Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Ra'iisal wasaare Gaas oo Garoowe u dhaqaaqay si uu uga qeybqaatao shir ka furmaya halkaas oo lagu dardargelinayo Qorshaha Roadmap:ka iyo dastuurka dalka

$
0
0

Ra'iisal wasaare Gaas oo horjooga koox ka tirsan xukuumaddiisa ayaa saakay barqadii u socdaalay dhanka Garowe si uu halkaas uga qeybgalo shir dhowaan ka furmaya halkaas.

Mr. Gaas oo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho saxaafadda kula hadlay ayaa sheegay in shirkani uu yahay shir wadatashi balse uu ka duwan yahay kii horay loogu qabtay isla magaaladaas.

Ra'iisal wasaaruhu wuxuu shirkaas ku tilmaamay mid lagu dardar-gelinayo Raodmap:ka iyo weliba qabyo-qoraalka dastuurka loo yagleelayo dalka Soomaaliya, dastuurkaas oo ay in mudo ah diyaarinayeen koox khubaro ah sida la sheegay.

Si kastoo ay ahaataba waxaa laga dhur-sugayaa waxa ka soo baxa shirkaas iyo sida uu ula jaan-qaado shirka kale ee London dabayaaqada bishan Febraayo ka furmaya, shirkaas oo shakiga badan laga muujiyay, waxaana xusid mudan in xitaa shirkaas lagu tilmaamay mid maxmiyad cusub lagu gelinayo guud ahaan geyiga Soomaaliyeed.

halgankanet@gmail.com  


Daawo barnaamijkan qiimaha leh ee ka hadlaya carruurta aan hadlin ee uu ku dhaco Autism

Xaflad Casho sharaf ah oo Stocholm loogu sameeyey R/wasaare xigeen ahna Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya “DAAWO SAWIRRADA”

$
0
0

Xaflad casho sharaf ah ayna soo qaban qaabiyeen Ganacsatada Soomaaliyeed iyo jaaliyadaha  dalkan Sweden  ayaa lagu qabtay Magaalada Stockholm ee Xarunta dalka Sweden, iyada oo xafladaasi ay  lagu soo dhaweynayey  wafdi uu hogaaminayey R/wasaare  xigeen ahna wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha  Mudane C/wahaab Ugaas.
Casho sharaftan oo ay ka soo qeybgaleen  Xidlhibaano ka tirsan Dowladda Soomaaliya, Madaxda Jaaliyadaha Sweden, iyo  madaxda xarumaha ganacsiga ayaa waxa ay R/wasaare xigeenka  uga mahadceliyeen aqbalaada casuumada ay Stockholm ugu smeeyeen, iyaga oo ku amaanay maadaama uu ahaa reer Sweden  dadaalka iyo nafhurnimada uu sameeyey ee uu garwaaqsaday in uu dalkiisa iyo dadkiisa u adeego.
Xubnihii halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Drs, Aamina Saciid, Xildhibaan Cukaashe, Xildhibaan Nucmaan,  Ing, C/qaadir  Guuleed, C/casiis Geedi, Ibraahim Cumar keyse, Cabdicasiis, iyo xuno kale oo fara badan waxa ayna  muujiyeen sida ay raali uga yihiin dadaalka Dowladda Soomaaliya  ay ku dooneyso   ina y ku soo celiso  nabadgalyadii iyo qaranimadii umada Soomaaliyeed iyaga oo balan qaaday in ay diyaar u yihiin dib u dhiska dalka .
R/wasaare Xigeen ahna wasiirka Ganacsiga  iyo warshadaha Mudane C/wahaab Ugaas oo halkaasi hadalo kooban oo qiimo leh ka jeediyey ayaa ka mahadceliyey  casho sharafta loo sameeyey isaga oo  ka qeybgalayaasha u soo gudbiyey salaam uu uga waday Madaxweynaha  jamhuuriyada Federalka ah ee Soomaaliya  Mudane Sh. Shariif Sh. Axmed iyo R/wasaare Dr, C/weli maxamed Cali Gaas isaga oo ka  qeybgalayaasha xaflada  warbixin kooban ka siiyey  waxqabadka Dowlada Soomaaliya, gaar ahaan  dadaalada loogu jiro xureynta dalka oo dhan, iyo dhaqan qalinta Raodmapka si looga baxo nidaamka KMG ah.
Dhinaca  kale R/wasaare Xigeenka ahna wasiirka ganacsiga iyo warshadaha  Mudane C/wahaab Ugaas Khaliif  ayaa sidoo kale   la kulmay   Wasiiradaha       Wasiiraka Iskaashiga iyo xiriirka caalamiga Gunille Carlsson Wasiiru dawlaha wasaarada Ganacsiga Gunnar Oom Wasiirudawlaha warshadaha Anna-karin Hatt Duqa magalada malmo Kent Andersson  Ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika Marika Fahlen U qaybsanaha Afrika Chiristin Fogelstrom  Iyo Xoghayaasha joogtada ah ee Wasaaradaha       kuwaas ooUgaaska  la qaatay kulamo gooni gooni ah iyo mid wada jir ah waxa ayna ka wada hadlayeen arimo badan oo quseeyey  Iskaashiga labada dowladood, gaar ahaan  Deeqaha Dowlada Sweden ay  ku bixiso arimaha Soomaaliya iyo sida loo maamulo iyo qodobo kale oo ay mid aheyd Shirka  dabayaaqada bishan ka dhici doono London.
R/wasaare Xigeenka ahna wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha  iyo wafdigiisa ayaa soo dhaweyn diiran kala kulmay jaaliyadaha dalka Sweden kuwaas oo u muujiyey Ugaaska  sida ay  u doonayaan dalkooda oo nabad ah, waxa ayna  dhamaan jaaliyadaha balan qaadeen in ay hiil iyo hooba gacan ka geysan doonaan dib u dhiska dalka Soomaaliya.













Abdirahman Mohamed Hassan (Hudeyfi)
Warbaahinta Qaranka Yurub
Haddii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                            +442035190460
USA & CANADA                         +17124327760

Hadalka Suldaan Saleebaan yaanu weydoobin waa in la helaa dhalinyaro kaga dhabaysa

$
0
0

Faalo:
Djibouti(Saylac.com)- Hadalka Suldaanku wuu cad yahay xaqna wuu ku taagan yahay waa hadii la helo dhalinyaro xaq u dirir ah oo kaga dhabaysa hadalka Suldaanka . Suldaanku marar hore ayuu hadalo nuucan ah yidhi waxase joojiyey caqli dheeri iyo xigmad Eebe ku manaystey wuxuuna ogaa in xukumada Silaanyo ay iyadu isku markhaati furi doonto .
Wasiirkul daakhiliga Xukumada waqtigeedu dhacay ee Silaanyo wuxuu ilaaway in hadalo hore ka dhaceen baryo iyo isugaayna uu Borama la yimid. Hadaladii macaanaa ee uu Borama ka lahaayi waxay ahaayeen kuwo halaasi ah oo aan dhab ahayn .
Nabigeenii Suubaanaa wuxuu yidhi ( Qofkaan balan lahayni diin malaha ) Somaliland balan daro ayaa burburisey reer Awdal way ka daaleen balan been ah oo goor walba lagu sabo.
Hadalka Suldaan Saleebaan wuxuu sugayaa dhalinyaro dhiiran oo kaga dhabaysa markaa ka dib ayaa xaajada Seemaal iyo gardaro kale oo la iskula soo laabto si fiican ayaa looga wada hadli karaa. Nimankan tuugta ah ee kasoo jeeda gobolka Awdal ee mushahaarka Silaanyo ka door biday sharafta iyo karaamadii dadkoodu lahaa waxa la gudboon inay nolosha isku aasaan waayo aduun waa maqnaw amase waa mahad ku noolow.
Goor walba oo dadkooda sida adhiga loo gawraco waxa loo soo diraa Borama inay seexiyaan sababo iyo halaasi been ahna ula yimaadaan.  Maanta gobol walba oo soomaaliyeed wuxuu samaystey maamul goboleed.  Siyaasi beesha dhulbahante ah oo saxaafada u waramay ayaa sheegay in Samaroonku yahay dameer malab sida waayo dhulka uu Samaroon haysto waa dhul istaraajiyadiisu ugu sareyso dhamaan gobolada Soomaliya hadana wali dadka reer Awdal waxay aayahooda iyo masayrkooda  si baryo ku jirto u daba fadhiistaan qabiil Soomaaliyeed oo la mida.
Siyaasigan reer Khaatumo State oo hadlayaayi waxa uu yidhi ” Dhulka Samaroon degan yahay hadii dadkeeda la heli lahaa waa dhulka ugu istaraajisan. Dadka reer Awdal wali iska maydiin ahmiyada dhulkoodu u leeyaha geeska Afrika . Samaroon maanta uma baahna dawlad kale iyo qabiil la mida inay waxweydiistaan balse wuxuu u baahan yahay isu duubni iyo dhulkooda oo ay gartaan ahmiyadiisa”.
Somalidu waxay tidhaa baryo badan iyo bukaan badan dadkaa kugu naca ..Samaroonku horta ha isweydiiyo dawlada ay goor walba afka ku hayaani cida ay tahay ( waa qabiil la mida ) dawlad u Itoobiya iyo Kenya midna maaha ee waa qabiil idinla mida oo aan aduunku meela ka aqoonsan hadana wayba burburtay oo indhihiina ayaad ku arkaysaan.
Markaa Samaroonow maxaad isku hafraysaan ma waxaad sugaysaan inta reer hargeysa seefta isula baxayaan oo ay qaar ka tirsan Borama usoo qayaxaan. hadii ay taasi sidaa tahay dee Borama .
Hadalka Suldaan Saleebaan yaanu weydoobin nimankii dadka laayeyna gacan haloola tago yaanan dawlad beena laga sugin .
Saylac.com
Djibouti

Hay’ad Ka Howlgasha Turkiga Oo Dugsi Qur’aan Ka Dhagax Dhigtay Muqdisho”DAAWO SAWIRRADA”

$
0
0

Hay’ad ka howlgasha dalka Turkiga ayaa magaalada Muqdisho ka bilowday dhisidda dugsi loogu talagalay in jiilka Soomaaliyeed ee soo koraya ay ku bartaan Qur’aanka kariimka ayadoo dugsigaasi cusubna ay dhagax dhigeen Wafdi ka socda Hay’adda oo manta Muqdisho soo gaaray.
Wafdiga ka socday Hay’adan Turkiga ah oo lagu magacaabo Sadakatasl ayaa waxaa hogaaminayey mas’uulka ugu sareeya waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan NGOga maxaliga ah ee Zamzam Foundation ayagoo markii ay magaalada yimaadeenba gudagalay hirgelinta mashaariic ay ugu talagaleen iney dugsiyo Qur’aan ku dhisaan.
Dugsigii ugu horeeyey ayaa waxaa maanta ay hay’adda Sadakatasl ka dhagax dhigtay degmada Waaberi gaar ahaan xaafada Maajo ayadoo dhismaha dugsi qur’aankanna uu socon doono mudo 35 cisho ah sida ay sheegeen mas’uuliyiinta hay’adda.
Sida ka muuqata muuqaallada Sawirrada hoose dugsigan hada ayaa waxaa war ku barta carruur farabadan oo Soomaaliyeed ayadoo dadka xaafada ku noolna ay arintan soo dhaweeyeen.






















Haddii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                            +442035190460
USA & CANADA                         +17124327760
 
 

Weftiga Somaliland Uga Qaybgelaya Shirka London Oo Maanta U Ambabaxay Dalaka Itoobiya

$
0
0

Wefti isugu jira Wasiirro, Masuuliyiinta Xisbiyada KULMIYE, UDUB iyo UCID iyo Xildhibaanno ka kala tirsan golayaasha Baarlamanka Somaliland ee Guurtida iyo Wakiillada oo uu hoggaaminayo Wasiirka Warfaafintu Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa galabta u kicitimay dalka Itoobiya oo ay uga sii gudbi doonaan waddanka Ingiriiska oo ay kaga qaybgalayaan Shirka London 23-ka bishan February loogu qabanayo Soomaalida.
Weftigan uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaarada Warfaafinta ee Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade oo qayb ka ah Weftiga ka kooban golayaasha qaranka ee ka qayb galaya shirka dalka Ingiriiska lagu qabanayo dabayaaqada bishan aynu ku guda jirno ee Feb ayaa galabta u kicitimay waddanka aynu deriska nahay ee Itoobiya.
Weftigan oo dalka itoobiya ka galay dhinaca xuduuda ayaa ka kooban Wasiirada Warfaafinta Mudane Axmed Cabdi Xaabsade, Xanaanada Xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir Cali ,Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe,Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Udub Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin,Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Sharci dejinta (Guurtida iyo Wakiilada).
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta ee Somaliland Mudane Axmed Cabdi Xaabsade oo hadal kooban oo ku aadan ujeedada socdaalkooda ka jeediyay Magaalo xuduudeedka Wajaale ayaa sheegay inay sii gudo geli doonaan arrimaha shirka London ka dhici doona 23 bishan isla markaana ay Magaalada Addis ababa ku sii hakan doonaan si ay u sii dhamaystiraan wixii qabyo tir u baahan ee weftiga balaadhan ee xukuumada Somaliland uga qayb galaya shirkaasi ay u baahan yihiin isla markaana ay kulamo la yeelan doonaan madaxda safaarada ingiriiska ee fadhigoodu yahay magaalada addis ababa.
Wasiirka warfaafintu waxa uu intaas ku daray in weftiga xukuumada ,Golayaasha Qaranka iyo Xisbiyada Siyaasada oo noqonaya kii u horeeyay ee si wada jir ah u iib geeya qadiyada madax banaanida Somaliland uu hogaamin doono Madaxweynaha J,S.L Md.Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo).
Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Udub Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo soo dhaweeyay in fikir midaysan lagu iib geeyo qadiyada ay Somaliland kaga garnaqsanayso shirkaas oo ah mid heer caalami ah wax badana ka badali doona dariiqii ay Somaliland ku baadi goobaysay aqoonsiga ay Jamhuuriyada Somaliland.
Si kastba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay ee Wefti sidan oo kale ka kala socda Xisbiyada siyaasadda, Golayaasha Qaranka iyo Xukuumadda Somaliland ay si midaysan oo sidan oo kale ah ay ugu kicitimaan Shir lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo Somaliland-na lagu soo casuumay, iyada oo tallaabadani ka dambaysay go’aan ay Golayaasha sharci-dejinta, Xisbiyada iyo Golaha Xukuumaddu isla qaateen oo wax lagaga beddalay Xeer hore u jiray oo xakamaynayey, isla markaana dembiile ka dhigayey siyaasiga ama madax-dhaqmeedka reer Somaliland ee ka qaybgala shir Soomaali loo qabanayo ama dawlad-ba loogu dhisayo meel kasta oo uu ka qabsoomayo.
Source-cadceed

Dibloomaasiyiin U Dhashay Dalka Masar Oo Kulan La Yeeshay W. Arimaha Dibada S/land Balanqaadayna Sidii Somaliland Ay Siin Lahaayeen Deeq Waxbarasho.

$
0
0

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa maanta faah faahin ka bixiyay waxyaabaha ay isku waafaqeen dalka masar inay iska kaashadaan Somaliland.
Wasiirku wuxuu sidaasi ka sheegay kulan balaandhan oo uu maanta xafiiskiisa kula yeeshay wefti ka socday dalka Masar oo uu Hoggaaminayay la Taliyaha safiirka Masar u fadhiya Jabuuti Maxamed binu Marwaan.
Wasiirka oo kulankaasi ka hadlay wuxuu yidhi “Waxaan jecelahay inaan si diiran u soo dhaweeyo weftiga balaadhan ee ka socda dalka Masar ee aanu walaalaha nahay khaasatan Maxamed Ibnu Amiir oo safiirka Masar ee dalka Jabuuti oo dhawr jeer oo horena halkan noogu yimid farxad weyn ayay noo tahay socdaalkooda xiligan. Masar waa dal aynu walaalo nahay oo muddo dheerna dalkan Somaliland uu xidhiidh aad u dheeri ka dhaxeeyay oo la xidhiidha dhinacyada dhaqanka iyo waxbarashada .”
“Waxaan aad ugu faraxsan nahay xidhiidhka imika ka dhaxeeya Somaliland iyo Masar oo imika xoogaystay ka dib markii dawladaha Masar iyo Somaliland wada hadalo toos ahi dhex mareen. Waxaan uga mahad celinayaa socdaalkii aanu ku tagnay dalkaasi oo aanu la kulanay masuuliyiin badan oo ay ka mid yihiin wasaaradda arrimaha dibadda iyo Wasiirro kale, waxana nuxurkii aanu kulamadayadiina waxay ahaayeen in labada dal wada yeeshaan xidhiidh aad u adag.”
“Waxaanu halkan u fadhinaa wefti masar uga yimid sidii xidhiidhkaasi loo hirgelin lahaa oo ay ka mid tahay in dawlada Masar ay dhisto maxtabad lagu barto dhaqanka carabta iyo luuqada carabigaba. Taasi waa guul weyn oo aanu uga mahad naqayno dawlada Masaaridda gaar ahaan safaaradaha dalkaasi ee Jabuuti iyo Nairobi,”.
Wasiirku wuxuu sheegay inay koox dhakhaatiir ah oo ka socota dalka Masar ay adeeg caafimaad ka fuliyeen Hargeysa, waxa kale oo uu xusay inay deeqo waxbarasho oo heer jaamacadeed ah ay Masar siin doonto ardayda reer Somaliland.
Md. Maxamed Cabdilaahi waxa uu sheegay inay ka wada hadli doonaan masaarida iskaashiyo kala duwan oo ku wajahan dhinacyada Ganacsiga iyo xoolaha ah“Waanu soo dhawaynaynaa xidhiidhka aanu la leenahay dalka Masar, waxaana aanu dhawaan shirkii midowga afrika isku aragnay mar kale Wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi oo aanu halkaasi ka sii ambo qaadnay xidhiidhka labada dal,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi.
Dhinaca kale, la Taliyaha safiirka Masar u qaabilsan wadanka Jabuuti Maxamed Binu Marwaan oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay socdaalkiisa Somaliland.
Maxamed Binu Marwaan waxa uu sheegay in xidhiidhka labada dal uu isa soo tarayo oo ay Somaliland iyo Masar, waxaanu tilmaamay inay iska kaashan doonaan dhinacyada Waxbarashada iyo ganacsiga.
La Taliyaha safiirka masar u fadhiya Jabuuti waxa uu sheegay inay hadda u socdaan dhismaha maktabadda weyn oo ay ka dhisayaan magaalada Hargeysa.
Sidoo kale, waxa kulankaasi lagu kala saxeexday heshiiska dhismaha maxkatabadda masaaridda..
Source-Cadceed

DAAWO SAWIRRADA:-Sida Ra’isulwasaaraha Loogu Soo Dhaweeyey Garoowe

$
0
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa Sawirrada sida Ra’isulwasaare C/weli Maxamed Cali iyo Wafuud kala duwan oo gaartay magaalada Garoowe loogu soo dhaweeyey ayadoo wufuudaasina ay ka qeybgalayaan shir berri ka furmaya Garoowe shirkaasi oo daba socda shirkii wadatashiga ee isla magaalada Garoowe lagu qabtay.



















































































































 























Photo By:-Maxamed Saciid Yuusuf
Haddii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                            +442035190460
USA & CANADA                         +17124327760


DAAWO SAWIRRADA:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Maanta Ka Qeybgalay Munaasabado Kala Duwan Oo Muqdisho Lagu Qabtay

$
0
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkaan idinkugu soo gudbinayaa Sawirrada Munaasabado kala duwan oo maanta ka dhacay gobolka Banaadir kuwaasi oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ka qeybgalay.
Munaasabadahan ayaa mida ugu weyn waxa ay ka dhacday degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir taasi oo lagu maamuusayey isdhexgalka Bulshada sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu isla maanta kormeeray dhismooyin hantida guud ah oo Dowladdu ay kala wareegtay dadkii sida sharci darada ku degenaa 21Sano dhismooyinkaasi oo Wasaaradda Ganacsiga ay ka mid tahay.
Sidoo kale Madaxweynaha qeybo ka mid ah magaalada ayuu socod lug ku maray.





































































































































Haddii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                            +442035190460
USA & CANADA                         +17124327760


 

Dhaawacyada dad Soomaali ah oo la Geeyay Turkiga

$
0
0

Sideedii bishan ayaa qarax loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, lagu weeraray goob lagu shaaho oo ku taala magaalada muqdisho.

Qaraxaasi waxaa ku dhintay dhowr iyo toban qof  20 in kabadanna wey ku dhaawacmeen.

Ilaa iyo 16 qof oo ka mid ah dadkii dhaawacyada culus ay ka soo gaareen qaraxaasi ayaa shalay la geeyay dalka Turkiga si loogu soo daweeyo.

Wareysi aan la yeelanay Xoghayaha 2aad ee Safaaradda Somalida ee dalka Turkiga Abdulkadir Mohamed Nur (JAMAC)  halkan hoose ka dhageyso.

Dhaawacyada dad Soomaali ah oo la Geeyay Turkiga

$
0
0

Sideedii bishan ayaa qarax loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, lagu weeraray goob lagu shaaho oo ku taala magaalada muqdisho.
Qaraxaasi waxaa ku dhintay dhowr iyo toban qof  20 in kabadanna wey ku dhaawacmeen.
Ilaa iyo 16 qof oo ka mid ah dadkii dhaawacyada culus ay ka soo gaareen qaraxaasi ayaa shalay la geeyay dalka Turkiga si loogu soo daweeyo.
Wareysi aan la yeelanay Xoghayaha 2aad ee Safaaradda Somalida ee dalka Turkiga Abdulkadir Mohamed Nur (JAMAC)  halkan hoose ka dhageyso.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo Qorshaynaya Inuu u Codeeyo Kordhinta Tirada Ciidammada AMISOM

$
0
0

4
 
 Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa la filayaa inuu toddobaadka dambe cod u qaado sidii loo kordhin lahaa tirada ciidammada nabad-ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM) ee ka hawlgala magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya.
Sida ay faafisay shalay wakaaladda wararka ee REUTERS oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay, Golaha Ammaanka ayaa toddobaadka soo socda qorsheynaya inay u codeeyaan kordhinta tirada ciidammada Midawga Afrika ee hawlgalada nabad-ilaalinta ah ka wada Soomaaliya.
Kulanka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo dhacaya toddobaadka soo socdam ayaa la sheegay in diiradda lagu saari doono qoraal ku saabsan kordhinta ciidammada AMISOM ee Soomaaliya jooga oo uu u gudbiyey Midowga Afrika, waxana la saadaaliyey in Golaha Ammaanku uu isku raaci doono qaraarkaas qabyada ah ee ku saabsan kordhinta tirada ciidammada AMISOM.
 
Qaraarka lagu wado in Golaha Ammaanku codeeyaan, ayaa tilmaamaya in tirada ciidammada Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya la gaadhsiiyo ilaa 17,700 (toddoba iyo toban kun iyo toddoba boqol) oo askari, iyadoo ciidammada AMISOM ee hadda ka hwlgala Soomaaliya dhan yihiin ilaa 12,000 (laba iyo toban kun) oo askari.
 
Midowga Afrika ayaa hore Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uga codsaday inay ansixiyaan qorshaha lagu kordhinayo ciidammada AMISOM oo magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda kula dagaallama Al-shabaab si dagaalka loogu baahiyo gobollada waddanka Soomaaliya ee gacanta ugu jira kooxdaas, waxana la filayaa in dalabkani meel maro toddobaadka soo socda.
 
Kordhinta Golaha Ammaanka ee ciidammada AMISOM, ayaa ku soo beegantay xilli saraakiisha Al-shabaab ay sheegeen inay ku biireen ururweynaha Al-qaacida oo dagaal ba’an kula jira dwladaha reer galbeedka iyo kuwa islaamka ee xulufada ah, waxana la sheegay in sidoo kale Golaha Ammaanku uu meel marin doono in qalab casri ah la siiyo ciidammada AMISOM.
 
Togdheernews

Wasiirka Khaarajiga oo Shaaciyey Sabaha Hortaagan in Somaliland Xafiis ka Furato Dalka Koonfurta Suudaan

$
0
0

 
Warsaxaafadeed – Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar oo si faahfaahsan uga jawaabay eedaymo loogu jeediyey arrimo musuqmaasuq
 
 Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa si faahfaahsan uga jawaabay eedaymo la xidhiidha arrimo musuqmaasuq oo uu toddobaadkan u soo jeediyey agaasimihii guud ee wasaaraddiisa iska casilay.
Warsaxaafadeed Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar ka soo saaray xalay magaalada Hargeysa oo nuqul ka mid ah Jamhuuriya soo gaadhay, waxa uu u qornaa sidan:
 “Kadib markii aannu wada aragnay, kana baarandegnay arrimhii uu ka hadlay Agaasimhii Guud ee hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mr. Maxamuud Raage Ibraahim, waxaannu jecalahay inaannu jawaabo faahfaahsan ka bixinno arrimihii uu ka hadalay.
Inkastoo xafiiska Hantidhawrku wado baadhis maamul oo aannu sugayno natiijada ka soo baxda, waxannu caddaynayana inaannu jirin haba yaradee musuqmasuqa uu ka hadalay agaasimuhu. Nidaamka xisaabaadka ee Wasaaradda Arrimaha Dibeddu wuxuu waafaqsan yahay sharciga maaliyadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland. Kharash aan waafaqsanayn shuruucda iyo nidaamka hab-xisaabeedka ma gudbo. Kharashka Wasaaradda waxa iiga masuul ah Agaasimaha Guud, isagaana saxeexa, waxayna u gudbaan marka hore Xisaabiyaha Guud ee Dawladda kadibna baanka.
Kharashyada uu saxeexay Agaasimihii Guud oo ku baxay sifo sharci ah in inuu yidhaa waa “musuq” waa khalad. Halkaa waxa ka muuqda arrin gef iyo mala-awaal ah oo xaqiiqda ka fog.
Wasaaraddu waxay ka hawlgashay sidii xafiis Somaliland uga furan lahayd Koonfurta Sudan. Xaaladda Koonfurta Sudan hadda ku jirto iyo iyo siyaasadoodu xidhiidhkooda cusub oo dib u dhacday awgeed ayeyna weli suurtogalin in xafiiska la hirgaliyo imminka. Arrintani waxay imminka sugaysaa fasax laga helo dawladda Koonfurta Sudaan iyo xidhiidhka labada dal. Kharashka uu ka hadalay agaasimuhuna badhna waxa lagu qabtay hawlo qaran oo la xidhiidha hawshaasi, intii kalana waxay sugaysaa tallabooyinka hadhay ee la xidhiidha furitaanka xafiiska Somaliland ee Koonfurta Suudan.
Waxa kaloo Agaasimihii hore sheegay in la xidhay xafiisyo wakiillada dibadeed qaarkood. Taasi waa arrin jirta, waana siyaasad dawladeed, waxayna ku salaysan tahay baahida siyaasiga ah iyo muhiimadda ay leedahay waddamada xafiisyada laga furayo.  Metelan waxaannu joojinay wakiillo aannu ku lahayn dalalka Pakistan iyo Newsland. Nooma muuqato muhiimadda siyaasadeed oo arrintaasi leedahay marka la eego heerka dhaqaale ee dalka.
Haseyeeshee, dhinaca kale waxa la furay xafiisyo cusub oo aannu u aragnay inay mudnaan gaar ahaaneed u leeyihiin Somaliland siyaasad ahaan iyo dhaqaaleba, waxana ka mid ah dalka Jabuuti oo aannu xidhiidh cusub iyo safaarad cusub ka furnay oo ay ka hawlaglaan diblomaasiyiin Somaliland u dhashay. Waxa kaloo aannu xafiis wayn ka furnay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo aynu barigii hore ku lahayn qof wakiil ah oo keliya oo aan xafiis iyo shaqaalaba lahayn. Waxaannu kor u qaadnay xafiisyadii aynu ku lahayn Maraykanka iyo Itoobiya. Waxa kaloo aannu wakiillo cusub ku yeelanay Sucuudi Arabiya. Waxa kaloo aannu leenahay adeegyo diblomaasiyadeed oo ay bixiyaan hay’ado caalami ah ka taageerta arrimaha diblomaasiyadda Somaliland iyo la-taliyaal waddani ah iyo kuwa caalamihaba oo ka hawlgala Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland,” ayuu Wasiirka Arrimaha Dibaddu ku soo gunaanaday warsaxaafadeedkiisa.
 
Source Jamhuuriya

Magaalooyinka Ugu Silicaya iyo Nolosha Xun Dalka Maraykanka

$
0
0

 
Meelaha qaar dalka Maraykanka waxay ka nolol xun yihiin dalal aan degenayn, waxaana ka jira shaqo la’aan xad-dhaaf ah, dambiyo, qiimayaasha nolosha oo aad u sareeya, cimilo aad u xun iyo xataa ciyaaro aad u niyad-jab badan. Sidaa darteed, waxaynu halkan ku soo gudbin doonaa qaar ka mid ah magaalooyinka ugu silica iyo saxariirka badan dalka Maraykanka ee noloshoodu qirin qiirka tahay waxaana ka mid ah;
Miami:  magaaladan waxaa ar 47% waalay dhibaatooyinka guryaha, sababta oo ah mulkiilayaasha guryaha iska leh waxay badana ku bixiyaan rahan, kuwaas oo aakhirka la iibiyo, waxaana sannadkii 2008-kii la iibiyey amma gacanta mulkiilayaashii lahaa ka baxay 364,000 hanti. Arrintana waxay sababtay in dad badan guryo iyo hoy beelaan, hantidoodiina gacanta ka baxdo.
Detroit :  magaalada waxa iyada ku dhacay dugsi la’aan, waxaana meesha ka baxay ciidammadii bilayska ee amniga sugi jiray, sababo xagga mushahar la’aanta ah, waxaannay qiimaha guryo kor u kaceen 54% laga soo bilaabo saddexdii sanno ee ina dhaafay, waxaanay noqotay waqtigii ugu xumaa ee Maraykanka la soo darsa.
Flint, Mich: dedaalo badan oo labada magaalo ee is huwan la isugu dayey in wax lagaga qabto ayaa suura gali waayey, magaalada Flint bishii October ee 2011-kii, waxay dadkii lahaa iskaga tegeen 7,75 guri, kadib markay burbureen, maamulka Gobolka Michigan oo magaaladani hoos tagto waxay tilmaameen in miisaaniyad u gaar ah loo samayn doono Flint,waxa sidoo kale goobtan harqiyey dambiyo  iyo dilal aad u fool xun.
West Palm Beach, Fla: magaaladan oo ku taala Koonfurta gobolka Florida, waxa mashaqeeyey musuqmaasuq, waxaanna tusaalihii u dambeeyey ahaa kii uu ku kacay Jose Rodriguez oo ahaa maayirka Boynton Beach oo ka mid ah West Palm oo ah meel dad badan ku nool yihiin, waxaana laga eryey xafiiskiisii sannadkankan gudihisii, sidoo kale maayir Rick Scott waxa loo xidhay markii lagu helay in uu awoodiisa uga faa’iidaystay faro xumayn dhica carruurta ah, taas oo uu kula kacay inan yar oo xaaskiisu nin kale u dhashay.
Magaaladan sidoo kale waxa qaali ku ah guryaha, waxaanay laga soo bilaabo sannadkii 2006-kii qiimaha guryuhu kaceen 50%.
Chicago: Magaalada Windy City waa goob dhaqanka iyo dhaqaalaha ku caan ah, laakiin dadka degaanka ahi, waxay khaatiyaan ka taagan yihiin qaylada, cidhiidhiga iyo sawaxanka baabuurta, cashuurta hantida laga qaado oo qaali ah, xilliga dayrtuna waa mid jawgu aad uu xun yahay.
Fort Lauderdale, Fla: magaaladan waxa si xun u baabiiya roobabka xilliyada gu’ga, sababta oo ah meel god ah ayey ku yalaan, guryaha magaalada u dhawna amma badhtamaha ahina waa qaar qiimahoodu aad u qaaliyey waxaanay koreen 50% sannadadiid u dambeeyey, haddaba guriga kaliya waxay kiradiisu dhan tahay $183,000 (Boqol iyo saddex iyo siddeedan kun oo dollar).
Toledo: magaaladan oo ka mid ah Gobolka Ohio waxa badana ka dhaca fadeexado xatooyo oo ay ku kacaan maamulku, ciidammada FBI iyo waaxda guryeynta iyo hurmairnta miyigu waxay badana helaan dambiyo la xidhiidha fadeexadaha xatooyada hantida dawladda.
Magaaladan Toledo waxa sidoo kale aafeeyey faqiirnimo aad u liidata, taas oo ka timi dhinaca dakhliga iyo cashuurta oo aan dib loogu soo celin, iyada oo markeedii horeba iska dakhli yaraydwaxa badana ka dhaca.
Rockford, Ill: Magaaladan xaddiga cashuurta ah ee ay soo hoysataa waxa uu ahaa sannadkii 2010-ka kii ugu badnaa ee magaalooyinka Maraykanka laga helo, waxaana taa sababtay cashuurta guryaha magaalada badhtankeeda ku yaala laga qaado waxa weeyaan $3,234 doollar gurigiiba, halka qiimaha guriga lagu kiraysaatana uu dhan yahay $136,000 sannadkiiba.
No. 10: Warren, Mich: Magaaladan oo ka mid ah gobolka Michigan, waxa aad u burburay suuqa kala iibsiga guryaha, waxaannu qiimaha guriga lagu gataa hoos u dhacay 50%, waxaana dadkii guryaha lahaa soo asiibay dakhli yaraan.
 
Togdheernews.com

Faah faahin ku saabsan qaraxii maanta ka dhacay xarunta danbi baarista ee magaalada Muqdisho.

$
0
0

Qaraxii maanta ka dahcay xarunta danbi baarista ee Muqdisho  ayaa la sheegay in uu ahaa  gaari aay soo qabtayn ciidamada dowladda isla markaana la soo geliyay gudaha xarunta danbi baarista.
Gaarigan oo aay ka buuxayn waxyaabaha qarxa ayaa waxaa uu ku qarxay Xarunta dhexdeeda xili  ciidamada nabadsugidda aay wareeysanayeen dad la socday gaariga aay qabtayn oo uu ku jiro darawalkii gaariga.
Qaraxan ayaa ahaa mid aad u weyn oo laga maqlayay magaalada inteeda badan,waxaana la sheegay in uu ku geeriyooda hal qof  iyo dhaawac labo ah, iyadoo markii uu qaraxa dhacay kadib ay rasaas fureen ilaalada xarunta nabad sugida.
Ma ahan markii ugu horeysay aay qaraxyo ka dhacaan magaalada Muqdisho,iyadoo dabayaaqadii sanadkii uu qarax wayn ka dhacay Xaruntii Hargaha iyo Saamaha,kaasi oo galaafsaday nolosha dad u badan arday.


Madaxweynaha dalka Jarmalka Wulff oo is casiley kadib markii ay ku soo baxday fadeexad.

$
0
0

Madaxweynaha dalka Jarmalka Christian Wulff ayaa ku dhowaaqay inuu is casiley kadib markii uu codsaday xeer ilaaliyaha dalka Jarmalka in laga qaado xasaanada madaxweyne Wulff.
Mr Wulff oo isbahaysi ahaayeen R/wasaare Angela Merkel ayaa waxaa ku soo baxday fadeexad la xiriirta amaah guri xilli uu madax ka ahaa aqalka hoose ee Saxony loo yaqaan.
Mrs Merkel ayaa joojisey booqasho ay ku tegi lahayd dalka Talyaaniga maanta si ay arrintan soo baxday ula tacaasho,waxayna Merkel sheegtey in ay ka xun tahay in madaxweynuhu uu is casilo.
Mrs Merkel oo labo sano kahor u madacawday madaxweyne waxayna sheegtay inay iyadoo ka xun ay  aqbashay is casilaadiisa.
Xilka madaxweyninimada dalka Jarmal oo ah mid sharafeed ayaa hadana haweeneyda R/wasaaraha ka ah Angela Merkel waxa ay haatan bilowday la tashi ay la yeelanayso qeybaha siyaasada dalka Jarmalka si loo helo qof bedela madaxweynaha is casilay.
Horst Seehofer  oo ka tirsan xisbiga (CSU) ayaa si kumeelgaar ah u sii hayn doona xilka madaxweynaha dalka Jarmalka.
Fadeexada haraysay madaxweyne Wulff ayaa soo shaac baxday bishii December ee sanadkii hore.
Waxaana fadeexadan markii ugu horeysey soo daabacay wargeyska The Bild iyadoo uu wargeysku daabacay in Mr Wullf u ka qaatay lacag dulsaar ah xaaka nin  ganacsade ah  sanadkii 2008dii iyadoo lacagtaana ay gaareysey lacag dhan 500,000 euro una dhiganta (£417,000; $649,000).
Hase yeeshee Mr Wulff ayaa markii wax laga weydiiyey xiriirka dhex maray isaga iyo xaaska ganacsade Egon Geerkens uu dafirey.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxaa lagu eedeeyey in isku dayay in uu ku qasbo wargeyska Bild inuusan daabacin sheekada.
Waxaana la sheegay in uu isagoo careysan uu farriin u direy tifatiraha wargeyska Bild ee Kai Diekmann isagoo ku amray in aan arrinta fadeexada ah aan la daabacin.

Shirka Garowe oo Meel Xasaasi ah Maraya

$
0
0

Wadahadalada wajiga labaad ee shirka Garowe ayaa meel xasaasi ah maraya, waxaana soo baxaya in dhinacyada ay isku raaceen waxyaabaha qaar balse weli la isku waafaqi la’yahay qaabka federalismka oo dooda ugu xoogan ay intii uu socday shirkaasi dooda ka taagneyd

Warysi ku saabsan shirka halkan hoose ka dhageyso.

UNHCR oo ka hadashay xaaladda Afgooye

$
0
0

Hay'adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa sheegtay in kumannaan dad rayid ah ay ka carareen dagaallo ka soo cusboonaaday agagaaraha deegaanka Afgooye.

UNHCR oo ka hadashay xaaladda Afgooye

$
0
0

Hay'adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa sheegtay in kumannaan dad rayid ah ay ka carareen dagaallo ka soo cusboonaaday agagaaraha deegaanka Afgooye.

Faaqidaadda: MIdowga AlShabab iyo Al-qacidda

$
0
0

Wadahadalada wajiga labaad ee shirka Garowe ayaa meel xasaasi ah maraya, waxaana soo baxaya in dhinacyada qaarkood ay isku raaceen waxyaabaha qaar balse weli la isku waafaqi la’yahay qaabka federalismka oo dooda ugu xoogan ay intii uu socday shirkaasi dooda ka taagneyd

Warysi ku saabsan shirka halkan hoose ka dhageyso

Dhawaan waxaa ku dhawaaqay iney si rasmi ah u midoobeen ururka Al-Shabab ee Soomaaliya iyo ururka Al-qacida , waxaana arintaasi laga bixiyay aragtiyo kala duwan inkastoo loo badnaa in ay astaan u tahay tabar darro soo wajahday labada urur.

Barnaamijkeena Faaqidaadda ee Todobaadkan ayaa gebi ahaanba ku saabsan midowga Al-Shabab iyo Al-qacida.

Halkan hoosana ka dhageyso.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live