Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

LIISKA DIL SUGAYAASHA DR. AXMED DABADII, By. Sh.C/laahi Baashe

$
0
0

1- Aqoonyhan
2- Caalim diineed
3- Digtoor
4- Daaci
5- Arday jaamacadeed
6- Oday nabadda jecel
7- Miskiin meel iska maraya
8- Macalin quraan
9- Marti
10- Maalqbeen
 
MAXAABA HADHAY:??? !!!!!!
 
Ugu horayn waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan Ummadda soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan gaar ahaana eheladii, sheikh Dr/ Axmed xaaji C/raxmaan oo ahaa caalim & aqoonyahan soomaaliyeed oo u taagnaa noloshiisa inta aan garanayo dhismaha iyo danaha ummada waxbadana ka xaqiijiyay.
 
Caalim mufti ah buu ahaa, Wuu soomanaa, salad subaxbuu soo tukaday , xaajina wuu ahaa oo maalmoyar ka hor kacbada ayuu agfadhiyay daqiiqadihii noloshiisa u dambeeyayna danta guud ee ummadiisa ayuu ka shaqaynayay
 
ilaahay haka aqbalo acmaasha suban iyo cibaadada alle ee uu kulansaday naxariistiisa wasica ah iyo jannooyinkii qaaliga ahaana ha siiyo ayaan ugu ducaynaynaa
AAMIIN AAMIIN AAMIIN.
 
MAXAA LOO DILAY SHEEKHA??????????.
 
Waayahan dambe somaaliya waxaa ka socday silsilad dilal qarsoon iyo kuwo muuqda oo dhamaantood is shabahaya haday tahay goobaha dilalku ka dhacayaan,nooca dadka lala beegsanayo ee hadafka ah, iyo waqtiga falalku dhacayaanba.
 
Waa layaabee bal in yar aan dib u milicsano dhcdooyinkii murugada lahaa ee dalka soo maray qaar ka mid ah dhamaantood waxaad arkaysaa inay isku nooc ahaayeen shirqoolkuna meel kasoo wada jeedo.
 
* Goobta dhacdooyinku inta badan waa:Masjid, jaamacad,ama munaasabad aqoonyahan kulmisay
 
* Nooca dadka diiradu saarantahay: Culimo,aqoonyahan iyo inta kale ee kor ku xusan
 
* Dembiiluhuna inta badan waa : mid, laba ama koox dhalintaro ah oo afka soo duubatay oo ku hubaysan bastoolado ama waxyaabaha qarqa.
 
Hadii ay sidaa tahay aynu u soo noqono su,aasheena ah maxaa sheekha loo dilay? ,Ilaahay wuxuu caqliga inoo siiyay in aynu wax ku garano axdaasta iyo dhacdooyinkana ku fahamno ama ku falanqayno waxa ay daaran yihiin.
 
Dr. Axmed xaaji C/raxmaan ilaahay haw naxariistee wuxuu ahaan nin aqoondheer dadku u leeyahay oo lawada yaqaano, inkasta oo waqtigiisii uu dhintay hadana waxaa la odhan karaa wuxuu ahaa shaksi ka fog oo nadiif ka ah dhamaan asbaabaha soomaalidu isu disho ama isu dabagasho marka laga reebo dhaqamoguracan oo waayahn dambe ku soo kordhay saaxada soomaalida kuwaasoo ah in qof muslim ah dhiigiisa cid kale ku banaysato ama ku hadido wuu iga soo hor jeedaa, waxaan wado ma waafaqsana iyo dadka ayuu wax ugu sheegaa sidaan arko si ka duwan.
 
* muu ahayn siyaasi kursi doon ah oo dakano siyaasadeed qaba oo markaa la yidhaahdo sababtaas ayaa loo dilay.
* Manuuse ahayn dadka qabaa,ilka horbooda oo aano qabiil looma dilin ee taa caksigeeda wuxuu ahaa caalim soomaaliyeed oo dadka oo dhami wada jecelyahay
* Xitaa muu ahayn dadka carabkiisu dalabta leeyahay ee dhacdhaca badan ,wuxuu ahaa nin marka uu hadlo hadalkiisu intabadan cilmi iyo xikmad yahay oo aan laga xiisagoyn
 
Hadaba dilka sheikh Dr. axme ilaahay ha u naxariistee waxaynu odhan karaa oo dhamaan calaamadaha jiraa ay muujinayaan meel dheer loogama iman ee wuxuu daba socdaa duqaydii ka horaysay iyo haldoorkii soomaaliyeed ee magacyadooda aad wada garanaysaan ciyaartuna ma dhowa oo liisku waa furanyahay , culimo iyo aqoonyahan farabadan oo aad wada jeceshihiin sidii sheekheena alle naxariis ha siiyee ayaa faylka ku jira.
 
Maxaa talo ah ?
KU: CULIMADA:
 
1- waa in aan lagu sasin axdaasta iyo dhacdooyinka noocan oo kale ah ee soo wajahaya ummada iyo ducaada xaqqa ah ee u taagan danaha ummadooda.
2- waa in ay hoosta ka xariiqnaataa in dariiqa Dr.axmed iyo ragii ka horeeyayba ay ku dhinteen uu yahay dariiqii ambiyada dhamaan raga inta hadhayna ay fishaan oo diyaar u ahaadaan inay ilaahay la kulmaan iyaga oo dariiqa ku taagan.
 
قال تعالى: وكأيّ من نبيّ قتل معه ربيّون كثير فما وهنوا لما أصابهم في سبيل الله وما ضعفوا وما استكانوا والله يحبّ الصابرين
3- waa in culimada iyo ducaadu ay dardar geliyaan oo labanlaabaan juhuudda iyo dadaalka ay wadaan ee dacwada iyo danaha guud ee Ummadda
4- ilaahay wuxuu culimada dusha ka saaray bayaaminta xaqqa meel kasta oo ay joogaan iyo si kasta oo xaaladu noqonayso xitaa hadii ay naftooda ku waayayaan arintaana waxaa tusaale inoogu ah selefkii ummadda ee saalixa ahaa
5- ugu dambayntii Dr. axmed waa in dadkiisii wax loo qabtaa dhaxalkii cilmiga ahaa ee uu ummadda uga tegayna la ururiyaa si loogu intifaaco .
 
 
KU: DHALIYARADA:
 
dhaliyaroy waxaad tihiin xoogii Ummadda iyo mustaqbalkeedii, ogaada in duulaanka ugu faraha badani idinka idnku wajahan yahay hadii ay tahay sidii maskaxdiina iyo fidrada saliimka ah ee eebe idinku abuuray loo majara habaabin lahaa oo markaa xoogiina iyo firfircoonidiina loo adeegsado duminta dalkiina iyo dulaynta dadkaad ka dhalateen .Waxaan ugu naseexaynayaa naftayda iyo naftiinaba qodobadan hoos ku qoran:
 
1. Aakiro naf waliba wixii ay gaysatay isaga ayaa loo qabanayaa oo kooxdiisa iyo qabiilkiisa midna waxba uma tari doono ee nin walowba ka fiirso intaanad falin
2. jahligu waa cadow, caaqibadiisuna way xuntahay, cilmi baa ku caymin kara ee carar oo culimada gaadh intaanad cadaabka gelin.
3. qofka caalimka ah ama ahlu diinka ah oo la aflagaadeeyo,loo hanjabo ama la dilaaba waa dambi wayn oo jariimo ahee yaan walaal lagugu dagin oo diintaada haku fasahaadin.
4. hubsiimo halbaa la siistaa ,ee haku halaagsamin heblaa tidhi iyo hebel baa iigu sheekha.
5. dhagartu ma hadho dhiiga muslinkuna ma duugoobo ee dhulka haysu daraysiin
 
 
KU: UMMADDA GUUG AHAAN:
 
Waxaan guud ahaan u dardaarmayaa walaalahayga soomaaliyeed muslinka ah meelkasta oo ay joogaan .
 
1. ilaahay xadhigiisa qabsada oo ku walaaloba diinta
 
2. culimadiina iyo waxgaradkiina gacan siiya oo meel uga soo wada jeesta mu,aamaraadka shaadhadhka kala duwan gashan ee ummadda loo soo maleegay.
 
 
3. diintu waa tii ilaahay soo dejiyay dadka sheegtaa se kama wada turjumaan ee dadkiina kala barta.
 
 
 
 
Sh.C/laahi Baashe
cbaashe@hotmail.com
 
———————————————————
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin dhibaatiyo wax makhluuqa kalla dilla,


xasuuqii galbeedka xaqdaro aan la qaadan karin[abiib timacade oo xabsiga loo taxaabay]CID oo hawlgal balaadhan wada‏,By: siciid cabdi dheen

$
0
0

Xasuuqa maatada iyo dadka aan wax danbiya gaysan  waxa ka masuula dawlada 
somaliland waana mid waajiba inay soo xidh-xidho  dadkii ku lug lahaa
ma soconayso habeenkasta sadex nin ayaa sida adhiga qoorta loo dheeraynayaa
ayadoon tii horeba laga bogsan maaha in hadana dad kale dhegta dhiiga loo daro
malaa ragan wax laynayaa meel kale ayay libin ka haystaan ee tani maaha 
mid maanta lagaa yeelayo.
 
Dadka kalmada xaqa ah waanu u sheegnaa waanu fahansiinaa midhkay ku qaldan yihiin
haduu jiro nin maanta  xaqa ka xishoonayaa asagay jirtaa  
dilkan maanta loo gaystya maatada  aan waxba galabsan hadii  wax laga qaban waayo
waxa dhacaysa in qofkastaaba caadaysto habeen mirka dadka la khaarajiyo[ caawana xagaynu mirnaa]
 
Waxa amaan gaara leh maamulka dawlada oo ilaa imika ashkhaas badan oo tuhunku soo galay
xadhiga u taxaabtay  la taliyha madaxwaynaha abiib timacade ayaa  xabsiga lagu hubsaday
ka dib marki kooxda CID dabagal ku sameeyeen tuhun badan oo soo galay 
 
waxa kaloo  ayaduna meesha taala in qof kastoo ku lug leh in la qabto sharcigana la mariyo
 
Hadaan hadalka si kale u dhigo waxa dhawaan dalka sweden laga dhigay mudaharaad 
ay mawaadiniinta dalkaasu ku taageerayeen maamulka soomaliland iyo in la aqoonsado
waxay dadkaasi sheegeen in s/land ay in badan nabad haysatay dimuquraadiyadna samaysteen
dalkana  doorasho xor ah oo xalaali ka dhacdo sida  wadamada reer galbeedkaba uga dhacdo
waxay muwaadiniinta reer sweden caalamka ka codsadeen in la aqoonsado s/land waxna lala
qabto
akhristoow waxa arinkan reer sweden ka mudaharaadeen sii xoojiyay markii dawlada masar
ay jawaab degdega ka bixisay ayadoo leh anaguna waanu taageerayna maamulka s/land
laga bilaabo maanta waxaanu  ka caawin doona wax kasta oo aanu samaynkarno.
 
Hadaba waayaabe mr abiib timacde iyo kooxda tuhunku galay ma qaar u adeegaya dano kalaa
miyaan halkaasi ahayn mid la qoonsan karo.
miyaan xaalku ahayn waxa jira dad la adeegsanayo oo ah  muwaadiniin u dhashay  s/land oo raba
in dalka qas laga abuuro caalamkuna idhaha ka leexiyo waliba sawir qaldan laga siiyo
waxaad moodaa in s/land lagu wado dagaal qarsoodiya oo si cilmiyaysan loo abaabulo
 
ugu danbayn
somaliland  waan hubaa in ay leedahay aqoon yahan  badan iyo rag ila fahmi kara halkaan ka hadlaayo
sidaa daraadeed waxa haboon in loo guntado dalka lagana hortago hagardaamooyinka iyo shirqoolka
lagu hayo shacabka somaliland iyo dawladnimadiisa iyo dimuquraadiyadiisa iyo aqoonsigiisa
markalana waxaan maamulka dawlada ka codsanayaa in shacabka somaliland u sinaado sharciga
waxaan idinku taageerayaa in aad xidhaan dhamaan gacan ku dhiiglayaasha iyo qaswadayaasha
dadka masaakiinta habeenkii miraaya.
wabilaahi tawfiiq
siciid cabdi dheen
dheen@live.co.uk
london
———————————————————
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin dhibaatiyo wax makhluuqa kalla dilla,

Hambalyo Meher wacan: Jaamac Cilmi Cabdi iyo farduus Ibraahin Siciid

$
0
0

anaga oo kala ah dadka  hoos ku qoraan waxaan hanbalyo iyo bogaadin udiraynaa
jaamac cilmi cabdi  
iyo farduus ibraahin siciid   oo maherloodu kadhacay magalada  burco  ee gobalka togdheer  gaar ahaan  hotel barwaaqo
05  12 2011 
1  keyse  cilmi  cabdi  
2 cawil   cilmi   cabdi 
3ciise   cilmi  cabdi
4aamin  cilmi  cabdi
5yurub cilmi  cabdi
6 khadra ismaciil ciise
7 hoodo ismaciil ciise
8 samiira ismaciil  ciise  
9 salebaan ismaciil  ciise
11  yasiin siciid cabdi  
12 mustafe siciid  cabdi 
13 muuse siciid  cabdi
14 abokor ibraahin faarax
15  ibraahin faarax cabdi
16 cismaan axmed jaamac iyo  xaskiisa
17 farxiya ibraahin siciid
18 cismaan ibrahiin siciid  iyo xaaskiisa 
19 yuusuf ibraahin siciid iyo xaaskiisa
20 jaamac ibraahin siciid  iyo xaaskiisa
21 ayaan ibraahin  siciid 
22  maxamed cabdi  siciid iyo xaaskiisa
23 aamina maxamed siciid iyo odaygeeda
24 deeqa salebaan maxamed iyo caruurteeda
25 caasha salebaan maxamed iyo caruurteda
26fadumo salebaan maxamed iyo caruurteda
27 busaad salebaan maxamed iyo carurtedasiciid salebaan maxamed iyo carurteda
28 siciid salebaan maxamed 
30 inma cabdi salebaan
31 xaliimo salebaan yuusuf iyo odaygeeda
32hibaaq ayaan bile iyo odaygeeda
33jaamal carab jaamac
34khadra maxamud osmaan
35 maxamed cabdilaahi colaad
36 sacad oday cabdilaahi 
37raxma cabdilaahi colaad 
38 nuura cabdilaahi colaad
39 farduus jaamac cali iyo odaygeeda
40 axmed ciise kaarshe iyo xaaskiisa  
41cismaan ciise kaarshe iyo xaaskiisa
42maxamuud maxamed ibraahin 
43 cabdirisaaq yusuf maxamed
44 cabdiqani maxamed diriye 
45cabrisaaq cabdlaahi kaariye'
46 maxamed nuur caBDI
47 maxamed jaamac aadan 
48 yuusuf ibraahin kabadhe
49 cali salebaan  ismaciil
50 siciid aadan maxamed
51mubaarik ismaciil jilaal
52 maxamed ayaanle da uud
53jamaal cadaan wayne
54 ruun axmed jaamac
dhamaan dadkan oo kla jooga aduunyada dacaladeeda  waxay hanbalyo  udirayaan jaamac cilmi acbdi  
iyo  marwo  farduus ibraain oo maherkoodu kadhacay magalada burco gaar ahaan hotel barwaaqo    

Ra’iisul Wasaare Prof Abdiweli ayaa soo gabogabeeyey booqashadiisii Kuwait soona gaaray Nairobi

$
0
0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo beryahan ku joogay booqasho rasmi ah dalka Kuwait ayaa si heer sare ah loo soo sagootiyey oo uu Ra;iisul Wasaaraha Kuwait iyo golahiisa wasiirada ay soo ambabixiyeen halkaas oo kaarbet guduuudan loo dhigay, isla markaana salaan sharaf ka qaatay cutubyo ciidanka Kuwait ka tirsan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa [...]

Kulamada Champions League, Kooxaha Ingiriiska oo qal-qiil ku jira

$
0
0

Waxaan halkan ku eegeynaa kooxaha ka dhisan dalka Ingiriiska oo saddex ka mid ah qilqiil ku jirta sanadkan sidii ay wareega hore ugaga soo gudbi lahaayeen champion Leauge. Kooxda Man City ayaa garoonkeeda ku martigelinaysa kooxda Bayern Munich iyadoo maanka ku haysa in ay ka badiyaan naadigan finalkii soo istaagay tartanka horyaalka Yurub ee 2010-2011, [...]

Hey’adaha Ammaanka Dowladda oo dood kulul ka leh qaabkii uu ka dhacay qaraxii Gaarigii KM4 (Warbixin)

$
0
0

Hey’adaha Ammaanka Dowladda ayaa kulamo xasaasi ah waxaa uga soconaya Magaalada Muqdisho, iyagoo si gaar ah wax isaga weydiinayay qaraxii galabta dadka ay ku dhinteen ee ka dhashay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo markii hore Ciidamada Dowladda ay qabteen. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Saraakiisha Dowladda ee kulanka ka qeyb galaya ay [...]

Waraysi: Shacabka Xalaasha SSC iyo Hoggaanka (Maamulka) SSC

$
0
0

Waa qayb kale oo ka mid ah waraysiyadii taxanaha ahaa ee hoga-tusaalaynta qaybaha kala duwan ee bulshada SSC, qaybta tan xigta waa shacabka xalaasha ah iyo Hindida hareeraha u shaqo tagtay….la soco
 
Maadaama shacabka xalaasha SSC iyo maamulkoodu ay si aad ah ay isagu dhowaayeen warna isku seegganayn ayaa warasigoodani yahay mid aad u kooban oo dhawr arrimood oo muhiim ah uun taabanaya. Waraysigiina wuxuu u dhacay sida soo socota:
Shacabka Xalaasha SSC
: Hadal badan dan baa dhaantee, waxaad noo sheegtaan waxa aad ku soo kordhiseen deegaanka Dhulbahante iyo waxa aad qabateen?
Maamulka SSC (Hoggaanka
): Waa su’aal wanaagsan aanu filayno in dhammaan shacabka SSC ay jawaabteeda wada garanayaan. Si kooban haddaanu jawaabta u dhigno, cidina ma dafirsana in iyadoo Dhulbahante gumoobay oo magaciisa iyo jiritaankiisu ku dhow yahay in la yidhaado beri ayaa waxaa jiri jirey reer Dhulbahante la yidhaahdo ayaa la yagleelay Maamulka SSC. Dhismaha Maamulka SSC ayaa la og yahay inuu keenay waxqabad baaxad weyn muddo kooban, taasina ay wax badan ka beddeshay xaaladdii quusta ahayd ee dadka iyo deegaanka SSC, mar kalena soo noolaysay rajadii, karaamadii, taariikhdii dhaxal-galka ahayd, iyo magacii weynaa ee deegaanadan iyo dadkiisa. Waxaana maamulka iyo shacankiisu wadajir u xaqiijiyeen guulo la taaban karo ayadoo SSC dib khariidada Soomaaliyeed, geeska iyo dunidaba dib uga muuqatay, doorkeedii ay u qalanteyna ay xejisatay
Shacabka Xalaasha SSC:
Waa maxay waxa aad is odhan kartaan waa idinka khaldameen ama waa idinku adkaatay inaad qabataan iyo sababaha keenay?
Maamulka SSC (Hoggaanka):
Marka hore dal iyo dad habar dugaag dam ka siiyey oo loo tashaday oo wax yari ka sii riiqriiqayo ayaanu dhegahiisa qabanay, idinba waa fahmi kartaan baaxadda dhibaatada ku gudban wax-ka-qabashadeeda, waxaase aan odhan karnaa muddada koobnayd aanu hawsha wadney guulaha la gaadhay gudo iyo dibedba SSC waa mucjiso (miracle) waana mid ka dheeraysay waxa u qabsoomay maamul beeleedyada hareeraha inaga xiga ee mudada dheer soo dhisnaa (in proportion terms). Si kastaba ha ahaatee, muddadu waa nagu yarayd oo dal dhisan oo nabad ah ayaa madaxda la doorto la siiyaa 4-5 sannadood si ay u helaan fursad ay wax ku dersaan waxna ku qabtaan iyadoo ay dhici karto ilaa laba sano iyo dheeri ay ku dhaafto inta ay ka ogaanayaan xaaladaha jira iyo dhigidda qorshayaal wax qabasho. Ta kale meeshu waxay ahayd meel isku bislaatay, dayac ka dhergey oo belaayo kala dillaashay oo kala iibsatay oo meel laga soo galo iyo meel laga bilaabo ay adkayd inaad garato. Waxaa intaa dheer in meeshii la taabtaaba soo ruqaysey oo dhawaaca ku yaallaa isku humbuluuluqay oo kuwii madax meel la salaaxo ugu sarreeyey ahaa ugu sii darnaayeen. Marka shacabka xalaasha ahoow dee idinba cidi arrimahaas idiin sheegimayso
Shacabka Xalaasha SSC:
Waxaas oo dhan waynu isla ognahaye idinka waajibkiinii maxaad gabteen ama gudan kari weydeen weeye su’aashu ku soo dhowaadoo, madaxduna ma fekerto marka la doorto kaddibe waxay la timaadda barnaamijkeeda wax-qabad doorashada ka hor ‘political plat form’, idinkuse ma waxaad doonayseen inaad marka la idin doorto ku dul fekertaan oo bal eegtaan waxaad qaban kartaan?
Maamulka SSC (Hoggaanka):
Waayo aragnimo yari waa jirtey iyo duruufaha oo aad u adkaa, waxaanuse ku buuxineyney dadaal badan iyo daacadnimo. Waxaa jirey in magacaabidyo xilal muhiim ah aanu samaynay dhinaca fulinta iyo kuwii Isimadu sameeyeen ee khusuusida ay labadaba ku soo dhuunteen qaar aan barakaysnayn oo lugta na jiiday, waxaase la yidhi hangaraarac lug uma dhutiyee wax badan nama yeelin oo taageerada shacabka xalaasha ayaa wax kasta ka weyneyd
Shacabka Xalaasha SSC:
Ma is leedihiin waxa SSC u qabsoomay ilaa hadda wax ka badan ayaa la gaadhi lahaa oo sidii la doonayey ugama aydnaan faa’iidaysan taageeradii iyo imkaaniyaadkii aad ka hesheen shacabkiina?
Maamulka SSC (Hoggaanka):
Ma doonayno inaanu shacabkayaga karaamaysan ugu maahmaahno “habar ama oday fadhiya legdini la fudud”, hasayeeshee waxaanu qabnaa wax lagu faano oo la taaban karo “solid achievements” aynu ku talaabsanay wakhtigii yaraa ee curdanka ahaa. Dhab ahaanna suuragal waa ahayd in intaa laga sii ballaadhiyo waxqabadka iyo guulaha
Shacabka Xalaasha SSC:
Haddii aad gadaal eegtaan oo ay dhici lahayd inaad taagan tihiin meeshii aad ka soo bilawdeen maxaad ka beddeli lahaydeen sidaad u shaqaynayseen? In other words, what would you have done differently?
Maamulka SSC (Hoggaanka): H
aykalka maamulka ayaanu dhammaystiri lahayn bilawgiiba sida gole wasaaradeed oo buuxa, dhismaha ciidanka, tayayntiisa, iyo hawlgalladiisa ayaanu xoojin lahayn, maxkamad ciidan oo la xaasha wixii carqalad ku ah halganka xoraynta ayaanu samayn lahayn aan cidna u aabbo yeelayn. Sidoo kalena dhaqaalaha maamulka ayaanu isna ballaadhin lahayn xoog dheeraad ahna sari lahayn iyo jaan-goynta miisaaniyadeed ee maamulku yeelanayo annagoo ay ahayd inaanu isu dheellitirno dakhliga iyo kharashaadka waayo waa furaha adeegyada ummadda loo qabanayo
Shacabka Xalaasha SSC:
Ma la odhan karaa shacabka SSC isagaaba hawlihii maamulka laga doonayey inteeda badan qabanayey oo idinka dheeraynayey, mid dooda, mid wax qora, mid wax bixiya, mid dabbaal-dega iwm?
Maamulka SSC (Hoggaanka):
Shacabku waa run oo waa dadaalay, hasayeeshee dhabtu waxay isugu biyo shubanaysaa waa jeebka, jeebkana waa ta la yidhi Dhulbahante hadduu gacantaba geliyo mas baa u fadhiya oo ka qaniina. Sidaadarteed annagu xaggiina ayaanu wixii baaqday u tirinaynaa, waaya-aragnimo yarida na haysateyna waxoogaa saamayn ah waa lahayd, waase mid wakhtiga socda lagaga bixi lahaa
Shacabka Xalaasha SSC:
Wax qabad waa meeshiise, xagga abaabulka iyo wacyi gelinta (organization and mobilization of the masses) ma u eg-tahay in qolada G6 ay ka muujiyeen rug-caddaanimo siyaasadeed iyo aqoon dheeraad ah oo la xidhiidha dhaqanka Soomaaliyeed?
Maamulka SSC (Hoggaanka):
Xaqiiqdii cid ka abaabul badan SSC ma jirin oo waa kuwii shacabka SSC dunida oo dhan kaga gariiriyey, beelaha jiiraanka ah ee damaca waalanna nakhaska ku dhejiyey kana hufay dhulkoodii intii badnayd. G6-na waxaanu ku siinaynaa A+ dhinacaas aad tilmaanteen. Arrinkuna ma aha hebel ayaa abaabul wanaagsan, waxa weeyaan shacabka SSC isagaa ewelba dhistay maamulka SSC, is-abaabulayey, halgamayey, yool uu higsado samaystay, haddii ay maanta G6 oon weli la hubin biya-dhacooda (waxaan ka ahayn beesha ayaa tashanaysa) u rixinayaan annagu kama horjoogno waana fiican tahay in midho gunti ku jira aan loo daadin kuwo geed saaran. Ugu dambayn (at the end of the day) shacabka rabitaankiisa ayaa meel maraya oo haddii ay ku qallajisanayaan inay ka war doonaan G6 talada ay waddo ee keenayso shacabku ha soo tijaabiyo, shacabku isagoo go’aanka leh haddana mar walba saxa ma doorto waxaa jira marar uu khalad doorto (uma jeedno G6 hawlaha ay waddo waa khalad), cidi isma hortaagi karto shacabka rabitaankiisa xataa haduu khaldamowuxuu ka helaa waaya-aragnimo. Annagu waxaanu leenahay keliya talada wax baanu ku leenahay ummadda iyo deegaankana masuuliyadeeda ayaa na saaran ilaa hadda ee ugu yaraan xitaa haddii xilka nala-kala wareegayo dariiq saxa ha loo maro oo ixtiraam leh (respectful)
Shacabka Xalaasha SSC:
Hadda ma waxaad na leedihiin shacabka SSC meeshii durbaan laga tumaba oo ciyaar laga oogo waa ku yaacayaan, haddii Isaaq tumo, haddii Majeerteen tumo, haddii mid SSC la tumo, haddii G6 tunto, iyo haddii kuwa kale la garaacaba? Shacabkan labada sano iyo bilaha uun soo jeedey, ma waxaad leedihiin xaalkiisu waa ninkii laga yara fiicnaa ee intuu lumay haddana la helay oo lagu farxay helitaankiisa ee dadkii weydiiyey maxaa lala faraxsan yahay? Ee lagu yidhi dee helitaankaaga, isaguna intuu iyagii la yaabay ugu jawaabay “oo maxaa la igaga rarayn berriba waan lumiye”, arrinkayagu ma sidaa baa oo wax kastoo la dhisay iyo wax kastoo gacanta lagu hayey waa qubayaa shacabka SSC, Dhulbahantena waa hanfade iska ordaya miyaa?
Maamulka SSC (Hoggaanka):
Maya, uma quudhno shacabkayaga tilmaantaas, waxaanse ka shakisan nahay in intii SSC ka soo horjeeddey isku urursadeen barnaamijka khaatumo iyadoo daacadnimada G6 aannaan shaki gelinayn, balse loogu soo dhuumanayo beeshu “square one” dib ha ugu noqoto oo G6 laftooda ay dhici karto in waa ku beryo, waxaana aanu doonaynaa in G6 ay feejignaadaan oo xisaabtu ka gedman
Shacabka Xalaasha SSC:
Waxaa jirta su’aal uu Shacabka SSC ku ciil qabo dibnahana la qaniinayo, waxay tahay waxaa la leeyahay G6 waxay doonayaan in si nabad gelyo ah SNM kaga baxdo deegaanada SSC ay gardarrada iyo baadilka ku joogaan, dinka waayo-aragnimadiina ma idinla tahay in taasi suuroobayso oo baryo iyo fudayd ay SNM xamaanteeda u raranayso? Sidoo kalena G6 haddii laga diido qorshahaas maxaa uga meel yaalla?
Maamulka SSC (Hoggaanka):
Waa su’aal dahab ah, kolley waa ogtihiin annaga, waxgaradka, iyo hoggaanka dhaqankuba arrintaas kala quusanay reerka gooni-goosadka ah, waana arrin fiican oo Bani-aadanimada, Islaamnimada, Soomaalinimada, iyo derisnimadaba ku wanaagsan, badbaadana u ah cid kasta. Su’aashaasna waxaa fiican inaad toos u weydiisaan G6
Shacabka Xalaasha SSC:
Wax ma akhridaan mana la socotaan wararka iyo faallooyinka idin khuseeya kuna soo baxa warbaahinta xalaasha SSC?
Maamulka SSC (Hoggaanka):
Saxaafadda Xalaasha SSC waaba isha ugu weyn een wararka kala socono
Shacabka Xalaasha SSC:
Ma aragteen sida saxaafaddeena xalaasha ahi u bislaatay ee iyagoo idin taageersan haddana u soo bandhigayaan ra’yiga la idinku dhalliilayo ama la idinku toosinayo?
Maamulka SSC (Hoggaanka):
Hambalyo ayaanu leenahay saxaafadda Xalaasha SSC, arrinkaasina wuxuu qayb ka yahay horumarka ay gaadhay SSC, waxaanu ku boorrinaynaa in bisaylkaas la sii xoojiyo oon fikirna la cabudhin waayo taasaa maslaxaddu ku jirtaa iyo in la helo talo kaa qarsoon oo saliim ah, fikirka qalloocanina meel gaadhi maayo ee loo badheedhayo ama garaadka qofkiisu sidaa yahay. Waxaanu doonaynaa annagoon ku tiigaalayn in aanu yara iftiimino siduu u khaldan yahay fikirka dadka ku doodaya haddii maamulka SSC shirka khaatumo kaga soo qayb galo maamul ahaan maxaa u diidaya dhulabahantaha la socda maamullada beelaha hareeraha inay kaga soo qayb galaan iyana maamul ahaan? Fikirka caynkaasi waa mid aad u liita waana mid doonaya inuu simo rabitaanka aqlabiyadda shacabka SSC iyo xayn yaroo awr kiraale fara-ku-tiris ah oo u adeegta dano shisheeye, wax suuroobayana ma aha haba-yaraatee. Middeeda kale ha illaawina Soomaali weligeed dimoqraadi ayay ahayd waxna la isuma qarin jirin hadal, dood, hees, gabay, buraanbur, iyo sheeko, iyo saxaafadda casriga tii la doonaba fikirka kala duwan ha la isugu gudbiyee iyo innagoo intaa ku darsanay khibradda caalamka reer galbeedka oo in badan oo inaga mid ahi leedahay waaya-aragnimadaas. Markaa mar labaad saxaafadda xalaasha SSC waanu bogaadinaynaa
Shacabka Xalaasha SSC:
Maxaa hawl ah oo immika maamulka SSC uu wadaa, waxaad mooddaa in sanqadhiinu aad u yar tahaye?
Maamulka SSC (Hoggaanka):
hawlo badan ayaa socda
Shacabka Xalaasha SSC:
Wax ma nooga sheegi kartaan hawlaha socda, shacabku wuxuu leeyahay iska daa hawl socotee, xataa war saxaafadeed qoraal ama af ah ayaan la idinka hayn ood mooddaa sidaanu idiinka soo baxayn in jidhkiina laga soo jarayo kana baqaysaan xanuunkiisa?
Maamulka SSC (Hoggaanka):
Hawluhu waa badan yihiin dhakhsana waa u maqli doontaan kuwo badan aad ku faraxdaan
Shacabka Xalaasha SSC:
Shirka khaatumo 2 maxaa idiinka qorshaysan?
Maamulka SSC (Hoggaanka):
Arrinkaa waxaanu xidhiidh aan laga daalin kala samaynaynaa guddida aqoonyahanka G6, waana ku rajo weyn nahay in go’aan shacaka xalaasha SSC ku farxo una cuntama ay ku dhammaato
Shacabka Xalaasha SSC:
Ballankaa inaad si fiican oo dhakhso leh u oofisaan ayaanu idinku adkaynaynaa ee maxaanu idinkaga talo gallaa?
Maamulka SSC (Hoggaanka):
Waa ballan………
 

wafdi Uu Hogaaminayo Islaan Bashiir Islaan Cabdile Oo Maalinkii Saddexaad Kugan Deganka Bookh Ee Simaamulka Soomaalida Itoobiya

$
0
0

Wafdi balaaran oo hogaaminayo Islaan Bashiir Islaan cabdile ayaa waxaa ay maalinkii Sadexaad ku sugan yihiin deegaanka Bookh Ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiyaha waxaana uu kulamo la qaadanaya masuuliyiin ka soo jeeda deegaanka Bookh & xubno kamida dadka deegaanak.
Waxaa kamida xubnaha wafdiga nabadoono cuqaal culma awdiin & nadoono caan ka ah dhamaan qayiga gobolka mudug waxana wafdigana ay sido kale la kulmi doonaan maamulka  deegaanka waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in Islaan bashiir ka qayb gali doono furitaanka goobo waxbarasho oo deegaanka laga furayo.
Dhanka kale majiraan warar faah faahsan oo laga helayo deegaanka oo aan wali gaarin aalada isgaarsiinta aawadeeda waxaanse faah faainta kusoo dari doonaa wararkeena danbe.
Galgalanews Gaalkayo
C/salaan Jimy


ICRC Oo Wax Laga Xumaado Ku Tilmaamay Duqeyn Lagu Qaaday Degmada Baardheere

$
0
0

Nairobi (RBC) Hey’adda ICRC ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay waxa ay ku cambaareysay gantaalo ay diyaarado dagaal u geysteen Sabtidii goob lagu quudiyo hooyada iyo dhallaanka oo ku taalla magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.
ICRC waxay duqeyntaas ku tilmaantay mid lagu soo beegay xilli ay cunno-yaraan ka jirto degmadaas, sidoo kalena ay baqdin ku abuurayso dadka halkaas ku nool oo la daalaa-dhacayay cunno yari.
“Waxaan ka walaacsannahay xalaadda degmada Baardheere,” ayuu yiri Pascal Mauchle oo ah madaxa Soomaaliya ee hay’adda ICRC, isagoo sheegay in duqeyntu ay sababtay in dhaawacyo ay gaaraan xarunta quudin ee Baardheere.
Hay’adda ICRC ayaa waxay ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku hardamaya dalka Soomaaliya inay xushmeeyaan howlaha hay’adaha gargaarka ayna xaqiijiyaan sidii loo nabadgelin lahaa shaqaalaha samofalka iyo shacabka, taasoo qayb ka ah axdiyada caalamiga ah ee dunida u yaalla.
“Duqeyntan waa mid aad nooga walaacisay waayo waxaa lagu soo beegay xilli la billaabay in la quudiyo dadka nafaqo-darro ay soo ritay,” ayuu yiri Mauchle. Sarkaalku kama uusan hadlin khasaaraha nafeed ee duqeyntu ay geysatay.
ICRC ayaa waxa ay sheegtay in hay’adda Bisha Cas ay Baardheere ku caawiso dad barakacayaal oo ka soo qaxay deegaannadoodii, ayna mudan tahay in taasi looga mahadceliyo.
Ugu dambeyntii, gantaallada ku dhacay xarunta Bisha Cas ee degmada Baardheere iyadoo aan cidna wax ku noqon ayaa haddana waxaa waxyeello gaartay xafiisyada iyo goobaha dadka lagu guudiyo.
Baardheere waxa ay ka mid tahay 10-magaallo oo dowlada Kenya ay sheegtay in ay duqeen doonto halkaas oo ay maamulaan Al-Shabaab oo dagaallo kula jira ciidamada Kenya ee ku sugan koonfurta Soomaaliya.
RBC Radio
——————–
Xafiiska Wararka Nairobi

G6 oo tacsi udiraya Reer cali shire , soona jeediyey in dib loodhigo shirka asbuuc

$
0
0

Annaga oo ka murugaysan geerida tiiraanyada leh ee ku timid marxuum Jamac Cali Shire iyo marxuum Mubaarak Salax Cali Shire..
waxan tacsi u’diraynaa dhammaan ree Aw Cali Shire meel kasta oy joogaan annaga oo Ilaahay uga baryeyna in marxuumiinta uu jannaddisa firdowsa ka waraabiyo, qoyska iyo ehelada kale ay ka geeryoodeenna samir iyo iimaan ka siiyo”.
Waxaan ku baaqaynaa in isimada, cuqaasha iyo waxgaradka beeshu degdeg arrinta gacanta ugu qabtaan. Isla markaas si gogosha geerida iyo tacsida loogu helo wakhti, waxan talo ku soo jeedinaynaa in furitaanka shirka Khaatumo 2 dib loo dhigo muddo todobaada.”
Gudida Fulinta Khatumo 2
CONDOLENCE AND PROPOSED PERIOD FOR PRAYERS AND REFLECTION
” The preparations for the Congress of the Beesha Dulbahante scheduled for the 19th of December are impacted by the unfortunate loss of life in the environs of the venue – TALEH. We wish to send our heartfelt condolences to the families and friends of those that lost their lives ( RER AW ALI SHIRE around the Globe) and those that were injured. We urge that the community reflect on this development and that those directly culpable face traditional justice.
In these circumstances, we propose that the Beesha Dulbahante secure the venue of the meeting without further delay. We also recommend that the formal start of the Congress be delayed by one week, and that the community use this period, together with Ulimada Beesha, for prayers and “ALLA Bari”.

Xulka Ciyaartoyda Qaranka Gobolka Mudug Ou diyaara Kaqayb Galka Ciyaaraha Dhawan Garawe Ka Furmaya

$
0
0

Naadiga Xulka Qaranka Gobolka Mudug ayaa waxaa ay ku jiraan gababada udiyaargrawga ka qayb galka ciyaaraha Gobolada Puntland waxaana hada udhamaan rabta almiitada ay kusameeyaan Garoonka weyn ee cawaale ee Magaalada Gaalkacyo waxaana xulka ay yihiin kuwa xiligaan diyaar ah.
Macalinka xulka qaranka Gobolka mudug ayaa waxaa shabakada Galgalanews usheegey inay gabagaba u marayso udiyaar garawga ka qayb galka ciyaaraha gobolada Puntland waxaana uu sheegey inay haystaan ciyartoy ay ku kalsoon yihiin guuulna ay ka rajaynayaan ciyaaraha inay kasoo hoyinayaan.
Xulka qaranka gobolka mudug ayaa waxaa xiligan macalin u ah wiil da yar iaydoo ay magaalada jogaan macalimiin badan oo khibrad dhanka ciyaaraha ah u leh mudo 30 sanaa lamana oga sababta uu gudoomiyaha ciyaaraha gobolka mudug kusoo xulay macalinka da,a da yar.
Xulka ayaa waxaa xiligan ay diyaar u yihiin ka qayb galka xiyaraha waxana ciyaartoy dhalin yar hadan leh xirfad ciyaareed ku filian ugana qayb gali karaan  una babac dhigi karaan naadiyada kale ee ka imanaaya gobolada kale ee puntland.
Galgalanews Gaalkacyo
C/salaan Jimy

Shiinaha Oo Ku Dhawaaqay In Uu Door Ka Qaadan Doono Dib Udhiska Dalka Soomaaliya

$
0
0

Muqdisho (RBC) War Murtuyeed ka soo baxay xafiiska arrimaha dibada Shiinaha ayaa si weyn loogu soo dhaweeya Booqashadii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midooban Baan Ki-Moon uu ku tagay Magalaada Muqdisho.
Shiinaha ayaa sheegay in door weyn uu ka qaadan doono dib udhiska dalka Soomaaliya sidaas waxa shaagay afhayeen u hadlay wasaarada arrimaha dibada.
Liu Weimin oo ah afhayeen u hadlay wasaarada arrimaha dibada Shiinaha ayaa u sheegay wargeeska Daily Press in tallaabo horumar leh ay tahay booqashadii uu dhawaan ku yimid xoghayaha guud ee QM uu ku yimid magaalada Muqdisho.
“Waxa aan siin doona dareenka xaalada Soomaaliya,” isagoo intaas ku daray Mr.Liu Shiinaha in uu rajeenaayo Soomaaliya in ay bixin doonto xiliga KMG iyo nidaam la’aanta la hartay, iyadoo yaqiinsandoonta sida ugu dhaqsiyaha badan in ay ku istaagdo wadada nabadda.
Xoghayaha guud ee QM Banki-Moon ayaa jimcihii horre booqasho taarikhi ah ku yimid caasimada Muqdisho, muddo 18-sano.
Bankii Moon ayaa sheegay in QM ay xafiiskeeda siyaasada loo soo guurin doono bisha dambe muqdisho, ka dib markii uu arkay xaaalda nabad-galyo ee caasimada oo uu sheegay in si tartiib ah ay ku soo noqoneyso.
Bankii Moon waa masuulkii sarre ee soo booqada Muqdisho tan iyo sanadkii 1993-xilligaas oo uu yimid xoghayihii hore Butrus-Butrus Khaali.
RBC-Radio
————
Xafiiska Wararka Nairibi

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Kenya, kuwa Dowladda iyo Al-Shabaab ku dhex maray Taabto

$
0
0

Wararkaka imaanaya deegaanka Taabto ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda KMG, Kenya iyo Al-Shabaab uu xalay ku dhex maray deegaankaas. Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaan si dhab ah loo ogeyn qasaaraha uu geystay, hasea haatee waxaa uu ahaa weerar xoogan oo Al-Shabaab ku qaadeen fariisin ay kaga sugnaayeen [...]

Dagaal-yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo u gacan gallay Ciidamadda Dowladda Kenya

$
0
0

Dagaal-yahano lagu tuhmaayo inay ka tirsan yihiin Xarakada Al Shabaab, ayaa waxaa maanta gacanta ku soo dhigay Ciidamadda Dowladda Kenya ee ku sugan Gobolka Jubbada Hoose.
Ciidamadda Dowladaha Kenya, Soomaaliya iyo Raaskambooni, ayaa waxay maanta hawl-gallo balaaran ay ka sameynayaan deegaanka Taabto, kadib markii Xoogaga Shabaab ay xalay ku soo qaadeen dagaalo xoogan.
Ciidamadda Dowladda Kenya ayaa waxay suurta-gelliyeen inay gacanta ku soo dhigaan dagaal-yahano looga shakiyay Shabaab inay ka tirsan yihiin, isla-markaana waxaa laga xir xiray gacmaha.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaal-yahanadaan loo-qaaday Degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose, si loogu sameeyo baaritaano balaran, maadaama looga shakiyay inay ka tirsan yihiin Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ee ka dagaalama Gobolada Jubbooyinka.
Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in hawl-gallada maanta ka soconeysa deegaanka Taabto ay tahay mid balaaran, waxaase dhici kareysa inay gacanta ku soo dhigaan rag kaloo hor leh, oo Shabaab lala xiriirinaayo.
Inta badan Xarakada Al Shabaab ayaa waxay dagaalo ku qaadaa Ciidamadda Dowladda Kenya ee ku sugan Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, waxaana labada dhinac soo kala gaaray khasaarooyin kala duwan.
Wixii kusoo kordha kala soco wararkayna dambe.

Panetta: Djibouti critical to US terror fight

$
0
0

U.S. Defense Secretary Leon Panetta said Tuesday that U.S. operations against al-Qaida are now concentrating on key groups in Yemen, Somalia  and North Africa.
Panetta said efforts against the al-Qaida  affiliates depend on American partnerships with countries like Djibouti. The military base in this tiny port nation in the Horn of Africa is the launch point for U.S. drones used for intelligence, surveillance and,  at times, strikes against insurgents in terror hotspots.
Panetta  told troops stationed at the base that he will visit Libya, becoming the first Pentagon chief to travel to the embattled country, which is  emerging from an eight-month civil war.
He said he will also  travel to Iraq in the coming days for a ceremony that will shut down the U.S. military mission there after nearly nine years at war.
As  the U.S. winds down operations in Iraq and begins its methodical  withdrawal from Afghanistan, the U.S. military has increasingly focused  on Africa — particularly the north, where insurgents have found  sanctuary.
“It’s fair to say that the United States is intent on  going after al-Qaida wherever they locate, and making sure they have no  place to hide,” said Panetta, who is making his first trip to Djibouti.
A key U.S. ally in this region, Djibouti has the only U.S. base in  sub-Saharan Africa. It hosts the military’s Combined Joint Task  Force-Horn of Africa.
U.S. officials have acknowledged that as the threat from core al-Qaida leaders in Pakistan declines — largely due to U.S. strikes that have killed insurgents or kept them on the run — affiliated groups in Africa and Yemen have taken on more active and  dangerous roles.
The worry is that militant groups — including  al-Shabab in Somalia and al-Qaida in the Arabian Peninsula in Yemen — operate out of safe havens in undergoverned spaces.
“Our goal is  to make sure that wherever they go, we go after them and make sure that  they are not able to ever develop the kind of planning that would  involve attacks on our homeland,” Panetta told reporters traveling with  him.
Militants based in Somalia and Yemen have been at the heart  of a number of deadly terror attacks in the region, and several  near-misses in the U.S.
The Somalia-based al-Shabab, which is  linked to al-Qaida, unleashed twin bombings in Kampala, Uganda, that  killed 76 in 2010. The group is particularly worrisome because it has  recruited dozens of Somali-Americans, particularly young men, to travel  to Somalia and take up the fight.
On Christmas Day 2009, a  Nigerian man tried to blow up an airliner over Detroit during a flight  that originated from Lagos, Nigeria.
U.S. and European officials  also worry that al-Qaida in the Islamic Maghreb — which operates in the  west and north of Africa — is working to establish links with al-Shabab  and the Nigerian group Boko Haram.
Panetta met with Djibouti  President Ismail Omar Guelleh as well as some of the roughly 3,000 U.S.  troops that are based here, conducting counterterrorism, counter-piracy  and humanitarian missions.
U.S. defense officials said Djibouti is planning to deploy some troops to the Somalia mission, joining forces  from Uganda and Burundi who are working to push al-Shabab back,  particularly from key areas around the capital region.
Panetta’s  plan to visit Libya comes amid ongoing violence there, including recent  clashes between revolutionary fighters and national army troops near  Tripoli’s airport.
Panetta said Libya reflects the ongoing changes in the region after the Arab Spring, and said the U.S. wants to help  Libyans move in the right direction as the people take back their  country. With military assistance from the U.S. and NATO, Libyans ousted and later killed longtime leader Moammar Gadhafi earlier this year.
Tuesday, December 13, 2011


Turkish Red Crescent sheltering 10,000 Somalis in Mogadishu

$
0
0

A Turkish tent city is  providing shelter for almost 10,000 Somalis in Mogadishu, the head of  Turkish charity the Red Crescent’s (Kızılay) delegation to Somalia told  the Anatolia news agency on Monday.
Safak Lostar said almost 10,000  Somali people are staying in 1,700 tents set up in the Somali capital of Mogadishu. “We will raise the total number of tents to 2,000 in the  coming days,” Lostar told Anatolia.
Tuesday, December 13, 2011
Lostar said Kızılay is meeting the food needs of Somalis in the  temporary encampment. The Turkish aid group has also set up water  distribution points and toilets at the tent site, Kızılay’s head said.
According to Lostar, a mobile bakery set up at the tent city is  producing 16,000 loaves of bread a day, and the charity is cooking and  distributing hot meals to 10,000 people each day as well.
Somalia is struggling with one of the worst droughts in the past 60 years.
The epicenter of the drought lies on the three-way border shared by  Kenya, Ethiopia and Somalia, a nomadic region where families heavily  depend on the health of their livestock.
Tens of thousands of people have so far been displaced due to the humanitarian situation in the region

4320 Qoys oo Xukumada Silaanyo dejinayso Semaal iyo nawaaxigiisa

$
0
0

Gabiley(Saylac.com)- Xukumada Silaanyo ayaa wada qorshe dad lagu dajinayo degaanka Seemaal . Qorshahan oo hadda ka hor uu watey Taliyihii ciidamada Somaliland Nuux Taani oo ay wada shaqayn buuxda lahaayeen niman Tijaar ah oo dibada ku maqan ayaa waxa uu bilawday ka dib markii xukumadii Dahir Rayale ay gobolka siisey degmada Gabiley. Masuuliyiin xog ogaal ah oo saxaafada u waramay waxay sheegeen in sababta kaliya ee Nuux Taani shaqada uga tagay ay ahayd in xukumada Silaanyo fuliso qorsha u isagu watey oo ahaa in 4320 qoys la dejiyo degaanka Seemaal iyo Nawaaxigiisa .
Maanta waxa Gabiley ka bilawday wajigii hore ee mashruucan dejinta waxana lagu bilaabayaa 70 qoys o hadda ka hor ka yimid Harta Sheekha .
Hoos ka daawo shirka Jaraa’id ee dadka dejinayo Seemaal

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo markii u horeysey ka hadlay dhacdadii Baarlamaanka

$
0
0

Rome(Puntlandi.com) Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aaden oo waraysi siiyay Idaacada VOA ayaa sheegay in kooxdii xildhibaanka ahayd ee sheegay inay xilka ka qadeen inay yihiin kuwo dambiilayaal ah, wuxuu yirir “Koosdaan intay isasoo urursadeen jabsaday albaabka baarlamaanka waa dambiilayaal dowdo wada”. wuxuu sheegay inuu isagu yahay Gudoomiyaha sharciga ah.
Mar waxlaga waydiiyay Qoraalkii madaxweynuhu kasoo saaray arintaan wuxuu Gudoomiyuhu sheegay inuusan arag qoraalkaas, balse mar wariyihii waraysanayay u akhriyay   hadalkii madaxwaynaha ee ahaa  dhacdadaan  kuma cusubtahay baarlamaanka, wuxuu shariif Xasan sheegay inuu taas diidanyahay wuxuuna yiri “Arintaan waaku cusubtahay baarlamaanka in koox fowda wadaa ay qasaan Baarlamaanka sharcigana jabiyaan.”"
Mar wax laga waydiiyay tirada aysheegteen xildhibaanada Xilka ka xayuubshay oo ahayd 280 wuxuu yiri Shariif Xasan “Xildhibaanada waa la isyaqaan labo boqol iska daaye boqol xitaa ma dhamayn ”
kala soco Puntlandi.com wixii soo kordha khilaafka Baarlamaanka
Puntlandi.com
post@puntlandi.com

Shirka Gollaha Wasiirrada oo looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin Shirka Wada tashiga

$
0
0

Muqdisho, Khamiis, Dec. 15.2011——-Golaha Wasiirada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa iyadoo shirkani uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxaana shirkan looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ugu horeysay xoojinta Amniga dalka, gaar ahaana caasimadda, Waxqabadka Xukuumada, Miisaaniyad sanadeedka, Shirka Wadatashiga ee lagu wado inuu ka dhoco Garoowe iyo warbixin halka uu marayo gargaarka barakacayaasha.
Ugu horeyntii shirka waxaa lagu dhegeystay warbixin la xiriirta Amniga magaalada Muqdisho iyadoo hay’addaha Qaabilsan amniga ay sheegeen in Amniga Muqdisho uu ka soo reynayo ayna ku guuleysteen ka hortaga falalkii qaraxyada ahaa ee lala beegsanayay goobaha shacabku ku badan yahay, waxayna xuseen inay fashiliyeen qaraxyo iyo Miinooyin lala damacsanaa in lagu dhibaateeyo hay’addaha dowladda iyo shacabkaba.
Sidoo kale, madaxda Amnigu waxay xuseen howlgalo ay sameeyeen ciidamada Amaanku inay ku soo qabqabteen dad lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen Amni xumida. waxayna tilmaameen inay dadkaasi ku jireen kooxo burcad ah oo dadweynaha dariiqyada u istaagayay kuwaasoo ka dhacayay Mobile-lada iyo waxyaalaha muhiimka ah ee ay wataan.
Sidoo kale, Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo bandhigtay Miisaaniyada sanadka 2012-ka iyadoo ay Miisaaniyadan xooga ay ku saartay Wasaaraddu sidii loo yareyn lahaa ku tiirsanaanta deeqaha dibadda ka yimaada, xooggana loo saari lahaa ku tashiga dakhliga gudaha iyo canshuuraha Berriga.
Sidoo kale, golaha Wasiirada waxay ka hadleen waxqabadka Wasaaradaha iyadoo Wasaarad kastana ay sharaxaad ka bixisay waxqabadkeeda afartii bilood ee la soo dhaafay, Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay Wasiirada in Wasaarad kasta qiimeyn lagu sameyn doono waxqabadka iyo horumarkeeda laguna abaal marin doono.
Dhinaca kale, Golaha Wasiiradu waxay ka wadahadleen shirka lagu wado inuu ka dhoco magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, waxaana Ra’iisul Wasaaruhu cadeeyey in shirkaasi ay si wanaagsan u socoto qaban qaabadiisa isla markaana qabsoomi doono.
 
- DHAMAAD -
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
 
Yurub                                            +442035190460
 
USA & CANADA                         17124327760
 
 
 

Saraakiishii ka soo goosatay Shabaab oo beeniyay inay ka dambeeyaan qaraxyada Muqdisho ka dhacaya

$
0
0

Saraakiishii ka goosatay Al-Shabaab ee ku soo biirtay dowladda Soomaaliya ayaa maanta cadeeyay in aanay wax lug ah ku laheyn qaraxyada ka dhacaya magaalada Muqdisho kadib markii eedeyn u jeediyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda.
Shir jaraa’id oo ay ku qabteen xarun lagu xanaaneynayo ayaa waxay saraakiisheen sheegeen in aanay ka dambeyn qaraxyada, iyagoo dhaliil u jeediyay mas’uuliyiinta dowladda.
Saraakiishan ayaa waxaa ay sheegeen inaysan ahayn mid caqliga galaysa in ay iyagoo ka soo baxsaday Alshabaab agtoodana ay ku xukuma yihiin dil ay hadana u adeegaan Alshabaab.
Mid kamid ah  saraakiishan ayaa waxaa uu sheegay in ay ka dambeeyeen sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa rag ka tirsan Alshabaab oo ku sugnaa magaalada Muqdisho balse ay iyagu marnaba samayn wax ka soo horjeeda dowladda.
Maleeshiyaadkan ayaa ugu baaqay dhalinyarada weli ka mid ah ururka Alshabaab inay ka soo tagaan ayna ku soo biiraan dowlada kumeelgaarka ah.
Dhowaan ayaa xildhibaan Salaad Cali Jeelle iyo guddoomiyaha degmad Wadajira Axmed daaci iyo general Yuusuf Indhocadde waxa ay ku eedeeyeen dhalinyarada ka soo baxsata ururka Alshabaab inay ka dambeeyaan falalka qarxinta ah ee ku soo batay magaalada Muqdisho.
Toddobaadyadii ugu dambeeyey ayaa magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanayay qaraxyada lala beegsanayo ciidamada dowladda iyadoo qaraxyadaana ay sidoo kale ku naf waayaan dad rayid ah oo aan waxba galabsan. Qaraxyadan ayaa badankood waxaa sheegta inay ka dambeeyaan ururka Alshabaab oo ka soo  horjeeda jiritaanka dowlada kumeelgaarka ah iyo joogists ciidamada ka socda Midowga Afrika ee ku sugan dalka Soomaaliya.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live