Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Faah Faahin Ku Saabsan Shirkii Shabaab Ee Baydhabo’Dhageeyso Warbixin Dheer’

$
0
0

Faah fahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shir kooxda alshabaab dhawaan ugu soo gabagaboobay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay Iyo Qodobbo ay ku heshiiyeen horjoogayaashii ka qeybgalay
Sida ku cad xog muhiim ah oo aanu ka helnay ilo ka agdhaw horjoogayaal kala duwan oo ka tirsan alshabaab shirkii maalmo ka hor ka dhacay magaalada Baydhabo oo ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah horjoogayaasha alshabaab ayaa waxaa uu salka ku hayay khilaafaadkii ka dhextaagnaa kooxda iyadoo uu sii huriyay xaaladda kooxda oo markii horaba meel xun maraysay.
Kooxaha ka qayb galay shirka waxaa ay ka koobnaayeen sadex kooxood, koox ka mid ah waxaa horkacayay Xasan Daahir Aways waxaana ay ahaayeen qaar ka mid ah horjoogayaashii kooxdii ay shabaabku horay u kala direen ee Xisbul Islaam koox kale waxaa iyana horboodayay Muqtaar Rooboow waxaana ay ahaayeen koox ka tirsan shabaab oo muddo sanado ah ay si wayn isku hayeen horjoogaha Shabaab Axmed Cabdi Godane dhawr jeerna ay dhexmareen gacan qaadyo ay ku dhinteen maleeshiyaad iyo horjoogayaal shabaab ah  kooxda sadexaad ayaa waxaa ay ahaayeen shaqsiyaad ka kala yimid deegaannada Puntlad iyo Ismaamulka Somalida Ethiopia.
Kooxda uu hugaaminayo Xasan Daahir ayaa waxaa iyaga si gaar ah xanuun wayn ugu haysa in aad ugu bahdilanyihiin alshabaab dhexdooda waxaana ay ka gadoodsanyihiin ballanno lala galay markii la kala dirayay ururkooda oo aan la fulin iyo sidoo kale in xilalkii ay filayeen in iyaga loo dhiibo uu Axmed Godane u doortay horjoogayaal kale oo ka tirsanaa shabaabkii hore iyo kuwii xisbiga qaarkood.
Tusaale ahaan Xasan Daahir Aways waxaa uu filayay in uu ka mid noqdo ku xigeennada Godane ama uu qabto jago u saamaxaysa awood ciidan laakiin waxaa halkii uu isla rabay galay nin lagu magacaabo Mahad Karatay ee ay isku hayb yihiin si waynna ugu dhaw Axmed Godane isla markaana xiligaan ka mid ah ragga hawlgaliya maleeshiyada kooxda waxaa kaloo jira nin lagu magacaabo Cabdulqaadir Kumaandoos oo isna ka mid ahaa kooxdii uu Xasan Daahir hugaaminayay oo ku biiray ragga barbartaagan Axmed Godane taas oo iyana sii yaraysay rajaddii uu ka qabay xil uu kooxda ka helo waxaana caradaas la wadaaga ragg badan oo ay isku koox ahaayeen kuwaas oo ay ka mid yihiin Cabdulaahi Cali Xaashi iyo Cabdi Fitaax Maxed Cali.
Marka aanu eegno kooxda labaad ee ka kooban shaqsiyaadka ka kala yimid xagga Puntland iyo ismaamulka Soomaalida Ethiopia waxaa ay ka kooban yihiin rag horay uga tirsanaan jiray ururkii Itixaadul Islaami ee markii danbe u xuubsiibtay Ictisaam laakiin waxaa ay ka falaagoobeen culumada xarakadaas oo ka soo horjeestay ficillada kooxda shabaab kuna tilmaamay kuwo shreeca diid ah ka dibna waxaa ay ragaas qaateen aragtida iyo ficillada kooxda iyagoo deegaannadooda ka bilaabay rabshado hubaysan sida aabulida maleeshiyaad la fikir ah oo ay ku qanciyeen in ay dadka ku gaalnimo xukmiyaan ka dibna laayaan iyagoo dhulka ku aasayay walxa qarxa si gaadmo ahna bistooladu ugu dilaya dadka magaca leh.
Ragas waxaa laga xusi karaa Xasan Max’ud Takar, Max’ed Ismaamiil iyo Cabdulaahi Raabi Jaamac Cabdi salaam iyo Cabdulqaadir Cali Muumin hawl gallo ay maamulada deegaannada ay ka yimaadeen ka sameeyeen ayaana ku qasbay in ay dhulkaas isaga soo tagaan in kasta oo ay wali ka hawlgalaan maleeshiyadkii ay marin habaabiyeen waxaana ragaan iyo kooxda uu hugaaminayo Xasan Daahir ay wadaagaan in ay ka falaagoobeen labadooduba xarakadii ay wax ku soo barteen ee Itixaadka oo hadda loo yaqaano Ictisaam iyagoo ugu danbayna amray in la laayo culumada ku abtirsata xarakadaas falkii ugu horeeyana waxay ku fuliyeen ilaah janadii haka waraabiyee  Dr. Sh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo ka mid ahaa Aas aasayaashii culumadaas sida uu sheegay Sh Cabdulqaadir Nuur Faarax  oo ka mid aha culumada waayan ee Ictisaam.
Kooxda sadexaad ee joogtay shirka Baydhabo waxaa ay ahaayeen kooxda uu hugaaamiyo Muqtaar Rooboow waxaana kooxdaasi la xusuustaa in ay cadaawad qotta dheer oo salka ku haysa xagga awoodda iyo maamulka ay kala dhaxayso horjooge Axmed Cabdi Godane isagoo taas ka duulaya ayuuna Axmed Godane bilihii ugu danbeeyay bilaabay siyaasad cusub oo uu aad ugu wiiqayo awoodda  Muqtaar Rooboow waxaana talaabooyinka uu qaaday ka mid ah in uu ka wareejiyay Rooboow hawshii ku xigeenkiisa iyo in uu abuuray horjoogayaal ay isku hayb yihiin Godane si ay ugula loo lamaan deegaannada uu ka soo jeedo ninka ugu wayn ayaana ah Muqtaar Abuu Muslim oo isaga iyo Maleeshiyaadkiisaba uu Axmed Godane dul dhigay xarumihii u gaarka ahaa Rooboow iyo maleeshiyaadkiisa taas oo qasab uga dhigtay Rooboow in uu galo dhufays dagaal iyo mid siyaasadeedba.
Maadaama kooxaha ka qayb galay shirkaas ay dhamaantood isku arkaan dhibanayaal u dhaawacan Godane iyo taageerayaashiisa waxaa uu nuxurka shirku ahaa in ay iyana maleegaan khidad cusub oo ay ku argagax galiyaan Axmed Godane talada ugu haboon ayayna u arkeen in ay magac cusub abuurtaan iyagoo iska dhigaya in ay kooxda matalaan taas oo ay ka dhigeen imaaradda islaamiga ah ee Soomaaliya oo aanu hadda raali ka ahayn Axmed Godane.
marka laga tago badalista magaca kooxda waxaa jirta iyana dan kale oo wayn oo ay ka leeyihiin magaca laftiisa taas oo ah in ay soo rogaan amarro cusub oo ay ku sheegayaan in wax walba ay iyaga hoos yimaadaan cidii khilaaftana ay ku danbaabayso sidaasna ay ku sii banaystaan dhiigga dadka oo horayba ugu xireen  aragtidooda waxaa kale oo ay isku arkaan isbahaysigaan cusub in ay iyagu yihiin kuwa leh taageerayaasha kooban ee shabaab sidaas darted ayayna shirkooda ugu magacdareen in uu yahay mid culumo iyagoo go’aanadooda ka dhigaya in ay tahay fatwo diineed oo culumo cidii diidan ay Alle uga fogaanaynso.
tani waa talaabo kale oo soo dadajinaysa khilaafka kooxda in uu ku sii durgo kala go’ muuqda kadibna dhala in ay dhexdooda maalin cad isku qalab qaateen iyadoo kooxiba kooxda kale ku gaalnimo xukminayso taas oo ay dadka yaqaanna taariikda kooxaha leexda aan  ahayn wax lala yaabo waana calaamad ay sheegaan culumada islaamku in lagu yaqaano taariikhda Khawaarijta.`
Dhageeyso warbixinta oo maqal ah


Qarax ka dhacay Muqdisho

$
0
0

Qarax baabuur oo ka dhacay Muqdisho ayaa dilay shan qof lix kalena dhaawacay.

Qarax ka dhacay Muqdisho

$
0
0

Qarax baabuur oo ka dhacay Muqdisho ayaa dilay shan qof lix kalena dhaawacay.

Halaga daayo Aflagaadada Isboortiga Soomaaliyeed(Faallo)

$
0
0

06 Dec 2011.Waxaa in naba xumaan ah in ay usahlanaato shaqsi kastaa in uu aflagaadeeyo isboortiga Soomaaliyeed hadaba maqaalkeyga oo aan horo dhac aan uga dhigay( halagadaayo aflagaadada isboortiga Soomaaliyeed .)
Waxaa maalmihii ugu dabeeyay soo kordhaaye in si ixtiraam l,aaan ah loola dhaqmo qeybaha kala duwan ee madaxda isboortiga Soomaaliyeed hadii ay ahaan lahaayeen kubada cagta, koloyga,iyo cayaaraha fudud haba ubadnaadaa kuwa GOS iyo SFF ta
Hadaba aqristow sifiican u dhuux qormadeyda waxa aan kaga kolleeyahay
Isboortiga ayaa ah hay”adda kaliya ee lagu heli karo xal nabad ah marka waxaa ayaan daro ah in qeybihii kala duwanaa ee isboortiga loo isticmaalo colaad taane ma,ahan micnaha iyo qiimiga uu leeyaha isboortiga .
Waxaa caado noqotay in qeybaha kala gadisan ee warbaahinta Soomaaliyeed  ay caado u noqotay dacaayada isboortiga mana haboona ina ladacaayadeeyo madaxada ee waxaa haboon in lasaxo waxii qalad ah oo kuu muuqdo .
Hanoqon doqon doonaayo inuu baabi,iyo ayaaha isboortiga Soomaaliyee ee noqo caaqil doonayo inu saxo waxii uu isleeyahay waa qaldanyihiin
Waxaad arkaysaa in xitaa  mararka qaar loo geestoaflagaado  ilmihii matalaaye qaeanka Soomaaliya iyagoo waliba tababar ku sameynaaye xaalad aad u cakiran oo ay kamid yihiin iyagoo aan heysan goob aamaan ah ay ku sameeyaan tababar iyo iyagoo aan helin cuno nafaqo leh oo waxaad arkeysaa daad ka muuqdo ilmaha
Taane cid gooni ah sabab uma aha ee waa musiibo xaga alle ka timid hadii aad damiir leedahay haku digan ilmaha iyo madaxda lajoogto goobta ay ka socoto colaada waliba adigoo ku nool jawi dagan
Waxaad arkeysaa dad kunool wadamada UK,Canada,USA iyo wadamo badan oo aan halkan aan ku soo koobi Karin  oo mar waliba taagan warbaahinta iyagoo dhiiba labo kumi si loogu fuliyo danahooda gaarka ah
Intii aad dacaayada lataagnaan leheed idaacadaha muuqaalka ah ama wepsite yada isku day in dhiiri galiso ilmaha matala qaranka Soomaaliyeed
Tankale hadii aad tahay maamul doon adiga ruuxadaada haku soo galin isboortiga Soomaaliyeed hebal waa xunyahay iyo hebal waa reer qansax ee sida wanaagsan usoo mar maamulka aad dooneyso.
Gabagabadii Waxaa Hubaal ah in ay dhab tahay Maah maahda ama Xikmadda sheegeysa “Dowlad Xun Dowlad la’aan ayay dhaantaa” taas oo aan si Baraatikaal ah aan u aragnay 21-kii Sano ee ee lasoo dhaafay.
Hadaba Maamulada Isboorti ee Wadanka ka Jira waxa ay dhaamaan “Maamul La’aan” marka yaan la qaadin Tallaabo lagu Duminaayo Maamul dhisan.
______________________________________________________
_
Yusuf Noor Mohamed
Somgoal Director.
yuunoor@yahoo.com
TEL:+2547-23652989
Nairobi_Kenya
somgoal@hotmail.co.uk

Wasaaradda Gaadiidka Oo Qalab Ku Wareejisay Hoggaanka Ciidamada Nabadgelyada Waddooyinka

$
0
0

Wasaaradda Gaadiidka Cirka dhulka Badda iyo Dekedaha ayaa maanta qalab loogu talagalay shuruucda waddooyinka ku wareejisay hoggaanka ciidanka Nabadgalyada waddooyinka ee Taraafikada si loo dardar galiyo howlaha dib lagu soo celinayo shuruucdii waddooyinka  caasimada dalka.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Maxamed Cismaan Cali ‘Dhagaxtuur’ oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay maanta guddoonsiiyeen hoggaanka ciidamada nabadgelyada wadooyinka qalab loogu tala galy sharuucda lagu marayo wadooyinka.
Sidoo kale agaasimaha wasaarada gaadiidka ayaa xusay in qeybta labaad ee qalabkan looga baahan yahay maamulka Goobolka Banaaddir si wax weyn looga qabto hoowlaha ay waddo wasaatada gaadiidka.
Arintan ayaa qeyb ka ah dadaalka ay wasaaradda gaadiidku ugu jirto dib u soo celinta sharcigii marista wadooyinka Muqdisho

Qarax ka Dhacay Magaallada Muqdisho

$
0
0

Ugu yaraan 4 qof ayaa dhintay kaddib markii baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu ku qarxay meello u dhow N-4 ee Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa VOA u sheegay in baabuurkan intii uusan qarxin ay qabteen ciidamada amniga ee DKMG ee Somalia. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay darawalkii baabuurkan ku amreen inuu dib u koro baabuurka oo uu geeyo meel ciidamadu leeyihiin si loo furfuro waxyaabaha qarxa ee baabuurka saaran, hasse yeeshee isla markiiba waxaa halkaasi ka dhacay qarax xooggan oo baabuurkan ka dhashay.

Ilaa hadda lam oga sababta ay ciidamada amnigfa ee dowladdu ugu amreen in darawalkii baabuurku uu dib ugu noqdo baabuurka ay qabteen.

Ciidamada ayaa sheegay inay wadaan baaritaan la xiriira qaraxan iyadoo dhanka kalena ay goobta uu qaraxu ka dhacay gaadheen ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan dowladda iyo ciidamada AMISOM.

Culimada Taageerta Al Shabab Oo U Soo Jeedisay In Ka Guuraan Magaca Caanka Noqday Ee Al Shabab Lana Baxnaa Magacan Cusub ee Imaarada Islaamka Somalia Iyo Ina Godane Oo Ku Gacan Saydhay.

$
0
0

Baydhabo (OWN)- Culimada taabacsan Xarakada Al Shabaab ee ku dhaqan magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa u soo jeediyey kooxdaasi  in ay iska badaleen magacoodii ahaa Al Shabab iyaga oo ku bedelay magaca cusub ee Imaarada Islaamka Somalia, kulan ay maanta yeesheen qaarka mida culimadan  iyo masuuliyiinta ugu saraysa ee ururka ka dagaalama koonfurta somalia ee Al Shabab oo ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa waxa lagu falan qeeyey arimahaasi.
Waxa ka soo xaadiray madasha kulanka madaxda Al shabab oo hormood u ahaa hogaamiyaha kooxdaasi ninka lagu magaacaabo Axmed Cabdi Godane, Muqtaar Roobow Abu Mansuur, Xasan Daahir Aweys iyo Cali dheere kulanka dhex maray madaxda Al shabab iyo Culumada ayaa lagu sheegay in uu ahaa mid lagu darsayey sidii magaca looga bedelilahaa kooxdaasi.
Waxana ay culimadu u soo jeediyeen masuuliyiinta Xarakada Al Shabab in ay ka guuraan magaca caanka noqday ee ay hada wataan iyaga oo ka codsaday in ay la baxaan magacan cusub ee Imarada Islaamka somalia inta badan madaxda AL shabab ayaa soo dhaweeyey magacan cusub iyaga oo ku waafaqay culimada in la qaato magacaasi balse waxa gaashaanka u daruuray oo diiday hogaamiyaha xarakadaasi Axmed Cabdi Godane waxana uu ku adkaysatay in aan marna la badeli doonin magaca Al shabab ilaa hada lama garanayo sababta uu ku diiday in la qaato magacan cusub lagana guur kan hada ay ku shaqeeyaan kooxda Al shabab.

Sagal Cabdiraxmaan Axmed
Email:samaar62@hotmail.com
Oodweynenews Hargeysa office

Faah faahin dheeraad ah oo ka soo baxeysa qaraxii xooganaa ee maanta gil gillay Isgoyska Km4

$
0
0

Faah faahin dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxeysaa qarax xoogan oo maanta gil gillay Isgoyska km4 ee magaaladda Muqdisho, waxaana qaraxaasi loo-maleynayaa inay ka dambeysay Al Shabaab.
Nin watay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxay Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ay ku joojiyeen inta u dhaxeysa Safaaradii hore ee Masar iyo Shaneemo Ikwadoor ee Isgoyska KM4, waxaana ninkaasi lagu amray in gaarigaasi baaritaano lagu sameeyo.
Gaariga oo ay saarnaayeen walxaha qarxa ayaa wuxuu ninkaasi qarxiyay miino culus oo gaarigaasi saarneyd, isla-markaana waxaa ka dhashay khasaarooyin kala duwan oo soo kala gaaray Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo dad rayid ah.
Qaraxaan oo si weyn looga maqlay magaaladda Muqdisho ayaa waxaa ku dhimatay in ka badan 4 ruux, iyadoo laba ka mid ah ay yihiin dad rayid ah, mid ka mid ahna uu yahay askari ka tirsan askarta Dowladda iyo midka kale oo isna ah kii wax-yaabaha qarxa watay.
Sidoo kale waxaa ka dhashay khasaarooyin kala duwan oo dhaawacyo ah, dhaawacyadu ayaa waxay sii caga-cageynayaan in ka badan 6 qof, iyadoo dhaawacyadu qaarkood ay yihiin kuwo aad u culus, shan ka mid ahna waa Ciidamadda Dowladda.
Dhanka kale goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray ciidamo xoogan oo ka tirsan Dowladda iyo Amisom, waxayna baaritaano ay ku sameeyeen qaraxaasi, hase yeeshee weli kama aysan hadlin.
Shacabka ku dhaqan magaaladda Muqdisho ayaa waxay walaac xoogan ay ka muujiyeen qaraxyada waaweyn ee kusoo badanaaya magaaladda Muqdisho, wixii warar oo dheeraad ah kala soco Markacadey.net


Wasiirka Wasaaradda Cadaalad Oo Maanta Soo Saaray Wareegto Isku Shandhayn Garsoosayaasha Iyo Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Hoose Ee Somaliland.

$
0
0

Hargeysa(OWN)- Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid ayaa maanta soo saaray Wareegto uu  xilkii kaga qaaday isla markaana ku magacaabay qaar ka amid ah Garsoorayaasha iyo Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Hoose ee Dalka.
Wasiirka Wasaaradda cadaaladdu Digreetada uu soo saaray maantu waxay u qornayd sidan:-
Isku-bedelka Guddoomiyayaasha iyo Garsoorayaasha
1.  Axmed Iidle Saleebaan waxa laga bedelay Gudoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Sanaag, waxaa loo bedelay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Togdheer
2.  C/raxmaan Jaamac Hayaan waxa laga bedelay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa, waxa laga dhigay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Hargeysa
3.  Axmed C/laahi Bakaal waxa laga bedelay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Awdal, waxa laga dhigay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Awdal
4.  Cali Suudi Diiriye waxa laga bedelay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Saaxil
5.  Xuseen Aw Diiriye Maxamed waxa loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Sanaag
6.  Axmed Saalax Yoonis  waxa laga bedelay Garsoore Maxkamadda Rafcaanka Hargeysa ah waxaana loo magacaabaya Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Sanaag
7.  Maxamed Jaamac Cashuur waxa laga bedelay Guddoomiyaha Maxkamadda Degmadda Burco waxaana loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Togdheer
8.  Ibraahim Cabdi Yaasiin waxa laga bedelay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Togdheer . waxa loo bedelay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Saaxil .
9.  C/rashiid Maxamed Maxamud (Duraan) waxa loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex
10. C/raxmaan Rooble Barre waxa laga bedelay Garsoore Maxkamadda Gobolka Awdal. Waxa loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Awdal
11. Faysal C/laahi Ismaaciil waxa laga bedelay Garsoore Maxkamadda Gobolka Hargeysa waxaana loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka/Degmadda Gebilay.
Ka saarid Liiska Garsoorka iyo Magacaabid
1.  C/raxmaan Sh Cumar Xasan waxa laga saaray Liiska Garsoorka kadib markii shaqada laga waayay
2.  Cumar Sheekh Maxamud Axmed. Waxa loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Degmadda Laascaanood.
3.  Sh Siciid C/laahi Axmed waxaa loo magacaabay Maxkamadda Demadda Qoryaale.
Fulinta go’aankan wasiirka Wasaaradda Cadaaladdu waxa uu u cuskaday qodobka 106aad ee Dastuurka Qaranka Faqradiisa 1aad, taasoo qeexaysa inay Wasaaradda Cadaaladdu u xil saran tahay fulinta go’aanada Guddida Cadaaladda”
 
Sagal Cabdiraxmaan Axmed
Email:samaar62@hotmail.com
Oodweynenews Hargeysa office

Daawo Sawirada: Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ku soo laabtay magaaladda Muqdisho “SAWIRRO”

$
0
0

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu maanta uu dib ugu soo laabtay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, kadib markii uu shalay uu safar hal maalin qaatay uu ku aaday magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo wefdi uu hogaaminaayo, ayaa waxay maanta dib ugu soo laabteen magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.
Masuuliyiin ka tirsan Dowaldda Soomaaliya ayaa waxay Madaxweyne Shariif iyo wefdigii la-socdayba ay kusoo dhaweeyeen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaaladda Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa waxaa markii dambe loo-galbiyay Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somaliya, iyadoo ay gaarsiiyeen gawaarida gaashaaman ee Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom.
Mudane Shariif Sheekh Axmed oo shalay gaaray magaaladda Addis Ababa, ayaa wuxuu xalay kullamo kala duwan uu kula yeeshay Madax kala duwan, wuxuuna kullamo xasaasi ah uu Addis Ababa uu si gaar ah uu kula soo qaatay Madaxweynaha Dowladda Jabuuti Mudane Cismaaciil Cumar Geelle iyo Raa’isal Wasaaraha Dowladda Itoobiya Melez Zenawi.




Indhacade “Qaraxyada ka dhaca muqdisho Al-shabab ka dmabeeyaan ee ciidmada ha la baaro,”

$
0
0

Shir jaraa’id oo uu Jen. Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cade) oo ka mid ah saraakiisha dowladda KMG ah, ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay in ay ka dambeyaan qaraxayada magaalada Muqdisho dhacaydhalinyaradii Al-shabaabka ahayd ee kasoo goostay, islmarkaana ku biiray DKMG-ka.
Indhacade ayaa hadalkiisa ku daray in aan loo dulqaadan karin qaraxyada joogta uga dhacaya magaalada Muqdisho maalin kasta, aysana u cuntamayn in qaraxyo ka dhacaan dhul balaaran oo ay dowladdu maamusho.
“Dowladdu waa in ay ka fiirsataa ciidamaynta ciidamada ka soo goosanaya Al-shabaab, waayo waxa maalin kasta qaraxyada ka gaysanaya Muqdisho waa iyaga shan maalmood oo kaliya ayaan muqdisha jooga malin uusan qarax dhicin majirto, arrinkaas mahan mid ay ka dambeeyaan Al-shabaab ee waa ciidamada nagu dhex jiro ee ha la baaro oo dowladdu waa in wax muuqada ay ka qabtaa,” ayuu yiri Jen. Indhacade.
Waxa kaloo uu dowladda u soo jeediyay Jen. Indhacade in qeyb kasta oo magaalada Muqdisho ka mid ah ciidmadeeda lagula xisaabtamo wixii ka dhaco oo qaraxyo ah, islamarkaana lagu sameeyo baaritaan xoogan haddii arrintani ay soo noqoto.
Mar uu ka hadlayay soo galintaan ciidamada Kenya ee dalka Soomaaliya waxa uu yiri Kenya xaqbay uleedhay in ay dalkeeda difaacato mar haddii dalkeeda dad ajaanib ah laga soo afduubtay, waayo amaankeeda ayay suganaysaa.
 
Hadalka Indhacade ee uu uga hadlay qaraxyada joogtada ka noqday magaalada Muqdisho ayaa imanaya iyada oo ay dad badan oo rayid ah ugu dhimanayeen maalinkasta magaaladaasi weerarada is qarxinta ah iyo bombooyinka gacanta laga tuuro.
 
Mohamed Ali Abdi Royter
Skelleftea, Sweden
karaama@gmail.com

Dagaalo xoogan oo caawa ka soconaaya magaaladda Muqdisho iyo hubka culus oo magaaladda qabsaday

$
0
0

Dagaalo culus ayaa waxay caawa ka soconayaan magaaladda Muqdisho, waxayna u dhaxeeyaan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo ay kaabayaan Ciidamadda Amisom iyo Al Shabaab oo dhinac ah.
Dagaalada ayaa waxay xoogoodu ka soconayaan degmooyinka Dayniile, Heliwaa iyo Kaaraan, isla-markaana dagaalada ayaa yimid kadib markii ay caawa soo qaadeen Ciidamadda Xarakada Al Shabaab.
Dagaalada oo aad u xoogan ayaa waxaa qeyb balaaran ka ah hubka cul culus, oo ay caawa Ciidamadda Amisom ku garaacayaan deegaanada ay weerarada ka soo qaadeen Ciidamadda Xarakada Al Shabaab.
Dagaaladaan ayaa waxay caawa saameyn xoogan ay ku yeesheen shacabka ku dhaqan deegaanada kala duwan ee magaaladda Muqdisho, iyadoo dagaaladu ay u muuqdaan kuwo qorsheysan oo ay Shabaabku ugu talla galleen.
Duleedka degmada Kaaraan ayaa waxaa caawa ka soconaaya dagaalo fool ka fool ah, oo u dhaxeeya Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo kaashaana Amisom iyo Al Shabaab, oo dagaalo culus caawa ku soo qaaday.
Hubka cul culus oo ay caawa si weyn u adeegsanayaan labada dhinac, ayaa waxay qabsadeen magaaladda Muqdisho, waxayna shacabka ka muujinayaan walaac xoogan, laakiin wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Markacadey.net

Dagaal iyo duqeymo culus ayaa xilligan ka soconaya Magaalada Muqdisho

$
0
0

Dagaal culus iyo duqeyn ayaa xilligan ka soconaya Magaalada Muqdisho, iyadoo aad loo maqlayo hugunka hubka culus ee la is weydaarsanayo. Xilligan oo Saacada Muqdisho ay tahay 6:30, wax yar ka horna laga soo baxay salaadii Maqrib ayaa mar kaliya waxaa is qabsaday dhawaqa rasaas culus iyo madaafiic. Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa ka [...]

Warbixin: Xoollaha Soomaalida iyo Saameynta Abaaraha

$
0
0

Waa Warbixin gaar ah oo aynu kaga hadlayno xaaladda xoolaha Soomaalida iyo saamaynta ay ku yeesheen abaaraha. Waxaa warbixintan inoo soo diyaariyey soona jeedinaya Cabdullaahi Nuur Kolombo.

R/W Cabdiweli: Wadahadal Diyaar baan u Nahay

$
0
0

C/weli Max'ed Cali, ra'iisul-wasaaraha DKMG ayaa sheegay in DKMG ay diyaar u tahay wadahadal ay la furto cid walba oo nabad doonaysa.

Ra'iisul-wasaare Cabdiweli Cali Max'ed ayaa VOA siiyay wareysi uu kaga hadlayo safarkiisiii Qadar iyo Kuwait iyo waliba booqasho uu imika ku joogo Nairobi.


Xiisad ka Taagan Galbeedka Somaliland

$
0
0

Xiisad ayaa ka taagan deeggaanka Seemaal oo u dhaxeeya Baki iyo Gabiley kaddib markii halkaasi lagu dilay afar qof.

Xiisaddan ayaa waxay u dhaxeysaa laba beellodd oo halkaasi wada dega.

Saddex qof ayaa habeen hore la dilay, iyadoo dilkaasi ay geysteen niman hubeysan oo ka soo jeedda mid ka mid ah beellaha ay colaaddu ka dhaxeyso. Sidoo kalena waxaa maanta la helay qof mayd oo laga helay isla deeggaankaasi.

Somaliland ayaa xiisadda Seemaal waxay u xidh-xidhay lix oday iyo Sheekh caan ka ah deeggaanka oo ka mid ah xubnihii saxiixay heshiiska mar hore dhexmaray labadan beellood oo markaasi colaaddan lagu soo afjaray.

Sidoo kale magaalada Hargeysa isla xiisaddan Seemaal waxaa loo xidhay lataliyaha madaxweynaha Somaliland ee dhinaca Siyaasadda Abiib Nuur Diiriye.

Waxaa socda dadaallo lagu doonayo in xiisaddan lagu qaboojiyo.

Ciyaaro xiiso badan oo ka tirsan koobka Champions League oo la ciyaarayo caawa

$
0
0

Kulamo xiiso badan oo ka tirsan koobka horyaalada qaarada Yurub ee Champions League ayaa caawa la ciyaarayaa kuwaasi oo aad u xiiso badan.
Ciyaarahaan ayaa waxaa wada ciyaari doono kooxo badan oo ka socda wadamada kala duwan oo ka tirsan qaarada Yurub ciyaarahaan oo goordhow bilaabanaya ayaa kooxuhu waxey isku arki doonaan sida tan.
Chelsea  ? – ? Valencia
Racing Genk   ? – ? Bayer Leverkusen
Borussia Dortmund ? – ? Marseille
Olympiakos Piraeus ? – ? Arsenal
APOEL Nicosia ? – ? Shakhtar Donetsk
FC Porto  ? – ? Zenit St. Petersburg
Barcelona ? – ? BATE Borisov
Viktoria Plzen  ? – ? AC Milan
International – Club Friendlies.
Ciyaarahaan ayaa caawa waxey yihiin kuwo lagu kala bixi doono isla markaana kooxaha qaar ay soo gudbi doonaan halka kooxaha qaarna ay ciyaarahaan isaga hari doonaan.

Tacsi ay dirayaan Macalimiinta Jaamacadda Taibah iyo Ardada Jaamica Al-Islaamiya ee Al-Madiinah Al-Munawarah

$
0
0

 
Waxaan halkan Rabbi u weydiinaynaa in Rabbi uu u naxariisto Sh. Dr. Axmed X. C/Raxmaan oo ay dishay gacan ka xaqdaran. Wax u tacsiyaynaynaa dhammaan elehadii uu ka tegay iyo shacab weynaha Soomaaliyeed oo dhan. Sh. Dr. Axmed X. C/Raxmaan wuxuu ahaa xubin wax ku oo ah oo kama culimada iyo aqoon yahayka Soomaaliyeed Rabbina ku aflixiyey ummad farabadan. 
Waxaan sidoo kale ka digaynaa afkaarta xag jirta ee lagu bartilmaamaysanayo Culimada diinta xambaarsan laguna banaysanayo dhiigooda. Waxaan Rabbi ka baryaynaa in uu kashifo xumaan falayaasha argagax geliyey ummadda Soomaaliyeey oo ay ugu horeeyaan Ahlu Cilmiga iyo biri ma geydada.
Mar labaad Rabbi waxaan u weydiinaynaa walaalkayo Sh. Axmed X. C/Raxmaan naxariis iyo dambi dhaaf.
Dr. Maxamuud C/Raxmaan
Dr. C/Raxmaan Sh. C/llaahi Umar
Dr. Haaruun Sheekh Xuseen

Haka Talin Masiibiyo wax Makhluuqa kala Dila!‏, By. AHMED SULIEMAN NOUR

$
0
0

 
Magacaagu yuu noqon mid xumaan kamarag kaca
waxan tacsi u diraya ehelki iyo qarabadii ay ka geeriyoodeen dadkii gacanta ka xaqa daran ku dhishey deganka u dhaxeeya gebiley iyo baki, wuxu aha arrin laga naxo waa cadaw qaran wa arxan laawe aan lahayn iimaan.
waxan qofkasta oo ku hamiyeya in u huriyo colaada iyo xuman ku waninayaa gabaygii abwan ibrahin gadhel ee aha sidan
Midigtaadu yey noqon mid tolkeed u muruqweyn
Murjinkaagu yuu noqn mid dilaa walalkii
Magacaagu yuu noqon mid xumaan kamarag kaca
Sida macawisaa qaar ninba maalin yuu xidhan
Hadba kii muraado leh hawga dhigin maqaar saar
Mar waxaad dhadhamisiyo mijin qaada haw dhiman
Haka t alin Masiibiyo wax makhluuqa kala dila
Maskaxadadu yey noqon mid lagula leeyhay
yaan toban muftaax iyo lagu Furan Masaabiir.
Abwaan. IBRAHIM GADHLEH.
 
AHMED SULIEMAN NOUR

Maqaal, By. Abdirahman Ismail

$
0
0

 
Waxaa sibilaa naxariisah daro ah uqarxinaya  dadwaynaha soomaaliliyeed ee kunool magaalada moqadisho baryahan dane allah umanaxariistayaasha diigyacabka ah ee labaxay alshabaab oo iyagu iskumagacaaba in ay diin kudhaqmaan rabaana in dalka iyo dadka diinislaam kumaamulaan balse waa makahore eh iyagu diintay haystaan waa tee iskadaa dioin ay haystaane waa diigyacabeyaal aan naxasteexo iyo naxariistoona lahayn waa qudhgooyayaashii ubaxii yayaraa ee jaamacadaha ka qalinjabiyayay iyo ardaydii yaryaraa ee dibada waxbarashada looguwaday hadhka galay kuqudhbixiyayay magaaladada mogadisho.
Hadaan si kale u eegno ficilkooda waa dad loo so diray in ay dadka diinta ka kexeeyaan ama ba nacbaysiiyaan balse anigu waxaan odhan lahahaa waar allah iddiin ma naxariistee dalka iyo dadka sida ka daaya waxaa kale oon idin leeyahay soomaali sidaa diinteeda wacan kaga fogaan mayso    
Talaado, December 06, 2011. Ugu yaraan saddex qof oo mid ka mid ah uu ahaa askari ka tirsan ciidamada DKMG ayaa ku dhintay gaari ay waxyaabaha qarxa ka buuxeen oo ku qarxay isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay tiro intaas ka badan oo ay ku jiraan askarta dowladda.
Saddex qof ee dhintay ayaa waxay isugu jireen askari ka tirsan ciidamada DKMG ah, qof shacab ah iyo qof ku jiray gaariga qarxay, waxaana intii uusan qarxin ay ku qabteen ciidamada dowladda KMG ah jidka isku xira isgoyska KM-4 iyo tarabuunka.
"Baabuur yar oo noociisu yahay Toyoto Carib ayaa qarxay iyadoo askari ka tirsan ciidamada DKMG ah uu ku howlanaa baarista gaariga qarxay," ayuu HOL u sheegay mid ka mid ah goobjoogayaal ku sugnaa halka uu qaraxu ka dhacay.
Cidammo ka tirsan dowladda KMG ah ayaa joojiyay isku socodka gaadiidka guud ahaan jidadka soo gala isgoyska KM-4 oo ah mid aad u mashquul badan, iyadoo goobta uu qaraxu ka dhacay uu ka muuqdo burburka gaariga qarxay.
Qaraxa gaarigan ayaa lagu soo beegay xili uu maanta kasoo laabeen madaxweyne Sheekh Shariif iyo wafdi uu hoggaaminayo safar ay ku tageen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Wuxuuna qaraxan qayb ka noqonayaa qaraxyo dhowr ah oo ka dhacay Muqdisho.
Ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay qaraxa maanta, balse Xarakada Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore sheegatay inay mas'uul ka tahay qaraxyo khasaare badan geystay oo ka dhacay Muqdisho, kuwaasoo ugu dambeeyay qaraxii todobaadkii hore ka dhacay taliska ciidamada xoogga dalka ee Villa Baydhabo.
 
Abdirahman Ismail 
buuni2@msn.com
 
———————————————————
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin dhibaatiyo wax makhluuqa kalla dilla,

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live