Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

R/wasaare ku Xigeenka Ahna Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Oo Kormeeray Dekadda Muqdisho

0
0

R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka  Ganacsiga iyo warshadaha C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas khaliif ayaa maanta kormeer ku tagay dekada Weyn ee Muqdisho.
C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas khaliif ku simaha R/wasaaraha ahna wasiirka ganacsiga iyo warshadaha  ayaa maanta kormeer howleyd ku tagay Dekadda Muqdisho isagoo u kuur galayay xaaladda dhabta ah oo ay ku shaqeyso Dekaddaasi.
R/wasaare ku xigeenka ayaa markii uu gaaray dekadda waxaa ku soo soo dhoweeyay Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda cirka iyo dhulka  Aadan Xaaji Aadan  iyo mas’uuliyiin kale.
Waxa uuna Ku Simaha R/wasaaraha soo kormeeray dhammaan goobaha ay ku soo xertaan maraakiibta sida macaawinada iyo bakhaarada waa weyn ee lagu daabulayo raashinka macaawinada ah ee  ka yimaadda  qaar ka mid ah dowladaha caalamka iyo hay’addaha samafalka ay ugu talagaleen ina lagu caawiyo dadka tabaaleysan.
C/wahaab Ugaas xuseen ayaa ugu dambeyntii ka codsaday qeybaha kala duwan ee bulshada, hay’addaha samafalka iyo dowladaha caalamka in ay sii laba jibaaraan dadaalka ay ugu gurmanayaan dadka Soomaaliyeed oo ay saameeyeen abaaraha isago dhanka kale ballaan qaaday in dowladda ay ka go’antahay  in ay gaarsiiso deeqaha soo gaaray ee loogu talagalay  dadka ay abaartu  saameysay
 


Maxamed Dheere oo qaylo dhaan xoogan ka muujiyay isbadalka balaaran ee ku yimid sarifka lacagta Maraykanka.

0
0

Maxamed Dheere ayaa wuxuu si weyn uu uga hadlay isbadalka balaaran ee ku yimid lacagta Dollarka Maraykanka, isagoo dhinaca kalana baaq u jeediyay Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Shariif Sheekh Axmed.
Gudoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere”, oo warbaahinta maanta kula hadlay magaaladda Muqdisho, ayaa wuxuu wax laga xumaado uu ku tilmaamay isbadalka balaaran ee ku yimid Dollarka Maraykanka.
Maxamed Dheere ayaa wuxuu sheegay in qoysaska ku dhaqan magaaladda Muqdisho ay saameyn weyn ku yeelatay sarifka lacagaha Dollarka Maraykanka, isagoo sheegay in arintaasi ay keentay dhibaato weyn.
“Waxaa jira qoysas bishii loo-soo diro boqol dollar oo kaliya, qoysaskaasi waxba uma tareyso boqol dollar, waxaad ogtihiin in dollarka uu hoos u dhac weyn ku yimid, halka raashiinka ay iyana sare u kaceen” ayuu yiri Maxamed Dheere.
Maxamed Cumar Xabeen ayaa wuxuu Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya uu ka codsaday inay wax ka qabato sarifka lacagta Maraykanka oo si weyn hoos u dhacay, iyadoo ay sare u sii kaceyn qiimaha lagu iibsado raashiinka.
Gudoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere”, ayaa wuxuu maanta uu muujiyay sida uu uga xun yahay dhibaatada ka dhalatay, in Dollarka Maraykanka uu hoos u dhac ku yimaado.
 
Isha Wararka Xaqiiqda.
HeeganTV  Muqdisho

Ku Dhowaad Kun Askari Oo Tababar Soo Dhameysatay Ayaa Xaflad Loogu Sameeyay Dugsiga Tababarka Ciidanka Jasiira

0
0

Munaasabad lagu soo dhaweeynayay Ciidamo cusub oo tababar ugu soo dhamaaday dalka Uganda ayaa maanta lagu qabtay dugsiga tababarka ciidamada Jasiira.
Xafladan oo ay soo qabanqaabiyeen haweenka nadaafadda G/Banaadir ayaa waxaa ka soo qeybgalay wasiirka gaashaandhigga Xuseen Carab Ciise, Abaanduulaha ciidamada Gen “Dhegabadan”guddoomiye ku xigeenka G/Banaadir Warsame Joodax iyo hobollada waaberi oo halkaasi ku soo bandhigay suugaan ka tarjumeysay qiimaha ay ciidamadu u leeyihiin dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Jawaahir Baarqab oo ka mid ah haweenkii xafladdaasi soo qabanqaabiyay oo halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in dalka Ingiriiska ay uga timid in ay ka qeybqaadato difaaca dalka,  iyadoo intaa ku dartay in ciidamada ay biyaha ka daba qaaddo dhaawacana ay dhabarka saarato iyadoo sidoo kale ka hadashay dowrka ay haweenka Soomaaliyeed kaga jiraan difaaca dalka iyo horumarintiisaba.
R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Gaashaandhigga Xuseen Carab Ciise oo gebgebadii munaasabaddaasi ka hadlay ayaa aad u amaanay haweenkii soo qaban qaabiyay xafladan, wuxuuna ciidamada kula dardaarmay in ay ka fogaadaan qabyaaladda isagoo ku dhiirigeliyay in ay u geyfanaadaan difaaca dalka iyo dadka.
Xafladan soo dhaweynta ah ayaa loo sameeyay ku dhawaad Kun Askari oo tababar ciidan oo muddo Sagaal Bilood ah socday ku soo qaatay dalka Uganda.
 
 

Cadaadis la saarayo Silvio Berlusconi

0
0

Waxaa jira walaac laga qabo suuqyada lacagaha in dhibaatooyinka daymaha Yurub ay qatar u keenaan dalka Talyaaniga.

Qarax ka Dhacay magaalada Boosaaso

0
0

Ugu yaraan 2 caruur ah ayaa ku dhaawacmay kaddib markii maanta uu qarax ka dhacay guri ku yaalla xaafadda Baalade ee magaalada Boosaaso.

Mulkiilaha gurigan qaraxu ka dhacay ayaa idaacadda VOA u sheegay in labada qof ee dhaawacan tahay ay ahaayeen wiil iyo gabadh uu isagu dhalay.

Qaraxan ayaa sidoo kale wuxuu duminaya guriga.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxan uu ka dhashay miino lagu aasay waddo guriga ag marta.

Maaamulka Puntland ayaan la ka hadlin qaraxan iyo cidda geysatay.

 

Ciidamada DKMG oo Dhac lagu Eedeeyay

0
0

Dadka dib ugu noqday degmooyinkii ay dowladdu ka qabsatay kooxda Al-Shabaab ee Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada dowladdu ay degmooyinkaasi dhac ka geystaan.

Qaar ka tirsan dadkaasi oo VOA-du la hadashay ayaa sheegay in degmooyinkaasi ay ka jirto amni darro iyo dhac ay geysanayaan ciidamo labisan direyska dowladda.

Dadkan waxay sheegeen in wakhtigii kooxda al-shabaab ay degmooyinkaasi ku sugnaayeen uu amnigu sidan ka fiicnaa.

Dadkan ayaa sheegay in ganacsigu uu markii hore furnaan jiray ilaa saq-badhkii, balse toddobaayadan u danbeeyay amni xummo jirta darteed ganacsiga la xiro gabal-dhacii.

Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay mar uu la hadlayay ciidamadiisa wuxuu sheegay in wax laga qabanayo dadka xiran direyska ciidamada ee dhaca u geysanaya dadka rayidka ah.

NATO ayaa qiratay weerarka Pakistan

0
0

NATO ayaa qiratay in dayaaradaheeda ay masuul ka ahaayeen weerarkii dhinaca cirka ee lagu qaaday saldhig ciidamada Pakistan ay ku lahaayeen meel u dhaw soohdinta Afghanistan.

Saylac: Biyihii Badda oo Magaaalada kusoo Fatahay

0
0

Ugu 50 guri ayaa waxa harqiyey biyaha badda ee magaalada Saylac, kadib markii uu dumay difaac ciid ka sameysnaa oo halkaa ku yaallay.

Dadka magaalada ayaa ka cabanaya in dhawaanahanba ay bishu sidaas oo kale magaalada ugu soo fatahayeen. Dadku waxay dawladda Somaliland ka codsadeen in ay taageero la gaarto.

Warbixinta oo dhameystiran qeybta hoose ka dhageyso.


Wicitaanka: Yuusuf Xasan Cabdi

0
0

Barnaamijka waxa maanta marti inoogu ah Yuusuf Xasan Cabdi oo ah Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya. Xildhibaan Yuusuf Xasan waxa uu ka jawaabayaa su'aalo ay dhageystayaasha VOA ka weydiinayaan dhismayaasha ku yaalla xaafadda Islii ee Soomaalidu u badan tahay.

Barnaamijka oo dhameystiran qeybta hoose ka dhageyso.

Faaqidaadda cunaqabateynta Syria

0
0

Maxamuud Shiikh Axmed Dalmar oo khabiir ku ah arrimaha siyaasadda iyo taariikhda dalalka Carabta iyo Islaamka ayaa ka faalloonaya waxa ay ka dhigan tahay cunaqabateynta.

Faaqidaadda cunaqabateynta Syria

0
0

Maxamuud Shiikh Axmed Dalmar oo khabiir ku ah arrimaha siyaasadda iyo taariikhda dalalka Carabta iyo Islaamka ayaa ka faalloonaya waxa ay ka dhigan tahay cunaqabateynta.

Khadra Xaaji Geydh

0
0

Qofka keli ah ee haweenka ah ee mayor ka ah magaalo ka tirsan Somaliland waa Marwo Khadra Xaaji Geydh oo ah mayor-ka magaalada Gabilay.

Khadra Xaaji Geydh

0
0

Qofka keli ah ee haweenka ah ee mayor ka ah magaalo ka tirsan Somaliland waa Marwo Khadra Xaaji Geydh oo ah mayor-ka magaalada Gabilay.

Syria oo cunaqabateyn lagu soo rogay

0
0

Wasiirada arrimaha dibedda ee Jaamacadda Carabta ayaa u codeeyay cunaqabateyn dhaqaale oo lagu soo rogo Syria oo looga jawaabayo rabshadaha ka dhan ah dadka ka soo horjeeda dowladda.

Syria oo cunaqabateyn lagu soo rogay

0
0

Wasiirada arrimaha dibedda ee Jaamacadda Carabta ayaa u codeeyay cunaqabateyn dhaqaale oo lagu soo rogo Syria oo looga jawaabayo rabshadaha ka dhan ah dadka ka soo horjeeda dowladda.


Mogadishu: Wefdigii Turkiga oo dhoofay

0
0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Sayn Bekir Bozdag ayaa manata ka dhoofay Magaalada Muqdishu kaidb booqahso laba maalmood ahayd oo uu ku tagay halkaasi isagoo Maanta xarigga ka jaray masharaiic dawladda Turjkiga ay ka hirgelinayso Magaalada Muqdishu. Mr Bozdag ayaa ballanqaaday in dawladda iyo hay’adaha Turkigu ay sii ballaadhin Doonaan barnaamijyada horumarinta iyo gargaarka bani’aadminnimo ee ay ka wadaan Soomaaliya.

Faahfaahinta warbixintaasi halkan hoose ka dhageeyso

Maxaabiis lagu soo qabtay dagaal Somaliland iyo maleeshiyo ku dhexmaray magaaladda Ceerigaabo oo lasii daayey

0
0

Xukuumadda Somaliland ayaa siidaysay maxaabiis loo haystay inay doonayeen inay afduubaan laba masuul oo ka tirsan xukuumadda Somaliland, kuwaas oo ku sugnaa magaaladda Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.
Maxabiistan oo dhowaan weftigii wasiiradda ahaa ee Magaaladda Ceerigaabo u tagay dhexdhexaadinta labadii beelood ee magaaladaasi shaqaaqadu ku dhexmartay ayaa wasiirka Warfaafinta Axmed Cabdi Xaabsade iyo taliyaha Ciidanka Asluubta Gen: Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) oo maalintii Ciidda Carafo ee bishii hore la shirayey mid ka mid ah labadii beelood ee dirirtu ka dhexeysay ay koox hubaysani isku dayeen inay afduubaan, haseyeeshee waxa ka soo gaadhay ciidanka Militariga Somaliland, kuwaasoo soo badbaadiyey labadaas masuul, isla markaana xidhay qaar ka mid ah maleeshiyadii damacsanayd inay qafaashaan labadda masuul ka dib markii dagaal qadhaadhi ku dhexmaray magaaladdaasi, waxaana dagaalkaasi ku dhintay saddex qof oo laba ka mid ahi askar yihiin, midna haweenay goobta ka agdhowayd, waxaana ku dhaawacmay dhawr iyo toban kale oo ka mid ah ciidamada Somaliland.
Maxaabiistan oo tiradoodu dhamayd ilaa dhawr iyo toban qof ayaa siidayntoodu ka dhalatay ka dib markii la xaliyey khilaafki ka jiray labada beelood ee aanooyinka qabiil ku dhexmareen Magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, waxaana weftigii wasiiradda ka koobnaa go’aansadeen in la siidaayo maxaabiistii lagu qabtay dagaalka si heshiishkii halkaasi ka dhacay loo adkee
Source-Hol

Qarax Loo adeegsaday Gaari Nuuciisu yahay Kaarib oo goor dhaw Ka dhacay Muqdisho.

0
0

Qaraxaani loo adeegsaday Gaariga Nuuciisu yahay Kaaribta ayaa Kadhacay Issgoska KM4 ee Magaalada Xamer Waxa uuna Sababay Qasaaro Leh Dhaawac iyo Dhimasho.
Gaariga ayaa Markii Hore Gacanta ku Dhigeen Ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya Isyadoo Markiiba uu Ku qarxay Iskowska KM4 ee Magaalada Muqdisho.
Dadka Goob joogayaasha ah ayaa War baahinta u Sheegay In Gaariga Markii Hore ay Gacanta ku dhigeen Ciidamada Dowlada MKN ee Soomaaliya ayna Hakad Galiyeen Isu socodkii Gaadiidka, Isagoo Intaa kudaray in Markiiba Gaarigii loo adeehsaday Rumuud Gon tarool.
Qaraxaasi ayaa lasheegay inaysan Wax dhibaato ah Kusoo gaarin Ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya Iydoo Wararku ay sheegayaan in halkaasi ay Ku dhaawacmeen 4-ruux Halka intaa kanadana ay ky dhaawacmeen oo Dhamaantoo ay yihiin Dad shacab ah.
Qaraxaani aya kusoo beegmaya Xili ay Ay Dowlada KMG ay Shaacisay inay Sugayaan guud ahaan Amaanka Magaalada Muqdisho Waxaana taasi ay qal qal ku abuuri kartaa Dadka iyagu Kusoo laabtay Guryahooda.
Xafiiska War qabadka
Cadaado
Heegantv.com

Madaxweyne Shariif Iyo Wafdigii La Socday Oo Dalka Ku Soo Laabtay

0
0

Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka kadib markii uu Magaalada Adis ababa uga soo qeybgalay shir hal maalin qaatay oo looga hadlayay Arimaha Soomaaliya isagoo kulamo la soo qaatay madax ka tirsan wadamada Afrika.
Wasiirka warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta oo ka mid ahaa wafdigii la socday madaxweynaha ayaa ka warbixiyay safarkii ay ku tageen magaalada Adis ababa iyo kulamadii uu madaxweynuhu la qatay madax ka tirsan wadamada Africa.
C/qaadir Xuseen Maxamed Jahweyn Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa sheegay in ay ka soo qeybgaleen kulanka madaxda wadamada IGAD isla markaana uu madaxweynuhu kulamo gaar gaar ah la yeeshay R/wasaaraha Ethiopia, wasiirka arimaha dibada Kenya iyo wakiil ka socday Konfurta Sudan.
Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in safarkii madaxweynaha uu ku soo dhamaaday guul iyo is afgarad.
 

Gaari Ku Qarxay Isgoyska Km 4 Kadib Markii Ay Ciidamadu Fashiliyeen

0
0

Ciidamada Dowladda ayaa fashiliyay qarax la doonayay in lagu waxyeeleeyo shacabka Soomaaliyeed kaas oo laga soo buuxiyay gaari yar oo la soo dhigay isgoyska KM4.
Duhirnimadii maanta ayaa ciidamada dowladdu waxa ay qarxiyeen qaari yar oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa isla markaana inta muraayadaha loo xiray la dhigay isgoyska Lambar Afar gaar ahaan iridda hore ee Shineemo Exwatoore.
Ciidamada ayaa la sheegay in ay ka shakiyeen gaarigaasi kadibna waxa ay xireen isgoyska iyo waddooyinka soo galaba kadib markii la waayay qofkii watay gaarigaasi,  iyadoo  isla markiiba uu gaarigii sidaa ku qarxay.
Si dhab ah looma oga ilaa iyo haatan qasaaraha ka dhashay qaraxaasi, laakiin wixii ku soo kordha waan idiin soo gudbin doonnaa.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live