Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Egypt:Mudaaraadyo ka Dhacay Mar Kale

$
0
0

Kumanaan Dadka reer masar ah ayaa socod ku tagay dhismaha Wasaradda Difaaca ee Magaalada Qaahira jimcihii shalay, si ey uga dalbadaan hogaamiyeyaasha Milatariga ee dalkaasi inay awoodda iska wareejiyaan.

Dibad baxyada ashtakada ah ayaa ku soo beegmay maalin ka hor xilli ay dadka u dhaq dhaqaaqa demuquraadiyadda Suuriya ay qorsheeynayeen inay ku xusaan sanad guurada, waqtigii xukunka laga tuuray Madaxweynahii hore ee Masar Hosni Mubarak, banaan baxyo iyo shaqo joojin.

War laga aqriyay TVga dowladda, ayey golaha sare ee ciidmada Qalabka sida, ee awoodda dalkaasi la wareegay, markii uu xukunka ka deggan Mubarak, ayaa sheegay in cadadaadiska lagu hayo, iyo hanjabaadda dartood aysan ku qabsbeyn inay dedejiyaan xukunka oo lagu wareejiyo aysan u aaba yeelen hanjabaad iyo cadaadiska lagu hayo si awoodda ay deg deg ugu wareejiyaan xukumad rayid ah.

Golohu waxuu kaloo sheegay in Masar ay bartilmaameed u tahay shir qoolo ku wajahan sidii loo abuuri lahaa xasilooni darri, hase yeeshee  carabka kuma uusan dhufan cidda ka dambeeysa shirqoolada.


Ciidamadda Dowladda Kenya iyo Xarakada Al Shabaab oo markale dagaalo faraha looga gubtay iskaga hor yimid

$
0
0

Dagaalo xoogan oo khasaaro xoogan ayaa waxay maanta dhex mareyn Ciidamadda Xarakada Al Shabaab iyo Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Kenya oo garab ka hellaaya Ciidamadda Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Dagaalada ayaa waxay maanta ka dhaceen Deegaanka Buusaar ee duleedka Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo, isla-markaana dagaalada ayaa waxay daba-socdaan dagaalo kaloo xoogan oo xalay ka dhacay Deegaanka Buusaar.
Dagaalada labada dhinac ku dhex maray Deegaanka Buusaar, ayaa waxay ahaayeen kuwo aad u xoogan, kadib markii ay isku adeegsadeen qeybaha kala duwan ee hubka, kuwaa oo si weyn u ruxay gees ka gees Deegaanka Buusaar.
Dagaaladaan oo soconaayay muddo dhan hal saac oo xiriir ah, ayaa waxaa labada dhinac ka soo kala gaaray khasaarooyin kala duwan oo iskugu jira dhimasho, dhaawac iyo baabuur la-sheegay in Ciidamadda Dowladda Kenya laga gubay.
Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in Xoogaga Shabaab dib loogu celiyay deegaanadii ay weerarada ka soo qaadeen, isla-markaana xaaladda Deegaanka Buusaar ayaa waxay xilligaan taahy mid deggan.
Iskusoo wada-duuboo dagaalada ka soconaaya Gobolka Gedo ee u dhaxeeya dhinacyada iska soo horjeeda, ayaa waxay maal-mahaan noqdeen kuwo joogto ah oo geysanaaya khasaarooyin kala duwan, oo labada dhinac ah.

Dagaal culus oo magaalada beledweyne ku dhexmaray Dooxada shabeele iyo maleeshiyo galbeedka magaalada degan

$
0
0

Beledweyne-hobyonet) Dagaal faraha looga gubtey ayaa waxaa uu ka soconayaa xaafad ka tirsan magaalada beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,halkaasi oo ay ku dagaalamayaan ciidanka Dooxada shabeelle oo sheegey inuu maamulo gobolka iyo maleeshiyo beel degta galbeedka magaaladaasi.
Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa ka dambeeyay markii ciidamada dooxada Shabelle oo ka duulaan tagay dhanka bari magaalada ay weerareen ciidamo kale oo ku sugnaa galbeedka, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay is uruursanayay.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yahay mid labada dhinac isku adeegsanayaan qoryaha boobayaasha iyo qoriga lagu rakibay gaadiidka Tiknikada.
Dadka ku nool magaalada B/weyn ayaa durba cabsi xoog leh la soo deristay, iyadoo markii hore xaaladooda aheyd mid aad u xumeyd, kadib bandow iyo dhaq dhaqaaqa magaalada oo noqday mid la xanibay.
Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalka uu wali socdo, inkastoo aanay ciidamada itoobiya dagaalka qeyb ka aheyn, hadana ma jirto wax kala dhex gal ah.
Dagaalkan ayaa ciidamada uu u dhexeeyo ahaa kuwo wadajir ah ula dgaalamayey xarakadii al-shabaab oo magaalada laga saarey, waxaana arinka leeysku hayo sakdhig u ah, sheegashada dhinaca maamulka ee magaalada oo beryahanba murankeedu socdey.
www.hobyonet.com

Andrew Micheal Baa Garowe Ka dagay Somaliland-na Safiir ku Xigeenka Ethiopia loo Soo Diray (Dhageyso) Dood Kulul

$
0
0

Dood Ay BBC-da u qabatay Xilibaano ka tirsan Somaliland oo ku kala aragti duwan ka qeyb galka Shirka London Ee la rajeeynayo 23 Feb ka qabsoomo Magaalada London ayaa waxaa ay xilibaanadu Dood kulul Kaga yeesheen ka qeyb galka shirkaasi iyo sida maamulka somalliland u qaadacday ka qeyb galkaasi.
Xilibaan Axmed Yaasin Sheeq Cali oo Qaba Fikir Ah in Ka qeyb Galka Shirkaasi Uusan Ahayn Mid Carqalad ku ah somaliland
Halka Xilibaan Cali Sheeq Ibraahimna Uu qabo Fikir ah in Somaliland lagu mijaxaabinyo shirkaas.
Hadaba Xilibaan Axmed Yaasiin Mar uu Ka Hadlayay Quburada Soo Booqatay Somaliya Waxaa Uu yiri:” William Heeg Baa Muqdisho Gaaray oo amaan daro ka jirto Andrew micheal Baa Garowe Ka dagay Somaliland waxaa loo soo diray safiir ku xigeenka Ethiopia” Ayuu Yiri.
 
Hoos Ka dhageeyso Dooda OO Aheeyd Mid kulul
Somaliland
Jaamac C/laahi
 GalGalanews

Ciidamadda Dooxada Shabelle oo guulo waaweyn ka gaaray dagaalada culus ee ka dhacay Magaaladda Baladweyne

$
0
0

Ciidamadda Maamulka Dooxada Shabelle ayaa waxay ka guuleysteen dhinacyadii maanta kula dagaalamay Galbeedka Magaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, iyadoo dhinaca kalana ay dagaaladu geysteen khasaarooyin kala duwan.
Ciidamadda Maamulka Dooxada Shabelle oo la-sheegay inay la-dagaalamayaan Al Shabaab, ayaa waxay dagaalo 3 saac qaatay ay la-galleen dadka degga Galbeedka Magaaladda Baladweyne, isla-markaana seddex saac kadib ayay qabsadeen Galbeedka Magaaladda Baladweyne.
Dhinacyadii ka dagaalamaayay Galbeedka Magaaladda Baladweyne, ayaa waxaa la-sheegay inay aadeen dhinaca Qoraxsin, isla-markaana Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa la-fillaayaa inay ka daba-taggaan.
Afhayeenka Maamulka Dooxada Shabelle Maxamed Nuur Caga-joof, ayaa wuxuu goor dhaw uu xaqiijiyay inay dagaalo xoogan kula wareegeen Galbeedka Magaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.
Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday inay maanta dagaalo xoogan kula galleen argagaxisada, oo uu kala jeedo kooxda Shabaab, isla-markaana beesha degta Galbeedka Magaaladda Baladweyne, ayaa wuxuu sheegay inay taageersan tahay Al Shabaab.
Caga-joof ayaa wuxuu sheegay in Al Shabaab ay ka dilleen ilaa 10 askari, halka tiro intaasi ka badana uu sheegay inay u geysteen dhaawacyo kala duwan, isagoo intaasi ku daray inay ku sii socdaan dhinaca Qorax-sin.
Dagaalada culus ee maanta ka dhacay Galbeedka Magaaladda Baladweyne oo geystay khasaarooyin xoogan, ayaan la-sheegin inay ka qeyb qaateen Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Itoobiya, oo ku sugan Magaaladda Baladweyne.

Buug ka hadlaya xuquuqda caruurta

$
0
0

Dhawaan waxa la soo saaray buug ku qoran afka Soomaaliga oo ka hadlaya Axdiga caalamiga ee xuquuqda caruurta, gaar ahaan dhibaatooyinka xagga xuquuqa ee heysta caruurta Soomaaliyeed.

Buug ka hadlaya xuquuqda caruurta

$
0
0

Dhawaan waxa la soo saaray buug ku qoran afka Soomaaliga oo ka hadlaya Axdiga caalamiga ee xuquuqda caruurta, gaar ahaan dhibaatooyinka xagga xuquuqa ee heysta caruurta Soomaaliyeed.

Barn. Hambalyada iyo Heesaha

$
0
0

Hambalyada iyo Heesaha waxaad ku maqashaan warqaddaha tahniyadaha iyo heeso macaan oo isugu jira kuwii hore, dhexe iyo kuwa cusub.


Martida: Prof. Afyare Cabdi Cilmi

$
0
0

Barnaamijka Martida Makrafoonka waxaa marti ku ah Prof. Afyare Cabdi Cilmi oo barre ka ah jaamacadda Qatar kana hadlaya midowga Al-shabaab iyo Alqaacida.

Cawayska Washington

$
0
0

Barnaamijka Cawayska Washington waxaan idiinku haynaa qodobo kale duwan oo xiiso badan.

kitaabka ducooyinka &adkaarta sh c/raxiim abuu ceyneyn - 6

Sarkozy Woos Far-right, Jewish Voters

$
0
0

Trailing in the polls and with elections just 10 weeks away, French President Nicolas Sarkozy has been accused of leaning further to the far-right with anti-immigrants’ rhetoric to woo supporters of National Front leader Marine Le Pen, Reuters reported on Sunday, February 12.

WAR DEG DEG: Al Shabaab oo sheegtay in maanta kadib aan loogu yeeri karin Xarakada Al Shabaab

$
0
0

Xarakada Al Shabaab oo ku biirtay kooxda tunka weyn ee Al Qaacida, ayaa waxay shaaca ka qaaday in maanta kadib aan loogu yeeri karin Xarakada Al Shabaab, waxayna sheegtay inay ka gudubtay magacaasi.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla, ayaa wuxuu khudbad dheer uu ka jeediyay banaanbax balaaaran oo maanta ka dhacay Magaaladda Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Sheekh Abuu Cabdalla ayaa wuxuu sheegay ka qaaday inay si toos ah ugu biireyn kooxda tunka weyn ee Al Qaacida, isla-markaana wuxuu dalbaday inaanan maanta kadib loogu yeerin Al Shabaab,oo loogu yeeru Al Qaacida.
“Mujaahidiinta waxay ku biireyn Mujaahidiinta Al Qaacida, maanta kadib waxaan ku dagaalami doonaa magaca Al Qaacida, walaalaha waxaan ka codsaneynaa inay noogu yeeraan Al Qaacida, oo aysan noogu yeerin Xarakada Al Shabaab” ayuu yiri Sheekh Maxamed Auu Cabdalla.
“Mujaahidiinta waxay beyco la-galleen Mujaahidiinta Al Qaacida, sababtana waxaa weeye waxaad ogtihiin in Gaallo oo dhan ay nagu soo duushay, hadda fiiri xuduudaha xataa waxaa ka soconaaya dagaalo” ayuu yiri Sheekh Maxamed.
“Gaallada haddii ay isa soo baheysteen, anagana waxaan isbaheysi la-sameysanay Mujaahidiinta Al Qaacida, dagaalada runta ah ee u dhaxeeya Muslimiinta iyo Gaallada hadda ayay si toos ah u bilaaban doonaan” ayuusii raaciyay Abuu Cabdalla.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa wuxuu Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla ugu baaqay, inay taageeraan Xarakada Al Shabaab oo xilligaan kadib uu codsaday in loogu yeero Al Qaacida.

AMISOM Oo Afka Saaraysa Afgooye

$
0
0

Muqdisho – GMN - Ciidanka midowga Africa ee jooga Somalia ee la yiraahdo Amisom ayaa sheegay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu dhaqaaqi doonaan magaalada Afgooye ee gobalka Sh/hoose.
Taliye ku xigeenka ciidanka Amisom Nduwumunsi ayaa usheegay wakaalada wararka ee AFP in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ugu dhaqaaqi doonaan magaalada afgooye oo 30km ujirta Muqdisho.
Waxaa uu sheegay in ay heystaan ciidan gaaraya 9,700 oo askari ayna awood uleeyihiin in ay qabsadaan magaaladas,
Nduwumunsi ayaa sheegay in ay uga digayan shacabku in ay ku sii nagadan magaldas isagoo qiray in Amisom aaney dooneyn in ay dhibaateyso shacabka .
Waxaa uu sheegay in ay doonayan in Al Shabab ay ka fogeeyaan caasimada isagoo intaa ku daray in hadii loo baahdana ay afgooye dhaafi doonaan.
Xarakada Al shabab ayaa u aragta dagmada Afgooye deegaan istaraatiiji ah waxaana duulaan lagu qaado magaaladaas uu dhaawici kara xukunkooda koonfurta Somalia.
Gedo Online News
Gedoonlinenews@gmail.com

Somalia President: Al-Qaeda now ‘a colonial power’

$
0
0

Somalia’s President wants Al-Qaeda listed as a colonial power in the Horn of Africa country following its announcement of a merger with Al-Shabaab, the radical Islamist group, in Somalia last week.
 
Africa Review
Monday, February 13, 2012
“We must identify Al-Qaeda as the last colonial power that invaded our country,” said President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed while speaking Sunday at a function in southern Mogadishu to enhance social integration in the war torn city on Sunday.
Britain and Italy were the country’s colonial rulers before Somalia got its independence in 1960. Now President Ahmed wants Al-Qaeda added to that list in what may be an attempt to rally sentiment against the extremist group that controls significant pockets of the country.
President Ahmed has expressed his doubts over peace talks with the group.
“Al-Shabaab’s move to join Al-Qaeda erodes all hopes for peace talks,” said the President, who was clad in military combat attire and wielded a black stick.
Mogadishu mayor Mohamoud Ahmed Nur alias Tarzan said that Al-Shabaab’s union with Al-Qaeda was an indication that the Islamist movement was split.
“I believe that Godane (popular name of the leader of Al-Shabaab, Sheikh Mukhtar Abdurahman Abu Zubayr) led a minority of the fanatical movement to join Al-Qaeda,” said Mayor Nur. “I urge the majority of Al-Shabaab loyalists to come forward and unite the TFG.”
No impact
On Saturday, Lt Col Paddy Ankunda, the spokesman of the African Union Mission in Somalia (Amisom) said the merger between Al-Shabaab and Al-Qaeda, the Afghanistan and Pakistan based Islamist umbrella would not have an impact on Amisom’s peacekeeping efforts.
Talking to Shabelle, an independent media in Mogadishu, Lt Col Ankunda said that the reports contained no new disclosures.
“It is not new to hear Al-Qaeda and Al-Shabaab having the same objectives,” said Lt Col. Ankunda.
He added that the international community was expected to assist the transitional government and Amisom in clearing Al-Qaeda from Somalia, given the African Union mission’s stated objective is the pacification and stabilisation of Somalia.
Meanwhile, Sheikh Bashir Ahmed Salad, the chairman of the Supreme Religious Council (SRC) in Somalia, has warned that the merger between the militant groups could stand as a fresh threat to Somalia’s independence.
Talking to Radiyo Muqdisho, a state-run broadcaster, Sheikh Salad stated the merger was not a surprise since their aims were similar.
However, the cleric noted an immediate threat posed by the union.
“The new formation is likely to deepen [the] security hazard against innocent people,” he said, adding that militant desperation may lead to increased suicide missions and other indiscriminate attacks.


Dowladda KMG oo ka hadashay Mowqifkeeda ku aadan ku biiritaanka Al-shabaab ee Ururuka Al-qaacida.WARSAXAAFADEED

$
0
0

Muqdisho-hobyonet)Warsaxaafadeedkii ay soo saartay Dowlada KMG ah waxa uu u qornaa sidatan;
Dowladda Soomaaliya waxay soo saareysaa war saxaafadeedkan ayadoo ka jawaabeysa wararkii ka soo baxay 9-kii bishaan febaraayo 2012 ee hogaamiyaha Al-Qaacida Ayman Al-Dawahiri iyo Horjoogaha kooxdii Al-shabaab Axmed Cabdi Godane laguna baahiyay baraha Internet-ka ee ahaa in Al-shabaab si rasmi ah ugu biirtay Ururka argagaxisadda ah ee Al-Qaacida.
Dowladda Soomaaliya marnaba shaki ugama jirin in ururka Al-shabaab ka tirsanaa Al-Qaacida, taas oo ay ka marqaati kaceysay fariimaha ay is dhaafsadeen labada horjooge.
Dowlada Soomaaliyeed waxay rajeynaysaa in caalamka ay u xaqiiqowday in dagaaladii Soomaaliya ka socday sanadihii la soo dhafay ay u dhaxeeyeen Dawladda Soomaaliya oo kaashaneysa ciidamada AMISOM iyo Ururka Al-Qaacida, anagoo aaminsan in ku biiritaanka rasmiga ah ee Al-shabaabna uu sii kordhin doono halista nabadgalyo xumo ee Soomaaliya, bariga Afrika iyo guud ahaan caalamka, waxayna halis u tahay in Soomaaliya ay noqoto saldhigga Al-Qaacida ee bariga Afrika sida uu ku sheegay hadalkiisa hogaamiyaha Al-Qaacida.
Dowlada Soomaaliya ma dhayalsaneyso khatarta ka dhalan karta ku biiritaankan rasmiga ah, waxayna galinaysaa heeganka ugu sareeya dhamaan ciidamada nabadgaliyada Qaranka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed si looga hortago halistaas ku soo wajahan nabagalyada Soomaaliya iyo gobolkan bariga Afrika.
Dowlada Soomaaliyeed waxay ugu baaqeysaa bulshada caalamka in ay garab istaagaan dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed, qaadaana talaabooyinka soo socda:
1. In la qaado cunaqabateynta hubka ee saaran dowlada Soomaaliya si loo difaaco qaranimada dalka, loona dhameystiro guulaha ay gaareen ciidamada Qaranka iyo xoogaga Amisom
2. In la xoojiyo lana tayeeyo ciidamada qaranka Soomaaliyeed.
3. In taageero toos ah ah oo dhinac walba ah lala garab istaao dowlada Soomaaliyeed, si ay u gudato xilka ka saran nabad kusoo dabaalida iyo xasilinta dalka.
Ugu dambeyntii waxaan ugu baaqeynaa dhaaman dhalinyarada ay marin habaabiyeen kooxdii Al-Shabaab in ay tanaasulaan la shaqeynta kooxdaas, mar haddii ay u cadaatay in ay kooxdani u xuubsiibatay, kuna biirtay argagixisada iyo dambiilayaasha caalamiga ah ee Al-Qaacida. Dowlada Soomaaliya waxay u fidinaysaa fursadii ugu dambeysay oo ay ku dhigi karaan hubka una qaadan hanaanka nabada muddo ku kooban 15 cisho.

DHAMAAD

Www.hobyonet.com

Taliska AMISOM: Dhawaan waxaan weerarri doonaa Afgoye

$
0
0

Taliska ciidamada Midowga Afrika ka jooga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay duulaan ku qaadayaan gobolka Shabellaha Hoose gaar ahaan degmada Afgoye oo ay gacanta ku hayso Xarakada Alshabab.
Audace Nduwumunsi, oo ah taliye ku xigeenka ciimada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in dhawaan uu bilaaban doono howlgalka ay ciidamada AMISOM ku qaadayaan deegaannada ka baxsan Muqdisho.
“Dagaalka Afgoye sida ugu dhaqsaha badan ayuu ku bilaaban doonaa. Dhawaan ayaan weerari doonaa Afgoye, laakiin waxaa ay ku xiran tahay sida xaaladu noqoto,” ayuu wakaalada AFP u sheegay Nduwumunsi.
Sarkaalkan ayaa intaa ku daray in dowladdalaha Uganada iyo Burundi ay ciidamo dheeraad ah usoo dirayaan Soomaaliya si Alshabab dalka looga saaro.
“Waxaa sidoo kale qorshaha noogu jiro inaan tagno deegaannada ay ciidamada dowladda ka taliyaan ee ku yaala goboladda Soomaaliya.”ayuu yiri sarkaalkan.
Ciimada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya ayaa waxaa haatan tiradodu gaaraysa 9,700 oo askari, kuwaasi oo ka socda dalalka Burundi, Djibouti iyo Uganda.

SOMALIA: President says Al-Shabab’s merging into Qaeda is new threat

$
0
0

By; Abdalle Ahmed
Somalia president Sharif Sheikh Ahmed has strongly criticized Al-Shabab’s claim of merging into Al-Qaeda.
“Both Qaeda and Shabab said they joined together which means that Shabab extremists are not willing to open any peace deal with the government” The president said on Sunday after short visit in Wadajir district of Mogadishu.
“We must know that there is new security threat at this point”, Sharif warned.
He also told that Somali people must assist government forces in eradicating Al-Shabab elements in the country by such move will lastly bring lasting peace in Somalia after twenty years of anarchy.
New colony
President Sharif described Al-Qaeda as new colonial power in Somalia while he urged Somali nationals to stand to take over the new colonial.
 
“From today let us mention Al-Qaeda “a new colonial power” invaded Somalia so it is our duty to defeat the colonial system as we did in the past”, the president added.
On Thursday Feb. 9 Al-Shabab leader Ahmed Godane {known as Abu Zubery) announced that his fighters directly merged into Al-Qaeda group.  Al-Shabab radio broadcasted recorded voices of Al-Qaeda leader Dr. Eyman Dawahiri saying that they accepted Al-Shabab’s joining into them.
 
 
 
RBC Radio
 

Somalia Says al-Shabaab, al-Qaeda Union Raises Security Risks

$
0
0

Mogadishu (RBC)  Somalia’s government said al-Qaeda’s announcement that the al-Shabaab militia had officially joined the organization will destabilize the war-torn nation even further while increasing security risks in the region.
Al-Qaeda leader Ayman al-Zawahiri announced on Feb. 9 that al-Shabaab, which has waged an insurgency against Somalia’s United Nations-backed government since 2007, joined its ranks “to support the jihad unity against the Zionist crusader campaign,” according to a video posted on the website of al- Arabiya, the Dubai-based broadcaster.
“Their union will increase insecurity in Somalia, East Africa and the rest of the world,” the government said in an e-mailed statement today from Mogadishu, the capital. Somalia also risks becoming an al-Qaeda base in East Africa, it said.
Somalia has been wracked by a civil war since the ouster of Mohamed Siad Barre, the former dictator, in 1991. Al-Shabaab, which controls most of southern and central Somalia, has been fighting President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed’s administration in Mogadishu in a bid to establish an Islamic state.
The government urged the international community to end an arms embargo against the country and help reinforce the Somali National Army to help defend the country against al-Qaeda. Sheikh Sharif’s security forces are supported by more than 10,000 African Union peacekeepers.
It urged supporters of al-Shabaab to “lay down their arms and follow the peaceful way within 15 days,” without saying what action would be taken beyond that deadline.
Source: http://www.bloomberg.com/news/

Madaxweynaha Sheekh Shariif oo sheegay inay la dagaalamayaan cid walba oo doonaysa inay dalka geliso Gumeysi

$
0
0

Isniin, Feberaayo 13, 2012 (Galgalanews) Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo dadweyne fara badan kula hadlayay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir Axaddii shalay ayaa sheegay inay la dagaalamayaan cid walba oo doonaysa inay dalka geliso gumeysi cusub.

 
Sheekh Shariif, ayaa sheegay in dowladdiisu ay ka go’an tahay inay ka hortagto cid walba oo ku haminaysa inay Soomaaliya mar kale ku celiso gumeysi iyo cid walba oo aan doonayn nabad iyo dowladnimo dalka, inkastoo uusan cid gaar ah carrabka ku dhufan.
“Dalkan muddo dheer ayuu dhibaato kusoo jiray; mana ogolaanayno in dhibaatooyin kale iyo gumeysi lagu celiyo, cid walba oo taas ku haminaysana kama ogolaanayno,” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay midowgii Al-shabaab iyo Al-Qaacida, isagoo sheegay in taasi ay xirtay albaabbadii wadahadalka ee ay horay ugu fureen Al-shabaab, ayna Al-Qaacida u aqoonsan yihiin gumeysi cusub.
“Al-shabaab sida aad maqasheen waxay sheegeen inay Al-Qaacida ku biireen, waxaan u sheegaynaa caalamka iyo Soomaalida inaan Al-Qaacida u aqoonsannahay gumeysi cusub oo dalkeenna kusoo duulay,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku sheegay.
Sheekh Shariif, wuxuu dhaliilay habka ay beesha caalamku gacanta uga siisay DKMG ah la dagaalanka Al-shabaab iyo Al-Qaacida, isagoo sheegay inaan loo caawin sida loo caawiyay dalka Afgaanistaan, haddana ay ku guuleysteen inay iska celiyaan Al-Qaacida iyo xulufadeeda.
Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ugu baaqay shacabka inay xoojiyaan dowladnimada oo hadda gacantooda ku jira, sidoo kalena ay ka shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa ammaanka dalka.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live