Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Golaha Wasiirada oo kulan ammaanka iyo waxqabadka Xukuumada uga hadlayeen ku yeeshay Muqdisho

$
0
0

Golaha Wasiirada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaaiyadoo shirkani uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxaana shirkan looga hadlay qodobo dhowr ah oo ayugu horeysay xoojinta Amniga dalka, gaar ahaana caasimadda, WaxqabadkaXukuumada, Miisaaniyad sanadeedka, Shirka Wadatashiga ee lagu wado inuu kadhoco Garoowe iyo warbixin halka uu marayo gargaarka barakacayaasha.
Ugu horeyntiishirka waxaa lagu dhegeystay warbixin la xiriirta Amniga magaalada Muqdishoiyadoo hay’addaha Qaabilsan amniga ay sheegeen in Amniga Muqdisho uu ka sooreynayo ayna ku guuleysteen ka hortaga falalkii qaraxyada ahaa ee lalabeegsanayay goobaha shacabku ku badan yahay, waxayna xuseen inay fashiliyeenqaraxyo iyo Miinooyin lala damacsanaa in lagu dhibaateeyo hay’addaha dowladdaiyo shacabkaba.
Sidoo kale, madaxdaAmnigu waxay xuseen howlgalo ay sameeyeen ciidamada Amaanku inay ku sooqabqabteen dad lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen Amni xumida. waxayna tilmaameen inay dadkaasi ku jireen kooxo burcad ah oo dadweynaha dariiqyada u istaagayay kuwaasoo ka dhacayay Mobile-lada iyo waxyaalaha muhiimka ah ee ay wataan.
Sidoo kale,Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo bandhigtay Miisaaniyada sanadka 2012-ka iyadooay Miisaaniyadan xooga ay ku saartay Wasaaraddu sidii loo yareyn lahaa kutiirsanaanta deeqaha dibadda ka yimaada, xooggana loo saari lahaa ku tashigadakhliga gudaha iyo canshuuraha Berriga.
Sidoo kale, golahaWasiirada waxay ka hadleen waxqabadka Wasaaradaha iyadoo Wasaarad kastana aysharaxaad ka bixisay waxqabadkeeda afartii bilood ee la soo dhaafay, Ra’iisulWasaaraha ayaa u sheegay Wasiirada in Wasaarad kasta qiimeyn lagu sameyn doonowaxqabadka iyo horumarkeeda laguna abaal marin doono.
Dhinaca kale,Golaha Wasiiradu waxay ka wadahadleen shirka lagu wado inuu ka dhoco magaaladaGarowe ee xarunta maamulka Puntland, waxaana Ra’iisul Wasaaruhu cadeeyey inshirkaasi ay si wanaagsan u socoto qaban qaabadiisa isla markaana qabsoomidoono.


Shariif Xasan “Koox iyo shaqsiyaad Fowdiisteyaal ah oo is aruursaday xil igama qaadi karaan”

$
0
0

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa qaadacay kulankii maalin ka hor xildhibaanada baarlamaanka xilka uga qaadeen, isagoo ku tilmaamay mid aan sharci aheyn.
Wareysi uu siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa waxaa uu ku eedeeyay shaqsiyaad fowdiista ah inay Baarlamaanka mushikad ka dhex wadaan, isagoo tilmaamay in hab sharci ah aan loo marin qaabka ay xil ka qaadista u sameeyeen Xildhibaanada.
“Ninkii xil loo dhiibay waa laga qaadi karaa, laakiin mushkilada jirta waxa waaye in loo helo hab looga qaadi karo, asbaab iyo sabab la helo, aniga ma dhihi karo shir ay yeesheen xubno baarlamaanka ka tirsan, sababtoo ah Baarlamaanka in la balamiyo, Gudoonka ama wixii joogo uu balamiyo”ayuu yiri Shariifka oo booqasho ku jooga dalka Talyaaniga.
“Koox ama Group ama shaqsiyaad inteey is aruursateen albaabka banaankiisa tuurteen oo ay jabsadeen inay hadana yiraahdaan waxbaa sameynay taas waa wax kama jiraan ah, Baarlamaanka labo boqol iska dhaafee, boqol xataa ma joogin, xildhibaanada waa la is yaqaanaa”ayuu si kulul u yiri Shariif Xasan oo ka jawaabayay su’aal aheyd in Xildhibaanada xilka ka qaaday ay tiradooda aheyd 283-xildhibaan.
Shariif Xasan ayaa sheegay in Group diidan Road Map-ka iyo horumarka Dowladda ay doonayaan inay dalka rakaato ku heystaan, isagoo cadeeyay in dadkaas la yaqaano lana dhihi karo hebel iyo hebel, waxa kale oo uu ku tilmaamay danbiilayaal.
Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa ka meer meeray sida uu u arko qoraalkii madaxweynaha ee uu shalay ka hadlay mowqifkiisa ku aadan qilaafka baarlamaanka, laakin marki danbe ayuu sheegay in uu dhan u jan jeeray.
Gaba gabadi Shariif Xasan oo hada ku sugan dalka Talyaaniga ayaa sheegay in uu maalmaha soo aadan kusoo laaban doono magaalada Muqdisho.

DOOD FURAN: Shariif Xasan Kadib Heshiiskii Kampala iyo Roadmap-ka Maxaa ka Hirgali Doona?

$
0
0

Waxaa cirka isku shareeray khilaafka u dhexeeya mudanayaasha barlamaanka KMG Soomaaliya oo u kala qeybsan labo dhinac ka dib markii maalintii Talaadada ee 13-ka bishan oo mudanayaal gaaraya 283 ay u codeeyeen xil ka qaadista gudoonka barlamaanka.
Mudanayaasha waxay hadda u kala qeybsan yihiin dhinac diidan xil ka qaadista afhayeenka barlamaanka isla markaana ku tilmaamay sharci darro inay ahayd iyo dhinaca kale oo ku adkeysanaya in gudoonka uu dhacay ayna dooranayaan gudoon cusub- Hadda xildhibaanadaasi gudoomiyaha KMG waxay u doorteen Madoobe Nuunow Maxamed.
Xil ka qaadista Shariif Xasan waxay timid iyadoo uu socday dhaqangelinta qorshaha roadmap-ka oo qeexaya arimo ay ka mid yihiin dib u habeynta barlamaanka, u gogol xaarka marxaladda kalaguurka iyo sameynta dastuur cusub.
Sidoo kale xil ka ceyrinta afhayeenka baarlamaanka ayaa timid iyadoo uu jiray heshiiskii Kamapala [KAMPALA ACCORD] oo 9-kii June ay si wadajir ah u saxiixeen madaxweyne Shariif iyo Shariif Xasan.
Waxaa markaa la isweydiinayaa heshiiskii KAMPALA oo dhigayey in mudo 12 bilood ah (oo weli socota) aan eedeyn laga keeni karin madaxda dawlada ma buray mise wuu jiraa?
Qorshaha roadmap-ka ee ay wado Qaramada Midoobay maxaa ku dhici kara?
Ma u aragtaa in xitaa masuul ka mid ah DKMG hadduu meesha ka baxo inaysan waxba u joogsan doonin???
RBC Radio

Click

$
0
0

Google uu suuqa kala noqday 22 app oo wata software khiyaanno ku jirto.

Click

$
0
0

Google uu suuqa kala noqday 22 app oo wata software khiyaanno ku jirto.

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

$
0
0

WAR HABEEN 15 12 11

 
 
 
 
 
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
 
Yurub                                            +442035190460
 
USA & CANADA                         17124327760
 
 
 

Daawo Sawirada Askartii ugu Dambeysay ee Mareykanka oo Maanta Baneeyay Ciraq

$
0
0


Askarta Mareykanka ee ku sugneyd Ciraq ayaa maanta qeybtii ugu dambeysay waxay isaga soo bexeen wadanka Ciraq iyagoo qeybtii ugu dambeysay ay gaareen wadanka Kuwait.
Soo bixitaanka ayaa soo gabagabeynaya duulaan qaatay 9 sano oo Mareykanku iyo xulufadiisa ku qaadeen Wadanka Ciraq.

Duulaanka Mareykanka ee Ciraaq ayaa la sheegayaa inuu keenay khasaare weyn.  4,500 askari oo Mareykan ah ayaa ku dhimatay. Halka dadka rayidka ee reer Ciraq ee ku geeriyooday ay gaarayaan 800,000.

Sidoo kale dhaqaale gaaraya balaayiin doolar ayey dawlada Mareykanku weysay dagaalka Ciraaq.



Dad badan ayaa qaba in bixitaanka ciidamada Mareykanka ka dib ay sii badan doonaan weerarada kacdoonka ee ka dhanka ah dawlada Shiicada u badan ee hadda ka jirta Ciraq.

Qorshaha bixitaanka ciidamada ayaa waxaa ku dhawaaqay madaxweynaha Mareykanka Obama.


Last US Troops Leave Iraq

$
0
0

The last convoy of US soldiers pulled out from Iraq on Sunday, December 18, drawing an end to a nine-year war that cost tens of thousands of Iraqi lives


M.Faroole oo Shir Laba Casho ah Lagu Qancinayo Warbixin

$
0
0

Garoowe:-Waxaa meel sare gaaray muranka iyo khilaafka ka dhex taagan Baarlamaanka Soomaaliya kaasoo Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ku mashquulsan yahay sidii xal loogu heli lahaa Wakiilka Qaramada Midoobay Soomaaliya u qaabilsan Mahiiga ayaa si kmg ah uga maqan Xafiiska waxaana shaqadiisa sii wada ku xigeenka Manhal oo socdaalo uu ku kala bixiyey Muqdisho iyo Garoowe kala kulmay jahawareer baahsan Siyaasadda Soomaalida.
Manhal wuxuu dib ugu laabtay Xafiiska UNPOS ee arrimaha Soomaalida laga maamulo isagoo aan wax xal ah u heyn khilaafka sharci ee ka dhex oogan Baarlamaanka Soomaaliya oo 280 xubnood oo ka mid ah Xildhibaanada Soomaalida aaminsan yihiin in Shariif Xasan sifo sharci ah looga qaaday xilka loona baahan yahay in la xaq dhowro Axdiga kmg ah ee Soomaaliya.
Dhinaca Kale Shariif Xasan ayaa aaminsan in heshiiskii Kambala lagu ansixiyey in mudada halka sanno ee Dowlada Federaalka wax mooshin ah laga keeni Karin Madaxda sare ee Dowladda lakiin xisaabta laguma darin haddii aanu ku xadgudbin Axdiga kmg ah Masuulka.
Sidoo kale warar madaxbanaan oo laga helayo Xafiiska UNPOS ee Nayroobi ayaa tilmaamaya in la filikaro in muddo laba todobaad ah dib u dhac ku yimaado shirka Wadatashiga Sooamalida ee la filayey in uu qabsoomo 17 bishan December 2011 Magaalada Garoowe .
Shirka Magaalada Garoowe ayaa warar aad loogu kalsoonaan karo sheegayaan in 15 casho dib u dhac ku yimi taasoo Madaxwyne C/raxmaan Faroole ku amray dhinacyada Soomaalida in ay maalinta Talaadada soo xaadiraan kulanka oo ku began 20 bishan December 2011. Hadalka Faroole qudhiisa ayaa kooxo badan oo Maamulada la filayo in ay ka soo qeybgalaan kulanka dhaliilsan yihiin oo ku tilmaameen mid amar u taagleyn ah.
Waxaase laga war sugayaa sida loo xaliyo maranka baahsan ee ka dhex aloosan Baarlamaanka Soomaalida Maamu Goboleedyada Puntland iyo Galmudug iyo Sunna waljameeca iyo Bulshada Rayidka oo iyaguna dhinac ah waxaana xaalka u muuqdaa mid wado qaldan oo marin haboow weyni ka muuqdo ku socoto Siyaasada Soomaalida Sanadka soo socda ee 2012-ka.
Warar kale oo dheeraad ah ayaa sheegaya in Maalinta ah Arbacada ah ee Soo Socota uu Shir ka Furmayo Magaalada Garoowe kaasi oo ah mid aan Nuxur Badan Huwanayn hase ahaatee lagu Qancinayo Madaxwaynaha PL C/raxmaan Faroole oo Horay Warbaahinta uga sheegay inay Somaliya qoobka kala Baxayaan hadii uu Shirkaasi dub u dhaco.
Diplomaasi Sare ayaa Noo sheegay in Shirkaasi Arbacada Furmayo uu Yahay mid Laba Barri kaliya soconaya isla markaana Ujeedka loo qabanayaa ay tahay in Faroole lagu qanciyo isla markaana loo sheegay in Shirka kale ee Aadka looga Dhur Sugayaa uu Furmayo Dabayaaqada Bisha kowaad ee Sanadkan cusub 2012
 
GalGalanews.com
 

RW Gaas oo ka Hadlay Xiritaanka Xawaaladaha

$
0
0

Ra'iisal Wasaaraha Somalia, Cabdiwali Gaas oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Maraykanka ay arrintan kala xiriireen, waxana uu sheegay inuu sii wado doono xiriirka uu Maraykanka kala sameynayo arrintan.

Warbixint arrintaas la xiriirta qeybta hoose ka dhageyso.

RW Gaas oo ka Hadlay Xiritaanka Xawaaladaha

$
0
0

Ra'iisal Wasaaraha Somalia, Cabdiwali Gaas oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Maraykanka ay arrintan kala xiriireen, waxana uu sheegay inuu sii wado doono xiriirka uu Maraykanka kala sameynayo arrintan.
Warbixint arrintaas la xiriirta qeybta hoose ka dhageyso.

Madaxda ugu sareysa dalka oo war saxaafadeed ka soo saartay khilaafka Baarlamaaka

$
0
0

Madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya ayaa war saxaafadeed wada jir ah ka soo saaray khilaafka baarlamaanka ee maalamahan cirka isku shareeray.
War saxafadeedka ayaa waxaa maanta duhurkii laga soo saaray Xafiiska Madaxweynaha, kaasoo lagu sheegay in madaxda ay wada tashi kala sameeyeen arrimaha khilaafka, qaar ka mid ah xildhibaanada iyo beesha Caalamka.
Qoraal Saxaafadeedka oo nuqul ka mid ah na soo gaaray ayaa sidan u qornaa:-
Madaxda Dowladda Soomaaliyeed ayagoo tixgelinaya marxaladda dalku marayo, xaaladda siyaasadeed iyo mida amni. Waxay wadatashi la sameeyeen qaar ka mid ah xubnaha Baarlamanka iyo Beesha caalamka ayagoo tixgelinaya:-
a)    Axdi KMG ah ee Soomaliyeed oo saldhig u ah shuruucda dalka
b)    Heshiiskii Kampala (Kampala Accord) iyo
c)    Taabagelinta Roadmap-ka
Kadib, markii shaki laga muujiyey:
Qaabkii loo maray kulminta Baarlamanka iyo tirada u codaysay motion-ka
Sidaas awgeed, Madaxda Qaranka Soomaaliyeed ayagoo ixtiraamaya madaxbanaanida Baarlamanka waxay soo jeedinayaan:
a)    In Baarlamanku Shaqeeyo bilaabana kulamdiisa joogtda ahaa si ay u gutaan waajibaadkooda Dastuuriga ah
b)    In la tixgeliyo Marxaladda xasaasiga ah Dalku marayo
c)    In la raaco sharuucda Baarlamanka iyo xeer hoosaadyada
d)    In la dhowro heshiikii Kampala (Kampala Accord)
e)    In la dhowro Axdiga KMG ah ee Soomaaliyeed

 

Mowliid Macaane ”Inaa Lilaahi Wa Inaa ileehi Raajicuun Shariif Xasan oo Gudoomiye Noqdaa Waa Siyaad Barre oo Madaxweyne markale Noqdaa”

$
0
0

Xildhibaan Mowliid Macaane Maxamuud oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Wareysi uu bixiyay waxa uu si kulul u weeraray una eedeeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Mowliid Macaane ayaa sheegay in Shariif Xasan uu u gafay uuna meel uga Dhacay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee sida sharciga xilka uga qaaday.
”Waa wax aad loola yaabo oo Meel ka dhac ah in Shariif Xasan 283-Xildhibaan uu ku tilmaamo in ee yihiin Dad Danbiilayaal ah taasina kagama hareeno Maxkamad ayaan la tageenaa Shariifka ”ayuu yiri Mowliid Macaane.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale Sheegay Shariif Xasan in uu yahay nin Bur burin ka sameesan oo Jecel in mar walbo tiisa gaarka ah uu sameesto sida uu doonana ka yeelo Baarlamaanka Soomaaliya isaga oo isku haleenaya lacagtiisa.
Mowliid Macaane waxa kaloo sheegay in Shariif Xasan uu Shaqadiisa gabay uuna Har iyo habeen Diyaarad saran yahay isaga oo aada Dalalka caalamka habeenba dal u safra taasina ee tahay mid danbi ah aan Dalka horey uga dhicin .
Xildhibaanka ayaa la weediiyay Su’aal aheed Malaga yaabaa Mowliidow in Shariif Xasan uu dib idinkugu soo noqdo uu Hogaamiyo Baarlamaanka Soomaaliya? .
Waxa uuna Mowliid Macaane oo afka gacanta saartay ku jawaabay ”Inaa Lilaahi Waa Inaa ileehi Raajicuun Afkaaga ilaah haku celiyo hana habaarin ,Shariif Xasan oo soo laabta oo Gudoomiye Noqdaa waxaa dhaanta Maxamad Siyaad Barre oo soo laabta oo Dalka Madaxweyne kanoqdaa.
Mowliid Macaane ayaana ku adkeestay Go’aankii ee gaareen Xildhibaanada Soomaaliyeed in eesan marnaba ka laabaneyn eena ka dhabeenayaan Go’aanka Xilka uga qaadeenm Shariif xasan Sheekh Aadan.
Hadalka kasoo baxay Xildhibaankan katirsan Baarlamanaka Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili ee si kala fogaanaya labada garab e isku haya Baarlamaanka Soomaaliya qeybna Sharif Xasan taagersan yihiin qeybna Xilkiiba ka qaadeen Sharif.
 
HeeganTV  Muqdisho

Madaxweyne Shariif oo galabta diiday in xil ka qaadis lagu sameeyo Gudoomiyaha Baarlamaanka “Top News”

$
0
0

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu difaacay tallaabada xilka looga qaaday Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan.
War Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, ayaa waxaa maanta lagu difaacay in xil ka qaadis lagu sameeyo Shariif Xasan, taasoo loo-cuskaday Heshiiskii Kampala, Madax Banaanida Baarlamaanka Soomaaliya iyo marxaladda kala guurta, oo ay garab taallo arinta Roadmap-ka.
War Saxaafadeedkaan oo goor dhaw ina soo gaaay ayaa wuxuu u qornaa:
War Saxaafadeed
Madaxda Dowladda Soomaaliyeed ayagoo tixgelinaya marxaladda dalku marayo, xaaladda siyaasadeed iyo mida amni. Waxay wadatashi la sameeyeen qaar ka mid ah xubnaha Baarlamanka iyo Beesha caalamka ayagoo tixgelinaya;
a) Axdi KMG ah ee Soomaliyeed oo saldhig u ah shuruucda dalka
b) Heshiiskii Kampala (Kampala Accord) iyo
c) Taabagelinta Roadmap-ka
Ka dib, markii shaki laga muujiyey:
1. Qaabkii loo maray kulminta Baarlamanka iyo Tirada u codaysay motion-kii xilkii looga qaaday gudoomiyaha baarlamanka
Sidaas awgeed, Madaxda Qaranka Soomaaliyeed ayagoo ixtiraamaya madaxbanaanida Baarlamanka waxay soo jeedinayaan:
a) In Baarlamanku Shaqeeyo bilaabana kulamdiisa joogtda ahaa si ay u gutaan waajibaadkooda Dastuuriga ah.
b) In la tixgeliyo Marxaladda xasaasiga ah Dalku marayo
c) In la raaco sharuucda Baarlamanka iyo xeer hoosaadyada
d) In la dhowro heshiiskii Kampala (Kampala Accord)
e) In la dhowro Axdiga KMG ah ee Soomaaliyeed

Colaaddii Ceerigaabo oo laga Heshiiyey

$
0
0

Colaad dhalisay in ay dad ku dhintaan oo dhawaan ka dhacday degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa heshiis wax-ku-ool ah laga gaaray.

Nabadayntan ayaa waxa ka qeyb galay siyaasiyiin iyo dad kale oo wax garad ah, waxayna sheegeen in hanaankii dib-u-heshiisiinta loo sameeyey ay ahayd mid waaraysa, kuna tilmaamay in beelaha kale ee colaadu dhex marto ay kaga dayan karaan.

Warbixinta oo dhameystiran qeybta hoose ka dhageyso.


Wicintaanka: Ismaaciil Hurre (Buubaa)

$
0
0

Barnaamijka Wicitaanka ee maanta waxa marti inoogu ah Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda DKMG ee Somalia Ismaaciil Hurre (Buubaa).

Wasiirka waxa su'aalo weydiinaya qaar ka mid ah dhageysteyaasha Idaacadda VOA.

Barnaamijka oo dhameystiran qeybta hoose ka dhageyso.

SAWIRKA MAANTA. Nin Meherad Xashiishka Ka Xaadhaya

$
0
0

Sawirka Maanta ay Caalamiga ah ee Oodweynenews idiin soo gudbinayso, waa  sawir muujinaya Nin ka xaadhaya xashiish ama Qashin Mehradiisa horteeda oo mid kalena agyaalo ,  Sawirkan oo uu dhawaan laga soo qaaday magaalada Burco markii ay Ciyaaraha Gobolada ka socdeen magaladaas,  Sawirkani maanta maxay Xerta SAWIR HADHSATO ku sharixi doonaan, bal aan eegno. DAAWASHO WACAN.
 

SAWIRKA MAANTA EE SHABAKADA CAALAMIGA AH EE OODWEYNENEWS

Dib u xasuuso sawirkan quruxda badan ee xulkii kubada cagta ee Gobolka Togdheer

$
0
0

 
Hore waxaan idinku soo galiyay  sawiro  aan duugoobin oo runtii xusuus mudan, sida xulkii  baasket ball ka gobolada hargaysa iyo burco .gabdhihii  baasketka Gobolka Maroodijeex hargaysa  iyo waliba xulkii  kuada cagta ee  hargaysa.
 
Hadaba idinka ayaa magacyadooda ka xusi doona comments ka  daawasho wacan.

 
by-laba-baale 
xamse30@hotmail.com

Kusoo Dhawaada Barnaamijka Xulka Wararka Ee Oodweynenews

$
0
0

 Waa Barnaamijka Xulka Wararka oon maanta dib u bilaahay barnaamijkii Xulka Wararka oo aan idiin soo gudbin doono maalin kasta ay Jimce soo galayso,  waxaana inala socodsiin doona Weriyaha Oodweynenews ee Dalka Norway    Cabdilaahi Raaxeeye , ee dhegaysi wacan– 

 
Abdilahi Ali Aidid Raaxeeye
Oodweynenews/Norway
himilo1988@hotmail.com

Mo farah oo Kaalinta 3-aad ka galay Abaal marin ay bixisay BBc-da+Daawo video

$
0
0


Oradyahanka Soomaaliyeed ee u safta dalka Ingiriiska Mr.Mohamed Faarax oo ku magac dheer Mo Farah ayaa waxaa la gudoonsiiyey abaalmarin qaali ah oo ay Sanad kaste bixiso BBC-da qeeybteeda Sportiga.
Mo Farah ayaa sanadkaan dhamaadka ah ee 2011-ka waxa uu Gacanta ku soo dhigay Bilad Dahab ah ka dib markii uu ku Guuleeystay Tartankii Oradka 5000m-ahaa. Mo Farah ayaa gudaha dalka Ingiriiska ku leh Taageero xoogan oo dhanka oradka ah taas ayaana u saamixisay inuu Kaalinta 3-aad ka galo Abaalmartii ay bixisay BBc-da ka dib markii ay u codeeyeen Joornaaliistayaal fara badan oo magac ku leh gudaha dalka Ingiriiska.
 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live