Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

VOA:da oo shaaca ka qaaday magaca iyo meesha uu ka soo jeeda mid ka mid ah Dhalinyaradii isku qarxisay Hotel Muna (Magaciisa iyo masawirkiisa hoos kadaawo)

$
0
0

Idaacada ku hadasha Codka Mareykanka ee VOA qeybteeda afka ingiriiska ayaa qortay warbixin dheer oo ay kaga faalooneyso mid ka mid ah dhalinyaradii is qarxisay ka dib markii ay xasuuqeen dad ku sugna Hotel Muna mas'uuliyiin dowladeed haba u badnaadeene.

Horudhaca warbixinta VOA:da waxay u qorneyn sidatan:

Mid ka mid ah isqarxiyayaashii ka qeybqaatay weerarkii dhiiga badan daadiyay ee Talaadadii la soo dhaafay lagu qaaday hotel Muqdisho ku yaal oo ay deganaayeen Sharci-dejiyayaal ayaa loo aqoonsaday in uu ahaa nin dhalinyaro ah oo uu soo karuud (tababaray) bixiyay sarkaal sare oo ka tirsan Alshabaab kaaso oo sida la rumeysan Xagjirayaasha ka raarida mabaadiida' fogaatay ee Alqaacidada.

Ilo wareedyo ay soo xigtaya VOA:du ayaa xaqiijiyay islamarkaana aqoonsaday in wiil 16 jir ah oo lagu magacaabo Aadan Xuseen uu ka mid ahaa labadii dhalinyaro ee geystay weerarkii ismiidaamineed ee ka dhanka ah dowladda Soomaaliya.

Aadan Xuseen waa kan sawirkiisu dhanka bidix ka muuqdee waxaa uu sidoo kale ahaa baa la leeyahay ilaaliyaha gaarka ah ee Abuu Mansuur (Muqtaar Rooboow) ka hor inta uusan Abuu Mansuur wiilkan da'da yar ku qalqaalin isqarxintan.

Waxaa intaas sii dheer baa leeyahay in Aadan Xuseen uu ku heyb yahay Abuu Mansuur waxayna labadooduba deegaan ahaan ka soo jeedaan magaalada ku taal Koofur Galbeed ee Baydhabo, gobolka Bay, gobolkaas oo gacanta Alshabaab gaar ahaan Abuu Mansuur si buuxda ugu jira.

Dadka aqoonsaday Wiilkan da'da yar ee isku qarxiyay Hotel Muna islamarkaana galaaftay nolosha dad ka badan Sodon qofood ayaa sheegay in ay aqoon fiican u leeyihiin islamar ahaantaana aqoonsadeen ka dib marka ay arkeen sawirada wiilkan da'da yar ee sida dad badani qabaan maskaxda ay ka dhaqeen kooxahan ku shaqeeya siyaasada aad uga fog Dhaqanka Soomaalida iyo weliba Shareecada waa sida culimada diintu intooda badan ku doodaane.

Isku soo wada duuboo waxaa halkan ka cadaatay baa la leeyahay in dadka ismiidaaminta ay u adeegsadaan kooxahan wax qarxiyaa ay yihiin carruur aan caqligoodu ku filneyn cilmi adduun iyo mid Aakhirana aan toonaba daalacan waaya aragnimana haba soo hadal qaadin.

Warbixinta VOA:da oo sideeda ah linkiga hoose ka aqriso!

http://www.voanews.com/english/news/africa/Hotel-Suicide-Bomber-Linked-to-al-Shababs-Senior-Leader---101482384.html

halgankanet@gmail.com

 


Rumeyso ama ha rumeysan Waxaa la sheegay in Naazigii Adolf Hitler laga helay raadadka ku xiriirinaya asal ahaan in uu Soomaalida ka firsaday

$
0
0

Ka dib markii muda dheer baaritaano ay sameeynayeen rag ku xeeldheer baaritaanka Hidasidaha bani'aadamka iyo sida ay isu dhaxlaan dadku amaba isaga firsadaan ayaa waxaa la soo helay raadad isku xiriirinaya Hidasaha Naazigii weynaa ee reer Jarmal Adolf Hitler iyo Soomaalida.

Sidoo kale waxaa baaritaankaas lagu sheegay in tijaabooyin lagu sameeyay dad ay qaraabo yihiin Hitler oo aad u fara badan iyo weliba raadraaca hidasidihooda laga helay Jinsiyad u dhow Yuhuuda iyo weliba Dadka Berberi loo yaqaan ee ku dhaqan Waqooyiga Afrika.

Sída ay daabacday Majalada Knack ee ka soo baxda dalka Biljamka, suxifiga weyn ee reer Biljam Jean-Paul Mulders iyo taariikh yahanka Marc Vermeeren waxay raad raac ku sameeyeen muda dheerna baarayeen Guud ahaan hidasidaha Qaraabada Adolf Hitler waxaana u cadaatay in Hitler dadkii u necbaa sida daranna u gumaaday waa Yuhuudee uu dhalasho la wadaago amaba fir ku leeyahay.

Ragani waxay sidoo kale sheegeen in Adolf Hitler iyo ehelkiisa qaabka uu jirkoodu u sameysan yahay dhinaca hidaha uu aad uga duwan dadka ku dhaqan Galbeedka Yurub balse uu xiriir dhow ama Fir la leeyahay Berberi ku dhaqan Waqooyiga Afrika, Soomaalida ku nool Bariga Afrika iyo weliba Yuhuuda.

Warbixinta qeybteeda dambe waxaa lagu sheegay in la tuhunsan in Hitler aabihii uu ahaa cunug uu qaab guur la'aan ah ku dhalay Oday Yuhuuda.

Si kastaba arrintu ha ahaatee waxaan muran ka taagneyn in Bani'aadmigu meel ka soo wada firsaday laakiin waxaa mudan in su'aal la iska weydiiyo firka ama walcanka aad u dhow ee uu Hitler la wadaagi karo Soomaalida.

Xigasho: Metro.-Finland STT.

halgankanet@gmail.com

Guurka part 3,Sh Maxamed Axmed (Sh Boqolsoon)

Ciidamo Ethopiana oo dalka soo galay kadibna isaga laabtay

$
0
0

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in ciidamo
Ethopiana oo saaka soo gaaray isgoyska kala bayrka ay halkaasi isaga
baxeen iyagoon la kulmin wax iska hor imaad ah.
Ciidamada Ethopianka oo ay wehliyeen ciidamo ka tirsan kuwa dawladda KMG
ayaa saacado dhawra ku suganaa halkaasi iyadoo uu hakad ku yimid
isticmaalka gaadiidka ee wadadaasi.
Ma jiro waxa wara oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dawladda ee la
socda ciidamada Ethopianka ee halkaa soo gaaray inkastoo ay dib halkaas
uga laabteen,mase aha markii ugu horeeyay oo ciidamo Ethopiana ay soo
galaan gudaha Soomaaliya tan iyo markii ay isaga baxeen wadanka bishi
janaayo sanadii 2009ka.

Dagaal iyo duqeymo weli maalinti shanaad ka socda muqdisho

$
0
0

Waxaa maalintii shanaad ka socda magaalada Muqdisho dagaalo iyo duqeymo walow eysan sidi hore u soo darneyn.

Salaaddii Jimcaha ka hor ayaa Degmooyinka Hodan Hawl Wadaag iyo War dhiigleey waxaa ka bilowday Dagaalo goos goos ah oo ay dhinacyadu Rasaas isku weeydaarsanayeen.
Rasaastaas gooska gooska ah ayaa waxaa xigay iyana Tiro aan badneen ee Madaafiic ah oo dhinacyadu ay is weeydaarsadeen.

Ma jiro khasaare dhab ah oo ay geeysteen Duqeeymihii koobnaa iyo iska hor imaadyadii qaddar kooban soconayay ee u dhaxeeyay dhinacyada iyadoo goor danbana ay iskooda u istaageen duqeymihii iyo iska hor imaadyadii ka horreeyayba.

Manta oo ay tahay Maalinimo Jomce ah isla markaana ah Maalintii shanaad ee Dagaalada ay ka soconayaan qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa waxaa jira dad cusub oo manta iyagoo ka faa’ideysnaya hakashada ay Dagaaladu Maanta Hakoodeen waxa ay bilaabeen in ay isaga bara baxaan degaanadii ay waayadan ku sugnaayeen.
Dadkan ayaa sheegey in maalmihii la soo dhaafay ay fursad u waayeen in ay ka baxaan guryahooda oo ay ku go’doonsanaayeen balse manta ay fursad u heleen inay ka cararaan degmooyinkii Maalmahan Dagaalku uu ka soconayay.

Dadka Degaanadaa ku jirey oo qaarkood dhawaan ay ku soo noqdeen degaanadooda ayaa mar kale bilaabay in ay dib u bara kacaan ka gadaal markii ay uadkeysan dagaaladii maalmahan dhacayay.

Si kasta ha ahaatee Xaaladda Muqdisho ayaa noqotay mid aan la saadaalin Karin oo mar nabad ah marna dagaalo ay ka jiraan.

Djibuti Muxaadaro Cilmiga iyo Rasuulka 1 (Shekh Abdirahman God amp; Shekh Abdirahman Bashir) ...

Djibuti Muxaadaro Cilmiga iyo Rasuulka 2 (Shekh Abdirahman God amp; Shekh Abdirahman Bashir) ...

Djibuti Muxaadaro Cilmiga iyo Rasuulka 3 (Shekh Abdirahman God amp; Shekh Abdirahman Bashir) ...


Djibuti Muxaadaro Cilmiga iyo Rasuulka 4 (Shekh Abdirahman God amp; Shekh Abdirahman Bashir) ...

Maqaal "Aqoonta cilmi ee diin iyo Jihaad kee hureeya":By Dhoore

$
0
0

"Aqoonta cilmi ee diin iyo Jihaad kee hureeya"
                              

                                          
                      
                                        
Insaanku qiimo nolol wuxuu buxiyaa markii uu hadal hanto ku hadalka
erayaduna waxay siisaa macne ujjeedu.   Fahanka macne ayaa keena in uu
isweydiiyo su'aalo una hanqaltaago baadi doon ka baxsan inta uu ku hana
qaadey.   Baaritan caqli iyo isweydiinta su'aalo ba dhaxlsiiya u gudub
tijaabooyin leh ku faadhac iyo turaanturyooyin ilaa uu helo xarfad aqoon
si uu ku hantiyo kuna xakamiiyo natiijada.   U dadaalku nafac adduun
kali ah kuma eka laakinse araga agagaarkiisa iyo hab dhiska qof
ahaantiisa ayaa ah baadi doon iyo su'aal.   Tijaabooyinku waxay
dhaxalsiisa u gudub aqoon iyo baaritaan joogta ah oo ey garab socdaan
waayo aragnimo jeetaa ah.  Aqoonta cilmi baa u noqota iftiin iyo fahan
in uusan jirin jiritaan aan laga danbeyn walow uu u saaro meelo khaldan ;
waayo aragnimaduna waxay u tahay keyd dahabi ah oo ilaaliya waqti kuna
ah xujo kan aan laheyn wax uu dib u jaleeco.                           
                                          
Adamigu aqoon cilmi ka bacdi baahidu waxay tustey in uu u baahan yahay 
ku dadaal cilmi  iyo howl  si uu wax u sameysto yeeshana soo saar una
yeelo nidaam iyo barnaamij uu ku ilaaliyo waxa uu sameysto si ey'yan ogu
lumin kuna kharaabmin aqoon la'aan.  Dhamaan wax aadame sameeyey yar
iyo weynba ma jiraan mid aan wadan malaf ama buug yar oo cadeyn u ah
sida loo isticmaalo loona xanaaneeyo.   Buuga yar  kan sameeyey alaad
ama baabuur iyo wixii ka yar ama ka weynba wuxuu ku qorey habkii loo
isticmaali lahaa oo ah saas u isticmaal hana yeelin saas ; yeel una
isticmaal saas.   Waa muhiin in la hayo aqoon keyd buugaag si loo raaco
laguna hagaajiyo xumaane haddii lala kulmo laguna xanaaneeyo si uu u
waaro.
Manhajkaas ama buuga yar oo leh isbedelyo badan kuna xiran
huromarka cilmi iyo waayo aragnimada laga dhexlo waqti la soo
isticmaaley baa ah qiyaasta huromar ee adame gaaro kana gaaro itaalkiis
aqoon cilmi.                                                                  
                                             
Akhriste kii abuurey insaanka una yeeley caqliga iyo dareen xasaasi ah
ma surowdaa in uu u abuurey iska abuur u jooga nolol iyo geeri.? 
Macqool ma tahay in abuurista xaadkaas leh isla markaasna loo diyaariyey
dhamaan baahidiisa ka hur abuurkiis iyo inta uusan imaan dulka in uu
iskiis iska hantiyo wax walba ayado eysan ka dambeyn xikmad?.  Miyeysan
ee su'aal ah waxaan yaa ka dhenbeeya ama abuursta yaa leh?  Sida ku cad
furitaanka maqaalka mar haddii ey saas tahay oo adame uusan ogolaan
karin wax iskiis iska yimid oo aan laga dambeeyn.  Isla mar ahaantaasna 
jiritaan kasta uu u  jiro nidaam ama jadwal buug ee loo raaco laguna
ilaaliyo wanaagiisa laguna saxo xumaantiis.  Waa in isagu adamigu
ogolaada kuna gancaa in uu jiro abuure adami abuurey oo la yiraahdu
Illaah ; lehna xikamaddo u abuurey iyo buug uu raaco kan uu abuurey una
yahay Illaah iyo Rabbi waana diin tan xanbaarsan aqoontaas.
                                              
Aqoonta Illaah illaahnimadiisa ama diin iyo xikmadda ka danbeysa
abuuris insaan; ma ahaa mid adamigu caqli iyo cilmi u ku keeni karo.  
Mana ahaa mid uu ku gaari karo aqoon iskiis ah aqoonta Illaah.   In
adamigu barto jiritaan Illaah oo cilmiyeysan  oo toos ah oo aan laheyn
leexleex waa mid uu Illaahey Isagu ka mas'uul yahay keligiis sida uu u
soo gaarsiin lahaa adoomadiisa.   Mar haddii mas'uuliyadaasi tahay mid
saaran Illaahey waa in makhlooqu xaq ogu leeyihiin Illaahey in uu soo
gaarsiiyo manhajka uu u rabo ogana digo ciqaab kan muteystey iyo wuxuu
ku muteysan loona faahfaahiyo dhamaan xalaal iyo xaaraan.
                                 
Laga billaabo Nebi Aden swc wuxuu insaanku ahaa/yahay mid aan marna ka
bixin maamulka iyo rabiste Illaah oo ah kan abuurey ogna maslaxadiisa
iyo wixii anfac u leh.   Waa in uur hooyo (rixim) yahay Illaahey kan ku
masawira abuurka qof sida uu doona akhri (suura Al-imran ayadda 5-6).   
Waana kan uur hooyo ka soo sarey isago oo aan wax aqoon ah laheyn  una
yeelay maqal , af  iyo aragti ( akhri Suurt: Al-Nahli ayada 77-78)   
< oo ah inta lagu hantu cilmi aqoon waxbarasho>.                                                                                                        
Akhriste waxaa xujjo noga filin In Nebi Adam swc ugu hureyn la baray
wax walba magacyadood akhri(sura Al-baqara ayadda 30) inta aan la amrin
saas yeel saasna ha yeelin.                                                                                                           
Nabi Mohammed swc waxaa lagu dhibey akhrin (akhri  suura Al-alaq ayda
1) aqoonteed wana tusidda iyo muujinta qiimaha akhriska iyo aqoon
cilmi.   Waa aasaaska ra'suulnimadiisa iyo xujada Illaah u dhiibey ma
qore ma akhriye loo xilsaarey gudashada iyo gaarsiinta kitaabka Illaah. 
Nebi Mohammed swc waxaa la siiyey xujo joogta ah ilaa Illaahey amro
qiyaamaha wuxuu la yimid cilmi iyo xujo cad " Quraan".   Macne kooban
dugsi Illaah buu Nebi Mohammed swc wax ku bartey kuna barbaarey
macalinkiisuna wuxuu ahaa Jibriil swc.  
                                               
Fadliga cilmiga waa darjo ku cad risaalada ahna waajib barasho aqoon
inta aan la gaarin fulin waana buddigga waxyigii loo diibey Nabi
Mohammed swc ; ku sheegasho in  Illaahey leeyahay abuurka adami isaguna
yahay kan barey aqoonta iyo qiimaha qalin.    Aqoontu waa albaabka laga
galo cibaadu inta aan la fulin fulin cibaadu iyo Illaah u
dhawaansho.     Sida Illahey ogu yiri Nebi Mohommed iyo Nebiyada dhamaan
" U ogow si cilmi ah i uusan jirin Illaah aan aheyn Illaahey".  
Illaahey aqoon iyo cilmi la'aan kuma ciqaabo addoomadiisa , ra'suul
la'aan kuma xisaabiyo akhiro addoomadiisa.
                                                    
Adamiga xaq looguma lahaa in lagu ciqaabo wixii uusan aqoon u laheyn
xaqna uma lahaa in uu side uu u arko iyo hawadiisa u fuliyo cibaadu
Illah.   U ma lahaa xaq in uu ku cabiro casrigiisa.    Xaalado adag iyo
waqti colaadeed ama abaar caameysey ummad midna ma beddelaan barnaamij
Illaah ogu tala galey in isaga lagu cibaadeystu hadaan laga helin xaalad
uu ra'suul fuliyey ama ansaxiyey ama khliifadii afarta.   Dejinta
barnaamij cibaado oo ah saas yeel saasna ha yeelin iyo hab fulinta
laguma kalifin ee waxaa lagu kalifey in uu barto raaco fuliyo cilmiga
Illaahey u soo diibey ra'suul ama adeegi Illaahey doortey kuna kalifey
gaarsiinta barnaamij jadwal iyo hadaf Illaahey ka rabo una rabo aadamiga
oo ah in kaligiis la caabudo.    Cibaadu waa xirmo fulin ficilo isku
xiran oo ah adoon u noqosho Illaah iyo fulin wixii uu amrey fulinteed;
lagana tago wixii uu amrey iyo dhamaan sidii uu u amrey ra'suulkiisuna u
gaarsiiyey ummadiisa. Cibaadu illah ma ahaa jihaad ah dil qax joogta ah
kuwa lagu fuliyana yihiin kuwa liita awood
ahaan.                                
                                                    
Ra'suul weeye kan kallifaadu saaran tahay iyo sharaxa si loo gutto inta
kale waxaa ku waajib ah in ey raacaan habka Illaahey laga soo guuriyey
ra'suulna soo gaarsiiyey.  Ra'suulku isaguna waxa khasab ku ah in uu
raaco sida Illaahey u soo gaarsiiyey waxyiga dhamaan ayadaha quraan iyo
sharax iyo caddeynba ;sida Illaah u yiri  " U toosnow una raac sidii
lagu amrey" (suura Hud ayada 111-112) .     Mar haddii tan carada iyo
ciqaab Illaahey loga badbaadi karo tahay cibaado ; Illaaheyna u soo
dhiibey ra'suul dhamaan aqoonta cilmi cibaadu iyo aqoonta hab fulin.   
Waqtiyada iyo xaaladaha lagu fulinaayo oo dhameystirin ha noqottu
xaalado dagaal ama mid  nabadeed  baahina aan loo qabin in wax lagu daro
laheyna waasicin iyo furfurnaasho ka doon  ; waa in ficil kasta loo
leeyahay aqoon iyo cilmi lagana soo guuriyey ra'suul xaalad kastana loo
celiyo ra'suulku sidoo yeeley ama fuliyey .                                                                                    
Ra'suuladu kama baxsana adamiga kamana gedisnaa abuuris waana isku
baahi dhinac walba qof ahaan.   Baahida keentey ra'suul dad ah oo ka mid
ah adamiga waa qiyaasta garasho luuqad iyo fahan aragti muqaal iyo
jensi ee ka dhexeeya dadka ama insaanka.   Sida darteed ra'suulka loo
soo diro weeye kan haga iftiimiya xaddida loogana deydu ficil sameynta
iyo gudashada aqoon iyo fahan manhajka Illaah ee ah cibaadu.    Ogowna
raacista ra'suul baa ah cibaado weyn la'aanteed wax ma ansaxaan Illaahna
ma aqbalo.  Sida Illaah ku yiri " Dheh haddii aad jeceshihiin Illahey i
soo raaca anniga waxaa idin jeclaan Illaah.........................Illaah ma jeclaa kuwa ku kufriya." akhri(suura Al-imran ayada 30-31 ).
                                                     
                                                     
Sheekh ama kooxo  uma lahaa xaq in ey ku cabbiraan kuna qiyaasaan
fulinta cibaadu casriga ey ku nool yihiin waana in aan loo gafin illaah
oo aan xaaladaha beri/maanta jira laga dhigin mid ka qarsooneed kana
maqan manhajka Ilaah iyo aqoonta qeeyb.  Kooxo hubeysan kuma koobi
karaan kamana dhigi karaan dhammaan cibaadu Illaah Jihaad ; kumana
gaaleyn karaan kii diida in uu qubo dhiig Muslim.                                                                                                                                                                     
Nabi Mohammed swc waqti dheer buu ku baxshey iyo samir in caqiidada la
soo dhisu qalbigana lagu tallaalo si kan caqiidadiisu u dhisan tahay
diyaar ogu noqdu wixii axkaam ah iyo waajibaad ah
fulintood.              Soo diyaargareyn iyo abaabul aqoon cilmi baa
kala saara waxa xun iyo wixii fiican.    Barbaarin iyo dhagax dhig buu
ahaa wixii waxyi ahaa ee soo degey intii la joogey Macka oo dhan 13
sano.   Waxyi kasta wuxuu lahaa munaasabad iyo bahi ah kor u qaadis
wacyi iyo iimaan.                                                                   
Khamriga tartiib ba lagu xaraameeyey ; gabadhii sameysa galmo aan
sharci aheyn waxaa lagu billaabey in lagu xakameeyo guriga lana ceebeeyo
iyo kuwa ficilkaas la yimadaan in la karbaasho; ribadu waqti bey
qaadatey in la xaarantimeeyo ; jihaadka ummadda Somaaliyeed lagu
dhameeyey  waxaa lagu amrey Nebiga in uu ku jihaadu quraanka laguna
sheegey jihaadka weyn akhri ( suura Al-furqan ayadda
51-52).                Illaahey wuxuu yiri "ha ku keensanina gacmihiina
tahluko axsaana sameeya" akhri ( suura Al-baqara ayadda 194) Xukun ama
faral kasta wuxuu lahaa waqti ku munaasabsan dadkuna diyaar u yihiin
qaadashada iyo fulinta. Waxaa aad muhiim u ahaa in qaadashadu ama
rumeyntu iyo ku qanacu ka hureeyo kana muhiimsan fulinta xad xukun.   
Dad Somaliyeed oo aqoonta diintu ku tahay nasab sheegasho  waxay xaq u
leeyihiin in la soo dhisu aqoon caqiiqdu iyo dhamaan ilaa akhlaaq muslim
oo mumin ah la gaarsiiyo xaq ma ahaa in la xaaqo lana banneystu
dhigooda.
                                                
Ujjeedada  oo ku kooban hal eray akhriste waxaa igu kalifey in uu
dheeraadu waa in maqalkii iyo dareenkii garasho uu naga dhamaadey
haddaan Somali nahay.  Waxaa nasiib darro ah in eynaan wali helin sidii
eynu u fahmi laheyn eryada eynu u isticmaalno ku hadal  af Somaaliga.   
Waxaan shaki ku jirin in eynu nahay masaakiin leedatta isna xisaabin
kuna waayo qaadan jidkii dheera ee labaatanka sano ee eynu ka/ku
dhaxalney qori nin watta iyo qeel aan dhaafsiisneyn bishumo dhamac iyo
qalbi dhaneyste ; ma naxariiste xukun doon ah.    Somalinimadu in ey noo
aheyd magac bixin aan dhafsiisneyn dallad eynu hoos harsanno oo kali ah
waxay caddaatey markii qabil loo kala baxey dhiigna
qubtey.                                                                                                                                                                                
Tan maanta taagan kama duwana maxaa wacey Diinta islaamku waa inuu
dhaqan iyo dallad eynu ku sheeganno in eynu nahay ummad Islaam ah
100%.    Kuwa sheegta in ey u adeegayaan Diinta iyo Illaah u dhawaansho
so ma ahaa kuwa nagu kadeedey adduunka marka saaxib maxaan ku gaarna
akhiro?   Xalaaleysiga dil iyo qax loo geestu qof islaam ah ; weerar iyo
weerar celin aan loo kala saareyn shacab iyo mid hubeysan qeelna looga
doono kitaabka illaahey  wax ku sheeg?  Jihaadka Somalia  waa baahi qab
waqti qofe ku xaajo gudanaayo meel gaarna u ah.   Musiibada na heysatta
hurey ayuu ra'suulku swc nogana  digey caalim aqoon leh khatarta uu
leeyahay.
                                                                                                                              
 
                                                     Akhriste adigoo iga raale ah sheekadaan ila fahan:-
                                
Qol eynu ku tukannu ayaa la'aqiimey Salaaddii safka ayaa la istaagey
ninba nin ku yiri "akhi cirabta cirabta saar qoobka qoobka saar oo toosi
safka si aan sheydaanku noo soo dhexgelin".  Ninkii baa ku jawaabey  "
walaal meeshan careerika ah ee labo qoob dhexdhooda ah adiguba haddii
aad ahaan laheyd sheydaan ma geli laheyd e'leyn caqli baad leedahaye"?  
Akhriste salaaddii lama tukan dagaal iyo wax aan fiicneyn baa dhaci
gaarey.   Ma kan is-bidey daaciga ayaa khaldan mise kan la toosinaayey
mise habka loo isticmaaley toosinta ayaa khaldan,?                                                                                                                                            
Jojoob iyo isu muuqaal aqoon  oo la is tusey ama awood ciidan hubeysan
kuma dhismin kuma hana qaadin diintu.  Waxa aad muhiim u ah in e'yan
diintu ku hana qaadin sida qofe u jecleysto.                   Tusaale
waxaa noogu filan canaantii Illaahey canaatey Nebi Mohammed swc markii
uu jecleystey in akhyaarta Qureysh uu ka hurmariyo indhoole muujiyey
baahi hanuun. (suura    Ábasa)                                                                                                                                                                                         
Waxaa cajiib ah in quraanka haddii aad si fiican u feerisid aad
arkeysid in Illaahey baahi usan u qabin in dadku wada muslimaan oo
Illaah ey rumeeyaan isla markaasna uusan raali ka aheyn in lagu kufriyo
oo la caasiyo.  Isaga kali ah ayaa sheegtey Illaahnimo iyo Rabbinimo ma
aragteen mid kale oo is muujiyey?                                                                                                                                                                          
                                              
Nebi Ibrahim swc oo laga badbaadiyey hulac naareed ; ahaana ra'suul la
soo direy ogaana wax badan ayaa Illaahey weydeeyey "  Rabbi i tus Sida
aad ku nooleyso meyd?" akhri (suura Al-baqra ayada 259).  Nebi Zakariye
swc ayaa baryey Illaahey in uu siiyo ubad ; markii loo waxyoodey loona
sheegay in la aqbaley kuma ekaan ee wuxuu weydiistey in la tosu aayad si
uu ogu qancu!! akhri (suura Maryam ayada 1-10 ).    Nebi Muse swc wuxuu
ka dalbadey adoon illaahey waxbarey in uu raaco waxna ka barto. akhri
(suura Al kahfi ayada 65 66)     Nebi Ciise swc ayaa Illaah  su'aaley "
ma adiga Ciisow ku yiri dadka ka digta aniga iyo hooyadey labo illaah
Illaah ka sokow ................... " ilaa Nebi Ciise yiri " haddii aad
cadaabeysid waa adoomadaada haddii aad cafinna adiga ah casiis xakiim
ah"?   Waa in ey bannaatahay in wax la isweydiiyo lana fahan siiya
insaanka naxariista Illaah iyo naxariis tusidda ka buuxda quraanka iyo
in Illaahey wax ku fulan cadaab adoonkiis xaggii nimanku ka
mareen?                                                                                                                                                                                                                      
                                               
Waa  su'aal yaa ka fa'ideysanayaa in shareecada lagu dhaqmo yaase amrey
in shareecada lagu dhaqo dadka yaase looga dayin hab ku dhaqanka
shareecadda?    Waa shareeco lagu hirgelinaayo AK47 iyo waji duuban iyo
kuwa yeeshey heykal dowladnimo oo ka dhigtey gabasho.                In
la amro wanaag lana reebo xumaan lana kobciye wacyiga aqoon iyo ku
kalsoonida iyo qaadashada hadalka  Illaah yiri ama ra'suul ayadoo oo aan
la gaarin se shareecu ku dhaqan u hirgeli?                              
Si logu qanci xad aad u xannuun badan una foolxun sida in qof  lagu
dilo dhagax inta kalana ku qanacdu aqbasho fulinta xadkaas Illaahey
amrey?.  Meedey caqiidu in la dhisu lana soo ababiyo ilaa qof
caqiidadiisu noqotu mid aan shaki iyo walaac gelin?    Maanta hub iyo
ciidan bu heysta kan shareecada khasbey e kuna gooyey lugo iyo gacmo
kuna diley dhagax ; haddii laga xoog roonaadu beri so ma ahaa khsaaro
iyo dulmi kan lagu fuliyey oo aan heysan xanaano?    Diintu waa naxariis
iyo isu keenid qancin iyo u dambi dhaaf iyo raxmad ilaa kan aan
muslinka aheyn xaqiisu cad yahay oo aan lagu xadgudbi karin. 
                
                                            
Jihaad so ma ahaa dadaal eray ahaan u hurid naf  , maal iyo waqti in
aad ka meel gaartid howle. Maxaa diidey in quraanka lagu jihaadu laguna
waaniyo dadka lana baro xaqqa Illaah ku leeyahay iyo xaqqa ey ayagu dad
ahaan Illaahey ku leeyihiin iyo sida Illaah ogu amrey Nebigiisa kuna
sheegey quraanka Jihaadka weyn?  Maxaa ka dhigey hannuunta iyo illaah u
dhawaansho in dhiig iyo qax loo maro?   Dhibka iyo deefta yaa badan?  Ma
xaq baa in jihaad la gelo marka kan lagu jihaadayo u ka khasaaro yar
yahay shacabka Somaaliyeed amaba uu ka badbaado?   In ra'suulku swc u
xaaran-timeeyey in geed la jiro caruur iyo waayeelna la dilo ceelna aan
la xabaalo waqtiga jihaadka maanta Somalia lagu xaaqey ummad aan wax
galabsan kuna jirin dagaal bal meel saar?                                                                                                                                                                                
Jihaad kaligii eray ahaan kuma arkeysid quraanka mar walba waxaa la
socda Illaah dartii marna jihaad qalalan oo kali ah meel uu quraanka
kaga jiro ma leh.    Jihaad waa isdhifaac dagaal markii la diido in
Diinta la faafiyo la gaarsiiyo dad marna ma aheyn hab lagu kobciyo
xaqqana lagu ifiyo.
                                             
Waxaa aad cajiib u ah ayaddaan ee suuradda Al-nisa' ayadda 89 ilaa
dhamaadka wuxuu Illaahey ku yiri isagoo ka reebaya kuwa lagu jihaadi
kuwa aan lagu jihaadeyn ku yiri  "aan aheyn kuwa gaaraaya dad uu idinka
dhexeeyo ballan idinka iyo ayaga ama idin yimaadaan  ayagoo laabtoodu
qaadi weydey in ey idin la dagaalamaan ama la dagaalamaan dadkooda
;kuwaas haddii Illaah doono wuu idin ku salladi lahaa si ey idin kula
dagaalamaan; haddii ey ka waantoobaan dagaal oo ey nabad idin siiyaan 
Illaah idin ma siin xujo cad oo qeel idin noqotta si aad kula
dagaalantaan" fadlan akhri ayadaas. Waxaa cajiib ah in ummad islaan ah
la laayo maalin iyo habeen Illaaheyna ku yiri ra'suulkiisa ha la
dagaalamin kuwa ballaan idin la leh. Waa cajiib in ballan kuwa aan
islaamin ku badbaadaan Somaliyana lago laayo maalin walbe
muslim.                                                                                                                                         
                                                      
There is no doubt that the Qurķan wanted Muslims to establish a
political order on earth for the sake of creating an egalitarian and
just moral-social order. Jihad is the instrument for doing so. Jihaad
waa ciidan sameyn difaaca iyo qabtaha wadan ama dul ; ee ma aheyn awood
islaamku dhexdiisu isku laayo.                                                                                                                                                                                                                                               
Ibn Taymiya (1268-1328) ayuu ahaa kan gaarsiiyey in lagu jihaadu xaakim
muslin ah oo aan ku dhaqmeyn shareecada.   Laga billaabo waqtigaas
jihaadku wuxuu galey aaladaha siyaasadeed ee lagu legdamo laguna gaaro
xukun.
                                                   Ogu
Dhanbeyn waxaa xasuus mudan in Siyad Mohomed iyo jihaadkii uu qaadey uu
halaagsamey markii uu ku soo noqdey dadkiis.  Waxaa xasuus mudan in
haddii eynu nahay Somaali qadarino wadaad ilaa eynu gaarney in la
yiraahdu " Bowdu wadaad taabtey cadaab ma aragtu".  Waa awood xad daaf
ah mansab khaldan iyo ixtiraam khaldan .  Kuwa maanta na rogey kana
billaabey dumis qabri miyeeyan ogeyn in sheekha leh qabriga ka sameystey
asaasna u yeeley iimaan ahaan iyo Illaah u dhawaansho in laga
barakeystu nolol iyo geeri isago aan u isticmaalin AK47 ama cabsi galin
oo aan ceedan kor keenin.   Kuwa burburin qabri iyo xabad aan joogsaneyn
ka dhigey janno gal meysan ogeyn in wadaadadii ka hureeyey in ey
kasbadeyn rabista dadka ilaa qabrigooda lagu siyaarto sanad walbana lana
xuso.   Saas waxay ku gaareen sheegashada u adeega Illaah iyo fidinta
diin.  Waxa aan la fahmin in wadaad kasta oo caalin ah xaq loogu
leeyahay in la iska hubin karo laguna diidi karo ilaa la hubiyo waxa uu
wado.  Kan aan wax lagu diidi karin lagana hubin karin eyna tahay khasab
in la raaco wuxuu ahaa Nebi Mohammed swc waana dintey ee qaata wuxuu ka
tagey lumi meysaan.
Wa Billaahi Towfiiq
Dhoore

Dagaal ka socda agagaark Hotel Weheliye iyo AMISOM iyo Alshabaab la isaga dhex baxay

$
0
0

Ciidamo ka tirsan Alshabaab ayaa la sheegayaa iney caawa gaareen duleedka Hotel Weheliye ee magaalada Muqdisho iyagoo kala kulmaya iska-caabin adaga ciidamada AMISOM oo deggay meel aan ka fogeyn.

Dhammaan ciidamadii Dowladda KMG ah ayaa la sheegayaa in loo daad gureeyey dhanka hotel Jubba iyo waqooyiga Muqdisho iyadoo la isaga dhex baxay ciidamada AMISOM iyo Alshabaab oo haatan dagaal isu tegay.

Ciidamada Alshabaab ayaa la sheegay iney galabta qabsadeen xarun ey Ahlu sunnah ku lahaayeen Agagaarka siigaale iyagoo ku taamaya iney qabsadaan jidka Maka Almukarama oo muhim u ah dowlada taas oo sida lawada ogyahay loo aado madhaarka Adan Cadde international Airbort.

Si kastaba, dagaalka muqdisho ayaa galay weji cusub iyadoo aan la ogeyn halka uu ku dambeyn doono.
Dad wax indha indheeya ayaa sheegaya in aan reer galbadkeedu ogolaan doonin in ururka Alshabaab la wareego madaxtooyada iyadoo muwaadiniin badan oo somali ahi ka welwelsan yihiin in ciidamada Itoobiya dalka dib ugu soo laabtaan haddii khal khal la geliyo kuwa AMISOM ee u badan Ugandeska.

Beelo wada degan oo ku dagaalamay qeybo ka mid ah Koofurta gobolka Gedo, bartamaha Soomaaliya

$
0
0

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa shgeegaya in deegaanada Camaara iyo Bacaad weyn ay ku dagaalameen beelo wada degan.

Dagaalkan oo inta la hubo galaaftay nolosha Hal Qof ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay mid kale wuxuuna ka dhacay baa la leeyahay barta loo yaqaan Baraako Ciise oo masaafo sodon KM ah dhinaca Galbeed kaga beegan deegaanka Bacaad weyn ee Koofurta Gaalkacyo.

Beelahan oo horay u dagaalamay ayaa waxaa dagaalkooda haatan dib u soo celiyay amaba uu ka bilowday sida la soo sheegayo weerar maleeshiyo ka tirsan beel ka mid ah beelahaas ay ku qaadeen Guri ay deganaayeen qoys beesha kale ka soo jeeda.

Nabadoonno dhexda u xirtay xakameynta Colaadan ayaa haatan u kala dab qaadaya dhinacyadan walooow aan weli wax xabad joojin ah lagu dhawaaqin.

halkgankanet@gmail.com

 

Breket Simon, wasiirka warfaafinta Itoobiya; "Ciidan dambe Soomaaliya u dirimeyno hadana nooma qorsheysna"

$
0
0

Bereket Simon, wasiirka warfaafinta Taliska Itoobiya oo la hadlay warbaahinta caalamka iyo kuwa gudaha dalkiisa ayaa daboolka ka qaaday in hadda waqtigan aynu joogno aysan u qorsheysneyn dowladiisa diritaanka Ciidamo gudaha Soomaaliya gala.

"Iminka wax ciidan ah in aan u dirno Soomaaliya nooma qorsheysna, aniga warkeyga qaata wax kale ha qaaadanina" Wasiirka warfaafinta Taliska Itoobiya Simon.

Bereket oo wax laga weydiiyay ciidamada Itoobiya ee Gobolka Hiiraan gudaha u galay sida la tuhunsan yahayna ku sii wajahan Beledweyne ayaa ku celceliyay in ciidamadoodu aysan gudaha Soomaaliya waqtigan aynu ku jirno u socon waa siduu hadalka u dhigaye.

Hadalkan wasiiirka warfaafinta Xukuumada Itoobiya ayaa ku soo aadaya iyadoo ay shalay ay gudaha gobolka Hiiraan ay soo galeen ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubeysan dabaabaadka dagaalka waloow markii dambe ay halkaas dib uga ruuqaansadeen.

halgankanet@gmail.com

Alshabaab oo beelaha ku nool deegaanada ay ka taliyaan ku amray in ay ciidamo keenaan haddii kale ganaax lacageed lagu soo rogi doono

$
0
0

Maamulka Alshabaab ee inta badan ka taliya gobolada Koonfurta Soomaaliya ayaa deegaanada ay ka taliyaan dadka ku dhaqan gaar ahaan Odayaal Dhaqameedka amar dul dhigay.

Odayaal Dhaqameedka beelaha ku dhaqan deegaanada ay Alshabaabku ka arimiyaan ayaa lagu wargeliyay in ay ciidamo ka soo ururiyaan Beelahooda si ay ciidamadaas uga qeyb qaataan dagaalada ay Alshabaab ka wadaan magaalada Muqdisho.

Odayaal dhaqameedkii ka baaqsada fulinta amarkan ka soo baxay Alshabaabka ayaa dhanka kale loogu hanjabay in lacago Fara badan oo ganaax ah laga qaadi doono si lacagahaas loogu fuliyo hawlaha Jihaadka ay u yaqaanaan Alshabaabku.

Si kastaba arintu ha ahaatee waxaa la eegayaa halka uu ku dambeeyo amarkan la dul dhigay Beelaha ku dhaqan gobolada Koofureed ee Soomaaliya.

halgankanet@gmail.com  

RW Soomaaliya oo sheegay inay dhameystireen qorshaha dagaalka Muqdisho ah

$
0
0

R/wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisu ay diyaarisay qorshe cusub oo dagaallada Muqdisho ku wajahan, isagoo xusay in si dhaqso badan ay wax uga qabanayaan  ammaanka magaalada Muqdisho.

Ra’isal wasaare Shama’arke waxa uu xusayn   in dowladdiisu ay waddo qorshe cusub oo ay wax kaga qabanayso ammaanka guud ee Muqdisho iyo kan dalka oo dhan, isagoo xusay in dhawaan la bilaabi doono howlgal dagaal ka dhan ah kooxaha dowladda dagaallada ku soo qaaday.
Waxa kale oo uu Ra’isal wasaaruhu sheegay inay xoogga saari doonaan sugidda ammaanka Xildhibaanada Baarlamaanka iyo xubnaha kale ee dowladda, si aanay mar kale u dhicin fal la mid ah kii lagu beegsaday Hotel Muna ee magaalada Muqdisho.

“Xoogagga naga soo horjeeda waxay doonaayaan inay huriyaan colaadda dalka ka jirta, waana taas sababta ay xukuumaddu u qaadatay go’aan ah inay sugto ammaanka” ayuu yiri Sharma’arke.
Ra’isal wasaaraha Soomaaliya wuxuu sheegay in Golaha wasiirada ay kulan ka yeesheen xaaladda nabadgalyodarro ee ka taagan dalka Soomaaliya, ayna isku raaceen in sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabto ammaanka magaalada Muqdisho.

Hadalka ka soo yeeray Ra’isal wasaaraha dowladda Soomaaliya ayaa ku  soo beegmaya xilli  xoogagga ka soo horjeeda dowladda KMG ay ku sii siqayaan fariisimada ciidamada dowladda, isla markaana fariisimo cusub laga qabsanayo ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca.


Dowladda KMG ah oo difaac adag ka gashay Maka Almukarama iyo Alshabaab oo kaabiga saaray

$
0
0

Ciidamo farabadan oo kuwa dowladda ah ayaa saakay lagu arkayaa wadada maka almukarama iyagoo baaraya baabuurta qaar halkaasi isticmaala.

Arintan ayaa timid kadib markii ciidamo farabadan oo ka tirsan Alshabaab ku soo dhowaadeen wadada iyagoo doonaya iney ka go'doomiyaan dowladda Garoonka diyaaradah muqdisho.

 Boqolaal ciidamada dowladda kuwooda militariga oo ku hubeysan baabuurta dagaalka ee Tiknikada ayaa laga soo saaray xeryaha ay ku jireen Xalane, warshadii hore ee Nac-Naca iyo fariisimo kale oo ay Muqdisho ku lahaayeen, ciidankan ayaa saaka lagu arkayey iyagoo gaaf-wareegayo jidka Makka Al-Mukarama.

 Qaar badan ciidamadan dhawaan ayey dalka yimaadeen kadib tababar ay ku soo qaateen dibadda, dad deegaanka ah waxay sheegeen in ay arkayeen ciidamo si aad ah u hubeysan oo aagga dhaqdhaqaaq ka wada.

 Wadadan waxaa maalmahan ka socdan dagaallo, iyadoo ay ku soo dhawaadeen Al-Shabaab oo doonayo in ay mar gacanta ku dhigaan jidkan si ay dowladda KMG go'doon ugu noqota madaxtooyada iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

 Makka Al-Mukarama waxaa si weyn u adeegsado ciidamada mas'uuliyiinta iyo ciidamada dowladda iyo waliba sidoo kale gaadiidka AMISOM.

Ciidamada Alshabaab ayaa la sheegayaa iney ka fogeyn iyagoo ku sugan meelo kamid ah degmada Hodon oo ey dhowaan la wareegeen

Dagaalka Muqdisho oo galay maalintii lixaad iyo warbixintii ugu dambeysay

$
0
0

Dagaaladii ka socday magaalada Muqdisho ayaa galay maalintii lixaad iyadoo waxooga dardartii hore eysan haatan ku socon dagaaladu.

Dagaaladan oo xooggooda shalay gelinkii danbe uu ka bilowdey Degmooyinka Hodan iyo hawl wadaag ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay Dad Gaaraya illaa Soddon qof halka dhaawucuna uu gaaray Konton qof oo isgu jira dhinacyadii dagaalamayay iyo waliba Dadka Rayidka ah.

Dagaaladaas oo mar kale Waaberigii saakay dib uga bilowdey degmada Hodan ayaa iminka soconaya iyadoo aan la qiyaasi Karin khasaaraha dhabta ah ee ay geysteen.

Dagaalaka ayaa saakay u muuqanaya mid ay saameyntiisu aad u yer tahay, maxaa yeelay waxaa manta dib u hawl galay Suuqii bakaaraha oo maalmihii la soo dhaafay Hakad ku jirey.

Suuqa bakaaraha oo ka mid ah meelaha ugu saameynta Ballaaran ee Dagaaladu ay u geystaan ayaa saaka waxaa ka soconaya Ganacsi aan sidaa u badneen iyadoona la arkayo dad  manta u soo dukaameysi tegey Suuqa  oo maalmihii aan soo dhaafnay aad u yaraa dhaq dhaqaaqiisa ganacsi.

In kastoo dhinacyadu ay is weeydaarsanayaan Rasasta ka dhacda qoryaha fud fudud ayaan haddana waxaa la maqleyn Madaafiicda ay dhinacyadu inta badan is weeydaarsadaan, waxaana qaybo ka mid ah suuqa bakaaraha soo gaaraya xabadaha loo yaqaano wiiftada taasoo reer Muqdisha inta badan ay si weyn u yaqaaniin.

Dagaalda Maanta ka soconaya qaybo ka mid ah magaalda Muqdisho ayaa sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa inay ka jiraan degaanada ku yaala Dhinaca Bariga Magaalada oo saakay laga maqlyay Rasaasta ay dhinacyadu is weeydaarsanayeen.

Si kasta ha ahaatee waxaa maalintii lixaad ka soconaya magaalda Muqdisho dagaladii ay hore u iclaamiyeen Xarakada lShabaab oo dhinacyada iyadoo dhanicyada is hayaana ey guulo ka kala sheeganayaan in kastoo aysan jirin cid soo hadal qaadaysa dadka shacabka ee ku waxyeeloobaya Dagaalada iyo Duqeymaha is bar bar socda.

Askari ka tirsan Xisbul Islaam oo Afgooye si ula kac ah ugu toogtay Sheekheey Jareereey

$
0
0

Degmada Afgooye wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in bartamaha magaalada uu askari ka tirsan Ciidamada Xisbul islaam si bareer ah oo aan geed loogu soo gamban uu ugu tuugtay Ganacsade lagu magacaabi jiray Sheekheey Jareerey.

Allaha u Naxariistee Sheekheey Jareerey ayaa ka mid ahaa ganacsatada ku ganacsatada Suuqa Afgooye qeybtiisa Qaadka waxaana maanta barqadii askari ka tirsan Ciidamada Xisbadu uu ku toogtay ninkaas goobtii uu ku ganacsanayay.

Askariga dilkan geystay ayaa si kalsooniyi ka muuqata uga dhaqaaqay goobtii uu dilka ku geystay mana jirto cid ka hadashay falka uu geystay ha ahaadaano Mas'uuliyiinta Xisbiga ama ehelada Marxuumkee.

Dilalka noocaan oo kale ah ayaa waxaa u caada ah kuwa geysanaya in ay ku doodeen difaaca diinta Alle inkastoo su'aali ka taagan tahay sida Shareecada islaamka iyo falalka ceynkan oo kale ah la isu waafajinayo.

halgankanet@gmail.com

Alshabaab oo warfidiyeenu u kaxeeyay Mowlaca Macalin Nuur oo ay shalay ka qabsadeen Ahlu Sunna

$
0
0

Dhaqdhaqaaqa hubeysan ee Alshabaab ayaa maanta kaxeeyay qaar ka tirsan Warfidiyeenada magaalada Muqdisho si ay u soo tusaan Mowlaca Macalin Nuur oo ay ka qabsadeen Ahlu Sunna Waljamaaca.

Shiikh Maxamed Xuseen, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ee Alshabaab oo warbaahinta kula hadlay gudaha Mowlaca Macalin Nuur ayaa sheegay in ay xoog uga qabsadeen kooxdii horay halkaas u heystay oo uu ula jeeday Xoogaga Ahlu Sunna Waljamaaca.

Alshabaabka ayaa warfidiyeenada soo tusay Mowlaca si ay xaqiijiyaan in Mowlacaas aadka ugu weyn Ahlu Sunna ay qabsadeen waxaana la is weydiinayaa halka ay jaan iyo cirib dhigeen xoogagii halkaas ku sugnaa.

halgankanet@gmail.com   

Djibouti Muxaadaro RAAXADA Qoyska Dhextaal 1 (Shekh Abdirahman Bashir)1.flv

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live