Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Afhayeenka milatariga Kenya oo sheegay inay dileen 11 kamid ah ciidamada Alshabaab.

$
0
0

Milatariga dowlada Kenya ayaa waxa ay sheegeen in 11 ka mid ah ciidamada ururka Alshabaab kadib markii ay weerar ku qaadeen saldhig ciidan oo ay ku lahaayeen ururka Alshabaab deegaanka  Hosingo.
Afhayeenka  Ciidamada Kenya Emmanuel Chirchir ayaa waxaa uu sheegay in weerarkan ay si wadajir ah u qaadeen ciidamada Kenya iyo kuwo Soomaalida ah ayna ku dhinteen labo ka mid ah ciidamada Kenya iyo hal askari oo Soomaali ah.  

“22 January 2012 saacadu markii ay ahayd   1100pm ayaa deegaanka Delbio iyo Hosingo, ciidamada Milatariga Kenya iyo kuwa dkgaarka ah ay weerar ku qaadeen saldhig ay ururka Alshabaab leedahay, waxana aan ku dilney 11 ka mid maleeshiyada Alshabaab halka ay tiro kalana ay baxsadeen iyagoo dhaawac ah,”ayuu yiri Chirchir.
Major Chirchir waxa kale oo uu sheegay in afar qori oo AK-47 ah, qalab isgaarsiineed iyo rasaas faro badan ay ku qabsadeen weerarkan.
Labo toddobaad kahor lix ruux ayaa lagu diley saddex kalana waa lagu afduubtay markii uu ururka Alshabaab uu weerar ku qaaday xarun uu booliska dalka Kenya ku lahaayeen magaalada Wajeer.
Arbacadii aanu ka soo gudubnay ayaa ururka Alshabaab waxa ay ku soo bandhigtey bogeeda Twitterka  sawiro labo ka mid ah saddexdii ruux ee ay Alshabaab qafaasheen.
Dowlada Kenya ayaa waxaa ay ugu baaqday ururka Alshabaab in si aan shuruud lahayn ku sii deyso labadaasi ruux.


Madaxda ugu sareysa Dowladda oo soo dhoweeyay Xafiiska Qaramada Midoobey ka furatay Muqdisho (Sawirro)

$
0
0

Madaxda ugu sareysa Dowladda ayaa si diiran u soo dhoweeyay dib u howl gelida Xafiiska Siyaasada ee Qaramada Midoobey ee UNPOS, kadib munaasabad maanta ka dhacday Xarunta Madaxtooyada, kaasoo waraaqihii shaqo ee Ergeyga Qaramada Midoobey Agoustine Mahiga ugu gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.
Madaxweyne Shariif oo hadal ka jeediyay Munaasabada ayaa soo dhoweeyay Xafiiska UNPOS in loo soo raro Magaalada Muqdisho, waxaana tallaabo geesinimo leh uu tilmaamay booqashadii bishii hore uu ku yimid Muqdisho Agoustine Mahiga iyo dhawaaqii ka soo yeeray.
“Waxaan soo dhoweynayaa in Xafiiska UNPOS loo soo raro, tallaabo geesinimo leh oo ka dhalatay booqashadii Ban Ki-Moon iyo dhawaaqii ka soo yeerayay sida uu uga dhabeeyay, kalsooni buuxda ayaa siineynaa sidii halkan uga shaqeyn lahaa”ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay gacan ku siin doonaan Xafiiska UNPOS sidii uu uga shaqeyn lahaa Muqdisho, isagoo ku tilmaamay calaamad xoogan oo muujineysa in Xafiiska UN-ka ka howl galo Muqdisho mid horumar amni iyo horumar siyaasadeed laga gaaray Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Gaas ayaa sheegay in dadaalkii Xukuumada bixisay inay u  suura geliyay in Xafiiska UNPOS loo soo raro Caasimada Soomaaliya, isagoo ku bogaadiyay in tallaabadaas ay suura geliyeen Ciidamada AMISOm iyo kuwa Dowladda in dalka ka xoreeyeen Al-Shabaab.

“Xafiiska Siyaasada Qaramada Midoobey horumar weyn ayuu u yahay in Safaarado tiro badan, Hey’ado Caalami ah u soo guuraan Caasimada, inay yimaadaan Soomaaliya, dhulka loogu tala galay ka shaqeeyaan”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Gaas.
Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Agoustine Mahiga ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in maanta laga furo Xafiiska Qaramada Midoobey UNPOS, isagoo cadeeyay in maanta wixii ka dambeeya uu furan yahay Xafiiska UNPOS, isla markaana dib loo soo celiyay, 16-sano oo uu dibada ka shaqeynayay sida uu yiri.
“Maanta waxaa idin sheegayaa in Xafiiska UNPOS dib loo soo celiyay 16-sano kadib, waxaa uu fursad u yahay rajada Mustaqbalka Soomaaliya”ayuu yiri Agoustine Mahiga oo intaa ku daray in xafiiskan fududeyn doono howlaha bani’aadanimada Soomaaliya.
Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa si toos uga howl geli doona Magaalada Muqdisho, maanta wixii ka dambeeya, iyadoo halka ay ku howl galayaan ay noqon doonto Xarunta Xalane oo ah taliska ugu weyn AMISOM, halkaasoo ammaankiisa ay sugaan Ciidamada AMISOM.






maxaa kala heysta barcelona iyo real madrid EL Clasico.

$
0
0

25 Jan 2012.Kulanak caawa ayaa Lugtii hore waxaa 2-1 ay guusha ku raacday kooxda Barcelona waxa uuna qeyb kayahay wareega 8da Copa del Rey iyadoo lugtii hore lagu soo cayaaray hooyga naadiga Real Madrid ee Santiago Bernabeu.
Iyadoo ay kooxda Barcelona ay xaga natiijada ay  sarreyso hadana tababarahooda ayaa ka digay in weli aan lagu kala bixin wareega 8da oo labada kooxood ay u dagaalami doonaan semi-finalka ilaa iyo daqiiqada ugu danbeysa.
Kulankaan ayaa waxaa hareeyay falkii uu Pepe gacanta kaga istaagay ciyaaryahan Lionel Messi, iyadoo saxaafada Isbaanishka gaar ahaan kuwa ka howlgala Madrid oo weeraray taatikadii uu Mouirnho u isticmaalay kulankaas.
Iyadoo Barcelona ay faa’idada sarre wadato hadana tababarahooda ayaa ka digay in weli aan lagu kala bixin wareega 8da oo labada kooxood ay u dagaalami doonaan semi-finalka ilaa daqiiqada ugu danbeysa.
Inkastoo  laga sii digayo in qalalaase ay ciyaarta hareeyaan hadana waa waxa ugu danbeeya ee qof walba niyadiisa ku soo dhacaya, Pepe oo shaki uu ku jiro inuu ciyaarayo ayaa laga yaabaa inuu hadalo xun oo isaga lagu weerarayo uu kala kulmo jamaahiirta Camp Nou.
MAXAA CUSUB?
Barcelona waxaa ka maqnaan doona Seydou Keita oo ku maqan ciyaaraha qaramada Afrika. Pep Guardiola ayaa sidoo kale heysta seddex ciyaaryahan oo dhaawac muddo dheer ah ku maqan oo kala ah Ibrahim Afellay, Andreu Fontas iyo David Villa.
Pedro ayaa dhaawac ka soo laabtay kulankii 4-1 ay kaga talaabeen isbuucaan kooxda Malaga, lakiin sida la filayo kuma bilaaban doono madaama Guardiola uu ka xiiseynayo inuu weerarkiisa ku soo bilaabo Cesc Fabregas, Lionel Messi iyo Alexis Sanchez.
Kooxda Jose Mourinho oo caawa marti noqon doonta ayaa kulankaan aadaya iyagoo 2-1 looga soo badiyay kulankii lugtii hore, waxaana laga yaabaa inuu ku soo galo isla qaab ciyaareedkii hore oo seddex khadka dhexe iyo seddex weerar ah, inkastoo laga filayo inuusan difaac ciyaari doonin caawa.
Pepe ayaa ka maqnaa kulankii Athletic Bilbao dhaawac dartsiis, waxaana loo badinayaa inuusan ciyaari doonin kulankaan inkastoo Mourinho uu xalay sheegay inuu ciyaaryahanka taam ahaanshihiisa hubinayo maanta gelinka danbe.
Sidoo kale waxaa jirta warar xan ah oo wargeysyada reer Spain ay qorayaan oo sheegaya in laga yaabo in Jose Mourinho oo uu in muddo ah line-upkiisa ka saaro Pepe ka dib dhacdadii uu gacanta kaga istaagay Lionel Messi.
Lassana Diarra iyo Esteban Granero ayaa iyaga laftooda uu shaki ku jira. Sami Khedira isaga ma ciyaari doono dhaawac canqowga ah oo ku maqan yahay darted,
LINE-UPKA MACQUULKA AH:
BARCELONA: Pinto; Alves, Pique, Puyol, Abidal; Xavi, Busquets, Iniesta; Messi, Cesc, Sanchez
 
REAL MADRID: Casillas; Arbeloa, Ramos, Varane, Marcelo; Diarra, Xabi Alonso, Coentrao; Cajellon, Benzema, Ronaldo
___________________________________________
 

Radio Gaalkacyo oo wali hawada ka maqan iyo Qalabkii idaacada oo wali maqan

$
0
0

Meeshay Marayso Radio Gaalkacyo Waa wax Laga Noxo, Duminteeduna Dan maahee Bulshaday u shaqayso allaha Garansiiyo, si ay u Badbaadsadaan”Agaasimihii Hore ee Radio Galkacyo Xasan Maxamed Jamac.

Agaasimihi hore ee idaacada Galkacyo Mudane Xasan Maxamed Jamac (Jidka) ayaa ka hadlay markii ugu horaysay Radio Gaalkacyo oo maalmo ka hor deegaankeedii uu ka rartay ku simihii agaasimuhu kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay masuuliyiinta maamulka gobolka.
Agaasimaha oo ku sugan dalka sweden gaar ahaan magaaladda Vaxjo oo uu dagan yahay  ayaa sheegay in Radio Galkacyo tahay horayna u ahayd idaacad u adeegta danaha bulshada mulkiyadeena ay shacabka leeyihiin waxaana uu sheegay in sanadii 1993 laga yigleelay magalada Galkacyo waxaaana dadka deegaankaasi u soo qabatay shaqooyin aan cid u qabanlahayd jirin, waxaana wax laga xumaado uu ku tilmaamay marxalada foosha xun ee xiligan ay ku sugantahay.
Shir taleefaneed uu laqaatay qaar kamida warfidiyeenada Gobolka ayuu ku sheegay in uu aad uga xunyahay ismaandhaafka soo kala dhaxgalay mamulka Idaacada iyo madaxda Gobolka deetana ay soo faragaliso wasaarada warfaafinta.
Mudane Jidka ayaa sheegay in Radio Galkacyo ay u soo mareen dhabar adayg badan dhalinyaro uu kamidyahana waqti dheer ku lumiyeen sidii idaacada u hanaqaadilahayd waxaana uu bilowgeedii tilmaamay in lagu furay qalab tayadiisa aad u hooseeyso samankan cubna aan lagu shaqayn balse dadaal ay galeen idaacada gaarsiiyeen mid lajaanqaaday casriga cusub kuna soo kordhiyeen qalab tayadiisa aad u sarayso, qaar shaqaalaha Idaacadda ka mid ah, way u dhinteen waxaa la dilay iyagoo gacanta ku haya shaqadda Idaacadda kuwa badana waa lagu dhaawacay, qaar kalena waxay ka badbaadeen isku dayo la doonayay in lagu khaarajiyo mana doonayno taariikhdeenii iyo dadaalkeenii intaas ku dhamaado Radio Gaalkacyona sidaas lagu dumiyo ayuu yiri  Jidka.
way adagtahay runtii in la hormariyo meel dadka ka dhexaysa oo aanay jirin cid gooni u leh amase u maalgashanaysa, waan taas arinta ragaadisay Idaacada Gaalkacyo, sidaas waxaa yir Jidka oo intaasi ku sii daray  in shaqsiyan intii uu talada idaacada hayay uu ku soo kordhiyay qalab cusub lana kashaday aqoonyahan Gobolka Mudug ka soo jeeda kuwaa uu uga mahadceliyay tageerada ay idaacada umuujiyeen waxaana uu sheegay in uu ku hanwaynaa in hormarkale uu idaacada gaarsiiyo.
Waxaa uu sheegay in dalka dibadiisa uu u dhoofay iyadoo shaqada Idaacada meel aad iyo aad u saraysa maraysa iyo sumacada Idaacada oo meeqaam sare gaartay waxaana uu ku tilmaamay in ay ahayd idaacada loogu dhagaysiga badanyahay guud ahaan deeganada Puntland balse waxaa uu hada wax laga xumaado ku tilmaamay hakadka galay shaqada Idaacada iyo warar uusan ku farxin oo looga soo tabiyay.
“Waxaan aad ugu xumahay in wixii dadaal naf iyo maalba leh aan ku luminay ay maanta marayaan meel aad looga qooma mooda waan ka xumahay waana canbaaraynayaa falalka Idaacada ka socda”ayuu yiri Xasan Maxamed mar uu hadal ujeedinayay warfidiyeenada Gobolka gaar ahaan rugcadayaal horay uga soo shaqeeyay Idaacada shir taleefaneed uu laqaatay.
Xasan ayaa sheegay in xiriiro badan uu lasameeyay  Wasiirka warfaafinta xukumada Puntland iyo Mamulka Gobolka si uu uga lahadlo xalada Radio Galkacyo hadana uusan kadaalin waxaana sheegay in uu aad uga xumaaday talaabada uu qaaday masuulkii talada Idaacada hayay.
“Aaad ayaan ugu xumahay talaabada uu qaaday C/laahi Xirsi Cadde mana ah mid haboon hadii ay go’aan qaateen mamulka iyo wasaarada waxaa ay ahayd in si sharaf iyo magac ku dheehantahay uu shaqada idaacada u wareejiyo ee ma ahayn in magacii iyo sumcadii hooyada saxafada Puntland uu halkaa gaarsiiyo”ayuu hadalkiisa raaciyay Musuul Xasan.
Agaasimaha ayaa sheegay in intii uu dalka dibadiisa ku sugnaa shirar calamiya uu ka qaybgalay qadiyada Radio Galkacyo ku soo qaaday marnaba uusan ka daalayn hormarinta Idaacada markastana uu ku taamayay in Radio Galkacyo ay noqoto mid labaratanta idaacada ugu sareeya Somaliya.
Xasan ayaa mamulka iyo wasaarada u sheegay in hadii ay go’aamo qaadanayaan ay haboonayd in latashiyo ay la sameeyaan dadkii waqtiga iyo maalka ku soo lumiyay hormarka Idaacada oo ay ugu horeeyaan guddiga Idaacadda oo uu madaxda ka yahay prof Mohamed Jama iyo marwo Caasho geelle diiriye wasiiradda haweenka iyo arimaha qoyska oo runtii ka mid ahayd dadkii waqtiga badan soo galiyay haddana ku sugan dalka guddihiisa, lagana fiicnaa in qoraal ay soo saaraan waxaana uu intaa ku daray in talooyin badan oo manfac leh ay hayaan rug cadayaashii ka soo shaqeeyay Idaacada.
Ugu danbayn Xasan jidka in aqoonta iyo waayo aragnimadu shaqayso wuxuuna fariimo ujeediyay Mamulka,Warfidiyeenada Gobolka gaar ahaa kuwii ay soo saartay Idaacada iyo C/laahi Xirsi Cadde oo ah masuulka shaqada idaacada gacanta ku hayay.
Waa tan koowaade mamulka Gobolka iyo wasaarada warfaafinta ayuu ugu baaqay in ay ku dadaalaan sidii ay Idaacada u shaqayn lahayd lagana dhawrsanaado in aan hakadlagalin shaqada idaacada wax badana la xeeriyo si aysan dhulka ugalin sumacada idaacada hankana uusan uga jawbin saxafiyiinta uu kamidka yahay in naftooda u soo horay in Radio Galkacyo ay shaqayso.
Warfidiyeenada Gobolka gaar ahaan Saxafiyiinta ay soo saartay Radio Galkacyo oo ah kuwa ugu caansan Puntland ayuu ugu baaqay in talada idaacada ay hantiyaan qaladaadka dhacayana uu wax u dhimayo aqoontii ay ka barteen idaacada oo meelna ay ugu soo wadajeestaan cidii ay u arkaan in ay wax u dhimayso sharafta idaacada kulamo deg deg ahna ay qaataan kuwaa oo lagu samata bixinayo Radio Galkacyo oo xiligan mugdi iyo maalma adag dhex maquuranaysa.
In Cabdulaah xirsi cade haddii dowladu go’aansatay in ay la wareegto Idaacadda  aad u oglaato kuna wareejiso cidda ay u soo magacaabeen waayo Idaacadda bulshaddaa leh, bulshaddana dabcan dowladaa ka masuula, hana moogaanin in dhismihii puntland kadib ay dowladu i nagala wareegtay, kadibna ay dib ugu soo celiyeen gacanta shaqaalihii mutadawiciinta ahaa ee Idaacadda.
Ugu danbayn Xasan Jidka ayaa dad badani rumaysan yahay in intii uu hayay hogaanka Radio Gaalkacyo ay Idaacadu ku tilaabsatay horumarka ugu balaararn dhanka qalabka iyo dhanka  tayada warbaahinta iyo shaqaalahaba, wuxuna soo saaray saxafiyiin badan oo maanta ku shaqaysta xirfadooda intaas kaliya kuma ekayn dadaalka Hassan jidka ee dhanka saxaafadda puntland ee wuxuu dhisay oo mashruuc yar oo Idaacadd Gaalkacyo qaadatay ka sameeyay ururka warbaahinta puntland ee Map oo uu hormood ka ahay samayntiisa,
Ali Ahmed Abdi
Gaalkacyo

Jaaliyada Sanaag ee dalka Australia oo Taageertay Banaanbixii Badhan

$
0
0

 
War-Murtiyeed ay soo saareen Golaha Sare ee Jaaliyada Sanaag ee dalka  Australia waxa lagu sheegay  inay Taageersanyihiin Banaanbixii Nabada ahaa ee ka dhacay Maalintii Shalay Magaalada  Badhan ee G.Sanaag kaasi oo lagu Diidanaan ama Shacabku Shucuurtooda ku  Soo Bandhigeen inaanay Taageersanayn Maamul Gooni Goosadka ah ee Somaliland.
War-Murtiyeedkaasi Jaaliyada oo Dhowr Qodob ka Koobnaa wuxuu u dhignaa sidan:-
1- Jaaliyada Sanaag ee Dalka Australia Waxay taageerayaan Mudaharaadkii ka dhacay Magaalada Badhan kaasi oo ahaa mid laga dheehan karo in Dadka Gobolkaasi ay yihiin dad Jecel Midnimada Somaliyeed kana soo Hor jeeda in Somaliya La Kala Qo Qobo.
2- Jaaliyadu waxay kaloo Baaqooda ku sheegayaan inay ka xunyihiin Xasuuqii Maamulkaasi Hargaysa ka Gaystay Deeganada Sool iyo Cayn iyaga oo  Beesha Caalamka iyo Hay’addaha Daneeya Arrimaha Somaliya ugu baaqay inay Qiimiiyaan Dhacdadii Halkaasi ka dhacday.
Waxaanu Taageeraynaa Maamulka Gobolka Sanaag Guud ahaan Heer degmo iyo Mid Gobol sida wanaagsan ee ay u soo qaban qaabiyeen Mudaharaadkii lagu diidanaan Somaliland Imaansheheeda Gobolka Sanaag.
 
Waa Jaaliyadii ugu Horaysay ee ka hadashay Banaanbixii Sanaag ka dhacay ee looga soo Hor jeeday Somaliland.
 
 
Ahmed Maxamed
GalGalanews

Dowladda KMG ah oo go’aan kasoo saartay dadka sida sharci darada ah ku heysta Hantida Qaranka

$
0
0

(Mogadishu 25th Jan 2012) .
Kulan ka dhacay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya uuna shir gudoominayay Madaxweynaha Dowladda KMG Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa diirada lagu saaray dadka sida sharci daradda ah ku heysta hantida Qaranka Soomaaliya.
Kulankaan ayaa daba socday kulan hore oo la xiriiray isla arintaan, kaas oo madaxdi kasoo qeyb gashay looga fadhiyay in ay soo jeediyeen talooyin wax ku ool ah oo ku aadan sidi wax looga qaban lahaa arintaan.
Arinta baneynta xarumaha dowladda waxaan dedejiyay fulinta dhismaha iyo dayactirka 94 goobo waxbaasho oo walaalaha Turkiya maalgelinayaan.
Dood dheer ka dib, waxaa la go’aamiyay qodobadda soo socda:
1.In ogeysiis kama danbeyn ah la siiyo dadka degan xarumaha dowladda, kaas oo ka bilaabanaya maanta oo taariikhdu tahay Janaayo 25, 2012 kuna eg Febraayo 5, 2012.
2.In cid kasta oo ku baneysa waqtiga loo qabtay loo fidiyo cafis, taasoo macnaheedu yahay in aan loo raacan wax danbi ah mudadi uu sharci darada ku heystay hantida dowladda.
3.In cid kasta oo ka dhega adeygta go’aankaan, iskuna dayda in ay sii heysato xarun dowladdeed marki la gaaro waqtiga loo qabtay xoog looga saaro, lana hor keeno sharciga si looga qaado xaquuqdi kirada ee dhamaan mudadi uu sharci darada ku deganaa. Madaxda kasoo qeyb gashay kulanka:
1. Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG Soomaaliya
2. Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya
3. Gudoomiyaha Baarlamaanka
4. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir
5. Gudoomiyayaasha Degmooyinaka Gobolka Banaadir
6. Taliyayaasha Ciidanka Xooga Dalka
Press Release Our Ref 15/PR/CO/12

“Intii Somaliland Jirtay Ganacsigu wuxuu ka madax-banaanaa siyaasad, laakiin waxa nasiib daro ah in hadda la galinayo” Ganacsato Reer Somaliland Ah

$
0
0

Hargeysa(OWN)-Qaar ka mid ah Ganacsatada waaweyn ee Reer Somaliland, ayaa Wasiirka Maaliyada ku eedeeyay inuu iska horkeen iyo kicin ka dhex wado Ganacsatada wadanka iyo Bulshada rayidka ah, isla markaana uu ganacsigii xorta ahaa ee wadanka Siyaasad geliyay.
Ganacsatadu waxa ay sidan ku sheegeen qoraal ay ka soo saareen magaalada Hargeysa, kaas oo  ay ku saxeexnaayeen in 21 Ganacsade oo ka mid ah Mulkilayaasha iyo maamulayaasha Shirkadaha kala duwan ee Ganacsiga Somaliland ayaa u dhignaa sidan:
“Intii Somaliland Jirtay Ganacsiga dalku wuxuu ka madaxbanaanaa  Siyaasad wuxuuna ky talaabsaday sifo Xornimo iyo Tartan Xalaal ah oo Cadaalad ku salaysan, ganacsatadana wax turxaan ah oo soo kala dhex gashay may jirin.
Ganacsatada wax soo dejisa waxa ka mid ahaa qaar leh Warshado waxayna cadaynayaan in Warshaduhu dawlada ka helaan Dhiiri-gelin ku filan, taasoo ay ka mid tahay qalabka warshadaha oo Cashuur dhaaf ku yimaada, badeecada caydhin oo Cashuur dhaaf lagu siiyoiyo Macaashal-macaashka oo laga dhaafo taasoo u sahlaysa Warshadaha inay tartan kaga saaraan badeecadaha la nooca ah ee dibada ka yimaada.
Waxa Nasiib daro ah inaad moodo in ganacsigii Siyaasad la gelinayo taasina aanay dan u ahayn dadka iyo dalka midnaba oo ay tahay wax ku ugub ah oo hada nagu bilaamay oo aanu u aanaynayno Wasiirka maaliyada oo si qaawan oo badheedh ah isaga horkeenay dadka ganacsatada ah ee Walaalaha ah.
Waxa xusid mudan waraysigii uu siiyay Wargeyska Jamhuuriya ee soo baxay 23.1.012 oo uu ku guubaabinayo, kuna kicinayo  iskagana horkeenayo ganacsatada wadanka ,isagoo ku tirtirsiinaya inay ka horyimaadaan go’aanka dawlada..
Hadaba waxaanu ugu baaqaynaa Wasiirka maaliyada inuu ka noqdo raali gelina ka bixiyo iska horkeenka Ganacsatada ee ku cad Waraysigiisa ku soo baxay Jamhuuriyo Cadadkiisii 4713 oo uu ku yidhi “way jirtaa arrintaasi oo Qolooyinka wax soo dejisa ayaa madaxweynaha u dacwooday oo ka cabanaya Go’aankaasi markii hore Cashuurta lagu kordhiyay, kuwa wadaniga ah ee dalka gudhiisa wax ku farsameeyaana mabay ka ashkatoon, markaa halkaasi waxa ka soo baxay isla socosho la’aan”. waxaanay taasi sababtay kicin dadweyne .
Magacyada ganacsadayaasha:
1.       C/raxmaan faarax Xarbi
2.       Cali ibraahim Ciise
3.       Jaamac Cumar Seed
4.       Cali Maaweel
5.       C/lahi Sh Maxamed
6.       Daahir Muuse Barre
7.       Mubaarik Siciid Cigge
8.       Saleban Cawil Ducaale
9.       Aadan Axmed Jaamac
10.   Rashiid Ibraahim Ciise
11.   C/lahi carab ismaaciil
12.   C/lahi Xaaji Aadan
13.   Shidde Xaaji Diiriye
14.   Dubad Jaamac Cilmi
15.   Jaamac Daahir Hirad
16.   Sabowanaag Trading
17.   Maxamuud Axmed Maxamed
18.   Saalax Xuseen xasan
19.   Maxamuud Muuse Cumar
20.   Maxamed ismaaciil.
Oodweynenews.com, Hargeysa Office
 

Jaaliyada Puntland ee Qadar “Hambalyo Soomaalaay

$
0
0

Warqad Katimid: jaaliyadda PL eek u dhaqan waddanka QATAR
Ku: dhammaan shacabka soomaaliyeed meel ay joogaanba
Ku: dhammaan shacabka puntland
Ku: dawlad goboleedka PL.
Ujeeddo hambalyo iyo Bogaadin.

Rag isku calool ahi ceelna waa biyeeyaan colna waa celiyaan , isku duubnida iyo is walaaleysiga shacabka soomaliyeed guud ahaan ma,ahayn wax cir ka soo dhac ah ee wuxuu ahaa maamuus uu hidda ulahaa dadkeennu intii aysan gabraaratadu fool xumayn hidahaas qiimaha lahaa , hasa yeeshee gabbalkooda sii dhacaya & hanuunsanaanta bulshada soomaaliyeed eeku dhaqan PL ma ahayn wax dhayal ah laakin waxay mar walba ahaayeen kayd rabi u qorsheeyay shacabka soomaaliyeed in ay hoygaas colaad iyo cayrba ilaah kaga nabad geliyo.
Waa mahad ilaah in manta maamulka PL uu u gudbay galayna marxalad aan 30kii sano ee dawladuhu shaqaynayeen aysan gaarin, arrintaan oo tusaale u ah dadka soomaaliyeed intooda wanaagga jecel waxayna dhabarjab ku tahay gabraaratada iyo booli quutayaasha laga daahay  khayraadka dhulkooda nooc walbaba ha ahaadee , dhinaca kale waxaa hambalyo aan lasoo koobi Karin aan halkaan uga jeedinaynaa dhallin yaradii hawshaan u xaydatay oo wakhtigoodii iyo maalkoodiiba u huray guushaan soomaaliya usoo hoyatay oo haddii aysan ayagu udhaqaaqin aan marna suura gasheen, waxaa kale oo ammaan mudan xoogagga ammaanka PL oo ayagu intaa la harjadaya adkaynta nabad gelyada gobolka oo haddii aysan nabaddaani jidheen aysan  suurtoobi lahayn  horumarka dhaqan dhaqaale ee ay manta bulshadu ku naalloonayso,waxaan kale oo aan halkaan ka hambalyaynaynaa gabdhaha PL oo ayagu ah astaanta sharafta iyo
karaamada soomaaliyeed ad adaygga iyo waxtarkuna waa sababta mudnaanta koowaad siisay badbaadada dhallaanka PL oo la orankaro waa dhallaanka kaliya ee soomaali manta isku hallayn karto , waxay
kaloo ahaayeen gabdheheennu kuwa dhowrsoonaa dhaqankooda ilaaliyay isla markaana dhisay bulsha caafimaad qabta, hadaysan gobolkaan jiri lahayn bulsha caafimaad qabtana aysan suura gal ahaateen in wax horu  mar ah lagaaro, waxaa kale oo aan halkaan ka hambalyaynaynaa dhammaan qaybaha kale ee bulshada gaar ahaan culumaa, diinka , shaqaalaha , macalimiinta, ganacsatada iwm.
Waxaana ilaahay ka baryaynaa inuu noo gargaaro oo na samata bixiyo.


Baarlamaanka Soomaaliland oo kulmi wayay Qaad awgiis

$
0
0

Hargeysa(Pi) Xili uu maamulka Hargesya ku jiro marxalad adag oo ku saabsan midnimadooda oo qarka usaaran burbur iyo gobolada maamul goboleedyada ku dhawaaqay, Dagaal ay ku hayaan gobolada kasii baxaya maamulka ayaa marna la isu keeni waayay Xildhibaanada Somaliland qaad ay cuneen awgiis.
bishaan gudeheeda ayaa laba jeer waxaa baaqday kulan looga arinsan lahaa xaalada Deegaanka ka dib markii aysoo xaadireen in ka yar 15 xildhibaan, tiadaasoo ka hooseysa tirada shiri karta sida sharcigoodu dhigayo, maqanaanshaha Xildhibaanad ayaa sababta uguwayn noqotay Qaad(Jaad) ay maalin kasta cunaan oo usaamixi waayay inay shaqadooda gutaan.
“Mid kamid ah Xildhibaanada oo la waraystay ayaa sheegey in Xildhibaanadu shaqadoodii gabeen xili dalku ku jiro Dagaal iyo kala qaybsanaan mana ahan wax loo dulqaadan karo, waa sida uu hadalka u yiriye” .
Dhinaca kale waxaa maqnaansaha Xildhibaanada iyo inay iska qayilaan sabab looga dhigay Maamulka talada haya oo ay ku tilmaameen mid kaligii tashade ah oo aan wax talo ah ka maqlayn Xildhibaanada.
Labadii kulan ee u dambeeyay ee la doonayay inay Xildhibaanada Somaliland yeeshaan ayaa ajandaha horyaala ahaa sidii laga yeelilahaa Gobolada sheegtey inay ka baxeen Maamulka Hargeysa kuna biireen Soomaaliweyn.
Puntlandi.com
Hargeysa

Shirkii Villa Somalia iyo bayaankii xasasiga ahaa ee laga soo saaray “Warbixinta oo dhan aqriso”

$
0
0

Kullan ka dhacay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya uuna shir gudoominayay Madaxweynaha Dowladda KMG Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa diirada lagu saaray dadka sida sharci daradda ah ku heysta hantida Qaranka Soomaaliya.
Kulankaan ayaa daba socday kulan hore oo la xiriiray isla arintaan, kaas oo madaxdi kasoo qeyb gashay looga fadhiyay in ay soo jeediyeen talooyin wax ku ool ah oo ku aadan sidi wax looga qaban lahaa arintaan.
Arinta baneynta xarumaha dowladda waxaan dedejiyay fulinta dhismaha iyo dayactirka 94 goobo waxbaasho oo walaalaha Turkiya maalgelinayaan.
Dood dheer ka dib, waxaa la go’aamiyay qodobadda soo socda:
1.In ogeysiis kama danbeyn ah la siiyo dadka degan xarumaha dowladda, kaas oo ka bilaabanaya maanta oo taariikhdu tahay Janaayo 25, 2012 kuna eg Febraayo 5, 2012.
2.In cid kasta oo ku baneysa waqtiga loo qabtay loo fidiyo cafis, taasoo macnaheedu yahay in aan loo raacan wax danbi ah mudadi uu sharci darada ku heystay hantida dowladda.
3.In cid kasta oo ka dhega adeygta go’aankaan, iskuna dayda in ay sii heysato xarun dowladdeed marki la gaaro waqtiga loo qabtay xoog looga saaro, lana hor keeno sharciga si looga qaado xaquuqdi kirada ee dhamaan mudadi uu sharci darada ku deganaa.
Madaxda kasoo qeyb gashay kulanka:
1. Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG Soomaaliya
2. Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya
3. Gudoomiyaha Baarlamaanka
4. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir
5. Gudoomiyayaasha Degmooyinaka Gobolka Banaadir
6. Taliyayaasha Ciidanka Xooga Dalka

Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika oo maanta la kulmay Madaxda Dowladda+Sawirro

$
0
0

Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Jerry Rowlings oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Madaxda ugu sareysa Dowladda Soomaaliya.
Kulankan oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada ayaa Madaxweyne Shariif si gaar ah u qaabilay Madaxweynihii hore Ghana Jerry Rowlings, balse hada ah Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika Soomaaliya u qaabilsan.

Shir jaraa’id oo si wada jir ah u qabteen kadib kulankooda oo ay ku sheegeen inay kaga hadleen is bedelada dhinaca ammaanka ee ka jira Muqdisho ayaa Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu ka mahad celiyay booqashada JJ Rowlings.
Madaxweyne Shariif ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in booqashada Ergeyga Midowga Afrika ay soo noq-noqoshadiisa Caasimada Muqdisho noqoto mid joogto ah.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in JJ Rowlings uu degi doono si la mid ah Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Agoustine Mahiga uu Muqdisho u soo guuri doono.
Madaxweynihii hore Ghana Jerry John Rowlings ayaa isna ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Muqdisho uu dib ugu soo laabto, waxaana uu sheegay in markii uu ka soo degay garoonka inuu arkay dad badan oo Magaalada Muqdisho ku soo laabanaya, iyo dadka oo si nabad ku maraya wadooyinka.

“Waan ku faraxsanahay inaan Muqdisho ku soo laabto, waxaan ku arkay garoonka dadka ku soo laabanaya Muqdisho, wadooyinka waxaa ku arkay dadka iyo gaadiidka oo si nabdoon ku maraya, waxay taas ka dhalatay dadaalka ay ammaanka ku adkeeyeen Ciidamada TFG iyo AMISOM”ayuu yiri JJ Rowlings.
Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Jerry Rowlings ayaa markii labaad ah oo uu Muqdisho yimaado, sanadkii hore ayay aheyd markii uu Muqdisho yimid, xilli abaaro iyo macluul adag ka jireen Gobolada dalka, inkastoo Hey’adaha Caalamiga ay soo sheegayaan in xaalada ay iminka ka soo reyneyso.
Maalintii shalay ayay aheyd markii Qaramada Midoobey si rasmi ah Xafiiskeeda Soomaaliya ugu furatay 17-sano kadib, waxayna taas bilow u noqotay in Hey’adaha Caalamiga iyo Diblomaasiyiinta inay ku dhiiradaan in Soomaaliya ku soo laabtaan.



Manal al-Sherif who defied Saudi motoring ban dies in fatal road accident

$
0
0

Another was hurt in the crash in the only country in the world where females are banned from getting behind the wheel.
A police spokesman said that one of the women was killed instantly but the other had to go to hospital to be treated for her injuries.
They were in a four-wheel drive on Saturday evening in the northern Hael province when the accident happened.
‘One woman was immediately killed and her companion who was driving the car was hospitalised after she suffered several injuries’ police spokesman Abdulaziz al-Zunaidi told AFP.
Their deaths come after they joined a growing number of women who have defied the ban since a high-profile campaign by a 32-year-old computer security consultant.
Manal al-Sherif was arrested and detained for 10 days in May after posting a video of herself on YouTube as she drover around Khobar, a city to the east of the country.
There has been a rise in women drivers since Manal al Sherif (pictured) was arrested and held for 10 days in May last year
al-Sherif and a group of other women started a Facebook page called ‘Teach me how to drive so I can protect myself,’ which urged authorities to lift the driving ban.
Several other Saudi women went on to film themselves behind the wheel of a car in the days after al-Sherif’s detention.
Women struggle to get around in Saudi Arabia, and it isn’t just a result of the driving ban.
Taxis can be sparse and some men refuse to drive a woman without a chaperone – usually their husband or a close male relative.
One of the arguments that was thrown out by officials was that it was illegal for women to possess a driving license but not for them to drive.
In September, a woman in Jeddah named Shayma Jastaniah was found guilty of driving through the streets.
She was sentenced to 10 lashes as a result of the charges despite holding an international driving license. Source:dailymail.

Sida loo soo Furtay Labada Samafale

$
0
0

Ciidamada badda mareykanka ee sida gaarka ah u tababaran ee la yirahdo Navy seals ayaa saakay soo weerar ku soo furtay, laba samafale oo lagu heystay bartamaha Soomaaliya

Buchanan iyo  Thisted ayaa u shaqeynayay hay’adda laga leeyahay Denmark oo  ka shaqeysa miina saarista, iyo nadiifinta waxyaabaha qarxa ee goobaha colaada ee Qaaradda Africa iyo Bariga dhexe, hay;adaas oooo marka magaceeda la soo gaabiyo la yirahdo DDG

Warbixin ku saabsan qaabka loo soo furtay qeybta hoose ee qoraalkan ka dhageyso.

Warbixin: Soo Furashadii Samafalayaasha

$
0
0

Ciidamada badda mareykanka ee sida gaarka ah u tababaran ee la yirahdo Navy seals ayaa saakay soo weerar ku soo furtay, laba samafale oo lagu heystay bartamaha Soomaaliya
Buchanan iyo  Thisted ayaa u shaqeynayay hay’adda laga leeyahay Denmark oo  ka shaqeysa miina saarista, iyo nadiifinta waxyaabaha qarxa ee goobaha colaada ee Qaaradda Africa iyo Bariga dhexe, hay;adaas oooo marka magaceeda la soo gaabiyo la yirahdo DDG
Warbixin ku saabsan qaabka loo soo furtay qeybta hoose ee qoraalkan ka dhageyso.
 

War Saxaafadeed: DKMG oo Sheegtay in Xoog Loo Adeegsan Doono Cid Kasta oo Isku Dayda inay Heysato Hantida Dawlada

$
0
0

Kulanka guddiga gaarka ee katalabixinta fulinta mashaariicda horumarintaMuqdisho (RBC) War saxaafadeed caawa ka soo baxay guddi gaar ah oo dhowaan DKMG Soomaaliya u saartay qiimeynta fulinta mashaariicda horumarinta ee Muqdisho laga wado ayaa lagu sheegay in mudo u dhexeysa 25-ka Janaayo illaa 5-ta Febraayo loo qabto dhamaan dadka heysta hantida dawlada ee dhulalka iyo guryaha.
War saxaafadeedka ayaa sheegay in wixii ka dambeeya mudadaasi xoog loo adeegsan doono cid kasta oo isku dayda inay xoog ku sii heydato guryaha iyo dhulalka qaranka ee loogu talagalay danta guud isla markaana maxkamad la saari doono.
War saxaafadeedka oo nuqul ka mid ah loo soo diray Raxanreeb ayaa u dhignaa sidatan:
WAR SAXAAFADEED
Muqdisho (25 Jan 2012) Kulan ka dhacay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya uuna shir gudoominayay Madaxweynaha Dowladda KMG Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa diirada lagu saaray dadka sida sharci daradda ah ku heysta hantida Qaranka Soomaaliya.
Kulankaan ayaa daba socday kulan hore oo la xiriiray isla arintaan,kaas oo madaxdi kasoo qeyb gashay looga fadhiyay in ay soo jeediyeen talooyin wax ku ool ah oo ku aadan sidi wax looga qaban lahaa arintaan.
Arinta baneynta xarumaha dowladda waxaan dedejiyay fulinta dhismaha iyo dayactirka 94 goobo waxbaasho oo walaalaha Turkiya maalgelinayaan.
Dood dheer ka dib, waxaa la go’aamiyay qodobadda soo socda:
1.In ogeysiis kama danbeyn ah la siiyo dadka degan xarumaha dowladda, kaas oo ka bilaabanaya maanta oo taariikhdu tahay Janaayo 25, 2012 kuna eg Febraayo 5, 2012.
2.In cid kasta oo ku baneysa waqtiga loo qabtay loo fidiyo cafis, taasoo macnaheedu yahay in aan loo raacan wax danbi ah mudadi uu sharci darada ku heystay hantida dowladda.
3.In cid kasta oo ka dhega adeygta go’aankaan, iskuna dayda in ay sii heysato xarun dowladdeed marki la gaaro waqtiga loo qabtay xoog looga saaro, lana hor keeno sharciga si looga qaado xaquuqdi kirada ee dhamaan mudadi uu sharci darada ku deganaa.
Madaxda kasoo qeyb gashay kulanka:
1.Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG Soomaaliya
2.Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya
3.Gudoomiyaha Baarlamaanka
4.Gudoomiyaha Gobolka Banaadir
5.Gudoomiyayaasha Degmooyinaka Gobolka Banaadir
6.Taliyayaasha Ciidanka Xooga Dalka
DHAMAAD


DEG DEG:-Dabkii Suuqa Xamarweyne Oo Lagu Guuleystay In La Demiyo

$
0
0

Waxaa hada lagu guuleystay in la demiyo dab xoogan oo maqribnimadii caawa ka kacay suuqa degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir ayadoo dabkaasina mudadii uu socday geystay qasaare burbur hantiyadeed.
Dabka oo markiisii hore ka bilowday qeybta qudaarta lagu iibiyo ee suuqa degmada Xamarweyne islamarkaana ku fiday qeybo kale oo isla suuqa Xamarweyne ka tirsan ayaa waxaa u gurmaday gaadiid dab damis ay oo ay leeyihiin Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee Amisom kuwaasi oo iyagu ugu dambeyntii ku guuleystay in dabka la demiyo.
Wariye Ismaaciil Muqtaar Cumar Oranjo oo ka mid ah wariyeyaal ka socda Warbaahinta Qaranka oo ku sugan Suuqa ayaa soo sheegaya in hada gebi ahaanba dabkii la demiyey oo suuqa uusan wax dab ah ka jirin.
Lama oga halka uu gaarsiisanyahay qasaaraha dhabta ah ee dabkan fiidkii caawa ka kacay qeybta qudaarta ee suuqa degmada Xamarweyne waloow uu jiro qasaare hantiyadeed kaasi oo ka dhashay goobo dhowr ah oo dabku uu baabi’iyey.
WIXII WAR AH EE KUSOO KORDHA HAKA FOGAAN RADIOMUQDISHO.NET
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                            +442035190460
USA & CANADA                         +17124327760
 

Libya: 15 Mayd oo Soomaali ah oo la Helay

$
0
0

Magaalada Misrata ee dalka Libya waxaa la keenay 15 mid ah maydad Soomaali ah oo baddu soo tuftay, kuwaaso saaraa dooni la la’aa oo ka baxday dalka Libya kuna sii jeeday dalka Talyaaniga.

15 ka mid ah maydadka la helay ayaa 12 ka mid ah ay ahaayeen haween, waxaa ku jirtay gabadh yar iyo 2 rag ah.

Qeybtan hoose ka dhageyso wareysi ay VOA la yeelatay safiirka Soomaalida ee Libya, C/qani Wacays oo goor dhaweyd soo aasay maydadkaasi.

Dhaqanka iyo Hiddaha:(Murtida Guur Doonka) (Q-94aad)

$
0
0

Barnaamijka Dhaqanka iyo Hidaha ee maantu waxa uu ku saabsan Qaar ka mid ah murtidii ay raggii hore ee Soomaalidu isticmaali jireen markii xaajo guur ay u qalab qaataan.

WAR DEG DEG: Dab xoogan oo caawa fiidkii ka kacay Suuqa degmada Xamar weyne

$
0
0

Dab xoogan ayaa goor dhow ka kacay Suuqa degmada Xamar Weyne oo ka mid ahj suuqyada ugu camirsan suuqyada Muqdisho, iyadoo dabka uu xilligan yahay mid xowli u socda oo ku fidayo qeybo hor leh oo suuqa ka mid ah.
Ciidamo ka tirsan Booliska ayaa hada isku gadaamay suuqa, iyagoo celinaya dad fara badan oo ku soo xoomay, waxaana hada socda gurmad aan sidaa u buurneyn.
Lama oga waxa sababay dabka, hase ahaatee waxaa uu ku soo aaday iyadoo xilli habeenimo ah suuqana la xiran wixii ka dambeeyay salaadii maqrib
Gudoomiyaha degmada Xamar Weyne C/llaahi Sahal Gardhuub ayaa sheegay in dabka uu markii hore ka kacay qeybta Qudaarta, isla markaana haatan uu yahay mid ku sii fidayo.
“Dabka hada waxaa uu ka kacay suuqa qudaarta, waxaa uu ku sii socdaa qeybta maacuunta iyo dharka, waxaan codsaneynaa in nagala soo gaaro, hadii ahaan laheydn AMISOM iyo Maamulka Gobolka”ayuu yiri C/llaahi Sahal Gardhuub.
Xilligan oo saacada Muqdisho tahay 7-da Fiidnimo ayaa dabka yahay mid xowli ku sii socda, iyadoo dabley ama xafar socotana ay sababeyso in dabka sii fido oo qeybo hor leh gaaro.
Suuqa Xamar weyne ayaa soo camirmayay labadii sano ee u dambeeyay markii Suuqa Bakaaraha uu ku xirmay dagaaladii ka dhacayay Caasimada, inkastoo hada uu tartiib tartiib u soo camirmayo.
Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Madaxweyne Shariif: “Dowladaha Caalamka haka furtaan safaaradahooda Soomaaliya”

$
0
0

Muqdisho Arbaco 25 January 2012 (SONNA) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay munaasabad shalay xariga looga jaraayay xafiiska Qaramada Midoobay uqaabilsan Arrimaha Soomaaliya UNPOS ayaa shaaca ka qaaday in dowladaha caalamka looga baahan yahay in dalka ay dib uga furtaan safaaradahii ay ku lahaayeen, si loo xajiyo xiriirka siyaasadeed ee Soomaaliya kala dhexeeya dalalka caalamka.
 
Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu sheegay in hada Soomaaliya ay ka jirto fursad nabadeed iyo mid hormar, islamarkana loo baahanyahay in dowladaha caalamka ay shacabka Soomaaliyeed ku dhiiriyaan in dalkooda uu la mid yahay dalalka kale ee horumarada nabadeed ku talaabsanaayo.
 
Madaxweynaha ayaa sidoo kale u mahad celiyay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo dadaal dheer u galay nabad ku soo dabaalida Soomaaliya islamarkaana suurta galiyay in Soomaaliya ay yimaadaan madax sar sare oonan horay Soomaaliya u imaanin. Waxa uuna ku booriyay in ay labo jibaaraan dadaalada ay dalka ugu jiraan.
 
17 sano kadib ayaa waxaa suurto gashay in Soomaaliya dib looga furo xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya taa oo cadeyn u ah in Soomaaliya ay haatan ka jirto nabad la’isku haleyn karo, maadaama dalka lagu arkay ifafaalo nabadeed oo aad u bilicsan.
 
Source: SONNA
u kaca ah ee loo yaqaan Helicopter’s ayaa waxa ay howlgal ka fuliyeen qaybo ka mid ah Gobollada dhexe ee dalka halkaasi oo ah goobta lagu haystay labadaasi muwaadin, waxaana howlgalkaasi lagu dilay 9-ka tirsan burcad badeedii afduubka u haysatay labadaasu qof, iyadoo ay sidoo kale jiraan tiro ka tirsan burcad badeedda oo nolosha lagu qabtay.
 
 
Labada qof ee ay ciidamada kumandooska Maraykanka ah badbaadiyeen oo lagu kala magacaabo Jessica Buchanan, oo ah  haweeneyda Maraykanka u dhalatay da’deeduna lagu qiyaasay 32, jir iyo  Dane Poul Thisted, 60 jir ah islamarkaana u dhashay dalka Denmark ayaa waxaa la gaarsiiyay xarun  Militari oo ay Maraykanku ku leeyihiin dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasi oo baaritaan lagu sameynayo xaaladdooda Caafimaad, iyadoo labadaasi qof la afduubtay 25-kii bishii October ee sanadkii tegay.
 
Source: SONNA
 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live