Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Ka Wada Beledweyn Qaraxii Saaka Kadib

0
0

Ciidamada Dowladda ayaa howgallo ka wada magaalada Beledweyn kadib Qarax saaka ka dhacay magaaladaasi.
Braqanimadii maanta ayaa ciidamada dowladdu waxa ay howgal ka billaabeen xaafadda Xaawo taako ee magaalada Beledweyn halkaas oo uu saaka ka dhacay qarax lala beegsaday ciidamada Ethioan, waxaana howlgalkaasi ay ciidamadu ku soo qabqabteen tiro dad ah oo lagu tuhunsanyahay in ay ka dambeeyeen qaraxaasi.
Dadka lagu soo qabtay howlgalka ayaa waxaa la geeyay saldhigga booliiska in kastoo xaafadda Xaawo taako oo qaraxu ka dhacay ay haatan ku jirto bandow ay saareen ciidamadu, waxaana qaraxii saaka ku geeriyooday ilaa iyo Afar Ruux sida uu ku soo waramay wariyaheenna gobollada dhexe Maxamed Cabdi.
Qaraxan ayaa noqonayaa kii Sadexaad eee ka dhaca Beledweyne tan iyo markii ciidamadu ay magaaladaasi ka saareen Shabaab.
Haddii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                            +442035190460
USA & CANADA                         +17124327760
 
 


Hadii Bidaar aad wadada lamariweyse Daawadaan raadso

0
0

Tv-yadda war-geysyada iyo dhammaan war-baahinta caalamka ayaa baahinayay maalmahan siiba war-baahinta Dalka lubnaan oo ay ku sheegayeen in kaadida geela faa’iido weyn u tahay timaha qofka isla-markaana Xoojineysa awooda timaha iyna qur-xineysa kaadidad geela

Hayeeshee dadka caalamka ku dhaqan qaar ka mid ah waxa ay ka cawdaan timahooda oo uu ku yimaada xanuun Kala fir-dhiya ama kala daa’diya halka qaar kalana dhibaato kula kulmaan bidaarta waxaana ay ku dayayaan Daawooyin badan oo ka sameysan walxa kiimiko ah waxaase jira wax-yaabo dabiici ah oo lagaga hor-tagi karaayo Daa’dashada timaha
Hayeeshee daawadan kaadida geela laga sameeyo ayaa la aamin-sanyahay inay adkeyso ama xoojiso timaha qofka bini’aadamka ah isla-markaana yareyso xaddiga timaha ee lumaya taas oo timaha ka dhigta qaab muuqaal ahaan aad uqurux badan
Sanadii 2008-dii mid ka mid ah war-baahinta caalamka ugu afka dheer ee alcarabiya ee laga leeyahay dalka Boqortooyadda sacuudiga ayaa baahisay in gaadida geela laga helo faa’iidooyin dhanka timaha ah waxaana ay Sheegtay alcarabiya in timaha si loo bal-ballaariyo loo is-ticmaalo kaadida geela
Hasa-ahaatee markii arintan ay soo if-baxday dhammaan dadka dhaqda geela ee ku nool baadiyaha dhulalka Carbeed ayaa la sheegayaa in ayba keediyeen kaadida geela isla-markaana liitirkii gaadi ahba lagu-kala Iibsanaayo lacag dhan 20 riyaal una dhiganta 5 dollar oo ah lacagta mareykanka
Sidoo kale qubaro caafimaad ee u dhalatay dalalka carbeed iyo dalalka reer gelbeedka ayaa is isku mid ah Uwada sheegay faa’iidada laga helo gaadida geele in kastoo ay ka dhiidhiyeen urka kaadidad oo ay ku sheegeen In ay aad u ur badan tahay balse waxa ay tallo ahaan u soo jeediyeen dadka si-ticmaalaya kaadidad geela in ay U dul qaataan urta inta ay daawo ahaan u is-ticmaalayaan isla markaana ay adeeg-sadaan walxaha urka Baa’bi’iya.
hadaba Dalka Soomaaliya waxa uu kamid yahay Dalalka ugu horeeya ee Dhaqashada Geella iyadoona daqiiqad walbo la heli karo Kaadida Geelka si ee u isticmaalaan dadka Bidaarta ee dhibku ku heeso ama timaha ka daateen hadii ee saxtahay in daawo ahaan loo isticmaalo Kaadida Geella
Abdi Nasir Ahmed Aden
naasirdc@hotmail.com
Doha-Qatar

Beledweyne: Qaraxyo lala eegtay Ciidamada Ethiopia

0
0

Wararka ka imaanayaa magaalada baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saacadahi hore ee manta laba qarax logu weerar gaadiid ay la socdeen ciidamada Ethopia oo marayay xaafada Xaawo Taako ee Bariga Magaalada,.

Sida ay VOA u sheegeen dad ka agdhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay ciidamada Ethiopia ayaa rasaas xooggan hareera u furay waxaana  ku dhinta ilaa 2 qof, 4 kalana waa ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada Ethiopia ayaa howlgal ay halkaasi ka sameeyeen Qaraxa ka dib ku soo qabqabtay dhowr qof.

Waa markii labaad oo qarax noocan ah lala eegto ciidamada Ethiopia tan iyo markii ay la wareegeen Magaalada Beledweyn 31kii bishii December ee sanadkii ina dhaafay.

 

Raysal Wasaaraha DKMG ayaa marki u horeysay ka hadlay arrigtidiisa ku wajahan Wada hadal dhexmara Somaliland iyo Somalia iyo Mashaaricda uu…

Todobaadka iyo Aragtida Dadweynaha Burco

ASTAADKOO KU CAYNSHIYO ANOO KU CAFA MOOYAANE WALEE CAAFIMAAD UMA FADHIDID CALIYOW BUUHOODLE By: haybe yusuf

0
0

Ugu horayn waxan halkan hambalyo aan lasoo koobi karin uga dirayaa dhamaan mujtamaca reer somaliland gudaha iyo Dibedaba, hambalyo midaas la mida waxan u dirayaa bahweynta saxaafada reer somaliland ee dimuqradiyada jecel badana,


Ujeedo= maqaalkaygan oo caawa  aan ku iftiiminaydhibaatooyinkii dhowaanahan ka dhacdhacayay jeedahan bariga somaliland waxan ugu Horayn baaq nabadeed u dirayaa shacabka reer buuhoodle ee wakhtigan danbe lasoo baxay inay mucaaradad ku sameeyaan dawlada somaliland , waxanan Odhan lahaa wakhtigan waa la dhaafay oo waxa tihiin leyd, dagaalkana dee waxaynu ognahay in wiil uun ku dhinto laakiin wiil kuma dhasho Markaa waxan odhan lahaa xabada halaga waantoobo,


Waxan kaloo xoogaa ka iftiimin lahaa shaqsiyada wakhtigan uga soo tafa xaytay qurbaha inay fidmo ka abuuraan deegaano ay nabad iyo xasilooniyi ka jirtey, iyadoo aanay dhibkaasi ku dhacayn shaqsiyadii usoo tafa xaytay iyo caruurtoodiiba  hadana waxad moodaa inuu ku khamaarayo dad muslina dhiigoodii ,oo uu ka dhex abuurayo wax aan meesha oolin,sababtoo ah beelaha buuhoodlo waxay ka mid yihiin beelaha somaliland ee wada saxeexday 1991 shirkii burco iyo kii boorame, 1993 kii, hadana waxa taas ka sii horaysay inuu dalkani ahaa wakhtigii ay somaliya gumeystuhu qaybsaday dal gaara oo la odhan jirey somaliland,balse maanta ay ugu bedelayaan wax aan dani ugu jirin oo lagu tilmaamay qabiil amaba ayku abuurayaan beelihii lalaalaha ahaa ( isir nacayb )


Hadaba waxan u sheegayaa shaqsiyadaa uga soo tafa xaytay masaafada dheer inay somaliland qaranimadeeda ku wiiqaan ,waxan xasuusinayaa inaanay somaliland qaranimadeeda irbad caaradeed gaarsiin karin waxanan leenahay  ( DAR HORAY LA DHEELIDEYBA WAA DHAXAL XUMAYSTEEN ) waxanan ugu cadaynaynaa inaan somaliland state ka dhex samaysmi karin tix gabaya oo uu lahaa Adan tarabi,


( Awdal iyo sool    =  waa labada oof
Asuushaydu ay      =  ku astaysan tahay
Usha lagu dhuftaa =  anay igu dhacdaa)


Gebagebadii maqaalkayga waxan ku soo uruurinayaa qarankani waxa ka go,an inuu dalkiisa iyo dadkiisaba difaaco ilaaliyo xuduudihiisa Dhamaan shacabka wadanka u dhashana inuu u cadaalad sameeyo ,waayo umada xilku mawada deeqo laakiin waxa deeqa  cadaalada Tusaale ahaan waxa aragtaa gobolka sool sida ay dawlada somaliland u qiimaynayso haday tahay biyo gelin haday tahy jaamacadaha iyo rugaha caafimaadka iyo weliba adkaynta nabadgelyada qarankan intaa aynu soo sheegnay oo dhan ayaa ka go,an, hadaba somalida ayaa ku maahmaahda( ubadkaaga ma kala jeclid laakiin isaga ayaa iskaa kal jeclaysiiya )


Iskusoo wadaduuduuboo somaliland waxa ka go,an gogol nabadgelyo oo mar iyo laba iyo sadexba uu madaxweynaha dalku iclaaminayay mudadii uu xilka hayey imikana wuu ku hawlan yahay sidii cabashooyinka jira nabadgelyo loogu soo dabaali lahaa, hadaba waa in wanaaga loo dhega nuglaadaa balse xumaanta laga fogaado oo la safe gareeyaa dhiiga dhalinyarada ee cayaarta u daadanaya,


                                                                       Wabilahi towfiiq,
haybe yusuf
hayberr14@hotmail.com


     
—————————-
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin dhibaatiyo wax makhluuqa kalla dilla,

Somaliland Enemies Number One By: Ahmed Jamac Hure

0
0

Islaan faalisa oo reer Balidhiig ah ayaa ii sheegtay in sanadka 2012 aan helaayo UK Lottery Jackpot. Maansho Alla, lacagta badh ayaan ku caawinayaa Dawladda Somaliland. Magaalada Burco, halkii ay ahaan jirtay taaladdii Sheikh Bashir waxaan ka dhisayaa boodh weyn oo aan ku dhejiyo sanad kiiba mar Sawirka iyo Magacyadda Dadka-Xun ee cadawga u ah Somaliland ( Public Enemy Number One Poster).
Sanadka 2012, Dadka aan sawirkood ku dhejinaayo boodhka waxaa ka mid ah:
 

  1. Dawladda TFJ
  2. Khaatumo-Seeg iyo SSC
  3. Magaalada Buuhoodle
  4. Moorgan
  5. Ali Khaliif
  6. Rashiid AwNuur—Awdal State
  7. Abdi Ismail Samatar
  8. Saado Ali
  9. Daahir Allasow-Waagacusub
  10. HCTV
  11. Sirdoonka Somaliland (Waa Khasaare)

 
Liiskani waa furan yahay ee kudar dadka Illaahay iyo adiguba aad nacdeen
Ahmed Jamac Hure
ahmedsoleman@tiscali.co.uk
London
 
—————————-
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin dhibaatiyo wax makhluuqa kalla dilla,

Tacsi Loo Dirayo Dhamaan Ehelkii uu Ka Geeriyooday Ashkir Cabdi Jiijiile,

0
0

Norwayd:(GMN) Dhaman Reer Farah Ciye Abdille
haaji shekh ahmed mohamed farah
dr abdicasiis abdi farah
cali abdulahi abdi farah
hamdi shekh abdi farah
Abdulqadir shekh abdi farah
Muxumed hassan farah
Shariifo mohamed farah
Farhiyo shekh abdi farah
hassan farah ciye
Abdiwali mohamud mohamed farah.(abdiwali khamse) iyo xaaskiisa,
Cisman Mohamud Mohamed farah (cisman khamse)
Abdirizaaq mohamud mohamed  farah (badal khamse)
hooyo Aasiyo Hallane Geelle
Haaji liibaan Ali Cad
Dhamaan Dadkaan oo Dhan Waxaay Tacsi Tiiraanyo leh  u Dirayaan Qoyskii iyo Qaraabaddii uu Ka Geeriyooday Allaha u Naxariistee Marxuum Ashkir Cabdi Jiijiile oo taariikhdu markii ay ahayd 1/2/12 ku geeriyooday magaalada Leicester ee Dalka Engriiska Ayagoo dhahaya Ilaahay Samir iyo Iimaan Haka Siiyo Bulshaddii iyo Qoyskii uu ka geeriyooday Janaddii Fardowsa ahaydna Allaha Ka waraabsho
 
Aamiin Aamiin
Gedoonlinenews@gmail.com
 


Munaasabad lagu xusay 20-guurada Isbitaalka Keysaney iyo Saallo qaliin casri oo lagu soo kordhiyay (Daawo Sawirrada)

0
0

Munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay sanad guuradii 20aad ee aasaaskii isbitaalka Keysaney isla markaana xariga looga jarayey saalo qaliin (OT) cusub oo casri ah ayaa waxaa lagu qabtey Isbitaalka Keysaney ee duleedka Magaalada MUqdisho.
Xafladan oo ay ka qeyb galeen Dhaqaatiir, Madaxda Jaamacadaha, Machadyada waxbarasho, Arday, shaqaalaha isbitaalka Keysaney ayaa ugu horeyn waxaa xariga ka jaray OT-ga cusub Ku simaha Isku duwaha howla Ururka Bisha Cas C/qaadir Ibraahim Xaaji Caafi oo sheegay muhiimada ay leedahay OT-ga cusub lagu soo kordhiyay Isbitaalka.
Madaxa Maamulka Isbitaalka Keysaney Cali Yuusuf Maxamed (Cali Bile) ayaa sheegay in 20-kii sano ee Isbitaalka Keysaney jiray uu wax weyn u qabtay bulshada Soomaaliya, isagoo xusay inay mudan tahay in loo mahad celiyo aas aasihii isbitaalka Drs Mina Xasan.
Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr. Maxamed Yuusuf oo ka hadlay Isbitaalka ayaa waxay ku ammaaneen howsha weyn ee Isbitaalka u hayo bulshada Soomaaliyed, isla markaana Isbitaalka soo maray marxalado kala duwan.
Hormuudka Kuliyada Caafimaadka ee Jaamacada Banaadir Dr. Maxame dMaxamuud Bidey ayaa sheegay in Isbitaalka uu wada shaqeyn la leeyahay jaamacadaha iyo machadyada, isla markaana lagu tababaro Ardayda, isagoo intaa ku daray in Saalada qaliinka cusub ay tahay mid aan dalka ka jirin oo casri ah, wuxuuna ugu hambalyeeyay Maamulka iyo Shaqaalaha Isbitaalka.
Agaasime kuxigeenka Isbitaalka Keysaney Dr. Axmed Maxamed Maxamuud (Tajir) ayaa waxaa uu si qoto dheer uga hadlay taariikhda iyo marxaladihii uu soo maray Isbitaalka, intii uu jiray, waxaana uu sheegay in tirada bukaanka qaliinka loo smaeeyay ay gaareyso 75, 938 halka 143,132 bukaan oo aan la seexin isbitaalka lagu qaabiley qeybta OPD-da, waxaa uu mahad u celiyey bulshada Soomaaliyeed iyo weliba hay’adihii gacanta u fidiyey isbitaalka gaar ahaan ICRC.
Ugu dambeyn waxaa ka hadlay Munaasabada Isku duwaha howlaha Ururka Bisha Cas C/qaadir Ibraahim Xaaji Caafi oo sheegay in Isbitaalka Keysaney uu wax weyn oo la taaban karo uu u qabtay shacabka Soomaaliya, isagoo tilmaamay in isaga uu ka mid ahaa bukaanada lagu daaweeyay isbitaalka, waxaana uu u gudbiyay ka qeyb galayaasha salaan uu ka siday Gudiga Fulinta iyo Gudoomiyaha Bisha Cas Dr. Axmed Maxamed Xasan oo ku booriyay in shaqaalaha Isbitaalka ay sii laba laabaan howshooda.
Isbitaalka Keysaney ayaa ka mid ahaa Isbitaalada kadib bur burkii dowladdii dhexe marti geliyay bukaanadii ugu faraha badnaa, waxaana Isbitaalka la keeni jiray dhaawacyo, dad xanuuno qaba, iyadoo Isbitaalka Gobolada dalka dadka xanuunaqa qaba iyo kuwa shilalka kala duwan ku soo dhaawacma la soo gaarsiin jiray, waxaana uu ka mid ahaa isbitaalada saameeyay dagaaladii labaatankii sano dalka ka dhacayay.

siyaasada turkiga ee somalia

0
0

dalka turkey waa dal dhul ahaan kala qaybiya yurub iyo asiya waxuuna xuduud laleeyahay wadamo badan
dhinaca koonfurta waxuu xuduud lawadagaa syria ciraaq iyo iran halka
wadamo kale dhinaca waqooyiga kala wadaago xuduud sida greece iyo armenia iyo wadamo kale turkey waa
wadan lagu qiyaaso dadkiisa ilaa 80 milyan. waana wadan muslim sunni ah
turkigu waxuu leeyahay dhaqaale xoogan oo waliba hada si xowli ah usoo koraya
turkey waxay leedahay warshado rayid ah iyo kuwa militariba waana wadan waxsoo saar badan
turkey iyo somalia
turkiga waxaa hogaaminaya intii muda ah xisbiga islaamiga ah ee lagu magacaabo
AK Party ee Rajab Tayib Ordagan kamidyahay
siyaasada turkiga ee somalia dad badan oo somali ah ayaa ku jahawareersan ama layaaban
kana muujiyay tuhuno badan halka qaarakalana si kas ah ugu abuurayaan dadka tuhun
xaasidnimo si ay ukala fogaadaan labada shacab turkey iyo somalia kooxaha
faafinaya daacayadaha waxba kama jiraanka ah ee ku aadan dowlada turkey
waa kooxo jira lakiin si dhaba aanan isu soo shaac bixin mar an waxka
waydiiyay aqoonyahano iyo khuburo somaliyeed oo aqoon dheer uleh.kooxaha faafiya dacayahada
nocan okale ah ayaa farta ku fiiqay .wadamada neceb inay somaliya nabad ka dhalato
siyaasada turkey ee somalia
siyaasada turkey ee somalia 100% waa caawin iyo helida dowlad somaliyeed oo xor ah
iyo is garabtaaga shacabka somaliyeed ee ay ku rogmadeen mowjadaha colaadeed iyo kuwa abaareedba
waxaakale oo turkey ku dadaalaysa wax u qabashada shacabka sida
(1) waxbarashada qaybaheeda kala duwan
(2) caafimaadka – qaybahiisa kala duwan
(3)dhismaha xarumaha dowlada iyo kuwa shacabka
(4) dhismaha jidadka garoomada diyaaradaha iyo schoolada
maxu ka aminsanyahay somaligu turkey?
runtii dadbadan oo aqoonyahano iyo dad caadi ah isugu jira ayaa og
ujeedka turkey ee somalia in uuyahay kaliya isgarabtaag walaalnimo
iyo daacadnimo xaddhaaf ah oo taariikh abid somalia aysan somarin
caawinta turkiga caawiyay somalida maanta
waxaajira xarumo turkigu kafuray somalia oo caawimaad ah
xarumahaas waxay isugu jiraan kuwa lacag cadaan ah dadka lasiinayo
si ay ayagu danahooda ugu fushadaan halka qaarkalana cunta kufilan oo caafimaad qabta lasiiyo
magaalada muqdisho waxaa kadhacay dhacdo somalia hore logu arag
kadib markii hayadaha turkiga muqdisha jooga iyagu qoys walba uqalayeen hilib
aaad utiro badan oo dadkii ka batay heer markii danbe cid cuntaba lawaayay
waxaad eegtaa heerka daacadnimada deeqda turkiga ee shacabka somalia
soo kama duwana aduunyadiikale ee noogu gargaari jirtay .qamadi ama boorash
ama ciidan tiro waynleh oo wax olaliya oo aanan ukala aaba yeelin shacab iyo mucaarad
ma isku midbaa ciidanka tirada yar ee turkay somalia kajooga .iyo ciidamadii adunka ee yimid somalia 1993 kismaayo
kadibna ku jees jeesay nolal bini aadam muwaadin somaliyeed hadana aanan qaan gaar ahayn ee waliba nafta kaga qaaday
qaab arxan daro taas oo ahayd solid ama shiilid .halka qaarkalana faraxumeeyeen ?
waamaxay sababta qulqulka aduunka .somalia xiligan
qulqulka aduunk ee somalia xiligan waa laba arimood
(1) turkiga oo doonaya in uu dhiso dowlad cadaalad ah oo somalidu leedahay
(2) islaamiyiinta somalia oo awood militari yeeshay doonayana dowlad islami ah
inay katagan cariga somalia labadaan arimood ayaa ugu wayn qulqulka aduunka somalia
lakiin xowliga ama soo yaaca aduunyada ee somalia waxay timid kadib imaanshaha turkiga
wadamo badan oo reer galbeed ah ayaa aminsan in turkey garoonka siyaasada aduunka kusoo noqotay
oo ay doonayso soo celinta cuthmaniyadii xooga badnayd ee katalin jirtay kalhore aduunyada barkeed
hadaba aqoonyahano iyo siyaasiiyiin ku xeeldheer siyaasadaha is rogrogta ee somalia
ayaa sheegaya in somalia god gashay hadii turkey aysan laban laabin caawinta somalia ama isgarab taaga shacabka somaliyeed
mar aan waxka waydiiyay caawinta iyo isgarabtaaga turkiga qaabka ugu haboon ayay aqoonyahanadu iigu jawaabeen sidatan
(1) turkey inay fidiso gogol nabadeed oo la isugu yeero dhamaan shacabka somalia ee siyaasada isku haya
iyo dhamaan garabyada hubaysan si dhab ahna loo wada hadlo lagana gudbo qasabka iyo marin habaabinta
si xal loo helo
(2) in turkigu faringalin toos ah ku sameeyo somalia oo xaga militariga ah sababtoo ah
somalidu siyaasada turkey wax didmo ah kama qabto wayna soo dhawaynayaan
somalia iyo turkey waxay leeyihiin sxbtinimo fog xiligii cuthmaniyada waxuuna turkigu taageeray taageero militari (axmedgurey)
(sayid maxamed cabdule xassan )
turkey waa wadan xoogbadanleh maanta aduunkana kuleh qadarin waa wadan dadkiisu wadaniyiin yihiin jecel wadankooda
sidaa darteed shacabka somalia waxay hiil ka sugayaan dowlada turkiga in ay isgarab istaagto shacabka somaliyeed .
waxayna ku baqayaan qaybo kamid ah waxgaradka somalia in turkigu keeno ciidamo ilaaliya bada iyo xuduudaha somalia.
cabdiwahab shekh axmednur oslo norway
gedo_109@hotmail.com

SOMALIA FAMINE ENDS, BUT SITUATION STILL DIRE

0
0

FAO’s new Director-General prioritizes Horn of Africa : 3 February 2012, Nairobi – The United Nations declared an end to famine conditions in Somalia today, but warned that with recurrent droughts in the Horn of Africa hunger remains a threat unless long-term measures are taken to restore food security.
According to a new report by the FAO-managed Food Security and Nutrition Analysis Unit (FSNAU) and USAID’s Famine Early Warning System Network (FEWS NET), the number of people in need of emergency humanitarian assistance in Somalia has dropped from 4 million to 2.34 million, 31 percent of the population. At the height of the crisis, 750,000 people were at risk of death.
“Long-awaited rains coupled with substantial agricultural inputs and the humanitarian response deployed in the last six months are the main reasons for this improvement,” FAO’s new Director-General José Graziano da Silva told a press conference in Nairobi after visiting southern Somalia.
“However, the crisis is not over. It can only be resolved with a combination of rains and continued, coordinated, long-term actions that build up the resilience of local populations and link relief with development.
“We can’t avoid droughts, but we can put measures in place to try to prevent them from becoming a famine. We have three months until the next rainy season,” he added.
Graziano da Silva emphasized that FAO will step up its current efforts in the Horn of Africa and highlighted that agriculture is a key factor in establishing peace and stability in the region.
SUCCESSFUL RESPONSE
According to FSNAU/FEWS NET, adequate rainfall between October and December 2011 coupled with agricultural and humanitarian interventions allowed farmers to produce and buy more food.
As part of its emergency response, FAO distributed seeds and fertilizers to Somali farmers. In the regions of Bay and Shabelle they took advantage of rains and the inputs provided by FAO and other agencies to double their production of maize and sorghum, their highest harvest in years.
FAO also rehabilitated 594 kilometers of irrigation canals and treated 2.6 million livestock at risk of diseases and infections associated with drought.
In the last six months, FAO, UNICEF, WFP and international NGOs have also operated cash-for-work and food-voucher programmes, instead of relying only on food and input handouts. The cash allowed families to buy food locally and remain in their home areas while also stimulating economic recovery and helping rehabilitate local infrastructure for agriculture and herding.
This mix of agricultural and humanitarian interventions has contributed to a significant reduction in local cereal prices in most of the vulnerable areas in the south, improving purchasing power for poor households. In sorghum-producing areas, for example, the amount of cereals that people could buy with one day’s work increased from four to 14 kilograms between July  and December 2011.
Although much increased,  Somalia’s last crop was from a secondary harvest which only contributes 10 percent of annual cereal requirements, meaning that stocks will only last into the next planting season starting between April and June. The report also warned that an estimated 325,000 acutely malnourished Somali children remain at risk.
The current crisis continues to affect the whole Horn of Africa region with 9.5 million people in need of emergency assistance in Somalia, Kenya, Ethiopia and Djibouti, down from 13 million at the height of the crisis.
 
RENEWED COMMITMENT
The FAO Director-General also called for a renewed commitment by all stakeholders involved – governments, regional bodies such as the African Union and the Intergovernmental Authority on Development (IGAD), the private sector, civil society organizations, humanitarian and development actors, and the peoples of the region themselves. He also committed FAO to working within the framework of existing initiatives, such as the Comprehensive Africa Agriculture Development Programme (CAADP).
Accompanied by the Chairman of the Committee on World Food Security, Ambassador Yaya Olaniran, and senior FAO staff members, the Director-General visited the village of Dollow, in the Gedo Region of Somalia to assess the situation first hand and see the work being done by FAO and its partners.
“I had a rare opportunity to meet with Somali farmers and herders in Dollow. I witnessed the impact that we can make in their lives. And, most importantly, I saw what they can do for themselves, if they receive the right support at the right time,” he said.
In 2009-2010, FAO supported 1,500 agricultural households and 35 000 pastoralist households in the Gedo Region to build their resilience. This allowed them to to cope with the recent famine without outside assistance as they could produce and sell their own food.
Gedoonlinenews@gmail.com
 

Al Shabaab iyo dadka deegaanka oo ku dagaalamay duleedka deegaanka Raage Ceele ee gobolka Shabeelada Dhexe

0
0

Deegaanka Raage Ceele wararka laga helayo ayaa sheegaya in halkaas uu ku dhexemaray iska hor-imaad hubeysan dadka deegaanka iyo xoogagga al Shabaab.

Iska hor-imaadkan oo ka dhacay deegaanka Buulo Xoor Cad ayaa  waxaa ku dhintay sida la soo sheegay laba qofood oo dadka deegaanka ka tirsan iyo hal askari oo al Shabaabka ka tirsanaa.

Dagaalkan ayaa ka bilowday sida la soo weriyay weerar ay al Shabaabku ku qaadeen Hoy ay deegaanka Buulo Xoor Cad  ka degantahay Haween halkaas caan ka ah.

Dhaawacyo iyo qasaare maaliyadeed ayaa dhanka kale deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa laga soo sheegayaa waxaana sidoo kale jira dad ay al Shabaabku halkaas ka kaxeysteen.

Iska hor-imaadyada noocan oo kale ah ayaa mudooyinkan dambe soo batay waxaana hadda muuqata in dadku ay ku dhiirinayaan ka horimaanshaha al Shabaabka deegaanadaas ku xoogga badan.

halgankanet@gmail.com 

Diyaarad nooca aan duuliyuhu la socon oo ku soo dhacday meelo u dhow xero qaxooti oo Muqdisho ku taal

0
0

Xerada Qaxootiga Badbaado ee magaalada Muqdisho duleedka ayaa la soo sheegayaa inay ku soo dhacday diyaarad ka mid ah diyaaradaha wax burburiya ee aan duuliyuhu la socon (Drone).

Afhayeenka Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM Paddy Akunda ayaa wakaaladda wararka Shiinaha ee Xinhua ku yiri "Diyaarad aan duuliye wadin ayaa ku soo dhacday meel u dhow xerada Badbaado laakiin ma ogin cid iska leh".

Afhayeenku wax faahfaahin oo intaas ka badan kama bixin diyaaradaas duleedka xerada barakacayaasha ku soo dhacday in qasaare ka soo gaaray shacabka halkaas ku sugan ama ka ag-dhow.

Diyaaradaha noocan oo kale ah ayaa waxaa inta badan adeegsada ciidamada dhex ceegaaga badda Soomaaliya.

halganaknet@gmail.com 

Baarlamanka Somaaliya oo loogu Hanjabey in Cunaqabatayn la Saari doono Haddii Khilaafaadkiisa Xalin Waayo

0
0

Waxaa Dalka Jabuuti weli ka socda Shirkii ICG oo ah Wadamada Daneeya Arrinta Soomaaliya ayaa arrimihii laga hadlay waxaa ka mid ahaa Road Map-ka. Shirkan oo ay ka qayb galayaan Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda ku meel Gaarka Soomaaliya, Guddoomiyaha Barlamanka ee xilka laga qaaday, Madaxweynaha Gal Mudug iyo Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa halkaa khudbad ka jeediyay Ra’iisul wasaaraha dawladda Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaaz.waxaa la filayey in shirkaas uu ka qaybgalo Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed balse ka baaqdey arrimo Shaqo oo ka jira Gudaha Mudane Gaaz ayaa soo hadal qaaday arrimaha dhamaystirka Road Map-ka isagoona hoosta ka xarriiqay in xukuumaddiisu ay ka go’an tahay meel marinta Heshiisyadii Kambala .
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegey in Beesha Caalamku ay xiligan ku hawlan tahay sidii looga gudbi lahaa ku meel gaarka sidaa darteedna ay xukuumaddiisu kala shaqaynayso sidii arintaa loo dhamayn lahaa maadaama ay Xukuumadu u harsan tahay Bilooyin Kooban.
Cabdiraxmaan Yariisow oo ah Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo shirkaa kaddib warbaahinta la hadlay ayaa sheegey in qodobadii ka qayb galayaasha Shirka ay soo jeediyeen ay ka mid ahayd in Baarlamanka Soomaaliya maalmaha soo socda uu xalliyo khilaafkaasa isla markaana la helo Baarlamaan Xukuumad iyo Beesha Caalamka oo isku si u wada Shaqaynaya si soomaaliya Nabad loogu soo dabaalo .
Afhayeenka ayaa intaa raaciyay in shirku uu soo hadal qaaday in Cuna qabatayn la saaro cid alla iyo ciddii ka hor timaada xalka la doonayo in lagu soo af jaro Khilaafka mudada hareeyay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. Mudane Yariisow ayaan dhinacna Eedda Saarin labada Garab ee uu Barlamanku u qaybsan yahay isagoo taa bedelkeedana kaga wareegay in cuna qabatayntu ay tahay mid u gooni ah ciddii ka hor timaada dadaalka Beesha Caalamku ku dooneyso sidii loo soo af jari lahaa Khilaafka Barlamanka
Xildhibaanada ka soo hor jeeda Guddomiyanimada Shariif Xasan ee xilka laga qaaday ayaa ku adkaysanayay in marnaba aanay aqoonsanayn Shariif Xasan inuu yahay Guddoomiyaha Barlamanka isla markaana ayan aqbalayn inuu inta Baarlamanka soo hor fariisto ilamarkaana mar kale uu Hagaamiyo
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Shirkii Kooxda Xiriirka Caalamiga Oo Lagu Soo Gebagebeeyay Jabuuti

0
0

Shirkii Kooxda xiriirka caalamiga ah ee ICG ee ka soconayey magaalada Jabuuti ayaa maanta si rasmi ah loo soo gebogebeeyey ayadoo dhinacyadii ka qeybgalayna ay isla gaareen go’aanno dhowr ah.
Munaasabadii xiritaanka shirkaasi ayaa waxaa khudbado ka jeediyay mas’uuliyiin uu ka mid ahaa R/wasaare C/weli Gaas oo tilmaamay in la isku afgartay waxyaabihii looga hadlay shirkaasi isagoo soo dhaweeyay qodobadii ka soo baxay shirkaasi.
Qodobadii shirkaasi ka soo baxay ayaa waxaa ka mid ahaa in la dhowro heshiiskii Kambala isla markaana la hirgeliyo qorshaha nabadda ee Roud Mapka si looga baxo waqtiga kala guurka ah, in maamullo loo sameeyo meelaha laga saaray shabaab ama laga saari doono iyo qodobo kale oo ay ka mid ahaayeen ka qeybgalka shirka London.
Shirkan ay yeesheen kooxda xiriirka caalamiga ah oo shalay furmay ayaa maanta la soo gebagebeeyay iyadoo looga hadlay xaaladda dalka iyo sidii loo taageeri lahaa shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.
Haddii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                            +442035190460
USA & CANADA                         +17124327760
 
 


Siyaasiyiinta Iyo Shacabka Rer Somaliland Oo Si Wadajir Ah U Raali Galiyay Maamulka Iyo Ummadda Rer Galmudug Cabashadii Ay Mujiyeen, Yagoo Sheegay In Soo Hadal Qaadka Galmudug Aanay Xumaan Ula Jeedin. Ka Bogo Warbixintan.

Shirkii Kooxda Xiriirka Caalamiga ah oo maanta lagu soo gaba gabeeyay Djibouti (Sawirro)

0
0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa maanta soo xiritaankii shirkii ICG ee magaalada Djibouti ka soo jeediyey khudbad xiritaan ah (Closing Statement).
Shirka ICG oo shalay iyo maanta ka socday Djibouti ayaa waxaa looga hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga, gaar ahaan sidii loo sii wadi lahaa howlgaladda looga soo horjeedo kooxaha Al-Shabaab,
Waxaa sidoo kale shirka laga hadlay sidii shacabka Soomaaliyeed loogu abuuri lahaa nolol gaar ahaan degmooyinka iyo gobollada laga xorreeyo Al-Shabaab, iyadoo lagu soo hadal qaaday Shirka London ee 23-ka bisha Febraayo la qabanayo.
Xubnaha shirka ka qeyb galay ayaa isku raacay in shirkaas uu noqdo mid maslaxadda Soomaaliyeed ay ku jirto oo looga hadlo sidii xal waara looga gaari lahaa arrimaha amniga iyo ugu danbeyntii waxaa la isla gartay in xilliga kala guurka ah la soo afjaro 21 August 2012,
Sidoo kale xubnaha ka qeyb galay shirka ayaa soo jeediyay in la dar-dar geliyo dhameystirka Dastuurka iyo dib u habeynta baarlamaanka oo la isku raacay in baarlamaanka cusub uu noqdo mid tayo leh oo ay jiraan shuruurda sida waxbarasho, in shaqsiga uusan danbi hore u galin ama uusan soo noqon warlord, isla markaana sumcad ku dhex leh bulshada dhexdeeda.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa ka codsaday beesha caalamka inay mowqif mideysan yeeshaan oo shirka London lagu xoojiyo sidii ciidamda Soomaalida iyo hay’adaha amniga dib loogu dhisi lahaa iyo in roadmap ka iyo Garowe Principles ay noqdaan saldhigga dooda iyo waxqabadka.
 


Shirkii ICG oo lagu soo gabo gabeeyey Djibouti (Daawo-Sawirada)

0
0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa maanta soo xiritaankii shirkii ICG ee magaalada Djibouti ka soo jeediyey khudbad xiritaan ah (Closing Statement).
Shirka ICG oo shalay iyo maanta ka socday Djibouti ayaa waxaa looga hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga, gaar ahaan sidii loo sii wadi lahaa howlgaladda looga soo horjeedo kooxaha Al-Shabaab,
Waxaa sidoo kale shirka laga hadlay sidii shacabka Soomaaliyeed loogu abuuri lahaa nolol gaar ahaan degmooyinka iyo gobollada laga xorreeyo Al-Shabaab, iyadoo lagu soo hadal qaaday Shirka London ee 23-ka bisha Febraayo la qabanayo.

Xubnaha shirka ka qeyb galay ayaa isku raacay in shirkaas uu noqdo mid maslaxadda Soomaaliyeed ay ku jirto oo looga hadlo sidii xal waara looga gaari lahaa arrimaha amniga iyo ugu danbeyntii waxaa la isla gartay in xilliga kala guurka ah la soo afjaro 21 August 2012,
Sidoo kale xubnaha ka qeyb galay shirka ayaa soo jeediyay in la dar-dar geliyo dhameystirka Dastuurka iyo dib u habeynta baarlamaanka oo la isku raacay in baarlamaanka cusub uu noqdo mid tayo leh oo ay jiraan shuruurda sida waxbarasho, in shaqsiga uusan danbi hore u galin ama uusan soo noqon warlord, isla markaana sumcad ku dhex leh bulshada dhexdeeda.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa ka codsaday beesha caalamka inay mowqif mideysan yeeshaan oo shirka London lagu xoojiyo sidii ciidamda Soomaalida iyo hay’adaha amniga dib loogu dhisi lahaa iyo in roadmap ka iyo Garowe Principles ay noqdaan saldhigga dooda iyo waxqabadka.



 

Ciidamada Dowladda oo maalintii 3aad wada howl galo dadka degan guryaha dowladda looga saarayo

0
0

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa maalintii 3aad ka wada Magaalada Muqdisho howl galo ballaaran oo dadka degan guryaha hantida guud looga saarayo, kadib markii ay dhamaatay mudadii horay Dowladda u qabatay.
Howl galadan ayaa ah mid ay ka qeyb qaadanayaan Madaxda dowladda iyo Gudi loo xil saaray in dadka guryaha degna laga saaro, iyadoo tallaabada dadka looga saarayo guryaha labadii maalmood ee u dambeeyay si weyn looga dareemay magaalada.

Ciidamada Dowladda ayaa ku guuleystay in dadka laga saaro Bacadlihii Xamar weyne, halkaas oo muddo labaatan sano ay degenaayeen dad, waxaana si nabad ah ay Dowladda kula wareegtay Dhismahaas.
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, Taliyeyaasha Ciidamada oo horkacaya howl galkan ayaa ku ammaanay dadka inay aqbaleen inay ka guuraan guryaha.
Laakiin dad fara badan oo labaatankii sano degenaa guryahaas, una badnaa dad horay gobolada uga soo barakacay ayaa soo wajahday hoy la’aan, iyadoo dadka qaar aysan heysan wax gacan qabad ah oo ay hoy ka sii dhigtaan.
Dowladda ayaa horay ula wareegtay dhismayaal waxbarasho, goobo Caafimaad iyo qaar ka mid ah xarumaha Wasaaradaha oo dad fara badan ay si sharci ah ku degenaayeen, iyadoo tani ay soo celineyso Dowladnimadii iyo in dadkii mudada sharci darada ku degenaa ay isaga baxayaan dhismayaasha danta guud.

Madaxweyne Siilaanyo oo Ethiopia Tagey

0
0

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in xiriirka labada dhinac uu mad-madow ka jiro, sida warbaahinta Somaliland qaarkeed ay xiliyadan dambe qoraysay.

Warbixin and faallo arrintaas la xiriirta qeybta hoose ka dhageyso.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live