Prof. Cali Khaliif Galeydh, ra’iisul-wasaarihii hore ee Soomaalia oo ka mid ah siyaasiyiinta ka qeybgalaya shirka Taleex ayaa si weyn u qaadacay hadalka madaxweynaha Somaliland ee uu ku sheegay in shirka Taleex ay soo abaabuleen koox Qaswadayaal ah.
Prof. Galeydh wuxuu VOA u sheegay in shirka Taleex uu yahay shir madax banaan oo beesha degta Sool, Sanaag iyo Cayn ay uga tashanayaan aayahooda isla markaana ay go’aan ku gaadheen inay maamul-goboleed ka madax banaan Somaliland ku dhistaan.
Prof. Galeydh wuxuu sheegay in Somaliland aysan hor-istaagi karin qadiyadda iyo rabitaanka dadka dega gobollada SSC.
Qeybta hoose ka dhageyso wareysi dheer oo VOA la yeelatay Prof. Cali Khaliif Galeydh.
Halka ka Dhegayso Hadalka Dr Galaydh.
Dr Galaydh “Awooda dadkayaga ayaan isku halaynaynaa waxkasta oo naga hor yimaadana waan ugu babac dhigaynaa” Dhegayso
Olole Xaafadaha iyo Dadka Lagu Tirakoobayo oo Laga Bilaabayo Boosaaso [Sawirro+Codad].
Boosaaso[RBC Radio] Olole balaaran oo Xaafadaha iyo Dadweynaha ku dhaqan gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa waxaa maanta si rasmsi ah usoo bandhigay Maamulka degmada.
Kulan ka dhacay gudaha xarunta Dawladda hoose ee magaalada Boosaaso ayaa maantalagu shaaciyey hannaan lagu doonayo tirakoob lagu sameynayo Xaafadaha iyo dadka kunool si loo sugo amniga degmada.
Guddoomiyaha Gollaha Shacabka ahna Duqa degmada Boosaaso Xassan Cabdalla Xassan oo kulan ka hadlay ayaa tilmaamay in hannaan lagu doonayo in tirakoob lagu sameeyo Xaafaddaha iyo dadka gudaha Boosaaso,kaas oo Maamulku hadda gacanta ku hayo.
Xasan Cabdalla Xasan ayaa xusay in marka hore ay hawsha ka bilaabi doonaan in ay tirakoob ku sameeyaan guryaha ka dibna waxaa iyana la tirakoobi doonaa dadka degan guryahaasi.
Halkaan hoose ka dhagayso Duqa degmada Boosaso Xasan Cabdalla Xasan
Sidoo kale dadka reer Boosaaso ayuu ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sugida amniga si loo gaaro nabadgelyo buuxda oo magaalada iyo shacabkuba helaan.
….”Habar kasta ama Hooyo kasta Carruur bay dhashay kuwa aad dhasheen haddii ay yihiin kuwa lagu shaqysanayo oo bastoolado dadka ku gaadaya waa in aad garataan…”ayuu yiri Xassan.
Guddoomiyaha Haweenka degmada Boosaaso Khadra Dhuun-golle oo kulanka iy ana hadalo kooban kasoo Jeedisay ayaa sheegay haddii ay yihiin haween gobolka ay mar kasta diyaar u yihiin ka shaqeynta nabadgelyada,waxaana ay intaas ku dartay in ciddii gobolka wax u qabaneysa ay gacmo furan kusoo dhaweynayaan.
Halkaan hoose ka dhagayso Erayadii Guddoomiyaha Haweenka degmada Boosaaso Khadra Dhuun-golle
Todobaadyadii ugu danbeeyey waxa ay Boosaaso ahayd mid dadku hurda si fiican u ladeen amniga oo la adkeeyey taas oo loo sababaynayo in Dawladdu hadda ay usoo jeesatay adkeynta nabadgelyada magaalada,waxaana si weyn usoo dhaweeyey Shacabweynaha reer Boosaaso.
Si kastaba ha ahaatee Qorshahaan Cusub ee uuwado Maamulka degmada Boosaaso ayaa noqonaya kii ugu horeeyey,waxaana dhawaan la bilaabayaa higelinta Ololahan.
Cismaan Turaabi
RBC Radio Boosaaso
Ciidamada Booliska Somaliland oo albaabada isugu dhiftay Xafiiska Telefishinka Horn Cable
Ciidamada Booliska Somaliland ayaa goor dhow oo Maqribnimadan caawa albaabada isugu dhiftay Xafiiskii Telefishinka Horn Cable uu ku lahaa Magaalada Hargeysa, iyadoo haatan ay ku hareereysan yihiin Xaruntii War Laliska ee ku taal Hotel Ambassador.
Agaasimaha Horn Cable Maxamed Cabdi Ilig ayaa caawa u sheegay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da in Ciidamada Booliska ay si xun ula dhaqmeen, isagoo sheegay in maqribkii ku amreen in la xiran Xafiiska.
Waxaa uu beeniyay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo ahaa inay faafiyaan warar been abuur ah oo lidi ku ah Ammaanka iyo Qaranimada Somaliland.
“Waxaa naloola dhaqmay si xun, waxay nagu yiraahdeen alaabtiina ka daad-gureysta, anaga 36-shaqaale waxaa joognaa xaruntii War laliska, waana ka diidnay, waayo waraaqad sharci ma aysan wadan”ayuu yiri Maxamed Cabdi Ilig oo wax lagu qoslo ku tilmaamay hadalka Madaxweynaha Somaliland.
“Asigoo Madaxweyne qaran ah inuu Telefishin eed u jeediyo ma aheyn, dad baa warxuma tashiil u sheegaya oo talo wanaagsan aan siineyn, qatar kuma heyn anaga wax kasta oo dan u ah Qaranimada Somaliland ayaan heynaa, sharcigana wax walba ayuu noo madax banaaneynaya”ayuu sii raaciyay.
Agaasimaha ayaa sheegay in Ciidamada Booliska aanay wadan wax ruqsad ah oo sharci oo Maxkamada ka soo baxday, kaasoo faraya in la xiro, isagoo cadeeyay in hadii sharci lala yimaado ay diyaar u yihiin inay amarka qaataan.
Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo aanay ka fileyn hadalkan, isagoo tibaaxay in Saxaafada ay door weyn ka qaadatay sida uu ku noqday Madaxweynenimo, waxaana wax laga xumaado ku tilmaamay in Xukuumadii ka horeysay oo ka xumeyd aanay sida ay ula dhaqantay aanu maamulkiisa ula dhaqmin Telefishinka.
Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in howlihii barnaamijjyada ee gudaha Somaliland ka waday Telefishinka uu istaagayo, hase ahaatee Xafiisyada kale ee dalka dibadiisa ku leeyihiin aanu wax hakad ah geli doono.
Madaxweynaha Somaliland ayaa hadal uu maanta u jeediyay Labada Gole ee Guurtida iyo Wakiilada, waxaa uu ku eedeeyay Telefishinka Horn Cable inay lid ku yihiin qaranimada, warar ka dhan ah ay faafinayaan.
Goor dhow ayaa hawada laga saaray Telefishinka, inkastoo markii dambe uu dib u soo laabtay, intii uu ku guda jiray Musalsalkii caanka ahaa ee Caasi, waxaana la sheegayaa in si toos ah hawada looga saaray War laliskii Hargeysa, iyadoo warar qaar sheegayo in Xafiiska London uu si toos ah u tabinayo howsha Telefishinka.
Madaxweyne Caalin: Sheekh Shariif Faraha Hakala Boxo Arimaha Galmudug (Dhageyso)
“]Madaxweynaha Galmudug, Maxamed Axmed Caalin [Lahaanshaha sawirka RBC Radio/Raxanreeb.comGaalkacyo (RBC) Madaxweynaha maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa si kulul u eedeeyay madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo uu sheegay inuu faragelin ku hayo arimaha Galmudug.
Madaxweyne Caalin oo galabta shir jaraa’id oo kooban ku qabtay koonfurta Gaalkacyo ayaa shaaca ka qaaday in beryahanba maamulkiisu uu ka harsan waayey faragelin uga imaaneysay madaxtooyada Villa Soomaaliya taasoo loo soo adeegsanayo dad reer Galmudug ah, sida uu yiri Caalin.
Caalin wuxuu sheegay in madaxweyne Shariif uu jaal la noqday rag u sacabatumaya dhismaha maamulo laga hoos sameeyo Galmudug, sida maamul la doonayo in looga dhawaaqo magaalada Hobyo kaasoo uu sheegay in rag uusan magacaabin ay madaxweyne Shariif uga soo dhaadhicyeen xafiiskiisa.
“Waxaan rabaa inaanu sheego ummada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka Hobyo waxay ka tirsan tahay Galmudug gobol ayeyna u tahay, dawlada Soomaaliya kalama soo xiriirin maamulka Galmudug kalama tashan, wax wargelin ah oo haba yaraatee oo lagala soo sameeyay ma jirto” ayuu yiri Caalin.
“Sidaa Madaxweyne Shariif faraha hakala boxo arimaha Gobolada Galguduud iyo Mudug, wixii uu ugabaahan yahay hakala soo xiriiro dawladgoboleedka Galmudug, laakiin in la iskaga tashado wixii la doono laga sameysto, waxay keeni doontaa dadka deegaanka inay isku dirto” ayuu sii raaciyey madaxweynaha Galmudug.
Sidoo kale wuxuu madaxweynaha Galmudug soo hadal qaaday inmadaxweyne Shariif uu wax ku lahaa abaabulka shir bishii Disembar lagu qabtay degmada Cadaado kaasoo sida uu hadalka u dhigay lagu dhabar jebinayey maamulka Galmudug.
“Hadda qalalaasaha ka socda Galmudug, dagaalka Caabudwaaq ka socda, Dhuusamareeb dagaalka lagu soo qaaday, shirka lagu dhigay Cadaado intuba waxaad moodaa wax isku xiran aana ognahay dhamaantood inay ka soo wada bexeen xafiiska madaxweynaha” ayuu yiri Caalin.
Maxamed Axmed Caalin ayaa intaa raaciyey in hadda wixii dhacay ay dheceen balse la doonayo in khalad dambe uusan dhicin, isagoo ku dooday in Galmudug ay tahay maamul aqoonsi ka heysta adduunka oo aan dooneyn in deriskiisa uu dhibaato kula noolaado, waa siduu hadalka u dhigay.
Wuxuu ku soo gabagabeeyey hadalkiisa in dadka reer Hobyo aysan yeeli doonin in la isku diro, sida uu sheegay.
Eedeynta ka soo baxday madaxweynaha Galmudug ayaa imaaneysa xilli wararka ay sheegayaan in khilaaf hoose uu u dhexeeyo saraakiisha maamulka Galmudug kaasoo sababay in qdhinac ka mid ah dhinacyada iskhilaafsan ay taageero ka raadsadeen madaxda DKG si ay maamul ka soo horjeeda Galmudug uga furtaan gobolada dhexe.
Dhanka madaxtooyada Villa Soomaaliya ma jiraan wax jawaab ah oo ay eedeyntan ka yiraahdeen.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho
Dhageyso Wareysi dheer:-Madaxweyne Faroole oo sheegey in lagu casumay shirka London, shidaalna laga heley Puntland
Garowe(Puntlandi.com) Madaxweyne Cabdiraxmaan Sh. MM. Faroole ayaa shaaca ka qaadey in Puntland shidaal lagasoo saarayo dhowaan, wuxuu kaloo Madaxweynuhu si qodo dheer uaga hadlay xaalada amaanka Puntland iyo Al-shabaabkii dhowaan lagu qabqabtey Bosaso, Madaxweynuhu wuxuu kaloo ka hadlay siyaasada Soomaaliya iyo shirka ay kuyabooheen Dowlada Igiriisku oo Puntland si gaara loogu casumay.(Waraysiga oo maqal ah ka dhagayso qoraalka hoostiisa)
Madaxweynuhu wuxuu kaloo sheegey in gacanta lagu hayo dad Qaraxyo iyo Dilal argagixiso ka fuliyey Deegaanada Puntland ,kuwo kalane lagu raad joogo, Xaalada amaanka Puntland wuxuu ka sheegey Madaxweynuhu inay hada marayso meel wanaagsan.
Madaxweynaha oo wax yar ka taataabtay Shirka London wuxuu sheegey in uu Casuumad rasmi ah ka heley Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska uuna ku war galiyey Xukuumada Puntland iyo Baarlamaanka, uuna tagi doono shira.
Hoos ka dhagayso Wareysigii uu Madaxweyne Faroole kaga hadlayey Xaalada Puntland oo shalay ahaa.
Halka aad ka dhagaysanaysaan waa Puntlandi.com
DHAGEYSO
Si walba u dil!
Si walba u dil!
Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com
Jan 15 2012
Sheekh Abuu xassaan baa qoray maqaal uu ku suntay “Iska dil” , anigu waxaan ka fahmay muslimka sabab iyo sabab la’aanba iska dil, laakiin maqaalku kama hadlin in dadka la iska dilayo dhinac walba laga dilayo, si walbana loo dilayo; Sidaa darteed waxaan jeclaystay in aan qormadan qeybteeda koowaad ku soo bandhigo siyaabaha kala duwan ee xarakada AlShabaab ay shacabka Soomaaliyeed u disho, waxaana rajeynayaa in aan qeybteeda labaad ku soo bandhigo dhinacyada kala duwan ee ay ka dilaan shacabka.
Siyaabaha kala duwan ee Alshabaab u dilaan shacabka Soomaaliyeed:
1. Dil toos ah oo noqon kara toogasho bareer ah ama mid qarsoodi ah, waana hababka ugu dhibta iyo argagaxa badan ee ay bulshada u laayaan.
2. Dil toos ah oo ku yimaada weerar lagu qaaday koox, qabiil ama maamul, kaas oo ay ku hoobtaan dad farabadan oo labada dhinacba ah (isku soo jimlee kuwa kaa dhintay iyo kuwa qolada kale ka dhimatay), waana dagaalada sababa geerida ugu badan, barakaca iyo saboolnimada.
3. Dil ama xasuuq dadban oo ku yimaada habka dadweynaha reer Muqdisho ay u bixiyeen ii soo baaq aan ku soo wecee!. Kaas oo looga jeedo in xaafadaha iyo suuqyada laga dhex rido madfac inta badan ku habsada dadkeena ama cidla ku dhaca, ka dibna gaaladu ay madaafiic ku asqaysiiyaan xaafadihii iyo suuqyadii shacbiga ahaa.
4. Dil dabargoyn ah, oo looga jeedo in dhallinyaradii ummadda lagu hubeeyo qoryo fudud, ka dibna la yiraahdo ku qamaama ama u daata dhufaysyo ay ka sokeeyaan taangiyo iyo madaafiic aan xisaab lahayn. Habkaas oo la sheegay in marar badan hoggaanka xarakadu kaga takhaluso ragga uu kahday.
5. Dil isku dhaf ah oo laga wado in si shirqool ah lagu dilo qof ama dad badan, ka dibna la faafiyo in qolo heblo dishay; si qolada wax laga diley iyo qolada lagu nabay isugu rogmadaan.
6. Gaalo ku dilis iyo u gacangalin ka dhalata in deegaan la qabsado, ka dibna la salloxo sababihii loogu soo duuli lahaa. Markii cadowgu yimaadana la hor cararo.
7. Gaalo u loogis ku timaada:
a) in dadweynaha hubka laga dhigo, kolkay gaalo timaadana la isaga tago cadowgii iyo dadkii oo waranleyaal ah.
b) in la ciribtiro hoggaanka bulshada gaar ahaan saraakiisha ciidamada qalabka sida oo hormuud ka nqon lahaa difaaca diinta, dadka iyo dalka, dilkooduna sahlayo in bulshada sidii la doono laga yeelo.
c) In la laayo, lana qixiyo dhallinyaradii ummadda difaaci lahayd, kaas oo u sahlaya cadowgu inuu dalka iyo dadkiisa baylah ka helo.
Gabagabadii qodobadaani waxay ka mid yihiin siyaabaha xarakada Alshabaab u dabargoyso shacabka Soomaaliyeed iyada oo ku andacoonaysa inay ummadda u hiilinayso, diintana koryeelayso!. Haddaba waxaa ina la gudboon in aynu is barbardhigno falalka Alshabaab dadkeena kula kacayo iyo halkudhegyada uu ku andacoonayo; si aynu u hubsano in ficilkooda iyo qowlkoodu is waafaqsan yahay ama is khilaafsan yahay.
=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY FIKIRKAAN AMABA MAQAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM
Scholes oo Wacdaro La soo Laabtay Kooxdiisana Guul u Horseeday Warbixin +video
15/02/2012paulo scholes oo la sagootiyay ayaa waxaa fariin u dirsaday macalinka manchester oo sheegay in uu u baahan yahay in uu la dhameestiro xili ciyaareedkaan.
waa mucjisee ciyaaryahan ka fariistay ciyaaraha oo hadana ku soo
laabtay waxaa taas ka sii daran iyadoo manchester xata la soo baxday awoodii lagu aqoonjiray waagii uu joogay scholes oo eey ku badin jireen goolal badan sida maanta dhacday hadaba ma la dhihi karaa scholes weli waa
nuuraayaa oo wax waa dhalin karyaa mase la dhihi kara aqristoow waxay tan jawaab u tahay soo labashadii henry iyo weliba dhalintii uu dhaliyay goolka henry ayeey jawaab u tahay adiga lee waaye aqriste ciyaarta maanta
manchester eey la yeelatay bolton ila daawo goos gooskeeda
W/Q bashiirqoolif bashirr1@yahoo.com
Realmadrid oo gool looga naxsaday wacdaro Fiicana Dhigtay Warbixin +video
14/01/2012Kooxda horyaalka spain hogamineyso ee realmadrid ayaa caawa waxaa ee dheeleen kulan ka tirsana horyaalka dalkaasi spain.
iyagoo safar u aaday kooxda real mallorca ayaa waxaa looga naxsan gool qeybtii hore ee ciyaarta
waxaana real u suuro gashay in eey heleen laba gool oo degdeg ah qeybtii danbe ee ciyaarta iyadoo uu daah furay gool barbaraha cayaaryahan heguain oo aad looga cabsado markuu caaboonyahay iyo marka kalaba si fiican u
dhaliya goolasha inta badan eey cunaan weerar yahanada caalamka sidaas ayeey ku badiyeen realmadrid ila daawo ciyaarto oo goos goos ah
W/Q bashiirqoolif bashirr1@yahoo.com
Realmadrid oo gool looga naxsaday wacdaro Fiicana Dhigtay Warbixin +video
14/01/2012Kooxda horyaalka spain hogamineyso ee realmadrid ayaa caawa waxaa ee dheeleen kulan ka tirsana horyaalka dalkaasi spain.
iyagoo safar u aaday kooxda real mallorca ayaa waxaa looga naxsan gool qeybtii hore ee ciyaarta
waxaana real u suuro gashay in eey heleen laba gool oo degdeg ah qeybtii danbe ee ciyaarta iyadoo uu daah furay gool barbaraha cayaaryahan heguain oo aad looga cabsado markuu caaboonyahay iyo marka kalaba si fiican u
dhaliya goolasha inta badan eey cunaan weerar yahanada caalamka sidaas ayeey ku badiyeen realmadrid ila daawo ciyaarto oo goos goos ah
W/Q bashiirqoolif bashirr1@yahoo.com
Madaxweynaha Somaliland oo khudbadiisii ku soo qaatay arrimaha caafimaadka
Madaxweynaha Dalka Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo maanta khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey aqalka baarlamanka dalka Somaliland. Madaxweyne Siilaanyo oo laba gole ee Jamhuuriyadda Somaliland la hadlayey ayaa waxa uu ku soo qaatay wixii dawladd ahaan ka qabteen arrimaha caafimaadka. Waxaana khudbadiisii ku jirtay qodobka uu kaga hadlayey arrimaha caafimaadka. Waana kan qodobkii caafimaadku.
4. Caafimaadka:
Waxaanu ka qabanay in ka badan intii aanu balanqaadnay, Dhammaan gobolada waaweyn waxaa lagu sameeyay dib u habayn, dayactir iyo qaar wax lagu kordhiyayba, weynu ognahay baahida dalkeenu way ka mug weyn tahay mid aynu kaligeen wada dabooli karayno sidaa awgeed waxa gacan muuqata ka siiya dawlada oo ka caawiya haya’do caalamiya, inkastoo aanay gaadhsiisnayn heerkii loo baahnaa laakiin haba iska yaareetee waynu ugu abaal haynaa, waxaanan ku rajo weynahay in ay kordhin doonaan kaalmadaa caafimaad. Waxaan odhan karaa sanadkan dhammaaday waxa caafimaadka laga qabtay waxyaabo muuqda, haddii ay noqon lahayd dhinaca dhismayaasha xarumaha caafimaadka, hadday tahay qalabka caafimaadka iyo kor u qaadidda aqoonta hawlwadeenada caafimaadka iyo hadday tahay ololeyaasha lagu cidhibtirayo cudurada dilaaga ah iyo kuwa faafa, waxaa Ambalance-yo cusub loo qaybiyey Boorame, Gabiley iyo Ceerigaabo.
Waxaa Hargeysa laga Billaabay dhismaha Cusbitaal weyn oo caalimi ah iyadoo kii horena lagu qalabeeyay 235 sariirood oo cusub, sidoo kale Gabiley waxa laga furay cusbitaal cusub, Waxaa ballan-qaadkayagii ka mid ahaa inaanu shaqaalayno 443 isugu jira dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal caafimaad oo ka soo qalinjabiyay jaamacadaha dalka iyo dugsiyada caafimaadka, waana la fuliyay oo way hawlgaleen.
Bahda mareegta caafimaadka
Copyrigts.2012.
Somaliland Shuts Down Private TV Channel
HARGEISA — Somaliland’s government ordered the shut down of the country’s oldest and most popular private television network on Saturday, in a bold violation of its pledges to respect freedom of expression during election campaigns.Reliable sources told Somalilandpress by telephone that police armed with AK-47 assault rifles stormed the marketing and broadcasting offices of Horn Cable TV (HCTV) in the capital around 6:30 P.M. on Saturday. They subsequently ordered the on-duty operators to vacate and immediately took them away– they remain in custody until now. They further declared that the police also apprehended the director of HCTV Mohamed Abdi Sheekh (also known as “Ilig”) and is said to be behind bars now.The closure came after the president blasted the network in his joint session of Parliament address on Saturday in which he accused the TV of spreading false information and propaganda. He said the network was taking the country into a vortex of violence by spreading incitement, hostility and feuds between opposing tribal units. Somalilandpress has learned that Abdullahi Mohamed Dahir, Presidential Spokesman, and Hirsi Ali haji Hasan, Minister for Presidency, jointly ordered the closure of the network.Recently the government launched a massive crackdown against private media outlets in the country — arresting as many as seven in the past week, with three still believed to be in custody without being charged. The New York-based, The Committee to Protect Journalists (CPJ), said it was alarmed by the sweeping arrests and attacks on journalists in the country. “The spate of arrests sends a chilling message to the Somaliland press and demonstrates the government’s intolerance of independent and critical reporting,” said CPJ East Africa Consultant Tom Rhodes. He urged the government to end its brutal crackdown against the press. “Arrest and detention should not be the knee-jerk response of the authorities to reporting. The journalists should be charged or released immediately.”Founded in 2003 in the capital, Hargeisa, HCTV is partly owned by the new disputed candidate leader of the opposition party of United Democratic People’s Party (UDUB), Jamal Ali Hussein. The government mainly targets HCTV and Waaheen newspaper, two private media who have close working relations with the opposition UDUB party.The current crackdown against media is seen as a contradicting move by a government which declared its “commitment to freedom of the press” during election campaigns in mid-2010. It was one the reason Somalilanders cast their vote for President Silanyo’s Kulmiye party. However after a just over a year in the helm, it appears the honeymoon between Kulmiye and private media is over. During UDUB rule the media was targeted less even though private radios were banned — Somaliland became a safe heaven for journalists fleeing Somalia’s conflict and other regions.Somalilandpress Number-one English-Somali websiteSaturday, Jan 14, 2012
Saado Cali Warsame oo Heeso Cusub u Qaaday Shirweynaha “Khaatumo 2″ (Dhageyso)
Somalia: Chatham House Piracy Study Criticised
A new report on Somali piracy published by Chatham House argues, among other things, that piracy benefits bigger coastal towns than smaller ones such as Eyl and Hobyo. Dr Anja Shortland, a lecturer at Brunel University, used data from satellite imagery “ to track the developmental effects of piracy”. Dr Shortland says ”a negotiated solution to the piracy problem” will bear fruit if communities that rely on piracy are given “a more attractive alternative that brings them far greater benefits than hosting pirates does.”
While it is true that availability of accurate data on the percentage of pirate money ( ransom) spent in Somalia is hard to find, there is a plenty of data to determine if a booming economy of town is caused by pirate money or not. Dr Shortland takes into account “ significant weaknesses in the “data sources” on which her conclusions are based.
This essay discusses gaps in Dr Shortland’s analysis. Those gaps affect the implementability and accuracy of recommendations.
Nominal Wages
In discussing nominal wages of four regions ( Mudug, Nuga[a]l, Bari and Banaadir), the author of the study writes: “In the three pirate regions nominal wages have more than doubled since 2006, while in the Banaadir region nominal wages in 2010 were roughly equivalent to their 2006 levels.” The decline in the daily wage rate for causal labour in Mogadishu is accounted for by a major trend that make the region in which the capital located the inappropriate ‘comparator’ . Between December 2006 ( when Ethiopia intervened in Somalia to back up the Transitional Federal Government ‘(hereafter TFG’) and late 2011 (when Al Shabab militant group foot-soldiers were forced to flee Mogadishu) , people in the capital were affected by insurgency against the TFG, and this affected the economic activities in the capital and caused many people to become internally displaced people in places like Puntland ( figure 1 page 6).
Piracy money and Somali exchange rate
According to the author, livestock exports and pirate money affect Somali exchange rate ( although goats and camels are prized hard-currency earners) . “The Somali shilling (SSh) is not backed by a government and there is no monetary authority. Many transactions are conducted in US dollars, but the Somali shilling continues to be widely used,” writes Dr Shortland despite another effect on Somali exchange rate: money printed by the TFG and local administrations.
“ Night-time light emissions”
Using data from National Oceanic and Atmospheric Administration (NOAA) the author of the study argues that an increase in night-time light emissions reflect “ reconstruction after the civil war and diaspora remittances supporting consumption and development. After 2007 however, there appears to be a downturn in total light emissions in twelve of the fifteen cities. The exceptions are Garowe, Bosasso and Kismayo” but the author contradicts herself when she writes: “The Somali diaspora is likely to have contributed significantly to private investment in Garowe. However, mass emigration from Puntland is relatively recent and the Puntland diaspora is less able to contribute than the well-established Somaliland diaspora, which emigrated in the 1970s and 80s.” Emigration to the middle east in 1970s, and to Europe in late 1980s because of the civil war, was a common Somali experience. Neither the name Somaliland nor Puntland existed then: both administrations came into existence in1990s after the collapse of state in Somalia. Places like Garowe, the administrative capital of Puntland, grew partly because if the internally displaced people who fled southern Somalia and because of making the city the seat of Puntland administration.
Crack-down on pirates
Since January 2009 when Abdirahman Farole was elected Puntland presidency, a crack-down on piracy has produced commendable results. Eyl, which Dr Shortland calls “a pirate capital”, is no longer a pirate base. “The counter-piracy operations would not have been possible without local Support,” agrees Dr Shortland only to contradict herself when she observes: “Puntlanders are relatively better off than the rest of the country as a result of piracy; the poor are no better off in absolute terms.”
“When forces from Puntland, a semiautonomous region of northern Somalia, tried to free a Danish yachting couple, their three children ages 13 to 17 and two other adults in March, another group of pirates killed five of the soldiers,” wrote Alex Perry in a Summer Journey issue of Timemagazine.
Piracy remains a problem partly because of leniency of international naval forces fighting Somali pirates. Some pirates are released; some are brought to Bosaaso, Puntland, although the regional administration’s jails are already overflowing with pirates from different parts of Somalia; some pirates are sent neighbouring countries for trial.
Piracy is one of the troublesome trends associated with Somalia. One expects a discussion on such a topic is incomplete without discussing local administrations and what efforts they’re making to combat piracy. The report leads anyone with no knowledge of Somalia to conclude that Hobyo and Haradheere are parts of Puntland. Hobyo comes under Galmudug administration based in South Galka’yo. Haradheere is part of Mudug region but is under no administration . More research into the recent history of Somalia could have made the Chatham House report look less one-sided and more fact-based.
Liban Ahmad
libahm@gmail.com
Afhayeenka Milateriga Kenya; "Duqeyntii Jilib waxaanu ku dilnay 10 al Shabaab ka tirsan, waana baareynaa wararka sheegaya in shacab ku dhintay"
Afhayeenka Milateriga Kenya oo warbaahinta uga warbixiýay duqeyntii shalay diyaaradaha dagaalka Kenya ay ka geysteen magaalada Jilib ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegay in duqeyntaas inay ku dileen al Shabaab bada.
Afhayeenku wuxuu sheegay in duqeyntaas ay ku dileen 10 ka tirsan dagaalyahaniinta al Shabaab ee sida uu ku dooday halista ku amaanka Kenya.
Dhanka kale wuxuu sheegay afhayeenku inay baarayaan warar shalay soo baxay oo sheegayay in diyaaradahaas ay gantaalo iyo bambaanooyin waa weyn la dhaceen goobo ay ku badnaayeen dad shacab ah .
Si kastoo ay ahaataba waxaa dadka deegaanka laga xaqiijiyay in diyaaradaha dagaalka Kenya duqeyntii ay shalay ka gesyteen degmada Jilib ay ku dhinteen shacab ay carruuri ku jirtay.
Dowladda Kenya oo 92 maalmood kahor ciidankeeda soo gelisay ciidda Soomaaliya ayaa dagaalka kula jirta al Shabaab, dagaalkaas oo sida la hubo gaaaftay nolosha shacab badan oo ku nool dhulka dhaca xuduudaha Kenya iyo Soomaaliya iyo weliba gudaha hoose ee Koonfurta Soomaaliya.
Gudi ay ku jiraan Madaxweyne Shariif, Gudoomiye Shariif Xasan iyo Ra'iisal wasaare Gaas oo war saxaafadeed la soo saaray dagaalka Buuhoodle
Gudiga la magac baxay Gudiga Ammaanka Qaranka Soomaaliyeed oo ay xubno firfircoon ka yihiin saddex nin ee ugu sareysa dalka ayaa waxay kulan degdeg ah oo ay ka yeesheen dagaalka Buuhoodle ku dehxmaray maamulka Somaliland iyo dadka deegaanka waxay ka soo saareen baaqa.
Baaqan oo saxaafadda loo qeybiyay ayaa u qornaa sida soo socota:
- Waxaan walaac ka muujiynaynaa dagaaladii ka dhacay degmada Buuhoodle, kaas oo ay ka dhasheen dhibaatooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
- Waxaan tacsi u diraynaa ehellada dadkii ku baxay dagaalka, dhaawacyada ka dhashayna waxaan u rajeynaynaa inuu Alle caafiyo.
- Waxaan baaq nabadeed u diraynaa dadka kuwada nool deegaanka kuwaasoo wadaagga xiriir iyo dhaqan soo-jireen ah.
- Xiriirkaas wuxuu u baahan-yahay in lagu ilaaliyo nabad lagana fogeeyo xumaanta iyo dagaallada, waxaan hubnaa inaysan cidna dan ugu jirin gacan-ka-hadal iyo fidno ka dhex-abuuranta bulshada walaalaha ah ee deegaanka.
Sidaas awgeed, guddigu wuxuu ku baaqay sida ugu dhaqsiyaha badan oo aanay wax shuruud ah ku xirnayn lagu joojiyo colaadda iyo gacan-ka-hadalka ka taagan deegaanka, laguna xalliyo khilaafka wada-hadal iyo is-afgarad walaaltinimo.
Ugu dambeyn, warsaxafadeedka guddiga ammaanka waxaa lagu sheegay in DKMG ah ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato wax kasta oo lagu soo celinayo nabadda iyo walaaltinimada bulshada deegaankaas ku nool.
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in ciidamada Itoobiya ay xabsiga dhigeen Madaxweynaha Maamulka Dooxada Shabeelle iyo Madaxa Ahlu Sunada Hiiraan
Warar goor dhow dhinaca Beledweyne naga soo gaaray ayaa sheegaya in khilaafkii u dheeyay Ahlu Sunna iyo maamulka Dooxada Shabeelle uu cirka isku shareeray arrintana ay soo farageliyeen ciidamada Itoobiya ee halkaas ku sugan.
Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegayaa inay xabsiga dhigeen labada nin ee ugu sareysay Maamulka Dooxada Shabeelle iyo Ahlu Sunada Gobolka Hiiraan labadaas nin oo lagu kala magacaabo Cabdikariim Xasan Afrax iyo Aadan Cabdulle Cawaale.
Labada maamul weli war kama soo saarin wararka sheegaya in madaxdoodi ay xireen ciidamada Itoobiya ee gacan-saarka la lahaa maamuladan ku muransan talada gobolka Hiraan gaar ahaan magaalada Beledweyne.
Wixii war ah ee soo kordha dib ayaan idiinkaga so sheegi doonaa haddii Alle idmo.
Yemen: Xaaladda Maraakiibta Somalia
4 markab oo ay dalka Somalia leeyahay ayaa ku xayiran xeebta magaalada Cadan ee dalka Yemen, iyada oo deymo fara badan loo haysto. Markab kale, ayaa isna la sheegay in shirkad dalka Spain laga leeyahay ay si sharci-darro ah ugu shaqeysato, halka mid kalena uu yaallo xeebaha Puntland, ka dib markii uu halkaas horay ugu gubtay.
Wareysi arrintaas la xiriira, qeybta hoose ka dhageyso.
Ra’iisul wasaaare Gaas oo xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha Awdal State
Ra'iisul wasaare Gaas iyo Madaxweyne Rashid
Muqdisho(Saylac.com)-
Ra’iisul wasaaraha dawlada federaalka ah ee Somaaliyeed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti uu horkacayey madaxweynaha Awdal State mudane Rashid. Kulankan ayey labada masuul kaga wada hadleen sidii loo dardar galin lahaa iskaashi dhinacyo badan leh oo dhexe mara dawlada Federaalka Soomaaliyeed iyo maamulka Awdal State.
Madaxweynaha Awdal State Mudane Rashid Aw Nuur Xisrsi ayaa sheegay in la gaadhay waqtigii qaranimada somaliyeed dib usoo noqon lahayd waxaanu Madaxweynuhu intaa ku daray in ay Awdal State ka go’an tahay soo celinta karaamadii iyo qaranimadii umada Soomaaliyeed.
Dhinaca kale Ra’iisul wasaare Gaas ayaa sheegay in xukumadiisu aqoonsan tahay Awdal State isla markaana ay xidhiidh dhinacyo badan leh iyo iskaashi la samayn doonaan.
Waftiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Awdal State ayaa baryahanba ku sugnaa magaalo madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho
War Habeen 17-January-2012
Haddii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub +442035190460
USA & CANADA +17124327760
Maamulka Ximin &Xeeb oo kahadashay Duqeymaha Ciidamada Kenya.
Cadaado:Sida lagu shaaciye warsaxafadeed maanta kasoo baxay maamul Goboleedka Ximin iyo Xeeb ee kadhisan gobolka Galgaduud ayaa shegaya in canbareenayaan duqeymaha diyaaradah kenya ka geystaan gudaha dalka Somaaliya khaasatan Koofurta Soomaaliya.
Warsaxafadeedka kadib aya warbaahinta weydise lataliyaha madaxweynaha maamulka Ximin iyo xeeb Cismaan Maxamed Cali waxaana lasheegay in aad oga xunyihiin duqeyntaas lagula kaco shacabka halkaas kudhaqan oo waxba galabsan.
Waxa oo kudaray lataliyaha madaxweynaha in aan fiicneen goobaha shacabka laduqeeyo waxaana oo sheegay in goobaha shabaab jogaan si toos loo bartimaameedsado inkastoo oo aan lagala soocin shacabka iyo shabaab.
Lataliyaha ayaa ayaa tusaalo usoo qaaday duqeymihii ugu dambeeyay ee diyaaradaha dagaalka ka geyteen degmada Jilib ee Gobalka Jubbada Dhexe.
Tan iyo markii diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeymo ka geysteen koofurta Soomaaliya waxa soo baxayay cambaareynta loo jeedinayo dowlada dalka Kenya.
Dowlada Kenya ayaa inta badan sheegata in duqeymaha ay ka geysanayso Soomaaliyo inay ku dilaan Askarta iyo Saraakiisha ALshabaab.