Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Gudoomiyahii Gudida Dhakhtarka weyn ee Hargeysa Marxuum Maxamed Xuseen Caabi ayaa ku geeriyooday cisbital ku yaala magaalada London.

$
0
0

Tacsi!
Haddaanu nahay hawlwadeenada mareegta caafimaadka, waxa aanu tacsi weyn oo aan la soo koobi karin u diraynaa ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay, Ilaahay ha unaxariistee, marxuum Maxamed Xuseen Caabi , oo ahaa guddoomiyaha guddida dhakharka weyn ee magaalada Hargeysa. Waxa uu ahaa ruux fiican oo jeclaa in dhakhtarka weyn ee magaalada Hargeysa, meel wanaagsan gaadho marka ay noqodto xaga horumarinta dhakhtarka . Intii uu guddoomiyaha u ahaa marxuumku, guddida dhakhtarka weyn ee magaalada Hargeysa waxa uu meel wanaagsan gaadhsiiyey dhakhtarka. Waxa aan xasuustaa anigoo dhakhtarka magaalada Hargeysa jooga bishii maarsh ee 2011 la i tusay marxuumka oo markaa socda gudaha hore ee dhakhtarka, anigoon oo aan aqoon hore u lahayn
laygu yidhi ninka halkaa marayaa waa guddoomiyihii dhakhtarka Hargeysa, dadkuna ay runtii aad u amaanayeen sida uu wax uga qabtay dhakhtarka Hargeysa. Dhakhtarka magaalada Hargeysa ayaa ahaa gurigiisa 2aad. Ilaahay ha u naxariisto aamiin.
Bahda mareegta caafimaadka
www.caafimaadka.com
E-mayl: editor@caafimaadka.com
E-mayl:caafimaadka2011@gmail.com
Warkan hoosta ku qoran waxa aanu ka soo xiganay: SDWO
SDWO (London 04/01/2012) Gudoomiyahii Gudida Dhakhtarka weyn ee Hargeysa Marxuum Maxamed Xuseen Caabi ayaa ku geeriyooday cisbital ku yaala magaalada London.
Alla ha u naxariistee Marxuumku waxa uu u geeriyooday xanuun uu mudooyinkanba u jiifay. Marxuum Maxamed Xuseen Caabi wuxuu ahaa odaygii Marwo Samsam Cabdi Adan – Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa dhanbaal tacsi ah u diray ehelkii iyo asaxaabtii uu ka baxay marxuumku. Sidoo kale waxa tacsi tiiraaanyo leh u diray marxuumka Gudoomiyaha horumarinta ADEM ee akaadimiga horumarinta iyo waxbarashada dadka la hayb sooco Xuseen Ibraahim Xasan.
Gudoomiyaha SDWO Guled Cabdi Sheekhaash iyo dhamaan bahda SDWO.COM waxay geerida ku timid marxuumka ay ka tacsiyadaynayaan Marwo Samsam Cabdi Adan iyo dhamaan ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumku inuu ilaahay samir iyo iimaan ka siiyo, waxaanuna Ilaahay uga baryaynaa marxuumka inuu geeyo janadii fardoowsa.
Sidoo kale waxa tacsi na soo gaadhsiiyay Abdiaziz Shabeel iyo jaaliyada Somaliland ee magalaada JÖNKÖPING ee dalka SWEDEN.
Inaalilaahi wa inaa ilaahu raajacuun.
SDWO News Desk – London


Daawo Sawirada: Sida Xildhibaanada Baarlamaanka ay u doorteen Madoobe Nuunow Maxamed

$
0
0

Gudoomiyaha Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxaa goor dhaw loo-doortay Madoobe Nuunow Maxamed, kadib markii meesha laga saaray Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Xildhibaanada Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya ee ka soo horjeeda Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa waxay maanta kullan balaaran ay ku yeesheen Xaruunta Golaha Shacabka ee Magaaladda Muqdisho.
Madoobe Nuunow Madoobe ayaa waxa la-tartamaayay
Maxamuud Macalin Yaxye 63 cod
Xuseen Cusmaan Xuseen 32 cod
Cali Sheekh C/Laahi Afgooye Afgooye 16 cod
Sheekh Nuur Cali Aadan 16 cod iyo Xildhibaan C/Casiis Lafta Gareen, inkastoo uu markii dambe uu is-casilay.
Gudoomiye ku Xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Axmed Dhimcil Casoowe, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Madoobe Nuunow Maxamed uu noqday Gudoomiyaha Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya.
Si kastaba ha-ahaatee tani ayaa waxay ka dambeysay kadib markii maanta Xildhibaanada Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya, ay maanta ku adkeysteen inay soo dooran doonaan Gudoomiyaha Baarlamaanka.






Horyaalkii 27-aad ee ciyaaraha fudud oo la soo xirey (Madaxda GOS oo ka hadashey) + sawiro

$
0
0

Sports-hobyonet)Waxaa galabta garoonka banaadir lagu soo gabo-gabeeyey tartankii horyaalka 27-aad ee ciyaaraha fudud kaasi oo maalmo ka hore ka bilowdey halkaasi.
Tartanka horyaalka 27-aad ee ciyaaraha fudud ayaa waxaa ka qeyb galay ilaa sideetameeyo ciyaaryahano oo isugu jira gabdho iyo wiilal kuwaasi oo ku tartamayey orodka, 100m,200m,400m,800m,1500m,5000m,iyo boodada sare iyadoo kooxo gaaraya lix kooxood ay u ordayeen ciyaaryahanada.
Xafladii gabo-gabada tartankaasi ayaa waxaa galabta ka soo qeybgalay madaxda Gudiga olombikada soomaaliyeed ee GOS,madaxda xiriirada qaarkood, sida kubadda cagta, k.koleyga ciyaaraha fudud iyo tababarayaasha ciyaaraha fudud ayaa waxaa ka hore la daawaday tartanka qeybihii ugu danbeeyey oo ay ku baratamayeen ciyaaryahanada orodka 200m.800m.iyo 5000m oo ah orod dheer oo 12 wareeg iyo bar lagu ordayey garoonka banaadir.
Waxaa halkaasi qudbado ku aadan tartanka horyaalka ka soo jeedisey Marwo Khadiijo aden dahir oo ah ku xigeenka xiiriirka ciyaaraha fudud, iyadoo sheegtey dadaalka xiriirkoodu ugu jiro horumarinta ciyaaraha fudud iyo sidii loo heli lahaa ciyaaryahano mustaqbalka guulo ka keena dibadda.
Ku xigeenka GOS ahna madaxa xiriirka caalamiga ee olombikada ayaa halkaasi si weeyn ugu mahadceliyey ciyaartoyda tartankaasi ka qeybgashey iyo xiriirka ciyaaraha fudud.
“Dhabtii waxaan u soo joogey furitaankii tartanka iminkana waxaan joognaa xiritaankii waana ii farxad anigoo idinku waaninaya inaad dadaalkiina halkaan ka sii wadaan” ayuu yiri.
Duraan faarax ayaa tusaalle u soo qaatey in dalka mareykanka uu maanta xukumo Madaxweyne Madoow ah, kaasi oo halku dhigiisu uu yahay “Yess we can” sidaasi darteed idinkuna waad gaari kartaan inaad ku guuleysataan world champion ama Olympic champion ayuu ku dhiirigeliyey ciyaartoyda halkaasi joogtey.
Gudoomiyaha GOS Aden x.yabaroow (Wiish) ayaa ugu danbeyntii halkaasi ka sheegey inay muhiim tahay in dhalinyarada laga soo jeediyo waxyaabaha xun xun muqaadaraadka iyo dagaalada ayna ciyaaraan ciyaaraha kala duwan.
Waxaa uu amaanay xiriirka ciyaaraha fudud oo uu sheegey inay muhiim tahay inay ku deydaan xiriirada kale ee jira, isagoo kula dardaartay inay soo celiyaan magacii ciyaaraha fudud somaliya ku lahayd.
“Waxaa inagu soo fool leh ciyaarihii olympicada aduunka oo dhowr bilood ka dib lagu qaban doono London, waxaana uga qeybgalaynaa dhinaca ciyaaraha fudud sidaasi darteed waxaan rajeyneynaa inaan helno ciyaartoy wanaagsan oo tartankaasi inoo metesha” ayuu hadalkiisa ku soo gabogabeeyey Wiish.
Waxaa halkaasi lagu bixiyey abaal marino bilado iyo koobab isugu jira waxayna ciyaartoyda kaalimaha ugu kala guuleysteen:
Orodka 800M
1.C/dalla Maxamed Xuseen “Weah” (Heegan)
2.C/laahi Barre Kuulow (Heegan)
3.Ibraahim Axmed Aaden ( Jubba Air)
Orodka 1500M
1.Maxamed Xasan Maxamed ( Shabeelle)
2.C/laahi barre kuulow (Heegan)
3.C/shakuur Nageye C/lle (Heegan)
Orodka 100m
1.Ibraahim Xuseen jeylaani (Jubba air)
2.Mahad C/kariin C/lle (Jubba air)
3.Saleebaan Sh.bashiir (Heegan)
Orodka 200M
1.C/dalla Maxmed X. Weah (Heegan)
2.Ibraahim Xuseen Jeylani (Jubba Air)
3.Maxed Cali Tuure (Jubba Air)
Orodka 5000M
1.Maxmed xasan maxed (Shabelle)
2.C/shakur Nageye C/dulle (Heegan)
3.Ibraahim Yusuf Axmed (Shabelle)
Dhinaca Koobabka kooxaha dhibcaha guud
1.Heegan oo urursatey 43 dhibcood
2.Jubba Air oo urursatey 34 dhibcood
3.Shabelle oo urursatey 26 dhibcood.
FG:Sawirada Filo insha allah
C/xafiid C/samad Zaciimka
Zaciimka02@hotmail.com

Shir odayaal oo Bristol /UK lagu qabtay

$
0
0

Shir lagu qabtay magaladaBristolee cariga ingriiska (UK) aya waxaa lagu aasaasay urur gole odayaal oo ka kooban magaalooyinka boqortoyada ingriiska gaar ahaan kuwa Soomaalidu degenyihin ama ay ka dhisanyihin Communities-ku.
Shirkaas waxaa ka soo qayb galay madaxda ururada Soomaaliyeed ee ka dhisan magalooyinkaBristol,Birmingham, Sheffield, Leicester,Londoniyo wakiilka dawlada GMK ah ee Uk Abdulqadir Aden Ali.
Jaaliyada Bristol oo u horkacaayo Xaji macow Cumar ayaa gogoosha dhigay soona abaabulay Shirka. Shirka waxaa hadalo soo dhaweyn ah ka soo jeediyey Xaji Mocow, ayado wufudii gobolada ka kala timidna ay halkaas talooyin iyo fikrado wax ku ool ah ka soo jeediyeen. Ragga meeshaas ka hadlay waxaa kamid ah; Ugaas abdifitax, Maxamed sayid Cumar, Cilmi Xaji Qorey, Maxamed Axmed Roble. Dhamaan mudanayaashii halkaas ka hadlay waxay ku nuuxnuuxsadeen bahida loo qabo in la sameeyo golle odayaal oo matala dhamaan ummada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka boqortoyada Ingriiska.
Waxaa la isku wada raacay in golaha loo baxsho “GOLLAHA GUURTIDA SOOMAALIYEED EE UK”. Waxaa la magacaabay golle ku meel gaar ah oo soo qabanqaabiya sidii loo dhisi lahaa golle guurti oo rasmi ah.
Ugu dambeyntii waxaa hadal qaban halkaas ka soo jeediyey mudane Cabdulqadir Aden Cali oo ah wakiilka Dawlada ku meel gaarka ah. Mudane Cabdulqadir wuxu balan qaaday in ay tageerayaan lana shaqeyn doonan golaha la magacaabay asagoo dhiri geliyey in hawsha la dardar geliyo, si dhaqso ahna loo soo dhiso golaha guurtida ee rasmiga ah.
Liska Gollaha Guurtida ee ku meel gaarka ah

  1. Shariif Ahmed                                                     Gudomiye
  2. Haji Macow  Cumar                           Xubin
  3. Abdifutax ugaas                                   Xubin 
  4. Mahamed Farah(QAMBI)               Xubin
  5. Mahamed Shariif                                Xubin
  6. Mahamed Ahmed Rooble                Xubin
  7. Abdifatax Abshir Xareed                 Xubin
  8. Abdulxamiid Sheekh                         Xubin
  9. Ahmed W. Abtidon                            Xoghaye

10 Ali Baashi                                               Xoghaye
Liiskii ka qeybgalay shirkii Manta
 
Mudane Abdulkadir Adan Ali
Mudane Shariih Ahmed
Mudane Maxamed Ahmed Roble
Mudane Maxamed Farah(Qambi)
Mudane Mahamed Shariif
Mudane Abdulahi Ibrahim Asir
MudaneMaaxamed Sayid Omar
Mudane Liiban barre  Hai Omar
Mudane Hussien Morsal
Mudane Nasser Mahamud
Mudane Abdiqani Ali Osman
Mudane Elmi Haji Qorey
Mudane Mahamed Hassan
MudaneKhaliif Ahmed Mursal
MudaneAbdulle Osman M.
MudaneHaji Macow Cumar Maxamed
MudaneAbdifutax Ugaas Yasiin
Mudane Abdulfutax Abshir Xareed
Mudane Ali Baashi
Marwo Fadumo Ali
Sido kale waxaa shirka si dadban ugu qeybgalay markii ay soo fareen fariimo wallahood in ay manta ku maqan yihiin howle kale oo asaasi ah,lakiin imaan doon madasha xigta haddi ALLE IDMO.
Ahmed W. Abtidon IYO Abdixamiid sheikh
 Masawiradii shirka Bristol

DHEGAYSO:- Doorashadii Baarlamaanka Somaliya +Sawiro

$
0
0

Waxaa Galabta Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ka dhacay kulan ee Baarlamaanka Dowlada Soomaaliya ku dooranayeen Gudoomiyaha Baarlamanaka Soomaaliya ee badalayay Gudoomiyihii xilka laga qaaday ee Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ee u tartamayeeni laa 5 Xildhibaan oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya. oo iyagu isku soo sharaxay qabashada Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Doorashada ayaana wareeegii koowada kusoo dhamaatay in uusan qofna si sax ah ugu soo bixin balse kahor wareega labaad ee Doorashada ayaa xildhibaanadii la tar tamayay Mudane Madoobe Nuunow Maxamad oo isagu wareegii koowaad horkacayay waxa ee sheegeen in ee katanaasuleen Xilkii Gudoomiyanimada.
Axmad Dhibmil Casoowe oo ah Gudoomiyaha KMG ee Baarlamaanka ahaana Gudoomiye Ku xigeenki labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta kulanka shir gudoominayay ayaa doorashada kadib Shaaciyay sida loo kala guuleestay iyo Codadka ee kala heleen Musharixiinta.
C/casiis Xasan Max’ed (Laftagareen),
Shiikh Nuur Cali Aadan, waxa uu helay 16-Cod
Xuseen Cismaan Xuseen, waxa uu helay 33-cod
Max’ud Macalin Yaxye, waxa uu helay 63-cod
Cali C/laahi Afooye Waxa uu helay 16-cod
Madoobe Nuunoow Max’ed.waxa uu helay 130 Cod 

Markii Tirada Codadka ee kala heleen Musharixiinta ayaa Gudoomiye Ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu dalbaday in uu kulamo la qaato Musharixiinta iyadoona daqiiqao kadib markii kulan ilbaabada u xirna asoo qaateen waxa Mikrifoonka la siiyay Musharixiintii tartamayay in ee sii tartamayaan iyo in ee tanaasulayaan.
Xildhibana Cali Afgooye ayaana sheegay in uu tanaasulay kadib markii uu helay 16-Cod oo ka tirsan Codadka maanta ee dhiibanayeen Baarlamaanka Soomaaliya ,waxa uuna sheeagy in saaxiibkiis u tanaasulay uuna uga hambalyeeyay saaxiibkiis Madoobe Nuunow..
Waxaa sidoo kale Tanaasulay Sheekh Nuur Cali Aadan oo isna kamid ahaa Ragii u tartamaya Gudoonka Baarlamanaka Soomaaliya waxa uuna sheegay in Doorashada si rasmi ah u dhacday una hanbalyenayo Madoobe Nuunow in uu noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalaiya.
Max’ud Macalin Yaxye, oo isna goordhaw hadlay ayaa u hanbalyeyay Madoobe Nuunow isaga oona sheegay in uu u tanaasulay uuna qirsan yahay in doorashada si xur ah u dhacday uuna ku guuleestay Madoobe Nuunow Maxamad.
Dr Xuseen Cismaan Xuseen, ayaa isna u hambalyeeyay Madoobe Nuunow ayaa isna sheegay in uu tanaasulay uuna u Hanbalyeenayo Madoobe Nuunow Maxamad
intaas kadib ayaana Gudoonkii Baarlamaanka ee Shirka Gudoominayay waxa ee sheegen in Mudane Madoobe Nuunow Maxamad uu yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya uuna si rasmi ah ugu guuleestay Xilkaasi.
Madoobe Nuunow Maxamad oo loo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaan loo dhaariyay xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo isagu ku guuleestay.
Gudoomiye Madoobe Nuunow oo Kulanka ka hadlay ayaa si weyn uga mahad celiyay Xildhibaanadii doortay waxa uuna sheegay in Beesha Caalamka la shaqeyn doono uuna wax badan ka badali doono Marxalada uu Marayo Baarlamaanka Soomaaliya.
Hadaba GalGalanews ayaa doorashada ka dib Khadka Telefoonka kula xidhiidhay Xildhibaan Seeko oo nooga war Bixiyay Qaabkii Doorashadu u dhacday iyo Rabshadihii Hadheeyay Baarlamaanka
Halkan Hoose ka Dhegayso.
wareesi xilibaan seeko maanta 11
GalGalanews.com

 

Gudiga Amniga Qaranka oo go’aan deg deg ka soo saaray waxyaabihii ka dhacay Xarunta Golaha Shacabka

$
0
0

(Muqdisho, January 04, 2012) Kulankii caadiga ahaa ee ay maanta isugu yimaadeen Gudiga Amniga Qaranka  oo looga hadlay xaaladda amni ee dalku ku sugan yahay iyo qalalaasaha siyaasaddeed ee ka aloosan Golaha Baarlamaanka, uuna shir gudoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed isla markaana ay  kasoo qeyb galeen Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ra’isul wasaaraha Xukuumadda,K/xigeenka Ra’isul wasaaraha ahna  WasiirkaGaashaandhiga,Wasiirada Cadaalada,Warfaafinta iyo Wasiir Ku xigeenka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka iyo Taliyayaasha Ciidanka & Gudoomiyaha Gobolka Banaadir  ayaa waxay ku tilmaameen wax laga xumaado dhibaatadi iyo khasaarahii ka dhacay xarunta Baarlamaanka, iyagoo umadda soomaaliyeed uga tacsiyeeyay falalkaas masuuliyad daradda ah ee aan ku habooneyn.
Guddiga iyagoo tixgelinaya marxalada adag ee dalku marayo iyo xaaladaha siyaasadeed, amni iyo fadhiyada joogtada noqday ee buuqa iyo rabshadaha wata, waxay u arkeen in ay lama huraan tahay in ay go’aan ka qaataan si loo badbaadiyo sumcada iyo magaca qaranka Soomaaliyeed, waxay go’aansadeen qodobadda soo socda:
A)      In kulanki manta iyo kuwii ka horeeyaba ee lagu dagaalamay iyo go’aanadi kasoo baxay ay ahaayeen kuwa aan ku fadhin sharci, isla markaana waxba kama jiraan ah.
B)      In baarintaan deg deg ah lagu sameeyo fal danbiyeeyadi ka dhacay xarunta Baarlamaanka ee sababay khasaaraha isugu jira dhaawac iyo burbur hantiyeed.
C)      Si looga hortago qalalaaso hor leh, loogana baxo marxaladda adag ee dalku marayo waa in lasoo dedejiyaa howlihii dhameystirka iyo ansixinta Dastuurka iyo soo xulidda xubnaha Baarlamaanka cusub.
Ugu danbeyn, Gudiga Amniga Qaranka wuxuu u soo jeedinayaa dhamaan xubnaha baarlamaanka in ay tixgeliyaan Axdiga Ku meel gaarka ah ee Soomaaliya oo saldhiga u ah shuruucda dalka.
DHAMMAAD

Mahiga oo ka walaacsan khilaafka baarlamaanka

$
0
0

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Augustine Mahiga ayaa maanta muujiyay inuu walaac ka qabo khilaafka sii socda ee baarlamaanka Soomaaliya.

Mahiga oo ka walaacsan khilaafka baarlamaanka

$
0
0

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Augustine Mahiga ayaa maanta muujiyay inuu walaac ka qabo khilaafka sii socda ee baarlamaanka Soomaaliya.


Ra'iisul Wasaaraha oo tegay Beledweyne

$
0
0

Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxmed Cali, ayaa maanta booqday magaalada Beled Weyne.

Ra'iisul Wasaaraha oo tegay Beledweyne

$
0
0

Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxmed Cali, ayaa maanta booqday magaalada Beled Weyne.

Ra'iisul Wasaaraha oo tegay Beledweyne

$
0
0

Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxmed Cali, ayaa maanta booqday magaalada Beled Weyne.

Faah-Faahin Ka Soo Baxeysa Wafdiga Ra’iisal Wasaraha Uu Horkacaayo Ee Ku Sugan Beladweyne

$
0
0

Beladweyne (RBC) Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo wafdiga u hoggaaminaayo oo maanta barqadii gaaray magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalka Hiiran ayaa waxa ay kulamo goonigooni la lee yihiin saraakiisha dowlada iyo kuwa Ethiopia.
Ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa  ayaa ka soo amabaxay magaalada Muqdisho waxana diyaaradii siday ay ka soo degtay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee ku yaala bariga magaalada Beladweyne, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen bulshada reer Beladweyne oo ayn ku jiraan haween iyo odayaal kuwaas oo luxaayay calamo qoyan.
Amaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay, waxana magaalada lagu arkaayay ciidamo badan oo Ethiopian ah.
Ra’iisal wasaaraha waxa la socda wasiiro ay ka mid yihiin Gaanshaandhigga, Warfaafinta, Qorsheenta Taliyaha ciidammada  shaqaalaha xafiiska ra’iisal wasaaraha iyo xildhibaanno
Ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa kulamo maanta duhurkii kula qaatay Jaamacada Hiiran saraakiisha ciidamada dowlada iyo kuwa Ethiopian-ka, manno jir wax war ah oo ay saxaafada siiyeen. lamana oga waxa ay ka hadleen.
Dhawaan ayaa waxa ciidamada gacanta ku dhigay magaalada Beladweyne waxa ay sheegeen in aysan hoos immaan dowlada KMG ah oo ay yihiin maamulka Dooxada Shabeelle, macadda in booqashada ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ka xiriirto arrintaas, waayo dowlada waxa ay sheegtay in ay ciidan u direyso magaalada Beladweyne oo laga saaray Al-Shabaab.
Ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa ku tagay magaalada  Beladweyne labo diyaarad nooca Helekobtarka kuwaas oo si nabad galyo u fadhiistay garoonka Ugaas Khaliiif, lama oga wafdiga ra’iisal wasaaraha in ay sii joogi doonaan iyo in kale.
Ra’iisul wasaaraha  iyo wafigiisa ayaa lagu wadaa in ay booqdaan in booqdaan goobihii dhawaan Al-Shabaab lagala wareegay magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalka Hiiran.
RBC Radio

Golaha Sare Culumaa’udiinka Ahlusuna oo soo dhoweeyay Howl galada ammaanka iyo xasilinta Soomaaliya

$
0
0

Golaha Sare Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca ayaa taageeray howl galada ammaanka iyo xasilinta ee ka socda Gobolada dalka Soomaaliya, iyagoo soo dhoweeyay deegaanada iyo goobaha ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Bayaan ka soo baxay Golaha Sare Culumaa’udiinka Ahlusuna ayaa lagu sheegay in howl galada uu yahay mid dalka lagu xoreynayo, isla markaana kooxaha nabad diidka ee dalka degenaanshaha u diiday looga sifeynayo.

“Golaha Sare Culumaa’udiinka Ahlusuna wuxuu taageerayaa howl galada dib looga xoreynayo dalka kooxaha nabad diidka, waa in shacabka Soomaaliyed u midoobaan sidii kooxahaas dalka looga saari lahaa”ayaa lagu yiri Bayaanka.
Culimada ayaa ugu baaqay shacabka in Ciidamada Dowladda ay ku taageeraan howl galadaas, isla markaana la garab taagnaadaan dadaalada ku aadan sidii looga xoreyn lahaa Gobolad adalka.
Bayaanka ayaa si diiran lagu soo dhoweeyay tallaabadii Ciidamada Dowladda KMG ku qabsadeen Magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan, waxaana ay ku amaaneen shacabka deegaanada sida ay u soo dhoweeyeen.
Dhinaca kale Culimada ayaa sheegay in Al-Shabaab qatar ku tahay dalalka Geeska Afrika ilaa Caalamka, isla markaana ay soo dhoweynayaan in dalalka deriska ay ka caawimaan Ciidamada Dowladda sidii ay dalka uga saari lahaayeen dalka Soomaaliya iyo guud ahaan dalalka deriska ah.



 

Xukuumada Turkiga oo xabsiga dhigtey taliyihii hore ee ciidamada.

$
0
0

Taliyihii hore ee ciidamada dalka Turkiga Gen Ilker Basburg ayaa xabsiga loo taxaabay isagoo loo haysto dambiyo ah in uu ka qeybqaatay isku day lagu doonayay in lagu rido xukuumada Turkiga.
Gen Basburg oo is casiley sanadkii 2010ka ayaa ah mas’uulkii ugu sareeey ee loo xiro shabakad la magacbaxday Ergenekon.
Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in sanadkii 2003dii siyaasiyiin ka soo horjeeday xukuumada R/wasaare Recep Tayyip Erdogan ay doonayeen inay xukunka ka tuuraan. Hase yeeshee Gen Basbur ayaa beeniyey eedeymahaa loo soo jeediyey. Illaa afar boqol oo ruux ayaa loo haystaa inay kulug lahaayeen iskudaygaas lagu doonayay in lagu rido Erdogan.
Wadanka Turkiga oo leh Milatariga ugu ballaaran marka laga reebo Maraykanka ee ku jira gaashaanbuurta Nato ayaa ka hortagay afgambiyo la doonayay in lagu rido xukuumada intii u dhexeysey 1960 iyo 1980.
Taliyihii hore ee ciidamada Turkiga ayaa lagu xirey xabsiga Silivri ee ku yaal magaalada Istanbul saaka aroornimadii kadib markii la baaray caafimaadkiisa.
Idaacada dowlada ay gacanta ku hayso ayaa sheegtay in ay tahay markii ugu horeysey ee sarkaal sare oo taliye ciidan ka soo noqday dalka Turkiga la geeyo maxkamad isagoo loo haysto dambi.
Gen Basbug ayaa laga yaabaa in lagu soo oogo dambi ah hogaamiye kooxeed iyo isku day ah inuu afgambiyo dowlada.
 13ruux oo loo haysto dambiyo ayaa waxaa ka mid ah weriyayaal caan ka ahaa dalka Turkiga oo ay kamid yihiin Ahmet Sik iyo Nedim Sener iyo qoraaga Yalcin Kucuk.

Mr Sener ayaa waxa uu kuguuleystay abaalmarinta loo yaqaan press freedom award isagoo ku helay buug uu ka qoray dilkii weriye ka soo jeeday qowmiyada Armeniaan ee Hrant Dink.
Ugu yaraan 100 saxafiyiin ah ayaa ku xiran dalka Turkiga, ururka suxufiyiinta Turkiga oo ka hadlay xariga loo geystey saxafiyiintan ayaa kutilmaamay inay tahay “Jawi Cabsi”.
Boqolaal saraakiil ciidamo ah ayaa sidoo kale loo haystaa dambiyo ku lug leh afgambi dhicisoobay ee sanadkii 2003da. Waxayna taasi sababtay inay is casilaan taliyaashii ciidamada badda,dhulka iyo cirka ee dalka Turkiga.
 
 

Madaxweyne Shariif “Ciidamada qalabka sida waxay ku wajahan yihiin Gobolada intooda hartay, inay saaraan cadawga”

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda KMG ay ku wajahan yihiin Gobolada dalka ka haray, kadib markii dhowaan deegaano dhowr ah lagala wareegay Xarakada Al-Shabaab, isagoo ugu baaqay qeybaha bulshada inay Ciidamada is bar bar-taagaan.
Khudbad uu shalay ka jeediyay Madaxweynaha Munaasabad lagu soo bandhigayay Waxqabadka Maamulka Gobolka Banaadir ayuu sheegay Madaxweynaha in Ciidamada qalabka sida ay gaari doonaan deegaanada ku haray gacanta Al-Shabaab.
“Ciidamada qalabka sida waxay ku wajahan yihiin Gobolada intooda hartay, inay ka saaraan cadawga Ilaah idinkiisa”ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo fariin u diray Ciidamada Dowladda ee howl galada ka wada Gobolada dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in la gaaray xilligii dalka horumar iyo wax soo saar u sameyn lahaa, isla markaana ka bixi lahaa dhibaatooyinka abaaraha ee dalka ka jira, marka dalka oo dhan la xoreeyo sida uu yiri.
Shariif ayaa sheegay in dhamaan marka Al-Shabaab laga xoreeyo dalka ay dhisi doonaan Maamulada Gobolada iyo degmooyinka, si cadaalada iyo Midnimada ay u taagnaato sida uu yiri.Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa uga digay Ciidamada qalabka sida inay dhibaato u geystaan dadka shacabka, waxaana uu ugu baaqay inay shacabka u turaan, ayna soo dhoweeyaan sida uu yiri.
Hadalka Madaxweynaha Shariif ayaa ku soo beegmaya xilli Dowladda KMG ay ka wado Gobolada dalka howl galo milateri oo ka dhan ah Xarakada Al-Shabaab, iyadoo Ciidamada Dowladda ay la wareegeen deegaano dhowr ah.


Ra’iisul Wasaare C/wali Gaas oo Magaalada Beledweyn kulamo kula leh, Saraakiisha iyo qeybaha bulshada

$
0
0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas oo barqanimadii maanta gaaray Magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan ayaa kulamo la leh Saraakiisha Ciidamada Dowladda, kuwa Itoobiya iyo Qeybaha bulshada, sida Odayaasha, waxgaradka iyo siyaasiyiinta.
Dr. C/wali Gaas oo safarkiisa ay ku wehliyeen Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga C/llaahi Goodax Barre, Wasiirka Warfaafinta C/qaadir Jahweyn, Wasiirka Badroolka iyo Taliyaha Ciidamada Xooga dalka Jeneraal C/qaadir Sheekh Cali Diini.
Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay mid uu ugu kuur galayo xaalada ammaan ee Magaalada iyo howl galada Milateri ee sida wada jirka u wadaan Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa saaka waxaa Labo Diyaaradood oo Helicoptero ah ay ka qaaday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, kuwaasoo ay leeyihiin Ciidamada AMISOM, iyadoo ka degtan Garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif.
Kulan ayaa Ra’iisul Wasaaraha kula qaatay Xarunta Jaamacada Beledweyn Odayaasha deegaanka, Saraakiisha Maamulada iyo  qeybaha bulshada, iyadoo Dowladda ay ugu deeqday Isbitaalka Beledweyn daawooyin fara badan oo loogu tala galay in lagu daweeyo bukaanada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa inuu shir jaraa’id goor dhow uu u qabto Wariyeyaasha, si uu uga warbixiyo safarkiisa, waxaana lagu wadaa inuu booqdo qeybaha magaalada iyo xeryaha Ciidamada ay ku jiraan.
Gelinka dambe ee maanta ayaa la sheegayaa in Ra’iisul Wasaaraha uu dib ugu soo laaban doono Magaalada Muqdisho.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha uu qorsheynayo inuu magacaabo Maamul KMG ah oo howlaha Gobolka Hiiraan sii wada, si meesha uga baxdo is qab qabsiga dhinaca maamulka ee dhinacyada Magaalada ku wada sugan haatan u dhaxeeyo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqashadiisa ah markii u horeysay oo meel ka baxsan Magaalada Muqdisho ku tago, gaar ahaan dhulka laga xoreeyay Al-Shabaab, iyadoo tani ay muujineyso dadaalka Dowladda ku xoojineyso howl galada milateri ee ka socda Gobolada dalka.

Kenya oo guul ka sheegatay al-Shabab

$
0
0

Ciidamada dalka Kenya ayaa sheegay in kooxda Islaamiga ah ee dalka Soomaaliya, al-Shabab ay burburayso maadaama ciidamada Kenya weerarka ay ku hayaan kooxda ee gudaha Soomaaliya si xoog leh loo dardargaliyay.

Britian oo ka digeysa ammaanka Kenya

$
0
0

Xafiiska arrimaha dibedda ee Britian ayaa digniin ku siinaya dadka British-ka ah ee booqanaya Kenya inay jirto khatar weerarro argagixiso.

Hey’adda Nabadsugidda Oo Soo Bandhigtay 2 Ruux Oo Watay Walxaha Qarxa

$
0
0

Hay’adda nabadsugida qaranka ayaa maanta soo bandhigtay 2 ruux oo gacanta lagu soo dhigay  xilli ay wateen walxaha qarxa iyadoo dadkaasina ay ka warbixiyeen waxa ay la damacsanaayeen.
Labada ruux oo la soo bandhigay ayaa ahaa wiil iyo gabar ka yar 20-ka sano kuwaas oo gabbal dhicii shalay laga soo qabtay Ex control Afgooye xilli ay wateen Miinada nooca Remutka laga hago ah.
Ikraan Cumar Maxamed oo ah 18 Sano Jir ah oo ah gabadha Miinada Lagu qabtay ayaa sheegtay in ay u shaqeeyn jirtay shabaab isla markaana minadan ay ka soo qaadday Afgooye una wadday Bakaaraha sida ay warbaahinta u sheegtay waxa ayna xustay in lagula ballamay in Miinada uu kala wareegi doono wiilka la socda marka la tago bakaaro.
C/rashiid Nuur Faarax oo isna ah 18 sano jir sida uu sheegay lana socday gabadha la qabtay ayaa sheegay in xilliga ay ciidamada amaanku qabanayeen uu gabadha la waday Miinada isagoo tibaaxay in uu ka mid ahaa Shabaab muddo 2 sano ah.
Malleeshiyaadka Shabaab ayaa looga bartay qaraxyada lagu xasuuqayo dadka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan tanina waxa ay muujineysaa sida ciidamada nabadsugidu ay ugu geyfanyihiin ka hortagga wax walba oo abuuri kara amaandarri.
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                            +442035190460
USA & CANADA                         +17124327760

Mudanayaal Ka Soo Jeeda Hiiraan Oo Soo Dhaweeyay Booqashadi R/wasaaraha Iyo Wafdigiisu Shalay Ku Tageen B/Weyne

$
0
0

Mudanayaal ka tirsan baarlamanka Soomaliya oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan Ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan looga hadlayay sidii loo horumarin lahaa gobolkaasi iyo qaabka ay u garab istaagi karaan howlagallada ay Ciidanka xooggu ka wadaan dalka.
Xildhibaannadan maanta kulanka ku yeeshay hotelka Naasahableed 2  oo dhamaantood ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay xoreeynta Beledweyn, howlgallada ay ciidamadu ka wadaan gobolka iyo sidii loo taageeri lahaa howlgallada cadowga dalka lagaga xoreynayo.
Xildhibaan Ibraahim Xabeen Nuur oo ka mid ahaa Mudanayaashasi ayaa warbaahinta u sheegay waxyaabihii looga hadlay kulankaasi oo ay ka mid ahaayeen iyagoo mudanayaashu si diirran u soo dhaweeyay booqashadii R/wasaaraha iyo wafdigiisu ay shalay ku tageen Beledweyne kuna tilmaamay mid taariikhi ah oo dhiiri gelin u ah shacabka reer Hiiraan.
Sidoo kale waxa ay ugu baaqeen shacabka reer Hiiraan in ay isgarab taagaan howlgallada ciidamada XDS ay dalka kaga xoreeynayaan malleeshiyaadka shabaab isla markaana ay gacan ka geystaan sugidda amaanka gobolka iyo guud ahaan dalka oo dhan waxeyna ku booriyeen shacabka in ay ka hortagaan fal kasta oo liddi ka ah amaanka.
Booqashadii R/wasaare C/weli uu shalay ku tagay beledweyne isaga iyo wafdi uu hoggaaminayay kadib ayaa waxaa isa soo tarayay taageerada ay Booqashadaasi u muujinayaan qeybaha kala duwan ee shacabka iyo xildhibaannada Baarlamanka.
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                            +442035190460
USA & CANADA                         +17124327760
 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live