Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

SIYAASADA SOMLILAND MAGAYDO INUU JAMAAL CALI XUSEEN IDHAA ANAA UTAAGAN!!!! BY: XASAN YARE

$
0
0

Marka hore ilaahay baa mahad leh marlabaadka waxaan salaan buuxda oo qiimo way ii gu fadhida salaamayaa shabakadan OODWAYNENEWS.
Hadaan u soo noqdo ujeedada hadlkayga waxaan manta doonayaa inaa kalmado yar ka idhaa Jamaal.
Ugu horayntii waa kuma Jamaal Cali Xuseen???? Waa su’aal aad u muhiima oo ubaahan in lays waydiiyo. Jamaal hadynu ka hadalno ama aan sheego shaqsiyadiisa marka hore horta siyaasad sal iyo raad kum laha mar labaadka waa inan aqoon bartay laakiin anay shaqsiyadiisu mid siyaa sadeed aan ahayn.MAXAA UU JAMAAL KU WACANYAY???
Jamal waxaa uu ku wacanyay inuu ka sheekeeyo ama ww qoro qos qosolka, sheekooyinka iyo wixii lamida.hadaan hoos usii daadago waaxaa laf jab ku ah qarankeena in Jamaal iyo ciyaal lamidi isku dayaan siyaasad waayo waxaa taagan odayaasheenii iyo rug cadaayadii siyaasada sidaa daraadeed waxaynu odhankarnaa uma baahana siyaasadeenu Jamaal.
Hadaan usoo noqdo XISBIGA uu Jamaal yidhi waan iska soo sharaxayaa waa xibiga UDUBE waxaa buux dhaafiyay siyaasiyiin iyo aqoonyahano ahna ku wii xisiga iyo wadankaba halkaa soo gaadhsiiyay.markaa ma odhankarno Jamaal udub way ubaahan tay hadaanay ubaahnayna macnaheedu waxay noqonay saa siyaasada qarankeenuna uba baahna.
Jamaal oo qudha maaha cida aanay siyaasadeenu ubaahnayn lakiin waxa ay dhamaantoo iska nacaysaa dhalinyaradan is wada garab boodaysa ee siyaasada u waalatay waxaan kula talin lahaa dhalinyaradaa ilmaadeerayaal wadanku uma baana siyaasiyiin cusube cid wax aqoon ugu qabatuu u baahanyahay. Hadaba markii aan layaabay dhalinyaradan wada doonaysa siyaasada ayaa waxaa niyadayda ku dhalatay afarlay yar wana ta sidan odhanaysa:
   BAR BAARTII GAYGEENU
  WAAN ISA SHARAXYAA IYO 
  URURBAAN FURANAYAA
  OO GOBLANTAY SIYAASADEENII
  DHALINYARAA CIIDAYSAY.
Hadal iyo guntiisii waaxaaan Jamaal iyo dhalin yarta kalaba kula talinayaa cilmi baa leediin laakiin cilmigiinii nimam baa ku soo dooloo idhi isa sharaxa meelna ku gaadhimaysaan hadii aa lakiin ngaran waydaan waxaa idinku sifoobaysa maansadii erayaddeedu ka midaka ahaayeen: MASKAXDAADU YAY NOQON MAQL LAGULA LEEYAY LAGU FURO TOBAN MUSBAAR IYO MAFAATIIX.
               WASALAAMUCALKUM WARAX MATULAAHI WABARKAATU.
 
 
 
          ALLAA MAHAD LEH 
 
 
                               BY:XASAN YARE
                            XASAN-YARE01@HOTMAYL.COM
 
————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin dhibaatiyo wax makhluuqa kalla dilla,


Less exams more learning. By: Liban Obsiye

$
0
0

 
Speaking to my worried cousin in Hargiesa I came to the conclusion that he had nothing to worry about. He did not. He had an English exam to sit and he feared that he had not learnt and memorised hard enough. So I asked him to tell me exactly what he understood from what he was taught at school. I was astonished by his ability to memorise and quote sometimes large chunks of academic texts. I asked further questions to determine if he understood what he had just memorised and he clearly had. But was he able to apply his own interpretation of the facts he regurgitated to me over the phone? The simple answer was No.
One may feel that it is just my cousin’s academic inability but he consistently comes top three in all classes. On many occasions he came first in most subjects he was examined in.  Clearly individual student ability is not the problem. The problem with education in Africa is that it is too exam based. Everything is examined in empty halls patrolled by teachers for a certain amount of time. This relatively small amount of time determines whether or not students can claim to be educated in their academic fields. This is absolutely absurd.
Education is about more than pure exams. It requires time, effort and most importantly patience to understand and interpret. Knowledge is not passing exams by regurgitating entire text books even if it is done perfectly. The problem again is not the students but the teachers who only know this lazy examination technique which does more to harm student’s confidence than help them acquire the skills they need today to compete in a globalised labour market. How can future journalists and lawyers practice their advocacy skills on exam papers? How would exams help future business leaders in education today if they are not trained in the art of face to face marketing?
Exams are useful especially when teaching large class sizes but they are not the only method of determining student knowledge and ability. When used as part of a varied assessment process it works well as students can be tested on their acquisition of different specific skills which are necessary for the success of all graduates today.
In a very globalised and competitive labour market African graduates are seen to be lacking key skills such as creativity, interpersonal skills, effective communication and team working. This is not surprising as the uninspiring teaching and assessment techniques used in most African countries hamper the development of the very students they are suppose to help. The way to build and strengthen student’s confidence is to use all the teaching and assessment techniques used by their global competitors. This means encouraging group work and projects, teaching effective writing skills through essay assignments and oral presentations of researched questions.
Too often the counter argument for innovation in African society is that we cannot do it because unlike other wealthier continents like Europe we lack resources and leadership. We cannot be expected to be as good as our counterparts in the wealthier nations we are constantly reminded. But the reality is that it is because Africa is so far behind that it needs to catch up quickly. It is exactly because poor African students are sacrificing so much financially that they need to be taught in a way that makes them educated and confident enough to compete with other students globally.
In Somaliland there is an unhealthy obsession with league tables and exam scores. They have become the gold standard and ministers to street traders on most days debate which schools are best for their children according to these misleading tables. If only they knew that in Somaliland league tables are a useless, harmful marketing tool of private institutions. Every student is unique and has different learning needs and as such education should reflect on the achievement of individual students in accordance to where they initially started from and where they have reached in the end. This journey is the best way to assess student accomplishment in education and so long as each student achieves their personal set goals it should be seen as success. Not all students can get an A all of the time in exams but they can certainly all learn.
Society’s values are taught through education and if African students just are bombarded with exams and those who pass crowned victors and those that do not do so well as losers, then Africa will forever remain impoverished. It just would not be able to cultivate the talent needed to compete globally as its human resources will only be partially trained and skilled. It is time education ministries and academic institutions learnt themselves from their current socially and economically detrimental teaching and assessment techniques. Perhaps then they will understand the real purpose of education and provide the required guidance and leadership.
 
Liban Obsiye
libanbakaa@hotmail.com

THE MAN WHO ENJOY THE MISORY OF SOMALI PEOPLE!! By: Abdirahman Ismail

$
0
0

 
Mahiga is the main man who enjoying the misery of the Somali people guy who rules Somalia his tricks to divide Somali politicians made them enemy to each other so that he and his administration are keeps gating finance by the UN, what also make possible for him those who cal them self’s Somali parliamentary delegate whom is reality  can't deny today their conspiracy   because the only philosophical principles they believe is tribalism, corruption, and also 80% of them are not patriotic.
Man’s outreach to the Diaspora has been put as a colossal failure. He has failed to meet with the community whose UN trusteeship by stealth he is leading. He has sucked a nationalist prime minister that was big on security. He is responsible for the death of 300 Somalis by trying to bribe two thieves Sharif Hassan and Sheik Sharif. Both are Alshabab and are enjoying the misery of the Somali people so long as they make money.
Mahiga was the architect of the road map to nowhere. Without building an effective Somali army and equipping it properly. The road map is a fairy dream. Without building institutions,without tantigible institution building, and without real help from the UN for the Somali government and its security forces the UN remains judged as part of the problem for the past twenty years..Mahiga's outreach to the Diaspora was a failure and MAN WHO ENJOY THE MISORY OF SOMALI PEOPLE!!  
 Abdirahman Ismail
buuni2@msn.com
 
————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin dhibaatiyo wax makhluuqa kalla dilla,

Somaliland: Final list of new political parties announced

$
0
0

HARGEISA(Somalilandpress)–The Committee for registration of new political parties and Licensing had official announced today that Fifteen newly established political organizations qualified for the second stage of contesting the forthcoming Local Council elections that are expected to be held in April 2012. The committee members made it clear that the registration process for new political parties has expired as of today. The committee made clear that these fifteen political organizations have fully fulfilled the conditions and criteria set for them in order to contest for local elections.The registration Committee further announced the above listed newly registered political organizations will be granted temporary Certificates allowing them to contest ‘’’Local Council elections which are due to take place in the country early in 2012. 1-WADANI 2-DALSAN 3-UDHIS 4-NASIYE 5-NDP 6-UMADA 7-GURMAD 8-JAMHUURI 9-DAMAL 10-BADBAADO 11-HORYAAL 12-RAYS 13-SSCD 14-XAQSOOR 15-NUUR

Maxamed Dheere oo taageersan qaabka wax qeybsiga ee 4.5 iyo Tarsan oo nidaamkaas dulmi iyo jawr-fal ku tilmaamay

$
0
0

Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamed Dheere oo idaacadda maxaliga ah ee Shabelle Radio wareysi siiyay ayaa sheegay in uu la dhacsan yahay nidaamka 4.5 ah ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliyeed ay ku dhisan tahay, wuxuuna ku doodayaa in qofkii nidaamkaas ka soo horjeesta uusan dooneyn xal Soomaaliyeed waa siduu hadalka u dhigaye.

Dhanka Gudoomiyaha hadda talada haya ee Gobolka Banaadir Tarsan ayaa mar uu ka hadlayay kulan ay lahaayeen qaar ka tirsan dadka ku abtirsada gobolka Banaadir rr Banaadiriga loo yaqaan wuxuu sheegay in nidaamka wax qeybsiga ee ku dhisan 4.5 uu yahay mid qaldan oo si gaar ah dad Soomaaliyeed u liidaya ama haddii si kale loo dhigo bar ku tilmaamaya.

Hadalkan ka soo kala yeeray labadan oday ayaa ka dambeeyay war loo dhan yahay oo ka soo baxay kulankii wadatashiga aayaha Soomaaliya ee maalmo kahor ku soo gunaanadmay Garowe, Puntland, warkaas oo dhigayay lagu caana-maalo ilaa nidaamka kale oo dadkoo dhan ay u dhan yihiin dalka laga hirgeliyo guud ahaan.

halgankanet@gmail.com 

Mid ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in Midowga Afrika warqad ay ku taageersan yihiin xil ka qaadista Shariif Xasan soo gaarsiiyay...

$
0
0

Xildhibaan ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in xildhibaanadii xilka ka qaaday Shariif Xasan ay hayaan warqad tallaabadaas taageereysa oo ka soo gaartay Midowga Afrika.

Xildhibaankan oo Ilka-Dahab lagu magacaabo ayaa ku doodaya in warqadaas ay hadda hayaan xildhibaanadii xilka gudoomiyanimada ka qaaday Shariif Xasan, warqadaas oo sida uu xildhibaanku sheegay nuqulkeedi loo sii gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxa ciidamada AMISOM iyo weliba Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Ilka Dahab wuxuu warqadaas ku sifeeyay hambalyo ay Midowga Afrika u soo direen Shacabka Soomaaliyeed iyo xildhibaanadooda xilka ka qaaday Shariif Xasan Shiikh Aadan waa siduu hadalka u yiriye.

Waxaa hadda muuqata in khilaafkii Baarlamaanka uu weji cusub galay, wejigaas cusub oo laga yaabo in uu sii huriyo dabkii ka holcayay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee Muqdisho.

halgankanet@gmail.com 

 

Sacuudigu waa ku xadgudbay xaquuqda Soomaalida.

$
0
0

Qormo-(GMN) Salaan iyo duca kadib, waxaan mar 2 aad idin oranayaa sanad wanaagsan dhaamaantiin Soomaaliyeey. U jeedka maqaalku waa cambaarayn iyo dhaliil aan u jeedinayo Dowlada Sacuudiga oo caadaysatay dhiiga Soomaalida. Shaqsi walbo oo wadani Soomaaliyeed ah waa in uu ka danqado xasuuqii ka dhacay Koonfurta Sacuudiga kaasoo lagu xasuuqay ilaa 40 dhalinyaro ah oo soomali ah.
Warbaahinta xorta ah oo ay VOA ka midtahay sida ay sheegtay, 40 qofood oo Soomaali ah ayaa lagu toogtay xuduudka ay wadaagaan Yemen iyo sacuudiga. Dadkaa la xasuuqay waxay ahaayeen qaxooti ka soo barakacay abaarta ka jirto Soomaaliya; waxay doonayeen meel ay ka xamaashaan. Halkii soo dhawayn iyo gargaar ay filayeen, waxaa lagu soo dhaweeyay Xabad iyo Geeri. Allaahu akbar Sacuudigu waa xadgudbay. (الله أكبر جا وز سعوديون المدى)
Waxaan qofne ka daahsoonayn in xukuumada Sacuudigu Talxiir ambo repatriation ay ku samayn jirtay Soomaalida. Waxaa taa ka daran sharaf ka qaadista iyo bahdilka ay Sacuudigu u gaysteen Soomalida.waan filayaa in aad kalhore Idaacada BBC Ka dhagaysateen gabdho/ hablo Soomaliyeed oo Sacuudiga loo waday si loo adoonsado in lagu qabtay Yemen. Haatan Sacuudigu waxaa muuqato in uusan dhowrayn dhiiga Soomaalida. Waxaa iska cad in ilaalada Sacuudigu ay ku toogasho barteen muwaadiniin Soomaali ah oo ay bad-baadin kareen. Waxaan soo xasuustay Gabaygii ahaa( Muslimnimo nimaan kugu cafinin muuminimo khaas ah gaal maxasta kuu dhowro oo aad magansataa dhaamo)
Dareenkaygu waa dareenka dadkayga, waxaane leeyahay Dhiigayagu raqiis ma ahan. Soomaalida dhibaatada way ka bixi doonta  , cadowgeedane wuu jabi doonaa insha Allaah. Allaah Qur’aankiisa wuxuu ku yiri (   إِن يَمْسَسْكُمْ قَرْحٌ فَقَدْ مَسَّ الْقَوْمَ قَرْحٌ مِّثْلُهُ وَتِلْكَ الأَيَّامُ نُدَاوِلُهَا بَيْنَ النَّاسِ وَلِيَعْلَمَ اللَّهُ الَّذِينَ آمَنُواْ وَيَتَّخِذَ مِنكُمْ شُهَدَاء وَاللَّهُ لاَ يُحِبُّ الظَّالِمِينَ). ” Haddii dhib idin taabtay, waxaa xaqiiqo ah in dad kale uu horey dhib u gaaray, maalmuhune waa wareeg oo qoloba markeeda ayaa la xanuunjin si uu Allaah u muujiyo kuwa xaqa rumeeyay, arinkaane Allaah uu marqaati ooga dhigo dad adinka inka mid ah, Allah ma jeclo kuwa dulmiilayaasha ah”. 
Walaalyaal mar haddii uu Allaah sidaa hore inoogu sheegay, marka imtixaam uunbaa jiree yaan la daalin. Yaan laga daalin in xaqa la sheego, oo yaan laga daalin in nabada laga shaqeeyo; yaan laga daalin in dadka la baraarujiyo. Ciddii dulmi samayso ilaah baa kale xisaabtamiye, yaan la daciifin, oo yaan la niyad jabin. Waxaan maqaalkayga ku soo gunaanudayaa gabaygii Allaha u naxariistee Cabd muxmed Amiin.
 ” Dadkii nala gudboonaa dayaxuu u guuraye, nin qabiil gargaarsaday guul gaari-maayee guulaystayaal geediga wada. Gobanimo nin raadshay guulbaa u danbaysee guulaysta-yaal geediga wada”.
Maxamuud Sheikh Xasan Cali (Soofe)
Gedoonlinenews@gmail.com
 

Bandhiga Wareysiyada Oo Caawa Intiisa Lagu Soo Qaaday Dhacdooyinkii Ugu Waaweynaa Ee Sanadkii Tagay Ka Dhacay Dalkeenna(Dhageyso)

$
0
0

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada oo ka mid ah Barnaamijyada Maalinlaha ah ee ka baxa Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya 09:30ka fiidnimo marka laga reebo habeenka Jimcaha islamarkaana lagu falan qeeyo dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee maalintaas dhacay ayaa caawa intiisa badan waxaa lagu soo qaaday dhacdooyinkii ugu waaweynee ee sanadkii aynu kasoo gudubnay ka dhacay dalkeenna.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Koobaad Ee Barnaamijka
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Labaad Ee Barrnaamijka
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                            +442035190460
USA & CANADA                         +17124327760
 


Warqad furan oo ka soo baxday Xafiiska Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

$
0
0

London(Puntlandi.com) Warqad furan oo ku socota Umada Soomaaliyeed ayaa caawa nagasoo gaartay Xafiiska Howlwadeebaada Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Yusuf Axmed, warqadaan waxay muujinaysaa been abuur lagu sameeyay Magaca Madaxweynihii hore Cabdulaahi Yusuf Axmed, Waatan waraaqdii ee Akhris wanaagsan

Ugu horeyntii waxaa salaan ballaaran u dirayaa dhamaan Ummada Soomaaliyeed meel walba ay ku kala nool yihiin anigoo ka faa’ideysanaya curashada sannadka cusub ee miilaadiga ah, waxaan Alle ooga baryayaa sannadkan iyo kuwa xigga ee tirada badan ee inagu soo fool leh in uu ina siiyo ummada Soomaaliyeed nabad gelyo, naxariis, midnimo iyo dowladnimo waarta ee dalka xasilisa, Alle Idinkii.
Waxaa maanta oo ay Taariikhdu tahay 1da Janaayo, 2012 ku soo baxay Website-yada Soomaalida iyo wargeysyada ay aqristaan qaarkood war sheegayey in Warqad Furan oo ay qoreen koox isku magacowdey TALLO IYO TUSAALE FORM ee ku socota Mr. Ban Ki Moon Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Urrur Gobolleedka IGAD, Urrurka Jamaacada Carabta iyo Golaha Amaanka, warqadaasoo lagu dhaleecaynayey go’aamadii ka soo baxay shirkii Bishii December 24keda lagu qabtay magaalo madaxda Puntland ee Garoowe, kasoo ahaa shir wada tashi ee daba taagan midkan kii ka horeeyey ee lagu qabtay Magaallo Madaxda Soomaaliya ee muqdisho.
Haddaba waxaan ummada Soomaaliyeed iyo Hey’adahii Caalamiga ahaa ee loo diray Warqadan Furan u sheegayaa in anigu ka Cabdullahi Yuusuf ahaan haba yaraatee aanan ku lug laheyd Warqadan Furan iyo Waxyaabaha ku qoran, waxaan kaloo xaqiijinayaa in kooxdan Soomaaliyeed ee sheeganaysa TALLO IYO TUSAALLE aanan aqoon dadka ay yihiin, halka ay kala joogaan, mabda’ooda siyaasadeed iyo Soomaalinimaba waxa uu yahay, ayna nasiib daro tahay in magacayga loo isticmaalo waraaq furan oo aanan aas-aaskeeda waxba ka ogeyn.
Sidaa darteed waxaan ummada Soomaaliyeed iyo Hay’adaha caalamiga ahba u xaqiijinayaa anigoo dareenkayga Soomaalinimo iyo midkayga siyaasadeedba cidna magan ooga aheyn :
In aan taageersanahay Heshiis kasta oo ay Soomaali hogaanka u heyso, ka tallinta xalkeedana ay iyadu u madax banaan tahay, iyadoon waxba loo yeerin.
In aan taageersanahay Shirkii Garoowe iyo go’aamadii dhaxal galka ahaa ee ka soo baxay ee sheegayey yarenta Baarlamaanka, ka tegida ku meel gaarka iyo u guurka habka federaalka Dowliga ah ee rasmiga ah.
in aan ku faraxsanahay Ka gudubka caqabadii 4.5 ee Soomaali dilootey iyo u gudubka wakiil noqoshada ummada Soomaaliyeed ee hab maamul gobolleed ee laba gobol iyo wixii ka badan sida uu dastuurka qabo, doorashooyinka hab degmo, hab tuullo, hab deegaan, iyo hab dowlado hoose ee ku saleysan wakiil noqosho rasmi ah ee ay helaan shacabka Soomaaliyeed oo idil, miyi iyo magaalo, meel kasta ee ay joogaan.
Waxaa xusid mudan in Soomaaliya maanta ay la ciir-ciireyso faro galin caalami ah iyo mid urrur gobolleedba taas oo ay mas’uul ka tahay in ay ku guul dareysatay xafiiska UNta u qaabilsan arrimaha siyaasada Soomaaliya oo kala maareyn waayey danaha isqilaafsan ee jahwareerka xambaarsan ee Soomaalida lagu kala fogeynayo iyadoo kol hore si sharci la’aan ah Baarlamaan Soomaaliyeed ee madaxabanaana la laba jibaarey oo laga dhigay 550 Mudane iyadoo eysan cidna kala tashan, halka maantana ay gareysteen UNPOS in ay ku qaldanayeen oo ay hoos u dhigeen 225 yaa ka mas’uul ah sicir bararka Baarlamaanka Soomaliyeed lagu sameeyey iyo waqtiga qaaliga ah ee ka lumay, haddiiba ay jidho cid sharciga Ilaalineysa ?
Waxaan iyaguna kula tallin lahaa saxiixayaasha shirkii Garoowe in aysan ku xad gudbin awooda shacabka Soomaaliyeed iyo dastuurka u degsan oo aysan u muuqan in tallada dalka iyo maslaxadiisa kaligood ka go’do oo aanan loo arag Madax kaligood talliyayaal ah.
Waxayna ila tahay anigoo cabiraya aragtidayda iyo qibrada aan u leeyahay xaalada, in haddii kali-talisnimo lagu dhaqaaqo ay keeni doonto fowdo iyo xasilooni la’aan hor leh.
Wa Billaahi Towfiiq
Pres. Abdullahi Yuusuf Axmed

Warqad Furan: C/laahi Yuusuf, C/qaasim iyo Farmaajo oo Saxiixay Warqad Furan oo Ku Saabsan Qodobadii Mabaadii’da Garowe (Akhriso)

$
0
0

Fariin-(GMN) Warqadaan furan oo ay soo gudbiyeen siyaasiyiin rug cadaa ah oo xilalal muhiim ah ka soo qabtay Soomaaliya sida Madaxweyne C/laahi Yusuf, Madaxweyne Cabdi Qasim, Raysul wasaare Farmaajo iyo kuwo aad ubadan Hoos ka aqri.
To: Ban ki-Moon, UN Secretary General
CC: UN Security Council
CC: The African Union
CC: The Arab League
Warqad furan oo ku saabsan “Mabaadii’da Garowe”
Anagoo ah muwaadiniin Soomaaliyeed, hogaamiyaashii hore iyo shakhsiyaad ka tirsan bulshada rayidka waxaan aad uga walaacsanahay qodobada “Mabaadii’da Garowe” ee la saxiixay Disembar 24-keedii oo ay saxiixeen lix siyaasi iyadoo uu martigeliyey Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan siyaasada Soomaaliya [UNPOS].   Heshiiskaasi wuxuu ahaa mid sharci ahaan iyo siyaasad ahaanba wax dhaawacaya.  Haddii looga dan lahaa in lagu dhameeyo wajiga xaalada KMG ee hadda lagu jiro, wuxuu abuuray khilaaf kale oo weyn.
In shirka lagu qabtay gudaha Soomaaliya waxay ahayd tallaabo lala dhaco, iyo sidoo kale in la soo jeediyey yareynta baarlamaanka KMG (oo laga dhigo 225 halkii uu ka ahaa 550 mudane), shirka Garowe wuxuu lahaa fursad suurtagal ah balse la lumiyey.   Deganaasho siyaasadeed waxay ku xiran tahay in la helo xal sharci ah oo hoosta ka xariiqaya dhibaatada siyaasadeed.  Shirka Garowe wuxuu awood gaar ah iska siiyey dhowr shakhsi inay maareeyan hay’ada qaranka.   Heshiiska Garowe wuxuu ku guuldareystay inuu wajaho dhibaatoyinka ugu daran; metelaad la’aan siyaasadeed oo daacad ah oo aan jirin darteed.
Anagoo taasi tixraaceyna, waxaanu tilmaameynaa 5 qodob oo soo socota:-
1- “Mabaadii’da Garowe” waxay xoriyad daro ku rideysaa shacabka Soomaaliyeed. Wuxuuna heshiiska Garowe duudsiiyey shacabka xaqooda soo jireenka ah ee ah inay soo xushaan hogaankooda.  Waxaa xaqa aas aasiga ah la siiyey siyaasiyiin fara-ku tiris ah, tasoo ay dheer tahay in heshiiskaasi uu yahay khatar shaki badan ku jiro iyadoo dadka lagu tilmaamay “KUWA TALADU KA GO’DO” inay siday u arkaan u tarjumaan inay ku filan tahay.  Lixda siyaasi waxaa la siiyey inay saameyn ku yeeshaan soo xulida iyo dhisida baarlamaanka cusub iyo sidoo kale masuuliyiinta siyaasadeed ee mustaqbalka.  Shakhsiyaadka lagu tilmaamay “KUWA TALADU KA GO’DO” ma ahan kuwo metela mushtamaca Soomaaliyeed guud ahaantiis.  Inay hadda dhexda kaga jiraan qaabeynta mustaqbalka Soomaaliya waxay duleel weyn ku noqoneysaa dib u heshiisinta iyo nabadda la gaarey dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.  Hogaamiyaasha DKMG, Puntland, Galmudug iyo Ahlusuna Waljeemaca, halka iyaga loogu yeeray inay gacan ka geystaan qaabeynta mustaqbalka dalka sida MUWAADINIMO ahaan, waa inaysan noqonin arin gaar loogu dhiibay iyo inay kaalin gaar ah ay u noqoto inay go’aan ka gaaraan mustaqbalka siyaasadeed.  Habkan qaloocan ee lagu xalinayo arinta Soomaaliya waa la tijaabiyey waana la isku dayay hore laakiin natiijadu waxay noqotay mushkiladii oo soo noqnoqotay.
2- Heshiiska Garowe wuxuu waxba kama jiraan ka dhigayaa Axdiga Qaranka KMG, wuxuuna ku bedelayaa baarlamaanka KMG gole loogu magacdaray “Golaha Wakiilada Qaranka”.  Golhaasi oo tiradiisu aaad u badan tahay isla markaana waxaa uu soo xulanayaa xubnihiisa taasoo abuureysa hay’ad aan sharci ahayn.
3-Mabaadii’da Garowe iyadoo uu si marin habaabin ah wadada ugu xaarayo sida loo dhameyn karo mudada KMG, haddana xaqiiqo ahaan wuxuu sii kororanayaa waqti kale kaasoo la yiraahdo “PROVISIONAL”.  Ereyadan ayaa ka horimaanaya Axdiga Qaranka KMG ah, qorshaha habraaca mudada kalaguurka “roadmap” iyo heshiiskii Kampala “Kampala Accord”. Dhamaantoodna waxay sheegayaan in mudada KMG lagu dhameeyo bisha August 2012.
4-Dadka saxiixay heshiiska Garowe waxaa ku jira afhayeenkii hore ee baarlamaanka KMG Shariif Xasan Sheekh Aadan iyadoo la og yahay in tiro aqlbiyad xadhaaf ay oo ka mid ah baarlamaanka ay xilkii ka qaadeen horaantii bisha Disembar, UNPOS waxay ogolaatay in Shariif Xasan uu ku saxiixo heshiiska sidii “AFHAYEEN BAARLAMAAN”. Talaabadani waxay si caddaan ah u sharcidaro uga dhigeysaa hay’ada sharcidejinta ee dalka, waxayna maja xaabineysaa masuuliyada dastuuriga ah, waxayna ku xadgudbeysaa madax bannaanida hay’adaheena qaran.  UNPOS waxay si iskeed ah u dooneysaa inay buriso go’aanka baarlmaanka.
5-Metelaad a’aanta siyaasadeed ayaa ah barta mushkilada Soomaaliya. Halkii mushkiladaasi diirada la saari lahaa si caddaalad ah, UNPOS waxay ku bariiqatay nuxurka siyaasadeed iyadoo awooda siisay kuwa lagu sheegay “DADKA TALADU KA GO’DO”.  Heshiiskan wuxuu sii fogeynaa dhibaatada Soomaaliya.
Iyadoo maskaxda lagu hayo dhibaatooyinka la soo sheegay:-
1- Waxaan ugu baaqeynaa beesha caalamka, gaar ahaan Golaha Amaanka Qaramada Midoobay inay si deg deg ah u soo farageliyaan una saxaan xaalada.  Mabda’a koowaad waa inaan waxyeelo la abuurin. Beesha caalamka waa inay ku caawiso sidii xaalada loo fududeyn lahaa ee ma ahan inay uga sii darto.
2- Isbedel siyaasadeed oo cusub ayaa loo baahan yahay. Xubnaha cusub ee loo xulayo baarlamaanka Soomaaliya waa inay yihiin gole loo dhan yahay oo ay hogaaminayaan odayaasha dhaqanka, ee ma ahan inay hogaamiyaan siyaasiyiin daneystayaal ah.  Wakiilada qabaa’ilka waa in lagu soo gudbiyo shirweyne qaran waana inay heystaan awooda ay ku soo xuli karaam sharci dejiyaasha iyadoo lala tashanayo wakiilada deegaan ee la qadariyo.  Iyadoo ujeedka yahay in la qabto doorashooyin toos ah markasoo xaalada amaan ee lagu jiro ay saamaxdo, habkani waxaa lagu qiyaasi karaa habeyn ku meel gaar ah.
3- Illaa laga helayo baarlamaan cusub, beesha caalamka waa inay xoojisaa hay’adaha hadda jira waana inay tixgelisaa marxalada si kastoo ay u jilicsan tahay.
Waxaanu rajeyneynaa in UNPOS iyo qeybaha kale ee bulshada caalamka inaysan markale hareer marin fursad kale oo lagu sameyn karo isbedel la taaban karo. Qwaa in la helaa hab cusub oo weyn oo wax lagu saxayo.
Waxaa saxiixay:
1. Abdullahi Yusuf Ahmed, former Somali president
2. Abdulqasim Salad Hassan, former Somali president
3. Mohamed Abdullahi “Farmaajo”, former Somali prime minister
4. Dr. Abdulnur Sheikh Mohamed, former education minister
5. Mohamed Hussein Rage, MP
6. Hussein Arale Aden, MP
7. Ali Omar Ghedi MP
8. Abdulqadir Sheikh Ismail, MP
9. Abdulfatah Ibrahim Rashid, MP
10.  Abdullahi Ghedi Shadoor, MP
11.  Muhudin Osman Ali, MP
12.  Prof. Mohamed Hussien Ilkadahab, MP
13.  Dr. Nur Dirie Hersi “Fuursade,” –  Italy
14.  Eng. Osman D. Osman, Virginia
15.  Abdirizak Omar Mohamed, Toronto
16.  Basto Ahmed, Virginia
17.  Eng.Mohamoud Dahir Adani, Virginia
18.  Abdirahman Ahmed, Ohio
19.  Abdiaziz Haji Hussein, Minnesota
20.  Professor Liban Egal, Seattle
21.  Abdulkani Rage Barrow, Ottawa
22.  Abdulkadir A. Abdi Ohio
23.  Dr Ali M. Tifow, London, UK
Xuquuqda Tarjumaada waa (Raxan reeb)
Gedoonlinenews@gmail.com
 Qaybta English: Hoos ka aqri
To: Ban ki-Moon, UN Secretary General
CC: UN Security Council
CC: The African Union
CC: The Arab League
An open letter concerning “The Garowe Principles”
We, Somali citizens, former leaders and civil society personalities, are gravely concerned about the implications of the “Garowe Principles.” Signed on December 24th by six Somali politicians under the auspices of the UN Political Office in Somalia (UNPOS), the pact was legally and politically flawed. If its declared intention was to end the transitional phase, and, as a result, the wider conflict, it achieved neither.
That the conference was held inside Somalia was an admirable step, and together with recommending significantly leaner parliament (225, down from 550 MPs), the Garowe gathering had a potential. But it nonetheless was a missed opportunity. Political settlement is contingent upon just and legal solutions to the underlying political problems. By default, the “Garowe Principles” empowered few individuals at the expense of state institutions. As a result, the pact fails to address the most serious problem: lack of fair political representation.
In this regard, we note the following five points:
1.      The “Garowe Principles” practically disenfranchises the Somali people. It steals the people’s inherent right to select their future leaders. The pact grants that basic right to handful of politicians. Moreover, the pact is dangerously ambiguous, presumably to allow the empowered “stakeholders” to interpret it as they see fit. Six politicians were given an outsized influence over the selection and formation of a new parliament and, subsequently, future political leaders. These so-called “stakeholders” are not representative of the wider Somali public. That they’re now at the center of shaping the future of Somalia deals a fatal blow to the reconciliation and peace gains made over the past few years. The leaders of the TFG, Puntland, Galmudug and Ahlu-Sunna Wal-Jama’a, while they are entitled to help shape the future of their country as citizens, must not be exclusively entrusted with the pivotal role of deciding on the future political dispensations. This vertical approach to solving Somalia’s crisis has been tested and tried, and the result was consistently disastrous.
2.      The pact essentially nullifies the Transitional National Charter (TNC), and it replaces the Transitional Federal Parliament (TFP) with a “National Constituency Assembly” (NCA). The proposed NCA is much bigger in size and few individuals are to select its members, thus creating another illegitimate entity.
3.      The “Garowe Principles,” while it misleadingly appears to pave the road for ending the transition, in fact extends it under another term: “provisional.” This play of words contravenes with the Transitional National Charter (TNC), the “Roadmap” and the Kampala Accord (KA), all of which stipulate the necessity to end the transition by August 2012.
4.      Among the signatories of the “Garowe Principles” is the former speaker of the parliament, Sharif Hassan Sheikh Aden. Notwithstanding that an overwhelming majority of the parliament removed him from his post earlier in December, the UNPOS allowed him to sign the agreement as the “speaker.” This move practically delegitimizes the legislative branch of the nation, undercuts its constitutional mandate and, more menacingly, infringes upon the sovereignty of our national institutions. In effect, the UNPOS is trying to singlehandedly reverse a parliamentary decision.
5.      Lack of fair political representation is at the heart of the Somali crisis. Instead of addressing this problem judiciously, the UNPOS has succumbed to political expediency by empowering its anointed “stakeholders.” As a result, the pact deepens Somalia’s crisis.
Keeping the aforementioned problems in mind:
1.      We are calling upon the international community, particularly the UN Security Council, to immediately intervene to rectify the situation. The first principle should be ‘do no harm’. The international community should help diffuse the situation not escalate it.
2.      New political dispensation is certainly needed. But, the process of selecting new members of the future Somali parliament should wholly be driven by communal-constituency assembly, led by traditional elders, not opportunistic politicians. Representative clan elders must be convened in a national conference and given the authority to select legislators, in consultations with their respective constituencies. With the aim of direct elections whenever the prevailing security situation permits, this process should be envisaged as a temporary arrangement.
3.      Until a new parliament is formed, the international community should empower the current institutions and respect the processes, despite its inherent weakness.
We hope that the UNPOS, along with the rest of the international community, do not once again miss another opportunity to affect a positive change. A new, more horizontal dispensation should be undertaken.
Signed by,
1.      Abdullahi Yusuf Ahmed, former Somali president
2.      Abdulqasim Salad Hassan, former Somali president
3.      Mohamed Abdullahi “Farmaajo”, former Somali prime minister
4.      Dr. Abdulnur Sheikh Mohamed, former education minister
5.      Mohamed Hussein Rage, MP
6.      Hussein Arale Aden, MP
7.      Ali Omar Ghedi MP
8.      Abdulqadir Sheikh Ismail, MP
9.      Abdulfatah Ibrahim Rashid, MP
10.  Abdullahi Ghedi Shadoor, MP
11.  Muhudin Osman Ali, MP
12.  Prof. Mohamed Hussien Ilkadahab, MP
13.  Dr. Nur Dirie Hersi “Fuursade,” –  Italy
14.  Eng. Osman D. Osman, Virginia
15.  Abdirizak Omar Mohamed, Toronto
16.  Basto Ahmed, Virginia
17.  Eng.Mohamoud Dahir Adani, Virginia
18.  Abdirahman Ahmed, Ohio
19.  Abdiaziz Haji Hussein, Minnesota
20.  Professor Liban Egal, Seattle
21.  Abdulkani Rage Barrow, Ottawa
22.  Abdulkadir A. Abdi Ohio
23.  Dr. Ali M. Tifow, London, UK
 

Munaasabad lagu soo dhoweynayay sanadka cusub oo lagu qabtay Xarunta Gobolka Banaadir

$
0
0

Munaasabad lagu soo dhoweynayay sanadka cusub ee 2012, laguna sagootinayay sanadkii 2011 ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabadan ka qeyb galeen Mas’uuliyiin kala duwan, sida Gudoomiyaha gobolka Banaadir, Gudoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir, Xildhibaano, Qeybaha bulshada, haweenka iyo fanaaniin.
Ururka Dhalinyarada ee SYAO oo soo qaban qaabiyay Munaasabadan ayaa lagu soo bandhigay suugaan kala duwan, oo Hobolada Fanaaniinta qaranka ay ka qaadeen munaasabada, bar baarta gaashaaman iyo ciyaaraha hidiyo dhaqanka, waxaana khudbado ka jeediyay Mas’uuliyiintii ka qeyb gashay.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan ayaa sheegay inay rajeynayaan in sanadka cusub ee 2012 in Magaalada Muqdisho dhamaan nabada noqoto, dadkana horumar iyo barwaaqo helaan, waxaana uu sheegay in Rajada Gobolka Banaadir ay tahay mid iftiinkeeda baxayo.
Mr Tarsan ayaa sheegay in Muqdisho ay xuduntii dalka u tahay, hadii dhibaato iyo rabshado ka jiraan ay la mid yihiin Gobolada kale, isagoo ku tilmaamay Caasimada muraayadii dalka.
Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada SYAO Maxamed Cajiib oo ka hadlay munaasabada ayaa ka hadlay dhibaatada dhalinyarada Soomaaliyed ka soo gaartay bur burkii dalka kadib, isagoo tilmaamay in dhalinyarada loo adeegsan jiray sidii ay dalka u dumin lahaayeen, waxaana uu ku nuux nuuxsaday in qaarkood maskaxda laga qalday.
Maxamed Cajiib ayaa ugu baaqay in dhalinyarada ka gudbaan caqabadahaas, isla markaana u midoobaan, sidii dalka uga shaqeyn lahaayeen dib u dhiska dalka, iyo nabada dalkooda.
Xildhibaan Xuseen Caraale Cadaan iyo Salaad Cali Jeelle oo ka mid ahaa xildhibaanadii ka qeyb galay ayaa soo dhoweeyay sanadkan cusub in shacabka Soomaaliyed u noqdo sanad barwaaqo, nabad iyo horumar, iyagoo ugu baaqay shacabka in meel uga soo wada jeestaan kooxaha dalka dhibaatada ka wada.
Intii ay socotay munaasabada ayaa waxaa Ururka SYAO ku soo bandhigay Document Film ah oo ku aadan waxqabadkooda sanadkii hore iyo howlihii ay qabteen, iyagoo barnaamijyo kala duwan ku qabtay dalka dibadiisa, kaasoo udub dhexaad u ahaa horumarinta dhalinyarada.
 
 
 













 

SOMALILAND: Co-founder of CandleLight honored

$
0
0

Photo: (From left to right) Dr. Claudia Paz y Paz Bailey, Sihem Bensedrine, Louise Arbour, Shukri Ismail, and Sima Sama; Courtesy of ICG 2011The International Crisis Group’s (ICG) annual In Pursuit of Peace award dinner broke with convention this year in big ways. Rather than patting the backs of politically powerful men like George H.W. Bush, Bill Clinton, and George Soros, as in years past, the Stephen J. Solarz prize went to four comparatively unsung women, who have advocated for rights in some of the most forbidding parts of the world, where women, in many cases, cannot even participate in political life, let alone shape it.ICG’s President and CEO Louise Arbour, together with the evening’s keynote speaker, U.S. Secretary of State Hillary Rodham Clinton – themselves models of what a feminine touch can bring to the male-dominated peacemaking table – used the occasion to honor their sisters-in-arms, dispel common myths about women in conflict, and announce a U.S.-U.N. policy to increase female participation in peacemaking processes.“Very often women are depicted only as victims in times of war and conflict,” Ms. Arbour told the Diplomatic Courier as the honorees were arriving. “But I think what we can show tonight is also the rise of the power of women. Not because it’s handed to them, but because they’re willing to exercise it and take it themselves by taking a place in public life.”Tunisian Sihem Bensedrine, Chief Editor of Radio Kalima and co-founder of several rights organizations in the North African country, had been beaten, jailed and stripped of property on numerous occasions, and was ultimately exiled in 2011 by the Tunisian government for her advocacy work. Following President Ben Ali’s ouster earlier in the year, Ms. Bensedrine returned to her country to become president of the Arab Working Group of Media Monitoring.Shukri Ismail of Somaliland co-founded the non-governmental organization CandleLight to promote health, educational, and environmental initiatives in one of the most fickle environments in the world. She was also the only female national election commissioner with Somaliland’s first National Election Commission.Thousands of miles from, but no more secure than Somaliland, Dr. Claudia Paz y Paz Bailey recently became Guatemala’s first female Attorney General. She has spearheaded the prosecution of some of the most high-profile criminals in Guatemala’s 36-year-long civil war just as the country is facing a resurgence of criminal violence from powerful drug cartels. After the torture and killing of one of her prosecutors and amidst threats to her own safety, Dr. Paz y Paz Bailey said her office apprehended their colleague’s perpetrators “without firing a single shot,” and have recently opened his court case.Afghan Sima Samar founded the Shuhada organisation which operates 55 schools for girls and boys in Afghanistan and three schools for Afghan refugees in Quetta, Pakistan. A medical doctor by profession, she has become an important figure in Afghan politics, earning a cabinet post in Hamid Karzai’s 2002 Afghan Transitional Administration, where she established a host of women’s initiatives. She is currently Chair of the Independent Human Rights Commission in Afghanistan.Beyond MoralizingBeyond the clear moral argument that women represent half of humanity, Secretary Clinton said, “there is a growing body of evidence” that women are part of “what’s missing from most peace talks and the agreements they produce.” Indeed, the track record of those agreements leave much to be desired. According to Clinton, more than 50 percent of most peace agreements fail within five years and the recidivism rate for civil war remains “particularly high.”She suggested four complementary ways in which women contribute positively to peace processes. First, women often raise issues that would otherwise be ignored, like human rights, health care, and individual security. “Why?” she asked. Because women often “know what’s actually happening where people live and work, and understand what average citizens are concerned about.” She illustrated the point with one of her favorite stories from Darfur: “When male negotiators deadlocked over control of a particular river during the seventh round of the 2006 negotiations, local women pointed out that the river had already dried up.”Second, according to Clinton, women tend to speak more on behalf of other marginalized groups and across cultural and sectarian divides. That can be an important asset in peace talks, considering evidence indicating that “a society that values all its members, including women, is also likely to put a higher premium on life, opportunity, and freedom,” she said.Next, female facilitators have been proven to be honest and productive brokers throughout the peace process. Citing field research, she said “that when women participate in negotiations, especially in large numbers, men behave less aggressively and are more willing to compromise.” If that is true, bearing in mind that male negotiators are often the combatants themselves, having large groups of women present makes sense.Fourth, women have proven adept at mobilizing outside pressure to move talks forward. Large turnout by women in protests across Liberia, Cote d’Ivoire, and Columbia have helped achieve the critical mass necessary to tip the scales toward peace, for example. Granted, not all such rallies have been successful: The mobilization of Somalian women called “the Sixth Clan” in 2000 is a case in point. “Did they achieve lasting peace in Somalia?” she asked. “No, but they did help produce an agreement that at least on paper guaranteed political participation for women and protected the rights of others as well. They continue to work toward the day when those human rights become a human reality for everyone in Somalia.”Backed by this research-based trove of data, Secretary Clinton turned to another paper that has fallen short of its stated goals for over a decade: United Nations Security Council resolution 1325. Titled “Women, Peace, and Security,” the 2000 resolution was the Security Council’s first to take a “gender perspective” on blue helmets’ peace operations and attempt to pink other areas of UN peace efforts.Less than one week after the White House officially ended its nine year war in Iraq, and just as it embarks on a phased drawdown of troops in Afghanistan, Secretary Clinton will announce an ambitious road map to embolden “Women, Peace, and Security.” Indeed, with the two Middle Eastern wars limping into new and uncertain periods, it seems the appropriate time to seek help from the other half of humanity, whom, in peacemaking terms, Ms. Clinton sees as “the largest untapped reservoir of talent in the world.”Diplomatic Courier

Sunderland oo guuldaradii 2aad oo dhabar jabisa ah u saarisay Man City

$
0
0

Dong-Won ayaa xilli ay dhamaadkii ciyaarta ka harsantahay ilbiriqsiyo wuxuu Sunderland u dhaliyay goolkii guusha, sidaana ay 1-0 kaga badisay Manchester City, waxeyna guuldaradaasi u tahay kooxda horyaalka hogaamineysa tii 2aad oo ku dhacda xilli ciyaareedkaan.
Weeraryahanka reer South Korean wuxuu goolkiisa u muuqday mid offside. ah, sida ay muujinayeen ku soo celiska Talafishinka.
City, waxey hogaanka ku heysa gool tirsi, waxeyna lumisay firsad ay hogaanka ugu dheereysan laheyd Manchester United oo shalay qasaaro 3-2 kala kulantay Blackburn, ciyaartii ka dhacday Old Trafford.
City , waa markii 2aad oo ay ku guuldareysato iney wax gool ah ka dhaliso horyaalka. guuldaradaan waxey ku soo beegmeysaa 6 maalin kadib xilli ay 0-0 la gashay West Bromwich Albion.
 
City iyo United waxey wada leeyihiin min 45 dhibcood min 19 kulan oo ay wada ciyaareen, 6 dhibcood waxey ka sareeyaan kooxda kaalinta 3aad ee Spurs oo kulan u harsanyahay.
Guusha ay galabtay heshay Sunderland waxey ka soo saareysaa booska 3aad ee ugu hooseeya waxeyna soo fariisineysaa kaalinta 13d, waxeyna tani guul wanaagsan u tahay macalin Martin O’Neill oo 5 Dec kooxda u yimi.
Sunni Said Salah

Somalia: Khaatumo conference unsettles Somaliland ruling elite

$
0
0

Somaliland Minister for Interior, Mohamed Nur Arale,   told  the London-based Universal TV  that Somaliland  administration  supported the Khaatumo conference currently being held in the historic  town of Taleex  but that it will not allow  anti-Somaliland politicians to manipulate the meeting. “We will not accept any anti-Somaliland declaration because malcontents   with Somali flags are now attending the meeting,” Arale said.
Nearly one year ago a  meeting  for diaspora groups of Sool and Sanaag and Cayn Diaspora (Consultative Conference of Beesha Dhulbahante )   was held . A  14-point declaration  based on  six principles was issued. Three of the principles are:

  • Unity and territorial integrity of Somalia
  • Democratic self-governance and the abiding rights to resistance against aggression
  • Peaceful political dialogue in managing conflicts

The first principle is in line with UN Security Council Resolution 1863 (2009) while the second and third principles emphasise peaceful resolution of conflict rather than clan warfare.
Somalilad Minister for Interior called some participants in Taleex conference qaran-dumis (   elements bent on destroying the nation). Somaliland administration prides itself on being a good example of governance while many parts of Somali were affected by civil war but the language of its Interior Minister    shows that Somaliland feels unsettled by a conference for people who don’t subscribe to secession.
Nearly 14 months ago  Somaliland administration of president  mishandled Kalshaale incident (Somaliland Government Erred on Kalshaale Decree) by ordering his troops, known to him as national army, to  be on the side of his clansmen , a decision to which Declaration of the Consultative Conference  referred  as “war  campaigns waged against our people.”  Somalia’s political turmoil is partly fuelled by reluctance and refusal to candidly discuss political problems in a non-dogmatic and bigoted approach.  Somaliland administration   will be undermining its achievements if it continues poking its nose into meeting for leaders of clan that supports peaceful coexistence   and political unity of Somalia.
Liban Ahmad
libahm@gmail.com

Dhaawac soo gaadhay Boorama iyo Qaar kale oo Hargaysa la geeyay, Maxaase sababay dagaalka ?

$
0
0

Sadex dhaawac ayaa caawa la soo gaadhsiiyay magaalada Boorama, dhaawacan ayaa dadkii deegaanka ka soo qaaday sheegeen in uu sababay ka dib markii maleeshiyada gabilay ay dhaceen xooolo dhaqato ka soo hayaamay Abaaraha degmada Lughaya oo degen deeganada Hadhlay, Buqdhada iyo Gorayo ku dhalka oo ka tirsan degmada Gabilay siiba deeganada soo xiga degmada Baki ah
Dadkaas ay Abaartu wado ayaa markii xoolihii laga dhacay waxay u soo qaylo dirsadeen ciidamada deegaanka Seemaal, kuwaas oo ka daba gurmaday xoolihiina ka soo celiyay Maleeshiyada qaadatay, Hadaba kooxdan dhaawacantay ayaa lagu sheegay in ay ahaayeen qolyo maqlay warka ah in xoolo la dhacay oo dagaal socdo, isla markaana ka daba gurmaday, balse intii aanay gaadhin ay u galeen Ciidan beeleed Booliska Gabilay ah, ka dibna ay qoryaha dhiga yidhaahdeen oo is dhiiba, balse ka diiday oo rasaasta la isweydaarsday, waxaana dhacday in ay dhaawacaan sadexdan qof oo dhaawac sahlan ah iyo mid la geeyay hargaysa oo ay iyagu qaadeen dhaawicisii, hadana lagu dawynayo cusbataalka Hargaysa, waxa kale oo la sheegaya in ay qaadeen sadex aan dhaawac ahayn oo laba yihiin beelaha M/case midna beelaha reer Nuur, kuwaas oo la sheegayo in iyagana la geeyay Hargaysa.
Arintan ayaa waxa cabaar 5 tii galabnimo u soo shaagay xubno wasiiro ah oo ku sugnaa Boorama u soo sheegay taliyaha booliska Gabilay Mr.Fadal ahna Hogaan hawlgelinta ciidanka Booliska Somaliland, wasiiradaas oo ah labada wasiir ee H/guud,Beeraha iyo k/xigeenka Waxbarashada xili ay la socdeen Xoghayaha fulinta IGAd oo yimid Boorama, balse iyaga iyo weftigiiba waxay dib ugu caraabeen Hargaysa, Arintan ayaana ku noqotay mid fajaciso ah,.
Si kastaba ha ahaatee waxaa cabsi badani ka jirtaa in ay isku dhacaan ciidamada sheeganaya Qaranka iyo dadka deegaanka ee iska caabinta ku jira ee deegaanada Seemaal, kuwaas oo ay horaba u saamaysay colaada jiidahaas ka taagan,.
Source-Awdalpress


Wariye Cabdiqafaar Axmed Shire oo ku Guuleystay Hogaanka Saxafiyiinta Kenya (Sawirro)

$
0
0


Wariye Cabdiqafaar Axmed Shire
Wariye Cabdiqafaar Axmed Shire oo kamida wariyayaasha Soomaaliyeed eek u sugan dalka Kenya uu maanta ku guuleystay hogaanka saxafiyiinta qurba joogga ah ee Dalkaasi.
Doorashadan oo ahayd mid si aad ah loo hadal hayay tan iyo dabayaaqadii sanadkii tagay ee 2011 ayaa waxaa maanta lagu qabtay Hoolka Shirarka ee Hudheelka Madiina Mall, waxaana kasoo qeyb gallay kullanka inkabadan 80 saxafi oo ka kala yimid gobolada kala duwan ee dalka Soomaaliya.
Labada Musharax Cabdiqafaar iyo Aadan Kismaayo oo Garab Fadhiya Guddiga Doorashada
Abaarihii 4:45 galabnimo axadii shalay ahayd ayay guddiga doorsahada oo uu hogaaminayay Fu’aad Maxamed Cilmi “Fu’aad Deeqsi” waxay ku dhawaaqeen iney guda galayaan doorsahada hogaanka saxafiyiinta Qurba jooga ah ee Dalka Kenya iyagoona meeshaasi ka shaaciyay in xilkani ay isu taageen labo musharax oo kala ah Cabdiqafaar Axmed Shire iyo sidoo kale Aadan Maxamed Salaad “Aadan Kismaayo”.
Kadibna waxaa si toosa loo guda galay doorashada oo ahayd mid qarsoodi ah islamarkaana uu saxafi walba dooranayay musharaxa uu la dhacsan yahay, iyadoona ay goobta ku weheliyeen guddiga doorashada xubno iyagu ahaa ganacsato, culimaa’udiin iyo dhalinyaro kuwaasi oo kor joogayaal ahaa isla markaana eegayay qaabka ay doorashadu u dhacayso.
Xubno Kamida Guddiga Doorashada Fiyoore & Ilkacase
Si kastaba ha ahaatee guudiga Doorashada ayaa intii aysan sida rasmiga ah u bilaabin doorashada waxay daqiiqado kooban siiyeen labada musharax si ay markaasi uga sheekeeyaan taariikh noloeedkooda, aqoontooda, xirfadooda shaqo iyo sidoo kale waxa ku dhaliyay iney xilkani isu soo taagaan.
Waxaana sidoo kale ay guddiga doorsahadu ka codsadeen in labada Musharax uu midba midka kale uu u muujiyo walaaltinimo iyo saaxiibtinimo isla markaana uu mdiba midka kale la shaqeeyo si kasta oo aydoorashadu kusoo idlaato.
Gabdhaha Wariyayaasha ah ee Kullanka Kasoo Qeyb Gallay
Waxaana intaasi kadib la guda galay codbixinta oo ahayd mid qarsoodiya, waxaana ay guushu ku raacday Wariye Cabdiqafaar Axmed Shire oo waayadanba u muuqanayay inuu ku jiray olole xooggan oo uu doonayay inuu jagadaasi qabto.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada ayaa markii ay doorashadu dhacday waxa uu ku dhawaaqay natiijada doorashada isagoona sheegay in guddigu ay si xalaal ah u maareeyeen doorsahada waxa uuna shaaciyay in saxafiyiinta kullanka kasoo qeyb gashay ay ahaayeen ilaa iyo 81 saxafi isla markaana ay u kala codeeyeen 56 saxafi oo u codeysay Cabdiqafaar Shire halka Aadan Maxamed Salaad “Kismaayo” uu helay 26 cod.
Wariyayaasha Joogay
Kullankan doorshada oo ay kasoo qeyb galleen marti kala duwan ayaa xubnihii kasoo qeyb gallay waxaa kamid ahaa Afhayeenka ururka ASWJ Maxamed Ibraahim Awliyo, Sheikh Maxamed Ibraahim Shakuul, Sheekh Cabdiraxmaan, qaar kamida ganacsatada Isii Mall, iyo sidoo kale Wariye Maxamed Xaaji “Fiyoore”.
Sidoo kale waxaa wariyayaashii kasoo qeyb galay kullanka ee ka jeediyay khudbadaha kamid ahayd wariye Xoriyo Cabduqaadir Shiikh oo 14 September ay kooxo hubeysani dhaawac ugu gaysteen magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Wariyayaasha Kullanka Joogay
Wariye Xoriyo oo haatan kasoo bogsanaysa dhaawacaasi ayaa wariyayaasha Soomaaliyeed kula dardaarantay iney ilaaliyaan midnimada, iyo wanaagga mihnaddana ay ka dhigtaan aalad ay ku walaaloobaan, waxay calool xumo ka muujisay in wariyayaasha gudaha ku jira ay khatar badan ku shaqeynayaan isla markaana loo baahan yahay in bahda saxaafaddu ay noqoto ul iyo diirkeeda kana fogaadaan wax walba oo kala qeybin kara.
Aadan Maxamed Salaad “Kismaayo” oo ahaa musharaxa la tartamay Cabdiqafaar Shire ayaa sheegay inuu si dhameystiran ula shaqeynayo saaxiibkiis Cabdiqafaar Shire, islamarkaana uu u rajeynayo inuu noqdo midkii wax ka qabta baahiyaha heysta saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Kenya Qaxootiga ku ah.
Wariye Ayaanle Xusseen Cabdi oo Garab Fadhiya Labada Musharax
Waxa uuna ilaahay uga baryay in saaxiibkiis hawshan adag ee hortaalla uu u fududeeyo, isagoona guud ahaan saxafiyiinta ka codsaday iney la shaqeeyaan.
Wariye Cabdiqafaar Shire oo muddo kusoo jiray warbaahinta Soomaalida horeyna ula soo shaqeeyay idaacadaha Bar-kulan, iyo Star FM oo Nairobi ah, haatana kamida wariyayaasha Somalia Report ayaa ka hadlay madasha kadib markii uu doorashada ku guuleystay waxa uuna sheegay inuu ballan qaadayo in saxafiyiinta Soomaaliyeed uu si siman ula shaqeynayo isla markaana ku dadaali doono dhawritaanka Midnimada iyo sharafta saxafiyiinta, raadinta xuquuqda aasaasiga ah ee ay leeyihiin saxafiyiinta, sida warqadaha shaqada, ogolaanshiyaha joogitaanka Kenya, Tababaro aasaasiya, iyo dib u dejin inta laga heli karo wadamada bixiya dib u dejinta.
Afhaayenka ASWJ
Waxa uu sheegay in isaga oo kaashanaya bahda saxaafadda Soomaaliyeed uu ku dadaali doono sidii waxyaabaha aasaasiga ee ay saxafiyiintu u baahan yihiin uu qaban lahaa isagoo kaashanaya cid walba oo suuragalin karta arintaasi.
Ugu dambenytii labada arimood ee ugu horeeya waxa uu ku sheegay inuu dhaqaalle aruurin u sameyn doono wariye Xoriyo Cabduqaadir oo Gaalkacyo lagu soo dhaawacay haatana soo gaartay Nayroobi iyo sidoo kale qoyska Wariye Cabdisalaan Sheekh Xassan “Xiis” oo magaalada Muqdisho uu nin hubeysani ku dilay bishii December ee sanadkii tagay ee 2011.
Kullankan oo ahaa mid si aad ah ay saxafiyiintu usoo buuxiyeen ayaa u muuqanayay in inta badan saxafiyiintu ay la dhacsanaayeen qaabka loo soo agaasimayay doorashada, waxaana haatan la sugayaa in Cabdiqafaar Shire uu soo dhiso nidaamka iyo gollayaasha Saxafiyiinta qurba jooga ah ee dalka Kenya ay ku shaqeyn doonaan.

Fu’aad Maxamed Cilmi “Fu’aad Deeqsi”
Guddoomiyihii Guddiga Doorashada Nayroobi.
Guddigadoorashada@gmail.com

Shirka Khaatumo 2 oo bari taleex ka furmaya.

$
0
0

Waxaa maalinta bari ah la filayaa in degmada taleex ee gobolka sool uu ka furmo shir ay isugu imaanayaan dhammaan dub dhaqanada reer dhulbahante,kaasi oo looga hadalayo aayaha goblada la isku yirahdo SCC shirkaasina loogu magacdaray Khaatumo 2.
Shirka maalinta barita ah ka furmaya degamda taleex ee gobolka sool ayaa waxaa ka qaybgalaya wafuud kala duwan oo kakala tirsan beesha dhulbahante io jaaliyada dibada qaarkamida kuwaasi oo qaarkood kusugan degmaasi.
Masuuliyiin iyo dub dhaqano kala duwan ayaa ku sugan islamarkaana ka qayb qaadnaya shirkaasi kuwaasi oo maalimihii ugu dambeeyay kusii qul qulayay degmadaasi taleex ee gobolka sool.
Dhammaadkii sanakii tagay ayaa waxaa la qorsheeyay in uu dhaco shirkaasi balse waxaa ku yimid dib u dhac taasi oo ah xiiso colaadeed oo deegaankaasi ku dhexmaray labo beelood oo ood wadaag ah.
Wariyayaasha ku sugan degamda taleex kana qaygalaya shirkaasi oo warbaahiinta radio widhwidh online ay kamid tahay Saxaafada loo ogaladay in ay shirkaasi ay ka qaybgalaan islamarkaana wariyayaal noo joogaan ayaa waxay kusoo warmayaan in xaalada amni ee deegaankaasi uu yahay mid aad iyo aad u wanaagsan lana filayo mid barito shirka ka furmayo.
Si kastoo ay xaaladu ahaataba maalinta barita ah ayaa lafilayaa in uu si rasmi ah u furmo Shirka loogu magacdaray khaatumo 2 oo ay yeelanayaan beesha dhulbahante kaasi oo looga hadlayo aayaha gobolada la isku yirahdo SSC Sool,sanaag,iyo ceyn.
Xafiiska radio widhwidh online Garowe.

Madaxda Qaranka Somaliya oo si xasaasi leh uga soo horjeestay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya “Warbixin Xasaasi ah”

$
0
0

Gudiga Amniga Qaranka ayaa waxay kullan deg deg ah ay ka yeesheen wax-yaabihii maanta ka dhacay Xaruunta Golaha Shacabka ee Magaaladda Muqdisho, waxayna Madaxda Dowladda ay ka soo saareyn wax saxaafadeed, wuxuuna u qornaa sidatan:
Kulankii caadiga ahaa ee ay maanta isugu yimaadeen Gudiga Amniga Qaranka oo looga hadlay xaaladda amni ee dalku ku suganyahay iyo qalalaasaha siyaasaddeed ee ka aloosan Golaha Baarlamaanka, uuna shir gudoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed isla markaana ay kasoo qeyb galeen Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ra’isul wasaaraha Xukuumadda,K/xigeenka Ra’isul wasaaraha ahna WasiirkaGaashaandhiga,Wasiirada Cadaalada,Warfaafinta iyo Wasiir Ku xigeenka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka iyo Taliyayaasha Ciidanka & Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxay ku tilmaameen wax laga xumaado dhibaatadi iyo khasaarahii ka dhacay xarunta Baarlamaanka, iyagoo umadda soomaaliyeed uga tacsiyeeyay falalkaas masuuliyad daradda ah ee aan ku habooneyn.
Guddiga iyagoo tixgelinaya marxalada adag ee dalku marayo iyo xaaladaha siyaasadeed, amni iyo fadhiyada joogtada noqday ee buuqa iyo rabshadaha wata, waxay u arkeen in ay lama huraan tahay in ay go’aan ka qaataan si loo badbaadiyo sumcada iyo magaca qaranka Soomaaliyeed, waxay go’aansadeen qodobadda soo socda:
a) In kulanki manta iyo kuwii ka horeeyaba ee lagu dagaalamay iyo go’aanadi kasoo baxay ay ahaayeen kuwa aan ku fadhin sharci, isla markaana waxba kama jiraan ah.
b) In baarintaan deg deg ah lagu sameeyo fal danbiyeeyadi ka dhacay xarunta Baarlamaanka ee sababay khasaaraha isugu jira dhaawac iyo burbur hantiyeed.
c) Si looga hortago qalalaaso hor leh, loogana baxo marxaladda adag ee dalku marayo waa in lasoo dedejiyaa howlihii dhameystirka iyo ansixinta Dastuurka iyo soo xulidda xubnaha Baarlamaanka cusub.
Ugu danbeyn, Gudiga Amniga Qaranka wuxuu u soo jeedinayaa dhamaan xubnaha baarlamaanka in ay tixgeliyaan Axdiga Ku meel gaarka ah ee Soomaaliya oo saldhiga u ah shuruucda dalka.
DHAMMAAD

Gudiga Amniga Qaranka oo war saxaafadeed ka soo saaray qalalaasaha siyaasadeed ee Baarlamaanka

$
0
0

(Muqdisho, January 04, 2012) Kulankii caadiga ahaa ee ay maanta isugu yimaadeen Gudiga Amniga Qaranka  oo looga hadlay xaaladda amni ee dalku ku sugan yahay iyo qalalaasaha siyaasaddeed ee ka aloosan Golaha Baarlamaanka, uuna shir gudoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed isla markaana ay  kasoo qeyb galeen Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ra’isul wasaaraha Xukuumadda,K/xigeenka Ra’isul wasaaraha ahna  WasiirkaGaashaandhiga,Wasiirada Cadaalada,Warfaafinta iyo Wasiir Ku xigeenka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka iyo Taliyayaasha Ciidanka & Gudoomiyaha Gobolka Banaadir  ayaa waxay ku tilmaameen wax laga xumaado dhibaatadi iyo khasaarahii ka dhacay xarunta Baarlamaanka, iyagoo umadda soomaaliyeed uga tacsiyeeyay falalkaas masuuliyad daradda ah ee aan ku habooneyn.
Guddiga iyagoo tixgelinaya marxalada adag ee dalku marayo iyo xaaladaha siyaasadeed, amni iyo fadhiyada joogtada noqday ee buuqa iyo rabshadaha wata, waxay u arkeen in ay lama huraan tahay in ay go’aan ka qaataan si loo badbaadiyo sumcada iyo magaca qaranka Soomaaliyeed, waxay go’aansadeen qodobadda soo socda:
A)      In kulanki manta iyo kuwii ka horeeyaba ee lagu dagaalamay iyo go’aanadi kasoo baxay ay ahaayeen kuwa aan ku fadhin sharci, isla markaana waxba kama jiraan ah.
B)      In baarintaan deg deg ah lagu sameeyo fal danbiyeeyadi ka dhacay xarunta Baarlamaanka ee sababay khasaaraha isugu jira dhaawac iyo burbur hantiyeed.
C)      Si looga hortago qalalaaso hor leh, loogana baxo marxaladda adag ee dalku marayo waa in lasoo dedejiyaa howlihii dhameystirka iyo ansixinta Dastuurka iyo soo xulidda xubnaha Baarlamaanka cusub.
Ugu danbeyn, Gudiga Amniga Qaranka wuxuu u soo jeedinayaa dhamaan xubnaha baarlamaanka in ay tixgeliyaan Axdiga Ku meel gaarka ah ee Soomaaliya oo saldhiga u ah shuruucda dalka.
DHAMMAAD

Warsaxaafadeed ka soo baxay Villa Somalia;-Kulankii maanta ee Baarlamaanka Sharci daro ayuu ahaa loomana dulqaadan karo

$
0
0

Muqdisho(Pi) Kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen Golaha Abniga Qaranka Soomaaliyeed ayna goobjoog ahaayeen Madaxweynaha, Ra’iisalwasaaraha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wasiiro ayaa laga soo saarey Warsaxaafadeed lagu dhaleecaynayo rabshadihii ka dhacay Baarlamaanka laguna tilmaamay in kulankii maanta ay Xildhibaanada qaar yeesheen uu ahaa mid sharci daro ah,waxaa kaloo lagu tilmaamay rabshadaha iyo buuqa ay wadaan kooxda diidan Gudoomyiha mid aan loo dulqaadan karin.
Warsaxaafadeedka ayaa u qoraa sidan;- Guddiga iyagoo tixgelinaya marxalada adag ee dalku marayo iyo xaaladaha siyaasadeed, amni iyo fadhiyada joogtada noqday ee buuqa iyo rabshadaha wata, waxay u arkeen in ay lama huraan tahay in ay go’aan ka qaataan si loo badbaadiyo sumcada iyo magaca qaranka Soomaaliyeed, waxay go’aansadeen qodobadda soo socda:
a)      In kulanki manta iyo kuwii ka horeeyaba ee lagu dagaalamay iyo go’aanadi kasoo baxay ay ahaayeen kuwa aan ku fadhin sharci, isla markaana waxba kama jiraan ah.
b)      In baarintaan deg deg ah lagu sameeyo fal danbiyeeyadi ka dhacay xarunta Baarlamaanka ee sababay khasaaraha isugu jira dhaawac iyo burbur hantiyeed.
c)      Si looga hortago qalalaaso hor leh, loogana baxo marxaladda adag ee dalku marayo waa in lasoo dedejiyaa howlihii dhameystirka iyo ansixinta Dastuurka iyo soo xulidda xubnaha Baarlamaanka cusub.
Ugu danbeyn, Gudiga Amniga Qaranka wuxuu u soo jeedinayaa dhamaan xubnaha baarlamaanka in ay tixgeliyaan Axdiga Ku meel gaarka ah ee Soomaaliya oo saldhiga u ah shuruucda dalka. DHAMMAAD
 Shirka waxaa shirgood ka ahaa Madaxweynaha Soomalaia Shariif Sheekh Axmed, Waxaana goobjoog ahaa  Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Xasan , Ra’isul wasaaraha Xukuumadda,,Wasiirada Cadaalada,Warfaafinta iyo Wasiir Ku xigeenka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka iyo Taliyayaasha Ciidanka & Gudoomiyaha Gobolka Banaadir  
Puntlandi.com
Muqdisho

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live