanin deegaanada ay qabsadaan.

Dagaalka oo soconayay ilaa waqtigii saxuurta ee saacada Muqdisho ayaanay dadbadani hurdo ladin dhawaqa iyo guuxa Gantaalka Bi im ka oo ah gantaal dhawaqiisa aad u kulul yahay waxaana ay dadku ku suxuurteen gidaarada shubabka ah si ay uga badbaadaan Madaafiicda.

Dagaalka ayaa imaanaya xilli laba nin oo kuhubaysan dharka tuutaha ama dareeska dawladu maanta galeen Hoteel MUna oo ah hotel ay intabadan dagaan saraakiisha iyo xildhibaanada Dawlada kaasi oo ay ku nafwaayeen lix xildhibaan halka mid kalena uu ku dhaawacmay sida uu shaaciyay C/raxmaan Ibbi oo ah wasiirka Kaluumaysiga iyo khayraadka badda ee Dawlada KMG ah ee Soomaaliya.

Dagaalka, Madaafiicda iyo qaraxyada isisoo taraya ee ka dhacaya Muqdisho oo sii balaaranaya ayay dadbadani ka niyad jabeen sii shaqaynta Dawlada KMG ah ee uu hogaamiyo Shiikh Shariif waxaana ay ku baaqayaan in uu Madaxweyne Shariif is casilo si dadka intiisa hartay loo badbaadiyo.

Madaxweyne Shiikh Shariif oo la hadlay saxaafada kadib qaraxii Hoteelka Muna ayaa sheegay in ay dawladu dagaalami doonto maadaama ay ka daashay ku baaqida wadahadalo dib u heshiisiineed, waxaana uu ciidamiisa ku gubaabiyay in ay hubka qaataan oo ay waajibaadkooda gutaan.


Midawga afrika ayaa sheegay in ay ciidamo dheeraad ah u soo direen Muqdisho kuwaasi oo garab sindoona Dawlada taagta daran ee qodxuhu ku hareeraysan yihiin waxaana uu sarkaal u hadlay midawga afrika sheegay in ciidamadaasi tiradooda lagaarsiindoono 8,000 waloow aan la ogayn waxa ciidamo badan oo la keeno soomaaliya ay soo kordhindoonaan.
Dagaaladaan iyo qaraxyadaan ugu danbeeya ayaa noqonaya kuwo sii murjiya xaalada Soomaaliya ,waxaana beesha caalamka la gudboon in laba mid uu samayso in ay la yimaadaan awood dheeraad ah oo ku wiiqayaan Xoogaga ka soo horjeeda dawlada iyo in meesha loo baneeyo kooxaha  sida wabi fatahay ugu sii siqaya afarta KM ee ay Amisom ku waardiyayso Xubnaha Dawlada.

Maraykanka oo Cambaareeyay Qaraxii Hotel Muna

$
0
0

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in Maraykanku aad uga xunyahay qaraxa al Shabaab u gaysteen dad rayid ah oo ku sugnaa Huteelka.

Afhayeenka wasaardda arrimaha dibadda ee maraykanka PJ Crowley ayaa shir jaraaid oo uu qabtay ku sheegay in dawladda Maraykanka Tacsi u dirayso dadkii ay ehelada iyo qaraabadu kaga dhinteen weerarka Al Shabaab la beegsatay Huteel Muna.

Af hayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee maraykanka ayaa sheegay in weerarka oo lagu beegay bisha ramadaan ay tusaale u tahay sida kooxda Al Shabaab aanay u xaqdharaynin diinta Islaamka iyo dadka Sooman.

Af hayeenka ayaa sheegay in dawladda maraykanku ay taageero xoog leh la garabjoogto dadka iyo dawladda Somalia iyo weliba hawlgalka midawga afrika ee AMISOM , oo iyagu ka shaqaynaya sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Somalia.

PJ Crowley af hayeenka wasaardda arrimaha dibadda ee maraykanka ayaa sheegay in uu aad ugu bogay iyada oo todobaadkan la filayo ciidamo dheerad ah oo lagu xoojinayo AMISOM kuwaasi oo ka imanaya  Uganda.

Dhinaca kalena la taliyaha madaxweynaha maraykanka ee dhinaca la dagaalanka argagixisada  John Bernan ayaa si aad ah u cambaareeyay qaraxii Hutel Muna :

La taliyaha madaxweynaha Maraykanka ee la dagaalanka aragagxisada John Bernan ayaa sidoo kale sheegay  in Al Shabaab ay dhaqdhaqoodi iyo hawlahoodii ku fidiyeen meelo ka baxsan Somalia, waxaana uu xusay in dawladda Maraykanku ay kala shaqaynayso dawlado ku yaalla Bariga Afrika sidii looga hortagi lahaa weerarada Al Shabaab.

Waxa kale oo uu xusay in ay ka war haleen in xubno ka tirsan al Shabaab ay  ay la shaqeynayaan Al Qaacida sidii weeraro loo fulin lahaa.

Gees kalena wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia  Augusine Mahiga ayaa isaguna war saxaafadeed uu magaalada Nairobi ka soo saaray ku cambaareeyay weerarka kooxda al Shabaab ay shalay ka fulisay Huteel  Muna ee magaalada Muqdisho.

Wakiilaka Qaramada Midoobay ee Somalia ayaa sheegay in kooxda weerarkaasi fulasay ay ugu talagashay in khasaaraha ugu badan ay gaadhsiiso dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Waxaana uu intaasi raaciyay in dadaalka lagu doonayo nabadda Somalia uu socon doono, isaga oo tilmaamay in umadda Soomaaliyeed ay u haraaddantahay nabad .

Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa tilmaamay falalka noocan oo kale ah ee waliba lagu soo beegayo, Bisha Barakaysan , aya ku dhiiri galin doonto  dhamaan Saaxiibada Somalia in ay soo dedejiyaan taageerada lagu nabadaynao Somalia.


Madaafiic haatan lagu garaacayo Suuqa Bakaaraha iyo dhibaato ka dhaltay

$
0
0

Qaybo ka mid ah Gudaha Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa iminka sida roobka oo kale ah ugu soo dhacaya Madaafiic ka soo dhacaysa Taangiyada Ciidamada AMISOM ee fariisimada ku leh qaybo ka mid ah Magaalda muqdiho.
Madfac goor dhow ku soo dhacay agagaaraha Shirkadda Xawaaladda Amal ayaa waxaa ku dhintay Sarkaal lagu magacaabi jirey Cabdi Weli oo ahaa Xisaabiyaha Guud shirkada Amaana ee Magaalda Muqdisho.

Madfacan ayaa sidoo kale waxaa ku dhawacmay qaar ka mid ah dad ka ag dhowaa goobta uu Madfucu ku soo dhacay iyadoo goobtana ay tahay mid ay dadku ugu yer yihiin socodkooda.
Khasaaraha kale ee madaafiicdaasi ay geeysanayaan ayaa ah kuwo aan xad lahayn iyadoo inta badana  Dagaaladu ay soconayaan maalintii sedaxaad.

Wixii warar ah oo ku soo kordha duqeynta halkaa ka soconaysa waxaad kaga bogan doontaan wararkayaga danbe.

Qasaaraha rayidka ka soo gaaraya dagaalada saddexda maalin ka socda Muqdisho oo sii kordhaya.

$
0
0

Degmooyinka C/casiis, Shibis, Boondheere oo dhanka Waqooyi Magaalada Muqdisho ah waxaa saaka ka socda dagaalo culus oo u dhaxeeya Xarakada Alshabaab iyo dowladda KMG oo garabsanaysa Ciidamada AMISOM ee jooga Muqdisho.

Sidoo kale dagaalo culus oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda KMG, Ahlusunna Waljameeca oo isku saf ah iyo ururka Xizbul islaam waxa uu ka socdaa Dhanka Isgoysyada dabka iyo Bakaaraha, waxaana dagaaladaasi dhinac socda madaafiic dhinacyadaasi u adeegsanayaan dagaalada.

Lama oga qasaaraha dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho inta ay la egyihiin, hase yeeshee warar madax banaan ayaa sheegaya dhimashada inay sii marayso 10 ruux iyo dhaawaca 30 qof ku dhawaad oo rayid ah dhammaantood.

Ugu danbeyntii xaalada Magaalada Muqdisho waxay u muuqataa mid aad u kacsan dagaaladana sii xooganayaan.

Baaq: Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed (SHARMOC)

$
0
0

Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed ee (Sharmoc) waxa uu
Cambaareynayaa, wax laga xumaadana ku tilmaamayaa Xasuuqii ka dhacay
Hotelka Muna ee degmada Xamarweyne, ee Magaalada Muqdisho, kaasoo inta
la ogyahay galaaftay nolosha in ka badan 33 qof oo badankoodu rayid
ahaayeen, halka tira intaas ka badana ay ku dhaawacmeen, waxaana falkaas
Masuuliyaddiisa sheegtay Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.
Xasuuqa ayaa dadkii ku dhintay waxaa kamid ahaa Xubno ka tirsan
Baarlamanka KMG ah ee Somalia, oo hotelku u ahaa Xarun nololeed, waxaase
khasaaraha ugu badan soo gaaray dad isugu jiray Haween, Caruur,
Ganacsato iyo dad Caadi ah oo ku noolaa Hotelka, waxaana Xubnaha ka
tirsanaa Al-Shabaab ay rasaas aan loo aabba yeelin ku fureen dadkii
hotelka joogay, iyadoo ay Al-Shabaab ay ku tilmaameen falkaas mid ay
muddo ka shaqaynayeen.
GuddigaDabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed ee (SHARMOC) waxa uu
falkaas ku tilmaamayaa fal ka baxsan banii aadamnimada, isla markaana
kasoo hor jeeda Diinta Islaamka iyo dhaqanka Wanaagsan ee Soomaalida,
iyadoo dadkii ka dambeeyeyna ay yihiin dambiilayaal ay tahay in
caddaaladda la horkeeno.
Falkaan Argagaxa leh oo u Muuqday fal si weyn loogasoo shaqeeyey isla
markaana loogu bareeray in lagu gaysto Khasaarihii ugu badnaa ee la
gaarsiiyo dad aan hubaysnayn oo rayid ah ayaa daba joogay dagaallo lagu
hoobtay oo dhaliyey Khasaarihii ugu badnaa bilihii lasoo dhaafay,
waxaana dagaaladii isdaba jooga ahaa ee ka dhacay Degmooyinka
Boondheere, Hodon iyo Howlwadaag ku geeriyooday in ka badan 57 qof oo
rayid ah halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan 150 qof, waxaana
dagaaladdan oo Ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen Gooba isugu jira kuwa
TFG,Amisom iyo Xaafado ay ku noolyihiin dad shacab ah.
Xarumaha caafimaadka Magaalada Muqdisho iyo Gargaarka degdega ah ayaa
xaqiijiyey in dhaawac aad u fara badan lasoo gaarsiiyey, halka ay jireen
goobo ay gaari waayeen oo ay ku dhacaysay madaafiicda Habowga ah ee ay
ridayeen dhinacyada dagaalamayey, waxaana sidoo kale Ciidamada Midowga
Africa ee Amisom ay si aan kala sooc lahayn Madaafiic ugu harqeeyeen
Xaafado aanuu dagaal ka jirin.
Xaaladda banii Aadamnimo ee magaalada Muqdisho ayaa kasii dareysa xilli
shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah uu la daalaa dhacayo diifta kasoo
gaartay Dagaalada  waxayna dadaal iyo Xusul duub ugu jiraan sidii ay u
heli lahaayeen Afurkii Maalintii ay soonaayeen, iyadoo dhinacyada
manaxayaasha ah ee Dowladda KMG ah, Amisom, Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam
ay sii wadaan Baabi’inta Shacabka Soomaaliyeed ee aan hubaysnayn.
Ugu dambayntii Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed ee
(SHARMOC) waxa uu uga digayaa dhinacyada ku dagaalamaya Magaalada
Muqdisho in loosoo taagi doono dembiyo dagaal isla markaana ka dhan ah
Banii aadamnimada, waxaana dagaalkaan iyo dilalkan yihiin kuwa ka dhan
diinta Islaamka, Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha iyo Dhaqanka
Soomaalida eek u dhisan is ixtiraamka iyo nabad ku noolaashaha.    
Wabillaahi Towfiiq
Abdurahman Sheikh Hassan Gacal
Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaliyeed (SHARMOC)
London, United Kingdom
Tel.442086967090
Fax. 442086967090
Mobile. 447983294906
Email: sharmoc@yahoo.co.uk,sharmoc@gmail.com

Xildhibaan Cali Ganey oo is-casilay iyo dowladda oo cambaareysan is-casilaadiisa

$
0
0

Cali C/laahi Xasan (Cali Ganey), oo ka tirsanaa Golaha Baarlamanka KMG
ee Somalia, ayaa ku dhawaaqay inuu gabi ahaanba iska casilay jagadaasi
xildhibaanimo.
 Cali Ganey, ayaa eedeyn kulul usoo jeediyey Dowladda KMG, isagoo ku tilmaamay inay waajibaadkii saarnaa gacmaha ka laabatay.
“Xilligan ayey munaasib igu noqotay in aan is casilo, ka dib markii aan
arkay in aan haba yaraatee waxba kusoo kordhin karin dalka, wax macna
ahna ma samaynayso in xil la iska sheegto” ayuu yiri Cali C/laahi Xasan
(Cali Ganey).
“Madaxweyne Shariif waa inuu is casilaa’ iyo xubnaha kale ee Dowladda
KMG, waayo waxaa yaraanaya culeyska ay shacabka Soomaaliyeed ku hayaan”
ayuu hadalkiisa kusoo afgooyey Cali Ganey.
Iscasilaaddan, ayaa kusoo beegmaysa iyadoo shalay Magaalada Muqdisho
lagu dilay weerar toos ah Lix xildhibaan iyo saraakiil kale oo ka
tirsanaa Dowladda KMG ee Somalia.
Weerarkaasi waxaa si aan ka leeleexad laheyn u sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Dowladda ayaa cambaareysan is-casilaada xildhibaanka iyagoo sheegay inaan loo baahneyn

Guddoonka Barlamanka KMG ah oo maanta shaaciyey magacyada xildhibaanada waxyeeladu ka soo gaartay weerarkii shalay

$
0
0
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka
Somalia Cabdiweli Sheekh Ibraahin ayaa soo saaray maanta magacyada
Xildhibaanadii ku dhintay iyo qaarkii kale ee ku dhaawacmay weerarkii
is-qarxinta iyo toogashii shalay ka dhacay hotel Muno ee magaalada
Muqdisho.

 War saxaafadeed
uu hoggaanka baarlamaanka oo saaray oo ay saxaafadda soo gaarsiisay
wasaaradda warfaafinta dowladda KMG ayaa u qornaa sidatan:-

Xildhibaannada ku geeriyooday ismiidaaminta waxay kala yihiin:



1) Maxamed Xassan M. Nuur,
2) Geeddi Cabdi Gadiid,
3) Buulle Xassan Macallim,
4) Idiris Muuse Cilmi.


Sidoo kale xildhibaannada ku dhaawacmay waxay kala yihiin:



1) Cali Cabdiqaadir Macallim,
2) Cali Maxamuud Cabdi,
3) Axmed Sheekh M. Maxamud,
4) Maxamed Caateeye Fariid, iyo
5) Isaaq Ibraahim Cali.

Nasiib wanaag, Maxamed Caateeye Fariid iyo Isaaq Ibrahim Cali way soo kabsadeen, waana laga soo saaray isbitaalka.



Mudane
Muudeey wuxuu tacsi tiiraanyo leh gaarsiiyay qoysaskii ay ka
geeriyoodeen xildhibaannadii, shaqaalihii dowladda, ciidamada dowladda
iyo rayidkii ku geeriyooday qaraxa, isagoo u rajeeyay dadka dhaawacmay
inay si dhaqso leh ku soo kabtaan.



Wuxuu yiri:

“Kuwii
naftooda gooyay waxay doonayeen inay ka argagixyaan, nagana
horistaagaan inaan nolosheena caadi wadano iyo baadigoobka aan ugu jirno
inaan helno mustaqbal nabad iyo midnimo leh. Laakiin falalka noocan oo
kale waxay xoojinayaan dadaalka aan ugu jirno inaan Soomaalida isku
keeno.”


Soddon
iyo saddex qof ayaa ku dhintay weerarkii Talaadadii ay laba nin oo
naftood-halaagayaal ah ku qaadeen Hoteel Muna. Iyagoo iska soo dhigay
cidamada dowladda, dableydaasi waxay gudaha u galeen hoteelka, waxayna
billaabeen inay rasaas furaan oo ay dilaan ciidamadii ilaalinayay
xildhibaannada.



Wasaaradda Warfaafinta, Muqdisho

Guurka part 2.Sh Muhomed Ahmed (Boqolsoon)

Cayaartoy loo ganaaxay inuu afuray

$
0
0

Mid ka mid ah ciyaartoyda kubbadda cagta ee ugu caansan Iran, oo kooxda laga eryey kaddib markii uu soonka iska furay, waxaa lagu ganaaxay 40 kun oo dollar.

Cali Kariimi waxaa loo sheegay inuu mar kale naadiga u ciyaari karo haddii uu bixiyo ganaax dhan 40 kun oo dollar.

Cali Kariimi waxaa loogu yeeraa Maradona -ha
Asia. Waxaa uu ka mid yahay ciyaartoyda loogu jecel yahay dalka Iran,
waa laacibkii 2aad ee muddada ugu dheer u saftay Iran, laakiin waxaa
kaloo uu yahay shakhsi muran dhaliya.

Waxaa eryay naadigiisa oo la yiraa Steel Azin
horraantii bishan inuu jebiyay soonka bisha ramadaan markii la arkay
isagoo biyo cabbaya mar tababar la sameynayay.

Jawaabta ka timid taageerayaasha naadiga waxay ahayd ashtako iyo taageero buuxda oo laacibka xiddigga ah ay siiyeen.

Waxaa kaloo taageeray ciyaartoy hore ee dalka
Iran oo iyaga qudhoodu soo maray inay ku soomaan iyagoo tababar ku
sameynaya cimilada kulaylka badan ee dalka Iran.

Haatan naadigu way soo celiyeen Kariimi kaddib
markii ay ku ganaaxeen inuu bixiyo 40,000 dollar. Waxaa uu sheegay inuu
bixinayo lacagtaas hase ahaatee waxaa uu si ku celcelis ah u beeniyay
inuu Islaamka u gefay.

Dadka arrimahan ka faallooda dalka Iran waxay
sheegayaan in eryiddiisu ay siyaasad la xiriirto ee aysan diin salka ku
hayn. Waxaa uu si cad wax uga sheegayaa xiriirka kubbadda cagta ee dalka
Iran iyo maamulka naadiga Steel Azin.

Waxaana uu gacanta ku xirtay calaamad cagaar ah
oo uu ku taageerayay dhaqdhaqaaqa mucaaradka ee dalka Iran ciyaar loogu
soo baxayay koobkii adduunka oo ka dhacday magaalada Seol sanadkii hore.


Ciidamada Gobolada Jubbooyinka

$
0
0

Ciidan gaaraya ilaa iyo saddex kun oo askari oo Soomaaliyeed, oo loo tababaray dowladda kumeelgaarka ah ee Soomaliya ayaa ku sugan Kenya/

Ciidamada Gobolada Jubbooyinka

Wasiirkii hore ee gaashaandhiga Maxamed Cabdi Gaandi

Wasiirkii hore ee gaashaandhiga Maxamed Cabdi Gaandi

Ciidan gaaraya ilaa iyo saddex
kun oo askari oo Soomaaliyeed, oo loo tababaray dowladda kumeelgaarka
ah ee Soomaliya ayaa ku sugan Kenya, ciidankaan oo hadda ka horna uu ka
taagnaa Khilaaf u sabsan halka la geynayo, in Muqdisho la geeyo iyo in
gobollada Jubooyinka la geeyo ah.

Wasiirkii hore ee difaaca ee Soomaaliya, Prof
Maxamed Cabdi Gaandi, oo haatan ah mudane ka tirsan baarlamaanka
Soomaaliya, lahaana howsha abaabulka ciidankan, markuu wasiirka difaaca
ahaa, ayaa Nairobi ugu waramay. wariyaha BBCda Cabdirisaaq Catoosh

Maxey ka qabtaa Shareecadda Islaamku cidam qaadeysa mas'uuliyada shacabka ku dhamaanaya dagaalada socda?

$
0
0

Shareecada Islaamku mowqifka ay ka taagan tahay cida qaadaneysa Adduun iyo Aaqiraba mas'uuliyada dadka sida maalinlaha ah loogu dilayo dagaalada ka socda guud ahaan dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka hadlaya Shiikh Bashiir Axmed Salaad, gudoomiyaha Hay'ada Culimada Soomaaliyeed.

Shiikh Bashiir wuxuu ugu horeyntii hab dhaqanka dagaal u jooga, dad gaaleynta, isqarxinta iyo leynta dad aan waxba galabsan ku saleysan ee Alshabaabku u soo dhoofeen Soomaaliya ku tilmaamay kuwa aan raad ku laheyn Diinteena Faca weyn ee islaamka.

Cida sida duuduubka ah u qaadaneysa mas'uuliyada dadka sida joogtada ah loogu leynayo magaalada Muqdisho wuxuu ku sheegay Shiikh Bashiir mid dusha ka saaran dadkii bilaabay marka hore dagaalka ee sababay mashaakilka foosha xun.

Bishan barakeysan ee Ramadan dagaalada ay sida miir la'aanta ah uga wadaan magaalada Muqdisho Alshabaabka ee galaaftay nolosha shacab fara badan ayuu Shiikh Bashiir ku tilmaamay kuwo ayaan daro ah oo aan dhaqan Soomaaliyeed iyo Diin islaam toona ku saleysneyn.

Ugu dambeyntii hadalkan Shiikh Bashiir, Gudoomiyah Hay'ada Culimada Soomaaliyeed ayaa ku soo aadayaa xili shalay magaalada Muqdisho Hotel ku yaal weerar ismiidaamin lagu soo gunaanaday ay ku qaadeen rag ku labisnaa dareeska ciidamada dowladda balse la ogaaday xasuuq daran markii ay geysteen ka dib in ay ka tirsanaayeen Alshabaab.

halgankanet@gmail.com  

Degmooyinka, Boondheere, Cabdicasiis, Shibis, Wardhiigley, Hodon iyo Hawlwadaag ee gobolka Banaadir oo aad saakay looga barakacayo

$
0
0

Muqdisho waxaa maanta ka hayaamaya inta badan dadkii shacabka ahaa ee ku dambeeyay kuwaas oo aan xitaa ogeyn halka ay u hayaamaan madaafiicda miir la'aanta ah ee lagu garaacayo guryohooda dartood.

Ka dib dagaalo aan joogsi laheyn oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo xoogaga ka soo horjeeda ayaa waxaa maanta magaalada Muqdisho ka socda mid ka mid ah Barakicii ugu darnaa ee dadka magaalada ku dhaqan soo foodsaara labaatankii sano ee ugu dambeeyay.

Inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa saakay si raxanraxan ah oo naf la caarinimo ku jirto uga barakacaya Shacab aad u fara badan oo beegsanaya halkii uu wejigoodu qabto.

Waxaa la arkayaa waayeel, Carruur, Haween iyo weliba dhalinyaro si aan kala go' laheyn uga sii baxaya degmooyinka sida xun loogu garaacay madaafiicda goobta ee ay ku dhinteen shacab aad u fara badan oo aan ilaa iyo hadda tiradooda rasmiga ah la heyn.

Barakacan ayaa ka dambeeyay dagaalo maalintii sadexaad galay oo u dhexeeya ciidamada Dowladda, Ahlu Sunna iyo Amisom oo hal dhinac ka soo jeeda iyo xoogaga Alshabaab iyo Xisbul Islaam oo dhinaca kale ka soo jeedaan kuwaas oo kala duwanaantooda mabada'a ka sokoow ku mideysan dagaalka ka dhanka ah dowladda.

halgankanet@gmail.com  

Magaalada Muqdisho oo saakay yara xasilan iyo Suuqa Ganacsiga ee Bakaaraha oo mar kale albaabada loo furay

$
0
0

Waxaa saakay xasilooni aan sidaas u buurneyn laga dareemayaa magaalada dagaalada loogu dowlgalay ee Muqdisho ka dib dagaalo, duqeymo bareer ah iyo weliba wax walba nafta bani'aadmiga dhiba.

Deegaanadii sida xun loo duqeeyay amaba loogu diriray ayaa hadda yara shanqar gaaban waloow nabad ama xabad joojin wadaxaajood ku timid aysan dhinacyadu isla gaarin.

Dhanka kale Baayacmushtarka Suuqa weyn ee Bakaaraha oo maalintii shalay aheyd ku dhiiran waayay in ay Suuqa soo galeen amaba ku ganacsadaan ayaa maanta dib u bilaabay shaqadoodi inkastoo goobohooda ganacsiga aysan albaabadu u wada balaqneyn.

Dadka suuqa imaanaya si ay u dukaameystaan ayaan aad u badneyn marka la barbardhigo maalmaha kale ee aan dagaaladu jirin waxaana weliba xusid mudan in Suuqleydu isu diyaarinayeen Ciida bishan aynu ku jirno marka ay dhamaato loo dabaabdego ee aadka ugu weyn guud ahaan dunida islaamka gaar ahaan Soomaalida.

halgankanet@gmail.com 

Dagaalka Muqdisho iyo warbixintii ugu dambeysay

$
0
0

Maalinkii afraad ayaa duqayn ay ka socotaa magaalada Muqdisho iyadoo dagaalka fool ka foolka ahaa uu yar qaboobay walow la filan karo xilli kasta.

Ciidamada Alshabaab

Ciidamada Alshabaab

Maalinkii afraad ayaa duqayn ay ka socotaa magaalada Muqdisho.

Dagaalka inta la ogyahay afar ayaa ku dhimatay sideed kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Xalay ayaa la wareeray xerrada asluubta ee Muqdisho, oo ay degan yihiin ciidamada dowladda kumeelgaarka.

Sidoo kale waxaa xalay la weeraray fariisin ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmada waaberi.

Waxaa ay saakay ciidamada dowladda soo bandhigeen laba nin mayd ah oo ay sheegeen inay yihiin dadkii weerarka soo qaaday.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live