Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Djibouti: Shirkii ICG oo soo Gababoobay

$
0
0

RW Somalia ayaa sheegay in waxyaabaha kulankaas lagaga hadlay uu ka mid ahaa shirka London, sidii KMG loo dhameyn lahaa iyo nabad gelyada. Ra'iisal wasaaraha ayaa sheegay in dhamaan intii ka qeyb gashay ay kala hadleen sidii waxa umadda Soomaalidu ay doonayso shirkaas lagaga hadlo.

Warbixin arrintaas la xiriirta qeybta hoose ka dhageyso.


Barnaamij Gaar ah: Shirka London

$
0
0

Waa barnaamijyo taxane ah oo ka hadlaya waxa laga fili karo shirka London ee Soomaalida loogu qabanayo dalka Britain dhamaadka bishan.

Barnaamijka oo dhameystiran qeybta hoose ka dhageyso.

Bacadlhii Xamar-weyne oo DKMG ah lagu Wareejiyey

$
0
0

Madaxweynaha DKMG ee Somalia ayaa guddoomay furihii dhismihii weynaa ee Bacadlihii degmada Xamar-weyne ee gobolka Benaadir.

Madaxweynaha ayaa u mahad celiyey dadkii hayey dhismaha, waxana uu u ballanqaaday inuu ka abaal marin doono dadaalkii ay muujiyeen si ay ilaaliyaan, haatana DKMG ah ugu soo wareejiyaan.

Madaxweynaha ayaa dadka kale ee wali deggan dhismayaasha dawladda uga digay inay kusii jiraan.

Warbixin arrintaas ka hadlaysa qeybta hoose ka dhageyso.

Shirka London: shirqool iyo luggooyo:by Bashir M. Hersi

$
0
0

Sida qarankii u qallibmay, waxaa Soomaaliya loo qabtay dhawr shir,
dhammaan ku suntanaa nabadeyn, waxaase jiray qaar loogu yeeray
wadatashi, aanse nabaddu marna ka marnayn, dabcan nabaddu waa nudubka
nolasha iyo naruuradeeda, Soomaalise naawili waysay, hadday ka dhigatay
qalqabsi iyo warcelinta koowaadba “Nabad ma sheegtay? Ama ma jirtaa? Waa
nabad”, nolosha ayaa rajo ku dhisan, horay u hanqaltaagguna waa
halbeegga noolaha, ma quusto, is mana dhiibo, wuxuu ku hawllan yahay
huleel iyo hawl, hadalkuna waa hawraarta hadranka.
“Baho Higle kalgacalna ku kali tagi waaye, af qarmuunina ku wada joogi
waaye”, shir nagama dhammaado shayna nooma hagaago, sanadkii la soo
dhaafay waxaa la qabtay ugu yaraan 3 shir, waxaa ka badanaa kuwa magaca
Soomaali ku sheeganaa, ee aysan shaahidka ka ahayn, haddaba shirkan
London maxaa laga shinsan karaa? Maxaa ka soo bixi kara? Yaa danleey ka
ah? Maxaa shiddo ah oo ka hor imaan karta?
Inta aanan qormada gudagalin, aan dulmar ku sameeyo shirarkii hore, si
suurad buuxda u muuqato, ugu horrayn, Soomaali waxaa lagu tijaabiyey,
waxa cilmiga siyaasadda ama culuumta dawlaga lagu yiraa: “Creative
chaos” noqonaysana “Fawdada waxtarka leh”, lana hubsaday inay miradhal
tahay, maxaa yeelay dal aan dawlad dhexe lahayn rubuc qarmi ku dhawaad,
haddana nolosha caadi tahay, ayaa ahayd mid ahaysan rumays naan jirin
culimada siyaasadda dhiga, kuna doodi jireen in dawladdo nolosha
casrigaa u tahay udud dhexaad.
Soomaaliya shirarka loo qabtay, intooda badan waxay ka dhaceen dalalka
dariska, Kenya, Djibouoti iyo Ethiopia, waxaa lagu soo wada unkay ama
lagu dunshay dawlado KMG ah, waxaa jira mid ka dhacay Cairo, oo isna
lagu burburiyey maamulkii Sarballaar, dabadeedna dhidibada loo taagay
maamulka Puntland, wax ma idin kaga bexeen isdaba marka labada maamul?
Mid la dumiyey midna la dhisay!
Shirkan London wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyey ee lagu qabanaya wadan
reer galbeed ah, maalintii lagu dhawaaqay, ilaa iminkan aan sadaradan
qorayo iyo inta laga qaban doono, waxaa la falgalay walaac iyo
walaahood, baqdin badanna laga muujiyey, siyaabo kale duwanna looga
dareen bixiyey, illeen qofba meel u darane, dadkuna isku dan ma wada
ahee, gaar ahaan qawlaysatada iyo afar jeeblayaasha, aan garanayn waxa
ay jadiinka mariyaan ma ahane iyo danleyda dhibban, dacaynta daadsan
meel walba iyo dulmanayaasha aan doodaaga  lahayn, waa Soomaaliye.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya shirka, waxayse ka wada siman yihiin
tilmaanta eraga “Maxmiyad”, dareenka digtoonidu ku jirto ee laga
muujiyey shirkan, Anigu dareen kale ayaanba ka qabaa, sababtu waa mid
seefan oo aan sarnayn, imisa shir ayaa naloo qabtay? Dhammaan qof qaylo
ka keenay ma jirin, maya, waaba loo kala tartami jiray, muran iyo
isqabqabsina ka dhici jiray, sida looga qaybgalayo iyo cidda ka
qaybgalaysa, natiijo fiicanna kama soo bixi jiray.
Balaan wax yar gadaal idiin celiyo, Soomaali waligeedba sooyaalka ma
saabsatee, shirkii ugu horreeyey ee Djibouoti wuxuu sabab u ahaa
dagaalkii afar biloodka ee dhexmaray Caydiid iyo Cali Mahdi, ismari
waagi ka dhashay ilaa maanta waa ka taagan, lama tixgalin go’aankii
Mustaxiil ay ku gaareen jabhadahii hubaysnaa, ee ku saabsanaa sida loo
qaybsanayo awoodda maamul, balse isla markiiba shir ayaa la qabtay,
Caydiidna la gees maray, maxaa laga gurtay oo aan qasaaro ahayn? Walise
lama garan qaladkaa dhacay, inuu sabab u ahaa dhibka maanta jira.
Shirkii labaad ee isla Djibouoti ka dhacay, isna waxaa lagu hirgaliyey
mashruuca gurracan ee quursiga Soomaalida, waxaa la meelmariyey “Anaa
buuxa, Adaa bara!”, mardhow fisha maansada Anfariir, dhacii, kufisgii,
boobkii iyo bililiqadii ma deeqin, ee waxay doonayaan inay inta ka
dambaysana ay duugaan! Ma garan, haddana waxaa lagu sheegaa shirkii ugu
wanaagsanaa, dadku ma indhaha ayey la’yihiin? Mise garaadka ayaa guray?
Isma qabanayso, in dad dhan jiritaankooda la inkiro, haddana guul la
tilmaamo, ee Soomaaliyeey maad sidaan isu dhaantid?.
Shirkii Kenya ee Cali Mahdi ku tilmaamay shir Xabasheedka, maalinkii
damabana ku soo dhaweyey Xamar, wakiilna uga noqday shirkii Muqdisha ka
dhacay, isna waxaa ka dhashay Xabashi oo wadankii qabsatay, gees ka
gees, awalba Somaliland iyo Puntland caadi ayey u daganayde, Muqdisho
iyo xarumihii laga hagi jiray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeedna
saldhigyo ka dhigatay, shirkaas isna si weyn ayaa looga qaybgalay, wuxuu
kaloo dhaliyey, waxaan la yiri Federal, “Kayga Anaa iska leh, kaaga
kula lihi”, isna wuxuu dhalay in  dalka dhan reero maalulaan,
aayihiisana la gaar noqdaan, waan sii faahfaahin doona arintan.
Shirarkaa haddii aysan dhalilahaa lahayn, maxaa maanta dhiillada keenay?
Dhibkii dhacay haddii dhaayaha laga wada duubanayo, ma garan waxa midka
London gooni looga dhigayo inuu yahay dhaawaca Soomaali? Soomaali
waligeed ayey dhaacnayd, ma jirin maalin fiito iyo nabar aan dhacaamayn!
Xanuun gacal keenay iyo mid gumaysi keenay ayaana ku gadaamnaa, marna
ma arag ufo samaan iyo saxansaxo udgoon wadata, maalinba ninbaa dhibbane
ahaa, lamana dhugan dhankiisa.
Shirkii Garoowe ayaan ka qoray cinwaan ahaa: “Shirka Garoowe: gogol
shabaqa iyo gar shiilan”, dagaalkii la igu kiciyey waaba la ogaa, maanta
ayeyse habboon tahay inaan mar kale ku celiyo, illeen horaa loo yiri:
“Run sheeg waa ceeb sheege”, qormadaa waxaan ku caddeeyey inaan qolo
gaar ah wax  laga weydiin karin ayaaha umadda, si gaar ah waxaan u
caddeeyey inaysan gooni la noqon karin ayaaha umadda, maxaa yeeelay
iygaba waxba faraha uguma jiraan, ee sideebay u matalaan dad aanba
dirsan?
Haddii loo wada sacbiyey shirkii Garoowe, oo ay isugu tageen laba beel
iyo sadax qawlaysato, maxaa maanta loo yabqamayaa? Shalay maxaa loo
hadli waayey? Mise waa marka jabadka la soo jibaaxo ayaan jaanta
qaadayna? Maantana shirka London iyaga ayaa tagaya, ahna xubaha sida
rasmiga ah loogu casuumay, miyaa la marayaa meeshii laga yiri: “Aan
ooyee albaabka ii xira”, taa waxaan uga jeedaa inta aan shirka lagu
casuumin, illeen wax kale oo u haray ma jiraane, danahoodii waxaa loo
wakiishay laba beel iyo sadax danayste.
Aanse afhayeen u noqdo daqiiqad, haddii dawladdu ku dhisan tahay afar
iyo bar, maamullada lagu casuumayna yihiin beelo, marna dawladda ka mid
ah, marna maamul gaar ah leh, saw laba caynlayn iyo cantuugeynba maaha?
Micnaha inay xaggana wax ku cunaan xagganna wax ku cunaan, maadaama ay
dawladda xubno ku leeyihiin, waxay ahayd in mudnaanta la siiyo beelaha
aan maamul u dhisnayn, siiba kuwa makii horaba la dulmay ee barka la
siiyey, ee aan lahayn Suug  Sawaariiqna aan ridin.
Ugu dambayn, mid waxaan leeyahay kuwa shirka loo madlay, een umaddaan u damqanayn, eeganaya dantooda kaliya:

Sii hadoodilan
Soo hadoodilan
Harga maran sida
Haabaarna u dheer!

Abwaan Hadraawi ayaa maansada “Heelliyo” wuxuu ku yiri:

Nin gumeysi habayoo
isticmaar habeeyoo
la hal maalay baad tahay!
……………………………………
Naaleeye habacsane
Yaa horseede kaa dhigay
Ma Adigaa hoggaanshe ah
Gobanimo hawadin kar
Qarannimo hitiqin kara
Isku duubni hanan kara
Dal sabool ah hagi kar
Himilada xil furan kara
Taariikh la hari kara
Hal-abuurka sharafka leh
Murtidiisa helin kara
Hoodaale Noqon kara?.

Si kale haddaan u dhoho, waa meeshuu abwaanku ka yiri:

Qosol beena fool wada qayiran qiil aan garanaayo
Qoobaan korkii laga qufaly qabarna hooseeyo
Doqonbaa halkii lagu qali lahaa qoorta soo dhigane
Ma Anaa la ii qarshaa middiyo laygu qali doono?!

Midna waxaan leeyahay caddaanka shirka qabanaya:

Waa taa ii gob eheed
Anna kuu gun ahaaye
Hadmaan gudboonaanay?!

Waligiinba Soomaali wanaaggeed kama shaqayne, ma maanta ayaad
garwaaqsateen? Ilama ahan, kollay ujeed gaar ayey leeyihiin, la qiyaasi
karo ama muuqdaba, burcadbadeeddu waa ajandaha koowaad ee shirka, maxaa
yeelay dadka ay qafaasheen waxaa ku jiray dad British ah, sidaa darteed
waa inay wax ka qabtaan, uma jeedaan inta maalin walba xabadda AMISOM
iyo gantaalaha Kenya ku dhimanaya, hubaal inay tahay kaaf iyo kala
dheeri, ama kuwa hadda Tarzan xerayaha ka xiri rabo.
Taa waxaaba ka sii daran in loo bira tumanayo dhaqaalaha wadanka,
maadaama la hubsaday in Soomaali shidaal ka sokow ay ka buuxaan macaadin
waxtar leh, dawladahaanna ay dabada ka riixayaan shirkado, ka dib
markay hubsadeen in geyiga barwaaqo ceegaagto, taana ay muhim u tahay
dhaqaalaha wadamaa iyo ma dhargayaasha shirkadahaa iska leh, oo aan
marna eegin dan iyo duruuf, ee beegsada bugtada iyo kuwa beylahdu ku
dhacado.
Run ahaantii walaaca laga muujiyey shirkan, iyo in wadanka la galinayo
Maxmiyad, ayaa ah baqdinta dad badan ka cabsi qabaan, waaba su’aale
hadda ma madax bannaanahay? Marka laga soo tago maamul beeleedyada,
wadanka waxaa xakuma caddaanka iyo madawga xoogga ku haysta, haddiise
laguu iclaansho maxay kaa badalaysaa hadduu laguu maldaho? Waa meeshuu
abwaanku ka yiri:

Marwo camal xun maangaab ninkeed maqasha baa dhaantaa
Muslinnimo nimaan kuula socon muuminnimo khaa ah
Gaal maxasta kuu dhawra ood magansataa dhaanta!

“Ninkii tashan waaya waa loo talin” murti ayaa dhahaysa, haddaba maxaa
diiday in Soomaali loo taliyo hadday tashan waysay? Dhibka waxaa keenay
in qolo walbaa qolada kale ku eeganayso dhibka, dayaca, duruufta iyo
diihaalka, ayna dhammaatay walaaltinimo iyo darisnimo, haddaba miyeysan
dhaamin in nala maamulo maadaama aan is maamuli weynnay, wali waan is
giijinaynnaa, ma xuma, balse waxay u baahan tahay in la helo dad af iyo
adinba wax ku qabta.
Laba meeris oo ka mid ah maansada “Galbeed”na  waxaan leeyahay Soomaali
inteeda kale, oo aan ku soo afmeerayo qormada, mar dhowna fisha
maansada, waana kuwan labadii meeris:

Saatani gar maahee
Inta goori goor tahay
Haddaan geesiyaal iyo
Isu taagin gabannadu
Soomaali way guban
Goor aan la damin karin
Hadal waxba goynayn
Ayaa loo gudbaayaa!

Maanta aan garqaadanno
Gumaysigana diidnoo
Isku duubni gabigeen
Aan wada gabaadinno
Inaan geyiga leennahay.

Bashir M. Hersi
brdiraac@hotmail.com

Khaatumo State oo Hub kala Wareegtay Somaliland Dagaalkii Maanta Sawiro

$
0
0

Buhoodle  Wararka naga soo gaadhaya baa sheegaya in Ciidamada daacada u ah Deegaanka Khaatumo State  ay Hub kala wareegeen Ciidamada Somaliland dagaalkii Maanta deegaankaasi ka dhacay
Waraysi uu BBcda siiyay  Wasiirka Gaashaaniga Somaliland Axmed Xaaji Cadami  ayaa sheegay in Ciidankooda la soo weeraray Xili Habeenimo ah
Laakiin Garaad u hadlay beelaha Buuhoodle ayaa beeniyay warkaasi isaga oo dhankooda Guul Sheegtay
 
 Sawirada          Hoose ka Daawo







Jerry Rowlings oo Madaxda Dowladda kala hadlay khilaafka Baarlamaanka iyo kulankii Xildhibaanada oo baaqday

$
0
0

Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Jerry John Rowlings ayaa Qasriga Madaxtooyada Soomaaliya kula kulmay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, isagoo kala hadlay khilaafka baahay ee Baarlamaanka u dhaxeeya.
Mr Rowlings oo maalinimadii shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu dhex dhexaadin ka dhex bilaabi doono Xildhibaanada Baarlamaanka, si xal loogu helo is mari waaga ka dhex oogan.
“Waxaan halkan u imid inaan dhex dhexaadiyo Mudanayaasha iyo marwooyinka Baarlamaanka, si xal loogu helo khilaafka”ayuu yiri Jerry Rowlings oo Wariyeyaasha kula hadlay Villa Soomaaliya.
JJ Rowlings ayaa sidoo kale sheegay in hadii xal loo heli waayo khilaafka Baarlamaanka uu go’aan qaadan doono Midowga Afrika sida uu yiri.
Kulamada uu la qaatay Ergeyga Midowga Afrika Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa ahaa mid albaabada uu u xirnaa, oo looga hadlayay sidii xal kama dambeys looga gaari lahaa khilaafka Baarlamaanka.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Gaas ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo dadaalka uu wado Ergeyga Midowga Afrika Jerry Rowlings, isagoo tilmaamay inuu rajeynayo in xal laga gaaro khilaafka Baarlamaanka.
“Waan soo dhoweynayaa dadaalka Mr Rowlings, in Xildhibaanada khilaafkooda la dhameeyo, Jerry Rowlings waxaan isla joognay Jabuuti, anaga Baarlamaanka dan badan ayaa inooga xiran, waxaan rajeyneynaa in khilaafka lagu guuleysto”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Dhinaca kale waxaa baaqday kulan ay yeelan lahaayeen Jerry Rowlings iyo Xildhibaanada Baarlamaanka garabka uu hogaaminayo Madoobe Nuunow, si loogu ambaqaado dadaalada dhex dhexaadinta ee hada bilowga ah.
Wararka qaar ayaa sheegaya in kulanka uu dib ugu dhacay arrimo farsamo, iyo inay jirtay fikrado uu doonayay in Mr Rowlings ka helo Madaxda Dowladda, si mowqifkiisa ku aadan xalinta khilaafka Baarlamaanka ugu bandhigo.
Shirkii Kooxda Xiriirka caalamiga ee lagu soo gaba gabeeyo dalka Jabuuti ayaa laga soo saaray in xal loo helo khilaafka Baarlamaanka, si aanu carqaladeyn Road Map-ka, iyadoo Xubnihii Beesha caalamka ee ka qeyb galay soo jeediyeen in cidii loo arko inay qaswadayaal yihiin lagu soo rogo cunaqabateyn.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa muddo saddex bilood ka dhex taagan khilaaf iyo is mari waa, iyadoo khilaafkan uu gaaray gacan ka hadal tiro ka badan saddex jeer oo Xildhibaanada feer iyo fara-laab ku dhex maray Xarunta Golaha shacabka, waxaana khilaafkooda sii xoogeystay markii xilka ka qaadeen Shariif Xasan, dabadeedna Gudoomiye u doorteen Madoobe Nuunow.

Subac quran JuzTabaarak iyo culumo soomaaliyeed

$
0
0

muxaadaro: 

Filimkan oo tayo leh iyo subac oo dhemeystiray ka daawo http://sonnna.net/
Waa subac quran juz tabaarak oo ey akhrinayaan culimo soomaaliyeed. Wuxuu qaadanayaa illaa iyo 50 daqiiqo ee sabar

Subac quran JuzTabaarak iyo culumo soomaaliyeed

$
0
0

Filimkan oo tayo leh iyo subac oo dhemeystiray ka daawo http://sonnna.net/
Waa subac quran juz tabaarak oo ey akhrinayaan culimo soomaaliyeed. Wuxuu qaadanayaa illaa iyo 50 daqiiqo ee sabar

muxaadaro: 
See video

Weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday hotel Munna oo u dhow xarunta madaxtooyada villa somalia

$
0
0

Muqdisho-hobyonet)Weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsadey gaawi uu saarnaa hal ruux ayaa lagu qaaday hotelka Munna oo u dhow xarunta madaxtooyada Somalia ee Villa Somaliya.
Qaraxa ismiidaaminta ayaa waxaa daqiiqado ka hore laga maqley meelo aad uga fog fog halka lala eegtey, waxaana la sheegey in ugu yaraan 7 ruux la xaqiijiyey inay geeriyoodeen kuwaasi oo fadhiyey banaanka Maqaayad hotelka uu lahaa, iyadoo dhaawacuna aad u fara badan yahay.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxa waxaana halkaasi iminka aad u soo buuxiyey ciidamada dowladda KMG oo halkaasi aan ka fogeyn rasaas xoogan ayeyna kor u ridayaan.
wixii faahfaahin ah la soco goor dhow

WAR DEG DEG: Xildhibaano ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo goor dhaw uu ruux isku qarxiyay

$
0
0

Weerar ismiidaamin ah ayaa waxaa lagu qaaday Hotel Munna oo ku yaalla Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir, iyadoo qaraxaani uu geystay ruux watay mooto laga soo buuxiyay walxaha qarxa.
Ruuxaan ayaa wuxuu qaraxa uu ka geystay maqaaxi ku taalla Hotel Munna oo ku dhaw Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana deggan Xildhibaano badan oo ka tirsan Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya.
Qaraxaan ayaa wuxuu ruxay Dhismaha Hotel Munna, waxaana si weyn looga maqlay guud ahaan Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir, iyadoo dhinaca kalana uu qaraxaasi geystay khasaarooyin kala duwan.
Weerarkaan ismiidaaminta ah ayaa waxaa la-sheegay inay ku dhinteen kuna dhaawacmeyn Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, oo iyagu lala beegsaday qaraxaasi, laakiin majirto faah faahin balaaran oo laga haayo.

Wixii kusoo kordha lasoco.

Dallad ay ku midoobeen ururrada ka shaqeeya samofalka iyo horumarinta bulshada oo Muqdisho looga dhawaaqay

$
0
0

Dallad ay ku mideysan yihiin ururrada ka shaqeeya samofalka iyo horumarinta bulshada ayaa maanta looga dhawaaqay Muqdisho, waxaana munaasabadda looga dhawaaqay goobjoog ka ahaa xubno ka socday qaar ka mid ah hay’adaha gargaarka caalamka.
Dalladdan oo loogu magacdaray Somali Huminaterian Opretional Consortium (SHOC) ayaa waxaa ku mideysan 43 hay’adood oo maxalli ah, iyadoo xafladda ay hadallo ka jeediyeen mas’uuliyiinta kala duwan.
Guddoomiyaha daladda SHOC, C/qaadir Abuubakar Sheekh (Weha) oo ugu horreyn hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in dalladdan la sameeyay bishii September 2011, ayaa wuxuu sheegay in maanta lagu dhawaaqay, isagoo xusay in ujeedooyinka loo aasaasay ay ka mid yihiin sidii shacabka Soomaaliyeed loogu caawin lahaa gacmo wadajir ah.
“Sababta loo aasaasay SHOC waa inay kala shaqeyso hay’adaha caalamiga ah iyo sidii lagu caawin lahaa dadka dhibaateysan,” ayuu yiri C/qaadir Weha.
Sidoo kale waxaa ka mid ah ujeedooyinka sidii loo dhiirigelin lahaa in dadku isku kalsoonaadaan waxna qabsadaan.”
Xubnihii ka hadlay munaasabadda waxaa ka mid ahayd, Sahro Cali Xasan oo ah la taliyaha daladda SHOC iyadoo ku hadlaysay magaca saddex hay’adood oo ka mid ah kuwa taageera SHOC oo kala ah: MCT, SRDF iyo THF ayay sheegtay inay ku faraxsan tahay inay dalladdu ay halkan soo gaarto.
Madaxa hay’adda Qatar Charity, Durraan Axmed Faarax oo munaasabadda ka hadlay ayaa isna wuxuu sheegay in ururrada samofalka ay ku midoobaan daladdan ay suurogelinayso in si fudud wax lagu gaarsiiyo bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay Dr. Axmed Aadan madaxa ururka iskaashiga Islaamka xafiiskiisa Soomaaliya oo u dhashay Suudaan ayaa xusay inuu aad ugu faraxsan yahay soona dhaweynayo SHOC oo uu sheegay inuu goobjoog ka ahaa aasaaskeeda.
“Waxaan ku faraxsanahay in howsha SHOC ay halkan soo gaarto, maadaama aan goobjoog ka ahaa aasaaskeeda. Waxaana ballanqaadayaa inaan taageero hiil iyo hooba ah la garab istaagayno dalladda,” ayuu yiri Dr Axmed Aadan. Isagoo xusay inuu rajeynayo inay wax weyn ka qabato howlaha samofal ee Soomaaliya.
Dhammaan mas’uuliyiintii ka hadlay munaasadda ku dhawaaqista daladda SHOC ayaa waxay soo dhaweeyeen hindisahan cusub ee lagu caawinayo shacabka Soomaaliyeed, iyadoo la filayo in daladdan ay hormuud u noqon doonto sidii la isku kaashan lahaa.
Ugu dambeyn, waxaa baaq diray guddoomiyaha daladda SHOC, C/qaadir Weha isagoo hay’adaha caalamiga ah ku dhiirrigeliyay inay dalladda kala shaqeeyaan sidii shacabka Soomaaliyeed loogu caawin lahaa wadajir.

Weerar Ismiidaamin ah oo galabta lagu qaaday Maqaayad ku dhegan Hotelka Muna

$
0
0

Weerar Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari yar oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa galabta lagu qaaday Maqaayad caan ah oo lagu magacaabo Fatxi oo ku dhegan Hotelka Muna ee degmada Xamar weyne.
Sida wararka sheegayaan qaraxan ismiidaaminta ayaa ka dhacay banaanka hore ee Maqaaxida, iyadoo gaariga uu jiiray qaar ka mid ah dad banaan fadhiyay oo ku shaahayay.
Maqaaxida oo ah mid caan ah, xilliyada galbihii dad badan isugu yimaadaan, ayaa qasaaraha ay dhici kartaa aad u ballaaran yahay.
Qof goob jooge ah ayaa sheegay inuu indhihiisa saaray ilaa tobaneeyo ruux dhaawacyo ah, iyo qaar badan oo dhintay, iyadoo wali si rasmi ah u kala cadeyn qasaaraha.
Maqaaxida oo ah meel laga cunteeyo, isla markaana shaaho xilliyada galbihii ayaa waxaa soo fariistay dad rayid ah, xildhibaano, siyaasiyiin iyo saraakiil ah, waana meel bulsho badan mar walba oo dadka ay ku badan yihiin.
Bishii Agosto sanadkii 2010-kii ayay aheyd markii weerar is qarxin ah lagu qaaday Hotelkaas oo lagu dilay dad gaaraya sodon ruux oo xildhibaano, saraakiil iyo dad rayid ah lagu dilay.
Weerarka Ismiidaaminta ayaa noqonaya kii u horeeyay ee mid ka mid ah maqaayadaha ugu waa weyn magaalada lagu qaado.
La soco wixii ku soo kordha

Qarax ka dhacay Muqdisho

$
0
0

Boliiska magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qof baabuur isku qarxiay uu dilay ilaa toban qof xaafada xamarweyne.

Qarax ka dhacay Muqdisho

$
0
0

Boliiska magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qof baabuur isku qarxiay uu dilay ilaa toban qof xaafada xamarweyne.

C/raxmaan Faroole “Somaliland waa in ciidamadeeda ku celisaa 15-kii Janaayo ka hor meeshii ay joogeen”

$
0
0

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa ku eedeeyay Maamulka Somaliland inay wadaan daan daansi, isagoo ka digay dagaalo sokeeye inay ka hureyso deegaanada Ciidamadooda ay soo galeen.
Isagoo shalay ka hadlay Xaflad lagu soo bandhigayay Dastuur cusub uu yeesho Puntland ayaa waxaa uu ku eedeeyay Ciidamada Somaliland inay ku soo duuleen deegaano dad rayid ah ay degenaayeen.
“Meelaha ay yimaadeen, waa goobihii dadka reer miyiga ee ceel biyoodka ka dhaansanayeen, waxayna ku soo duuleen dadka”ayuu yiri Mr Faroole oo ugu baaqay Ciidamada Somaliland in deegaanada Buuhoodle ay soo galeen inay dib uga laabtaan.

Mar uu ka hadlay shirka London ayuu sheegay in aanay ka qeyb gelin iyadoo dagaalo wado, bedelkii ay ku faani jirtay in maamul nabadeed tahay, waxaana uu xusay in shirka London la isugu yeero dadka nabada Soomaaliya raba.
C/raxmaan faroole ayaa sidoo kale ku eedeeyay siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanka inay mansab siyaasadeed raadinayaan, isagoo ku eedeeyay qaarkood inay yihiin siyaasiyiin fashilmay.
Xiisado ayaa ka taagan deegaano ka tirsan degmada Buuhoodle, halkaas oo shalay ay ku dagaalameen Ciidamada deegaanka iyo Ciidamada Somaliland, iyadoo labada dhinac uu midba midka kale ku eedeeyay inuu dagaalka soo qaaday.


Kenyan, Somali Soldiers Gun down 13 Al-Shabaab Militants

$
0
0

Niarobi(RBC) At least 13 Al-Shabaab fighters have been killed including a top commander in the latest battle in the small town of Dalayat, North East of Badhade, a key transit point from the sea frequently used by the group to re-stock its military supplies,officials said on Wednesday.
Military spokesman Major Emmanuel Chirchir said Abu Yahya, who is Al Shabaab’s field commander in the Southern sector might have been killed by the Somali and Kenyan soldiers during an ambush at the militants camp in the area at 1300GMT on Tuesday.
“The joint operation between the Transitional Federal Government (TFG) soldiers and the Kenya Defence Forces yesterday (Tuesday) might have killed one of Al Shabaab’s top Commanders during a raid at Dalayat in sector south,” Chirchir said in a statement issued in Nairobi.
Kenya launch cross incursion in Somalia on Oct.16, 2011 to subdue Al-Shabaab the east African nation blames for raids and kidnappings particularly on its northern region.
The latest development comes as Kenyan security forces at the border points are grappling with threats posed by the insurgents who have been laying landmines mainly targeting police and soldiers patrolling the Somalia border.
“During the attack, 13 Al-habaab militants were killed while others escaped with serious injuries. Eight machine guns were recovered during the attack,” Chirchir said.
Dalayat is a stronghold of Al-Shabaab and doubles up as their command centre for the southern region thus protecting Bula Haji.
Chirchir confirmed that two Kenya Defence Forces (KDF) soldiers sustained minor injuries during the ambush carried out by the allied forces while the one who seriously injured is receiving treatment in Kenya.
“One of the KDF soldiers injured during the incident was flown to Garissa military camp for further medical attention while two others who had sustained minor injuries were treated and have since resumed duty,” Chirchir said.
The East African nation has been beset by a spate of grenade and landmine attacks since it launched cross border incursion into neighboring Somalia last month to pursue the al-Qaeda allied Al- Shabaab militant group.
The troops have since “liberated” several towns in Southern Somalia but the ultimate aim is to capture Kismayu, regarded as the nerve centre of Al-Shabaab’s operations in the region.

Al-Shabaab oo ku hanjabay inay sii kordhin doonaan qaraxyada

$
0
0

Kadib markii shalay qarax loo adeegsaday gaari yar oo ka dhacay Maqaaxi caan ah oo ku dhow Hotelka Muna ayaa weerarkaas waxaa sheegtay Xarakada Al-Shabaab oo dagaal kula jira Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM.
Afhayeen u hadlay Al-Shabaab oo la yiraahdo C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in weerarkaas ay ku dileen Xildhibaano iyo saraakiil nabad sugid ah.
“Weerarkaas miino waxay mujaahidiinta la beegsadeen meel ay degenaayeen kuwa sheegta Xildhibaano ee sharci dajiyeyaasha isu sheega, iyo kuwa PS-ta”ayuu yiri Abuu Muscab oo tilmaamay inay sii kordhin doonaan weeraradaas.
Abuu Muscab ayaa sheegay in weerarkaas ahaa mid mujaahidiinta ku diyaariyeen goobta, waxaana uu ka dhawaajiyay in sidii loogu tala galay iyo qorshihii ujeedkiisa ahaa laga gaaray sida uu yiri.
“Waxaa xaq ah in la dilo kuwa Dastuurka sameysay ee Kitaabka Alle tuuray ee gaalada ah, kuwa dawaaqiida”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Laakiin Hey’adaha ammaanka dowladda ayaa sheegaya in weerarkaas uu ahaa mid ismiidaamin ah oo la doonayay in lagu qarxiyo Hotelka, ha yeeshee Maqaayad ku dhoweyd uu ku qarxay.
Balse qaraxan ayaa dad badan ku sheegeen in gaariga uu saarnaa, isla markaana uu yaalay meel ku dhow maqaaxida, xilliyada galbihii ay fariistaan dhalinyaro, shaqaalaha dowladda, xildhibaano iyo saraakiil ah, iyadoo ujeedka weerarkana uu halkaas ku wajahnaa.
Goobta qaraxa lala eegtay iyo goobo kale oo ay ka mid aheyd Timo jare ayaa bur bur xoogan ka soo gaaray qaraxa, waxaana saaka jirin halkii dadka isugu imaan jireen oo aheyd meelaha ugu camiran bartamaha magaalada dadkana fariisan jireen in cidna ku sugneyn.

Tababarihii xulka Qaranka England Fabio Capello oo is casilay

$
0
0

Tababarihii xulka Qaranka England Fabio Capellp ayaa iska casilay xilka tababarnimo, kadib markii uu u gudbiyay xiriirka FA ee dalka Ingiriiska warqadiisa istiqaalada.
Is casilaada Macalin Capello ayaa sabab u aheyd is casilaadiisa kadib markii uu ka soo hor-jeestay go’aankii Xiriirka FA-ga uu Kabtanimada xulka uga qaaday John Terry.
Macalin Capello oo u dhashay Talyaaniga ayaa u soo saaray Xulka England ciyaaraha kama dambeysta Koobka Qaramada Qaarada Yurub oo ay ka harsan tahay afar bilood.

Go’aanka xiriirka FA-ga ku gaaray inuu Kabtanimada ka xayuubiyay John Terry ayaa keentay muran hareeyay Isboortiga Ingiriiska, iyadoo warbaahinta dalkaas ay aad u hadal heysay khilaafka u dhaxeeyay Tababare Capello iyo xiriirka FA-ga.
Tababarayaal dhowr ah ayaa hada u hanqal taagaya inay qabtaan xilka tababarnimo ee Ingiriiska sida Tababarihii hore Sven Goran Erikson, Tababaraha xilligan ee Tottenham Harry Redknap iyo kuwo kale.
Xiriirka K/cagta Ingiriiska ayaa lagu wadaa in todobaadyada soo socda ay magacaabaan Tababaraha cusub ee xulka qaranka, si ay isugu soo diyaariyaan ciyaaraha Koobka qaramada Yurub.

Xulalka Ivory Coast iyo Zambia oo u soo gudbay Finalka Koobka Qaramada Afrika

$
0
0

Xulka K/cagta Zambia ayaa wacdaro layaab leh ka dhigay Koobka Qaramada Afrika, kadib markii ciyaartii Sema Finalka aheyd ee dhex martay Xulka Ghana oo ahaa xulkii loo saadaalinayay Koobkan uu gool iyo waxba uga badiyay.
Zambia oo tartamadan ciyaaro cajiib ah soo bandhigtay ayaa is geysay Finalka Koobka Qaramada Qaarada Afrika, iyadoo goolka ay uga badisay Ghana uu u dhaliyay ciyaaryahan Emmanuel Mayuka.

Ghana waxaa qeybtii hore ee ciyaarta rigoore ka qasaariyay laacibkooda Asamoah Gyan, waxayna rigooradan la mid aheyd tii sanadkii 2010 Koobkii Aduunka lagu qabtay K/Afrika ciyaartii wareega 8-da aheyd ee xulka Uruguay la ciyaareen uu qasaariyay marka loo eego rajada ku jirtay.
Xulka Ivory Coast maroodiyeyaasha ayaa iyana guul muhiim ah ka gaaray xulka Mali, kadib markii gool iyo waxba ay uga badisay.
Ciyaaryahanka u ciyaara Arsenal Gervinho ayaa u dhaliyay goolka u suura geliyay in Finalka ugu diro xulkiisa, kaasoo qeybtii hore daqiiqadii 45aad uu dhashay.
Xulalka Ivory Coast iyo Zambia ayaa hada taagan Finalka, iyadoo Ivory Coast ugu dambeysay Finalka koobkan sanadkii 2006-dii, xilligaas oo ciyaartii Finalka magaalada Qaahira uga qaaday Koobka Xulka Masaarida.

Wasiirada Gaashaandhiga iyo Arrimaha gudaha oo shacabka ka codsaday inay la shaqeeyaan Hey’adaha ammaanka

$
0
0

Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Gaashaandhiga ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii weynaa ee shalay ka dhacay goob maqaaxi aheyd oo ku dhow Hotelka Muna, kaasoo mas’uuliyadiisa ay sheegteen Al-Shabaab.
C/samad Macalin Maxamuud ayaa ku tilmaamay weerarkan in aanu ka dhalan dayacaad xaga Ciidamada Amniga ah, isagoo tibaaxay in horay Ciidamada u fashiliyeen weeraro qaraxyo ahaa.
“Lama dhihi karo in weerarkii shalay ahaa mid dayacaad ammaanka, marka qof isku tala galo inuu is qarxiyo cid celin karta ma jirto”ayuu yiri C/samad Maxalin Maxamuud.
Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in weerarkaas ay jiraan dad loo qab qabtay, inkastoo uu xusay in baaritaano socdaan.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise ayaa ku eedeeyay Shabaab inay u soo dhigteen baabi’inta shacabka, isagoo xusay min qaraxii Shaamow iyo kuwii u dambeeyay ahaa mid shacabka lagu leynayay.
“Al-Shabaab waxay ka soo horjeedaan nolosha dadka, waa dad cadaw u ah umada, qaraxii shaamow ilaa iyo hada dadka shacabka ayay leynayaan”ayuu yiri Xuseen Carab Ciise.
Mr Carab ayaa ugu baaqay shacabka inay banaan bax sameeyaan, isla markaana isugu soo baxaan, si ay u muujiyaan fikirkooda, hase ahaatee hadii ay taas sameyn waayeen ayuu yiri inay u arkayaan in Shabaab taageeraan.
Ugu dambeyn Wasiirada ayaa ugu baaqay shacabka inay feejignaadaan, isla markaana la shaqeeyaan shacabka, waxaana ay tilmaameen in Ciidamada ammaanka ay sameyn doonaan howl galo looga hortagayo falalkan.
13-ruux ayaa ku dhimatay weerarkii qaraxa ahaa ee shalay ka dhacay Baar Fatxi oo ku dhegan Hotel Muna, markii gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay loo adeegsaday, meel ay dad badan fadhiyeen, iyadoo labo la mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ku dhaawacmeen.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live