Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Golaha Amaanka oo Ogolaaday Kordhinta Ciidamada AMISOM

$
0
0

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay  ayaa goor dhaweyn  si buuxda u ansixiyay qaraar mudada u kordhinaya ciidamada midowga Africa ee nabad ilaalinta u jooga Somaliya, awoodna u siinaya iney qaadi karaan talaabo kasta oo haboon si ey uga hortagaan qararta ay Alshabab ku heyso Somaliya

warbin kooban oo ku saabsan qaraarkan halkan hoose ka dhageyso.

MAQAAL DIINI AH: WAXYAABAHA QOFKA XARMADAY XAJKA KA XAARAANTA AH :

$
0
0

Walaal akhriste,maanta waxaynu qormada maqaalkan kaga hadlaynaa waxyaabaha xaaraanta ka ah qofka xajka xidha ama xarmada.Qofku markuu xajka xarmado ama xidho,waxaa ka xaaraan ah toban 10 arimood oo kala ah :
·         Qofka  xajka xarmaday waxaa ka xaaraan ah inuu xidho maryo tolan ama godaysan sida surwaal IWM.
·         Qofka xajka xarmaday waxaa ka xaaraan ah inuu madaxa raggu daboolo iyo in dumarku wajiga daboolaan.
·         Qofka xajka xarmaday waxaa ka xaaraan ah inuu timaha feedho ama shanlaysto
·         Qofka xajka xarmaday waxaa ka xaaraan ah  inuu timaha xiiro inta uu xajka dhamaysanayo.
·         Qofka xajka xarmaday waxaa ka xaaraan ah inuu ciddiyaha iska guro inta xajku u dhamaanayo.
·         Qofka xajka xarmaday waxaa ka xaaraan ah inuu cadar ama barafuun is mariyo ama wax kale oo udgoon.
·         Qofka xajka xarmaday waxaa ka xaaraan ah inuu dilo xayawaanka xajka jooga ee barriga
·         Qofka xajka xarmaday waxaa ka xaaraan ah inuu naag mehersado ama naagi nin mehersato
·         Qofka xajka xarmaday waxaa ka xaaraan ah inuu xaaskiisa u galmoodo ama naag kaleba.
·         Qofka xajka xarmaday waxaa ka xaaraan ah inuu taataabto ama salaaxo ama sikale u xoodaamiyo naagtiisa ama naag kale.
Dhammaan arrimahaas qofku hadduu sameeyo inta uu xajka gudanayo waxaa ku waajibaya hadyo ama neef inuu xajka ku qalo,laakiin nikaaxa ama meherka xajka lagu  sameeyo ma xidhmayo ama ma ansaxayo.Gudashadii xajkana arrimahaasi kaa burin maayaan ama kaa jabin maayaan xajkii aad gudanaysay marka laga reebo jimaaca ama xaaska oo aad u galmootay arrintaasu xajkii waa jabinaysaa hadday dhacdo.Laakiin qofka xajka gudanayaa xataa haddii uu xajku ka jabo ama fasahaado ,ama uu arrimahan kor ku xusan sameeyo xajka ka biximaayo ee wuu sii wadanayaa gudashadii xajka.
Qofka xajka gudanaya ee uu dhaafo istaaggii carrafa ,xajka wuu ka baxayaa gudashadiisii oo wuxuu u leexanayaa gudashadii cimrada ,hadhowna waxaa ku waajib ah inuu xajkii dib u soo qalleeyo waliba hadyana wuu bixinayaa ama neefkii.Qofkiise ka taga rugni arkaanta kale ka mid ah ka biximaayo gudashadii camalka xajka ee wuu sii wadanayaa ,hadhowna wuxuu la imanayaa rugnigii uu ka tagay.
Qofkiise ka taga hal waajib oo ka mid ah waajibaadkii xajka ,waxaa ku waajibaya inuu dhiig daadiyo oo neef qalo,qofkiise ka taga shay sunne ah waxba ku waajibimaayaan waxna u dhimi mayso xajkiisii.
LA SOCO WIIGGA DAMBE HADDII ALLE IDMO.
DIYAARIYE :
XASAN XUSEEN FARAX…Togdheernews..Burco

Dagaal ka socda qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya

$
0
0

Muqdisho-hobyonet) Dagaal aad u culus ayaa waxaa uu ka socdaa iminka dhinaca Xoosh ilaa Exkoontrool afgooye iyadoo dagaalka uu u dhexeeyo ciidamada DKMG iyo kuwa xarakada al-shabaab oo la sheegay inay weerarka soo qaadeen.
Goob jopogayaal degan aagaga lagu dagaalamayo ayaa waxaa ay sheegayaan in rasaas xoogan iyo madaafiic ay maqlayaan inay ka dheceyso dhinaca wadada aada degmada afgooye gaar ahaan Exkoontrool afgooye, iyo Xoosh oo ka tirsan dharkeenleey.
Lama oga qasaaraha uu dhaliyey dagaalka maadaama xili haween ah oo socodku uusan jirin uu bilowdey, waxayna dadka ku nool xaafada u dhow meelaha lagu dagaalamayo iyo barakacayaasha ay muujinayaan cabsi xoogan.
dagaalka ayaa imaanaya xili caawa uu soo gabogaboobay shirkii London oo ay ka qeyb galeen dhinacyada Soomaalida iyo madax ka socotay ilaa 50 dal, kaasi oo warmurtiyeed laga soo saaray, waxaana jirta in xarakada al-shabaab ay ka hadashey shirkaasi iyo wixii ka soo baxay oo ay sheegeen in meel lagu fuliyo aysan jiri doonin go’aanadaasi la soo saarey.
wixii kusoo kordha dagaalka kala soco wararkeena danbe

YAA HESHIISIINAYA DAD AAN SAAXIIB LAHAYN OO AAN SAAXIIB AHAYN..??

$
0
0

Shirka London oo maanta oou ka furmey London ayaa uun sidii caadada ahayd iska noqon doona dhereg dhacsi aan wax xal ah u sidin maxasta SOOMAALIYEED ee sida xaya la’aanta ah sidii xaabo loogu shidayo xarbiga ka oogan Soomaaliya balse arinta is waydiinta mudan ayaa noqoneysa sidee ay beesha caalamku Soomaali dalkeedii uga caymin kartaa ama uga caymin lahayd….? Xusuuso oday xilla-gube ah oo afada (xaaska) iyo ilmaha laaya..! Xitaa hadii ay odayada iyo aqribada kale kusoo baxaan oo ay IS DAAYA yiraahdaan ugu dambeeyntii iyagii uun baa loo kala tegayaa.
Shirkan oo ay markii ugu horeeysey kasoo qayb galeen dhamaan maamullada sidii jeermiskii u tarmay tan iyo tuuristii taliskii dhexe ee caskariga ahaa oo noqday ‘AYAX TEG EELNA REEB’ ayay dadka qaarkood ku doodayaan inay wax uun mubaara cusub ihi ka iman karaan si loosii amba qaado geedi socod dalka lagu gaarsiiyo hanaan dowladnimo oo cadaalad ah laakiin marka aad eegto jiritaan la’aanta hindise Soomaaliyeed, dan qaran oo guud iyo aragti hufan oo ay Soomaali leedahay kuwa siyaasiyiinta sheegtaaba ha ugu horeeyeene waxaa adkaaneysa inaad aaminto in NINKII SHALAYTOOLE KU DAGAY OO MAANTA KU DARYEELAYO.
MAXAY MAAGAN YIHIIN REER GALBEEDKU.?
Shirkan oo ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah oo lagu qabto qalbaca galbeed (Western hemsphere) ee caalamka oo ay dhacaan inta badan dalalkii Soomaaliya aakhirka ka lumiyay xilligii gumeysiga (Ingiriis, Talyaani, Faransiis IWM) isla markaana ah kuwa arimeheenna farafareeya illaa maantan la joogo ayaan sidoo kale la ogeyn waxa ay u yeerin doonaan bahdeenna ISU TUMAN oo aan nasiib darro lahayn IL aragta cid kale oo aan iyada LAFTEEDA ahayn tiradana aan ku darsan waxa ay isu tahay ama isku tahay (Hadaan isla jirno waxbaan wada noqoneynaa, hadaan kala jirnana WAXASH).
Dadka qaar baa qaba in tillaabadan uu Ingiriisku qaaday uu yahay uun mid looga dabaaqayo galaangalka cusub ee wax ku oolka ah ee uu TURKIGU la yeeshay Soomaaliya oo aysan reer galbeedku sidaa ula dhacsaneeyn taasoo dhalisay inay ama ugu yaraan wiiqaan saameeynta isa soo taraysa ee TURKIGA ama ay ugu yaraan ciyaaraan door ah ”ANNA WAY KAN” hana iloobin markasta istaraatijida 1-aad ee REER GALBEEDKU mar kasta waa inay arkaan AMXAARO amaan ah iyo SOOMAALI is diidan.
Dadka qaar baa qaba in shirkan ay soo dedejisey shidaalka laga yaabo in Soomaaliya laga helo balse hadalkaasi ma bisla maadaama aanu illaa iyo iminka jirin shidaal lasoo saaray ama xitaa duruuf shidaal lagusoo saari karo xilligan iyo sharikadda shidaalka baaraysa oo ah sharikad Canadian ah oo galaangal la leh Ingiriiska iyo bahda GALBEEDKA.
Si kastooy tahayba Ingiriiska oo ah dalkii Soomaaliya u qaybiyay qaab aysan weligeed u degin isagoo kaashanaya caqliyadda cid-cideeysiga ku dhisan ee Soomaalidu kuu caan tahay ayaan maantana looga fadhiyin inuu qabta wax ka badan wixii uu dantiisa ka dhex arko–adigoo xanuunsanaya marka aad eegto sida tartiibtartiibta ah ee uu dalkeenni gacanta uga sii baxayo iyadoo ay dhanna haystaan wax magarato gumeysi diin ku gambanaya ka amar qaata dhanna ay maamulaan odayaal aan khibrad siyaasadeed lahayn oo guul siyaasadeed u fahansan inaan kursiga laga qaadin xitaa hadii ay taasi ka dhigan tahay aqbalitaanka iibka dalka.
Waxaana taa u daliil ah qaabka loo abaabuley shirarkii ugu dambeeyey kasoo biloow wixii lagu sheegay ‘KAMPALA ACCORD’ oo ay bilaabatay in inta dalal qalaad wax soo gooyaan Soomaalida lagu yiraahdo garwaaqsada hadii kale…….!!!! Iyadoo shirkan London laftiisa laga filayo in sidaa oo kale ay uga soo baxaan manaahijtii ay ku shaqeeyn lahaayeen dad leh dalkeennii iyo dadkeenii hanalaka celiyo anagana hanala kala celiyo…? Oo yaa na kala celinaya..? Cadowgeenna 1-aad…YAAB.
Bal eeg wefdiyada balaaran ee boorsooyinkooda si jaceyl iyo hiloow kujiro usoo xirxirtey sidii inay XAJKII u socdaan ee aan xitaa maanta dalkii min LOOWYA CADDO ilaa LIBOOYA aysan joogin wax wasiir kasareeya oo ku haray DHANKA MAAMULKA markaad eegto iyadoo uu midba is leeyahay wixii mid loo sheego adna maqal oo yaan lagu gaadin waxaad gocaneysaa ALLA FIICNAAN LAHAYDAA hadii ay iskugu iman lahaayeen sidaa oo kale iyagoo fadhiya GEED SOOMAALIYEED kana wada arinsanaya DAN SOOMAALIYEED taasoo nasiib darro ah wax aysan DUXDEEDA lahayn…….ALLOW DALKA DAD U BIXI…….AAMIIN.
Aanu woxoogaa kasoo qaadanno gabaygan uu tiriyay (AUN) Guhaad Cabdi Gahayr horraantii 80-meeyadii oo ay Soomaalidu qaranimadeedii ka dooratay jabhado daba dhilif ahaa oo Itoobiya kasoo tahliilsan jirey, isagoo dabcan saluugsanaa dadka Soomaaliyeed oo uu caqliyadooda ka gartay inaysan ahayn duul nidaam dowladnimo iyo dan guudba u bisil
MUCAARAD IYO MUXAAFIDBA isagoo yiri:-
ULULIDA ALAALIXIDA TUBAN, ARIGAN SOOMAALI.
EE AAN AQOON KALA HAGTIYO, ILI USOO JEEDIN.
ISU TAGA ABAABULA SHIRWEEYN, AAYA KAMA REEBA. (imisa shir dib u heshiisiin ayan maraynaa)
ARXAN DARAN AGOONTEEDA CUNA, HOOSTA KA ABEESO.(isuma garoowdo aan loo garaabin)
IIDAHA ISLAAM LAGU MATAAL, JAMACA AAMIINTA (umaddu waa af ka islaam masaajiddo badan)
ARAGAAGU GOORTUU KA TAGO, CUNA ARWAAXAAGA. (inta salada laga baxayaa ku dheer)
MID IIBSADEY ALAAB IYO DILLAAL, INA ADEERLEEYA. (Kii qalayeey qaraabaysataa)
ILOOW BADAN SIDII NAAG UMULA, FOOSHA KU ILMEEYA.(Jugtu intaysan kugu dhicin iska eeg)
UGAAR DHAGA LA´ UUB LOO QOD DHEER, DABINNO LOO AASA.(Fashilan iyadu isku foogan)
WAX MA ARAGTO ISU QABA ILA DHEER, AQALKA LOOSOO GAL. (ama reer hebel baa wata ama reer hebel baa loola danleeyahay)
ALWAAXDIYO DADKAA XAABADA AH, E ISLA AMIIRA. (Waraabaha ka carar walaalkaase iskajir)
IFKA MARATO AAKHIRANA NAAR, LAGU ABAALSIIDA.
ANUUN BAA U EEDAAMAYEE, MALAHA IIMAANE.
GUJI mareegtan oo daawo MASAAFADA u dhexeeysa halka nalaka rabo iyo halka aan joogno oo ay u dhexeeyso fogaan malaayiin sanadoo ah (Light years)
http://www.youtube.com/watch?v=kAEzWU4a3wI&feature=player_embedded
Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage
Boosto-Koronto;-maxaaji@hotmail.com

ubaxii jacaylkaay

Warbixin Dheer oo laga soo Ururiyey Shirka Magaaladda London lagu soo Gabagabeeyey

$
0
0
  • Khudbadihii ay jeediyeen David Cameron, Ban Ki Moon, Shiikh Shariif, Dr Cabdiweli, Hillary Clinton, Miless Sanawi , Kibaki,Ismaaciil Cumar Geelle iyo Wasiirka arrimaha dibada ee Turkiga
  • Miless Zanawi oo ku faaney Qabshashadii Magaalada Baydhabo
  • Turkiga oo sheegey in Shir lagu qabto Dibadaha ay ka wanaagsan tahay mid lagu qabto Gudaha Soomaaliya
  • Helliry Clinton oo sheegey in Soomaaliya loo dhisi doono Bisha Ogoosto Dowlad Rasmi ah islamarkaana la Dooran doono Madaweyne iyo Gudoomiye Baarlamaan

Waxaa magaaladda London ee Dalka ingiriiska ka furmey Shirkii Soomaalida oo ay qaban qaabadiisu lahayd Dowladda Ingiriiska waxaa shirkaas ka qaybgalya Dowladda Federalka , Xukuumadda , Barlamaanka iyo Maamulada , Soomaaliland , Puntland , Gal Mudug, iyo Ahlu Suuna Waljameeca waxaa shirkaas la sheegey in looga arrinsanayo arrimaha Siyaasada , Dhaqaalaha , Burcad Badeedka , Dib u heshiisiinta , la dagaalanka Xarakadda AlShabaab waxaana shirkaas Furey Raiisul Wasaraha Dowladda Ingiriiska ,David Cameron oo meesha ka saarey in shirka uu yahay mid Maxmiyad lagu gelinayo Soomaliya isagoo sheegey in shirka uu yahay mid Xasilooni loogu raadinayo shacabka Soomaaliyeed islamarkaana ay yihiin kuwa la weydiinayo Talada Soomaaliya .
Raiisul Wasaaraha ayaa sheegey in Shacabka Soomaaliyeed ay heystaan Fursad balse ay Furadaas ay luminayaan Xarakadda Alshabaab sidoo kale wuxuu sheegey in dhibaatada Soomaaliya ka taagan ay tahay mid si weyn looga dareemey Caalamka islamarkaana ay saameysey isagoo u soo jeediyey in soomaali looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan nabada Soomaaliya.
Waxaa Shirkaas sidoo kale ka Hadley Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ban Ki Mon oo u mahaceliyey Dowladda Ingiriiska oo uu sheegey in ay ka go’an tahay wax u qabashada shacabka soomaaliyeed sidoo kale Wuxuu sheegey in isku biiritaankii Xarakadda Al Shabaab iyo Alqaacida ay tahay mid ku tusineyso sida ay u daciifeen Xarakadda Alshabaab oo uu sheegey in ay dhibaato ku heyso shacabka Soomaaliyeed sidoo kale wuxuu beesha Caalamka ugu baaqey in taageero Siyaan dadka Soomaaliyeed.
Waxaa kaloo shirkaas ka hadley Raiisul Wasaaraha itoobiya Miless Sanawi oo sheegey in Dowadda Itoobiya ayaa sheegey in Dowladda Itoobiya ay ka Go’an tahay sidii ay soomaaliya nabad looga soo dabaali lahaa sidoo kale wuxu sheegey in Ciidamada Itoobiya ay haatan qayb ka yihiin sidii ay gacan u siin lahayd Dowladda Federaalka islamarkaana wuxuu sheegey in goobaha ay kala wareegaan Alshabaab ugu wareejin doonaa Ciidamadda Amisom.
Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ka hadley kulkankaas ayaa u mahadceliya Dowlada Ingiriiska isagoo sheegey in Dowlada ingiriiska ay fursad siiso Shacabka Soomaaliya oo muddo labaatan sano ku jirtey waxaa uu kaloo uu sheegey in Dowladda Federaalka ay ku guuleysatey mudadii ay jirtey in ay wax ka qabato arrimaha Nabadgelyada , Dib u dhiska iyo la Dagaalnaka Xarakadda Alshabaab hase yeeshee Madaxweynaha ayaa kula dardaarmey in shirka uusan noqon mid inta Go’aano laga soo saaro hadana meeshoodii looga tago wxuu madaxweynaha uu codsadey in la kordhiyo Tirada Ciidamada Amisom iyo in Soomaaliya laga qaado Cunqabateynta Hubk si loola Dagaalamo Xarakada Alshabaab.
Riisul Wsaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo isna ka Hadley kunkaas ayaa ku dheeraadey waxqabadii Dowladda Federaalka oo uu sheegey in inta badan Ciidamadeeda kala wareegtey deegaano fara badan oo Xarakadda Alshabaab ay gacanta ku hayeen sidoo kale Raiisul Wsaaraha Soomaaliya uu Beesha Caalamka ka codsadey in Cirka laga Duqeeyo Xarumaha ay ku sugan yihiin Xarakadda Alshabaab si uu sheegey in ay awoodeeda wiiqanto waxaa kaloo uu soo qaadey Kulamadii wada tashiga ee ka dhacay Magaalada Garoowe oo uu sheegey in ay ka soo baxeen go’aano wax ku ool ah.
Hillary Clinton oo ah wasiirada arrimaha dibadda ee Mareykanka oo ka hadashey Kulankaas ayaa sheegtey in shirkaan uu fursad u yahay shacabka soomaaliyed oo mudo dhibaato ku soo jirey waxaa carabka ku dhiftey in Dowladda Mareykanka ay Xiligaan ay ugu deeqdey lacag gaareysa 64 Milyan oo Doolar oo ay sheegtey in wax looga qabanayo arrImaha Baniaadanimada maadaama ay soomaaliya weli ay ka jirto Macluul waxay kaloo ay sheegtey in lacagtaas wax looga qabanayo arrimaha Dib u dhiska soomaaliya sidoo kale wuxuu sheegtey in la xayirayo Dhaqaalaha Xarakadda Alshabaab oo ay sheegety in ay dhawaan ku biireen Al-qaacida waxayna ka codsatey beesha Caalamka in ay taageero siyaan Bulshada Soomaaliyeed waxay kaloo ay sheegtey in aysan suurtagal ahayn in waqti loo kordhiyo Dowladda Federaalka oo ku tilmaantey mid taagdaran taasoo ay sheegtey in ay ku eg tahay bisha Ogoosto wixii waqtigaas ka dambeeya waxay tilmaantey in soomaaliya ay hesho dowlada rasmi ah oo aan ku meel gaar ahayn.
Kibaki oo ah Madaxweyaha Kenya oo isna ka Hadley Shirkaas ayaa dulmar ku sameeyey waxyaabihii ay u qabteen soomaaliya oo ay ugu horeeyaan qaxootiga ku jira Xerooyin ku yaal wadanka Kenya sidoo kale wuxuu sheegey in Ururka Alshabaab uu yahay urur Qatar ku ah Dalka Kenya isagoo u Sheegey in beesha caalamka looga baahan yahay sidii Ciidamadda Kenya gacan looga siin lahaa dagaalka alqaacida waxaa kloo shirkaas ka Hadley Madaxweynaha Dowlada Jabuuti Ismaciil Cumar geella oo sheegey in mudadii dhibaatada Soomaaliya ka jirtey ay wax badan u qabteen shacabaka Soomaaliyeed gaar ahaan wuxuu soo qaatey shirarki dib u heshiisiinta Soomaaliyeed waxaa kaloo uu sheegey in Jabuuti ay qayb ka noqdeen Ciidamada Amisom.
Intii uu socdey shirkaas ayaa waxaa ka Hadley Wasiirka arrimaha Dibadda oo sheegey in soomaliya ay haatan u baahan tahay gacan Balaaran maadaama dowladda Turkiga oo ahayd Dowladii indhaha ku soo jeedisey dhibaatada Soomaal;iya sidoo kale wuxuu sheegey in Dowladda Turkiga ay qabaneyso shir aad u weyn oo uu sheegey in looga hadlayo arrimaha Soomaaliya wuxuu u soo jeediyo Dowladdaha Caalamka in taageero balaaran siiyaan Shacabka Soomaaliyed wuxuu kaloo uu sheegey in shir meel ka fog lagu qabto ay ka wanaagan tahay mid lagu qabto Gudaha Soomaaliya waxaa kaloo uu sheegey in lixda bisha maarso ay Dulimaad bilaabeyso Shirkada Turki Airwaya waxaa uu ugu baaqey in Dowladaha Caalamka in ay soomaaliya ka furtaan Safaaradahooda.
Wara aan helney shirka ayaa sheegaya in la heley Goaano hordhac ah oo ay ka mid yihiin inla Kordhiyo tirade Ciidamada AMISOM dhaqaale loo helo Cidamadaas waxa kaloo kamid ah qodabada Shirka inla dhiso Ciidamada Soomaaliya , waxaa kaloo shirka laga heley ka mid ah in ay wada hadlaan Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland , waxaa ka mid ah in la taageero qodobadii ka soo baxay shirkii Garoowe sida dastuurka Road Map-ka waxaa ka loo ka mid ah I la dhso Bisha ogoosto Dowladda rasmi ah.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
 
sawir uu ka dhex muuqdo guddoomiyihii xilka laga qaaday (Isha sawirka)

Qarammada Midoobay oo Liiska Xannibaadda Ka Saartay Shaqsiyaad iyo Shirkado Soomaali ah

$
0
0

Go’aan ka soo baxay golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa Liiska Alqaacidda looga saaray gancsade Axmed Nuur Cali Jimcaale iyo todobo iyo toban shirkadood oo Soomali ah.
17-kii febraayo 2012. Guddiga golaha amaanka u qaabilsan Al-qaacida waxay go’aansadeen in ay ka saareen liiska xanibaadda ee al-qaacidda shaqsiyaadka iyo shirkadaha Soomaalida, Axmed Cali Jimcaale iyo 17 shikadood oo u badan shirkadihii la isku dhihijiray “Barakaad Group of Companies” ayuu qoraalku caddeynayaa in ay ka qaadeen xanibaadihii saarnaa.
Qaraarka oo wata lambarka SC/10549 ayaa caddeynaya in hantida, safarada, iyo hubka kuna cadaa qaraarka lambarkkisu ahaa 1989{2011} ee lagu soo rogay magacyada shaqsiyaad iyo shirkadaha hoos ku qorani laga qaadaay.
Magacyadaas ayaa u qoran sida tan.

  • 1. Axmed Nuur Cali Jimcaale
  • 2. Barakaad Bank of Soomaaliya
  • 3. Albaraka Exchange L.L.C.
  • 4. Barakaad Telecommunication company
  • 5. Barako Trading Company
  • 6. Al-Barakaad
  • 7. Al-Barakaat Bank
  • 8. Al-Barakaad Bank of Somaliya “BBS”
  • 9. Al-Barakaat Finance Group
  • 10. Al-Barakaad Financial Holding. Co
  • 11. Al-Barakaad global Telecommunications
  • 12. Al-Barakaad Group of telecommunications
  • 13. Al-Barakaat international
  • 14. Al-Barakaat investments
  • 15. Barakaat Group of Companies
  • 16. Barakaat Red-sea of companies
  • 17. Barakaat international companies {BICO}
  • 18. Barakaat telecommunication company Limited.

Go’aankan Qarammada Midoobey ayaa la garey 17-kii febraayo 2011, lana faafiyey 21-kii febraayo 2011.
Qaraarkan ayaa lagu sheegay in shaqiyaadka iyo shirkadaha laga saaray liiska Al-qaacida lagu gaaray Go’aan ay gaareen guddiga golaha Amaanka u qaabilsan la socoshada hantida, socdaalada iyo hubka ee ururka Al-qaacida.
Kow iyo tobankii sanadood oo shirkadahaas oo miisaan weyn iyo miimaba ku lahaa guud ahaan ay xanibnayeen isla markaasna hadda ay timid in liiska xanibaada laga saaro ayaa waxaa nasiib daro ah in aas aasihii shirkadahaasi uu wili ku sii kale oo heer Gobol ah.
Wax garadka iyo dhammaan dadaweynaha Soomaaliyeed ayaa aad ugu faraxsan in ay maqlaan dhawaaqaan farxadda leh iyagoo rajeynaya in inta dhimana laga saaridoona liiska.
Nuqulkii asalka ahaa ee Qaraarka Golaha amaanka oo English ah halkaan ka furo
http://www.un.org/News/Press/docs/2012/sc10549.doc.htm

Munaasabad lagu celeemosaarayey Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi oo Ka dhacdey Deegaan Malkaareey ee degmada B/xaawo.

$
0
0

Waxaa shalay oo ay taariikhdu tahay 22/02/2012 ka dhacday degmada Beledxaawo Gobolka Gedo xaflad taariikhi ah oo si heersare ah loosoo abaabulay. Xafladaan ayaa aheyd mid lagu caleemo saarayey Ugaaska guud ee Beesha Sade (mareexaan) Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi oo asagu badalaya Ugaas-kii hore ee Beesha Sade Ugaas Cumar Ugaas Xirso oo dhamaadkii sanadkii hore geeriyoodey.
Xaflada caleemo saraka Ugaas Maxamed Ugaas xaashi ayaa abaabulkeedu wuxuu socday mudo dhan sideed bilood ayadoona ay kazoo qaybgaleen, isimo,salaadhiin, aqoonyahano, ururada dhalinyarada, ururada haweenka, waxgarad iyo culumaa’udiin ka kala socdey gobolada iyo beelaha Soomaaliya ayadoo sidoo kalena ay degmooyinka Gobolka Gedo ka kala yimaadeen ergooyin boqolaal kor u dhaafaya .
Munaasabada caleemka saarka Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi ayaa ka dhacdey goob dhawr kilimitir galbeedka ka xigta magaalada B/xaawo oo lagu magacaabo Malkaareey goobtaas oo mudo laga shaqeynayey.
Munaasabadii caleema saarka kadib waxaa halkaas ka hadlayey odayaal waxgarad iyo ergooyinkii u yimid munaasabada caleema saarka ayagoo ugaas ugu duceeyey in ilaahay ku garab galo masuuliyda culus ee dusha loo saaray sidoo kale waxay kula dardaarmeen inuu ka shaqeeyo nabada midnimada iyo ummadda dooratay iyo guud ahan umada Soomaaliyeed.

Abdihakim Abdalla Hassan
abdihakim2@hotmail.com

War-muqrtiyeedka shirkii arrimaha Soomaaliya ee London ka soo baxay oo ku qoran Afka Soomaaliga hoos ka aqriso

$
0
0

1.  Shirka Soomaalida ee London waa uu qabsoomay Wuxuuna ka dhacay goobtii loo
qorsheeyey ee Lancaster House London 23-February-2012 waxaana Shirka kasoo
qeybgalay 55 Xubnood oo ka kala yimid Soomaaliya iyo Caalamka

2.  Waxaa aynu ka arinsanay xaalada Soomaaliya waqtigan iyo Marxaladihii laga
soo gudbay ayadoo dalakana uu ka mid yahay meelaha ugu badan ee saameynta
Bani’aadannimo ay ka jiraan ee Caalamka, Guulihii ay gaareen Ciidammada Dowladda
Soomaaliya iyo Kuwa Midowga Afrika oo iyagu wadajir Muqdisho uga saaray
Al-Shabaab iyo meelo kale oo gobollada dalka ah. Waqtiga Hay’adaha Dowladda waxa
uu ku egyahay dhamaadka bisha Agoust 2012 waxaana waqtigaa wixii ka horeeya aan
si wadajir ah u taageeri doonaa in la qabto shaqooyinka Dowladda hada u
harsan

3.  Waxaan go’aansanay in mustaqbalka Soomaaliya ay leeyihiin dadka
Soomaaliyeed,dadkana laga doonayo inay ku qancaan hogaankooda, Beesha Caalamkana
waxay si wadajir ah u taageeri doontaa horumarrada hada socda ee dib u dhiska
loogu sameynayo Soomaaliya.

4.  Waxaan taageereynaa in lasoo celiyo Nabadda Waxaanna taageereynaa in la
xoojiyo taageerrada lasiinayo Ciidammada Midowga Afrika ee Amisom iyo in la
taageero hay’adaha Ammaanka Dowladda ayadoo lagu gacan siinayo horumarinta Dib u
dhiska Ciidammada si loo xoojiyo dagaalka lagula jiro Burcad Badeeda iyo
Argigixisada.

Political/Siyaasadda

5.  Waxaan isku raacnay in waqtiga Dowladdu uu ku egyahay Dhamaadka Bisha
August ee sanadka 2012, Waxaan Soo Dhoweyneynaa hirgelinta Read Mapka ,Waxaan
soo dhoweyneynaa Heshiiskii Garoowe 2,Heshiiskii Kampala iyo Heshiiskii Jabuuti,
waxaanuna taageereynaa Sidii dhammaanba heshiisyadaasi loo hirgelinlahaa ka hor
Shirka Istambul ee bisha June dhacaya.

6. Waxaynu ku baaqeynaa islamarkaana wadajir ay Beesha Caalamku u
taageereysaa iney wada hadlaan DKMG ee Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayagoo
ka wada hadlaya Mustaqbalkooda taasi oo loo baahan yahay inay ka heshiiyaan.

7. Waxaynu Cambaareyneynaa Argigixisada iyo kuwa diidan horumarka waxaanuna
ugu yeereynaa kuwa diidan horumarkaasi iney qeyb ka noqdaan heshiiskii Jabuuti.
Ayadoo horumarinta Heshiiskaasina aynu taageereyno.

8. Waxaynu si xoogan u taageeri doonnaa horumarrada hada socda e la xiriira
Dib u Dhiska, horumarinta dhaqaalaha ,waxaanna taageeri doonaa wax walba oo
hurumarka quseeya anaga oo la shaqeyn donna gudiga JFMB..

9. Waxeynu tixgelin doonnaa dhowrida Xuquuqda Aadanaha ayadoo la dhowrayo
qorshaha Nabadda Waxaana ku baaqeynaa in la dhowro xuquuqda Carruurta,Haweenka
iyo dadka birimageydada ah inta ay dagaaladu socdaan anagoo dhowrida xuquuqda
aadanahana kala shaqeyn donna Hay’ada Q.M ee xuquuqda Aadanaha.

Security and Justice/Ammaanka iyo Cadaaladda

10. Waxaynu taageereynaa Nabadda iyo Cadaaladda ayadoo labaduba ay muhiim u
yihiin ka miradhalinta qorshooyinka siyaasadeed,Nabaduna Cadaalad La’aan Lama
heli karo.

11. Waxeynu xoojineynaa taageerrada Ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM,
sidoo kalena waxaan taageereynaa islamarkaana soo dhaweyneynaa qaraarkii
tirsigiisu ahaa 2036 ee golaha Ammaanka ee Q.M ugu ogolaanayey in la kordhiyo
tirada Ciidammada Midowga Afrika .

12. Waxaan taageeri doonnaa in la hormariyo Cadaaladda si loosoo celiyo
Ammaanka iyo Xasiloonida inagoo arintaasina kala shaqeyn donna Dowladda
Soomaaliya oo iyadu mas’uul ka noqon doonta Ammaanka dalkeeda.

13.Waxaan aqoonsanay shaqada wanaagsan ee ay qabteen Ciidammada Dowladda iyo
kuwa Midowga Afrika waxaana ku heshiinay inaan dhisno qaab si caalami ah loogu
wada  howlgalayo si loo helo isku duwida aadka loogu baahanyahay ee Ammaanka iyo
Cadaallada iyo in sidoo kale diirada la saaro qabsoomida howlahaas oo ay
xoojinayaan tiro Mabaadii’ ah oo ku qoran lifaaqa B oo si dhow ula shaqeynaya
Gudiga wadajirka ee Q.M ee dhinaca Ammaanka(UN’s Joint Security Committee).

Piracy /Burcad Badeeda

14. Waxaan mar kale ku celinney sida ay innooga go’an tahay ciribtirka
burcad-badeednimada, annaga oo ogaaney in dhibaatadu ay u baahan tahay in hab
ballaaran oo dhulka iyo baddaba ah wax looga qabto. Waxaan muujinney welwelka
aan ka qabno la-haystayaasha muddada dheer lagu hayso Soomaaliya ee gacantana
loo qaadayo. Waxaan soo dhoweyney hawsha Kooxda Xiriirka arrimaha
Burcad-badeedda Dibadda Xeebta Soomaaliya. Waxaan sidoo kale soo dhoweyney
guusha ay gaareen dadaallada ciidamada caalamiga ah, waana ay innaga go’an tahay
sii wadista dadaalladaas oo kale oo leh xeerar adag oo hagaya hawlgalka iyo
ciidamo ku filan. Waxaan isla oggolaaney in burcad-badeednimada aan lagu xallin
karin hawlo mileteri oo keliya, waxaana aan ku celinney muhiimadda ay leedahay
in bulshooyinka in ay wax ka qabtaan waxyaabaha sababta u ah
burcad-badeednimada, iyo sii wanaajinta in biyaha xeebaha Soomaaliya si waxtar
leh loo adeegsado iyada oo loo marayo tallaabooyin lagu dhisayo kartida dhinaca
badda ee gobolka. Waxaan soo dhoweyney dadaallada socda waxaana aan isla
oggolaaney in si wanaagsan la isugu duwo loona taageero. Waxaan ku baaqney in si
buuxda loo hirgeliyo Xeer-dhaqanka Anashaxa ee Jabuuti (the Djibouti Code of
Conduct) iyo in la sameeyo Soon/Degaan Dhaqaale oo Gaar ah (Exclusive Economic
Zone). Waxaana sugeynaa waqtiga aan dib u eegi doonno horumarka la gaarey oo uu
ka mid yahay kan laga gaarey Shirka Burcad-badeednimada ee lagu qaban doono
Imaaraadka Carabta ee Midoobey bisha Juunyo.

15. Waxaan soo dhoweyney dadaalka wada-hawlgalayaasha hawshan/partners in
industry ee ka dhanka ah burcad-badeedda, waxaana aan ku baaqney in si sidan ka
ballaaran loo qaato Habka Maareynta ee ugu Wanaagsan (Best Management Paractice)
ee maraakiibka korkooda. Waxaan soo dhoweyney hawsha hadda socota ee ku saabsan
hagidda caalamiga ah ee adeegsiga sharikaadka gaarka loo leeyahay ee ammaanka ee
hubeysan..

16. Ma jiri doonto burcad-badeenimada aan waxba la isugu raacan. Waxaan ku
baaqney in si weyn loo kobciyo awoodda garsoor ee dacwad ku soo oogista iyo
xiridda kuwa ka dambeeya burcad-badeednimada ee Soomaaliya iyo guud ahaan
gobolka waxaana aan aqoonsanney baahida loo qabo in la xoojiyo kartida dowlad
goboleedyada. Waxaan soo dhoweyney heshiisyada cusub, ee qaar ka mid ah
dowladaha iyo hawlgallada ciidamada badda awood u siinaya in ay kuwa looga
shakisan yahay burcad-badeednimada loo maxkamadeeyo marka ay wada-hawlgalayaashu
ku qabtaan gobolka Badweynta Hindiya, iyo in marka lagu helo, loo wareejiyo
xabsiyo ku yaalla Puntland iyo Somaliland oo heerarkoodu gaarsiisan yihiin
jaangooyooyinka caalamiga ah. Waxaan ogaanney ujeedka lagu doonayo in laga sii
fekero suuragalnimada in Soomaaliya gudaheeda laga dhiso maxkamado ku takhasusey
wax ka qabashada burcad-badeednimada..

17. Waxaan mar kale sheegney sida ay innooga go’an tahay in aan maxkamadeyno
kuwa u madaxda ah burcad-badeednimada. Annaga oo aqoonsanneyna hawsha hore loo
soo qabtey, waxaan ku heshiinney in aan sii wanaajinno isuduwidda hawlaha wax
looga qabanayo isusocodka maaliyadda sharci-darrada ah iyo in la isu duwo
sir-doonka iyo baaritaannada. Waxaan ogaanney in Seychelles laga dhisey
Xarun-goboleedda Isuduwidda Sir-doonka-Maxkamadeynta ee La-dagaallanka
Burcad-badeedda/Regional Anti-Piracy Prosecutions Intelligence Coordination
Centre..

Terrorism/Argigixisada

18. Argagaxisanimadu waxaa ay halis adag ku tahay ammaanka Soomaaliya, kan
gobolka, iyo kan caalamka. Waxaa ay silic weyn u geysatey dadka Soomaaliyeed.
Waxaan isla wada oggolaaney in aan u wada shaqeyno si sidii hore ka xooggan, iyo
iyada oo si buuxda loo ixtiraamayo talinta sharciga, xuuqaha aadanaha, iyo
sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada, in la dhiso kartida si loo
carqaladeeyo argagaxisada gobolka, iyo in wax laga qabto sababaha asalka u ah
argagaxisanimada. Waxaana aan aan isla garanney muhiimadda ay arrintan
leedahay.

Waxaan isla garanney muhiimadda ay leedahay carqaladeynta safarrada
argagaxisada ay ku tagayaan Soomaaliya iyo kan ay kaga imanayaan, iyo muhiimadda
ay leedahay carqaladeynta maaliyadda argagaxisada, waxaana aan ugu baaqney
dalalka goboka ku yaalla in ay hirgeliyaan talooyinkii Koox-halweedda Tallaabada
Maaliyadda/Financial Action Task Force ee ku saabsanaa la dagaallanka dhaqidda
lacagta (raad-gadidda lacagta/money laundering) iyo maaliyad-siinta
argagaxisada. Waxaan xusney in sir-doon iyo baaritaan taabogal ah, iyo taageero
la siiyo nidaamka cadaaladda dembiyada ee Soomaaliya, ay muhiim u yihiin la
dagaallanka argagaxisada. Waxaan ku heshiinney in aan la shaqeyno Golaha
Caalamiga ah ee La-dagaallanka Argagaxisada/the Global Counter Terrorism Forum
iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah iyo kuwa goboleed si looga soo dhalaalo
hawshan muhiimka ah..

Stability and Recovery/Degenaanshaha iyo Dib Usoo
Kabsashada

19. Waxaan soo dhoweyneynaa guulaha ay gaareen degaanno ka mid ah Soomaaliya
ee ay ku abuureen goobo deggan, waxaana aan ku heshiinney in aan kordhinno
taageero lagu dhiso maamul sharci ah oo nabad ku dhisan, iyo si loo wanaajiyo
adeegyada ay helaan dadka ku nool degaamadaas. Waxaan ku heshiinney in
dadaallada noocaas ahi ay dhiirrigeliyaan/kor u qaadaan wadajirka, ayna qayb ka
noqdaan geeddi-socodka siyaasadeed ee qaranka..

20. Waxaan fulinta Qorshaha Soo-kabashada iyo Dejinta Muqdisho u aqoonsanney
mid muhiim ah. Waxaan ku heshiinney in barnaamijyada aan ku baahinno degaannada
dhowaan dib loo soo ceshadey, Waxaan diiradda saari doonnaa taageero lagu
suuragelinayo in faa’iidooyin degdeg ah oo la joogtana ah loo gaarsiiyo dadka
Soomaaliyeed ee caadiga ah bedqabka iyo ammaanka, fursado dhaqaale iyo adeegyo
aasaasi ah. Waxaan dhiirrigelin doonaa maamullo degaan oo waxtar leh oo lala
xisaabtamo, waxaana aan taageeri doonnaa xallinta khilaafaadka..

21. Waxaan ku heshiinney in guud ahaan taageerada arrimaha degannaanshaha ee
gudaha loo bixiyo si waafaqsan Heshiiska Cusub ee ka hawlgelidda qaramada
jilicsan ee dhowaan lagu ansxiyey Busan, oo aan ka faa’iideysanno
istiraatiijiyadihii dejinta ee ay diyaariyeen IGAD iyo Dowladda Federalka ee
Ku-meelgaarka ah. Waxa aan ayidney tiro mabaa’dii ah oo hagaya taageerada
caalamiga ah ee la siinayo arrimaha degannaanshaha ee gudaha ee Soomaaliya
(Lifaaqa C). Waxaan xusney in la sameeyey Sanduuqa maaliyad Degganaansho oo
cusub kaas oo qaar badan oo innaga mid ahi ay wax ku biirin doonaan..

22. Waxa aan isla oggolaaney in dib u dhiska iyo kobaca dhaqaalaha ee
Soomaaliya ee muddada fog ay ku xiran yihiin ganacsi gaar loo leeyahay oo
firfircoon, iyo in gargaarka iyo maaliyadda qurba-joogta ay labaduba kobcin
karaan qaybaha laga faa’iideysan karo ee xoolaha, kalluumeysiga iyo qaybaha kale
ee dhaqaalaha. Waxaa aan xusney in degganaanshuhu uu shuruud u yahay badi
maalgelinta joogtada ah ee kaabayaasha dhaqaalaha sida nidaamyada korontada,
waddooyinka iyo biyaha. Waxaan fileynaa in dhammaan arrimahan looga wada hadlo
Shirka Istanbul.

Humanitarian/Bani’aadannimada

23. Shirka waxaa ka hormarey kulan gooni ah oo laga yeeshey arrimaha
bani’aadamnimada kaas oo ay wada guddoominayeen Qaramada Midoobey iyo Imaaraadka
Carabta ee Midoobey. In kasta oo ay dhammaatey macaluushii, haddana
ka-qaybgalayaashu waxaa ay welwel ka muujiyeen dhibaatooyinka bani’aadamnimada
ee hadda jira, waxaana ay ballanqaadeen in ay bixiyaan gargaar bani’aadamnimo oo
sal looga dhigayo baahida jirta oo keliya. Waxaa ay isla oggolaadeen waxyaabo
lagu heshiiyey oo la xiriira arrimaha bani’aadamnimada iyo in gargaarka lagu
xiro soo-kabashada muddada fog (waxaa lagu faahfaahiyey qoraal gaar ah).

International coordination/Iskaashi ama Iskuduwid Caalami
ah

24. Waxa aan ku heshiinney in hawsha looga heshiiyey London aan u gudbinno
Kooxda Xiriirka Caalamiga ah/International Contact Group (ICG) ee Soomaaliya,
waxaana aan soo dhoweyney go’aanka ICG ee Jabuuti ee ah in laga fekero
dib-u-habeyn si loo noqdo kuwo intan ka waxtar badan. Waxaan ku taliney in ICG
ay dhisto guddi hawleedyo u qaabilsan geeddi-socodka siyaasadda, ammaanka iyo
garsoorka, iyo degannaanshaha iyo horumarinta. Waxaan ogaanney in, ICG
dhexdeeda, ay koox dalal muhiim ah oo ku hawlan arrinta ay ka shaqeyn doonaan
horumar laga gaaro dhinaca taageeridda dadaallada Q.M, Midowga Afrika iyo
IGAD..

25. Waxaan soo dhoweyneynaa dadaallada Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud
ee Qaramada Midoobey iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Siyaasadda Soomaaliya
(UNPOS) ay ku fududeynayaan horumarka laga gaarayo Soomaaliya. Waxa aan sidoo
kale soo dhoweyney kaalinta IGAD iyo Midowga Afrika, iyo taageerada Jaamicadda
Carabta, Midowga Yurub, iyo Ururka Shirka Islaamka. Waxaa aan dhiirrigelinney in
si waxtar leh ay hawlahooda isugu duwaan hay’adaha Qaramada Midoobey ee ka
shaqeeya Soomaaliya. Annaga oo aqoonsan xaaladda ammaan ee culeyska leh ee weli
ka jirta Soomaaliya, ayaan haddana soo dhoweyney dib-u-guuritaanka ay UNPOS ay
dib ugu guureyso Muqdisho waxaana aan isla oggolaaney in aan higsan doonno in
aan waqti badan oo kale ku bixinno gudaha Soomaaliya si Soomaalida loogala
shaqeeyo hawlaha adag ee hor yaalla.

Conclusion /Gabagabo

26. Waxa aan muujinney rajada aan ka qabno in la gaarey waqti cusub oo
siyaasadda Soomaaliya, oo ay taageereyso bulshada caalamka, ay nabad ka
dhalinayso Soomaaliya. Waxaa naga go’an in danaha dadka Soomaaliyeed aan xuddun
uga dhigno dhammaan tallaabooyinkeenna. Waxaa aan ka dhur sugeynaa maalinta
xaaladda ka jirta Soomaaliya ay sameysey horumar dad ugu filan in shir caalami
ah lagu qabto halkaa. Inta laga gaarayo waqtigaas, waxaa aan laba-laabeynaa
dadaalkeenna aan dadka Soomaaliyeed ku gacan siineyno doonistooda ay dalkooda u
doonayaan mustaqbal wanaagsan..

FG: Qodobadan oo afka ingiriiska ku qoran halkan guji si aad u aragto

Dhageyso Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

$
0
0

Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada waxa uu ka mid yahay Barnaamijyada Maalinlaha ah ee ka baxa Idaacadda waxaana dhageystayaasha Radio Muqdisho ay dhageystaan habeen walba 09:30 fiidnimo marka laga reebo habeennimada Jimcaha.
Barnaamijka waxaa diirada lagu saaraa raad raaca ama falanqeynta dhacdooyinka maalintaas taagan kuwa ugu muhiimsan waxaana uu xambaarsan yahay macluumaad u badan Wareysiyo.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Koobaad Ee Bandhiga Wareysiyada 23-February-2012
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Qeybta Labaad Ee Bandhiga Wareysiyada 23-February-2012
Hadii Aad Joogtid Europe,USA iyo Canada Wararka iyo Barnaamijyada ka baxa Radio Muqdisho ee ku dhaafa ka Dhageyso Taleefonkaaga adigoo garaacaya:-
Yurub                                            +442035190460
USA & CANADA                         +17124327760

Culumaa'uddiin Hargeysa ku Kulmay

$
0
0

Culumadan oo Qaarado kala duwan ka kala yimid ayaa Al-Shabab iyo Ahlusunna Waljamaaca ugu baaqay inay joojiyaan hagardaamada ay magaca diinta ku geysanayaan.

Culumada ayaa labada dhinacba ku booriyey in diinta ay si sax ah u adeegsadaan, dadkana aan lagu dhibaateynin.

Warbixinta oo dhameystiran qeybta hoose ka dhageyso.

Dawladda Ingiriiska oo Sheegtay in aysan Damac ka lahayn Shidaalka Laga Soo Saarayo Soomaaliya.

$
0
0

London[RBC Radio] Dawladda dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in aysan haba yaraatee damac ka lahayn Shidaalka laga soo saarayo gudaha dalka Soomaaliya balse ujeedadeedu tahay sidii ay door muuqda uga qaadan lahayd nabad kusoo celinta Soomaaliya iyadoona beenisay war saaka lagu qoray Wargays kasoo baxa dalkaas.
Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta caalamiga ah ee u qaabilsan dalka Ingiriiska Andrew Mitchell oo la hadlay Warbaahinta dalkaas ayaa sheegay in uu beeninayo Warkaas uu qoray wargaysku,wuxuuna xusay in aysan damac kale ka lahayn Shidaalka Soomaaliya ayna soo raacaan khayraadka kale balse ay doonayaan in dalku nabad noqdo.
Andrew Mitchell  ayaa tilmaamay in Shidaalka laga soo saarayo dhulka Soomaaliya uu faa’ido u yahay Shacabka Soomaaliyeed taasina ay uga gudbi karaan dhibaatada xun ee hadda ka taagan dalka.
Sidoo kale wuxuu xusay in ay gacmaha ka laaban waayeen markii ay arkeen xaalada bini’aadamnimo oo gaartay meeshii ugu xumayd taasoo ay gaartay in Carruurtii 5-sano ka yarayd ay geeriyoodaan.
Raysalwasaaraha Dawladda KMG ah ee Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isna dhankiisa ka dhawaajiyey intii uu ku sugnaa magaalada London in aysan dawladda Ingiriisku kala hadlin Shidaalka iyo khayraadka dabiiciga ah ee dalka.
Dawladda KMG ah oo masuul ka ah dalka oo dhan haddana meesha kaliya oo hadda laga bilaabay shidaal qodista waa Puntland gaar ahaana Dooxada Dharoor oo ay hadda maamul ahaan ka arimiso Puntland lama saadaalin karo jawaabta iyana Puntland ka bixiso damaca la sheegay in laga leeyahay Shidaalkaas.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Boosaaso.

Baanka adduunka oo Somaliland ka bilaabay mashruuc ganacsiga kor loogu qaadayo

$
0
0

Hargeysa(RBC):- Shir  lagaga hadlayay horumarinta hantida iyo Ganacsiga gaarka ah ayaa maanta lagu qabtay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargaysa. Waxaa shirkaas soo qaban qaabiyay Baanka adduunka kaas oo horu-dhac u noqon doona mashruuc maalgashi oo Baanka adduunku ka fulinayo Somaliland.
Mr Bitar Maushi oo ah madaxa mashruuca horumarinta hantida gaarka ah ee Baanka adduunka ayaa ka warbixiyay ujeeddada laga leeyahay kobcinta hantida gaarka ah, waxaanu tilmaamay inay gacanta ku hayaan lacag gaadhaysa illaa Shan Milyan oo Doollar, taas oo loogu talo galay ayuu yidhi in kor loogu soo qaado hantiilayaasha amase ganacsatada Somaliland.
Najiib Xasan Xaashi oo ah Madaxa Mashruucan uu Baanka adduunku ka wado Somaliland, iyo Daved Filibis oo halkaasi ka hadlay ayaa ka qayb galayaasha sharrax ka siiyay shuruudaha looga baahan yahay qofka hantidiisa kor loo soo qaadayo iyo Nidaamka uu marayaba.
Waa markii ugu horreysay ee Baanka adduunku mashruucan oo kale ka bilaabo Somaliland, waxaana la rejaynayaa in ganacsato badan oo kuwa dabaqadaha dhexe iyo hoose ah kor loo soo qaado ganacsigooda.
 
RBC Radio
Xafiiska wararka Hargeysa.

Ololahe ku saabsan Tallaalka Hooyada iyo Dhallaanka oo Somaliland lagu soo gebo-gabeeyey

$
0
0

Hargeysa(RBC):- Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ee Gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa) Dr. Axmed Xasan Goolle ayaa maanta ka warbixiyay maalmaha tallaalka caafimaadka carruurta oo la soo gebo-gabeeyay.
Waxa uu Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ee Gobolka Maroodi-jeex u tilmaamay in guud ahaan tallaalkii hooyada iyo dhallaanka la gaadhsiiyay deegaannada hoos yimaadda gobolka Maroodi-jeex.
Dr. Axmed Xasan Goolle waxa uu sheegay in hawlhgalkani muddadii uu socday lagu  tallaalkay carruur lagu qiyaasay boqolkiiba Sagaashan, kuwaas oo ay da’doodu ka hoosayso Shan sano jirka.
Waxaa kale oo uu Isu-duwuhu xusay in Haweenka ay da’doodu u dhaxayso 15 sano illaa 45 jirka ay boqolkiiba toddobaatan tallaalkan qaateen, waxaanu intaas ku daray in carruurta laga tallaalay lixda cudur ee dilaaga ah oo ay barbar socotay dawooyinka carruurtu u baahan yihiin iyo cuntooyinka nafaqaysan ee haweenka la siiyo.
Ololahan ayaa muddo lix maalmood ah ka socday guud ahaanba gobollada iyo degmooyinka dalka Somaliland oo dhan, isla markaana gelinkii hore ee maanta laga soo gebo-gabeeyey dalka oo dhan. Kaasoo ay ka qaybqaadanayeen sagaal boqol konton kooxood oo Wasaaradda Caafimaadku u kala dirtay gobollada iyo degmooyinka dalka.
 
RBC Radio
Xafiiska wararka Hargeysa.

Andrew Mitchell: Waxba kama jiraan haba yaraatee

$
0
0

Xoghayaha Horumainta Caalamiga ee Britian, Andrew Mitchell, ayaa beeniyay war uu qoray wargeyska Observer oo ahaa in Britain ay hogaamineyso shidaal ka raadinta Soomaaliya.

Xaqiiqada Batroolka Somalia ku Jira

$
0
0

Wargeyska The Observer ayaa shalay qoray in Madaxda Soomaalida ee ka qeyb galay shirkii London ay la kulmeen madax reer Britain ah iyo madaxda shirkado waaweyn oo bartoolka soo saara.

Wareysi arrintaas la xiriira qeybta hoose ka dhageyso.

Madaxweyne Shariif oo ka Hadlay Shirkii London

$
0
0

Shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa Madaxweynaha DKMG Shariif Sheekh Axmed kaga halday shirkii London. Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyey wixii kasoo baxay.

Madaxweyne Shariif waxa uu ka hadlay joogitaankii Somaliland ee shirka, waxana uu sheegay in ay is arkeen madaxda Somaliland, in kasta oo aanay fursad dheer isku helin.

Warbixin arrintaas ku saabsan qeybta hoose ka dhageyso.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live