Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Barnaamijka Gurmad 129aad

$
0
0

Hay'adda samafalka ee dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn, MSF, oo ka warramaysa hawlaha ay Soomaaliya ka hayso iyo dhibaatooyinka loo geysto shaqaalaheeda.


Wareysiga Raiisul Wasaaraha Soomaaliya

$
0
0

Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxmed Cali, ayaa booqday magaalada Beled Weyne.

Xawaaladaha oo maanta laga yabo inay dib u bilaabaan shaqadoodii Mareykanka

$
0
0

Minnesota(Pi) Ka dib markii uu Bangiga ay isticmaali jireen Xawaaladaha Soomaalidu uu mudo laga joogo 9 cisho uu xanibaad kusoo rogay magaalada  Minnesota ayaa waxaa hada soo ifbaxay rajo ah inay lacagaha dib u diri karaan Xawaaladuhu, lacagta ay dirayaana noqon doonto mid xadidan oo loo cayimay.
Xawaalada Tawakal ayaa maanta sheegtey iney bilaabayaan howlohoodii lacag dirista, Arintaan ayaa rajo wayn galisay Soomaalida kunool Minnesota oo ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee ugu Badan qurbaha magaalada ay degan yihiin, waxayna malaayiin dollar u diri jireen Eheladooda ku nool Soomaaliya.
Lacagta loo ogolaaday Xawaaladaha inay diraan bishii ayaa ah wax dhan 5000 Dollar bishiiba mana ahan mid dabooli karta baahida dadka, Xawaaladaha Minnesoto waxay awal diri jireen boqolaal kun oo Dollar bishiiba, lacagahasoo badankoodu yihiin bilaal aysan dadka loo diro ka maarmi karin.
Wali waxaa socda Dacwooyin la xiriira in la fasaxo Xawaaladaha si ay u diraan lacagaha.
Puntlandi.com
USA@puntlandi.com

Renieri ” Sneijder meelna uma Socdo”.

$
0
0


7 Jen 2012: 7-dii bil ee u dambeesay Waxaa la hadal haayay in Xiddiga qadka dhexe ee kooxda Inter Milan Wesley Sneijder uu ku biiraayo kooxda Manchester United oo heyso abaar dhinaca Kubbad sameynta ah.
Macallinka Kooxda Inter Milan Cloudio Renieri ayaa shaaca ka qaaday in Xiddigiisa qadka dhexe uusan meelna ka aadi doonin Kooxda Nera Zuri bishaan Jenaayo ee uu furan yahay Suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda Caalamka.
“Wesley kama tagaayo Inter, waxa uu baaqi kusii ahaan doonaa San Ciri bishaan iyo Wlaiba Xiliga Dambe” sidaas waxaa laga soo xigtay Macallinkan 70 Jirka ah ee reer Taliyaani.
27 Jirkaan reer Holland ayaa dhaawac kaga maqnaa Kooxda Inter Milan inta badan Xilli Ciayaareedkan Kala Barka Maraaya, waxaana lagu wadaa in uu garoomada si Rasmi ah ugu soo laabto Toddobaadyada soo socda.
Macallinka Man Utd Alex Ferguson ayaa suuqa ka raadinaaya Xiddig kubbad Sameeye ah, tan iyo Markii uu kooxda iyo Guud ahaan Cayaaraha ka fariistay Mashiinkii qadka dhexe ee Shayaadiinta Cas Cas Poul Scholes.
Warar Maalmihii u dambeeyay soo baxay ayaa sheegaayay in Wakiillo ka socday United ay tageen magaalada Milano si ay ugala hadlaan masuuliyiinta Inter Milan Suurta galnimada in Wesley uu u wareego Old Traffird.
Hadalka Renieri ayaa Niyad jab kale ku ridaaya Macallin Alex Ferguson oo Kooxdiisa dhex dabaalaneyso Mowjado Guul darrooyin ah.
Warar Goor dhow soo baxayna waxa ay sheegaayaan in Ferguson uu albaabka u garaacay Kooxda Chelsea si uu ugala hadlo Qadka dhexe ee Wadanka England iyo kooxda Blues Frank Lampard.
————————————————————————————————————
Mr: Ibrahim gedow Cawale ( biibbo ).
Tifaftiraha Somgoal.
Nairobi_Kenya
+2547-21-944591
injineerka3@hotmail.com
 

Renieri ” Sneijder meelna uma Socdo”.

$
0
0


7 Jen 2012: 7-dii bil ee u dambeesay Waxaa la hadal haayay in Xiddiga qadka dhexe ee kooxda Inter Milan Wesley Sneijder uu ku biiraayo kooxda Manchester United oo heyso abaar dhinaca Kubbad sameynta ah.
Macallinka Kooxda Inter Milan Cloudio Renieri ayaa shaaca ka qaaday in Xiddigiisa qadka dhexe uusan meelna ka aadi doonin Kooxda Nera Zuri bishaan Jenaayo ee uu furan yahay Suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda Caalamka.
“Wesley kama tagaayo Inter, waxa uu baaqi kusii ahaan doonaa San Ciri bishaan iyo Wlaiba Xiliga Dambe” sidaas waxaa laga soo xigtay Macallinkan 70 Jirka ah ee reer Taliyaani.
27 Jirkaan reer Holland ayaa dhaawac kaga maqnaa Kooxda Inter Milan inta badan Xilli Ciayaareedkan Kala Barka Maraaya, waxaana lagu wadaa in uu garoomada si Rasmi ah ugu soo laabto Toddobaadyada soo socda.
Macallinka Man Utd Alex Ferguson ayaa suuqa ka raadinaaya Xiddig kubbad Sameeye ah, tan iyo Markii uu kooxda iyo Guud ahaan Cayaaraha ka fariistay Mashiinkii qadka dhexe ee Shayaadiinta Cas Cas Poul Scholes.
Warar Maalmihii u dambeeyay soo baxay ayaa sheegaayay in Wakiillo ka socday United ay tageen magaalada Milano si ay ugala hadlaan masuuliyiinta Inter Milan Suurta galnimada in Wesley uu u wareego Old Traffird.
Hadalka Renieri ayaa Niyad jab kale ku ridaaya Macallin Alex Ferguson oo Kooxdiisa dhex dabaalaneyso Mowjado Guul darrooyin ah.
Warar Goor dhow soo baxayna waxa ay sheegaayaan in Ferguson uu albaabka u garaacay Kooxda Chelsea si uu ugala hadlo Qadka dhexe ee Wadanka England iyo kooxda Blues Frank Lampard.
————————————————————————————————————
Mr: Ibrahim gedow Cawale ( biibbo ).
Tifaftiraha Somgoal.
Nairobi_Kenya
+2547-21-944591
injineerka3@hotmail.com
 

Itoobiya oo sheegtay in Ciidamada AMISOM ku wareejineyso goobaha ay kala wareegaan Al-Shabaab

$
0
0

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay ku wareejineyso goobaha ay kala wareegto Xarakada Al-Shabaab Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
War ka soo baxay Itoobiya ayaa lagu sheegay inay isaga baxayaan goobaha ay ka saaraan Shabaab, marka ay gutaan waajibkooda.
Afhayeen u hadlay Itoobiya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay isaga baxaan Magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan, marka ay ku wareejiyaan Ciidamada AMISOM.

Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada Midowga Afrika ayaa dhowaan sheegay in Itoobiya ay si KMG ah ugu sugnaaneyso Soomaaliya, ilaa Al-Shabaab laga sifeynayo.
Midowga Afrika ayaa dadaal ugu jira sidii ciidamo dheeraad ah loo keeni lahaa, lana gaarsiiyo 17,700, si loo xoojiyo howl galka AMISOM.
Sidoo kale Midowga Afrika ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay ka mid noqon doonaan AMISOM, iyagoo taageeray howl galka ay ka wadaan Gobolada Jubooyinka iyo Gedo.
Al-Shabaab ayaa hada waxaa aag dagaal uga furan Gobolada Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya, kadib markii sabtidii la soo dhaafay ay Ciidamada Itoobiya oo gacan siinayay kuwa Dowladda KMG ka saareen Magaalada istiraatiijiga ah ee Beledweyn.

Ururka Dhalinyaradda Ee Dangarad ee Boorama oo taageeray Musharaxa Xisbigga Udub Jamaal Cali Xuseen

Man United oo u gudubtay wareega 4aad ee FA Cup markii ay garaacday Man City

$
0
0

Kooxda Manchester United ayaa kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester City 3-2 kaga badiyeen Sky Blue oo ka dhacay Etihad Stadium, waxaana ay u soo gudbeen wareega 4aad ee koobka FA Cup.
Manchester United ayaa hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 10aad iyadoo Wayne Rooney uu ugu furay kubad madax aheyd, waxaana labo daqiiqo ka dib kooxda City casaan muran uu ku jiro ka qaatay kabtankooda Kompany oo qalad ku galay Nani.

Casaanka ay qaadatay City ayaa keentay in Manchester United ay labo gool kale dhaliyaan ka hor xilliga nasashada, ciyaaryahan Danny Welbeck ayaa goolka labaad u saxiixay, ka hor inta uusan Wayne Rooney dhalin goolkiisii labaad ka dib markii rigoore laga badbaadiyay uu ku celiyay madax.
Qeybtii hore ayaa lagu kala nastay 3-0 oo ay ku hogaamineysay kooxda United, lakiin qeybtii danbe daqiiqadii 48aad ee ciyaarta ayaa ciyaaryahan Kolarov waxa uu dhaliyay bulisiyoon cajiib ahaa, taasoo rajadii City dib u soo nooleysay.

Lakiin rajada City oo 10 ciyaaryahan ku ciyaareysay waxa ay si aad ah u soo noolaatay markii uu Sergio Aguero u dhaliyay goolkii labaad daqiiqadii 64aad ee ciyaarta, goolkaasoo uu qalad ku lahaa Paul Scholes oo ka soo laabtay ciyaar ka fariisigiisii xilli ciyaareedkii hore.
Man United ayaa dhidid badan ka dib waxa ay xajisteen seddexdoodii gool ee hore, inkastoo City ay xilli danbe ku andacoodeen inay rigoore leeyihiin iyadoo kubad ay gacanta kaga dhacday Jones oo diilinta ganaaxa ku jira, lakiin garsoore Chris Foy ayaa tilmaamay inay ciyaarta socoto.
Man City oo koobkan difaacaneysay ayaa haatan laga reebay tartanka FA Cup, dhigooda United ayaana u gudubtay wareega 4aad ka dib markii ay si fiican u shaqeysteen qeybtii hore ee ciyaarta.


Wasiirka Caafimaadka Dowladda Puntland Oo Dhamaystirey Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka ee Gobalada Sanaag iyo Hayland ee Dowladda Puntland (Wareegtooyin)

$
0
0

Garowe: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa dhamaystirey Masuuliyiinta Caafimaadka Gobalada Sanaag iyo Hayland iyadoo wajiyo cusub uu usoo magacaabay Labada Gobol, wasiirku waxa uu xilkii ka qaadey Isuduwihii hore ee Gobalka Sanaag Siciid Cabdulaahi Ducaale iyadoo uu xilkaasna masuul cusub u magacaabay.
 
Wareegtooyinka hoos ka akhriso:
 
 
Wasiirka Caafimaadku waxa uu sanadkan cusub bilaabay dardargalinta nidaamka Gobalada iyo inuu qiimeyn ku sameeyo waxqabadyada masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka ee Gobalada Puntland, labadan gobol waxaa ka horeeyey oo uu wasiirku la xisaabtan ku sameeyey Gobalka Mudug waxaana la filayaa in Gobalada kalena lala xisaabtamo masuuliyiintooda caafimaadka.
 
 
Cabdulqaadir Warsame Yuusuf
Madaxa Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka
Abdiqadir72@gmail.com
Tix: W/Caaf/214/01/20112 Taariikh: 04/01/2012
 
 
Ku: Agaasimaha Guud Wasaaradda Caafimaadka
Og: Wasiir ku xigeenada Wasaaradda Caafimaadka
Og: Waaxyaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Madaxa Shaqaalaha
Og: Gudoomiyaha Gobalka Sanaag ee Dowladda Puntland
Og: Duqa Degmada Baran ee Dowladda Puntland
Og: Dhamaan hay’adaha ka hawlgala Caafimaadka Gobalka Sanaag
 
UJEEDO: MAGACAABID MASUULIYIINTA CAAFIMAADKA GOBALKA SANAAG
Markii aan eegay baahida loo qabo in wax laga qabto xaalada Caafimaadka Gobalka Sanaag ee Dowladda Puntland isla markaasna aanu aragnay baadida loo qabo in la dhamaystiro nidaamkii caafimaadka lana dardargaliyo adeegyada caafimaadka ee Gobalka Sanaag.
 
Waxaa Masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin loo magacaabay xilalka soo socda:
 
 
MAGACA
XILKA SHAQO
Dr. Faduma Ibraahim Ismaaciil 
Isuduwaha W/Caafimaadka G/ Sanaag ahna Madaxa Daryeelka Caafimadaka Aasaasiga ah (PHC) 
Dr. Ciise Axmed Cali Maax 
Agaasimaha Isbitaalka Degmada Baran (Hospital Director) 
Axmed Jibriil Cali 
Maamulaha Isbitaalka Baran 
Axmed Xaaji Maxamed Maxamuud 
Madaxa Quudinta (Nutrition officer) 
C/ladiif Maxamuud Saalax 
Xisaabiyaha W/Caafimaadka G/Sanaag 
Maxamed Axmed Ciise 
Madaxa Fayadhowrka (Hygiene and Sanitation) 
F.G: Isuduwihii hore ee W/caafimaadka Gobalka Sanaag Siciid C/laahi Ducaale waxaa loo dalacsiiyey inuu ka hawlgalo xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka, waxaa la farayaa Siciid Ducaale inuu xilka ku wareejiyo Isuduwaha cusub ee Gobalka Sanaag. Waxaa kale oo la farayaa dhamaan shaqaalaha W/caafimaadka Gobalka Hayland iyo hay’adaha ka hawlgala Gobalka Sanaag inay la shaqeeyaan masuuliyiinta la magacaabay.
Mahadsanidin,
 
Dr.Cali Cabdullaahi Warsame
Wasiiirka Wasaaradda Caafimaadka
Dowladda Puntland
 
 
Tix: W/Caaf/213/01/20112 Taariikh: 04/01/2012
 
 
Ku: Agaasimaha Guud Wasaaradda Caafimaadka
Og: Wasiir ku xigeenada Wasaaradda Caafimaadka
Og: Waaxyaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Madaxa Shaqaalaha
Og: Gudoomiyaha Gobalka Hayland ee Dowladda Puntland
Og: Duqa Degmada Dhahar ee Dowladda Puntland
Og: Dhamaan hay’adaha ka hawlgala Caafimaadka Gobalka Hayland
 
 
UJEEDO: MAGACAABID MASUULIYIINTA CAAFIMAADKA HAYLAND(HIGHLAND)
 
Markii aan eegay baahida loo qabo in wax laga qabto xaalada Caafimaadka Gobalka Hayland ee Dowladda Puntland isla markaasna aanu aragnay baadida loo qabo in la dhamaystiro nidaamkii caafimaadka ee Gobalka Hayland. Waxaa Masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin loo magacaabay xilalka soo socda:
 
 

MAGACA
 

XILKA SHAQO
 

Jaamac Maxamed Samatar
 

Isuduwaha W/Caafimaadka Gobalka Hayland (RHO)
 

Maxamed Saalax Cali (Bardaan)
 

Madaxa Daryeelka Caafimaadka Aasaasiga (PHC) ahna Madaxa Xogta Caafimaadka Gobalka Hayland (HMIS)
 

Siciid Caydiid Caynab
 

Madaxa Fayadhowrka (Hygiene & Sanitation Officer)
 

Dr. Amina Ciise Maxamuud
 

Agaasimaha Isbitaalka guud ee Degmada Dhahar (Hospital Director)
 

Somalia: Puntland Gov Calls For a New Approach After NATO Releases 9 Pirates‏

$
0
0

Ministry of Maritime Transport, Ports and Counter-Piracy
Puntland State of Somalia
Garowe
PRESS RELEASE
08 January 2012
Somalia: Puntland Gov Calls For a New Approach After NATO Releases 9 Pirates
A group of Somali pirates hijacked a trading dhow on 2 January 2012 moments after the dhow left the Port of Bossaso in Puntland State of Somalia.
The dhow, Al-Safina Al-Salam, was transporting 3,620 heads of livestock to Salalah Port in the Sultanate of Oman, when it was hijacked by Somali pirates some 60 nautical miles from the Port of Bossaso.
Puntland government officials contacted NATO and shared information to coordinate the release of the hijacked dhow and to ensure the safety of 20-persons on board (16-crewpersons and 4-passengers). NATO contacted Omani Coast Guard, Omani Royal Navy HQ and all the international task forces operating off the coast of Somalia.
On 5 January 2012, the pirates became aware of the activities of international warships. The pirates moved over to another dhow (Al Qashmi) heading to the Port of Bossaso, where the pirates were surrounded and captured by U.S. Navy under NATO command,. Puntland officials requested that the captured pirates, which included a pirate leader named ‘Mursal’ who is suspected for the kidnapping of a Danish family in February 2011, be transferred over to Puntland authorities.
The Puntland Government’s Ministry of Maritime Transport, Ports and Counter-Piracy welcomes the constant and close cooperation and coordination with NATO and other international forces, in a collective effort to tackle the piracy problem in Somalia.
However, it is unfortunate to learn that pirates were released by NATO commander without the pirates facing justice. This action emphasizes the need to support security and judicial institutions in Puntland State.
The Ministry appeals to international forces operating along the coast of Somalia to apply additional pressure on pirates who are currently holding hostage a number of hijacked vessels and crewpersons along the coast of Somalia.

Ministry of Maritime Transport, Ports and Counter-Piracy
Government of Puntland, Somalia
E-mail: ministry.mtpcp@gmail.com
Web: www.puntland-gov.net

Manchester United oo kufaagatay Kooxda Man City.

$
0
0

Manchester United ayaa soo gaartay wareega 4 aad ee koobka FA Cup-ka kadib markii ay galabta garaacday Man City.
Labada koox ee reer Manchester ayaa galabta ciyaar adag kuyeeshay garoonka Etihad Stadium waxaana 3-2 kubadisay Man United.
Ciyaartii galabta waxaa ay aheyd ciyaar dhacdo badan waxaana daqiiqadii 10 aad United udhiibay hogaanka weeraryahankeeda Rooney.
 
City oo aaminsaneyd in ay ciyaarta kadhigi karto 1-1 ayaa waxaa Man City rooso laga siiyay kabtankooda Vincent Kompany taas oo jilcisay City .
United ayaa kadib dhashatay labo gool oo ay kala dhaliyeen Rooney iyo Welback waxaana lagu kalanastay 3-0 oo ay ciyaarta ku hogaamineysay United.

Qeybtii dambe City ayaa dadal
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
dheer muujisay waxaana ay latimid 2 gool oo ay kala dhaliyeen Alexander Kolarov iyo Sergio Aguaro.
Ciyaarta ayaa noqotay mid adag laakin United ayaa go,aansatay in ay difaacato goolkeeda taas oo ugu dambeyn kadhigtay in ay ciyaartu kudhamato 2-3 oo ay kubadisay Man United.

Shirka Baarlamaanada IGAD oo lasoo gaba-gabeeyay maanta,& Arimaha Somalia oo looga hadlay.

$
0
0

Magaalada jabuuti ee Caasimada Dalka Djabuuti ayaa maanta gelinkii danbe lagu soo gaba gabeeyay Shir ay halkaasi ku lahaayeen Madaxda Baarlamaanada dalalka ku jira IGAD, oo maalintiisa labaad maanta ka dhacay dalkaasi Djabuuti.
Shirkaan oo ay isugu imaadeen 24-dal oo ku jira IGAD ayaa intiisa badan loogu hadlay khilaafka hareereeyay Baarlamaanka Soomaaliya iyo sida xal loogu gaari karo iyadoona Madaxda Baarlamaanada IGAD ay usoo jeediyeen Baarlamaanka Soomaaliya in ay xal gaaraan.
 
Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Djibouti oo ka hadlay Munaasabadii gaba gabada shirka Baarlamaanada IGAD ayaa ugu baaqay Mudanayaasha Baarlamaanka Dowlada KMG ee Soomaaliya inay xal ka gaaraan khilaafka ka dhax aloosan Baarlamaanka.

Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya balse ay xildhibaanda Mucaaradka kal hore ka qaadeen xilkiisa ayaa ka hadlay shirkaasi asigoona matalayay Guddoomiyaha Baarlamaanka ee asna xilka laga qaaday Shariif Xasan Sheekh Aadan.
C/weli Muudey ayaa shirkaasi ka dhex sheegay in ay jiraan kooxo yar oo diidan hor usoco-shada shaqada baarlamaanka kuwaasi oo fowdo iyo dhibaato ku haya Baarlamaanka, balse ay dhankooda talaabo ka qaadi doonaan.
War murtiyeed gaba gabadii Shirkaan lasoo saaray ayaa baaq loogu jeediyay dhinacyada xubnaha ka ah baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo loogu baaqay in ay khilafkooda xaliyaan si loo bad baadiyo jiritaanka Dowlada KMG ee Soomaaliya.
Shirkaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Xubno ka socda Ururka Midowga Africa iyo Xafiiska QM u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya iyadoona ka hor inta uusan furmin shirkaan ay madaxda IGAD ka wada hadleen sii socodsiinta Roadmap-ka.
Madaxda IGAD ayaa weli aqoonsan Guddoonka Baarlamaanka ee dhawaan xilalkooda laga qaaday taasi oo dhabar jab xoogan ku ah guddoonka cusub ee dhawaan is doortay kuwaasi oo ka soo horjeeda Guddoomiye Shariif Xasan iyo kaaliyihiisa 1-aad.

Xildhibaanadii Xilka ka tuuray Shariif Hassan oo u gaad gaadooyo Ra’isulwasaare Gaas.

$
0
0

Xildhibaanada dowlada KMG oo xiligaan kusocda mashiino dhereeyo aya sheegay in kafakarayaan in horgeyan barlamaanka somaliya Mooshin lagu xisaabtamaayo Xkumada Cabdi wali gaas.
Xildhibaan Saleeman Maxamed Ibraahim aya sheegay in gaas hadalkiisa kubatay isla markaa la doonayo in lkatuso waajibaadkiisa shaqo asagoo sii raaciye in mooshin kadhan ah geyn donaan Brlamaanak Soomaaliya si loo baro shaqadiisa,
 
 
Xildhibaanka aya sii raaciye in Xukumada ilaa hada aan hor keyn Mudanayaasha barlamaanka Soomaaliya hishiisyo hore ugashay waxaana oo sheegay in la horkeyn ciidamada kenya iyo Itoobiya soo gelitaanka somaliya isla markaa ana lagala tashan.
Dhanka kale xildhibaan Cali Maxamuud Faarax [Seeko] ayaa isaguna ku tilmaamay raysul wasaare Gaas “nin shaqadiisa garan waayey” siduu hadalka u dhigay.
“Waan arkaynay in raysul wasaaruhu shaqadiisii aqoon waayey balse hadda bannaanka ayuuba isa soo dhigay,isagu gudoomiye baarlamaana ma doorto mana ahan shaqadiisa” ayuu yiri isagoo ka jawaabayey hadal uu shalay warbaahinta siiyey raysul wasaare C/weli Gaas.

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Ugu danbeyntii mudanayaashan ayaa u muuqda mid jawaab u ah hadalo uu beryahan warbaahinta siiyey raysul wasaare Gaas oo sheegay inuusan aqoonsaneyn gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Madoobe Nuunow Maxamed oo ay doorteen xildhibaanada 4tii bishan Janaayo.

Lessons from the Story of Maryam (Part 1/7)

Saynisyahanka Ingiriiska ah, caanka ah Stephen Hawkin oo xaaladiisa caafimaadeed laga dayriyey

$
0
0

Saynisyahanka caanka ah Stephen Hawkin oo xaaladiisa caafimaadeed laga dayriyey. Saynisyahankan oo ah nin curyaana oo da´diisu imminka tahay 70 jir. Wiigan ayeuu 70 jir sanayey, xafladii loogu diyaariyey sannad guuradaas oo aanu ka soo xaadirin.
Waa saynisyahan curyaana oo ku takakhasusay, cilmiga fiisikiska ee xigigaha, waxa uu curyaan ahaa tan iyo markii uu 21 jirka ahaa. Dhakhaatiirtii berigaa la kulantay isaga, Stephen Hawkin, ayaa waxa ay saynisyahanka u sheegeen in dhawr sanno oo kaliya u hadhsan tahay isaga inta uu dunnida ku sii noolaan doono. Cudurkan ALS, oo ah mid xaga muruqyada fadhiisiya, muruqyada jidhka oo curyaamaya, oo afka qalaad loogu yeedho, Amyotrophic Lateral Sclerosis (ALS).
Markasta oo da´diisu sii korodhaba waxaa sii daciifaya, muruqyada hadalka ku tuuraya computarka, waa muruqyada afka.
© Copyright 2012 | mareegta caafimaadka
All Rights Reserved
Bahda mareegta Caafimaadka
http://www.caafimaadka.com
E-mail: editor@caafimaadka.com
E-mayl: caafimaadka2011@gmail.com


Khaatumo 2………… Guul iyo Horumar

$
0
0

KHAATUMO2………… GUUL iyo HORUMAR.
Farah Warsame
Bile1971@hotmail.com
Jan 09 2012
Waxaa si habsami ah magaalada taariikhiga ah ee TALEEX uga socda shirkii lamagac baxay KHAATUMO2 oo beel ka mid ah beelaha soomaaliyeed aayahooda mustaqbal ay halkaa uga tashanayaan. waxaan qormadan ku eegi doonnaa waxyaabaha la filayo in ay ka soo baxaan shirkaas, gaar ahaan xagga siyaasadda iyo sida saameynta uu ku yeelan karo qeybaha kale ee isku haya siyaasadda Soomaaliya gaar ahaan Puntland & Somali-land.
Qoraa Sare: Faarax Warsame
Shirka Khaatumo2 inkastoo beel u socdo haddana xagga xamaasadda shirku wuxuu u dhigmaa ama ka daran yahay kii maalmo ka hor lagu soo gabagabeeyay GAROOWE.
Saddex dhinac haddii laga eego, waxaan shaki ku jirin in uu shirkan yahay mid aan caadi aheyn. Waana saddexda arrimood ee aniga sida goonida ah ii soo jiitay kuwaas oo aan halkan inta karaankey ah kaga hadli doono waxa kala yihiin: 1)Midnimada (Ammaanka) 2) Siyaasadda (Somali-land, Puntland, DFKMG) iyo 3) Meesha uu shirkan ka socdo ee TALEEX iyo magaca uu shirku wato.
1- Midnimada (Ammaanka)
Shirkan ayaa noqonaya shirkii ugu horreeyay ee noociisa ah ee sidaa loo soo qabanqaabiyo. shirarkii kale ee hore halkaa loogu qaban jiray wuxuu kani kaga duwan yahay, ergada ka soo qeyb gashay oo ka kala yimid gudaha & dibedaba, oo ay ku jiraan Issimo, Aqoonyahanno iyo siyaasiyiin caan ah.
Qodobka ugu horreeya ee ajandaha shirka go’aan mideysan laga rabo in laga gaaro ama ka soo baxo waa kan Midnimada Beesha .
Midnimada iyo Ammaankuna waa labo shey oo wada socda iskuna xiran, waana labo shey oo qaali ah oo aan la’aantood horumar la gaari karin. Wuxuu qodobkani u egyahay sida siyaasiyiin caana hore uga dhawaajiyeen, qodobka ugu muhiimsan uguna dhibka badan ee shirkan laga filan karo, lagana yaabo in uu maalmo qaato. Waxaana taa keenaya iyadoo kala qeybsanaani jirto , taasoo u baahan in la isu soo jiido qeybahaa kala duwan ee mid walba siyaasad gooni ah wato.
Kala fikir duwanaanshaha siyaasiyiinta beesha waxay keentay in mowqif adag ka istaagi waayaan arrimaha Soomaaliya gaar ahaan labada maamul ay bartanka uga jiraan ee xarig jiidku ka dhaxeeyo waa Puntland & Somali-land. Laakiin markan xaalku sidii hore maaha oo waxaa la raadinayaa hal jaho oo laga duulo, iyo hal go’aan oo la qaato, waana rajada keliya ee shirkan laga qabo.
2- Siyaasadda
Arrimaha Siyaasadda waxaan u qeybin doonaa dhowr qeybood oo mid walba howshiisa goonida ah wato, waxaan ugu hormarin doonaa su’aasha dadku is weydiinayaan maalmahan oo dhan taasoo ah maxaa laga filayaa in Shirkan ka soo baxo?
Sida wax u socdaan, xajmiga ergada shirka ka soo qeyb gashay oo aan ku ekeyn issimo iyo shacab keliya, waxaa shirka ku weheliya siyaasiyiin iyo aqqonyahanno kale  wey iska caddahay in arrintu midnimo keliya ku ekeyn oo halkaa qodob siyaasadeed ku jiro, waxaana loo badaniyaa in maamul ka soo baxo, magacuu doono ha wato, siyaasaduu doono ha aaminsanaadee! Marka haddii shirkani maamul madax banaan looga dhawaaqo, yey GUUL u tahay? yeyse GEERI u tahay? Waa hadafka qormada  ee maanta.
Shaki kuma jiro in heshiiska halkaa ka soo baxaa ee ay ummadda halkaa isugu tagtay ee tirade intaa le-eg ah wixii ay ku heshiiyaan ay GUUL taariikhi ahi u noqoneyso shirka iyo inta taageersan . Laakiin haddaan wax iska weydiino ummadihii kale ee ay siyaasadda wadaageen sida Puntland, Somali-land, DFKMG ah iyo Soomaalida kale maxay iyaga u tahay ma GUUL mise GEERI…?
Aan ku bilaabo
Dhawaaqa Somali-land
Somali-land durba mowqifkeeda shirka wey caddeysay, qeylo weliba hanjabaad wadata ayaa ka soo baxday waxayse su’aashu tahay maxay ka baqeysaa Somali-land? Wey iska caddahay waxay GEERI la filayay ku noqoneysaa maamulka Somali-land oo isagu aaminsan in uu Soomaaliya inteeda kale ka go’ay.
Waxaa ugu horreeya waxay halkaa ku lumineysaa howshii & hankii siyaasadeed ee muddada 20-ka sano ka badan soo wadeen, taas  oo ah in mar uun gooni uga istaagto dalka Soomaaliya intiisa kale. Waxaa sidoo kale abuuri kartaa fur-fur hor leh oo isla maamulkaa ku yimaada, iyadoo gobolo kale oo isla Somali-land ah maalmahan cabasho ka soo yeereysay.
Dhawaaqa Somali-land waxaa sidoo kale laga dhadhansan karaa in ay isku halleyneyso koox wasiiro u badan oo maamulkooda ka tirsan kana soo jeeda beesha Taleex ku shirsan, kuwaas oo sabab-ba u ah in maamulka Somali-land uu ka taliyo dhul ay beeshani dagto, maamullo hore halkaa looga dhisayna gunufka ku dhuftay. La arki doono halka ay kooxdani ku biyo-shubtaan marka go’aan mideysan uu halkaasi ka soo baxo.
Aamusnaanta Puntland
Ka sokoow shirkan oo ay garwadeen ka yihiin qaar ka mid ah rag ay Puntland siyaasadda isku naceen, haddana maamulka Puntland wuxuu xaalkiisu marayaa SUG oo ARAG  waxa ka soo baxa.
Aamusnaanta puntland waxaa lagu sababeynayaa, dhowr arrimood waxaana ugu mihiimsan, waxay qabaan in ay tahay wax aan dhaqanka ku wanaagsaneyn in beel shireysa oo weliba xigto & xigaal u ah, oo aan la ogeyn waxa ka soo baxaya kharaar & macaan la hor boodo & tan kale oo ah hadalka puntland waqtigan ka soo yeeraa uu ka xoog iyo dag-dag badan yahay kan maamulka Somali-land marka fasiraadaha  kala duwani dadku ka bixiyaan. Markaa puntland waxay qabtaa wax uga wanaagsan sida ay hadda yeeshay lama hayo.
Dhinaca kale, haddii maamul halkaa looga dhawaaqo, dhinac wuxuu Puntland u yahay GUUL dhinacna GEERI.
Guusha haddaan ku hor maro, Waxay guul u tahay shacabka reer Puntland intooda badan kuwaas oo marar badan ku celcelin jiray in beesha halkaa dagta mar uun la arko iyagoo ka midoobay mad-madowgii ku kala dhex jiray & kala qeybsanaanta.
Sidoo kale dadka qaar ayaa aamisan in uu maamulkaasi garab uu u noqon karo maadaama Soomaalidu u ka la baxday qabaa’ilo iska soo horjeeda.
Wuxuu sidoo kale Puntland u noqon karaa GEERI, maadaama maamulkaasi challlange adag la geli karo maamulka Putland marka ay noqoto arrimaha federaalka, maamulka puntland wuxuu hadda u muuqda maamul ballaaran, adag sida lagu loodiyaana adag tahay. Markaa Awoodda intaa le’eg ee ay Puntland ku leedahay gudaha Soomaaliya gaar ahaan Federaalka wey yaraaneysaa.
Dowladda Federaalka
DKMG ah ayaan weli wax hadal ah ka soo saarin shirkan ammaan & dhaleeceyn toona. DFKMG oo iyadu laftigeeda saddex awoodood ka kooban, ayaa qolo welibana waxay shirkaa ka eegeysaa maslaxadeeda siyaasadeed. Awoodda ugu sarreysa ee DFKMG, kooxda Sh Shariif waxaa shirka ugu jira qaar saaxiibadiisii hore ka mid ah weliba ay aadka isugu dhawaayeen.
Qeybaha kale ee DFKMG ah sida rai’sal-wasaraha & raisal-baarlamaanka oo baryahan saaxiibbo xagga siyaasadda ka ahaa, marka ay noqoto arrimaha federaalka iyo sida arrimahan oo kale loo maareynayo, waxaa dhici karta in ay Sh Shariif kaga fikrad duwanaadaan.
Waxayna wax waliba kala caddaanayaan marka midkood shirka soo hadal qaado, taageero ama dhaleeceyn midkey doonto ha ahaatee halkaa ka sheego. dabadeedna wixii markii hore qarsoonaa banaanka u soo baxaan.
Shirka Khaatumo2 laftigiisa
Sida loo wada badinayo, aan ka soo qaadno in maamul halkaa looga dhawaaqo. waxaa khasab noqoneysa in uu buuxiyo qodobka ugu horreeya ee federaalka looga mid noqon karo, waana in uu noqdaa labo gobol iyo wixii ka badan.
Gobolada Sool Sanaag iyo Ceyn  haddii sidooda loo qaato oo lagu heshiiyo halkaa waxaa ka soo baxaya maamul buuxa oo qodobkii ugu horreeyay uguna muhiimsanaa soo buuxiyay, markaa kadib arrimihii kale ayuu u gudbayaa in uu soo dhameystiro.
Laakiin maxaa dhacaya in haddii goboladaas midkood ka hor yimaado? Jawaabtu waa sahal, waa labo arrimmood mid uun: in si duu-duub ah loo qaato oo sidaa lagu wado laguna hirgeliyo, sidaana dowladda federaalka uga mid noqdaan iyo in xisaab la isula soo fariisto, taasoo hadhow muran siyaasadeed keeni karta. weliba aan ku daree maamulo hadda jira sida Gal-mudug oo inta ay ka taliyaan aan ognahay dhib u keeni karta. Ifafaalaha isla-xisaabtankuna durba waa soo shaac baxay, wataas oo
maamulka la magac baxay dooxada shabelle ee hadda gacanta ku dhigay baladweyne, uu hadal-kii raisalwasaare Gaas ka hor yimid markii uu ku dooday haddii Gal-mudug maamul tahay waxa aan anigu ko noqon karin waa in la ii caddeeyaa.
3- Taleex iyo magaca uu shirku wato
Taleex waa magaalo taariikhi ah waxayna ka mid tahay magaalootinka ugu magaca iyo faca weyn dalka Soomaaliya. Shirarka ka dhaca magaalooyin noocan oo kale waxay aalaaba noqdaan shirar taariikhda gala, xitaa hadduusan shirkaasu dhaqan gelin sida lagu hilmaamaa waa adag tahay. Dhinacaa markaad ka eegto Waxaana uu la macag ahaan karaa heshiisyo iyo shirar caalami ah oo magacyadooda illaa iyo hadda la sheeg sheego. Magaca shirku watana waa magac weyn taasoo macnaheeda dad kooban ay fahmi karaan.

Kheyr wax kaama dhimee shar u toog hay!!!
Marka laga soo  tago arrimaha Midnimada, Amaanka, Maamulka iyo arrimaha kale ee aan kor ku soo sheegay ee shirkan laga filayo, waxyaabaha kale ee laga filan karo waxaa ka mid ah.
Saddex-dii qeybood ee aan hore u sheegay ee kala ahaa ururkii SSC iyo qeybaha kala taageersan Puntland iyo Somaliland in ay ka biyo diidaan waxyaabaha halkaa lagu go’aamiyo iyagoo markaa maslaxadooda gaarka ah ka eegaya. Saddex-daa qolo madaxdii ugu sarreysay midna shirka iigama muuqdo, lama garanayo ujeedada ka dambeysa. Garanay sababta kuwa labada maamul ku jira uga baaqdeen laakiin weli waxaan la fahmin ururkii hore u jiray ee SSC sida uu uga maqnaaday, waana meesha shakigu ka iman karo.
Waxyaabaha kale ee halkaa laga filan karo waxaa ka mid ah Alle naguma keenee, wixii soomaali halkaa dhigay ee ah dagaalkii ahliga ahaa. Waxaana taa mar horeba sii caddeeyay maamulka Somali-land, taas oo ah in uu mar kale soo cusboonaado dagaalkii ahliga ahaa ee u dhaxeeyay Puntland & Somaliland.
Ugu dambeyn, malaga yaabaa in waxa aan ka hadleyno wax ka duwan halkaa ka soo baxaan? Oo meel cidla ah toobin ku heyno? Waa wax dhici kara, horena waa loo arkay. Marka shirar la isugu yimaado, caadiyan waxaa dhacda in dadka ka soo qeyb gala fikrado kala gooni ah ayay kala wataan, dad qaar iyagoo ajandahaba la socon ayayba halkaa yimaadaan, waxyna dadkaasi wax ku goostaan wixi halkaa ay kala kulmaan.
Is jiid-jiid mararka qaar lagu kala boodo ayaa shirarka ka dhaca, taasoo hadhow gunaanadka keenta in wixii la filayay wax aan aheyn meesha ka soo baxaan. Ama haddaan si kale u dhigo qolada ajandaha wadataa lagu diido fikirkooda. Waxaa sidoo kale waxyaabaha la filan karo ka mid ah in maamulada Puntland ama Somali-land midkood loo bato. Waana meesha ay sartu hadhow ka qurmeyso oo sheekadu ku soo gabgabowdo jug-jug meeshaada joog.
Dadka qaar baan ka maqlayay iyagoo leh, ka warama haddii sheekadaba la soo gaabiyo oo laga dhigo in labada maamul ee halkaa isku heysta inta la isku daro Laas-caanood laga xukumo oo labadaba halkaa looga taliyo. Iyadana waa fikrad kale oo aan la dhacay laakiin munaaqashadeeda leh.
Gabagabadii iyo gunaanadkii caqliga saliimka ah wuxuu noo sheegayaa in shirkan la taageero, weliba mid hiil & hooba leh, maadaama dad soomaali ah weliba  isku ehel iyo dano ah ay aayahooda halkaa uga tashanayaan.
Ugu dambeyn hadalkeyga waxaan ku soo gabagabeynayaa: “waxaan shirka Khaatumo2 u rajeynayaa GUUL iyo HORUMAR”.
Farah Warsame
Melbourne Australia.
Bile1971@hotmail.com
=============================================
Raxanreeb.com waxay si gaar ah tixgelin u siineysaa Faalooyinka, Maqaalada, Warbixinada iyo Aragtiyada ay sida gaarka ah ugu soo diraan Akhristayaasha oo aan lagu daabicin warbaahino kale.
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY FIKIRKAAN AMABA MAQAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Neymar oo ku guuleystay Abaal Marinta Puskas Loo Yaqaano ee Goolka ugu Fiicanaa Sanadii 2011+video

$
0
0

10/01/2012ciyaaryahanka mucjisada ah ee reer brasile aad u jecel yihiin ayaa ku guuleysta goolkii ugu quruxda badnaa 2011 .
waxuuna tartan la galay lionel messi iyo weyn rooney waxuuna kaga qaaday cod loo qaaday ayuuna ku
guuleystay abaal marinta loo yaqaano puskas ee fifa aqoonsan tahay halkan hoose ka daawo goolasha sedexda ah adigaba codee kii kula fiican aqristoow
 
W/Q  bashirqoolif

Neymar oo ku guuleystay Abaal Marinta Puskas Loo Yaqaano ee Goolka ugu Fiicanaa Sanadii 2011+video

$
0
0

10/01/2012ciyaaryahanka mucjisada ah ee reer brasile aad u jecel yihiin ayaa ku guuleysta goolkii ugu quruxda badnaa 2011 .
waxuuna tartan la galay lionel messi iyo weyn rooney waxuuna kaga qaaday cod loo qaaday ayuuna ku
guuleystay abaal marinta loo yaqaano puskas ee fifa aqoonsan tahay halkan hoose ka daawo goolasha sedexda ah adigaba codee kii kula fiican aqristoow
 
W/Q  bashirqoolif

Lionel Messi oo Markii Sedexaad ee isku Xiga ku Guuleystay Laacibka Aduunka 2011+video

$
0
0

lionel messi oo noqdo ciyaaryahankii labadd ee taariikhda inta la ogyahay ku guuleysta 3 jeer ee isku xiga.
waxaa uuna soo dhinac istaagay michel platini oo horey ugu guuleystay sanadihii 1983.1984.1985
messi oo sheegay in uu aad u jecel yahay barcelona iyo weliba qarankiisa argentin waxuu kaloo sheegay in uu xavi la jeclaan lahan in uu ku guulesto xavi uu yahay ciyaaryahanka uu jecel yahay in uu ka dhinac ciyaaro markasta
hada aqristoow wiilka caalamka ka qeyliyeen ee sida waalan kubada u dheela  oo la gudoonsiinaayo abaal marinta kubada dahabka ah bal ila daawo

Lionel Messi oo Markii Sedexaad ee isku Xiga ku Guuleystay Laacibka Aduunka 2011+video

$
0
0

lionel messi oo noqdo ciyaaryahankii labadd ee taariikhda inta la ogyahay ku guuleysta 3 jeer ee isku xiga.
waxaa uuna soo dhinac istaagay michel platini oo horey ugu guuleystay sanadihii 1983.1984.1985
messi oo sheegay in uu aad u jecel yahay barcelona iyo weliba qarankiisa argentin waxuu kaloo sheegay in uu xavi la jeclaan lahan in uu ku guulesto xavi uu yahay ciyaaryahanka uu jecel yahay in uu ka dhinac ciyaaro markasta
hada aqristoow wiilka caalamka ka qeyliyeen ee sida waalan kubada u dheela  oo la gudoonsiinaayo abaal marinta kubada dahabka ah bal ila daawo

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live