Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Hogaamiyaha Dhaqdhaqaaqa Xamaas Khaalid Mishcal Oo Kulan Taariikhi Ah La Yeeshay Boqorka Jordon

0
0

Camaan (OWN) –  Hogaamiyaha Ururka Dhaqdhaqaaqa Xoraynta Falastiin ee Xamaas Khaalid Mishcal ayaa booqasho taariikhi ah ku tagay Wadanka Jordon kulana la yeeshay Boqorka dalkaasi.
Khaalid Mishcal oo ay wadankaasi Jordan ugu dambaysay sanadii 1999kii wakhtigaasi oo ay dawlada Jordon ka mastaafirsay wadenkeeda ayaa maanta soo gaadhay Magaalada Oman.
Hogaamiyaha Xamaas ayaa ay wada socdeen Amiir  dhaxal sugaha Taashka Boqortooyada wadanka Qadar Sheekh Tamim bin Hamad al-Thani oo in dhaweynd ba ku hawlanaa hagaajinta xidhiidha Boqortooyada Jordan iyo Dhaqaqaaqa Islaamiyiinta reer Falastiin ee Xamaas.
Warar ayaa waxa ay intaasi ku darayaan inay Boqorka Jordan Amir Cabdala Binu Xuseen uu kulan la yeeshay Waftiga Xamaas ee uu hogaaminayey Mr. Mishcal oo ay ka mid ahaayeen shan sarkaal oo ka tirsan Madaxda ururka xamaas kuwaas oo saldhigoodu yahay Magaalada Dimishiq ee Wadanka rabshaduhu ka taagan yihiin ee Suuriya.
waxana wada hadaladaasi goob joog ka ahaa Amiir  dhaxal sugaha Boqortooyada wadanka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad oo dhex dhexaadinayey labad dhinac.
Khaalid Mishcal oo isagu haysta dhalashada wadanka Jordan ayaa ku dhashay dhulkii ay Jordon maamuli jirtay ee daanta Galbeed sanadii 1956kii, waxa isaga iyo qoyskiisu ay ku noolaayeen halkaas  ilaa ay ka gaadhaysay sanadii 1967kii wakhrigaasi oo ay Dawlada Israa’iil qabsatay dhulka Daanta galbeed.
Xidhiidhka Jordan iyo Xamaas ayaa joogsaday Guud ahaaba sanadii 1999kii wakhtigaasi oo ay Jordan wadankeeda ka mastaafurisay Sadex hogaamiye oo  xamaas ah oo uu Mical ku jiray kuna eedaysay inay khalkhal galiyeen amaankeeda.
 
Saddam Maxmed Axmed
Oodweynenews.com/HargeysaOffice2
Sadam151@hotmail.com

Madaxweyne Shariif oo Cambaareeyey Dilka Weriye Xasan Fantastic

0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si weyn u dhalleeceyey dilkii weriye Xasan Cusmaan Cabdi “Fantastic” oo shalay lagu dilay magaalada Muqdishu.

War saxaafadeed kasoo baxay Xfaiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in madaxwyenuhu uu aad uga murugooday dilka macno-darrada ah ee weriyaha. Madaxweynuhu waxa uu dilkaais ku tilmaamay Masiibo  daran, waxaana uu tacsi u diray ehelada weriyaha iyo saxaafada.

Madaxweynaha aya augu baaqay shacabka inay hay’’daha ku shaqada leh ka caawiyaan sidii kiiskan loo baadhi lahaa ayna iska ilalaiyana kuwa liddiga ku ah nabadda iyo xasilloonida waddanka.

Madaxweynuhu waxa uu shegay in dawladdu ay dib u eego doonto tallaabooyinka dhinaca nabadgelyada si loo ilalaiyo muwaadiniinta gaar ahana kuwa ku hawlan danaha bulshada.

Weriye Xasan Cusmaan Cabdi ayaa maanta lagu aasay magaalada Muqdishu, waxaana sidoo kale dilkiisa cambaareeyey hay’adaha u dooda xuquuqda suxufiyiinta.

Warbixinta aaska weriya waxaa Muqdishu nooga soo diray Xasan Kaafi Qoyste.

Waa sidee xaaladda Beledweyne

0
0

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa magaalada Beledwayne ka jiray xiisad iyo meelaha qaar ammaan darro.

Boqor Raabbi “Haddaannu nahay Beesha Garxajis waxaannu gogol-nabadeed u fidinaynaa Madax-dhaqmeedka Buuhoodle..”

0
0

Hargeysa(RBC):-  Boqor Raabbi Yuusuf Cabdillaahi iyo Boqor Faysal Cismaan Faarax oo ka mid ah Madaxda dhaqanka ee Beelaha Somaliland, ayaa sheegay inay gogol-nabadeed u fidinayaan Garaaddada, Isimmada iyo Culimada iyo Cuqaasha Beesha deegaannada colaaddu ka aloosan tahay ee Buuhoodle.
Boqor Raabbi iyo Boqor Faysal oo maanta si wada-jir ah shir jaraa’id ugu qabtay Huteel Xaraf ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay ku baaqayaan in dagaalka la joojiyo, isla markaana la isugu yimaaddo gogol nabadeed oo ay iyagu dhigayaan.
“Annagu waxaannu baaq u diraynaa afar qaybood oo kala ah Garaaddada,Cuqaasha,Isimmada iyo Culimada Beesha Dhulbahante waxaanu leenahay haddaanu nahay Madax-dhaqmeedka Beelaha Garxaajis, waxaannu idiin fidinaynaa baaq-nabadeed, waxaannu laanahay walaallayaal Biyaha Cirka ka soo dhacana waan wada cabnaa Baadka Dhulka kasoo baxana waan wada cunnaa, o isku deegaan iyo isku dad baynu nahay mana kala maaranno ee baaqaa nabadda naga aqbala oo nala soo fadhiista geedka nabada.” Sidaa ayuu yidhi Boqor Faysal Faarax oo ugu horreyn shirkaa jaraa’id hadal ka jeediyay.
Sidoo kale, waxa isaguna shirkaa jaraa’id ka hadlay Boqor Raabbi Yuusuf Cabdillaahi, waxaanu yidhi; “Baaqayagani maaha mid cidi nagu weheliso ama ay Xukuumadi gacan ku leedahay ee waa baaq nabadeed oo aannu isku xilqaannay in dhiigaa daadanaya la baajiyo. Waxaannu baaq u jeedineynaa haddaannu nahay Boqorrada Beelaha Garxaajis, Madaxdhaqmeedyada Beesha Dhulbahante, waxaanu leenahay waxaynu nahay dad walaalo ah ,ehel ah oo aan kala maarmayn, maanta dan innooma aha dhiig daataa, cid khasab cid ku qaban kartaana ma jirto.”
Boqor Raabbi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi; “Markaa, walaallayaal Madax-dhaqmeed ahaan arrintaa ayaannu idinka codsanayaa in aad  geedka hoostiisa noogu timaaddaan  oo aynu ka tashanno aayeheenna, dagaal Wiil baa ku dhinta ee Wiil kuma dhasho, walaallayaal. Waxaannu idinku baaqaynaa gogol-nabadeed oo aynu isugu nimaadno oo aynu ku wada tashanno, dagaalkana in la joojiyo ayaannu Somaliland iyo Beesha Buuhoodle-ba ugu baaqaynaa.”
RBC Radio
Xafiiska Wararka ee Hargeysa.

Itoobiya oo daaqada ka saartay Maamulka Dooxada Shabelle iyo Ahlu Sunada

0
0

Dowladda Itoobiya oo horey u sheegtay inay taageersan tahay oo qura Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, ayaa waxay si lama fillaan ah ay uga soo horjeedsatay Maamulka Dooxada Shabelle iyo Ahlu Sunada Gobolka Hiiraan.
Xilli Magaaladda Baladweyne ay gacan ku heynteeda isu hayaan dhinacyo kala duwan, ayay Dowladda Itoobiya si cad uga hadashay mowqifkeeda ku aadan, arinta Magaaladda Baladweyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan, ka gadaal markii ay ka saartay Xoogaga Shabaab.
Taliyaha Guud ee Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Itoobiya ee hawl-gallada Magaaladda Baladweyne u Qaabilsan Korneel Casarta, oo shalay warbaahinta kula hadlay Magaaladda Baladweyne, ayaa wuxuu tilmaamay inaysan aqoonsaneyn Maamulka Dooxada Shabelle iyo Ahlu Sunada Gobolka Hiiraan.
Taliyaha ayaa wuxuu sheegay in Dowladda Itoobiya ay aqoonsan tahay oo qura Dowladda Kmg ah ee Somaliya, ayna taageeri doonto Maamulka Isniinta maanta ah looga dhawaaqi doono Magaaladda Baladweyne, isla-markaana wuxuu sheegay inay la-shaqeyn doonaan.
Korneel Casarta ayaa wuxuu tibaaxay inaysan suurta-gal ahayn in xilligaan ay wada-shaqeyn yeeshaan Maamulka Dooxada Shabelle iyo Ahlu Sunada Gobolka Hiiraan, xilli ay meesha joogto buu yiri Dowladda Kmg ah.
Sidoo kale wuxuu sheegay haddii Isniinta maanta ah maamul looga dhawaaqo Magaaladda Baladweyne, uu micnaheedu yahay inaysan meesha ka sii shaqeyn doonin wax la-yiraahdo Dooxada Shabelle iyo Ahlu Sunna, sida uu yiri.
Shalay galab ayay ahayd, markii Madaxweynaha Maamulka Dooxada Shabelle uu si kulul uu uga soo horjeestay Wasiiro iy Xildhibaano ka socda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ee ku sugan Magaaladda Baladweyne, isagoo markaasi sheegay inay faraha la-galleen shaqo aysan awood u laheyn amaba soda uu yiri aan loo-dirsan.

Mitchell” World Must Address Failure In Somalia

0
0

30th January 2012
MITCHELL: WORLD MUST ADDRESS FAILURE IN SOMALIA
More must be done to tackle the underlying causes of instability in Somalia if years of devastating decline are to be reversed, Andrew Mitchell warned, following a visit to two separate parts of the country: Gedo and Puntland.
Mr Mitchell said efforts aimed at gripping the issue had failed over the last two decades and a new, stronger international approach must be agreed at a high-level conference in London next month if the world is to tackle both the root causes and effects of the problems the country faces.
Britain will increase its own aid efforts focused on the underlying issues affecting the region over the next three years as part of its ongoing aid programme, including more police training, a tougher judicial system and jobs for young men.
Aid projects focussed on resolving local conflicts and strengthening the police are expected to double next year with more done to make district authorities more accountable and able to deliver basic services.
Alongside this, support for job creation and economic development will also double, creating 45,000 jobs across Somalia by 2015. Unemployment and extreme poverty are believed to play a key part in young men turning to piracy, crime and extremism.
During his visit to Puntland Mr Mitchell announced new British support for health services, which will benefit over 100,000 women and children, and for weapons management that will see more weapons taken off the streets by enabling police stations to store them securely.
The International Development Secretary also met with police trainers, local leaders and market traders and health workers, to hear about conditions on the ground and see how targeted aid can improve stability in more secure areas. Britain hopes that building on progress in Mogadishu and the more peaceful areas could help stability across the whole country.
Britain’s aid work is part of a wider international push to address Somalia’s long-standing decline, with representatives from over 40 countries and agencies scheduled to meet in London next month to discuss issues such as the ongoing famine, piracy and terrorism.
Many thousands of Somalis have been devastated by famine and not enough is being invested in Somalia’s future. Somalia’s inability to cope with and recover from the recent drought is considered a key symptom of a failed state.
During a visit to Gedo, Mr Mitchell warned that millions of Somalis remain in need and hundreds of thousands risk being dragged back into famine during the coming year if aid flows don’t continue or if there is another shock.
The International Development Secretary announced a new aid package for Somalia for 2012, supplying food, medicine and farming support to over one million people.
Current UN estimates show that the regions that only recently came out of famine, Bay, Bakool and Lower Shabelle, remain on a knife-edge and could slip back this year.
International Development Secretary, Andrew Mitchell, said:
“”The recent famine has devastated much of south Somalia, with hundreds of thousands still struggling to recover and many more stuck in camps across the region. Britain helped people through the toughest times last year and we will continue do so in the year ahead, providing food, medicine or seeds to more than one million people.
“The famine was caused by a terrible drought, high food prices and insecurity – conditions made much worse by the fact Somalia is a failed state. Famine, piracy, terrorism – these are all symptoms of years of breakdown.”
“It is crucial that we tackle head on the underlying causes of these problems. That is why Britain is spearheading a new international effort but we need others to play their part.
“We want to secure a new, stronger international approach in London next month, to break this cycle of decline and offer ordinary Somalis hope of a better future.”
Background:
· Mr Mitchell visited Doolow, in Gedo, southern Somalia on Saturday 28 January and saw how UK aid is supporting people affected by drought. On Monday 30 January he visited Garowe, in Puntland, to see how UK aid is helping to build towards a more secure Somalia.
· Britain will supply a further £55m in humanitarian aid in 2012, including food, water, medicine and agriculture support. The funding, through trusted UN and international non-governmental partners, will ensure that 100,000: acutely malnourished children and women are treated; 100,000: people are reached with food assistance for three months; 1 million: people are given access to clean water or health care; 100,000: people benefit from seeds and fertilisers or cash for work.
· £20m will be targeted at improving health care services for women and children across Somalia, which will be ready to address health and nutrition problems at times of crisis.
Mr. Mitchell also announced new UK funding for the Mines Action Group, whose work demolishing dangerous explosives and ammunition from past conflicts he observed whilst in Garowe.
· The Somalia conference will take place at Lancaster House on 23rd February 2012. The Prime Minister is inviting senior representatives from over 40 countries and international organisations. The conference aims to agree a series of practical measures to support Somalia in seven areas: Security, Political Process, Counter-Terrorism, Piracy, Local Stability, Humanitarian and International Co-ordination.
DFID’s aid programme aims to promote longer-term stability, and to directly improve the lives of poor Somalis. The programme has four pillars: a) governance and peace- building; b) wealth and job creation; c) health care, particularly for women and children, and d) humanitarian assistance. By working in these areas, we aim both to address the humanitarian effects of the conflict and to consolidate local areas of stability by helping local communities to take control of their own affairs, creating jobs, and improving access to women’s and children’s health and reproductive care. We will also promote government that is more broadly accepted, by helping the Somali authorities at all levels to be credible alternatives to militias, building on widely accepted local government structures and ways of resolving disputes.
We initially plan to spend an average of £69 million per year in Somalia until 2015; last year we more than doubled our initial allocation to respond to the urgent humanitarian needs.
British aid is reaching people across the region with more than 2.4 million people receiving food and 1.3 million vaccinated against measles. In Somalia, more than 400,000 doses of anti-malaria medication will be supplied.
Despite thousands of tonnes of aid reaching displaced Somalis and those living in camps, such as Dolo Ado and Dadaab, 250,000 people – many of them children – remain in immediate danger.
More than 250,000 people fled the crisis last year across borders to Kenya and Ethiopia, bringing the total number of Somali refugees in the region to nearly 1 million. The UN estimates that some 1.35 million people are also displaced from their homes within Somalia. The UK estimates that between April and August 2011, between 50,000 and 100,000 Somalis – half of them children – died as a result of the food crisis.
The UN has appealed for $1.5 billion in international aid funding to help people facing severe hunger in the Somalia in 2012
British Office
for Somalia
Upper Hill Road
PO Box 30465-00100
Communications Section
Telephone: (254) (0) 20 2844 000
Direct dial: (254) (0) 20 2844 292
www.ukinsomalia.fco.gov.uk
 
GalGalanews@gmail.com
 
Xildhibaano Taageersana Shariif Xassan oo u goostay Madoobe Nuunow Maxamed

0
0

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka KMG ah kuna fikir ahaa garabka taageersan Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa maanta u goostay garabka kale ee Madoobe Nuunow Maxamed, waxaana lagu soo bandhigay xarunta golaha shacabka.
Xildhibaanadan oo ahaa labo mudane laguna kala magcaabo Xassan Isxaaq Yacquub iyo Nuur Sheekh Xuseen ayaa waxay maanta usoo goosteen dhanka Madoobe Nuunow Maxamed, waxayna xarunta golaha shacabka ka sheegeen in ay kasoo goosteen dhinaca Shariif Xassan Sheekh Aadan.
Mudanayaasha maanta lagu soo bandhigay xarunta golaha shacabka ayaa waxay sheegeen in ay usoo wareegeen dhanka Madoobe Nuunow Maxamed kadib markii ay ogaadeen in Shariif Xassan uu yahay mid aan meesha waxba ku hayn sida ay sheegeen.
Xassan Isxaaq Yacquub iyo Nuur Sheekh Xuseen ayaa ku tilmaamay Shariif Xassan Sheekh Aadan nin aan ku dhaqmin sharciga isla markaana kasoo horjeeda axdiga KMG ah ee Soomaaliya intaasi kadibna ay go’aan ku gaareen in ay usoo wareegeen dhanka Madoobe Nuunow Maxamed.
13-kii bishii December ayey Xildhibaano katirsan Baarlamaanka KMG ah waxay xilkii ka qaadeen Shariif Xassan Sheekh Aadan waxayna Guddoomiye cusub 14-kii bishaan u doorteen Madoobe Nuunow Maxamed.
Lama oga soo goosashada Xildhibaanadaan waxay ka bedeli karto arrinta khilaafka iyo mowqifka ay qabaan Xildhibaanada la safan Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali oo booqasho rasmi ah ku jooga Rome(Halkan Ka Daawo)

0
0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali oo booqasho rasmi ah ku jooga Rome.
Safiirka Soomaaliya Nur Hassan Hussein ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku soo wareejiyey Guryaha iyo Xafiisyada Safaarada oo badankood uu bur-bur ka muuqday una baahan dayactir xoogan.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Safaarada iyo shaqaalaheeda kala qeybgalay Qado Sharaf ay Safaaradu u sameysey Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga la socda.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed kula kulmay Rome ugana warbixiyey xaalada dalka, horumarka baaxadda leh ee laga sameeyey dhanka Amniga, Dib-u-heshiisiinta, Isku xirka Maamulada dalka iyo Dowladda dhexe, Maamul Wanaaga, Dastuurka qabyo qoraalka ah iyo Gar-gaarka Bani’aadanimo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa waqti dheer siiyey Soomaalida oo uu uga jawaabayey su’aalaha ay qabaan, isla markaana dhageysanayey talooyinka ay Jaaliyadda Soomaaliyeed u soo jeediyeen Ra’iisul Wasaaraha iyo Dowladda. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Jaaliyadda Soomaaliyeed dadaalkooda, kana codsaday inay sii laba jibaaraan oo ay kaalin xoog leh ka qaataan dib-u-dhiska dalka.

Haweenay u dhalatay dalka Biriaten oo looga shakisanaa al shabaab oo ka baxsatay booliiska magaalada Mambasa

0
0

Howlgal ay sameeyen  waaxda booliska ee la dagaalanka argagixisada ee magala xeebeeda mombasa ee xarunta gobolka xeebta ayaa fashil ku soo dhamaaday kadib markii haweenay u dhalatay dalka Biriaten oo looga shakisanaa inay taageero dhaqaalo siiso kooxda Alshabaab ay ka baxsatay booliiska oo gurigeeda ugu tagay .
Haweenaydaan oo magaceeda lagu sheegay Ms Natalie Webb ayaa saraakiisha sar sare ee magaala xeebeeda mombasa ee xarunta  gobolka xeebta  waxa ay diideen in ay arintaan ka hadlaan iyaga oo ku tilmaamay in ay tahay arin xasaasi ah oo aan laga warbixin karin waqti xaadirkaan .
Afhayeenka booliiska Eric Karathe ayaa xaqiijiyay in guri haweneydaan oo ay uga shakisanaayeen alshabaab ay booliiska u dhaceen isla markaana ay halkaasi ka soo qabteen rasaas dhan 60 xabo oo ah rasaasta qoriga AK 47-ka hasa yeeshee qofna aysan xirin booliiska.
masuulkaan u hadlay  booliiska ayaa nasiib daro ku tilmaamay baxsiga haweenaydaasi .
Ma cada ilaa iyo iminka qaabka ay ku baxsatay haweenaydaas waxaana socda sida ay sheegeen waaxda la dagaalanka Arbgagixisada baaritaano ku aadan arintaas
Xafiiska  Allsomali24.com
Mombasa-Kenya 
Ahmed Issack Abdi ( Laqaaye)

Andrew Mitchell oo jooga Garowe

0
0

Xoghayaha Kaalmada Dibadda ee Britain ayaa booqasho ku tegey Garowe, oo ka tirsan gobolka Nugaal.

Andrew Mitchell oo jooga Garowe

0
0

Xoghayaha Kaalmada Dibadda ee Britain ayaa booqasho ku tegey Garowe, oo ka tirsan gobolka Nugaal.

Andrew Mitchel oo Puntland Booqday

0
0

Wasiirka Arrimaha Horumarinta Caalamiga ah ee dalka Britain, Andrew Mitchel ayaa ka hadlay horumarinta dhinacyada nolosha ee deegaanada Puntland iyo shirka London.

Wasiirka ayaa waxa weheliyey u qeybsanaha arrimaha Somalia ee dawladda Britain.

Warbixinno arrimahaas la xiriira qeybta hoose ka dhageyso.

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo ku hubeysan Taangiyo oo soo galay Luuq, kuna wajahan Gobolka Bay

0
0

Wararka ka imaanaya Magaalada Luuq ayaa sheegaya in Kumanaan ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo ku hubeysan gaadiidka gaashaaman oo gaaraya sodomeeyo ayaa soo galay degmada Luuq ee Gobolka Gedo.
Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada Itoobiyaanka ayaa ku wajahan Gobolka Bay, iyadoo ku dhowaad 10-taangi ay wadaan Ciidamada, sida ay soo sheegeen dadka deegaanka.
Ciidamadan ayaa ah kuwii ugu badnaa abid ee soo gala Luuq muddo sanado ah, iyadoo Ciidamada u dhamaayeen diyaar garowgooda dagaal, marka loo eego saanada milateri ay wateen.
Kumanaanka ka tirsan Ciidamada Itoobiya ayaa qaarkood ku hakaday inta u dhaxeysa Luuq iyo Doolow, halka badankooda xalay saqdii dhexe ay ka soo gudbeen Buundada Luuq.
Ciidamadan soo galay Gobolka Gedo ayaa la sheegay inay ku wajahan yihiin Gobolka Bay, halkaasoo gacanta ku hayaan Xarakada Al-Shabaab, inkastoo Ciidamada wali aanay gaarin deegaanada Gobolkaas.

Saraakiil ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegay inay ka war hayaan Ciidamada soo galay Luuq, isla markaana ay iska difaaci doonaan.
Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa u sheegay Wakaalada Wararka ee AFP in gaadiidka dagaalka ay wateen Ciidamada Itoobiya gaarayeen in ku dhow 40-baabuur, ayna wehliyeen in ka badan 20-Taangi.
Wasiirka Arrimaha Dibada Itoobiya ayaa dhowaan ka sheegay Magaalada Addis Ababa inay qorsheynayaan inay la wareegaan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, oo ah magaalooyinka istiraatiijiga ee ay gacanta ku hayaan Xarakada Al-Shabaab.
Si kastaba ha ahaatee dhaq dhaqaaqyada milateri ee ka bilowday Gobolada Koofureed ayaa qorshahooda yihiin sidii aagag dagaal oo hor leh Al-Shabaab loogaga furi lahaa, iyadoo Ciidamada Kenya ay ku sugan yihiin qeybo ka mid ah Gobolka Gedo.

Dowladda Kenya oo ciidamo dheeraad ah u soo dirtay Koofurta Soomaaliya

0
0

Dowladda Kenya ayaa ka dhawaajisay in Ciidamo dheeraad ah ay u soo dirtay Koofurta Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah ee ay kula jiraan Xarakada Al-Shabaab, kadib markii bishii October ay Ciidamadeeda ka soo tallaabeen xuduuda.
Wasaarada Gaashaandhiga dalka Kenya ayaa sheegay inay kordhisay Ciidamadeeda kaga sugan Soomaaliya, si ay u qaadaan howl galkii ugu dambeeyay ee lagula dagaalamayo Xarakada Al-Shabaab.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Difaaca Kenya ayaa lagu sheegay in ciidamada dheeraadka loogu tala galay inay xoojiyaan Ciidamada kaga sugan Soomaaliya.
Ciidamadan ayaa ka soo gudbay xuduuda, kuwaasoo la sheegay inay ku biiri doonaan Ciidamada kale ee Kenya kaga sugan Gobolada Jubooyinka iyo Gedo.
Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojin doonaan weerarada cirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab, isal markaana dhowaan qaadi doonto dagaalo ballaaran, si Al-Shabaab uga saareen deegaanada Koofureed
Laakiin Ciidamada Kenya xilligan waxaa ku hor-gudban caqabado kala duwan oo ka mid ah weerarada dhaba galka ah ee Al-Shabaab ku qaadaan, xilliyada sahayda iyo saanada milateri isu gudbinayeen.
Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay ku go’doomeen deegaanadii ay soo galeen, isla markaana uu haatan dagaal ugaga furan yahay gadaashoosa, isagoo cadeeyay inta Ciidamada Kenya gudaha u soo galeen Soomaaliya in la mid ah Ciidamadooda ku sugan yihiin gudaha Kenya.
16-kii Bishii October ayay aheyd markii Kenya ay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, xilligaas oo afduubyo gudaha dalkeeda dabley hubeysan ka geysteen, iyadoo ku eedeysay Al-Shabaab inay ka dambeysay.
 
Shir Ay Leeyihiin Guddiga Isku Dhafka Ah Ee Amniga Dalka Oo Muqdisho Ka Furmay

0
0

Shir ay leeyihiin guddiga isku dhefka ah ee amaanka Soomaaliya ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho iyada oo furitaanka shirkaasina ay ka qeybgaleen Mas’uuliyiin uu ka mid ahaa ku simaha Ra’iisulwasaaraha.
Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay ku simaha R/wasaaraha ahna ahna wasiirka Gaashaandhigga mudane Xuseen Carab Ciise. Taliyayaasha ciidamada, xubno ka ka socday maamullada goboleedyada, ahlusunna,  wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo xubno kale oo ka kala socday Midowga Yurub iyo A.U.
Shirka ayaa looga hadlayaa arimo la xiriira amaanka dalka, iyadoo kulanku uu yahay mid ay albaabadu u xiranyihiin oo saxaafaddu dibadda ka joogto, waxaana la filayaa in kulankan la soo gebagebeeyo galabnimada maanta.
Haddii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                            +442035190460
USA & CANADA                         +17124327760
 
Shil Gaari Oo Qasaare Dhismasho Iyo Dhaawac Geestay Oo Ka Dhacay Duleedka Gaalkacyo

0
0

Gaalkacyo (RBC) Ugu yaraan 10-qof ayaa ku dhintay oo ay ku jiraan carur shil gaari oo maanta oo arbaca ah ka dhacay duleedka magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.
Shilka ayaa yimid markii ay isku dhaceen gaari nooca xamuulka iyo gaari Market Two ah meel dhowr KM u jirtay waqooyiga magaalada Gaalkacyo.
Waxa goobta gaaray masuuliyin uu ku jiro guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland iyo saraakiil kale, kuwaas oo caawinaad siiyay dadkii ku dhaawacmay shilka waxana loola cararay isbitaalka magaalada Gaalkacyo.
Waxaana goobta gaaray gaari wiish markii ay isdhexgaleen labada gaari ee shilka kalay. waxana dadkii dhintay loo soo qaaday isbitaalka oo ay hadda yaalaan.
Ciidamada amaanka ayaa gacanta ku dhigay darawalka waday gaariga inta badan ay ku dhinteen oo ahaa kii xamuulka oo ka yimid gobalada dhexe ee soomaaliya waxana lagu hayaa saldhiga Booliska ee Gaalkacayo halkaas oo su’aalo lagu weydiinayo.
Waa shilkii ugu xumaa ee qasaare intaas la eg dhawaanahan ka dhaca magaalada Gaalkacyo, waxana inta badan loo aaneeyaa shilalka ka dhaca magaalada Gaalkacyo wadooyinka oo raf ah iyo darawalada oo si kabax u wada gaadidka.
Guddoomiyaha gobalka Mudug ee Puntland ayaa sheegay in ay wax ka qaban doonaan shilalka qasaaraha geesta ee ku soo noqnoqday magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobalka Mudug.
RBC Radio
————————————–
 Xafiiska Wararka Gaalkacyo

Maxaa loo diidaya in la xuso oo loo dabbaaldego mowliidka (dhalashada) nebigeena Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama? (2-2)

0
0

Dadka qaarkii oo ahlu cilmiga ah waxay qabaan in nebiga sallallaahu caleyhi wasallama uu dhashay maalin isniin ah oo ay ku beegnayd 12ka mowliid,qaar kalena oo culumada ka tirsan waxay qabaan in nebiga uu dhashay 9ka mowliid,sheekh Cuthaymeen Allaha u naxariiste wuxuu yiri:habeenka uu nebigu dhashay lama oga, qaar culumada casriga ah waxay ku sheegeen in uu dhashay habeenka 9aad ee uusan dhalan 12ka mowliid,sidaas daraadeed buu sheekhu yiri:dabbaaldegga 12ka mowliid ma’ahan wax asal ah haddii loo eego taariikh ahaan, sharci ahaan haddii loo eegana ma’ahan wax sharci ah oo asal ku leh diinta islaamka, hadduuse ka mid ahaan lahaa sharciga Allah waxaa samayn lahaa nebiga ama wuxuu gaarsiin lahaa ummaddiisa,hadduu sameeyayna ummaddana uu gaarsiiyay waxay arrintaasi noqon lahayd arrin waajib ah,xuska mowliidka hadduu ahaan lahaa wax diinta ku dhammaystiran wuxuu ahaan lahaa wax jira oo lagu camal falo xilligii uu rasuulka noolaa,hayeeshe waxay arrintaasi dhacday rasuulka dabadii.
Sidaasi daraadeed buu yiri sheekhu:xuska mowliidka waa bidco waana xaaraan,waxaaba taasi ka sii daran buu yiri sheekhu,waxyaabaha munkarka ah ee ay ku xusaan xafladda, waxaad kaloo arkaysa marka ay ka sheekaynayaan qisada dhalashada nebiga gaar ahaan marka ay yiraahdaan:wuxuu Mustafa dhashay,dadkoo dhan wey wada istaagayaan iyagoo leh:ruuxii rasuulka ayaa yimid,waxaana u istaagayna weynayn aynu weynaynayno,taasina waa arrin jaahilnimo ah,kamana mid aha akhlaaqda nebiga in ay u istaagaan,maxaa yeelay rasuulku wuu nebcaa in loo istaago isagoo nool,asxaabtiisana oo ay aad u jeclaayeen kuna adkaa weynaynta rasuulka uma istaagi jirin isagoo nool,maxaad u malaysay markaasi mala’awaalkan (fiction) ay samaynayaan kuwa u dabbaaldegaya mowliidka.
Sheekh Cabdulcaziiz bin Baz Allaha u naxariiste ayaa sheegay qofkii yiraahda:nebiga waa kan horreeya waana kan danbayn,waa kan muuqda waana kan qarsoon, wax walbana wuu ogyahay,waa nin ku sifoobay gaalnimo,haddii uu muslim ahaana wuu riddoobay, sifooyinkaasina waxay u gaar tahay Allah,rasuulkana ma oga wixii uu Allah baray oo uu faray mooye,wuxuu kaloo sheekhu sheegay:qaar ka mid ah ahlu cilmiga waxay sheegeen in waqtigii ugu horreeyey ee la bilaabay xuska mowliidka ay ahayd boqolkii sano afaraad ee geerida nebi Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama kaddib,waxaana soo arlo geliyay shiicadii Faatimiyiinta ahayd,waxaana ficilkaas bidconimada ah ku raacay qaar ka mid ah kuwa sunnaha sheegta iyagoo ay ka tahay jahli iyo ku dayasho Yuhuud iyo Nasaara, dabadeedna waxay bidcodaasi ku faaftay dad badan oo muslimiinta dhexdooda ah,sheekhu wuxuu kaloo sheegay in culumada muslimiinta ah ay waajib ku tahay in ay caddeeyaan xukunka Allah ee ku wajahan bidcoda isla markaana ay dadka uga digaan fasaadka iyo munkarka weyn ee ku dhex jira falkaas bidcoda ah.
Sheekh Cabdulcaziiz wuxuu kaloo intaas raaciyay:qofka caqliga lihi ma’ahan in ay khiyaamayso dadka badan waxa ay sameeyaan,xaquse ma yaqaano tiro dad badan ah waxa ay sameeyaan balse wuxuu yaqaana wixii caddeemo ah oo sharci ah,Allah wuxuu yiri:waxay yiraahdeen,jannadu geli maayo qof aan ahayn Yuhuud ama Nasaara,taasina waa yididdiilo been ah,waxaad dhahdaa keena,macnaha la imaada xujadiina haddii aad tihiin kuwo run sheegaya (suuradda Al-Baqara,aayad lambar 111),Allah wuxuu kaloo yiri:haddii aad maqasho,macnaha aad adeecdo waxa dhulka ku sugan badankooda,waxay kaa lumin oo kaa baadin jidka Allah (suuradda Al-Ancaam,aayad lambar 116).
Sheekh Albaani Allaha u naxariistee oo isagu ku caan baxay kala hufidda axaadiista daciifka iyo kuwa saxiixda ah ayaa sheegay:haddii aynu nahay ahlu sunna ma xusayno mowliidka, nebiguna wuxuu la yimid diin dhammaystiran oo taam ah wax kasta oo Allah loogu dhowaanaayana waa laga helaya,waxa ay dadka sameeyaana oo ay la yimaadeen geerida nebiga kaddib gaar ahaan saddexdii qarni ee khayrka badnaa kaddib waa wax lagu soo kordhiyay diinta waana wax aan khayr ahayn weeyaan,sheekhu wuxuu kaloo sheegay intuu nebiga sallallaahu caleyhi wasallama noolaa uma dabbaaldegin dhalashadiisa,nebi Ciise nabadgelyo korkiisa ha ahaatee isaguna uma dabbaaldegin dhalashadiisa,hayeeshe dabbaaldegga nebi Ciise waa arrin bidco ah oo ay la yimaadeen gaallada nasaarada (christianka) ah,rasuulka sallallaahu caleyhi wasallamana uma dabbaaldegin dhalashadiisa, asxaabtuna uma dabbaaldegin,taabiciyiintuna sidoo kale,annaguna uma dabbaaldegayno, nagumana waajibto in aan nebiga dhigno meel uusan Allaha dhigin,rasuulka qudhiisana waa kii uu yiri sida ku cad saxiixul Bukhaari,soona weriyay Cumar bin Al-Khadhaab Allaha ka raalli noqdee:ha igu xadgudbina,macnaha in aad si baadhil ah igu ammaantaan,sidii ay sameeyeen dadka christianka ah kuwaaso nebi Ciise caleyhissalaam gaarsiiyay meesha uu Allah joogo iyo wax la mid ah.
Sheekhu wuxuu kaloo intaa raaciyay haddii ay dhab naga tahay jacaylka nebiga waxaa innagu waajibta in aan ku camal falno wixii uu nagu amray xabiibkeena Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama kana fogaano wixii uu nooga digay,Allah wuxuu yiri:waxaad dhahdaa (Muxammadow) haddii aad tihiin kuwo jecel Allah i soo raaca,Allaha idin jeclaadee (suuradda Aali-Cimraan,aayad lambar 31),waxaana arrin lala yaabo ah buu yiri sheekhu:in khayrka lagu sheegayo mowliidka uu ka dahsoonaa,macnaha ka qarsoonaa rasuulkeena iyo asxaabtiisa,wax kasta oo Allah loogu dhowaanaayana Allaha wuu inoo sheegay,suuraggalna ma’ahan in khayrkaasi ay jaahil ka ahaayeen asxaabta iyo dadkii hore ee wanaagsanaa iyagoo noogu fiicnaa taqwada Allah iyo jacaylka nebi Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama.
Sheekh Cabdulcaziiz oo ah muftiga imminka ee Sucuudiya wuxuu caddeeyay in samaynta xafladda mowliidka ay tahay arrin bidco ah,kuwii bilowgii sameeyayna oo ahaa Faatimiyiinta waa dad aan ehel u ahayn kitaabka iyo sunnaha rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama,sidaas daraadeed kuwaasi ma’ahan dad lagu dayan karo ama wax laga soo qaadan karo,dadka si dhab ah u jecel rasuulka Allahna,waxay raacaan sunnahiisa,sheekhu wuxuu kaloo sheegay in qasiidooyinka qaarkood ee xafladda lagu xuso ama laga akhriyo waa xadgudub iyo rasuulka oo la gaarsiinayo darajo Allah,Busuri wuxuu qasiidaiisa burdada uu ku sheegay wax munkar ah,waxaana ka mid ah:kan uunka ugu khayr badan,ma lihi cid aan u irkado (irkasho, waxaa loola jeeda kol danbe wax ka dheefid ama u aayid),adiga mooye,markii ay dhacaan dhibaatooyinka khatarta ah ee lagu wada baaba’o, meel kale wuxuu Busuri ku leeyahay: waxaad leedahay nebiyow adduunka iyo waxa ku jira,culuuntaadana waa cilmiga looxa iyo qalinka,taasina waa been abuur iyo shirki cad ah weeye.
Sheekh Saalix Al-Fowzaan wuxuu kitaabkiisa Al-Towxiid uu ku sheegay in dabbaaldegga munaasabada mowliidka nebiga sallallaahu caleyhi wasallama ay la mid tahay kuwa u dabbaaldega dhalashada Al-Masiix,dadka caamoda ahina iyo culumada xaqa ka lunsan waxay iyaguna bishan oo kale ee sannad kasta u dabbaaldegaan dhalashada nebi Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama,xafladaha noocaas ahina oo ay isugu yimaadaan dadka caamoda ah iyo kuwa xaqa ka lunsan,rag iyo dumarna aan ka maqnayn,waxay sameeyaan caado xanbaarsan ficilo bidco ah iyo waxyaalo kale oo munkar ah oo ay ka soo guuriyeen gaallada.
Sheekh Muxammad Saalix oo culumada ka mid ah wuxuu isaguna sheegay in jacaylka sharciga ah uu u qaybsamo saddex,midka hore:waa jacaylka Allah: xukunkiisuna waa waajib, maxaa yeelay jacaylkaasi waa asalka diinta islaamka dhammaystirkiisuna wuxuu ku dhammaystirma iimaanka naaquskiisuna waxaa ku naaqusma towxiidka,Allah wuxuu yiri: kuwa xaqa rumeeyay,macnaha kuwa Allah iyo rasuulkiisa aaminay ayaa ugu daran,macnaha ugu adag jacaylka Allah,midda labaad waxay tahay:jacaylka rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama,waana waajib,qofkuna iimaan buuxda heli maayo ilaa uu nafsaddiisa ka jeclaado rasuulka Allah,midda saddexaadna:waa jacaylka anbiyada iyo mu’miniinta,xukunkiisuna waa waajib,astaanta lagu gartana run ka noqoshada jacaylka nebiga waxay tahay in la raaco oo lagu dhegganaado sunnahiisa iyo in lala yimaado akhlaaqdiisa.
Dhinaca kale waxaa jira dad badan oo wadaaddo ah oo u badan kooxda Suufiyiinta iyo wadaaddo badan oo ka tirsan Az-hariyiinta Masar oo iyagu aad u taageersan in la xsuo dhalashada nebiga sallallaahu caleyihi wasallama,muftiga dalka Masar Cali Jumca ayaa isagu ka mid ah qoloda aad u taageersan,wuxuuna nafsad ahaantiisa ka qaybgala xafladaha laga samaynayo dalka Masar,waxaa kaloo arrinkaasi aad u aaminsan Yuusuf Al-Qaradaawi oo isagu haysta dhalasho Qadar ah asal ahaana ka soo jeeda Masar,inkastoo uu sheekhan diiday waxyaabaha munkarka ah e lagu lifaaqo xafladda,haddana dhib ma lahan buu yiri in laga sheekeeyo siirada rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama xilliga xafladda.
Haseyeeshe sida ku xusan saxiixu Muslim,soona weriyay abu Qataada Allaha ka raalli noqdee,wuxuu sheegaya in rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama la weydiiyay soonka maalinta isniinta,wuxuuna ku jawaabay:waa maalintii aan dhashay layguna soo dejiyay, macnaha qur’aanka weeyaan,sidaas daradeed arrinkani lagama soo qaadan karo in sannad kasta la xuso nebiga sallallaahu caleyhi wasallama,balse haddii ay dhab naga tahay jacaylka rasuulka sallallaahu caleyhi wasallama waa in aan isniin kasta soona.
Dhammaad
Maxamedeyn
Den Haag/Holland
Waa waa inoo mowduuc kale iyo markale inshaa Allah
Maxaa loo diidaya in la xuso oo loo dabbaaldego mowliidka (dhalashada) nebigeena Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama? (2-2)
(Qaybtii labaad)

Halkan hoose riix kana akhriso qaybtii 1aad:
http://www.badweyn.com/01/maxaa-loo-diidaya-in-la-xuso-oo-loo-dabbaaldeg...

Dhageyso Warka Duhurnimo

Kulan loogu diyaar garoobaayo Soodhaweynta Arday Cusub oo Dalka Turkiga deeqo waxbarasho kehalay’Daawo Sawirada”

0
0

Kulan loogu diyaar garoobayo soo dhoweynta Arday Soomaaliyeed oo dhowaan Waxbarasho u aadaya ayaa waxaa magaalada Ankara ku yeeshay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Turkiga,Mas’uuliyiinta Safaarada Soomaaliya ee Turkiga iyo Ardayda hada waxkabarata dalkaasi.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Waxbarashada dalka Turkiga ayaa intii uu socday xubnihii ka qeybgalay waxa ay is dhaafsadeen aragtiyo ku aadan qaabka ugu wanaagsan ee loosoo dhaweynkaro Arday Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho ka helay dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga kuwaasi oo dhowaan dalkaasi aadaya.
Gebogebadii kulanka ayaa waxaa la saaray gudi loogu talagalay iney qaban qaabiyaan soo dhaweynta ayadoo guud ahaanna Ardayda hada dalkaasi ku sugan ay ka qeybqaadan doonaan iney soo dhoweeyaan Walaalahooda cusub ee wax usoo baranaya dalkooda iyo dadkooda.
Dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga ayaa waxaa ku sugan boqolaal arday Soomaaliyeed kuwaasi oo iyagu wax kabarta Jaamacadaha iyo Iskuullada ugu waaweyn dalkaasi balse Ardayda la filayo iney gaaraan Turkiga dhowaan ayaa ah kuwo ku guuleystay imtixaanaad ay u galeen deeqaha waxbarasho ee ay Walaalaha Turkigu inoogu deeqeen.

photo by: cadaawe

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live